-
Content Count
211,214 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ugu yaraan 49 qof ayaa ku dhintay kumanaan kalena way ku barakaceen dalka Nigeria ka dib markii roobab mahiigaan ah ay sababeen daadad ku dhuftay waqooyi bari ee dalkaasi, sida ay sheegtay Hay’adda Maareynta Gurmadka Qaran ee lagu magacaabo(NEMA) . Saddex gobol oo ku yaalla waqooyi-bari ee dalkaas, kuwaas oo kala ah Jigawa, Adamawa iyo Taraba ayaa waxaa si xun u saameeyay daadad, iyadoo 41,344 qof ay ku barakaceen, sida uu sheegay Manzo Ezekiel oo ah afhayeenka Hay’adda gurmadka ee NEMA. Daadadkan ayaa ah kuwii ugu khasaaraha badnaa tan iyo sanadkii 2022, xilligaas oo fatahaado Nigeria ka dhacay ay ku dhinteen in ka badan 600 oo qof,halka ay ku barekeceen dad lagu qayaasay 1.4 milyan oo ruux. Source: goobjoog.com
-
Gaza (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay Isniintii in amaradii ugu dambeeyey ee ay bixisay Israa’iil ee ku aaddanaa in laga guuro qaybo mida marinka Qaza inay sababeen inuu joogsado hawlihii gargaarka bini’aadanimo ee ka socday marinka Qaza. “Laga bilaabo saaka, kama shaqeyneyno marinka Gaza,” sidaasi waxaa saxaafadda u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay, isaga oo intaa ku daray in aysan ka bixi doonin dhulkan go’doonsan. Axadii ayaa ciidamada Israel waxay soo saareen amaro cusub oo lagu farayo dadweynaha inay ka guuraan qaybo ka mida Deir al-Balah oo ku taalla badhtamaha Qaza, halkaas oo Qaramada Midoobay ay u rartay qaybaha ugu muhiimsan hawlgalkeeda marinka Qaza, bishii May, ka dib markii ay Israa’iil amarka ku bixisay in laga guuro magaalada Rafax ee ku taalla Koonfurta Qaza. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, amarkan guurista ee ay Israa’iil soo saartay ayaa noqonaya kii 16aad ee ay soo saaraan bishan gudaheeda. Masuulkan oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay haysato saacado yar oo ay ku rarto shaqaaleheeda caalamiga ah iyo kuwa Falastiiniyiinta ah, iyo boqolaal qof oo kale oo ku tiirsan iyo weliba qalabka halkaas u yaalla isla markaana ay u raraan deegaanka Al-Mawasi oo ka mida deegaanada ay Israa’iil u calaamadisay inay yihiin marin ammaan ah. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Israa’iil ay amar ku bixisay in laga guuro illaa 86% oo ka mida dhulka Qaza, taasoo keenaysa in dad gaadhaya 2 million oo qof in la isugu geeyo dhul aad u yar. The post Howlgalladii QM ee Gaza oo istaagay kadib tallaabo ay qaaday Israel appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kaalmo lacageed gaarsiiyay qaar kamid ah dadkii dhawaan ku waxyeeloobay weerarkii bahalnimo ee ka fhacay xeebta Liido. Guddiga gurmadka qaran ee qaraxii Liido ayaa xarunta qaran ee howl-gallada gurmadka deg-degga ah ee hay’adda maareeynta musiibooyinka kula kulmay ehellada dadkii ku naf-waayay weerarkii argagaxiso ee billowgii bishaan ka dhacay xeebta Liido. Guddiga ayaa min $2000 oo doolar oo taakulo ah guddoonsiiyay ehellada 36 qof oo ku dhintay weerarkaas. Sidoo kale waxay ballan-qaadeen in aan intaas looga hari doonin oo si gaar ah dowladda Soomaaliya kaga war-qabi doonto dhammaan walaalaha wax-yeelladu gaartay. Guddiga ayaa sidaan oo kale, hore qoondo lacageed u guddoonsiiyay dadka dhaawacyadu ka soo gaareen weerarka fulaynimada ah ee argagaxiso. Guddoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay sii wada doonaan kaalmeynta dadkii waxyeeloobay qaraxaasi, isagoo ka digay wax uu ku sheegay “been abuurka baraha bulshada.” “Waxaa jira kuwo aan bahda warbaahinta ka tirsaneyn oo Facebook-yada wax ku qora ilaahayna aan ka baqeyn oo marka loo gurmanayo dadka Soomaaliyeed been u sheega gurmadka socdana aan ka qeybqaadan,” ayuu yiri guddoomiyaha SODMA. The post DF oo kaalmo lacageed