-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Gaza (Caasimada Online) – Falastiiniyiinta hadba dhinac ugu barakacayo Marinka Gaza ayaa isugu tagay dhinaca xeebta, xilli ay ciidamada Isra’ul sii wadaan dagaalka iyo duqeymaha Gaza gaar ahaan qeybaha koofurta iyo bartamaha oo ay Talaadadi shalay kula dagaallameen dagaalyahannada Xamaas. Israel ayaa Talaadadi sheegtay in ay ciidankeedu ay soo badbaadiyeen mid ka mid ah laheystayaasha, kaas oo ay Xamaas koofurta Isra’il kasoo afduubtay 7-badi bishi October. Qaid Farhan Alkadi, ayay Isra’il sheegtay in lagu soo badbaadiyay howlgal ka dhacay koofurta Gaza. Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa iyaguna sheegay in ugu yaraan 22 ruux oo Falastiiniyiin ah lagu dilay weeraro ay millatariga Isra’il ka geysteen qeybo badan oo ka mid ah Gaza. Magaalada Qahirana waxaa wali kasii socda wadahadallada ay gar-wadeenka ka yihiin dhex-dhexaadiyaasha ka socda Mareykanka, Masar iyo Qatar, kuwaas oo afarti bil ee lasoo dhaafay riixayay xabbad-joojin ka dhaqan gasha Gaza iyo sii deynta la heystayaasha Isra’iiliyiinta ee Gaza. Dhanka kale, ilo wareedyo xagga amniga ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in ciidamada Isra’il ay xalay duqeyn cirka ah ku bartilmaameedsadeen waqooyiga dalka Lubnan. Wararka ayaa sheegaya in duqeynta lala beegsaday baabuur mararay meel u dhaw deegaanka Chaat ee xadka Lubnaan ay la wadaagto Suuriya. Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi. The post Wararkii ugu dambeeyay xaaladda kasii dareysa ee GAZA appeared first on Caasimada Online.
-
Falastiiniyiinta hadba dhinac ugu barakacayo Marinka Gaza ayaa isugu tagay dhinaca xeebta, xilli ay ciidamada Isra’ul sii wadaan dagaalka iyo duqeymaha Gaza gaar ahaan qeybaha koofurta iyo bartamaha oo ay Talaadadi shalay kula dagaallameen dagaalyahannada Xamaas. Israel ayaa sheegtay in ay ciidankeedu ay soo badbaadiyeen mid ka mid ah laheystayaasha, kaas oo ay Xamaas koofurta Isra’il kasoo afduubtay 7-badi bishi October. Qaid Farhan Alkadi, ayay Isra’il sheegtay in lagu soo badbaadiyay howlgal ka dhacay koofurta Gaza. Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa iyaguna sheegay in ugu yaraan 22 ruux oo Falastiiniyiin ah lagu dilay weeraro ay millatariga Isra’il ka geysteen qeybo badan oo ka mid ah Gaza. Magaalada Qahirana waxaa wali kasii socda wadahadallada ay gar-wadeenka ka yihiin dhex-dhexaadiyaasha ka socda Mareykanka, Masar iyo Qatar, kuwaas oo afarti bil ee lasoo dhaafay riixayay xabbad-joojin ka dhaqan gasha Gaza iyo sii deynta la heystayaasha Isra’iiliyiinta ee Gaza. Dhanka kale, ilo wareedyo xagga amniga ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in ciidamada Isra’il ay xalay duqeyn cirka ah ku bartilmaameedsadeen waqooyiga dalka Lubnan. Wararka ayaa sheegaya in duqeynta lala beegsaday baabuur mararay meel u dhaw deegaanka Chaat ee xadka Lubnaan ay la wadaagto Suuriya. Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee Marinka Gaza iyo Israa’iil oo sii wada duqeymaha appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho, Soomaaliya – 28-ka Agoosto 2024 – Bandhig sawireed xiiso leh oo lagu magacaabo “Dhaliy Baydhaby” oo lagu iftiiminayo waayaha carruurta Soomaaliyeed ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey Matxafka Qaranka Soomaaliya. Munaasabaddan, oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Somali Arts Foundation (SAF) iyo UNICEF, ayaa waxay dadka kasoo qeybgalay loogu soo bandhigay sawiro ka tarjumaya nolol-maalmeedka carruurta ku nool xeryaha barakacayaasha ee magaalada Baydhabo. Bandhiggan xiisaha badan, oo lagu soo bandhigay sawirro uu qaaday Saciid ‘Fadhaye’ Axmed Muuse, ayaa ka koobnaa sawirro xambaarsan dareen xooggan oo ka sheekeynaya nolol-maalmeedka 40 carruur ah oo ku dhex nool bulshooyinka ugu nugul ee Soomaaliya. Sawir kastaa wuxuu muujinayaa adkeysiga, rajada, iyo caqabadaha maalinlaha ah ee carruurtan ay wajahayaan. Bandhiggan ayaa ahaa gunaanadka mashruuc ballaaran oo ay SAF, oo ay taageerayso UNICEF, ku doonayso inay kor ugu qaaddo codadka carruurta laga tirada badan yahay. Iyada oo loo marayo taxane aqoon-isweydaarsi farshaxan iyo sawir-qaadis ah, carruurtani waxay fursad u heleen inay si hal-abuur leh u muujiyaan waaya-aragnimadooda, taasoo ku soo gabagabowday sawirrada dareenka banii’aadanimo xambaarsan ee lagu soo bandhigay munaasabadda. “Sawirradani waxay muujinayaan codadka carruurta muddada dheer la aamusiyey,” ayay tiri Wafaa Saeed, Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya. “Waa inaan dhageysannaa codadkan, fahannaa sheekooyinkooda, oo tallaabo ka qaadnaa si aan u ilaalinno xuquuqdooda.” Xafladda ma ahayn oo kaliya bandhig faneed ee waxay sidoo kale ahayd safar soo koobaya waayaha nololeed ee ubadka Soomaaliyeed. Waxyaabihii ugu muhiimsanaa waxa ka mid ahaa sawir-gacmeed ay carruurtu sawireen, muuqaal muujinaya waayo-aragnimadooda iyo rajada mustaqbalka ee ay hiigsanayaan. “Farshaxanku