-
Content Count
211,214 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Solingen (Caasimada Online) – Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay afar kalena dhaawac halis ah ayaa ka soo gaaray weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Solingen ee galbeedka Jarmalka, sida ay booliisku sheegeen. Weerarka ayaa dhacay xilli lagu guda jiray xaflad ka dhacaysay bartamaha magaalada fiidnimadii Jimcaha. Ninka weerarka geystay ayaa lagu soo waramayaa in uu wali baxsad yahay. Shabakadda Bild ayaa sheegtay in nin si aan kala sooc lahayn u tooriyeeyay dad wadada marayay. Baadi-goob ballaaran ayaa hadda socda, iyadoo la arkayo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee booliska oo dul heehaabaya magaalada. Maamulka magaalada ayaa dadka ka codsaday in ay ka baxaan aagga suuqa Fronhof, iyadoo booliisku ay xayndaabyo ku xireen aagaas sababo ammaanka ah ka dib weerarka. Kooxaha gurmadka deg degga ah ee goobta ku sugan ayaa la arkayay iyagoo daweynaya dadka dhaawacmay, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka. Booliska ayaa markii dambe halkaas geeyay 40 gawaarida gaashan ah si ay ugaarsadaan tuhmanaha falka tooraydaa gaysay sida laga soo xigtay Bild. Gaadiidkan waxaa hoggaaminaya sarkaal ka tirsan booliska gaarka ah ee SEK Wadooyinka ayaa la xiray, waxaana dadka deegaanka laga codsaday inay guryahooda ku ekaadaan, iyadoo ciidamada ay baaritaan wadaan. Philipp Müller, oo ka mid aha qabanqaabiyeyaasha xafladda, ayaa sheegay in kooxaha gurmadka deg dega ay ku howlanaayeen badbaadinta nolosha sagaal qof sida wargayska Solinger Tageblatt uu wariyey “Dadku way naxeen, laakiin si nabad ah ayay fagaaraha uga baxeen,” ayuu yiri Mr Müller. Goobjooge la yiraahdo Lars Breitzke, ayaa u sheegay wargeyska in uu ogaa in ay wax qaldan yihiin markii uu masraxa ku arkay heesaa ay wajigiisa ka muuqatay wax yaab leh. Ninka weerarka gaystay ayaa la rumaysan yahay inuu si ula kac ah minida qoorta ugala dhacay dhibanayaasha sida ay ku warrantay warbaahinta Jarmalka. Afhayeenka u hadlay Booliska oo lagu magaaco Alexander Kresta, oo ay soo xigatay mareegta Spiegel ayaa sheegay “waxaan hadda u maleyneynaa in uu ahaa hal qof” ka dib markii uu la hadlay dad badan oo goobjoogayaal ah. Solingen, waa magaalo ku taalla galbeedka gobolka North Rhineland-Westphalia oo caan ku ah warshadaha birta, waxaa halkaa ku nool ilaa ilaa 160,000 oo qof. Waxay u jirtaa qiyaastii 25 km bari kaga beegan tahay magaalada Düsseldorf halka jihada koonfureedna ay ka xigto magaalada Cologne. Dhacdadan ugu dambaysay ee tooriyaynta ayaa timid wax ka yar hal toddobaad tan iyo markii wasiirka arrimaha gudaha Jarmalku uuay ku baaqay in la qaado tallaabooyin adag oo ku saabsan dembiyada mindida. The post Weerar loo adeegsaday Mindi oo ka dhacay Jarmalka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Aabe Cabdicasiis Maxamed oo dhalay marxuumad Luul oo ahayd xaaskii Sayid-Cali Macallin Daa’uud ayaa maanta soo saaray dalab culus ku aadan kiiskiisa gabadhiisa, xilli ay maanta guda gashay Maxkamadda Sare ee dalka. Aaabe Cabdicasiis ayaa dalab toos u ah gudbiyay Maxkamadda Sare, wuxuuna ka codsaday inay cadaalad u raadiso gabdhiisa, ayna si xaq ah ugu kala xaq soorto labada dhinac. Waxaa kale oo uu rajo wanaagsan ka qabo in kiiska uu soo dhammaan doono, isla markaana uu heli cadaalad. “Xaalkeeda normal waayay waxaan sugayaa cadaalad ayaan Ilaahey ka sugeynaa xaqa hala ilaaliyo dadka haloo kala xaq sooro, cidna yaan loo eexan” ayuu yiri Aabe Cabdicasiis. Sidoo kale waxaa weli socota dooda maxkamadda, iyada oo marka hore la dhegeystay qareennada difaacaya eedeysanaha oo iyagu rafcaan usoo qaatay Maxkamadda Sare. “Marqaatiyaashii iyo Dhakhaatiirtii gacanta ku heysay Marxuumad Luul midna