Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,420
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa maanta iskushaandheyn ku sameeyay taliyashaasha booliska gobalada Puntland, kuwaas oo mudooyinkii dambe falal amni darro ah ay ka dhaceen laguna dhilay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka. Qoraal ahaa xeer madaxweyne oo ka soo baxay Madaweyne Deni ayaa taliyihii booliska gobolka Nugaal G/sare Muumin Cabdi Shire loogu belelay gobolka Mudug, halka talihii booliska gobolka Mudug ee Puntland G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir lagu soo celiyey gobolka Nugaal. Xeerka maanta lagu badalay taliyihii booliiska gobolka Nugaal ayaa ku soo aaday maalmo ka dib markii Magaalada Garowe ee caasimadda maamulka qarax ismiidaamin lagu dilay guddoomiyihii Gobolka Nugaal iyo Taliye la socday, madaxweynaha ayaana xusay in isbedelkaan looga golleeyahay der-dar gelinta aminga gobolada Puntland. Halkaan Ka Akhriso Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid a Abdullaahi Deni ayaa soo saaray , Xeer Madaxweyne Lr. 25 iyo Lr.26 April 4, 2020, kuna saabsan isku bedel Taliyeyaasha Qaybaha Booliska Gobolada Nugaal, Karkaar iyo Mudug. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga Qayabaha Booliska ee Gobolada Puntland. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidanimo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa G/sare Muumin Cabdi Shire loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug. Waxaa G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal. Waxaa G/sare Cabdi Casayr Yusuf loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar. Xeerkani maanta ka soo baxay madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntlnad oo isbedelka loogu sameeyey taliyayaashii booliiska Puntland ayaa wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Iskshaandheynta lagu sameeyey taliyaashaa booliska Puntland ayaa waxaa ay i maanayaan iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyey xaalada amni ee Puntland ay sii xumanaysay waxaana ka dhacay falal amniga ka soo horjeeda dilal ay la kulmaan mas’uuliyiin iyo ciidamo maamulka ay ka dhacaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Gaari yar oo burbur ka soo gaaray qaraxa Jowhar Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qarax gabal-gaabkii galabta ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle. Inta la xaqiijiyey hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay qaraxa oo ahaa sida la sheegay miino lagu aasay goob lagu shaaho oo ku taala bartamaha magaalada Jowhar. Sidoo kale waxaa dhaawac ka soo gaaray dad ku dhow toban qof oo ay kamid yihiin Xildhibaan ka tirsan Hirshabeelle, Nabadoon iyo saddex gabdhood oo ku ganacsanayey goobta, kuwaas oo dhaawacyadooda lagu daawaynayo Cisbitaalka magaalada Jowhar. Goobta qaraxu ka dhacay waxaa u dhawaa hoteel uu daganaa Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle, waxayna ahayd astaanka laga raaxo gaadiidka Muqdisho. Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle ayaa tagay goobta, kuwaas oo aan ka hadlin qaraxa. PUNTLAND POST The post Khasaare intee le’eg ayaa ka dhashay qaraxii Jowhar? appeared first on Puntland Post.
