Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. JERUSALEM — For 26 days after an Israeli missile slammed into a seventh-floor apartment in south Beirut and killed Hezbollah’s top military commander, Israel and the region had braced for the group to strike back. Source: Hiiraan Online
  2. A landslide in the northern Gondar zone of Ethiopia's Amhara region has claimed the lives of 23 people and left eight others injured, local media reported Monday. Source: Hiiraan Online
  3. In addition to enhancing their military cooperation, the two countries also aim to extend to other areas of mutual interest. Source: Hiiraan Online
  4. Kenya is set to unveil of its former Prime Minister Raila Odinga as the country's candidate for the chairmanship of the African Union Commission (AUC) on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  5. • Deputy Prime Minister of the Federal Government of Somalia, Salah Ahmed Jama, who delivered the keynote address emphasized on the central role of the national ID card in the National Transformation Plan (NTP). Source: Hiiraan Online
  6. Kyiv (Caasimada Online) – Ruushka ayaa Isniintii garaacay inta badan magaalooyinka Ukraine, isaga oo weerarkaasi cirka ahaa u adeegsaday tiro badan oo gantaallo ah iyo diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee bambooyinka tuura. Weerarkaasi oo uu madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ku tilmaamay mid “wuxushnimo ah” ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof, halka ay dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Ciidamada cirka ee Ukraine ayaa sheegay in wax ka badan 100 gantaal iyo tiro badan oo diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee Ruushka ay gantaallo ka soo rideen dhinacyada bari, waqooyiga, koofurta iyo gobollada dhexe. Waxay kaloo sheegeen in weerarka uu bilowday saqdii dhexe ee xalay isla markaana ay sii socdeen ilaa waaberigii. Waxaana weerarkaasi lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee uu Ruushka ku qaado Ukraine muddo todobaadyo ah. Ra’isulwasaaraha Ukrain Denys Shmyhal ayaa sheegay in ciidanka Ruushka ay illaa 15 gobol oo ka tirsan Ukraine ku garaaceen gantaallo isugu jira, kuwa diyaaradaha darooniska, gantaallada Kuruuska ee maraakiibta laga soo tuuro, kuwa guuxooda ka dheereeya iyo kuwa baalistiga. Meelaha la duqeeyay waxaa ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Kyiv. Duqa magaalada Vitali Klitschko ayaa sheegay in duqeymaha ay carqaladeeyen biyaha iyo korontada. The post Ruushka oo in ka badan 100 gantaal ku garaacay Ukraine iyo xaalka oo kasii daraya appeared first on Caasimada Online.
  7. Ruushka ayaa duqeymo ku garaacay inta badan magaalooyinka Ukraine, isaga oo weerarkaasi cirka ahaa u adeegsaday tiro badan oo gantaallo ah iyo diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee bambooyinka tuura. Weerarkaasi oo uu madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ku tilmaamay mid ‘wuxushnimo ah’ ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof, halka ay dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Ciidamada cirka ee Ukraine ayaa sheegay in wax ka badan 100 gantaal iyo tiro badan oo diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee Ruushka ay gantaallo ka soo rideen dhinacyada bari, waqooyiga, koofurta iyo gobollada dhexe. Waxay kaloo sheegeen in weerarka uu bilowday saqdii dhexe ee xalay isla markaana ay sii socdeen ilaa waaberigii. Waxana weerarkaasi lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee uu Ruushka ku