siisay dadkii ku waxyeeloobay qaraxii LIIDO + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Muddo ku siman 3 bilood ayaa laga joogaa xilligii ay booliiska Soomaaliya billaabeen howlgal ballaaran oo ay kula dagaalamayaan dadka baraha bulshada ku soo gudbiya waxyaabaha dhaqan-xumada ah ee anshaxa suuban iyo hab-dhaqanka islaamka ka soo horjeeda. Laamaha nabad-gelyada gaar ahaan booliisku waxay xilligaas xabsiga u taxaabeen dhallinyaro badan oo lagu eedeeyay inay baraha bulshada ka wadeen falal anshax xumo iyo kala qeybin dadweyne isugu jira, waxayna dadaal dheer oo aad loo bogaadiyay u galeen sidii meesha looga saari lahaa dhaqan-xumada ku sii fidaysa bulshada dhexdeeda. Gulufkaas booliisku qaadeen oo taageerada buuxda ka haystay dadweynaha qeybihiisa kala duwan ayaa horseeday hoos dhac baaxad leh oo ku yimid falalkii anshax xumada ahaa re lagu faafin jirey baraha bulshada, waxaana haatan muuqanaysa in is badel weyni ku yimid waxyaabihii lagu baahin jirey meeragaha Internet-ka. Si kastaba ha ahaatee anshaxa xumadii ka socatay gudaha dalku aad ayay hoos ugu dhacday, balse dadka ku nool dibedda qaarkood ayaa weli ku foogan baahinta muuqaallo iyo hadallo anshax iyo xishoodba ka maran, kuwaas oo loo baahanyahay in howlgal kii hore ka ballaaran oo culumo iyo caamoba ay u mideysanyihiin. Dagaalka looga hortagayo anshax-xumada iyo waxyaabaha diinta lidka ku ah ayaa ah masuuliyad wadareed dadkoo dhan xil ka saaranyahay, islamarkaana dowladda keligeed aan lagu hallayn karin, waxaana lama-huraan in si wadajir ah loo wajaho. Source: goobjoog.com
-
Khasaare baaxad leh oo ka dhashay daadad ku dhuftay Suudaan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, fatahaad uu sameeyay biyo xireen weyn oo ku yaalla bariga Sudan ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 30 ruux oo ka mid ah dad ku nool ilaa 20 tuullo. Roobab mahiigan ahaa oo aaggaasi ka da’ay ayaa sababay in uu karkaarrada jabsado Biyo-xireenka Arbaat oo 40 km dhanka waqooyi uga beegan magaalada Port Sudan oo hadda si ku meel gaar ah ugu shaqeyaan madaxda dowladda. Sidoo kale halkaasi waxaa ku shaqeeya diblamaasiyiinta iyo hey’adaha gargaarka, isla markaana ay ku nool yihiin boqollaal kun oo ruux oo ay colaaduhu soo barakiciyeen. Madaxa waaxda biyaha ee gobolka ku yaalla Badda Cas, Cumar Cisa Harun ayaa sheegay in deegaannada ay fatahaaduhu ka dhaceen aanan la aqoonsan karin hadda. Wuxuu kaloo sheegay in korontada adeeggii biyaha ay meesha ka baxeen. Mid ka mid ah dadki ugu horreeyay ee goobta u gurmaday ayaa sheegay in la la’yahay dad gaaraya 150 ilaa 200 oo qof. Source: goobjoog.com -
Dowladda Puntland ayaa shaacisay in ay MA-GEFE u aqoonsatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii uu xannibay dhammaan Mashaariicdii laga fulin lahaa degaannada Puntland. Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi siiyay Radio Daljir ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u adeegsaday magaca MA-GEFE oo loo yaqaan shakhsiyaad qawleysato ah kuwaasi oo lacag madax-furasho ah ka qaata Tahriibayaasha. “Xasan Sheekh Maxamuud waa MA-GEFE waxa uu isbaaro u dhigtay dhammaan Mashaariicdii horumarinta ee laga fulin lahaa Puntland waxaana uu rabaa in haddii aan isagu maamulayn uu sidaasi ku xannibo marka wa qof MA-GEFE ah oo isbaaro dhigtay” ayuu yiri Maxamuud Caydiid Dirir. Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in uu jebiyay dastuurkii iyo sharcigii lagu doortay ee dalka islamarkaana baabi’in ku wado nidaamka dowladnimada Soomaaliya taasina tahay mid aan gebi ahaanba la aqbali karin. PUNTLAND POST The post Wasiirka Warfaafinta Puntland oo MA-GEFE ku tilmaamay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud appeared first on Puntland Post.
