Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,420
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. These are not days for celebrations. However,after reaching 10k followers,I recuperate the video I did when I took up my position in Somalia 10 months ago.Sincerely speaking,I believe our actions have been put where our mouth was.I am confident they will during COVID and beyond! pic.twitter.com/Q4jcqgLjE9 — Nicolas Berlanga (@NBerlangaEU) April 3, 2020 Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay uga digtay in doorashooyinka Soomaaliya ay ka dib dhacaan waqtigii loogu talo-galay, oo aan la aqbali karin in dib loo dhigo. Qoraal ay soo saartay Madasha ayey ku sheegtay inay garowsatay “in xukuumadda hadda jirta ay ka caga-jiideyso taaba gelinta hannaanka xisbiyada badan, ayna faro-gelin ku hayso guddiga labada gole ee diyaarinta xeerarka dhameystiraya sharciga doorashooyinka qaranka.” “Doorashooyinka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waa inay ku dhacaan xilligii loo asteeyay, waana inaysan dhicin wax mudo kordhin ah. Doorashooyinku waa inay noqdaan kuwo xor iyo xalaal ah kuna dhaca si daahfurnaan leh,” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka Madasha ayaa sidoo kale ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah hannaanka Federaalka inay u qoondeeyaan dhaqaalo doorashooyinka soo socda, taasoo hadda aanan ka muuqan, baa la yiri qoondeynta dhaqaale ee 2020. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sidoo kale dalbatay in Saamileyda siyaasadeed oo ay ka mid yihiin Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, xisbiyada siyaasadeed iyo ururada Bulshada ay si wadajir ah uga shaqeeyaan in la abuuro xaalad deegaaneed oo lagu hirgelin karo doorasho sax ah. Hoos ka aqriso qoraalka Madasha oo dhameystiran
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa jira cabsi laga qabo in dowlada Fedaraalka Soomaaliya ay qorshaynaysa in ay dib u dhigto doorashooyinka dalka ee la qorsheeyey inay dhacaan sanadkan iyo horraanta iyo sanadka xiga, sida qoraal ay soo saareen ay uga digeen Madasha Xisbiyada Qaran. Cabsida ayaa ah in madaxda dowladda ay cudurka Caronavirus uga faa’iidsyataan in ay dib u dhigaan doorashada iyaga oo raacaya tallaabada ay qaaday dowlada Itoobiya oo dhowr cisho ka hor ku dhawaaqday in ay dhib u dhigtay doorshadii la doonayay in la qabto bisha August ee sanadkan. Hase yeeshee xaalada Soomaaliya ay ku jirto iyo tan Itoobiya ayaa ah labo xaalad oo kala duwan, taas oo diideysa in dowladda federaalka ay marmarsiyo ka dhigtaan tallaabada ay qaaday dowlada Itoobiya. Waxaan halkaan idinkuugu soo gudbinaynaa toddobo sababood oo dib u dhigista doorashada Itoobiya kaga duwan tahay tan doorashada Soomaaliya: 1) – Itoobiya: Doorshada Itoobiya waxaa la qorsheynayay muddo ka badan saddex sano, waxaa la diyaariyay dhammaan sharuucdii doorashada, diiwaan galinta codeeyayaasha, deeganada ay ka dhacayso doorasahada , lacagta ku baxayso iyo ogolaashaha saamilyada siyaasada dalka Soomaaliya: Wali laguma heshiinin nooca doorasho oo ay Soomaaliya qaadanayso, meesha ay ka dhacayso, cida dhaqaale ku bixinayso, diiwaangalinta cod-bixiyayaasha iyo guud ahaan diyaar-garwga doorashada 2) – Itoobiya: Doorashada dalka Itoobiya waa qof iyo cod, taas oo ay ka qayb-qaadanayaan 100 Milyan oo qof , kuwaas oo ku kala nool degaanada Itoobiya ka kooban tahay iyo waddamada ay ku nool yihiin dadka u dhashay Itoobiya. Soomaaliya: Doorashada Soomaaliya waxa ay noqonaysaa mid dadban oo ku kooban tiro ka yar 10,000 kun oo qof, kuwaas oo ku koobnaan doono deegaano cayiman ama shan magaalo. 3) – Itoobiya: Doorashada Itoobiya oo ah qof iyo cod, waxaa la qorshaynayay in ay dhacdo bisha August ee sanadkaan oo ay ka hartay afar bilood, taas oo aan suuragal ka dhigaynin in 100 Milyan ay doorasho u dareerto, xilli uu sii faafayo cudurka Coronavirus. Soomaaliya: Doorashada madaxweynaha oo ah mid dadban oo ay dorashadu ku koobnaan doonto 327 qof, waxaa loogu taalagalay in ay dhacdo bisha Febaraayo sanadka 2021, xiligaas oo la isku raacay in cudurka Coronavirus uu ka hor adduunka ka dhamaaanayo ama la xakamayn doono. 4) – Itoobiya: Mucaaradka iyo muxaafidka ama dhammaan saamilayda siyaasadda Itoobiya oo ka heshiiyay dib u dhigista doorashada, qaabka dib loogu dhigayo, awoodda dowladda marka waqtigeedu dhamaado iyo xakamaynta awoodda hoggaanka dalka inta doorashadu ka dhacayso dalka. Soomaaliya: Ma jirto cid la doonayo in laga talagaliyo dib u dhigista doorashada, waxaana muuqato in Farmaajo uu kaligiis rabo iuu go’aan ka gaaro dib u dhigista doorashada, taas oo keeni karta in dalku galo xaalad dagaal. 5) – Itoobiya: Lacagaha ku baxaya doorashada Itoobiyaa ayaa kor u dhaafaya $800 milyan waxaana intooda badan bixinaya wadamada: Canada, Denmark, Finland, Ireland, Japan, Luxembourg, the Netherlands, New Zealand, Norway, Sweden, UK/DFID, US, Sauadi Arabia, Germany, France iyo kuwo kale. Dowlada Itoobiya ayaa dhankeeda bixinayso 3.7 billion oo lacagta birr-ta ah taas oo u dhiganta $132 oo lacagta Maraykanka ah. Soomaliya: Ma jiro wadamo ilaa iyo hadda si toos ah u sheegay in ay lacagta doorashada ka caawianyaan Soomaaliya sababta oo ah dowlada Fedaraalka oo laga la’ yahay in ay heshiis siyaasadeed la gasho saamilaysa siyaasadda dalka. 6) – Itoobiya: Doorashada qof iyo codka ah ee Itoobiya waxa ku tartamaya in ka badan 130 xisbi kuwaas oo mudo ka badan labo sano ku soo jiray diwaan galinta xubnahooda, bixinta lacagaha diiiwaan galinta, Soomaaliya: Ilaa iyo hada ma jirto sharuuc xisbiyo oo dalka lagu dhaqayo iyo qaabka ay doorasho xisbiyo badan ugu dhici karto dalka mudo ku siman sagaal bilood. 7) – Itoobiya: Kuraasta xildihibanada oo ka koban 540 waxa loo qaybiyay deegano kala duwan sida: Tigray 38, Afar 8, Amhara 138, Oromia 178, Somali 23, Benishangul-Gumuz 9, South (15 different constituencies included) 123, Gambella 3, Harari 2, Dire Dawa 2 and Addis Ababa 23. Sidaas darteed waa ay adagtahay in mudo afar billod ah oo uu jiro cudurka Caronavirus ay dooradhooyinkaas ka dhacaan degaanadaas. Soomaaliya: Soomaaliya kama jirto qaab doorasho oo kuraasta la geeynayo degaano goboleed ama degmooyin, sida kaliya ee loo qaban karaa doorasho dadban waxa ay tahay in lagu qabto shanta magaalo madax ee dowlad goboleedyada. Soomaaliya waxaa doorasho lagu qabtay iyada oo dalka uu ka jirto masiibooyin kala duwan sida dagaalo iyo abaaro ay ku dhinteen kumaan kun oo Soomaali ah, waxaana tusaale noogu filan abaartii sanadkii 2011 dalka ku habsatay, iyada oo abaartaan jirto ayuu dalku aaday doorasho. Marnaba macquul ma aha in Farmaajo marmarsiiyo ka dhigto cudurka Coronavirus, oo loo badinayo inuu dunida ka dhammaado ka hor bisha August, uuna jiro waqti halsano ah oo ka haray doorashada Madaxweynaha. Dowladda Maraykana oo doorashada madaxweyenha la filayo in ay ka dhacdo dalkaas bisha Novembar ee sanadkaan ayaan marnaba ku haminin in dib u dhigaan doorashadooda oo ay ka qayb qaadanayan in ka badan 300 oo milyan oo of, iska daa doorasho dadban oo la qorshaynayo in ay ka dhacdo Soomaliya bisha Feberaayo ee sanadka danbe. Waxaan shaki ku jirin in dalka Soomaaliya uu ka dhaci karo dagaal sokeeyo, haddii Farmaajo isku dayo inuu baajiyo doorashada qaranka, oo ay umadda Soomaaliyeed wada sugayso iyaga oo marmarsiiyo ka dhiganayo cudurro iyo arrimo kale.
