Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa u magacaabay wasiirka arrimaha gudaha dalkaas Prof Kithure Kindiki inuu noqdo madaxweyne ku xigeenka cusub ee bedelaya Rigathi Gachagua oo saacado ka hor xilka laga qaaday. Magacaabista Kindiki ayaa u baahan ansixinta golaha sharci-dejinta, balse waxa ay u badan tahay in la meel mariyo doono maadaama Ruto uu haysto aqlabiyad baarlamaanka dalka. Tillaabadan ayaa timid ka dib todobaadyo is mari waa siyaasadeed uu ka aloosnaa Kenya, kaas oo u dhexeeyay madaxweyne Ruto iyo ku xegeenkiisii hore mudane Rigathi Gachagua oo baarlamaanka ugu dambeyn ay xilka ka qaadeen. Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ayiday go’aan horey uga soo baxay dowladda federaalka, kaas oo lagu mamnuucay bacaha halka mar la isticmaalo. Axmed Madoobe oo shir gudoomiyay kulanka golaha wasiiradda oo lagaga hadlay arrimaha amniga, xaalada guud ee siyaasada dalka, ayey qeyb ka aheyd doodda xeer ku saabsan joojinta bacaha halka mar la isticmaalo oo ay soo gudbisay wasaaradda deegaanka iyo isbadalka cimiladda. Sidoo kale waxaa shirka golaha wasiirada maamulka Jubbaland diirada lagu saaray horumarinta xabsiyad iyo qodobo kale oo muhiim u ah maamulkaasi. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan mamnuucday ka ganacsiga iyo isticmaalka bacda halka mar la isticmaalo, taas oo dhibaato weyn ku ah badqabka deegaanka. Sidoo kale wasaaradda rekadaha iyo gaadiidka badda XFS ayaa bixisay amar lagu joojinayo in dekadaha dalka laga soo dejiyo bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo. Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in macdu ay khatar ku tahay deegaanka, islamarkaana aan laga sii isticmaali karin deegaanka, maadaama ay leedahay khataro badan oo dhanka deegaanka ah. Inta badan caalamka lagama isticmaalo bacahaan, waxaana la xaqiijiyey inay khatar ku tahay deegaanka, dunida oo dhan waxaa ka jirta saameyn ka dhalatay isbedelka cimillada iyo wasaqowga hawada, waxaana hadda lagu dadaalayaa in la yareeyo waxyaabaha khatarta ku ah hawada iyo deegaanka, si loo helo cimilo hagaagsan. The post Axmed Madoobe oo ayiday go’aan kasoo baxay DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  3. Mogadishu (HOL) —The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) officially transferred control of the Kuday Forward Operating Base (FOB) to Somali forces on Wednesday, a major step in the third phase of ATMIS’s troop drawdown and Somalia’s increasing self-reliance in security. Source: Hiiraan Online
  4. Nin degan gobolka Maryland ee dalka Mareykanka ayaa lagu soo oogay dacwad ah in uu isku dayay inuu taageero agab ah siiyo kooxda Daacish ee Soomaaliya. Michael Sam Teekaye Jr., oo 21 jir ah, kuna nool magaalada Hanover, Maryland, ayaa 14-kii Octobar lagu xiray garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Baltimore Washington, waxaana tan iyo xilligaas uu ku jiray xabsi. Xafiiska Xeer Ilaalinta Mareykanka ee Qeybta Maryland ayaa Michael Sam Teekaye ku soo oogay dacwad ku saabsan in uu isku dayay in uu taageero agab ah siiyo kooxda Daacish ee Soomaaliya. Sida lagu sheegay galka dacwaddiisa, Teekaye wuxuu wadahadalo badan la yeeshay sarkaal is-qariyey intii u dhaxaysay Maarso iyo April 2023, isagoo u muujiyay rabitaankiisa ku biirista kooxda Daacish, una safro Afrika si uu ugu dagaallamo kooxda argagixisada. Waxa uu sidoo kale u sheegay sarkaalka in haddii qorshihiisa socdaal uu shaqeyn waayo, uu qorshihiisa labaad ahaa in uu Mareykanka ka fuliyo weerar ka dhan ah shaqsiyaadka taageera Israel. Warqadaha dacwadda ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyey xiriir Teekaye uu la sameeyay dagaal-yahannada Daacish ee Soomaaliya, isaga oo kala shaqeynaya qorshihiisa safarka. PUNTLAND POST The post FBI-da Mareykanka oo xirtay nin u socday Soomaaliya si uu ugu biiro kooxaha Daacish appeared first on Puntland Post.
