-
Content Count
211,224 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Af-soomaaligu wuxuu xambaarsanyahay dhaqankeenii, sooyaalkeenii, suugaanteenii, Hiddeheenii iyo wax kastoo qeymo iyo abde inoo leh sidaa darteed waxaa lama huraan ah in aqoonta aas-aasigaa asaga loogu horaysiiyo oo qoristiisa quman, qaabka ugu habboon ee loogu dhawaaqo, iyo eray bixintiisaba yaraanta lagu baro carruurta. Sidoo waa waxa koobaad ee kartida iyo aqoontada qofka lagu qeymeeyo oo haddii uu Af toosan oo toolmoon ku hadlayo waxaa lagu tiriyaa ama loo tixgeliyaa inuu aqoon ahaan dhisanyahay, balse haddii uu qofku qoraal ahaan ama dhawaaq ahaan Afsoomaaliga qaab aan hagaagsanayn u adeegsado tayadiisa iyo tacliintiisa ayaa durbadiiba la duraa ama la dhaliilaa. Tan kale sida loo kala hadal qurxoonyahay ayaa loo kala saamayn iyo soo jiidasho badanyahay, oo qofka aftahanka ah oo erayada, Naxwaha, hab-dhawaaqa, iyo dhismaha weerahaba aad ugu wanaagsan ayaa la jecelyahay oo ay dadku inta badan taageeraan, oraahyadiisana sidii waanada wadaadada ugu dheg raariciyaan. Murtida kale oo ku duugan barashada Afka ayaa ah inuu ardayda wax-baranaysa u fududeeyo inay aqoonta kale si wacan u gartaan maxaa yeelay maaddo kasta oo loo dhigayo Afsoomaali ayaa loogu sharraxaa haddii aanay erayada qaar ee Afsoomaaliga aqoonna way adkaanaysaa inay nuxurka maadadaa fahmaan. Qodob kale oo muhiim ah oo barashada Afsoomaaliga laga helayo ayaa ah inuu ka qeyb qaadan karo yarayn ismaandhaafka iyo xurgufta, maxaa yeelay is qab-qabsiga iyo khilaafka bulshadu mararka qaar wuxuu ka yimaadaa qof erayo aanu jeclayn lagu yidhi oo xanaaqay, ama mid hadal aanu ku talo-gelin balse gef ah sheegay ka dibna ay qolo kale qoonsatay, sidaa darteed dadku hadday Afkooda si wanaagsan u yaqaanaan waxaa laga baaqsanayaa erayada xun xun iyo hadalada ay bulshadu ku kala irdhoobi karto oo maalin walba si barraad la’aanta iyo aqoon la’aanta ah loo yiraahdo ka dibna gacan-qaadku ka dhasho. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee dalka ayaa maanta si toos ah u guda gashay kiiska ninkii gubay xaaskiisa Sayid Cali Macallin Daa’uud, kaas oo ay horay dil ugu soo xukumeen maxkamadda darajada koowaad iyo tan racfaanka ee gobolka Banaadir. Maxkamadda sare ayaa goordhow gudaha gashay kiiskan, ayada oo fadhigaan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ay maxkamadda sare ka yeelaneyso kiiska Sayid Cali Macallin. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa fadhiya hoolka, waxaana sidoo kale goobjoog ah xeer ilaalinta iyo qareennada difaacaya eedeysanaha. Sidoo kale waxaa maxkamadda ku sugan ehellada labada dhinac, waxaana ku jira Aabe Cabdicasiis Maxamed oo muddo dheer sugayay cadaaladda gabadhiisa Luul. Aabe Cabdicasiis oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in kiiska uu soo dhammaado isla markaana uu helo cadaalad. Kiiska Sayid Cali Macallin Daa’uud ayaa qaatay muddo dheer, wuxuuna soo maray heerar kala duwan, wuxuuna maanta joogaa heerkii ugu dambeeyay ayada oo laga war dhowrayo go’aanka Maxkamadda Sare oo noqon doono kan ugu dambeeyay. Sayid Cali waxay horay loogu helay inuu gubay xaaskiisii oo uur lahayd dhacdadaas oo ka dhacday degmada Dharkenley, waxaana aad uga xumaaday dadka Soomaaliyeed. The post Maxkamadda Sare oo bilowday dhageysiga kiiska ninkii gubay xaaskiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Washington — Somalia Prime Minister Hamza Abdi Barre said Thursday that Ethiopian forces would not be part of the upcoming African Union Support Mission in Somalia (AUSSOM) unless Ethiopia withdraws from a controversial memorandum of understanding (MoU) signed with Somaliland earlier this year. Source: Hiiraan Online
-