  4. BY STEWART BELL GLOBAL NEWS An Edmonton woman has been identified by intelligence officials as an alleged ISIS supporter and Al Shabaab member and who recruited a young Canadian to travel to Syria, Global News has learned. Top Secret documents publicly disclosed in court, and obtained by Global News, also allege that Ayan Jama, 31, “has indicated a desire to attain martyrdom.” Instructions on how to build a bomb were found on her computer, according to the documents, which also allege she is “committed” to ISIS and “was/is a senior member” of Al Shabaab, the Somali terrorist group. “She has participated in the recruitment and radicalization of a Canadian, whose eventual travel overseas to Syria was encouraged and partially financed by her,” according to the documents. Her husband, Mohamed Sakr, was a “senior figure” in Al Shabaab (AS). He was stripped of British citizenship by U.K. authorities and killed in a 2012 drone strike. Despite the government’s allegations, Jama has not been charged with any terrorism offences. Her lawyer declined to comment, but the documents indicate she has denied any involvement in terrorism. She continues to live in Edmonton but two sources said she had remarried and was working to turn her life around. The explosive allegations identify Jama as a returnee — someone who has come back to Canada after having participated in terrorist activities overseas. The government says there are currently about 60 such people in the country. Few have faced charges. Internal government files have described the challenges of prosecuting them due to the difficulty of proving what they did outside Canada. Concerns about Jama’s alleged past are detailed in government documents filed in a highly-secretive case before the Federal Court that centres around her attempt to renew her Canadian passport. According to the documents, after visiting the Edmonton passport office Jama was informed she was being refused a new passport “to prevent the commission of a terrorist offence.” She was also banned from possessing a passport for four years. The decision followed a Canadian Security Intelligence Service investigation into her alleged “threat-related activities.” Senior officials at CSIS, the RCMP and Public Safety Canada had recommended the commencement of refusal proceedings. “Jama has a well-established association and support for AS, an organization which has made threats against targets in the United States of America, the United Kingdom, France, Canada (including the West Edmonton Mall in Alberta),” according to the Top Secret report. Born in the Somali capital Mogadishu, Jama is a 31-year-old Canadian citizen who left Toronto in May 2010 and made her way to Mogadishu, according to a summary of the classified information. She married Sakr and they lived in a region controlled by Al Shabaab, which has carried out scores of terrorist attacks in an attempt to impose its extremist version of Islamic law in the East African country. It has killed several Canadians. Sakr was a childhood friend of Mohammed Enzawi, a British extremist known as Jihadi John who appeared in ISIS execution videos. “However, Ms. Jama claimed that neither she nor her husband were involved with AS,” according to the court file, which was heavily redacted prior to being publicly released. In July 2011, Jama travelled to Hargeysa, Somaliland, a northern region that broke away from Somalia. She planned to visit her mother but was arrested. On her laptop, police allegedly found her will and instructions for making a plastic hydrogen bomb. “While no evidence of attack planning has been found to date, other material of concern has been discovered. Jama’s laptop contained a folder titled ‘Explosives,’” according to a Public Safety Canada report. Somaliland authorities deported her to Dubai, but she then flew to Djibouti, intending to return to Mogadishu. However, she was prohibited from traveling to Somalia and went to the U.K. She was detained by British authorities and deported to Toronto. Two months later, she tried to return to East Africa. She intended to fly to Kenya, “presumably with the intent of returning to Somalia,” but was not permitted, the report said. Instead, she moved between Toronto, Calgary and Edmonton, and allegedly took part in the recruitment and radicalization of a Canadian, and partly financed her travel to Syria. The young woman she allegedly helped go to Syria is now believed to be at the Al-Hawl camp, a sprawling detention facility for ISIS families in northern Syria, an expert said. “When I was doing interviews in Alberta with family and friends of people who had traveled to Syria, there were always rumblings of a female recruiter,” said Prof. Amarnath Amarasingam. “She aroused a lot of anger in the community because people felt as if law enforcement knew what she was doing and wasn’t arresting her,” said the Queen’s University professor. Jama’s late husband “is important because he’s perhaps the first British-born individual who was stripped of their citizenship based on suspicion of terrorist involvement,” Amarasingam said. He said Sakr, Jihadi John and Bilal al-Berjawi had all traveled to East Africa. Sakr and al-Berjawi were killed in drone strikes, while Jihadi John ended up in ISIS until his death. “While details are lacking, what would be interesting to know is how these earlier generations of foreign fighters inspired and laid the groundwork for others to travel once the Syrian conflict really got going.” As radicalized Canadians