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa sheegtay in ay qaaday mowjado duqeymo ah oo ka dhacay koonfurta Lubnaan si ay uga hortagto gantaallo waaweyn iyo kuwa diyaaradaha aan duuliye lahayn oo ay soo qaadeen Xisbullah. Diyaaradaha ayaa burburiyay kumanaan gantaalada kooxda hubaysan ee Iran ay taageerto subaxnimadii Axada, sida uu sheegay militariga Israel. Ururka Xisbullah iyo xulafadooda Amal ayaa sheegay in saddex dagaalyahan laga dilay. Ururka Xisbullah ayaa sheegay in ay wali ku guulaysteen in ay ku dhuftaan 320 gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn Israa’iil si ay uga aargoostaan dilka taliye sare. Sida laga soo xigtay militariga Israel, hal askari oo ka tirsan ciidamada badda ee Israel ayaa la dilay. Mareykanka ayaa sheegay inuu ka shaqeynayo sidii looga fogaan lahaa xaalad kale oo colaadeed ka dib 10 bilood oo colaado ah taasoo sare u qaaday cabsida laga qabo dagaal dhan walba ah. Waxaa jiray ku dhawaad maalin kasta rasaas la is weydaarsanayay xadka Israa’iil iyo Lubnaan tan iyo maalin kadib markii uu bilowday dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee Gaza 7-dii Oktoobar. Ma jirin wax horumar ah oo laga gaaray wareegii ugu dambeeyay ee wadahadalada nabada Gaza ee uu Maraykanku taageerayo ee ka dhacay Qaahira. Kahor inta aysan bixin, Xamaas waxa ay sheegtay in ay iska diiday shuruudo cusub oo Israa’iil ah, waxa ayna Israa’iil ku eedeysay in ay ka laabatay balamo. Israa’iil ayaa diiday in ay wax ka beddesho dalabaadkeeda tan iyo wareegii ugu dambeeyay ee wadahadalladii horaantii Luulyo. Ururka Xisbullah ayaa sheegay in ay u dhaqmayaan sidii ay u taageeri lahaayeen kooxda Falastiin, oo sidoo kale ay taageerto Iran. Xamaas iyo Hezbollah labaduba waxa ay Israa’iil, UK iyo waddamo kale ka ku qeexeen inay yihiin ururro argagixiso. Tan iyo bishii Oktoobar, in ka badan 560 qof ayay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan in la dilay, kuwaas oo u badan dagaalyahannada Xisbullah, halka 26 rayid ah iyo 23 askari lagu dilay Israa’iil, sida ay masuuliyiintu sheegeen. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad 200,000 oo qof ay sidoo kale ku barakaceen labada dhinac ee xadka. Isha: BBC The post DAGAAL toos ah oo laga cabsi qabo inuu ka dhex qarxo Israel iyo… appeared first on Caasimada Online.
