-
Content Count
214,420 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa baaq nabadeed kasoo saaray colaada kasoo cusboonaatay degmada Wanllaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, taas oo u dhaxeysa laba maleeshiyo beeleed. Madaxweynaha ugu baaqay madaxda maamulka Koonfur Galbeed, odeyaasha dhaqanka iyo waxgaradka Wanllaweyn iyo deegaanada hoos taga in ay u istaagaan xallinta colaadda macno darrada ah ee beelaha walaalaha ah ku dhexmartay degmada Walaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose. Sidoo kale Madaxwayne Farmaajo ayaa faray ciidamada xoogga dalka inay qadaaan tallaabo ka dhan ah oo ay sida deg-deg ah ugu baxaan, una kala dhex galaan malayshiyo beeleedyada dagaallamayey maalmihii lasoo dhaafay, waxa uuna ku tilmaamay colaaddan arrin fool-xun oo aan la aqbali karin. “Innaa Lillaahi waa inaa Ileyhi raajicuun. Waxaa nasiib darro ah in dadkeennu ay u dagaallamaan qabyaalad iyo malayshiyo beeleed oo ay dhiigooda u daadiyaan, iyadoo aynu ku jirno maalmihii barakeysnaa ee bisha Shacbaan oo cibaadada iyo sadaqada lagu dadaalo”ayuu yiri Madaxwayne Farmaajo. Madaxwaynaha ayaa sheegay in dowladda federaalka ay qaadayso tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo nabadda deegaannada ay dhibaatadu ka dhacday,iyada oo loo dirayo guddi soo baara dhibaatada ka dhalatay, sida lagu sheegay qoraalkan oo goor dhaw kasoo baxay Villa Somalia. Ugu dambeyntii Madaxwaynaha ayaa tacsi u diray dhammaan ehelada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii birima-geydada ahaa ee ku nafwaayey colaaddan, isagoo caafimaad u rajeeyey intii ku dhaawacmatay dagaaladaas oo maalmihii lasoo dhafay ka dhacay gudaha degmada Wanllaweyn iyo daafaheeda.
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa kulan is-xog-waraysi ah oo ku saabsan saameynta dhaqaale ee cudurka COVID-19 uu ku keeni karo maceeshadda dalka la yeeshay mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha JFS oo uu hoggaaminaayey guddoomiyaha Rugtaasi Mudane Maxamuud Cabdikariin Gabeyre iyo Ganacsato kala duwan oo Soomaaliyeed. Kulankan oo sidoo kale ay ka soo qeyb-galeen Agaasimaha guud Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda, ayaa ujeedkiisu ahaa siddii Wasaaraddu ay Ganacsatada uga heli lahayd xogo la xiriira badeecadaha dalka gaar ahaan kaydka raashinka, waxaana ay sheegeen in illaa hadda uu dalku haysto badeecado ku filan oo aanay qabin wax wer-wer ah sidoo kalena ay taagan yihiin Maraakiib dalka u sida raashin tiro badan. Ganacsatadu, waxa kale oo ay halkaas ka sheegeen caqabadaha jira iyo weli ba tallooyin ku aadan sida ugu habboon ee loogga hor-tagi karo saameynta dhaqaale ee uu keeni karo xanuunka Coronavirus( COVID-19). Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo ugu dambeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ka dawlad ahaan diyaar u yihiin tallaabo kasta oo loogga hortagi karo saameynta dhaqaale ee cudurkaasi ku keeni karo maceeshada dalka, waxaana uu carabka ku dhuftay inay Ganacsatada ka taageerayaan siddii loo yareyn lahaa caqabadaha jira iyo fududeynta Ganacsiga, isaga oo ku dhiiri-geliyey in shacabka loo naxariisto wakhtiyadan adag isla-mar-ahaantaana aan kor loo qaadin qiimaha maceeshada dalka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo saaray go’aano cusub oo la xiriira xakameynta cudurka Covid-19. Hoose ka akhriso War-saxaafadeedka View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Habeen-05042020.mp3 View the full article
