Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,420
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Addis Ababa - Ethiopia’s government appointed a new head of security in the restive, gas-rich state of Somali, two days after the incumbent was dismissed, the Ethiopian News Agency reported. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar-___-Qumanha-Warraka-04042020-sax.mp3 View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in ay korartay tirada dadka qaba cudurka dilaaga ah ee Covid-19 waxaana Muqdisho oo kaliya la xaqiijiyay inuu ku dhacay 5 qof, halka markii hore ay aheyd 3 qof. Sidoo kale wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in ilaa hadda ay diiwaan geliyeen 2 qof oo qaba caabuqa Coronavirus, sidoo kale tobaneeyo dad ah loo karantiilay shaki laga qabo. Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay dhamaan waxbarashadii dalka iyo goobihii ay isugu imaan jireen bulshada Muqdisho sababo la xariira Covid-19. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa joojisay dhamaan duulimaadyada gudaha iyo kuwa dibadda dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa todobaadkaan sheegay in qaadayaan talaabooyin kale oo lagu xakameynayo faafid cudurkan waxa uuna bulshada ugu baaqay in ay ku nagaadaan guryahooda. Kaliya ma ahan Soomaaliya ee cudurkaan waxa uu saameeyay adduunka oo dhan waxa uuna dib u dhigay doorashooyin badan oo dhici lahaa qaarkood. Wadamada baajiyay doorashooyinkaas waxaa ku jira kuwa afrikaan ah. Dowladda Itoobiya ayaa dib u dhigtay doorashooyinka ee dalka oo ku beegneyd dhamaadka sanadkaan waxayna guddigu doorashooyinka sheegeen in aan la qaban doonin ilaa amar dambe. Dowladda Uganda oo aan wali gaarin cudurkaan ayaa ku dhawaaqday in dib loo dhigay doorashadii dalkaas oo dhici laheyd sanadka 2022, oo ah laba sano kadib xiliga hadda la joogo. Hadaba doorashoyinka Soomaaliya oo ku beegan lix bil kadib ma qabsoomi karaan mise waxaa dhici karta in dowladda federaalka Soomaaliya ay dib u dhigto doorashada. Sababaha keeni kara dib u dhaca. Waxyaabaha ugu waa weyn ee keeni kara dib u dhaca doorashooyinka Soomaaliya waxaa lagu sheegaa saddex qodob oo kala ah. 1 – Doorashada oo dhiman muddo kooban iyo dalka oo ku jiro xaalad culus oo ka dhalatay cudurka Coronavirus, waxaana sharciga doorashooyinka qeyb ka ah in doorashooyinka loo baajin karo musiibooyinka ay kamid tahay cudurada faafa. 2 – Dowladda Soomaaliya, madax maamul gobaleedyada iyo mucaaradka oo aan ilaa hadda marna kawada fariisan doorashada dalka lana ogeyn nuuca doorasho oo la qaban doono iyadoo ay usii dheertahay amni darrada dalka waxaa arrimahaan oo dhan la sheegaa in ay sababi karaan dib u dhac maadaama uu waqtiga dhamaad joogo walina aan nuuc doorasho lagu heshiinin. 3 – Madax dowladda Soomaaliya oo doonaya dib u dhaca doorashada islamarkaana raadinaya wax kasta oo dib u dhigi kara doorashada waxaana laga yaabaa in ay fursad u arkaan cudurkaan halista ah hadii ay kiisaska siibataan. Dhinaca kale waxaa jira qodobo kale oo diidaya dib u dhac. Waxyaabaha ugu waa weyn oo ay dowladda Soomaaliya ilaa hadda aysan ugu dhiiran dib u dhaca doorashada waxaa kamid ah. 1 – Soomaaliya ma ahan dal ay ka jirto xasilooni iyo dowlad dalka oo dhan ka talisa go’aanna ka gaari karta aayaha umadda, waxaana dhici karta in go’aankii ay qaataan uu kala qeybiyo bulshada iyo dalka. 2 – In nidaamka maamul iyo midda doorasho ee Soomaaliya ayaa saameen balaaran ku leeyihiin beesha caalamka oo taageerta Soomaaliya islamarkaana aan ogoleen muddo korarsi. 3 – Iyo in haddii ay dowladda federaalka dib u dhig ku sameyso doorashooyinka dalka ay mucaaradka abuuri karaan xasilooni darro dalkana uu wajihi karo amni darro iyo burbur dowladeed. Covid-19 hadda ma gaarsiisna xaalad dib loogu dhigo doorashooyinka baarlamaanka iyo mida madaxtooyada oo ku aadan dhamaadka sanadkaan iyo billowga sanadka kale, hase yeeshee waa cudur halis ku ah aduunka waxaana ku rafaadsan dowlado waa weyn waxaana Soomaaliya looga baahan yahay taxadar iyo go’aano adag oo lagu xakameen karo faafid cudurkaan. Hadaba ma kula tahay in cudurkaan uu noqon karo marmasiiyaha Xukuumadda Soomaaliya oo hore loogu eedeeyay in ay damacsan tahay muddo korarsi oo ay dib u dhigi doonto doorashooyinka dalka mise waxay kula tahay in aysan dib u dhigi doonin waqtiga doorashooyinka dalka?
