Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa maanta qaaday tallaabadiisii u horeysay, kadib magacaabisitii Khamiistii lasoo dhaafay ee Golaha Wasiirada Soomaaliya. Taliyaha cusub iyo wasiirka amniga gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, halkaas oo uu si diiran ugu soo dhoweeyay Taliyaha xilka kasii dagaya ee Booliska General Sulub Axmed Firin. Diyaano iyo Fartaag ayaa u kuurgalay hannaanka shaqo ee hoggaannada iyo fadhiyada madaxa-banaan ee ciidanka Booliiska, wuxuuna wasiirku halkaas ugu kala wareejiyey galka guud iyo hoggaaminta shaqada Ciidanka oo uu si buuxda ula wareegey xafiiska taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Taliyaha cusub S/guuto Asad Cusmaan Cabdulaahi. Sidoo kale taliye Asad Diyaano ayaa faray saraakiisha in ay dardargeliyaan gudashada waajibaadkooda shaqo ee xaqiijinta amniga dalka, ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka xeerarka iyo shuruucda Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Taliyaha cusub oo horay uga soo shaqeeyay arrimaha ciidamada ayaa laga sugayaa isbeddal iyo inuu horay usii wado wajibaadka laga rabo Booliska Soomaaliyeed. Arrimaha ugu muhiimsan ee horyaallo ayaa waxaa kamid ah wax ka qabashada amniga caasimada oo inta badan weeraro ka fuliso Shabaab iyo horumarinta ciidanka Booliska. The post Taliye ASAD oo qaaday tallaabadii ugu horreysay kadib magacaabistiisi (Sawirro) appeared first on Caasimada Online.
  2. Mogadishu (HOL) – Somali Minister of Education, Farah Sheikh Abdulqadir, held a video conference with his Turkmenistan counterpart, J. Gurbandeldiyev, on Monday to enhance bilateral relations in education, culture, and technology. Source: Hiiraan Online
  3. Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa gacanta ku dhigay Shabkad ka kooban Shan xubnood, kuwaasi oo ku howlanaa falal amni darro inay ka gaystaan magaalada Muqdisho. Sirdoonka Qaranka oo haayay xogta Shabakadaan ayaa ku guulaystay inuu mid mid u soo qabto, waxaana sidoo kale shabakadaan lagu qabtay Hub iyo Qaraxyo Kooxda Alshabaab ay soo diyaariyeen sida ay sheegeen mas’uuliyiintu. Magaalada Muqdisho oo bilahan xallisoonayd ayaa maalmo ka hor waxaa ka dhacay qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo lagu beegsaday goob aan xarunta madaxtooyada sidaa uga fogayn. Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa NISA oo howlgal culus ka sameeyay magaalada Muqdisho ayaa maanta gacanta kusoo dhigay shabakad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnayd Muqdisho. Qoraal kasoo baxay taliska Nabad-Sugidda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka oo u dhacay sidii loo qorsheeyay lagu qabtay 5 xubnood oo ku howlanaaa falal amni darro ah. “Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay Shabkad ka kooban Shan xubnood, kuwaasi oo ku howlanaa falal amni darro inay ka gaystaan magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay NISA. Sidoo kale waxaa hay’addu ay sheegtay in sidoo kale ciidamada ay soo qabteen hub uyo qaraxyo ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneysay inay ka gaysato gudaha caasimada. “Sirdoonka Qaranka oo haayay xogta Shabakadaan ayaa ku guulaystay inuu mid mid u soo qabto, waxaana sidoo kale shabakadaan lagu qabtay Hub iyo Qaraxyo Khawaarijtu ay u qorsheeyeen inay ku dhibaateeyaan Shacabka Muqdisho” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka. Waxaa kale oo ay qoraalka lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay sii wadi doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga ee ka socda degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana shacabka loogu baaqay inay qaataan doorkooda, si looga hortego amni darrada. Maalmihii u dambeeyay laamaha ammanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xoojiyay howlgallada ay ka wadaan caasimada, si looga hortego weerarada kooxda Al-Shabaab. The post NISA oo gacanta ku dhigtay hub, qaraxyo iyo shabakaddii laheyd + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  5. Mogadishu (HOL) – Somali government signed a $68.5 million Development Assistance Grant Agreement with the United States on Tuesday, marking a significant step in advancing socio-economic development in the country. Source: Hiiraan Online
  6. 461518004_562292279488675_5190439571120662642_n Qaran News
  7. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/10/461762477_526527840024550_3420671665788641283_n.mp4 Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan aya kasoo baxaya howlgal khasaare culus maanta lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo ay qaadeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad. Sidoo kale waxaa howlgalka ka qayb qaatay cutubto kamid ah Duufaan oo ka tirsan ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee (NISA), ayada oo lagu beegsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha Al-Shabaab. Qoraal kasoo baxay dowladda dhexe ayaa waxaa lagu faahfaahiyay howlgalka oo si gaar ah uga dhacay deegaano ku teedsan dhanka xeebta ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgalkan lagu burburiyay xarumo ay kooxda ku lahayd halkaasi, sidoo kalena lagu soo qabtay tiro dad ah oo lagu tuhmayo inay la shaqeynayeen Al-Shabaab. “Geesiyaasha sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa Howlgal lagu baacsanayo firxadka koox ka tirsan khawarijta ka sameeyay Gobalka Shabeellada Hoose, gaar ahaan deeganada deexda ah ee Gaacal-yaabar, Isgoyska Jiirley iyo Garasqaajo, waxaana lagu soo qabqabtay tiro dad ah oo lagu tuhmay inay la shaqeynayeen Khawaarijta, iyadoo lagu burburiyay fariimo si qarsoodi ah ay halkaas uga sameysteen Khawaarijta gabalkoodu sii dhacayo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Waxaa kale oo ay dowladdu sheegtay in saldhigyada la burburiyay ay muddo ku sugnaayeen Al-Shabaab, isla markaana ay halkaasi ky dhibaateyn jireen dadka shacabka ah. “Khawaarijta ku dhuumaalaysta qaybo kamida gobolka shabeellada hoose ayaa dhibaateeya shacabka beeralayda u badan ee gobolka iyo rayidka safarayda ah ee ku safra gaadiidka dadwaynaha , balse geesiyaasha haramcad oo ka hortegaya dhibaatada shacabka ay u gaysanayaan khawaarijta ayaa howlgalo sifayna si joogta ah uga sameeya dedgaanada lagu tuhmo maleeshiyaadka firxadka ah ee khawaarijta” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose, maadaama ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab The post Al-Shabaab oo jab culus la gaarsiiyay maanta + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  9. Wasaaradda kalluumeysiga dowlad gobololeedka Puntland ayaa soo saartay amarro culus oo ku saabsan jillaabashada jaadad kalluunka kamida iyo shisheeyeha sida sharci-darrada ah u guranaya kheyraadka badda Soomaaliya. Wasaaradda ayaa mamnuucday dabashada qubada, noocyo liibaaxa badda kamid ah, iyo adeegsiga shabaagaha il-yarta ah iyo tooshashka kalluunka lagu eego markii la jillaabanayo. Sidoo kale waxaa amarrada qeyb ka ahaa inaan la oggolaan doonin kalluuneysiga sharci darrada ah, islamarkaana ciddii lagu helo falkaas tuugnimada ah sharciga la horgeyn doono. Deegaannada Puntland ayaa kamida meelaha ay doomaha iyo maraakiibta shisheeye sida joogtada ah uga kalluumeystaan, boobka sharci darrada ahi uu ka socda. Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamullada oo dhawaan lagu wado inuu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa laga dalbaday inay si dhab ah u wajahaan xaqiiqda taagan, kana go’aan gaaran arrimaha xasaasiga ah ee horyaalla. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa wuxuu madaxda Golaha Wadatashiga u jeediyay in aysan ka meer-meerin muddo xileedka dhamaaday ee madaxda maamullada, islamarkaana ay ka go’aan gaaran, si doorashadooda loogu qabto inta sanadkaan ka dhiman. “Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho isku imaanaya waxaan xusuusinaynaa in muddo xileedka madaxda dawlad goboleedyadu dhammaaday, halka sanad iyo lix bil oo keli ah u harsan tahay madaxweynaha iyo baarlamaanka federaalka ah. Haddaba, waxaa la gudboon in aysan waaqaca iska indha tirin, hawl ku iman doontana ka meermeerin, waana in go’aan ka soo saaraan,” ayuu yiri Xildhibaan Warsame. Waxa uu intaas kusii daray “Waa in aan wax ka baranno waayihii ina soo maray, kana fogaannaa xaalad la mid ah doorashadii 2020 oo sanadka iyo dhowrka bil dib u dhacday oo uu Madaxweynihii hore isku deyey in uu wareegto ku kordhisto muddo xileedkiisii, taasoo keentay in magaalada Muqdisho ay ka dhacaan dibadbaxyo iyo dagaallo.” Sidoo kale wuxuu madaxda labada heer dowladeed usoo jeediyay in kulanka looga arrinsado sidii lagu dooni lahaa Puntland oo madasha ka maqan, si fursad iyo waqti ku filan loogu helo ka baaraan degidda hirgelinta hannaan doorasho oo kuwii hore loo maray ka hufan, kana daah-furan. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho isku imaanaya waxaan xusuusinaynaa in muddo xileedka madaxda dawlad goboleedyadu dhammaaday, halka sanad iyo lix bil oo keli ah u harsan tahay Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Federaalka ah. Haddaba, waxaa la gudboon in aysan waaqaca iska indha tirin, hawl ku iman doontana ka meermeerin, waana in go’aan ka soo saaraan. Sidii inta sanadka ka harsan loo qaban lahaa doorashooyinka dawlad goboleedyada muddo xiloodkoodu dhammaaday, sababtoo ah sharciyad la’aanta madaxda dawlad goboleedyada waxay wiiqaysaa awooddooda sharci, waxayna u nuglaynaysa rabitaanka Madaxweynaha iyo meelmarinta danihiisa shakhsiga ah oo uu muddo kororsiga ku doonayo, waxyna hubanti la’aan gelinaysaa doorashada federaalka ee 2026, taasoo halis ku ah amniga, sharciyadda dowladda iyo xasilloonida dalka. Waa in aan wax ka baranno waayihii ina soo maray, kana fogaannaa xaalad la mid ah doorashadii 2020 oo sanadka iyo dhowrka bil dib u dhacday oo uu Madaxweynihii hore isku deyey in uu wareegto ku kordhisto muddo xileedkiisii, taasoo keentay in magaalada Muqdisho ay ka dhacaan dibadbaxyo iyo dagaallo. Waa in kulanka looga arrinsadaa sidii lagu dooni lahaa Puntland oo madasha ka maqan, si fursad iyo waqti ku filan loogu helo ka baaraan degidda hirgelinta hannaan doorasho oo kuwii hore loo maray ka hufan, kana daahfuran. In meel looga soo wada jeesto la dagallaanka kooxaha argagexisada iyo ka hortagga damaca gurracan ee Itoobiya. Ma jirto cid kaga waaya-aragsan Madaxweyne Xasan Sheekh dhibka iyo shiddada ay leedahay muddo kororsi iyo xukun aan sharciyad lahayn. Waxaa horyaalla hadalladii uu jeedin jiray, doodihii iyo dagaalkii hubaysnaa ee uu ka galay arrinkaas, waxaan rajaynayaa in da’da, PhD iyo doorashada labada jeer ay waaya aragnimo ku kordhin doonaan. The post Xasan iyo madax goboleedyada oo laga dalbaday ka go’aan gaarista arrimo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  11. Burco Waxa Ay Ku Taalaa Xididada Wadnaha…… Musharax Cirro https://qarannews.com/burco-waxa-ay-ku-taalaa-musharax-cirro/ Qaran News
