Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska ee Gobalka Banaadir, gaar ahaan Saldhigga Booliska degmada Howlwadaag ayaa soo qabtay eedeysane Cabdullaahi Maxamed Daahir oo loo heysto ka ganacsiga agab sharci darro ah oo dalka laga mamnuucay. “Eedeysanaha waxaa ku socota baarista Booliska, waxaana la horgey doonaa Maxakamadda awoodda u leh,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska. Cabdullaahi ayaa loo heystaa inuu Bacda halka mar la adeegsado ka ganacsanayey, taas oo dalka laga mamnuucay, Booliska Soomaaliya ayaa uga digay ganacsata iyo guud ahaan Soomaaliyeed ka ganacsiga Bacaha iyo isticmaalkeeda. Afhayeenka ciidanka booliska oo galabta shir jaraa’id qabtay ayaa yiri “Waxaan talaabo sharci ah ka qaadi doonaa suuq kasta oo lagu iibinayo bac, ganacsigooda ayaa la xiri doonaa, waa la mamnuucay bacda, waxaana awaamiir kale dul dhigeynaa amarkii lagu mamnuucay ee ka soo baxay wasaaradda deegaanka, waana waajib in loo hogaansamo amarkaas.” Afhayeenka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xaqiiqsatay in bacda aysan wax faa’iido ah u laheyn deegaanka, isla markaana shacabka la siiyey waqti ku filan, 1-dii bishaan wixii ka dambeeyana dalka laga mamnuucay in laga isticmaalo bacda. “Waxaan ka xunahay in suuqyada qaar ay weli ka dhega adeygayaan amarkii wasaaradda deegaanka iyo booliska ee bacda lagu mamnuucay, ganacsatada ku andacootay waxaan bixineynaa inta noo taalla lagama yeeli doono, Axada berri wixii ka dambeeya bacda waa la gubayaa, ganacsadihii lagu helana waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag,” ayuu yiri Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan. Dhinaca kale, Afhayeenka ayaa sheegay in Muqdisho laga mamnuucay rasaasta dabaal-degga ah, isagoo sheegay in xalay la xiray dad gudaha Muqdisho ka riday rasaas dabaaldeg ah. “Qof kasta oo rida rasaas dabaaldeg ah isagaa qaadi doona masuuliyadda qofkii dhibaato gaarto, booliskuna waa soo qaba doona, muwaadin dabaaldeg, laakiin rasaas nool in la rido waa mamnuuc,” ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan. Hoos ka daawo The post Daawo: DF oo adeegsiga labo arrin Muqdisho ka mamnuucday iyo dad lasoo xiray appeared first on Caasimada Online.
  2. Expansionist: Abiy Ahmed is discovering the futility of playing fast and loose with the Westaphalian System. Addis Ababa (Commentary) — Ethiopia could be peering into the abyss of break-up 31 years after Eritrea became an independent country. Eight years before the 1993 referendum in Eritrea, Paul B. Henze, a former CIA station chief in Addis Ababa, wrote a paper for the Rand Corporation on the political situation in Ethiopia. In 1985, the Derg regime was at war with the Tigray People’s Liberation Front, the Eritrean People’s Liberation Front and the Oromo Liberation Front, among other Ethiopian ethnonationalist fronts. Henze made a case for maintaining the territorial unity of Ethiopia, even in the event of regime change. Unbeknownst to Henze, the logic he used to argue against secession in Ethiopia would later be used to justify the secession of Eritrea. “Ethiopia is an atypical African country. One of the oldest states in the world, it owes its boundaries not to colonial powers but to its own sense of nationhood and its rulers’ ability to manipulate colonial rivals. Ethiopia’s geographic and ethnic diversity should not be mistaken for fundamental fragility,” wrote Henze. Eritrea, a former Italian colony, was briefly ruled by Britain but, in 1952, became a part of Ethiopia after the United Nations decided to make Eritrea a federal region of Ethiopia. All Ethiopian armed fronts were aware of the fragility embedded in the Ethiopian polity, partly due to a long-reigning emperor who was overthrown by a Marxist regime. Henze urged the West to recognise and support the “maintaining Ethiopia’s territorial integrity.” His plea to prevent secession in Ethiopia as a means to regaining American influence was overtaken by unforeseen changes, such as the collapse