Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,214
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Heshiis laga gaadhay Hirgalinta Nidaamka Hubinta Codbixiyeyaasha Booyoomitrigga IRIS Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa maanta xaruntooda kulan ugu qabtay dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka gaar ahaan Madaxda Sare iyo Guddida Hawlgalinta (Taskforce) ee Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasada ee JSL. Kulankan oo hore loogu balansanaa in la qabto kadib marka la soo dhameeyo hawlgalka tijaabadda Nidaamka Hubinta Cod-bixiyeyaasha IRIS- BVVS oo KDQ ka fuliyey Afar (4) goob-doorasho oo kala ah Caragaranuug (Boorama), Ceelxume (Oodweyne), Geeddi-haan (Burco), iyo Jaamacadda Hargeysa (Hargeysa). Kulankaas ayaa aad loogu lafoguray guud ahaan hawlaha diyaargarowga doorashada, gaar ahaan Nidaamka Hubinta Codbixiyeyaasha Booyoomitrigga ah ee IRIS BVVS, waxaana lagu wadaagay xogihii iyo warbiximhii ka soo baxay tijaabooyinkii la qabtay. Ugu danbayn, Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo dhammaan Madaxda Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda JSL waxay ku heshiiyeen in Nidaamka Hubinta Codbixiyeyaasha ee IRIS-BVVS laga hirgaliyo Lixda Magaalo-madax ee Gobalada dalka JSL doorashooyinka Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka ee 13 November 2024. Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Inay madaxda u jawaabto shacabkooda waa nooc kamid ah dhaqamada wanaagsan ee hoggaanka casriga ah. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka caasimadda ayaa fooda isdaray asbuucan kadib markii ay dadka u adkeysan waayeen culeyska dhaqaale ee caasimada ka jira, canshuuraha xad dhaafka ah, lacagaha shirkadaha gaarka ah lagu guranayo iyo dhibaatada lagu hayo bajaaj-leyda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isku-dayay bilowgii hore inuu inkiro dhibaatada dhaqaale ee taalla caasimadda iyo caqabadaha ay ka cabanayaan bulshada. Laakiin inkiraadiisi ayaa la kulantay fal-celin shacab oo uusan fileyn, waxaana xigay banaanbaxyo iyo shaqo joojintii ganacsatada suuqa Bakaaraha. Xasan Sheekh ayaa lagu qasbay inuu dib u saxo qaladaadkii ku jiray laba farriin oo uu kaga hadlay culeyska dhaqaale ee caasimadda. Sixidu waxay u baahatay inay noqoto shaqo ficil ah, wuxuuna madaxweynaha sida muuqata ku qancay in aanay dadka hadal cidlo ah ku dageynin. Laba tallaabo oo Xasan Sheekh iyo nidaamkiisa ay qaadeen 48 saac ee lasoo dhaafay ayaa madaxweynaha ka dejisay culeyskii ka taagna magaalada Muqdisho. Mid waa arrinta bajaaj-leyda, midna waa cabashadii ganacsatada ee la xiriirtay dekedda magaalada Muqdisho. Lacag 115 dollar ah oo sharci darro aheyd ayaa laga dulqaaday bajaaj-leyda, lacagahaas ayaa ku dhici jiray akoono iyo jeebabka shaqsiyaad gaar. Culeyskii ka jiray dekedda magaalada Muqdisho ayaa laga gaaray is-afaham, ayada oo ganacsatada suuqa Bakaaraha ay bilaabeen inay dib u furaan goobahooda ganacsiga. Intii ay jirtay xiisaddan madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lumiyay shacbiyad xoog leh, waxaana kooxdiisa si aan qarsooneyn ay ugu soo qanacday inay mucaaradka qaar ka faa’iideysanayaan carrada shacabka, madaxweynuhuna uu sii wiiqmi doono haddii uusan tallaabooyin qaadin. Tallaabooyinka hadda la qaaday marna waa badbaada danyarta marna waa badbaadada Xasan Sheekh, laakiin midda muhiimka ah ee u baahan in aad loola socdo waa dhaqan-galka go’aamada hadda soo baxay. Dadka qaar ayaa aaminsan in go’aamadan lagu daminayo xaaladda, balse maalmo kadib ay wax walba halkoodii ku laaban doonaan. Laakiin dadka ay arrintan sida gaarka ah u damqineyso waxaa laga rabaa inay isha ku hayaan dhaq-dhaqaaqa fulinta go’aamadan oo haddii uu xaalka halkii hore ku laabto waxaa lagu qasbanaan doonaan in deg-deg loo diido, maadaama ay yihiin culesyo aan la qaadi karin iyo ballan ka baxyo. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo xeeladeystay iyo xujo labaad oo hortaalla appeared first on Caasimada Online.
  3. Dowladda Ukraine ayaa ku weerartay caasimadda Ruushka ee Moscow ilaa 11 diyaaradood oo ah nuuca aanan duuliyaha laheyn, kuwaas oo uu Ruushku sheegay in difaacooda cirka uu burburiyay dhammaan diyaaradahaasi. Dowladda Ruushka ayaa qirtay in weerarkaasi uu ahaa mid ka mid ah weeraradi ugu weynaa ee ay ciidanka Ukraine ku bartilmaameedsadaan Moscow, tan iyo marki uu billowday dagaalka Ukraine bishii Febraury ee sannadki 2022-kii. Wasaaradda difaaca Ruushka ayaa ku warrantay in difaacooda cirka uu dhulka soo dhigay ilaa 45 diyaaradood oo ah nuuca daroonka loo yaqaanno ee dhulka laga hago, kuwaas oo ay ku jireen 11 xabbo oo lagu weeraray Moscow. Ruushka ayaa dhanka kale horumar ka sameynaya bariga Ukraine, halkaas oo ay ciidamadiisu hadda gacanta ku hayaan ilaa 18 boqolkiiba, waxay sidoo kale dagaal adag kula jiraan ciidamo ka tirsan Ukraine oo weeraray gobolka Kursk ee Ruushka. PUNTLAND POST The post Ukraine oo weerarkii ugu weynaa ee Cirka ah ku qaaday dalka Ruushka appeared first on Puntland Post.
