-
Content Count
213,099 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ururka Xisbullaahi ayaa xaqiijiyay geerida hoggaamiyahoodii Shiikh Xasan Nasrallah oo duqeymo xooggan oo ay Israa’iil ka fulisay koonfurta magaalada Beyruut ku naf waayay 27-kii bishan September. Hoggaamiyahan mayalka adag ayay muddo dheer Israa’iil ku daba jirtay, asagoo ka badbaaday shirqoollo badan oo dhowr iyo soddonkii sano oo uu ururka Xisbullaahi madaxda u ahaa loo maleegay. Haddaba waa kuma Shiikh Xasan Nasrallah? Xasan Nasrallah wuxuu ku dhashay deegaanka Bourj Hammoud ee dalka Lubnaan, 31-kii October sanadkii 1960-kii, wuxuuna ka dhashay qoys diimeed Shiico ah. Waxbarashadiisa aas-aasiga ah xog badan lagama hayo, balse waxay ilo kala duwani xaqiijiyeen inuu ka baxay machad ay koox shiico ahi maamusho, ka dibna uu ku biiray dhaqdhaqaaqii Amal ee ee 70-tameeyadii ka jiray dalkaasi Lubnaan. Sanado ka dib wuxuu ku biiray ururka Xisbullaahi oo la aas-aasay 1982-dii, 10 sano ka dib oo ku beegnayd 1992-diina wuxuu noqday hoggaamiyaha guud ee ururkaas ka dib markii duqeyn lagu diley Abbas al-Musawi oo ahaa aas-aasihii dhaqdhaqaaqan hubaysan. Ururka Xisbullaahi muddadii uu hogaaminayay Shiikh Xasan Nasrallah wuxu yeeshay cudud ciidan oo xoog leh, taas oo keentay inay noqdaan awood aan la dhayalsan karin oo Israa’iil ay ka haybaysato. Waxyaabaha sumcadda Xisbullaahi kor u qaaday waxaa kamid ah dagaalkii ay Israa’iil la galeen dabayaaqadii sagaashamaadkii, kaas oo ugu dembeyn ku soo dhammaaday in militariga Yuhuudda ku qasbay inay ka baxaan deegaanno ay sanado badan haysteen oo ku yaalla koonfurta Lubnaan. Sidoo kale wuxuu ururkani kaalin xooggan ku lahaa dagaalladii Lubnaan ee sanadihii 2005-2006, kuwaas oo lagu diley dad badan oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaarihii xilligaas Rafic Hariri, iyo colaadda dhowr iyo tobanka sano ka holcaysa dalka Suuriya. Shiikh Xasan Nasrallah waa aabaha 5 carruur ah oo ay u dhashay haweenay lagu magacaabo Faadumo Yaasiin, wuxuuna ugu dambeyn ku baxay duqeymo diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan mooshinka maanta laga gudbiyay wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi. Illaa 90 xildhibaan ayaa saxiixay mooshinkan oo loo gudbiyay guddoonka sare, waxaana ujeedkiisa uu yahay in dib u eegis lagu sameeyo xilka wasiirka arrimaha dibadda oo ay xildhibaannadu ku eedeeyeen inuu cuuryaamiyay shaqadii wasaaradda. “Fiqi wuxuu curyaamiyay shaqaddii wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, isagoo ku amray ku xigeenadiisa iyo Agaasimaha inaysan saxiixin wax warqad ah mudada uu safaradda dibadda ku maqan yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen xubnahan. Xildhibaan Cabdullaahi Faarax oo isna qoraal soo saaray ayaa kula taliyay Xildhibaannada mooshinka keenay inay xeeriyaan waayaha iyo duruufaha diblomaasiyadda ee dalka, lana tixgeliyo dagaalka diblomaasiyadda ee uu hormuudka u yahay wasiir Axmed Macallin Fiqi. Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:- Aragtiday ku aadan motion ka Wasiirka Arimaha Debedda Mudane Ahmed Moalim Fiqi Waxaan aaminsanahay in ay shaqo weyn inoo hayaan saraakiisha addeega dibedda uu hormuud u yahay Wasiirka Arimaha Dibedda. Waxaan qabaa iyada oo la xeerinaayo waayaha iyo duruufaha ku xeeran dalkeenna, lana tix galinaayo dadaalka diplomacy ee dalka lagu difaacayo oo maanta maraya isgoys adag, in ay culays weyn nagu tahay, in khakhal la galiyo hogaanka diplomacy yadda dalka, iyada oo aan ogsoonahay sida qalloocan oo cadawgu u adeegsan karo, iyo dacaayadaha qaawan ee hadeerba ay wadaan. Waxaan aaminsanahay in gacmo geel-jire, hoos loo dhaqi karo, lagana maarmo motion aan xeerineyn duruufaha iyo waayaha uu dalku ku jiro. Waxaan qabaa in Wasiiro badan oo ay tahay in xilka laga xayuubiyaa ay jiraan. Wasiiro galay heshiisyo aan la garanayn waxa ku qoran, diidanna in baarlamaanka ay keenaan. Waxaa jiro heshiisyo dheef wadaag oo IMF iyo cid walba shardi ka dhigtay in la baahiyo oo la aaminsanyahay dalka in aan wax dan ah ugu jirin wasiiro galay oo u baahan isla xisaabtan. Waxaa