-
Content Count
214,428 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The United Nations in Somalia confirms today that an international employee of a private company operating under contract to the UN has been diagnosed with the novel coronavirus disease (COVID-19). The individual is employed by a private commercial firm operating within Aden Abdulle International Airport (AAIA). In accordance with this firm’s policies, the individual was isolated hours after his arrival in mid-March and remains in quarantine at the contractor’s facilities at AAIA. The coronavirus case was announced earlier today by the Somali Minister of Health, Dr. Fawziya Abikar, based on test results provided by the United Nations. UN medical staff remain in communication with the Somali Ministry of Health, and contact tracing is underway to identify anyone who may have had exposure to the individual prior to his quarantine. The United Nations family stands firmly alongside Somalia in its fight against COVID-19 and continues to support its government and people through the World Health Organization (WHO), UN Children’s Fund (UNICEF), World Food Programme (WFP) and many other entities working together to combat the virus. View the full article
-
Somali military court has sentenced soldier to death for the murder of a civilian last month in Dhusamareb city, the capital of Galmudug state. The court found Mohamed Abdi Nur Gedi and his colleague Mohamed Abdi Hassan guilty of killing a civilian in Dhusaamareb on March 28, 2020. Gedi was slapped with a death sentence while Hassan was given a five-year jail term. The two who served as security guards for Senator Dhagey Gelle were responsible for the death of Shafi Abdi Haji. The two can appeal the verdict within a month if they are not satisfied with the decision. View the full article
-
(SLT-Washington)-Haweeneyda u tartamaysa kursiga Kongareeska Maraykanka Ilhaan Omar ayaa ku eedeysay Madaxweyne Trump inuu si xun u maareeyay jawaabta Mareykanka ee coronavirus. “Waxaan u maleynayaa maalinba maalinta ka dambeysa inay sii caddaaneyso sida xun ee maamulkan gabi ahaantiiba ugu fashilmay tallada shacabka Mareykanka,” ayay tidhi Ilhaan Omar. “Waxa aynu haysannaa dalka ugu qanisan adduunka waxa aynu leenahay faa’iidooyin badan, laakiin kumanaan, boqolaal kun oo dad ah ayaa u dhiman kara maamul xumadiisa iyo awood darradiisa,” ayay ku dartay Ilhaan Omar. Mareykanka waxa uu xidhey 277,999 kiis oo cudurka Covid 19 ah oo la xaqiijiyay iyo ugu yaraan 7,164 dhimasho ah. Waxay intaas ku dartay in Trump aanu si buuxda u fahmin doorka lama huraanka ah ee la filayo inuu ka ciyaaro jawaabta Mareykanka iyo meelaha xudunta u ah cudurka inay aad u doonayaan sahay caafimaad. “Wali wuxuu sii wadaa in aanu aqoonsan doorka ay mudan tahay inuu ciyaaro marka ay timaado hogaaminta ummad soo food saartay musiibo,” ayay tidhi Ilhan Omar. Wakiilka dimoqraadiga ah ee gobolka Minnesota, ayaa hadalkan ku sheegtay xilli ay wareysi siinaysay barnaamijka ‘The Dean Obeidallah Show. Source
-
Hirshabeelle. Wararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in goor dhow uu halkaas ka dhacay qarax kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo daawac. Dad deegaanka ah ayaa Goobjoog News u sheegay in qaraxa uu ahaa miinada dhulka la geliyo, oo la dhigay boosteejada baabuurta Muqdisho iyo Jowhar. Wararka ayaa intaa ku darayo in goobta ay sidoo kale ku caweyn jireen qaar ka tirsan hey’adaha amniga, mas’uuliyiin iyo shaqaalaha maamulka Hirshabeelle. Inta la xaqiijiyey, waxaa uu khasaare soo gaarey das meesha marayey, waxaana geeriyooday hal qof oo ahaa nin da’ ah halka sedex kale uu soo garay dhaacwa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Tacsi Tiiranyo Leh Oo Ku Socota Eheladii Iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay Marxuum Yaasiin Cali Cabdile (Kornayl tamaad) Tacsi Tiiranyo Leh Oo Ku Socota Eheladii Iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay Marxuum Yaasiin Cali Cabdile (Kornayl tamaad)Tacsi tiiraaanyo