Booliska Jarmalka ayaa sheegay, in ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen afar kalana ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, kaddib marki nin ku hubeysan toorreey uu weeraray goob ay ka socotay xafald dabaaldag ah oo ku taalla magaalada Solingen ee galbeedka Jarmalka. Qoraal kasoo baxay booliska oo lagu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta maxalliga ah ayaa lagu sheegay, in xalay abbaaro 10-ki fiidnimo uu hal nin oo aanan wali la aqoonsan uu dhowr qof ku middiyeeyay meel lagu caweeynayay, isla markaana uu ninkaasi wali baxsad yahay. Boolisku waxay sheegeen in weerarka lala beegsaday dad ka qeybgalaya dabaaldagga xusbka sannad-guurada 650-aad ee kasoo wareegtay aas aaska magaalada Solingen. Solingen ayaa ku taalla gobolka ugu dadka badan Jarmalka ee North Rhine-Westphalia, kaas oo dhaca xadka Jarmalka ee dalka Netherlands. Weerarada loo adeegsado middida iyo toogashooyinka tooska ah ayaanan aheyn wax ku badan Jarmalka. Source: goobjoog.com
-
Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedaysan dilka xaaskiisii Luus Cabdicasiis ayaa maanta oo Sabti ka soo muuqday maxkamadda sare ee Soomaaliya oo uu ku yimid racfaan qaadashadiisii ugu dambaysay ee heerarka maxkamadda. Sayid Cali, ayaa horay maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Banaadir iyo midda racfaanka ee isla Banaadir ay ku xukumeen dil toogasho ah kadib markii ay ku heleen sida ay sheegeen caddaymo marag muujin leh oo tilmaamaya gubista xaaskiisa. Fadhiga maanta oo ahaa midkii ugu horreeyay ee Maxkamadda Sare ka yeelato kiiskaasi, waxaa shir guddoominayey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Axmed Yuusuf. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa xeer-ilaalinta iyo qareennada difaacaya eedeysanaha. Kiiskan oo soo jiitamayey muddo dheer ayaa hadda maraya heerkii ugu dambeeyay, iyadoo dadka Soomaaliyeed ay si weyn u daneynayaan go’aanka kama dambeysta ah ee Maxkamadda Sare oo la filayo in dhawaan la soo saaro. Dhacdadan ayaa ka dhacday degmada Dharkenley, waxayna tahay mid ay dad badan aad uga xumaadeen. PUNTLAND POST The post Maxkamadda sare ee Soomaaliya oo saaka u fadhida kiiska Sayid Cali Macallin Daa’uud appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa jirta il dhaqaale oo weyn oo weli u furan kooxda Al-Shabaab, taas oo dhaqaale badan ay ka sameeyaan sanad kasta, sida ay ogaatay Caasimada Online. Bilaha ugu horeeya sanadka Hijriyada ee taariikhda Islaamka, Al-Shabaab waxay dadka reer miyiga ah ka aruursadaan xoolo ay ugu yeeraan Zakawaad, kuwaas oo qaab xoog ah looga qaado inta badan qoysaska. Geela, Lo’da iyo Ariga ayey Shabaab ka qaataan dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool dhulka miyiga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan gobollada koonfurta iyo bartamaha bari ee dalka. Dadka Soomaaliyeed ee xoolo dhaqatada ah waxay cabasho badan ka qabaan qaabka looga qaado xoolahaas, diinta Islaamka waxay cadeysay in xoolaha ay xoogga ku qadanayaan Al-Shabaab aysan Zako ku ansaxeyn, taasi oo dadka qaar ku kaliftay inay mar kale xoolahooda Sakada uga bixiyaan si sharci ah, halka Al-Shabaab-na ay xoog uga qaataan. Dowladda Soomaaliya waa ogtahay arrintaan, laakiin weli wax talaabo ah kama qaadin, iyadoo uu socdo guulo badana laga gaaray qorshaha kooxdaas lagu cunaqabateynayo, ra’iisul wasaaraha ayaa xalay sheegay in 40% lagu guuleystay in la cuuryaamiyo dhaqaalaha Al-Shabaab soo geli jiray. Shabaab waxay xoolaha ugu jecelyihiin Geela oo dhaqaale badan ay ka helaan, waxayna si joogto ah ugu iib geeyaan dhulka ay dowladdu joogto, iyagoo adeegsanaya ganacsato ka dalaala kala gudbinta xoolaha ay Shabaab ka soo dhacaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool miyiga fog. Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee xorta ah ayaa lagu kala iibsadaa xoolaha, dhaqaaluhuna wuxuu dib ugu laabtaa Al-Shabaab, taasi oo khatar ku ah amniga qaranka iyo qorshaha dowladda ee la dagaalanka cadowga Khawaarijta ah ee umadda Soomaaliyeed ku habsaday. The post Xog: Al-Shabaab oo dhaqaale badan ka hela il ay dowladdu ogtahay appeared first on Caasimada Online.