jira wasiiro dibindaabyeeya mashaariicda loogu dhiibay shacabkooda, qaybo ka mid ahna cunna qabateeya. Intaas iyo ka badan oo jira oo mudnaan isla xisaabtan leh, waxaan qabaa, in arimaha Wasiirka Arimaha dibedda in heer Guddiga Arimaha Dibedda iyo Guddiga joogtada lagu xallin karo, wixii xal iyo wadahadal u baahan talo ka sokeysa motion lagu dhammayn karo. Waxaan aaminsanahay in Wasiir Axmed Fiqi uu yahay nin boos adag kaga jira dadaalada ilaalinta midnimada dalka iyo difaaca gobonimadeena cadawgu weerarka ku tahay. وبالله التوفيق The post Xildhibaanno ka horyimid mooshinka ka dhanka ah Fiqi appeared first on Caasimada Online.
-
Kooxda Xisbullah ayaa maanta oo Sabti ah xaqiijisay in Hogaamiyehoodii Xassan Nasrallah la dilay, waxaana warkani xaqiijinta ah uu yimid ka dib markii militariga Israel uu sheegay ay Nasrallah ku dileen duqeyn ay ka fuilyeen Beirut. Dhimashadiisa ayaa dhabarjab xun ku noqonaysa Xisbullah oo wajahaysa ololaha sii kordhaya ee weerarada kaga imanaya Israel. Waxa ay sidoo kale dhabarjab weyn ku tahay Iran, taasi oo dowrka weyn ku leh kooxaha ay taageerto ee loogu yeero kooxaha wax iska caabinta. Hisbullah ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto Israel “iyagoo garab siinaya Gaza iyo Falastiin, iyo difaaca Lubnaan iyo dadkeeda sharafta iyo karaamada leh”. Ma aysan sheegin sida loo dilay Nasrallah. Warkani ayaa soo baxay saacado kadib markii Israa’iil rasmi ah ugu dhawaaqday in ay hawlgalkii ay ku beegsadeen ku dileen hoggaamiyaha mileeshiyaadka Xisbullah , Xasan Nasrallah. Sida ay sheegeen Ciidamada Difaaca ee Israa’iil hugaamiyiha ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa waxa ay ku dileen duqayn dhacday habeenkii Jimcaha. Ciidanka Israa’iil ayaa sidoo kale ku dhawaaqay weerarkii shalay ee koonfurta Beirut in ay ku dileen madaxii howlgelinta Xisbullah ee koonfurta Lubnaan, Cali Karki iyo saraakiil kale. PUNTLAND POST The post Kooxda Xisbullah oo si rasmi ah u xaqiijiyay in la dilay Hoggaamiyahoodii Xasan Nasrallah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta qaaday howlgal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxayna beegsadeen xarumo cusub oo ay kooxda ka sameysatay deegaano u dhow magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Ciidamadan oo ka koobnaa Haramcad, Boolis Milataaro iyo ciidanka NISA ayaa waxa ay gaareen Beerta Cali Mahdi, Sabyo iyo deegaanno kale oo isku xira gobollada Banaadir, Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe. Howlgalkan waxaa horkacayay taliyaha NISA ee gobolka Banaadir, Cabdifitaax Ibraahim Shaaweey iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir. Guddoomiyaha degmada Dayniile Cumar Maxamuud Mahad Alle oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalka, wuxuuna sheegay inay ku burburiyeen xarumo maxkamadeed iyo saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi. “Halkan waxaan ku joognaa ciidamada qaybihiisa kala duwan oo muddo 24 saac ka badan howlgal ka waday halkan, meesha aan hadda joogno waa maxkamad beenaadkii ee nimanka sharwadayaasha ah dadka ku dhibi jireen” ayuu yiri Cumar Mahad Alle. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Al-Shabaabkii dhuumaaleysiga ku joogay halkaasi lasoo afjaray, isla markaana hadda kadib aan la ogolaan doonin inay shacabka u cadaalad doontaan halkaasi. Howlgalkan wuxuu yimid kadib markii ay dowladdu ka war heshay dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab oo usoo aag bedashay deegaanada ay maanta gaareen ciidanka ammaanka. Al-Shabaab waxay sidoo kale Khamiistii shalay aagga Beerta Cali Mahdi ku xayireen ku dhowaad 40 gaadiidka dadweynaha ah, iyagoo ku xujeeyey inay dalbadaan damiin gudaha Al-Shabaab la yaqaano. Si kastaba, dowladda federaalka ah Soomaaliya waxaa la gudboon in kooxdaan aysan ka harin oo looga dabatago dhulka howdka ah ee u dhow degmada Afgooye, si khatartooda looga badbaadiyo shacabka Muqdisho iyo degmooyinka ku dhow, sida Afgooye. The post Kadib saldhigyadii Shabaab ay ka sameysteen banaanka Muqdisho, maxaa dhacay? appeared first on Caasimada Online.