-
A landslide in the northern Gondar zone of Ethiopia's Amhara region has claimed the lives of 23 people and left eight others injured, local media reported Monday. Source: Hiiraan Online
-
Kyiv (Caasimada Online) – Ruushka ayaa Isniintii garaacay inta badan magaalooyinka Ukraine, isaga oo weerarkaasi cirka ahaa u adeegsaday tiro badan oo gantaallo ah iyo diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee bambooyinka tuura. Weerarkaasi oo uu madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ku tilmaamay mid “wuxushnimo ah” ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof, halka ay dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Ciidamada cirka ee Ukraine ayaa sheegay in wax ka badan 100 gantaal iyo tiro badan oo diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee Ruushka ay gantaallo ka soo rideen dhinacyada bari, waqooyiga, koofurta iyo gobollada dhexe. Waxay kaloo sheegeen in weerarka uu bilowday saqdii dhexe ee xalay isla markaana ay sii socdeen ilaa waaberigii. Waxaana weerarkaasi lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee uu Ruushka ku qaado Ukraine muddo todobaadyo ah. Ra’isulwasaaraha Ukrain Denys Shmyhal ayaa sheegay in ciidanka Ruushka ay illaa 15 gobol oo ka tirsan Ukraine ku garaaceen gantaallo isugu jira, kuwa diyaaradaha darooniska, gantaallada Kuruuska ee maraakiibta laga soo tuuro, kuwa guuxooda ka dheereeya iyo kuwa baalistiga. Meelaha la duqeeyay waxaa ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Kyiv. Duqa magaalada Vitali Klitschko ayaa sheegay in duqeymaha ay carqaladeeyen biyaha iyo korontada. The post Ruushka oo in ka badan 100 gantaal ku garaacay Ukraine iyo xaalka oo kasii daraya appeared first on Caasimada Online.
-
Ruushka ayaa duqeymo ku garaacay inta badan magaalooyinka Ukraine, isaga oo weerarkaasi cirka ahaa u adeegsaday tiro badan oo gantaallo ah iyo diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee bambooyinka tuura. Weerarkaasi oo uu madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ku tilmaamay mid ‘wuxushnimo ah’ ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof, halka ay dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Ciidamada cirka ee Ukraine ayaa sheegay in wax ka badan 100 gantaal iyo tiro badan oo diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee Ruushka ay gantaallo ka soo rideen dhinacyada bari, waqooyiga, koofurta iyo gobollada dhexe. Waxay kaloo sheegeen in weerarka uu bilowday saqdii dhexe ee xalay isla markaana ay sii socdeen ilaa waaberigii. Waxana weerarkaasi lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee uu Ruushka ku qaado Ukraine muddo todobaadyo ah. Ra’isulwasaaraha Ukrain Denys Shmyhal ayaa sheegay in ciidanka Ruushka ay ilaa 15 gobol oo ka tirsan Ukraine ku garaaceen gantaallo isugu jira, kuwa diyaaradaha darooniska, gantaallada Kuruuska ee maraakiibta laga soo tuuro, kuwa guuxooda ka dheereeya iyo kuwa baalistiga. Meelaha la duqeeyay waxaa ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Kyiv. Duqa magaalada Vitali Klitschko ayaa sheegay in duqeymaha ay carqaladeeyen biyaha iyo korontada. PUNTLAND POST The post Ruushka oo duqeymo ku garaacay inta badan magaalooyinka Ukraine appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maraykanka ayaa ka digaya masiibo deegaan oo ka dhalan karta badda cas ka dib weerar ay fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay ku qaadeen markab shidaal usbuucii hore. Safiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ayaa goor dambe oo Axadii ahayd, u soo jeedisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in