-
Content Count
211,224 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dawladda Federalka Itoobiya ayaa jawaab adag ka bixisay hadal ka soo yeedhay Madaxwaynaha Soomaaliya, kaasi oo uu sheegay in dhulka Soomaalida Itoobiya uu yahay dhul ay Itoobiya ka haysato Soomaaliya. Aadan Faarax Ibraahi oo ah Raysal wasaare ku xigeenka dalka Itoobiya ahna Madaxwayne ku xigeenka xisbiga Barwaaqo, ayaa aqoonyahan iyo siyaasiyiinta Soomaliya ugu baaqay inay ka shaqeeyaan deris wanaaga Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaanu xusay inay Itoobiya dhiigeed u hurtay sidii ay Soomaaliya u noqon lahayd amni iyo xasilooni. Aadan Faarax Ibraahim oo ka jawaabaya hadalka ka soo yeedhay madaxwaynaha Soomaaliya ayaa bartiisa degelka Facebook ku daabacay jawaab celinta Xasan Sheekh waxaanay u dhignayd , “Sida laga warqabo Itoobiya iyo Soomaaliya waa labo wadan oo wadaaga xuduud aad u dheer oo ku dhow 1700 km. Intaas waxaa dheer in badan oo kamid ah shacabka ku dhaqan labada wadan in ay yihiin dad wadaaga isir, dhaqan, iyo diin. Sidaas daraadeed, Itoobiya, maadaama ay Ab iyo Oodba ugu xigto Soomaaliya, waxay aaminsantahay in xasiloonida iyo horumarka Soomaaliya ay lagamamaarmaan u tahay daganaanshaha iyo horumarka Itoobiya. Kadib burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya, Itoobiya oo gudanaysa mas’uuliyadda akhlaaqeed iyo midda walaaltinimaba ayaa dadaal dheer ku bixisay sidii loo heli lahaa dawlad Soomaaliyeed oo cagaheeda ku taagan taasoo soo celisa amniga iyo xasiloonida dalka Soomaaliya. Itoobiya waxay martigalisay qaxoonti aad u tirabadan oo kasoo cararay dagaaladii sokeeye ee ka qarxay Soomaaliya biloowgii sannadkii 1991-dii iyadoo ilaa haatan ay qayb badani wali wadanka ku suganyihiin. Dawladda Itoobiya waxay qabatay kulamo badan oo ay isugu keentay kuna heshiisiinaysay hogaamiye-kooxeedyadii gadh-wadeenka ka ahaa kooxihii ku dagaalamayay gudaha Soomaaliya. Dhinaca kale waxaa xaqiiqa ah in dawladda Itoobiya iyo shacabkeeduba ay dhiigooda u hureen sidii Soomaaliya loogu soo dabaali lahaa xasilooni iyo kala dambayn. Waxaa xusuusin mudan in hanaanka dawladeed ee ka dhisan Itoobiya uu yahay mid dawlad-wadaaga ah (federalism) kaasoo qowmiyad walba u saamaxay in ay iskeed isu maamusho. Qowmiyadda Soomaalida oo ah qowmiyadda 3aad ee ugu tiro badan 76-da qowmiyadood ee ku dhaqan Itoobiya, ayaa xuquuqdeeda siyaasadeed, mida dhaqaale iyo tan bulshaba si siman oo caddaaladi ku dheehantahay loo sugay. Wacyiga shacabka Soomaaliyeed ee deegaanka Soomaaliduna wuu ka kobcay in maalinba uu u gacan haadiyo cid aan danaheeda ka talinaynin oo awr ku kacsanaysa. Waxaa maalmahan fajac iyo yaab nagu noqday hadallada ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaliya, hadalladaas oo aan ka turjumayn waaqica dhabta ah ee maanta jira iyo tagtadii shalay ee halganka Shacabka Deegaanka Soomaalida midnaba, hadalladaasi waxay gaf iyo meel ka dhac ku yihiin shacabka Degaanka Soomaalida oo isagu garanaya meesha dantiisu kujirto. Waxay hadalladaasi fool xumo ku yihiin shacabka dalka Soomaaliya ee aan walaalaha nahay, waana mid dhaawacaysa wada noolaanshaha iyo deris wanaagga shucuubta geeska Afriika oo ay Soomaalidu qayb muhiim ah ka tahay. Waxaan madaxda dalka Soomaaliya ugu baaqaynaa in ay xoogga saaraan ka shaqaynta danta shacabka Soomaaliya, adkeynta dawladnimada Soomaliya, iyo xoojinta iskaashiga iyo walaaltinimada laba dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya. Indheergaradka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed waxaan iyagana ugu baaqaynaa in ay doorkooda ka qaataan la halganka afkaarta guracan ee kala fogaynaysa Bulshada walaalaha ee Geeska. Dowladda Itoobiya waxaa ay marwalba aaminsantahay in la ixtiraamo daris wanaaga, wax wada qabsiga, lana xoojiyo isdhexgalka Geeska Afrika iyo xaqiijinta nabad waarta oo ka dhalata Geeska Afriika”. Source
-
Israa’iil ayaa duqeyn ay ka geysatay magaalada ku taalla koonfurta Lubnaan ee Sidon, waxay ku dishay Khaliil Al-Maqdah, oo la dhashay hoggaamiyaha ururka Fatax ee Falastiiniyiinta garabka Lubnaan, Muniir Al-Maqdah,sida ay warisay Al Jazeera. Israa’iil ayaa inta uu dagaalka Qasa socday ku eedeysay Muniir Al-Maqdah inuu hub soo geliyay dhulka Falastiiniyiinta, tan iyo markaa Israa’iil ayaa indhaha ku heysay xeryaha qaxootiga Falastiiniyiinta ee ku yaalla gudaha Lubnaan. Ma cadda haddii ay sheegi doonaan duqeyntan lagu dilay walaalka hoggaamiyahan sare inay uga jawaabayaan weerarkii qaraxa ee ka dhacay Tel Aviv, oo baaritaan ay ku sameeyeen ay ku sheegeen inuu ahaa mid xadi sare oo kiimikooyin iyo walxaha qarxa oo aan laga heli karin Qasa ay ku jireen, taa oo jirta qaraxa waxaa sheegatay Xamaas , oo ku hanjabtay inay gudaha Israa’iil ka geysan doonaan qaraxyo. Source