-
War kasoo baxay ururka Xisbulaahi ayaa lagu sheegay in Hassan Nasrallah, hogaamiyaha Hezbollah lagu dilay weerar hawada ah oo ka dhacay caasimadda Lebanon, Beirut. Tani waxay tahay dhacdo weyn oo dhaawac weyn u geysan karta Hezbollah, oo wajahaya weerarro Israeli ah oo sii kordhaya. Afhayeenka ciidamada Israel, Lieutenant Colonel Nadav Shoshani, ayaa xaqiijiyay in Nasrallah la dilay. Sidoo kale, waxaa la sheegay in Ali Karki, taliyaha dhanka koonfureed ee Hezbollah, iyo madax kale oo Hezbollah ka tirsan lagu dilay weerarka ba’an ee dhacay Jumcadii. Taliye ku-xigeenkii howlgalka ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran, Cabbaas Nilforoushan oo sidoo kale ahaa ku simaha taliyaha ciidanka ilaalada kacaanka dibadda ee loogu yeero Quds ee Lubnaan iyo Suuriya ayaa la xaqiijiyay inuu ka mid yahay saraakiisha sare ee la geeriyooday Nasrallah , kaddib weerarkii shalay ay Israa’iil ku beegsatay goobta ay ku sugnaayeen ee xarunta dhexe ee ururka Xisbullah ee koonfurta Beirut. Source: goobjoog.com
-
Israel's military said Saturday that it killed Hassan Nasrallah, the overall leader of the Iran-backed group Hezbollah, in an airstrike the previous day on the group's "central headquarters" in Beirut, Lebanon. The militant group confirmed Nasrallah's death, saying its longtime leader "has joined his fellow martyrs." Source: Hiiraan Online
-
Beirut (Caasimada Online) – Kooxda Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa goor-dhow xaqiijisay in la dilay hogaamiyahoodii Sayid Hassan Nasrallah, ka dib markii Israel ay sheegtay in ay “ku khaarijisay” weerar ay maalin ka hor ka fulisay koonfurta Beirut. “Sayid Xasan Nasrallah, Xoghayaha Guud ee Xizbullah, waxa uu ku biiray saaxiibadiisa waa weynaa ee shahiiday, ee uu hoggaaminayay muddo ku dhow 30 sano,” ayay Xizbullah ku tiri bayaan ay soo saartay. Bayaanka ayaa lagu xaqiijiyay in isaga iyo xubno kale lala dilay “kadib weerarkii khiyaanada ahaa ee Sahyuuniyadda ee duleedka koonfureed” ee Beirut. Rasaas ayaa kadib xaqiijinta geerida laga maqlayay Beirut, taasi oo ah tilmaan loogu baroor diiqayo hogaamiyaha dhintay, oo ahaa shaqsi diineed ay aad ugu daydaan taageerayaashiisa. Goor sii horreysay oo maanta ah, Ciidamada Difaaca ee Israel ayaa sheegay in Nasrallah ay ku dileen duqayn dhacday habeenkii Jimcaha. Nasrallah ayaa ilaa hadda ah bartilmaameedka ugu weyn ee ay Israel disho kadib toddobaadyo ay dagaal culus kula jirtay Xizbullah. Milatariga Israel waxa ay sheegeen in ay fuliyeen duqayn beegsi huban ah Jimcihii, xilli ay hoggaanka Xizbullah ku kulmeen xaruntooda Daahiye ee koonfurta Beirut. Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in lix qof ay ku dhinteen, 91 kalena ay ku dhaawacmeen weerarradii Jimcaha, kuwaas oo dhulka la simay lix guri oo dabaq ah. Ali Karki, Taliyaha Jabhadda Koonfureed ee Xizbullah, iyo taliyayaal dheeraad ah oo Xizbullah ah, ayaa sidoo kale lagu dilay weerarka, sida uu sheegay militariga Israel. Nasrallah ayaan inta badan lagu arki jirin fagaarayaasha wixii ka dambeeyey 2006. Waxaa xogyahaha guud ee Xizbullah loo doortay 1992-kii, isagoo 32 jir ah, ka dib markii diyaarad helikobter ah oo ay Israel leedahay ay dishay hoggaamiyihii ka horreeyay ee Cabaas Al-Musawi. The post Kooxda Xizbullah oo xaqiijisay geerida Hassan Nasrallah appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — At least three people were killed and five others wounded in a car bomb explosion near the National Theater in Mogadishu's Hamarweyne district on Saturday, eyewitnesses reported. Source: Hiiraan Online
-