  4. Guddoomiyaha Gobolka Minnesota Tim Walz ayaa xalay si rasmi ah u aqbalay magcaabista xisbigiisa ee jagada madaxweyne ku xigeenka Maraykanka. Tim Walz oo hadal ka jeediyey shirweynaha xisbigiisa ee ka socda magaalada Chicago ayaa u mahadceliyey ergadii ka soo qaybgashay shirkaasi wuxuuna ku tilmaamay in ay farxad ku soo kordhiyeen ololaha doorashada. “Dhammaan waxaan halkan u joognaa caawa hal sabab oo qurux badan, taasoo ah inaan jecelnahay dalkan,” ayuu yiri Tim Walz isaga oo la hadlayey kumanaan ergo ah oo ruxayey calamo iyo astaamo kale oo ay taageero ugu muujinayaan. Dad badan oo Maraykan ah ayaan weligood maqal Walz, ka hor intii aanay Kamala Harris u xulan in uu noqdo musharaxa ku xigeenka u noqonaya, hase ahaatee markii uu ololaha ku soo biirayba, wuxuu si weyn u soo jiitay taageerayaasha. PUNTLAND POST The post Tim Walz oo xalay si rasmi ah u aqbalay musharraxnimada xisbigiisa ee madaxweyne ku xigeenka Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  5. 456394224_1299901470986350_7341334750231402095_n Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan halka ay marayaan wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Wasiir Fiqi ayaa shaaca ka qaaday xog cusub oo ku aadan wada-hadalladan, isaga oo hoosta ka xariiqay in wax kasta ay ka socon waayeen dhinaca Itoobiya oo uu sheegay inay weli adkeysaneyso damaca ay ku dooneyso biyaha iyo dhulka Soomaaliya, taasina aysan dhici doonin. Fiqi ayaa xusay in Soomaaliya aysan marnaba ka tanaasuli doonin mowqifkeeda ku aadan ilaalinta madax banaanida dalka, ayna wada-hadalladan socda u aqbaleen xiriirka iyo saaxibtinimada kala dhexeysa Turkiga oo dhex-dhexaadinayo Muqdisho iyo Addis Ababa. “Wadahadallada dhex-dhexaadinta ah ee Turkiga ka dhex wado Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaan u aqbalnay xiriirka xooggan oo aan la leenahay Turkiga iyo Aduunka arko in Soomaaliya ay diidaneyd wada kasta oo sax ah” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in wareegga soo socda uu ka soo baxo xal ku saleysan ixtiraamka shuruucda caalamiga ah. “Waxaan rajeynayaa in wareegga soo socda (wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya) uu ka soo baxo xal ku saleysan ixtiraamka shuruucda caalamiga ah,” ayuu yiri wasiir Fiqi oo rejo wanaag ka muujiyay wada-hadallada soo aadan xilli ay fashilmeen labadii kulan ee hore. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan rabaa in aan caddeeyo in Soomaaliya ay ganacsi ahaan u furan tahay oo kaliya heshiisyada faa’iidada leh ee lala galo Itoobiya. Ma ogolaan doono in badda lagu galo qaab ciidan iyo mid madax banaan, sidoo kale ma ogolaan doono joogitaan ciidan oo waqti dheer iyo mid gaaban ah”. Si kastaba, xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda ayaa gaartay meeshii ugu xumeyd, waxaana si weyn looga dareemay gobolka, mana jiro illaa iyo hadda wax isku soo dhawaasho ah oo ay sameeyeen labada dal oo ku aadan xiisadda dhex taalla. The post FIQI oo shaaciyay xog cusub oo ku saabsan wada-hadallada Somalia iyo Ethiopia appeared first on Caasimada Online.
  7. Taliye xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaliyeed S/Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed( Kaniif ) Ayaa Tababar usoo Xirey horin Ka tirsan Ciidanka Music-kada Boliiska, kuwaas oo muddo tababar ugu xareysnaa Akadeemiyada Booliska ee Gen.Kaahiye . Horintaan oo Muhiim u ah kusoo Biiristeeda Banda Music-kada ayaa waxaa ka war bixiyey Taliyaha Akadeemiyada Boliiska Gen.Kaahiye S/Guuto Cabdikariin Macalin Xuseen, asagoo sharraxay ahmiyadda cutubkani u leeyahay ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Wuxuu intaa ku daray in tababarka ciidankani ay qaateeni uu isugu jiray Xirfado Gaar ah iyo Sharciga iyo anshaxa guud ee Ciidan Boliiska Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  8. Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ka qeyb galay kulan guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Shacabka uu ku dooranayay guddoomiyaha cusub ee guddiga. Doorashada oo u dhacday hab gacan taag ah waxaa xilka guddoomiyaha guddiga ku tartamayay laba musharax oo kala ah Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal Geelle iyo Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad. Xubnaha guddiga ayaa Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal Geelle u doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Shacabka. Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo doorashada ka dib hadlay ayaa guddoomiyaha cusub ee guddiga kula dardaarmay inuu dardargeliyo shaqada guddiga ,isaga oo dhanka kale xubnaha guddiga ku booriyay in ay la shaqeeyeen. Doorashada guddoomiyaha cusub ee guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee golaha shacabka ayaa waxaa goob joog ahaa habdhowre kuxigeenada golaha, xoghayaha guud ee Golaha Shacabka iyo sidoo kale qaar ka mid ah Guddiyada golaha. Source: goobjoog.com
