Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,420
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. War ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa faah faahin looga bixiyey duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen deegaanka Buush-Madiino oo ku yaal Soomaaliya. AFRICOM ayaa xustay in duqeyntaasi ay fuliyeen, iyagoo kaashanaya ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya, islamarkaana ay ku beegsadeen Al-Shabaab. Mareykanka ayaa tilmaamay in duqeyntaasi ay ku dilay illaa saddex xubnood oo ka tirsanaa dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab. Sidoo kale Mareykanka ayaa shaaciyey in duqeyntaasi aysan khasaaro ka soo gaarin dadka dagan halka uu weerarku ka dhacay. Si kastaba ha’ahaatee duqeyntaan Mareykanka uu fuliyey ayaa ku soo beegmeysa, xilli maalmo ka hor hay’adda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ay ku eedeysay inuu dad shacab ah ku dilo duqeymaha diyaaradihiisa ay ka fuliyaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin wax isla xisaabtan oo uu la kulmo. View the full article
  2. (SLT-Addis Ababa)-Ra’isal wasaaraha Itoobiya Md Abiy Axmed ayaa qorshe cusub ku wajahaya wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya kaas oo ku aaddan in dhanka Soomaaliya uu hoggaamiyo ra’isal wasaare Xasan Cali Khayre. Warar xogogaal ah ayaa wargeyska Geeska Afrika u sheegay in ra’isal wasaare Abiy oo dhawaan Addis Ababa kula kulmay ra’isal wasaare Xasan Cali Khayre u bandhigay in hoggaamiyo wada hadalka dhanka Soomaaliya, islamarkaana marjac uu u noqdo ka dhigto madaxweyne Farmaajo. Wararku waxay intaasi ku dareen in in Mudane Khayre aqbalay arrintaasi, islamarkaana la wadaagay siyaasiyiinta Somaliland ee Xamar jooga. Sida oo kale waxa la sheegay in ay dhanka telefoonka arrintan kaga wada hadleen Khayre iyo Biixi. Qorshahan cusub ee Abiy Axmed la yimid ayuu ku sababeeyay in Somaliland xasaasiyad ka qabto madaxweynaha Soomaaliya Mr Farmaajo sidaasna uu doorbidayo in dhanka ra’isal wasaaraha lagu dayo. Arrintan ayaa la sheegay in madaxweyne Biixi si kooban dhawaan ugu wargeliyay shirguddoonka baarlamaanka iyo madaxda xisbiyada Somaliland, islamarkaana u ballanqaaday faahfaahin dheeraad ah. Qorshe hore oo Abiy Axmed ku doonayay in uu Farmaajo Hargeysa keeno ayaa u socon waayay laba jeer oo uu isku dayay kadib markii bulshada Somaliland si weyn uga hor timid. Madaxweyne Biixi ayaa laga dhursugaya in uu bulshada Somaliland faahfaahin ka siiyo hannaanka cusub ee wada hadalka iyo arrimaha socda. Maalmihii u dambeeyay madaxda dhaqanka Somaliland ayaa soo bandhigayay doodo ku saabsan in laga qayb galiyo wada hadalka, inkasta oo ay xukumaddu arrintaasi ka hor timid kuna goodisay in sharciga la hor gayn doono. Source
  3. Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in laga helay Soomaaliya Labo kiis oo cusub oo ah cudurka Coronovirus dadka qaba caabuqaan mid waa ajanabi, midna waa muwaadin Soomaaliyeed. Warbixin kooban oo la soo dhigay pege-ka Wasaaraadda caafimaadka XFS ayaa lagu yir guud ahaan 7 qof oo Soomaaliya joogta ayaa qaba cudurka Covid 19. View the full article
  4. Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in saaka xaalad deganaansho ah laga dareemayo duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolkaasi, kadib markii ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed. Ilo deegaanka ah ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay inay haatan socdaan dadaallo lagu dhex-dhexaadinayo labada dhinac, si loo qaboojiyo xiisadaasi. Maleeshiyaadka diriray ayaa lagu soo warrmayaa inay weli is-hor fadhiyaan, balse waxaa haatan socda dadaallo lagu kala qaadayo dhinacyadaasi. Dagaalkii ugu dambeeyey oo shalay dhacay ayaa waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya illaa 10 qof oo u badan dhinacyada ku dagaalamay halkaasi View the full article
