-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa si adag uga horyimid tallaabadii uu shalay qaaday guddoomiyaha Aqalka Sare oo sheegay in uu waayay kursigiisii golaha, isaga oo sababta ku sheegay inuu soo xaadiri waayay kulamada Aqalka Sare muddo laba sano iyo bar ah. “Sida ku cad qodobka 59aad farqadda 1aad ee Dastuurka KMG ah ee qeexaya siyaabaha lagu lumiyo xubinnimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, haddaba, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ma uusan soo xaadirin Golaha Aqalka Sare BFS afar kalfadhi oo xiriir ah, mana soo gudbin sabab maangal ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa, sidaa darteed wuxuu lumiyay Xubinnimadiisii Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS” ayuu yiri Cabdi Xaashi. Saalax oo soo jawaabay ayaa sheegay in tallaabada uu qaaday guddoomiyaha Aqalka Sare ay tahay mid sharci darro ah, isla markaana baal-marsan dastuurka dalka. “Waxaan caddeynayaa in warqadda uu soo saaray guddoomiye Cabdi Xaashi in aanay lahayn wax saldhig sharci ah oo ay tahay waxba kama jiraan” ayuu yiri Saalax. Sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay Senatoradii diiday go’aanka guddoomiyaha ee shalay doodda ka keenay in golaha laga saaro Saalax Axmed Jaamac. Cabdi Xaashi kuma ekaan in golaha uu ka saaro ra’iisul wasaare ku xigeenka, balse waxaa kale oo uu isku dayay in Ibraahim Iidle Suleymaan oo horey usoo noqday guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka uu ku buuxiyo booskaas, kaas horay ugula tartamay kursiga, balse waxaa diiday Senatorada kale. Arrintan ayaa dhalisay dood xoogan oo hareysay Golaha Aqalka Sare, waxaana qaar kamid ah xildhibaannada ay diideen qorshaha guddoomiyaha iyo inuu soo magacaabo xubin cusub. The post R/W ku xigeenka dalka oo si adag uga horyimid tallaabadii Cabdi Xaashi appeared first on Caasimada Online.
-
Baidoa (HOL) — Gunmen armed with pistols shot and killed Yaqub Hassan Haji, a well-known traditional elder and peacemaker, in Baidoa, the capital of Somalia's Bay region, on Saturday night. Source: Hiiraan Online
-
Dagaal culus oo dib uga qarxay duleedka CADALE + Khasaaraha
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Cadale (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay dagaal beeleed khasaare gaystay uu ka dhacay duleedka degmada Cadale ee gobolkaasi. Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan 10 kiilo mitir u jira magaallo xeebeedkaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Ugu yaraan illaa 3 qof ayaa ku dhintay dagaalka, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa weli isku horfadhiya, waxaana lagu soo warramayaa inay helayaan gurmadyo, taas oo uga sii daraysa xiisadda ka jirta halkaasi. Ma jiro illaa iyo haddda wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee ku aadan aagga ay wax ka dhaceen. Cadale ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana deegaanada hoos yimaada degmadaas saameyn ku yeeshay dagaallo kusoo noq-noqday. Dagaalka cusub ee dib uga qarxay aagga Cadale ayaa sidoo kale buriyay heshiis dhowaan laga gaaray colaaddii Shabeelaaha Dhexe, kadib dib u heshiisiin ay gobolka ka sameeyeen madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed iyo madaxda sare ee HirShabelle. The post Dagaal culus oo dib uga qarxay duleedka CADALE + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online. -
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa markii u horraysay ka hadlay Xubintii Aqalka Sare ee la sheegay in isaga laga qaaday. Ra’iisul Wasaare ku xigeen Saalax Axmed Jaamac ayaa jawaab ka bixiyay Qoraalkii uu shalay soo saaray Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo uu ku sheegay in Salax Jaamac uu lumiyay Xubintii Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in Guddoomiyaha Aqalka Sare uu soo saaray go’aan shakhsiyeed baal-marsan Sharciga iyo dastuurka dalka islamarkaana sida uu sheegay ka hor-imaanaya go’aankii Golaha Aqalka sare ku diiday Xilka qaadistiisa. Golaha Aqalka Sare ayuu sidoo kale ku bogaadiyay in ay cod aqlabiyad leh ku diideen Tallaabadii isaga Xilka looga qaadi lahaa waxaana uu tilmaamay in aysan waxba ka jirin Xubin ka qaadista uu ku sameeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi. Halkaan ka akhriso Qoraalka Saalax Jaamac PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu lumiyay