Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,214
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) – Somali Minister of Foreign Affairs, Ambassador Ahmed Moallim Fiqi, has accused Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed of attempting to spark conflict in the Horn of Africa to divert attention from his government's internal challenges. Source: Hiiraan Online
  2. Shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in hoos u dhac weyn uu ku yimid faa’iidooyinkii ay heli jirtay sañadka badhkii , taasoo ka dhalatay khalkhal ku yimid badda cas oo ay sababeen colaadda u dhexeysa Xuutiyiinta Yemen iyo Israa’iil. Hoos u dhacan ayaa la filayaa inuu shirkaddu u horseedo inay hoos u dhigto maal-gashigii ay ku lahayd gobolka Bariga Afrika. Faa’iidada DP World ayaa aad hoos ugu dhacday sanadkan $265 milyan, taasoo ku dhow 60 boqolkiiba hoos uga dhacday 651 milyan oo dollar oo la diiwaan geliyay isla muddadaas sannadkii hore. Guddoomiyaha iyo maamulaha guud ee shirkadda Sultan Ahmed bin Sulayem, ayaa hoos u dhaca u sababeeyay xaaladda juqraafiyeed ee sii xumaanaysa iyo khalkhal ku yimi silsiladda saadka ee badda cas. “Sanadka 2024-ka waxaa lagu asteeyay jawi siyaasadeed oo sii xumaanaya iyo khalkhal ku yimid silsiladaha sahayda caalamiga ah taas oo ay ugu wacan tahay dhibaatada badda cas,” ayay shirkaddu ku tiri hadal ay soo saartay. DP World ayaa si weyn u maalgelisay gobolka Bariga Afrika, gaar ahaan Dekedda Berbera ee Somaliland. Shirkadda ayaa sidoo kale indhaha ku haysay Dekedda Mombasa ee dalka Kenya, iyadoo dalku uu sahaminayo hindiseyaal gaar loo leeyahay oo lagu dhisayo goobo badan oo ku yaalla dekedaha Mombasa iyo Lamu. Sannadkii hore, maamulka dekedaha Kenya (KPA) ayaa ku martiqaaday daneeyayaasha suurtagalka ah si ay u muujiyaan xiisaha ay u qabaan kiraynta kaabayaasha dekedda iyada oo loo marayo iskaashiga dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Iskahorimaadka socda ayaa la arkay fallaagada Xuutiyiinta, tan iyo bishii Nofembar, oo beegsanaya maraakiibta mara marinka Badda Cas, oo ah marin biyood muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah. Weeraradan ayaa hakad galiyay isu socodkii badeecadaha lagu qiyaasay 1 trillion oo dollar sanadkii waxayna sababeen qaar ka mid ah howlgaladii ugu xooganaa ee ay ku lug lahaayeen ciidamada badda Mareykanka tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka. Si kastaba ha ahaatee, culayska dhaqaale ee ka imanaya carqaladaynta Badda Cas ayaa laga yaabaa inay ku qasbi karto DP World inay dib u eegto ama dib u dhigto qorshaheeda balaadhinta ee Bariga Afrika. Horumarkani waxa uu saamayn balaadhan ku yeelan karaa ganacsiga mandaqada iyo kobaca dhaqaalaha,maadaama maalgashiga DP World loo arkay in uu fure u yahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo casriyaynta deegaanka. Qaran News
  3. The Ministry of Health has warned Kenyans about spreading fake news about Mpox. Source: Hiiraan Online
  4. Mogadishu University has launched a pioneer faculty dedicated to civil aviation studies. Source: Hiiraan Online
  5. Mogadishu (HOL) — Prime Minister Hamza Abdi Barre launched the construction of a new passport issuance center in Mogadishu on Thursday. The facility, supported by the Danish Government, is located in the Boondheere district and is expected to streamline passport delivery. Source: Hiiraan Online
  6. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo saaray Qaraar muhiim ah oo ku saabsan Mamnuucidda in Dakhli Dawladeed Lagu Shubo ama Lagu Hayo Koonto Bangi ee aan ahayn Khasnadda Mideysan (TSA) Golaha Wasiirradu Wuxuu Meelmariyay Qaraarka Qodobadiisu Hoos Ku Qoran Yihiin: Qodobka 1-aad Joojinta in Dakhli Dawladeed Lagu Shubo ama Lagu maareeyo Koonto Bangi oo aan ahayn Khasnada Mideysan (TSA) Sida ku cad Qodobka 2(1)(r) iyo Qodobka 4-aad ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, dhammaan dakhliga Dawladda Federaalka Soomaaliya waa in lagu shubaa, laguna maamulaa Khasnadda Mideysan oo keliya (TSA). Si waafaqsan Qodobka 4(2) iyo Qodobka 42(4), waxaa mamnuuc ah in dakhliga Dawladda lagu qabto ama lagu hayo koonto bangi oo aan ahayn Khasnada Mideysan (TSA). Si waafaqsan Qodobka 4(3) ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, dakhliga Dawladda Federaalka waxa ku jira dhammaan lacagaha ay qabtaan hay’adaha Dawladda, iyo sidoo kale dhammaan lacagaha lagu soo ururiyo magaca hay’ad Dawladeed, ama midka Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin balse aan ku xaddidnayn dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan ee loo ururiyo