  5. Qodabada saakay ugu waa weyn warka subax ee GoobjoogFM ayaa waxa ay kala yihiin: Dowlada Soomaaliya ayaa shaacisay in tirada dadka qaba COVID-19 ay gaartay 7 ruux, oo ajaaniib iyo Somali isugu jira. Safiirka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi ugu baaqday in safaaraddu sii xirnaan doono todobadyo kale. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway ayaa soo dhaweysay deyn cafinta Kooxda Paris, oo ay ku mideysan yihiin dalal badan, iyo deyn dhaafka Bangiyada Adduunka iyo Afrika. Dowladda Soomaaliya ayaa markale dalbatay joojinta dagaal beeleedka Duleedka Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland. Haddaba, halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Hanad Cali Guuleed iyo Anfac Aadan Cabdi https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/saakay-iyo-goobjoog04-04-2020.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-04042020.mp3 View the full article
  7. “Somaliland: Walee Maddane Ayaa Dab Ugu Jira Ninkii hadlayaaba ha iska hadlo eh marka ay tahay masiirka Somaliland ugu dambaysta cidda keliya ee ay wax ka go’aan waa dadka Somaliland oo iyagu xaq u leh in ay go’aankooda ku cadeeyaan afti ay goobjoog ka tahay bulshada caalamku natiijadeedana lagu wada qasban yahay in loo wada hogaansamo. Muwaadin kasta oo u dhashay Somaliland hal cod oo keliya ayuu xaq u leeyahay min Madaxwayne ilaa inanta adhijirta ah; qofna qof caaro ma dheera. Dhinaca Somalia haddii uu mawqifkoodu noqon lahaa “waanu ogolahay xaqa ay walaalahayo Somaliland u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan laakiin kuma qanacsanin in gooni-isu-taagga ama goosashadu ay tahay wax ay u dhan yihiin ama xataa intooda badani ay isku raacsan yihiin, sidaa daraadeed waxa loo baahan yahay in laga qaado afti ay qaramada midoobay iyo bulshada caalamku goobjoog u yihiin” sax bay noqon lahayd. Dawladda Somaliland ma waxay odhan kari lahayd laga qaadi maayo afti dadwayne iyada oo tan iyo 1991kii mawqifka Somaliland uu ahaa “cidda keliya ee leh go’aanka masiirka Somaliland waa dadka ee maaha madaxwayne, xukuumad, iyo baarlamaan midna” maya may odhan karteen Laakiin sua’aashu waxay tahay Dawladda Somalia halkaa ma gaadhi kartaa oo ma ogolaan kartaa in Somaliland laga qaado afti dadwayne? Ilaa hadda waa maya. Sababo dhawr ah ayaa jira oo loo nisbayn karo. Kow Somalia oo aan runtii lahayn dawlad dhexe oo ka talisa dalka tan iyo intii ka dambaysay burburkii Somalia. Laba madaxda Somalia oo aan ahayn siyaasiyiin bisil, xogogaal ah, ka dheregsan wixii la isla soo maray iyo taariikhda siyaasadda ee soomaalidaba guud ahaan. Somalia dadka madaxda ka noqdaana waa shakhsiyaad aan markaa wax badan ogayn ee kuraasida uu ku loolama inta badanna qurbojoog ahaa oo midba inta uu muddo ku maxaabsado ka faroqabsada dabeed marka mid waliba uu muddoxileedkiisu dhamaado baasaaboorkii dalka uu qaatay jinsiyadiisa dib ugu noqda. Marka ay sidaa tahay siyaasiyiinta Somalia ee indhoolayaasha ahi ma hayaan wax ay ka iibin karaan dadka Somaliland oo ay ku qancin karaan inay u dhaanto goon-isu-taaga ay kaga dhegtay. Runtiina kagamay dhegin ee waxa aanay arkayn wax u dhaama oo ay ku doorsan karaan. Dadka Somaliland way arkayeen in Somalia ay ku fashilantay dhismaha nidaam isxukun (dawladeed) oo bal marka hore Somalia maanulkeeda gacanta ku wada dhiga Somaliland haba joogto eh. Waxay ogyihiin xaaladaha nabadgeyo darro 29kii sanadood ee ugu dambeeyay ka jirtay. Waxay ogyihiin in muddadii ugu dheerayd dawladihii kala dambeeyay ee ka jiray Somalia ay ahaayeen kuwo loo sameeyo ee aanay iyagu samaysanin. Arimahaas oo dhan marka ay ogyihiin dadka Somaliland saw xaalku noqon maayo ninka aad kabo ka tolanayso kabihiisaa la eega? Hadaba aniga oo aan jeclayn in aan faahfaahin badan ka bixiyo hadana waxan qabaa in wax isbedelay ay jiraan. Dhinaca Somaliland waxa la moodaa in dadka badankiisa uu ka lunsan yahay itijaahi oo runtii ay galeen mugdi ama asqo siyaasadeed oo waxa isu qaban kari la higsgoodii iyo xaaladda siyaasadda gudo iyo dibadba. Markaa ha la yaabin salaadiintu waxay ka mid yihiin dadka asqada siyaasadda ku jira uun ah. Dhinaca Somalia beryan dambe olole siyaasadeed iyo diblamaasiyadeed oo xooggan ayay wadeen guulo ay ka gaadheena, haba yaraadaan eh way jireen. Intii doorashadu kaabiga soo saartayse xaaladda Somalia lafteedu waxay yeelan kartaa baqaheeda. Hadii ay badbaadaan dagaalo sokeeye oo hor leh oo ay si nabadgeliyo ah doorashado, qaabka ay doontoba ha ugu qabsoonto eh ay qabsoonto natiojaduna noqoto mid la isla ogolaado wallee Somaliland maddane ayaa dab ugu jira hadii inta ay goori goor tahay aan xaaladda sidan wax iska bedelin. Caligurey Hargeysa Source