uu ” cambaareeyo” weerarka Xuutiyiintu ay ku qaadeen MT Delta Sounion. “Ficilada naxariis darada ah ee Xuutiyiintu waxay halis ku yihiin inay abuuraan masiibo deegaan oo cawaaqib xun ku leh gobolka,” ayay Linda Thomas-Greenfield ku soo qortay barteeda X. Waxay sheegtay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu dalbado in si degdeg ah loogu hoggaansamo qaraarkii bishii Janaayo ee Xuutiyiinta ugu baaqaya inay si degdeg ah u joojiyaan weerarrada ay ku hayaan maraakiibta maraya Badda Cas. Xuutiyiinta oo ay taageerto Iran ayaa sheegay Khamiistii inay beegsadeen markab watay calanka Giriiga, taasoo qayb ka ahayd ololahooda ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga ee maraya badda cas, iyaga oo taageero u muujinaya Falastiiniyiinta xilli uu socdo dagaalka Israel iyo Xamaas ee Gaza. Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa ka daadgureeyay shaqaalihii markabkaas saarnaa, ka dib markii la weeraray, taasoo keentay in markabka uu dab qabsado. Howlgalka ciidamada badda cas ee Midowga Yurub ee Aspides ayaa sheegay in markabka uu siday 150,000 metric ton oo saliid ceyriin ah. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Matthew Miller ayaa Sabtidii sheegay in Xuutiyiintu “ay caddeeyeen inay diyaar u yihiin inay burburiyaan hannaanka kalluumaysiga iyo bii’adda ama deegaanka ee gobolka, taas oo bulshada Yemen iyo bulshooyinka kale ee gobolkuba ay ku tiirsan yihiin” Ololaha Xuutiyiinta ayaa hakad galiyay maraakiibtii ganacsi ee isaga kala gooshaysay badda cas iyo gacanka cadmeed,taasi oo keentay in shirkado badan oo maraakiib ah ay marakiibta u rogaan wadooyin dhaadheer oo qaali ah. Qaar ka mid ah macluumaadka sheekadan waxaa laga soo xigtay Associated Press iyo Reuters + Voa The post Halis horleh oo ka taagan badda cas kadib weerar cusub oo ay fuliyeen Xuutiyiinta appeared first on Caasimada Online.
-
Marka (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa bilowday qorshe culus oo dhaqaale ay uga sameyneyso dadka reer Miyiga ah ee dhaqda Geela, kuwaas oo dhibaato badan ay ku heyso kooxdu, sida ay ogaatay Caasimada Online. Al-Shabaab waxay deegaanada ay joogaan ka sameysteen xeryo waaweyn oo Geela baadida ah ama aan cidi ilaashaneyn ay ku xareystaan, kadibna waxay dadkii lahaa ka qaadaan lacago baad ah. Dadka Geela dhaqda ee ku nool dhulka fog-fog ee miyiga ah ayaa ka cabanaya dhibaatada Khawaarijta, kuwaas oo farriin u soo diray dowladda, iyagoo codsanaya in laga soo gaaro oo laga kiciyo cadowga. Sidoo kale, ragga Geela dhaqda ee ku nool deegaanada ay Shabaab joogaan ayaa cadeeyey inay diyaar u yihiin inay hubka qaataan oo Shabaab iska dhiciyaan, hadii ay helaan garabka dowladda. Sida xogtaan ay ku heshay Caasimada Online, Kooxda ayaa bilowday inay xareystaan Geela baadida ah, kadib markii uu yimaado qofkii lahaa oo raadinaya waxay u jarayaan Boono 150 doolar ah, hadii Geeliisa uu ka soo helo xerada wuxuu bixinayaa 3 u dhig hal dhig ama mararka qaar kala bar. Waxay qorshahaan u sameeyeen nidaam ay dhaqaale badan uga samey karaan xoolaha ay duurka ka qabsadaan ee ka soo lumay dadkii lahaa, mararka qaarna waxay xubnaha noo waramay sheegeen inay ka xeystaan si ay xerada u geystaan Geela hadii uusan markaas qof la joogin, xitaa isagoo aan baadi aheyn oo daaqaya aagii loogu tala galay. 