-
Muqdisho ( Caasimadda Online) – Fu’aad Maxamed Khalaf Shongole oo kamid ah Culumada Al-Shabaab ayaa ka hadlay cudurka Coronavirus ee sida weyn ugu faafayo Addunyada. Fu’aad Shongole oo hadal ka jeedinayey masaajid ku yaalo Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay in Caronavirus uu yahay cudur uu Alle usoo diray kuwa diiday in Diintiisa lagu faafiyo adduunyada, sida uu hadalka u dhigay. Fu’aad oo ah daaciga ugu weyn ee dhalinyarada Al-Shabaab ka dhaadhiciyo Jihaadka ayaa sheegay inay “waajib tahay in Muslmiinta ay ku farxaan dhibaatada ku dhaceyso Gaalada, gaar ahaan cudurkaan Caronavirus” oo uu ku sheegay inuu yahay mid uu Alle ku qabanayo kuwa Diintiisa diiday. Hase yeeshee cudurkan ayaan muslim iyo gaallo kala soocin, waxaana ku naf waayey kumanaan muslmiin ah oo ay ku jiraan Soomaali badan. Sheekh Fu’aad wuxuu sheegay in muslimiintu ku faraxsan yihiin, sida uu yiri “dhibaatada gaaraysa Mareykanka iyo xulufadiisa sida Talyaaniga, Faransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska, mar uu ka hadlayay dulmiga Mareykanka ayuu sheegay in uu dhibaato dhan walba ah dhadhansiiyay muslimiinta balse hadda uu wajahayo ciqaabta Rabbi. Fu’aad Shongole ayaa sheegay in dulmiga Mareykanka uu gaaray inuu isaga xataa ka baxsano waayo oo uu awoodi waayey inuu ilmihiisa korsado, sida uu hadalka u dhigay. Culimada Islaamka ayaa horey uga digay in cudurkan loo qaato mid ku kooban gaallada, taasi oo caddeymaha la hayo ay diidayaan, waxayna ku qeexaan cudur muslim iyo gaallo cid ka baxsaneysa aysan jirin.
-
Beledweyne (Caasimadda Online) – Xiisad ka dhalatay xil ka qaadistii lagu sameeyey Guddoomiyihii Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Carraale ayaa weli ka taagan Magaalada Beledweyne. Guddoomiyihii Maamulka Gobolka Hiiraan ee dhawaan xilka qaadista lagu sameeyey Cali Maxamed Carraale, oo shir jaraa’id oo ku qabtay magaalada Beledweyne, ayaa sheegay in ciidamo ka amar qaato Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ay soo weerareen. Guddoomiyihii hore ayaa xusay in wixii dhibaato ah oo ka dhasha weerarka uu sheegay inay kusoo qaadeen ciidamadaas uu mas’uuliyadeeda qaadan doono Madaxweynaha Shirshabelle Maxamed Cabdi Waare. Caraale ayaa madaxda ugu sareeyo dalka ugu baaqay inay 48 saac gudahood kusoo farageliyaan xaaladda ka taagan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Hadalka kasoo yeeray Guddoomiyihii xilka laga qaaday ayaa kusoo aadayo xilli Maanta Xarunta Maamulka uu shir kula qaaatey Guddoomiyaha Cusub ee aan xilka la wareegin mas’uuliyiinta kale ee Maamulka. Waxaa fashilmay wadahadallo lagu doonayey in Caraale lagu qanciyo inuu aqbalo xilka qaadista, iyadoo maagaalada laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo xoogan. Hiiraan waxaa inta badan ku soo laa laabta khilaafaadka salka ku haya arrimaha maamulka, taas oo sabab looga dhigo is bed-bedalka ay HirShabelle ku sameyso.