Golaha shacabka ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxey ku meel mariyeen hindise sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Soomaaliyeed oo ay golaha u gudbisay wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS. Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa guddoomiyay kulanka lagu ansixiyay Sharciga oo ay goob joog ahaayeen 140 xildhibaan. 138 mudane ayaa “haa” ugu codeysay sharciga, waxaa ka aamusay laba xildhibaan marna jirin xildhibaan diiday. Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xukuumadda JFS, mudane Hassan Moallin ayaa ansixinta kadib, waxuu golaha uga mahad celiyay ka doodista, toosinta iyo meel marinta sharcigaan oo muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Sharcigan oo u gudbay aqalka sare, si ay iyana u meel mariyaan ayaa kor u qaadaya cadaaladda iyo sarreynta sharciga si qof walba u helo kaalmo- shaciyeedka uu u baahan yahay oo ah xaqa ka-wakiil-noqosho sharci, marka uusan qofku lahayn awood dhaqaale, sida dadka saboolka ah iyo kuwa nugul. Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib booqasho labo maalmood qaadatay oo uu magaalada Abuu dubay kulan miro-dhal ah kula soo qaatay Guddoomiyaha Golaha Midnimada Qaran ee Dowladda Imaaraatka Carabta. Guddoomiyaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Abuu dubay, waxa uu kulan la qaatay dhiggiisa Guddoomiyaha Golaha Midnimada Qaran ee Dowladda Imaaraatka Carabta Mudane Saqar Gabaash oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan labada Baarlamaan ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga, qibrad wadaagga, tababarrada iyo is dhaafsiga waayo aragnimada. Dhinaca kale Guddoomiyaha oo socdaalkiisa ku soo maray magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, ayaa booqasho u kuurgal ah waxa uu ku tegay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, isagoo danjiraha safaaradda iyo howlwadeennada kula dardaarmay in ay si dhow oo waxtar leh ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo loo adeegsaday gaari ayaa ka dhacay afaafka hore ee maqaayadda lagu magacaabo Geel-doox oo ku taalla dhabar dambe ee guriga hooyooyinka. Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in baabuurka qarxay la dhigay maqaayadda, kadibna looga tegay. Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa waxaa maqaayadda ku sugnaa dad badan oo shacab ah, maadaama la joogay waqtigii qadada, sida ay innoo sheegeen dadka aan la hadalnay. In ka badan 5 qof ayaa ku dhintay qaraxay, halka ay u dhaawacmeen tiro ntaasi ka badan, sida aanu kasoo xiganay dad goobjoogayaal Waxaa sidoo kale goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo gebi ahaan xiray dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen. Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa sidoo kale ka dhex muuqday mootooyinka nooca loo yaqaan Bajaajta oo gubtay iyo burbur kale oo gaaray goobo ganacsi oo ku yaalla agagaarka goobtaas qaraxa uu ka dhacay. The post Daawo: Qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaanno ka tirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa mooshin ka gudbiyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi. Guddoonka Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayay xildhibaannadani u gudbiyeen mooshinka oo ay ku qoran yihiin eedaymo loo jeedinayo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi. Xildhibaannada mooshinka gudbiyay ayaa wasiir Fiqi ku eedeeyay in uu curyaamiyay shaqadii wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka islamarkaana shirkad gaar loo lee yahay siiyay qeyb kamid ah shaqadii wasaaradda. Sidoo kale xildhibaannada mooshinka keenay ayaa soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo xilka wasiirka wasiirka arrimaha dibadda sida ku cad warqadda mooshinka loo gudbiyay guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo mooshin ka gudbiyay wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi appeared first on Puntland Post.