  3. Empowering Weak Institutions: Reform Finance Ministry and Central Bank Embedding the Ministry of Finance with 19 talented and skilful academics, 95 tax inspectors and 350 taxmen will envisage overhauling the tax system in which more than $550 million of tax due is not collected every year. It is estimated that motorists alone avoid paying $10 million a year in road tax. Large and small companies also do not pay more than $500 million a year of tax dues. The Finance Ministry should recruit extra 464 that will not only collect tax but hold every departmental government to account every shilling of public fund it handles. At the cost of $3,956,000, the government is to increase its annual revenue by an extra $546,044,000, which is more than its annual budget. The millions collected will allow the government to provide good public service, including health, education and construct new road networks. More importantly, over the past years, there has not been enough cash in the economy and the institutions could not engender the right policy to aid the economy. To this end, extra money raised through effective taxation will be injected into the economy to stimulate economic growth. The Central Bank is emasculated to adopt economic stimulation by lack of experts to manage the monetary policy. Embedding the talents with required skills and knowledge will fetch in the treasury more than a billion dollars. In essence, quantitative easing economic policy is an area that has not been exploited let alone seeking loans and grants from the international financial institution, including the World Bank and International Monetary Fund. The message to both institutions is to reform to overcome the challenges impeding their ability to manage both fiscal and monetary policies. Our people are in extreme poverty and thousands of working age are unemployed. That situation was compounded by the impotence of institutions to deploy the skilled and experienced professionals — as without them millions of dollars are lost that deprived the ordinary folks of getting the necessary service from the state— health and education are priorities to them. Ahmed Abdi Isse Social Scientist isseahmed@hotmail.com Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka dhallinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa si weyn uga hor timid qorshe ay Dowladda Soomaaliya ka damacsan tahay inay ka fuliso garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium. Guddiga Heerka sare ee ka hortagga cudurka sida weyn ugu faafaya Adudunyada ee COVID-19 ayaa sheegay in garoonka Muqdisho Stadium lagu karantiili doono ciidamo loo soo tababaray Dowladda Soomaaliya oo laga keeni rabo Sacuudiga iyo dalka Jabuuti. Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha ayaa sheegtay inay tallaabadaas tahay mid aad u qaldan oo aysan marnaba aqbali doonin, iyadoo guddiga ugu baaqday inay dib isugu laabtaan. “Guddiga heerka sare ee ka hortagga Carona (Covid-19) aad iyo aad beey idiinka qaldan tahay ee dib isugu laabta,” ayey tiri. Wasiir Khadiija ayaa sheegtay in Garoonka cayaaraha ee Muqdisho Stadium aan loo cayimin xarunta karantiilka Dowladda, iyadoo arrintaas ku tilmaamay inay tahay xadgudub lagu sameeyey shaqada ay Dowladda u heyso. “Garoonka Ciyaaraha Muqdishana ma ahan goob loo cayimay xarun karantiilka Dowlada waana xadgudub shaqooyinka ee hala joojiyo” Sidoo kale, waxay sheegtay in Stadium Muqdisho ay waar-diyeeyaan boqolaal ka tirsan Ciidamada Booliska Dowladda, sidaas darteedna aysan noqon karin goob lagu karantiilo dadka looga shakiyey cudurka Caronvirus. “Tan 2-aad Stadium Mogadishu boqolaal ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ah ayaa waar-diyeeya, sidoo kale boqolaal kale oo dhallinyaro ah ayaa ka wada howlo dayactir iyo dib u dhis ah, sidoo kale ajaaniib aan u keenay howlaha garoonka oo ku xaadiraya maalin kasta mana noqon karto goob karantiil horayna nalooma weydiinin” ayey hadalkeeda kusoo gabagabeysay. Weli madaxda ugu sareeyo dalka kama aysan hadlin khilaafka ka dhex qarxay Wasiir Khadiija iyo Guddiga Heerka sare ee ka hortagga COVID19, waxaana Wasiir Khadiija loo arkaa inay tahay mid kamid ah wasiirada ugu awoodda badan Xukuumadda Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre.
  5. Daawo:Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Ayaa Xilkii Uu Kala Wareejiyey Isuduwihi Hore Ee Wasaarada Warfaafinta Iyo Isuduwaha Cusub Source
