Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,420
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-04042020-ww.mp3 View the full article
  2. Allaha u naxriistee Dr Cabdulqaadir Cali Boolaay ayaa maanta waxa uu ku grriyooday isbitaal ku yalla magaalada London ee caasimadda waddanka Ingiriiska. Marxuumka geeriyooday ayaa horey uga soo mid noqday ururkii gobanimo u dirirka ee la oran jiray SYL oo la aasaasay sanadkii 1943-dii, waxa uuna sidoo kale soo noqday guddoomiyihii ugu horeeyay ee shaqaalaha, balse maanta ayuu ku geeriyooday Ingiriiska. Dr Cabdulqaadir Boolaay ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu ku xanuunsanay gudaha dalka Ingiriiska. Waxaana marxuumkaan uu ka mid ahaa dadka fara ku tiriska ah ee ka haray ururkii SYL, waxa uuna sidoo kale Dr Cabdulqadir Boolaay ahaa qoraa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa markii u horeysay si dad-ban u shaacisay in cudurka dunida ku faafay ee Coronavirus uu soo gaaray magaalada Hargeysa ee caasimada maamulkooda, oo ay ku nool-yihiin dad badan. Somaliland ayaa sheegtay in cudurka Coronaha uu deegaanadeeda ku faafay, iyadoona ku boorisay bulshadeeda inay muujiyaan taxadar dheeriya oo ay ku bad-baadinayaan naftooda. Saleebaan Koore, Wasiirka warfaafinta Somaliland oo warbaahinta la hadlayey ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay jawaabahooda maqan-yihiin dad laga qaaday dheecaanadii si loo hubiyo inay qabaan fayruska Corona. Wasiir Koore ayaa isagoo arrinkaasi ka hadlayana waxa uu carabka ku adkeeyay in bulshada reer Somaliland aysan iska indho tirin cudurkan deegaanadooda soo gaaray oo ay is-diidsin. “Maanta Xanuunku Hargeysa, Burco iyo Berbera wuu jooga ee is ilaaliya oo salaanta, isku soo dhawaashaha iyo gacan qaadka joojiya, qof ayaa dili kara boqol qof isaga oo aan ogayn ama aan masuuliyad iska saarin marka aynu qaadno tallada dhakhaatiirta” ayuu yiri Wasiir Saleebaan Koore. Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Dad ayaa tijaabadooda la wadaa wayna badan tahay, labadii qof ee hore waynu xaqiijinay inuu hayo, bahalkii (Corona) wuxuu inala jooga degelka ee yaynaan is diidsiin”. Somaliland ayaa dhawaan shaacisay in deegaanadeeda laga helay labo kiis oo la xiriira cudurka Coronavirus, iyada oo la aaminsan-yahay in tiradaasi ay ka badan tahay dadka qaba cudurkaasi, maadama aysan Xukuumadu sidii loo baahna uga howl-galin cudurkan.
  4. Mogadishu (HOL) - Two more cases of COVID-19 have been recorded in Somalia raising the number to seven, Health Minister Fawziya Abikar has said. Source: Hiiraan Online
  5. Kismaayo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa waxaa looga hadlay dagaal beeleedyo ka soo cusboonaaday duleedka magaalada Kismaayo ee caasimada gobolka Jubbada Hoose. Qoraalka ayaa ugu horreyn waxaa looga digay sii socoshada dagaalladaasi oo u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan halkaasi. Sidoo kale Jubbaland ayaa tacsi u dirtay dhammaan dadkii ku dhintay dagaalladaasi, iyadoo kuwa dhaawaca ah u rajeysay caafimaad deg-deg ah. Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Jubbaland ay ka war-heyso gacmo kale oo hurinayo dagaalladaasi, kuwaas oo ay ku eedeysay inay leeyihiin dano gaar ah. Ugu dambeyn Jubbaland ayaa fartay laamaheeda amniga inay qaadaan tallaabooyin dheeri ah, islamarkaana ay gacan bir ku qabtaan cidkasta oo ku lug leh dagaalladaasi oo ay illaa iyo hadda ku dhinteen ku dhowaad labaatan qof oo u badan dhinacyda diriraya.