  4. Xukuumadda Puntland ayaa Caawa shaacisay Natiijadii ka soo baxday baaritaan lagu sameeyay shakhsiyaad looga shakiyay xanuunka Coronavirus, kuwaasi oo lagu karantiilay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Qoraal ka soo baxay guddiga dowladda Puntland u qaabilsan ka hortagga cudurka Coronavirus, ayaa lagu sheegay in baaritaankii lagu sameeyay shakhsiyaadkii la karantiilay, uu xaqiijiyay in dhammaantood aysan qabin COVID-19, sidaas darteedna aysan gebi ahaanba jirin kiisas la xiriira Coronavirus oo laga helay gudaha Puntland. Guddiga ayaa sidoo kale sheegay, in ay la socdaan xaaladda bukaan kale oo isna looga shakiyay cudurka, kaas oo dhecaankii laga qaaday loo diray dibadda, si loo soo xaqiijiyo in uu xanuunka qabo, islamarkaana karantiil lagu hayo, inta ay soo baxayso Natiijada baaritaankii lagu sameeyay. Dhinaca kale, guddiga ayaa dadweynaha Puntland ka codsaday in ay ka qeyb-qaatan Sanduuqa Taakulaynta Ka hortagga xanuunka Coronavirus, si looga gaashaanto faafidda cudurkaas. Halkaan ka akhriso qoraalka oo dhan PUNTLAND POST The post Dhammaan dadkii lagu karantiilay Puntland oo laga waayay Coronavirus appeared first on Puntland Post.
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa si faahfaahsan uga hadlay sababta ay diyaaradda Ethiopian Airlines uga degto Hargeysa, iyadoo la joojiyey duullimaadyadii kale. Wasiirka ayaa sheegay in Ethiopia Airlines ay u hiilisay Somaliland oo ay diiday amarka dowladda federaalka ah markii ay mamnuucday diyaaradaha caalamiga ah, sidaas darteedna ay iminka ayagana fasaxeen duulimaadyada shirkaddaas xilli kuwii kale la joojiyey. Wasiir Kaahin ayaa sheegay in wixii ka dambeeyey markii ay dowladda federaalka xariyaada ku soo rogtay duullimaadyada ay diyaaradan Ethiopian Airlines noqotay tan kaliya ee ka shaqeysa danta Somaliland. Wasiir Maxamed Kaahin ayaa sheegay in dowladda federaalka ay isku khilaafeen joojinta duullimaadyada, iyadoo markii dambe la isku raacay sida uu sheegay in Ethiopian Airlines ay Somaliland kasii wado duullimaadyadeeda, isagoo xusay in hadii ay xaalad degdeg ah ku timaado Somaliland ay diyaaraddaas oo kaliya ku tashaneyso. “Hadii ay xaaladu sii adkaato ama wax un soo kordhaan dhaqdhaqaaqa kaliya ee aan leenahay waa Ethiopian Airlines, dowladeeduna waa nala ogoshahay, qolada kalena waxaan ka rajey heynaa inay nagula shaqeeyaan, hada dadka ay diyaaradu keento wey soo yaraanayaan oo maanta afar qof oo keliya ayaa la socotay, waxaana kula heshiinay in aysan soo qaadin dad ka imaanaya dalalka uu xanuunkani sida aadka ah u saameeyey,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Somaliland. Wasiir Maxamed Kaahin ayaa sidoo kale ka hadlay qaadka laga keeno Itoobiya ee soo gala deegaanada Somaliland, waxuuna sheegay in xaalada dalka Itoobiya ay hada kasii dareyso oo kiisaska laga soo sheegayo ay 50 kiis kusii dhawyihiin, isla markaana ay muhiim tahay in tallaabo la qaado. “Qaadku waxa uu ka yimaadaa deegaanada ugu dadka badan Itoobiya, in aan tallaabo ka qaadnana wey haboontahay, laakiin waan dooneynaa tallaabo la isla ogyahay, iyaga waan la balansanahay hadey yihiin ganacsatada qaadka Itoobiya, si aan la isu