  12. President Mohamud urged traders to use a mandatory merchant account to charge sales tax. Mogadishu (PP News Desk) — At a ceremony for a new association of Somali banks held last week in Mogadishu, President Hassan Sheikh Mohamud warned traders who ignore procedures for applying sales tax on transactions. “It has come to our attention that certain businesses conduct transactions via the EVC system instead of the merchant account mandated by the sales tax policy. Any business found guilty of bypassing the rules will face consequences for flouting them,” said President Mohamud. The Federal Finance Ministry has deployed plainclothes revenue protection officers who impersonate customers to ensure that businesses use the merchant account to charge sales tax at the point of sale. At Bakara Market, the Puntland Post correspondent observed traders scrambling to deposit money into their merchant accounts to avoid being investigated for tax evasion. Federal tax revenues have risen since the inception of a fiscal policy aimed at enhancing the tax collection capabilities of the Finance Ministry. This development is seen by donor countries as remarkable progress in state-building initiatives in the Federal Republic of Somalia. The Federal Member States are expected to follow suit by implementing transparent tax collection policies to access budgetary support and development aid. © Puntland Post, 2024 The post Sales Tax Compliance Tightened in Mogadishu as Federal Revenues Rise appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adda USAID ayaa maanta kala saxiixday heshiis ku kacaya 68.5 milyan oo dollar. Dhaqaalahan uu Mareykanka ku deeqay ayaa loogu tala-galay in wax looga qabto arrimaha horumarinta deegaanada dhawaan laga saaray Al-Shabaab, waxaana maanta si wada-jir ay qalinka ugu duugay wasiirka qorshaynta iyo maalgashiga Maxamuud Beene-Beene iyo wasiirka maaliyadda Biixi Imaan Cige. Munaasabad kooban oo saxiix ah kadib waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay wasiirada maaliyadda iyo qorshaynta iyo madaxa USAID ee Soomaaliya, iyada oo wasiir Beene-Beene uu hoosta ka xariiqay in lacagtaan deeqda ah inteeda badan dowladdu ay u adeegsan doonto horumarinta arrimaha caafimaadka, waxbarashada iyo maaamul-Wanaagga deegaanada dowladdu ka xoreysay argagixisada ah. Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dowladda hubin doonto in dhaqaalahaan uu ku baxay halkii ugu saxnayd iyo ciddii mudnayd, si looga faa’iideysto sidii ugu habooneyd. Sidoo kale wasiirka maaliyada ayaa isna dhankiisa u mahadceliyay hay’adda USAID ayaa sheegay in deeqdani ay tahay cashuurta ay bixiyaan shacabka Mareykanka, si taa lamid ah ayuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay bixiyaan cashuurta si looga maarmo kaalmada dibada ka timaado. Catie Lott oo ah madaxa xafiiska USAID ee Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskaan uu ka turjumayo heerka uu gaarsiisan yahay iskaashiga dowladda Mareykanka iyo Soomaaliya, iyadoo tilmaamtay “in ay jeclaan laheyd arkidda natiijada wanaagsan ee ka dhalaya deeqda ay bixiyeen deegaanada lagu maalgaliyo.” Heshiiskaan ay maanta wada saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa abuuraya xasilooni iyo horumar ka mustaqbalka dhaw ee bulshooyinka magaalooyinka iyo miyiga oo la hormarinayo adeegyadooda aas-aasiga ah. The post Somalia iyo Mareykanka oo kala saxiixday heshiis malaayin dollar ah + Halka ay ku baxeyso appeared first on Caasimada Online.