  6. (SLT-Muqdisho)-Laba gabdhood oo walaalo ah oo kala ah saddex jir iyo afar jir, ayaa lagu kufsaday degaanka Bood-boodka oo katirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeeladda hoose ee dalka Soomaaliya. Labadaan carruur ah oo dhaawac culus uu kasoo gaadhay kufsiga loo geystay, ayaa la dhigay Cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, halkaas oo xaaladdooda caafimaad lagula tacaalayo. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa si kulul u cambaayeeyay kufsigaa arxan-darrada ah, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa go’aan ay soo saartay waxa ay xukunno kala duwan ku ridday rag horey loogu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilka Allaha u naxariistee Shaafici Xaaji Diiriye oo 28-kii Maarso lagu dilay bartamaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug. Waxaana maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay dil toogasho ah ku xukuntay, Maxamed Cabdi Nuur Geeddi (Madax-yareey) oo horay u dilay marxuum, Shaafici Cabdi Xaaji Diiriye, ka dib dhageysi ay sameysay maxkamadda markii xafiiska xeer ilaalinta ciidamada ay maxkamadda hor geeyaa cadeymo. Maxkamadda ayaa sidoo kale Shan Sano oo xabsi Ciidan ah ku ridday, Maxamed Cabdiwali Xasan (Boqol) oo ay ka billaabatay shaqaaqadii lagu dilay marxuumkaas lagu magacaabi jiray Shaafici Xaaji Diiriye. Dilka marxuum Shaafici Cabdi Xaaji Diiriye ayaa ka dhacay Degmada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug 28-kii bishii Maarso ee Sanadkan 2020-ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xuku adag ku riday, Maxamed Cabdi Nuur Geeddi (Madax-Yarey) oo 28-kii bishii hore ee March magaalada Dhuusamareeb ku dilay wiil dhalinyaro ahaa. Maxamed oo ka mid ah ilaalada Senator Yuusuf Geelle (Dhagey) oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa dilay Shaafici Cabdi Xaaji Diiriye oo watay gaari yar oo nuuca raaxada ah, wuxuuna marxuumka sidoo kale ka tirsanaa ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ku dhawaaqay go’aanka ayaa sheegay in dil toogasho ah lagu xukumay Maxamed Cabdi Nuur Geeddi (Madax-Yarey) oo ah qisaasta marxuumka. Sidoo kale maxkamadda ayaa shan sano oo xabsi ciidan ah ku riday, Maxamed Cabdiwali Xasan (Boqol) oo ay ka billaabatay shaqaaqadii lagu dilay marxuumkaasi. Ragga la xukumay ayaa waxaa laamaha amniga ku wareejiyey Sanator Dhagey oo ilaaladiisa ay ka mid ahaayeen, isagoona tacsi u diray ehellada marxuum Shaafici. Ugu dambeyn xukun-sanayaasha ayaa heysta fursad muddo 30 cisho ah oo ay ku qaadan karaan racfaan, haddii aysan ku qanacsaneyn xukunka maxkamada darajada 1-aad.
  9. Garowe ( PPM) — A research partly commissioned by Kaalo, a Garowe-based NGO, and published in February issue of Journal of Financial Crime, brings to light corruption in humanitarian aid. The paper by Abdinur Abdirisak Sofe, discusses the extent to which some Puntland line ministries facilitate embezzlement of humanitarian aid – ” corruption in project granting” – and implicated ” project managers and support staff in addition to line ministries, parliament and community representatives.” Founded in 1991, Kaalo Aid and Development “is involved in relief aid, rehabilitation and development programs in various sectors: Education, Health, Rural Development, Agriculture and livelihood and Governance (Peace, Human Rights, Gender Development, and Democracy and Psycho social issues).” The researcher used interviews – known as qualitative method in the social parlance – to gather data on corruption in the humanitarian sector in Puntland. Reluctance of people and government workers to be interviewed about the prevalence of corruption is one limitation of the study. Conflict of interest affects the rationale and conclusions of the paper. Kaalo is an NGOs that delivered many tender-based humanitarian projects. It has received funds from the National Endowment for Democracy (NED) “to enrich the governance knowledge in the country and help the fight against corruption.” ” If a consortium of NGOs commissioned the report a conflict of interest would not crop up” says Jama Dahir, a former civil servant in Bosaso. ” The research will raise the profile of the organisation that commissioned the researcher to carry out the research. That is the main takeaway from the paper.” © Puntland Post Monthly, 2020 Click here to download a full webzine The post Conflict of interest mars a research on corruption in Puntland appeared first on Puntland Post.