si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka kala duwan ee dhaqangalka ah. Qodobka 2-aad Hay’adda Dawladda Mas’uulka uga ah Dakhli Ururinta Sida ku cad Qodobka 8(2) ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, Wasaaradda Maaliyadda ayaa ah hay’adda kaliya ee u xilsaaran ururinta, maareynta iyo la socodka dhammaan noocyada kala duwan ee dakhliga Dowladda Federaalka Soomaaliya. Iyada oo aan waxba loo dhimayn doorkooda bixinta adeegyada Dawliga ah, dhammaan hay’adaha kale ee Dawladda, ha ahaadan rayid ama ciidan, waxaa ka mamnuuc ah, inay si iskood ah u ururiyan ama u maareeyaan dakhliga Dawladda, oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan. Qodobka 3-aad Dejinta Tacriifadaha Si waafaqsan Qodobka 6(b) iyo Qodobka 108 ee Sharciga Maamulka Dakhliga, 2019, Wasiirka Maaliyadda oo kaliya ayaa awood loo siiyay dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn tacriifadaha dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan. Iyada oo aan waxba loo dhimayn doorkooda dhaqan-gelinta iyo fududaynta bixinta noocyada kala duwan ee dakhliga Dowladda, dhammaan hay’adaha kale ee Dawladda, ha ahaadan rayid ama ciidan, waxaa ka mamnuuc ah dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn tacriifadaha dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan. Iyadoo u-hoggaansamaysa Qodobka 6(b) iyo Qodobka 108 ee Sharciga Maamulka Dakhliga, 2019, Wasaaradda Maaliyaddu waa in ay sahan dhamaystiran ku samayso dhammaan tacriifadaha hadda jira ee la xiriira ilaha kala duwan ee dakhliga Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo hubiyo in dhammaan tacriifadahaas, oo ay ku jiraan kuwa canshuuraha, khidmadaha, iyo ganaaxyada, ay la socon kara xaaladaha dhaqaale ee Dalka. Qodobka 4-aad Dib-u-eegista Heshiisyada iyo Qandaraayadda aan waafaqsanyn Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019 iyo Sharciga Iibka ee Qaranka 2016 Si loo hubiyo u hogaansanaanta qodobbada sharciga islamarkasna looga hortago khataraha maaliyadeed ee ka dhalan kara, waa in dhammaan heshiisyada saamaynta maaliyadeed leh ee dhaqangalka ah ee sharciga baalmarsan la waafajiyaa Sharciga Iibka ee Qaranka, 2016, iyo Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019. Dhammaan heshiisyada caalamiga ah ee saamaynta maaliyadeed leh ee Dawladda Federaalka Soomaaliya kula jirto shirkadaha shisheeye waa in dib u eegis lagu sameeyo lana waafajiyo sharicga marka wakhtigoodu dhammaado kahor inta aan la cusboonaysiin. Wasaaradda Maaliyadda waxaa la farayaa in ay hortabin siiso si joogta ahna u bixiso kharashaadka ka dhasha heshiisyada Dawladdu kula jirto shirkadaha gaarka loo leeyahay si looga fogaado ganaaxyada sharci ee ka imaan kara. Qararkan waxaa lagu baabi’iyay dhammaan heshiisyada hoos ku xusan: (b) Heshiiska lagu fuliyo adeegyada la socodka koonteenarada ee electrooniga ah (electronic container tracking) oo ay horay loo galay. (t) Heshiiska lagu fuliyo adeega dhaqista koonteenarada (container cleaning services) oo horay loo galay. (j) Heshiiska fayadhawrka ee Dowladda Hoose. Qodobka 5-aad Qodobo Qubane ah Iskaanka lagu hubiyo badeecadaha kasoo dega Dekadda Muqdisho waa in la dhimo qiimaha adeegga konton boqolkiiba (50%) iyadoo khidmadda kasoo xaroota lagu qabanayo Khasnadda Midaysan. Ganacsatada Soomaaliyeed ee badeecaddaha kala soo daga furdooyinka Soomaaliya waxaa la farayaa inay shahaadada caddaynta tayada baddecadda ay kala yimaadan shirkadda Veritas ee Dawladda Soomaaliya ugu xilsaaran hubinta tayada badeecadaha. Waxaa la joojiyay lacagaha howl fududeynta ah ee aan sharciga ku saleysneyn ee ganacsatada looga qaado Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha. Dhammaan mas’uuliyiinta iyo howl-wadeenada Shirkadda Alport Mogadishu, kuwa Furdada, Ciidanka Ilaalada Canshuuraha iyo hay’addaha kale ee amniga ma samayn karaan xannibaad ama daahis ay ka dhalan karto kharash ku siyaada badeecadda Dekadda. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waa inay dejisaa qorshe lagu fududeynayo adeegayada laga bixiyo Dekedda Muqdishu. Dhammaan shirkadaha dillaalayda furdooyinka iyo wakiiladda maraakibta (customs brokers & shipping lines) waxaa ka mamnuuc ah inay ku dallacaan ganacsatada lacagaha fududeynta ah oo lagu bixiyay si sharci daro ah. Waxaa la joojiyay lacagaha laga qaado gaadiidka xammuulka ah ee ka baxa baraha koontaroolada ah ee magaalada Muqdisho sida Afgooye iyo Balcad. Waxaa la yareeyay khidmadda Kaarka Ogolaanshaha Gelista Dekadda (Port Access Permit), waxaana laga dhigay $40 doolar oo kaliya, iyadoo meesha laga saaray qaadista lacag dhan $110 doolar. Waxaa meesha lag saaray kharash kasta oo ku bixi jiray howlaha loogu yeeray Kontaynar-jabinta. Cid kasta oo ku lug yeelata qaadista khidmadaan la mamnuucay waxaa laga qaadi doonaa tallaabooyin sharciga waafaqsan. Wasaaradda Ganacsiga waxaa la farayaa in ay u kuurgalid iyo wadatashiyo ka soo samayso cabashooyinka iyo khilaafaadka u dhexeeya ganacsatada, isla markaana soo jeedin ay keento Golaha Wasiirrada. Waxaa la farayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada inay keento qorshe lagu xallinayo cabashooyinka ka jira gaadiidka xamuulka ka qaada Dekedda Muqdisho, isla markaana soo jeedin ay keento Golaha Wasiirrada. Source: goobjoog.com