  14. Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamanka Kenya ayaa qorsheynaya in ay billaabaan mooshin xil ka-qaadis oo ka dhan ah madaxweyne ku-xigeenka dalka Rigathi Gachagua, iyaga oo ku eedeeynaya in uu arbushayo dowladda, sida uu sheegay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamanka. Tallaabadan ayaa muujineysa khilaaf sii ballaaranaya oo u dhaxeeya madaxweyne William Ruto iyo ku-xigeenkiisa. Waxay ku sii dari karta caqabadaha haysta dowladda kadib mudaaharaadyo bilo socday, oo ay dad badan ku dhinteen, kuwaas oo ka dhashay sharciga maaliyadda ee lagu murmay, kuna qasbeen Ruto in uu meesha ka saaro sharciga bishii June, islamarkaana eryo inta badan golihiisa wasiirrada. “Waa run in uu jiro mooshin xil ka qaadis ah oo ka dhan ah madaxweyne ku xigeenka, islamarkaana aniga oo ah xildhibaanka baarlamaanka ee Kikuyu, horey ayaan saxiixayga ugu daray,” waxaa sidaas yiri hoggaamiyaha aqlabiyadda Kimani Ichung’wah Axaddii. “Waan taageerayaa mooshinka xil ka qaadista ah ee lagu joojinayo hannaanka lagu wiiqayo xukuumadda iyo sadbursiga dowladda dhexdeeda ah,” ayuu yiri. Taleefono loo diray afhayeenada Gachagua, si falcelin looga helo, ayaan laga jawaabin. Waxa uu maalmihii la soo dhaafay ka hadlay in dhinac loo riixay, wuxuuna beeniyey eedeymaha la xiriirinaya deganaansho la’aanta, kuwaas oo uu ugu yeeray “isku day aan miro-dhal ahayn oo lagu doonayo in magacayga lagu xumeeyo, lana doonayo in ay sabab looga dhigo mooshinka xil ka qaadista ee iga soo horjeeda”. Gachagua ayaa Axaddii weriyayaasha u sheegay in mooshinka xil ka qaadista uu u baahnaan doono ogolaanshaha Ruto. “Madaxweynaha oo aan ogolaansho siin, mooshinku ma gaari karo baarlamaanka, haddii uu baarlamaanka gaaro madaxweynaha ayaa aqbalay.” Gachagua wuxuu taageero ka haystaa gobolka bartamaha Kenya ee dadka badan, waxaana dadaallada lagu doonayo in xilka looga xayuubiyo laga yaabaa in ay caro ka abuuraan halkaas, taasi oo sii kordhinaysa madax xanuunka Ruto. In ka badan 50 qof ayaa lagu dilay qalalaasaha looga soo horjeedo sharciga maalgelinta, kuwaas oo abuuray xasaradihii ugu weynaa ee Ruto uu la kulmo tan iyo markii uu xafiiska qabtay 2022. Dibad-baxayaashu waxay ka soo horjeesteen canshuur kordhinta ku jirta sharciga, waxayna sidoo kale dalbadeen in tallaabo laga qaado maamul-xumada iyo musuq-maasuqa. Iyada oo qayb ka ah isku shaandhayn ballaaran, Ruto ayaa bishii Luulyo u magacaabay afar xubnood oo ka tirsan xisbiga ugu weyn mucaaradka inay ka mid noqdaan gole wasiirro oo sal-ballaaran. Hase yeeshee kooxaha u dhaq-dhaqaaqa waxa ay sheegeen in dowladda cusub ay sii wadi doonto un dhaqanka hoggaamiyeyaasha ee ah in ay kaashaadaan mucaaradka, halkii ay ka fulin lahaayeen isbedellada ballaaran oo ay dalbadaan muwaadiniinta. VOA + Reuters The post Mooshin xil ka-qaadis oo laga keenay madaxweyne ku-xigeenka KENYA appeared first on Caasimada Online.