-
Somalia can benefit from debt relief thanks to the effort of successive Somali Federal Governments, and countries that helped Somalia with a bridging loan and funds to clear arrears with the African Development Bank. Debt relief will constitute a remarkable economic milestone for Somalia. Somalia ranks high in the list of countries bedevilled by corruption. A study conducted by Western Virginia University researchers concluded: “…countries with lower corruption and better rule of law complete the Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) process faster.” What are obligations on Somalia to attain debt relief goal? According to the IMF ” If Somalia sustains its commitment to reform, it is expected to reach the HIPC Completion Point in three years, when its debt will be significantly further reduced to US$557 million in net present value terms (NPV).” Successful debt relief will spare Somalia servicing debts incurred by the pre-1991 governments. Somalia received loans from both Western countries and former USSR. Unaccountable leaders can play havoc with the economy of a poor country and saddle future generations with a debt. Which brings us to ask the question: Will debt relief for Somalia predispose its leaders to borrow money and make Somalia a heavily indebted country again? There is no guarantee that that a future Somali Federal Government will not borrow money from countries or multilateral agencies. Political recognition that the Federal Government of Somalia enjoys may come in handy when door fatigue compels foreign countries to reduce their contributions to AMISOM budget. Somalia could be forced to subsidise the peace mission through loans. This scenario will sound less absurd if one takes into account the failure of the Somali political class to wean the Horn of Africa country off dependency on AMISOM since September 2012, when a new President was elected to head a permanent government. The other possible scenario is the possible commitment to funding white elephants or reintroduce lop-sided economic development initiatives that left more than half of Somalia in a state of underdevelopment. Debt relief might empower a less accountable Somali Federal Government to adopt statist policies in the interest of creditor countries. Without sound institutions, the debt relief for Somalia will turn out to become false dawn. © Puntland Post Monthly, 2020 Click here to download a full webzine The post DEBT RELIEF FOR SOMALIA: OPPORTUNITIES AND RISKS appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda ganacsiga Soomaaliya ayaa maanta sheegtay inaysan jirin cabsi laga qabo raashin yari dalka ka dhacdo, sababo la xiriira cudurka Coronavirus. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa kulan is-xog-waraysi ah oo ku saabsan saameynta dhaqaale ee cudurka COVID-19 uu ku keeni karo maciishadda dalka la yeeshay mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha oo uu hoggaaminaayey guddoomiyaha Rugtaasi Maxamuud Cabdikariin Gabeyre iyo Ganacsato kala duwan oo Soomaaliyeed. Kulankan oo sidoo kale ay ka soo qeyb-galeen Agaasimaha guud Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda, ayaa ujeedkiisu ahaa siddii Wasaaraddu ay Ganacsatada uga heli lahayd xogo la xidhiidha badeecadaha dalka gaar ahaan kaydka raashinka. Ganacsatada ayaa waxay sheegeen in illaa hadda uu dalku haysto badeecado ku filan oo aanay qabin wax wer-war ah sidoo kale na ay taagan yihiin Maraakiib dalka u sida raashin tiro badan. Ganacsatadu, waxa kale oo ay halkaas ka sheegeen caqabadaha jira iyo weli ba tallooyin ku aadan sida ugu habboon ee loogga hor-tagi karo saameynta dhaqaale ee uu keeni karo xanuunka Coronavirus (COVID-19). Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo ugu dambeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ka dawlad ahaan diyaar u yihiin tallaabo kasta oo loogga hortagi karo saameynta dhaqaale ee cudurkaasi ku keeni karo maceeshada dalka, waxaana uu carabka ku dhuftay inay Ganacsatada ka taageerayaan siddii loo yareyn lahaa caqabadaha jira iyo fududeynta Ganacsiga, isaga oo ku dhiiri-geliyey in shacabka loo naxariisto wakhtiyadan adag isla-mar-ahaantaana aan kor loo qaadin qiimaha maceeshada dalka.