began flocking to Syria following the outbreak of civil war, the government responded by cancelling their passports and refusing to renew them. Under the Canadian Passport Order, the Minister of Public Safety can refuse to issue a passport “when it is necessary to prevent the commission of a terrorism offence” or “for the national security of Canada or a foreign country or state.” But the law has never been challenged in court until now. Jama has appealed her passport refusal in the Federal Court and is challenging the government’s Prevention of Terrorist Travel Act, arguing it is unconstitutional. In her submissions, Jama has argued that without a passport she is unable to fulfill her obligation as a Muslim to make a pilgrimage to Mecca, Saudi Arabia. She also alleged she had “lost marriage proposals” because the men and their families were fearful when they heard she had been refused a passport. Jama denied being an Al Shabaab member or knowingly associating with anyone who posed a national security risk, and said the “allegation that I facilitated extremist activities is shocking and completely baseless.” While she acknowledged wanting martyrdom, she said that did not only mean to die in battle “and this is far from my intention.” “I have never meant to engage in any sort of battle or fight,” she wrote. “The five years I have been back in Canada should display I am a productive member of society and pose no risk,” she wrote. “I just want to be able to have the freedom to do pilgrimage to Mecca in Saudi Arabia, which is my utmost desire.” But the government report recommending the refusal of her passport questioned the truth of her statements. “Ms. Jama has stated that she has never, nor ever will, facilitate extremist activities. However, the information included in the CSIS case brief contradicts this claim,” it said. “Ms. Jama has indicated her intention has never been to engage in any sort of battle or fight and explained her desire to become a martyr in that context. However, the information included in the CSIS brief contradicts this claim.” Although women are often portrayed as little more than wives and mothers in terrorist groups, an Ottawa-based expert said they have had a well-documented role in recruitment and facilitation. “This is a very common, if under-reported, element of women involved in terrorism,” said Jessica Davis, who said she found the allegations against Jama “completely unsurprising.” But she said women tended to receive less scrutiny than men from counter-terrorism agencies. “So it’s not surprising to me we haven’t seen any charges in this case yet,” said Davis, president of Insight Threat Intelligence.
  5. Hargeysa (PPM) — Since China has alerted World Health Organisation (WHO) to cases of an unusual pneumonia on the 31st of December 2019, the world has seen a rapid rise of the number of infected people in over 150 counties. WHO named the new virus Covid-19 and, after careful study of pattern of infections, described it as pandemic. The pace of the spread of the is observable in the increasing number of people affected in the six continents it has affected within three months. It has disrupted the way of life globally, with many countries first imposing restrictions and lockdowns to contain the spread of Covid-19. As the situation got worse, schools around the world have been closed, work-from-home approach has been adopted in several countries, events and other social gatherings have been cancelled, and self-isolation came to be enforced in many countries. There was little information on how Covid-19 began to affect Africa has due to a fewer documented cases of Covid-19 patients. Many have attributed the low number of patients to the fact that the majority of African countries do not have direct flights from epicenter of the Coronavirus epidemic; others have cited other reasons including the truth that many of these countries do not even have the kits to test people thought to have symptoms of Covid-19. Others pointed to the inadequate health infrastructure of many countries coupled with delay in introducing measures deemed to be necessary in the fight against the pandemic. Meanwhile, Somalia is said to be the worst prepared country to deal with Covid-19 according to the infectious disease vulnerability index (IDVI) created by RAND Corporation. “If this virus has killed thousands in developed countries like China, Italy, Spain, and in Iran, you can imagine what the death toll will be in Somalia could be if preventive measures are taken in due course,” Mohamed Mohamud Ali, Chairman of Somali Medical Association (SMA), told Al Jazeera. Somaliland government, like Somalia’ Federal Government, has taken several preventive steps to prepare for the looming crisis of Covid-19. President Muse Bihi Abdi has formed the National Preparedness Committee for the Prevention of Covid-19. The committee has issued several instructions including a four-week closure of educational institutions, air travel restrictions, land border closures, the suspension of Berbera port activities except importing or delivery of necessary items such as food and medicines. These measures have not all taken immediate effect; for example, even though the schools have closed, other traders are conducting business as usual without following mandatory preventive guidelines. Khat imported from Ethiopia Despite the efforts of the Government and Committee, there is one big elephant in the room: Khat. Dr. Sa’ad Ali Shire, the Minister of Finance, has said that Somaliland had spent approximately US$ 190 Million dollars on Khat in the first six months of last year. This makes the Khat trade the government’s second source of revenues after livestock exports. Closure of the border has not affected Khat imported from neighbouring Ethiopia. There is no sign that the fast-moving trucks that deliver Khat in every town and village in the country are going to stop anytime soon. This situation remains unaddressed despite number of Ethiopians infected with Covid-19 going up. This complacency and lack of political will to enforece preventive measures masks the risk of Covid-19 catching Somaliland unprepared despite efforts of health professionals. © Puntland Post Monthly, 2020 Click here to download a full webzine The post Somaliland: The Looming Crisis of Covid-19 and Risk Factor of KHAT appeared first on Puntland Post.