  7. MOGADISHU (Xinhua) -- The United Nations relief agency said 28.6 million U.S. dollars has so far been allocated for life-saving humanitarian response in Somalia in 2024. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) — The Somali Civil Aviation Authority (SCAA) has issued an ultimatum to FlyDubai and Ethiopian Airlines, threatening to suspend their operations within Somalia if the airlines do not correct serious violations related to the misrepresentation of Somali destinations on their platforms. Source: Hiiraan Online
  9. Garowe (PP Commentary ) — In February 2023, when the Foreign Minister of the Somaliland Administration, Essa Keyd, claimed that his “administration is a buffer zone for Ethiopia,” the Las Anod conflict was raging. Ethiopia responded to the conflict by trying to mediate between the Somaliland administration and the leaders of Sool, Sanaag, Cayn, and Khatumo. Ethiopian mediators visited Garowe several times, but Somaliland insisted on its narrative that it was fighting Al-Shabaab in Las Anod. The Federal Government did not object to either of these claims — Somaliland as a buffer zone for Ethiopia, and fighting Al-Shabaab in Las Anod. These two claims were clear violations of Somalia’s sovereignty, to which the Federal Government of Somalia turned a blind eye. The Somaliland administration rejected several UN Security Council calls for a ceasefire and the withdrawal of Somaliland troops from the outskirts of Las Anod. The President of Somaliland, Muse Bihi Abdi, claimed that only when a two-state solution is entertained would the conflict come to an end. The defeat of Somaliland forces at Goja’adde foxholes on 25 August 2023 changed not only the political dynamics in Somalia but also triggered geopolitical uncertainties, exemplified by the maritime Memorandum of Understanding that Abiy Ahmed, the Prime Minister of Ethiopia, signed with Muse Bihi Abdi, the President of the secession-seeking administration of Somaliland. The Somaliland administration and its supporters described the Goja’adde defeat as “the withdrawal of Somaliland forces,” but that changed when Bihi clarified several days ago near Oog that what happened was “a setback.” It was more than a setback. If Somaliland forces had advanced to what used to be the border between the ex-British Somaliland and ex-Italian Somaliland, Muse Bihi would claim a right to statehood. He would seek recognition based on what ardent secessionists describe as “realities on the ground.” Failure to achieve its secession through conflict forced the Somaliland Administration to seek a vassal state status under Ethiopia as a path to attaining secession. If anything, Ethiopia owes its current muscular policy for sea access to the defeat of Somaliland militia at Goja’adde. It was a turning point in Somali political history and overshadowed even the capture of Elbur by the Somali National Army on 25 August 2023. Recently, President Hassan Sheikh Mohamud claimed that Ethiopia does not regard Somalia as a sovereign country. Somaliland was waging a war against the sovereignty of Somalia, but the Federal Government of Somalia did not reject the secessionists’ claims to sovereignty. That indifference to domestic threats to the sovereignty of Somalia sends a message to any country with expansionist motives. The security pact the Federal Government of Somalia signed with Ethiopia in December 2023 strengthened Ethiopia’s perception that all Somali stakeholders seek Ethiopia’s assistance to attain political goals in Somalia. Somaliland administration leaders would be wrong to think that Ethiopia does not understand the political impact of the six-month-long Las Anod conflict. Haile Selassie understood that secession in Somalia could ignite ethnonationalist movements within Ethiopia. © Puntland Post, 2024. The post The Las Anod Conflict and Geopolitical Uncertainties in the Horn of Africa appeared first on Puntland Post.
