-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ayaa Magaaladda Geneva ee wadanka Switzerland uga qeybgalay furitaanka kalfadhiga 149-aad Ee Shirka Baarlamaanka Aduunka IPU. Shirka waxaa sanadkan looga hadlayaa ka faa’iidaysiga sayniska, teknoolojiyada iyo hal-abuurka (STI) si loo helo mustaqbal nabdoon oo waara,waxaana madaxa ka qeyb galeysa shirka inta uu socdo is-weydaarsan doonaan aragtiyadooda ku aadan mowduuca shirka iyaga oo talooyinkooda ku biirin doona. Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo khudbad ka jeedin doona shirka ayaa waxa uu kaga hadli doonaa xaaladda guud ee Dalka iyo guulaha dowladu ay ka gaartay la dagaalanka Argagaxisada, aminga guud ee Dalka iyo sidoo kale horumarka jira. Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mamnuucday in dhammaan dekadaha dalka laga soo dejiyo bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo, taasi oo ay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Soomaaliya ay horay go’aan uga soo saartay. War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaraddu ayaa lagu wargeliyay maareeyaha dekedda muqdisho, shirkadda maamusha garoonka diyaaradaha Aadan cadde, iyo maamulka furdada inaan dalka la soo gelin karin bacaha halka mar la isticmaalo ee loo yaqaanno “bac qafiifta”. Bacahan oo bedqabka deegaanka iyo noolahaba halis ku ah, islamarkaana waxyeello baaxad leh u geysta ayaa horay looga mamnuucay qaar kamida deegaannada Soomaalida. Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Xiisadda u dhaxeysa maamulka degmada Xudur iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii uu wasiirka arrimaha gudaha Koofur Galbeed uu soo saaray amar uu ku kala direyo maamulka degmada. Cabdullaahi Xaaji Xasan oo ah wasiirka arrimaha gudaha maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in go’aanka uu ku kala diray maamulka degmada Xudur iyo xubnaha golaha deegaanka ee degmadaas u yimid kadib wada-shaqeyn la’aan maamulka ah. Go’aanka kala dirista maamulka degmada Xudur ayaa waxaa si adag uga horyimid xubnaha la kala diray oo maanta warbaahinta la hadlay. Xubnahan oo iska diiday amarka maamulka Koonfur Galbeed kasoo baxay ayaa waxay ku eedeeyeen wasiirka arrimaha gudaha maamulka inuu khatar ku yahay nabad-galyada ka jirta degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Guddoomiyaha degmada Xudur Cumar Cabdulaahi Maxamuud, ku-xigeenka 1-aad Cali Xuseen Xasan iyo kan 2-aad Raxmo Nuur Aadan oo ay wehliyaan xubnaha golaha deegaanka ayaa si cad uga hor yimid go’aanka kala dirista ah. Xiisadda ka taagan Xudur ee gobolka Bakool ayaa imaneysa xilli ay weli go’doon ku jirto, islamarkaana ay bulshadeeda wajahayaan culeyso xooggan, maadaama ay kooxda Al-Shabaab ku hayso cadaadis horleh. Si kastaba, arimahan ayaa uga sii daraya xaaladda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed oo muddooyinkii dambe gashay jahwareer, iyada oo ay sii kordheen isku dhacyada siyaasadda, beelaha iyo xitaa masuuliyiinta xilalka haysa dhexdooda. The post Xiisadda XUDUR oo cirka isku shareertay kadib tallaabadii maamulka K/Galbeed appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen wuxuu dhowrkii billood ee lasoo dhaafay u sheegayay saaxiibadiisa siyaasadda inuu rabo inuu aado doorasho dadban oo aan sii daahin. Wuxuu qaatay laba sano oo muddo kororsi ah, wuxuuna muddo xileedkiisi rasmiga ahaa ku eeka bishii December 2022. Mararka qaar waxaa afkiisa laga wariyay inuu raadinayo cid la qaadata go’aanka doorasho dadban. Haddii uu Axmed Madoobe u bareero go’aankaas