lehGudoomiyaha gobolka togdheer Xamse Maxamed Cabdi,Isuduwaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Tobolka Togdheer Siciid Saleebaan Nuur, Odey: Maxamed Diiriye Afxakame (Taleex)Jaamac Max’ed Diriye (Jaamac taleex)Iyo Dhamaanba Reer Diiriye Afxakame gudo iyo Dibedba Meelkasta Oo ay Joogaan, Waxay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Saleebaan Yusuf Cali koore Ka tacsiyadenayaan Alle ha u naxiirstee Geerida Marxuum Yaasiin Cali Cabdile (Kornayl tamaad) Oo kamid ahaa Ehelada Wasiirka Oo Dhawaan Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa , Waxay Marxuumka ilahay uga baryeyaan inuu Naxariistii Janno Fardowsa Ka Waraabiyo Ehelkii ,qarabaadii Iyo Qaranka Somaliland Ee Uu Ka baxayna Samir Iyo iimaan Ka Siiyo Aamiin aamiin. Source
-
Muqdisho (SMN) – Qofkii labaad oo la shaqeynayey Xafiiska (QM) ee Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay inuu qabo Cudurka Covid 19, sidda uu sheegay Xafiiska (UNSOM) ee Muqdisho. Qofkan oo ajanabi ah ayaa ka shaqeyn jiray shirkad ka hawlgasha gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Xafiiska (UNSOM) waxaa qofkan la qabtay bartamihii bishii hore ee Maarso xilligaas oo uu dalka soo galay, waxaana la geeyay goob karantiil oo gudaha garoonka ku taalla. Xalay waxay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay in labo ruux oo mid ajanabi yahay laga heley xannuunka Covid-19 taasoo tirada guud ee dadka laga heley cudurka gudaha Soomaaliya ka dhigtay 7-kiis. View the full article
-
(SLT-Japan)-Gabadh yar oo u dhalatay wadanka Japan, isla markaana jirtay muddo yar oo bilo ah ayaa markii ugu horeysay laga daweeyey xanuunka Korona Fayras, iyada oo baadhitaano lagu sameeyey lagu ogaadey in aanu xanuunkaasi ku jirin jidhkeeda. Gabadh yar ayaa baadhitaan dambe oo lagu sameeyey lagu ogaadey in uu markale xanuunkaasi kusoo noqday , sida lagu baahiyey wargeyska Daily Mail, waxaana gabadh yar loo gubdiyey qaybta gargaarka deg dega ah ee cisbitaalka Yamanashi University Hospital. Waalidka dhalay gabadhan yar ayaa sheegay in aanay jirin wax xanuuno ah oo ay iyagu hore u lahaayeen, waxaanay tilmaameen in waqtigan ay gabadhan yar xaaladeedu tahay mid aad usii adkaanaysa, iyada oo ay ku adkaatay Neeftu. Masuuliyiinta dawladda hoose ee Tokyo ayaa sheegay in ay baadhitaan ku samaynayaan sida uu markii hore xanuunkani ugu dhacay gabadhan yar ee dhawrka Bilood jirtay, madaama oo aanay waalidiinteedu xanuunkan qabin iyo sababta keentay in uu kusoo noqdo, kadib markii laga daweeyey. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Cabdiqadir oo markii u horeysay ka hadlay Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa sheegay in midnimada umadda Soomaaliyeed ay tahay muqadas. Suldaanka ayaa sheegay in marnaba ay kala maarmi karin Soomaalidu, dhibaato kasta oo soo kala dhex-gasha, isla markaana ay waajib tahay in dib loo furo wada-hadalada DF iyo Somaliland. Sidoo kale waxa uu suldaanku sheegay in Odayaal dhaqameedku ay leeyihiin go’aanka masiirka bulshada, maadama ay ka talinayaan samaha umadda, ayna waajib tahay in laga qeyb galiyo wada-hadaladaasi. Suldaanka ayaa waxa kale oo uu fariin adag u diray dadka u ololeynaya kala goynta umadda, isagoona xusay inay dad wada dhashay yihiin Somaliland iyo Soomaaliya, balse ay siyaasada isku qabteen Niman gaar ah oo bulshada reer Somaliland ka madax-banaan. Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Cabdiqadir oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Ma xukuumada unba kali isaga dhigaysa wada-hadalada, anigu waxaan qabaa in wixii siyaasada ay ka hadli karaan odayaasha dhaqanku”. “Anigu waxaan leeyahay Salaadiinta yaan laga tagin ee wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland halagu soo daro, cidna nagama mamnuuci karto wada-hadalada, waxaana ka codsaneyna xukuumada inay nagu soo daraan wada-hadalada labada dhinac”. “Umadda Soomaaliyeed ma kala maarmeyso meelkasta oo ay kala joogaan, dhibaato kastoo ku kala dhex timaada, waxaana diyaar u nahay inaan si fiican uga qeyb qaadano wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland”. Wuxuuna intaas kusii daray Suldaanku “Dadka madax-dhaqameedka ayaa xukuma oo ay u dhago nugul-yihiin, markaa madax dhaqameedka haddii loo dhago nugulyahay waxay soo dhaweeyaan wax wada qabsiga umadda markii horeba Soomaaliya isku aheyd”. “Maanta ninka yidhi waan ka maarmay been buu sheegaya oo Soomaali ma kala maaranto, markaa waxan leeyahay wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland waa muqadas aan la dafiri karin”. Xukuumada Somaliland oo daba socota hadalka Suldaanka ayaa shalay sheegtay inay ‘talaabo sharci ah’ ka qaadeyso Suldaanka guud ee Somaliland iyo Odayaal dhaqameed kale oo ka hadlay wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland. Waxayna xukuumada Muuse Biixi la xiriireysay baaqyada Odayaashaasi dhaqanka qorshe ay sheegtay inay dabada ka riixeyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
-
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa maanta iskushaandheyn ku sameeyay taliyashaasha booliska gobalada Puntland, kuwaas oo mudooyinkii dambe falal amni darro ah ay ka dhaceen laguna dhilay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka. Qoraal ahaa xeer madaxweyne oo ka soo baxay Madaweyne Deni ayaa taliyihii booliska gobolka Nugaal G/sare Muumin Cabdi Shire loogu belelay gobolka Mudug, halka talihii booliska gobolka Mudug ee Puntland G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir lagu soo celiyey gobolka Nugaal. Xeerka maanta lagu badalay taliyihii booliiska gobolka Nugaal ayaa ku soo aaday maalmo ka dib markii Magaalada Garowe ee caasimadda maamulka qarax ismiidaamin lagu dilay guddoomiyihii Gobolka Nugaal iyo Taliye la socday, madaxweynaha ayaana xusay in isbedelkaan looga golleeyahay der-dar gelinta aminga gobolada Puntland. Halkaan Ka Akhriso Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid a Abdullaahi Deni ayaa soo saaray , Xeer Madaxweyne Lr. 25 iyo Lr.26 April 4, 2020, kuna saabsan isku bedel Taliyeyaasha Qaybaha Booliska Gobolada Nugaal, Karkaar iyo Mudug. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga Qayabaha Booliska ee Gobolada Puntland. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidanimo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa G/sare Muumin Cabdi Shire loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug. Waxaa G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal. Waxaa G/sare Cabdi Casayr Yusuf loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar. Xeerkani maanta ka soo baxay madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntlnad oo isbedelka loogu sameeyey taliyayaashii booliiska Puntland ayaa wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Iskshaandheynta lagu sameeyey taliyaashaa booliska Puntland ayaa waxaa ay i maanayaan iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyey xaalada amni ee Puntland ay sii xumanaysay waxaana ka dhacay falal amniga ka soo horjeeda dilal ay la kulmaan mas’uuliyiin iyo ciidamo maamulka ay ka dhacaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gaari yar oo burbur ka soo gaaray qaraxa Jowhar Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qarax gabal-gaabkii galabta ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle. Inta la xaqiijiyey hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay qaraxa oo ahaa sida la sheegay miino lagu aasay goob lagu shaaho oo ku taala bartamaha magaalada Jowhar. Sidoo kale waxaa dhaawac ka soo gaaray dad ku dhow toban qof oo ay kamid yihiin Xildhibaan ka tirsan Hirshabeelle, Nabadoon iyo saddex gabdhood oo ku ganacsanayey goobta, kuwaas oo dhaawacyadooda lagu daawaynayo Cisbitaalka magaalada Jowhar. Goobta qaraxu ka dhacay waxaa u dhawaa hoteel uu daganaa Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle, waxayna ahayd astaanka laga raaxo gaadiidka Muqdisho. Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle ayaa tagay goobta, kuwaas oo aan ka hadlin qaraxa. PUNTLAND POST The post Khasaare intee le’eg ayaa ka dhashay qaraxii Jowhar? appeared first on Puntland Post.