-
Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa maanta weerar la beegsaday markabka shidaalka qaada ee MV Sounion ee laga leeyahay dalka Giiriga, kaasoo la sheegay inay ka dhaceen laba qarax, wallow ayna qaraxyadaa ka joojin inuu sii wado safarkiisa, sida ay sheegtay ha’yadda ganacsiga baddaha Ingiriiska ee (UKMTO). Source
-
Ukraine ayaa Arbacadii shalay ku weerartay caasimadda Ruushka ee Moscow illaa 11 diyaaradood oo ah nuuca aanan duuliyaha laheyn, kuwaas oo uu Ruushku sheegay in difaacooda cirka uu burburiyay dhammaan diyaaradahaasi. Dawladda Ruushka ayaa qirtay in weerarkaasi uu ahaa mid ka mid ah weeraradii ugu weynaa ee ay ciidanka Ukraine ku bartilmaameedsadaan Moscow, tan iyo markii uu billowday dagaalka Ukraine bishii Febraury ee sannadki 2022-ki. Dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine oo in muddo ahba dhinacyadu isu adeegsanayeen madaafiicda goobta, diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn, iyo duqeymo cirka ah, isla markaana ka socday tuulooyinka iyo dhulka howdka ah ee bariga Ukraine, ayaa 6-di bishan August waji kale yeeshay, kaddib markii ay Ukraine ciidamo u dirtay gobolka Kursk ee bariga Ruushka dhanka xadka Ukraine. Source
-
Agaasimaha Hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Kenya, Nuuradiin Maxamed Xaaji ayaa booqasho rasmi ah ku tegey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. Agaasime Nuuradiin Xaaji ayaa halkaasi kula kulmay dhiggiisa agaasimaha sirdoonka Itoobiya, Redwan Hussain waxaana la sheega in ay ka wada-hadleen xoojinta iskaashiga labada dhinac Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay ka wada-xaajoodeen xoojinta amniga xadka labada dal iyo sidii ay wadajir uga jawaabi lahaayeen dhaqdhaqaaq ka soo cusboonaday xadka. Xadka labada dal ee Itoobiya iyo Kenya ayaa la sheegay in ay falal amniga lid ku ah ka geysanayaan dagaalyahannada kooxda Shene ee loogu yeero ciidanka xoraynta Oromada oo ay Itoobiya horey liiska argagixisada ugu dartay. PUNTLAND POST The post Madaxda Sirdoonka Kenya iyo Itoobiya oo ka wada-hadlay dhaq dhaqaaqyo ka soo cusboonaaday xadka labada dal appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha keenay inay natiijo la’aan ku soo dhammaadaan wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya ee magaalada Ankara, gaar ahaan wajigii labaad. Wasiirka ayaa sheegay in Itoobiya ay weli ku dheggantahay damaceedii gurracnaa ee ay ku doonaysay inay qeyb badda Soomaaliya kamid ah sharci darro ku qaadato, Soomaaliyana aysan marnaba oggolaanayn inay gorgortan ka gasho badeeda, taasina ay tahay sababta keentay is mari waaga iyo fashilka wada-hadallada. Wuxuu intaa ku daray in Itoobiya ay diiday dhammaan sharciyada caalamiga ah ee ay ku wada dhaqmaan dalalka badda leh iyo kuwa xirani, islamarkaana ay ku adkaysatay inay hesho qeyb kamida badda Soomaaliya, wada-hadalkuna uu dhankeeda ka socan waayay. Wajigii labaad ee wada-hadalada labada dal oo 12-13 bishan Agoosto ka socday magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday, waxaana cirka isku sii shareeraya ismaan-dhaafka labada dhinac, ayadoo Itoobiya ay geed gaaban iyo mid dheerba u fuulayso hirgelinta damaceeda gardarrada ku ah madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
The Swedish government has been asked to prevent conflict and war Somalia is creating by the cooperation agreement between Somaliland and Ethiopia. Member of Parliament Markus Wiechel who presented a question to the Minister of Foreign Affairs Hon. Tobias Billström in the Swedish Parliament on 20 August 2024, demands that he take diplomatic measures to prevent the conflict in Somalia. Hon. Wiechel’s questions reads as follows; The signing of a Memorandum of Understanding (MoU) between Ethiopia and Somaliland, which among other things gives Ethiopia access to the port of Berbera, a very important port on the Gulf of Aden adjacent to the Red Sea, will have far-reaching diplomatic and humanitarian benefits in a strategically very important location. This agreement opens up positive effects that affect millions of people in the region and also has the potential to benefit relations between this region and Europe, and not least Sweden. Ethiopia has a central role in the region as one of Africa’s most populous nations and a rapidly growing