-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The Puntland Police Force updated its manual criminal records system replacing the colonial era approach with an automated criminal database system that will collect criminal [...] Source
-
XIDHITAANKA MASAAJIDADA IYO CAABUQA CORONAVIRUS-19 Sida aynu kala socona dunida inteeda kale cudurkan ila hadda tallaal iyo daawo lagula taacaalo midna lama hayo. Waa sadheeye daafaha dunida aafeeyey oo xawaare aan la koobi karin ku socda. Ummad muslim ah haddaynu nahay waa in aynu la jaanqaadnayaa talooyinka iyo tusaalooyinka Hay’adda Caafimaadka Dunida ee (WHO). Talooyinka Hay’addu bixisay waa isu imaatinka oo la yareeyo; qalabka sanka iyo gacmaha oo la xidho; farxalka oo la badiyo, iwm. Maanta dalalkii ugu awooda badnaa ayaa la daala dhacaya siday u xakamayn lahaayeen faafitaanka cudurkan dilaaga ah. Waa kuwaa qiray siduu Nebi Muxamed(NNkHA) ku taliyey 1400 oo sannadood ka hor. Salaaduna waa tiiirarka Islaamka ta ugu muhiimsan. Aadamaha marka salaadiisu sugnaato ayaa inta kalee cibaadaduna sugnaataa. Waxaynu ka warqabnaa in Xaramaynkii- Makkah iyo Madiinaba- lagu taliyey in dadku guryahooda ku tukadaan salaadaha si loo yareeyo faafitaanka cudurkan. Masaajidada waxa buuxiya baniaadamka Alle caabudaya. Haddiiba ay noqotay in la badbaadiyo aadamihii masaajidada camireyey iyadoo awooda la saarayo fayodowrka, culimadu ummadda xaq ugu ma laha in ay yidhaahdaan sidii hore ayaa salaadaha masaajidada loogu tukanayaa. Haddii ummaddii cibaadeysanaysayba cudurkani dabargooyo, waa ayo cidda salaad tukanaysaa? Culimooy ummadda jahawreerka ka dayaa. Maanta ma aha maalintii la goolaaftamayey. Ha loo hoggaansamo cidda aynu talada dalka u igmanay oo ha loo daba fadhiisto. Diinteena suubani waa fududeeya ee yaan dadka khuraafaad lagu wareerin Waynu ognahay awoodeena dhaqaale in aanay innoo saxaamay so gadashada qalabka caafimaad ee lagaga hortegeyo caabuqa COVID-19. Markaa waxa inagu waajib ah in inta aynu awoodno an hirgelino oo talooyinka Guddiga Qaranka ee arrintan u xilsaaran iyo hadba khubarada caafimaadku iyana wixii talo ah lagala kaashado; wixii intaa dhaafsan waa in gargaar iyo gurmad caafimaad caalamka weydiisano- Sidaa hadaba muuqata. Rabi ha inaga babaadsho aafadan dunidii halaakaysay. Axmed Cali Ibraahim Sabeyse April 16, 2020. Qaran News
-
Jowhar (SMN) – Dowlad Goboleedka Hirshabelle waxay Hakisay duulimaadyada Rayidka ah ee soo aada Magaalooyinka Dowlad Goboleedka Hirshabelle, waxaana warqad ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare lagu yiri Duulimaad gaar ah oo aan fasax heysan Lagama ogolaan doono in ay isticmaalaan garoomadda Diyaaradaha Hirshabelle. Halkani ka akhriso bayaanka View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Askari ka tirsan ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa loo yaqaano Haramcad ayaa lagu dilay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Dilka askari waxaa lagu waramay in uu ka dhacay nawaaxiga huteel la dejiyey madaxweyne ku xigeenka Galmudug, oo halkaas ku sugan. Ciidamo kale oo ilaalo ka haayey goobta ayaa la tilmaamay in ay rideen xabada dishay askariga kadib markii ay ka shakuyeen. Ma jirto wax war ah oo ku saabsan dhacdadaas oo illaa iyo haatan kasoo baxday dhanka mas’uuliyiinta amniga dowlad goboleedkaas. Dilalka ay isku geysanayaan ciidamadda dowladda ayaa ka dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana sababa muran soo kala dhex-gala iyo kala shaki. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo xubin ka ah Guddiga Qaran ee ka Hortagga Covid-19, oo xalay ka hadlay Muhiimmadda uu Islaamku siiyay raacista awaamirta dowladda, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u hoggaansamaan awaamiirta lagu xakameynayo faafitaanka cudurkaan halista badan, si bulshada ay u hesho daryeelka ay u baahantahay. Gudoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in dadka guryohooda ay ku ekaadaan si looga baaqsado, ayuu yiri, halista faafida Covid 19, isagoo tilmaamay in loo bahanyahay in dadku guryohooda ay ku tukadaan Wadaadka ayaa sheegay in diinteena ay fursad inoo siisay in aan ka gudubno wax kasta nafsadeena ku dhibi karno dadka kalane aan ku dhibaatayn karno. Culimadda ayuu xusay in ay soo jeedinayaan in qofka isku-og cudurka aysan u banaaneyn in uu Masaajidka yimaado iyo goobaha kale lagu kulmo, si loo yareeyo dhibaato ka dhalan karta in si fudud uu kufaafiyo cudurka “Waa in dadku nafsadooda ay ubaqaan,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Sheekh Bashiir Axmed Salad Waxaa sii xoogeysanaya walwalka laga qabo faafida Covid 19 oo horay dowladu ay usoo saartay amaro loogu gol leeyahay xakameynta caabuqaas. View the full article
-
Hirshabeelle oo joojisay dhammaan duullimaadyada Rayidka ah