-
Qarax ayaa goor dhow ka dhacay Maqaayada Geel doox oo ku taala Dhabarka danbe ee Guriga Hooyooyinka. Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa laga wada maqlay inta badan degmooyinka gobolka Benaadir. Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu ahaa mid xooggan. Wali si rasmi ah looma xaqiijin karo nooca qaraxa. Wixii kusoo kordha kala soco Goobjoognews.com Source: goobjoog.com
-
Dowladda Israa’iil ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay hawlgalkii ay ku beegsadeen ku dileen hoggaamiyaha mileeshiyaadka Xisbullah , Xasan Nasrallah. Sida ay sheegeen Ciidamada Difaaca ee Israa’iil hugaamiyiha ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa waxa ay ku dileen duqayn dhacday habeenkii Jimcaha. Ciidanka Israa’iil ayaa sidoo kale ku dhawaaqay weerarkii shalay ee koonfurta Beirut in ay ku dileen madaxii howlgelinta Xisbullah ee koonfurta Lubnaan, Cali Karki iyo saraakiil kale. Ururka Xisbullah oo ah cidda u dambeysa ee laga sugayo ku dhawaaqista nolasha iyo geerida Nasrallah ilaa iyo hadda ma jiro weli war ka soo baxay. PUNTLAND POST The post Dowladda Israa’iil oo ku dhawaaqday in ay dishay hoggaamiyihii Xisbullah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay u jeediyeen eedeymo culus oo ku aadan shaqad wasaaradda. Illaa 90 oo saxiixay mooshinkan ayaa toos ugu gudbiyay guddoonka sare ee baarlamaanka waxayna soo bandhigeen eedeymo dhowr ah. Mooshinka ayaa ujeedkiisa waxa uu yahay in dib u eegis lagu sameeyo xilka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macalli Fiqi, sida ku cad nuqulka mooshinka ay gudbiyeen xildhibaannadu. Si gaar ah waxaa wasiirka loogu eedeeyay inuu cuuryaamiyay shaqadii wasaaradda, isla markaana uu awood tiray wasiiru dowlaha iyo wasiir ku xigeenka, isla markaana uu awoodda isku soo koobay isaga oo kaliya. “Fiqi wuxuu curyaamiyay shaqaddii wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, isagoo ku amray ku xigeenadiisa iyo Agaasimaha inaysan saxiixin wax warqad ah mudada uu safaradda dibadda ku maqan yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen xubnahan. Waxaa kale oo ay tilmaameen shaqooyinkii laga rabay wasaaradda arrimaha dibadda qayb kamid ah lagu wareejiyay shirkad ah oo ay xildhibaanada gudbiyay mooshinka ay sheegeen inay isticmaasho shabadda wasaaradda, taas oo lacag dheeri ah soo rogtay. Ugu dmabeyn xildhibaannada saxiixay mooshinka ayaa guddoonka ka dalbaday in si deg deg ah dib loogu eego shaqada wasiirka, si loogula xisaabtamo shaqadiisa. The post Wasiir Fiqi oo mooshin laga gudbiyay maanta iyo sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Beyruut (Caasimada Online) – Israel ayaa qaadday weeraro aan la filayn oo ay ku jihaysan caasimadda Lubnaan, iyada oo bartilmaameedsatay xarumaha kooxda Hezbollah ee taageersan Iiraan iyo keydadka hubkeeda. Weerarradii ugu horreeyay ayaa la rumeysan yahay in lagu bartilmaameedsaday hoggaamiyaha kooxda, Hassan Nasrallah, isla markaana sida oo kale la burburiyay dhismayaal ku yaalla koonfurta Beyruut. Ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay weerarka, balse weli wax war ah lagama hayo xaaladda Hassan Nasrallah. Lamana saadaalin karo oo waa goor hore in la sheego haddii weerarkaas uu ku dhintay hoggaamiyihii kooxda, Sayid Hassan Nasrallah, sida uu sheegay sarkaal sare oo Israa’iili ah oo la hadlay warbaahinta gudaha ee dalkaas. “Waa goor hore in la sheego, laakiin waad ogtahay, waa arrin waqti uun ah. Mararka qaar way qariyaan xaqiiqda marka aan guuleysanno,” ayuu yidhi sarkaalkaas oo ka jawaabayay su’aal ahayd haddii weerarka Israa’iil ee Jimcaha ay ku dileen Nasrallah. Ciidamada Israel ayaa amray in dadka ku nool saddex aag oo gaar ah ay guryahooda ka baxaan, kadibna waxay fuliyeen in ka badan labaatan weerar oo kale muddo shan saacadood ah. Kumannaan qof ayaa guryahooda ka qaxay iyagoo gabbaad ka raadinaya barxadaha, fagaareyaasha iyo laamiyada Beyruut. Ciidamada Difaaca Israel (IDF) ayaa sidoo kale sheegay inay bartilmaameedsadeen goobo ku yaalla magaalada Tyre ee koonfurta Lubnaan, halkaas oo ay ku dileen taliyeyaal ka tirsan Hezbollah. Isha: BBC The post Wararkii ugu dambeeyay duqeymaha Lubnaan iyo xaaladda Hassan Nasrallah appeared first on Caasimada Online.