  6. March jobs report: U.S. economy loses 701,000 payrolls, unemployment rate jumps to 4.4% The U.S. economy shed jobs for the first time in a decade in March and the unemployment rate rose more than expected, as the coronavirus pandemic began to erode domestic economic activity. The Department of Labor released its monthly jobs report at 8:30 a.m. ET Friday. Here were the main metrics from the report, compared to consensus data compiled by Bloomberg: Change in non-farm payrolls, March: -701,000 vs. -100,000 expected and +275,000 in February Unemployment rate, March: 4.4 expected and 3.5% in February Average hourly earnings, month on month: 0.4% vs. 0.2% expected and 0.3% in February Average hourly earnings, year on year: 3.1 expected and +3.0% in February The reference period for the March jobs report extended through the 12th of the month, meaning that the data was captured before much of the country went on lockdown in response to the coronavirus pandemic. Namely, this jobs report excludes the two-week period at the end of March that saw new unemployment claims skyrocket to a combined 9.9 million. But even in the early stages of the outbreak, the economy already began shedding huge numbers of jobs, the Labor Department report showed. Non-farm payrolls fell by 701,000 in March for the first decline since September 2010, and far exceeded the number of job losses anticipated. That marked a stunning reversal after the economy grew payrolls in both February and January of this year by 214,000 and 275,000, respectively. And the unemployment rate jumped from February’s 50-year low of 3.5% to 4.4% in March, the highest level since August 2017. “March data from the establishment and household surveys broadly reflect some of the early effects of the coronavirus (COVID-19) pandemic on the labor market,” the Labor Department said in a statement. “We cannot precisely quantify the effects of the pandemic on the job market in March. However, it is clear that the decrease in employment and hours and the increase in unemployment can be ascribed to effects of the illness and efforts to contain the virus.” In a report Thursday, the Congressional Budget Office said it expected the unemployment rate to top 10% in the second quarter, reflecting the recent historic surge in new jobless claims. And Bank of America economists said Thursday they expected as many as 20 million jobs will be cut in the coming couple of months amid the outbreak, leading to a peak unemployment rate of 15.6%. At the height of the global financial crisis, the unemployment rate reached as high as 10% in October 2009. AOL Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in kiisaska dadka laga helay cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ay kordheen oo ay gaareen 7 qof, halka markii hore ay ka ahaayeen 5. Qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyey in laba kiis oo cusub oo ah dad qaba xanuunka Coronavirus laga xaqiijiyey magaalada Muqdisho, taasi oo tirada magaalada ka dhigeysa 5 qof. Waxaa sidoo kale hore loo xaqiijiyey laba kiis oo deegaanada Somaliland ah, taasi oo tirada guud ee Soomaaliya ka dhigeysa 7 kiis. Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in labada qof ee kiiska laga helay ee Muqdisho ay kala yihiin qof muwaadin Soomaaliyeed ah iyo ajnabi ku sugan caasimada. Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in mid ka mid ah dadkii horey cudurka looga helay uu kasoo bogsooday, mana jiro illaa hadda qof cudurka ugu geeriyooday gudaha Soomaaliya, inta la ogyahay. Dhinaca kale, guddiga sare ee loo xil saaray xakamaynta Coronavirus ee Soomaaliya, oo shir jaraa’id ku qabtay Isbitaalka Martiini, ayaa Soomaalida ugu baaqay inaan la qarsan, haddii la isaga shakiyo cudurka. Dr. Cabdirizaaq Yuusuf Axmed (Jalaalu-diin) oo xubin ka ah guddiga sare ayaa sheegay inuu ka baqdin qabo in uu dalka ku laba qarxo cudurkan, haddii ay dadka qaarkii qarsanayaan. “Wuu jiraa xanuunka ha inkirin, dadka ka ilaali. Naftaada ka ilaali waa xanuun saf mar ah oo kugu dhici kara, qof walbana ku dhici kara, waa farriinta aan jecelnahay inaan dadka la wadaagno,” ayuu yiri Dr. Cabdirizaaq. Dowladda Soomaaliya ayaa xarun lagu karantiio dadka qaba cudurka Coronavirus ka hirgelisay Isbitaalka Martiini ee Muqdisho, waxaana ay howl-wadeennada goobtan ku boorinayaan buldhada in ay u dhega nuglaadaan talooyinka iyo wacyi-gelinta hay’adaha caafimaadka ee dalka. Tirokoobka kiisaksa COVID-19 ee Soomaaliya, daqiiqad kasta kala soco halkan.