wuxuu awood u leeyahay inuu wax bogsiiyo, inuu sheego sheekooyin aan ereyadu karin,” ayuu yidhi Fadhaaye Axmed Muuse. “Carruurtan waxay la soo noolaadeen dhibaatooyin aan la qiyaasi karin, haddana waxay heleen hab ay ku muujiyaan rajadooda iyo riyooyinkooda iyagoo adeegsanaya farshaxan. Sheekadooda waxay mudan tahay in dunidu aragto oo maqasho.” Bandhiggu sidoo kale wuxuu soo bandhigay sheekooyin qiiro leh oo laga soo ururiyey carruurta iyo bulshooyinkooda, kuwaas oo sawirrada macno iyo xamaasad ku kordhinaya. Sheekooyinkan waxay muujinayaan baahida degdega ah ee loo qabo in la kordhiyo taageerada iyo ilaalinta carruurta ku nool Soomaaliya, gaar ahaan kuwa laga tiro badan yahay. Guusha “Dhaliy Baydhaby” waxaa iska kaashaday hay’ado dhowr ah. Ururka Save Somali Maginalized and Minorities Organisation (SASMO) ayaa door muhiim ah ka ciyaartay fududaynta ka qaybgalka carruurta, iyada oo hubinaysa in aan codkooda la maqlin oo keliya balse loo dabbaaldego. “Bandhiggan wuxuu cadeynayaa waxa la gaari karo marka aan wada shaqeyno si aan u awoodsiinno kuwa ugu nugul bulshadeena,” ayay tiri XXX, wakiil ka socda SASMO. “Carruurtani waxay noo muujiyeen adkaysigooda iyo awooddooda, waana mas’uuliyaddeena inaan ku taageerno qaab kasta oo suurtagal ah.” Intaa waxa sii dheer, Sagal Cali, oo ah Agaasimaha Fulinta ee Mu’asasada Fanka Soomaaliyeed, ayaa iyaduna ka warbixisay aragtideeda ku aaddan muhiimadda bandhigga: “Waxaan aaminsanahay awoodda uu farshaxanka u leeyahay in uu isbedel keeno, bandhiggani wuxuu caddeeyey sida hal-abuurku u noqon karo qalab awood leh oo loogu ololeeyo xuquuqda carruurta. Markaan siino carruurtan fursad ay ku muujiyaan xirfadahooda, waxaan sidoo kale muujineynaa baahida degdega ah ee loo qabo in sheekooyinkooda la maqlo oo bulsho weynta wax ka qabato.” Markii bandhiggu soo dhammaaday, farriintu waxay ahayd mid cad, sheekooyinka carruurtan waa inay keenaan ficil. SAF iyo UNICEF waxa ay sahminayaan fursadaha ay “Dhaliy Baydhaby” ku geyn karaan gobollada kale, iyaga oo rajaynaya in ay dhaliyaan wada-hadal caalami ah oo ku saabsan xuquuqda iyo baahiyaha carruurta Soomaaliyeed. “Sawirada halkan lagu soo bandhigay maaha farshaxan oo keliya – waa baaqyo waxqabad,” ayay tiri Caasho Cabdullaahi Axmed. “Waa in aan hubinno in ilmo kasta oo ku nool Soomaaliya, iyo adduunka oo dhan, uu helo fursad uu ugu noolaado nolol sharaf iyo rajo leh.” Bandhiga “Dhaliy Baydhaby” waxa uu saameyn ku yeeshay dhammaan dadkii ka soo qeyb galay, taasoo xasuusin xooggan u noqotay adkeysiga ubadka Soomaaliyeed. Iyada oo la adeegsanayo kaamarada, da’yartan ayaa la siiyay madal ay sheekadooda kula wadaagaan adduunka – taas oo caddaynaysa awoodda isbeddelka ee farshaxanka. ***DHAMAAD*** The post Bandhig Sawireed Iftiiminaya Waayaha Nolosha ee Caruurta Soomaaliyeed oo lagu qabtay Matxafka Qaranka appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu, Somalia – 28th August 2024 – A groundbreaking photography exhibition, “Dhaliy Baydhaby: Through Their Eyes – Lived Experiences of Somali Children,” concluded today at the National Museum of Somalia. The exhibition hosted at the Somali National Museum, was organized by Somali Arts Foundation (SAF) in collaboration with UNICEF, offered a rare and intimate glimpse into the lives of children from underserved IDP camps in Baidoa, Southwest State. This powerful exhibition, featuring the work of renowned Somali photographer Said Ahmed Musse‘ Fadhaye’, brought together striking images that tell the stories of 40 children living in some of Somalia’s most marginalized communities. Each photograph captured moments of resilience, hope, and the daily challenges these children face. The exhibition was the culmination of a larger initiative by SAF, supported by UNICEF, to amplify the voices of marginalized and minority children. Through a series of art and photography workshops, these children were given the opportunity to express their experiences creatively, culminating in the powerful imagery displayed at the event. “These images are more than just photographs; they are the voices of children who have been silent for far too long,” said Wafaa Saeed, UNICEF Somalia Representative. “We must listen to these voices, understand their stories, and take action to protect their rights.” The event displayed art as a tool to journey through some of the lived experiences of children in Somalia. Among the highlights was a mural painted by the Mogadishu based artists Abdinasir ‘4C’ Abdulkadir Mohamed, in collaboration with the children, which display a vibrant depiction of their shared experiences and hopes for the future. “Art has the power to heal, to tell stories that words cannot,” said Said Ahmed Musse ‘Fadhaye’. “These children have lived through unimaginable hardships, yet they have found a way to express their hopes and dreams through art. Their stories deserve to be seen and heard by the world.” The