economy. By gaining access to a strategically located port, the country’s capacity to participate in global trade is strengthened, which can result in economic growth, improved infrastructure and a strengthened trade balance. It reduces costs and increases the efficiency of import and export operations, which directly affects food security and can improve the standard of living of millions of people. Cooperation between Ethiopia and Somaliland also promotes regional integration and security, which is important for stabilizing the Horn of Africa, a historically turbulent region. Stability in Ethiopia and its vicinity means a reduced risk of conflicts and humanitarian crises, which of course has a positive impact outside the region as well. For Sweden and Europe, a stable and economically stronger Ethiopia means improved trade relations and new investment opportunities. It can lead to increased imports of Ethiopian goods and open doors for European technology and expertise to contribute to local development, including a green transition. Stability in the region also reduces migration and refugee pressure towards Europe through improved living conditions in the home countries. What is worrying in this situation is the fact that Somalia’s unelected president Hassan Sheikh Mohamud has threatened war, as well as approached both Turkey and, most recently, Egypt to strengthen their military capabilities. It is thus a dictator, whose ministers include former terrorist leaders, who, despite having no control over his own territory, is prepared to invade the most democratic country in the region. Worse yet, there is extensive evidence that Somalia is at risk of continuing the ethnic cleansing of Somaliland’s dominant clan (Isaaq) that began during dictator Siad Barre’s time in power. In light of the above, Foreign Minister Tobias Billström is requested to answer the following question: Can the Minister consider taking diplomatic steps to prevent Somalia from starting an unnecessary war or possible genocide, and if not, what steps can we expect from the Minister and the Government? The question of MP Wiechel published on the website of the Swedish Parliament said that the response of the Minister of Foreign Affairs Md. Tobias is expected on September 2, 2024. Source Horntribune Qaran News
-
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Xalay yeeshay kulan uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo saaray Qaraar muhiim ah oo ku saabsan Mamnuucidda in Dakhli Dawladeed Lagu Shubo ama Lagu Hayo Koonto Bangi ee aan ahayn Khasnadda Mideysan (TSA) Golaha Wasiirradu Wuxuu Meelmariyay Qaraarka Qodobadiisu Hoos Ku Qoran Yihiin: Qodobka 1-aad Joojinta in Dakhli Dawladeed Lagu Shubo ama Lagu maareeyo Koonto Bangi oo aan ahayn Khasnada Mideysan (TSA) 1. Sida ku cad Qodobka 2(1)(r) iyo Qodobka 4-aad ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, dhammaan dakhliga Dawladda Federaalka Soomaaliya waa in lagu shubaa, laguna maamulaa Khasnadda Mideysan oo keliya (TSA). 2. Si waafaqsan Qodobka 4(2) iyo Qodobka 42(4), waxaa mamnuuc ah in dakhliga Dawladda lagu qabto ama lagu hayo koonto bangi oo aan ahayn Khasnada Mideysan (TSA). 3. Si waafaqsan Qodobka 4(3) ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, dakhliga Dawladda Federaalka waxa ku jira dhammaan lacagaha ay qabtaan hay’adaha Dawladda, iyo sidoo kale dhammaan lacagaha lagu soo ururiyo magaca hay’ad Dawladeed, ama midka Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin balse aan ku xaddidnayn dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan ee loo ururiyo si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka kala duwan ee dhaqangalka ah. Qodobka 2-aad Hay’adda Dawladda Mas’uulka uga ah Dakhli Ururinta 1. Sida ku cad Qodobka 8(2) ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, Wasaaradda Maaliyadda ayaa ah hay’adda kaliya ee u xilsaaran ururinta, maareynta iyo la socodka dhammaan noocyada kala duwan ee dakhliga Dowladda Federaalka Soomaaliya. 