-
Content Count
213,099 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee magacaabidda Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaas oo loo magacaabay Generaal Asad Cismaan Cabdullaahi. Taliyaha cusub ee Goluhu ansixiyey, ayaa ah sarkaal aqoon iyo khibrad u leh arrimaha ciidammada, isaga oo intii u dhaxeysay sanadihii 2007 ilaa 2018 soo noqday Taliyaha Ciidanka Amniga Puntland ee PSF. Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliya Gen. Asad Diyaano appeared first on Puntland Post.
-
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kualankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee magacaabidda Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaas oo loo magacaabay Generaal Asad Cismaan Cabdullaahi. Taliyaha cusub ee Goluhu ansixiyey, ayaa ah sarkaal aqoon iyo khibrad u leh arrimaha ciidammada, isaga oo intii u dhaxeysay sanadihii 2007 ilaa 2018 soo noqday Taliyaha Ciidanka Amniga Puntland ee PSF. Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac. Source: goobjoog.com
-
TOPSHOT – Russian President and presidential candidate Vladimir Putin meets with the media at his campaign headquarters in Moscow on March 18, 2024. (Photo by NATALIA KOLESNIKOVA / POOL / AFP) (Photo by NATALIA KOLESNIKOVA/POOL/AFP via Getty Images) Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa uga digay reer galbeedka in Ruushku uu isticmaali doono hubka Nukliyeerka haddii lagu soo weeraro gantaalaha caadiga ah. Vladimir Putin ayaa sidoo kale sheegay in weerar kasto oo lagu soo qaado Ruushka, kaas oo ay gadaal ka taagantahay dowlad ku hubeysan niyukleer, in Moscow ay u tixgelin doonto mid si wadi jar ah loogu soo qaaday. Hoggaamiye Putin oo furay shirka Golaha Amniga Ruushka, ayaa sheegay in isbaddaladani dhanka niyukleerka ah ay dowladdiisu uga jawaabeyso, isbaddalka deg degga ah ay ku dhacaya muuqaalka dunida kaas oo uu sheegay in uu khatar ku yahay Ruushka. Ruushka ayaa muddo hadda laga joogo laba sano iyo bar ku duulay dalka deriska la ah ee Ukraine. Dagaalkaas ayaa keenay in uu aad u xumaado xiriirka Ruushka iyo dalalka reer Galbeedka, taasoo dhalisay cabsi ah la xiriirta in la isu adeegsado Nukliyeerka. PUNTLAND POST The post Ruushka oo ku hanjabay in uu Reer Galbeedka u adeegsan doono Hubka Nukliyeerka appeared first on Puntland Post.
-
Howlgal qorsheysan oo si wada jir ah ay u fuliyeen Ururka 175-aad ee guutada 17-aad Gorgor iyo ururka 146-aad ee guutada 14-ka October oo ka wada tirsan Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu diley xubno ka tirsan ururka Alshabaab sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu. Howlgalka ayaa si gaar ah looga fuliyay deegaanka Jowhar-awdheegle oo 5-KM u jira Degmada Awdheegle, halkaas oo saacadihii la soo dhaafay la sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ay isku abaabulayeen. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa helay xogta xubnihii Alshabaabka ahaa ee halkaas isku aruurinayay, ka dibna weerar kadis ah ku qaaday sida ay saraakiishu sheegeen. Howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ayaa ka socda gobollo badan oo dalka kamida, waxaana wada Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta dowlad gobololeedyada iyo dadka deegaanka. Source: goobjoog.com
-
Awdheegle (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo maanta ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Howlgalka oo ay si wadajir ah u sameeyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor iyo guutada 14-ka October ee Xoogga dalka ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Jowhar-Awdheegle, halkaas oo ay isku uruursanayeen Al-Shabaab. Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada oo ka war helay dhaq-dhaqaaqa kooxda ay weerareen, kadibna ay dileen maleeshiyaad iyo horjoogayaal ku sugna halkaasi. “Howlgal qorsheysan oo si wada jir ah ay u fuliyeen Ururka 175-aad ee guutada 17-aad Gorgor iyo Ururka 146-aad ee guutada 14-ka October oo kawada tirsan Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu khaarijiyay Maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsan oo ay horjoogayaal ku jiraan” ayaa lagu yiri qoraalka. Xubnaha Al-Shabaab ee la weeraray ayaa goobta uu howlgalka ka dhacay ku lahaa shir, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay dowladda, waxaana xog ka helay ciidamada uu sidaas duulaanka ugu qaaday. Sidoo kale waxaa la fishiliyay dhagar ay maleegayeen xubnaha Al-Shabaab ee lagu beegsaday aagga degmada Awdheegle, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka. “Howlgalka ayaa si gaar ah looga fuliyay deegaanka Jowhar-awdheegle oo 5-KM ujira Degmada Awdheegle, halkaas oo saacadihii la soo dhaafay ay Khawaarijta ka wadeen is Aruursi iyo Shirar ay ku Abaabulayeen dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.” Ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Waxaa kale oo lasii raaciyay “Waxaa qorshahoodii fashiliyay Geesiyaasha Qarankeenna oo u daatay, khasaarre kala duwanna gaarsiiyay Khawaarijta aan Arxanka laheyn ee Argagixisada ah.” Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guusha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya. The post Howlgal khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay SH/HOOSE appeared first on Caasimada Online.
