Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda diblumaasiyadeed ee haatan u dhexeyso dowladaha dariska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Fiqi ayaa si qoto dheer uga hadlay xiisadda kasii dareysa labada waddan iyo sababta ay dowladda federaalka go’aan uga qaadan la’dahay safaaradda Itoobiya ee Muqdisho oo weli sii shaqeyneyso, taas oo weliba ku dhex-taallo gudaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in safaaradda Itoobiya ay Villa Soomaaliya degtay sanadkii 2007-dii, xilligaas oo ay ciidamadooda gudaha usoo galeen Muqdisho, wuxuuna sheegay in xilligan dowladda federaalka aysan ku dag dagi karin inay rarto dhismaha xarunta Madaxtooyada. Sababta waxa uu ku sheegay in go’aankaas uu saameyn karo safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Addis Ababa, oo uu tilmaamay inay ku taallo meel muhiim ah. “Itoobiya markii ay magaalada qabsadeen sanadkii 2007-dii ayay degeen madaxtooyada dalka, waxaana raali uga ahaa madaxdii xilligaas joogtay. Ka bixistooda waxay haatan ku xiran tahay marka xaaladda dalku degto in safaaradaha oo dhan loo sheego inay guuraan meelo dowladdu u cayimtay,” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in go’aanno kale ay ka qaadan doonaan Itoobiya, sida ciidamadeeda inay isaga baxaan dalka, qaybna aysan ka noqon howlgalka xiga ATMIS. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa hal shuruud ku xiray Itoobiya oo ah inay ka laabato heshiiska badda ee ay la gashay Somaliland, sidaas oo kaliyana uu kusoo noqon karo xiriirka,ayna sidaas ciidamadooda kusii joogi karaan gudaha dalka Soomaaliya. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku kala kacay wada-hadalladii uga socday Ankara, kadib markii ay Itoobiya ku adkeysatay go’aankeeda, halka Soomaaliya ay iyadana ku dhegtay in marka hore Addis Ababa buriso heshiiska sharci darrada ahaa ee ay la gashay Somaliland. The post FIQI oo shaaciyay sababta safaaradda Itoobiya looga rari la’yahay Madaxtooyada appeared first on Caasimada Online.
  2. Qarax ismiidaamin ah ayaa galabta ka dhacay maqaayad ku taalla gudaha dugsiga tababarka Booliska Gen. Kaahiye (Iskuul Buluusiya) ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa waxaa fuliyay ruux isku soo xiray waxlaha qarxa, kaas oo beegsaday maqaayada oo ay fadhiyeen dad badan oo isugu jiray ciidan iyo shacab. Inta la xaqiijiyay 7 qof oo isugu jira ciidan iyo shacab ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 6 ruux, sida lagu sheegay war ka soo baxay ciidanka Booliska Soomaaliya. ”Maanta oo taariikhda tahay 17-Oct-2024 abaaro 15:27 ama 03:27pm ruux naftii halige ah oo isku soo xirey walxaha qarxa ayaa ku qarxay xaafada isku raranta ah ee kasoo horjeeda barxada Iskool Boliisiya, halkaas oo ay ku yaalaan geedo ay dadka meesha degan harsadaan. Qasaaraha hordhaca ah oo la xaqiijiyey waxay kala yihiin:- Dhimashada 7 ruux oo isugu jira ciidan iyo shacab, dhaawacana waxaa la arkay ilaa hadda 6 ruux” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska. Dadka qaraxa ku dhintay waxaa ka mid ah sarkaal magaciisa lagu soo koobay Cabdixakiin oo ahaa madaxa amniga ee Isbitaalka Yardemeli iyo Abwaan Sugaal Cabdulle Cumar. PUNTLAND POST The post Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in teknoolojiyaddu yaraysay musuq-maasuqa, sidoo kalena ay qeyb wayn ka qaadatay fududaynta bixinta mushaharaadka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in hadda adduunka u wareegay adeegsiga teknoolojiyada, sidaa awgeed waxa ka go’an xukuumadda diyaarinta shuruucdii lagu ilaalin lahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee maalgelinta xooggan galisay horumarinta teknoolojiyadda maaliyadeed ee Soomaaliya. Mudane Xamza ayaa tilmaamay in dowladda dhiiri-galinayso ganacsiyadda gaarka loo leeyahay, isagoo ku bogaadiyey shirkada isgaarsiinta Hormuud doorka wayn ee ay ka ciyaarayso horumarinta dhaqaalaha dalka. Ra’iisul wasaaraha oo hadalkan ka jeediyey xiritaanka shirwaynaha bandhigga teknoolojiyadda maaliyadeed ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in hadda dowladda ay xoogga saareyso isticmaalka adeegsiga teknoolajiyada. Teknoolojiyadda ayaa sanadihii dambe si weyn uga hanaqaaday Soomaaliya, ayada oo ay ku tiirsan yihiin adeegyada muhiimka ah ee dadweynaha, waxaana sare u kacaya hal abuurka teknoolojiyadeed ee dalka. Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa inta badan adeegyada ay bixiso iyo dakhli qabashada haatan u bedeshay nidaamyo casri ah, kuwaas oo qeyb ka ah qorshaha la-dagaalanka musuq-maasuqa, oo si weyn u curyaamiyay Soomaaliya. The post Xamza oo shaaciyay arrin qeyb weyn ka qaadatay yareynta musuqa dalka appeared first on Caasimada Online.
  4. Musharax xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa maanta qaabilay gudoomiyihii garabka dhalinyarada Kulmiye ee Gobalka Saaxil iyo sidoo kale Xoghayihii abaabulka kuwaas oo shalay iska cassilay xisbiga KULMIYE , kuna biiray xisbiga WADDANI . Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray qarax xooggan oo galabta ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxan oo uu fuliyay naftii halige isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa waxa uu ka dhacay barxadda dugsiga tababarka booliska ee Iskuul Buluusiyo, iyada oo uu ka dhashay khasaare kala duwan. Booliska ayaa shaaciyay in qaraxa ay ku geeriyoodeen 7 ruux oo isugu jira ciidan iyo shacab, halka ay ku dhaawacmeen illaa 6 ruux oo kale. Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay guryo isku raran ah oo ku yaalla kasoo horjeedka barxadda xerada, halkaas oo ay ku yaallaan geedo waaweyn oo la harsado, sida uu sheegay booliska. Qaraxa ayaa ahaa mid jugtiisa laga maqlay inta badan gudaha magaalada, waxaana uu dhacay xilli uu maanta ababar askar badan uga socday xerada. Dhawaan unbey aheyd markii kooxda Al-Shabaab ay gaari walxaha qarxa kasoo buuxisay ku weerartay bar-koontarool oo ku yaalla degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir, kaasi oo ay dagan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda Soomaaliya. Kooxda oo howlgallo ka dhan ah ka socdaan gobollada dhexe ayaa u muuqata mid culeys soo saareysa caasimada, si ay weli u muujiso inay awood u leedahay fulinta weeraro, kuwaas oo inta u badan waxyeello kasoo gaarto dadka shacabka. The post Booliska oo war kasoo saaray qaraxa Iskuul Buluusiyo + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  6. Mogadishu (HOL) — At least seven people, including soldiers and civilians, were killed, and six others injured when a suicide bomber targeted a slum village near the School Polizia in Mogadishu on Thursday. Source: Hiiraan Online
  7. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyey qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay dugsiga tababarka Booliska ee Iskuul Boolisiya. Qoraal kasoo baxay booliska ayaa lagu sheegay in 7 ruux oo isugu jira ciidan iyo Shacab ay ku geeriyoodeen qaraxa islamarkaana ay ku dhaawacmeen 6 ruux. Boolisku wuxuu ku sheegay qoraalka in qaraxu uu ka dhacay guryo isku raran ah oo ku yaalla kasoo horjeedka barxadda halkaas oo ay ku yaallaan geedo waaweyn oo la harsado. Faahfaahin Qarax Ismiidamin oo ka dhacay Muqdisho Iskuul Boolisia oo meel si weyn loo ilaaliyo ammaankeeda. waxaana inta badan Maqaayaddaha ku yaalla gudaha Fadhiista Saraakiisha Dowladda ee Booliska. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay faraha ka baxay iyadoona ay ka dhacayeen dilal qorsheysan. Source: goobjoog.com