of the Soviet Union and the fall of the Derg regime in 1991. Henze later wrote in his book Layers of Time: A History of Ethiopia that he “was an observer in the 1993 referendum in Eritrea…” Mengistu Haile Mariam had put Ethiopia on the path of secession. Two civil wars are currently raging in Ethiopia—one in Oromia and another in the Amhara region, where Prime Minister Abiy Ahmed has normalised the use of Türkiye-made Bayraktar drones against Amhara civilians, whom authorities deem sympathetic to the cause of FANO fighters. Two years ago, peace talks in South Africa ended the conflict in the Tigray region. Paul Henze advocated against secession in Ethiopia but was an observer in the 1993 referendum in Eritrea. Abiy Ahmed, the Prime Minister of Ethiopia, has concocted an ideology based on Cushitic victimhood, which has replaced his earlier Medemer philosophy. “Tigrayans constitute 6% of the Ethiopian population but ruled Ethiopia for 27 years with an iron fist,” said an Oromo activist in Addis Ababa. He echoed the sentiments of Leenco Lata, the former OLF leader, who, in 2017, told Professor Ezekiel Gebissa that the OLF had been sidelined in the 1991 talks on the transition from the Derg regime, granting the TPLF privileges to become the core of the Ethiopian National Defence Forces. Lata has recently supported Abiy Ahmed’s attempt to illegally gain access to the sea through the Federal Republic of Somalia, in violation of both the AU and UN Charters. Like Mengistu Haile Mariam, Abiy Ahmed is overseeing a disastrous political process that could result in the break-up of Ethiopia once again. Blame Oromummaa for the path Ethiopia has taken since 2018 when Abiy Ahmed was selected to replace Hailemariam Desalegn. © Puntland Post, 2024 The post Ethiopia Could Break Up Again appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cismaan Abuukar Dubbe oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa si weyn u difaacay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac oo sidoo kale ah Senator ka tirsan golahaasi, kadib markii uu maanta guddoomiye Cabdi Xaashi ka xayuubiyay xubinimadiisa Aqalka Sare. Dubbe oo ka hadlay kulankii maanta ee Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Saalax uu lamid yahay Senatorada maqan illaa tan iyo markii lasoo doortay, isaga oo intaas ku daray inuu hayo shaqo kale oo qaran, maadaama uu yahay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka. “Senator Saalax Axmed Jaamac wuxuu lamid yahay Senataro Aqalka ka maqan sidii loo doortay weliba isaga waxa uu dheeryahay in shaqo qaran uu hayo” ayuu yiri Dubbe. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in tallaabada uu qaaday Cabdi Xaashi ay tahay mid qaran jab ah oo aan laga fiirsan, sida uu hadalka u dhigay. Waxaa kale oo uu xusay in guddoomiyaha aanu xaq u lahayn inuu beddalo Senator, mid kalena uu soo magacaabo, maadaama doorasho lagu soo galay golaha. “Haddii Senator walba uu Cabdi Xaashi badali karo mid kalena soo magacaabi karo sidii RW Xamza Cabdi Barre waxay noqoneysaa taariikh qaran jab ah,Bal waa kaase badal 54-ta senator oo idil” ayuu mar kale yiri Senator Cismaan Abuukar Dubbe. Maxay ka dhigan tahay tallaabada uu maanta qaaday Cabdi Xaashi? Guddoomiyaha Aqalka Sare tallaabada uu maanta qaaday wuxuu ku sheegay in aanu ra’iisul wasaare ku xigeenka aanu marna soo xaadirin kulamada golaha, sidaasna uu ku waayay kursigiisa. “Sida ku cad qodobka 59aad farqadda 1aad ee Dastuurka KMG ah ee qeexaya siyaabaha lagu lumiyo xubinnimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, haddaba, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ma uusan soo xaadirin Golaha Aqalka Sare BFS afar kalfadhi oo xiriir ah, mana soo gudbin sabab maangal ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa, sidaa darteed wuxuu lumiyay Xubinnimadiisii Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi. The post Senator Dubbe oo si weyn u difaacay Saalax kadib go’aankii Cabdi Xaashi appeared first on Caasimada Online.