-
Empowering Weak Institutions: Reform Finance Ministry and Central Bank Embedding the Ministry of Finance with 19 talented and skilful academics, 95 tax inspectors and 350 taxmen will envisage overhauling the tax system in which more than $550 million of tax due is not collected every year. It is estimated that motorists alone avoid paying $10 million a year in road tax. Large and small companies also do not pay more than $500 million a year of tax dues. The Finance Ministry should recruit extra 464 that will not only collect tax but hold every departmental government to account every shilling of public fund it handles. At the cost of $3,956,000, the government is to increase its annual revenue by an extra $546,044,000, which is more than its annual budget. The millions collected will allow the government to provide good public service, including health, education and construct new road networks. More importantly, over the past years, there has not been enough cash in the economy and the institutions could not engender the right policy to aid the economy. To this end, extra money raised through effective taxation will be injected into the economy to stimulate economic growth. The Central Bank is emasculated to adopt economic stimulation by lack of experts to manage the monetary policy. Embedding the talents with required skills and knowledge will fetch in the treasury more than a billion dollars. In essence, quantitative easing economic policy is an area that has not been exploited let alone seeking loans and grants from the international financial institution, including the World Bank and International Monetary Fund. The message to both institutions is to reform to overcome the challenges impeding their ability to manage both fiscal and monetary policies. Our people are in extreme poverty and thousands of working age are unemployed. That situation was compounded by the impotence of institutions to deploy the skilled and experienced professionals — as without them millions of dollars are lost that deprived the ordinary folks of getting the necessary service from the state— health and education are priorities to them. Ahmed Abdi Isse Social Scientist isseahmed@hotmail.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka dhallinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa si weyn uga hor timid qorshe ay Dowladda Soomaaliya ka damacsan tahay inay ka fuliso garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium. Guddiga Heerka sare ee ka hortagga cudurka sida weyn ugu faafaya Adudunyada ee COVID-19 ayaa sheegay in garoonka Muqdisho Stadium lagu karantiili doono ciidamo loo soo tababaray Dowladda Soomaaliya oo laga keeni rabo Sacuudiga iyo dalka Jabuuti. Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha ayaa sheegtay inay tallaabadaas tahay mid aad u qaldan oo aysan marnaba aqbali doonin, iyadoo guddiga ugu baaqday inay dib isugu laabtaan. “Guddiga heerka sare ee ka hortagga Carona (Covid-19) aad iyo aad beey idiinka qaldan tahay ee dib isugu laabta,” ayey tiri. Wasiir Khadiija ayaa sheegtay in Garoonka cayaaraha ee Muqdisho Stadium aan loo cayimin xarunta karantiilka Dowladda, iyadoo arrintaas ku tilmaamay inay tahay xadgudub lagu sameeyey shaqada ay Dowladda u heyso. “Garoonka Ciyaaraha Muqdishana ma ahan goob loo cayimay xarun karantiilka Dowlada waana xadgudub shaqooyinka ee hala joojiyo” Sidoo kale, waxay sheegtay in Stadium Muqdisho ay waar-diyeeyaan boqolaal ka tirsan Ciidamada Booliska Dowladda, sidaas darteedna aysan noqon karin goob lagu karantiilo dadka looga shakiyey cudurka Caronvirus. “Tan 2-aad Stadium Mogadishu boqolaal ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ah ayaa waar-diyeeya, sidoo kale boqolaal kale oo dhallinyaro ah ayaa ka wada howlo dayactir iyo dib u dhis ah, sidoo kale ajaaniib aan u keenay howlaha garoonka oo ku xaadiraya maalin kasta mana noqon karto goob karantiil horayna nalooma weydiinin” ayey hadalkeeda kusoo gabagabeysay. Weli madaxda ugu sareeyo dalka kama aysan hadlin khilaafka ka dhex qarxay Wasiir Khadiija iyo Guddiga Heerka sare ee ka hortagga COVID19, waxaana Wasiir Khadiija loo arkaa inay tahay mid kamid ah wasiirada ugu awoodda badan Xukuumadda Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre.