  8. Faahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya Qarax goor dhow ka dhacay xarunta Iskuul Boolisia ee Muqdisho. Qaraxa waxaa fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha Qarxa kasoo la sheegay in uu galay gudaha Xarunta. Ku dhawaad 10 ruux ayaa ku dhimatay Qaraxa halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 ruux. Dadka ayaa fadhiyay Maqaayad ku taalla gudaha Xarunta Iskuul Boolisia. Iskuul Boolisia oo meel si weyn loo ilaaliyo ammaankeeda. waxaana inta badan Maqaayaddaha ku yaalla gudaha Fadhiista Saraakiisha Dowladda ee Booliska. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay faraha ka baxay iyadoona ay ka dhacayeen dilal qorsheysan. Source: goobjoog.com
  9. Maxkamad ku taal Bangladesh ayaa amartay in la soo xiro ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Sheekh Hasina, taasoo u carartay Hindiya in ka badan laba bilood ka hor markii lagu riday kacdoon ay ardaydu horkacayeen. Mohammad Tajul Islam, oo ah madaxa dacwad oogaha maxkamada caalamiga ah ee dambiyada caalamiga ah ee Bangladesh (ICT), ayaa sheegay in Khamiista maanta ah maxkamaddu ay soo saartay amar lagu soo xirayo Hasina iyo 45 kale oo ka tirsanaa xukuumadeedii. Hasina laguma arag meel fagaare ah tan iyo markii ay ka tagtay Bangladesh bishii agoosto, waxayna wararku sheegayaan i 77-sano jirkani ay markii ugu dambeysay ku sugnayd saldhig milatari oo u dhow caasimadda India ee New Delhi. Joogitaankeeda Hindiya ayaa ka caraysiiyay Bangladesh, waxayna dowladdu kala noqotay Hasina baasaboorkeeda diblomaasiga ah, balse lama oga in India ay oggolaan doonta inay xukuumadda Dakar u soo gacan geliso haweenaydan muddada dheer ra’iisul wasaaraha soo ahayd, Aabaheedna uu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee dalkaas . Source: goobjoog.com
  10. Abuja (Caasimada Online) – Qarax ayaa kala dhantaalay dad badan oo u soo orday inay gurtaan shidaal ka soo daatay booyad shil ku gashay waqooyiga Nigeria, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 147 qof, sida ay saraakiil u sheegeen AFP Arbacadii. Masiibadan ayaa ah tii ugu dambaysay ee noocan ah oo ka dhacda Nigeria, xilli uu shidaalku noqday badeeco qaali ah, ayada oo dalka uu marayo mid ka mid ah xasaradihii dhaqaale ee ugu xumaa muddo jiilal ah. Gaariga booyadda ayaa leexasho sameeyey si uu uga fogaado in uu ku dhaco gaari xamuul ah, gudaha magaalada Majia, sida ay booliska sheegeen. Shilka ka dib, dadka deegaanka ayaa ku soo xoomay hareeraha gaariga, iyaga oo guranaya shidaal waddada ku daatay iyo gorgorka booyadda. Sanusi Lawan oo arday ah ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in uu maqlay “qeylo farxadeed” uuna u cararay in uu ku biiro boqolaal qof oo baaldiyo ku guranayay shidaalka. 