  9. Camaara (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya koonfurta gobolka Mudug ayaa sheegaya in deegaanka Dhaankalle oo qiyaastii 7 km u jira Camaara lagu gubay gaari xamuul ah oo ay la socdeen dad shacab ah, kadib markii ay waddada u galeen Al-Shabaab. Gaariga oo uu noociisu ahaa Biijii ayaa kusii jeeday dhinaca magaalada Gaalkacyo, waxaana sidoo kale uu siday raashin, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Dadka shacabka ah ee baabuurka la socday ayaa lasoo wariyay inay goobta ka baxsadeen, markii ay ka war heleen inay kusoo wajahan yihiin xubnaha Al-Shabaab. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ee jidka u galay baabuurkaas ay dab qabad siiyeen, kadibna ay isaga dhaqaaqeen halkaasi. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo madaxda Galmudug oo ku aadan falkaasi lagu gubay gaariga sidan raashinka. Camaara ayaa waxaa weli agagaarkeeda ku sugan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo inta badan weeraro gaadmo ah ku qaada fariisimaha ciidamada ee ku yaalla gobolka Mudug. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa howlgallada ka socda Galmudug ay u muuqdeen kwua hakaday, taas oo fursad siisay maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan gobollada dhexe. Arrinta kale ee culayska leh ayaa ah in deegaanadaas ay dib uga qarxeen dagaal beeleedyo lagu eedeeyay inay sii horineyso koxoda Al-Shabaab. The post Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo lagu gubay MUDUG – Yaa gubay? appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Maxamed Axmd Diiriye (Yabooh) oo wareysi siiyay Telefishinka Soomaali Cable ayaa ka hadlay arrimo la xiriira ammaanka Muqdisho iyo howlgallada ka socda. Yabooh ayaa si gaar ah uga warbixiyay rag halis oo uu isaga gacanta kusoo dhigay xilli uu marayay waddo kamid ah magaalada Muqdisho, kuwaas oo uu sheegay in ay sawir ka qaadayeen xarun dowladeed oo ku taalla gudaha caasimada. Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir ayaa sheegay in raggaasi ay ahaayeen laba nin oo watay mooto, isla markaana uu ka daba yimid, iyaga oo ku howlan sawirka xerada oo uusan carab baabin, kadibna waxa uu tilmaamay inay ka shakiyeen oo ay waydiiyeen su’aallo dheeraad ah. “Daraad aniga oo meel socda ayaa waxaan ka daba imid laba nin oo mootada laba Lugaaleyda ah saaran oo meel darbi ah sawiraayo waan istaajinay taleefannadii iyo wixii ayaa laga qaaday waa la fiiriyay wixii ay sawirayeen ayaa la fiiriyay maxay ahaayeen waxaad sawiriseen ayaan ku iri? waxay dheheen waan iska sawireynay, meesha ay sawiraayeen waxay ahayd xero dowladeed” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga. Intaas kadib waxa uu hoosta ka xariiqay inay raggaasi ku wareejiyeen hay’adaha amniga si loogu sameeyo baaritano dheeraad ah, si loo hubiyo waxa ay yihiin. “Aniga iskama sii dayninee waan soo waday meel ay hay’adaha amniga joogeen ayaan keenay waa la baaray waxaa la arkay inay halis ahaayeen markii dambana waxaa lagu wareejiyay dadka ku shaqada leh” ayuu mar kale yiri Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh). Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka oo hadalka sii wata ayaa xusay in baaris dheer kadib raggan laga helay sawirrada askar, dhar ciidan iyo bistoolado. “Kadib baaris dheer waxaa taleefanooda laga sii helay wax badan askar ayaa laga helay, dhar askar ayaa laga helay, bistoolado ayaa laga helay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Waxaa kale oo uu yiri “In qofka meel joogo la waydiiyo oo la yiraahdo maxaa qabaneysay? wax colaad ah ma’ahan, mana aha wax qalqal-gelin ah”. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayay weeraro ay soo abaabushay kooxda Al-Shabaab, haddana sidaas oo ay tahay waxaa ka socda howlgallo ay iska kaashanaayaan ciidamada Booliska, Nabad-Sugidda iyo kuwa Xasilinta caasimada. The post Rag halis ah oo lagu qabtay MUQDISHO, kadibna laga helay…. appeared first on Caasimada Online.
  11. OMAHA, Neb. (HOL) — Mursal Jama, a 64-year-old Somali refugee known for his dedication to his family and community, was tragically killed in a violent carjacking in Omaha, leaving the community outraged and sparking a citywide debate on juvenile justice. Source: Hiiraan Online
  12. Mogadishu (HOL) — The Somali Federal Government has recently mandated that all revenue collection be consolidated under the Ministry of Finance, using the Single Treasury Account (TSA). Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Barnaamij noociisu ku cusub yahay dalka ayaa waxaa ajaanib badan lagu baray Afkeenna Hooyo ee Soomaaliga, kaasi oo kaalin mug leh ka qaadatay Akaademiyadda SODMA. Akaadeemiyadda Somali Digital Media Academy (SODMA) ayaa tababar muddo saddex bilood ah socday u soo gaba-gabeysay qaar kamid ah jaaliyadaha Carabta ee ku nool Soomaaliya, kuwaas oo la barayay asaasiyaadka luqadda Soomaaliga. Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeyb-galay mas’uuliyiin ka kala socday wasaaradda waxbarashada iyo akadeemiyada cilmiga dhaqanka iyo fanka Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale. Dhammaan xubnihii goob jogaa ka ahaa madasha ayaa boogaadiyay shaqada ay qabatay akadeemiyada SODMA, maadama ay barnaamijka sameysay uu yahay midkii ugu horeeyay ee laga sameeyo dalka, kaasi oo ah in luuqada Afka Soomaaliga lagu baro dadka ajaanibta ah. Tan ayaa kaalin mug leh ka qaadaneysa isdhex-galka bulshada Soomaaliyeed, maadaama ay u hayaan howlaha kala duwan sida; isbitaalada iyo Jaamacadaha ku yaalla dalka. Barnaamijkaan oo loogu magacdaray TAWAASUL ayaa waxa uu ujeedkiisu yahay in luuqadda Soomaaliga lagu baro waalalaha Carbeed ee dalkeena ku soo badanyay sanadihii dambe. Dhinaca kale, Akadeemiyada SODMA oo ah xarun lagu barta culuumta Saxaafadda Dijitaalka ah ayaa soo kale dhowaan bilaawday barnaamij loogu magic daray (Bayaan) kaasi oo luuqada carabiga lagu barayo dadka daneynaya, waxaana barnaamijka bixinaya macalimiin u dhashay dalka Sudaan. Isku soo wada duubo, Akadeemiyada SODMA ayaa soo saartay dhallinyaro badan oo ay bartay xirfadaha muuqaal toobista iyo sameyntooda iyo culuumta la xariirta Saxaafadda Dijitaalka ah. The post Sawirro: Barnaamij noociisu ku cusub yahay dalka oo ajaanib badan lagu baray Afkeenna appeared first on Caasimada Online.
