-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (HOL) — Somalia’s Prime Minister Hamza Abdi Barre laid the cornerstone for the reconstruction of Mogadishu Football Stadium on Sunday. The reconstruction project, which includes renovating the football field and constructing basketball courts and a swimming facility, is backed by investment from a youth-owned company. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhowaan mid kamida kulamada golaha ka sheegay in Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac uu lumiyay xubinnimadii aqalka sare, islamarkaana muddo labo sano ka badan aanu soo xaadirin kalfiyada Baarlamaanka, sidaa darteedna kursigiisa loo dhaarinayo mudane Ibraahim Iidle Suleymaan oo ahaa tartamihii ku xegay xilligii doorashada. Soo jeedinta guddoomiyaha waxaa si adag u diiday mudaneyaasha golaha, ayagoo ku tilmaamay mid sharciga baalmarsan, guddoomiyuhu’se dhankiisa wuxuu cuskasay qodobo kamid ah Dastuurka dalka oo qeexaya sida lagu weyn karo xubinnimada Baarlamaanka, kuwaas oo ay qeyb ka tahay ka maqnaashaha laba kalfadhi oo xariir ah. Inkastoo xil ka Qaadista senator Saalax Axmed Jaamac oo ah Ra’iisul Wasaare ku xegeenka dalka ay mudaneyaashu goluhu is hortaageen, haddana wuxuu guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ku eedeeyay inuu doonayo inuu wareegto ku badalo senator la soo doortay, islamarkaana uu si sharciga baalmarsan ku magacaabayo qof shacab ah. Haddaba Ra’iisul Wasaare ku xegeenku sgarci ahaan ma lumiyay kursigiisii Aqalka Sare? Sida uu Dastuurka Soomaaliya qabo jagada Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ama midda wasiirka xubinnimada baarlamaanka laguma waayo oo ma ahan sida agaasimeyaasha iyo Taliyaasha ciidamada, kuwaas oo markii la magacaabo horay ka luminaya xubinnimadii Baarlamaanka, balse maqnaashaha laba kalfadhi ayaa gundhig u ah doodda guddoomiye Cabdi Xaashi. isla qodobkan haddii la cuskanayo mudaneyaasha aqalka Sare ayaa ku dooday inay qasab tahay inay cod gacan taag ah la adeegsado haddiiba go’aan laga gaarayo xubin kursiga lumisay, sidoo kalena loo baahanyahay in kursigaas doorashadiisa mar kale la qabto sida uu qabo senator Cismaan Dubbe. ka maqnaashaha kalfadhiyada xariirka ah ee golaha ayaan ahayn mid ku kooban Ra’iisul Wasaare ku xegeenka waxaana jira senatorro aan kulamada golaha soo xaadirin labadii sanoo la soo dhaafay sida ay mudaneyaasha qaarkood sheegeen. Sidoo kale Baarlamaankii 10-naad waxaa jira senatorro aan muddo shan sano ah soo xaadirin sida Ra’iisul Wasaarihii hore mudane Cumar Cabdirashiid oo wareysi uu goobjoog siiyay ku sheegay in shantaas sano uu dalka dibeddiisa ku maqnaa, mushaarkiisana uu qaadanayay. Si kastaba ha ahaatee doodda ku saabsan kursiga senator-nimo ee Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa curisay khilaaf aan la ogayn halka uu ku dhammaan doono, waana mid kamida caqabadaha ka dhasha xilalka isi saaran oo wada gudashadooda ay su’aali dul-haganayso. Source: goobjoog.com
-