exhibition also featured deeply personal narratives collected from the children and their communities, adding context and depth to the images. These stories highlighted the urgent need for increased support and protection for children in Somalia, particularly those from minority and marginalized communities. The success of “Dhaliy Baydhaby” was made possible through the collaboration of several organizations. The Save Somali Marginalized and Minorities Organization (SASMO) played a crucial role in facilitating the participation of the children, ensuring that their voices were not only heard but celebrated. “This exhibition is a testament to what can be achieved when we work together to empower the most vulnerable among us,” said Muhdin Isack, the Executive Director of SASMO. “These children have shown us their strength and resilience, and it is our responsibility to support them in every way we can.” Adding to this, Sagal Ali, Executive Director of the Somali Arts Foundation, shared her perspective on the significance of the exhibition: “We believe in the transformative power of art, and this exhibition has demonstrated how creativity can serve as a powerful tool for advocacy. By collaborating closely with the children and giving them a platform, we highlight not only the urgent need for their stories to be heard and addressed by the wider community, but also the fundamental truth that every child deserves and needs a safe and healthy childhood” As the exhibition drew to a close, the message was clear, the stories of these children must inspire action. SAF and UNICEF are exploring opportunities to take “Dhaliy Baydhaby” to other regions, hoping to spark a wider conversation on the rights and needs of Somali children. “The images displayed here are not just art—they are calls to action,” said Aisho Abdullahi Ahmed. “We must ensure that every child in Somalia, and around the world, has the opportunity to live a life of dignity and hope.” The “Dhaliy Baydhaby” exhibition has left a lasting impact on all who attended, serving as a powerful reminder of the resilience of Somali children. Through the lens of a camera, these young voices have been given a platform to share their stories with the world. ***END*** The post Photography Exhibition Highlights Lived Experiences of Somali Children from under-served communities: A Journey Through Their Eyes appeared first on Caasimada Online.
-
Dagaalkii galabta ka dhacay deegaamada Ceerigaabo oo u jirta magaalada masaafo lagu qiyaasay 80 ilaa 90 km waxaa ku dhnitay inta laxaqiijiyay 5 nin oo Muuse Ismaaciila gaar ahaa beesha Maxamuud Xaamud, islamarkaana ah odayaashii iyo acyaantii beesha, islamarkaana u tegey Goof shir ay beeshooda u qabanayeen dhacdadanina ku qabsatay deegaanka, oo magac yadoodu kala yihiin: 1. Haybe Jaama Tuke 2. Caydiid Faarax Xaaji 3. Xasan Dafac 4. Shire Cabdi dheere 5. Geele Cige Dawan Dhinaca Naaleeye Axmed waxaa la sheegay dhimashada 4 nin oo uu ku jiro wiil kii xalay magaalada police ku ku dilay. Waxaase laxaqiijiyay total ka 3 Nin dhimashadood oo weli inay 4 tahay layskuma raacin. Naaleeye Axmed waxay kasii kala yihiin inta laxa qiiniyay: Bahina Faarax Bahina Caraale Bihina Samatar Ninka aan laxaqiijin ee 4aad oo la sheegay inuu Awrboogays ku dhaawac dhintay waa Bihina Caraale. Dhaawacyada dhinacyadu aad buu u farabadan yahay. Alla hawnaxariisto intii dhimatay, inta dhaawaca ah Alla haw booga dhayo, Alla na nabad ha dhex dhigo. Waxaa iyana aad u xoogan fursada nabad lagu dhalin karo oo ay dhinacyo badani dedaal ku bixinayaan. Qaran News
-
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Suudaan ayaa ku guulaysatay inay soo daadgurayso 31 muwaadin Soomaaliyeed oo laga soo daayey Port Sudan. Dadkaan ayaa muddo shan bilood ah ku jiray gacanta shabakad tahriib ah oo ku sugan Suudaan. Waxaa lagu soo furtay howlgal gaar ah oo ay fuliyeen Ciidanka Ilaalada Xeebaha Suudaan. Axmed Cabdi Xasan, Ku-Xigeenka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Suudaan, ayaa sheegay in dadka la sii daayey ay ku jireen todoba gabdhood. Wuxuu u mahadceliyey Golaha KMG ee Suudaan iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) doorkooda wada shaqayneed, isagoo ugu baaqay in dadaal lagu bixiyo burburinta shabakadaha tahriibka iyo ka hortagga khataraha la xiriira socdaalka sharci-darrada ah iyo kan halista ah. Source: goobjoog.com
-