qaado Ukraine muddo todobaadyo ah. Ra’isulwasaaraha Ukrain Denys Shmyhal ayaa sheegay in ciidanka Ruushka ay ilaa 15 gobol oo ka tirsan Ukraine ku garaaceen gantaallo isugu jira, kuwa diyaaradaha darooniska, gantaallada Kuruuska ee maraakiibta laga soo tuuro, kuwa guuxooda ka dheereeya iyo kuwa baalistiga. Meelaha la duqeeyay waxaa ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Kyiv. Duqa magaalada Vitali Klitschko ayaa sheegay in duqeymaha ay carqaladeeyen biyaha iyo korontada. PUNTLAND POST The post Ruushka oo duqeymo ku garaacay inta badan magaalooyinka Ukraine appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Maraykanka ayaa ka digaya masiibo deegaan oo ka dhalan karta badda cas ka dib weerar ay fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay ku qaadeen markab shidaal usbuucii hore. Safiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ayaa goor dambe oo Axadii ahayd, u soo jeedisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in uu ” cambaareeyo” weerarka Xuutiyiintu ay ku qaadeen MT Delta Sounion. “Ficilada naxariis darada ah ee Xuutiyiintu waxay halis ku yihiin inay abuuraan masiibo deegaan oo cawaaqib xun ku leh gobolka,” ayay Linda Thomas-Greenfield ku soo qortay barteeda X. Waxay sheegtay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu dalbado in si degdeg ah loogu hoggaansamo qaraarkii bishii Janaayo ee Xuutiyiinta ugu baaqaya inay si degdeg ah u joojiyaan weerarrada ay ku hayaan maraakiibta maraya Badda Cas. Xuutiyiinta oo ay taageerto Iran ayaa sheegay Khamiistii inay beegsadeen markab watay calanka Giriiga, taasoo qayb ka ahayd ololahooda ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga ee maraya badda cas, iyaga oo taageero u muujinaya Falastiiniyiinta xilli uu socdo dagaalka Israel iyo Xamaas ee Gaza. Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa ka daadgureeyay shaqaalihii markabkaas saarnaa, ka dib markii la weeraray, taasoo keentay in markabka uu dab qabsado. Howlgalka ciidamada badda cas ee Midowga Yurub ee Aspides ayaa sheegay in markabka uu siday 150,000 metric ton oo saliid ceyriin ah. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Matthew Miller ayaa Sabtidii sheegay in Xuutiyiintu “ay caddeeyeen inay diyaar u yihiin inay burburiyaan hannaanka kalluumaysiga iyo bii’adda ama deegaanka ee gobolka, taas oo bulshada Yemen iyo bulshooyinka kale ee gobolkuba ay ku tiirsan yihiin” Ololaha Xuutiyiinta ayaa hakad galiyay maraakiibtii ganacsi ee isaga kala gooshaysay badda cas iyo gacanka cadmeed,taasi oo keentay in shirkado badan oo maraakiib ah ay marakiibta u rogaan wadooyin dhaadheer oo qaali ah. Qaar ka mid ah macluumaadka sheekadan waxaa laga soo xigtay Associated Press iyo Reuters + Voa The post Halis horleh oo ka taagan badda cas kadib weerar cusub oo ay fuliyeen Xuutiyiinta appeared first on Caasimada Online.
  9. Marka (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa bilowday qorshe culus oo dhaqaale ay uga sameyneyso dadka reer Miyiga ah ee dhaqda Geela, kuwaas oo dhibaato badan ay ku heyso kooxdu, sida ay ogaatay Caasimada Online. Al-Shabaab waxay deegaanada ay joogaan ka sameysteen xeryo waaweyn oo Geela baadida ah ama aan cidi ilaashaneyn ay ku xareystaan, kadibna waxay dadkii lahaa ka qaadaan lacago baad ah. Dadka Geela dhaqda ee ku nool dhulka fog-fog ee miyiga ah ayaa ka cabanaya dhibaatada Khawaarijta, kuwaas oo farriin u soo diray dowladda, iyagoo codsanaya in laga soo gaaro oo laga kiciyo cadowga. Sidoo kale, ragga Geela dhaqda ee ku nool deegaanada ay Shabaab