  8. (SLT-Ceel-afweyn)-Xildhibaan Jamaal Xuseen Cawad, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Degmada Ceel-afweyn, ayaa ku baaqay in sharciga la kor keeno dadkii dhawaan dhimashada iyo dhaawaca ka geystay Deegaan ka tirsan Gobolka Sanaag, waxaanu si gaar ah baaq ugu diray labada Beelood ee ay ka soo kala jeedan dadkii dhibta geystay iyo dadkii dhibta loo geystay. Xildhibaan Jamaal Xuseen Cawad, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Cid kasta oo fidmo abuuraysa in la qabto, oo sharciga la hor keeno ayaa ku baaqayaa, dadkii dhawaan weerarka iyo dhibta geystay waa in sharciga la hor keenaa, oo xukunkooda lagu qaada, dadkii dhibta geystay beesha ay ku soo jeedaan waxaan leeyahay waa inaad soo qabataan dadkiina dhibta geystay, dadka dhibta loo geystay beesha ay ka soo jeedaan waxaan leeyahay idinkuna iska ilaaliya oo dhib ha geysana, ta kale iyada oo dhawaan Shir aad lagu wada faraxay oo Burco inooga dhacay iyo fidno iyo dagaal ka dambeeya looma baahna, ee cid kasta oo fidno abuuraysa aynu iska qabano” Dhinaca kale Xildhibaan Jamaal Xuseen Cawad, ayaa guud ahaan u ducaayey Shacabka Somaliland iyo guud ahaan umadda Muslimka ah, waxaanu ugu ducayey inuu ALLE ka hayo xanuunka halista badan ee dunida saamaynta xoogan ku yeeshay. Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in xanuunka COVID-19 uu soo gaadhay dalka Somaliland, sidaa darteed waxa uu bulshada u soo jeediyey in ay qaataan fariimaha guddiga heer qaran ee ka hortaga xanuunka COVID19. Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa xusay in cudurku oo soo gaadhay magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera, waxana uu yidhi “Maanta Xanuunku Hargeysa , Burco iyo Berbera wuu jooga ee is ilaaliya oo salaanta, isku soo dhawaashaha iyo gacan qaadka joojiya, qof ayaa dilli kara boqol qof isaga oo aan ogayn ama aan masuuliyad iska saarin marka aynu qaadno tallada dhakhaatiirta “ Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu intaasi ku daray “Dad ayaa tijaabadooda la wadaa wayna badan tahay, labadii qof ee hore waynu xaqiijinay inuu hayo, bahalkii (Corona) wuxu inala jooga degelka ee yaynaan is diidsiin “ Ugu danbayn Wasiir Koorre waxa uu bulshada u soo jeediyey in ay qaataan farriimaha guddiga heer qaran ee ka hortaga xanuunka COVID19. “Hooyo kasta iyo qofkasta yaynaan is diidsiin ee ay iska ilaalino oo aqbalno talooyinka Caafimaadka ee dunidus oo jeedinayso , dhakhaatirteena iyo guddiguna ay idinla wadaagayaan” ayuu yidhi Source
  10. London, UK (AFP) - British distance great Mo Farah has insisted he still intends to compete at the Tokyo Olympics even though they have been delayed a year by the coronavirus. Source: Hiiraan Online
  11. (SLT-Addis Ababa)-Wadaxaajoodydii sannadaha badan soo socday ee ku saabsanaa biya xidheenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile ayaan weli xal laga gaadhin. Kulanki ugu dambeeyey ee la rajeeynayey in heshiis lagu gaadhana wuxuu ahaa kii ka dhacay magaalada Washington oo ay Itoobiya ka qayb gelin. Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Gadu Andargachew ayaa wareysi gaar ah oo ku saabsan amuurtan siiyey BBC Amharic wareysiga wuxuu u dhacay sidatan. Wadaxaajoodkii seddex geesoodka ahaa ee Masar, Itoobiya iyo Suudaan u dhaxeeyey ee ku saabsanaa biya xidheenka ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile halkuu marayaa? Dagu Arndargachew: Wadaxaajoodka wuxuu marayaa qaybihi ugu dambeeyey iyada oo uu soo socday muddo sagaal sana ah tani iyo marka ay Itoobiya billaawday dhismaha biya xireenka. Dhismaha biya xidheenka markaan billaawnayba waxaa cabashada ka soo jeediyey dalalka Masar iyo Suudaan anaguna waxaan isku daynay waddamada inaan ku qancinno biya xidheenka aan dhiseyno inuusan waddamadaasi wax dhibaata ah uu u geysaneyn. Kaddibna waddamadu waxay ku baaqeen in la billaabo kulammo si wixi ay isleeyihiin madmadow ayaa ku jira si la isulana meel dhigo. Wadahadallo dheer kaddibna Itoobiya waxay oggolaatay iney khubara ka socda waddamada Jarmalka, Faransiiska, Ingiriiska, Koonfur Afrika, Masar, Suudaan iyo Itoobiya ay daraasad ku sameeyaan saameynta biya xidheenka ay Itoobiya dhiseyso uu u geysan karo waddamada Masar iyo Suudaan. Wadaxaajoodyada marxalada kala duwan waxay soo maraanba wuxuu hakad galay 2018-kii maadaamaa ay Masar diidday iney saxeexdo. 