  10. Somali and Norwegian governments agreed to strengthen their relations following a meeting between Somali PM and Norwegian FM Minister. In a statement, Prime Minister, Hassan Ali Khaire and the Norwegian Minister of Foreign Affairs, Ine Marie Eriksen Søreide, held a virtual meeting to discuss the coordination of efforts between the two governments in order to control COVID-19 and other important issues of mutual interest. The Prime Minister thanked the Norwegian government for supporting Somalia’s Debt Relief process and in reaching the Decision Point. He emphasized that the government is doubling its efforts towards debt consolidation, until the Completion Point. Ine Marie Eriksen Søreide congratulated the government and the Somali people on the success of Debt Relief and pledged that the Norwegian government would continue to support the government in the recovery and development process for the Somali people. Norway is among the leading countries that are accompanying the Somali government towards peace, stability, and development. View the full article
  11. On Thursday U.S. Africa Command (AFRICOM) carried out an airstrike against members of Al-Shabaab. In their initial damage assessment, AFRICOM concluded the airstrike killed three Al-Shabaab members in Bush Madine, Somalia, while avoiding any civilian deaths or injuries. AFRICOM disclosed the strike in an emailed statement provided to American Military News. The strike was carried out in coordination with the Federal Government of Somalia. “Precision airstrikes like this protect innocent Somalis from a common enemy and assist the Federal Government of Somalia in alleviating security challenges,” U.S. Marine Corps Brig. Gen. Bradford J. Gering, the deputy director of operations for AFRICOM said. “We’re enabling progress and creating opportunities for our partners to capitalize on. We’re seeing them do just that on the ground.” U.S. airstrikes against the Al-Shabaab terror group have been common throughout the year so far. AFRICOM has carried out at least 20 other airstrikes targeting members of the Al-Shabaab terror group. The latest casualty assessment comes in addition to more than two dozen Al-Shabaab terrorists killed so far this year, along with numerous others wounded and multiple terrorist compounds destroyed. AFRICOM stated in its press release stability for the Somali government cannot be achieved through military means alone and emphasized the need to secure aid for the Somali people. “In support of the Federal Government of Somalia, U.S. forces will use all effective and appropriate methods to assist in the protection of the Somali people, including partnered military counterterrorism operations with the Federal Government of Somalia and Somali National Army forces,” the AFRICOM statement continued. “Together with the partner and allied forces, U.S. Africa Command works on a daily basis to improve security conditions to enhance governance and economic development. U.S. Africa Command continues to work with its Somali partners to transfer the responsibility for long-term security in Somalia to the Federal Government of Somalia and its Member States.” U.S. forces have been positioned in Africa for years, targeting both ISIS-Somalia terrorists and the Al Qaeda affiliated Al-Shabaab terrorists. AFRICOM conducted more than 60 airstrikes in Somalia during 2019, setting a record. They previously conducted 47 airstrikes in 2018 and 35 in 2017. “Al-Shabaab kills regularly and indiscriminately,” Brig. Gen. Castellanos said in February. “This al-Qaida affiliate exploits innocent Somalis, displaces families, and imposes illegal taxes through force and violence. They want to export their vision of destruction more widely. It is our collective international efforts and persistent pressure that prevents this from occurring.” View the full article
  12. ADDIS ABABA (PPM) — Spectacular economic growth in Ethiopia resulted from developmental state introduced by the late Prime Minister Meles Zenawi under the former EPRDF. During 1990s the Ethiopian government rejected calls by Bretton Woods duo to open up markets to foreign competition. Government control of forces of production deepened control of political processes. Between 2005 and 2017 EPRDF, the dissolved party, became the only party to win more than 95% of votes cast. There was no a rival ideology against developmental state. Things began to gradually change in 2018 when EPRDF appointed Dr Abiy Ahmed the Prime Minister of Ethiopia. Financial Times urged Abiy Ahmed “to finish the liberal reform he has started.” Since then the Ethiopian government has adopted an economic policy to facilitate privatisation of key