joogaan ayaa cadeeyey inay diyaar u yihiin inay hubka qaataan oo Shabaab iska dhiciyaan, hadii ay helaan garabka dowladda. Sida xogtaan ay ku heshay Caasimada Online, Kooxda ayaa bilowday inay xareystaan Geela baadida ah, kadib markii uu yimaado qofkii lahaa oo raadinaya waxay u jarayaan Boono 150 doolar ah, hadii Geeliisa uu ka soo helo xerada wuxuu bixinayaa 3 u dhig hal dhig ama mararka qaar kala bar. Waxay qorshahaan u sameeyeen nidaam ay dhaqaale badan uga samey karaan xoolaha ay duurka ka qabsadaan ee ka soo lumay dadkii lahaa, mararka qaarna waxay xubnaha noo waramay sheegeen inay ka xeystaan si ay xerada u geystaan Geela hadii uusan markaas qof la joogin, xitaa isagoo aan baadi aheyn oo daaqaya aagii loogu tala galay. 3 ka mid ah xeryaha Geelaas lagu xareeyo ee dadka lagu baado waxay ku yaalaan Sh/Hoose, gaar ahaan deegaanada Buulo-Fulaay, Leego iyo Farsooley, xubnaha xogtaan na siiyey ee xoola dhaqatada ah waxay noo cadeeyeen inay si adag uga gadoodeen qorshaha kooxda, balse weli aysan helin cid ku garab siisa inay dagaalamaan. Sidoo kale waxaan ogaanay in qorshahaan ay dhaqaalaha uga abuurayan Geela daaqsinka ah uu ka dhaqan galay dhamaan deegaanada ay joogaan, taasi oo aad ay uga caroodeen dadka xoolo dhaqatada ah, kuwaas oo dalbanaya inay laga xoreeyo cadowgaan ku heysta xoolahoodii. The post Xog: Kacdoon ka dhashay qorshe ay Al-Shabaab dhaqaale uga sameynayaan Geela appeared first on Caasimada Online.
  10. Guddiga Gurmadka Qaran ee Qaraxi Liido ayaa ehellada dadkii ku naf-waayay qaraxaas u qeybiyay deeq lacag ah oo ay aruuriyeen intii ay howlaha birmadka wadeen, waxayna qoysaska dadkii ku dhintay weeararka u qeybiyeen adduun lacageed oo min $2000 oo doolar ah. Tirada dadka lacagta loo qeybiyay ayaa ah 36 oo kamida dadkii eheladoodoodu ku dhinteen qarixii lagu hoobtay ee 2-dii bishan Agoosto ka dhacay xeebta Liido, waxayna guddigu sheegeen inay jiraan dad kale oo loo diiwaangeliyay xegta dhibaneyaashii geeriyooday, islamarkaana la hubinayo. Qaraxii xeebta Liido ayaa galaaftay nolosha ku dhawaad 40 qof oo dhallinyaro u badnaa, halka tiro intaas ka badanina ay ku dhaawacmeen, waxaana weli isbitaallada ku jira qaar kamida dadkii ay waxyeelladu ka soo gaartay musiibadaas. Source: goobjoog.com
  11. Ku dhawaad ​​200 oo qof ayaa lagu dilay, halka 140 kalena lagu dhaawacay weerar ka dhacay magaalada Barsalogho ee dalka Burkina Faso, waana weerarkii ugu dambeeyay ee weerarro is daba joog ah oo ay aaggaas ka gaystay koox hubeysan oo xiriirka la leh Al-Qaacida, kuwaas oo lagu magacaabo Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM). Haween iyo carruur ayaa ka mid ahaa dadkii lagu dilay weerarka, waxayna magaalada Barsalogho ee dadka lagu laayay ay ku taal meel u dhow magaalada Kaya, oo ah goob istaraatiiji ah oo ku taal woqooyiga-bartamaha Burkina Faso oo ay deggan yihiin ciidamada dowladdu. Dhowr askari ayaa la la’yahay weerarka kadib, iyadoo weerarkan ku soo beegmay xilli kooxda JNIM ay sii waday hor-u-socod dagaal oo ay ka qabsanayso dhul badan oo ka tirsan gobolkan ay dhibaatada colaadee ka taagan tahay ee Galbeedka Afrika. Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen xubno ay ku tilmaameen inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo hub Soomaaliya ku cusub oo la sheegay inay wadeen. Xubnaha ayaa gaaraya 7 xubnood oo ciidamada ammaanku sheegeen inay gacanta ku hayaan dayaaradaha bilaa duuliyaha ah, gaar ahaan nooca is qarxiya ee loo yaqaanno Kamikaze. “Dadkan laga shakisan yahay ayaa la soo qabtay, kadib markii la helay xog ciidan oo ah inay hub sidaan” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan madaxda ciidamada amaanka ee Puntland oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo. Dayaaradahaas bilaa duuliyaha ah oo Yemen aad looga isticmaalo ayaa la aaminsan yahay in Puntland ay ka soo galeen dhanka magaalada Boosaaso, waxaana xilliga la qabanayey loo sii waday magaalada Gaalkacyo. Sarkaalkaas ka tirsan madaxda ciidanka Puntland wuxuu intaas ku daray in dayaaradaha iyo dhowr qof oo siday lagu qabtay inta u dhaxaysa Garowe iyo Gaalkacyo. “Markii aan dabagal ku samaynay kadib waxaan gacanta ku soo dhignay tiro kale oo ah dad looga shakisan yahay inay fal dambiyeedka ku lug lahaayeen,” ayuu yiri sarkaalka. Dayaaradaha bilaa duuliyaha ah oo tiradooda lagu sheegay 5 dayaaradood waxaa hadda gacanta ku haya ciidanka amniga ee Puntland, waxayna sheegeen in sidoo kale ay gacanta ku hayaan 7-da qof ee la tuhunsan yahay, kuwaas oo baaritaan lagu wado. Sarkaalka ka tirsan madaxda ciidanka Puntland faahfaahin kama uusan bixin baaritaanka – Haddaba maxaan ka naqaan daroonka is qarxiya ee loo yaqaanno Kamikaze. Diyaaradaha noocaan ah waa kuwo ku cusub goobaha dagaallada, waxaana hadda aad u isticmaala Ruushka iyo Ukraine iyo Xuutiyiinta Yemen, inkastoo ay jiraan dalal iyo kooxo haysta, waxaana dalalka haysta ama samaysta ka mid ah Israa’iil, Maraykanka, Kuuriyada koofureed, Turkiga, shiinaha iyo Iiraan. Waa diyaarado xajmi ahaan yar, xawaarahoodu gaabiyo, joogga ay ku duulaanna uu yahay mid aan la arki karin, masaafo ahaanna duuli kara maylal badan, waxayna sidaan qaraxyo. Waxay awood u leeyihiin inay ka dhuuntaan Radarka. Waxay dul heehaabaan bartilmaameedka, marka la cayimo bartilmaameedkana way ku dhacaan, ayadoo qaraxyadana ay burburiyaan bartilmaameedka. Waxaa kale oo loo yaqaan “Daroonta is burburisa”. Waxaa inta badan loo isticmaalaa in ay ka talaabaan safka hore ee dagaalka oo ay cadawga gadaal ka maraan, ayna halkaa ka faltamaan, sidoo kale waxaa loo adeegsadaa in lagu weeraro gaadiidka iyo barta taliska ciidanka. The post Diyaaradaha is-qarxiya oo lagu qabtay Gaalkacyo iyo Al-Shabaab oo diyaariyey qorshe halis ah appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Sarreeye Gaas Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud in uu noqdo La-taliyaha arrimaha ciidamada qalabka sida ee madaxweynaha. Sarreeye Gaas Gaafoow ayaa khibrad durugsan u leh sugidda amniga gudaha iyo difaaca Qaranka, isagoo horey u soo noqday taliyaha hay’adaha nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka. Ninkan ayaa waxa kale oo horey u noqday agaasimaha socdaalka iyo jinsiyadaha. Sidoo kale mas’uuliyado kale ayuu dalka ugu soo shaqeeyay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray la-taliyaha arrimaha ciidamada qalabka sida in uu doorkiisa ka qaato qorsheyaasha qaran ee dib u dhiska ciidamada, si loo dhammaystiro guulaha xoreynta iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu madaxweynaha u rajeeyey in Eebbe uu ku guuleeyo shaqada culus ee loo magacaabay. Magacaabistan ayaa imaneysa xilli uu madaxweynaha dardar-gelinayo howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyada oo dhawaan uu bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka. Si kastaba, waxaa heer geba-gebo ah maraya wejiga hore ee dagaalka, oo hadda dhameystirkiisa dhiig cusub lagu shubayo, si loo guda-galo wejiga xiga oo xoog badnaan doona kan hore. The post Madaxweyne Xasan oo xil cusub u magacaabay Jeneraal Gaafoow appeared first on Caasimada Online.