  14. MOGADISHU (Reuters) - Wearing a bulky protective suit and helmet, Mohamed Ahmed inches towards the truck where explosives wired to a mobile phone have been planted in Somalia's capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  15. Maamulka ku meelgaarka ah ee SSC-Khaatumo ayaa mamnuucay in magaalada Laasocaanood lagu dhex qaado Hubka nuucyadiisa kala duwan, sida lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saaray guddiga nabad-gelyada ee maamulkaasi. maamulka ayaa sheegay inuu tillaabo adag ka qaadi doono cid kasta oo u hoggaansami wayda amarkan, ayadoo digniin u diray talisyada ciidamada, kana dalbaday inay ka fogaadaan in magaalada lala soo galo hub aan howlgal loogu talo-galin. Dadweynaha ku nool Laascaanood ayaa sidoo kale guddiga nabad-gelyadu waxay ka dalbadeen inay la shaqeeyaan laamaha Ammaanka, waxayna tillaabadani imaanaysaa ayadoo magaalada ay bilihii la soo dhaafay ka dheceen dilal aan ujeedkooda la garan, islamarkaana dhowr qof arrintaas loo qasaasay. Source: goobjoog.com
  16. Dawladda Federalka Itoobiya ayaa jawaab adag ka bixisay hadal ka soo yeedhay Madaxwaynaha Soomaaliya, kaasi oo uu sheegay in dhulka Soomaalida Itoobiya uu yahay dhul ay Itoobiya ka haysato Soomaaliya. Aadan Faarax Ibraahi oo ah Raysal wasaare ku xigeenka dalka Itoobiya ahna Madaxwayne ku xigeenka xisbiga Barwaaqo, ayaa aqoonyahan iyo siyaasiyiinta Soomaliya ugu baaqay inay ka shaqeeyaan deris wanaaga Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaanu xusay inay Itoobiya dhiigeed u hurtay sidii ay Soomaaliya u noqon lahayd amni iyo xasilooni. Aadan Faarax Ibraahim oo ka jawaabaya hadalka ka soo yeedhay madaxwaynaha Soomaaliya ayaa bartiisa degelka Facebook ku daabacay jawaab celinta Xasan Sheekh waxaanay u dhignayd , “Sida laga warqabo Itoobiya iyo Soomaaliya waa labo wadan oo wadaaga xuduud aad u dheer oo ku dhow 1700 km. Intaas waxaa dheer in badan oo kamid ah shacabka ku dhaqan labada wadan in ay yihiin dad wadaaga isir, dhaqan, iyo diin. Sidaas daraadeed, Itoobiya, maadaama ay Ab iyo Oodba ugu xigto Soomaaliya, waxay aaminsantahay in xasiloonida iyo horumarka Soomaaliya ay lagamamaarmaan u tahay daganaanshaha iyo horumarka Itoobiya. Kadib burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya, Itoobiya oo gudanaysa mas’uuliyadda akhlaaqeed iyo midda walaaltinimaba ayaa dadaal dheer ku bixisay sidii loo heli lahaa dawlad Soomaaliyeed oo cagaheeda ku taagan taasoo soo celisa amniga iyo xasiloonida dalka Soomaaliya. Itoobiya waxay martigalisay qaxoonti aad u tirabadan oo kasoo cararay dagaaladii sokeeye ee ka qarxay Soomaaliya biloowgii sannadkii 1991-dii iyadoo ilaa haatan ay qayb badani wali wadanka ku suganyihiin. Dawladda Itoobiya waxay qabatay kulamo badan oo ay isugu keentay kuna heshiisiinaysay hogaamiye-kooxeedyadii gadh-wadeenka ka ahaa kooxihii ku dagaalamayay gudaha Soomaaliya. Dhinaca kale waxaa xaqiiqa ah in dawladda Itoobiya iyo shacabkeeduba ay dhiigooda u hureen sidii Soomaaliya loogu soo dabaali lahaa xasilooni iyo kala dambayn. Waxaa xusuusin mudan in hanaanka dawladeed ee ka dhisan Itoobiya uu yahay mid dawlad-wadaaga ah (federalism) kaasoo qowmiyad walba u saamaxay in ay iskeed isu maamusho. Qowmiyadda Soomaalida oo ah qowmiyadda 3aad ee ugu tiro badan 76-da qowmiyadood ee ku dhaqan Itoobiya, ayaa xuquuqdeeda siyaasadeed, mida dhaqaale iyo tan bulshaba si siman oo caddaaladi ku dheehantahay loo sugay. Wacyiga shacabka Soomaaliyeed ee deegaanka Soomaaliduna wuu ka kobcay in maalinba uu u gacan haadiyo cid aan danaheeda ka talinaynin oo awr ku kacsanaysa. Waxaa maalmahan fajac iyo yaab nagu noqday hadallada ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaliya, hadalladaas oo aan ka turjumayn waaqica dhabta ah ee maanta jira iyo tagtadii shalay ee halganka Shacabka Deegaanka Soomaalida midnaba, hadalladaasi waxay gaf iyo meel ka dhac ku yihiin shacabka Degaanka Soomaalida oo isagu garanaya meesha dantiisu