-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Markabka Oruç Reis ee Turkiga oo shidaal baaris ka sameyn doona xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Galmudug ayaa maanta ka soo gudbay Kanaalka Suweys. Wasiirka Tamarta Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in markabka sahminta shidaalka ee Oruç Reis uu ku sii dhowaanayo xeebaha Soomaaliya, halkaasi oo la filayo in uu ka billaabo shidaal baaris. “Markabkeena Oruç Reis, oo ay weheliyaan maraakiibta caawineysa iyo maraakiibta ciidamadeena badda, waxa ay si nabad ah uga gudbeen Kanaalka Suweys, waxayna hadda ku wajahan yihiin Soomaaliya,” ayuu wasiirka ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X. Markabka Oruç Reis ayaa lagu wadaa in uu xeebaha Galmudug ka sameeyo baarista loo yaqaano 3D oo ka macno ah helitaanka halka ugu fiican ee laga daloolin karo ceelka shidaalka ee la qodayo. Shantii bishan ayaa markabkan iyo ciidamadda badda ee ilaalinaya laga soo sagootiyay magaalada Istanbuul, kaddib munaasabad uu ka qaybgalay Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan. Munaasabad kale ayaa lagu wadaa in lagu qabto Muqdisho marka uu markab kan soo gaaro, iyadoo waqtigaa wixii ka dambeeya uu bilaabi doono baarista 3D ee xirmooyin ku yaala Galmudug. PUNTLAND POST The post Markabka shidaal baarista ee Oruç Reis oo ku soo dhawaanaya xeebaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo shir saddex geesood ah uga socday magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa soo saaray bayaan wadajir ah. Shirkan oo uu marti-geliyay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Sisi, waxaana diirada lagu saaray arrimo muhiim ah oo ku saabsan gobolka iyo caalamka, iyagoo si qoto dheer u fallan-qeeyey xaaladaha jira. Madaxweynayaasha saddexda dal ayaa hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee waddamada gobolka, iyagoo isla qaatay in la isku xiro dadaallada wadajirka ah si loo gaaro xasilloonida gobolka iyo horumar waara oo loo dhan yahay. Sidoo kale waxaa lagu heshiiyey in la xoojiyo hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya, lana taageero ciidamada Qaranka Soomaaliyeed si ay ula dagaallamaan argagixisada. Shirka ayaa intii uu socday waxaa lagu lafa-guray arrimaha amniga, gaar ahaan kuwa ku saabsan Badda Cas iyo marin-biyoodka Baab-al-Mandab, iyadoo sidoo kale looga hadlay xaaladda Suudaan iyo sida ay u saamayn karto gobolka. Madaxda ayaa ugu dambeyntiina isla gartay in la dhiso guddi saddex geesood ah oo ka kooban wasiirrada arrimaha dibadda ee saddexda dal, si loo dardar-geliyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyada oo dhan. Shirkan ayaa imanaya xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda dalalkan kala dhaxeysa Itoobiya, gaar ahaan Soomaaliya oo si weyn usii kala fogaadeen kadib markii ay Addis Ababa heshiis la gaartay Somaliland, kaasi oo dhabaha u xaaraya damaca guracan ee Itoobiya ku dooneyso bad. Hoos ka aqriso war-murtiyeedka shirka; The post Aqriso: Bayaan xasaasi ah oo kasoo baxay shirkii madaxda Somalia, Masar iyo Eritrea appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb-galay shir madaxeed saddex geesood ah oo magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya ku dhex maray hoggaamiyaasha Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea. Shirkan waxaa martigaliyey Madaxweynaha Ereteriya Mudane Isaias Afwerki, waxaana sidoo kale ka qeyb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Mudane Abdel Fattah El-Sisi. Madaxda saddexda dal ayaa ka wada-hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan gobolka geeska Afrika iyo caalamka, iyagoo si qoto dheer u falanqeeyey xaaladaha jira. Madaxweynayaasha saddexda dal ayaa hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka gobolka, iyagoo isla qaatay in la isku xiro dadaallada wadajirka ah si loo gaaro xasilloonida gobolka iyo horumar waara oo loo dhan yahay. Sidoo kale waxay madaxdu ku heshiiyeen in la xoojiyo hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya, lana taageero ciidamada Qaranka Soomaaliyeed si ay ula dagaallamaan argagixisada. Shirka waxa lagu lafa-guray arrimaha amniga, gaar ahaan kuwa ku saabsan Badda Cas iyo marin-biyoodka Baab-al-Mandab, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay xaaladda Suudaan iyo sida ay u saamayn karto gobolka. Madaxdu waxay isla garteen in la dhiso guddi saddex geesood ah oo ka kooban Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee saddexda dal, si loo dardargeliyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyada oo dhan. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay iska dhicinta Itoobiya, haddii ay diido deris wanaaga iyo ixtiraamka qarannimadeeda. Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo soo saaray qoraal dheer ayaa marka hore weerar ku qaaday ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo uu sheegay in taliskiisa uu marayo xaalad adag oo ay askartu awooddi xoogtay lana gabi-dhacleyneyso. “Abiy waxaa seegan in wiilka iyo gabadha soomaaliyeed ee ku sugan Jigjiga, Boorama, Hargeysa, Boosaaso, Gaalkacyo, Baydhabo iyo Kismaayo ay isku heyb, diin, dhaqan, af iyo qadiyad yihiin, wax xuduud iyo khilaaf ah oo dhexyaalana aysan jirin, oo ay sugayaan inta aan firimbiga difaaca qaranka ka yeerineyno oo kaliya,” ayuu yiri wasiir Jaamac. Wasiirka oo soo qaatay wareysigii u dambeeyay ee Berhanu Jula bixiyo ayaa wuxuu sheegay inuu tusaale u yahay dowlad fashilantay oo askarigeedii tuutaha watay jiheynayo siyaasadeedi arrimaha dibadda kuna falaadaayo. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran. *TALISKA NUGLEE NAF LA CAARIGAA* Abiy Ahmed iyo taliska uu horjoogaha u yahay ee Addis Ababa fadhiya waxaa muuqata in uu marayo xaalad adag oo ay askartu awooddi xoogtay lana gabidhacleyneyso. Wareysigi u dambeeyay ee uu Berhanu Jula bixiyo waxa uu tusaale u ahaa dowlad fashilantay oo askarigeedii tuutaha watay jiheynayo siyaasadeedi arrimaha dibadda kuna falaadaayo. Jula iyo Abiy waxaa seegan in wiilka iyo gabadha soomaaliyeed ee ku sugan Jigjiga, Boorama, Hargeysa, Boosaaso, Gaalkacyo, Baydhabo iyo Kismaayo ay isku heyb, diin, dhaqan, af iyo qadiyad yihiin, wax xuduud iyo khilaaf ah oo dhexyaalana aysan jirin, oo ay sugayaan inta aan firimbiga difaaca qaranka ka yeerineyno oo kaliya. Waxey moogyihiin in awoodda qaranka Soomaaliyeed aan looga cabir qaadan karin karaanka dowladdiisa oo kaliya. Hadii Jula awoodda uu xisaabsanayo ay tahay kumannaan ciidan direys wata ah, iyo boqolaal taangi oo duq ah, wuxuu moog yahay in ay ka soo horreeyaan malaayiin wiil oo geerida nolasha ka jecel, kaalma shisheeyana aan u baahneyn, sidoo kale taariikhda fog iyo mida dhowba waxaa la ogyahay in Itoobiya ay daandaansiyadeedi hore kala kulantey jab iyo hoog casharo looga dhigo kuliyadaha ciidan ee daafaha dunida. Waxaa qof walba u muuqata xukunka ay Abiy & Jula sheeganayaan in uu yahay mid qowmiyadaha Itoobiya oo dhan ay iska diideen iskan soo eryeen, kuna soo koobmay Addis Ababa oo iyadana go’doon ah. Jula iyo ciidankiisa wixi rasaas uu haystay waxa ay uga dhamaatay xasuuqa lagu haayo shucuubta Itoobiya iyo qowmiyadaheeda. Waxaan dooneynaa Soomaaliya iyo Itoobiya oo nabada ah, daris wanaagna ku wada nool, bale taliska nugul ee Abiy & Jula hadii nabad laga waayo ha la arko ciddi cabsi darteed dabka shidan weyda oo hilibka cayriinka ku cunta. The post DF Soomaaliya oo weerar culus ku qaaday Abiy, kuna hanjabtay tallaabo culus appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kan Eritriya Isaias Afwerki iyo Masar Cabdifitaax Alsisi, ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Asmara waxay shalay ku gaareen heshiis iskaashi oo saddex geesood ah. Madaxda ayaa ku heshiisay inay sare u qaadaan iskaashiga ammaanka, xasilloonida gobolka iyo amniga marin-badeedka Badda Cas iyo Baabu Al-Mandab, sida ku xusan war-saxaafadeed ay soo saareen. Labada dal ee Masar iyo Eritrea ayaa mar kale hoosta ka xarriiqay ilaalinta madaxbannaanida