eryan oo dagaal kale uusan noogu furmin, marka waxaan dooneynaa barnaamij uruursan oo aan bulshadana ku wacyi gelino, ganacsatada qaadkana aan ka waxyi gelino, in aan ku dhaqaaqno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Wasiir Kaahin. Ugu dambeyntii wasiirka ayaa sheegay in dadka ka ganacsada qaadka ay aad u badanyihiin, haatana hadii laga joojiyo aysan xukuumaddu shaqa u heyn, taas oo ku qasbeysa in la isku dheeli tiro go’aanada soo baxaya, sida uu hadalka u dhigay.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya iyo Taliska ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa war kasoo wada saaray duqeyn lagu dilay shan xubnood oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraalka. Duqeyntaas ayaa ka dhacday degaan lagu magacaabo Xabaal- barbaar oo ka tirsan gobolka Bay, 3-dii bishan Abriil. Labada qoraalba waxaa lagu sheegay in duqeyntaas ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo howlgalka Mareykanka ee AFRICOM, waxaana lagu sheegay warkan si taxadar leh ay u dhacday, isla markaana aysan waxyeelo kasoo gaarin dad rayid ah. Warka kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in ay sii wedi doonaan duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo laga taxadarayo in dad shacab ah ay dhibaato kasoo gaarto. Inta badan duqeymaha dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM ay sheegaan in ay ku dileen xubno Shabaab ah, waxaa kasoo daba yeera war sheegaya in lagu dilay dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Sidoo kale waxaana aad u liita baaritaano ay balan qaadaan inay ku sameyn doonaan khasaaraha rayidka gaaray, waxayna dad badan ku macneeyeen in dowladdu aysan xilba iska saarin muwaadiniinta lagu duqeynayo deegaanadooda, kadibna lagu tilmaamo Al-Shabaab. Dhawaan warbixin sanadle ah oo ka soo baxday hey’adda Amnesty ayaa lagu sheegay in sanadkan bilowga ah gudihiisa qaar ka mid ah duqeymihii ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka, ay wax yeelo kasoo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan, waxaana warbixintaas dafirtay dowladda federaalka oo ku adkeysatay in dadkii la laayey ay Shabaab ahaayeen.
  7. Xifaaltanka Somaliland Kula Jirto Somalia Oo Xididada U Siibay Xadhkihii Dhaqaale Ee Somaliland Xifaaltanka Somaliland Kula Jirto Somalia Oo Xididada U Siibay Xadhkihii Dhaqaale Ee Somaliland Dawladda Soomaaliya Iyo Madaxda Fly Dubai iyo Air Arabia ayaa Ka Wadahadlay Sidii Shirkadahoodu Dulimaadyo Toosa Uga Bilaabi Lahayeen Magalooyinka Muqdisho Iyo Garoowe. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorshaynaysa in magaaladda Muqdisho ay Duulimaadyo toos ah ay ka bilowdo shirkadda Diyaaradaha Ee FLY Dubia , halka shirkada Air Arabia na ay ka Bilaabayso Garoowe marka ay dhammaato xayiraadda ay saartay Somalia Duullimaadyada caalamiga ah ee cudurka Corona Virus awgii. FLY Dubia iyo Air Arabia oo hore u istcimaali jiray garoonka Hargeysa Ka hor inta aan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, Kala Noqon Ruqsada diyaaradahaasi Eedaymaha loo cuskaday ayaa ahaa inay FLY dubai iyo Air Arabia u hogaansameen Amarkii xukuumada DFS oo dhigayey inay dawladu Joojisay