2019-kina Masar ayaa haddana soo jeedisay iney diyaar u tahay wadaxaajoodyada iney dib u billaawdaan qaybna ay ka noqoto, Suudaanna sida oo kale waxay u soo noqotay wadahadalladii. Arrima dhowr ah isafgarasho ayaa laga gaaray haddana waxaa jiray arrima la isku mari waayey, kaddibna madaxda Itoobiya iyo Masar waxay ku kulmeen magaalada Sochi ee dalka Ruushka iyaga oo ku heshiiyey iney wadaxaajoodyada dib u billaabaan. Mareykanka ayaa sida oo kale dalbaday inuu wadaxaajooda uu gacan ka geysto iyada oo kaashaneyso Bangiga Adduunka annagana wada xaajoodka waan oggolaannay. Mareykanka ayaana soo jeediyey qodobba aan noo cuntamin oo u janjeeray rabitaanka Masar annaguna waan diidnay inaan heshiis ka gaarno arrimihi la isku mari la’aa sidaa ayeyna wadaxaajoodyadu ilaa iyo hadda ku taagan yihiin oo ay hakad u galeen. Dowladda Itoobiya maxaa kala gudboon arrimaha wadaxaajoodka? Dagu Arndargachew: Anagu waxaan aaminsannahay haddii la wada hadlo in la heshiin karo. Balse dhinaca Masar hal arrin ayaa laga sugayaa Biyaha aan isku hayno waa kheyraad ka dhaxeeya Itoobiya, Masar iyo Suudaan marka iney aaminaan iney Itoobiya xaq u leedahay iney kheyraadkeeda ka faa’ideysato uu yahay xaq lama taabtaan oo ay leedahay, wixi intaa ka soo hara ee lagu kala duwan yahay wadahadallo ayaa lagu dhammeyn karaa. Heshiisna lama gaari karo ilaa uu dalba dalka kale xuquuqdiisa uu u oggoleen, gaar ahaan Masar waxay dooneysaa heshiiski guumeysiga ee caddaalad darrada ku dhisnaa ee ay 1959-kii wada galeen Masar iyo Suudaan inuu sii socda rabitaanka ay u muujinayaan waa iney joojiyaan. Wixi intaa ka baxsan Itoobiya waxay diyaar u tahay in wadahadal lagu dhammeeyaa xoogagga seddexaad ee isku dayaya iney faragelin iyo cadaadis nagu sameeyaan ay faragelintooda joojiyaan. Waxaa jira warar sheegaya Mareykanka inuu Itoobiya ku cadaadiyey heshiis iney gasho marka Itoobiya maxay arrintaa kaga jawaabeysaa? Dagu Arndargachew: Marka hore Mareykanka wuxuu aad nooga caawiyey arrimaha lagu kala fogaa in la isaga soo dhawaado oo taasi ma aha mid la dafiri karo. Hase yeeshee, Mareykanka wuxuu rabay in heshiiska degdeg lagu soo afjaro oo ay degdeg u arkaan wadahadallada sanadaha badan soo socday oo heshiis lagu soo afjaray. Annaguna waxaan iska taagnay heshiiskan ‘inaan degdeg’ lagu soo afjari karin maadaamaa uu yahay mid quseeyo masiirka jiilka hadda jooga iyo jiilka soo socdaba. Waxaan sida oo kale soo jeedinnay heshiis haddii la gaaraya iyo haddii kalaba iney go’aanku iska leeyihiin seddexda dal ee ay arrinta u dhaxeyso oo aan loo baahneen cid kale iney faragelin toos ah ku sameyso. Wasiirka Maaliyadda Mareykanka ayaana si gaar ah isugu dayay inuu nagu cadaadiyo waxyaaba aan raalli ka ahayn oo heshiiskaasi la xiriiro annagana waxaan u sheegnay iney sax ahayn oo aan aqbleyn. Marka Mareykanka iyo Bangiga Adduunka haddii ay dhexdexaadinta markale u soo noqdaan Itoobiya wax dhib ah kuma qabto miyaa? Dagu Arndargachew: Wadaxaajood kasta oo la yeelanayo waa inuu ahaadaa mid ku saleysan mabaadiida, balse Itoobiya dhib uma aragto cidda dhexdhexaadinta ka qayb qaadaneyso iyo cidda ka baxeyso, waxaase marwalba in la ogaado u baahan doorka seddexda dal uu heshiiska u dhaxeeyo ay arrintan ku leeyihiin cid kale oo beddeli karto iney jirin. Masar 90% biyaha waxay ka heshaa Wabiga Abaay (Nile). Sidaa darteed waxay aaminsan tahay biya xireenka inuu saameyn uu u geysanayo biyaha ay heli jirtay, marka cabsida ay Masar muujisay miyuusan macquul ahayn? Dagu Arndargachew: Masaaridu waxay doonayaan inaan saxiixno