2. Iyada oo aan waxba loo dhimayn doorkooda bixinta adeegyada Dawliga ah, dhammaan hay’adaha kale ee Dawladda, ha ahaadan rayid ama ciidan, waxaa ka mamnuuc ah, inay si iskood ah u ururiyan ama u maareeyaan dakhliga Dawladda, oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan. Qodobka 3-aad Dejinta Tacriifadaha 1. Si waafaqsan Qodobka 6(b) iyo Qodobka 108 ee Sharciga Maamulka Dakhliga, 2019, Wasiirka Maaliyadda oo kaliya ayaa awood loo siiyay dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn tacriifadaha dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan. 2. Iyada oo aan waxba loo dhimayn doorkooda dhaqan-gelinta iyo fududaynta bixinta noocyada kala duwan ee dakhliga Dowladda, dhammaan hay’adaha kale ee Dawladda, ha ahaadan rayid ama ciidan, waxaa ka mamnuuc ah dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn tacriifadaha dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan. 3. Iyadoo u-hoggaansamaysa Qodobka 6(b) iyo Qodobka 108 ee Sharciga Maamulka Dakhliga, 2019, Wasaaradda Maaliyaddu waa in ay sahan dhamaystiran ku samayso dhammaan tacriifadaha hadda jira ee la xiriira ilaha kala duwan ee dakhliga Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo hubiyo in dhammaan tacriifadahaas, oo ay ku jiraan kuwa canshuuraha, khidmadaha, iyo ganaaxyada, ay la socon kara xaaladaha dhaqaale ee Dalka. Qodobka 4-aad Dib-u-eegista Heshiisyada iyo Qandaraayadda aan waafaqsanyn Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019 iyo Sharciga Iibka ee Qaranka 2016 1. Si loo hubiyo u hogaansanaanta qodobbada sharciga islamarkasna looga hortago khataraha maaliyadeed ee ka dhalan kara, waa in dhammaan heshiisyada saamaynta maaliyadeed leh ee dhaqangalka ah ee sharciga baalmarsan la waafajiyaa Sharciga Iibka ee Qaranka, 2016, iyo Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019. 2. Dhammaan heshiisyada caalamiga ah ee saamaynta maaliyadeed leh ee Dawladda Federaalka Soomaaliya kula jirto shirkadaha shisheeye waa in dib u eegis lagu sameeyo lana waafajiyo sharicga marka wakhtigoodu dhammaado kahor inta aan la cusboonaysiin. 3. Wasaaradda Maaliyadda waxaa la farayaa in ay hortabin siiso si joogta ahna u bixiso kharashaadka ka dhasha heshiisyada Dawladdu kula jirto shirkadaha gaarka loo leeyahay si looga fogaado ganaaxyada sharci ee ka imaan kara. 4. Qararkan waxaa lagu baabi’iyay dhammaan heshiisyada hoos ku xusan: (b) Heshiiska lagu fuliyo adeegyada la socodka koonteenarada ee electrooniga ah (electronic container tracking) oo ay horay loo galay. (t) Heshiiska lagu fuliyo adeega dhaqista koonteenarada (container cleaning services) oo horay loo galay. (j) Heshiiska fayadhawrka ee Dowladda Hoose. Qodobka 5-aad Qodobo Qubane ah 1. Iskaanka lagu hubiyo badeecadaha kasoo dega Dekadda Muqdisho waa in la dhimo qiimaha adeegga konton boqolkiiba (50%) iyadoo khidmadda kasoo xaroota lagu qabanayo Khasnadda Midaysan. 2. Ganacsatada Soomaaliyeed ee badeecaddaha kala soo daga furdooyinka Soomaaliya waxaa la farayaa inay shahaadada caddaynta tayada baddecadda ay kala yimaadan shirkadda Veritas ee Dawladda Soomaaliya ugu xilsaaran hubinta tayada badeecadaha. 3. Waxaa la joojiyay lacagaha howl fududeynta ah ee aan sharciga ku saleysneyn ee ganacsatada looga qaado Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha. 4. Dhammaan mas’uuliyiinta iyo howl-wadeenada Shirkadda Alport Mogadishu, kuwa Furdada, Ciidanka Ilaalada Canshuuraha iyo hay’addaha kale ee amniga ma samayn karaan xannibaad ama daahis ay ka dhalan karto kharash ku siyaada badeecadda Dekadda. 5. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waa inay dejisaa qorshe lagu fududeynayo adeegayada laga bixiyo Dekedda Muqdishu. 6. Dhammaan shirkadaha dillaalayda furdooyinka iyo wakiiladda maraakibta (customs brokers & shipping lines) waxaa ka mamnuuc ah inay ku dallacaan ganacsatada lacagaha fududeynta ah oo lagu bixiyay si sharci daro ah. 7. Waxaa la joojiyay lacagaha laga qaado gaadiidka xammuulka ah ee ka baxa baraha koontaroolada ah ee magaalada Muqdisho sida Afgooye iyo Balcad. 8. Waxaa la yareeyay khidmadda Kaarka Ogolaanshaha Gelista Dekadda (Port Access Permit), waxaana laga dhigay $40 doolar oo kaliya, iyadoo meesha laga saaray qaadista lacag dhan $110 doolar. 9. Waxaa meesha lag saaray kharash kasta oo ku bixi jiray howlaha loogu yeeray Kontaynar-jabinta. Cid kasta oo ku lug yeelata qaadista khidmadaan la mamnuucay waxaa laga qaadi doonaa tallaabooyin sharciga waafaqsan. 10. Wasaaradda Ganacsiga waxaa la farayaa in ay u kuurgalid iyo wadatashiyo ka soo samayso cabashooyinka iyo khilaafaadka u dhexeeya ganacsatada, isla markaana soo jeedin ay keento Golaha Wasiirrada. 11. Waxaa la farayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada inay keento qorshe lagu xallinayo cabashooyinka ka jira gaadiidka xamuulka ka qaada Dekedda Muqdisho, isla markaana soo jeedin ay keento Golaha Wasiirrada. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Xalay Soo Saaray Qaraar Ku Saabsan Canshuuraha Iyo Dakhliga dalka appeared first on Puntland Post.