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dowlad goboleedka Hirshabelle, ayaa shaaciyay in ay hakiyeen dhammaan duulimaadyada Rayidka ah, ee tegi jiray magaalooyinka maamulkaas Hirshabeelle. Qoraal ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa lagu shaaciyey in la joojiyay dhammaan duullimaadyada rayidka ah ee aada magaalooyinka Hirshabeelle. Balse, waxaa qoraalka lagu sheegay, in duullimaadyada gurmadka iyo samafalka ah ee Qaramada Midoobay iyo AMISOM ay u fasaxan yihiin degaannada Hirshabelle, islamarkaana sidii hore u sii socon doonaan. Sidoo kale, Hirshabeelle waxay sheegtay in aysan ogolaan doonin duullimaad aan fasax ka haysan maamulkooda. PUNTLAND POST The post Hirshabeelle oo joojisay dhammaan duullimaadyada Rayidka ah appeared first on Puntland Post. -
Riyadh (Caasimada Online) – Amiirad u dhalatay dalka Sacuudiga, oo u afduuban dhaxal-suge Mohamed bin Salman ayaa ka codsatay isaga iyo boqor Salman in laga sii daayo xabsiga, waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka Anadolu Agency. Koox ka kooban sideed rag ah, ayaa 28-kii Febraayo 2019 yimid guriga Amiirad Basmah Bint Saud Bin Abdulaziz ee magaalada Jeddah, xilli ay ayada iyo qoyskeeda isku diyaarinayeen inay arrimo caafimaad ugu safraan dalka Switzerland, halkaasi oo ay ka afduubteen. “Waxaan ka codsanayaa adeerkey Boqor Salmaan iyo ina-adeerkey Mohamed Bin Salman inay isii daayaan, maadaama aan sameyn wax qalad ah,” ayey Basmah ku tiri qoraal ay soo dhigtay twitter. Basmah ayaa sheegtay in si cadaalad darro ah loogu hayo xabsiga Al-Hair, ayada oo aan lagu soo oogin “wax dacwo dambiyeed ama eedeymo kale ah.” “Waxaa nala afduubtay aniga iyo gabadheyda sabab la’aan, waxaana nalagu tuuray xabsi,” ayey tiri Amiirad Basmah Bint Saud Bin Abdulaziz. Amiiradda oo 55 jir ah ayaa sheegtay in xaaladdeeda caafimaad ay sii xumaaneyso, taasi oo u horseedi karta dhimasho. “Xaaladdeyda caafimaad iminka aad ayey u liidataa,” ayey tiri Basmah. Basmah ayaa sheegtay in qoraal ay u dirtay Maxkamadda Boqortooyada aan laga soo jawaabin. Qoraalka ay soo dhigtay twitter ayey ku tag gareysay siyaasiyiin uu ku jiro madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyo ururada xuquuqda aadanaha ee Amnesty International iyo Human Rights Watch. Sanadii 2016, Amiirad Basmah ayaa kusoo laabatay Sacuudiga kadib markii Amiir Muhammad Bin Nayef, oo xilligaas ahaa dhaxal-sugaha uu damaanad qaaday, si ay dalka ugu soo laabato. Amiiradda ayaa dalbaneysay in boqor Salman uu soo celiyo dhul uu lahaa aabaheed Saud Bin Abdulaziz oo ku yaalla magaalada Taif, iyo 2 bilyan oo dollar oo taalla akoono ku yaalla bankiyada Switzerland. Ilo-wareedyo ku dhow Bin Nayef ayaa sheegay in Amiirad Basmah lagu hayn doono xabsiga illaa ay ka tanaasusho sheegashada hantida aabaheed. Waa haweeneyda kaliya ee ku jirta xabsiga Al-Hair, ee sida weyn loo ilaaliyo amnigiisa.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo xalay ka hadlay wacyi-gelinta COVID-19 iyo sida looga badbaadi karo, ayaa dadka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay qaataan talooyinka caafimaad ee dhaqaatiirta iyo Bahda Caafimaadka dalka. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaaraha ayaa xaqiijiyay in Guddiga Qaran ee ka Hortagga Covid-19 ee isugu jira xukuumadda, culimada, dhaqaatiirta, Ganacsatada iyo Bulshada Rayidka kawada shaqayaan sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaaliyeed caafimaad ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa caddeeyay in la kordhinayo xarumaha lagu daaweeyo dadka uu soo rito COVID-19, lana badin doono baaritaanka si qof waliba uu u helo fursad uu isugu baaro, dowladduna ku howlantahay soo iibinta qalab caafimaad oo qayb ka qaata xakameynta COVID-19. Bangiga Adduunka ayaa dowladda ka oggolaaday inuu usoo iibiyo qalabka caafimaad ee aadka loogu baahannahy si loola dagaalo cudurkan. Ra’iisul Wasaaruhu waxuu sheegay in dowladdu ka codsatay deeq bixiyayaasha in caawinaadaha ay bixin jireen loo wareejiyo dhinaca caafimaadka iyo taakulaynta danyarta uu cudurkani saameeyay nolol maalmeedkooda, sidoo kale dowladaha Yurub iyo Maraykankaba ay ka codsatay sidii Bangiyada iyo Xawilaadaha Soomaaliyeed shaqadooda loogu fududayn lahaa. Waxaa kale oo Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in Xukuumadda, Ganacsatada, dhaqaatiirta, bulshada rayidka iyo culimaduba ay wadaan dadaal xoggan oo loogu gurmanaayo dadka Soomaaliyeed ee caawinta u baahan, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo wasaaradda maaliyaddu ay isla garteen in la yareeyo saamaynta dhaqaalaha ee ka dhasha COVID-19, lana dhimay canshuurta raashinka daruuriga ah. Ganacsatada ayuu mar kale Ra’iisul Wasaaruhu faray in ay shacabka u turaan xaaladdan adag ee lagu jiro, Culimaduna ay shacabka kula taliyaan in qof waliba uu gurigiisa ku cibaadaysto maadaama waajibaadka diiniga ah ay ugu horeeyso badbaadinta nafta. Dhaqaatiirta ayuu xasuusiyay in la joogo xilligii loogu baahida badnaa aqoontooda. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo codsatay in kaalmada la siiyo loo wareejiyo la tacaalidda xanuunka COVID-19 appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo caawa ka hadlay dhibaatada uu COVID-19 ku hayo dalkeena iyo sida looga badbaadi karo ayaa dadka Soomaaliyeed kula dardaarmay inay qaataan talooyinka caafimaad ee dhaqaatiirta iyo wasaaradda caafimaadka dalka. “Masiibada maanta waxaa ka nabad galaya kuwa qaata waanada iyo wax sheega, kuwa dhagaysta talooyinka bahda Caafimaadka. Kuwaas ayaa ah kuwa inay haligmaan ka nabad galay. Badqabka bulshada iyo Badbaadintooduba maanta waxay ku jirtaa kala maqnaanta mudada cudurku jiro. Inaad eheladaada iyo asxaabtaada ka maqnaato oo booqan waydo xiligan adag waxay daliil cad u tahay damiirka qofka ee aan dadkiisa dhib la jeclayn”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Ra’iisul Wasaaaraha ayaa caddeeyay in Guddiga Qaran ee ka Hortagga Covid-19 ee isugu jira xukuumadda, culimada, dhaqaatiirta, Ganacsatada iyo Bulshada Rayidka kawada shaqayaan sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaaliyeed caafimaad ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in la kordhinayo xarumaha lagu daaweeyo dadka uu soo rito COVID-19, lana badin doono baaritaanka si qof waliba uu u helo fursad uu isugu baaro, dowladduna ku howlantahay soo iibinta qalab caafimaad oo qayb ka qaata xakameynta COVID-19. Bangiga Adduunka ayaa dowladda ka oggolaaday inuu usoo iibiyo qalabka caafimaad ee aadka loogu baahannahy si loola dagaalo cudurkan. Ra’iisul Wasaaruhu waxuu sheegay in dowladdu ka codsatay deeq bixiyayaasha in caawinaadaha ay bixin jireen loo wareejiyo dhinaca caafimaadka iyo taakulaynta danyarta uu cudurkani saameeyay nolol maalmeedkooda, sidoo kale dowladaha Yurub iyo Maraykankaba ay ka codsatay sidii Bangiyada iyo Xawilaadaha Soomaaliyeed shaqadooda loogu fududayn lahaa. Waxaa kale oo Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in Xukuumadda, Ganacsatada, dhaqaatiirta, bulshada rayidka iyo culimaduba ay wadaan dadaal xoggan oo loogu gurmanaayo dadka Soomaaliyeed ee caawinta u baahan, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo wasaaradda maaliyaddu ay isla garteen in la yareeyo saamaynta dhaqaalaha ee k a dhasha COVID-19, lana dhimahy canshuurta raashinka daruuriga ah. Ganacsatada ayuu mar kale Ra’iisul Wasaaruhu faray inay shacabka u turaan xaaladdan adag ee lagu jiro, Culimaduna ay shacabka kula taliyaan in qof waliba uu gurigiisa ku cibaadaysto maadaama waajibaadka diiniga ah ay ugu horeeyso badbaadinta nafta. Dhaqaatiirta ayuu xasuusiyay in la joogo xilligii loogu baahida badnaa aqoontooda. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranku wuxu bulshada soomaliyeed u xaqiijinaya in wararka beenta ee lagu sheegay in gudigu ku dhawaaqi doono in doorashadii dib loo dhigay u yahay been aan sal iyo raad toona lahayn. Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay warar been abuur ah oo lagu sheegay in guddiga madaxa banaan ee doorashooyinku ay ku dhawaaqi doonaan in dib loo dhigay doorashada dalka ka dhacaysa 2020. Hadaba guddiga oo ka jawaabaya wararka been abuurka ah ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijay in warkaasi been abuur yahay kuna tilmaamay waxba kama jiraan. Guddiga doorashadu wuxu ugu baaqaya dadka baraha bulshada ku qoraya in aanay bulshada jahwareerinin. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-17042020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixisay xogta cudurka COVID-19 ee Soomaaliya. Wasiirka ayaa xog ay soo bandhigtay ku muujisay in ragga Soomaaliyeed ee cudurka uu ku dhacay ay aad uga badan yihiin dumarka, ayada oo 70% kiisaska dalka laga helay ay yihiin rag, halka dumarka ay ka yihiin 30%. 80-ka kiis ee Coronavirus ee dalka laga xaqiijiyey ayaa 70 ka mid ah ay yihiin rag, halka 10-ka kale ay yihiin dumar. Guud ahaan 222 qof ayaa cudurkan laga baaray dalka, sida lagu sheegay warbixinta wasaaradda caafimaadka, waxaana la sugayaa natiijada 61 qof oo maanta la dhaacin doono. 64% dadka cudurka laga helay ee Soomaaliya, oo ah 51 qof, ayaa da’doodu waxa ay ka hooseysaa 40 jirka, ayada oo 60% ama 48 qof ay yihiin dad da’doodu u dhaxeyso 20-40, halka 4% ama 3 qof ay yihiin dad ka yar 20 jirka. 36% kiisaska ama 29 qof ayaa ah dad da’doodu ka koreyso 40 jirka, ayada oo 20% ama 16 qof ay yihiin dad u dhaxeeya 40-60 jir, halka 16% ama 13 qof ay yihiin dad ka weyn 60 jirka. Inta badan kiisaska dalka ama 91%, oo u dhiganta 73 qof, ayaa laga diiwaan geliyey magaalada Muqdisho. Wasiir Fowsiya ayaa sheegtay in ay socdaan dadaallo lagu xakameynayo cudurkaas, waxayna rajo wanaagsan ka muujisay in ay mira dhali doonaan dadaallada iyo qorshaha lagu doonayo in lagu joojiyo faafintaanka cudurka.