heshiis aan caddaalad ahayn. Annagana waxaan u sheegnay maadaamaa heshiiskaasi uu waxyeelleynayo danta guud ee qaranka inaan saxeexeynin. Iyaga oo ka duulaya mowqifka Itoobiya ay iska taagtay waxay billaabeen olola ballaadhan. Ma hubo iney ku guuleysan doonaan ololahaasi weynu arki doonnaan, balse waxaan aaminsanahay waddada ay ku socdaan iney sax ahayn. Haddii ay isleeyihiin Itoobiya haddii aan saarno cadaadis diblomaasiyadeed heshiiskan ay danta ugu jirin wey saxeexeysaa waa midaan marnaba suuragaleyn. Biya xidheenkana waxaa laga dhisayaa jeebka shacabka saboolka ah ee dalka Itoobiya. Marka biya xidheenkan heshiis kasta oo ku saabsan oo la galayo haddii uusan ahayn mid aan xaqiijineyn faa’idooyinka waara ee ay biya xidheenka iyo wabigaba ay ka leedahay inaan cadaadis iyo cabsi gelin u marnaba ku suuragaleyn. Waxaase wanaagsan walaaladeen si deggan inaan u wada hadalno wixi aan isku diiddannahayna aan dabcinno wax walba waa dhammeyn karnaa. Itoobiya ma dooneyso arrinta Abbay iney noqoto xuddunta khilaafka iyo ismari waaga oo waxaan doonaynaa wabiga inuu noqdo mid iskaashi ku qotoma oo ay dalalku ka wada faa’ideystaan. Korontada ay Itoobiya ka dhalineyso biya xidheenka waxaa ka faa’ideysanaya Itoobiya, Suudaan iyo Masar waa haddii ay dooneyso. Itoobiya oo ah dal dadaal ugu jiro sidi uu dhaqaalahiisa uu u kobcin lahaa waxayna dooneysaa waddamada deriska la ahna iney horumar la mid ah gadhaan. Source: BBC Somali Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay xiisada colaadeed ee ka soo cusboonaatay deegaano hoos yimaada magaalada Kismaayo ee gobolka J/Hoose. Kulan oo uu gogoshiisu dhigay wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), islamarkaana ay ka qeyb galeen odayaal dhaqameedyo iyo waxgarad ka soo jeeda Jubbaland ayaa waxaa looga arrinsaday, sidii loo qaboojin dagaal beeleedyada weli ka socda duleedka magaaladaasi. Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaliya, islamarkaana kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dadka deegaanadaasi aysan xamili karin dagaal, loona baahan yahay in wax weliba lagu dhameeyo wadahadal. Sidoo kale wuxuu intaasi ku darayin wixii dhib ah ee dhacday dib la’isaga imaan doono, lagana xaali doono. Dhankiisa wasiir Oomaar oo madasha ka hadlay ayaa ka dalbaday beelaha diriraya inay dagaalka ku joojiyaan shuruud la’aan ah, si looga baaqsado inuu dhiig kale daato. Ugu dambeyn wuxuu fariin u diray dad uu sheegay inay buun-buuninya colaadaasi, isagoo ugu baaqay in aysan marin habaabinin dadka Soomaaliyeed.
  13. Madasha Xisbiyada ka dhisan Muqdisho ee uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa war ka soo saaray doorashooyinka lagu wado in ay dalka ka dhacaan dhamaadka sanadkan 2020/2021. War-saxaafadeed kasoo baxay Madashada Xisbiyada ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay ka caga-jiidayso in dalka doorasho ka dhacdo, ayna dhaqaajin la’dahay taaba gelinta hanaanka xisbiyada badan ee haatan dalka ka jira. War-saxaafadeedka Madasha ayaa waxaa lagu sheegay in doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhacaan waqtgii loogu talagalay isla markaana aysan dhicin wax muddo kororsi ah oo ay sameeyaan Madaxda talada dalka heysa. Madasha Xisbiyada ayaa tilmaamay in dowladda iyo dowlad goboleedyada dalka jira looga baahan yahay inay u qoondeeyaan dhaqaalo doorashooyinka soo socda, sidoo kalena hanaanka Doorashada dalka inuu noqdo mid mideysan oo isku mid ah. PUNTLAND POST The post Madasha Xisbiyada Qaranka oo war ka soo saaray Arrimaha doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
  14. Ethiopia is going to allow new entrants to offer mobile money services as part of its $10 billion home-grown economic reform agenda. Source: Hiiraan Online
  15. Somali Journalists Syndicate (SJS) condemns the recent threats of intimidation and censorship against journalists reporting Covid-19 in Mogadishu and Hargeisa. Source: Hiiraan Online
  16. Soomaaliya oo shaacisey kiisas cusub oo Coronavirus oo soo kordhay Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in laba kiis oo cusub oo Coronavirus ah laga helay Soomaaliya, iyada oo tirada dadka cudurka laga helay ka dhigeyso 7 qof, halka 1 qof oo ka mid ahna uu cudurka ka bogsaday. Wasaaradda caafimaadku ayaa waxay sheegtay in 2-da qof ee cudurka haleeyay ay kala yihiin muwaaddin Soomaali ah iyo qof Ajnabi ah. Horay ayay Guddiga sare ee u xilsaaran xakamaynta xaaladaha fayraska Corona oo shir jaraa’id ku qabtay Isbitaalka Martiini u sheegeen in Soomaaliya laga helay 5 qof oo qabta xanuunka Corona, halka 17 kalena baaritaan lagu hayo. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed ka tirsan Guddiga sare ee ay Dowladdu u xilsaartay xakamaynta xaaladaha COVID-19 ayaa Bulshada usoo jeediyay in aysan qarsan haddii ay isku arkaan calaamadaha xanuunka, isagoona sheegay inuu ka cabsi qabo inuu Dalka ku Laba qarxo maaddaama ay Dadka qaarkii qarsanayaan. “Wuu jiraa xanuunka ha difirin, Dadka ka ilaali. Naftaada ka ilaali waa xanuun saf mar ah oo kugu dhici kara, qor walbana ku dhici kara, waa farrinta aan Jecelnahay inaan Dadka la wadaagno”, ayuu yiri Cabdirisaaq. Wuxuu Dadka ugu baaqay in aysan ka baqin xanuunka, kuna daydaan sida ay Bulshada caalamku usoo bandhigaan, wuxuuna baaq u diray Dadka isaga shakiyay ee ku sugan guryahooda iyagoo ka baqaya in la takooro macna qaldanna ka aaminsan. Dowladda Soomaaliya ayaa xarun lagu Karantiio Dadka qaba Cudurka Corona ka hirgelisay Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho, waxanay howl-wadeennada goobtan ku boorrinayaan Bulshada in ay u dhega nuglaadaan talooyinka iyo wacyi-gelinta hay’adaha Caafimaadka ee Dalka. Xanuunka coronavirus ayaa saameyn weyn ku yeeshay howlihii guud ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan dhaqdhaqaaqyadii waxbarshada oo hakad galay. Dowladda Soomaaliya ayaa qaadday tallaabooyin dhowr ah oo looga hortagayo inuu cudurkan ku faafo dalka. Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ah in la xiray dugisayda Quraanka Kariimka iyo Mawlacyada lagu barto Diinta ee ka furan waddanka. Xayiraadda ayaa la sheegay inay socon doonto labo todobaad iyadoo dib loo eegi doono labo todobaad kadib haddii la furayo dugsiyada iyo haddii waqti kale lagu darayo. Balse Xukuumadda Federaalka ayaa sheegtay in ilaa iyo amar dambe ay sii xirnaan doonaan Duullimaadyada dibadda iyo gudaha, iskuulada, dugsiyada Qur’aanka iyo jaamacadaha, isagoona dhinaca kale carrabka ku dhuftay iney lagama maarmaan tahay in la joojiyo dhammaan xafladaha iyo in sare loo qaado foojignaanta fayraska Corona. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo go’aankan shaaciyay ayaa shirkadaha Isgaarsiinta ka codsaday inay waqtiga ugu badan siiyaan wacyi gelinta fayraska Corona, waxa uuna dhanka kale ganacsatad ugu baaqay inaysan sare u qaadin sicirka raashinka daruuriga ah. Qaran News
  17. Two French doctors have been accused of racism after a TV debate in which one suggested trials in Africa to see if a tuberculosis vaccine would prove effective against coronavirus. Source: Hiiraan Online
  18. Wasiirka dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa si adag uga soo horjeesatay in Garoonka Muqdisho Studium laga dhigo Goob lagu karantiilo dadka looga Shakiyo Cudurka Coronavirus. Wasiir Khadiija Waxa ay sheegtay in Garoonka Muqdisho Studium uu ku socdo dayactir, islamarkaana uu marayo meel gabagab, si loo dhameystirana aysan macquul aheyn in dowladdu ay keento dad looga Shakisan yahay Corona Virus. Sidoo kale, waxay sheegtay in Garoonka ay ka howlgallaan Ciidamo ka badan 100 Askari iyo Shaqaalle isugu jira Soomaaliya iyo Ajnabi oo ku howlan dhismaha Garoonka iyo xaqiijinta Ammaankiisa. Mrs. Khadiija ayaa carrabka ku adkaysay in marnaba aysan aqbali doonin tallaabadda Xukuumaddu ku doonayso in goobtaasi noqoto bar karantiil. Hadalka Wasiir Khadiijo ayaa yimid ka dib markii Agaasimaha Wakaaladda dhismaha Qaranka iyo Mas’uuliyiin ka socday Ciidanka Asluubta iyo Gobolka Banaadir ay shalay Shaaciyeen in goobtaasi ay noqon doonta goobaha karantiilka. PUNTLAND POST The post Wasiir Khadiija oo diiday in dadka looga shakiyo Coronavirus lagu karantiilo Muqdisho Studium appeared first on Puntland Post.