industries. Developmental state has come to be associated with suppression of Ethiopians’ entrepreneurial drive. To buy one SIM card an Ethiopian citizen had to queue in the morning before a shop with the possibility of going home without buying a SIM card. Ethiopia has one telecommunications agency that makes registration of mobile phone users mandatory. Privatisation could loosen the government’s grip on the body politic but risks creating cartel. A select group of people with deep pockets could buy shares of privatised agencies. If foreign countries bid for the sale of major, government-owned industries, the policy to woo the Ethiopian diaspora could backfire. Was it too early for Abiy Ahmed to write off developmental state for inefficiencies? Until 2008 Ethiopia was one of the least indebted African countries. Between 2008 and 2018 Ethiopia’s external debt ” increased by 25.5%” according to a paper by the Ethiopian Economic Association. IMF rates Ethiopian debt as high risk due to: “increased non concessional and government guaranteed borrowing; delays in completing key export-oriented projects; maturing of non-concessional borrowing contracted in the last decade; Low export performance; erratic growth in FDI and other Foreign currency sources; low-return projects prioritization; a and absence of strict debt management guideline and legal framework.” This trend has impact on the ability to borrow money from multilateral organisations or countries. It can discourage investors from taking advantage of potential business ventures in Ethiopia, and can lead to “high debt financing and a weak economy,” Ethiopia’s debt stock substantially increased after the death of Meles Zenawi in 2012, a sign that fiscal discipline had disappeared. Less investment in public services or a policy to boost export and service industry to earn hard currency are two remedies that can lessen the impact of debt accumulation on the Ethiopian economy. Against this backdrop how can the Ethiopian government justify a new borrowing from the World Bank given the assessment of IMF that “Ethiopia continues to be at high risk of external debt distress, and consequently is at high risk of debt distress overall…”? Abiy Ahmed might be paying a lip service to economic liberalism while keeping the EPRDF playbook to make the Prosperity Party the top dog in Ethiopian politics. He seems eager to stick to the fiscal indiscipline he had repudiated before the dissolution of EPRDF last year. © Puntland Post Monthly, 2020 Click here to download a full webzine The post DEVELOPMENTAL STATE VERSUS ECONOMIC LIBERALISM IN ETHIOPIA appeared first on Puntland Post.
  13. The Federal Government of Somalia has recorded two new cases related to coronavirus on Friday. Dr. Fowziya Abikar, the Minister of Health said one of the new patients is a Somali National while the other is a foreigner working with the UN office in the country. “We recorded two new COVID-19 cases, a Somali citizen and a foreign national at the UN compound in Mogadishu.” Dr. Fowziya confirmed. The number of people with the virus is now seven and one patient has fully recovered according to health authorities with no deaths. The horn of the African nation has canceled both local and international flights for two weeks now to curb the spread of the virus. Schools and other informal religious learning institutions were also closed with calls for the restriction of crowded social gatherings and unnecessary travels by the government officials. The government received testing kits and other protective equipment from Chinese billionaire and founder of Ali Baba, Jack Ma last week. The equipment was distributed across the country to state authorities to beef up COVID-19 alert. Neighboring Djibouti has so far 49 cases of theCOVID-19. View the full article
  14. Dowlada Kenya ayaa qorshaynaysa inay Ciidan hor leh u dirto Gudaha Jubbaland sida lagasoo xigtay Saraakiil Jubbaland ah. Madaxweynaha Dowlada Jubbaland ayaa horay Kenya uga [...] Source
  15. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa haatan gaaray degaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud halkaas oo soo dhoweyn loogu sameeyay. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay in socdaalkaas uu ahaa midkii ugu horeeyey ee madaxweynuhu ku tego meel caasimadda ka baxsan islamarkaana ujeedkiisu tahay dhameytirka Dhab u heshiisiinta beelaha Huurshe iyo Xeraale. Madaxweynaha waxaa socdaalkan ku wehelinaya xubno ka tirsan golayaasha Baarlamanka iyo xukuumadda dowlad goboleedka Galmudug iyo mas’uuliyiin kala duwan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoor Qoor oo gaaray degaanka Huurshe appeared first on Puntland Post.