-
Shirkadda Albeyrak, ee laga leeyahay waddanka Turkiga oo gacanta ku haysa Maamulka dekedda weyn ee Muqdisho, ayaa dekedda ku buufisay Jeermis dile loogu talo galay ka hor-tagga Cudurka faafa ee Covid-19. Olgun Usta Wakiilka Maamulaha guud ee Shirkada Albeyrak, oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo dheerado ah oo looga hor-tagayo faafida cudurka Covid-19. “Shirkadda waxey ku dadaaleysaa in ay dekadda shaqeyso, shaqaalaha joogana ay badqabaan” ayuu yiri Olgun Sidoo kale, Wakiilka Maamulaha shirkada Albeyrak Olgun Usta, ayaa sheegay in qalabka lagu oggaan karo qofkii xanuunsan ee ay dhigeen iridka hore ee dekedda Muqdisho si ay u ilaaliyaan badqabka shaqaallaha. “Irida waan dhignay qalab lagu oggaado oo hubin karo dadka xaruunsan ee dekedda soo galayo” ayuu yiri Wakiilka PUNTLAND POST The post Dekedda Muqdisho oo lagu buufiyay Jeermis-dile ka hortaga xanuunka COVID-19 appeared first on Puntland Post.
-
TACSI MADAXWEYNE INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidamada kala duwan Jamhuuriyadda Somaliland, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee taliyihii hore ee ciidamada Booliska iyo Asluubta Marxuum Cabdi Suldaan Muxumed Guray Nuur oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 16/04/2020, dalka Maraykanka. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey taliye waayo arag ah oo khibrad u leh ciidamada, kaalin weyna ka soo qaatay dhismihii ciidamada, dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland. Sidoo kalena ka mid ahaa madax-dhaqameedka dalka. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, madaxda dahqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Qaran News
-
JOHANNESBURG - More than 1 million coronavirus tests will be rolled out starting next week in Africa to address the “big gap” in assessing the true number of cases on the continent, Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shaaca ka qaaday in Bankiga Adduunka uu aqbalay codsi ay u jeedisay dowladda Soomaaliya, oo ah in loo iibiyo qalabka lagula dagaalo cudurka Coronavirus. “Bangiga Adduunka ayaa dowladda ka oggolaaday inuu usoo iibiyo qalabka caafimaad ee aadka loogu baahannahy si loola dagaalo cudurkan,” ayuu yiri Kheyre oo xalay khudbad uu shacabka kula hadlay ka jeediyey xafiiskiisa. Ra’iisul Wasaaruhu ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu ka codsatay deeq bixiyayaasha in caawimaadaha ay bixin jireen loo wareejiyo dhinaca caafimaadka iyo taakulaynta danyarta uu cudurkani saameeyay nolol maalmeedkooda. Waxa uu sidoo kale sheegay inay weydiisteen dowladaha Yurub iyo Maraykankaba sidii Bangiyada iyo Xawilaadaha Soomaaliyeed shaqadooda loogu fududayn lahaa. Kheyre ayaa caddeeyay in la kordhinayo xarumaha lagu daaweeyo dadka uu soo rito COVID-19, lana badin doono baaritaanka si qof waliba uu u helo fursad uu isugu baaro, dowladduna ku howlantahay soo iibinta qalab caafimaad oo qayb ka qaata xakameynta COVID-19. Kheyre ayaa dhinaca kale mar kale faray Ganacsatada dalka inay shacabka u turaan xaaladdan adag ee lagu jiro, Culimaduna ay shacabka kula taliyaan in qof waliba uu gurigiisa ku cibaadaysto maadaama waajibaadka diiniga ah ay ugu horeeyso badbaadinta nafta.