  6. Waxaa shalay xaafadda Brixton ee koonfurta magaalada London lagu aasay Ismail Mohamed Abdulwahab oo 13-jir ahaa kaas oo u geeriyooday cudurka coronavirus ee faraha ba`an ku haya caalmka. Wiilkan yar oo asal ahaan soomaali ah ayaa lagu sheegay ruuxa ugu da`da yar ee cudurka coronavirus ugu geeriyooda dalka Britain. Dhacdada xanuunka badan ee warbaahinta ku baahday ayaa ah sawirrada duugta wiilkan oo ay aasayaan dhowr ruux oo xabaasha lagu aasay ka shaqeysa, waxaana loo diiday duugtiisa in ay ka qeyb-galaan qoyskiisa. Hooyadiis iyo dhowr labo carruur ah oo la dhashay ayaa lasheegay in ay ku karantiileysan yihiib goob la geeyay kadib markii labada carruur ee la dhashay laga helay isla cudurka uu u dhintay walaalkood ee coronavirus. Wiilkan ayaa lagu aasay qabuuraha Eternal Gardens ee Chislehurst, waxaana dadkii aasayay ay wateen qalabka la isaga difaaco bakteeriyada cudurada. Marxuum Ismaaciil ayaa cudurka coronavirus lagu arkay 23. maarso, waxaana la dhigay cusbitaalka King’s College Hospital ee magaalada London. Isniintii lasoo dhaafay ayaa la sheegay in uu u geeriyooday sababo la xiriir sambabada oo iyo wadnaha oo istaagay. Qaran News
  7. Africa Centres for Disease Control and Prevention (Africa CDC) PRESS RELEASE Coronavirus – Africa: African Union Member States (50) reporting COVID-19 cases ADDIS ABABA, Ethiopia, April 4, 2020/ — African Union Member States (50) reporting COVID-19 cases (7,741), deaths (313), and recoveries (640) by region: Central (753 cases, 28 deaths, 27 recoveries): Burundi (3, 0, 0), Cameroon (509, 8, 17), Central African Republic (8, 0, 3), Chad (7, 0, 0), Congo (41, 3, 2), DRC (148, 16, 3), Equatorial Guinea (16, 0, 1), Gabon (21, 1, 1) Eastern (668, 14, 23): Djibouti (49, 0, 9), Eritrea (22, 0, 0), Ethiopia (35, 0, 4), Kenya (122, 4, 4), Madagascar (70, 0, 0), Mauritius (186, 7, 0), Rwanda (89, 0, 0), Seychelles (10, 0, 0), Somalia (7, 0, 1), Sudan (10, 2, 2), Tanzania (20, 1, 3), Uganda (48, 0, 0) Northern (3,280, 217, 357): Algeria (986, 83, 77), Egypt (985, 66, 216), Libya (17, 1, 0), Mauritania (6, 1, 2), Morocco (791, 48, 57), Tunisia (495, 18, 5) Southern (1,601, 14, 50): Angola (8, 2, 0), Botswana (4, 1, 0), Eswatini (9, 0, 1), Malawi, (3, 0, 0), Mozambique (10, 0, 0), Namibia (14, 0, 2), South Africa (1,505, 9, 45), Zambia (39, 1, 2), Zimbabwe (9, 1, 0) Western (1,439, 40, 183): Benin (16, 0, 2), *Burkina Faso (302, 16, 48), Cape Verde (6, 1, 0), Côte d’Ivoire (218, 1, 19), Gambia (4, 1, 2), Ghana (205, 5, 3), Guinea (52, 0, 1), Guinea-Bissau (15, 0, 0), Liberia (6, 0, 0), Mali (36, 3, 0), Niger (120, 5, 0), Nigeria (210, 4, 25), Senegal (207, 1, 66), Sierra Leone (2, 0, 0), Togo (40, 3, 17) *Official source inadvertently reported 50 recoveries instead of 48 for Burkina Faso on 02 April 20 – correct value now listed Distributed by APO Group on behalf of Africa Centres for Disease Control and Prevention (Africa CDC). View multimedia content SOURCE Africa Centres for Disease Control and Prevention (Africa CDC) Qaran News
  8. The @UN in #Somalia confirms that an international employee of a private contractor has been diagnosed with #COVID-19. For more: https://t.co/792T1QTF9q pic.twitter.com/OKxwsWT5kB — UNSOM (@UNSomalia) April 4, 2020 Qaran News
  9. Mogadishu (HOL)- A former soldier was on Saturday sentenced to death by a military court in Mogadishu for murder of a civilian last month. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa xaqiijiyey in qof kale oo ka mid ah qandaraasleyaasha la shaqeeya laga helay cudurka Coronavirus. Waa qofkii labaad ee la shaqeeya UNSOM ee cudurkan laga helay. Qoraal kasoo baxay UNSOM ayaa lagu sheegay in qofka uu shaqaale ahaan ugu diiwaan-gashay shirkad ka howl-gasha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho. Qoraalka ayaa intaas ku daray in qofkan uu Muqdisho soo galay bartamihii bishii March, balse islamarkii uu diyaaradda kasoo degay la karantilay kadibna baaritaan lagu sameeyey lagu helay cudurka. Inkasta oo bayaanka QM lagu sheegay in wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ay ku dhowaaqday kiiskan cusub, haddana ma jiro war rasmi ah oo dowladda Soomaaliya weli kasoo baxay oo la xiriira kiiskan. Qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa shalay lagu xaqiijiyey in laba kiis oo cusub oo ah dad qaba xanuunka Coronavirus laga helay magaalada Muqdisho, taasi oo tirada magaalada ka dhigeysa 5 qof, iyo 7 guud ahaan Soomaaliya, marka lagu daro labada kiis ee Somaliland. Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in labada qof ee kiiska laga helay ee Muqdisho ay kala yihiin qof muwaadin Soomaaliyeed ah iyo ajnabi ku sugan caasimada. Ma cadda in qofka ajanabiga ah ee shalay wasaaradda ay sheegtay uu yahay midka ay ka hadleyso QM, ama in midkan ay sheegtay QM uu yahay mid cusub.