  5. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa kumanaan askari oo dheeraad ah soo gelisay Soomaaliya, ayada oo aysan ka war hayn dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska The National ee Imaaraadka Carabta. Wargeyska ayaa ilo-wareedyo ka soo xigtay in Itoobiya ay Soomaaliya soo gelisay 7,000 oo askari oo dheeraad ah maalmo kadib markii ay Masar billowday inay hub iyo ciidan u dirto Soomaaliya. Itoobiya ayaa la qiyaasaa inay hadda Soomaaliya ka joogaan ilaa 22,000 oo askari. Ciidamada Itoobiyaanka waxay qeyb dalka ku joogaan heshiisyo laba geesood ah oo kala dhaxeeya dowladda federaalka, halka qayb kale ay ku joogaan in ay ka mid ka yihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS. Hase yeeshee, cidna si dhab ah uma shaacin karto tiradooda rasmiga ah, sidoo kalena ma jirto cid la socota ama xadidda dhaq-dhaqaaqyadooda, ayada oo markii ay rabaan dalka soo gala, kana baxa. Itoobiya ayaa la sheegay in ay si aad ah uga carootay iskaashiga militari ee dowladda federaalka ay la yeelatay Masar, oo ay si aad ah isku hayaan. Madaxweynaha Itoobiya Taye Atske Selassie, oo markii ay Masar saanadda militari u soo dirtay dowladda federaalka, ahaa wasiirka arrimaha dibadda, ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay in hubka “xoogagga dibadda ay uga sii dari doonto ammaanka jilicsan [Soomaaliya] oo uu ku danbeyn doono gacanta argagixisada”, isaga oo ula jeeday Al-Shabab. Dowladda Federaalka ayaa dalbatay in ciidamada Itoobiya ay dalka ka baxaan marka uu dhammaado howlgalka ATMIS bisha December, haddii aanay Addis-Ababa ka laaban heshiiska ay la gashay Somaliland. Masar ayaa ku dhawaaqday inay doonayso inay badasho ciidamada nabad ilaalinta ee Itoobiya marka ay baxaan, iyadoo Soomaaliya ay si cad u taageertay. Masar iyo Itoobiya ayaa in ka badan 10 sano waxaa ka dhaxeeyey xiisad ka dhalatay biyo-xireenka Addis-Ababa ay ka sameysay webiga Nile oo ay halis u aragto Qaahira, oo 97% biyaheeda ugu tiirsan Nile. The post Xog: Itoobiya oo kumanaan askari soo gelisay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  6. Mogadishu (HOL) — Renowned Somali poet Sugaal Abdulle was among the seven people killed in a suicide bombing at a busy tea shop near the Mogadishu Police Academy, police confirmed. Abdulle, a celebrated figure in Somali arts and a member of the Heegan Police cultural group was known for his contributions to the arts. Source: Hiiraan Online
  7. Mogadishu (HOL) — Years of conflict, poverty, and displacement have left Somalia grappling with a mounting mental health crisis that remains largely unaddressed, according to Doctors Without Borders/Médecins Sans Frontières (MSF). In a recent report, MSF highlighted the worsening psychological toll on vulnerable communities, with women and children bearing the brunt of the distress. Source: Hiiraan Online
  8. Addis Ababa, Ethiopia (HOL) — Somaliland's Foreign Minister, Dr. Essa Kayd, took a bold step on Wednesday by laying the foundational stone for what they said would be the breakaway country's new embassy in Addis Ababa. Ethiopia's government donated the land, symbolizing the deepening diplomatic relations between the two countries. The move will likely exacerbate the already tense relations in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
  9. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/10/463207465_973577894576422_7561809791771295421_n.mp4 Qaran News