-
In an operation that lasted twelve hours, the Somaliland Coast Guard at the Zeyla station managed to apprehend an illegal foreign fishing trawler with 13 fishermen. An officer who spoke for the Somaliland coast guard said that they have succeeded in arresting thirteen fishermen from Yemen, who were fishing illegally in Somaliland waters. He explained the trawler which was attached with two boats was illegally harvesting fish in Somaliland waters hence was filled with large catchments of assorted species of fishes predominant in the area. He said that following a tip-off and a direct command from their Admiral, Brig Gen Ahmed Hurrre Harriye, they tracked the trawler for twelve whole hours amidst a windy and heavy rainfall they braved, until ultimately capturing the culprits. The spokesperson pointed out the nabbed Yemeni illegal fishermen would be arraigned in court swiftly once the investigations are wrapped up. Horntribune Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Hoggaamiyaha guud ee culimada Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa khudbadii Jimcaha ee maanta ku soo qaatay mowduuc xasaasi ah oo hadal-heyn dhaliyey. Macalinka ayaa ka digay in dadka hub la isugu dhiibi oo ay is dilaan, isagoo si weyn uga digay in qof islaam ah la dilo, balse dadka baraha bulshada uga falceliyey khudbadda Macalin Maxamuud ayaa ku eedeeyey ‘in horay uu dadka isugu diri jiray’ xiligii Ahlusunna. Macalin Maxamuud ayaa ku dheeraaday tusaaleynta sida ilaahey u xarimay in la dilo qof islaam ah, wuxuuna sheegay in qofkii dila uu ku waarayo Naarta Jahanaba, isagoo ku taliyey in laga hortago dagaalada qabaa’ilka ee Galmudug ka socda iyo dadka hubeynaya shacabka. Sidoo kale Macalin Maxamuud ayaa ka digay in dadka reer Miyiga ah la hubeeyo, kuwaas oo aan laheyn aqoon iyo garaad badan oo ka xakameynaya qof kale ee islaamka ah ee aan mudneyn in la dilo. Waxyaabaha uu ka digay Macalin Maxamuud waxaa ka mid ahaa in xukunka awood lagu raadiyo, iyadoo la hurinayo colaad, la hubeynayo dad nabad ku jiray iyo in loo bareero in umadda la laayo, si xukunka loo qabsado. Macalinka ayaa ka digay in talada dalka ama deegaanka loo dhiibo qof jaahil ah oo xurmada dadka kale aan garaneyn, wuxuuna dadka fursadda heysta ugu baaqay inay doortaan dadka mudan inay hoggaamiyaan bulshada ee wax bartay. Dadka aragtidooda uga dhiibtay qeybta faalada khudbadii Macalin Maxamuud ee maanta ayaa ku dhaliilay sidii ay u dhaqmi jirtay Ahlusunna waayihii ay hubeysneed, xiligaas oo dagaalo badan ay la gashay maamulka Galmudug oo dhismihiisii ay ka soo horjeedeen, walow ugu dambeyntii laga awood batay. Maamulka Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ka adkaaday Ahlusunna, iyadoo xoog hubka looga dhigay, Dhuusamareeb iyo Guriceel ayey dagaalkii ugu qaraaraa kula galeen ciidamada dowladda, xiligaas waxaa aad looga naxay dagaalka ay u bareertay culimadii la jeclaa ee Ahlusunna, kaasi oo dhalinyaro badan oo muhiim ahaa ay ku dhinteen. Hoos ka daawo The post Daawo: Hoggaamiyaha Ahlusunna oo ka hadlay dilalka ka socda Galmudug iyo cidda ka dambeysa appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ay wehliyaan saraakiil, culimo iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer iyo dhiiragelin ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Amniga ee Howlgalka daafaha Muqdisho. Guddoomiyaha ayaa si gaar ah ugu kuur-galay xaaladda ay ku shaqeynayaan ciidamada amniga ee ka howlgala duleedka degmada Garasbaaley ee magaalada Muqdisho. Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay ciidmada sida geesinimada leh oo ay naftooda ugu hureen bad-baadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed. Madaale ayaa si gaar ah u xusay 4-marxuum oo ka tirsanaa ciidamada amniga oo isku dhigay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo shacabka, asigoona balan qaaday in uu ka-faalad qaadayo qoysaskooda. “Gaarigi Leyla Calaawiga ahaa ee Qaraxa ka buuxay wiilashii isku dhigay waxay bad baadiyeen shacab badan, maamulka Gobolka Banaadir wuxuu damaanad qaaday nololsha qoysaskooda” ayuu yiri guddoomiye Madaale. Guddoomiye Madaale ayaa saraakiisha laamaha amniga ku wareejiyay Deeq isugu jirtay 20-Neef oo Ari ah iyo raashin, taasi oo qeyb ka ah dhiira-gelinta, ka warqabka iyo kor joogteynta ciidamada ku howlan sugida amniga iyo bad-baadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed. Kormeerkaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Taliyaha Hey’adda NISA ee Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Garasbaaley, Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag, Culuma’udiin iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Laamaha Amniga. Hoos ka daawo The post Daawo: Madaale oo abaal-marinaya qoysaska askartii isku dhigtay qaraxa appeared first on Caasimada Online.
-
456623379_8319689351421326_2286238607391327874_n Qaran News
-
Somali filmmaker highlights his country’s potential to become a paradise in his debut feature film at Sarajevo Film Festival. Source: Hiiraan Online
-
Sanca (Caasimada Online) – Dallaaliinta hubka ee Yemen ayaa si aan gabbasho lahayn u adeegsanaya barta baraha bulshada ee X, ee loo aqoon jiray Twitter, iyagoo iibinaya qoryaha nooca Kalashnikovs, bistoolado, iyo bambooyin. Ganacsatada ayaa ka howlgala caasimadda Sanca iyo meelo kale oo ay heystaan Xuutiyiinta, oo ah koox ay taageerto Iiraan isla markaana ay dowladaha Mareykanka iyo Australia u yaqaannaan argagixiso. “Laguma fekeri karo in iyaga [dallaaliinta hubka] inaysan wakiil ka ahayn Xuutiyiinta,” ayuu yiri safiirkii hore ee Britain u fadhiyay Yemen, Edmund Fitton-Brown, oo haatan ka shaqeeya Mashruuca Kahortagga Xagjirnimada. “Dallaaliinta madaxa bannaan ee isku dayay inay ka faa’iidaan ka ganacsiga hubka, [tusaale ahaan] dowladda Yemen, degdeg bey u xiri lahayd.” Baaritaan uu sameeyay wargeyska The Times ayaa lagu ogaaday in dhowr akoon oo Yemen laga leeyahay ay heystaan astaanta buluugga ah ee xaqiijinta. The Times iyo BBC ayaa labadaba la xiriiray X si ay uga jawaabaan arrintan, balse ilaa iyo haatan ma helin wax jawaab ah. Inta badan shuruucda waxyaabaha lasoo dhigo bartan ayaa la hakiyay kadib markii milkiilaha cusub Elon Musk uu iibsaday shirkadda sanadkii 2022. Xayeysiimaha ayaa intooda badan lagu soo bandhigaa luqadda Carabiga waxaana marka hore loogu talogalay macaamiisha Yemen ee dalkaasi halkaasoo tirada hubka la sheegay inuu ka tiro badan yahay bulshada. BBC ayaa dhowr akoon oo hubka lagu iibiyo ku aragtay baraha internet-ka, iyagoo qiimaha hubka kusoo bandhigaya lacagta Yemen iyo riyaalka Sacuudiga. Erayada lagu dul qoro hubka ayaa loogu talogalay in lagu soo jiito dadka wax iibsada. “Farshaxan sarreeya iyo waaran sare,” ayay leedahay mid ka mid ah xayeysiimaha. “Qoriga AK ee Yemen lagu farsameeyay waa dookhaaga ugu sarreeya.” Muuqaal tijaabo ah, oo la duubay habeenkii, ayaa muujinaya qofka iibinaya oo ilaa 30 wareeg oo rasaas ah ridaya. Mid kale ayaa bistooladaha nooca Glock ee Pakistan lagu sameeyo ku iibinayay $900. Xayeysiinadaan laguma qariyo