kujirto. Waxay hadalladaasi fool xumo ku yihiin shacabka dalka Soomaaliya ee aan walaalaha nahay, waana mid dhaawacaysa wada noolaanshaha iyo deris wanaagga shucuubta geeska Afriika oo ay Soomaalidu qayb muhiim ah ka tahay. Waxaan madaxda dalka Soomaaliya ugu baaqaynaa in ay xoogga saaraan ka shaqaynta danta shacabka Soomaaliya, adkeynta dawladnimada Soomaliya, iyo xoojinta iskaashiga iyo walaaltinimada laba dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya. Indheergaradka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed waxaan iyagana ugu baaqaynaa in ay doorkooda ka qaataan la halganka afkaarta guracan ee kala fogaynaysa Bulshada walaalaha ee Geeska. Dowladda Itoobiya waxaa ay marwalba aaminsantahay in la ixtiraamo daris wanaaga, wax wada qabsiga, lana xoojiyo isdhexgalka Geeska Afrika iyo xaqiijinta nabad waarta oo ka dhalata Geeska Afriika”. Source
  17. Israa’iil ayaa duqeyn ay ka geysatay magaalada ku taalla koonfurta Lubnaan ee Sidon, waxay ku dishay Khaliil Al-Maqdah, oo la dhashay hoggaamiyaha ururka Fatax ee Falastiiniyiinta garabka Lubnaan, Muniir Al-Maqdah,sida ay warisay Al Jazeera. Israa’iil ayaa inta uu dagaalka Qasa socday ku eedeysay Muniir Al-Maqdah inuu hub soo geliyay dhulka Falastiiniyiinta, tan iyo markaa Israa’iil ayaa indhaha ku heysay xeryaha qaxootiga Falastiiniyiinta ee ku yaalla gudaha Lubnaan. Ma cadda haddii ay sheegi doonaan duqeyntan lagu dilay walaalka hoggaamiyahan sare inay uga jawaabayaan weerarkii qaraxa ee ka dhacay Tel Aviv, oo baaritaan ay ku sameeyeen ay ku sheegeen inuu ahaa mid xadi sare oo kiimikooyin iyo walxaha qarxa oo aan laga heli karin Qasa ay ku jireen, taa oo jirta qaraxa waxaa sheegatay Xamaas , oo ku hanjabtay inay gudaha Israa’iil ka geysan doonaan qaraxyo. Source
  18. Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa maanta weerar la beegsaday markabka shidaalka qaada ee MV Sounion ee laga leeyahay dalka Giiriga, kaasoo la sheegay inay ka dhaceen laba qarax, wallow ayna qaraxyadaa ka joojin inuu sii wado safarkiisa, sida ay sheegtay ha’yadda ganacsiga baddaha Ingiriiska ee (UKMTO). Source
  19. Ukraine ayaa Arbacadii shalay ku weerartay caasimadda Ruushka ee Moscow illaa 11 diyaaradood oo ah nuuca aanan duuliyaha laheyn, kuwaas oo uu Ruushku sheegay in difaacooda cirka uu burburiyay dhammaan diyaaradahaasi. Dawladda Ruushka ayaa qirtay in weerarkaasi uu ahaa mid ka mid ah weeraradii ugu weynaa ee ay ciidanka Ukraine ku bartilmaameedsadaan Moscow, tan iyo markii uu billowday dagaalka Ukraine bishii Febraury ee sannadki 2022-ki. Dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine oo in muddo ahba dhinacyadu isu adeegsanayeen madaafiicda goobta, diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn, iyo duqeymo cirka ah, isla markaana ka socday tuulooyinka iyo dhulka howdka ah ee bariga Ukraine, ayaa 6-di bishan August waji kale yeeshay, kaddib markii ay Ukraine ciidamo u dirtay gobolka Kursk ee bariga Ruushka dhanka xadka Ukraine. Source
  20. Agaasimaha Hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Kenya, Nuuradiin Maxamed Xaaji ayaa booqasho rasmi ah ku tegey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. Agaasime Nuuradiin Xaaji ayaa halkaasi kula kulmay dhiggiisa agaasimaha sirdoonka Itoobiya, Redwan Hussain waxaana la sheega in ay ka wada-hadleen xoojinta iskaashiga labada dhinac Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay ka wada-xaajoodeen xoojinta amniga xadka labada dal iyo sidii ay wadajir uga jawaabi lahaayeen dhaqdhaqaaq ka soo cusboonaday xadka. Xadka labada dal ee Itoobiya iyo Kenya ayaa la sheegay in ay falal amniga lid ku ah ka geysanayaan dagaalyahannada kooxda Shene ee loogu yeero ciidanka xoraynta Oromada oo ay Itoobiya horey liiska argagixisada ugu dartay. PUNTLAND POST The post Madaxda Sirdoonka Kenya iyo Itoobiya oo ka wada-hadlay dhaq dhaqaaqyo ka soo cusboonaaday xadka labada dal appeared first on Puntland Post.