  16. Afgooye (Caasimada Online) -Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si adag uga hadlay kufsi arxan darra ah ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Wasiir Maareeye ayaa falkaasi aadka u xanuunka badan, islamarkaana loo geystay labo gabdhood oo aad u da’yar wuxuu u cambaareeyey si xoogan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qofka geystay ficilkaasi uu yahay wax magarad aan damiir Soomaaliyeed laheyn. “Waxaan si kulul u cambaaraynaynaa ficilka wuxuushnimada leh oo ka dhacay degmada Afgooye oo lagula kacay Laba Gabdhood oo aad u da’yar, waa tacaddi iyo weerar oo loo geystay Magaca Soomaaliyeed. Dhinaca kale wasiirka warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku adkeeyey in dowladda federaalka ay ku raad-joogto dadkii ka dambeeyey falkaasi, isagoo hoosta ka xariiqay in la marsiin doono cadaalada, lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan. Labada gabdhood ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Aamino Muuse Axmed oo saddex jir sano ah jir ah iyo Sumayo Cabaas Cumar oo afar sano jir ah, waxaana haatan iyaga oo ku jira xaalad adag lagu dabiibayaa isbitaalka weyn, Madiina ee magaalada Muqdisho
  17. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug , Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa safar xagga Dhulka ah ku tagay degaannada Huurshe iyo Xeraale ee Gobolka Galgaduud. Ujeedka Safarka Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa uu yahay sidii loo dhameystiri lahaa heshiiskii kal hore uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ,Xasan Cali Kheyre kala dhex dhigay Odayaasha dhaqanka ee degaannada Xeraale iyo Huurshe. Inta uu Madaxweynaha ku sugan yahay Xeeraale iyo Huurshe ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee Bulshada , isagoo kala sheekeysan doona halka marayso xaaladda guud , waxaana sidoo kale lagu wadaa in uu booqdo degaanno kale oo ku yaalla Waqooyiga Gibolka Galgaduud. View the full article
  18. Xukuumadda Soomaaliya ayaa luuqad adag waxa ay ku cambaaraysay fal kufsi ah oo 30-kii Maarso ka dhacay degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha hoose, kufsigaas oo loo geystay gabdho yar yar oo da’dooda lagu sheegay saddex sano jirro Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo goor dhow warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in falkaasi uusan hayn kufsi balse uu yahay tacaddi ka dhan ah aadanaha waxa uuna sidoo kale hoosta ka xariiqay in dadka geystay falkaasi ay doonayeen in ay Soomaaliya ka dhigaan meel aysan ka jirin bani’aadanimo. “Waxaan eryada ugu adag, waxaan bani’aadam lagu tilmaami Karin ficilka ugu xun waxa sameeya ku cambaaraynaynaa ficilka ka dhacay Afgooye ee lagu waxyeeleeyay, lagu xad gudbay labo caruur ah oo sabi ah, waxa halkaa ka dhacay laguma sheegi karo Kufsi waa tacaddi iyo weerar loo geystay magaca Soomaaliyeed, loo geystay shacabka Soomaaliyeed qofkasta oo shacabka Soomaaliyeed ah ayaa wajigiisa ceeb lagu dhigay”ayuu yiri wasiir Maareeye. Dhanka kale wasiirka warfaafinta ayaa dalbaday in baaris xoog leh lagu sameeyo dadkii ka dambeeyay falkaasi gurracan isaga oo hoosta ka xariiqay in dadka falkaasi geystay ay yihiin dad la soo diray waxa uuna ku baaqay in sidoo kale gacanta lagu soo dhigo dadkii soo diray kuwa falka geystay. “Waxaan amrayaa ciidamada in baaris aan xad lahayn lagu sameeyo la soo qabto wixii sameeyay, wixii soo dirayna la soo qabto waa la soo diray ee ogaada, shaki yar iigama jiro in dadkaasi la soo adeegsaday” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Gabdhahaan 30-kii Maarso lagu kufsaday degmada Afgooye ayaa haatan waxaa xaaladooda caafImaad lagula tacaalayaa isbitaalka Madiino ee magaalada muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Qoraal ay kasoo saareen Doorashada Soomaaliya ee lagu wado inay bilaabato dabayaaqada Danadkaan waxay sheegeen in Doorashada ay wakhtigeeda Dhacayso iska [...] Source
  20. Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan qarax saaka ka dhacay agagaarka deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa qabsaday gaari Dameer ay la socdeen Aabe iyo wiil uu dhalay oo ku socdaalaayey halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ku dhintay wiilka, islamarkaana uu dhaawac soo gaaray Aabaha, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo ilagu kalsoon yahay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in meydka wiilkaaasi iyo dhaawaca Aabaha ay goobta ka soo qaadeen dad shacab ah. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulkaa gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro miino iyo kuwa jidgal ah ku qaada ciidamada huwanta ee ka howlgala gobolkaasi, inkastoo aysan sheegan qaraxaasi.