-
WASHINGTON (Reuters) - Republican U.S. lawmakers echoed President Donald Trump’s criticism of the World Health Organization on Thursday, with some suggesting he withhold aid until the U.N. agency’s director general resigns while others called for an international investigation of its handling of the coronavirus. Source: Hiiraan Online
-
“The needed Covid 19 supply from UAE is a timely brotherly support for all Somalis in general and our frontline heroes of the medical staff in particular. Always the time tells who are the genuine friends and brothers”. Former Somali president said in a tweet commenting the UAE aid plane to Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Amiirad Sacuudiyaana oo xaaladeedu halis ku jirto Amiirad Basma – ayaa sawirkan laga qaaday sanadkii 2016-kii – waxayna ku caan baxday u ololeynta afti ku saabsan dastuurka Codsi ayaa lasoo dhigay barta saxda ah ee ay Twitter-ka ku leedahay gabar caan ah oo ka tirsan qoyska boqortooyada Sacuudiga, kaasoo ay adeerkeed Boqor Salmaan ku weydiisaneyso inuu kasii daayo xabsi ay ku jirto. Mid ka mid ah qoraallada, sida muuqatay lasoo dhigay Twitter-ka la hubo ee Amiirad Basma bint Sacuud ayaa lagu sheegay inay “sabab la’aan ugu xiran tahay xabsi lagu magacaabo al-Hair”, iyadoo “xaaladdeeda caafimaadna ay sii xumaaneyso”. Qoraal kale ayaa ku socday boqorka iyo wiilkiisa dhaxal sugaha ah ee Maxamed ayaa lagu yiri “Waxaan idinka codsanayaa inaad dib u eegis ku sameeyaan kiiskeyga, aadna iga sii deysaan xabsiga maadaama aanan wax khalad ah sameynin”. Ma jirto wax jawaab ah oo ilaa hadda kasoo baxday mas’uuliyiinta boqortooyada Sacuudiga oo arrintan looga hadlayo. Hase ahaatee tiro ka mid ah dadka ugu sarreeya boqortooyada dalkaas ayaa xabsiga loo taxaabay sanadihii ugu dambeeyay. Amiirad Basma, oo 56 jir ah, waa gabadha ugu yar ee carruurta uu dhalay boqor Sacuud, oo dalka Sacuudiga xukumi jiray intii u dhaxeysay sanadihii 1953-kii ilaa 1964-kii. Sannadihii dambe waxay aad ugu caan baxday ol’ole dhinaca xuquuqda bani’aadannimada ah oo ay ka wadday gudaha qoyska boqortooyada Sacuudiga iyo sidoo kale afti ay dooneysay in loo qaado isbaddal ay dooneysay in lagu sameeyo dastuurka waddanka. Sanadkii lasoo dhaafay waxaa jiray warar aan la xaqiijinin oo sheegayay in haweeneydan xabsi guri la galiyay iyo iyo gabdhaheedaba. Warbaahinta Jarmalka laga leeyahay ee Deutsche Welle oo ilo ku dhow soo xiganeysay ayaa shaacisay in loo xiray tuhun la xiriira inay damacsaneyd sidii ay dalka uga baxsan lahayd. Amiiradda ayaan sidoo kale la arkin ama la maqlin muddo dhowr bilood ah. “Sida aad ka war qabtaan (?) Aniga waqti xaadirkan waxaan si sabab la’aan ah ugu xiranahay xabsiga Al-Ha’ir wax dambi ahna ma aanan galin, ama xitaa wax dacwad ah la iguma soo oogin,” ayaa lagu yiri mid ka mid ah qoraallada Twitter-ka oo la shaaciyay galinkii dambe ee Arbacada. “Xaaladdeyda caafimaad way sii xumaaneysaa ilaa heer aad aad u sii darsaday, taasina waxay sababi kartaa inaan geeriyoodo. Ma helin daryeel caafimaad, jawaabna kama helin warqadihii aan codsiyada ugu dirsaday qasriga madaxtooyada. Waxaa la i afduubtay anigoo aan la ii sheegin sababta, waxaana aniga iyo gabdhaheyga nalagu tuuray xabsi.” Codsigan waxaa dib loogu sii faafiyay ciwaanka Twitter-ka ee xafiiska amiiradda iyo lifaaqyo kale oo lagu sheegayo xarigeeda la fuliyay sanadkii lasoo dhaafay. Tan iyo markii uu maamulka Sacuudiga saameyn weyn ku yeeshay Maxamed Bin Salmaan oo ah wiilka dhaxal sugaha ah ee uu dhalay Boqor Salmaan, waxaa xabsiga loo taxaabay amiirro badan iyo xubno ka tirsan qoyska boqortooyada Sacuudiga. Waa kuma Maxamed Bin Salmaan? Waxaa loo arkaa Maxamed Bin Salmaan inuu yahay ninka wakhtigan ugu awoodda badan Sacuudiga Marka la eego Sacuudiga dibaddiisa, dad kooban ayaa yaqaannay magaca Maxamed Bin Salman Aala Sucuud, ka hor inta uusan aabihiis boqorka noqonin sannadkii 2015-kii. Balse hadda, 33 jirkan dhaxal sugaha boqortooyada ah waxaa loo aqoonsan yahay inuu yahay qofka rasmiga ah ee gacanta ku haya maamulka waddanka dhoofiya saliidda ugu badan ee caalamka. Wuxuu hantay qalbiyada hogaamiyeyaasha reer galbeedka ka dib markii uu ku dhaqaaqay tallaabooyin uu isbaddallo uga sameeyay Sucuudiga, oo ah waddan sharci adag, waxaana isbadalladaas ka mid ahaa xayiraaddii uu ka qaaday gaari wadista dumarka iyo dadaalkii uu ku raadinayay sidii loo ballaarin lahaa dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha. Laakiin waxaa si weyn loogu dhaliilay arrimo ay ka mid yihiin:- Dagaalkii uu ku qaaday dalka dariska la ah ee Yemen, kaasoo sababay xadgudubyo waaweyn oo bani’aadannimo. Inuu billaabay muranka siyaasadeed ee Qadar iyo Sucuudiga, oo kala qeybiyay midnimadii golaha iskaashiga khaliijka ee (GCC). Inuu xoojiyay howlgalka adag ee ka dhanka ah dadka ka soo horjeeda siyaasadda Sucuudiga. Maxamed Bin Salmaan wuxuu magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ku dhashay 31-kii bishii Agoosto ee sannadkii 1985-kii. Wuxuu ahaa wiilka curadka ah ee uu dhalay boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis Aala Sucuud oo xilliga uu Maxamed dhalanayay ahaa mid ka mid ah dhaxal sugeyaasha boqortooyada. Hooyadiis waa xaaska saddexaad ee boqor Salmaan, waxaana lagu magacaabaa Fahdah bint Falah bin Sultan. Ka dib markii uu shahaadada 1aad ee waxbarashada jaamacadeed ka qaatay Jaamacadda King Saud ee ku taalla magaalo madaxda Sucuudiga ee Riyaad, wuxuu ka soo shaqeeyay hay’ado kala duwan oo ay leedahay boqortooyada. Sannadkii 2009-kii, waxaa loo magacaabay inuu la taliye khaas ah u noqdo aabihiis, oo xilligaas ahaa Duqa magaalada Riyaad. Maxamed Bin Salman ayaa awoodda boqortooyada lugta la soo galay sannadkii 2013-kii, markaasoo loo magacaabay madaxa qasriga dhaxal sugaha boqortooyada, isagoo darajadiisu ay ahayd heer wasiir. Sannadkii ka horreeyay ee 2012-kii, ayaa aabihiis loo xushay inuu noqdo dhaxal sugaha taajka boqortooyada, ka dib geeridii Nayef bin Cabdul Casiis, oo ahaa qofka dhaxalka xilkaas ugu sokeeyay. Bishii Janaayo ee sannadkii 2015-kii ayuu geeriyooday boqor Cabdalla bin Cabdul Casiis, Salmaan ayaana xilka boqortooyada la wareegay isagoo markaas ay da’diisu ahayd 79 sano. Boqorka cusub ayaa si deg deg ah u sameeyay labo go’aan oo ay la yaabeen dadka kormeera xaaladda maamulka boqortooyada, ka dib markii uu wiilkiisa ka dhigay dhaxal sugaha ugu sokeeya ee taajka ahna wasiirka gaashaandhigga, halka wiilka uu adeerka u yahay ee Maxamed Bin Nayef uu ka dhigay ku xigeenka dhaxal sugaha boqortooyada. Maxamed Bin Nayef ayaa markaas ahaa qofka ugu haboon ee mudnaanta ku leh taajka. Warqadda lagu qeexay go’aannadaas ayaa noqotay tii ugu horreysay ee xilka dhaxal sugaha boqortooyada loogu kala wareejiyo wiilashada uu awoowga u yahay Ibnu Sacuud, oo ah ninkii aasaasay boqortooyada. Mid ka mid ah tallaabooyinkii ugu horreeyay ee uu Maxamed Bin Salmaan qaaday markii uu noqday wasiirka Difaaca waxay ahayd inuu bishii Maarso ee sannadkii 2015-kii dagaal ku qaaday waddanka Yemen, isagoo taageero ka helayay dalal kale oo carabeed. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yılmaz oo wareysi dheer oo siiyey VOA ayaa faah-faahin ka bixiyey qorshaha Turkiga uu shidaal uga soo saarayo Soomaaliya, kadib markii madaxweyne Erdogan uu shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay sidaas ka dalbatay. “Bishii maarso ee sanadkii 2019-kii waxaa Turkiga iskugu tegay oo ku shiray, wasiirka Batroolka Soomaaliya iyo wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah, waxaana kulankaas xoogga lagu saaray sii adkeynta xiriira labada dhinac iyo sidii horay loogu sii amba qaadi lahaa, sidoo kale wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya waxa uu la kulamay shirkadeheenna dhanka ganacsiga”ayuu yiri Mehmet Yılmaz. Isaga oo sii hadlayey ayuu yiri, “Hadafka kulanku waxa uu ahaa iskaashi dhex mara labada dhinac, hadii ay ahaan laheyd Macdan baaris, xoojinta dhan awooda iyo farsamada wasaaradda iyo sidii shirkadaha gaarka ah ee aan dowliga aheyn ay u maal gashan lahaayeen dhinacyadaas aan soo sheegnay ee Soomaaliya. “Waxaan xusayaa in wasiirku uu shirkadahaas ku casuumay in ay baaritaan ku sameeyaan Macdanta iyo dhinacyada kaleba, waxaana la is weydiiyey miyaanaa is kaashi ka sameyn kareyn Batroolka iyo Gaaska dabiiciga ah, waxaana soo baxday jawaab ah in dhinacyadaas aan is kaashan karno, waxaana aaminsanahay in ay muhiim tahay in labada dhinac ay is kaashadaan oo ay wada faa’iidaan”. Sidoo kale safiiraka ayaa sheegay in wadahadalladii ku saabsanaa arrinta is kaadhiga Batroolka uu soo dhex galay cudurka dunida wada saameeyey ee Coronavirus, balse ay hadda ay ka shaqeynayaan sidii ay u sii socon lahaayeen wadahadaladu, isla markaana ay macquul tahay in xilli kasta ay wasiirradu kulmaan.