-
Wuxuu ku dhashay miyiga gobolka Sanaag sanadkii 2008-dii, qoyskiisu waxay ahayeen reer guuraa xoolo-dhaqato ah hase yeeshee ay saameeyeen isbeddelada cimilada oo ku qasbay qoyskiisa inay u soo guuraan tuulooyinka gobolka Sanaag. Carrafaad Maxamud Jaamac, waa da’yar dadaal shakhsiyadeed ku hiigsaday nolol hiilaad leh ka dib markii muddo ku siman afar sano oo keliya uu isaga gudbay miyiga Sanaag, magaalada Hargaysa ilaa Maraykanka oo hadda uu ku joogo fursad deeq waxbarasho ah. Wuxuu BBC-da u sheegay in yaraantiisii ilaa lix sano jir uu ku noolaa miyiga, hase yeeshee intii baraar raaca uu ahaa aysan marna niyaddiisa ka bixin inuu maalin uun helo fursad waxbarasho oo naftiisa ku hormarin karo. “Madaxayga ayey ka guuxaysay inaan mar uun waxbarashada bilaabo oo miyiga ka tago,”ayuu yiri Carrafaad. Wuxuu sheegay in qoyskiisu ay gateen arigii ay haysteen dabadeedna ay u soo guureen Ceel-Afweyn oo ay guri ka dhisteen, halkaasna uu ka bilaabay waxbarashiisa asaasigaa ah. Sanadkii 2015-kii ayuu Carrafaad waxbarashada dugisga hoose ka bilaabay deegaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag. Xigashada Sawirka,Carrafaad Markii uu ku jiray fasalka lixaad ee dugsiga dhexe ayuu Carrafaad maqlay fursad kale oo isaga u noqotay mid yoolkiisa uu ku gaari karo. “Waxaan ku war helay in Iskoolka Abaarso uu arday ka qoranayo Somaliland oo dhan, oo Ceel-afweyn imaanayaan, waan usii diyaar garoobay oo an galay imtixaanka waana ku guuleystay,” ayuu BBC-da u sheegay Carafaad. Burburkii qoyskiisa Markii qoyskiisa ay u soo guureen tuulada ayna ka yimaadeen miyiga waxaa Cafaraad uu sheegay in nasiib darro ay kala tageen labadiisa waalid. Hooyadiis ayuu sheegay inay lafdhabar u ahayd nolashiisa oo ay ganacsi yar oo ay lahayd uu ku tiirsanaa qoysku. Wuxuu BBC-da u sheegay saamaynta arrintaasi isaga ku yeelatay. “Wallaahi markii aan arkay xaaladda qoyskeyga waxay igu sababtay inaan u dhabar adaygo waxkasta, oo aan nin iska soo saaro oo nolosha si fiican ula dagaallamo oo meel iska soo saaro ayey igu kaliftay oo u dhabar adaygo,” ayuu yiri Carrafaad. Wuxuu sheegay inay jiraan walaalihiis iyagana waxbarasho loo geeyey magaalooyin ay ka mid tahay Burco. Aabbihiis ayuu sheegay inuu hadda ku nool yahay dhulka gubadka ah oo uu ka shaqaysto beeyada Ayaamihiisii Abaarso Xigashada Sawirka,Abaarso School Carrafaad, wuxuu ku guulaystay imtixaanaadkii uu u galay Iskoolka Abaarso markaana wuxuu galay safar kale oo waxbarasho iyo nolol kale oo ka duwan tii tuuladiisa, wuxuu in ka badan 500 Kilimitir soo galay safar dhulka ah oo ka soo bilaabay Ceel-afweyn isagoo soo gaaray Hargaysa. Nolosha markan uu galay Carafaad waa ka duwan tahay tiisii hore sababtoo ah wuxuu galay Iskool waxbarasho iyo Jiifle isku ah. Abaarso, waa halka da’ayarkan ka dhigtay inuu u furmo hayaan nololeed oo iftiin leh. Magaalada Abaarsao oo 15-kilimitir galbeed ka xigta Hargeysa , waa halka uu ku yaallo Iskool Abaarso oo ay dhigtaan arday kuna nool yihiin. Carafaaad wuxuu BBC-da u sheegay in maalmihii kowaad ay waxwalba ku adkaayeen dhanka waxbarashada iyo deegaankaba basle markii danbe uu dadaal ka dib la qabsaday. “Waxbarashadu aad bay u kala duwanayd Abaarso iyo meeshii hore ee an ka soo dhigan jiray, oo dee iskoolkan wuxuu ku baxayaa luuqada Ingiriiska anniguna si fiican uma aqoon Ingiriiska barigaas. Iskoolkii hore waxaa laga yaabaa in 50 arday aad ahaydeen oo macallinku sabuura ku dhigo casharka oosan kula hadlin laakiin halkan dugisgan cusub waxa