Duulimaadyadii caalamiga ahaa mudada Aduunku la leedleedayo cudurka Covid19. Dhanka kale Eriska Diyaaradaha Fly Dubai Iyo Air Arabia ayaa salka ku haya Kooto uu Rabo Madaxweyne Muuse Biixi inuu ugu Xidho Duulimaadyada Caalamigaa Wakiilka Ethiopian Airlines Abdiqafaar Maxamuud Ciise oo uu abti u yahay, Damiinka Diyaaradana uu ku qoranyahay Isla Madaxweynaha oo damiintay wiilka 2012. Warqada lagaga joojiyay duulimaadyada labadan shirkadood oo aanu ogayn Maareeyaha civil aviation Somaliland iyo ku xigeen kiisu, waxaa Qoray Agasime waaxeed ay isku qoys yihiin Madaxwayne Muse Biihi oo uu amar ku siiyay, markii aanu la xidhiidhnay Mareeyaha iyo ku xigeen kiisu waxay noo sheegeen inaanay wax war ah ka haynin. Dawladda Soomaaaliya ayaa udirtay qaar kamida mas’uuliyiinta wasaaradda Duulista iyo Hawada wadanka Emirates ka si ay madaxda shirkaddahaas iyo Dawlada Emaaraat ka ugala xaajoodaan sidii FLY Dubia iyo Air Arabia Duulimaadyo uga bilaabi lahayeen Garoonada Aadan Cadde ee Caasimada Muqdisho iyo Caasimada Puntland ee Garoowe. Xili Aduunku Loolan Ugu jiro Soo jiidashada Duulimaadyada Caalamiga ah ayay Xukuumada haysa Talada Maamul ee Somaliland Waxa Uleh Ahmiyada Koowaad Xifaaltanka ay kula Jirto Somalia iyo Ganacsiga gaarka ah ee Galin ku Taajir, Taasoo Minja Xaabisay Ruqsadii Diyaaradaha Caalamiga ah. Xanta siyaasada Caalamka oo ahaa inaanu Xidhiidhka dawladaha imaaraadka iyo Somalia ahayn mid wanaagsanaa mudooyinkii danbe waxayse Arintani irid cusub u furaysaa is dhexgaI Horleh iyo Isfahan Dhaqaale oo dhexmara Labada dal, waxaana meesha ka baxaya Wada Shaqayntii Somaliland iyo Imaaraatka. Haddii dawladda Federaalku ku guulaysato qorshaha ay ku doonayso in ay Muqdisho keento FLY Dubia Air Aribia na Garoowe wuxuu suuragal ka dhigayaa in Imaraadka Carabta iyo Dawladda Soomaaliya xidhiidhkoodu soo hagaago islamarkaana uu meesha ka baxo xidhiidhka Danaha Dhaqaale ku saabsan ee hadda kala Dheexey imaaraadka xukuumada Somaliland Source
  8. Guddiga Arrimaha Gudaha,Dib-uheshiisiinta iyo Xirrirka Dowlad Goboleedyada ee Golaha Aqalka ayaa baaq-nabadeed ee ku aadan dagaalka u dhaxeeya beelaha walaalaha ee Soomaaliyeed ee ku dirirayey Galbeedka Magaalada Kismaayo ku dhowaad muddo ka badan saddexdii isbuuc ee lasoo dhaafay. Halkaan ka Akriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul Insaanka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay kufsi saddex carruur ah loogu geystay degaanno ka tirsan dowlad goboleedyada Koofur galbeed iyo Galmudug. Wasaaradda ayaa ku baaqday qof walba in uu ixtiraamo dhowr-sanaanta iyo sharafta dhibbanayaasha iyo qoysaskooda, kana fogaado dambi la xiriira sheegitaanka magacyadooda iyo in sawirradooda lagu faafiyo meel kasta oo ay ku jiraan warbaahinta bulshada. Wasaaraddu waxay sheegtay arrintaas wax u dhimmi karto dambi-baarista socoto iyo in mustaqbalka dacwad ciqaabeed la soo oogo, ayadoo sidoo kale sababi karta in ay ka horjoogsadaan dhibbanayaasha in ay si caadi ah oo ceeb kamadaxbannaan u noolaadaan. Hoos ka akhriso qoraalka PUNTLAND POST The post Wasaarada Haweenka Soomaaliya oo cambaaraysay kufsiyo ka dhacay Galmudug iyo KFG appeared first on Puntland Post.