  10. Muqdisho, Somalia – Dilalka lagu bartilmaameedsaday ganacsato ku sugnaa degmooyinka Hodan, Dayniile, iyo Hiliwaa ayaa cabsi xoogan ku beeray bulshada magaalada. Todobo ruux ayaa la toogtay iyagoo ku guda jiray hawlahooda shaqo, waxaana dilalkaas fuliyey kooxo hubeysan oo katirsan Al-Shabaab, kuwaas oo kasoo horjeeda xirashada kaamirooyinka CCTV ee amniga suurtagaliya. Ganacsade Xasan Cali oo ku shaqeeya dukaan ayaa tilmaamay cabsi weyn ay soo wajahday ganacsatada maadaama dukaamadoodii lagu dhex beegsanaayo. “Markaan aragno ganacsato la laayay , waxaan dareemaynaa in nolosheena halis weyn ku jirto. Ma hubno inaan ganacsiyada furan karno subaxda xigta,” ayuu yiri Xasan. Saameynta Dilalka iyo Cabsida Ganacsatada Sida ay aaminsan yihiin Khubarada dhaqaalaha waxaa ka dhalan karta saameyn weyn beegsiga ganacsatada waxaa ka mid ah: Hoos u dhac ku yimaada ganacsiga iyo dhaqaalaha maxalliga ah: Dilalka ganacsatada waxay sababi karaan xiridda meherado badan oo muhiim ah, taasoo keeni karta hoos u dhac dhaqaale. Ganacsatada waxay ka baqi karaan inay furtaan goobahooda sababo la xiriira cabsi amni, taas oo saameynaysa ganacsiga iyo shaqaalaysiinta. Xaaladda amni oo kasii dareysa: Kooxda Shabaab waxay bartilmaameedsanayaan ganacsatada xiranaya CCTV si ay uga hortagaan isku dayada la doonayo in lagula socdo dhaqdhaqaaqyadooda. Tani waxay niyad-jabinaysaa dadka daneynaya inay hirgeliyaan tallaabooyin amni oo casri ah. Kalsoonidarro sii xoogeysanaysa ganacsatada iyo macaamiisha: Macaamiishu waxay cabsida awgeed ka fogaadaan goobaha ganacsi ee bartilmaameedka u noqon kara kooxda, taasoo hoos u dhigaysa isku socodka suuqa. Isla markaana, ganacsatada laftoodu waxay dareemayaan kalsoonidarro, iyagoo cabsi ka qaba in lagu bartilmaameedsado maadaama aysan jirin falcelin cad oo uga timaada booliska iyo NISA. Gacan ka hadal la’aanta hay’adaha amniga Tan iyo dhacdadii dilalka: booliska iyo NISA ayaan weli muujin tallaabo cad oo ay ku soo afjarayaan falalkaas amni darro. Tani waxay abuureysaa niyad-jab ku yimaada shacabka iyo ganacsatada, kuwaas oo filayey inay heli doonaan badbaado iyo ilaalin. Xasan Cali ayaa ugu dambeyn sheegay: “Waxaan dareemayaa inaan ku shaqeynayo cabsidii ugu badneyd. Ganacsato badan waxay bilaabeen inay albaabada u laabaan, ama ugu yaraan yareeyaan saacadaha ay furanyihiin.” Kaamirooyinka lagu xiray qeybo ka mid ah Muqdisho ayaa si weyn uga qeyb qaatay sugitaanka Amniga Caasimadda. waxaa tan iyo markii la xiray gacanta lagu dhigay xubno badan oo ka tirsan Shabaab oo geysanayay dilal iyo Qaraxyo ka dib markii Wajiyadooda la aqoonsaday. falkaan ayaa ka caraysiiyay Kooxda oo bilowday beegsiga ganacsatada. Source: goobjoog.com
  11. Mogadishu (HOL) — Heavy fighting broke out between Somali army forces and al-Shabab militants on Wednesday night in the Lukugoraw area, about 20 km from Hudur district in the Bakol region. Source: Hiiraan Online
  12. Kenya's senate voted to dismiss Deputy President Rigathi Gachagua from office by impeachment on five out of 11 charges levelled against him on Thursday, in an unprecedented move that risks pushing the country towards a political crisis. Source: Hiiraan Online
  13. ANKARA - The chief of Iran’s Islamic Revolutionary Guard Corps (IRGC) threatened Thursday to strike Israel again in response to any Israeli military action against Tehran. Source: Hiiraan Online
  14. MOGADISHU (Xinhua) -- A UN relief agency said Thursday that humanitarian access incidents decreased by 18.6 percent to 57 incidents in the third quarter of the year, compared with 70 in the previous quarter. Source: Hiiraan Online
  15. NAIROBI, Kenya (HOL) — Conservationists are urging the Kenya Wildlife Service (KWS) to intensify efforts to protect Somali giraffes and ostriches, as rampant poaching and severe drought conditions threaten these iconic species with extinction. The North-Eastern Wildlife Conservancies Association (Neca) has called for immediate intervention, warning that the illegal hunting of these animals is escalating, with giraffe and ostrich meat reportedly being openly sold in northern Kenya and smuggled into Somalia. Source: Hiiraan Online
  16. washington — Police in Somalia say a suicide bomber killed at least seven people Thursday when he detonated an explosives-laden vest in front of a crowded restaurant in the capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  17. (ERGO) – A stable job with a new cleaning company in Galkayo, central Somalia’s Mudug region, has put widowed Farhia Omar Warsame into a solid position to support her seven children on her own. Source: Hiiraan Online