ma sheegin in uu Sayid Cali dilay xaaskiisa” ayuu doodiisa ku yiri Abuukaate Cali Xalane. Waxaa sidoo kale la dhegsetay xafiiska xeer ilaalinta oo isna sharraxaad ka bixiyay dacwadda loo haysto Sayid Cali Macallin Daa’uud oo uu kiiskiisu soo maray marxalado kala duwan. ”Waxaan maxkamada keenay markhaatiyaal nool nool oo cadeynaya in ay maqlayeen AUN marxuumad Luul oo leh walalow ha igubin miyaadan muslim ahayn oo ashahaadaneyso” ayuu yiri Xeer-ilaaliye ku xigeen Yaxye Maxamuud. Sayid-Cali Macallin Daa’uud waxaa horay xukuno dil ah ugu riday labax maxkamadood oo kala ah maxkamadda darajada koowaad iyo midda racfaanka ee gobolka Banaadir. The post Daawo: Aabe Cabdicasiis oo dalab culus u gudbiyay Maxkamadda Sare ee dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Markab laga leeyahay dalka Faransiiska ayaa ku guulaystay soo badbaadinta Markab lagu magcaabo MV Sounion, kaasi Arbacadii gantaal lagula eegtay Galbeedka Badda magaalada Xudayd ee dalka Yemen. Markabkaasi oo uu ka babanayey calanka dalka Giriiggu ayaa loo sameeyey gurmad uu u fidiyey Markab laga lee yahay dalka Faransiiska, kaas oo ku guulaystay in Markabka gantaalku ku dhacay u soo jiido dekedda magaalada Jabuuti. MV Sounion ayaa siday shixnad shidaala oo dhan 150, 000 oo Saliid ceeriin ah ayaa laga cabsi qabay in uu Saliidda ku daadiyo xeebaha Badda cas, taasina ay keento dhibaato saamaysa dhammaanba xeebaha Mandiqadda Geeska Afrika iyo gacanka Carbeed. Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in uu Markabku haatan si nabad ku joogo dalka Jabuuti isla markaana ay nabad qabaan 29 kii shaqaalaha ahaa ee saarnaa, kuwaas oo haysta dhalasha kala duwan. Xuutiyiinta Yaman ayaa sii kordhiyey weerarada ay ku hayaan Maraakiibta shisheeye ee maraya xeebaha Badda cas, gaar ahaanna kuwa ka gudba gacanka muhiimka ah ee Baabuul Mandab. PUNTLAND POST The post Markabka MV Sounion ee Xuutiyiintu weerareen oo lagu guulaystay soo badbaadintiisa appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta ku dhowaaqday xukunka kama dambeysta ah ee Daadir Cali Cismaan iyo Cabdullahi Cali Cismaan oo loo haystay dilka guddoomiyihii deegaanka Mareereey ee gobolka Shabeelaha Dhexe Xuseen Xasan Mool-gale. Maxkamadda Sare ayaa walaalahan wada dhashay kiiskooda kasoo saartay xukun, waxaana dil lagu ridday Daadir Cali Cismaan oo ah qisaasta marxuum Xuseen Xasan Mool-gale. halka ay maxkamaddu xoriyaddiisa dib ugu celisay Cabdullahi Cali Cismaan. Kiiskan ayaa soo maray marxalado kala duwan, waxaana Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada ay xukun kasoo saartay 30-kii bishiin June ee sanadkan , balse Xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday. Hoose ka aqriso go’aanka ay soo saartay Maxkamadda Sare Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida ayaa xukuno kala duwan kasoo saartay kiiska Daadir Cali Cusmaan & Cabdullaahi Cali Cusmaan oo loo heysto dilka Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale oo ahaa guddoomiyihii deegaanka Mareereey ee gobolka Shabeelada dhexe, falkaasi oo dhacay taariikhdu markii ay aheyd Sodonka Bishii Maarso ee sanadkan. Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay Sodonkii bishii Juun ee Sanadkaan, balse Xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday. Sagaal iyo Tobanka bishaan Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka Sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan. Daadir Cali Cismaan ayey Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale, halka Cabdullaahi Cali Cusmaan ay Maxkamadu xorriyadiisa dib u siisay. Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida. The post Go’aan kama dambeys ah oo laga gaaray kiiska walaalo loo haysto dilka guddoomiyihii… appeared first on Caasimada Online.