  15. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow magaalada Muqdisho ka furay shirweynaha koowaad ee hormarinta silsiladaha maalgashiga beeraha dalkeena. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka qeyb galaya wasiirada beeraha waraabka dawlad Goboleedyada, ganacsatada maalgelisa beeraha iyo quburo caalami ah. Ujeedka Shirkan ayaa ah in la dhiirigeliyo maalgashiga beeraha si kor loogu qaado kobcinta ilaha dhaqaalaha dalka, waxaana uu socon doonaa muddo laba cisho ah. Source: goobjoog.com
  16. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho heshiis horumarineed oo ku kacaya $68.5 milyan (Dollar) kula saxiixatay dowladda Mareykanka. Heshiiskani waxaa si rasmi ah u kala saxiixday Madaxa USAID ee Soomaaliya, Catie Lott iyo Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax Beenebeene iyo Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige oo dhinac ah. Heshiiskani wuxuu diiradda saarayaa kobcinta dhaqaalaha, dib-u-habaynta maamulka, caafimaadka, waxbarashada, iyo awood-siinta haweenka iyo dhalinyarada, isagoo taageeraya aragtida fog ee adkeysiga Soomaaliya. “Deeqdan waxaan ku xoojin doonaa waxbarashada, maamulka, iyo horumarinta dhaqaalaha, si loo hubiyo in dadkeena, gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada, ay helaan agabka iyo fursadaha ay ku horumari karaan” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene. Heshiiskani ku kacaya $68.5 milyan ayaa ballaarin doona barnaamijyada Waxbarashada Aasaasiga ah ee la dardargeliyay, iyadoo ay ka faa’iideysan doonaan in ka badan 150,000 oo carruur Soomaaliyeed ah, lana dayactiri doono in ka badan 200 fasal, taas oo siin doonta 10,000 oo arday dheeraad ah fursad waxbarasho sannad walba. “Heshiiskani wuxuu muujinayaa muhiimadda iskaashiga u dhexeeya Mareykanka iyo Soomaaliya, iyadoo xooga la saarayo dhisidda adkeysiga iyo xasilloonida, kobcinta dhaqaalaha, iyo horumarinta hoggaamiyeyaasha mustaqbalka” ayay tiri Catie Lott, Madaxa USAID ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Maraykanka oo kala saxiixday heshiis horumarineed oo ku kacaya $68.5 milyan oo Dollar appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa shirkadda Baykar, Haluk Bayraktar ayaa qoraal kasoo saaray safar uu Sabtiddii booqashu ugu tegay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Ninkan oo diyaaradaha dagaalka u sameeya Turkiga ayaa waxaa Soomaaliya si diiran ugu soo dhoweeyay wasiirka difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, wuxuuna la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Inkasta oo aan la shaacin arrimaha gaarka ah ee Haluk iyo madaxweynaha ay ka wada-hadleen, balse Haluk ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) ku shaaciyay in xiriirka labada dal uu gaaray heer cusub kadib heshiiskii difaac ee dhawaan kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga. Haluk ayaa qoraalkiisa ku xusay in safaaradda ugu weyn ee Turkiga ay ku taallo Soomaaliya. Sidoo kalana uu Turkigu u caawiyay Soomaaliya xilli ay xaalad adag ku jirtay. “Iyadoo dunidu ay iska indho tirtay xasaradda gaajo ee Soomaaliya sanadkii 2011, Madaxweynaheenna Recep Tayyip Erdoğan ayaa booqday Soomaaliya wuxuuna beddelay xaaladda dalka. Maanta, waa suurtogal in la arko in maalgashiga Turkiga iyo deeqdiisa oo taalla meel walba oo Soomaaliya ah.” Baykar oo ah shirkadda difaaca ee ugu horreysa Turkiga waxaa lagu yaqaannaa sameynta diyaaradaha adduunka laga aqoonsan yahay ee Bayraktar TB2. Si kastaba, booqashada Haluk Bayraktar ee Muqdisho ayaa waxay dadka fallan-qeeya arrimahan ku tilmaameen inay muhiim u tahay labada dal oo dhawaan gaaray heshiis difaac, uuna xiriirkooda aad u sarreeyo. The post Ninka Turkiga u sameeya diyaaradaha dagaalka muxuu ka yiri safarkiisi Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) — Ku dhowaad 50 mudane oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin ka geysay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi. Xildhibaannada golaha shacabka iyaga ayaa golaha wasiirada siiya ogolaanshaha ay ku shaqeeyaan, xaq ayeyna sharciyan u leeyihiin inay dib u eegaan howsha wasiiradda. Qaar kamid ah xildhibaannada eedda ka keenay wasiir Fiqi, waxaana halkan kusoo koobeyna nuxurka eedooda, xilliga iyo halka ay ku dhamaan karto. Eedda