meelaha hubka iyo waxyaabaha sharci-darrada ah lagu soo bandhigo, waxay yaallaan meel la arki karo oo barta X, waxaana arki kara malaayiin qof. Mar ay arrintan ka hadleysay, ururka aan dowliga ahayn ee fadhigiisu yahay UK ee Tech Against Terrorism ayaa soo saartay waxa ay ugu yeertay codsi deg-deg ah oo ay ujeedisay shirkadaha teknolojiyadda inay ka saaraan waxyaabaha lagu taageerayo Xuutiyiinta ee lagu soo bandhigo internet-ka iyo baraha bulshada. Isha: BBC The post Dilaalinta hubka ee dal xad-wadaag yihiin Soomaaliya oo sameeyay arrin yaab leh appeared first on Caasimada Online.
-
Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan taageeridda Carruurta ee UNICEF ayaa ka hortimid dilkii afar dhalinyaro ah oo toddobaadkii hore ay Puntland ku toogatay magaalada Gaalkacyo, ka dib markii Maxkamad Ciidan ku xukuntay in ay ka mid ahaayeen kooxda Alshabaab. Hay’adda UNICEF waxa ay sheegtey in Puntland ay jebisey xeerarka ilaalinta carruurta oo ay xukunno dil ah ku fulisay carruur aan gaarin oo da’doodu ka yar tahay 18 jir islamarkaana u adeegsatay Maxkamad Ciidan, taasi oo hay’addu ku tilmaantay arrin qaldan. “Carruurta xiriirka la leh kooxaha hubeysan waa in loo arkaa dhibanayaal u baahan ilaalin iyo dib u dhaqan-celin waana in la ilaaliyaa xuquudooda lana jabin shuruucda caalamiga ah ee Soomaaliya saxiixday” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay UNICEF Dilka toogashada ah ee Puntland fulisay ayaa yimi ka dib markii dhawaan ay xabsi ku yaalla Gaalkacyo ka baxsadeen rag eedaysanayaal oo loo haysto Shabaab taasi oo keentay in dil toogasho ah lagu fuliyo 10 xubnood oo kale. Xafiiska difaacaha Xuquuqda Insaanka Puntland ayaa horay uga digay xukuumadda Puntland ay xukunnada dilka ah ku fuliso carruurta aan weli qaan-gaarin ee xiriirka la leh kooxaha hubaysan. PUNTLAND POST The post Hay’adda UNICEF oo ka hortimid xukunkii dilka ahaa ee Puntland ku fulisay dhalinyaro lagu helay falal argagixiso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Premier Bank wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay adeegga cusub ee ATM Lacag Dhigasho (Cash Deposit), oo si gaar ah loogu talagalay in uu macaamiisha siiyo xorriyad buuxda oo lacag dhigashada koontada bangiga ah. Adeeggan cusub wuxuu u suurto gelinayaa macaamiisha inay si fudud oo ammaan ah ugu shuban karaan lacagtooda waqti kasta oo ay doortaan, maalin iyo habeenba; iyadoo ATM-yadeennu ay u adeegayaan si joogto ah. Faa’iidooyinka ugu Muhiimsan ee Adeeggan: Helitaan Joogto ah: ATM-yadeenna ayaa udiyaarsan in la heli karo waqti kasta; si aad lacagtaada ugu shuban karto koontadaada marka aad u baa- hato, iyadoon xilliga loo eegin. Hufnaan, Ammaan, iyo Degdegsiimo: Adeeggan wuxuu ku siinayaa kalsooni iyo ammaan, iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyaddii ugu dambeysay si lacagtaadu si dhaqso ah ugu gasho koontadaada. Madaxa Howlaha & ku simaha Maareeyaha Guud ee Premier Bank Mahad Axmed Maxamed ayaa hoosta ka xariiqay faa’iidada adeeggsan isagoo yiri: “Soo bandhigida adeegga ATM Cash Deposit waa caddeyn buuxda oo muu- jinaysa sida aan ugu heellanahay casriyeynta iyo horumarinta adeegyada bangiga, si aan macaamiisheena u siino adeeg bangi oo dhamaystiran, ammaan ah laguna kalsoonyahay. Sidaas darteed ATM Cash Deposit wuxuu kusiinayaa xorriyad lacag dhigasho 24/7 ah, taasoo si sahlan u daboolaysa baahiyaha bulshada maaliyadeed.” The post Sawirro: Premier Bank oo markii ugu horreysay dalka ka daah-furay ATM Cash Deposit appeared first on Caasimada Online.