-
Bishii June, Xuseen Macallin oo ah La taliyaha Amniga Qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in marka uu dhamaado bixitaanka ciidamada hawlgalka ATMIS ay guud ahaan ciidamada dalka Itoobiya isaga bixi doonaan dhulka Soomaaliya, aysanna aqbali doonin hawlgalka xiga ATMIS ay Itoobiya qayb ka noqoto. Sababta ugu wayn go’aankaas ayaa waxay tahay, in khilaaf xoogga uu ka dhaxeeyo labada dawladood ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya. “Sababahana waad garaneysaan xaaladda iyo xiriirka dawladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ay hadda maanta la leeyihiin Itoobiya ayeysan suurtagal noqonaynin in ay ma aragtay cidamadaas Itoobiya ay Soomaaliya sii joogaan,’ sidaas waxaa yiri Xuseyn Macallin, Lataliyaha Amniga Qaran ee Soomaaliya. Balse afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Nebiyu Tedlaoo dhawaan la hadlay warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya ayaa sheegay in Itoobiya ay xaq u leedahay in ay tallaabo difaac ka qaado waxuu ku qeexay ‘Al-Shaabta aadka u xoogaystay’. “Ma jirto awood joojinaysa Itoobiya in ay tallaabooyinka lagama maarmaanka ah qaadno iyada oo aan cidna ogolaansho weydiisanayn. Itoobiya iyo dowladaha gobolkuna waxay ka wada shaqayn doonaan midaan” Isaga oo hadalka sii watana waxuu sheegay in Itoobiya wax kasoo horjeeda ayna Soomaaliya kasoo dhex bixi karin. “Ma jirto sabab ay u ogolaan doonto Itoobiya awood kasoo horjeeda danaheeda in ay kasoo dhex baxdo Soomaliya.” Ayuu yidhi Afhayeenka wasaaradda. Hadaba Itoobiya iyada oo aan idin ka haysan dawladda Soomaaliya, dhaq dhaqaaqyo ma ka sameyn karaan gudaha xadka Soomaaliya? Su’aashaan ayaa waxaan Cabdullaahi Maxamed Cabdullaahi oo sharciyaqaan bartay shuruucda caalamiga ah iyo tan arrimaha badda. Waxuuna sheegay Cabdullaahi haddii ay Soomaaliya kusii adkaysato in Itoobiya ayna kasii mid noqon howlgalka xiga ee ATMIS beddelaya in sii joogista Itoobiya ay noqonayso gudub lid ku ah sharciga caalamiga ah. “Ma jirto sabab sharciyad siinaysa inay sii joogaan dhulka soomaaliya waxayna xadugub ku noqonaysaa gobannimada iyo madaxbannaanida dhulleed ee Soomaaliya si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.” ayuu yidhi Cabdullaahi oo sharaxaya sida tallaabadana sharci ahaan u khaldantahay. Dhanka kale Axmed Cali Saki oo ah Cilmi baadhe iyo Barre ka tirsan Jaamacadda Hargeysa, ayaa waxa uu aainsan yahay in hadalkan uu muujinaayo walaaca ay Itoobiyo ka qabaan ciidamada Masar ee imaanaya Soomaaliya. “Afhayeenku isaga oo ka daba tagaya saxaafadda [kadib] heshiiskii dhex maray Soomaaliya iyo Masar ayuu waxuu muujinaayay in ay walaac ka qabaan ciidamada Masar ee imanaya Soomaaliya” ayuu BBC da u sheegay Cali Saki. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan heshiis difaac la saxiixatay dalka Masar wakaaladda wararka ee Anadolu ayaana ku warrantay in Masar ay taageerayso howlgalka cusub ee beddeli doona ATMIS ee ciidamada cusub ee Afrika kasocda ay usii joogi doonaan howlgalka nabad ilaalinta ah. Sida ku xusan warbixinta ay daabacday Anadolu waxaa sare u kacay waxyaabaha ay Masar Soomaaliya usoo dhoofiso oo keliya 11-kii bilood ee ugu horreeyay sanadkii tagay ee 2023 gaadhay $54 Milyan oo doolarka Maraykanka ah. Ciidamada nabad illaalinta ee iyo midowga AfricaXigashada Sawirka,Getty Images Qoraalka sawirka,Ciidamada nabad illaalinta ee iyo midowga Africa Soomaaliya ayay ciidamo ka kala socda ururka midowga Africa joogeen tan iyo bishii March ee sanadkii 2007 dii, xilligaas oo uu bilowday Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya. Filashada la qabay waxay ahayd in Soomaaliya si toos ah ula wareegi doonto amniga guud ee wadankeeda iyada oo aan cidi kaalmaynaynin balse mar saddexaad ayuu howlgalka cusub oo magac kale wata lagu wadaa in uu Soomaaliya ka bilowdo. Isla bishaan August war kasoo baxay Golaha Amaanka Iyo Nabadda Afrika ayaa lagusoo dhaweeyay dalabyada Jabuuti iyo Masar ay ciidamo ugu deeqi doonaan Soomaaliya. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya waxuu sheegay in wadamada howlgalka cusub ee AUSSOM ciidamada ugu deeqaya ay noqon karaaan kuwa abuura xasarad ka dhalata gobolka geeska Afrika. “Itoobiya waxay aaminsantahay wadamada ciidamada ugu deeqi doona howgalka in si dhibaato-ka-carar leh loo xusho. Doorka ciidamo ku deeqayaashana ayna noqon xudun dhibaato oo u dhexeysa wadamada geeska. Aad banaa u aaminsanahay in doorkaasi uusan noqon meel kale oo dhibaato kale gobolka ka abuurta,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya. Xasaradda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya oo la kowsatay dhalashada sanadkaan 2024 ayaa maraysa bishii sideedaad iyada oo wada hadalo iyo xalal diblumaasiyadeed oo labada wadan lagu dhexdhexaadinaayo ayna kasoo bixin wax midho ah wali. Wadahalkii ka dhacay Ankara ayaa ahaa kii ugu danbeeyay labad dhinac ay wada galeen, balse qudhiisa wax xal lama gaarin, waxaase la isku ballansaday wareeg sadexaad. Bbcsomali Qaran News
-
Shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in hoos u dhac weyn uu ku yimid faa’iidooyinkii ay heli jirtay sañadka badhkii , taasoo ka dhalatay khalkhal ku yimid badda cas oo ay sababeen colaadda u dhexeysa Xuutiyiinta Yemen iyo Israa’iil. Hoos u dhacan ayaa la filayaa inuu shirkaddu u horseedo inay hoos u dhigto maal-gashigii ay ku lahayd gobolka Bariga Afrika. Faa’iidada DP World ayaa aad hoos ugu dhacday sanadkan $265 milyan, taasoo ku dhow 60 boqolkiiba hoos uga dhacday 651 milyan oo dollar oo la diiwaan geliyay isla muddadaas sannadkii hore. Guddoomiyaha iyo maamulaha guud ee shirkadda Sultan Ahmed bin Sulayem, ayaa hoos u dhaca u sababeeyay xaaladda juqraafiyeed ee sii xumaanaysa iyo khalkhal ku yimi silsiladda saadka ee badda cas. “Sanadka 2024-ka waxaa lagu asteeyay jawi siyaasadeed oo sii xumaanaya iyo khalkhal ku yimid silsiladaha sahayda caalamiga ah taas oo ay ugu wacan tahay dhibaatada badda cas,” ayay shirkaddu ku tiri hadal ay soo saartay. DP World ayaa si weyn u maalgelisay gobolka Bariga Afrika, gaar ahaan Dekedda Berbera ee Somaliland. Shirkadda ayaa sidoo kale indhaha ku haysay Dekedda Mombasa ee dalka Kenya, iyadoo dalku uu sahaminayo hindiseyaal gaar loo leeyahay oo lagu dhisayo goobo badan oo ku yaalla dekedaha Mombasa iyo Lamu. Sannadkii hore, maamulka dekedaha Kenya (KPA) ayaa ku martiqaaday daneeyayaasha suurtagalka ah si ay u muujiyaan xiisaha ay u qabaan kiraynta kaabayaasha dekedda iyada oo loo marayo iskaashiga dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Iskahorimaadka socda ayaa la arkay fallaagada Xuutiyiinta, tan iyo bishii Nofembar, oo beegsanaya maraakiibta mara marinka Badda Cas, oo ah marin biyood muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah. Weeraradan ayaa hakad galiyay isu socodkii badeecadaha lagu qiyaasay 1 trillion oo dollar sanadkii waxayna sababeen qaar ka mid ah howlgaladii ugu xooganaa ee ay ku lug lahaayeen ciidamada badda Mareykanka tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka. Si kastaba ha ahaatee, culayska dhaqaale ee ka imanaya carqaladaynta Badda Cas ayaa laga yaabaa inay ku qasbi karto DP World inay dib u eegto ama dib u dhigto qorshaheeda balaadhinta ee Bariga Afrika. Horumarkani waxa uu saamayn balaadhan ku yeelan karaa ganacsiga mandaqada iyo kobaca dhaqaalaha,maadaama maalgashiga DP World loo arkay in uu fure u yahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo casriyaynta deegaanka. Qaran News
-
The Ministry of Health has warned Kenyans about spreading fake news about Mpox. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu University has launched a pioneer faculty dedicated to civil aviation studies. Source: Hiiraan Online
-
PM Barre launches new passport issuance center in Mogadishu
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) — Prime Minister Hamza Abdi Barre launched the construction of a new passport issuance center in Mogadishu on Thursday. The facility, supported by the Danish Government, is located in the Boondheere district and is expected to streamline passport delivery. Source: Hiiraan Online -
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo saaray Qaraar muhiim ah oo ku saabsan Mamnuucidda in Dakhli Dawladeed Lagu Shubo ama Lagu Hayo Koonto Bangi ee aan ahayn Khasnadda Mideysan (TSA) Golaha Wasiirradu Wuxuu Meelmariyay Qaraarka Qodobadiisu Hoos Ku Qoran Yihiin: Qodobka 1-aad Joojinta in Dakhli Dawladeed Lagu Shubo ama Lagu maareeyo Koonto Bangi oo aan ahayn Khasnada Mideysan (TSA) Sida ku cad Qodobka 2(1)(r) iyo Qodobka 4-aad ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, dhammaan dakhliga Dawladda Federaalka Soomaaliya waa in lagu shubaa, laguna maamulaa Khasnadda Mideysan oo keliya (TSA). Si waafaqsan Qodobka 4(2) iyo Qodobka 42(4), waxaa mamnuuc ah in dakhliga Dawladda lagu qabto ama lagu hayo koonto bangi oo aan ahayn Khasnada Mideysan (TSA). Si waafaqsan Qodobka 4(3) ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, dakhliga Dawladda Federaalka waxa ku jira dhammaan lacagaha ay qabtaan hay’adaha Dawladda, iyo sidoo kale dhammaan lacagaha lagu soo ururiyo magaca hay’ad Dawladeed, ama midka Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin balse aan ku xaddidnayn dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan ee loo ururiyo si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka kala duwan ee dhaqangalka ah. Qodobka 2-aad Hay’adda Dawladda Mas’uulka uga ah Dakhli Ururinta Sida ku cad Qodobka 8(2) ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, Wasaaradda Maaliyadda ayaa ah hay’adda kaliya ee u xilsaaran ururinta, maareynta iyo la socodka dhammaan noocyada kala duwan ee dakhliga Dowladda Federaalka Soomaaliya. Iyada oo aan waxba loo dhimayn doorkooda bixinta adeegyada Dawliga ah, dhammaan hay’adaha kale ee Dawladda, ha ahaadan rayid ama ciidan, waxaa ka mamnuuc ah, inay si iskood ah u ururiyan ama u maareeyaan dakhliga Dawladda, oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan. Qodobka 3-aad Dejinta Tacriifadaha Si waafaqsan Qodobka 6(b) iyo Qodobka 108 ee Sharciga Maamulka Dakhliga, 2019, Wasiirka Maaliyadda oo kaliya ayaa awood loo siiyay dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn tacriifadaha dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan. Iyada oo aan waxba loo dhimayn doorkooda dhaqan-gelinta iyo fududaynta bixinta noocyada kala duwan ee dakhliga Dowladda, dhammaan hay’adaha kale ee Dawladda, ha ahaadan rayid ama ciidan, waxaa ka mamnuuc ah dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn tacriifadaha dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan. Iyadoo u-hoggaansamaysa