  8. Waxaa dhowaanahaan soo baxaya in dad kala duwan oo goobo maamul oo muhiim ah jooga ay ka fekerayaan habab cusub oo ay shaqooyinkooda ku gutaan maadaama ay jirto cabsi laga qabo cudurka Covid-19 gaar ahaan dalka Soomaaliya. Qolyaha waxbarashada Puntland ayaa waxaa la soo dersay caqabado ay ka mid yihiin in iskuuladdii iyo goobihii waxbarashada ay xiran yihiin xili xasaasi ah taas oo markaa sababtay in ardaydii ay derbiyada iyo guryaha iska fadhiyaan isla markaasna aysan helin waxbarashadii ay u baahnaayeen ka hor u diyaar garowga imtixaannada kala duwan ee sanad laha ah. Waxaa dhowaan Wasaaradda Waxbarashada Puntland shaacisay in iskuuladdu sii xirnaadaan ugu yaraan ilaa laga gaarayo 15ka bisha Abriil 2020, isla markaasna iskuulada iyo goobaha waxbarashada laga rabo inay dhamaystiraan waxbarasho dugsiyeedka sanadka. Wasaaraddu qoraalkeeda waxay carabka ku dhufatay in goobaha waxbarashdu adeegsadaan sistemyada casriga ah ee ICT iyo online. Balse Wasaaraddu kama hadlin in sistemyada ay sheegtay in la isticmaalo xiligan ee tiknoolajiyadda ICT iwm ay hore u diyaarisay ama ugu boorrisay iskuulada Puntland inay hirgeliyaan hababka cusub ee loo shaqeeyo sida hirgelinta database-yo iyo sistemyo dhinaca maamulka ardayda (student management systems) iyo gudbinta casharrada si online ah iwm. Habka waxbarashada lagu gudbiyo online guud ahaan waxaa loo yaqaan e-learning (Electronic Learning) taasna ma aha mid diyaarsan inta aan ogahay. Arimaha hirgelinta tiknoolajiyaddu maaha inay noqoto mid xili xeero iyo fandhaal kala dhacay laga hadlo ama laysku dayo in la diyaariyo ee waxaa loo baahnaa in mar hore istaraatijiyad midaysan laga yeesho arimaha hirgelinta hababka cusub ee tiknoolajiyadda dhinaca hormarinta waxbrashada iyo gudbinta adeegyada waxbarashao ee dalka. Muddo ayaan ku dhex jiray kana shaqeynayey adeegsiga iyo horumarinta dhinaca tiknoolajiyadda dalka Soomaaliya gaar ahaan adeegsiga internetka ee ganacsiga, dawliga, shaqada iwm. Intii aan hawlahan ku jiray qolyaha ugu madaxa adag ee dhinaca aqbalka adeegsiga tiknoolajiyadda ICTda gaar ahaan hirgelinta hababka maamulka iyo gudbinta adeegga waxay ahaayeen qolyaha waxbarashada, dawladda qaybaheeda kala duwan iyo in badan oo ka mid ah aqoon yahanadda Puntland. Akhristow, wax adeeg ah oo aad si online ah u isticmaali karto oo dawladda Puntland samaysay ama goob waxbarasho ma haysaa? Fahan la’aanta baahsan ee tiknoolajiyadda ee Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya waa mid laga xumaado. In kastoo goboladda dalka Soomaaliya ay ku kala hormarsan yihiin hirgelinta adeegsiga tiknoolajiyadda gaar ahaanna waxaa la xusi karaa sida tiknolajiyadda looga isticmaalo Somaliland iyo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho inay ka balaaran tahay gobolada kale ee dalka xataa markaa ku darto Puntland. Isticmaalka tiknoolaji waxaan uga jeedaa, muuqashada adeegsiga tiknoolajiyadda ee bulshadu si guud ama gaar ahba u adeegsanayso kuna helayso adeegyada assaasiga ah sida ganacsiga, helida adeegga dawliga iwm. Tusaale adeegga Dhaweeye waa adeeg muuqda lana oran karo waa adeeg dadku si buuxda u garanayaan una fahan san yihiin ayna isticmalaan, muddo aan sidaa u fogeynna soo baxay. Waan kawada dheregsannahay dhinaca Maaliyadda iyo sida aan u isticmaalno tiknoolajiyad sida Sahal, EVC, E-dahab, Yeel , Mycash iwm. Waxaa mudan in la xuso in iskuulada Puntland aysan lahayn qalabka kumbuyuutarada ee dhinaca waxbarashada ICTga, sidoo kale iskuulada badan kood malaha boggag online ah oo lagala xiriiro ama laga arko waxqabadkooda iskaba daa adeegyo kale oo dhinaca tiknoolajiyadda ah inay hirgeliyeene. Hadaba waxaa loo baahan yahay in Wasaaraddaha Waxbarashada ee dalka ay iska kaashadaan sidii ay hormuud ugu noqon lahaayeen in dalka laga hirgeliyo adeegsiga tiknoolajiyadda gaar ahaan iskuulada iyo goobaha kale ee waxbarashada lagana caawiyo iskuulada dhisidda sistemyo hawlaha u fududeeya. Hay’adaha kale ee dawliga ee dhinaca horumarinta tiknoolajiyadda dalka sida SONIC, Wasaarada Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada iyo weliba shirkaddaha tiknoolajiyadda waxaa laga rabaa inay taageeraan hababka cusub ee loo hirgelin karo adeegsiga tiknoolajiyadda ee goobaha waxbarashada dalka. Waxaan si gaar ah u soo dhoweynayaa shirkii dhowaan Garoowe lagu qabtay ee lagu daahfurayey mashruuca IFIYE ee lagu sheegay in qalabka kumbuyuutarada iskuulada Puntland la keeni doono lana herglindoono computer labs ku haboon horumarinta aqoonta ICT, Sayniska iyo Xisaabta ee dalka. Ugu danbeyn, waxaan ugu baaqayaa cid kasta oo ay khuseyso inay ka faa’iideystaan fursadaan muujisay baahida loo qabo in si rasmi ah loo hirgeliyo tiknoolajiyad waxbadan ka bedesha habka waxbarashada dalka iyo guud ahan horumarinta cilmiga tiknoolajiyadda cusub ee ICT, taasna waxay ka bilaabataa iskuuladeena oo lagu qalabeeyo qalabka kumbuyuutarada dhalintana si fiican wax loo baro. W/Q: Siyaad Cali Yuusuf Garoowe, Puntland, Soomaaliya. Afeef:- PUNTLAND POST marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale, aragtida qoraalkan waxaa leh qofka ku saxiixan, waxaan kaliya oo dhiirigalinaa isdhaafsiga aragtida. The post ICT, Covid-19 iyo Waxbarashada Puntland appeared first on Puntland Post.