Xarardheere (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa bedelay guddoomiyihii degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf Kulmiye, balse khilaaf culus ayaa ka dhashay xil ka qaadistaa, kadib markii uu ka horyimid guddoomiyihii xilka laga qaaday. Guddoomiye Maxamed Yuusuf oo la hadlay Idaacadda Kulmiye wuxuuna sheegay in qorshaha Axmed Qoor Qoor uusan ka soca doonin degmada Xarardheere, isla markaana ay la dagaalami doonaan ciidamada uu soo diray. Khilaafka xilka looga qaaday guddoomiyahaan ayaa ka dhashay hadal uu maalmo ka hor sheegay, xili uu magaaladaas ku soo dhaweynayey musharax Madaxweynaha Galmudug Liibaan Shuluq oo Xarardheere tegay. Guddoomiye Maxamed Yuusuf ayaa maalinkaas sheegay in Galmudug ay ku jirto muddo kororsi, isla markaana loo baahan yahay in deg deg doorasho loo aado, basle maalintii xigtay ayuu raali gelin ka bixiyey hadalkiisii, isagoo sheegay in Galmudug uu ka taliyo Axmed Qoor Qoor, hadalkaasna uu ku qaldanaa. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Qoor Qoor ayaa soo magacaabay guddoomiye cusub, wuxuuna soo siiyey afar Cabdibile iyo ciidan uu ku qabsado Xarardheere, balse beesha Sacad ayaa Wisil ku celisay ciidankii Qoor Qoor soo diray, kuwaas oo u gudbi waayey Xarardheere. Ciidamada deegaanka beesha Sacad, saraakiisha hoggaamisa iyo odayaasha dhaqanka degmadaas ayaa ku soo baxay khilaafkaan, waxayna jidgooyo dhigteen degmada Wisil, halkaas ayaa lagu galay wadahadal aan laga gaarin wax natiijo ah, sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah. Sidoo kale gudaha degmada Xarardheere waxaa ka taagan khilaaf culus oo qarka u saaran gacan ka hadal, beelaha qaar ayaa isku hub aruursanaya, beesha Saruur oo guddoomiyaha degmada iska leh ayaa labo u kala jabtay. Sidoo kale beesha Saleebaan oo Axmed Qoor Qoor uu ka dhashay ayaa Xarardheere geysatay hub culus, waxaana mar kasta khatar loogu jiraa inay halkaas ka bilowdaan isku dhacyo sokeeye, iyadoo ay Al-Shabaab doonayaan inay dib u qabsadaan degmadaas. Hoos ka dhageyso wareysiga The post Guddoomiyihii Xarardheere oo diiday xilka qaadistii Qoor Qoor iyo khilaaf culus oo ka dhashay appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Masar ayaa laba diyaaradood oo la sheegay inay ciidan iyo saanad militari wadeen ka soo dejisay magaalada Muqdisho, waxayna tillaabadaani ku soo beegantay xilli dhowaan ay Soomaaliya iyo masar heshiis difaac kala saxiixdeen, sidoo kalena ay Qaahira isku diyaarinayso ka mid noqashada howlgalka cusub ee badeli doona ATMIS. Golaha ammaanka ee Midowga Afrika ayaa bishii hore oggolaaday codsigii Masar ee ahaa in ciidamadeeda la geeyo Soomaaliya, islamarkaana ay qeyb ka noqdaan howlgalka cusub ee dhammaadka sanadkan dalka ka billaaban doona Imaatinka diyaaradahan ay leeyihiin ciidamada Masar ayaa sidoo kale ku soo aadaya iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa, Qaahira ayaa iyaduna Addis waxaa kala dhexaysa xurguf xooggan oo ka dhalatay biyo xidheenka abay ee lagu muransan yahay. Source: goobjoog.com
-
Muqdiaho (Caasimada Online) – Wasiirka Macdanta iyo Batroolka ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka warbixiyey halka uu marayo qorshaha sahminta iyo soo saaridda shidaalka Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in gudaha bisha dhalaneysa ee September uu dalka soo gelayo Markabkii Turkiga ee sahminta ku bilaabi lahaa shidaalka Soomaaliya, kaas oo sahmin kadib bilaabi doona qodista shidaalka Soomaaliya. Wasiirka Cabdirisaaq oo ka qeybgalay kulankii bandhigga waxqabadka xukuumadda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey fursadaha Soomaalida ugu jira heshiiskii ay la gashay Turkiga, hadii uu dhaqan-galo. “Dadka ugu horeeya ee heshiiskaas ka faa’iideysanaya waa dhalinyarada Soomaaliyeed oo shaqo abuur ka heli doona shidaalka dalka laga qodayo. Lacagaha ka soo xaroonaya waxay noqo doonaan kuwo lagu dhiso kaabayaasha dhaqaalaha dalka, dalalka ugu horeeya dhaqaalaha dunida ayaan ka mid noqo doonaa,” ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq Cumar. Heshiiskaan rajada ku abuuray dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaa Ankara lagu kala saxiixday 18-kii July 2024, waxaana lagu wadaa inuu dhaqan galo inta lagu guda jiro bilaha ugu dambeeya sanadkaan 2024-ka. “Dhamaadka bishaan September waxaa dalka imaanaya Markabkii sahminta shidaalka ka bilaabi lahaa badda Soomaaliya, labo ilaa saddex bilood ayey Markabkaas ku qaadaneysaa baarista Shidaalka, kadibna waxaan rajeyneynaa in bilowga sanadka 2025-ka uu dalka ka bilowdo qodista shidaalka,” ayuu yiri Wasiirka Batroolka Soomaaliya. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay markii ugu horeysay ku biireyso Hay’adda caalamiga ah ee Atoomikada ama Nukkeyrka Adduunka, taas oo horay dalalka caalamka ay ugu wada biireen, markii laba reebo afar dal oo Soomaaliya ay ku jirto. Wasiirka ayaa sheegay inay jiraan heshiisyo badan oo Soomaaliya ay la gashay Caalamka, sidoo kale wuxuu sheegay in dhowaan ay wasaaraddiisu horgeynto golaha wasiirrada sharciga Macdanta Soomaaliya, kaasi oo ka madax badnaan sharciga Batroolka oo hadda heshiisyo waaweyn oo kan Turkigu ku jiro lagu galay. Hoos ka daawo The post DF oo shaacisay goorta uu dalka imaanayo Markabka Turkiga ee shidaalka qodaya + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Booliiska Soomaliyeed gaar ahaan taliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa Gacanta kusoo dhigey eedeysanayaal kala duwan oo intooda