-
Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida ayaa xukuno kala duwan kasoo saartay kiiska Daadir Cali Cusmaan & Cabdullaahi Cali Cusmaan oo loo heysto dilka Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale oo ahaa guddoomiyihii deegaanka Mareereey ee gobolka Sh.dhexe, falkaasi oo dhacay taariikhdu markii ay aheyd Sodonka Bishii Maarso ee sanadkan. Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay Sodonkii bishii Juun ee Sanadkaan, balse Xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday. Sagaal iyo Tobanka bishaan Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka Sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan. Daadir Cali Cismaan ayey Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale, halka Cabdullaahi Cali Cusmaan ay Maxkamadu xorriyadiisa dib u siisay. Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeyo Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida. Source: goobjoog.com
-
Saddex qof ayaa ku dhintay afar kalena dhaawac halis ah ayaa ka soo gaaray weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Solingen ee galbeedka Jarmalka, sida ay booliisku sheegeen. Weerarka ayaa dhacay xilli lagu guda jiray xaflad ka dhacaysay bartamaha magaalada fiidnimadii Jimcaha. Ninka weerarka geystay ayaa lagu soo waramayaa in uu wali baxsad yahay. Shabakadda Bild ayaa sheegtay in nin si aan kala sooc lahayn u tooriyeeyay dad wadada marayay. Baadi-goob ballaaran ayaa hadda socda, iyadoo la arkayo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee booliska oo dul heehaabaya magaalada. Magaaladan warshadaha caanka ku ah ayaa u dabaaldegaysay 650 sano oo laga joogo markii la asaasay. Maamulka magaalada ayaa dadka ka codsaday in ay ka baxaan aagga suuqa Fronhof, iyadoo booliisku ay xayndaabyo ku xireen aagaas sababo ammaanka ah ka dib weerarka. Kooxaha gurmadka deg degga ah ee goobta ku sugan ayaa la arkayay iyagoo daweynaya dadka dhaawacmay, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka. Booliska ayaa markii dambe halkaas geeyay 40 gawaarida gaashan ah si ay ugaarsadaan tuhmanaha falka tooraydaa gaysay sida laga soo xigtay Bild. Gaadiidkan waxaa hoggaaminaya sarkaal ka tirsan booliska gaarka ah ee SEK Wadooyinka ayaa la xiray, waxaana dadka deegaanka laga codsaday inay guryahooda ku ekaadaan, iyadoo ciidamada ay baaritaan wadaan. Philipp Müller, oo ka mid aha qabanqaabiyeyaasha xafladda, ayaa sheegay in kooxaha gurmadka deg dega ay ku howlanaayeen badbaadinta nolosha sagaal qof sida wargayska Solinger Tageblatt uu wariyey “Dadku way naxeen, laakiin si nabad ah ayay fagaaraha uga baxeen,” ayuu yiri Mr Müller. Goobjooge la yiraahdo Lars Breitzke, ayaa u sheegay wargeyska in uu ogaa in ay wax qaldan yihiin markii uu masraxa ku arkay heesaa ay wajigiisa ka muuqatay wax yaab leh. “Ka dibna qof ayaa ku dhacay meel hal mitir oo kaliya ii jirta,” ayuu yiri Xigashada Sawirka,Getty Images Ninka weerarka gaystay ayaa la rumaysan yahay inuu si ula kac ah minida qoorta ugala dhacay dhibanayaasha sida ay ku warrantay warbaahinta Jarmalka. Afhayeenka u hadlay Booliska oo lagu magaaco Alexander Kresta, oo ay soo xigatay mareegta Spiegel ayaa sheegay “waxaan hadda u maleyneynaa in uu ahaa hal qof” ka dib markii uu la hadlay dad badan oo goobjoogayaal ah. Duqa magaalada shilku ka dhacay ee Solingen Tim Kurzbach ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisha Facebook waxaa isagu sheegay “Caawa dhamaanteen reer Solingen waxa aanu ku jirnaa naxdin, argagax iyo murugo aad u wayn, dhamaanteen waxa aanu rabnay in aanu si wada jir ah u dabaal dagno sanad guuradayada magaalada, haatana waa in aan u baroor diiqnaa dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay. “Waxaa qalbigayga jebiyey in weerar ka dhacay magaaladayada, indhahayga ilmo ayaa ka soo qubanaysa markaan ka fikiro kuwii naga dhintay, waxaan u duceeyaa dhammaan kuwa weli naftooda u dagaallamaya, sidoo kale waxaan u tacsiyeynayaa dhammaan dadkii ku dhintay weerarka. si aan tan u aragno, sawiradani waa inay ahaayeen kuwo argagax leh.”ayuu intaa raaciyey Tim Kurzbach. Xigashada Sawirka,Getty Images Isagoo la hadlayay BBC-da galinkii dambe ee jimcaha, ku xigeenka tafatiraha Solinger Tageblatt Björn Boch, ayaa sheegay in dabaaldegga loo qorsheyey inuu socdo saddex maalmood, magaaladuna ay filayso 25,000 oo qof habeen kasta. “Magaalada waxaa buux dhaafiyey dad,” ayuu yidhi, isagoo ku qiyaasay in “dhowr kun oo qof” ay joogeen munaasabadda jimcaha ee xorta ah. Dabaaldegga ayaa hadda la joojiyay. Solingen, waa magaalo ku taalla galbeedka gobolka North Rhineland-Westphalia oo caan ku ah warshadaha birta, waxaa halkaa ku nool ilaa ilaa 160,000 oo qof. Waxay u jirtaa qiyaastii 25 km bari kaga beegan tahay magaalada Düsseldorf halka jihada koonfureedna ay ka xigto magaalada Cologne. Dhacdadan ugu dambaysay ee tooriyaynta ayaa timid wax ka yar hal toddobaad tan iyo markii wasiirka arrimaha gudaha Jarmalku uuay ku baaqay in la qaado tallaabooyin adag oo ku saabsan dembiyada mindida. Horaantii bishaan, Nancy Faeser waxay sheegtay in Jarmalku uu u baahan yahay “sharciyo hubka adag iyo kontaroolada adag” si loo xakameeyo shilalka tooreyda. “Midiyaha waxaa loo isticmaalaa in lagu sameeyo falal arxan darro ah oo sababi kara dhaawac halis ah ama dhimasho,” ayay u sheegtay warbaahinta dadweynaha ee ARD. Bbcsomali Qaran News
-
Mogadishu (HOL) — The Supreme Court of Somalia is set to hear an appeal on Saturday in the high-profile case of Sayid Ali Moalim Daud, who was convicted of burning his pregnant wife, Luul Sheikh Abdiaziz, to death earlier this year. The case, which has sparked widespread national attention, has raised significant concerns about domestic violence in the country. Source: Hiiraan Online
-
Booliska Jarmalka ayaa sheegay, in ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen afar kalana ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, kaddib markii nin ku hubaysnaa toorreey uu weeraray goob ay ka socotay xaflad dabaaldag ah oo ku taalla magaalada Solingen ee galbeedka Jarmalka. Qoraal kasoo baxay Booliska oo lagu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta maxalliga ah ayaa lagu sheegay, in xalay abbaaro 10-ki fiidnimo uu hal nin oo aanan weli la aqoonsan uu dhawr qof ku middiyeeyay meel lagu caweeynayay, isla markaana uu ninkaasi weli baxsad yahay. Boolisku waxay sheegeen in weerarka lala beegsaday dad ka qeybgalaya dabaaldagga xusbka sannad-guurada 650-aad ee kasoo wareegtay aas aaska magaalada Solingen oo ku taalla gobolka ugu dadka badan Jarmalka ee North Rhine-Westphalia, kaas oo dhaca xadka Jarmalka ee dalka Netherlands. PUNTLAND POST The post Saddex qof oo xalay toorrey lagu dilay xaflad ka socotay magaalo ku taalla dalka Jarmalka appeared first on Puntland Post.