-
Qalinka markii la qasbo waxay isku dhacaan caqliga. Waxaa la yiri weriyaa qoray in Madaxweynaha Soomaaliya “qaatay” mashiinka neefsashada, oo weliba mashiinku wuxuu ahaa mid lagu helay “deeq” ahaan. In warkaasi caqligu diidayo waxaa daliil u ah su’aalaha ka dhalanayo ee mudan qancinta akhristaha: 1 – Maxaa Madaxweynaha ku kallifayo qaadashada hal mashiin oo weliba “deeq” ah isagoo maamulo dal dhan iyo dhaqaalihiisa? Iyadoo weliba ay miisaaniyadda dalka sannad walba sii kordhayso? Tusaale: sannadka 2017 oo ay miisaaniyaddu aheyd $260; sannadka 2018 oo ay noqotay $274 milyan; sannadka 2019 oo ay u sii korodhay $344 milyan; iyo haatan 2020 oo ay marayso $469.5 milyan. 2 – Haddiiba ay dhacdo inuu qaadanayo, muxuu Madaxweynuhu isu bahdilayaa oo uga daba tegayaa mashiin cisbitaal la geeyay isagooba heli karay in uu mashiinkaas leexsado ka hor intaanba cisbitaalka la geyn? Ka hor intaanba xitaa la ogaan in mashiinkaasi dalka la keenay? 3 – Teeda kale, miyuusan Madaxweynuhu soo gadan karin mashiinkaas? Nasiib-darro, markuu qalinku qancin waayo caqliga, cidda dhibku gaarayso ma ahan qalinka ee waa qoraaga. Wuxuuna qoraagaas lumiyaa akhristayaal badan. Wabillaahi Towfiiq, Cabdullaahi Janno – Waxaad kala xiriiri kartaa Email: Abdullahi.janno@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muwaadin Sacuudiyana oo loo dilay Mashruuc uu Waddo Maxamed Bin Salmaan Dartiis Ciidamada amniga dalka Sacuudiga ayaa dilay Muwaadin u dhashay dalkaasi, kadib markii uu si weyn uga hor-yimid in gurigiisa uu qeyb ka noqdo mashruuc dalxiis oo boqortooyada Sacuudiga ay wado hir-gelintiisa, kaasi oo loo yaqaan NEOM Project. Ninkaasi oo lagu sheegay magaciisa C/raxmaan Axmed Maxamuud Al-Hwaiti ayaa diiday inuu gurigiisa ku wareejiyo mashruuca ay dowladda Sacuudigu waddo, kaasi oo kamid ah mashaariicda ugu weyn ‘Himilada 2030’ ee uu bilaabay sanad ka hor dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga, Mohammed bin-Salman, maadama uu hoygiisu ku yaalo marin muhiima, sida ay sheegeen dadka u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda Sacuudiyaanka. C/raxmaan Axmed Maxamuud Al-Hwaiti ayaa muuqaal uu hore iskaga soo duubay ku baahiyey Mareegaha internet-ka, kaasi oo uu ku sheegayey in dowladda Sacuudigu ay ku qasbeysay isaga iyo dad kale oo ay wada dagan-yihiin, inay iska wareejiyaan hantidooda iyaga oo ku badalanaya magdhow lacageed. C/raxmaan Al-Hwaiti ayaa muuqaal kamid ah muuqaaladiisa oo lasoo galiyay barta Youtube-ka waxa uu ku sheegay, in dowladdu Sacuudigu ay si qasab ah uga qaadeyso hantidiisa qofka ka hor-yimaadana ay kula kaceyso xariga iyo dil, midaasi oo uu ku tilmaamay barakac qasab ah. “Qofkii diida inuu ka tago aagga, waxaa xiraya wakiillada dawladda, waana talaabo u muuqata barakac khasab ah” ayuu yiri C/raxmaan Al-Hwaiti. Al-Hwaiti ayaa si adag uga hor-yimid in uu gurigiisa uu ku wareejiyo dowladda, isagoona xusay in uusan meelna uga baxeyn aaga ay dowladdu rabto inay gebi ahaanba la wareegto. Ninkan ay dileen ciidamada Sacuudigu ayaa sidoo kale waxa uu hore u sheegay in dadka la dagan aagaasi qaarkood ay u gacan galeen ciidamada amaanka kadib markii ay u hogaansami waayeen amarkii dowladda, isagoona muujiyay suurta-galnimada lagu dili karo. “Sagaal qof oo ka tirsan aaggayga ayaa la qabtay ilaa hadda, waan hubaa in aan ku xigi doono – ama xitaa la dili doono, Waan hubaa haddii ay i dilaan waxay hub gelin doonaan jirkayga, waxayna sheegan doonaan inaan ahay argagixiso” ayuu ku yiri muuqaalka uu ku baahiyey mareegaha internet-ka. C/raxmaan Al-Hwaiti ayey ciidamada Sacuudigu toogteen xili uu duubay muuqaalkiisi u dambeeyay ee ku muujinayo dhaca qasabka ah ay dowladu kula wareegayso hantidooda, sida ay sheegeen shaqsiyaad u ololeeyay xuquuqda Sacuudiyaanka. Weli wax war ah kama soo saarin Dowladda Sacuudigu dilkan lagu eedeyay, xili