3 ka mid ah xeryaha Geelaas lagu xareeyo ee dadka lagu baado waxay ku yaalaan Sh/Hoose, gaar ahaan deegaanada Buulo-Fulaay, Leego iyo Farsooley, xubnaha xogtaan na siiyey ee xoola dhaqatada ah waxay noo cadeeyeen inay si adag uga gadoodeen qorshaha kooxda, balse weli aysan helin cid ku garab siisa inay dagaalamaan. Sidoo kale waxaan ogaanay in qorshahaan ay dhaqaalaha uga abuurayan Geela daaqsinka ah uu ka dhaqan galay dhamaan deegaanada ay joogaan, taasi oo aad ay uga caroodeen dadka xoolo dhaqatada ah, kuwaas oo dalbanaya inay laga xoreeyo cadowgaan ku heysta xoolahoodii. The post Xog: Kacdoon ka dhashay qorshe ay Al-Shabaab dhaqaale uga sameynayaan Geela appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga Gurmadka Qaran ee Qaraxi Liido ayaa ehellada dadkii ku naf-waayay qaraxaas u qeybiyay deeq lacag ah oo ay aruuriyeen intii ay howlaha birmadka wadeen, waxayna qoysaska dadkii ku dhintay weeararka u qeybiyeen adduun lacageed oo min $2000 oo doolar ah. Tirada dadka lacagta loo qeybiyay ayaa ah 36 oo kamida dadkii eheladoodoodu ku dhinteen qarixii lagu hoobtay ee 2-dii bishan Agoosto ka dhacay xeebta Liido, waxayna guddigu sheegeen inay jiraan dad kale oo loo diiwaangeliyay xegta dhibaneyaashii geeriyooday, islamarkaana la hubinayo. Qaraxii xeebta Liido ayaa galaaftay nolosha ku dhawaad 40 qof oo dhallinyaro u badnaa, halka tiro intaas ka badanina ay ku dhaawacmeen, waxaana weli isbitaallada ku jira qaar kamida dadkii ay waxyeelladu ka soo gaartay musiibadaas. Source: goobjoog.com
-
Ku dhawaad 200 oo qof ayaa lagu dilay, halka 140 kalena lagu dhaawacay weerar ka dhacay magaalada Barsalogho ee dalka Burkina Faso, waana weerarkii ugu dambeeyay ee weerarro is daba joog ah oo ay aaggaas ka gaystay koox hubeysan oo xiriirka la leh Al-Qaacida, kuwaas oo lagu magacaabo Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM). Haween iyo carruur ayaa ka mid ahaa dadkii lagu dilay weerarka, waxayna magaalada Barsalogho ee dadka lagu laayay ay ku taal meel u dhow magaalada Kaya, oo ah goob istaraatiiji ah oo ku taal woqooyiga-bartamaha Burkina Faso oo ay deggan yihiin ciidamada dowladdu. Dhowr askari ayaa la la’yahay weerarka kadib, iyadoo weerarkan ku soo beegmay xilli kooxda JNIM ay sii waday hor-u-socod dagaal oo ay ka qabsanayso dhul badan oo ka tirsan gobolkan ay dhibaatada colaadee ka taagan tahay ee Galbeedka Afrika. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen xubno ay ku tilmaameen inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo hub Soomaaliya ku cusub oo la sheegay inay wadeen. Xubnaha ayaa gaaraya 7 xubnood oo ciidamada ammaanku sheegeen inay gacanta ku hayaan dayaaradaha bilaa duuliyaha ah, gaar ahaan nooca is qarxiya ee loo yaqaanno Kamikaze. “Dadkan laga shakisan yahay ayaa la soo qabtay, kadib markii la helay xog ciidan oo ah inay hub sidaan” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan madaxda ciidamada amaanka ee Puntland oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo. Dayaaradahaas bilaa duuliyaha ah oo Yemen aad looga isticmaalo ayaa la aaminsan yahay in Puntland ay ka soo galeen dhanka magaalada Boosaaso, waxaana xilliga la qabanayey loo sii waday magaalada Gaalkacyo. Sarkaalkaas ka tirsan madaxda ciidanka Puntland wuxuu intaas ku daray in dayaaradaha iyo dhowr qof oo siday lagu qabtay inta u dhaxaysa Garowe iyo Gaalkacyo. “Markii aan dabagal ku samaynay kadib waxaan gacanta ku soo dhignay tiro kale oo ah dad looga shakisan yahay inay fal dambiyeedka ku lug lahaayeen,” ayuu yiri sarkaalka. Dayaaradaha bilaa duuliyaha ah oo tiradooda lagu sheegay 5 dayaaradood waxaa hadda gacanta ku haya ciidanka amniga ee Puntland, waxayna sheegeen in sidoo kale ay gacanta ku hayaan 7-da qof ee la tuhunsan yahay, kuwaas oo baaritaan lagu wado. Sarkaalka ka tirsan madaxda ciidanka Puntland faahfaahin kama uusan bixin baaritaanka – Haddaba maxaan ka naqaan daroonka