laga yaaba in fasalkii shan iyo tobban ruux yahay oo macallinka kula hadlayo, xiriir fiican kula leeyahay, su’aalo ku waydiinayo.” ayuu yiri Carafaad. Iskoolka Abaarso, wuxuu Carafaad ka sii watay waxbarashadiisa isagoo ka bilaabay fasalka toddobaad ilaa uu ka gaarayey fasalka kowaad ee dugsiga sare. Hibadiisa kale ee Abaarso ku soo baxday Xigashada Sawirka,Carrafaad Qoraalka sawirka,Carrafaad iyo saaxiibadiis oo ku orod tababar ah ku qaadanaya Abaarso Carrafaad Maxamuud Jaamac, markii uu joogay Ceel-afweyn iskuma ogayn inuu leeyahay hibo dhanka orodka ah basle markii uu yimi Abaarso wuxuu xiisayn jiray ciyaarista kubada cagta. Isagoo galab u ciyaaraya koox kubad cagta kana dheelaya garabka ayuu arkay mid ka mid ahaa macallimiintiisa Iskoolka Abaarso sida uu u ordayo Cafaraad. Halkan ayey ka bilaabanaysaa sheekada kale ee hibadiisa kale ee soo baxday….. “Labadii sano ee ugu horreysay ee an dhiganayey Iskoolka waxaan aad u ciyaari jiray kubadda cagta”ayuu yiri Macallinka galabtaas arkaya Carafaad, waa macallinkiisa xisaabta balse wuxuu sidoo kale ahaa tababare orod oo ka yimi dalka Canada oo Soomaali ah. Sidoo kale macallinka qudhisa walaalkiis ayaa ka mid ah orodyahanada u orda dalka Canada. “Wuxuu i arkay inaan aad u ordayo oo dhalinyarada kale ka dheeraynayo oo aannan xiiqayn, markaas ayuu igula taliyey inaan dhanka orodka ku fiicnahay iina noqon karo fursad kale oo waxbarasho ku heli karo” ayuu BBC-da u sheegay Cafaraad. Macallinkiisu wuxuu u sheegay in haddii uu xoogga saaro dhanka orodka uu ku heli karo deeq waxbarasho oo dibada ah. Gudaha Soomaaliland ayuu markii danbe kaga qayb galay tartamo orodka intaas ka dibna uu horumar ka sameeyey orodka. Hibadiisa danbe waxay hilaac u noqotay hayaan kale oo noloshiisa ah Xigashada Sawirka,Carrafaad Qoraalka sawirka,Hargeysa iyo Ttartan orodka oo ka qayb galay Carrafaad Abaarso ilaa Ameerika Xigashada Sawirka,Carrfaaad Sida uu BBC-da u sheegay Carafaad Maxamuud, waxbarashada ayuu sidoo kale foolaad ka ahaa ardaydii uu wax la baranayey isagoo kaalimaha hore ka galay imtixanaadka iskoolka Abaarso. Iskoolkiisa ayuu sheegay inuu bixiyo fursado waxbarasho oo dibada ah oo uu siiyo ardayda kaalimaha hore ka gala waxbarasha basle ay isaga ay u dheerayd inuu lahaa hibo dahabi ah oo u sahli karta in albaab kale u furmo. “Waxaa la soo doortaa ardayda xagga dhibcaha ugu fiican, aniga waxaa i caawiyey anigoo waxbarashayda ku fiicnaa waxaa ii sii dheeraa xagga orodka oo aan ku fiicnaaday, markaa waxaa dhacday in ay i ogaadaan macallimiin jooga Iskoollo ku yaalla Maraykanka oo ay ila soo hadlaaan oo ay i dhaheen inaan Iskoolkayaga soo xeraysatid oo aan fursad ku siino waxbarasho ayaan rabnaa” ayuu yiri Carafaad. Macallimiinta Iskoolka Maraykanku wuxuu BBC-da u sheegay Carafaad inay la soo xiriireen macallinkiisa ka caawiyey inuu orodka ka dhigto waxaa u labeeya waxbarashadiisa. “Markii na xareeyey ee an dhammaan wixii ayga baahnaayeen dhan sameeyey, macallimiinta xagaa Maraykanku waa i caawiyeen oo waa ii fududeeyeen”ayuu yiri Carafaad. Markii uu fursadan waxbarasho ee Maraykanka uu helay Cafaraad, wuxuu dhiganayey fasalka kowaad ee dugsida sare ee Abaarso. Waligiis diyaarad ma raacin, basle safarkan waa mid kale oo ku cusub Carafaad, wuxuu galay duulimaad dhowr iyo tobban saacadood ah oo ku gaaray Maraykanka iyo machadka Deerfield Academy oo ku yaalla gobolka Massachusetts. Wuxuu Maraykanka ka sii waday halkii uu ugu tagay Abaarso isagoo hadda dhigta fasalka tobnaad