  19. Madaxweyne amray in toogasho lagu dilo qofkii diida xayiraadda coronavirus Madaxwetnaha dalka Philippine, Rodrigo Duterte, ayaa ka digay in laga dhaga adeygo amarka ay dowladdu xayiraadda ugu soo rogtay waddankiisa, si looga hortago faafitaanka caabuqa coronavirus, isagoo sheegay ku xadgudba amarkaas toogasho lagu dili doono. Waxa uu sidoo kale hanjabaad culus u jeediyay dadka tacaddiyada u geysta shaqaalaha caafimaadka, kuwaasoo uu sheegay inay galayaan dambi aad u culus oo aan loo sii dul qaadan doonin. Khudbad telefishinnada laga sii daayay ayuu Duterte ku sheegay inay muhiim tahay in qof walba uu u hoggaansamo amarka karantiilka ah ee lasoo rogay, xilli dowladdu ay isku dayeyso inay yareyso dadka uu ku dhacayo coronavirus si aan loo buux dhaafinin xarumaha caafimaadka ee tabarta yar. Dalka Philippines ayaa soo tabiyay 96 dhimasho oo ka dhalatay coronavirus, halka tirada dadka uu ku dhacay cudurka ee waddankaasna lagu sheegay 2,311 qof. Hase yeeshee waxaa dalkaas laga xaqiijiyay 3 kiis muddadii saddexda isbuuc ahayd ee lasoo dhaafay gudaheeda, xilli hadda lagu soo warramayo in uu cudurkan boqollaal qof ku dhacayo maalin walba. “Xaaladdu way kasii dareysaa. Marka waxaan mar labaad idiin sheegayaa inaad si dhab ah u fahantaan dhibaatada oo aad wax maqashaan,” ayuu yiri Duterte oo hadlayay galinkii dmabe ee maalintii Arbacada. “Farriinta aan booliska iyo milatariga u dirayana waxay tahay … haddii ay dadku dhib keenaan, oo idinla dagaallamaan, naftiinnana khatar galiyaan, toogasho ku dila.” “Hadalkaas ma la fahmay? Waad dhimaneysaan. Intii aad dhibaato keeni lahaydeen, Aniga ayaa idin aasaya.” Hadalka madaxweynaha ayaa yimid kaddib markii warbaahinta qaar laga sheegay in Arbacadii la xir xiray dad ku mudaharaadayay xaafadaha saboolka dagaan, kuwaasoo ka cabanayay inuusan ku filneyn raashinka ay dowladdu ugu deeqdo. Wuxuu sidoo kale kuwoo aaday caro kasoo yeertay shaqaalaha caafimaadka oo ka dhiidhiyay tacaddiyo loogu geystay isbitaallada iyo cunsuriyad iyo sidoo kale jirdil ay kala kulmeen qaar ka mid ah shacabka. Mr Duterte ayaa sheegay in loo baahan yahay in waxyaabahaas oo dhan ay joogsadaan. Dadka xuquuqda rayidka u dooda ee waddankaas ayaa si weyn uga soo horjeestay habka uu madaxweynaha u wajahayo arrintan, iyagoo ku eedeeyay inuu horseedayo qalalaase horleh, uuna doonayo inuu geysto kuwo la mid ah xadgudubyadii uu ku kacay markii uu dagaalka kula jiray daroogada. Xilligaas waxaa la sheegay in booliska iyo rag hubeysan oo aan la garaneynin ay toogasho ku dileen kumannaan qof oo lagu eedeeyay inay daroogo isticmaalayeen ama iibinayeen. Hase yeeshee, booliska dalkaas ayaa ku dooday in howlgalladooda ka dhanka ah daroogada ay yihiin kuwo sharciga waafaqsan. Xafiiska Duterte ayaa hadalkiisa ku qeexay wax aan loola jeedin in si dhab ah loo sameyn doono. Taliyaha guud ee booliska dalkaas ayaa Khamiistii sheegay in boolisku ay ay fahmeen hadalka Duterte, oo muujinayay sida uu madaxweynaha dhab ugu qaadanayo amarka lagu soo rogay dadweynaha, islamarkaana aysan jiri doonin cid la tooganayo. Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa canbaareysay hadalka madaxweynaha Philippine. Agaasimaha Amnesty, laanteeda Philippine, Butch Olano, oo arrintan ka falcelinaya ayaa yiri: “Waa xaalad naxdin leh in madaxweyne Duterte uu mar kale 2amarka toogashada’ siiyo booliska, oo ah hay’ad dilaa ah oo aan lagula xisaabtamin ficilladeeda, tallaabadaasina ma aha mid lagula tacaali karo cudurka safmarka ah ee COVID-19.” “Habkan tacaddiga ah ee loo adeegsanayo dadka ka mudahataadaya karantiilka iyo xarigga faraha badan ee ilaa maanta loo geysanayo dadka u badan kuwa saboolka ah, waa tusaale kale oo muujinaya nidaamka khaldan ee ay dowladda waddankaas ku wajaheyso dadka horayba ugu dhibaatoonayay sidii ay u heli lahaayeen baahiyaha aasaasiga ah.” Qaran News