  9. NAIROBI (HOL)- Ever busy and crowded bustling with business, Nairobi’s Eastleigh is now on the spotlight following the report by Kenyan government Friday that a Somali national has tested positive for the deadly COVID-19 disease. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (SMN) – Ismaaciil Cismaan, teliye ku xigeenkii hore ee NISA, oo hadda ku nool waddanka Mareykanka ayaa hay’adda NISA ku eedeeyay in ay ku xadgudubtay anshaxa lagu dhaqo hey’adaha sirdoonka caalamka, isaga oo cabbirayay aragtidiisa ku aaddan hadal ay shaacisay hey’adda NISA Ismaaciil wuxuu tilmaamay in ay gef weyn aheyd in hey’ad sirdoon ay bulshada la wadaagto eedeyn la xiriirta sirta qaranka oo loo heysto qof wariye ah taas beddelkeedna ay aheyd in ugu yaraan haddii laga fursan waayay xogta la siiyo warbaahinta qaranka oo ay ka warbaahin ahaan shaaciso Tallaabada ay hey’adda nabad sugiddu ku dhaqaaqday ayuu tilmaamay in ay tahay mid aad looga habboonaa laakiin hadda looga fadhiyo in ay soo caddeyso eedeynta ay sameysay Haaruun Macruuf oo ah wariye ka tirsan VOA-da horena ula soo shaqeeyay BBC-da ayaa aad wax uga qora arrimaha kooxaha xagjiriinta, ammaanka iyo siyaasadda geeska afrika, wuxuu hore uga qeybqaatay diyaarinta buugga inside al-shabaab oo ay wada qoreen isaga iyo Dan Joseph Hadda waxyaabaha haaruun macruuf lagu eedeeyay waxaa ka mid ah in uu lacag ku siiyo xubno al-shabaab ka tirsan helidda xogaha al-shabaab qoraal kooban oo ay NISA soo dhigtay twitter-ka ayaa haaruun lagu eedeeyay in uu halis ku yahay shaqada hey’adda lama sii faahfaahin sida uu halis ugu yahay isla markaana lama soo bandhigin caddeymo xaqiijinaya eedeynta View the full article
  11. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-habeen-03042020.mp3 View the full article
  12. HARGEISA (HOL) - Somaliland has revoked the licenses of two UAE airlines for allegedly heeding orders from Somalia to turn back mid air en route to Hargeisa last month. Source: Hiiraan Online
  13. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa qayb ka mid ah Waadhdhka Cisbitaalka guud ee Hargeysa u diyaarisay in la dhigo Dadka uu soo rito Xanuunka Dunida aadka ugu faafaya. Xukuumadda ayaa Waadhadh ka mid ah Cisbitaalka guud ee Hargeysa ka joojisay in Dadka qaba xanuunnada kale ee lagu baxnaanin jiray, waxaana loo gaar yeelay oo loo diyaariyey Bukaannada Coronavirus, hadduu Somaliland ku sii faafo si loo dhigo. Sarkaal ka mid ah Maamulka Cisbitaalka guud ee Hargeysa ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Waadhadhkii kirada ahaa ee Cisbitaalka qaarkood laga joojiyey Dadkii laga kirayn jiray, taasina qayb ka tahay dedaalka Dalka oo dhami ugu jiro u diyaar-garowga Caabuqa Coronavirus ee keena Xanuunka Covid_19. Ugu dambayn, Tallaabadan ayaa imanaysa xilli Hal Maalin ka hor uu Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Md. Cumar Cali Cabdillaahi uu shaaciyey in Magaalooyinka Burco iyo Berbera laga helay min hal Qof oo Qaba Xanuunka Covid_19. Labada Qof ee xanuunka laga helay ayaa midkood u dhashay Shiinaha, halka ka kalena uu yahay Muwaadin reer Somaliland ah oo haysta Dhalashada Boqortooyada Ingiriiska. Magaalada Berbera oo uu ku suganyahay mid ka mid ah labadii ruux ee dhiigooda laga helay xanuunkan oo u dhashay dalka China, ayaa waxa lagu jiraa heegan buuxa, waxaana la sheegay in goobtii uu degenaa ninkani iyo weliba dadkii uu la macaamilay lagu hayo baadhis buuxda. Magaalada Burco ayaa iyadana waxa ay guddiga caafimaadka ee gobalku galeen heegan buuxa maadaama oo qofka labaad oo ah muwaadin uu ku suganyahay magaalada Burco. Si kastaba ha ahaate, waxa weli maqan jawaabta dhawr qof oo ay xukuumadu sheegtay in baadhistooda loo diray dalka Kenya, kuwaas oo la filayo in natiijadooda la soo celiyo toddobaadkan. Source
  14. (SLT-Lowya-cado) Magaalada Lowya-cadde oo ah Soodinta Somaliland iyo Jabuuti waxaa ku xanniban tiro dad ah kuwaas oo uu saameeyay amarkii Dowladda Jabuuti ay ku xidhay xuduudaheeda, sidoo kalena anaay u gudbi karin dhanka Somaliland oo iyanna xuduudda Xidhatay. Dadkaan oo la hadlay BBC-da waxa ay sheegeen in maalmihii ina dhaafay ay ku xayiran yihiin xadka, sidaas awgeed Dowladda Jabuuti ay ka dalbanayaan in ay u ogolaato in gudaha dalkaas ay galaan. Waxa ay dalbadeen in Dowladda Jabuuti ay xal u raadineyso, maadaama aanay ku sugneen deegaankoodi. Sucaad Daahir Jaamac oo kamid ah dadka xanniban waxa ay sheegtay in aanay sahlaneyn ku noolasha magaalada Low-yacadde, maadaama bulshada halkaasi joogta ay ku sugan yihiin xaalad feejignaan ah. Sucaad Daahir Jaamac iyadda oo arrimahaasi ka hadlaysa waxaa ay tidhi “Waxaan iminka ku suganahay muddo shan habeen ah xadka Lowyacaddo, warna ma heyno madaxda reer Jabuuti waxaan leenahay nin waliba dadkiisii wuu qaabilay in aad na qaabishaan oo aad noo timaadaan, oo aad na aragtaan oo waxna weyddiisaa maxaad u diidan tihiin, oo inoo dhageysaneysaan” Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhawaan adkeeyay go’aanka xayiraadda iyo tan lagu joojinayo dhaq-dhaqaaqyada gudaha dalkaasi, si looga hortago faafidda Cudurka Corona oo kiisas kamid ah laga helay. Source