  21. Mogadishu (HOL) — Ethiopia's ongoing military presence in Somalia may soon breach international law if Somalia follows through on its decision to exclude Ethiopian forces from future peacekeeping missions, according to legal experts. Source: Hiiraan Online
  22. Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha keenay inay natiijo la’aan ku soo dhammaadaan wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya ee magaalada Ankara, gaar ahaan wajigii labaad. Wasiirka ayaa sheegay in Itoobiya ay weli ku dheggantahay damaceedii gurracnaa ee ay ku doonaysay inay qeyb badda Soomaaliya kamid ah sharci darro ku qaadato, Soomaaliyana aysan marnaba oggolaanayn inay gorgortan ka gasho badeeda, taasina ay tahay sababta keentay is mari waaga iyo fashilka wada-hadallada. Wuxuu intaa ku daray in Itoobiya ay diiday dhammaan sharciyada caalamiga ah ee ay ku wada dhaqmaan dalalka badda leh iyo kuwa xirani, islamarkaana ay ku adkaysatay inay hesho qeyb kamida badda Soomaaliya, wada-hadalkuna uu dhankeeda ka socan waayay. Wajigii labaad ee wada-hadalada labada dal oo 12-13 bishan Agoosto ka socday magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday, waxaana cirka isku sii shareeraya ismaan-dhaafka labada dhinac, ayadoo Itoobiya ay geed gaaban iyo mid dheerba u fuulayso hirgelinta damaceeda gardarrada ku ah madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  23. The Swedish government has been asked to prevent conflict and war Somalia is creating by the cooperation agreement between Somaliland and Ethiopia. Member of Parliament Markus Wiechel who presented a question to the Minister of Foreign Affairs Hon. Tobias Billström in the Swedish Parliament on 20 August 2024, demands that he take diplomatic measures to prevent the conflict in Somalia. Hon. Wiechel’s questions reads as follows; The signing of a Memorandum of Understanding (MoU) between Ethiopia and Somaliland, which among other things gives Ethiopia access to the port of Berbera, a very important port on the Gulf of Aden adjacent to the Red Sea, will have far-reaching diplomatic and humanitarian benefits in a strategically very important location. This agreement opens up positive effects that affect millions of people in the region and also has the potential to benefit relations between this region and Europe, and not least Sweden. Ethiopia has a central role in the region as one of Africa’s most populous nations and a rapidly growing economy. By gaining access to a strategically located port, the country’s capacity to participate in global trade is strengthened, which can result in economic growth, improved infrastructure and a strengthened trade balance. It reduces costs and increases the efficiency of import and export operations, which directly affects food security and can improve the standard of living of millions of people. Cooperation between Ethiopia and Somaliland also promotes regional integration and security, which is important for stabilizing the Horn of Africa, a historically turbulent region. Stability in Ethiopia and its vicinity means a reduced risk of conflicts and humanitarian crises, which of course has a positive impact outside the region as well. For Sweden and Europe, a stable and economically stronger Ethiopia means improved trade relations and new investment opportunities. It can lead to increased imports of Ethiopian goods and open doors for European technology and expertise to contribute to local development, including a green transition. Stability in the region also reduces migration and refugee pressure towards Europe through improved living conditions in the home countries. What is worrying in this situation is the fact that Somalia’s unelected president Hassan Sheikh Mohamud has threatened war, as well as approached both Turkey and, most recently, Egypt to strengthen their military capabilities. It is thus a dictator, whose ministers include former terrorist leaders, who, despite having no control over his own territory, is prepared to invade the most democratic country in the region. Worse yet, there is extensive evidence that Somalia is at risk of continuing the ethnic cleansing of Somaliland’s dominant clan (Isaaq) that began during dictator Siad Barre’s time in power. In light of the above, Foreign Minister Tobias Billström is requested to answer the following question: Can the Minister consider taking diplomatic steps to prevent Somalia from starting an unnecessary war or possible genocide, and if not, what steps can we expect from the Minister and the Government? The question of MP Wiechel published on the website of the Swedish Parliament said that the response of the Minister of Foreign Affairs Md. Tobias is expected on September 2, 2024. Source Horntribune Qaran News
  24. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Xalay yeeshay kulan uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo saaray Qaraar muhiim ah oo ku saabsan Mamnuucidda in Dakhli Dawladeed Lagu Shubo ama Lagu Hayo Koonto Bangi ee aan ahayn Khasnadda Mideysan (TSA) Golaha Wasiirradu Wuxuu Meelmariyay Qaraarka Qodobadiisu Hoos Ku Qoran Yihiin: Qodobka 1-aad Joojinta in Dakhli Dawladeed Lagu Shubo ama Lagu maareeyo Koonto Bangi oo aan ahayn Khasnada Mideysan (TSA) 1. Sida ku cad Qodobka 2(1)(r) iyo Qodobka 4-aad ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, dhammaan dakhliga Dawladda Federaalka Soomaaliya waa in lagu shubaa, laguna maamulaa Khasnadda Mideysan oo keliya (TSA). 2. Si waafaqsan Qodobka 4(2) iyo Qodobka 42(4), waxaa mamnuuc ah in dakhliga Dawladda lagu qabto ama lagu hayo koonto bangi oo aan ahayn Khasnada Mideysan (TSA). 