-
456479311_1540147856911354_6295333308977860168_n Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay ka qeyb-galay kulan dadweyne oo su’aallo lagaga waydiinayey waxqabadka xukuumadda Dan-Qaran oo jirsatay labo sano. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankaas ku soo bandhigay guullo uu sheegay inay xukuumaddiisu ka gaartay shan dhinac, kuwaasi oo kala ah amniga, dhaqaalaha, garsoorka, adeegyada aasaasiga ah, iyo siyaasadda arrimaha dibadda. Xamza ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay si guul leh uga hortagtay kooxda Al-Shabaab, iyada oo fulisay hawlgallo ciidan oo lagu xoreeyey in ka badan 215 goobood oo kala duwan oo ku yaal gobollada Soomaaliya. Howl-galladan ayaa si weyn hoos ugu dhigay falalkii argagixisadu ay geysan jireen ee lagu xasuuqi jiray shacabka Soomaaliyeed, waxaana la curyaamiyey ilihii dhaqaalaha iyo tiknaloojiyadda ay kooxdaasi ku tiirsanayd. Sidoo kale wuxuu dul istaagay guusha weyn ee ay xukuumadda ka gaartay arrimaha dhaqaalaha, isagoo xusay in lagu guuleystay in dalkeenna laga dulqaado $4.5 bilyan oo dayn ah, kaddib markii la dhammeystiray hannaankii dayn cafinta. Wuxuu intaa ku daray in dakhliga dalka uu kordhay 25%, taas oo kaalin weyn ka qaadatay koboca dhaqaalaha dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddu ay meel-marisay sharciyo iyo siyaasado muhiim ah oo la xiriira, caddaaladda iyo garsoorka, isagoo sidoo kale tilmaamay in la xoojiyay la dagaalanka musuqmaasuqa iyo lacag dhaqista. Tallaabooyinkan ayaa abuurtay kalsooni dheeraad ah oo ay dadweynuhu ku qabaan nidaamka garsoorka dalka, sida uu sheegay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Waxa kale oo uu sheegay in xukuumaddiisa ay ka shaqeynayso sidii dalkaan looga hirgelin lahaa doorasho qof iyo cod ah, iyada oo la diyaariyey shuruucdii doorashooyinka, una gudbisay labada gole ee Baarlamaanka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay guulaha la xiriira in Soomaaliya ay ku biirtay ururka auuqa dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo suurta gelinaysa fursado dhaqaale iyo ganacsi. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay in laga qaaday dalkeenna cunaqabateyntii hubka ee saarneyd iyo in aan hananay kursiga Golaha Ammaanka ee QM. Ugu dambeyntiina wuxuu ballan-qaaday in xukuumaddiisu ay sii wadi doonto dadaallada ay ugu jirto horumarinta iyo nabadda Soomaaliya. The post Maxay yihiin 5-ta guul ee uu R/W Xamza sheegtay inta uu joogo xafiiska? appeared first on Caasimada Online.