Garowe (HOL) — A brief clash broke out this morning between Puntland forces and troops from Maakhir State in Badhan, Sanaag region, intensifying a standoff that has been in place since Sunday. Both sides remain entrenched in their positions just outside the district, with no reports of major casualties. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa nasiib darro ah in qaraxii Soobbe ee dhacay 7 sano kahor maanta oo kale 14 October 2017-kii, islamarkaana galaaftay nolosha dad badan, kadib in weli ay jiraan kooxo hubeysan oo u ooman daadinta dhiigga dadka, islamarkaana doonaya in ay wiiqaan nidaamka dowladdnimo iyo daddaalada kale ee loogu jiro horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee dalka iyo soo celinta amniga dalka. 14-ka Oktoobar waa dhacdado aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag, kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin isugu jiray dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hanti ay soo gaareen dad ka badan kun-ruux oo ahaa kuwo meherado ganacsi ku lahaa isgoyska Soobbe iyo dad socota ah oo marayey halkaasi. Falkaasi xasuuqa ah oo ay ka dambeeyeen kooxaha Khawaarijta, waa mid reebay xasuus lama ilaawaan ah oo aan ka go’eyn qalbiyada ummad sanaddo badan ku soo jirtay dagaallo sokeeye iyo kuwo ay ku hayeen kooxaha Khawaarijtu, haatan doonaya in ay u gudbaan nidaam sal adag oo horseeda nabad iyo barwaaqo. Tira-koob rasmi ah oo la sameeyay ayaa muujinaya in ay dhinteen in ka badan 500 oo ruux, islamarkaana uu dhaawacyo kala duwan soo gaaray ku dhawaad 300 ruux, halka la waayey dad gaaraya 54-qof oo illaa haddda aan la ogeyn meel ay ku dambeeyeen raq iyo ruux. Marka laga yimaado khasaaraha nafeed ee uu geystay qaraxaasi, waxaa ku burbuay hanti lagu qiyaasay $6.3 Milyan oo isugu jirtay nuucyada adeegyada ganacsiga, gawaari iyo dhismayaal badan. Waxaa xaqiiqo ah in dowladda federaalka iyo dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool guddaha iyo dibadaha ay u howlgaleen bixinta lacago malaayiin doolar ah oo xirfado ganacsi loogu abuuray eheladii uu saameeyay qaraxii Soobbe. Waa dhab in ay jiraan dad daacad ah oo xilli kasta u taagan badbaadinta bulshada iyo ka qeybqaadashada horumarka dalka, taasina waa wax u gaar ah dadka Soomaaliyeed oo ay kaga duwan yihiin shucuubta kale ee caalamka. Inkastoo dib u dhis wanaagsan uu ka muuqdo goobihii ganacsi ee agagaarka Soobbe, haddana falkaasi ay ka dambeeyeen kooxda khawaarijta waa xasuuqii ugu xumaa ee loo geysto dad rayid ah oo ku jiray raadinta nolol maalmeedkooda. Isku day kasta oo ay ka dambeeyaan kooxaha khawaarijtu ma ahan kuwo wax u dhimaya horumarada socda, sidaa daraadeed waxaa habboon in si wadajir ah looga shaqeeyo soo celinta amniga dalka iyo la dagaalanka qof kasta oo loo arko in ay lid ku yihiin danta dalka iyo dadka. Sida cad, wadajir ayaa lagu badbaadin karaa dal jira, sidaa daraadeed waa muhiin in ciidan iyo shacab ay ka shaqeeyaan danta umadda, gaar ahaan waxyaabaha u baahan in hoos loo eego sida ilaalinta xasiloonida dalka, daryeelka bulshada, ka qeyb-galka barnaamijyada horumarineed iyo dhismaha dalka . Sidoo kale haddii lagu shaqeeyo caqli saliim ah, waxaa suurtagal ah in ay badbaadaan shacbiga, islamarkaana la bartilmaameedsado cid kasta oo ku howlan sameynta dambiyo dagaal oo ka dhan ah aadanaha. Dowlad iyo shacab waa in xil la iska saaro sidii mudnaanta loo siin lahaa amniga, waxaanna aaminsan nahay in bulsho mideysan oo diyaar ah ay ku dhaqaaqi karaan la dagaalanka cid kasta oo wax u dhimaya amniga dalka. Si mar kale aysan u dhicin dhacdo la mid ah tii Soobbe waa in qof kasta ay u howlgasho xilka kaga aadan dhowrista dowladnimada iyo guud ahaan soo celinta amniga iyo kala dambeynta oo si gaar ah u taabanaya dhaqdhaqaaqa bulshada. The post 7 Sano kadib xuska 14-ka October ee qaraxii Zoobe appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — Violence erupted last night in Luuq, Gedo region, as two clan militias clashed following the collapse of a recently brokered peace agreement, reigniting tensions and spreading fear among residents. Source: Hiiraan Online