21-jirkan ayaa baaldigiisii u qaatay gurigiisa, waxaana walaalkiis uu ku qanciyay in aanu dib ugu laaban, kadibna waxay maqleen “qarax weyn iyo oohin xanuun iyo baqdin leh”. “Waxaan ku cararnay goobta, waxayna ahayd goob argagax leh,” ayuu yiri Lawan. “Dadku waxay ordayeen iyagoo dab uu ka kacayo, waxayna ku qaylinayeen gargaar.” “Haddii aanan dhegaysan talada walaalkay, waxaan ka mid noqon lahaa kuwa dhintay,” ayuu yiri. Hay’adda gurmadka deg-degga ah ee qaranka ayaa sheegtay in 147 qof ay dhinteen. Guddoomiyaha dawlada hoose Hambali Zarga ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in tiradan ay tahay oo kaliya meydadka lagu aasay hal xabaal wadareed, wuxuuna ka digay in khasaaruhu uu sare u kaco. Daraasiin dhibanayaal ah “ayaa u gubtay si aan la aqoonsan karin,” ayuu u sheegay AFP isagoo ku sugan qabuuraha. Wuxuu sheegay in meydad badan lagu aasay meelo kale, halka ku dhawaad 140 qof oo dhaawac dadka deegaanka ah lagu daweynayo isbitaallada ku dhow. Ururka dhakhaatiirta Nigeria ayaa ku booriyay dhakhaatiirta inay u deg-degaan qolalka xaaladaha deg-degga ah ee u dhow, si ay uga caawiyaan qulqulka bukaannada. Magaalada caasimadda ah ee Abuja, sharci-dajiyayaasha Nigeria ayaa hal daqiiqo oo aamusnaan ah ku qabtay aqalka senate-ka. Madaxweyne Bola Ahmed Tinubu ayaa taageero u ballan qaaday kuwa ay dhibaatadu saameysey, oo uu sheegay in ay “ka go’an tahay in si degdeg ah oo dhamaystiran dib u eegis loogu sameeyo hab-raaca badbaadada gaadiidka shidaalka ee dalka oo dhan”. Qaraxyada booyadaha shidaalka ayaa ku badan dalka ugu dadka badan qaaradda Afrika, halkaasi oo wadooyinka ay si liidata loo daryeello, dadka deegaankana ay inta badan damcaan in ay shidaalka shubtaan kadib shilalka. Shidaalka ayaa sii noqday badeeco qaali ah, iyada oo Nigeria ay wajaheyso dhibaatadii dhaqaale ee ugu xumayd muddo jiil ah. Qiimaha shidaalka ayaa shan laab kor u kacay tan iyo markii Madaxweyne Bola Ahmed Tinubu uu meesha ka saaray kabkii dowladda sanadkii hore, waxaana inta badan jira gabaabsi. Rajo-xumada ayaa sii korartay toddobaadkii tegay ka dib markii shirkadda saliida ee dowladda ay kor u qaadday qiimaha markii labaad muddo bil gudaheed ah. “Qof walba waa ogyahay khatarta ku jirta qaadashada shidaalka marka booyadu ay shil gasho laakiin heerka faqriga ayaa ah mid aad u adag si la isaga celiyo isku daygan,” ayuu Lawan u sheegay AFP. “Shidaalku hadda waa dahab” iyada oo ay jirto xasaradda dhaqaale, ayuu yiri. Afhayeenka booliiska Lawan Shiisuu Adam ayaa sheegay in dadka isku soo baxay ay “ka tan bateen” askartii isku dayay in ay joojiyaan, hadalkaas oo ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah. “Dalka waxaa ka jira faqri baahsan, dadkuna wax walba way sameyn doonaan si ay u helaan waxay u baahan yihiin inay cunaan,” ayuu yiri Buhari Ali, oo ah 30-jir shaqaale dowladeed ah oo ka qayb-qaatay aaska wadareed. “Dadku waa gaajaysan yihiin, mana awoodin inay lumiyaan fursaddan dhifka ah.” Shilalka ku lugta leh booyadaha ayaa ku soo noqnoqda Nigeria, ayadoo Guddiga Badbaadada Waddooyinka ee Federaalka (FRSC) ay diiwaangeliyeen 1,531 shil sanadka 2020, kuwaas oo sababay dhimashada 535 qof. Bishii hore, ugu yaraan 59 qof ayaa ku dhintay markii booyad shidaal ay ku dhufatay gaari xamuul ah oo ay saarnaayeen rakaab iyo lo’ gobolka waqooyi-galbeed ee Niger. FRSC ayaa sheegtay in in ka badan 5,000 oo qof ay ku dhinteen shilalka waddooyinka Nigeria sanadka 2023, marka la barbar dhigo ku dhawaad 6,500 qof oo dhintay sanadkii ka horeeyey. Hase yeeshee, sida uu ku warramay Ururka Caafimaadka Adduunka, tirooyinkan kuma jiraan shilalka aan lagu wargelin mas’uuliyiinta. WHO ayaa ku qiyaastay in dhimashada shilalka waddooyinka ee Nigeria ee sanadkii ay ku dhawdahay 40,000, sida lagu sheegay warbixin la daabacay sannadkii hore. Dab dhimasho badan iyo qaraxyo ayaa sidoo kale ka dhaca guud ahaan xarumaha shidaalka iyo saliidda ee Nigeria, oo ah mid ka mid ah dalalka ugu soo-saarka badan saliidda cayriin ee qaaradda. The post Ku dhowaad 150 qof oo ku dhintay qarax booyad oo ka dhacay… appeared first on Caasimada Online.