Qodobka 6(b) iyo Qodobka 108 ee Sharciga Maamulka Dakhliga, 2019, Wasaaradda Maaliyaddu waa in ay sahan dhamaystiran ku samayso dhammaan tacriifadaha hadda jira ee la xiriira ilaha kala duwan ee dakhliga Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo hubiyo in dhammaan tacriifadahaas, oo ay ku jiraan kuwa canshuuraha, khidmadaha, iyo ganaaxyada, ay la socon kara xaaladaha dhaqaale ee Dalka. Qodobka 4-aad Dib-u-eegista Heshiisyada iyo Qandaraayadda aan waafaqsanyn Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019 iyo Sharciga Iibka ee Qaranka 2016 Si loo hubiyo u hogaansanaanta qodobbada sharciga islamarkasna looga hortago khataraha maaliyadeed ee ka dhalan kara, waa in dhammaan heshiisyada saamaynta maaliyadeed leh ee dhaqangalka ah ee sharciga baalmarsan la waafajiyaa Sharciga Iibka ee Qaranka, 2016, iyo Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019. Dhammaan heshiisyada caalamiga ah ee saamaynta maaliyadeed leh ee Dawladda Federaalka Soomaaliya kula jirto shirkadaha shisheeye waa in dib u eegis lagu sameeyo lana waafajiyo sharicga marka wakhtigoodu dhammaado kahor inta aan la cusboonaysiin. Wasaaradda Maaliyadda waxaa la farayaa in ay hortabin siiso si joogta ahna u bixiso kharashaadka ka dhasha heshiisyada Dawladdu kula jirto shirkadaha gaarka loo leeyahay si looga fogaado ganaaxyada sharci ee ka imaan kara. Qararkan waxaa lagu baabi’iyay dhammaan heshiisyada hoos ku xusan: (b) Heshiiska lagu fuliyo adeegyada la socodka koonteenarada ee electrooniga ah (electronic container tracking) oo ay horay loo galay. (t) Heshiiska lagu fuliyo adeega dhaqista koonteenarada (container cleaning services) oo horay loo galay. (j) Heshiiska fayadhawrka ee Dowladda Hoose. Qodobka 5-aad Qodobo Qubane ah Iskaanka lagu hubiyo badeecadaha kasoo dega Dekadda Muqdisho waa in la dhimo qiimaha adeegga konton boqolkiiba (50%) iyadoo khidmadda kasoo xaroota lagu qabanayo Khasnadda Midaysan. Ganacsatada Soomaaliyeed ee badeecaddaha kala soo daga furdooyinka Soomaaliya waxaa la farayaa inay shahaadada caddaynta tayada baddecadda ay kala yimaadan shirkadda Veritas ee Dawladda Soomaaliya ugu xilsaaran hubinta tayada badeecadaha. Waxaa la joojiyay lacagaha howl fududeynta ah ee aan sharciga ku saleysneyn ee ganacsatada looga qaado Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha. Dhammaan mas’uuliyiinta iyo howl-wadeenada Shirkadda Alport Mogadishu, kuwa Furdada, Ciidanka Ilaalada Canshuuraha iyo hay’addaha kale ee amniga ma samayn karaan xannibaad ama daahis ay ka dhalan karto kharash ku siyaada badeecadda Dekadda. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waa inay dejisaa qorshe lagu fududeynayo adeegayada laga bixiyo Dekedda Muqdishu. Dhammaan shirkadaha dillaalayda furdooyinka iyo wakiiladda maraakibta (customs brokers & shipping lines) waxaa ka mamnuuc ah inay ku dallacaan ganacsatada lacagaha fududeynta ah oo lagu bixiyay si sharci daro ah. Waxaa la joojiyay lacagaha laga qaado gaadiidka xammuulka ah ee ka baxa baraha koontaroolada ah ee magaalada Muqdisho sida Afgooye iyo Balcad. Waxaa la yareeyay khidmadda Kaarka Ogolaanshaha Gelista Dekadda (Port Access Permit), waxaana laga dhigay $40 doolar oo kaliya, iyadoo meesha laga saaray qaadista lacag dhan $110 doolar. Waxaa meesha lag saaray kharash kasta oo ku bixi jiray howlaha loogu yeeray Kontaynar-jabinta. Cid kasta oo ku lug yeelata qaadista khidmadaan la mamnuucay waxaa laga qaadi doonaa tallaabooyin sharciga waafaqsan. Wasaaradda Ganacsiga waxaa la farayaa in ay u kuurgalid iyo wadatashiyo ka soo samayso cabashooyinka iyo khilaafaadka u dhexeeya ganacsatada, isla markaana soo jeedin ay keento Golaha Wasiirrada. Waxaa la farayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada inay keento qorshe lagu xallinayo cabashooyinka ka jira gaadiidka xamuulka ka qaada Dekedda Muqdisho, isla markaana soo jeedin ay keento Golaha Wasiirrada. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — The Somali Civil Aviation Authority (SCAA) has issued an ultimatum to FlyDubai and Ethiopian Airlines, threatening to suspend their operations within Somalia if the airlines do not correct serious violations related to the misrepresentation of Somali destinations on their platforms. Source: Hiiraan Online
-
Garowe (PP Commentary ) — In February 2023, when the Foreign Minister of the Somaliland Administration, Essa Keyd, claimed that his “administration is a buffer zone for Ethiopia,” the Las Anod conflict was raging. Ethiopia responded to the conflict by trying to mediate between the Somaliland administration and the leaders of Sool, Sanaag, Cayn, and Khatumo. Ethiopian mediators visited Garowe several times, but Somaliland insisted on its narrative that it was fighting Al-Shabaab in Las Anod. The Federal Government did not object to either of these claims — Somaliland as a buffer zone for Ethiopia, and fighting Al-Shabaab in Las Anod. These two claims were clear violations of Somalia’s sovereignty, to which the Federal Government of Somalia turned a blind eye. The Somaliland administration rejected several UN Security Council calls for a ceasefire and the withdrawal of Somaliland troops from the outskirts of Las Anod. The President of Somaliland, Muse Bihi Abdi, claimed that only when a two-state solution is entertained would the