aniguna waan ku raaci doona ayaa kamid aheyd kalmadaha ka tegay Lafta-gareen. Si lamid ah madaxda Galmudug iyo Jubbaland wuxuu sheegi jiray inuu rabo in uu dagaal siyaasadeed la galo Xasan Sheekh, balse labadii uu sheegi jirayba waa soo mareen Lafta-gareen muddo 30 cisho gudahood. Mid waa dagaal siyaasadeedkii, midna waa go’aanka doorasho dadban. Lafta-gareen isaga iyo Xasan Sheekh fooda ayey isdareen bartamaha bishii lasoo dhaafay ee September, wuxuuna helay dad badan oo siyaasiyiin iyo shacab ah oo ku taageersan arrintaas. Laakiin waa ku adkeysan waayey dagaalkiisa, wuxuuna dadkii uu dagaalka geliyay dhaafsaday farriinti loo soo dhibay Taliye Shub. Markale 2-dii bishaan October waxaa Muqdisho iskugu tegay madaxda maamullada iyo kuwa dowladda federaalka ah. Axmed Madoobe ayaa la yimid go’aan ah muddo kororsi iyo sharci darro kale ma rabo waxaana qabanayaa doorasho. Lafta-gareen oo la sugayay inuu arrintaas ku raaci doono Axmed Madoobe, ayaa dhinaca kale ka wareegay, waxaana isaga iyo Qoor-Qoor ay waqtigooda u badan geliyeen in Axmed Madoobe laga fujiyo go’aankiisa doorashada oo taas bedelkeeda la qaato hal sano oo cusub oo muddo kororsi ah. Ninkii raadinayay inay Xasan Sheekh isqabtaan, ninkii raadinayay qaab uu tareenka uga boodo, ninkii raadinayay cid u bilowda rabitaanka doorasho dadban, ayaa hal mar 1000 degree wareegay, wuxuuna hadda Qoor-Qoor la wadaaga ololaha muddo kororsi doonka ah. Axmed Qoor-Qoor isaga waa la fahmi karaa sababta uu u raadinayo muddo kororsi oo rag culus oo xoolo iyo xoogba aan kursiga laga qaadan karin ayaa tartan kula jira. Laakiin Lafta-gareen oo isagu sheegan jiray inay fursadiisa soo laabashadu 100% tahay inuu sidan oo dhan isku beddelo ayaa dad badan ka yaabisay. Si fudud hada waxaa jirta laba Lafta-gareen, mid dhiifoon markii uu banaanka joogo oo u muuqda nin horey u socon kara oo iswadi kara iyo mid la jooga Xasan Sheekh oo aan dookh siyaasadeed laheyn, kuna qasban wixii ay rabto Villa Somalia. Inkasta oo siyaasiyiinta Soomaalidu badi ku suntan yihiin mowqif la’aan, hadana dhowr qof oo jili jirey inay mowqif leeyihiin ayaa hadda dib loo baranayaa. The post Lafta-gareen ‘oo si fudud isku baray’ dadkii ku jahwareersana siyaasaddiisa kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 7-aad, ayaa howlgallo ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, halkaasi oo ay ku sugnaayeeyn xubno ka tirsan kooxda Alshabaab, sida at sheegtay warbaahinta dowladdu. Deegaanada Ciidanku ay howlgallada ka sameeyeen ayaa waxaa kamid ah, Doonka, Tixsiile, Warmaxan, Waraaboole iyo kuwa kale, waxaana Ciidanka ay Bur-Buriyeen goobo fariisimo u ahaa kooxda Alshabaab, sida laga soo xigtay Taliyaha guutada 7-aad ee Ciidanka Xoogga dalka gaashaanle dhexe Axmed Cabdi Cali. Howgalkan ayaa qeyb ka ah gulufka ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ay wadaan ciidanka xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta oo kaashanaya xoogagga deegaanku. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Sen. Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta si wadajir ah heshiis uga gaaray khilaafkii shaqsiga ahaa ee u dhaxeeyay. Khilaafka labada masuul ayaa salka ku hayay kursiga #UH50 ee guddoomiya Cabdi Xaashi uu sheegay inuu bannaan yahay, maadaama uu Senator Saalax Jaamac aanu soo xaadirin afar kalfadhi, sidaasna uu ku waayay xubinnimada Aqalka Sare. Dadaallo loogu lala dab-qaadayay labada dhinac saacadihii u dambeeyay ayaa kusoo idlaaday isfaham, kadib markii ay soo fara-galiyeen xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaaraha, waxaana xal kama dambeys ah looga gaaray khilaafka labada nin. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa soo saaray warqad uu uga tanaasulayk go’aankiisa maamul ee kursigaasi uu ka soo saaray, taas oo ka dhigan inuu Senator Saalax Axmed Jaamac uu sii wadanayo xilkiisa Senatarnimo. “Markaan tixgelitay marxalada uu dalka ku sugan yahay, isla markaana garowsaday inay mudan tahay in loo turo dowladnimada cardunka ah ee ka jirta Soomaaliya, waxaan go’aansaday in aan ka tanaasulo kana laabto go’aanka maamul ee kursigan,” ayuu Cabdi Xaashi ku yiri qoraalka. War-saxaafadeedyo ay labada mas’uul soo saareen ayay ku shaaciyeen heshiiska ay gaareen, iyada oo ra’iisul wasaare ku-xigeenka uu ku sheegay in sida ugu haboon lagu dhameeyo ismaandhaafkii soo dhex-galay isaga iyo Cabdi Xaashi. “Waxa aan degaan doorashada aan metelo UH50 iyo ummadda Soomaaliyeed ugu sii shaqeyn doonaa xubinnimada Golaha Aqalka Sare,” ayuu Saalax ku yiri qoraalkiisa. Hoos ka aqriso qoraalada labada masuul; The post Aqriso: Heshiis laga gaaray khilaafkii Cabdi Xaashi iyo Saalax ee kursiga Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare ku xegeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo heshiis ka gaaray khilaafkii maalmahan ka dhex aloosnaa. War qoraal ah oo uu soo saaray Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa lagu sheegay in Guddoomiyuhu uu u tanaasulay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS ka dib talo-bixin uga yimid dhinacyo dhexdhaxaadiyaal ah, islamarkaana mudane Saalax Axmed Jaamac uu sii wadan doono shaqadiisa Senator-nimo. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa war qoraal ah oo uu arrintan uga hadlay ku sheegay in khilaafkii asaga iyo guddoomiye cabdi Xaashi u dhexeeya la soo afjaray, wuxuuna u mahadceliyay masuuliyiintii dhexdhaxaadiyay labada dhinac. Khilaafka labada mas’uul ka dhashay tillaabo uu qaaday guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ahayd in uu ku dhawaaqay in Senator Saalax Axmed Jaamac uu soo xaadiri waayay kalfadhiyadii Golaha sidaas darteedna xilka uu lumiyay oo kursigiisa loo dhaarinayo qofkii kula tartamayay xilligii doorashada, balse waxaa arrintaas ku biya-diiday mudaneyaasha golaha iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS. Source: goobjoog.com
-
Somali army forces repel Al-Shabab attack near Kismayo town
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) — Somali security forces in Jubbaland repelled an Al-Shabab attack on Buulo Haji village near Kismayo, a strategic area liberated from the militant group just months ago. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Xilliga kulaylka ee dalku galay, waxaa ku lamaanan kulayl siyaasadeed iyo is jiid -jiid soo kala dhaxgalay dhinacyo badan oo isla haystay labadi sano ee lasoo dhaafay. Somaliland meel kasii fog meesheedi hore ayay gaartay. Puntland xilli hore ayay ka degtay tareenka Villa Somalia, hadana waxaa qarka u saran Jubbaland inay ka boodo tareenka. Koonfur Galbeed xaalkeedu ma fadhiyo, inta soo hartayna loogama baranin inay madaxtooyada kula loolamaan masiirka siyaasadda. Markii la iskala daalay hadallada siyaasadeed ee kulal, is dhaafsiga war-saxaafadeedyada iyo is dhaliiliddii tooska ahayd, waxaa la isla aaday in qaab suugaameysan loo wareejiyo dagaal afeedka siyaasadda. “Doraad dhiiraneydaa, Shaley diricsaneydaa, Maantana ku dabartoo, Dan baa kuu run sheegtee!” waa erayada uu Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur u xushay inuu kusoo dhaweeyo Cabdicasiis Laftagreen markuu Muqdisho kasoo degay horaantii bishaan. Wax qarsan ma ahan coaladda siyaasadeed ee u dhaxeysa labada nin. Aadan Cabdinaasir oo ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare oo loo qaatay inuu jawaab siinayay wasiirka ayaa Abwaan Hadraawi kasoo amaahaday “Daray waarayaan ahay, Duufaanku ima lulo, Dulin hoose ima galo, Dardaraale ina rido, Digdig beena kuma ruqo, Cirka danab ka soo dhacay, Deli igama raarrido”. Maalin dhaweed markii ra’iisul wasaaare Xamsa Cabdi Barre sheegay inuu weli sii socdo shirkii wadatasahiga qaran, waxaa uu wasiirka warfaafinta Puntland ku tilmaamay xaalka Xamse labada hees ee tiraahda “nin caydhi waligii ceeb kama fogaadee , caaway u darantee xageen baan cuskadaa” iyo “ Adigaa is lumiyoo, Isu loogay cadawgoo, Libintaada siiyee, Waadiganse liitee, Leexadu ku sidatee, Hadba laan cuskanayee, Maxaa lulay naftaadii”. Dhanka Somaliland waa tii fannaaniita Geesku waydiiyeen Biixi su’aal ahayd “Sool xaggeed geysay” taas oo u muuqatay hees ku dhaliileysa madaxweynaha dagaalkii Sool iyo inuu ku fashilmay, hogaaminta Somaliland. Villa Somalia waxaa barteeda Facebook ugu hardhan heesta tiraahda “ Maalmihi wacnaa way soo socdaan” waxayna dhaxtaal u ahaan jirtay qudbadaha Xasan Sheekh labadi sano ee lasoo dhaafay. Erayadan soo socda ee Maxamad Cumar Xuseen (Huryo), waxaa bartiisa Facebook kusoo qoray Cabdiraxmaan Cadbishakuur oo caan ku ah dhaliisha siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh. “Seddax tirada guud, Gogushuu fadhiyey, Ruuxii ka guday, way soo gabtaa, garkaan iyo garkaa, Midna gaari waaye, Sow inuu gadaal, Labo guri dhexdood, Gabbal ugu dam yahay, Maan gorfaynin waa, Qalbi guran miyaa, Qosol lagu godlaa” Si kastaba ha ahaatee suugaanta ayaa loo arkaa inay gaari karto cabbir ka fog hadalka caadiga ah, waana sababta keeneysa inay siyaasiyiintu adeegsadaan iyaga oo la eeganaya xilliga ugu habboon. Soomaalidu waxay isagu jiraan dad wax tiriya ama dad xafidsan qaybo badan oo ka mid ah qaybaha suugaanta, waana sababta kale ee loo aanaynayo inay badato iswaaydaarsiga eradaya suugaanta ee micnaha badan abuuri kara. Dawan The post Kulaylka siyaasadda dalka oo gaaray meel sare – Maxaa cusub? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka 7-aad ee Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka. Shirkaan oo socon doona labo maalmood ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadaha lagu taageerayo kobaca dhaqaale ee dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay in la xoojiyo iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo abuuro shaqo iyo maalgashi waara. Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay in la horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha, loona abuuro dhallinyarada fursado shaqo, si loo yareeyo saboolnimada. Shirkan ayaa wuxuu fursad siinayaa hoggaamiyeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsatada, si ay uga wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah, iyadoo lagu dardargelinayo maalgashi iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya. Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa dhawaan sare u kac sameeyay, kadib markii dakhliga gudaha uu kordhay sida lagu sheegay warbixin ay dawladda Soomaaliya soo saartay. Si kastaba, Soomaaliya ayaa 13-kii December ee sanadkii hore laga cafiyay guud ahaan deyntii uu caalamka ku lahaa, taasi oo dhabaha u xaareysa inay hesho maalgashi horleh. The post Muxuu yahay shirka uu maanta R/W Xamza ka furay Muqdisho? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta labaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo ay soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS. Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliso Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, waxaa ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) uu dhaariyay wasiir kuxigeenka cusub ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Marwo Xanaan Cabdicasiis Barre. Intaasi ka dib Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Diinta iyo Awqaafta ee Golaha Shacabka ayaa Golaha faahfaahin ka siiyay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise-Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed. Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, waxaana Xildhibaanadda ay guddiga su’aalo ka weydiiyeen hindise sharciyeedkan iyo muhiimada uu u leeyahay da’yarta Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in guddiga laga doonayo in ay warbixinta akhrinta sedaxaad ku soo daraan talooyinka Xildhibaanada inta waafaqsan dastuurka, kuna soo celiyaan Golaha Shacabka. Source: goobjoog.com
-
Democracy, rule of law, bureaucratic efficiency and visionary leadership are the hallmarks of good governance. The concept of governance can be traced to ancient Greek etymological thought, where the term was derived from the Latin verb "to steer." At the same time, in the 12th century, the English adopted it from the French term "gouvernance." Source: Hiiraan Online
-
Hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday mid kalena waa ku dhaawacmay kadib mudda haraad rabshado wata oo maanta ka dhacay degmada Badhan ee Gobolka Sanaag. Xiisad ayaa ka taagan magaalada Badhan kadib markii ciidamada Puntland saaka is hor-taag ku sameeyeen ciidamo ay wateen rag sheegtay guddiga siyaasadda Maakhir oo uu hoggaaminayay xildhibaan hore Cabdiraxmaan Dhoorre. Sidoo kale iska hor-imaad saaka degmada Badhan ka dhacay waxaa ku dhaawacmay laba askari oo ka tirsan ciidamada Puntland kuwaasi oo loola cararay goobaha caafimaadka Badhan. Wararka ayaa sheegaya in ay hadda gudaha degmada Badhan ku sugan yihiin raggii la baxay guddiga siyaasadda Maakhir ee uu hoggaaminayay xildhibaan hore Cabdiraxmaan Dhoorre. Waxgaradka magaalada ayaa sidoo kale wada waan-waan ay ku dejinayaan xaaladda degmada Badhan islamarkaaana Labada dhinac weli ma jiro mid ka hadlay xiisadda. PUNTLAND POST The post Qof rayid ah oo ku dhintay xiisad iyo rabshado weli ka taagan degmada Badhan ee Gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka 7-aad ee Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka. Shirkanu oo socon doona laba maalmood ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadaha lagu taageerayo kobaca dhaqaale ee dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay in la xoojiyo iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo abuuro shaqo iyo maalgashi waara. Wuxuu sidoo kale sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in la horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha, loona abuuro dhallinyarada fursado shaqo, si loo yareeyo saboolnimada. Shirkan wuxuu fursad siinayaa hoggaamiyeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsatada, si ay uga wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah, iyadoo lagu dardargelinayo maalgashi iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta furay Shirka Madasha Dhaqaalaha dalka appeared first on Puntland Post.