  11. Qodobada ugu waa weyn barnaamij wareedka galab ee GoobjoogFM ayaa kala ah: Madaxweynaha Galmudug iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray degaano iyo degmooyin ku yaalla Waqooyiga gobolka Galgaduud. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway ayaa soo dhaweysay deyn cafinta Kooxda Paris, oo ay ku mideysan yihiin dalal badan, iyo deyn dhaafka Bangiyada Adduunka iyo Afrika. Dowlada Soomaaliya ayaa shaacisay in tirada dadka qaba COVID-19 ay gaartay 7 ruux, oo ajaaniib iyo Somali isugu jira. Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha maamulka Hirshabelle oo baaq ku aaddan ka hortagga cudurka Caronavirus u diray ganacsatada maamulkas. Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay falkii kufsiga ahaa ee degmada Afgooye loogu geystay gabdho yaryar, kuna baaqday in gacanta lagu soo dhigo raggii ka dambeeyay falkaasi. Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Macruuf Xaaji iyo Anfac Aadan cabdi https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar-waredka-galabnimo-04-04-2020-saxxx.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa is bedel ku sameeyey qaar kamid ah Taliyeyaasha qeybaha Booliska ee gobolada Puntland. G/sare Muumin Cabdi Shire oo ahaa Taliyihii qeybta Booliska gobolka Nugaal ayaa loo bedelay gobolka Mudug, halka G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir oo ahaa Taliyaha qeybta Booliska Karkaar loo bedelay Taliya qeybta Nugaal. Sidoo kale Taliyaha qeybta Booliska gobolka Karkaar ayaa loo magacaabay G/sare Cabdi Casayr Yuusuf. Waxaa xilkii laga qaaday Taliyihii qeybta Booliska Mudug G/sare Jaamac Maxamed Axmed (Sandaqad). Hoos ka akhriso digreetada Garoowe: 04 April 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid a Abdullaahi Deni ayaa soo saaray , Xeer Madaxweyne Lr. 25 iyo Lr.26 April 4, 2020, kuna saabsan isku bedel Taliyeyaasha Qaybaha Booliska Gobolada Nugaal, Karkaar iyo Mudug. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga Qayabaha Booliska ee Gobolada Puntland. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidanimo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa G/sare Muumin Cabdi Shire loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug. Waxaa G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal. Waxaa G/sare Cabdi Casayr Yusuf loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. =DHAMMAAD= PUNTLAND POST The post Deni oo is bedel ku sameeyey qaar kamid ah Taliyeyaasha Booliska gobolada appeared first on Puntland Post.
  13. Qofkii labaad oo la shaqeynayey Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay in uu qabo xanuunka Coronavirus, sida uu sheegay Xafiiska UNSOM ee Muqdisho. Qofkan oo ajnabi ah, ayaa ka shaqeyn jiray shirkad ka hawlgasha gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Sida ay sheegtay UNSOM, waxaana qofkan la qabtay bartamihii bishii hore ee Maarso xilligaasoo uu dalka soo galay, isagoo la geeyay goob karantiil oo gudaha oo ku taal gudaha garoonka Muqdisho. Xalay waxay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay in labo ruux oo mid ajnabi yahay laga heley xannuunka Covid-19 , taasoo tirada guud ee dadka laga heley cudurka gudaha Soomaaliya ka dhigtay 7 kiis. Warbixin kooban oo xalay la soo dhigay bogga Wasaaraadda caafimaadka, ayaa lagu sheegay in guud ahaan tirada dadka cudurkan qaba ay gaarayaan 7 ruux, balse Wasaaradda ayaan cadeyn halka ay ku sugan yihiin labadan ruux ee laga helay cudurka. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Laba kamid ah Shaqaalaha Qaramada Midoobay oo laga helay Coronavirus appeared first on Puntland Post.