  4. Baydhaba (Caasimada Online) – Xiisad horleh ayaa mar kale kasoo cusboonaatay Koonfur Galbeed, taas oo la xiriirta maamulka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool Xildhibaan Cabdullahi Black oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda degmadaas oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedeymo culus u jeediyay maamulka uu hoggaamiyo Laftagareen, wuxuuna sheegay inuu ku howlan yahay xilka qaadista guddoomiyaha degmada oo uu tilmaamay inuu ku yimid doorasho. “Beryahaan dambe waxaa bilaabatay guddoomiyaha degmada Xudur ayaa xilka laga qaadayaa warar noocaas ah ayaa nasoo gaaraya, waana nin ku yimid doorasho oo si aqlabiyad leh loo doortay” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullahi Black. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wasiiro ka tirsan maamulka ay tageen degmada, isla markaana ay ku howlan yihiin fulinta qorshaha madaxweynaha Koonfur Galbeed. “Waxaa Arbacadii tegay magaalada laba wasiir, waana wasiirka arrimaha gudaha iyo midka amniga marka farriimaha nasoo gaarayo ma ah kuwa u adeegayo nabadda iyo wada noolaashaha” ayuu mar kale yiri xildhibaanku. Waxaa kale oo uu kusii daray “Maamulka Koonfur Galbeed hadda waa xil gaarsiiyeyaal laga soo bilaabo madaxweynaha iyo golihiisa waisirada”. Ugu dambeyn wuxuu ka digay in dagaal laga huriyo degmada Xudur oo uu tilmaamay in hadda ay ku jirto nabad, isla markaana uu shaqeynayo maamulkii ay doorteen shacabka. The post Daawo: Xiisad horleh oo kasoo cusboonaatay Koonfur Galbeed appeared first on Caasimada Online.
  5. Odayaasha , siyaasiyiinta iyo dhalinyarada beesha ( 𝗥𝗲𝗲𝗿 𝗫𝗮𝗮𝗱 – 𝗝𝗶𝗯𝗿𝗶𝗶𝗹 𝗔𝗯𝗼𝗸𝗼𝗿 ) ayaa kulan la yeeshay musharaxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro . Beeshan waxay cadeysay inay taageeradeeda la garab istaagi doonto xisbiga Mucaarida ah ee WADDANI . Siyaasiyiin ay ka mid yahiin Kominshineer Hore Kaltuun iyo Wasiir hore Shuceyb Maxamed Muuse ayaa hor kacaayey beeshan isbedel doonta cududeeda ku biirisay Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa shacabka ugu hambalyeeyay xuska maalinta qaran ee calanka Soomaaliyeed ee 12-ka Oktoobar oo maanta ku beegan. Madaxweynaha oo hambalyo diiran la wadaagay shacabka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale u diray fariin culus, isaga oo ka dalbaday in ay xoojiyaan saddex arrimood oo kala ah midnimadooda, wadajirkooda iyo nabadda, maadaama ay jiraan xaalado adag ayna taagan tahay xiisad ka dhalatay heshiiska badda ee ay Itoobiya la gashay maamulka Somaliland. “Calanka Soomaaliyeed oo 70 jirsaday, waa astaan qaran, midnimo iyo madax-bannaani, waxaana ku faaneynaa taariikhda aan wadaagno ee halganka iyo dadaalka loo galay in la gaaro xornimada iyo gobanimada Soomaaliyeed.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka:- Muqdisho, Oktoobar 12, 2024 ; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 12-ka Oktoobar oo ku asteysan Maalinta Calanka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in 12-ka Oktoobar ay tahay maalin xasuus iyo sharaf leh oo ku asteysan midnimada, qaranimada iyo halgankii dheeraa ee shacabka Soomaaliyeed u soo mareen xorriyadda. “Calanka Soomaaliyeed oo 70 jirsaday, waa astaan qaran, midnimo iyo madax-bannaani, waxaana ku faaneynaa taariikhda aan wadaagno ee halganka iyo dadaalka loo galay in la gaaro xornimada iyo gobanimada Soomaaliyeed.” Madaxweynaha ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan midnimadooda, wadajirkooda iyo nabadda, si loo xaqiijiyo Soomaaliya xor ka ah argagixisada, barwaaqana ay ku noolyihiin dadkeedu. The post Madaxweyne XASAN oo saddex arrin ka dalbaday shacabka, xilli ay taagan tahay… appeared first on Caasimada Online.