Xubintii Golaha Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS in uu ku kacay falal aan waafaqsaneyn sharciga, talo-maroorsi iyo gabood-fallo ka hor imaanaya hannaanka doorashada xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka 11aad, Dastuurka Qaranka, iyo xeer-hoosaadka Golaha Aqalka Sare. Waxaa uu diiday islamarkaana sharci daro ku tilmaamay xilka Xayuubintii shalay ay ku sameeyeen Golaha Aqalka Sare. Warsaxaafadeed uu soo saaray ayaa siddaan u qornnaa. Aniga oo ah Senator Saalax Axmed Jaamac waxa aan halkan ku caddeynayaa in Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Senator Cabdi Xaashi Cabdillaahi, uu ku kacay gabood-fal, talo-maroorsi, iyo sharci-darro baalmarsan hannaanka lagu soo doortay, xilka na ay ku waayi karaan Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka 11ad, Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha Aqalka Sare, sababahan hoos ku xusan datreed: Waxaa wax lala yaabo ah in uu Guddoomiyuhu isku dayo in uu si qaawan o0 baalmarsan Dastuurka iyo Shuruucda dalka ugu dhiirrado soo saarista wareegto sharci- darro ah oo uu xilka uga qaadayo Senator la doortay, qof shacab ahna uu ku magacaabayo. Waxa aan bogaadinayaa mudanayaasha Golaha Aqalka Sare oo si aqlabiyad ah ku diiday tallaabadii sharci-darrada ahayd ee Guddoomiyuhu ku kacay. Waxaa iyana ayaan-darro ah in Guddoomiyaha Aqalka Sare uu soo saaro go’aan shakhsi ah oo baalmarsan go’aankii Golaha Aqalka Sare ku diiday soo-jeedintiisii gurracnayd. Ma jiro Senator awood u leh in uu Golaha ka saaro Senator kale. Guddoomiyuhu waxa uu si badheedh ah uga been sheegay in aan ka maqnaa dhammaan Kulamadii Baarlamaanka, iyada oo aan ka qaybgalay Kulamo Golaha Aqalka Sare ah iyo Kulamo Wadajir ah oo uu yeeshay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Maadaama aan ahay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa i saaran mas’uuliyad fulineed oo baaxad weyn, taas oo aan ii suuragelinayn in aan ka qaybgalo kulan kasta oo uu yeelanayo Golaha Aqalka Sare. Waxa xusid mudan, in aan mar walba ku maqnaa sabab maangal ah si waafaqsan Dastuurka Federaalka Soomaaliya Qodobka 59aad Faqrada (d), iyo Xeer-Hoosaadka Golaha Aqalka Sare Qodobkiisa 9ªad Farqadiisa 4and Sidaa daraadeed, waxa aan ummadda Soomaaliyeed u caddeynayaa warqadda uu soo saaray Senator Cabdi Xaashi ee sumaadeedu tahay GAS/B-11/17/24 ee ku taariikhaysan 12/10/2024 in aanay lahayn saldhig sharci, ay na tahay waxba kama jiraan. Source: goobjoog.com
-
Kenya’s national carrier, Kenya Airways (KQ), one of the leading airlines operating on the Mogadishu route, has suspended flights to Mogadishu, Somalia. In a letter to Mohamed Daghar, Principal Secretary State Department of Transport, Ministry of Roads and Transport, the airline’s CEO, Allan Kilavuka, said that the suspension was a result of operational challenges. The suspension, Kilavuka said, will take effect on October 14. “Due to operational challenges, Kenya Airways Board and Management has made the decision to suspend passenger flights to Mogadishu effective October 14, 2024,” the letter reads in part. Kilavuka applauded Kenya’s Transport Ministry, the Embassy in Mogadishu, and government officials for the support to the KQ. Kenya Airways takes this opportunity to thank your office, the Kenya Embassy in Mogadishu, and all government officials who continue to support the airline as it seeks to expand its network, provide connectivity, and provide reliable air travel services in the region and beyond,” Kilavuka said. He, however, called on the Kenyan government to understand the consequences that may arise. Kenya Airways requests your understanding of this unforeseen development that may reverse the positive trend and gains made so far. This decision was made after careful analysis and consideration in the best interest of the airline in the prevailing business environment.” KQ’s sus pension of flights to Mogadishu comes at a time when tensions between Somalia and Ethiopia are escalating. The two countries are currently in dispute over an agreement with Somaliland regarding access to the sea, which has further strained relations. The move by Kenya Airways may also be a result of market conditions, as it faces tough competition from a number of low-cost and more flexible Somali airline companies that operate on the same route. Source ChimpReports Qaran News