  14. Mogadishu (HOL)- President Mohamed Farmaajo has called for immediate end to the fighting in Kismayo which has since led to the death of at least 20 people. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Iridda hore ee Xarunta madaxtooyada Villa Somalia waxaa maanta ka dhacay banaanbax ay sameeyeen qaar ka mid ah xaasaska askartii u geeriyootay difaaca dalka sanadihii lasoo dhaafay. Haweenkaan oo xirtay qeybo ka mid ah jidadka madaxtooyada soo gala ayaa sheegay inaysan wax mushaar ah qaadan muddo sanad iyo 3 bilood ee lasoo dhaafay. Xaasaska Arkartii u geeriyootay difaaca dalka ayaa sheegay in laga soo xirtay dhammaan xafiisyada Dowladda sidaas darteedna ay banaanbaxaan u sameeyeen, iyagoo codsaday in mushaarkooda la siiyo. Xaasaskaas ayaa cod dheer ku sheegay inaysan heysan lacag ay raashin ugu iibiyaan ilmihii ay ka geeriyoodeen askartii u dhintay difaac dalka Soomaaliya. Ugu dambeyntii xaasaska ayaa madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ka codsaday inay jawaab deg deg ah ka bixiyaan cabashadooda isla markaasna la siiyo mushaarka ka maqan. Arrintaan ayaa kusoo aadeyso Xilli madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dhawr jeer sheegay inay si gaar ah uga war qabi doonaan qoysaska ay askarta ka geeriyoodeen. Sidoo kale waxay arrintaan niyad jab weyn ku tahay ciidamada hadda ka tirsan askarta Dowladda oo cabsi ka qabo in haddii ay geeriyoodaan ay ku dhacdo qoysaskooda midaan oo kale.
  16. Guddoomiyaha degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose, Cumar Sheekh Nuur oo la hadlay Radio Shabelle ayaa sheegay inay wacyi-gelin looga hortagayo cudurka Coronavirus ka bilaabeen magaaladaasi oo ah caasimadda rasmiga ee K/ Galbeed. Mr. Cumar ayaa tilaamay inay shacabka siiyeen talooyin caafimaad oo ku aadan khatarta cudurkaasi, isagoo ugu baaqay inay muujiyaan taxadar iyo feejignaan. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hakad la geliyey meelaha ay dadka isugu yimaadaan iyo sidoo kale goobaha waxbashada ee degmada Baraawe. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Wax.mp3 View the full article
  17. Warar dheeaad ayaa ka soo baxaya qarax saaka ka dhacay agagaarka deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa qabsaday gaari Dameer ay la socdeen Aabe iyo wiil uu dhalay oo ku socdaalayey halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ku dhintay wiilka, islamarkaana uu dhaawac soo gaaray Aabaha, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo ilagu kalsoon yahay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in meydka wiilka iyo dhaawaca Aabaha ay goobta ka soo qaadeen dad shacab ah oo ku baxay dhibaatada meesha ka dhacday Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulkaa gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan dhacdadaasi. Miinooyinka jidadka lagu aaso ayaa inta badan waxyeelo ay ka soo gaartaa dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan, waxaana dhacdadaan aad uga naxay bulshada ku nool nawaaxida deegaanka Bariire oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
  18. Dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa asbuuc ka dib markii ugu horeysay ka hadashay dagaal labo beelood ku dhexmaraya deegaanno dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, waxaana ka dhashay dagaalkaasi dhimasho iyo dhaawac badan oo soo kala gaartay labada dhinac, iyada oo madaxweyne Axmed Madoobe uu dagaalkaasi ku tilmaamay mid sokeeye. Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxweynaha dowlad gobaladeedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu sheegay in nasiib darro ay tahay in dadka uu ka dhaco dagaal sokeeye iyadoo lagu jiro sanadka 2020-ka isaga oo tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobay dagaalka waxaana uu yiri. “Waa wax laga xumaado iyadoo lagu jiro sanadka 2020-ka ay dhacaan dagaallo sokeeye, sidaas si la eg madaxweynuhu waxaa uu ka digayaa kana tacsiyeynayaa dagaalka ka soo cusboonaaday deegaannada gobolka Jubbada hoose ee hoos yimaado Kismaayo” Si lamid ah Madaxweynaha ayaa xusay si loo badbaadiyo in dhiig dambe uu ku daato inuu amar u jeedinayo laamaha amniga Jubbaland isaga oo daalbaday in ay gacan bir ah ku qabtaan sharcigana ay horkeenaa cid weliba oo ku lug ku leh hurinta colaadda duleedka Kismaayo. “Si looga hortago loona badbaadiyo inuu dhiig dambe uu daato madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland wuxuu ku amrayaa dhammaan laamaha amniga Jubbaland in gacan bir ah ay ku qabtaan sharcigana hor keenaan cid kasta oo dagaalka lug ku leh jabisana xabadjoojinta lagu dhawaaqay” ayaa lagu yiri waxsaxaafadeedka ka soo baxay madaxweyne Axmed Madoobe” Dagaalkan oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku soo noqnoqonayey duleedka Kismaayo ayaa waxaa cid weliba ay sheeganaysaa lahaanshiyaha deegaannada Fuumo Biriq iyo Kooma, kuwaas oo ah dhul daaqsimeed dhaca dhanka xeebta ee gobolka Jubbada hoose , xabad joojinta maamulka Jubbaland uu ku dhawaaqay ayaan la ogeyn sida ay u dhaqan geli karto maadaama labada ciidan aan si rasmi ah loo kala qaadin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay, Maxamed Cabdi Nuur Geeddi (Madax-yareey) oo horay u dilay marxuum, Shaafici Cabdi Xaaji Diiriye. Maxkamadda ayaa sidoo kale Shan Sano oo xabsi Ciidan ah ku ridday, Maxamed C/wali Xasan (Boqol) oo ay ka billaabatay shaqaaqadii lagu dilay marxuumkaas. Dilka marxuum Shaafici Cabdi Xaaji Diiriye ayaa ka dhacay degmada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug 28-kii bishii Maarso ee Sanadkan 2020-ka. View the full article
  20. Xilli ay ku beegan tahay maalinta loo asteeyey maalinta miinada aduunka ayaa waxaa xafiiska howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu soo saaray qoraal uu uga hadlay miinada iyo saameynta ay weli ku leedagay gudaha Soomaaliya. Ergeyga QM ee Soomaaliya, danjire James Swan ayaa ka hadlay sida loogu baahan yahay iskaashi lagaga hortagayo weerarada miinada ee ka dhaca Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu xusay in miinada aysan kaliya khatar ku aheyn nolosha dadka, balse ay dib u dhigeyso dhismaha dowladnimada iyo hormarka dhaqaalaha dalka. Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in iyadoo xilligan lagu jiro feejignaan ku aadan cudurka Coronavirus, hadana ay ka go’an tahay ka qeyb qaadashada dadaalada lagu yareenayo khatarta miinada. Tan iyo sanadkii 2018-kii QM ayaa sheegtay qaraxyada miinada ay dhibaatooyin ka soo gaareen in ka badan 3,279 ruux, taasina ay muujineyso in wali ay jirto khatarteeda. View the full article
  21. Wasiirka Warfaafinta XFS, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa si kulul u cambaayeeyay kufsi arxan darra ah oo ka dhacay Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose. Mudane, Maareeye ayaa ficilkaas ku tilmaamay in uu geystay Qof wax magarad ah oo aan damiir Soomaaliyeed lahayn. “Waxaan si kulul u cambaaraynaynaa ficilka wuxuushnimada leh oo ka dhacay Degmada Afgooye oo lagula kacay Laba Gabdhood oo aad u da’yar, waa tacaddi iyo weerar oo loo geystay Magaca Soomaaliyeed. Wasiirka Warfaafinta ayaa Carrabka ku adkeeyay inay Dowladdu ku raad-joogto Dadkii ka dambeeyay ficilkaas foosha xun oo lagu kufsaday Laba gabdhood oo walaala ah. View the full article