  10. Jowhar (SMN) – Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, shan kelana way ku dhaawacmeen kadib qarax ka dhacay goob lagu shaaho oo ku yaala magaalada Jowhar. Qaraxa oo ka dhashay Miino ayaa waxaa sheegtay dagaalameyaasha Al-Shabaab, sidda ay baahiyeen baraha internet-ka ee taageera. Agaasime ku xigeenka madaxtooyada HirShabelle iyo Xildhibaan ayaa la sheegay in ay kamid yihiin dadka ku dhaawacmay falkaas. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdadaas oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka Hay’addaha Ammaanka dowlad goboleedka. Falkaas ayaa kusoo aadaya xili dadka ay feejignaan uga jiraan ka hortagga faafitaanka Coronavirus, kaasoo Soomaaliya laga helay todoba kiis oo la hubiyey. View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Shalay oo Jimco waxaa si hor dhac ah loo furay shir weyn oo ay isugu imaanayaan culumada Tabliiqa, kaas oo muddo dheer kadib lagu qabanayo Masjidka Alhidaaya oo ku yaalla degmada Heliwaa ee gobalka Banaadir. Masjidkaan oo shirarka nuucaan ah caan ku ah ayaa waxa uu marti gelinayaa culumo Tabliiq ah oo dalka ku soo galay diyaarado, gaadiid iyo Lug waxayna qaarkood yimaadeen maalmo uun ka hor markii lagu dhawaaqay in la joojiyay duulimaadyada dalka waxayna ku soo galeen lug. Culumadaan ayaa qaarkood ka yimid Ciraaq, Afghanistan, Pakistan, Suuriya, Mareykanka iyo wadamo kale oo aduunka ah waxayna usoo safreen sanado iyo bilooyin ka hor ka qeybgalka Shirkaan inkastoo ay meelo kale soo mareen. Shacabka Muqdisho ayaa is weydiiyay dowladda Soomaaliya maka warqabtaa shirkaan mise ma heysato wargelin maadaama uu ka dhacaayo waqooyiga magaalada oo ah xaafadaha aysan ku xooganeyn dowladda Soomaaliya. Sidoo kale shacabka ayaa qaba in culumada qaarkood ay ilaa hadda lug ku soo galayaan dalka islamarkaana ay ka yimaadeen dalal kale taasina ay keeni karto faafida cudurka iyo waxay dowladda Soomaaliya kala socoto socdaalkooda. Culumada Tabliiqa oo ah kuwa safarkooda uu badan lug kolba gobal ama magaalo u taga faafinta aragtidooda ayaa aad ugu badan Soomaaliya inkastoo sanadihii ugu dambeeyay ay sii yaraanayeen waxaana ugu wacnaa amni darrada dalka. Masjidkaan ku yaalo degmada Heliwaa ee Alhidaaya ayaa kamid ah masaajida waa weyn ee Muqdisho waxaana dhowr jeer sidaan oo kale lagu qabtay shirar nuucaan oo kale ah waxaana xiligii Itoobiyaha ka dhacay dilal iyo dhibaatooyin loo geestay culumo iyo dad kale. Sidoo kale waa masjidka ugu weyn ee Tabliiqa ay ku leeyihiin Soomaaliya, waxaana isugu yimaada culumada Tabliiqa oo isaga yimaada aduunka meelo kala duwan. Dhowaan ayaa shirweyne ee Tabliiqa ku yeesheen magaalada Delhi ee dalka India, waxaa lagu eedeeyey inuu sababay in cudurkan uu si xooggan u faafo kadib markii dadkii shirka ka qeyb galay ay is-qaadsiiyeen, kadibna deegaano kale kusii fidiyeen kadib shirka.