-
Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo u dhexeeyay kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada ATMIS oo maanta ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weeraro ku qaadeen saldhigyo ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin deegaanada Daanow iyo Buur-Colow ee gobolkaasi, waxaana xigay dagaallo toos ah oo dhex-maray labada dhinac. ATMIS oo si kooban uga hadashay dagaalkan waxa ay shaacisay inay iska difaacday weerarka uga yimid Al-Shabaab, isla markaana ay iyaga gacanta ku hayaan deegaanada lagu dagaalamay. Kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda guul wayn ka sheegtaya weerarada ay ku eekeysay saldhigyadaasi, waxayna xustay inay dishay askar ka tirsanaa ciidamada ATMIS, walow aysan shaacin tiradooda rasmiga ah. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana weerarada kadib howlgallo sameeyay ciidamada ATMIS oo kaashanaya kuwa dowladda ee ku sugan Shabeelaha Hoose. ATMIS ayaa hadda waqtigeedu dhammaad yahay, waxaana la filayaa in dabayaaqada sanadkan ay isaga baxaan gudaha Soomaaliya, maadaama la diyaariyay howlgal cusub oo bedalay, kaas oo ay dhowaan ansixiyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Si kastaba, dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufu oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada huwanta ee ku sugan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, xilli ay weli sii socdaan howlgallada xoreynta ee ka socda gudaha dalka. The post DAGAAL culus oo dhex-maray ATMIS iyo Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Degmada Xarfo ee gobolka Mudug ayaa lagu wadaa in ay saaka oo Sabti ah ka qabsoonto doorashada duqa cusub ee degmadaasi. Xildhibaannada golaha degaanka degmada Xarfo ayaa iska dhex dooran doona duqa cusub ee degmada, kaddib markii ay xilka qaadis ku sameeyeen duqii hore. Dhowr musharax ayaa ku loollamaya doorashada guddoomiyaha degmada Xarfo, waxaana loollanka laga dhigay sanduukh furan oo lagu tartamayo. Caabdiraxmaan Xirsi Faarax oo kamid ahaa xisbiga KAAH, qeybna ka ahaa maamulka Xarfo ilaa intii ay ahayd degmada ayaa ugu cad cad tartamayaasha doorashada saaka Xarfo ayaa noqon doonta degmadii ugu horraysay ee qeybta ka ah 30 degmo ee doorashada qof iyo codka ah ka dhacday, taasi oo xilka qaadis lagu sameeyay duqii loo doortay. Duqii hore oo ay xilka ka qaadeen xubnaha golaha degaanka Xarfo ayaa ku yimid heshiis siyaasadeed oo dhexmaray xisbiyada Kaah iyo Mustaqbal. PUNTLAND POST The post Caabdiraxmaan Xirsi Faarax oo loo badinayo in uu ku soo baxo duqa cusub ee degmada Xarfo appeared first on Puntland Post.