ee dugsiga sare ee iskoolka Deerfield Academy oo ah mid si gaara loo leeyahay. Xigashada Sawirka,Carrafaad Qoraalka sawirka,Carrafaad oo kaalinta kowaad ka galay tartan orod ah oo Maraykanka ugu qayb galay Kolkii uu Maraykanka tagay Carafaad, caqabado kale oo nolosha iyo waxbarashada ayuu mar kale fooda daray markan waxaa u weheliya cunnada oo caqabadi ka qabsatay. “Waxyaabo badan oo caqabado badana ayaa kula soo gudboonanaya, xagga waxbarashada waa ka duwan tahay halkii hore ee aad la qabsaday oo maadooyinkii waa sii aadkanayaan, xagga bulshada waa sii adkaanaysaa waayo dadkan waa dad cadaana oo saaxiibo kuma lihid. Cuntada maalmihii hore oo kale maadaama ad qof muslim ahay dhinac walba caqabad kala soo gudboonaynays” ayuu BBC-da u sheegay Carafaad. Ka sokow waxbarashadiisa wuxuu docda kale ka watay tababarkisiii orodka, tababar ka fiican kii hore ee Somaliland ayuu sheegay inuu helay markii uu tagay Maraykanka. Waxaase caawisay meshii uu ku soo koray ee ahayd buuralayda iyo tababaradii uu ku soo qaatay Iskoolkiisii Abaarso. Bartamaha bishan Carafaad Maxamuud Jaamac, wuxuu gaaray mid ka mida yoolalkiisii uu higsanayey isagoo kaalinta kowaad ka galay tartan maxlali ah oo loo qabto orodyahanno da’yar oo ka socda gobollada la isku yiraahdo New Englands ee waqooyi- bari Maraykanka, sida Hampshire, Massachusetts, iyo Connecticut. Tartankaa soo la magacabo “loomis invitational,” waxaa ka galay in ka badan 150 orodyahan oo dhigiisa ah ayuu kaalinta kowaad ka galay. Wuxuu BBC-da u sheegay in ku guulaysigaasi kaalinta uu galay ee kowaad ay ku dhiiri galinayso inuu sii xoojiyo dhanka orodka uuna ka faa’iidaysto fursado ku lamaan tartankaas oo ah inuu helo fursad jaamacadeed oo gudaha Maraykanka maada sida uu sheegay jaamacadu dalkaasi daneeyaan dadka hibada leh sida isaga oo kale ah. Sida ehelkiisu u arkaan horumarkiisa Xigashada Sawirka,Ibraahim Siciid Ibraahim Siciid Axmed, waa ehelka Carafaad Maxamuud Jaamac iyo qof masuulka ka ah Maraykanka maadaama uu da’yar yar yahay. BBC-du ayuu Ibraahim ogolaansho u siiyey inay baahin karto sheekada Cafaraad maadaam uu yahay 16 sano jir. Wuxuu sheegay inuu qoys ahaan ku faraxsan yihiin dadaalka mudada kooban ee uu sameeyey Carafaad. “Waa wax lagu farxo horumark uu sameeyey afar sano ka hor wuxuu joogay Ceel-afweyn xoolo dhaqato ayuu ahaa muddo intaa le’eg qof hadda wax la baranay madaxda Maraykanka carruurtooda waa wax aad iyo aad loogu farxo, fursadaasna wuxuu ku helay dadaal dhiniciisa ah iyo Iskoolka Abaarso” ayuu BBC-da u sheegay Ibraahim. Wuxuu intaa raaciyey in tani muujinayso in qof isagoo da’yar reerkiisa ka yimi hadda uu wadan aad ugu fog meeshii ka yimi uu ku nool yahay oo la qabsado ay tahay wax farxad leh. Farriin ay soo dhigeen bartooda facebook, iskoolkiisii hore Abaarso ayaa ku ammaanay dadaalka ballaaran ee sameeyey Carrafaa Source bbcsomali Qaran News
-
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa sheegay in Ruushku si taxadar leh u tixgalinayo doonno weerar kaga yimaado dal aan Nukliyeer lahay oo ay taageerayaan mid ku hubaysan hubka Nukliyeerka inuu yahay “Weerar wadajir ah”, taas oo loo fasiran karo khatar ah in hubka Nukliyeerka loo adeegsado dagaalka Ukraine. Hadalo muhim ah oo uu jeediyay habeennimadii Arbacada ayuu madaxweynaha Ruushka ku sheegay in dowladdiisa ay ka fiirsaneyso in ay wax ka bedesho sharciyada iyo shuruudaha horudhaca ah ee uu Ruushka u adeegsan doono hubkiisa Nukliyeerka. Ukraine waa dal aan nukliyeer ahayn oo taageero militari ka hela Maraykanka iyo dalalka kale ee ku hubaysan hubka Nukliyeerka. Hadalladiisa ayaa imaanaya iyadoo Kyive, ay raadinayso in ogolaansho u hesho in gantaalada riddada dheer ee ay ka heshay dalalka galbeedka goobaha militariga Ruushka. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa todobaadkan u safray dalka Mareykanka, waxaana lagu wadaa in Khamiista uu magaalada Washington kula kulmo madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, halkaasoo la filayo in codsiga Kyiv uu noqdo ajandaha ugu sarreeya. Ukraine ayaa sanadkan ku siqday dhulka Ruushka, waxayna doonaysaa inay beegsato saldhigyo ku yaalla gudaha Ruushka oo ay sheegtay inay gantaallo looga soo rido Ukraine. Isagoo ka jawaabaya hadalka Putin, madaxa xafiika shaqaalaha ee Zelensky Andriy Yermak, ayaa sheegay in Ruushku “aysan hadda haysan wax aan ahayn cagajugleyn nukliyeerka ah si ay u cabsi geliyaan caalamka”. Putin ayaa horey ugu hanjabay isticmaalka hubka Nukliyeerka. Ukraine waxay ku dhaleecaysay inay tahay “hanjabaad ciidan oo xooggan” si ay uga hortagto xulafadeeda inay bixiyaan taageero dheeraad ah. Shiinaha oo xulafo la ah Ruushka ayaa sidoo kale ku baaqay in la dejiyo xaaladda, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in madaxweyne Xi Jinping uu uga digay Putin isticmaalka hubka Nukliyeerka. Laakiin Arbacadii, ka dib markii uu la kulmay Golihiisa Ammaanka, Putin wuxuu soo jeediyey ballaarinta qorshihisa kakan. Xigashada Sawirka,Getty Images Caqiiddada cusub ee nukliyeerka ayaa “si cad u dejin doonta shuruudaha Ruushka si uu ugu wareego isticmaalka hubka nukliyeerka,” ayuu ka digay – wuxuuna sheegay in xaaladahan oo kale ay ka mid yihiin gantaallada caadiga ah ee ka dhanka ah Moscow. Waxa uu sheegay in Ruushku uu ka fiirsan doono “suurtagalnimadan” uu ku isticmaalayo hubka Nukliyeerka ah, haddii ay ogaadaan in la daahfuro in mowjado gantaallo ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu rido dalkoda, taasoo soo bandhigtay “khatarta halista ah” ee ku wajahan madaxbannaanida dalkaas. Waxa uu intaa ku daray: “Waxaa la soo jeediyay in gardarada ka dhanka ah Ruushka ee waddan kasta oo aan Nukliyeer lahayn balse garab ka hela mid ku hubaysan Nukliyeer ah, loo tixgeliyo weerarkooda wadajirka ah ee Ruushka.” Hubka nukliyeerka ee waddanku waxa uu ahaa “dammaanad qaadka ugu muhiimsan ee amniga qarankeena iyo muwaadiniintiisa”, hogaamiyaha Kremlin ayaa sheegay. Tan iyo markii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee aduunka, wadamada ku hubaysan hubka Nukliyeerka waxay ku hawlanaayeen siyaasad ka hortag ah, taas oo salka ku haysa fikradda ah in haddii dawladaha dagaalamaya ay qaadaan weeraro waaweyn oo Nukliyeer ah ay horseedi doonto burbur la wada hubo. Xigashada Sawirka,Reuters Laakiin waxa kale oo jira hub nukliyeer ah oo taatikada ah kuwaas oo ah madaxyo yar yar oo loogu talagalay in lagu burburiyo bartilmaameedyada isagoon dhalin wax shucaac ah oo baahsan. Bishii Juun, Putin wuxuu digniin u diray waddamada Yurub ee taageeraya Ukraine, isagoo sheegay in Ruushka uu haysto “hubka nukliyeerka ah oo badan inta taalla qaaradda Yurub, xitaa haddii Maraykanku uu la wareego tooda.” “Yurub ma laha nidaamka digniinta hore oo horumarsan,” ayuu raaciyay. “Marka la eego waxay yihiin kuwo aan difaac lahayn ama ka yar.” Waqtigaas waxa uu ka dhawaajiyay in isbedel lagu sameeyo caqiidada Nukliyeerka ee Ruushka – dukumeenti qeexaya shuruudaha ay Moscow ku isticmaali doonto hubka nukliyeerka. Ruushka ayaa dagaal muddo labo sano socda ka wada gudaha dalka Ukraine kaas oo dhaliyey saamayn caalami ah. Bbcsomali Qaran News