  12. Garoowe ( Faallooyinka Puntland Post) — Colaadda ka soo cusboonaatay Jubbaland waxaa ku naf-waayay Soomaali badan. Waa colaad laga hortagi karay. Inkastoo Puntland ay ka fog tahay juqraafi ahaan meesha colaaddu ka socoto haddana eedayn bay dad badani u soo jeediyeen Puntland. Haddii dad reer Jubbaland colaadi dhex martay daminta colaadda waa xil saaran maamulka Jubbaland. Hadallo lagu wadaagay baraha bulshada ayay dadka qaarkiis u qaateen caddayn in Puntland kaalin siyaasadeed ku leedahay colaadda Jubbaland ka socota. Puntland marnaba may ka hadlin kamana hadli karto colaad ka socota maamul federaal kale. Si loo yareeyo saameynta warxume-tashiilka waa in maamulka Puntland uu caddeeyo inuusan sinna kaalin ugu lahayn colaadda ka aloosantay Jubbaland oo keentay in sawirrada dad Soomaaliyeed oo la laayay lagu wadaago baraha bulshada. Dadka Jubbaland deggan iyagaa isku dan ah oo isku maamul ah. Waxaa wax laga waantoobo ah shirarka faraya maamulka Deni uu madaxda sare ee Jubbaland kala xiriiro colaadda Jubbaland oo u dhexeysa laba beelood. Waxa u nugleynaya Puntland eedaynta aan salka lahayni waa aamusnaanteeda. Waa in maamulka madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu cod dheer ku sheego in maamulkiisu uusan farogelinin arrimmaha Jubbaland iyo inuusan soo kala soke-marsanin dadka Soomaaliyeed oo colaadda laga hortagi karay laga dhex aloosay. © Puntland Post, 2020 The post Puntland iyo colaadda Jubbaland appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare ee xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in ay dib u dhigtay wakhtigii loo qorsheeyay in la galo Imtixaanka shahaadiga ee fasalka 12aad iyo 8aad sababa la xariirta Coronavirus. Qoraal lasoo dhigay Bogga baraha Bulshada ay ku leedahay wasaaradda ayaa lagu wargaliyay Ardayda in dib loogu soo sheegi doona Waqtiga rasmiga ah ee uu bilaaban doono ama la galayo Imtixaanka. “Wasaaradda waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare ee XFS oo tixgalineysa talooyinka caafimaad ee la xiriira ka hortagga & xakameynta cudurka dilaaga ah ee COVID-19, ayaa waxa ay ku wargalineysa ardayda Soomaaliyeed ee ku guda jira diyaargarowga imtixaanka fasalka 12aad & 8aad in uusan ku qabsoomi karin xilligii loogu talagalay. Waqtiga rasmiga ah ee uu dhacayo imtixaanka dib ayaa laga soo sheegi doona. Mahadsanidiin,” ayuu u qornaa qoraalka. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wuxuu mar sii horeysay u shaaciyey in muddo uusan cayimin la joojiyey xaadirida goobaha waxbarashada, talaabadaas oo qeyb ka ah ololaha lagula dagaalamayo faafitaanka fayruska safmareenka ah ee Covid-19. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-habeen-04042020.mp3 View the full article
  15. The United Nations in Somalia confirms today that an international employee of a private company operating under contract to the UN has been diagnosed with the novel coronavirus disease (COVID-19). The individual is employed by a private commercial firm operating within Aden Abdulle International Airport (AAIA). In accordance with this firm’s policies, the individual was isolated hours after his arrival in mid-March and remains in quarantine at the contractor’s facilities at AAIA. The coronavirus case was announced earlier today by the Somali Minister of Health, Dr. Fawziya Abikar, based on test results provided by the United Nations. UN medical staff remain in communication with the Somali Ministry of Health, and contact tracing is underway to identify anyone who may have had exposure to the individual prior to his quarantine. The United Nations family stands firmly alongside Somalia in its fight against COVID-19 and continues to support its government and people through the World Health Organization (WHO), UN Children’s Fund (UNICEF), World Food Programme (WFP) and many other entities working together to combat the virus. View the full article