-
Buulo-mareer (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta tallaabo deg-deg ah ay qaadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS ee ku sugan Buulo-mareer, kadib weerar ay Al-Shabaab kusoo qaadeen magaaladaasi. Weerarka ayaa Al-Shabaab waxaa gelinkii dambe ee shalay ku eekeeyeen saldhig ay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, ayada oo dib loo celiyay raggii weerarka qaaday. Intaas kadib ciidamada huwanta ayaa howlgallo ka bilaabay Buulo-mareer, si gacanta loogu soo dhigo xubnihii Al-Shabaab ee soo maleegay weerarka ka dhacay halkaasi. Ciidamada ayaa guri guri u baaray xaafadaha ayaa gacanta kusoo dhigay tiro dad ah oo tuhmanayaal ah, loogana shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya waxa ay sheegeen in weerarka aanu kasoo gaarin wax khasaare ah, isla markaana ay sameeyeen iska caabin, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in sii wadayaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda aagga Buulo-mareer, si looga hortego weeraradooda. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi u socda dhaq-dhaqaaqa dadka, gaadiidka iyo ganacsiga magaalada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose. Marar badan ayay kooxda soo weerartay magaaladaan, waxaana horay khasaare culus ay ugu gaarsiisay ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo askar badan looga dilay halkaasi. The post Ciidanka DF iyo kuwa ATMIS oo jawaab ka bixiyay weerarkii Al-Shabaab ee Buulo-mareer appeared first on Caasimada Online.
-
Warbaahinta dalka masar ayaa billaabay barnaamijyo joogto ah oo ay ku taageerayaan heshiiska militari ee Soomaaliya iyo Masar, ayagoo baahinaya faallooyin iyo warbixinno ay cinwaan u yihiin Itoobiya way burburaysaa, Masar walaaleheeda iyo saaxiibadeeda istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Eritrea, Abii Axmed wuxuu jahwareeray iwm. Xogaha qaar ay warbaahin dalka Masar tabinayo ayaa waxaa ku jira in xukuumadda Qaahira ay maraakiib gargaar militari ah u dirayso Eritrea si lamid ah hubkii ay muqdisho keentay, sidoo kalena ay dhisayso isbahaysi xooggan oo ka dhan ah maamulka Abii Axmed. Inta badan dadka ka faocelinaya baahinta wararka iyo barnaamijyada ku saabsan Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ayagoo dareenkooda muujinaya baraha bulshada ku qoraya “Illaahay ha xafido Masar iyo Soomaaliya”, “Itoobiya ha jabto iwm. Faallooyinka qaar oo ay TV-yada dalkaas ugu waweyn iyo dadka caanka ahi faafinayaan ayaa tilmaamaya in masar ay diyaar u tahay inay dagaal buuxa la gasho Itoobiya oo xiisad dhinaca webiga ahi kala dhexayso, haddana doonaysa inay badcas saamayn ku yeelato. Si kastaba ha ahaatee dhaqdhaqaaqa Masar iyo isbaheysiga seddaxda dalka ee Soomaaliya, masar iyo Eritrea ayaa dhabarjab ku ah xukuumadda Addis Ababa oo albaab walboo diblumaasiyadeed iyo mid iskaashiba ay ka soo xirmeen, islamarkaana ku jirta go’doon caalami ah. Source: goobjoog.com