-
463187451_1095695455558578_2324900664295638321_n Qaran News
-
Mogadishu (HOL) — Hackers siphoned over $350,000 intended for a Somali solar energy company in a brazen cyberattack that exposed critical vulnerabilities within the India-based International Solar Alliance (ISA). The funds, intended for Hayle Barise Energy Solutions—a company developing solar infrastructure in Somalia—were redirected to a bank account in the United Arab Emirates. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka 7-aad ee Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka. Shirka oo socon doona labo maalmood ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadaha lagu taageerayo kobaca dhaqaale ee dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay in la xoojiyo iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo abuuro shaqo iyo maalgashi waara. Wuxuu sidoo kale sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in la horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha, loona abuuro dhallinyarada fursado shaqo, si loo yareeyo saboolnimada. Shirkan wuxuu fursad siinayaa hoggaamiyeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsatada, si ay uga wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah, iyadoo lagu dardargelinayo maalgashi iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Sirdoonka Kuuriyada Koonfureed ayaa ku dhawaaqay in ay arkeen dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn oo ka socda xadka Kuuriyada Waqooyi. Kaddib markii halkaa la soo dhigay kumannaan militariga oo sita gaadiid taangiyo ay ku jiraan iyo walxaha qarxa,waxayna u muuqataa in ay ku hawlanyihiin ciidanka Kuuriyada Waqooyi inay qarxiyaan dhammaan waddooyinka iyo khadadka ay ku jiraan waddooyinka tareennada iyo gaadiidka ee isku xira labada Kuuriya. Tan ayaa ka dambeysay kaddib markii guddiga difaaca Kuuriyada Waqooyi ay shaaciyeen 9 bishan Oktoobar in ay ku tala jiraan in la qarxiyo khadadka tareennada ee Gyeongui iyo Donghae iyo waddooyinka u dhexeeya Koonfurta iyo Waqooyiga Kuuriya, sidoo kalena amar ku bixiyay in cudud militari la dhigo dhammaan aaggaga xadka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP. Xiisadan cusub ayaa ka soo billaabatay markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kuuriyada Koonfureed ay gudaha u galeen dhinaca Kuuriyada Waqooyiga iyagoo ku daadinaya waraaqo dacaayad ka dhan ah Kim Jong Un, oo markaa ku hanjabay inuu dhul bannaan u beddeli doono Kuuriyada Koonfureed, waxaa xigtay inay Kuuriyada Koonfureed ku hanjabtay inay ridi doonto maamulka Kim Jong Un. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee Labada Kuuriya oo qarka u saaran dagaal appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa maanta howlgallo waaweyn ka fuliyay koonfurta Gobolka Mudug. Howlgallada ayaa ka dhacay deegaannada Baraag Hurdaaye, Gal Dhagaweyne, iyo Tawar Mooge. Ciidamada ayaa la wareegay goobo muhiim ah oo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen, iyagoo sidoo kale degmada Xarardheere kasoo ruqaansaday. Howlgalkan ayaa bartilmaameedsanaya firxadkii kooxda, waxaana ciidamada hadda kaabiga ku hayaan deegaanka Jowle oo ku yaal masaafo dhan 20 km u jirta Tawar Mooge. Ujeeddada ugu weyn ee howlgalladan waa in kooxdan laga saaro guud ahaan deegaanadaas si loo xaqiijiyo ammaanka gobolka. Waxaa sidoo kale la sheegay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada guud ee xoreynta deegaannada hoos yimaada Xarardheere, oo horay ugu xirnaa kooxdan, taasoo fursad siinaysa ciidamada inay ku durkaan deegaanno kale oo muhiim ah. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo wareysi gaar ah siinayay telefishinka Soomaali Cable. Jeesow ayaa si adag uga hadlay arrinta doorashada, gaar ahaan qorshaha madaxweynaha ee ku aadan qabashada doorashooyin qof iyo cod ah. Xildhibaanka ayaa sheegay in xilligan Soomaaliya aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, culeysyada jiro darteed, laakiin madaxweynaha uu rabo inuu iska sii joogo xafiiska. “Caqliga shacabka Soomaaliyeed yaan lagu ciyaarin, doorasho hal qof iyo hal cod ah waddankan kama socoto, umana dhawo, madaxweynaha ha yiraahdo waa sii joogaa” ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay diidan yihiin muddo kororsi ay sameystaan madaxweynaha iyo madax goboleedyada, arrintaasina ay ka hortagi doonaan, isaga oo ku goodiyay inay diyaar tahay Badbaado Qaran 2, sida uu hadalka u dhigay. “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagama yeelayo inuu iska joogo xukunka, Badbaado Qaran 2 ayaa u diyaarsan,” ayuu mar kale yiri xildhibaan Jeesow. Waxaa kale oo uu ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu rabo inuu ku deydo madaxweynayaasha Masar iyo Eritrea oo uu todobaadkan lasoo kulmay, kuwaas oo uu tilmaamay in muddo dheer ay ku fadhiyaan xukunka dalalkooda. “Haddii uu wax kasoo aqristay madaxwenayaasha Masar iyo Eritrea yaa doortay dadkaasi oo role model ay u yihiin?” ayuu hadalkiisa sii raaciyay” The post Jeesow oo weeraray Xasan Sheekh: Badbaado Qaran 2 ayaa u diyaarsan appeared first on Caasimada Online.
-
463067656_845752294044418_2969058783415752847_n Qaran News
-
Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka qarxay deegaanada Faryar iyo Laasbuur oo u dheexaya Gaalkacyo iyo Cadaado. Sida wararka hordhaca ah sheegayaan, dagaalkan wuxuu salka ku hayay muran dhul oo u dhexeeya beelo walaalo ah oo kasoo kala jeeda magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado. Dagaalka ayaa sababay khasaaro nafeed, iyadoo la soo sheegay dhimasho iyo dhaawac badan oo labada dhinac soo kala gaaray, inkastoo tirada saxda ah ee khasaaraha aan weli si rasmi ah loo xaqiijin. Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in xiisadda ka dhalatay muranka dhulka ay mudooyinkii dambe sii kordhaysay, taasoo ugu dambeyntii sababtay in labada beel hubka isu qaadaan. Maamulka Galmudug ayaa durba bilaabay dadaallo nabadeed oo lagu doonayo in colaadda la joojiyo iyo in xal waara laga gaaro muranka dhulka. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka ayaa ku baaqay in la qaboojiyo xiisadda, si looga hortago dhiig kale oo daata. Waxay sidoo kale isku dayayaan inay dhex-dhexaadiyaan beelaha diriraya si loo helo heshiis buuxa oo nabadeed. Colaadaha ku saleysan muranka dhulka ayaa ah caqabad soo noqnoqota oo saameyn weyn ku leh gobolka Galgaduud, iyadoo dadaallada nabadda mararka qaar waqti badan qaataan in xal rasmi ah lagu gaaro. Source: goobjoog.com
-
Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidanka dadka deegaanka ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday Al-Shabaabka ku sugan gobolkaasi. Ciidamada ayaa beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka kooxda oo ku yaalla agagaarka magaalada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug. Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada ay isku fara saareen aagga deegaanada Baraag-hurdaaye iyo Miiroon oo uu illaa hadda ka socdo dagaal foolka fool ah. Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in duqeymo xoogan ay barbar socdaan howlgallada ka socda duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka ay qaadeen ciidamada huwanta iyo dagaalka xigay, waxaana xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan. Saraakiisa milatariga Soomaaliya waxa ay sheegeen inay sii wadayaan howlgalkooda, ujeedkoodana uu yahay in Al-Shabaab laga xoreeyo dhulkaasi. Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka soconaya guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana lagu xoreeyay dhul ballaaran oo ay hadda ka taliso Galmudug. The post Shabaab oo weerar culus lagu qaaday iyo dagaal ka socda… appeared first on Caasimada Online.