-
@harunmaruf is a respected, professional @VOANews journalist & one of the most influential #Somali journalists. @HSNQ_NISA attacks threaten #pressfreedom & independent media as a foundation of democratic, accountable governance in #Somalia — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) April 5, 2020 Qaran News
-
“In ka badan 10 jeer oo ay war-baahinta la haddleen Biixi, ku-xigeenkiisa & Guddida ka hor-tagga cudurka karoona waxay afka ka dhawreen inay go’aan ka qaataan Aafadda karoonaha sidda ee Itoobiya airline.” (SLT-Hargeysa) Iyaddoo laggu jirro xiligan adag ee ka hor-tagga cudurka halista ah ee karoona fayras, ayaa waxa muuqata in Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisu ay ka maaggayaan inay joojiyaan Diyaaradda Itoobiya Airline oo si joogta ah rakaab u keenta Madaarka Hargeysa, taasi oo loo arko inay xiligan door weyn ka qaadan karto siddii uu somaliland ugu fidi lahaa cudurka halista ah ee karoona fayras, madaama ay keenayso dad ka soo haajiraya dalalka uu cudurkani asiibay iyo guddaha dalka Itoobiya oo uu ku faafay cudurkaas, kuwaas oo kusoo guryo noqonaya somaliland,halka ay qaarna u socdaan dalalka Somaaliya, Puntland iyo Jabuuti. Culimadda dalka iyo Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland, Xildhibaanadda barlamaanka iyo weliba shacabka reer Somaliland oo war-baahinta si gooni gooni ah ula haddlay ayaa ugu baaqay Xukuumadda Biixi inay joojiso gebi ahaanba safaradda ay diyaaraddan Itoobiya Airline ku timaado Hargeysa inta lagu guddo jiro xaaladdan ka hor-tagga cudurka karoona fayraska,haseyeeshee Madaxweyne Biix iyo addeegayaashiisa ayaa u muuqda kuwa aan diyaar u ahayn inay hakiyaan safaradda ay diyaaradda Itoobiya ku timaado Hargeysa,iyadoo ay xusid mudan in Madaxweyne Biixi uu war-baahinta tiraba laba jeer kaga haddlay halista uu leeyahay cudurkan karoona fayras, balse haddana marnaba muu soo haddal qaadin halista caafimaad darro ee ay dalka iyo dadka u keeni karto wakhtigan Diyaaradda Itoobiya Airline. Geesta kalene Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ahna guddooomiyaha guddida ka hor-tagga cudurka Karoona oo shan jeer bulshada la wadaagay go’aamo laggaga hor-teggayo cudurka Covid19 iyo fariimo kale oo la xidhiidha cudurkaas, ayaa isna afka ka dhawray inuu soo haddal qaado halista caafimaad darro ee ay wakhtigan soo gaadhsiin karto dalka diyaaradda Itoobiya oo si joogta ah dalka u keenta rakaab ay ka soo qaado dalalka uu asiibay cudurkan Karoona fayras,taasi oo loo arko inuu Saylici si toos ah indhaha uga lalinayo halista caafimaad darro ee ay inoo keeni karto shirkadda ay wakiilka ka yihiin qoyska Madaxweyne Biixi ee Itoobiya Ariline. Siddoo Kalene Guddida ka hor-tagga Karoona oo lix jeer in ka badan bulshada war-baahinta u mariyey go’aamo iyo fariimo kale oo la xidhiidha halista uu leeyahay cudurka Karoona Fayras, ayaa iyana maray jidkii Hoggaamiye Biixi, waxaanay gebi ahaanba ka gaabsadeen inay ka haddlaan ama ay go’aamo ka gaadhaan siddii looga hor-teggi lahaa khatarta caafimaad darro ee dadka iyo dalka ka soo gaadhi karta wakhtigan Diyaaradda Itoobiya Ariline. Dhanka kalene waxay xoggo hoose oo soo baxaya sheegayaan inay tahay sababta ay xukuumadda Biixi u joojin laday diyaaraddan Itoobiya mid uu Madaxweyne Muuse ugu eexaynayo qoyskiisa dheefta dhaqaale ee ka soo gasha Diyaaraddaas, madaama uu qoyskiisu wakiil uga yahay Somaliland,isagoo ka cabsi qaba in