-
Somalia clamps down on drone flights over Aden Adde Airport
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) — Somalia's Civil Aviation Authority (SCAA) has banned all drone activity within a five-nautical-mile radius of Mogadishu's Aden Abdulle International Airport, citing heightened security concerns and the need to protect flight operations out of the country's busiest airport. Source: Hiiraan Online -
7 sano ka hor 14-kii bishii Oktoobar sanadkii 2017 waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Soobe ka dhacay mid kamida qaraxyadii ugu dhimashada badnaa, kaas oo ay ku naf waayeen ku dhowaad 1000 qof, halka dhaawacuna uu tiro beel noqday. Qaraxa ayaa waxaa sababay gaari xamuul ah oo waxyaabaha qarxaha laga soo buuxiyay, kaas oo ku qarxay bartamaha waddada mashquulka badan ee Soobe, waxaana ka dhashay waxyeello nafeed oo baaxad leh, taas lagu tilmaamay xasuuq. Ka sokow dadka durbadiiba qaraxa xooggiisa iyo dabkii uu sababay ku naf waayay ama ku dhaawacmay, waxaa jiray tobanaan qof oo raqdooda iyo ruuxdooda midna la waayay, ka dib markii ay ku dumeen dhismeyaal ay ku jiraan ama hilibkoodii qaraxu jar-jaray, ka dibna muddo dheer la baafinayay. Musiibadaas oo ay kooxda Alshabaab ka ahaayeen ayaa diiwaanka xasuuqyada ama madhooyinka lama iloobaanka ah ugu jirta ummadda soomaaliyeed, waxaana goobtii uu qaraxaas bahalnimada ahi ka dhacay sanado ka hor laga dhisay taallo lagu xasuusto muwaadiniintii halkaas lagu gumaaday. Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerareen deegaanka Buulo-xaaji oo ay horay ugala wareegeen ciidanka Daraawiishta maamul goboleedka Jubbaland. Jubbaland iyo Al-Shabaab ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalka dhex-maray, waxaana dhinac kastaa uu guul ka sheegtay howlgalkaasi. kooxda Al-Shabaab oo qoraal soo saartay waxa ay ku sheegtay inay la wareegtay gacan ku haynta magaalada, sidoo kalena ay khasaare culus gaarsiisay ciidanka Jubbaland. War kale oo kasoo baxay Jubbaland ayaa sidoo kale looga hadlay dagaalkan, waxaana lagu sheegay in ciidamadu ay fashilyeen weerarka uga yimid Al-Shabaab. Afhayeenka ciidamada Jubbaland, Gaashaanke Sare Maxamed Faarax Daahir oo la hadlay warbaahinta ayaa beeniyay sheegashada Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in maleeshiyaadkooda aanay soo dhaafin difaaca hore ee deegaanka Buulo-xaaji. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in dagaalka meesha ka dhacay lagu jebiyay Al-Shabaab, loona geystay khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana aagga Buulo-xaaji howlgallo culus ka wada Daraawiishta Jubbaland oo kaashanaya ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka. Horay sidaan oo kale ayay labada dhinac ugu dagaalameen Buulo-xaaji, laakiin waxaa laga adkaaday Al-Shabaab oo markaas duulaan kusoo qaaday magaaladaasi. The post Maxaa ka jira in Al-Shabaab ay la wareegeen Buulo-Xaaji? appeared first on Caasimada Online.