  7. On the outskirts of Mogadishu, Darusalaam Zoo provides a rare opportunity for Somalis to see wildlife up close. Zoo keeper Mohamed Abdirahman says they started with one crocodile and now house over 100 animals, including lions, foxes, and porcupines. Source: Hiiraan Online
  8. NAIROBI, Oct. 12 (Xinhua) — Kenya Airways said Friday that it would suspend all flights into and out of Mogadishu, the capital of Somalia, from Oct. 15 due to operational challenges as it adjusted its network. Source: Hiiraan Online
  9. Hargeisa (HOL) — Taiwan has committed $22 million to rebuild the Hargeisa General Hospital and an additional $2 million to support Somaliland's upcoming elections, strengthening ties between the two unrecognized states as they seek greater international legitimacy. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) — Somalia is at growing risk of climate-induced displacement, with floods expected to drive tens of thousands from their homes annually in the coming decades, according to a new report by the Habitable Project. The report, released in July 2024, warns that flood risks are set to rise significantly due to climate change, which could increase the number of displaced people in Somalia by as much as nine times under pessimistic projections. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Saalax Saalax Jaamac ayaa maanta waayey xubinimadiisii Golaha Aqalka Sare, sida uu shaaciyay guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi oo guddoomiyay kulan ay maanta yeesheen Senatorada Aqalka Sare. Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka aanu soo xaadirin kulamada golaha muddo laba sano iyo bar ah, sidaasna uu ku lumiyay kursigiisa. “Sida ku cad qodobka 59aad farqadda 1aad ee Dastuurka KMG ah ee qeexaya siyaabaha lagu lumiyo xubinnimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, haddaba, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ma uusan soo xaadirin Golaha Aqalka Sare BFS afar kalfadhi oo xiriir ah, mana soo gudbin sabab maangal ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa, sidaa darteed wuxuu lumiyay Xubinnimadiisii Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi. Sidoo kale wuxuu isku dayay in Ibraahim Iidle Suleymaan oo horey usoo noqday guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka uu ku buuxiyo booska uuu waayay Saalax, kaas horay ugula tartamay kursiga, balse waxaa diiday Senatorada kale. Dhanka kale arrintan ayaa dhalisay dood xoogan oo hareysay kulankii maanta ee Golaha Aqalka Sare, waxaana qaar kamid ah xildhibaannada ay diideen qorshaha guddoomiyaha oo doonayay in isla maanta kursigan loo dhaariyo guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sare. Xildhibaannada ka horyimid magacaabidda ayaa ku dooday in aysan suurtagal ahayn, maadaama aan dastuurka lagu heshiin. Senator Xasan Kobac oo kamid ah xubnaha diiday ayaa yiri “Waa degdeg arrintan sax maaha in golaha uu ka shaqeeyo nidaam aan sax ahayn oo qofaan keenaa, midna waan tiraa ah”. Dhankeeda Senator Zamzam Daahir ayaa ku jawaabtay “Kursiga reer Soomaaliland ayaa iska leh Cabdi Xaashi ayaana masuul ka ah wixii reer Soomaaliland ah Gudoomiye Xafiiskaaga kusoo dhamee Senatorka nasoo ag fadhiisi kaliya”. The post Ra’iisul Wasaare xigeenka dalka oo waayey kursigiisa Aqalka Sare, kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
  12. Guddoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Golaha aqalka sare usoo gudbiyay qoraal ku saabsan in uu xubinimadii aqalkaasi lumiyay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac. Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo saaray go’aan maamul oo ku saabsan buuxin xubinta uu sheegay in ay ka banaanaatay Golaha Aqalka Sare ee uu lumiyay Saalax Axmed Jaamac Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka kaddib markii laga qaaday maamuuskii kursigiisa maadaama aanu afar kalfadhi oo Golaha uusan soo xaadirin. Guddoomiyaha aqalka sare ayaa sheegay in Saalax Jaamac lagu beddelay Ibraahim Iidle Suleymaan oo ahaa musharixii xubnimada aqalka sare kula tartamay Saalax kaasoo sida uu guddoomiyuhu sheegay xaq u leh in uu buuxiyo xubintaas uu banneeyay raysal wasaare ku xigeenka. Dhinaca kale guddoomiyaha aqalka sare ayaa dib u dhigay in Ibraahim Iidle Sulaymaan loo dhaariyo xubinimada aqalka sare kaddib markii xubnaha aqalka sare ay diideen in ay u codeeyaan in xubinimada laga qaado Saalax Jaamac. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo lumiyay Xubinimada Golaha Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.