ay si xoog ah iskugu dayeysay inay aagaasi kala wareegto dad daganaa, midaasi oo ay ka hirgelinayso mashruuca ay ugu magac dartay ‘NEOM Project’. NEOM Project ayaa waxa uu ka fulayaa waqooyiga-galbeed ee Boqortooyada, weliba dhanka xeebta Badda Cas, oo ku taala xudunta kulmisa wadamada; Boqortooyada Sacuudiga, Masar, Urdun iyo Israa’iil, waana mashruuc xiriir la leh dalxiiska. Ninkan ay dileen ciidamadu ee lagu magacaabo C/raxmaan Al-Hwaiti ayaa kasoo jeeda qabiil awood ku leh wadamada Sacuudiga, Urdun iyo Siinaay oo ku taala Masar, lamana oga in uu dilkiisa uu ka dhalan karo kacdoon dadweyne oo hakiya mashruuca uu garwadeenka ka yahay Mohammed bin-Salmaan. Qaran News
-
Riyadh (Caasimada Online) – Ciidamada amniga dalka Sacuudiga ayaa dilay Muwaadin u dhashay dalkaasi, kadib markii uu si weyn uga hor-yimid in gurigiisa uu qeyb ka noqdo mashruuc dalxiis oo boqortooyada Sacuudiga ay wado hir-gelintiisa, kaasi oo loo yaqaan NEOM Project. Ninkaasi oo lagu sheegay magaciisa C/raxmaan Axmed Maxamuud Al-Hwaiti ayaa diiday inuu gurigiisa ku wareejiyo mashruuca ay dowladda Sacuudigu waddo, kaasi oo kamid ah mashaariicda ugu weyn ‘Himilada 2030’ ee uu bilaabay sanad ka hor dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga, Mohammed bin-Salman, maadama uu hoygiisu ku yaalo marin muhiima, sida ay sheegeen dadka u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda Sacuudiyaanka. C/raxmaan Axmed Maxamuud Al-Hwaiti ayaa muuqaal uu hore iskaga soo duubay ku baahiyey Mareegaha internet-ka, kaasi oo uu ku sheegayey in dowladda Sacuudigu ay ku qasbeysay isaga iyo dad kale oo ay wada dagan-yihiin, inay iska wareejiyaan hantidooda iyaga oo ku badalanaya magdhow lacageed. C/raxmaan Al-Hwaiti ayaa muuqaal kamid ah muuqaaladiisa oo lasoo galiyay barta Youtube-ka waxa uu ku sheegay, in dowladdu Sacuudigu ay si qasab ah uga qaadeyso hantidiisa qofka ka hor-yimaadana ay kula kaceyso xariga iyo dil, midaasi oo uu ku tilmaamay barakac qasab ah. “Qofkii diida inuu ka tago aagga, waxaa xiraya wakiillada dawladda, waana talaabo u muuqata barakac khasab ah” ayuu yiri C/raxmaan Al-Hwaiti. Al-Hwaiti ayaa si adag uga hor-yimid in uu gurigiisa uu ku wareejiyo dowladda, isagoona xusay in uusan meelna uga baxeyn aaga ay dowladdu rabto inay gebi ahaanba la wareegto. Ninkan ay dileen ciidamada Sacuudigu ayaa sidoo kale waxa uu hore u sheegay in dadka la dagan aagaasi qaarkood ay u gacan galeen ciidamada amaanka kadib markii ay u hogaansami waayeen amarkii dowladda, isagoona muujiyay suurta-galnimada lagu dili karo. “Sagaal qof oo ka tirsan aaggayga ayaa la qabtay ilaa hadda, waan hubaa in aan ku xigi doono – ama xitaa la dili doono, Waan hubaa haddii ay i dilaan waxay hub gelin doonaan jirkayga, waxayna sheegan doonaan inaan ahay argagixiso” ayuu ku yiri muuqaalka uu ku baahiyey mareegaha internet-ka. C/raxmaan Al-Hwaiti ayey ciidamada Sacuudigu toogteen xili uu duubay muuqaalkiisi u dambeeyay ee ku muujinayo dhaca qasabka ah ay dowladu kula wareegayso hantidooda, sida ay sheegeen shaqsiyaad u ololeeyay xuquuqda Sacuudiyaanka. Weli wax war ah kama soo saarin Dowladda Sacuudigu dilkan lagu eedeyay, xili ay si xoog ah iskugu dayeysay inay aagaasi kala wareegto dad daganaa, midaasi oo ay ka hirgelinayso mashruuca ay ugu magac dartay ‘NEOM Project’. NEOM Project ayaa waxa uu ka fulayaa waqooyiga-galbeed ee Boqortooyada, weliba dhanka xeebta Badda Cas, oo ku taala xudunta kulmisa wadamada; Boqortooyada Sacuudiga, Masar, Urdun iyo Israa’iil, waana mashruuc xiriir la leh dalxiiska. Ninkan ay dileen ciidamadu ee lagu magacaabo C/raxmaan Al-Hwaiti ayaa kasoo jeeda qabiil awood ku leh wadamada Sacuudiga, Urdun iyo Siinaay oo ku taala Masar, lamana oga in uu dilkiisa uu ka dhalan karo kacdoon dadweyne oo hakiya mashruuca uu garwadeenka ka yahay Mohammed bin-Salmaan.