-
Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymo ay milatariga Isra’il ka geysteen Marinka Gaza lagu dilay ugu yaraan 29 Falastiiniyiin ah, xilli ciidamada Isra’il ay ku sii siqayaan gunta xerada qaxootiga Jabaaliya iyo hareeraheeda oo maalmihi lasoo dhaafay ay howlgallo ka wadeen. Hay’addaha caafimaadka ayaa sheegaya in kumannaan qof ay ku go’doonsanyihiin Jabaaliyah isla markaana ay jirto cabsi ah in marka ciidamada Isra’il halkaasi ka baxayaan ay jiri karaan khasaaro lixaad leh oo soo gaara rayidka. 19 qof ayaa lagu dilay gelinki danbe ee shalayna 10 kale lagu dilay laba duqeyn oo ay ciidanka Isra’il ku bartilmaameedsadeen xerooyinka Jabaaliya iyo Nuseyraat ee bartamaha Gaza. Tirada dhimasahda ayaa laga cabsi qabaa in ay kororto. Milatariga Isra’il ayaa Sabtidi shalay soo saaray amaro kale oo ay dadka ku nool laba xaafad oo ku yaalla dhinaca waqooyiga Gaza ku amrayaan in ay ka baxaan aaggaasi, iyaga oo u sheegay in xaafadahaasi ay hadda yihiin aag dagaal. Sannad kadib dagaalka ka socda Gaza ayaa lagu dilay in ka badan 40 kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur. Source: goobjoog.com
-
Ciidanka Booliska iyo nabad sugida degmada Baydhabo ayaa bilaabay howlgallo ay ku baadigoobayaan kooxo hubeysan oo xalay Baydhabo ku dilay Nabadoon Yacquub Xasan Xaaji. Allaha u naxariistee Nabadoon Yacquub Xasan Xaaji ayaa ka mid ahaa madax-dhaqameedyada ku sugan xarunta Gobolka Baay. Kooxda weerarka geysatay ayaa goobta ka baxsatay, hase yeeshee ciidanka ammaanka ayaa goobta soo gaaray wax yar kaddib dilka, iyaga oo billaabay howlgallo lagu raad raacayo dableydaas, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo kala duwan. Hay’adaha ammaanka ee Baydhabo ayaa sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan soo qabashada dambiilayaasha, iyaga oo xusay in baaritaanadu weli socdaan si loo xaqiijiyo in sharciga la hor keeno dadka dilka ka dambeeyay. Howlgalka ayaa si gaar ah uga socda Xaafadda Bardaale oo dilka uu ka dhacay. Source: goobjoog.com
-
This decision follows months of negotiations involving the government, trade unions, and employers. Initially, employers insisted on the establishment of the National Wages Council before negotiations on the wage increment could begin. In response, Dr. Mutua gazetted the council along with several others across various sectors to ensure a structured approach to the wage increase. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Federal MP Abdullahi Adan Ahmed Black has blasted the South West State administration's alleged plan to remove the elected mayor of Hudur, warning that the move could destabilize the district, which has remained relatively peaceful compared to other parts of the region. Source: Hiiraan Online
-
Pyongyang (Caasimada Online) – Kim Yo Jong, oo ah gabadh la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa Sabtidii uga digtay Kuuriyada Koofureed “musiibo aad u xun” haddii hawada Pyongyang lagu arko diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee koofurta oo dul heehaabaya. Gabadhan oo loogu yeero gabadha ugu awoodda badan Waqooyiga Kuuriya ayaa sidoo kale dhaleeceysay militariga Kuuriyada Koonfureed, gaar ahaan jawaabta ay ka bixiyeen sheegashada Kuuriyada Waqooyi ee ah in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kuuriyada Koonfureed ay soo galeen hawada magaalada caasimadda ah, sida ay baahisay warbaahinta dowladda ee KCNA. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuuriyada Waqooyi ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihi ku sheegtay, in ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay diyaarin doonaan “dhammaan wax walba oo ay weerar ku gali karaan ” si ay u burburiyaan dhinaca koonfureed ee xudduudda iyo milatariga Kuuriyada Koonfureed. Waxay kaloo sheegeen in taasi ay sameyn doonaan digniin la’aan haddii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kuuriyada Koonfureed mar kale lagu arko dalkeeda. Wasiirka difaaca ee Kuuriyada Koonfureed ayaa markii hore beeniyay eedeynta, balse ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa markii dambe hagaajiyay jawaabtooda, iyaga oo sheegay in aysan xaqiijin karin in sheegashada Kuuriyada Waqooyi ay run tahay. The post Gabadha awoodda badan ee Kuuriyada Waqooyi oo digniin dirtay appeared first on Caasimada Online.