  15. Guddiga wadajirka ku meel gaarka ah ee diyaarinta xeerarka dhammeystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ee Somaaliya ayaa sheegay inay si ku meel gaar ah u hakiyeen howlihi ay wadaan, coronavirus awgiis. Guddign oo ah mid isku dhaf ah oo laga soo kala xulay labada aqal ee baarlamaanka, oo si wada jir ah uu guddoonka baarlamaankla u magacaabay, ayaa howlaha loo xilsaaray waxaa ka mid ah qoondada haweenka ee baarlamaanka waxay howshoodu billaabeen bishii February ee sanadkan. Su’aalaha ugu waaweyn ee soo ifbaxay kaddib hakinta shaqadii guddigan waxaa ka mid ah in doorashada Soomaaliya ay suurtagal tahay inay dib uga dhacdo waqtigii loo qorsheeyay. Guddoomiyaha guddiga Ibraahim Isaaq Yaroow, oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dib u dhac ku yimaada doorashada uusan hadda xisaabta ku jirin. “Ilaa hadda arrintaasi iima muuqato, baarlamaankiiba haddii uu isku soo laabto annagu waan geyn karnaa xeerarka….doorasho qof iyo cod ahna wali rajo ayaa laga qabaa in ay dhici karto. Ilaahay ha naga haayo masiibo naga celiso iyo Coronavirus-kan in uu soo xakameysmo oo ay noo suurowdo isu socodkii iyo in aan ku dhiirran karno nolol iyo mustaqbal,” ayuu yiri. Ibraahim Isaaq ayaa sheegay in hadda ay xubnaha guddigu shaqadooda kasii wadaan guryahooda, laakiin ay joojiyeen kulamadii ay isugu imaan jireen. Mar uu arrintaas sharraxayay ayuu yiri: “Guddiga meel ma kala jiro, magaalada Muqdisho ayuu joogaa oo aqlabiyaddiisa ugu badan tahay, shaqadiisuna halkaasi ayuu ka wataa…laakiin isu keenidda dadka iyo hawlihii iyo safarradii aan geli lahayn baan suuroobeynin , taas baan hakinnay kaddib markii aan la tashiyo sameynay. Waan wadi doonaa shaqadeenna, haseyeeshee qoraal iyo in shaqadii aan guryaheenna ka sii wadno innaga oo qalabkii tiknoolajiyadda adeegsanayno aan wadno ma reebana. Waana ku ballannay, xubnihii guddigana waa ay iska warqabaan waa ayna soconaysaa hadduu Alle idmo”. Ilaa hadda maxaa u hirgalay guddiga? Guddoomiyaha Guddiga wadajirka ku meel gaarka ah ee diyaarinta xeerarka dhammeystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ee Somaaliya, oo su’aashaas ka jawaabaya ayaa yiri: “Guddiga wax badan baa uga qabsoomay qorshihiisi. Markii uu isku yimid oo doorasho sameeyay oo uu is-dhisay oo gudihiisa is doortay, xeer-hoosaad buu sameystay oo loo marayo habraacii lagu diyaarin lahaa shuruucdaasi, qorshe hawleedkii guddiga oo waqtiyaysan ayuu sameystay oo noo soo dhammaan lahaa haddii cudurkan uusan na dhexgeli lahayn, taasna bisha May baan ku soo dhameyn lahayn”. Howlaha ugu waaweyn ee hakadka galay waxaa ka mid ah wadatashiyadii uu guddigan la sameynayay dhammaan dhinacyada kala duwan ee ay arrintani khuseyso. “Guddigu ma rabo inuu kaligiis iska tashado oo intuu waraaqo qoro baarlamaanka geeyo. Guddigu wuxuu rabaa in talooyinka dadka wax leh oo saamileyda siyaasadda ahi oo axsaabta xitaa ku jiraan intay ka uruuriyaan in ay baarlamaanka geeyaan. Markii ugu horreysayba waxaa shaqadeenna ka billownay inaan la tashanno dhinacyada ay ka mid yihiin guddiga doorashooyinka madaxa bannaan ee qaranka iyo hay’adihii kale oo arrimahaasi ay khuseeyeen oo ururada bulshada ay ka mid yihiin iyo guddigii markii hore sharciga doorashooyinka soo diyaariyay ee labada aqal,” ayuu yiri Ibraahim. Xanuunka coronavirus ayaa saameyn weyn ku yeeshay howlihii guud ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan dhaqdhaqaaqyadii waxbarshada oo hakad galay. Ilaa hadda shan kiis oo cudurkan ah ayaa laga soo tabiyay Soomaaliya, sida lagu muujiyay liiska tirakoobka kiisaska coronavirus ee ay sameysay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO. Dowladda Soomaaliya ayaa qaadday tallaabooyin dhowr ah oo looga hortagayo inuu cudurkan ku faafo dalka. Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ah in la xiray dugisayda Quraanka Kariimka iyo Mawlacyada lagu barto Diinta ee ka furan waddanka. Xayiraadda ayaa la sheegay inay socon doonto labo todobaad iyadoo dib loo eegi doono labo todobaad kadib haddii la furayo dugsiyada iyo haddii waqti kale lagu darayo. Xukuumadda Federaalka ayaa sidoo kale sheegtay in ilaa iyo amar dambe ay sii xirnaan doonaan Duullimaadyada dibadda iyo gudaha, iskuulada, dugsiyada Qur’aanka iyo jaamacadaha, isagoona dhinaca kale carrabka ku dhuftay iney lagama maarmaan tahay in la joojiyo dhammaan xafladaha iyo in sare loo qaado foojignaanta fayraska Corona. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo go’aankan shaaciyay ayaa shirkadaha Isgaarsiinta ka codsaday inay waqtiga ugu badan siiyaan wacyi gelinta fayraska Corona, waxa uuna dhanka kale ganacsatad ugu baaqay inaysan sare u qaadin sicirka raashinka daruuriga ah. Xigasho: BBC Somali
  16. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa maanta ka hadashay Odayaal dhaqameed maalmihii u dambeeyay ka hadlayey wada-hadalada muddada badan hakadka ku jira ee Dowladda federaalka iyo Somaliland, oo ay sheegtay inay wadaan qorshe ay ka dambeyso dowladda Soomaaliya. Somaliland ayaa si adag ugu hanjabtay Odayaashaasi oo uu kamid ahaa Suldaanka guud ee beelaha Somaliland, maadama ay faraha la galeen arrimo uusan sharcigu u ogoleyn, sida uu sheegay Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Somaliland. Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegay in sharciga la tiigsan doonaan Odayaashaasi dhaqanka, maadama ay ka gudbeen xayndaabka dhaqanka, isagoona xusay in Odayaasha dhaqanka aysan go’aan ka gaari karin masiirka Somaliland. Wasiirka ayaa si dad-ban u sheegay in Odayaashaasi iyo dad kale oo uusan carabaabin ay qeyb ka yihiin qorshe ay dowladda federaalku ku rabto in Wada-hadalada laga qeyb-galiyo dhaqanka. Inkasta oo uusan wasiirku si cad u dul istaagin qorshahaasi uu sheegay, haddana waxa uu xusay in Soomaaliya ay danaheeda ka dhex arkeyso in Wada-hadalada qeyb ka noqdaan Odayaasha dhaqanku. Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina sheegay in Xukuumada Somaliland ay diyaar u tahay inay dib u furmaan wada-hadalada fadhiidka noqday ee kala dhaxeeya dowladda federaalka, isla markaana ay diyaar u yihiin meelkasta oo la isku waafaqo inay ka furmaan. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxa warbaahinta lagu arkayey Odayaal dhaqameed uu kamid yahay Suldaanka guud ee Somaliland, oo ku baaqayey in dib u furmaan wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana laga qeyb galiyo wada-hadaladaasi odayaasha dhaqanka.