  11. AMSTERDAM — Sahra Maxamed Khaliif, oo ah gabar Soomaaliyeed oo ku nool dalka Holland, ayaa qortay taariikh cusub ka dib markii ay ku guuleysatay kursi ka mid ah gollaha deegaanka magaalada Leuven ee dalka Holland. Sahra waxay noqotay haweeneydii ugu horeysay oo Soomaali, Muslim ah, isla markaana qaxooti soo galay ah oo jagadan ku guuleysata gobolkaasi. Guusheeda ayaa loo arkay mid xoojinaysa matalaadda bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan soogalootiga ku nool Holland, taas oo ka mid ah dadaallada lagu ballaarinayo ka-qaybgalka siyaasadeed ee dadka laga tirada badan yahay. Doorashadan ayaa timid iyadoo sii kordhaya baahida loo qabo in la xoojiyo is-dhexgalka iyo aqoonsiga kala-duwanaanshaha ee siyaasadda dalka Holland. Sahra Maxamed Khaliif oo la hadashay wariyaha VOA, Sahra Cabdi Axmed, ayaa muujisay farxadda iyo mahadcelinteeda. Markii la weydiiyay sida ay guushan u aragto, waxay sheegtay in ay tusaale u tahay sida bulshada soogalootiga ah ay ugu sii milmayaan, lana aqbalayo gudaha bulshada Holland. Guushan waxay rajo gelinaysaa dhalinyarada iyo dumarka Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee laga tirada badan yahay, si ay ugu dhiiradaan hoggaaminta iyo ka-qaybgalka siyaasadda dalka Netherlands, taas oo fursado cusub u abuuri karta bulshada kala duwan. Source: goobjoog.com
  12. Hargeysa (Caasimada Onlin) – Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa maanta isaga baxay garabka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo is casilay, kadibna taageero wayn u muujiyay musharraxa xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro. Wasiir ku-xigeennada wasaaradaha waxbarashada iyo kalluumeysiga ayaa iska casilay xilalkii ay ka hayeen xukuumadda Muuse Biixi xilli uu haatan socdo ololaha doorashada. Naasir Caydiid Maxamed oo ah wasiirka ku xigeenka wasaaradda kalluumeysiga oo qoraal kooban soo saaray ayaa si cad u sheegay inuu soo dhisayo Cabdiraxmaan Cirro. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xisbi ahaan aanu ka bixin Kulmiye, balse doorashada madaxtooyada uu taageerayo musharraxa kasoo horjeedo xisbigiisa ee Cirro. “2017 waxan u codeeyay Muuse Biixi isna wuxuu iga dhigay wasiir ku xigeen aad ayuu u mahadsanyahay, xiligaa waxan u arkayay in hoggaaminta waddanku ay isaga ku fiicantahay, imikana Cirro ayaan dhisayaa, xisbi ahaan lakiin waxan dhisayaa Kulmiye” ayuu yiri Naasir Caydiid Maxamed. Dhankiisa wasiir ku xigeenkii wasaaradda waxbarashada Somaliland Maxamuud Cilmi Yuusuf ayaa isna faah-faahiyay sababta uu isku casilay, wuxuuna sheegay inuu la tashaday dadka deegaankiisa, ayna isla garteen in xilligan ay Somaliland u baahan tahay isbeddal dhab ah. Arrintan ayaa kusoo aadeyso, xilli haatan deegaanada Somaliland ay ka socoto diyaar garow ku aadan doorashada hoggaanka maamulkaas oo dhaceysa 13 November, waxaana haatan socda is riix riixa u dhexeeya xisbiyada ku loolami doono doorashadaasi. Horay waxaa xisbiga talada haya ee Kulmiye uga baxay xubno muhiim ah, kuna biiray xisbiga mucaaradka Waddani ee uu sharraxan yahay Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro. The post Wasiirro iska casilay xukuumadda Muuse Biixi xilli uu wajahayo loolan adag appeared first on Caasimada Online.