badan loo haysto falal amniga lid ku ah iyo qalqal-gelin. Raggan oo dhallinyaro u badan ayaa la sheegay inay bulshada dhexdeeda ku hayeen falal lidi ku ah ammniga iyo sharafka muwaadiniinta Soomaaliyeed , waxayna laama nabad-gelyadu ballanqaadeen inay maxkamad qaadista galdacwadeedkooda awood u leh horgeyn doonaan. Si kastaba ha ahaatee muuqaallo saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada lagu hadal-hayay ayaa muujinayay dhallinyaro ku kacaya falal xadgudub ah oo isku socadka gaadiidka iyo dadka, islamarkaana qaarkood ay wadada dhexdeeda kuraas dhiganayaan, ayagoo bastoolado dadka ku cabsi gelinaya. Goobjoog.com Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa ku dhawaaqay in shaqsi lagu arkay astaamaha cudurka Furuqa Daanyeerka la karantiilay, kiiskaan ayaa lagu shaaciyey warbixin uu soo saaray Xafiiska Caafimaadka ee dowlad Deegaanka Soomaali Galbeed. Xanuunkaas oo loo yaqaano Monkeypox ayaa noqday xaalad caafimaad oo caalami ah, waxaana la karaantiilay qofkii lagu arkay dhulka dowlad deegaanka, kadib markii korkiisa ay ka soo baxeen nabro waaweyn. Xafiiska Caafimaadka Dowlad Deegaanka ayaa warbixintiisa ku sheegay inay wadaan baaritaan dheeraad ah, si loo ogaado in dad kale oo ku sugan deegaanka ay qaadeen xanuunkaas. Ku-xigeenka xafiiska caafimaadka ee deegaanka, Maxamed Ayaanle, ayaa Idaacada BBC u sheegay in dheecaanno laga qaaday qofka lagu arkay xanuunka, waxaana loo diray machadka caafimaadka dadweynaha ee dowladda federaalka Itoobiya, si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo. Sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka xafiiska caafimaadka qofka lagu arkay calaamadaha xanuunkan nabraha badan ayaa laga helay degmada Qabri-bayax ee dhulka dowlad deegaanka. Qoraal ka soo baxay xafiiska caafimaadka ee dowlad deegaanka ayaa lagu yiri “Xirfadlayaasha caafimaadka ee la geeyay degmada Qabri-Bayax ayaa ku dhawaaqay in lix qof oo isku qoys ah ay soo sheegeen calaamadaha furuqa laba toddobaad ka hor”. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in shaqsiyaadka laba toddobaad ka hor lahaa calaamadaha ay “ka soo kabteen” cudurka. Si kastaba ha ahaatee, xafiisku wuxuu sheegay in calaamad noocan oo kale ah lagu arkay laba qof oo kala ah Aabe iyo Wiil, Waxa uu xusay in xaaladda labada qof ay soo hagaageyso. The post Qof qaba cudurka Furuqa Daanyeerka oo lagu arkay deegaanada Soomaalida appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna kusimaha Wasiirka, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga Mudane Faysal Maxamed Xaashi ayaa maanta shir muhiim ah Xarunta Wasaaradda Maaliyadda waxa ay kula qaateen Maamulayaasha iyo Agaasimeyaasha Isbitaalada Magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sida canshuurta gadista ay u saameysay adeegyada caafimad ee ay bixiyaan Isbitaalada magaalada iyo in Dowladda ay siiso tixgalin gaar ah xarumaha caafimadka si lamid ah wadamada ku bahoobay Bulshada Bariga Africa. Masuuliyiintii Wasaaradda Maaliyadda ee kulanka goobjooga ka ahaa ayaa dhankooda balan qaaday in ay howshan si cilmiyeysan u eegayaan, iyada oo la siinayo bahda caafimaadka tixgalinta ay mudanyihiin, kulankuna waxa uu ku soo dhamaaday is-afgarad. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Qaranka, Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta soo bandhigay fadeexad culus oo lagu helay shirkadaha Albayrak iyo Favori LLC oo maamula garoonka Aadan Cadde iyo dekedda wayn ee magaalada Muqdisho. Hantidhowraha ayaa maanta soo bandhigay natiijada shan baaris oo lagu sameeyay hay’adaha dowladda iyo sidoo kale labadaan shirkadood oo ah kuwa ajanabi ah. “Si waafaqsan Sharciyada Xafiiska Hantidhowrka Guud iyo kan Maareynta Maaliyadda Guud, Xafiiska Hantidhowrka Guud waxa uu la wadaagayaa dadweynaha natiijada 5 baaris oo uu sameeyay, kana soo saaray 8 warbixin” ayaa lagu yiri warbixinta. Hantidhowraha ayaa shaaca ka qaaday in Albayrak iyo Favori aysan soo gudbin warbixinta maaliyadda ee laga rabay, si loo ogaado saamiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya. “Sida uu xqiijiyay xafiiska xisaabiyaha guud ee dowladda labada shirkadood midoodna lama wadaagin warbixinadooda maaliyadood oo soo maray baaris hantidhowr oo madax bannaan si loo caddeeyo, loona ogaado dhab ahaan cadadka saamiga lacageed ee DFS ay yeelaneyso” ayaa lagu yiri warbixinta uu soo saaray Hantidhowraha guud ee qaranka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in labada shirkadood ay jabiyeen heshiisyadii ay kula jireen dowladda federaalka, maadaama ay diideen soo gudbinta warbixinta maaliyadda. Sidaas darteed maadaama shirkadaha Albayrak iyo Favori ay jabiyeen, kuna xadgudbeen heshiiska dheef wadaagga ah ee ay kula jiraan dowladda Soomaaliya, isla markaana aysan usoo gudbin xafiiska xisaabiyaha guud warbixin maaliyadeed soo martay baaris hantidhowr madax bannaan ugu dambeyn muddada ku cad qandaraasyada kadib dhammaadka sanad maaliyadeed