-
Maamulka Israa’iil ayaa duqeymo joogto ah ka wada koonfurta dalka Lubnaan, kuwaas oo sababay dhimashada in ka badan 600 boqol oo qof, halka dhaawacyaduna ay haatan 1500 oo ruux ku dhowyihiin. Dadka ka qaxaya duqeymahan ayaa tuban jidadka ka baxa magaalada caasimadda ah ee Beyruut, ayadoo raadinaya goobo gabaad leh oo ay uga nabad-galaan duullaanka gardarrada ah ee Ciidanka Yuhuudda. Militariga Israa’iil ayaa dhinacooda sheegay inay sii wadi doonaan duqeymaha ka dhanka ah ururka Xisbullaahi, ayadoo tilmaamay inay tiigsanayaan yoolka ah inay wiiqaan awoodda Ururkan aadka u hubaysan ee reer Lubnaan. Dhanka kale Xisbullaahi ayaa wadda duqeymo xooggan leh oo ka dhan ah Israa’iil, ayadoo ay gantaalladu sida roobka ugu hoobanayaan gudaha dhulka uu ka taliyo maamulka Netanyahu, taas oo kumanaan Israa’iil ah ku qasabtay inay galaan godad dhulka hoostiisa ah. Sidoo kale duqeymaha Xisbullaahi waxay gaareen gudaha magaalada Tel Aviv, ayadoo la beegsaday xarunta sirdoonka muusaad iyo talisyo kaloo ciidan, waxaana wararku ay sheegayaan in deegaanada waqooyiga iyo bartamaha Israa’iil ay cabsidii abid ugu xumayd ka jirto. Dekedda magaalada Eita ayaa sidoo kale waxaa qarxiyay koox ay Iran taageerto oo ku sugan gudaha dalka Ciraaq, kuwaas oo garab u ah ururka Xisbullaahi ee Lubnaan. Weerarada Israa’iil ee dalka Lubnaan ayaa imaanaya xilli ay ku guuldaraysatay dagaalka marinka Qasa oo socday muddo ka 10 bilood, islamarkaana illaa hadda aan wax natiijo ah laga gaarin. Xeeldheereyaasha ayaa qaba in Israa’iil ay Lubnaan la maagantahay dhibaatadii ay ka geysatay marinka Qasa, balse taasi ma fududa maadaama ururka Xisbullaahi oo 40 sano ka badan jiray uu aad uga awood badanyahay Xamaas, sidoo kalena dalalka maamulka Tel Aviv taageeraahi aysan ku qanacsanayn sida ay wax u socdaan. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa waxaa magaalada New York kulan kula yeeshay, Molly Phee, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Afrika. Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Barre ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada-hadleen Xoojinta Xiriirka labada dal, la dagaallanka argagixisada iyo amniga gobolka Geeska Afrika “Kulanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Kaaliyaha ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada waddan, sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagixisada, amniga gobolka Geeska Afrika” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ay sidoo kale ka wada-hadleen qaabka ay labada waddan ee Soomaaliya iyo Mareykanka ay iskula shaqeyn lahaayeen Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ay xubinnimadeeda qaadan doonto sanadka cusub. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Maraykanka oo ka wada-hadlay La-dagaallanka Argagixisada iyo amniga gobolka Geeska Afrika appeared first on Puntland Post.
-