-
Kim Yo Jong, sister of North Korean leader Kim Jong Un, attends a wreath-laying ceremony at Ho Chi Minh Mausoleum in Hanoi, Vietnam, on March 2, 2019. Kim Yo Jong, oo ah gabadh la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa si adag uga digtay Kuuriyada Koofureed “musiibo aad u xun” haddii hawada Pyongyang lagu arko diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee koofurta oo dul heehaabaya. Gabadhan oo loogu yeero gabadha ugu awoodda badan Waqooyiga Kuuriya ayaa sidoo kale dhaleeceysay militariga Kuuriyada Koonfureed, gaar ahaan jawaabta ay ka bixiyeen sheegashada Kuuriyada Waqooyi ee ah in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kuuriyada Koonfureed ay soo galeen hawada magaalada caasimadda ah, sida ay baahisay warbaahinta dowladda ee KCNA. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuuriyada Waqooyi ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay diyaarin doonaan dhammaan wax walba oo ay weerar ku gali karaan si ay u burburiyaan dhinaca koonfureed ee xudduudda iyo milatariga Kuuriyada Koonfureed. Wasiirka difaaca ee Kuuriyada Koonfureed ayaa markii hore beeniyay eedeynta, balse ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa markii dambe hagaajiyay jawaabtooda, iyaga oo sheegay in aysan xaqiijin karin in sheegashada Kuuriyada Waqooyi ay run tahay. PUNTLAND POST The post Gabadha ugu awoodda badan Kuuriyada Waqooyi si adag ugu hanjabtay Kuuriyada Koonfureed appeared first on Puntland Post.
-
Ku-simaha Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa saaka safar ku tegey magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Jubaland. Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa xarunta Madaxtooyada Kismaayo ku qaabilay Mr. James Swan halkaasi oo uu hadda uga socdo shir gaar ah oo ku saabsan xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya. Shirkani oo ah mid uu albaabada u xiran yahay ayaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo xal u raadinta isfaham-waagii sababay in uu wax natiijo la’aan ku dhammaado Shirkii Madasha Muqdisho oo uu ka baxay Madaxweyne Axmed Madoobe. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe iyo James Swan oo shir albaabadu u xiran yihiin uga socdo Madaxtooyada Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Ruushka ayaa gacan ku siiyay in ay Iran , hal mar hawada sare u dirto laba dayax-gacmeed oo laga diray gudaha dhulka Ruushka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters. Labada dayax-gacmeed ayaa kala ah ; Kowsar oo ah dayax-gacmeed awood u leh inuu sawirro ka qaado dhulka, sidoo kale wuxuu gacan ka siinaya Iran howlgalkeeda cilmi-baarista kala duwan. Dayax-gacmeed kale ee Hod-hod ayaa sidoo kale ka caawinaya in ay Iran hesho nidaam isgaarsiin u gaar ah oo ay meel walba ku adeegsan karaan. Warbixinta wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa lagu sheegay iskaashiga hawada sare ee Ruushka iyo Iran, inuu walaac ku beeray Mareykanka , sababo la xiriira horumurinta nidaamyada dayax-gacmeedka. PUNTLAND POST The post Ruushka oo Iran ka caawiyay in ay samada u dirto laba dayax-gacmeed appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isasoo taraysa xog sheegeysa in la abaabulayo Mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo xildhibaanada qaar ay rabaan inay xilka ka xayuubiyaan. Mooshinkaan ayaa socday muddooyinkii lasoo dhaafay si hoose ku socday, balse maanta ayuu fashilmay, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ilo wareedyo kala duwan oo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online xogtaan siiyey, waxaana helnay warbixin sheegeysa in Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay diyaariyeen Mooshin ay doonayaan inay xil kaga qaadaan Ra’iisul Wasaare Xamsa. Mooshinkaan waxaa la sheegay inay ogtahay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin, taas oo qorsheyneysa inay ka qabato xildhibaanada soo diyaariyey, si cod loogu qaado. Arrintaan ayaa lagu baraarugay maanta, waxaana la baajiyey kulankii golaha shacabka, maadaama uu maqnaa guddoomiye Aadan Madoobe, isla markaana uu qorshuhu ahaa in kulanka ay shir guddoomiso Sacdiyo Yaasiin Samatar. Qorshahaan wuxuu socday muddo dheer sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaana kulamada golaha fursad lagu raadinayey xilli uu maqan yahay Aadan Madoobe oo shir guddoon ay tahay Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin, si loo socodsiiyo qorshahaan halista ku ah Xamsa iyo xukuumadiisa. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ku maqnaa dalka Imaaraadka ayaa xalay helay xogta xil ka xayuubinta Xamsa ee xildhibaanada qaar ay damacsan yihiin, wuxuuna amray in la baajiyo kulankii uu goluhu maanta yeelan lahaa. Sidoo kale Aadan Madoobe ayaa deg deg dalka ugu soo laabtay, isagoo maanta kasoo degay Muqdisho, waxaana sidaas maanta ku fashilmay qorshe xasaasi ah oo la doonayey in lagu dumiyo xukuumadda, iyadoo aan la ogaan, si lamid ah xukuumadii Xasan Cali Kheyre oo 7 daqiiqo lagu riday. Caawa waxaa magaalada Muqdisho ka socda kulamo ay wadaan xildhibaanada saxiixay mooshinka xil ka xayuubinta Xamsa, waxayna xildhibaanada wada mooshinkaan u badan yihiin hal dhinac sida ay ogaatay Caasimada Online. Kiiskaan ayaa salka ku haya khilaaf culus oo ka taagan wasaaradda Qorsheyta ee xukuumadda Xamsa, wasiirka wasaaradaas ayaa dhowaan xilka ka qaaday Guddoomiyha Hay’adda Istaatiitikada Qaranka, taasi oo sababtay in wasiiru dowlaha iyo wasiir ku xigeenka ay diidaan xilka qaadistii uu sameeyey wasiirka qorsheynta Maxamuud Beenabeene. Xildhibaanada ka soo jeeda deegaanada Puntland oo guddoomiyaha xilka laga qaaday metela ayaa soo farogeliyey kiiskaan, waxayna muddo Ra’iisul Wasaaraha ku cadaadinayeen in khilaafka wasaaradda uu wax ka qabto, gaabis dhanka Xamse ah kadibna waxaa hadda miiska saaran Mooshinkiisa oo aan la ogeyn halka uu ku dambeyn doono. The post Xog: Xamsa oo maanta ku sigtay in xilka laga qaado iyo abaabul mooshin oo caawa socda appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay go’aan ka soo baxay Shirkada duulimaadyada Kenya Airways oo sheegtey in ay joojisay duulimaadyadii ay ku imaan jirtay magaalada Muqdisho. Qoraal ay shirkaddu soo saartay maalin ka hor ayey ku sheegtay in ay duulimaadyadii Muqdisho ay u hakisey sababo dhanka shaqada ah, inkastoo aysan si dhab ah u xaqiijin sababta ka dambeysa joojinta duulimaadkooda Muqdisho. Shirkadda ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku cadeysay in kulan ay yeesheen gudiga maamula shirkada Kenya Airways ay isla garteen in laga bilaabo 14-ka bishan October ay joojiyaan duulimaadyadii ay diyaaradoodu ku imaan jirtey magaalada Muqdisho. Maareeyaha guud ee Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Maxamed Siciid Cabdullaahi oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in xogtaas ay hayaan, balse aysan jirin wax caqabad ah oo shirkadaas ay la wadaagtay oo kalifay inay joojiyaan duulimaadkooda. Maareeyaha ayaa sidoo kale sheegay inay dareemayaan in qiimo yari ay jirto, maadaama shirkado badan oo caalami ah ay suuqa ku soo biireen, kuwaas oo duulimaadyo toos ah ku yimaada Muqdisho. Waxaa la weydiiyey Maareeyaha in rakaabkii aadi jiray Nairobi Kenya uu yaraaday, wuxuuna sheegay in uusan yaraan, balse ay jiraan shirkado kale oo sababay in qiimo dhimis ay timaado. Maamulka Garoonka Aadan Cadde ayaa cadeeyey in wax dhib ah aysan u arkin in shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ay joojisay duulimaadyadeedii Muqdisho to Nairobi, maadaama ay soo badanayaan diyaaradaha kale ee caalamiga ah ee dib u bilaabaya duulimaadyadoodii Muqdisho. Shirkadda diyaarada Sacuudiga iyo dalal kale oo Yurub iyo Mareykanka ayuu sheegay inay dhowaan bilaabayaan duulimaadyadooda Muqdisho, taasi oo muujineysa in Soomaaliya ay soo kabatay, isla markaana aysan dhib u arkin go’aanka hal shirkad oo danteeda ganacsi ka fikireysa. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2024/10/080a9334-d033-4063-81f6-4aa7390d76fe_16k.mp3The post DF oo ka hadashay go’aanka ay diyaaradda Kenya Airways ku joojineyso duulimaadkeeda Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