haddii uu joojiyo diyaaraddaas ay qoyskiisa soo waajihi karto xaalad dhaqaale xumo, halka haddii ay wakhtigan shaqaysona uu u arko fursad ay qoyskiisu ku macaashi karaan dhaqaale badan,mar haddii ay diyaaraddani tahay mida keliya ee xiligan dalka ka shaqaynaysa, taas oo ay bulshada reer Somaliland u arkaan inuu Madaxweyne Biixi yahay keliya mid fikirayo dheefta dhaqaale ee uu qoyskiisu ka helayo diyaaraddaas, balse aanu ka fikirayn dhibta ka soo gaadhi karta bulshada reer Somaliland iyo khatarta cudurka halista ah ee karoona fayras oo ay door weyn ka qadan karto diyaaradda Itoobiya Arilne siddii uu somaliland cudurkaasi ugu faafi lahaa. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa shaacisay Natiijada ka soo baxday dad looga shakisanaa cudurka Coronavirus oo dhowaan loo diray dheecaanadooda dalka dibadiisa, kuwaasi oo qaarkood ay la kulmeen Dad laga helay cudurkaasi gudaha Somaliland. Somaliland ayaa sheegtay in dhamaan dadkii ay direen dheecaanadooda ay ka bad-qabaan cudurkaasi, gaar ahaan dadkii la kulmay Labadii qof ee deegaanadeeda laga helay cudurkaasi oo ay dhowaan shaacisay xukuumada Muuse Biixi. Maxamed Cabdi Xergeeye, Agaasimaha wasaarada caafimaadka Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan Somaliland ka jiran Kiisas cusub oo Coronavirus ah, marka laga reebo Labadii Kiis ee ay hore u shaacisay. Agaasime Xergeeye ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in gudaha Somaliland laga hirgeliyay goobo loogu talo-galay in lagula tacaalo cudurkaasi, kuwaasi oo ka furan dhamaan gobolada ay maamuulan, sida uu sheegay Agaasimuhu. Maxamed Xergeeye ayaa waxa kale oo uu ka warbixiyey xaalada Labadii qof ee hore looga helay cudurkaasi, isagoona xaqiijiyey in xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay oo uusan si xun u soo ridan cudurku. Xukuumada Somaliland ee uu Muuse Biixi ayaa iyadu wada dadaalo ay ku dooneyso inuusan cudurku si weyn ugu faafin deegaanadeeda, iyadoona soo saartay go’aamo kala duwan oo looga hortagayo cudurka Coronavirus ee dunida ku faafay.
-
Ganacsatada Puntland ee Khudaarta ka keena Koonfurta Soomaaliya iyo dalka Ethiopia, oo maanta warbaahinta kula hadla Garoowe, ayaa cabasho xooggan ka muujiyay Canshuur xad-dhaaf ah oo ay ku soo rogtay Puntland. Ganacsatadu, waxay sheegeen in Khudaarta ay ka keenaan Ethiopia ay Puntland ku canshuurto saddex goobood oo kala ah; Kastamka Falaydhyaale, degaanka Buura-wadal iyo Kantaroolka bixin ee Garoowe, kuwaas oo sida ay tilmaameen lagaga qaado canshuur xad-dhaaf ah oo aysan awoodi Karin. Sidoo kale, Ganacsatada ayaa sheegay in Somaliland iyo Ethiopia mid kasta hal meel ku canshuuro Khudaarta, si ka duwan Puntland oo saddex meelood ku canshuurta, islamarkaana sii kordhisay canshuurta ay ka qaaddo Ganacsatadaas danyarta ah. Ganacsatada qaarkood, waxay sheegeen in aysan wax dhaqaale ah oo ay ku maareeyaan Nolosha Qoyaskooda ka soo gelin Khudaarta ay keenaan, maadaama ay isu’gu darsameen Maciishaddii oo qaaliyowday iyo Canshuurta badan ee la saaray. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirada ay khusayso, ayay ka codsadeen in laga khafiifiyo Canshuurta xad-dhaafka ah ee lagu soo rogay, taasi oo weliba sicir barar ku keentay qiimaha Khudaarta ee suuqyada Puntland. Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Ganacsatada Khudaarta oo ka cabanaya Canshuur xad-dhaafa oo Puntland ku soo rogtay appeared first on Puntland Post.