conflict come to an end. The defeat of Somaliland forces at Goja’adde foxholes on 25 August 2023 changed not only the political dynamics in Somalia but also triggered geopolitical uncertainties, exemplified by the maritime Memorandum of Understanding that Abiy Ahmed, the Prime Minister of Ethiopia, signed with Muse Bihi Abdi, the President of the secession-seeking administration of Somaliland. The Somaliland administration and its supporters described the Goja’adde defeat as “the withdrawal of Somaliland forces,” but that changed when Bihi clarified several days ago near Oog that what happened was “a setback.” It was more than a setback. If Somaliland forces had advanced to what used to be the border between the ex-British Somaliland and ex-Italian Somaliland, Muse Bihi would claim a right to statehood. He would seek recognition based on what ardent secessionists describe as “realities on the ground.” Failure to achieve its secession through conflict forced the Somaliland Administration to seek a vassal state status under Ethiopia as a path to attaining secession. If anything, Ethiopia owes its current muscular policy for sea access to the defeat of Somaliland militia at Goja’adde. It was a turning point in Somali political history and overshadowed even the capture of Elbur by the Somali National Army on 25 August 2023. Recently, President Hassan Sheikh Mohamud claimed that Ethiopia does not regard Somalia as a sovereign country. Somaliland was waging a war against the sovereignty of Somalia, but the Federal Government of Somalia did not reject the secessionists’ claims to sovereignty. That indifference to domestic threats to the sovereignty of Somalia sends a message to any country with expansionist motives. The security pact the Federal Government of Somalia signed with Ethiopia in December 2023 strengthened Ethiopia’s perception that all Somali stakeholders seek Ethiopia’s assistance to attain political goals in Somalia. Somaliland administration leaders would be wrong to think that Ethiopia does not understand the political impact of the six-month-long Las Anod conflict. Haile Selassie understood that secession in Somalia could ignite ethnonationalist movements within Ethiopia. © Puntland Post, 2024. The post The Las Anod Conflict and Geopolitical Uncertainties in the Horn of Africa appeared first on Puntland Post.
-
(Bloomberg) -- Somalia’s civil aviation authority threatened to block Ethiopia Airlines, Africa’s biggest carrier, from flying into the country amid a dispute over the sovereignty of a breakaway region. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka, Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha usoo magacowgay dalkeenna Mudane Wang Yu ayaa ka guddoomay Warqadaha aqoonsigiisa Safiirnimo. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Safiirka cusub sida diirran ee uu u soo bandhigay doonista uu u qabo inuu xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo tilmaamay ahmiyad ay leedahay xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga. Safiirka cusub ee Shiinaha Mudane Wang Yu, ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliya soo dhaweynta diirran, waxa uuna soo gaarsiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda salaan iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha dalkiisa mudane Xi Jinping. Source: goobjoog.com
-
The Ministry of Aviation and Aviation of Somalia has sent a letter to Fly Dubai and Ethiopian Airlines. The Ministry of Aviation and Aviation of Somalia does not operate in Somaliland and does not manage Somaliland airports So the letters sent by the Ministry of Aviation and Aviation of Somalia to Fly Dubai and Ethiopia Airlines were written as mentioned below. Qaran News
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa maanta dhaq-dhaqaaqyo horleh ka bilaabay gudaha dalka, kuwaas oo si aad ah looga dareemay gobollada ay ka howlgalaan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in dhaq-dhaqaaqyada ay la xiriiraan bixista ciidamada Itoobiya oo la filayo inay ka wada baxaan dalka Soomaaliya. Boqolaal ka tirsan ciidamada Itoobiya oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa hadda bilaabay inay faarujiyaan saldhigyada ku yaalla gobollada ay ka howlgaan sida Hiiraan, Gedo, Baay iyo Bakool. Ciidamadan oo qayb ka ah howlgalka ATMIS ayaa hadda hormuud u noqonaya dhimista ciidamada shisheeye ee dhammaanka sanadkan ka baxaya gudaha Soomaaliya. Bixitaanka ciidamadan waxaa sidoo kale soo dadajisay xiisadda Soomaaliya kala dhexeysa Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda ee uu Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland. Arrintan ayaa sidoo kale kusoo aadeysa, ayada oo dhowaan Golaha Ammaanka ee QM ay ansixiyeen howlgalka cusub ee beddalaya ATMIS, kaas oo la filayo inuu bilowdo sanadka soo socda ee 2025, waxaana kusoo biiraya Masar oo ay sidoo kale is hayaan Itoobiya. Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan raadineyso taageero caalami ah, ayada oo skaashi milatari la yeelaneyso dowladaha waa wayn, waxaana ugu dambeeyay heshiisyo difaac oo lala soo galay dowladaha Masar iyo Sacuudi Carabiya. The post Ciidanka Itoobiya oo dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabay gudaha Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.