-
Luuq (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed xoogan oo xalay ka dhacay gudaha degmada Luuq, kaas oo gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka oo u cuslaa ayaa u dhexeeyay maleeshiyaad ku wada sugan gudaha degmadaas oo ay in muddo ah ay u dhexeysay colaad xoogan. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu saameyn xoogan ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa magaalada, isla markaana ay xaaladda faraha ka baxday kadib markii ay is fara saareen maleeshiyaadka labada beelood. Xaaladda ayaa saaka ah mid kacsan, waxaana weli is horfadhiya maleeshiyaadkii xalay dagaalamay, ayada oo mar kasta la filan karo inay mar kale ku dagaalamaan halkaasi. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dagaalka ka qarxay degmada Luuq ee gobolka Gedo. Horay ayay maleeshiyaadka ugu dagaalameen Luuq, waxayna isku haystaan arrimo la xiriira maamulka degmada iyo dilal aanooyin qabiil ah oo ay horay isugu gaysteen labada dhinac. Si kastaba, mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo uu ugu horreeyo madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulkaasi Maxamuud Sayid Aadan oo ku baxay xiisaddan ayaa ku guuleysan waayay xalkeeda, waxaana mar kale dib u qarxay dagaalka labada beelood. The post Xaaladda degmada LUUQ oo faraha ka baxday iyo Wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in saaka halkaasi ay ka dhacday is raasaasayn xooggan oo khasaare sababtay. Is rasaasaynta ayaa dhexmartay ciidamo ka tirsan Puntland iyo ciidan ilaalinayay rag sheegtay in ay yihiin guddiga siyaasadda Maakhir kuwaasi oo maalmahan socdaal ku marayay degaanno ka tirsan Gobolka Sanaag. Inta la xaqiijiyay laba askari ayaa ku dhaawacantay is rasaasayntaasi oo ka dhacday duleedka waqooyi ee degmada Badhan kadib markii hor istaag lagu sameeyay wefdigii doonayay in ay magaalada galaan. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ilaa iyo hadda aysan gudaha Badhan gelin xubnihii sheegtay guddiga siyaasadda Maakhir oo ay ku sugan yihiin bannaanka balse weli isku dayayaan in ay socdaalkooda sii wataan. PUNTLAND POST The post Is rasaasayn khasaare sababtay oo saaka ka dhacday degmada Badhan ee Gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
-
Saudi Arabia supports international disaster relief efforts
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The Kingdom of Saudi Arabia, through the King Salman Humanitarian Aid and Relief Center (KSrelief), has been leading humanitarian and relief efforts worldwide. Saudi Arabia's ultimate goal is to serve people in need, regardless of their background, and to provide support and assistance in accordance with the principles of human brotherhood. Source: Hiiraan Online -
Nairobi, Kenya — An extra 600 Kenyan police officers set to join a U.N.-backed mission to try to quell rampant gang violence in Haiti will be ready for deployment in early November, Kenya's police chief said Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa Axaddii shalay ku dhawaaqday in ay gantaallo casri ah oo nuuca difaaca cirka ah iyo ciidamo Mareykana ah u direyso Isra’il, si ay u xoojiso nidaamka difaaca cirka Isra’il, maalmo kaddib marki ay Iran madaafiic ku garaacday Isra’il. Madaxweyne Joe Biden ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid lagu difaacayo Isra’il. Waxana tani ay ku soo beegantay iyada oo la filayo in Isra’il ay jawaab ka bixisyo duqeynti cusleyd ee ay 1-di bishan October kala kulantay Iran oo ku garaacday in ka badan 180 gantaallada guuxooda ka dheereeya. Afhayeen u hadlay Aqalka Pentagon-ka ee looga arrimiyo Waaxda Difaaca Mareykanka, Major General Patrick Ryder, ayaa ku tilmaamay daabulista hubkan in ay qeyb ka tahay taageero ballaaran oo uu Mareykanka bilihi lasoo dhaafayay siinayay Isra’il, si buu yiri looga difaaco Iran iyo kooxaha ay taageero danaha Mareykanka ee gobolka. Dhanka kale, ciidamada Isra’il ayaa sii xoojiyay weerarka ay ka wadaan maalmahaan waqooyiga Gaza, iyada oo taangiyadooda ay gunta u sii galayaan magaalada, gaar ahaan degmada Sheekh Ridwaan halkaas oo qoysas badan ay ka carareen guryahooda. Aroornimadi hore ee Isniinta maanta ah, duqeyn cirka ah oo ay ciidanka Isra’il ku beegsadeen teendhooyin ay jiifeen dad barakac ah oo ku taalla gudaha Isbitaalka Al Aqsa ee bartamaha Gaza ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 3 qof, halka 40 kalana ku dhaawacmeen. Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in bartamaha Gaza gaar ahaan Deyral Balax ay ku nool yihiin ugu yaraan hal milyan oo Falastiinyiin u badan barakac. The post Mareykanka oo gantaallada difaaca cirka u diraya Israel appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ku saabsan weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ururka Xisbullaahi uu ku qaaday Magaalada Binyamina ee waqooyiga Israa’iil ayaa sheegaya in tirada dhimashadu ay hadda 5 qof ku dhowdahay, halka dhaawacyaduna ay 60 kor u dhaafeen. Ururka Xisbullah ee Lubnaan ayaa sheegay in ay la beegsadeen xero milatari oo ay Israa’iil leeyihiin ciidamada Israa’iil, ayadoo weerarkaas u adeegsaday raxan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah. War qoraal ah oo ay soo saartay kooxda Xisbullaahi ayaa lagu sheegay in ay tiro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah ku weerari saldhig ay leedahay guutada Golani oo kamid ah shanta guuto ee ugu tababarka sarreeya ciidanka lugta Israa’iil, taas oo loo arko unugga ugu awoodda badan xoogagga dhulka kumaadoosta Israa’iil. Weerarkan ayaa lagu tilmaamay mid kamida Kuwii ugu khasaaraha badnaa ee Israa’iil ay muddooyinkaan la kulanto, wuxuuna daboolka ka qaaday awoodda aan la dhayalsan karin ee ururka Xisbullaahi. Source: goobjoog.com
-
Ayadoo ay dhowaan magaalada Muqdisho bannaanbaxyo ka dhigeen bareyaal ka howgalayay dugsiyada ay dowladdu maamusho oo sheegay in shaqada laga eryay, islamarkaana badelkooda Macallimiin cusub loo qaatay ayaa waxaa arrintaas si faahfaahsan uga hadashay wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Agaasimaha Guud ee Waxbarashada iyo barbaarinta Wasaaradda Waxbarashada XFS Dr. Cabdullaahi Cabdi Cumar ayaa sheegay in shaqa ka joojinta bareyaashaas ay sabab u ahayd in mashruucii ay ku howlgalayeeni uu dhammaaday, islamarkaana ay diideen inay tartan u galaan wajigii labaad qaadashada seddaxda kun ee macallin si ay mar kale fursad u helaan. Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in mashruuca ay bareyaashaasi ku howgalayeen oo lagu magacaabi jirey RCRF uu ahaa mid ballaaran oo wasaaradaha badan shaqaalohooda qaar kamid ahi ay ku shaqaynayeen, islamarkaana dhammaantood uu saameeyay. Dhanka kale wuxuu tilmaamay in bareyaasha hannaankaas ku shaqaynayay ay ahaayeen in ka badan 1660 macallin oo ku kala sugan magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka, kuwaas oo ku dhawaad sanad ka hor lagu wargeliyay in mashruuca ay ku shaqaynayaani uu bilo ka dib dhammaanayo, islamarkaana ay u furantahay inay ka qeyb-galaan imtixaanka Seddexda kunoo macallin ay wasaaraddu ku qaadanayso, balse ay diideen. Si kastaba ha ahaatee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegtay in xalka kaliya ee ay Macallimiintaas u hayaani ay tahay inay shaqada dib u soo codsadaan oo ay imtixaan galaan, ayadoo intaa ku dartay qaar kamid ahi ay imtixaankii dhowaan la qaaday ay u fariisteen oo hadda ay shaqeeyaan. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay gantaallo casri ah oo nuuca difaaca cirka ah iyo ciidamo Mareykana ah u direyso Israa’iil, si ay u xoojiso nidaamka difaaca cirka Israa’il. Afhayeen u hadlay Aqalka Pentagon-ka ee looga arrimiyo Waaxda Difaaca Mareykanka, Major General Patrick Ryder, ayaa ku tilmaamay daabulista hubkan in ay qeyb ka tahay taageero xooggan oo uu Mareykanka bilihi lasoo dhaafayay siinayay Israa’il, si looga difaaco Iran iyo kooxaha ay taageerto. Dhanka kale, ciidamada Isra’il ayaa sii xoojiyay weerarka ay ka wadaan maalmahaan waqooyiga Gaza, iyada oo taangiyadooda ay gunta u sii galayaan magaalada, gaar ahaan degmada Sheekh Ridwaan halkaas oo qoysas badan ay ka carareen guryahooda. Aroornimadi hore ee saaka oo Isniin ah, duqeyn cirka ah oo ay ciidanka Isra’il ku beegsadeen teendhooyin ay jiifeen dad barakac ah oo ku taalla gudaha Isbitaalka Al Aqsa ee bartamaha Gaza ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 3 qof, halka 40 kalana ku dhaawacmeen. PUNTLAND POST The post Mareykanka gantaallo casri ah iyo ciidamo u diraya difaaca Israa’iil appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir iyo dhamaan xubnaha maamulka ee degmadaas ayaa shaqada laga jooyey, kadib markii uu Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka gobolka Maxamed Yabooh uu kormeer ku tegay degmadaas. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Yabooh oo ay la socdaan masuuliyiin ka tirsan Gobalka Banaadir ayaa tagay degmooyinka Waliyow Cade oo kala ah, Hodan, Waabari, Howlwadaag iyo Xamar-Jajab. Qorshuhu wuxuu ahaa in shaqada laga joojiyo Guddoomiyaha degmada Hodan Cali Fahle iyo guddoomiyaha degmada Howlwadaag, waana hirgalay qorshahaas oo hadalheyn badan abuuray. Yabooh ayaa maamulka degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag iyo madaxda amniga ee degmooyinkaas u sheegay in shaqada laga joojiyay labada Guddoomiye iyo dhamaan xubnaha kale ee maamulka degmada muddo 45 cisho ah. Sidoo kale wuxuu amray in shaqadooda kor joogteyn lagu sameyn doono, cidii lagu arko wax qalad, habacsanaan shaqo iyo dhaga adeegna la ruqseyn doono, shaqaalaha degmada ayaa la faray in ay la shaqeeyaan xubno kusimayaal laga dhigay. Maamulada degmooyinka Waabari iyo Xamar-Jajab ayaa dhankooda la siiyay digniin kama dambeys ah, waxaana loo sheegay in 45 cisho oo kor joogtayn iyo la socosho shaqadooda ah ay jiri doonto, isla markaana la ruqseyn doono qofkii u hogaansami waaya amarrada maamulka ama lagu arko shaqo xumo iyo habacsanaan. Guddoomiye ku xigeenka gobolka Yabooh, ayaa dadkii uu la kulmay u sheegay in guddoomiyaasha degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ay mari doonaan canaan iyo tababar maamul, kadib markii uu sheegay in ay sameeyeen dayacaad iyo xil gudasho la’aan, sida uu hadalkiisa u dhigay. Hodan iyo Howlwadaag waa labad degmo ee ugu dhaqaalaha badan Muqdisho, sidoo kalena ugu hormarsan, waxaana la sheegayaa in arrimo dhaqaale la isku hayo ee maamulka gobolka uusan daacad ka aheyn shaqo joojinta maamulka degmooyinkaas. Si gaar ah degmada Hodan waxay muddooyinkaan noqotay tan ugu hormarsan caasimadda, wuxuuna guddoomiye Madaale maalmo ka hor meel fagaare ah ka sheegay in xubnaha kale ee maamulka gobolka Banaadir uu farayo in wax qabadka ay uga daysadaan guddoomiyaha degmada Hodan Cali Fahle. Hadda, hadal-heyn badan ayey abuurtay arrintaan, guddoomiyihii maalmo ka hor la yiri halagu daysado in lagu eedeeyo shaqadiina looga joojiyey xil gudasho la’aan iyo shaqo xumo, waxaana sii xoogeysanaya warar sheegaya in la isku hayo arrimo dhaqaale oo degmada kasoo xarooday. The post Xog: Qorshe yaab leh oo shaqada looga joojiyey maamulkii Hodan iyo Howlwadaag appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya deegaanka nimyaami ee koonfurta magaalada Xayfa oo ka tirsan dhulka ay maamusho Israa’iil ayaa sheegaya in ugu yaraan 3 qof ay ku dhinteen qarax culus oo halkaas ka dhacay sidoo kale dhaawacyada qaraxaas ka dhashay ayaa gaaraya 39 qof sida warbaahinta ay warinayso. Inkastoo warbaahinta gudaha Israa’iil aanay sheegin sababta rasmiga ah ee qaraxa keentay, haddana waxaa la rumaysanyahay inuu ka dhashay duqeymo gantaallada ah ee ururka Xisbullaahi uu aggaas ka wado. Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu meel adag maraya dagaalka maamulka Israa’iil iyo ururka Xisbullaahi, islamarkaana duqeymo gantaallada ah ee Xisbullaahi ay sida roobka ugu dhacayaan gudaha koonfurta iyo Bartmaha Israa’iil. Source: goobjoog.com