xildhibaannadan waxaa kamid ah; 1. Arrinta fiisaha iyo warqadda fasaxa Dadka ku safraya baasaboorka diblumaasiga ah ee Soomaaliya waxay u baahan yihiin fasaxa wasaaradda arrimaha dibadda. Warqadda fasaxa iyo midda safaaradaha loo diro ee lagu siiyo fiisaha dadka wata baasaboorka diblumaasiga ah ee Soomaaliya waxaa bixisa wasaaradda arrimaha dibadda. Xildhibaannada iyo hay’addaha dowladda qaar ayaa ku eedeynaya wasiir Fiqi inuu bixintii ku saleeyay saaxiibtinimo, xisbi iyo dano isaga u gaar ah oo aan lagu saleynin dan guud. Xildhibaannada oo aan weydiinay inay dhibsadeen in la adkeeyay hanaanka safarada dibadda waxay ku doodeen in aan bixintii la joojin, lana adkeyn, balse wasiir Fiqi siiyo ciddii uu doono oo uusan jirin habraac dowladeed oo uu ku saleeyay. Xildhibaannada mooshinka qoray waxa kale oo ay ka cabanayaan xurmo la’aan ay kala kulmeen wasiirka arrimaha dibadda. 2. Gudaha wasaaradda Xildhibaannada saxiixay mooshinka qaar waxay sheegeen inuu jiro khilaaf ragaadiyay gudaha wasaaradda arrimaha dibadda, gaar ahaan wasiirka, wasiir ku-xigeenka, wasiiru-dowlaha iyo xoghayaha joogtada, taasina qasab tahay in daawo loo raadiyo, si aanay wasaaradda u lumin shaqadii qaranka. Eedda khilaafka waxay saarayaan xildhibaannada wasiir Fiqi, sidoo kale xildhibaannada qaar waxay sheegayaan inuu wasiirku kala soocid deegaameysan ku sameeyay shaqaalaha wasaaradda. 3. Jahwareerinta siyaasadda arrimaha dibadda Xildhibaannada waxay wasiirka ku eedeynayaan inuu jahwareer, farriimo isdhaawacaya iyo kuwo aan la tashi qaran kusoo bixin inuu lugaha u geliyay wasaaraddii iyo siyaasaddii arrimaha dibadda ee dalka. 4. Isbeddelka shaqaalaha iyo diblumaasiyiinta Qaabka loo wajahayo isbeddelada shaqaalaha iyo diblumaasiyiinta ee ka socda safaaradaha ay Soomaaliya ku leedahay caalamka, oo ay xildhibaannada qaar sheegayaan in aan lagu saleynin aqoon iyo in lagu sameeyay sad-bursi deegaameysan. Eedahaas ayay qabaan xildhibaannada aan la hadlany, laakiin laba arrimood ayaa xildhibaannada culeys ku noqon doonta. Mid waa waqtiga, iyada oo Soomaaliya wajaheyso Itoobiya in la bixiyo wasiirka arrimaha dibadda waa dhaawac culus oo aan la qaadi karin. Midda kale waa wasaaradaha guud ee dowladda. Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh inta badan wasaaradaheeda waxaa ka dhex jira musuq, ku tagri-fal awoodeed iyo kiisas foolxun oo la qaadi karin. Haddii ay xildhibaannadu rabaan inay wax hagaajiyaan waxay aheyd inay wasaaradda kale kusoo daraan dacwadan. Dadka waxay isweydiinayaan ma shaqeyn doonaa mooshinkan, waxay u badan tahay in uusan shaqeyn oo uu madaxweynaha soo fara-geliyo oo guddoonka la hadlo, halkaasna lagu soo xiro. The post Ma shaqeyn doona mooshinka xilka looga qaadayo wasiir Axmed Macallin Fiqi? appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Sarreeye-guuto Asad Cusmaan Cabdullahi ayaa kulan la qaatay Danjiraha dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya mudane Amb. Joachim Waern. Taliyaha iyo Safiirka ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga dhanka amniga ee labada dal ee Soomaaliya iyo Sweden, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay taliska booliska. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray, la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, kordhinta tababarada iyo taageeradda ay dowladda Sweden u fidiso ciidanka booliska Soomaaliyeed, oo haatan dib u dhis iyo tayeyn lagu wado. Kulankan ayaa noqon kii ugu horreeyay ee labada masuul yeesheen, kadib markii Khamiista toddobaadkii hore ay golaha wasiirada ansixiyeen magacaabista taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Asad Cusmaan Diyaano. Asad Diyaano oo muddo dheer naawilayay in la magacaabo xilkan ayaa ugu dambeyntii helay fursadda gaarka ah ee uu siiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Ninkan oo horay usoo hoggaamiyay ciidanka PSF-ta Puntland, sidoo kale laba jeer usoo tartamay xilka madxweynaha Puntland ayaa beddalay taliyihii hore ee ciidanka booliska Sulub Axmed oo isna xalay ra’iisul wasaare Xamza uu u magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulita hawada Soomaaliya. The post Asad Diyaano oo kulankii u horreeyay la qaatay safiirka Sweden iyo arrimaha looga hadlay appeared first on Caasimada Online.