-
The rift between the Minnesota Attorney General’s Office and a housing developer who says he is trying to build a new kind of community for Somali-American families in Lakeville was on display this week in court as lawyers traded accusations of harassment, manipulation and deceit. Source: Hiiraan Online
-
Af-soomaaligu wuxuu xambaarsanyahay dhaqankeenii, sooyaalkeenii, suugaanteenii, Hiddeheenii iyo wax kastoo qeymo iyo abde inoo leh sidaa darteed waxaa lama huraan ah in aqoonta aas-aasigaa asaga loogu horaysiiyo oo qoristiisa quman, qaabka ugu habboon ee loogu dhawaaqo, iyo eray bixintiisaba yaraanta lagu baro carruurta. Sidoo waa waxa koobaad ee kartida iyo aqoontada qofka lagu qeymeeyo oo haddii uu Af toosan oo toolmoon ku hadlayo waxaa lagu tiriyaa ama loo tixgeliyaa inuu aqoon ahaan dhisanyahay, balse haddii uu qofku qoraal ahaan ama dhawaaq ahaan Afsoomaaliga qaab aan hagaagsanayn u adeegsado tayadiisa iyo tacliintiisa ayaa durbadiiba la duraa ama la dhaliilaa. Tan kale sida loo kala hadal qurxoonyahay ayaa loo kala saamayn iyo soo jiidasho badanyahay, oo qofka aftahanka ah oo erayada, Naxwaha, hab-dhawaaqa, iyo dhismaha weerahaba aad ugu wanaagsan ayaa la jecelyahay oo ay dadku inta badan taageeraan, oraahyadiisana sidii waanada wadaadada ugu dheg raariciyaan. Murtida kale oo ku duugan barashada Afka ayaa ah inuu ardayda wax-baranaysa u fududeeyo inay aqoonta kale si wacan u gartaan maxaa yeelay maaddo kasta oo loo dhigayo Afsoomaali ayaa loogu sharraxaa haddii aanay erayada qaar ee Afsoomaaliga aqoonna way adkaanaysaa inay nuxurka maadadaa fahmaan. Qodob kale oo muhiim ah oo barashada Afsoomaaliga laga helayo ayaa ah inuu ka qeyb qaadan karo yarayn ismaandhaafka iyo xurgufta, maxaa yeelay is qab-qabsiga iyo khilaafka bulshadu mararka qaar wuxuu ka yimaadaa qof erayo aanu jeclayn lagu yidhi oo xanaaqay, ama mid hadal aanu ku talo-gelin balse gef ah sheegay ka dibna ay qolo kale qoonsatay, sidaa darteed dadku hadday Afkooda si wanaagsan u yaqaanaan waxaa laga baaqsanayaa erayada xun xun iyo hadalada ay bulshadu ku kala irdhoobi karto oo maalin walba si barraad la’aanta iyo aqoon la’aanta ah loo yiraahdo ka dibna gacan-qaadku ka dhasho. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee dalka ayaa maanta si toos ah u guda gashay kiiska ninkii gubay xaaskiisa Sayid Cali Macallin Daa’uud, kaas oo ay horay dil ugu soo xukumeen maxkamadda darajada koowaad iyo tan racfaanka ee gobolka Banaadir. Maxkamadda sare ayaa goordhow gudaha gashay kiiskan, ayada oo fadhigaan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ay maxkamadda sare ka yeelaneyso kiiska Sayid Cali Macallin. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa fadhiya hoolka, waxaana sidoo kale goobjoog ah xeer ilaalinta iyo qareennada difaacaya eedeysanaha. Sidoo kale waxaa maxkamadda ku sugan ehellada labada dhinac, waxaana ku jira Aabe Cabdicasiis Maxamed oo muddo dheer sugayay cadaaladda gabadhiisa Luul. Aabe Cabdicasiis oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in kiiska uu soo dhammaado isla markaana uu helo cadaalad. Kiiska Sayid Cali Macallin Daa’uud ayaa qaatay muddo dheer, wuxuuna soo maray heerar kala duwan, wuxuuna maanta joogaa heerkii ugu dambeeyay ayada oo laga war dhowrayo go’aanka Maxkamadda Sare oo noqon doono kan ugu dambeeyay. Sayid Cali waxay horay loogu helay inuu gubay xaaskiisii oo uur lahayd dhacdadaas oo ka dhacday degmada Dharkenley, waxaana aad uga xumaaday dadka Soomaaliyeed. The post Maxkamadda Sare oo bilowday dhageysiga kiiska ninkii gubay xaaskiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Washington — Somalia Prime Minister Hamza Abdi Barre said Thursday that Ethiopian forces would not be part of the upcoming African Union Support Mission in Somalia (AUSSOM) unless Ethiopia withdraws from a controversial memorandum of understanding (MoU) signed with Somaliland earlier this year. Source: Hiiraan Online
-