walba, sidaas aawgeed xafiiska hantidhowrka guud uma suuragelin inuu xaqiijiyo in qidmadda dheef wadaagga ah oo dhan 34,261371 dollar ay tahay mid si dhab loo xisaabiyay, loona hantidhowray marka la fiiriyo cadadka dakhliga ay labada shirkadood qabteen iyo saamiga DFS, maadaama ay labadooduba si joogta ah u jabiyeen heshiiska” ayuu mar kale yiri Hantidhowraha oo faah-faahiyay warbixinta uu maanta soo saaray. Sidoo kale baarista uu sameeyay Hantidhowrka ayaa lagu ogaaday in la waayay malaayiin dollar oo aan lagu soo shubin qasanadda dhexe ee dowladda federaalka, sida uu shaaciyay Hantidhowraha. Waxaa kamid ah meelaha la tilmaamay saddex safaaradood, qunsiliyad guud iyo laba hay’adood, kuwaas oo uu Hantidhowrku sheegay inay isticlaameen lacagihii ay qabteen, kahor inta lagu shubin qasnadda dhexe ee dowladda. “Dakhli ay qabteen saddex safaaradood, qunsiliyad guud iyo laba hay’adood ayaa lagu isticmaalay isla goobtii lagu qabtay, kahor inta aan lagu shubin qasnadda dhexe ee dowladda, sidoo kalena aan lagu muujin warbixin maaliyadeedka uu soo gudbiyay xafiiska xisaabiyaha guud” ayuu yiri Hantidhowraha guud ee qaranka. Hantidhowraha ayaa sidoo kale soo bandhigay lacagaha ku maqan safaaradaha saddexda ah, wuxuuna sheegay inay qabteen ku dhowaad saddex milyan oo dollar,taas oo aysan ku shubin qasanadda dhexe, sidoo kalena aysan soo gudbin xiisaabkii xirkii laga rabay. “Safaaradaha iyo qunsuliyadda la baaray ayaa uruuriyay dakhli dhan 2,790,000 safaaradahan ayaan soo gudbin xisaab xirka sanadlaha ah” ayuu mar kale yiri. The post Fadeexad weyn oo kusoo baxday shirkadaha maamula garoonka iyo dekedda Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
On August 15, 1984, the Ogaden National Liberation Front (ONLF) was established, marking a significant moment in the history of the Ogaden people. At the time, I was a 20-year-old living in Mogadishu, a city already beset by turmoil. However, the situation in the Ogaden was even grimmer—a region devastated by endless conflict and despair. The people of Ogadenia longed for hope but were met only with suffering as war ravaged their homeland. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa Muqdisho ugu dabaal-degtay inay labo sano jirsatay. Waxyaabihii ay soo bandhigeen aad uguma qancin dadweynaha, loomana arag wax gaarsiisan faan iyo xaflad intaas le’eg, laakiin waxaa jirta hal arrin oo aan la inkiri karin, taas oo ka qabsoomtay wasaaradda waxbarashada ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya labadii sano ee lasoo dhaafay. Asbuucan waxaa imtixaan u fariistay 13,250 macalin, waxay u tartamayaan shaqo 3,000 macalin oo ay soo bandhigtay wasaaradda waxbarashada ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Imtixaankan ayaa lagu galay 45 goobood oo ay wasaaradda diyaarisay oo Muqdisho iyo gobollada dalka ku yaalla. Waa mashruucii labaad ee shaqaaleysiin macalimiin ah. Wasaaraddan waxaa maamula Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ka yimid bahda waxbarashada. Horey waxay wasaaraddan u shaqaaleysiisay 3,000 macalin oo hadda wax ka dhiga dugsiyada ay maamusho dowladda federaalka. Haatana 3 kun oo cusub ayaa la qaadanayaa oo imtixaan u fariisatay, kuwaas oo ay wasaaradda horey u sheegtay in mushaaradkooda la hayo. Shaqaaleysiinta 6,000 macalin muddo laba sano ah waxaa lagu tilmaami karaa shaqadii ugu weynayd oo ay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ka qabato arrimaha bulshada labadii sano ee lasoo dhaafay. Waxay kale oo tani muujineysa waxa u qabsoomi kara dalka haddii wasaarad walba loo dhiibo qof shaqadeeda iyo baahideeda yaqaan. The post Labo sano kadib: Muxuu yahay waxqabadka mudan in lagu bogaadiyo dowladda Xasan? appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa maanta xarunta madaxtooyadda Kenya ka daahfuray ololaha ay Kenya ku raadinayso jagada guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika oo uu u sharraxanyahay Raila Odinga. Munaasabadda , ayaa waxaa goobjoog u ahaa inta badan hoggaamiyayaasha bariga Afrika oo ay ka mid yihiin Samia Suluhu (Tanzania), Yoweri Museveni (Uganda), Salva Kiir (South Sudan), iyo Ra’iisul Wasaaraha Burundi, Gervais Ndirakobuca. Madaxweyne Ruto, ayaa munaasabadda ka sheegay inuu casuumay Madaxweyne Xasan Sheekh si uu uga soo qaybgalo daahfurka ololaha musharraxnimada jagada guddoomiyaha Midowga Afrika ee Raila Odinga, oo ay taageerreen hoggaamiyayaashii ka qeybgalay munaasabada, balse Madaxweyne Xasan oo casuumada aqbalay ayaa shalay Ruto u sheegay inuusan imaan karin , isagoo raalli gelin bixiyay, sida u sheegay William Ruto. Soomaaliya oo musharrixii ay u sharraxday jagadan ay isaga hartay tartanta, sababo la xiriira cadaadiska dhinaca hoggaanka Soomaaliya ayaa la aaminsan yahay inay taageerrayso musharraxa Jabuuti oo Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamuud Cali Yuusuf , uu u tartamayo jagada Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika , iyadoo