3. Si waafaqsan Qodobka 4(3) ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, dakhliga Dawladda Federaalka waxa ku jira dhammaan lacagaha ay qabtaan hay’adaha Dawladda, iyo sidoo kale dhammaan lacagaha lagu soo ururiyo magaca hay’ad Dawladeed, ama midka Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin balse aan ku xaddidnayn dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan ee loo ururiyo si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka kala duwan ee dhaqangalka ah. Qodobka 2-aad Hay’adda Dawladda Mas’uulka uga ah Dakhli Ururinta 1. Sida ku cad Qodobka 8(2) ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, Wasaaradda Maaliyadda ayaa ah hay’adda kaliya ee u xilsaaran ururinta, maareynta iyo la socodka dhammaan noocyada kala duwan ee dakhliga Dowladda Federaalka Soomaaliya. 2. Iyada oo aan waxba loo dhimayn doorkooda bixinta adeegyada Dawliga ah, dhammaan hay’adaha kale ee Dawladda, ha ahaadan rayid ama ciidan, waxaa ka mamnuuc ah, inay si iskood ah u ururiyan ama u maareeyaan dakhliga Dawladda, oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan. Qodobka 3-aad Dejinta Tacriifadaha 1. Si waafaqsan Qodobka 6(b) iyo Qodobka 108 ee Sharciga Maamulka Dakhliga, 2019, Wasiirka Maaliyadda oo kaliya ayaa awood loo siiyay dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn tacriifadaha dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan. 2. Iyada oo aan waxba loo dhimayn doorkooda dhaqan-gelinta iyo fududaynta bixinta noocyada kala duwan ee dakhliga Dowladda, dhammaan hay’adaha kale ee Dawladda, ha ahaadan rayid ama ciidan, waxaa ka mamnuuc ah dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn tacriifadaha dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan. 3. Iyadoo u-hoggaansamaysa Qodobka 6(b) iyo Qodobka 108 ee Sharciga Maamulka Dakhliga, 2019, Wasaaradda Maaliyaddu waa in ay sahan dhamaystiran ku samayso dhammaan tacriifadaha hadda jira ee la xiriira ilaha kala duwan ee dakhliga Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo hubiyo in dhammaan tacriifadahaas, oo ay ku jiraan kuwa canshuuraha, khidmadaha, iyo ganaaxyada, ay la socon kara xaaladaha dhaqaale ee Dalka. Qodobka 4-aad Dib-u-eegista Heshiisyada iyo Qandaraayadda aan waafaqsanyn Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019 iyo Sharciga Iibka ee Qaranka 2016 1. Si loo hubiyo u hogaansanaanta qodobbada sharciga islamarkasna looga hortago khataraha maaliyadeed ee ka dhalan kara, waa in dhammaan heshiisyada saamaynta maaliyadeed leh ee dhaqangalka ah ee sharciga baalmarsan la waafajiyaa Sharciga Iibka ee Qaranka, 2016, iyo Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019. 2. Dhammaan heshiisyada caalamiga ah ee saamaynta maaliyadeed leh ee Dawladda Federaalka Soomaaliya kula jirto shirkadaha shisheeye waa in dib u eegis lagu sameeyo lana waafajiyo sharicga marka wakhtigoodu dhammaado kahor inta aan la cusboonaysiin. 3. Wasaaradda Maaliyadda waxaa la farayaa in ay hortabin siiso si joogta ahna u bixiso kharashaadka ka dhasha heshiisyada Dawladdu kula jirto shirkadaha gaarka loo leeyahay si looga fogaado ganaaxyada sharci ee ka imaan kara. 4. Qararkan waxaa lagu baabi’iyay dhammaan heshiisyada hoos ku xusan: (b) Heshiiska lagu fuliyo adeegyada la socodka koonteenarada ee electrooniga ah (electronic container tracking) oo ay horay loo galay. (t) Heshiiska lagu fuliyo adeega dhaqista koonteenarada (container cleaning services) oo horay loo galay. (j) Heshiiska fayadhawrka ee Dowladda Hoose. Qodobka 5-aad Qodobo Qubane ah 1. Iskaanka lagu hubiyo badeecadaha kasoo dega Dekadda Muqdisho waa in la dhimo qiimaha adeegga konton boqolkiiba (50%) iyadoo khidmadda kasoo xaroota lagu qabanayo Khasnadda Midaysan. 2. Ganacsatada Soomaaliyeed ee badeecaddaha kala soo daga furdooyinka Soomaaliya waxaa la farayaa inay shahaadada caddaynta tayada baddecadda ay kala yimaadan shirkadda Veritas ee Dawladda Soomaaliya ugu xilsaaran hubinta tayada badeecadaha. 3. Waxaa la joojiyay lacagaha howl fududeynta ah ee aan sharciga ku saleysneyn ee ganacsatada looga qaado Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha. 4. Dhammaan mas’uuliyiinta iyo howl-wadeenada Shirkadda Alport Mogadishu, kuwa Furdada, Ciidanka Ilaalada Canshuuraha iyo hay’addaha kale ee amniga ma samayn karaan xannibaad ama daahis ay ka dhalan karto kharash ku siyaada badeecadda Dekadda. 5. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waa inay dejisaa qorshe lagu fududeynayo adeegayada laga bixiyo Dekedda Muqdishu. 6. Dhammaan shirkadaha dillaalayda furdooyinka iyo wakiiladda maraakibta (customs brokers & shipping lines) waxaa ka mamnuuc ah inay ku dallacaan ganacsatada lacagaha fududeynta ah oo lagu bixiyay si sharci daro ah. 7. Waxaa la joojiyay lacagaha laga qaado gaadiidka xammuulka ah ee ka baxa baraha koontaroolada ah ee magaalada Muqdisho sida Afgooye iyo Balcad. 8. Waxaa la yareeyay khidmadda Kaarka Ogolaanshaha Gelista Dekadda (Port Access Permit), waxaana laga dhigay $40 doolar oo kaliya, iyadoo meesha laga saaray qaadista lacag dhan $110 doolar. 9. Waxaa meesha lag saaray kharash kasta oo ku bixi jiray howlaha loogu yeeray Kontaynar-jabinta. Cid kasta oo ku lug yeelata qaadista khidmadaan la mamnuucay waxaa laga qaadi doonaa tallaabooyin sharciga waafaqsan. 10. Wasaaradda Ganacsiga waxaa la farayaa in ay u kuurgalid iyo wadatashiyo ka soo samayso cabashooyinka iyo khilaafaadka u dhexeeya ganacsatada, isla markaana soo jeedin ay keento Golaha Wasiirrada. 11. Waxaa la farayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada inay keento qorshe lagu xallinayo cabashooyinka ka jira gaadiidka xamuulka ka qaada Dekedda Muqdisho, isla markaana soo jeedin ay keento Golaha Wasiirrada. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Xalay Soo Saaray Qaraar Ku Saabsan Canshuuraha Iyo Dakhliga dalka appeared first on Puntland Post.