  14. Ciidamada Amniga dowladda Puntland ayaa laga soo xigtay in ay gacanta ku dhigeen 5 diyaaradood oo nooca Drones-ka loo yaqaan ah islamarkaana loo adeegsado in ay xambaaraan xaddi qaraxyada aad u culus ah. Laanta Af-Soomaliga BBC-da ayaa ka soo xigatay sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland in ay gacanta ku dhigeen 5 diyaaradood oo nooca is wada ee lagu magacaabo Kamikaze kuwaasi oo loo adeegsado fulinta qaraxyada. Dayaaradahaas bilaa duuliyaha ah oo Yemen aad looga isticmaalo ayaa la aaminsan yahay in Puntland ay ka soo galeen dhanka magaalada Boosaaso waxaana xilliga la qabanayey loo sii waday dhinaca koonfurta Soomaaliya. Sarkaalkaasi ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale laga soo xigtay in ay gacanta ku hayaan shakhsiyaad lagu tuhun san yahay in ay ku lug leeyihiin soo rarista drones-ka qaraxyada xambaara ee la qabtay islamarkaana lagu hayo baaritaan. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay diyaarado loo adeegsado fulinta qaraxyada culus appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Sarreeye Gaas Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud in uu noqdo Lataliyaha arrimaha Ciidamada Qalabka Sida ee Madaxweynaha. Sarreeye Gaas Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud ayaa khibrad durugsan u leh sugidda amniga gudaha iyo difaaca Qaranka, isagoo horey u soo noqday Taliyaha hay’adaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo Socdaalka iyo Jinsiyadaha. Sidoo kale mas’uuliyado kale ayuu dalka ugu soo shaqeeyay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Lataliyaha Arrimaha Ciidamada Qalabka Sida in uu doorkiisa ka qaato qorsheyaasha Qaran ee dib u dhiska Ciidamada, si loo dhammaystiro guulaha xoreynta iyo dagaalka ka dhanka ah Shabaab, isagoo u rajeeyey in Eebbe uu ku guuleeyo shaqada culus ee loo magacaabay. Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya oo dhawaan laba sano jirsatay ayaa soo bandhigtay waxyaabihii u qabsoomay labadii sano ee lasoo dhaafay, ayada oo xukuumadda ra’iisul wasaare ku faantay illaa 13 qodob oo dhanka amniga ah. Warbixintan ayaa ku dul istaagi doona qodobaddan, oo kan u horreeyay ay xukuumadda ka dhigtay dagaalka Al-Shabaab iyo deegaanadii la xoreeyay. Sida ku qoran buugga waxqabadka ay soo bandhigtay xukuumadda, waxaa kooxda laga xoreeyay labadaasiu sanno illaa 215 goobood. Goobahan ayaa isugu jira degmooyin, deegaanno, tuulooyin iyo baro kontorool oo kooxda gacanta ugu jiray, kuwaas oo ka kala tirsan dowlad-goboleedyada HirShabelle, Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, sida lagu yiri waxqabadka xukuumadda. “Labadii sano ee xukuumaddan jirtay waxa ay ciidanka qaranku fuliyeen 978 howlgal dagaal oo lagu qaaday kooxaha Khawaarijta ah. Sidoo kale waxay ciidanka qaranku dileen in ka badan 5,000 oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda,” ayaa lagu yiri qoraalka xukuumadda. Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in la xiray 10,231 barood oo kooxda ay ku laheyd baraha internet-ka oo isugu jira Website-yo, Facebook, Telegram, Tiktok iyo Twitter (X). “Xukuumaddu waxa ay ku guuleysatay mideynta culimada Soomaaliyeed iyo inay aragti mid ah ka qaataan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka. Xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa waxa kale oo ay sheegtay inay ku guuleysatay fashilinta damacii guracnaa ee ka dhanka ahaa qaranimada Soomaaliyeed ee dowladda Itoobiya ay ku kacday. “Xukuumaddu waxa ay heshiisyo difaac oo muhiim u ah amniga qaranka la gashay dowladaha Turkiga, Masar, EU, Mareykanka, UAE, Uganda iyo Suudaan. The post Maxay yihiin 13 qodob ee amniga la xiriira ee guushooda sheegatay xukuumadda Xamza? appeared first on Caasimada Online.