  10. (Bloomberg) -- Somalia’s civil aviation authority threatened to block Ethiopia Airlines, Africa’s biggest carrier, from flying into the country amid a dispute over the sovereignty of a breakaway region. Source: Hiiraan Online
  11. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka, Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha usoo magacowgay dalkeenna Mudane Wang Yu ayaa ka guddoomay Warqadaha aqoonsigiisa Safiirnimo. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Safiirka cusub sida diirran ee uu u soo bandhigay doonista uu u qabo inuu xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo tilmaamay ahmiyad ay leedahay xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga. Safiirka cusub ee Shiinaha Mudane Wang Yu, ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliya soo dhaweynta diirran, waxa uuna soo gaarsiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda salaan iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha dalkiisa mudane Xi Jinping. Source: goobjoog.com
  12. The Ministry of Aviation and Aviation of Somalia has sent a letter to Fly Dubai and Ethiopian Airlines. The Ministry of Aviation and Aviation of Somalia does not operate in Somaliland and does not manage Somaliland airports So the letters sent by the Ministry of Aviation and Aviation of Somalia to Fly Dubai and Ethiopia Airlines were written as mentioned below. Qaran News
  13. Mogadishu (HOL) — The Director of the National Security and Intelligence Agency (NISA), Abdullahi Mohamed Ali Sanbaloolshe, alongside other security officials, visited the site of a car bomb explosions on the outskirts of Mogadishu on Tuesday morning. Source: Hiiraan Online
  14. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa maanta dhaq-dhaqaaqyo horleh ka bilaabay gudaha dalka, kuwaas oo si aad ah looga dareemay gobollada ay ka howlgalaan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in dhaq-dhaqaaqyada ay la xiriiraan bixista ciidamada Itoobiya oo la filayo inay ka wada baxaan dalka Soomaaliya. Boqolaal ka tirsan ciidamada Itoobiya oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa hadda bilaabay inay faarujiyaan saldhigyada ku yaalla gobollada ay ka howlgaan sida Hiiraan, Gedo, Baay iyo Bakool. Ciidamadan oo qayb ka ah howlgalka ATMIS ayaa hadda hormuud u noqonaya dhimista ciidamada shisheeye ee dhammaanka sanadkan ka baxaya gudaha Soomaaliya. Bixitaanka ciidamadan waxaa sidoo kale soo dadajisay xiisadda Soomaaliya kala dhexeysa Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda ee uu Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland. Arrintan ayaa sidoo kale kusoo aadeysa, ayada oo dhowaan Golaha Ammaanka ee QM ay ansixiyeen howlgalka cusub ee beddalaya ATMIS, kaas oo la filayo inuu bilowdo sanadka soo socda ee 2025, waxaana kusoo biiraya Masar oo ay sidoo kale is hayaan Itoobiya. Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan raadineyso taageero caalami ah, ayada oo skaashi milatari la yeelaneyso dowladaha waa wayn, waxaana ugu dambeeyay heshiisyo difaac oo lala soo galay dowladaha Masar iyo Sacuudi Carabiya. The post Ciidanka Itoobiya oo dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabay gudaha Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  15. Maxaysan Itoobiya u isticmaali karin dekedda Cassab Xiisad ayaa ka dhalatay geeska Afrika ka dib markii Itoobiya ay sheegtay inay doonayso inay badda marin u hesho. Dalkan ay 120ka malyan ee qof ku nool yihiin ayaa albaabo badan garaacay si uusan ugu tiirsanaan Jabuuti kaligeed. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka hadlay baahida ay Itoobiya u qabto deked, ayaa hadalkiisa wuxuu dhaliyey walaac inay ka qaadaan qaar ka tirsan dalalka gobolka. Markii ugu horreysay ee Itoobiya ay ka hadashay deked, mid ka mid meelaha ay soo hadal qaadeen waxay ahayd dekedda Cassab. Itoobiya ayaa dekedaas ganacsi u iticmaalaysay muddo ka badan 100 sano. Laakinse markii Itoobiya iyo Eritrea ay kala go’een Itoobiya suurtogal uma noqon inay sii isticmaasho. Ilaa iyo 1995, badeecadaha ka soo dega iyo kuwa ka dhoofa dekedda Cassab waxay ahaayeen kuwo Itoobiya leedahay. Cassab waxay ahayd deked Itoobiya leedahay, Itoobiyana waxaa uga furnaa halkaas qayb ka tirsan xafiiska kastamyada sida ay hay’adda IMF ku xustay warbixin ay soo saartay 1995. Dhanka kale, Itoobiya waxay lahayd warshadda sifaynta shidaalka ee Asabi. Labada dal ayaa heshiis kala saxiixday 1993, waxaana warshadda sifaynta shidaalka ku shaqaynayey hay’adda shidaalka ee Itoobiya. Eritrea waxay shidaalka ku gadan jirtay lacagta Birr-ta. Gaadiidka iyo adeegga dekedda, Itoobiya waxay bixinaysay Birr ayadoo siinaysay Eritrea. Laakinse Itoobiya waxay joojisay isticmaalka dekedda Cassab wixii ka dambeeyey 1998, sida laga soo xigatay hay’adda IMF Hawlgalka Yemen oo cadaadis saaray dekedda Cassab Tan iyo 2011, xiisadda dalka Yemen ayaa saamayn ku yeelatay dekedda Cassab. Hawlgallada Iimaaraadka iyo Sacuudiga ee ka dhanka ah Xuutiyiinta ayaa u baahday saldhig. Eritrea waxay iyadana taageeraysay hawlgallada milateri ee ka dhanka ah Xuutiyiinta, waxayna Iimaaraadka u ogolaatay inuu halkaas saldhig ka samaysto. Laakinse Iimaaraadku wuxuu sheegay inu ka guurayo saldhigaas. Hase yeeshee, marba haddii u Iimaaraadku iskaga baxay saldhigga, maxay Eritrea u diidday inay u ogolaato Itoobiya inay isticmaasho dekedda? Maxaa Itoobiya loogu diiday dekedda Cassab? 