New York (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan magaalada New York oo uu uga qayb-galayo shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ayaa weli kulamo gaar gaar ah ka wada magaaladaasi. Xamza ayaa kulan doceed muhiim ah la yeeshay Molly Phee, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Afrika, isaga oo kala hadlay saddex qodob oo xasaasi ah. Sidoo kale waxa labada mas’uul ka wada-hadleen arrimo ku aadan xoojinta xiriirka labada waddan, sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagixisada, amniga gobolka Geeska Afrika. Waxaa kale oo kulankan lagu soo qaaday qaabka ay labada waddan ee Soomaaliya iyo Mareykanka ay iskula shaqeyn lahaayeen Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ay xubinnimadeeda qaadan doonto sanadka cusub. Ra’iisul wasaaraha sidoo kale wuxuu horay New York ugula kulmay Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Ambassador Linda Thomas-Greenfield, oo ay ka wada arrinsadeen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Mareykanka. Madaxda kale ee uu la shiray waxaa kamid ah wakiilka gaarka ah ee Ururka Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, Annette Weber oo ay ka wada-hadleen arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxeysa EU iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda. Waxaa kale oo uu ra’iisul wasaaruhu kulan la yeeshay Amiirka leh dhaxalka dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Hamad Al-Mubarak oo isna ku sugan magaalada New York, waxayna ka wada-hadleen xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuwait. Sidoo kale wuxuu Amiirka ugu hambalyeeyay dowladda Soomaaliyeed horumarka ay ka sameysay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha. The post R/W Xamza oo saddex qodob kala hadlay Mareykanka + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa uu magaalada New York kulan kula yeeshay, Molly Phee, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Afrika. Kulanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Kaaliyaha ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada waddan. Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagixisada, amniga gobolka Geeska Afrika iyo qaabka ay labada waddan ee Soomaaliya iyo Mareykanka ay iskula shaqeyn lahaayeen Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ay xubinnimadeeda qaadan doonto sanadka cusub. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu mahadceliyay taageerada dowladda Mareykanka ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — A four-day conference on Somalia's financial reform and economic development concluded Wednesday in Istanbul, Turkey. The event marked the second review of Somalia's Financial Reform and Economic Development Program, backed by the International Monetary Fund (IMF). Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii ciidamada booliska Soomaaliya Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin ayaa xilka laga qaaday goor dhow, ayada oo loo magacaabay xil wasiir ku-xigeen. Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa u magacaabay, Mudane Sulub Axmed Firin, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XJFS.” Xil ka qaadista Sulub ayaa timid saacado un kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu u dallacsiiyey darajada Sarreeye Gaas. Warar aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu qorsheynayo inuu xilka taliyaha booliska u magacaabo Jeneral Asad Diyaano oo reer Puntland ah. Hadii Asad Diyaano loo magacaabo Booliska Soomaaliya, waxay ka dhigan tahay in Xasan Sheekh uu ka dhabeynayo dagaalka siyaasadeed ee kala dhexeeya Saciid Deni, maadaama xilalkii uu siiyey siyaasiyiinta isaga kasoo horjeeda. Gobolka Bari oo muhiim u ah Puntland waxaa degan ciidamo uu xukumo Asad Diyaano walaalkiis, kuwaas oo aad u tababaran, islamarkaana Saciid Deni aan ka amar qaadan, waxaana suurtagal ah in dowladda dhexe ay Saciid Deni uga awood badiso Boosaaso iyo guud ahaan gobolka Bari. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xalay xilal la-taliye u magacaabay siyaasiin kale oo reer Puntland ah. Madaxweynaha ayaa Axmed Jaamac Maxamed Cillal u magacaabay in uu noqdo La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Dimuqraadiyadda iyo Dowlad Wanaagga. Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cabdisamad Maxamed Gallan oo ah wasiirkii hore ee amniga Puntland u magacaabay La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Federaalka. The post Sulub oo xilka laga qaaday, loona magacaabay xil kale appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Taliyihii hore ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sarreeye gaas Sulub Axmed Firin u magacaabay wasiir ku xegeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada. S/G Sulub ayaa saacado ka hor laga qaaday xilkii Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, ayadoo lagu badelay janaraal Asad Cusmaan Diyaano oo horay u ahaan jiray hoggaanka ciidanka PSF ee dowlad gobololeedka Puntland. Tillaabadan ayaa qeyb ka ah isbadello waaweyn oo uu qaaday madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, asagoo magacaabay ma’suuliyiin kala duwan oo isugu jira la Taliyaal iyo saraakiil Ciidan. Source: goobjoog.com
-
Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa uga digay reer galbeedka Arbacadii in Ruushku uu isticmaali karo hubka Nukliyeerka haddii lagu soo weeraro gantaalaha caadiga ah. Putin ayaa sidoo kale sheegay in weerar kasto oo lagu soo qaado Ruushka, kaas oo ay gadaal ka taagantahay dowlad ku hubeysan niyukleer, in Moscow ay u tixgelin doonto mid si wadi jar ah loogu soo qaaday. Putin oo furay shirka Golaha Amniga Ruushka, ayaa sheegay in isbaddaladani dhanka niyukleerka ah ay dowladdiisu uga jawaabeyso, isbaddalka deg degga ah ay ku dhacaya muuqaalka dunida kaas oo uu sheegay in uu khatar ku yahay Ruushka. 71-jirkan leh go’aanka ugu danbeeya ee Ruushka, ayaa sheegay in Ruushka uu ka fiirsan doono in uu adeegsado hubka niyukleerka, haddii dhulkiisa lagu soo weeraro gantaallada soo jireenka ah ee caadiga ah, diyaaradaha dagaalka ama kuwa aanan duuliyaha laheyn. Ruushka ayaa muddo hadda laga joogo laba sano iyo bar ku duulay dalka deriska la ah ee Ukraine. Dagaalkaas ayaa keenay in uu aad u xumaado xiriirka Ruushka iyo dalalka reer Galbeedka, taasoo dhalisay cabsi ah la xiriirta in la isu adeegsado hub culus. The post PUTIN oo uga digay reer galbeedka adeegsiga hub niyukleer ah appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia has made significant strides in various sectors since the civil war, but its healthcare system remains one of the most critical areas in need of attention. With a population of over 15 million, Somalia continues to face challenges in providing adequate medical services, but there are also emerging opportunities to rebuild and strengthen the system. Source: Hiiraan Online
-
The most valuable commodity in contemporary society transcends traditional assets such as gold or oil; it is, in fact, your attention. In an era dominated by digital interactions, the selection of whom to focus on and the manner in which one engages with the surrounding environment have emerged as the most coveted resources. Social media networks, entertainment conglomerates, and advertising firms are acutely aware of this reality, having constructed vast enterprises centred on the ability to capture and retain your attention. Source: Hiiraan Online