is qarxiya ee loo yaqaanno Kamikaze. Diyaaradaha noocaan ah waa kuwo ku cusub goobaha dagaallada, waxaana hadda aad u isticmaala Ruushka iyo Ukraine iyo Xuutiyiinta Yemen, inkastoo ay jiraan dalal iyo kooxo haysta, waxaana dalalka haysta ama samaysta ka mid ah Israa’iil, Maraykanka, Kuuriyada koofureed, Turkiga, shiinaha iyo Iiraan. Waa diyaarado xajmi ahaan yar, xawaarahoodu gaabiyo, joogga ay ku duulaanna uu yahay mid aan la arki karin, masaafo ahaanna duuli kara maylal badan, waxayna sidaan qaraxyo. Waxay awood u leeyihiin inay ka dhuuntaan Radarka. Waxay dul heehaabaan bartilmaameedka, marka la cayimo bartilmaameedkana way ku dhacaan, ayadoo qaraxyadana ay burburiyaan bartilmaameedka. Waxaa kale oo loo yaqaan “Daroonta is burburisa”. Waxaa inta badan loo isticmaalaa in ay ka talaabaan safka hore ee dagaalka oo ay cadawga gadaal ka maraan, ayna halkaa ka faltamaan, sidoo kale waxaa loo adeegsadaa in lagu weeraro gaadiidka iyo barta taliska ciidanka. The post Diyaaradaha is-qarxiya oo lagu qabtay Gaalkacyo iyo Al-Shabaab oo diyaariyey qorshe halis ah appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne Xasan oo xil cusub u magacaabay Jeneraal Gaafoow
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Sarreeye Gaas Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud in uu noqdo La-taliyaha arrimaha ciidamada qalabka sida ee madaxweynaha. Sarreeye Gaas Gaafoow ayaa khibrad durugsan u leh sugidda amniga gudaha iyo difaaca Qaranka, isagoo horey u soo noqday taliyaha hay’adaha nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka. Ninkan ayaa waxa kale oo horey u noqday agaasimaha socdaalka iyo jinsiyadaha. Sidoo kale mas’uuliyado kale ayuu dalka ugu soo shaqeeyay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray la-taliyaha arrimaha ciidamada qalabka sida in uu doorkiisa ka qaato qorsheyaasha qaran ee dib u dhiska ciidamada, si loo dhammaystiro guulaha xoreynta iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu madaxweynaha u rajeeyey in Eebbe uu ku guuleeyo shaqada culus ee loo magacaabay. Magacaabistan ayaa imaneysa xilli uu madaxweynaha dardar-gelinayo howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyada oo dhawaan uu bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka. Si kastaba, waxaa heer geba-gebo ah maraya wejiga hore ee dagaalka, oo hadda dhameystirkiisa dhiig cusub lagu shubayo, si loo guda-galo wejiga xiga oo xoog badnaan doona kan hore. The post Madaxweyne Xasan oo xil cusub u magacaabay Jeneraal Gaafoow appeared first on Caasimada Online. -
Ciidamada Amniga dowladda Puntland ayaa laga soo xigtay in ay gacanta ku dhigeen 5 diyaaradood oo nooca Drones-ka loo yaqaan ah islamarkaana loo adeegsado in ay xambaaraan xaddi qaraxyada aad u culus ah. Laanta Af-Soomaliga BBC-da ayaa ka soo xigatay sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland in ay gacanta ku dhigeen 5 diyaaradood oo nooca is wada ee lagu magacaabo Kamikaze kuwaasi oo loo adeegsado fulinta qaraxyada. Dayaaradahaas bilaa duuliyaha ah oo Yemen aad looga isticmaalo ayaa la aaminsan yahay in Puntland ay ka soo galeen dhanka magaalada Boosaaso waxaana xilliga la qabanayey loo sii waday dhinaca koonfurta Soomaaliya. Sarkaalkaasi ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale laga soo xigtay in ay gacanta ku hayaan shakhsiyaad lagu tuhun san yahay in ay ku lug leeyihiin soo rarista drones-ka qaraxyada xambaara ee la qabtay islamarkaana lagu hayo baaritaan. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay diyaarado loo adeegsado fulinta qaraxyada culus appeared first on Puntland Post.