  20. Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay weli Itoobiya ka sugayso jawaab ku aaddan deked ay Jabuuti u soo bandhigtay in ay Itoobiya u adeegsato marin badeed. Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, oo wareysi siiyay Warbaahinta Maraykanka ee VOA-da ayaa sheegay in ay weli Itoobiya ka sugayaan in ay aqbasho soo jeedintooda ku aaddan adeegsiga dekedda Tojorah. Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sidoo kale tilmaamay in ujeedada ugu weyn oo ay adeegsiga dekedda Tojorah ugu bandhigeen Itoobiya ay tahay, si loo xalliyo xiisaddii ka dhalatay MOU-gii badda ee sababay Khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya. “Arrintaasi wali miiska ayay saarantahay u jeedada ugu wayn ee aanu ka lahayna waxay ahayd in aanu yarayno xiisada ka dhex jirta Itoobiya iyo Soomaaliya, madaama oo ay Itoobiya raadinayso marin badeed” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti. Waxa uu sidoo kale sheegay in hadii Itoobiya ay aqbasho codsiga Jabuuti ay labada dhinac isla eegi doonaan nooca heshiiska ee ay wada-gali karaan, sida in ay wada abuuraan shirkad ganacsi taasi oo dhaqaalaha labada dal kor u qaadi doonta, waxaanu sheegay in ay wali jawaab ka sugayaan Itoobiya. PUNTLAND POST The post Jabuuti oo weli jawaab ka sugaysa Itoobiya kadib dekeddii ay u soo bandhigtay appeared first on Puntland Post.
  21. Mogadishu (HOL) — The wheels in the turbulent and often convoluted world of Somali politics are turning again as Parliament seeks to remove a senior government official from office. The target is Foreign Minister Ahmed Macalin Fiqi, a man under fire for his handling of diplomatic matters. Source: Hiiraan Online
  22. Mogadishu (HOL) – Ethiopia has not yet responded to a proposal from Djibouti that could ease a long-standing diplomatic dispute between Somalia and Ethiopia, Djibouti's Foreign Minister Mahmoud Ali Youssouf confirmed. Source: Hiiraan Online
  23. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku riday askari horay wade mooto bajaaj ugu diley magaalada dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug. Askarigan oo lagu magacaabo Farxaan Jaamac Siyaad, kana tirsanaa ilaalida madaxtooyada Galmudug ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in wadaha mootadu uu xawaare ku dhaafay bar-hubineed oo uu waardiye ka ahaa, ka dibna uu xabada ku riday asagoo u malaynaya inuu qarax sida. Dhankeeda Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo maalmihii la soo dhaafay dhageysiga galdacwadeedkan fadhiyo kala duwan ka yeelatay ayaa ugu dambayn Askarigan ku riday xukun toogasho ah, kaas oo ah qasaasta wadihii mootada, ayadoo sidoo kale lagu eedeeyay in rasaastii uu furay askari kale uu ku dhaawacmay. Source: goobjoog.com
  24. Mogadishu (HOL) — A five-year-old girl named Maryan Mahad Ado died after being thrown from a five-story building in Mogadishu's Abdiaziz District on Sunday, authorities confirmed. Multiple suspects have been arrested in connection with the incident. Source: Hiiraan Online