  18. Saacadihii la soo dhaafay waxaa warbaahinta qabsaday xogo ku saabsan dilka hoggaamiyihii ururka maxaas yaxye Sinwaar oo ciidamada maamulka Israa’iil ay sheegeen inay ku dileen marinka Qasa, islamarkaana ay meydkiisa helaan oo xaqiijiyeen inuu asagii yahay. Sidoo kale Mareykanka ayaa ku dhawaaqay dilka hoggaamiyahan laf-dhabarka u ahaa dagaalka wax iska caabinta ah ee Falastiiniyiinta, ayadoo madaxweyne Joe Biden iyo ku xegeenkiisuba ay arrintan siyaabo kala duwan uga hadleen. Sheegashada dilka Yaxye Sinwaar ayaa ku kooban dhinaca Israa’iil iyo Mareykanka, Xamaasna weli kama hadlin, sidaa darteed madaxda dalalka dunida intooda badani wax war ah kama soo saarin. Israa’iil ayaa dhowr jeer horay u sheegatay dilka Yaxye Sinwaar iyo hoggaamiyaal kale oo uu ku jira abaanduulayaha guutada Al-Qassaam Muxamed dayf, balse markan Mareykanka ayaa ku dhawaaqay, waxaana la sheegay in la xaqiijiyay ka dib markii DNA laga qaaday meyd la helay, haddana weli xogtu ma sugna haddii aysan kooxda Xamaas arrintaas shaacin. Source: goobjoog.com
  19. Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa iska dhogo tiray go’aankii ganaaxa ahaa ee ay 3 cisho ka hor ay soo saareen Gudida anshax marinta doorashooyinka, kaasi oo mamnuucaayay in xisbina uu qabsado wax xaflad ah ka hor ololaha xisbiyada loo asteeyay. Hadaba sida ku cad sawiradani iyo muuqaalo la baahiyay waxa 17/10/24. Gabiilay ka qabsoontay xaflad ay madaxda ugu saraysa ee xisbiga Kulmiye ka soo qayb galeen taasi oo qaybo ka mid ah beesha reer Xareed ee Jibriil Abokor ay sheegeen in ay taageero ugu muujiyeen xisbiga Kulmiye. Madaxda xisbiga Waddani ayaa doraad baajiyay xaflad si heersare ah loo agaasimay oo ka dhaci lahayd degmooyinka Sabawanaag iyo Cadaadley. Hadaba hadii Gudida anshax marinta doorashooyinka ee Somaliland aycarinkani talaabo ka qaado waayaan waxa loo arkayaa in ayna arimaha doorashooyinka ayna dhex ka ahayn. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/10/463897439_906213937596635_8216823236339536363_n.mp4 Halkan hoose ka daawo hadalkii gudiga anshax marintu soo saaray. Qaran News
  20. Waxaa si rasmiya caawa ugu biiray xisbiga WADDANI xildhibaano, Xildhibaan Eng Saleeban Axmed Carab oo ka tirsan Golaha Wakiilada JSL , Maayir ku xigeenkii hore oo degmadda Burco Dr. Mukhtar Cabdi Baaryare iyo Xildhibaan Khalid Xassan X . Diiriye oo ka tirsan Golaha Degaanka Burco . Xildhibaanadan ayaa dhamaantood ka tirsanaa Xisbiga Kulmiye , waxaana ay caawa si rasmi ah ugu biireen xisbiga WADDANI . Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro iyo Gudoomiyaha xisbiga WADDANI ayaa si wada jir ah u qaabilay Xildhibaanadan isla markaana uga mahad celiyey inay ku soo biraan xisbiga wakhti aad loogu baahanyahay cududooda iyo garab istagooda xisbiga. Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo qoraal ka soo saaray qaraxii galabta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa si adag u cambaareeyey weerarkaas argagixiso ee qof naftiisa haligay uu la beegsaday goob ay bulshadu ku nasato oo ku taalla Akademiyada Booliska ee Jeneraal Kaahiye. “Waxaan tacsi u dirayaa ehellada dadkii ku dhintay weerarka, anigoo Alle uga baryaya inuu caafimaad degdeg ah siiyo dadka dhaawacmay,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa tacsi gaar ah u diray qoyska, ehellada, iyo bahda suugaanta ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Abwaan Sugaal Cabdulle, oo ahaa halgamaa door weyn ka qaatay dhismaha dowladnimada iyo geeddi socodka nabadda Soomaaliya. Abwaan Sugaal Cabdulle ayaa ka mid ahaa kooxda fanka ee Booliska Soomaaliya ee Heegan, wuxuu ahaa sarkaal nabadda u ololeeya oo weligiis aan dalka ka bixin, wuxuu ahaa Macalinka kooxda Heegan iyo Abwaan marjac u ahaa fanka. Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Guure ayaa yiri “Waxyaabaha lagu yaqaan waa wacyigalinta bulshada iyo wadaniyada uu dadka kala hadli jiray oo suugaantiisu u badan tahay, wuxuu ahaa nin jilaa ah, fanaan heesaha qaada, abwaan iyo sarkaal boolis ah, intaasba waa isku ahaa.” Sidoo kale Abwaan Guure ayaa sheegay in Abwaan Sugaal Cabdulle uu ahaa shaqsi aad u wanaagsan oo sheeko badan, farxad badana ay ka muuqato. “Shakhsiyadiisa haddii aan kuu soo koobo, wuxuu Abwaan Sugaal ahaa qof lala sheekeysto oo lala fariisto oo la barto oo ka fiican waa yar yahay, sababtoo ah wuxuu ahaa nin in yar haddii aad la sheekeysato aad la yaabeyso xigmadiisa, sida uu u fikirayo, siduu kaaga farxinayo,” ayuu yiri Abwaan Guure oo aad u yaqaanay Abwaan Sugaal oo maanta la dilay. Abwaan Sugaal oo horay uga sheekeeyey taariikhdiisa ayaa sheegay in markii uu fanka ku soo biiray uu ku sugnaa magaalada Galkacyo, isagoo yarna uu ku soo biiray kooxda Heegan ee ciidanka Booliska Soomaaliya. “Aniga waxaa la ii soo qoray aniga oo Galkacyo jooga oo gabya, waxaana isoo qortay booliska oo sidaas ayaan ugu biiray Heegan,” ayuu sheegay Abwaan Sugaal intii uu noolaa. The post Sheekh Shariif oo war culus ka soo saaray qaraxii galabta iyo geerida Abwaan Sugaal appeared first on Caasimada Online.
  22. Somaliland is positioned in the Gulf of Aden and near the entrance to the Bab al-Mandab Strait, through which nearly a third of the world’s maritime cargo passes. Israel is interested in establishing a military base in northern Somalia in order to keep tabs on Yemen and the Bab al-Mandab Strait, Middle East Monitor, the Qatari state-funded news site reported on Tuesday. According to the report, in exchange, Israel would establish relations with Somaliland, which controls northern Somalia but is not currently recognized by Israel. Middle East Monitor noted that Somaliland is geographically strategic. It is a former British colony that borders Ethiopia, Somalia, and Djibouti. Somaliland was considered an autonomous region of Somalia that declared independence in 1991. Somaliland is positioned in the Gulf of Aden and near the entrance to the Bab al-Mandab Strait, through which nearly a third of the world’s maritime cargo passes. Somaliland has 740 kilometres of coastline along the Gulf of Aden and could play a key role in safeguarding the Bab al-Mandab Strait and the Red Sea from piracy, terrorism, and smuggling, Middle East Monitor wrote. Danish frigate Iver Huitfeldt sets off for the Gulf of Aden, from the Naval Station in Korsoer, Denmark, January 29, 2024. The Danish frigate will contribute to strengthening maritime security in and around the Red Sea. (credit: RITZAU SCANPIX/MADS CLAUS RASMUSSEN VIA REUTERS) Various international shipping companies have grown hesitant to charter merchant vessels through the Bab al-Mandab Strait due to attacks by Yemen’s Houthis, disrupting global trade and triggering multinational naval action. Traders are scrambling to find alternative shipping routes to get consumer goods to retailers, with journeys around Africa adding roughly 10 days to voyage times. US Defense Secretary Lloyd Austin announced in late 2023 the establishment of Operation Prosperity Guardian, a new multinational security initiative involving key countries such as the UK, France, the US, and Italy. Securing Israel from afar According to the report, Israel seeks to enhance its national security from afar and challenge the Houthis presence in Yemen, along with other potential economic opportunities that could be spurred from diplomatic relations. Potential economic opportunities include growing investments in agriculture, energy, and infrastructure. Israel’s historic success in agriculture and knowledge of this field, such as its kibbutz model, could be used to leverage and secure a military base in Somaliland, Middle East Monitor stated. The United Arab Emirates (UAE) has ties with both Israel and Somaliland and has maintained a base in Somaliland since 2017. The UAE was one of the first countries in the region to recognize the Republic of Somaliland and has invested in the area, Middle East Monitor wrote. The UAE is mediating on behalf of Israel to establish a military base in Somaliland, Middle East Monitor reported, citing diplomatic sources that could not be verified. Potential economic opportunities include growing investments in agriculture, energy, and infrastructure. Israel’s historic success in agriculture and knowledge of this field, such as its kibbutz model, could be used to leverage and secure a military base in Somaliland, Middle East Monitor stated. The United Arab Emirates (UAE) has ties with both Israel and Somaliland and has maintained a base in Somaliland since 2017. The UAE was one of the first countries in the region to recognize the Republic of Somaliland and has invested in the area, Middle East Monitor wrote. The UAE is mediating on behalf of Israel to establish a military base in Somaliland, Middle East Monitor reported, citing diplomatic sources that could not be verified. Source Jerusalem Post Qaran News
  23. Israel says its forces have killed Hamas leader Yahya Sinwar in Gaza. Source: Hiiraan Online
  24. Jigjiga (Caasimada Online) – Ururka ONLF ayaa sheegay inay dib u qiimaynayaan heshiiskii nabada ay la galeen dowlada Itoobiya sanadkii 2018-kii, kaas oo afjaray dagaal ahli ah oo muddo 30 sano ka badan socday, waxaa warkaan cusub ee ururka ka soo baxay lagu sheegay inay dhaqan gelinayaa. qaar kamid ah qodobadii lagu heshiiyay 6 sano ka hor. Afhayeenka ururka ONLF Cabdulqaadir Xasan Hirmooge (Caddaani) oo la hadlay BBC ayaa sheegay in heshiiska uu ahaa in hadafkii ONLF ee ahaa in xuquuqda dadka iyo dhulka ay dagaalka ku raadin jirtay ay nabad ku raadiso. “Waxaa kale oo uu ku saabsanaa in dhibaatada dhex taalla Soomaalida iyo Itoobiya ama dadka Soomaaliyeed ee Ogaadeeniya oo laga wadahadlo khilaafka asalkiisii oo xal loo raadiyo, loona saaro guddiyo heer deegaan ah, kuwa Federaal iyo xubno ka tirsan ONLF, si loo helo xididka dhibaatada la isku hayo,” ayuu yiri Cadaani. Wuxuu intaas ku sii daray, “In dadkayagii uu dagaalka saameeyay oo u qaxay dalalka dariska ah ee Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuti iyo dalal kaleba dib loo soo celiyo oo dib u dejin loo sameeyo iyo meeleynta ciidankii xoreynta Ogaadeeniya ee ururka xubnihiisa ahaa.” Afhayeenka ONLF ayaa sheegay in heshiiskaas uu keliya ka dhaqan galay in nabad lagu wada joogo oo 6-daas sano, balse qodobadii ku saabsanaa ciidanka ayuu sheegay in aysan hirgelin. “Qodobbadii ku saabsanaa ciidanka iyo dib u dejinta dadkii ay dagaalladu saameeyeen ma hirgelin, guddiyadii in wadahadalka inuu sii socdo ahayd ee lagu raadinayay xalka dhibaatada aasaaskeeda iyo meesha ay ka timid wax yar baa ka bilowday, horeyna uma soconin,” ayuu yiri Cabdulqaadir Hirmooge. Sidoo kale wuxuu sheegay in Itoobiya ay waqti siiyeen, xiligii kala guur ahaa ee Abiy Axmed uu taliskiisa xoojinayey, “Garbay ahayd inaan waqti siino, isbadal baa ka dhacay deegaankayaga, tan kale marar badan baan qiimeynay oo qoraal baan u dirnay dowladda Itoobiya, inagoo xusnay arrintan marka qiimeyntan waxa ay ka mid tahay kuwii hore un balse waxa ay ku aadday xilli xasaasi ah oo Geeska Afrika ay xaalado ka taagan yihiin,” ayuu yiri Afhayeenka ONLF Bishii September ee sannadkan Ururka ONLF ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray taliyaha militariga dalka Itoobiya Birhanu Jula, waxayna ururka ONLF sheegeen in ay dowladda Itoobiya uga fadhiyaan in ay faahfaahin ka bixiso, isla markaana ay kala caddeyso hadalka taliyaha, balse Itoobiya weli kama jawaabin farriintii ONLF. The post ONLF oo dib u qiimeyneysa heshiiskii nabadda ee Abiy Axmed ay la galeen 6 sano ka hor appeared first on Caasimada Online.
  25. Washington (Caasimada Online) – Nin degan gobolka Maryland ee dalka Mareykanka ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu isku dayay inuu taageero agab ah siiyo kooxda Daacish ee Soomaaliya, waxaa sidaas Arbacadii ku dhowaaqay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Mareykanka ee Qeybta Maryland. Michael Sam Teekaye Jr., oo 21 jir ah, kuna nool magaalada Hanover, Maryland, ayaa 14-kii Octobar lagu xiray garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Baltimore Washington, waxaana tan iyo xilligaas uu ku jiray xabsi. Waxa uu ka soo hor muuqday garsoore maxkamadeed Erin Aslan ka dib markii la xiray. Sida lagu sheegay galka dacwaddiisa, Teekaye wuxuu wadahadalo badan la yeeshay sarkaal is-qariyey intii u dhaxaysay Maarso iyo April 2023, isagoo u muujiyay rabitaankiisa ku biirista kooxda Daacish, una safro Afrika si uu ugu dagaallamo kooxda argagixisada. Waxa uu sidoo kale u sheegay sarkaalka in haddii qorshihiisa socdaal uu shaqeyn waayo, uu qorshihiisa Plan B ahaa in uu Mareykanka ka fuliyo weerar ka dhan ah shaqsiyaadka taageera Israel. Bilihii May iyo June 2024, Teekaye waxa uu iibsaday rasaas iyo waqtiga goob toogashada lagu sameeyo oo ku taalla Severn, Maryland, taasi oo qayb ka ah waxa uu ku tilmaamay “tababar.” Markii dambe waxa uu isku dayay in uu iibsado qoriga Kalashnikov K-9 9mm bishii July 2024, balse waa loo diiday sababo la xiriira in kiis dambi ugu jiray diiwaanka gobolka. Warqadaha dacwadda ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyey xiriir Teekaye uu la sameeyay dagaal-yahannada Daacish ee Soomaaliya, isaga oo kala shaqeynaya qorshihiisa safarka. Teekaye ayaa helay fiisaha elektaroonigga ah ee Itoobiya, iyo ticket diyaarad oo uu ka helay dagaal-yahanada Daacish, si uu uga safro garoonka diyaaradaha BWI isaga oo ku socda Soomaaliya, siina maraya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kadib marka uu ku hakado magaalada London. 10-kii October, Teekaye waxa uu sarkaal is-qariyey u diray sawir isaga oo maaskaro xiran oo baangad sita, iskuna sheegaya in uu yahay “Cabdullaahi, dilaaga islaam nacaybka”. Teekaye ayaa lagu xiray BWI October 14 ka dib markii uu maray hubinta kahor duulimaadkiisa. Markii la xiray kadib, Teekaye ayaa la sheegay inuu ku yiri wakiilada FBI-da, “Waxaan xabsiga ka soo bixi doonaa 20 sano kadib oo aan wax ka qaban doono halkan… Jihaadku waligii ma joogsan doono.” Kadib waxaa la sheegay in uu laad ku dhuftay mid ka mid ah wakiiladii FBI-da ee soo xiray intii ay hadalka is-dhaafsanayeen. Haddii lagu helo dambiga, Teekaye waxa uu wajahayaa ugu badnaan 20 sano oo xarig ah oo federaal ah sababo la xiriira uu isku dayay in uu taageero agab ah siiyo urur argagixiso oo shisheeye ah. VOA The post FBI-da Mareykanka oo xirtay nin u socday Soomaaliya oo damacsanaa arrin xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.