  16. Somali military court has sentenced soldier to death for the murder of a civilian last month in Dhusamareb city, the capital of Galmudug state. The court found Mohamed Abdi Nur Gedi and his colleague Mohamed Abdi Hassan guilty of killing a civilian in Dhusaamareb on March 28, 2020. Gedi was slapped with a death sentence while Hassan was given a five-year jail term. The two who served as security guards for Senator Dhagey Gelle were responsible for the death of Shafi Abdi Haji. The two can appeal the verdict within a month if they are not satisfied with the decision. View the full article
  17. (SLT-Washington)-Haweeneyda u tartamaysa kursiga Kongareeska Maraykanka Ilhaan Omar ayaa ku eedeysay Madaxweyne Trump inuu si xun u maareeyay jawaabta Mareykanka ee coronavirus. “Waxaan u maleynayaa maalinba maalinta ka dambeysa inay sii caddaaneyso sida xun ee maamulkan gabi ahaantiiba ugu fashilmay tallada shacabka Mareykanka,” ayay tidhi Ilhaan Omar. “Waxa aynu haysannaa dalka ugu qanisan adduunka waxa aynu leenahay faa’iidooyin badan, laakiin kumanaan, boqolaal kun oo dad ah ayaa u dhiman kara maamul xumadiisa iyo awood darradiisa,” ayay ku dartay Ilhaan Omar. Mareykanka waxa uu xidhey 277,999 kiis oo cudurka Covid 19 ah oo la xaqiijiyay iyo ugu yaraan 7,164 dhimasho ah. Waxay intaas ku dartay in Trump aanu si buuxda u fahmin doorka lama huraanka ah ee la filayo inuu ka ciyaaro jawaabta Mareykanka iyo meelaha xudunta u ah cudurka inay aad u doonayaan sahay caafimaad. “Wali wuxuu sii wadaa in aanu aqoonsan doorka ay mudan tahay inuu ciyaaro marka ay timaado hogaaminta ummad soo food saartay musiibo,” ayay tidhi Ilhan Omar. Wakiilka dimoqraadiga ah ee gobolka Minnesota, ayaa hadalkan ku sheegtay xilli ay wareysi siinaysay barnaamijka ‘The Dean Obeidallah Show. Source
  18. Hirshabeelle. Wararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in goor dhow uu halkaas ka dhacay qarax kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo daawac. Dad deegaanka ah ayaa Goobjoog News u sheegay in qaraxa uu ahaa miinada dhulka la geliyo, oo la dhigay boosteejada baabuurta Muqdisho iyo Jowhar. Wararka ayaa intaa ku darayo in goobta ay sidoo kale ku caweyn jireen qaar ka tirsan hey’adaha amniga, mas’uuliyiin iyo shaqaalaha maamulka Hirshabeelle. Inta la xaqiijiyey, waxaa uu khasaare soo gaarey das meesha marayey, waxaana geeriyooday hal qof oo ahaa nin da’ ah halka sedex kale uu soo garay dhaacwa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Tacsi Tiiranyo Leh Oo Ku Socota Eheladii Iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay Marxuum Yaasiin Cali Cabdile (Kornayl tamaad) Tacsi Tiiranyo Leh Oo Ku Socota Eheladii Iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay Marxuum Yaasiin Cali Cabdile (Kornayl tamaad)Tacsi tiiraaanyo lehGudoomiyaha gobolka togdheer Xamse Maxamed Cabdi,Isuduwaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Tobolka Togdheer Siciid Saleebaan Nuur, Odey: Maxamed Diiriye Afxakame (Taleex)Jaamac Max’ed Diriye (Jaamac taleex)Iyo Dhamaanba Reer Diiriye Afxakame gudo iyo Dibedba Meelkasta Oo ay Joogaan, Waxay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Saleebaan Yusuf Cali koore Ka tacsiyadenayaan Alle ha u naxiirstee Geerida Marxuum Yaasiin Cali Cabdile (Kornayl tamaad) Oo kamid ahaa Ehelada Wasiirka Oo Dhawaan Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa , Waxay Marxuumka ilahay uga baryeyaan inuu Naxariistii Janno Fardowsa Ka Waraabiyo Ehelkii ,qarabaadii Iyo Qaranka Somaliland Ee Uu Ka baxayna Samir Iyo iimaan Ka Siiyo Aamiin aamiin. Source