2018, ka dib sannado cadawtinimo ay dhex taallay Eritrea iyo Itoobiya ayaa soo afjarmay, ka dib markii uu awoodda la wareegay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.Hogaamiyeyaasha labada dal ayaa ku kulmay Sacuudiga, waxayna saxiixeen heshiis nabadeed. Waddooyinka isku xira labada dal ayaa sidoo kale la furay, waxaana ka mid ah waddada isku xirta Cassab . Dhuunta shidaalka ee Asabir – Finfinnee ayaa la sheegay inay muhiin u tahay dhaqaalaha labada dal. Xilligaas saraakiisha Eritrea waxay sheegeen in dekedda Cassab ay diyaar u tahay inay hawlaheeda sii waddo, ayadoo saraakiisha gaadiidka ee Itoobiyana ay sheegeen in xaaladda waddada Cassab ay tahay mid wanaagsan. Taa waxaa ku xigay inuu qarxay dagaalka waqooyiga Itoobiya, Eritrea-na ay taageertay Itoobiya oo markaa la dagaallamaysay xoogagga Tigray. Labada dal waxay isku afgarteen inay ka wada shaqeeyaan dhowr mashruuc oo uu ku jiro in la yagleelo aagga wadajirka ah ee dhaqaalaha. Itoobiya waxay sannad kasta siisaa 1.5 bilyan oo dollar oo kiro ah dalka Jabuuti, taasoo ah kirada dekedda, sida ay BBCda u sheegeen dad u dhuundaloola. Haddaba su’aasha aisweydiinta mudan ayaa ah maxay Eritrea u diidday in Itoobiya ay u ogolaato isticmaalka dekedda Cassab. Xukuumadaha labada dal si cad ugama aysan hadlin sababta heshiiska ay labada dal gaareen aan loo dhaqan gelin. “aad ayey ugu adag tahay in la ogaado sababta, waayo dhinacna kama usuan hadlin” ayuu BBC u sheegay qof ka gaabsaday in magaciisa la sheego. Khubaradu waxay sheegayaan in Itoobiya ay ka faa’iidi kartay dekedda Cassab, in ka yar kirada ay siiso Jabuuti. Xiriirka u dhaxeeya Itoobiya iyo Eritrea uma wanaagsana sidii uu ahaan jiray, ka dib markii heshiiska lagu gaaray Pretoria, khudbaddii uu Abiy Axmed kaga hadlay in ay bad helaanna kama farxinin Eritrea. Wuxuu sheegay in aysan ahayn in Itoobiya ay lumiso marinkeeda badda cas ayadoo ah dal ay ku nool yihiin 120 malyan oo qof. Taa waxay keentay in Itoobiya ay heshiis is faham la saxiixato Somaliland, kaasoo xiisad ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya. Itoobiya oo u baahan 12 deked Daraasad la sameeyey 10 sano ka hor ayaa muujisay in Itoobiya ay u baahan tahay 12 dekedood. Labada dekedood ee Eritrea ee Cassab iyo Musawac waxay u dhow yihiin Itoobiya, waana kuwo faa’iido dhaqaale u leh labada dal. Gaar ahaan dekedda Cassab haddii la casriyeeyo, lana ballaariyo, kaliya looma isticmaali doono Itoobiya ee waxaa lo iticmaali karaa adeegyada caalamiga. Haddii Eritrea ay u ogolaato Itoobiya inay isticmaasho, waxay kaalin weyn ka ciyaari kartaa dhaqaalaha labada dal, oo ay ku jiraan sidii fursado shaqo ay u heli lahaayeen muwaadiniinta labada dal. Awoodda dekedda Cassab intee gaarsiisan tahay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa waraysi ku sheegay “in ay adag tahay in la yiraahdo dekedo ayaan leennahay”. “Cassab waxay u baahan tahay in la horumariyo oo la weyneeyo” ayuu yiri, wuxuuna intaa ku daray in haddii la horumariyo ay adeeg u fidin karto ay adeegyo siin karto dalalka gobolka oo Itoobiya ku jirto. “Hadda lama dhihi karo Cassab waa deked” ayuu yiri, wuxuuna intaa ku daray in xukuumaddu qorshaynayso in dekedda dib loo cusboonaysiiyo. Shirkadda Iimaaraadka laga leeyahay ee DP World ayaa ku dhawaaqday inay billowday dib u cusboonaysiinta dekedaha Eritrea si Tayada adeegyadooda loo horumariyo, taasoo ay codsatay xukuumadda Eritrea. Dekedda Cassab ayaa awood u leh inay ka degaan 385,930 mitrik tan oo xamuul ah, waxayna leedahay dhul gaaraya 275, 320 mitir oo isku wareeg ah oo meel loogu tala galay in xamuulka la dhigo. Bbcsomali Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya, mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta qaraxyadii maanta ka dhacay duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Sanbaloolshe ayaa si deg-deg ah ku booqday goobaha ay qaraxyada ka dhaceen oo kala ah degmada Garasbaaley iyo duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha. Taliyaha ayaa kasoo muuqday xaafadda Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo ay saaka ciidamada NISA ku qarxiyeen gaari ay qaraxyo kasoo buuxiyeen Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya “Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa tegay xaafadda Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo ciidanka NISA ay saakay ku fashiliyeen labo gaari oo Khawaarijtu ay ku soo rareen qaraxyo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Muqdisho” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah. Sidoo kale Taliye Sanbaloolshe ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha ku sugnayd goobaha ay qaraxyada ka dhaceen, kuwaas oo la wadaagay xogta weeraradii maanta. “Ciidamada ammaanka oo ka warhelay dhagarta ay Khawaarijtu soo maleegeen ayaa ku guuleystay inay ka hortagaan qaraxyadaas, Taliyaha NISA oo tegay goobihii lagu fashiliyey dhagartii Khawaarijta ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ka howlgala aagaas” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Qaraxa ka dhacay dhanka Garasbaaley oo ismiidaamin ahaa ayaa lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen ciidanka NISA waxaana lagu dilay 5 askari, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, halka qaraxa ka dhacay duleedka Ceelasha aanu gaysan wax khasaare nafeed ah. Weeraradan qaraxyada ah ayaa kusoo aaday, ayada oo haatan Muqdisho ay ka taaganayd xaalad cabsi ah oo ku aadan weeraro laga digayay inay ka fuliyaan Al-Shabaab. The post Taliyaha NISA oo qaaday tallaabo culus kadib qaraxyadii maanta + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  17. Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa tegay xaafadda Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo ciidanka NISA ay saakay ku fashiliyeen labo gaari oo walxaha qarxa ku rarnaa, islamarkaana la sheegay inay ku soo wajahnaayeen magaalada Muqdisho. Ciidamada ammaanka oo ka warhelay dhagarta ay Khawaarijtu soo maleegeen ayaa ku guuleystay inay ka hortagaan qaraxyadaas, Taliyaha NISA oo tegay goobihii lagu fashiliyey gaariga qaraxa sida ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ka howlgala aagaas. Ka hortagga qaraxa ayaa waxaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooday sarkaal ka tirsan ciidanka oo gaari ciidan oo cabdi-bilaha loo yaqaanno ah ku hor gooyay baabuurka qaraxa sida ka dibna ku naf waayay oo qaruxu galaaftay, kaas oo lagu tilmaamay geesi difaaca dadkiisa iyo dalkiisa u dhintay. Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil milatari oo ka socda Boqortooyada Sacuudiga ayaa gelinkii dambe ee shalay soo gaaray gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay gudaha caasimada. Saraakiishan ayaa markii ay kasoo dageen garoonka Aadan Cadde horay ka bilaabay booqashooyin, waxayna tageen xerada General Gordan oo ah goob oo uu Imaaraadka ku tababaro ciidamada dowladda Soomaaliya. Ujeedka booqashada ayaa ahaa mid ay ugu guurgalayeen xaaladda guud ee xeerada, waxaana lagu sheegay in booqashadaas ay ahayd mid indho-indheyn ah oo kaliya. Sidoo kale waxaa wafdigan saraakiisha ah ee ka socda dalka Sacuudiga ay kulamo la bilaabeen hoggaanka sare ee wasaaradda gaashaadhigga iyo taliska Ciidanka Xoogga dalka, kuwaas oo looga hadlayo xiriirka iyo iskaashiga ay leeyihiin labada dhinac. Sida ay ogaatay Caasimada Online qorshaha uu wafdigan u yimid Muqdisho ayaa waxaa qayb ka ah hirgelinta heshiis difaac oo ay horay u wada galeen labada dowladood. Sacuudiga ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan laleh Soomaaliya, wuxuuna hadda doonayaa inuu sii xoojiyo iskaashiga dhinaca milatariga ah, kana qayb qaato dhismaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Maraykanka, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa horay saamayn ciidan ugu lahaa Soomaaliya, kuwaas oo taageero milatari siiya dowladda federaalka oo haatan dagaal adag kula jirta kooxda A-Shabaab Sacuudiga waxaa sidoo kale lamid ah Masar oo iyadana dhowaan heshiis difaac la gashay Soomaaliya, sidoo kalena usoo direysa ciidamo ku biiraya howgalka cusub ee beddalaya ATMIS oo la filayo in sanadkan dhammaadkiisa ay ka baxdo guud ahaan dalka. The post Saraakiil Sacuudiyaan ah oo qarsoodi ku yimid MUQDISHO + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  19. Madaxweynaha Puntland ayaa maanta Nairobi kulan kula yeeshay Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya. Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu magaalada Nairobi Kulan kula yeeshay Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mrs. Karin Johannson. War Qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Kulankaasi looga hadlay guud ahaan Xaaladda Soomaaliya iyo gaar ahaan Horumarka ka socda Puntland. Arrimaha Puntland waxa Kulanka looga hadlay “dhinacyada Amniga, dimuqraadiyadda, mashaariicda iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee Midowga Yurub iyo Puntland.” PUNTLAND POST The post Puntland iyo Midowga Yurub oo ku ballamay Xoojinta Iskaashigooda dhinacyada Amniga iyo Horumarinta Mashaariicda appeared first on Puntland Post.
  20. Xukmane Shabaab Cabdirahman Awal Maxamed (Siigayste) oo kamid ahaa saddex maxbuus oo ka baxsaday xabsiga Caska ee magaalada Gaalkacyo ayaa maanta dib gacanta loogu dhigay sida uu shaaciyay Taliska Booliska Puntland. Taliska Qaybta Booliska Mudug Gobolka Mudug oo kaashanaya Laamaha kala duwan ee amnniga ayaa ku guulaystay in ay gacanta kusoo dhigaan Xukmane Shabaab Cabdirahman Awal Maxamed (Siigayste) kaa soo kamid ahaa 3 maxbuus oo baxsad ahayd horayna haldoor badan ugu dilay Gaalkacyo. Taliye Ku xigeenka Qeybta Booliska Gobolka Mudug Gaashaanle Dhexe, Cabdi Siciid Xuseen Jamac (Koomaad) ayaana ku wareejiyay Xabsiga weyn ee Magalada Galkacyo. PUNTLAND POST The post Booliska Puntland oo sheegay in ay dib gacanta ugu dhigeen mid kamid ah maxaabiistii ka baxsaday xabsiga Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Bare oo maanta ka qayb-galay munaasabad ka dhacday degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa dhagax-dhigay dhismaha xarun wax badan u tari doonto reer Muqdisho. Xamza ayaa dhagax dhigay laanta bixinta adeegga Baasaboorrada oo laga hirgeliyey degmada Boondheere, taas oo wax weyn ka tari doonta bixinta adeegga ay hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya siiso dadwaynaha Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa munaasabaddan goobjoog ahaa duqa magaalada Muqdisho, qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada xukuumadda Soomaliya iyo shacabka degmada oo soo dhaweeyay dhagax-dhiga xaruntan cusub. Ra’iisul Wasaaraha oo madasha ka hadlay ayaa kula dardaarmay howlwadeennada hey’adda in ay si hufan ugu adeeggaan bulshada, isaga oo intaas ku daray in xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in shacabka loo dhaweeyo adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin. Sidoo kale waxa uu xusay in hirgelinta xaruntani ay qeyb ka tahay dadaallada Xukuumaddu DanQaran ay ku doonayso in ay kor ugu qaaddo tayada iyo helitaanka adeegyada dadweynaha Soomaaliyeed ay uga baahan yihiin dowladooda. Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa horay sidaan oo kale xarumo uga daah-furtay magaalada Muqdisho, si adeegga loogu dhaweeyey shacabka. Waxaa sidoo kale dhowaan hay’addu xarun cusub oo laga qaadan doono adeegga Baasaboorka ay ka furtay deegaanka Feerfeer ee gobolka Hiiraan oo dhaca dhanka xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo ah tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday. The post Xamza oo dhagax dhigay xarun wax badan u tari doonto reer Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  22. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa dhagax dhigay xarunta cusub ee Baasaboorada oo laga hirgelinayo Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho. Masuuliyiin kala duwan oo Xukuumadda iyo maamulka Gobolka Banaadir ka tirsan ayaa goobjoog ka ahaa dhagax dhigga xaruntan oo lama filayo inay kaalin weyn ka geysan doonto helidda adeegga baasaboorka oo ay dadweynuhu culays kala kulmaan maadaama xarunta Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha kaliya ay hadda dadka caasimaddu ka qaataan. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu dhowaan laamo kala duwan ka furatay gobollo iyo magaalooyin badan oo dalka kamida, islamarkaana ay dowladdu doonayso in helidda adeeggaas muhiimka ah loo fududeeyo dadweynaha Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  23. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada, Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha usoo magacowgay Soomaaliya Mudane Wang Yu. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah Waraaqaha Safiirnimo uga guddoomay Danjiraha cusub ee dowladda Shiinaha u fadhin doona Muqdisho Mr. Wang Yu sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Safiirka cusub sida diirran ee uu u soo bandhigay doonista uu u qabo in uu xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo tilmaamay ahmiyad ay leedahay xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga. Safiirka cusub ee Shiinaha Mudane Wang Yu, ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliya soo dhaweynta diirran, waxa uuna soo gaarsiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda salaan iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha dalkiisa mudane Xi Jinping. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo Waraaqaha Safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee Shiinaha appeared first on Puntland Post.