  17. Somaliland responds professionally to the illegal claims of Somalia over its airspace and gives @flydubai and @flyethiopian 21 days to remove the label Somalia which Hargeysa and Berbera never been part of. Qaran News
  18. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay go’aankii dowladda federaalka Soomaaliya ay ku fartay shirkadaha iyo xawaaladaha ka shaqeeya Somaliland in ay adeegooda ku bixiyaan magaca Soomaaliya. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu rabo in uu cuna-qabateeyo Somaliland, isaggoo sheegay in aysan marnaba gudaha Somaliland ka dhaqan-galeyn amaradda noocaasi ah ee kasoo baxa dowladda federaalka. Biixi oo hadal ka jeediyay munaasabad ka qabsoomtay magaalada Hargaysa ayaa sheegay in go’aanka xawaaladaha lagaga joojinayo isticmaalka magaca ‘Somaliland’ aanu socon doonin, isaggoo weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh. “Talo xumada koowaad waxa weeyi madaxweynaha Xamar joogaa, isaga oo Xamar aan gurigiisa ka xukumin, oo meel walba ajinabi u ilaalinayaan ayuu waxa uu meel walba soo saaraya waraaqo uu leeyahay Somaliland diyaaradi ma tagi karto, baananku ma tagi karaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Waxa uu intaas kusii daray “Naftii hafar gurigiisa ma ilaalin karo.” Sidoo kale waxa uu sheegay in go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya aanu ahayn colaad ka timid dadka shacabka ah, laakiin ay tahay mid ka timid koox uu sheegay “in ay jar ka tuurayan Soomaaliya.” Waxa uuna intaas ku daray “in anay waxba ka qaadi karin Somaliland,” isla markaana ay iska difaacayaan cid kasta oo khatar galisa. Hadalka madaxweyne Biixi ayaa imanaya xilli dowladda federaalka ay shirkadaha xawilaadaha, gaar ahaan Dahabshiil, Jubba Express iyo adeega Paysii iyo weliba shirkadaha kale ee lamidka ah u qabatay in magaca Soomaaliya ay adeeg kasta ku qoraan ugu dambeyn 1-da bisha soo socota ee September. “Fulinta amarkaan waxaa la farayaa shirkad kasta oo wada shaqeyn ay kala dhaxeyso shirkadaha ku xadgudbaya qaranimada Jamhuuriyadda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri amarka dowladda federaalka. Wasaaradda Ganacsiga oo si gaar ah uga soo baxay amarkan ayaa ku wargelisay shirkadii ama xawaaladii jebisa amarkaan in loo tixgeli doono inay si bareer ah u jebisay amarka dowlada kana soo horjeedo qaranimada Soomaaliya. The post Biixi oo sheegay in uusan dhaqan-galeyn go’aankii DF, weerarna ku qaaday Xasan appeared first on Caasimada Online.