-
The International Committee of Red Cross (ICRC) has called for more proactive measures to curb the spread of COVID-19 and save lives amid the country recorded 7th case. In a statement, ICRC said that Somalia should strengthen mitigation measures against the viral disease to forestall a humanitarian crisis amid the vulnerability of communities linked to civil strife, diseases, and malnutrition. Juerg Eglin, ICRC’s head of delegation for Somalia said Somalia is at a crossroads, where we can rapidly scale up to get information and resources out to communities and health care facilities against COVID-19, or move too slowly and never catch up. “Speed is critical, and we are working with our colleagues at the Somali Red Crescent to fight COVID-19 from fully taking hold,” he said. Eglin said that the Somali Red Crescent Society (SRCS) and ICRC are racing to reach 120,000 households with information on how COVID-19 can be prevented through improved hygienic practices like handwashing with soap. According to Eglin, nearly 8,000 families were reached with critical support this week in Somalia’s Baardheere region. He said that 260 COVID-19 information sessions were organized this in other parts of Somalia this week, reaching about 2,600 people. the situation in Somalia is particularly critical. “Violence continues. Climate shocks continue. We will have to respond to the needs of the most vulnerable in Somalia, with the additional threat that COVID-19 brings,” Eglin said. View the full article
-
HirShabelle security forces have carried out a security operation in Jowhar following a bomb attack on Saturday afternoon. One person was killed and five others sustained injuries after an inland explosive attack in Jowhar, the capital of Hirshabelle state on Saturday. The blast was targeted at a busy bus stop area in the city center. Among the injured is a member of Hirshabelle state parliament, Zakariya Mumin Hilowle. The injured were admitted to various health facilities in the area. Al-Shabaab has claimed the responsibility for the attack. View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare geystay uu ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Qaraxa ayaa wararku waxa ay sheegayaan in gaarigiisa loogu xiray mas’uul ka tirsan waaxda canshuuraha wasaaaradda maaliyadda ee Puntland, kaas oo magaciisa lagu koobay Cabdi-Gube. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in qaraxa uu dhaawac ka soo gaaray sarkaalkaasi oo la dhigay isbitaalka guud ee waqooyiga Gaalkacyo. Ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ammaanka Puntland oo ku aadan qaraxaasi Inta badan Al-Shabaab ayaa falal amni darro oo u badan dilal qorsheysan ka geysata gudaha magaaladaasi. View the full article
-
Xildhibaan Maxamed Cumar (Dalxa) ayaa ka hadladay dagaal beeleedyo dib uga soo cusboonaaday deegaano ka kala tirsan gobollada Shabeelaha Hoose iyo Jubbada Hoose, kuwaas oo galaaftay noloshada in badan oo ah dhinacyadii dagaalamay & dad rayid ah. Pro. Dalxa ayaa ku tilmaamay dagaal beeleedyadaasi inay yihiin kuwa salka ku haya arrimo siyaasadeed oo ay gadaal ka riixayaan dad leh dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaanka oo u warramayey Shabelle ayaa tilmaamay maleeshiyaadka dagaalamaya looga baahan-yahaya inay ka fakiraan maslaxada deegaanka oo ay ilaaliyaan xasiloonida, si looga baaqsdo in dhiig fara badan uu ku daato dagaalladaasi. Dhinaca kale xildhibaan Maxamed Cumar (Dalxa) ayaa baaq nabadeed u diray beelaha ku dagaalamaya nawaaxiga magaalooyinka Wanlaweyn iyo Kismaayo, isagoo ka dalbaday inay dagaalka joojiyaan, islamarkaana ay wax weliba ku dhameeyaan wadahadal. Maalmihii dambe ayaa waxaa qeybo ka mid ah dalka ka soo cusboonaaday dagaal beeleedyo salka ku haya dilal la xariira aanooyin iyo arrimo dhul-daaqsimeed. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barta twitter-ka uga hadashay eedeynta ay hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA u jeedisay weriye Haaruun Macruuf oo ka tirsan laanta Af-Soomaaliga VOA ee ay leedahay dowladda Mareykanka. Qoraal kooban oo ay safaaradda soo dhigtay twitter-ka ayaa lagu sheegay in “weerarada NISA ee ka dhanka ah Haaruun Macruuf” ay halis gelinayaan xoriyadda hadalka iyo madax-banaanida warbaahinta. “Haaruun Macruuf waa weriye la ixtiraamo oo xirfadle ah oo ka howl-gala VOA, waana mid ka mid ah suxufiyiinta ugu saameynta badan Soomaalida. Weerarada NISA waxay halis gelinayaan xoriyadda hadalka iyo madax-banaanida warbaahinta ee aas-aaska u ah dimqoraadiyadda iyo isla xisaabtanka dowladeed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ay safaaradda soo dhigtay barta twitter-ka. @harunmaruf is a respected, professional @VOANews journalist & one of the most influential #Somali journalists. @HSNQ_NISA attacks threaten #pressfreedom & independent media as a foundation of democratic, accountable governance in #Somalia — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) April 5, 2020 Hay’add Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa qoraal ay soo saartay 2-dii bishan April ku sheegtay inay “tallaabada ku habboon ee sharciga ah ka qaadeyso” weriye Haaruun Macruuf. Qoraalkaas oo ay soo dhigtay barta twitter-ka ayey NISA ku sheegtay in Haaruun Macruuf uu “leeyahay xiriiro khatar ku ah amniga qaranka, kuna kacay falal ka baxsan anshaxa warbaahinta,” sida lagu sheegay qoraalka. Qoraalka ayaan intaas ku daray “Waxaan hay’adaha dalka la wadaagaynaa iney ka feejignaadaan xiriirkiisa, soona wargaliyaan laamaha amniga qaranka.” Idaacadda VOA ee uu ka shaqeeya Haaruun Macruuf ayaa hoos-tagta wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka, si la mid ah safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo iyana hoos-tagta wasaaradda.
-
Cali Jeyte Cismaan guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan ayaa maanta kulamo ka bilaabay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. Kulamadaan oo uu la qaatay xubno ka tirsan maamulka gobolka, kan degmada Beledweyne iyo bahada garsoorka ayaa waxaa diirada lagu saaray xiisada maamul ee haatan ka taagan magaaladaasi, kadib markii guddoomiyihii hore uu ka biyo diiday xilka qaadistii uu dhowaan ka sameeyey madaxweynaha HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare. Sidoo kale waxaa kulamadaas oo ka qabsoomay xarunta maamulka gobolka ee Beledweyne ayaa waxaa lagu soo qaaday dardar-gelinta howlaha shaqo ee haatan horyaalla maamulka. Jeyte oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu wadahadal la galo cid-kasta oo tabasho qabta maamulkiisa, si xal looga gaaro khilaafka haatan jira. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay guddoomiyihii hore ee maamulka goboka Hiiraan, Mudane Cali Muxumed Caraale uu shaaciyey inuu weli yahay guddoomiyaha saxda ah ee gobolkaasi, kadib shir jaraa’id oo uu warbaahinta ugu qabtay Baledweyne. View the full article
-
BOSASO (HOL)- Police in Puntland’s commercial capital Bosaso Sunday confiscated and destroyed several kilograms of khat following illegal smuggling of the leafy stimulant into the town. Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors
