Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kenyan President William Ruto on Wednesday opened an international travel expo in the capital, Nairobi, reaffirming his commitment to growing tourist numbers through diversification and targeted marketing in emerging source markets. Source: Hiiraan Online
  2. Tehran (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha sare ee Iran ayaa khudbad naadir ah, oo uu jeediyey Jimcaha maanta, ku sheegay in xulufadiisa gobolka ay sii wadi doonaan dagaalka Israel, isaga oo difaacay weerarkii gantaallo ee ay ku qaadeen. Khudbadda Aayatullah Cali Khamenei ee Tehran ayaa ahayd tii ugu horreysay tan iyo markii Iran ay fulisay weerarkeedii labaad ee abid ay ku qaado Israel. Sidoo kale waa tii ugu horreysay tan iyo markii rasaas is-weydaarsigii dagaal-yahannada Xzibullah iyo Israel uu isku rogay dagaal ballaaran. Isagoo la hadlayay kumanaan qof oo isugu soo baxay dalka ku hadla luuqadda Farsiga ee Iran, ayuu Khamenei ku yiri Carabi: “Iska caabinta gobolka kama waaban doonaan in ay shahiidaan, wayna guuleysan doonaan.” Khamenei ayaa ammaanay ururka Xizbullah, isaga oo sheegay in ay “adeeg muhiim ah u hayaan gobolka oo dhan iyo dhammaan caalamka Islaamka”. Khudbadda ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Israel ay darseyso aargudasho ka dhan ah weerarkii ee Iran, oo ay Tehran sheegtay in ay ugu aargudaysay dilkii Nasrallah iyo xubno kale oo sar sare. Wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa ku hanjaby “kuwa weerara qaranka Israel, waxay bixiyaan qiimo culus”. Iran ayaa sheegtay in ay sare u qaadi doonto jawaabteeda haddii Israel ay weerar celis sameyso. Ku dhowaad sanad kadib weerarkii dhimashada badnaa ee Xamas ay ku qaaday Israel 7-dii October, Israel ayaa ku dhowaaqday inay diiradda u wareejineyso xaqiijinta xuduudda Lubnaan. Israel waxay sheegtay in hadafka uu yahay in ay u ogolaato in 60,000 oo Israa’iiliyiin ah oo ku barakacay gantaallada Xizbullah, ay ku soo noqdaan guryahooda. Weerarada Israel ee meelaha ay ku xoogan tahay Xizbullah ee Lubnaan ayaa dilay 1,000 qof tan iyo 23-kii September, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan, waxaana ku barakacay boqolaal kun oo qof. Waxay sidoo kale dilaan, Jeneral Irani ah iyo taliyeyaal sare oo ka tirsan Xizbullah, oo uu ku jiro hoggaamiyihii kooxda Xasan Nasrallah. The post Khamenei oo ku dhowaaqay arrin uga sii dareysa xiisadda Israel appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa su’aal ka keenay goorta ay Jubbaland u abaal-gudeyso Puntland, xilli uu hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe uu maqnaanshaha Puntland soo saaray miiska shirka golaha wadatashiga qaran ee ka socda Villa Soomaaliya. Fahad ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Puntland ay abaal siyaasadeed aan lasoo koobi karin ku leedahay Jubbaland, marka loo fiiriyo duruufihii adkaa ee siyaasiga ahaa ee Saciid Deni uu kala soo dabaashay Axmed Madoobe. “Puntland abaal siyaasadeed oo aan la soo koobi karin bey ku leedahay Jubaland. Waa mar ay jiritaan ahaan u difaacdo muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mar ay siyaasad ahaan u badbaadiso muddo xileedkii Madaxweyne Farmaajo,” ayuu yiri Fahad. Sidoo kale waxa uu yiri “Taas caksigeeda waxaa qormaysa taariikh filan-waa ah, iyadoo maamulka Jubaland uu hayo xilka Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada, ayay Puntland dareemeysaa faquuq iyo fogayn kaga imanaya dhanka Dowlada Federaalka.” Hoos ka aqriso qoraalka Fahad JUBALAND GOORMEEY GUDEYSAA ABAALKII PUNTLAND? Puntland abaal siyaasadeed oo aan la soo koobi karin bey ku leedahay Jubaland. Waa mar ay jiritaan ahaan u difaacdo muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mar ay siyaasad ahaan u badbaadiso muddo xileedkii Madaxweyne Farmaajo. Taas caksigeeda waxaa qormaysa taariikh filan-waa ah, iyadoo maamulka Jubaland uu hayo xilka Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada, ayay Puntland dareemeysaa faquuq iyo fogayn kaga imanaya dhanka Dowlada Federaalka. Waxaa la hadal hayaa in Madaxweyne Madoobe shirka madasha kaga khudbeeyey in Punland la’aanteed aanan go’aanno masiiri ah la gaari karin. Haddii ay dhab ka tahay oo uu Puntland u abaal gudayo iyo haddii uu hadal hayn kaliya uga dan lahaa, waxaa laga ogaan doonaa war murtiyeedka shirka laga soo saari doono. The post Fahad: Jubaland goormey gudeysaa abaalkii Puntland? appeared first on Caasimada Online.
  4. Musharax Cabdiraxmaan Cirro iyo waftigii uu hogaaminaayey ee Socdaalka walaaleye ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Oodweyne ee xarunta gobalka Daadmadheedh . Qaran News
  5. New York (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Itoobiya inay Soomaaliya u joogto dhul ballaarsi ee aysan aheyn mid ay uga difaaceyso cadowga. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo hadal ka jeediyay shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo uu yeeshay Golaha Ammaanka ee QM ayaa eedeynta u jeediyay Itoobiya, isagoo xusay in joogitaankooda aysan la xiriirin la-dagaalanka argagixisada. “Aan caddeeyo sheegashada ah in Itoobiya ay Soomaaliya u joogto la-dagaalanka argagixisada waa marmarsiyo lagu doonayo natiijada dhabta ah ee ku qabsaneyso, kuna ku goosaneyso dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu sheegay in xasadaraha ay Itoobiya ku wajaheyso dalalka deriska ay ka leedahay sidii ay indhaha bulshadeeda uga leexin laheyn halista ka taagan gudaheeda, taasboo ay maareyn la’dahay. “Natiijada dhabta ah ee ka dambeysa cadaawada ay baryihii dambe ku wajaheyso dalalka deriska waa isku day ay ku dooneyso inay dareenka dadka looga leexiyo arrimaha halista ah ee ka taagan gudaha dalkaasi ka jira,” ayuu yiri wasiir Fiqi. Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu Itoobiya ku eedeeyay in ay u dhaqantay si ka baxshan shuruudaha howlaha nabad ilaalinta ee Soomaaliya ee ay Itoobiya qeybta ka tahay, ayna hub sharci darro ah soo gelisay gudaha dalka, kuwaasi oo uga sii dari kara xaaladda taagan. Si kastaba, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kala furtay kadib markii horraantii sanadkaan ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland heshiis u gacan gelinaya qeybo kamid biyaha Soomaaliya, kaasi oo ay si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya oo ku tilmaamtay “xad-gudub” ka dhan qarannimada iyo midnimadeeda. The post FIQI oo joogista ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya la xiriiriyey qorshe halis ah appeared first on Caasimada Online.
  6. Dowladda Soomaaliya ayaa Itoobiya ku eedeysay inay hubka sharci darro ah ku soo daabulayso gudaha dalka, islamarkaana ayadoo la dagaallanka Alshabaab ku marmarsiyoonaysa ay doonayso inay qeyb kamida dhulka Soomaaliya goosato. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo hadal ka jeediyay shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo uu yeeshay Golaha Ammaanka ee QM ayaa ku eedeeyey Itoobiya in joogisteeda Soomaaliya aysan la xiriirin la dagaalanka argagixisada, balse ay tahay mid ay ‘ku qabsanayso’ dhul Soomaaliya ay leedahay. Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya bilihii la soo dhaafay ay diiwaangelisay 4 shixnadood oo hub ay Itoobiya dalka soo gelisay ah, kaas oo ay doonaysay inay gacanta u galiso kooxo maleeshiyaad ah, asagoo intaa ku daray in maamulka Abii Axmed uu dalalka deriska ah u colaadinayo si uu u qariyo guuldarrada gudaha dalkiisa ka haysata. Hadalka wasiir Fiqi ayaa xoojinaya dalabka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan inaysan ciidamada Itoobiya qeyb ka noqan karin howlgalka cusub ee badeli doona ATMIS oo gabangabada sanadkan dalka ka baxaysa. Source: goobjoog.com
  7. Addis Abeba – Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud has accused Ethiopia of “deliberately releasing water from reservoirs at dams upstream” to cause flooding in Somalia, escalating tensions between the two Horn of Africa nations. In an interview with The Economist on September 30 in Mogadishu, President Mohamud presented photographs of flooded areas in Somalia, attributing the flooding to Ethiopia’s alleged actions. The Somali president also alleged that Ethiopia is “funnelling arms to clan-based Somali militias” near their shared border. He expressed concern that these weapons could “fall into the hands of al-Shabab,” the jihadist group active in Somalia. Mohamud further accused Ethiopia of “mobilising clan leaders and opposition politicians in Somalia” against the potential deployment of Egyptian troops. He suggested that if pushed, Somalia could “scratch the grievances” of ethnic Somalis living in Ethiopia. The accusation adds to the complex relationship between Somalia and Ethiopia, which has been strained since January when Ethiopia signed a memorandum of understanding with Somaliland, a region Somalia considers part of its territory. Complicating the situation further, Egypt recently sent its second military aid shipment to Somalia, including heavy artillery and armored vehicles. This delivery, part of a defense pact signed between Egypt and Somalia in August 2024, has raised concerns in Ethiopia and Somaliland. AS Qaran News
  8. Washington (Caasimada Online) – Dowladaha Qatar, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Ingiriiska iyo Mareykanka oo Soomaaliya ka taageera dhinaca ammaanka ayaa mar kale ku celiyeen inay lama taabtaan tahay madax-bannaanida Soomaaliya iyo midnimada dhuleed. Wadamadaan oo kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa waxay isku raaceen inay ka soo horjeedaan wax kasta oo qal-qal iyo xasilooni daro ka abuuri kara Geeska Afrika. Sidoo kale waxay dowladda Turkiga ku bogaadiyay dadaalada ay ku doonayso inay ku dajiso xaalada xilli Turkiga uu marti galiyay labo shir oo loo qabtay Soomaaliya iyo Itoobiya. Shirarkaas ayey sidoo kale dowladda Soomaaliya ay ku cadaysay mowqifkeeda ah “in aysan ka gor gortamayn in Itoobiya ay ka laabato damaceeda xad-gudubka ah.” Kulaan ayaa waxaa ka qayb-galay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah, iyadoo lagu soo dhaweeyay dadaalada dowladda Soomaaliya ee ku aadan diyaarinta iyo isku dabaridada ciidan Qaranka oo lagula xisaabtami karo xasiloonida wadanka. Dhanka kale, kulanka inta uu socday ayaa looga hadlay baahida deg-dega ah ee loo qabo in la dhamaystiro qorshayaasha cusub ee howlgalka xasilinta iyo taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya si loo soo afjaro howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika ee Soomaaliya. Ugu dambeyntiina, wadamadaan Soomaaliya ka caawiya dhinaca amniga ayaa isku raacay shirka xiga oo ah shireka 8-aad in lagu qabto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. The post Mareykanka, Turkiga iyo 3 dal oo kale oo isku raacay arrin culus oo xiisadda badda ah appeared first on Caasimada Online.
  9. Mogadishu (HOL) – Somalia's Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Ahmed Moalim Fiqi, has accused the Ethiopian government of leveraging counter terrorism efforts as a pretext for annexing Somali territory. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo weli ka socda Villa Soomaaliya ayaa waxaa hareeyay doodo adag oo ku saabsan jihada saxda ah ee uu dalku aadaayo. Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo jeediyay mowqifkiisa ku aadan sida loo wajahayo marxaladaha soo socdo, isagoo soo bandhigay qorshihiisa ku aadan doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed. Madaxweynaha ayaa dowlad-goboleedyada usoo bandhigay qaabka loo hirgelinayo doorashooyinka qof iyo codka, isagoo miiska soo saaray in afar bilood gudahood lagu ansixiyo sharciyada doorashooyinka iyo sharciga xisbiyada. Sidoo kale wuxuu qorshah Xasan soo bandhigay qeyb ka ah in afar bil gudahood lagu qabto diiwaan-gelinta dadweynaha, halka afarta bil ee u dambeysa lagu qabto doorashada qof iyo cod ee Golaha deegaannada. Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmad Madoobe oo arrinkaas si adag uga biya diiday ayaa miiska soo saaray su’aallo adag oo la xiriira maqnaashaha maamulka Puntland iyo maqaamka Khaatumo. Axmed Madoobe ayaa qaba in heshiis siyaasadeed uu xilligaan sharciyad siin karo dowlad-goboleedyada. Lama oga in Axmad Madoobe uu mowqifkaas ka tanaasuli doono iyo in kale, laakiin madaxda saddexda dowlad-goboleed ee kale ayaa ku ra’yi ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Si kastaba, shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo kusoo aaday waqti xasaasi ah ayaa isha lagu haya go’aannada kasoo bixi doona, ayada oo mucaaradka ka digeen in lagu meel-marsado muddo kororsi cusub oo sharci darro ah. The post Xasan oo maamullada usoo bandhigay qorshe doorasho iyo hoggaamiye diiday – Xog appeared first on Caasimada Online.
  11. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa khudbad ka jeediyay shirka Wasiirada Waxbarashada ee Waddamada Islaamka, kaas oo lagu qabyay dalka Cummaan. Wasiirka ayaa khudbaddiisa uga hadlay xaaladda waxbarashada dalka, dadaalada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan sidii ay waxbarashada u gaarsiin lahayd carruurta Soomaaliyeed ee malaayiinta ah ee aan fursad waxbarasho haysan. Wasiirka ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya ay kordhisay miisaaniyadda ku baxdo waxbarashada, sidoo kale ay shaqaalaysiisay 6 kun oo macallin muddadii labada sanno ahayd ee lasoo dhaafay. Source: goobjoog.com
  12. Dowladda ayaa ayaa xaqiijisay in dhammaanba muhaajiriintii 48 ahaa ee noloshooda ku waayay xeebaha Jabuuti ay ahaayeen mudwaadiniin Itoobiyaan ah. Sida ay sheegtay Safaaradda Itoobiya ee dalka Jabuuti Dhacdadan, oo dhacday 01 October 2024, ayaa waxaa sababay kadib markii ay quuseen labo doomood oo aad u buux-dhaafay kuwaasoo ay saarnaayeen 320 muhaajiriin ka yimid Yemen oo Jabuuti kusoo jeeday. Waxa sheegtay in hannaanka xaqiijinta goobta uu shilku ka dhacay uu muujinayo in “dhammaanba muhaajiriinta ku dhintay shilkan ay ahaayeen Itoobiyaan.” waxay sidoo kale sheegtay in dadka gaaraya 197 ee ka badbaaday shilkaas lasoo badbaadiyay lana geeyay xerada qaxootiga caalamiga ah ee ku taalla Obock. Safaaradda ayaa sheegtay sida ay uga murugeysan tahay dadka noloshooda ku waayay shilkaas waxayna intaa raacisay in weli dadaallada baadigoobka ay socdaan oo weli la baadi-goobayo 75 tahriibayaal kale oo la la’yahay. Source: goobjoog.com
  13. Mogadishu (HOL) — Tensions over governance and future electoral processes have dominated Somalia's National Consultative Council (NCC) meeting in Mogadishu, with notable absences and opposition shaping the discussions. Source: Hiiraan Online
  14. London (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka UK, Boris Johnson ayaa daaha ka qaaday xogta dhacdo xasaasi ah oo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu uu kula kacay, arrintaan ayaa aad looga hadal hayaa dunida. Waxay aheyd sannadkii 2017-kii, intii Boris Johnson uu ahaa xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka UK ayuu xafiiskiisa ku qaabbilay Netanyahu, halkaas oo kulan ay isaga warsadeen arrimo badan uu ka dhacay. Markii kulankaasi soo dhamaaday ayuu sheegay in Netanyahu ka codsaday inuu musqushiisa adeegsado, balse qorshihiisa wuxuu ahaa in qalabka wax basaasa uu ku xiro. Kooxdii qaabilsaneed amniga xafiiska Boris Johnson ayaa ogaatay in markii uu Netanyahu musqusha galay uu ku soo dhajiyay qalab awood u leh in wax walba oo lagu wadahadlo uu ka dhageysan karo xafiiska iyo koonihiisa. Sidoo kale Ra’iisul wasaarihii hore ee UK oo xogtaan hadda kashifay ayaa qoraalkiisa ku sheegay in isla sannadkaas uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu ayaa Aqalka Cad ee dalka Mareykanka ku xiray qalabkaas oo kale. Boris Johnson ayaa intaas ku sii daray in dhaqanka uu ku arkay Netanyahu uu suurtagal ka dhigayo in meel kasta oo uu tago ama xafiis kasta oo uu booqdo uu ku soo xiro qalab uu kala soconayo kulamada ka dhacaya xafiisyada muhiim ka ah ee dalalka kale. Netanyahu oo muddo dheer ahaa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, waxaa lagu tilmaamaa nin dhagar badan oo isku daya inuu ogaado wax kasta oo dunidaan ka socda ama hoggaamiyaasha caalamka ay ku fekerayaan. Hoggaamiyaasha ogaada in la basaasay inta badan ma sheegaan, balse Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka UK, Boris Johnson ayaa hadda kashifay xogtaan, iyadoo aan la garaneyn sababta ku kaliftay. The post Boris Johnson oo kashifay dhagar yaab leh oo Benjamin Netanyahu uu kala kulmay appeared first on Caasimada Online.
  15. Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in weli la isku mari la’ yahay Shirka magaalada Muqdisho uga socda madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka oo uu weheliyo maamulka gobolka Banaadir. Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa sida la sheegayo dood adag ka keenay laba qodob oo Villa Somalia doonayso in lagu meel-mariyo shirka kuwaasi oo ah in mudda kororsi loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada iyo in doorasho qof iyo cod ah dalka laga qabto. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa mowqif cad ka istaagay arrinta ku saabsan in mudda kordhin loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada dalka waxaana uu ku adkaystay in aan wax mudda kororsi ah la aadin oo dowlad goboleedyadu ay sidoodii hore u qabsadaan doorashooyinka taasi oo ay dhabar-jab siyaasadeed u aragto Villa Somalia. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale shardi ka dhigay in Puntland la raadiyo haddii la doonayo in doorashooyin guud oo qof iyo cod ah laga qabto Soomaaliya islamarkaana wuxu dalbaday in la caddeeyo meqaamka siyaasadeed ee SSC-khaatumo. Wararka ayaa intaasi ku darayo in shirka uu hadda qarka u saaran yahay in uu fashilmo balse weli Villa Somalia doonayso in ay badbaadiso ama ugu yaraan shir kale lagu ballamo si madaxweyne Xasan Sheekh uga baaqsado weji gabax-siyaasadeed. PUNTLAND POST The post Shirkii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada uga socday Muqdisho oo burbur qarka u saaran appeared first on Puntland Post.
  16. Magaaladan Washington waxaa todobaadkan ku sugnaa wafdi ka socday dowladda Federalka Soomaaliya oo ka qeyb galayay shir ku saabsan arrimaha ammaanka Soomaaliya. Shirkan waxaa ka qeyb galay kooxda la isku yirahdo QUINT ee Soomaaliya ka caawinaya dhinaca amaanka oo ka kooban Mareykanka, Britain, Turkey, Qatar iyo Imaaraadka Carabta. Wafdiga Soomaaliya shirka uga qeyb galay waxaa ka mid ahaa Xuseen Macalin Maxamud, oo ah la-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaliya. Wada-hawlayaasha ayaa xaqiijiyey taageeradooda madax-bannaanida, midnimada, iyo ilaalinta dhulka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna dib u xasuusadeen baahida loo qabo in la yareeyo xiisadaha gobolka iyada oo loo marayo wada-hadal, oo ay ku jiraan dadaallada dhexdhexaadinta ee Turkiga. Waxay ka wadahadleen muhiimadda ay leedahay in la diiradda saaro yoolalka dhaqaale iyo amni ee wadajirka ah, gaar ahaan si wax looga qabto khataraha joogtada ah iyo kuwa soo baxaya ee ka imaanaya kooxaha argagixisada ee Geeska Afrika. Wada-hawlayaasha waxay muujiyeen taageeradooda dadaallada FGS ee lagu abuurayo ciidan amni oo khibrad leh, xirfad leh, isla markaana mas’uuliyad leh. Waxay ku heshiiyeen in la qaado tallaabooyin lagu hagaajinayo isku-xirnaanta tababarka caalamiga ah si loo fududeeyo hawlgallada dhaw iyo in la caawiyo FGS si ay u horumariyaan awood tababar oo waqti dheer ah. Quint-ka ayaa ka wada hadashay baahida degdegga ah ee lagu dhamaystiro qorshayaasha loogu talagalay Hawlgalka Xasilinta iyo Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya, oo ku xigi doona dhammaadka Hawlgalka Kala-guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Ugu dambeyntii, wada-hawlayaasha Quint-ka ayaa mar kale xaqiijiyey muhiimada qorshaynta xasilinta si loo gaaro guulo milatari oo waara. Waxay ka wadahadleen sida si hufan loogu daro maamul, gargaarka bani’aadamnimada, iyo qorshaynta ciidamada hawlgallada milatari. Quint-ka ayaa ku heshiiyeen in ay mar kale ku kulmaan Muqdisho si ay u qabtaan kulankoodii siddeedaad. Source: goobjoog.com
  17. Shir deg deg ah oo ay yeesheen xubnaha Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayay digniin ugu jeediyay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ee ku shirsan Magaalada Muqdisho. Xisbiga Himilo Qaran ayaa digay in madashu ay soo saarto go’aanno siyaasadeed oo uga sii daraya xaaladda cakiran ee uu dalka hadda ku jiro, isla markaana abuuri kara khilaafaad siyaasadeed oo hor leh. “Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ka digayaa in madashu ay soo saarto go’aanno siyaasadeed oo uga sii daraya xaaladda cakiran ee uu dalka hadda ku jiro, isla markaana abuuri kara khilaafaad siyaasadeed oo hor leh” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Xisbiga Himilo Qaran. Xisbiga ayaa sidoo kale adkeeyay, una soo jeedinayaa Madasha Wadatashiga Qaran in ay dhowraan una hoggaansamaan qodobka 120aad ee dastuurka dalka, kaas oo dowlad goboleedyada u ogolaanaya in ay doorashooyinkooda qabsadaan waxaana uu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in uu ka daayo Fara-gelinta uu ku hayo Dowlad Goboleedyada. Himilo Qaran ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda ku shirsan madaxtooyada Soomaaliya in ay ilaaliyaan wada jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed waxaana uu uga digay muddo kordhin loo sameeyo madaxda Dowlad goboleedyada dalka, si Madaxweyne Xasan Sheekh ugu bedesho dano siyaasadeed oo u gaar ah. “Xisbigu wuxuu ka digayaa muddo kordhin loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada dalka, si madaxweynaha JFS ugu bedesho dano siyaasadeed oo u gaar ah. Xisbigu wuxuu cadeynayaa in uusan aqbali doonin muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha la doortay oo dhan heer walba” ayuu sii raaciyay Bayaanka. PUNTLAND POST The post Xisbiga Himilo Qaran oo mudda kororsi uga digay Madaxda ku shirsan Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
  18. Mogadishu (HOL) — As Israeli airstrikes intensify across Lebanon, hundreds of Somali students find themselves trapped in Beirut, unable to flee amidst the chaos. The bombings, primarily targeting Hezbollah strongholds, have devastated the Lebanese capital, killed thousands, and severely disrupted essential infrastructure. Source: Hiiraan Online
  19. The Israeli military launched a series of strikes on southern Beirut on Thursday night, in one of the most intense bombardments on the city since the campaign began last week. Source: Hiiraan Online
  20. Mogadishu (HOL) – Somalia's Himilo Qaran Political Party has urged federal and regional leaders not to make political decisions that could worsen the country's ongoing crisis, particularly by extending their terms in office. Source: Hiiraan Online
  21. MINNEAPOLIS, Minn (HOL) — Autism diagnoses among Somali American children in Minnesota are rising at alarming rates, far surpassing national averages. In Minnesota, home to the largest Somali community in the United States, research reveals that one in 16 Somali children is diagnosed with autism—a stark contrast to the national rate of one in 53. The alarming increase has left parents and healthcare providers deeply concerned, exposing not only a scarcity of resources but also the cultural barriers Somali families encounter when seeking autism care. Source: Hiiraan Online
  22. Mogadishu (HOL) — With just months until African Union forces exit Somalia, international allies are rushing to finalize plans for a new mission. The African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), slated to replace ATMIS by January 2025, is seen as critical to holding off Al-Shabaab, whose violent insurgency continues to threaten Somalia's stability. Source: Hiiraan Online
  23. Magaalada Washington waxaa Kulan ku yeeshay wadamada la baxay shanta ee ka caawiya dowladda Soomaaliya arimaha amniga iyo tababarrada ciidamada. Dalalkani oo kala ah Qadar, Isutagga Imaraadka Carabta, Turkiga, Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa shirka waxa kala qayb galay xubno ka socday dowladda federaalka Soomaaliya. Shantani dowladood ayaa muujiyay taageerada ay u hayaan gobnimada, wadajirka dhuleed iyo midnimada Soomaaliya, waxayna hoosta ka xariiqeen lagama maarmaanimada in hoos loo dhigo xiisadda gobolka, iyadoo loo marayo hannaan wadahadal oo ay ku jirto tan Turkidu wadaan. Wakiilada ka socday shanta dal ayaa sidoo kale lafa guray sida dhakhsiyaha badan ee loogu baahan yahay in la soo gabagabeeyo qorshayaasha hawgalka cusub ee xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, xili uu dhammaanayo xiliga hawgalka ATMIS. Waxay tilmaameen muhiimadda ay leedahay in la xaqiijiyo balaarinta wadahadallada dhinacyada qorshaha ku lugta leh, kuwaas oo ay ku jiraan dalalka ciidamadoodu qaybta ka yihiin si loo sameeyo hawgal yoolkiisu yahay in la gaaro dhamaystirka awoodda ciidamada amniga ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dalal ay ku jiraan Maraykanka iyo Ingiriiska oo sheegay in Madax-bannaanida Soomaaliya lama taabtaan tahay appeared first on Puntland Post.