  17. Garoowe (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidanka booliska Puntland Cabdi Waaxid Cabdulle Muuse ayaa beeniyey warar lagu baahiyey baraha bulshada, oo lagu sheegay in askari ka tirsan ciidamada Puntland uu ahaa is-miidaamiyihii isku qarxiyey guddoomiyihii gobolka Nugaal ee ku dhintey qarixii ka dhacay Garoowe. Cabdi Waaxid ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid sal iyo raad midna aanan laheyn, isla markaana dadka baahiyey ay yihiin kuwo doonaya inay ku ciyaaraan sharafta Puntland. Afhayeenka, oo uu garab taagnaa askarigii lagu been abuurtay ee la sheegay inuu is qarxiyey, ayaa intaas ku daray in ciidamada booliska Puntland ay yihiin kuwo u taagan difaaca Puntland, sidoo kalena shacbaka looga baahan yahay inay la shaqeeyaan. Illaa iyo hadda ma cadda qofka sida rasmiga ah u fuliyey qaraxa, hase yeeshee kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa. Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa maalin kadib qaraxa sheegay in Puntland ay ka war heysay xogta qarxaasi, balse uu dhacay, xilli ay ku raad-joogeen laamaha amniga ee maamulkaasi. Deni ayaa wuxuu mas’uuliyadda qaraxaan ku eedeeyey inay ka dambeeyeen dad uu sheegay inay ka soo horjeedaan horumarka Puntland, sida uu hadalka u dhigay. Hoos ka daawo muuqaalka
  18. Ex-wasiir yuusuf Garaad oo ka hadlay Hanjbaad Sirdoonka Somalia Warbaahinta u mariyeen Weriye Haaruun Macruuf Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya iyo tifaftirihii hore ee BBC Somali, Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook uga hadlay eedeynta ay NISA u jeedisay weriye Haaruun Macruuf ee ah inuu “leeyahay xiriiro halis ku ah amniga, kana qaadeyso tallaabo sharci”. Halkan ka akhrisoo qoraalka Yuusuf Garaad oo dhameystiran. Ma ogi waxa ay NISA sheegtay in ay iyadu ka og tahay Haaruun Macruuf. Mana sahashan karo eedeyn ku saabsan khatar ka dhan ah Amniga Qaranka. Haddana ma jecleysan farriinta ay NISA soo jeedisay, Goobta ay ku soo bandhigtay iyo khaanadda ay dhigtay Heybadda Dowladnimada Soomaaliya. Laba eedeymood oo ay NISA u jeedisay weriyaha ayaa ah falal ka baxsan anshaxa saxaafadda iyo xiriirro khatar ku ah Amniga Qaranka. Anshax marin saxaafadeed Sirdoon shaqo kuma laha. Haddiise ay hesho xogta fal dambiyeed ka dhan ah Amniga Qaranka, waa shaqada Hey’adda Sirdoonka. Markaas tallaabada la gudbooni waa in ay wargeliso booliiska, baaritaan uu sameeyo, ka dibna ay Xeer ilaalintu kiis ku soo oogto cidda dembiga lagu tuhmay. Maxkamad la wada aado. Caddeymaha eedeynta iyo Difaaca eedeysanaha dooddiisa uu isu miisaamo Garsoore. Sharcigu uu shaqeeyo. Dal Dimuqraaddi ah, oo sharci iyo kala dambeyn leh, hey’addiisa sirdoonku weriyayaashana uguma hanjabto baraha bulshada. Sirdoonkuna hey’adaha dalkiisa xog xasaasi ah uguma gudbiyo Saxaafadda bulshada. Ma jecleysanayo in aan arrimaha Hey’addeenna Sirta Qaranka uga hadlo Saxaafadda Bulshada, laakiin iyada ayaa dooddaas keentay isla goobtaan. Su’aasha Dowladda Federaalka u taallaa waxay tahay: Haddii Hey’adda Sirdoonka ay ka adeejisay in ay u cagajugleyso weriye jooga Washington oo aad nooga fog, una shaqeeya Idaacad ay leedahay Dowladda Mareykanku, waa maxay damaanadda iyo xorriyadda ay sheegi karto in ay haystaan weriyayaasha dalka Gudihiisa jooga? Qaran News
  19. It is totally inconceivable we keep on cautioning this. Africa isn’t a testing lab. I would like to vividly denounce those demeaning, false and most of all deeply racists words. Helps us save Africa with the current ongoing Covid 19 and flatten the curve. pic.twitter.com/41GIpXaIYv — Didier Drogba (@didierdrogba) April 2, 2020 Qaran News
  20. A senior Kenya Airways pilot has paid the ultimate price for his heroic efforts to evacuate Kenyans stranded in the Covid-19-hit New York City. Source: Hiiraan Online