  20. Muqdisho (SMN) – Qofkii labaad oo la shaqeynayey Xafiiska (QM) ee Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay inuu qabo Cudurka Covid 19, sidda uu sheegay Xafiiska (UNSOM) ee Muqdisho. Qofkan oo ajanabi ah ayaa ka shaqeyn jiray shirkad ka hawlgasha gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Xafiiska (UNSOM) waxaa qofkan la qabtay bartamihii bishii hore ee Maarso xilligaas oo uu dalka soo galay, waxaana la geeyay goob karantiil oo gudaha garoonka ku taalla. Xalay waxay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay in labo ruux oo mid ajanabi yahay laga heley xannuunka Covid-19 taasoo tirada guud ee dadka laga heley cudurka gudaha Soomaaliya ka dhigtay 7-kiis. View the full article
  21. (SLT-Japan)-Gabadh yar oo u dhalatay wadanka Japan, isla markaana jirtay muddo yar oo bilo ah ayaa markii ugu horeysay laga daweeyey xanuunka Korona Fayras, iyada oo baadhitaano lagu sameeyey lagu ogaadey in aanu xanuunkaasi ku jirin jidhkeeda. Gabadh yar ayaa baadhitaan dambe oo lagu sameeyey lagu ogaadey in uu markale xanuunkaasi kusoo noqday , sida lagu baahiyey wargeyska Daily Mail, waxaana gabadh yar loo gubdiyey qaybta gargaarka deg dega ah ee cisbitaalka Yamanashi University Hospital. Waalidka dhalay gabadhan yar ayaa sheegay in aanay jirin wax xanuuno ah oo ay iyagu hore u lahaayeen, waxaanay tilmaameen in waqtigan ay gabadhan yar xaaladeedu tahay mid aad usii adkaanaysa, iyada oo ay ku adkaatay Neeftu. Masuuliyiinta dawladda hoose ee Tokyo ayaa sheegay in ay baadhitaan ku samaynayaan sida uu markii hore xanuunkani ugu dhacay gabadhan yar ee dhawrka Bilood jirtay, madaama oo aanay waalidiinteedu xanuunkan qabin iyo sababta keentay in uu kusoo noqdo, kadib markii laga daweeyey. Source
  22. Hargeysa (Caasimada Online) ― Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Cabdiqadir oo markii u horeysay ka hadlay Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa sheegay in midnimada umadda Soomaaliyeed ay tahay muqadas. Suldaanka ayaa sheegay in marnaba ay kala maarmi karin Soomaalidu, dhibaato kasta oo soo kala dhex-gasha, isla markaana ay waajib tahay in dib loo furo wada-hadalada DF iyo Somaliland. Sidoo kale waxa uu suldaanku sheegay in Odayaal dhaqameedku ay leeyihiin go’aanka masiirka bulshada, maadama ay ka talinayaan samaha umadda, ayna waajib tahay in laga qeyb galiyo wada-hadaladaasi. Suldaanka ayaa waxa kale oo uu fariin adag u diray dadka u ololeynaya kala goynta umadda, isagoona xusay inay dad wada dhashay yihiin Somaliland iyo Soomaaliya, balse ay siyaasada isku qabteen Niman gaar ah oo bulshada reer Somaliland ka madax-banaan. Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Cabdiqadir oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Ma xukuumada unba kali isaga dhigaysa wada-hadalada, anigu waxaan qabaa in wixii siyaasada ay ka hadli karaan odayaasha dhaqanku”. “Anigu waxaan leeyahay Salaadiinta yaan laga tagin ee wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland halagu soo daro, cidna nagama mamnuuci karto wada-hadalada, waxaana ka codsaneyna xukuumada inay nagu soo daraan wada-hadalada labada dhinac”. “Umadda Soomaaliyeed ma kala maarmeyso meelkasta oo ay kala joogaan, dhibaato kastoo ku kala dhex timaada, waxaana diyaar u nahay inaan si fiican uga qeyb qaadano wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland”. Wuxuuna intaas kusii daray Suldaanku “Dadka madax-dhaqameedka ayaa xukuma oo ay u dhago nugul-yihiin, markaa madax dhaqameedka haddii loo dhago nugulyahay waxay soo dhaweeyaan wax wada qabsiga umadda markii horeba Soomaaliya isku aheyd”. “Maanta ninka yidhi waan ka maarmay been buu sheegaya oo Soomaali ma kala maaranto, markaa waxan leeyahay wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland waa muqadas aan la dafiri karin”. Xukuumada Somaliland oo daba socota hadalka Suldaanka ayaa shalay sheegtay inay ‘talaabo sharci ah’ ka qaadeyso Suldaanka guud ee Somaliland iyo Odayaal dhaqameed kale oo ka hadlay wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland. Waxayna xukuumada Muuse Biixi la xiriireysay baaqyada Odayaashaasi dhaqanka qorshe ay sheegtay inay dabada ka riixeyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.