  24. Soomaaliya waxaa loo aqoonsanyahay dal aan beeso lahayn(Cashless), kadib markii uu meesha ka baxay isticmaalkii Shillinka, taasi oo ka dhigan in wixii dhaqdhaqaaq lacag ah oo wax isdhaafsi, gadasho, iib ama keydba ay u dhacaan si danabeysan oo Mobile ah, iyada oo la isticmaalayo doolarka Mareykanka. Waxaa intaa dheer bangiga dhexe oo ah mid adeegiisu yahay keyd, oo aan maamulin lacag ama dejin siyaasadda sicirka suuqa. Maqnaanshaha lacagta Shilinka Soomaaliga ayaa muddo dheer saameyn weyn ku yeeshay dhaqaalaha Soomaaliya, taasoo abuuray caqabado badan oo dhinaca maamulka maaliyadeed, ganacsiga, iyo nolosha guud ee bulshada. Lacagta qalaad, gaar ahaan doollarka Mareykanka, ayaa noqotay tan ugu badan ee laga isticmaalo dalka, taasoo hoos u dhigtay qiimaha iyo kalsoonida shacabka ee Shilinka Soomaaliga. Saamaynta Dhaqaalaha *Sicir Bararka iyo Qiimaha Sarifka*: Maqnaanshaha Shilinka Soomaaliga ee baahsan iyo ku tiirsanaanta doollarka ayaa horseeday sicir barar joogto ah. Maaddaama doollarku yahay lacag qalaad oo dalka ku soo gasha qaab ganacsi iyo gargaarka caalamiga ah, waxaa mararka qaar la kulmaa sarifka isbedelaya ee aan la saadaalin karin. Tani waxay dhibaato ku tahay ganacsatada yaryar iyo kuwa waaweynba, maadaama aysan si dhab ah u maareyn karin qiimaha sarifka. *Shaqo Abuurka iyo Maalgashiga*: Maqnaanshaha lacagta gudaha ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay shaqo abuurka iyo maalgashiga gudaha. Ganacsatadu waxay ku qasban yihiin inay lacagtooda ku shubaan suuqyada lacagaha qalaad, taasoo keentay in fursadaha shaqo abuurka gudaha ay yaraadaan. Waxaa kaloo adag in la helo maalgashi gudaha ah oo ku tiirsan lacagta Shilinka Soomaaliga. *Kalsoonida Bulshada iyo Maareynta Maaliyadda*: Bulshada Soomaaliyeed badankood waxay lumiyeen kalsoonidii ay ku qabeen Shilinka Soomaaliga, taasoo keentay inay lacagtooda ugu isticmaalaan doollar oo keliya. Maqnaanshaha lacag u gaar ah dalka waxay sidoo kale dhibaato ku tahay maamulka iyo qorsheynta maaliyadda ee qoysaska, maadaama la kulmaan isbedelada aan la saadaalin karin ee ku yimaada sarifka lacagaha qalaad. Muhiimadda Lacag Cusub Oo Dalka U Gaar Ah *Dib U Soo Celinta Kalsoonida Shilinka Soomaaliga*: Soo saarista lacag cusub oo Shilinka Soomaaliga ah oo tayadeedu sarreyso waxay suurto galin kartaa dib u soo celinta kalsoonida shacabka ee lacagta dalka. Waxaa lagu gaari karaa in lagu daabaco lacag ka hortagta been abuurka si bulshada loo siiyo kalsooni. *Maamulidda Dhaqaalaha* Haddii dowladda ay soo saarto lacag cusub oo u gaar ah, waxay ku maamuli kartaa dhaqaalaha dalka si wax ku ool ah, oo ay ku maareyn karto sicir bararka iyo qiimaha sarifka lacagaha qalaad. Lacagta cusub waxay sidoo kale dhiirrigelin kartaa in ganacsatada iyo bulshada ay dib u bilaabaan isticmaalka lacagta gudaha, taasoo yareyn karta ku tiirsanaanta doollarka. *Kobcinta Ganacsiga iyo Shaqo Abuurka*: Lacag cusub oo gudaha ah waxay kor u qaadi kartaa ganacsiga gudaha iyo shaqo abuurka. Haddii ganacsatada yaryar ay heli karaan maalgelin ku saleysan Shilinka Soomaaliga, waxay suurto galin kartaa kobaca dhaqaale ee dalka. Sidoo kale, waxay fursad siin kartaa ganacsatada si ay u ballaariyaan ganacsigooda iyaga oo aan ka walwalin isbedelada qiimaha sarifka. Gabagabo Maqnaanshaha lacagta Shilinka Soomaaliga ee dalka ayaa saameyn weyn ku yeeshay dhaqaalaha, taasoo abuurtay caqabado badan oo dhinaca sicir bararka, ganacsiga, iyo kalsoonida bulshada. Waxaa lagama maarmaan ah in Soomaaliya ay leedahay lacag cusub oo u gaar ah, taasoo dabooli karta baahida loo qabo isticmaalka Shilinka Soomaaliga, isla markaana kaalin muhiim ah ka qaadan karta kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta ganacsiga gudaha. Qorsheyn iyo maarayn dhab ah oo dowladda ay ku sameyso soo saarista lacagta cusub ayaa noqon karta talaabo horumarineed oo loo baahan yahay xilligan. Source: goobjoog.com