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/08/452705838_449193614750113_2385857316612209699_n-1.mp4 TELESOM ZAAD SERVICES oo ku guulaysatay shahaadada caalamiga ah ee lacagaha moobilka ee ay bixiso hay’adda GSMA, taas oo loo yaqaan GSMA Mobile Money Certification. Certified Mobile Money Providers #Telesom #GSMA #mobilemoneycertification #ZAAD Qaran News
-
452705838_449193614750113_2385857316612209699_n Qaran News
-
Kampala (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bilowday dadaal ay wax uga qabaneyso dhibaatada Soomaalida ku haysata dalkaas iyo sidoo kale caqabadaha ay la kulmaan kuwa u safraya. Sii-hayaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda Cabdiladiif Maxamuud Cali oo kulan kula qaatay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee Uganda Gen. Jeje Odongo Abubakar, ayaa hordhigay dalab muhiim ah. Mudane Cabdiladiif ayaa wasiirka u sheegay in ay jiraan caqabado lasoo gudboonaaday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda ku nool, taas oo ay ka mid tahay in hay’adda socdaalka dalkaas ay dhowr jeer xir-xireen muwaadiniin Soomaaliyeed oo Kampala ku nool iyagoo ku sababeeyay in aanay sharci deganaasho ku joogin dalka. Sida la ogyahayna in muddo labo sano ku dhaw waa xiran tahay xaruntii laga diiwaan gelin jiray dadka qaxootiga soo galootiga ah, iyadoo kaarka qaxootiga qofka haystaa uu la mid yahay isagoo sharci deganaasho leh oo kale, Soomaalida badankeeda ayaa ku jooga dalka Uganda aqoonsiga qaxootiga, sidaas darteed sii-hayaha ayaa codsaday in arrintaas wax laga qabto. Arrinta labaad ee uu sii-hayaha safaaradda ka hadlay ayaa ahaa in hay’adaha waxbarashada dalka Uganda looga baahan yahay inay dhaqan-geliyaan Barotokoolada wadamada ururka dhaqaalaha iyo iskaashiga dalalka Bariga Afrika (EAC) ee khuseeya arrimaha waxbarashada si ardayda Soomaaliyeed u helaan xuquuq la mid ah ardayda ee dalalka Bariga Afrika. Sidoo kale Sii-hayaha ayaa wasiirka ka codsaday in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee imanaya dalkan Uganda ay dalkugal-ka (Visas) ka qaataan airport-ka iyo xuduudaha dalka markay soo gaaraan oo laga dhaafo dalabka Visa-ha si loo fududeeyo isu socodka dadka labada dal. Ugu dambeyntii sii-haye Cabdiladiif Maxamuud ayaa wasiirka u sheegay in ay diyaar u yihiin fulinta heshiisyadii labada Wasaaradood ay horay u gaareen ee xagga tababarada diblumaasiyiinta iyo karti dhiska shaqaalaha, taas oo qeyb ka ahayd isfahmkii (MoU) horay ay u kala saxiixdeen labada dal. Sidoo kalena wuxuu sii-hayuhu la socodsiiyay wasiirka in shirka guddiyada wadajirka ah ee labada dal (Joint Permanent Commission) wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee DFS ay qaban-qaabadiisa waddo laguna qaban doono magaalada Muqdisho bisha Oktoobar ee nagu soo aadan 2024. Dhankiisa Wasiir Gen. Jeje Odongo Abubakar, ayaa sheegay in labada arrin ee kala ah Visa la’aanta iyo arrinka ah in ardayda Soomaaliyeed loola tacaamulo sida kuwa ka yimaada wadamada ururka dhaqaalaha iyo iskaashiga Bariga Afrika ay tahay laba arrimood oo ay xaq u leeyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa sidoo kale balan-qaaday in la fulin doono isfahamyadii horey ay u kala saxiixdeen labada wasaaradood oo ay ku jirto iswaydaarsiga khibradaha iyo tababarada diblomaasiyadeed ee shaqaalaha arrimaha dibadda labada dal, dhawaanna ay soo saari doonaan qorshaha fulinta barnaamijkaan. The post Somalia oo Uganda u gudbisay dalab muhiim u ah Soomaalida kuna dhibanayeen appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — Flydubai has fully complied with the Somali Civil Aviation Authority's (SCAA) ultimatum regarding the representation of Somali destinations on its booking platforms, ensuring the continuation of its operations within Somalia. In contrast, it is unclear if Ethiopian Airlines continues to face the threat of suspension after only partially adhering to the SCAA's demands. Source: Hiiraan Online