  19. Wararka ka imaanaya dalka Suudaan ayaa sheegay in biyo-xireen ku yaal waqooyi bari ee dalkaasi uu dumay, ka dib markii roobab lixaad lihi ay halkaas ka da’een, kuwaas oo horseeda daadad iyo fatahaado sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadku. Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in uu dumay biyo xireenka Arbaat ee waqooyiga magaalada Port Sudan, kaasoo ay ku dhinteen afar qof, sidoo kalena ay biyi qaadeen guryo badan oo aagas ku yaallay. Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in agabkii la geeyey deegaanka si loogu caawiyo dadka go’doonsan, Sida uu sheegay mas’uul maxalli ah oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Sudan ee al-Taghyeer, kaas oo tilmaamay in laga cabsi qabo in dhimashadu ay gaari karto ugu yaraan 60 qof, iyadoo tiro intaa ka badanna la la’yahay, balse 4 qof dhimashadooda la hubo. Musiibadan ayaa ku soo beegantay xilli dalka Suudaan ay ka holcayso colaad lagu hoobtay oo u dhexaysa ciidamada dowladda iyo xoogagga fallaagada ee lagu magacaabo RSF. Source: goobjoog.com
  20. 457028692_424644863379226_8464844811628689206_n Qaran News
  21. Mogadishu (HOL) — A Somali government soldier fatally shot a manual laborer, Ismail Ali Mohamed, over a dispute involving less than $0.25 cents on Friday night in Mogadishu’s Hamarjabab district, according to eyewitnesses. Source: Hiiraan Online
  22. Hargeisa (HOL) — Somaliland President Muse Bihi Abdi has firmly rejected a directive from the Somali government that mandates the removal of all references to "Somaliland" from business services, a move that has heightened tensions between the two regions. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u dhaqan-gelisay hanaanka khidmad dhimista ee dhawaan uu go’aamiyay qaraarkii golaha wasiirrada Soomaaliya. Wasaaradda Maaliyadda ayaa go’aanka dhaqan-gelisay, kaas oo lagu dhimayo 50% lacagta looga qaado iskaanka lagu hubiyo badeecadaha kasoo dega dekedda weyn ee magaalada Muqdisho. “Wasaaradda Maaliyadda waxa ay ganacsatada Soomaaliyeed la wadaagaysaa in maanta oo Isniin ah taariikhduna tahay 26-ka Agoosto 2024, si rasmi ah loo dhaqan-geliyo heshiiska khidmad dhimista ee lagu go’aamiyay qaraarkii gilaha wasiirada JF qodobkiisa 5-aad, faqradiisa 1-aad kuna saabsan in la dhimo khidmada laga waado iskaanka lagu hubiyo badeecadaha,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda maaliyadda. Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Si loo horumariyo dakhliga dowladda, wasaaradda maaliyadda waxaa ka go’an in ay si hufan ugu adeegto bulshada, isla markaana loo dhimriyo shacabka Soomaaliyeed iyo ganacstada canshuur bixiyeyaasha ah oo door muhiim ah ku leh sare u qaadidda dakhlkga gudaha.” Wasaaradda ayaa sheegtay inay ku dadaaleyso had iyo goor in la xaliyo cabashooyinka ganacsatada Soomaaliyeed, xilli uu dhawaan khilaaf xooggan soo kala dhex galay ganacsatada Muqdisho iyo wasaaradda maaliyadda. Toddobaad kahro unbey aheyd markii golaha wasiirrada ay meel-meriyeen qaraarka lagu dhimay qiimaha laga qaado ganacsatada, ayada oo sidoo kale qararkan lagu baabi’iyay heshiisyo dhowr ah, kuwaas oo kamid yihiin: (b) Heshiiska lagu fuliyo adeegyada la socodka koonteenarada ee electrooniga ah (electronic container tracking) oo ay horay loo galay. (t) Heshiiska lagu fuliyo adeega dhaqista koonteenarada (container cleaning services) oo horay loo galay. (j) Heshiiska fayadhawrka ee Dowladda Hoose. The post Muxuu yahay go’aanka ay maanta DF ka dhaqan-gelisay dekedda Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
  24. Mogadishu (HOL) — Somali government forces, backed by local militias, have successfully eliminated a senior Al-Shabaab commander and two of his fighters in a precision operation in western Middle Shabelle, officials confirmed. Source: Hiiraan Online