  13. Mogadishu (HOL) — Kenya's Ministry of Interior has ordered refugees and asylum seekers to surrender their passports or travel documents by the end of October or face legal consequences, including the loss of their refugee status and possible deportation. Source: Hiiraan Online
  14. 462752439_417172181151346_7571918240116330507_n Qaran News
  15. Mogadishu (HOL) — Somali Foreign Minister Amb. Ahmed Moalim Fiqi met with Chinese Ambassador Wang Yu at the Ministry of Foreign Affairs headquarters in Mogadishu on Saturday to discuss diplomatic relations between Somalia and China. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, xilli ay golaha yaallaan mooshino iska soo horjeeda oo ay wadaan xildhibaano leh ujeedooyin kala duwan. Sheekh Aadan Madoobe oo maalmihii lasoo dhaafay safar ku joogay waddanka Imaaraadka Carabta ayaa si deg-deg ah usoo laabtay, waxaana garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyay xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Guddoomiyaha ayaa mudadii uu ku sugnaa dalka Imaaraadka waxa uu halkaasi kulamo kala duwan kula qaatay madaxda wadankaasi oo uu ka mid yahay dhigiisa dalkaasi Saqr Ghobash oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada wadanka gaar ahaan dardargelinta wada shaqeynta Baarlamaanadda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta. Aadan Madoobe waxaa hortaallo shaqo adag oo ay ugu horreyso xal ka gaarista arrinta mooshinada iska soo horjeeda oo sababay inuu baaqdo kulankii maanta ee baarlamaanka Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in kala aragti duwanaan ay soo kala dhex gashay xildhibaannada oo uu dhinac walba u ololeynaya qorshahiisa gaarka ah, uuna doonayo in la dhaqalgeliyo soo jeedintiisa. Xildhibaannada qaar oo ka hadlay arrintan, gaar ahaan baajinta kulankooda maanta ayaa si weyn u dhaliilay guddoonka golaha, waxaana arrintan ay dhalisay kala qaybsanaan wayn. Horay ayay sidaan oo kale u dhacday, waxaana dhowr kulan la baajiyay xilligii ay taagnayd xiisaddii ka dhalatay xildhibaannadii taageeray Itoobiya, illaa mar dambe si hoose la xalliyay kadib dagaallo kala duwan oo uu sameeyay guddoonka sare ee baarlamaanka dalka. The post Aadan Madoobe oo kusoo laabtay dalka, xilli ay yaallaan mooshino iska soo horjeeda appeared first on Caasimada Online.
  17. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 12-ka Oktoobar oo ku asteysan Maalinta Calanka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in 12-ka Oktoobar ay tahay maalin xasuus iyo sharaf leh oo ku asteysan midnimada, qaranimada iyo halgankii dheeraa ee shacabka Soomaaliyeed u soo mareen xorriyadda. “Calanka Soomaaliyeed oo 70 jirsaday, waa astaan qaran, midnimo iyo madax-bannaani, waxaana ku faaneynaa taariikhda aan wadaagno ee halganka iyo dadaalka loo galay in la gaaro xornimada iyo gobanimada Soomaaliyeed.” Madaxweynaha ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan midnimadooda, wadajirkooda iyo nabadda, si loo xaqiijiyo Soomaaliya xor ka ah argagixisada, barwaaqana ay ku noolyihiin dadkeedu. Source: goobjoog.com
  18. 462535244_574753598434800_8875802276376253963_n Qaran News