Booliska Jarmalka ayaa sheegay, in ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen afar kalana ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, kaddib marki nin ku hubeysan toorreey uu weeraray goob ay ka socotay xafald dabaaldag ah oo ku taalla magaalada Solingen ee galbeedka Jarmalka. Qoraal kasoo baxay booliska oo lagu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta maxalliga ah ayaa lagu sheegay, in xalay abbaaro 10-ki fiidnimo uu hal nin oo aanan wali la aqoonsan uu dhowr qof ku middiyeeyay meel lagu caweeynayay, isla markaana uu ninkaasi wali baxsad yahay. Boolisku waxay sheegeen in weerarka lala beegsaday dad ka qeybgalaya dabaaldagga xusbka sannad-guurada 650-aad ee kasoo wareegtay aas aaska magaalada Solingen. Solingen ayaa ku taalla gobolka ugu dadka badan Jarmalka ee North Rhine-Westphalia, kaas oo dhaca xadka Jarmalka ee dalka Netherlands. Weerarada loo adeegsado middida iyo toogashooyinka tooska ah ayaanan aheyn wax ku badan Jarmalka. Source: goobjoog.com
-
Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedaysan dilka xaaskiisii Luus Cabdicasiis ayaa maanta oo Sabti ka soo muuqday maxkamadda sare ee Soomaaliya oo uu ku yimid racfaan qaadashadiisii ugu dambaysay ee heerarka maxkamadda. Sayid Cali, ayaa horay maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Banaadir iyo midda racfaanka ee isla Banaadir ay ku xukumeen dil toogasho ah kadib markii ay ku heleen sida ay sheegeen caddaymo marag muujin leh oo tilmaamaya gubista xaaskiisa. Fadhiga maanta oo ahaa midkii ugu horreeyay ee Maxkamadda Sare ka yeelato kiiskaasi, waxaa shir guddoominayey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Axmed Yuusuf. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa xeer-ilaalinta iyo qareennada difaacaya eedeysanaha. Kiiskan oo soo jiitamayey muddo dheer ayaa hadda maraya heerkii ugu dambeeyay, iyadoo dadka Soomaaliyeed ay si weyn u daneynayaan go’aanka kama dambeysta ah ee Maxkamadda Sare oo la filayo in dhawaan la soo saaro. Dhacdadan ayaa ka dhacday degmada Dharkenley, waxayna tahay mid ay dad badan aad uga xumaadeen. PUNTLAND POST The post Maxkamadda sare ee Soomaaliya oo saaka u fadhida kiiska Sayid Cali Macallin Daa’uud appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa jirta il dhaqaale oo weyn oo weli u furan kooxda Al-Shabaab, taas oo dhaqaale badan ay ka sameeyaan sanad kasta, sida ay ogaatay Caasimada Online. Bilaha ugu horeeya sanadka Hijriyada ee taariikhda Islaamka, Al-Shabaab waxay dadka reer miyiga ah ka aruursadaan xoolo ay ugu yeeraan Zakawaad, kuwaas oo qaab xoog ah looga qaado inta badan qoysaska. Geela, Lo’da iyo Ariga ayey Shabaab ka qaataan dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool dhulka miyiga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan gobollada koonfurta iyo bartamaha bari ee dalka. Dadka Soomaaliyeed ee xoolo dhaqatada ah waxay cabasho badan ka qabaan qaabka looga qaado xoolahaas, diinta Islaamka waxay cadeysay in xoolaha ay xoogga ku qadanayaan Al-Shabaab aysan Zako ku ansaxeyn, taasi oo dadka qaar ku kaliftay inay mar kale xoolahooda Sakada uga bixiyaan si sharci ah, halka Al-Shabaab-na ay xoog uga qaataan. Dowladda Soomaaliya waa ogtahay arrintaan, laakiin weli wax talaabo ah kama qaadin, iyadoo uu socdo guulo badana laga gaaray qorshaha kooxdaas lagu cunaqabateynayo, ra’iisul wasaaraha ayaa xalay sheegay in 40% lagu guuleystay in la cuuryaamiyo dhaqaalaha Al-Shabaab soo geli jiray. Shabaab waxay xoolaha ugu jecelyihiin Geela oo dhaqaale badan ay ka helaan, waxayna si joogto ah ugu iib geeyaan dhulka ay dowladdu joogto, iyagoo adeegsanaya ganacsato ka dalaala kala gudbinta xoolaha ay Shabaab ka soo dhacaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool miyiga fog. Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee xorta ah ayaa lagu kala iibsadaa xoolaha, dhaqaaluhuna wuxuu dib ugu laabtaa Al-Shabaab, taasi oo khatar ku ah amniga qaranka iyo qorshaha dowladda ee la dagaalanka cadowga Khawaarijta ah ee umadda Soomaaliyeed ku habsaday. The post Xog: Al-Shabaab oo dhaqaale badan ka hela il ay dowladdu ogtahay appeared first on Caasimada Online.