  25. Bishii June, Xuseen Macallin oo ah La taliyaha Amniga Qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in marka uu dhamaado bixitaanka ciidamada hawlgalka ATMIS ay guud ahaan ciidamada dalka Itoobiya isaga bixi doonaan dhulka Soomaaliya, aysanna aqbali doonin hawlgalka xiga ATMIS ay Itoobiya qayb ka noqoto. Sababta ugu wayn go’aankaas ayaa waxay tahay, in khilaaf xoogga uu ka dhaxeeyo labada dawladood ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya. “Sababahana waad garaneysaan xaaladda iyo xiriirka dawladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ay hadda maanta la leeyihiin Itoobiya ayeysan suurtagal noqonaynin in ay ma aragtay cidamadaas Itoobiya ay Soomaaliya sii joogaan,’ sidaas waxaa yiri Xuseyn Macallin, Lataliyaha Amniga Qaran ee Soomaaliya. Balse afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Nebiyu Tedlaoo dhawaan la hadlay warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya ayaa sheegay in Itoobiya ay xaq u leedahay in ay tallaabo difaac ka qaado waxuu ku qeexay ‘Al-Shaabta aadka u xoogaystay’. “Ma jirto awood joojinaysa Itoobiya in ay tallaabooyinka lagama maarmaanka ah qaadno iyada oo aan cidna ogolaansho weydiisanayn. Itoobiya iyo dowladaha gobolkuna waxay ka wada shaqayn doonaan midaan” Isaga oo hadalka sii watana waxuu sheegay in Itoobiya wax kasoo horjeeda ayna Soomaaliya kasoo dhex bixi karin. “Ma jirto sabab ay u ogolaan doonto Itoobiya awood kasoo horjeeda danaheeda in ay kasoo dhex baxdo Soomaliya.” Ayuu yidhi Afhayeenka wasaaradda. Hadaba Itoobiya iyada oo aan idin ka haysan dawladda Soomaaliya, dhaq dhaqaaqyo ma ka sameyn karaan gudaha xadka Soomaaliya? Su’aashaan ayaa waxaan Cabdullaahi Maxamed Cabdullaahi oo sharciyaqaan bartay shuruucda caalamiga ah iyo tan arrimaha badda. Waxuuna sheegay Cabdullaahi haddii ay Soomaaliya kusii adkaysato in Itoobiya ayna kasii mid noqon howlgalka xiga ee ATMIS beddelaya in sii joogista Itoobiya ay noqonayso gudub lid ku ah sharciga caalamiga ah. “Ma jirto sabab sharciyad siinaysa inay sii joogaan dhulka soomaaliya waxayna xadugub ku noqonaysaa gobannimada iyo madaxbannaanida dhulleed ee Soomaaliya si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.” ayuu yidhi Cabdullaahi oo sharaxaya sida tallaabadana sharci ahaan u khaldantahay. Dhanka kale Axmed Cali Saki oo ah Cilmi baadhe iyo Barre ka tirsan Jaamacadda Hargeysa, ayaa waxa uu aainsan yahay in hadalkan uu muujinaayo walaaca ay Itoobiyo ka qabaan ciidamada Masar ee imaanaya Soomaaliya. “Afhayeenku isaga oo ka daba tagaya saxaafadda [kadib] heshiiskii dhex maray Soomaaliya iyo Masar ayuu waxuu muujinaayay in ay walaac ka qabaan ciidamada Masar ee imanaya Soomaaliya” ayuu BBC da u sheegay Cali Saki. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan heshiis difaac la saxiixatay dalka Masar wakaaladda wararka ee Anadolu ayaana ku warrantay in Masar ay taageerayso howlgalka cusub ee beddeli doona ATMIS ee ciidamada cusub ee Afrika kasocda ay usii joogi doonaan howlgalka nabad ilaalinta ah. Sida ku xusan warbixinta ay daabacday Anadolu waxaa sare u kacay waxyaabaha ay Masar Soomaaliya usoo dhoofiso oo keliya 11-kii bilood ee ugu horreeyay sanadkii tagay ee 2023 gaadhay $54 Milyan oo doolarka Maraykanka ah. Ciidamada nabad illaalinta ee iyo midowga AfricaXigashada Sawirka,Getty Images Qoraalka sawirka,Ciidamada nabad illaalinta ee iyo midowga Africa Soomaaliya ayay ciidamo ka kala socda ururka midowga Africa joogeen tan iyo bishii March ee sanadkii 2007 dii, xilligaas oo uu bilowday Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya. Filashada la qabay waxay ahayd in Soomaaliya si toos ah ula wareegi doonto amniga guud ee wadankeeda iyada oo aan cidi kaalmaynaynin balse mar saddexaad ayuu howlgalka cusub oo magac kale wata lagu wadaa in uu Soomaaliya ka bilowdo. Isla bishaan August war kasoo baxay Golaha Amaanka Iyo Nabadda Afrika ayaa lagusoo dhaweeyay dalabyada Jabuuti iyo Masar ay ciidamo ugu deeqi doonaan Soomaaliya. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya waxuu sheegay in wadamada howlgalka cusub ee AUSSOM ciidamada ugu deeqaya ay noqon karaaan kuwa abuura xasarad ka dhalata gobolka geeska Afrika. “Itoobiya waxay aaminsantahay wadamada ciidamada ugu deeqi doona howgalka in si dhibaato-ka-carar leh loo xusho. Doorka ciidamo ku deeqayaashana ayna noqon xudun dhibaato oo u dhexeysa wadamada geeska. Aad banaa u aaminsanahay in doorkaasi uusan noqon meel kale oo dhibaato kale gobolka ka abuurta,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya. Xasaradda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya oo la kowsatay dhalashada sanadkaan 2024 ayaa maraysa bishii sideedaad iyada oo wada hadalo iyo xalal diblumaasiyadeed oo labada wadan lagu dhexdhexaadinaayo ayna kasoo bixin wax midho ah wali. Wadahalkii ka dhacay Ankara ayaa ahaa kii ugu danbeeyay labad dhinac ay wada galeen, balse qudhiisa wax xal lama gaarin, waxaase la isku ballansaday wareeg sadexaad. Bbcsomali Qaran News