-
Waxaa shalay xaafadda Brixton ee koonfurta magaalada London lagu aasay Ismail Mohamed Abdulwahab oo 13-jir ahaa kaas oo u geeriyooday cudurka coronavirus ee faraha ba`an ku haya caalmka. Wiilkan yar oo asal ahaan soomaali ah ayaa lagu sheegay ruuxa ugu da`da yar ee cudurka coronavirus ugu geeriyooda dalka Britain. Dhacdada xanuunka badan ee warbaahinta ku baahday ayaa ah sawirrada duugta wiilkan oo ay aasayaan dhowr ruux oo xabaasha lagu aasay ka shaqeysa, waxaana loo diiday duugtiisa in ay ka qeyb-galaan qoyskiisa. Hooyadiis iyo dhowr labo carruur ah oo la dhashay ayaa lasheegay in ay ku karantiileysan yihiib goob la geeyay kadib markii labada carruur ee la dhashay laga helay isla cudurka uu u dhintay walaalkood ee coronavirus. Wiilkan ayaa lagu aasay qabuuraha Eternal Gardens ee Chislehurst, waxaana dadkii aasayay ay wateen qalabka la isaga difaaco bakteeriyada cudurada. Marxuum Ismaaciil ayaa cudurka coronavirus lagu arkay 23. maarso, waxaana la dhigay cusbitaalka King’s College Hospital ee magaalada London. Isniintii lasoo dhaafay ayaa la sheegay in uu u geeriyooday sababo la xiriir sambabada oo iyo wadnaha oo istaagay. Qaran News
-
Africa Centres for Disease Control and Prevention (Africa CDC) PRESS RELEASE Coronavirus – Africa: African Union Member States (50) reporting COVID-19 cases ADDIS ABABA, Ethiopia, April 4, 2020/ — African Union Member States (50) reporting COVID-19 cases (7,741), deaths (313), and recoveries (640) by region: Central (753 cases, 28 deaths, 27 recoveries): Burundi (3, 0, 0), Cameroon (509, 8, 17), Central African Republic (8, 0, 3), Chad (7, 0, 0), Congo (41, 3, 2), DRC (148, 16, 3), Equatorial Guinea (16, 0, 1), Gabon (21, 1, 1) Eastern (668, 14, 23): Djibouti (49, 0, 9), Eritrea (22, 0, 0), Ethiopia (35, 0, 4), Kenya (122, 4, 4), Madagascar (70, 0, 0), Mauritius (186, 7, 0), Rwanda (89, 0, 0), Seychelles (10, 0, 0), Somalia (7, 0, 1), Sudan (10, 2, 2), Tanzania (20, 1, 3), Uganda (48, 0, 0) Northern (3,280, 217, 357): Algeria (986, 83, 77), Egypt (985, 66, 216), Libya (17, 1, 0), Mauritania (6, 1, 2), Morocco (791, 48, 57), Tunisia (495, 18, 5) Southern (1,601, 14, 50): Angola (8, 2, 0), Botswana (4, 1, 0), Eswatini (9, 0, 1), Malawi, (3, 0, 0), Mozambique (10, 0, 0), Namibia (14, 0, 2), South Africa (1,505, 9, 45), Zambia (39, 1, 2), Zimbabwe (9, 1, 0) Western (1,439, 40, 183): Benin (16, 0, 2), *Burkina Faso (302, 16, 48), Cape Verde (6, 1, 0), Côte d’Ivoire (218, 1, 19), Gambia (4, 1, 2), Ghana (205, 5, 3), Guinea (52, 0, 1), Guinea-Bissau (15, 0, 0), Liberia (6, 0, 0), Mali (36, 3, 0), Niger (120, 5, 0), Nigeria (210, 4, 25), Senegal (207, 1, 66), Sierra Leone (2, 0, 0), Togo (40, 3, 17) *Official source inadvertently reported 50 recoveries instead of 48 for Burkina Faso on 02 April 20 – correct value now listed Distributed by APO Group on behalf of Africa Centres for Disease Control and Prevention (Africa CDC). View multimedia content SOURCE Africa Centres for Disease Control and Prevention (Africa CDC) Qaran News
-