  19. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aadden xuska Maalinta Calanka oo ku beegay 12-ka October u diray dhamaan Shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in maanta ay tahay maalin qiimo ku leh ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay ku beegan tahay markii maanta oo kale sanadkii 1954-tii la gardaadiyey Calankeenna oo ah astaan ka tarjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. “Waxaan aan hambalyo u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Xuska Maalinta Calanka Soomaaliyeed. Maanta waxaan u wada taagannahay in aan difaacno calankaas oo ay dullaan ku yihiin argagixisada dalkeenna u diiddan nabadda iyo horumarka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in loo midoobo dagaalka cadowga Khawaarijta ee caqabadda ku ah nabadda iyo horumarka, isla markaana ka soo horjeeda jiritaanka bulshada Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  20. Waajid (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool, kaas oo dhaliyay khasaare xoogan. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay xoogagii weerarka qaaday iyo ciidamada Itoobiya. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana la’isku adeegsaday hub culus, kaas oo dhaliyay khasaare xoogan. Sidoo kale ciidamada Itoobiya ayaa dhankooda adeegsaday madaafiic, iyaga oo duqeeyay goobaha laga soo weeraray, waxaana ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab. Ciidamada ayaa ka baxay saldhiggooda, iyaga oo kadib howlgallo ka sameeyay aagga degmada Waajid ee gobolja Bakool. Al-Shabaab ayaa dhankeeda guul ka sheegatay dagaalkaasi, waxayna shaacisay in weerar ay ku beegsatay saldhig ku yaalla Waajid, ayna ku dishay askar Itoobiyaan ah, sidoo kalena ay hub kasoo furatay. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamadaItoobiya iyo kuwa Xoogga dalka oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi. Waajid ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay weeraro ku hayay Shabaab oo todobaadyadii lasoo dhaafay beegsatay saldhigyo ay degmadaas ku leeyihiin ciidanka Itoobiya ee qayta ka ah ATMIS iyo kuwa dowladda Soomaaliya. The post Ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab oo dagaal culus uu ku dhex-maray BAKOOL appeared first on Caasimada Online.
  21. Maantoo kale, Sanadka walba waxaa dalka laga xusaa maalinta Calanka, waa maalin ka tarjumeysa Qarannimo, Midnimo iyo gumeysi naceyb, 70 sano ayaa ka soo wareegatay markii la sameeyay calanka Soomaaliyeed, calanku waxaa uu leeyahay Sooyaal qiimo badan oo dal iyo dibadba looga faani karo. Taariikhda Calanka Soomaaliya kama bilaabato xilligii ay Soomaaliya ku jirtay maxmiyadda lixdankii ka hor, ee waxaa jiray isku dayo badan oo ay sameeyeen SYL xitaa ka hor inta aan Soomaaliya loo dhiibin Talyaaniga. Sida uu ii sheegay halgamaaga Soomaaliyeed Cali Xasan Maslax Berdura oo ka tirsanaa 13-kii ee aasaastay SYL, habeenkii la dhisayey SYl waxaa lagu heshiiyay dastuur cusub iyo qodobo badan oo aan laga gudbi karin iyo calanka. Calankii Habeenkaas, waxaa laga dhigay calan leh bil oo tilmaamaysa Islaamka, xidigta oo ah Soomlinimada iyo shanta farood oo midnimo iyo wada jir ah. Laakin markii Talyaaniga uu la wareegay maamulka Soomaaliya 1950-kii, gumeytaha Ingiriiska waxaa uu ku dhaqaaqay talaabooyin waalli ah, ingiriis-ka waxaa uu qaatay waqooyiga Soomaaliya, NFD waxaa uu siiiyay gumeystaha Kenya, Xeebta ama Djabuti waxaa xoogay Faransiiska, Ingiriiska sidoo kale Itoobiya waxaa uu siiyay Somali Galbeed, waxaa arin culus noqotay in dhulkaas iyo dadka degan la isku keeno. SYL, markii ay aragtay in Somaliweyn faraha ka sii baxeyso, Waxaa ay ku fakirtay in la sameeyo Calan qiimo badan oo Soomaaliweyn ka tarjumaya, waliba ka hor inta aan xuriyadda la gaarin 1960-ka. Farshaxano badan ayaa la sameeyay, dad badan ayaa dadaalay, tartan ayaa loo galay sidii calan Soomaaliyeed loo sameyn lahaa, laakin ugu dambeyntii, Waxaa la qaatay farshaxankii iyo hindisihiisa uu lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada. Maxamad Cawaale Liibaan, Calanka waxaa uu ku sameeyay wax ka yar 24 saac, laakin waxaa uu noqday calan umadda Soomaaliyeed ka tarjuma, isagoo soo bandgigay. Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa Shanta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay. Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu ka tarjumayaa Cirka iyo badda dhulka Somaalida oo mar walba midabkoodu buluug yahay. Calankan Buluugga ah ee xidigta ka tarjumeysa Soomaliweyn dhexda uga hardhan tahay waxaa la sameeyay 12 October, 1954. Maalintaas wixii ka dambeeyay Soomaalida waxaa ka tarjumayey calankaas, oo ah astaan ka hadleysa Somaliweyn iyo Midnimo qaran. Dhinaca kale, Heesta Calanka, waxaa ay leedahay taariikh gaar ah, heestan, waxaa miraheeda lahaa (AUN) Abwaan Xuseen Aw Faarax Dubbad, Waxaa laxanka lahaa (AUN) C/laahi Maxamed Maxamuud Xirsi (Qarshe). Abwaanka Alifay heesta ayaa ka sheekeeyay in heestaas ay ku jirtay riwaayaddii ay isku barteen Xuseen Aw Faarax iyo Abwaan Qarhse oo Waqooyi ka yimd iyo Fanaaniintii reer Muqdishu. Heesta waxaa ay ku jirtay riwaayad lagu eegayey fanka labada abwaan, Xuseen Aw Faarax waxaa uu sheegay in riwaayadda marka ay dhaxda mareyso oo ay qaadeen heesha calanka in isaga iyo qarhse la siiyay Diploma lagu abaalmarinayo labaadsi abwaan, Diploomadaasi lama bixin ka hor xiligaas ama kadiba, Waxaa ay sidoo kale isla riwaayaddaas ka dhigeen Djabuti iyo Cadan. Xilliga riwaayaddaas Muqdishu lagu dhigay waxaa ay aheyd 1956-dii, labo sano ayuu jiray calanka Soomaaliya, hees sidan u qiimo badan cid u qaatay ma jirin xiligaas ka hor. Miraha Heesta Waxaa ka mid ahaa: Qolobaa calankeedu, waa ceynoo, Innaga keenu waa, Cirkoo kale e, Oon caadna lahayn, Ee caashaqaye. Xidigyahay cadi, Waad noo ciidamisee, Carradaa kaligaa adow curadee cadceeda sideedaa u caan noqo ee Cishadad dhalataad calooshayadii sidii culaygii cidaad marisee Allow ha ku celin cawoy dhaha. Ugu dambeyntii, June 5, 2001 ayuu Maxamed Cawaale Liiban oo ahaa ninkii sameeyeey calanka Soomaaliya ku geeriyoodey magaalada Toronto ee dalka Canada. Soomaalida Maanta: Waxaan hubaa in Soomaali badan dhiiga iyo damiirkoodu u dhaqaaqay maqalka heesta, Lakin marka aan runta isu sheegno, heesta calanka maanta ma laha dhadhankii hore, dalka waxaa loo kala qeybiyay gobolo, qabiilo, dowlad goboleedyo, ma jirto labo isku fikrad ah, ma jirto labo ka sheekeysta Somaliweyn, Midnimo iyo Mustaqbalka dalka, dadka iyo diinta! Sida uu ii sheegay Jen. Jaamac Maxmed Qaalib, dadkii hore waxaa ay ku faani jireen Calanka, Ciidanka qaranka iyo Soomaalinimada halka maanta lagu faano Maamulka goboleedyada, taageerada iyo lacagaha loo uruuriyo maamul goboleedka ayaa ka xamaadsad badan taageerada Qaranka. Maanta Soomaaliya waxaa ay leedahay boqolaal calan, gobol walba waxaa uu leeyahay calan u gaar ah iyo heesta calankaas, gobol walba waxaa uu leeyahay Dastuur iyo calan ka duwan midka qaranka, Madaxweynayaal tiro badan, waxaa meesha ka baxay micnihii weynaa heesha calanka iyo qaranimada Soomaaliyeed. W/Q/ Abdiaziiz Ahmed Gurbiye Source: goobjoog.com
  22. Baidoa (HOL) — Ethiopian troops launched mortar attacks across Wajid district in Somalia's Bakool region following an al-Shabaab militant assault on their military base Friday night, local residents reported. Source: Hiiraan Online