-
In an operation that lasted twelve hours, the Somaliland Coast Guard at the Zeyla station managed to apprehend an illegal foreign fishing trawler with 13 fishermen. An officer who spoke for the Somaliland coast guard said that they have succeeded in arresting thirteen fishermen from Yemen, who were fishing illegally in Somaliland waters. He explained the trawler which was attached with two boats was illegally harvesting fish in Somaliland waters hence was filled with large catchments of assorted species of fishes predominant in the area. He said that following a tip-off and a direct command from their Admiral, Brig Gen Ahmed Hurrre Harriye, they tracked the trawler for twelve whole hours amidst a windy and heavy rainfall they braved, until ultimately capturing the culprits. The spokesperson pointed out the nabbed Yemeni illegal fishermen would be arraigned in court swiftly once the investigations are wrapped up. Horntribune Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Hoggaamiyaha guud ee culimada Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa khudbadii Jimcaha ee maanta ku soo qaatay mowduuc xasaasi ah oo hadal-heyn dhaliyey. Macalinka ayaa ka digay in dadka hub la isugu dhiibi oo ay is dilaan, isagoo si weyn uga digay in qof islaam ah la dilo, balse dadka baraha bulshada uga falceliyey khudbadda Macalin Maxamuud ayaa ku eedeeyey ‘in horay uu dadka isugu diri jiray’ xiligii Ahlusunna. Macalin Maxamuud ayaa ku dheeraaday tusaaleynta sida ilaahey u xarimay in la dilo qof islaam ah, wuxuuna sheegay in qofkii dila uu ku waarayo Naarta Jahanaba, isagoo ku taliyey in laga hortago dagaalada qabaa’ilka ee Galmudug ka socda iyo dadka hubeynaya shacabka. Sidoo kale Macalin Maxamuud ayaa ka digay in dadka reer Miyiga ah la hubeeyo, kuwaas oo aan laheyn aqoon iyo garaad badan oo ka xakameynaya qof kale ee islaamka ah ee aan mudneyn in la dilo. Waxyaabaha uu ka digay Macalin Maxamuud waxaa ka mid ahaa in xukunka awood lagu raadiyo, iyadoo la hurinayo colaad, la hubeynayo dad nabad ku jiray iyo in loo bareero in umadda la laayo, si xukunka loo qabsado. Macalinka ayaa ka digay in talada dalka ama deegaanka loo dhiibo qof jaahil ah oo xurmada dadka kale aan garaneyn, wuxuuna dadka fursadda heysta ugu baaqay inay doortaan dadka mudan inay hoggaamiyaan bulshada ee wax bartay. Dadka aragtidooda uga dhiibtay qeybta faalada khudbadii Macalin Maxamuud ee maanta ayaa ku dhaliilay sidii ay u dhaqmi jirtay Ahlusunna waayihii ay hubeysneed, xiligaas oo dagaalo badan ay la gashay maamulka Galmudug oo dhismihiisii ay ka soo horjeedeen, walow ugu dambeyntii laga awood batay. Maamulka Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ka adkaaday Ahlusunna, iyadoo xoog hubka looga dhigay, Dhuusamareeb iyo Guriceel ayey dagaalkii ugu qaraaraa kula galeen ciidamada dowladda, xiligaas waxaa aad looga naxay dagaalka ay u bareertay culimadii la jeclaa ee Ahlusunna, kaasi oo dhalinyaro badan oo muhiim ahaa ay ku dhinteen. Hoos ka daawo The post Daawo: Hoggaamiyaha Ahlusunna oo ka hadlay dilalka ka socda Galmudug iyo cidda ka dambeysa appeared first on Caasimada Online.