Mogadishu (HOL)- A former soldier was on Saturday sentenced to death by a military court in Mogadishu for murder of a civilian last month. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa xaqiijiyey in qof kale oo ka mid ah qandaraasleyaasha la shaqeeya laga helay cudurka Coronavirus. Waa qofkii labaad ee la shaqeeya UNSOM ee cudurkan laga helay. Qoraal kasoo baxay UNSOM ayaa lagu sheegay in qofka uu shaqaale ahaan ugu diiwaan-gashay shirkad ka howl-gasha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho. Qoraalka ayaa intaas ku daray in qofkan uu Muqdisho soo galay bartamihii bishii March, balse islamarkii uu diyaaradda kasoo degay la karantilay kadibna baaritaan lagu sameeyey lagu helay cudurka. Inkasta oo bayaanka QM lagu sheegay in wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ay ku dhowaaqday kiiskan cusub, haddana ma jiro war rasmi ah oo dowladda Soomaaliya weli kasoo baxay oo la xiriira kiiskan. Qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa shalay lagu xaqiijiyey in laba kiis oo cusub oo ah dad qaba xanuunka Coronavirus laga helay magaalada Muqdisho, taasi oo tirada magaalada ka dhigeysa 5 qof, iyo 7 guud ahaan Soomaaliya, marka lagu daro labada kiis ee Somaliland. Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in labada qof ee kiiska laga helay ee Muqdisho ay kala yihiin qof muwaadin Soomaaliyeed ah iyo ajnabi ku sugan caasimada. Ma cadda in qofka ajanabiga ah ee shalay wasaaradda ay sheegtay uu yahay midka ay ka hadleyso QM, ama in midkan ay sheegtay QM uu yahay mid cusub.
-
Qodobada ugu waa weyn barnaamij wareedka galab ee GoobjoogFM ayaa kala ah: Madaxweynaha Galmudug iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray degaano iyo degmooyin ku yaalla Waqooyiga gobolka Galgaduud. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway ayaa soo dhaweysay deyn cafinta Kooxda Paris, oo ay ku mideysan yihiin dalal badan, iyo deyn dhaafka Bangiyada Adduunka iyo Afrika. Dowlada Soomaaliya ayaa shaacisay in tirada dadka qaba COVID-19 ay gaartay 7 ruux, oo ajaaniib iyo Somali isugu jira. Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha maamulka Hirshabelle oo baaq ku aaddan ka hortagga cudurka Caronavirus u diray ganacsatada maamulkas. Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay falkii kufsiga ahaa ee degmada Afgooye loogu geystay gabdho yaryar, kuna baaqday in gacanta lagu soo dhigo raggii ka dambeeyay falkaasi. Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Macruuf Xaaji iyo Anfac Aadan cabdi https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar-waredka-galabnimo-04-04-2020-saxxx.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa is bedel ku sameeyey qaar kamid ah Taliyeyaasha qeybaha Booliska ee gobolada Puntland. G/sare Muumin Cabdi Shire oo ahaa Taliyihii qeybta Booliska gobolka Nugaal ayaa loo bedelay gobolka Mudug, halka G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir oo ahaa Taliyaha qeybta Booliska Karkaar loo bedelay Taliya qeybta Nugaal. Sidoo kale Taliyaha qeybta Booliska gobolka Karkaar ayaa loo magacaabay G/sare Cabdi Casayr Yuusuf. Waxaa xilkii laga qaaday Taliyihii qeybta Booliska Mudug G/sare Jaamac Maxamed Axmed (Sandaqad). Hoos ka akhriso digreetada Garoowe: 04 April 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid a Abdullaahi Deni ayaa soo saaray , Xeer Madaxweyne Lr. 25 iyo Lr.26 April 4, 2020, kuna saabsan isku bedel Taliyeyaasha Qaybaha Booliska Gobolada Nugaal, Karkaar iyo Mudug. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga Qayabaha Booliska ee Gobolada Puntland. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidanimo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa G/sare Muumin Cabdi Shire loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug. Waxaa G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal. Waxaa G/sare Cabdi Casayr Yusuf loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. =DHAMMAAD= PUNTLAND POST The post Deni oo is bedel ku sameeyey qaar kamid ah Taliyeyaasha Booliska gobolada appeared first on Puntland Post.
-
Qofkii labaad oo la shaqeynayey Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay in uu qabo xanuunka Coronavirus, sida uu sheegay Xafiiska UNSOM ee Muqdisho. Qofkan oo ajnabi ah, ayaa ka shaqeyn jiray shirkad ka hawlgasha gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Sida ay sheegtay UNSOM, waxaana qofkan la qabtay bartamihii bishii hore ee Maarso xilligaasoo uu dalka soo galay, isagoo la geeyay goob karantiil oo gudaha oo ku taal gudaha garoonka Muqdisho. Xalay waxay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay in labo ruux oo mid ajnabi yahay laga heley xannuunka Covid-19 , taasoo tirada guud ee dadka laga heley cudurka gudaha Soomaaliya ka dhigtay 7 kiis. Warbixin kooban oo xalay la soo dhigay bogga Wasaaraadda caafimaadka, ayaa lagu sheegay in guud ahaan tirada dadka cudurkan qaba ay gaarayaan 7 ruux, balse Wasaaradda ayaan cadeyn halka ay ku sugan yihiin labadan ruux ee laga helay cudurka. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Laba kamid ah Shaqaalaha Qaramada Midoobay oo laga helay Coronavirus appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Iridda hore ee Xarunta madaxtooyada Villa Somalia waxaa maanta ka dhacay banaanbax ay sameeyeen qaar ka mid ah xaasaska askartii u geeriyootay difaaca dalka sanadihii lasoo dhaafay. Haweenkaan oo xirtay qeybo ka mid ah jidadka madaxtooyada soo gala ayaa sheegay inaysan wax mushaar ah qaadan muddo sanad iyo 3 bilood ee lasoo dhaafay. Xaasaska Arkartii u geeriyootay difaaca dalka ayaa sheegay in laga soo xirtay dhammaan xafiisyada Dowladda sidaas darteedna ay banaanbaxaan u sameeyeen, iyagoo codsaday in mushaarkooda la siiyo. Xaasaskaas ayaa cod dheer ku sheegay inaysan heysan lacag ay raashin ugu iibiyaan ilmihii ay ka geeriyoodeen askartii u dhintay difaac dalka Soomaaliya. Ugu dambeyntii xaasaska ayaa madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ka codsaday inay jawaab deg deg ah ka bixiyaan cabashadooda isla markaasna la siiyo mushaarka ka maqan. Arrintaan ayaa kusoo aadeyso Xilli madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dhawr jeer sheegay inay si gaar ah uga war qabi doonaan qoysaska ay askarta ka geeriyoodeen. Sidoo kale waxay arrintaan niyad jab weyn ku tahay ciidamada hadda ka tirsan askarta Dowladda oo cabsi ka qabo in haddii ay geeriyoodaan ay ku dhacdo qoysaskooda midaan oo kale.
-
Popular Contributors