musharraxnimada Jabuuti la sheegay inay ka dambeysay inay tartanka isaga harto Fowsiyo Yuusuf Xaaji. PUNTLAND POST The post Madaxweyne William Ruto oo daah-furay ololaha ay Kenya ku raadinayso xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hantidhworaha guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay warbixinta baarista ee 2023, taas oo lagu sameeyo hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya. Hantidhowraha ayaa soo bandhigay natiijada shan baaris oo uu kasoo saaray siddeed warbixin oo faah-faahsan, kuwaas oo lagu muujiyay khaladaadka maaliyadda ee jira. “Si waafaqsan Sharciyada Xafiiska Hantidhowrka Guud iyo kan Maareynta Maaliyadda Guud, Xafiiska Hantidhowrka Guud waxa uu la wadaagayaa dadweynaha natiijada 5 baaris oo uu sameeyay, kana soo saaray 8 warbixin” ayaa lagu yiri warbixinta. Baaristan ayaa lagu ogaaday malaayiin dollar oo la waayay isla markaana aan lagu soo shubin qasanadda dhexe ee dowladda federaalka, sida uu shaaciyay Hantidhowraha. Waxaa kamid ah meelaha la tilmaamay saddex safaaradood, qunsiliyad guud iyo laba hay’adood, kuwaas oo uu Hantidhowrku sheegay inay isticlaameen lacagihii ay qabteen, kahor inta lagu shubin qasnadda dhexe ee dowladda. “Dakhli ay qabteen saddex safaaradood, qunsiliyad guud iyo laba hay’adood ayaa lagu isticmaalay isla goobtii lagu qabtay, kahor inta aan lagu shubin qasnadda dhexe ee dowladda, sidoo kalena aan lagu muujin warbixin maaliyadeedka uu soo gudbiyay xafiiska xisaabiyaha guud” ayuu yiri Hantidhowraha guud ee qaranka. Axmed Ciise Guutaale ayaa sidoo kale soo bandhigay lacagaha ku maqan safaaradaha saddexda ah, wuxuuna sheegay inay qabteen ku dhowaad saddex milyan oo dollar,taas oo aysan ku shubin qasanadda dhexe, sidoo kalena aysan soo gudbin xiisaabkii xirkii laga rabay. “Safaaradaha iyo qunsuliyadda la baaray ayaa uruuriyay dakhli dhan 2,790,000 safaaradahan ayaan soo gudbin xisaab xirka sanadlaha ah” ayuu mar kale yiri. Hoos ka daawo:- The post Baaris: Ku dhawaad $3 milyan oo laga waayay qasnada DF – Yey ku maqan tahay? appeared first on Caasimada Online.
-
Xudur (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo maanta ka dhacay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya ee ku sugan halkaasi, waxayna xaaladdu tahay mid cakiran. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii xoogag Al-Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidanka Itoobiya, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah. Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana sidoo kale xigay madaafiic ay rideen ciidanka Itoobiya ee la weeraray. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labada dhinac, waxaana yar macluumaadka laga helayo dagaalka dhex-maray Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya. Al-Shabaab oo war kaso saartay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyay ayaa guul sheegatay, waxayna sheegtay in khasaare lixaadleh ay u gaysatay ciidanka Itoobiya. Dhankooda saraakiil u hadashay ciidanka la weeraray ee ku sugan magaalada Xudur ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka lagu qaaday, isla markaana haatan ay howlgallo amni xaqiijin ah ka waday aagga lagu dagaalamay. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana dib u laabtay maleeshiyaadkii kooxda Al-Shabaab ee weerarka ku qaadan saldhigga ciidanka Itoobiya ee ku yaalla degmada Xudur. Bakool ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana sidoo kale kus ugan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS. The post Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya oo dagaal culus uu ku dhex-maray XUDUR appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa dugsiga tababarrada ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee jenaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad tartan qur’aan loogu daahfurayay cutubyo halkaas carbis uga socda oo dhowaan kamid noqan doona Booliska Soomaaliyeed. Munaasabadda ayaa waxaa ka goobjoog ka ahaa wasiirro Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka tirsan, Taliyaha Ciidanka booliska, culumo awdiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida, waxaana masuuliyiintii meesha ka hadlay ay bogaadiyeen tartankan oo ah mid dhif ah markii la fiiriyo shaqooyin adag iyo hab-dhaqanka ciidamada Soomaaliya. Taliyaha Ciidanka booliska Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan in ciidamadu ay noqdaan kuwo diinta si feecan u yaqaan, islamarkaana askarta ay qoranayaan ay ku dooran doonaan aqoonta iyo xafidsanaanta qur’aanka Eebbe si lamida shahaadooyinka jaamacadaha. Tillaabadan ayaa loo arkaa mid wax weyn ka badeli doonta hab-dhaqanka ciidanka Booliska oo loo baahanyahay inay noqdaan kuwo bulshada saaxiib la noqda, islamarkaana ilaalinta anshaxa guud iyo ka hortagga dembiyada u xilsaaran. Source: goobjoog.com
-
Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters biyo si sare ku socda ayaa burburiyay biyoxidheen ku yaala bariga dalka Suudaan taas oo sababtay in awoodii biyahii socday iyo kuwii biyo-xidheenkuba ay baabi’iyeen ugu yaraan 20 tuulo, waxaana ku dhintay ugu yaraan 30 qof, balse waxaa laga yaabaa in tiro intaas ka badan ay ku dhinteen, sida ay Qarammada Midoobay sheegtay Isniintii, tanina waxay noqonaysaa musiibo kale oo gobolka wajahayo oo markii horeba la daaladhacaayay dagaal sokeeye. Roobab mahiigaan ah ayaa sababay daadad ku soo rogmaday biyo-xidheenka Arbaat maalintii Axadda oo kaliya 40 km (25 mayl) waqooyi ka xiga Port Sudan, oo ah caasimadda hadda ee qaranka iyo saldhigga dawladda, diblomaasiyiinta, hay’adaha gargaarka iyo boqolaal kun oo barakacayaal ah. Xigashada Sawirka,Reuters Qoraalka sawirka,Daadadka Suudaan “Meesha lama aqoonsan karo, waxaa burburay korontadii iyo tubooyinka biyaha,” Cumar Ciise Haaruun, oo ah madaxa maamulka biyaha ee gobolka Badda Cas, ayaa farriin WhatsApp ah u diray shaqaalaha. Mid ka mid ah dadkii ugu horreyay ee soo jawaabay ayaa sheegay in inta u dhaxaysa 150 ilaa 200 oo qof la la’yahay. Waxa uu sheegay in uu arkay maydadka dadka dahabka qoda iyo qaybo ka mid ah qalabkoodii oo daadku ku burburay, waxana uu masiibadaasi barbar dhigay burburkii ka dhacay magaalada Derna ee bariga Liibiya bishii September ee sanadkii hore markii ay dabaylaha wateen ay jabsadeen biyo xidheeno, kaas oo ay qaadeen dhismayaal ay ku dileen kumanaan qof. Bbcsomali Qaran News
-
Tallaalka furuqa Daanyeerka ee’Mpox’ ayaa soo gaari doona qaaradda Afrika markii ugu horreysay tan iyo markii uu soo baxay nooc cusub oo dilaa ah oo cudurka ah. Toban kun oo dhoos, oo la dalbay ka hor inta uusan cudurka dillaacin, ayaa lagu wadaa in maanta uu gaaro dalka Nigeria. Waxaa jiray baaqyo ku saabsan in la dedejiyo jawaab calami ah oo laga bixiyo cudurkan ‘Mpox’. La-taliye ka tirsan Ururka Caafimaadka Adduunka, Professor Helen Rees, ayaa BBC u sheegtay in ay tahay in si degdeg ah loo oggolaado sharciyeynta daawooyinkan. W-H-O waxay horay ugu dhawaaqday qorshe lix bilood ah oo lagu xakameynayo fiditaanka cudurka mpox. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada rasmiga ah ee imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiyada sare ee dalka, kaas oo ay u fariisateen illaa 36,034 Arday. Wasaaradda ayaa sheegtay inay imtixaanka ku gudbeen arday gaareysa 33,666 oo dhigata iskuulo kala duwan oo ku kala yaalla magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka. Kaalinta koowaad waxaa kusoo baxay Zakariye Xuseen Maxamed oo dhigta iskuulka Al-marwaazi oo ku yaalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, sida ay shaacisay wasaaraddu. “Kaalinta 1’aad waxaa galay 𝐙𝐚𝐤𝐚𝐫𝐢𝐲𝐞 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐢𝐬𝐦𝐚𝐚𝐧, oo ka socday 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫, Dugsiga 𝐀𝐥-𝐦𝐚𝐫𝐰𝐚𝐳𝐢 𝐃𝐞𝐲𝐧𝐢𝐢𝐥𝐞, darjada uu heleyna waa 𝟖𝟗%” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Waxaa sidoo kale imtixaankan ku dhacay arday badan oo tiradooda gaareysa 2,366 Arday, sida ku cad natiijada ay ku dhowaaqday wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Dhanka kale wasiirka waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in dowladdu sannadkan waxbarasho siinayso 3,000 Arday, isla markaana fursad gaar ah la siin doono gabdho soo gudbay. Waxaa kale oo uu xusay in la bari doono tababbar macallinimo iyo Tababbarka Caafimaadka oo la baranayo mudo saddex sanno ah tan oo ah fursad u gaar ah hablaha Soomaaliyeed. Dowladda federaalka ayaa sanadihii ugu dambeeyay qaadeysay imtixaanaadka mideysan ee dugsiyada sare, waana mid kamid ah guulaha waa wayn ee uu dalku gaaray. The post Natiijada imtixaanka dugsiyada sare iyo arday badan oo dhacday appeared first on Caasimada Online.
-
Taliyaha guud ee ciidanka militariga Itoobiya, Jeneral Birhanu Jula Gelalcha ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Morocco, halkaasi oo uu kula kulmay dhiggiisa militariga Morocco. Shir ay ku yeesheen xarunta difaaca qaranka ee ku taalla magaalada Rabat, waxay labada dhinac dib u xoojiyeen iskaashigooda dhinaca militariga iyo sidii loo ballaarin lahaa. Taliyaha militariga Itoobiya ayaa sidoo kale tagay warshadaha difaaca iyo taliska guud ee ciidanka Morocco. Boqortooyadda Morocco ayaa mashaariic kala duwan ka fulisa Itoobiya oo ay sidoo kale taageerto hay’adaheeda, mid ka mid ah mashaariicdaa waa warshad bacriminta beeraha oo laga dhisayo Diridhaba, iyadoo mashruucaa uu ku baxayo in ka badan 3.7 bilyan oo dollar. Boqorka Morocco ayaa sidoo kale 2016 booqasho rasmi ah ku tagay Addis Ababa. Dalalka ku yaalla gobolka Maghreb ee Waqooyiga Afrika ayaa xiriir wanaagsan la leh Itoobiya, iyagoo ku jira jaamacadda Carabta , haddana bilowga xiisadda badda ee Itoobiya iyo Soomaaliya dalalkaasi waxay taageereen Itoobiya. PUNTLAND POST The post Taliyaha guud ee ciidanka militariga Itoobiya oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Morocco appeared first on Puntland Post.