dhulleeed iyo qaranimada Soomaaliya. Arrintan ayaa loo qaadan karaa inay tilmaan toos ah u tahay damaca Itoobiya ee ah inay hesho deked badeed, balse dalna si gaar ah looma xusin. Madaxweyneyaasha waxaa wehliyey wasiirrada arrimaha dibadda ee saddexda dal kuwaas oo iyaguna yeeshay kulamo ay kaga hadleen iskaashiga Ereteriya iyo Masar iyo adkaynta wadashaqayn joogto ah oo lagu xallin karo caqabadaha ka jira gobolka, waxayna isla qaateen in la xoojiyo xiriirka dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda. Muxuu diirradda saarayaa iskaashigan cusub? Bayaan ay soo saartay wasaaradda warfaafinta ee Eritrea, saddexda hoggaamiye waxay ku heshiiyeen in la xoojiyo xiriirka iyo hagaajinta xasilloonida gobolka, iyo “ixtiraamka madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee dalalka gobolka”. Hoggaamiyeyaasha ayaa sidoo kale iftiimiyay muhiimadda ay leedahay “in laga hortago faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka gobolka iyadoo marmarsiinyo ama qiil loo samaynayo; isku xirka dadaallada wadajirka ah ee lagu gaarayo xasiloonida gobolka iyo abuurista jawi ku habboon horumar wadajir ah oo waara”. Khilaaf diblumaasiyadeed oo dhawaan soo shaac baxay ayaa Soomaaliya ku riixay in ay xiriir dhow la yeelato Masar iyo Eritrea oo labaduba uu khilaaf soo jireen ah kala dhaxeeyo Itoobiya. Waxaa jirtay cabsi laga qabo in xiisadda sii kordhaysa ay u gudubto nooc ka mid ah colaadaha. “Tani waa gees ka soo horjeeda [caasimadda Itoobiya] Addis Ababa,” Hassan Khannenje, oo ah maamulaha Machadka Horn International Institute for Strategic Studies, ayaa u sheegay barnaamijka Focus on Africa ee BBC. “Waxaan u maleynayaa inay tahay isku day lagu doonayo in nacaybka la isugu keeno si loo kordhiyo cadaadiska ka dhanka ah Addis Ababa.” Sida uu muujiyey Hassan, waxaa la qaba wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo sheegay in heshiiska hadda uu u muuqdo mid laysku bahayssanyo in culays la saaro Itoobiya madaama sida uu xusay ay saddexdan dalba xiisaddi ka dhex tagaan tahay Addis Ababa. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daud Aweis ayaa xusay inaysan sidaasi doonayn dowladda Soomaaliya balse kulanka dhinacyadu uu ahaa mid ku saabsan wada shaqeyn dhex marta saddexda dal. “Ma naga go’na inaan abuurno wax ka dhan ah Addis Ababa,” ayuu u sheegay BBC Focus on Africa. Iskaashigii hore ee Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa sanadkii 2018 gaaray heshiisyo is-afgarad ah oo ku saabsan xoojinta iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo is dhexgalka bulshooyinka. Axmed Ciise Cawad, wasiirkii hore arrimaha dibadda Soomaaliya oo xilliyadii ay dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea ay isbahaysiga samaysanayeen qaar ka mid ah waqtiyadaas hoggaaminayey amuuraha dibadda ee dalka ayaa BBC-da u sheegay in billowgii ujeeddadu ahay in dalalku isku furaan xiriirkooda dhaqaale, bulsho lana gaarsiiyo dhammaan waddamada ku jira urur-goboleedka IGAD. Isagoo ka hadlayey faa’iidooyinka isbahaysigaa hore ee Farmaajo, Abiy iyo Afawerki uu ka helay dalka Soomaaliya ayuu sheegay in Soomaaliya ay ka faa’iidday in Itoobiya ay ku dhawaaqdo in muwaadiniinta Soomaalida ee dalkooda u safraya ay ku tagi karaan Itoobiya dal ku gal la’aan. Wuxuu intaa ku daray in sidaas oo kale Soomaaliya ay ka faa’iidday in Eritrea ay ciidamo u tababarto dalka Soomaaliya. Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa booqasho ku tagay sanadkii 2018-kii magaalada Muqdisho halkaas oo madaxda labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku wada gaareen heshiisyo is fahan oo muhiim ah. Qodobka toddobaad ee heshiiska ayaa ahaa kan ugu culus, wuxuuna ka hadlayay in labada dal ay ku heshiiyeen is ay wada maalgashadaan illaa 4 dekedood, iyo dhismaha waddooyin laami ah oo isku xira labada dal. Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo isla sanadkaas ku soo dhaweeyey magaalada Bahar Daar ee dalka Itoobiya Madaxweyynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, ayaa sheegay inay xiriirkoodu yahay mid xoogaystay. Abiy oo mar dambe la hadlayey arday ka qalin jabinaysay jaamacad ku taaalla Bahar Daar ayaa shegay inuu rajanayo “mustaqbalka in dalalka Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya ay yeeshaan hal madaxweyne”. “Waxaan rajeynaya saddexdan madaxweyne ee halkan taagaan carruurtoodu inay arki doonaan saddexdan waddan ee aan ka kala nimid oo hal madaxweyne leh, oo aanan saddex madaxweyne lahayn,” ayuu yiri Abiy Axmed oo ay goobta kula sugnaayeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki. Danjire Axmed Ciise Cawad ayaase xusay in iyadoo madaxdu ay heerkaa taagnaayeen haddana ay jirtay u jeedooyin qaarkooda qarsoonaa xilligaas oo markii danbe soo baxay. “Afaweki, wuxuu doonayey inuu go’doonka ka baxo, Abiy-na wuxuu doonayey inuu Eritrea ka gacan siiso dagaal uu ku qaadi rabay Tigraay marka isbahaysigu ma lahayn u jeedo cad oo fog,” ayuu yiri Cawad. Wuxuu sheegay in kan hadda uu isaga ula muuqato inuusan lahayn u jeeddooyin fog oo mustaqbalka ah. Isha: BBC The post Maxaa farqi ah oo u dhaxeeya iskaashiga gobolka ee Xasan Sheekh iyo kii hore ee Farmaajo? appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — Somalia, Eritrea, and Egypt have formed a new trilateral alliance, signalling a major shift in the Horn of Africa's geopolitical landscape. The agreement, signed during a high-level meeting in Asmara, brings together Somali President Hassan Sheikh Mohamud, Eritrean President Isaias Afwerki, and Egyptian President Abdel Fattah el-Sisi in a partnership that challenges Ethiopia's regional influence. Source: Hiiraan Online
-
Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahan ku sugnaa dalka Eritrea ayaa wuxuu kormeer ku tegay xerada ay ku tababaranayaan ciidamada cirka Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa halkaasi uga dhageystay warbixinno kala duwan macallimiinta iyo saraakiisha hoggaaminaya ciidamada, intaasi kadibna wuxuu la hadlay ciidamada uu tababarka u socdo. Madaxweynaha ayaa ciidamada ku boorriyay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda aqoon kororsiga ah, si ay door taariikhi ah uga qaataan difaaca, dib u xoreynta iyo sugidda amniga dalkooda hooyo. Sidoo kale wuxuu xusay muhiimadda ay ciidamada u leeyihiin ilaalinta madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu hoosta ka xarriiqay sida ay dowladdu uga go’an tahay tayeynta iyo hormarinta ciidamada qalabka sida. Eritrea ayaa sannadihii u dambeeyey lagu tababarayey ciidamo kumannaan ah oo Soomaali ah kuwaasi oo qaarkood soo laabteen, haatanna ay qayb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixinaysa dhismaha ciidamada kala duwan ee xoogga dalka, xilli uu dalka ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, oo weli ku xooggan deegaanada qaar. The post Sawirro: Xasan oo u tegay ciidamada lagu tababarayo Eritrea, una sheegay…. appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — Somalia has embraced Egypt's proposal to send peacekeeping troops as part of the incoming African Union Mission to Support Stabilization in Somalia (AUSSOM) to stabilize the country. The mandate for the African Union's current peacekeeping mission, ATMIS, concludes in December. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud kormeeray xerada uu tababarku uga socda ciidanka cirka Soomaaliya ee dalka Eritrea . Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddadii uu ku guda jiray booqashadiisa dalka Eritrea, waxa uu kormeeray xerada ay ku tababaranayaan Ciidamada Cirka Soomaaliyeed, halkaasi oo uu warbixinno uga dhageystay Macallimiinta iyo Saraakiisha hoggaaminaya ciidamada. Madaxweynaha ayaa ciidamada ku boorriyay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda aqoon kororsiga ah, si ay door taariikhi ah uga qaataan difaaca, dib u xoreynta iyo sugidda amniga dalkooda hooyo, waxa uuna xusay muhiimadda ay Ciidamada u leeyihiin ilaalinta madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay dowladdu uga go’an tahay tayeynta iyo hormarinta ciidamada qalabka sida. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray saddex waddo oo laami ah oo laga hirgeliyey caasimadda, kuwaas oo ku kala yaalla degmooyinka Garasbaaley, Waaberi iyo Xamar Jajab, Kaaraan iyo Cabdicasiis, isaga oo dhagax-dhigay waddada isku xirta dabka illaa isgoyska Bakaaraha. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhismaha waddooyinka caasimaddu ay kaalin wayn ka qaadanayaan, isku socodka dadka, gaadiidka, bilicda, amniga iyo dhaqaalaha, waxa uuna xusay in Muqdisho hadda ay cagta saartay jidkii horumarka iyo dib-u-soo kabashada. Waxa uu intaas ku daray in dib-u-dhiska waddooyinku ay ka jawaabayaan canshuurtii laga qaaday dadka Soomaaliyeed in ay ku dhacday gacan aamin oo dib ugu soo celinaysa bulshada, iyada oo loogu beddelayo horumarka iyo amniga ay u baahan yihiin. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey maamulka gobolka Banaadir horumarka iyo dib-u-dhiska ballaaran ee ay ka wadaan Muqdisho, si ay caasimaddu ula tartanto caasimadaha dhiggeeda ah ee caalamka. Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saaka ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Dagaalkan oo khasaare geystay ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay xarumaha maamulka iyo xerada Lamagalaay, wuxuuna dhex-maray ciidamo kala taabacsan maamulka HirShabelle iyo kan Hiiraan State. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada taabacsan HirShabelle ay weerar ku qaadeen ciidanka Hiiraan State ee gacanta ku haya xarumaha maamulka gobolka Hiiraan. Illaa hadda inta la xaqiijiyay hal askari iyo qof shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaalka saakay ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Dagaalka saakay ayaa waxaa durba guullo ka sheegtay hoggaanka Hiiraan State, iyada oo ujeedka weerarka ciidanka HirShabelle ku sheegay inay doonayeen carqaladeynta munaasabad loogu dabaaal-dagayo sanad-guurada Hiiraan State, taas oo si weyn looga dareemayo gudaha magaalada. Xaaladda goobihii lagu dagaalamay iyo guud ahaan magaalada Beledweyne ayaa haatan degan kadib markii odayaal iyo waxgarad ku baxay dagaalkan ay ku guuleysteen inay kala qaadan labada ciidan ee dagaalamay. Hase yeeshe waxaa weli sareysa cabsi la xiriirta in markale dagaalamaan labada dhinac ee gobolkaasi isku haya, maadaama goobaha ay kala joogaan aysan aad u kala fogeyn. Shaqaaqadan ayaa imanaysa xilli maalmihii dambe la warinayay inay sii kala qeybsameen xubnaha Hiiraan State oo la sheegay in ay saddex garab u kala jabeen, isla markaana xiisad dhexdooda u dhaxeyso ay ka taagan tahay magaalada. The post Dagaal culus oo u dhaxeeya HirShabelle iyo Hiiraan State oo ka dhacay Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee xarunt gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka oo Jimce ah uu halkaas ka dhacay dagaal sababay khasaare. Dagaalka oo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo maamulka la magac baxay Hiiraan State ayaa ka dhacay aagga xerada Lamagalaay oo ay ku taallo xarunta gobolka, waxaana dagaalkaas inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay labo qof. Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ciidamada taabacsan Hirshabeelle ay weerar ku qaadeen ciidanka Hiiraan State ee gacanta ku haya xarunta maamulka gobolka Hiiraan. Odayaal iyo waxgarad dhexgalay dagaalka ayaa ku guuleystay in ay kala qaadaan labada ciidan, waxaana hadda xaaladu tahay mid degan, inkastoo marwalba la filan karo in markale dagaalamaan labada dhinac maadama goobaha ay kala joogaan aysan kala fogeyn. Waa markii labaad oo ay sanadkan gudihiisa magaalada Beledweyne ku dagaalamaan ciidamo kala taabacsan dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo maamulka la magac baxay Hiiraan State, bishii Maarso ayaa sidaan oo kale dagaal dhexmaray. PUNTLAND POST The post Dagaal ka dhacay Beledweyne appeared first on Puntland Post.