  21. Mogadishu (HOL) - Two young girls aged just 3 and 4 years old were abducted and raped near their home in Afgoye on April 1, according to the girls' parents, police and hospital officials in the Lower Shabelle region and Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  22. Madasha xisbiyada qaran ayaa waxa ay warmurtiyeed ka soo saareen doorashada dalka ku soo wajahan ee la filayo in ay qabsoomto sanadka 2020-2021, xilli dunida uu kala xiray caabuqa Coronavirus, wax ayna madashu ku baaqday in doorashada ay noqoto mid waqtigeeda ku dhacda. Ugu horeyn waxa dhawaajisay in loo baahan yahay doorasho xor ah oo waqtigeeda ku dhacda islamarahaantaana aysan dhicin waxmuddo kororsi ah. Qodobada kale oo ay soo saareen ayaa waxaa qeyb ka ah in dowladda federaalka iyo kuwa xubnaha ka ah ay doorashada u qoondeeyaan dhaqaalo islamarkaana waxa ay sheegeen in haatan ififaalahaasi uusan muuqan. Dhinaca kale madasha xibiyada qaran ayaa sheegtay in loo baahan yahay in hanaanka doorasho ee dalku uu noqdo mid mideysan, waxa ayna sidoo kale hadalkooda ku dareen in shacabka Soomaaliyeed loo baahanyahay in ay fursad u helaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen doorashopoyinkaasi. Ugu dambeyn madashu waxa ay tilmaamtay in loo baahanyahay in la hubiyo hantida guud ee qaranka in aan loo adeegsan doorashooyinka. Haddaba halkaan ka akhriso warka ay soo saareen madasha xibiyada qaran Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa ka hadlay dagaal beeleedyo ka soo cusboonaaday duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Wasiir Oomaar ayaa ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalladaasi, islamarkaana labada beelood ay wax weliba ku dhammeeyaan wadahadal. Sidoo kale wuxuu fariin u diray dad uu sheegay inay baraha bulshada ka hurinayaan colaadaasi, isagoo ka dalbaday inay joojiyaan buun-buuninta ay wadaan. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Zaki-1.mp3 View the full article
  24. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya , Xasan Cali Khayre iyo Wasiirka arrimaha dibedda Norway, Ine Eriksen Soreide ayaa kulan dhanka Internet-ka ah (video conference), kaga wada hadlay xoojinta xiriirka labada Dowladood, dedaallada lagu xakameynayo COVID-19 iyo arrima kale oo muhiim ah. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Dowladda Norwey uga mahad celiyay taageerada hannaanka deyn cafinta Soomaaliya iyo gaaritaanka barta go’aanka (decision Point), ayaa caddeeyay in Dowladdu sii wadeyso dedaallada deyn nadiifinta inta laga gaarayo barta dhammaadka (completion point). Ine Eriksen Soreide ayaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu habmalyeysay guusha uga soo hoyatay dedaalladii deyn cafinta ayaa ballan qaaday in Dowladda Norway ay sii wadeyso garab istaagga Dowladda, si loo dhammeystiro geeddi socodka soo kabashada iyo horumarka Ummadda Soomaaliyeed. View the full article