  13. Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadda, Rosemary A. DiCarlo ayaa Maanta booqasho Rasmi ah ku timid Magaalada Muqdisho Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, iyo Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, James Swan ayaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay Rosemary A. DiCarlo. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa Rosemary A. DiCarlo uga warbixiyay Xaaladda Amni iyo Siyaasadeed ee Soomaaliya waxaana uu Qaramada Midoobey uga mahadceliyay Taageerada ay siiyaan dowladda. Sidoo kale Rosemary A. DiCarlo ayaa xaqiijisay taageerada ay Qaramada Midoobey u fidinayso Soomaaliya, gaar ahaan kooxda Soomaaliya ee Golaha Ammaanka, taasoo uu Danjire Fiqi si weyn u soo dhaweeyay. PUNTLAND POST The post Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Siyaasadda iyo Nabadda oo Muqdisho timid appeared first on Puntland Post.
  14. Control of the Minnesota Legislature is up for grabs in next month’s election, and the outcome of two St. Cloud-area races for the Minnesota House could help determine which party is in charge of the state Capitol. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay, kaasi oo ay hoggaamineyso Marwo Rosemary A. DiCarlo oo ah ku-xigeenka xoghayaha guud ee QM ee arrimaha siyaasadda iyo dhismaha nabadda. Marwo Rosemary A. DiCarlo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda, Danjire Axmed Macallim Fiqi, iyo ku-simaha wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Amb. James Swan, ayaa soo dhaweeyay. Wasiir Fiqi oo kulan gaar ah la yeeshay Marwo DiCarlo ayaa wuxuu uga warbixiyay horumarka dhawaan laga gaaray Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca amniga. Wada-hadallada ayaa waxay xooga saareen dib u bilaabista shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo lagu wado in markale uu furmo 26-ka bishaan October. Sidoo kale waxay ka wada-hadleen geeddi-socodka kala guurka Soomaaliya ee ku wajahan hawlgalka ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika (AUSSOM), iyadoo wasiirka uu rajo wanaagsan ka muujiyay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay tixgeliyaan soo jeedimaha Soomaaliya. Marwo DiCarlo ayaa dhankeeda ballan-qaaday in taageero buuxda loo fidin doono kooxda Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo wasiir Fiqi uu soo dhaweeyay. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in kooxdaasi ay shaqada ka wadi doonaan New York iyo sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda. Si kastaba, socdaalka wafdigan ayaa imanaya maalin kadib markii uu xafiiska ra’iisul wasaaraha uu shaaciyay in shirka golaha wadatashiga qaran dib la isugu soo laaban doono daba-yaaqadda bishaan, iyada oo ay ka maqan yihiin Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland. The post QM oo wafdi sare usoo dirtay Muqdisho kadib fashilka shirka golaha wadatashiga + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  16. Ra’iisul Wasaare Netanyahu, ayaa meel mariyay bartilmaameedyada gudaha Iran ee ay Israa’iil weerarrayso, sida ay uga jawaabto weerarkii gantaallada Iran, sida ay sheegtay shabakadda ABC news. Warbixinta laguma sheegin , bartilmaameedyada sidoo kale lama cayimin waqtiga ay weerarrada qaadayso Israa’iil. Wargeyska New York Times, ayaa maalin ka hor baahiyay in ay Israa’iil weerarri doonto, saldhigyada gantaallada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn , warshado iyo xarumo dawladeed. Ilaha uu wargeyska xigtay ayaa sidoo kale suragal ka dhigay in ay Israa’iil beegsan doonto xarumaha shaybaarka cilmi-baarista nukliyeerka Iran. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Netanyahu oo meel mariyay in la weeraro goobaha ugu muhiimsan Iran appeared first on Puntland Post.
  17. Mogadishu (HOL) — Somalia's Foreign Affairs Minister, Ahmed Moalim Fiqi, announced that the Ethiopian Embassy, located inside the Somali Presidential Palace since 2007, will remain there for the time being, despite growing concerns from the Somali government. Source: Hiiraan Online
  18. The United Nations agencies on Wednesday expressed commitment to helping Somalia increase investments to boost food production as the country marked World Food Day. Source: Hiiraan Online
  19. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Ilyaas Lugatoor oo Wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Garoowe ayaa eedeyn culus u jeediyay dowladda federaalka oo ay haatan kala dhexeyso xiisad siyaasadeed oo xooggan. Ilyaas Lugatoor ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay inay dhaqaale ku bixineyso qalalaase iyo deganaasho la’aan uu sheegay inay ka abuureyso deegaanada Puntland. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa soo hadal qaaday xiisadda ka taagan gobolka Sanaag, wuxuuna tilmaamay inay ka war hayaan inay ku lug leeyihiin shaqsiyaad ka tirsan dowladda federaalka oo uu ku eedeeyay inay sii hurinayaan colaad ka dhacda halkaasi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hay’adaha amniga Puntland ay u fasaxan u yihiin inay tallaabo adag ka qaadaan cid kasta oo ka shaqeynaysa dhibaato ka dhacda deegaanka. “Waad arkayseen nin waalanoo lasoo gamayoo Badhan iyo Sanaag baryahaan marmarayay. Cid walba oo amniga ka shaqeysa waxaan faraynaa in aan madaxda lalasoo xiriirin ee tallabo laga qaado,” ayuu yiri Ilyaas Lugatoor. Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in qorshahan uu qayb ka yahay abaabul ay hadda waddo dowladda dhexe, kaas oo ay ku dooneyso inay ku beegsato maamullada dalka. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda culus ee dhexeysa Villa Soomaaliya iyo Puntland, taas oo saameyn ku yeelatay wada shaqeyntii labada dhinac. The post PUNTLAND oo eedeyn culus u jeedisay DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  20. Rising temperatures are set to elevate heat stress levels in several countries in the Horn of Africa, the Climate Prediction and Applications Center (ICPAC) of the Intergovernmental Authority on Development (IGAD), a regional bloc, said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  21. NAIROBI, Kenya (HOL) — Kenya has launched a new pricing committee to tackle the declining prices of miraa, a key cash crop for thousands of farmers, focusing on expanding exports to Somalia, the largest buyer of Kenyan miraa. The committee is tasked with stabilizing the prices of miraa and muguka, ensuring that farmers who have suffered from low returns can see better profits. Source: Hiiraan Online
  22. Washington DC (HOL) — A 21-year-old Maryland man has been arrested and charged with attempting to provide material support to ISIS-Somalia, following a months-long undercover investigation, the U.S. Attorney's Office for the District of Maryland announced. Source: Hiiraan Online
  23. Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallim Fiqi, iyo Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa soo dhaweeyay Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda iyo Dhismaha Nabadda, Marwo Rosemary A. DiCarlo, oo booqasho ku timid Soomaaliya. Wasiir Fiqi ayaa Marwo DiCarlo uga warbixiyay horumarka dhawaan laga gaaray Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca amniga. Wadahadallada waxay xooga saareen dib u bilaabista shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo lagu wado in la qabto 26-ka Oktoobar, iyo geeddi-socodka kala guurka Soomaaliya ee ku wajahan Hawlgalka Ku-Meelgaarka ah ee Midowga Afrika (AUSSOM). Wasiirku waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay tixgeliyaan soo jeedimaha Soomaaliya. Marwo DiCarlo ayaa sidoo kale ballan qaaday in taageero buuxda loo fidin doono kooxda Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo Wasiir Fiqi soo dhaweeyay, isaga oo tilmaamay in kooxdaasi ay shaqada ka wadi doonaan New York iyo sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Wadahadalladu waxay si rasmi ah uga sii socon doonaan Villa Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  24. Mogadishu (HOL) — Two deputy ministers in Somaliland's government have resigned, signalling a shift in political alliances just weeks before the pivotal November 13 presidential election. The officials, previously loyal to the ruling Kulmiye Party, announced their support for opposition candidate Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro), citing the need for change. Source: Hiiraan Online