  20. Ciidamada Badda Mareykanka oo xilka ka qaaday kabtan sir culus fashiliyey Capt Brett Crozier wuxuu qoray warqad uu tallaabo degdeg ah ku dalbaday Kabtanka Ciidamada Badda Mareykanka ee USS Theodore Roosevelt ayaa xilka laga qaaday kaddib markii uu sheegay in Ciidamada Badda Mareykanka aysan wax weyn ka qaban xanuunka coronavirus ee ka dillaacay gudaha markabka qaada diyaaradaha. War uu soo saaray ayuu Kabtan Brett Crozier wuxuu ku boorriyay madaxda ka sarreysa inay wax ka qabtaan ciidamada Mareykanka ee ku dhimanaya meel ka baxsan dagaalka. Balse sii hayaha Xoghayaha taliska Ciidamada Badda Mareykanka Thomas Modly ayaa sheegay in kabtanka uusan hubsan wuxuu sheegayo. Ugu yaraan 100 qof oo saarneyd markabka ayaa fayraska qaaday, sida ay wararku sheegayaan. Muxuu sheegay Xoghayaha Ciidamada Badda Mareykanka? Khamiistii la soo dhaafay, Mr Modly ayaa weriyeyaasha u sheegay in kabtan Crozier loo cayriyay sababo la xiriira inuu warqad u dusiyay warbaahinta. Wuxuu sheegay in warqadda “ay abuurtay aragti ah in Ciidamada Badda aysan ka jawaabeynin su`aalihiisa”. “Waxay abuureysaa aragtida ah in Ciidamada Badda aysan shaqdooda gudaneynin; oo aysan dowladdu shaqadeeda qabsaneynin. Taasi maaha run.” Xubnaha aan qabin fayraska ee markabka ay saarnaayeen in ka badan 4,000 oo shaqaale ah ayaa haatan lagu karantiilay Guam kaddib markii barasaabka jasiiradda Mareykanka ee ku taalla galbeedka Badweynta Pacific uu sheegay inay sii joogi karaan inta ay doonaan haddii aysan dhexgaleynin bulshada. Ilaa iyo haatan, shaqaalaha markabka ayaa ku sugan saldhigga maraakiibta. Maxaa ku qornaa warqadda kabtan Crozier? Wuxuu uga digay Pentagon-ka in xaaladda fayraska ee markabkiisa ay ka sii dareyso, sababtuna ay tahay in shaqaalaha ay ku nool yihiin meel ciriiri ah. “Kuma jirno dagaal. Shaqaalaha maraakiibtu ma doonayaan inay dhintaan,” ayuu ku yiri warqaddiisa oo afar bog ka koobneyd, kuna asteysneyd 30-kii March. Kabtan Crozier ayaa ku baaqay in si degdeg ah wax looga qabto xaaladda, isagoo sheegay in shaqaalaha markabka ee aan fayraska qabin ay tahay in laga dejiyo markabka lana karantiilo. Warqadda ayaa markii dambe waxaa lagu soo daabacay San Francisco Chronicle. Sidee ayaa looga falceliyay? Warsaxaafadeed ay soo saareen guddiga hoggaamiyeyaasha Dimuqraaddiga ee Aqalka Ciidamada: ayaa lagu yiri “Iyadoo Kabtan Crozier uu si cad uga weecday xeyndaabka kabtannimadiisa, shaqo ka ceyrintiisa xilligan adag… waa tallaabo xasilooni darro muujineysa taas oo xubnaha guddigeenna gelin karta khatar isla markaana wiiqi karta shaqadooda.” “In kabtanka xilka laga qaado iyadoo aan baaritaan buuxa la sameyn ma xallin doonto xasaradda ka dhex taagan USS Theodore Roosevelt.” Qaran News
  21. Ayan Abdirahman Jama, 31, denies allegations in Federal Court application Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inaysan wax jawaab ah ka bixineyn baaqii wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan ee ahaa inay xabad-joojin sameeyaan islamarkaana hakiyaan weerarada, si diiradda loo saaro la-dagaalanka cudurka Coronavirus ee Soomaaliya. Qoraal uu James Swan soo saaray 31-kii March ayuu ku yiri “Halkan Soomaaliya, QM waxay ku baaqeysaa in la joojiyo dhammaan ficillada rabshadaha iyo argagixisada, si dhammaan kheyraadka iyo taageerada loogu jiheeyo dagaalka ka dhanka ah COVID-19. Tani waa muhiim si caawimaadda lagu bad-baadinayo noloshada loo gaarsiiyo bulshooyinka dalka oo dhan.” Si kastaba, afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay “inaan la gaarin waqtigii ay ka jawaabi lahaayeen inay aqbalayaan codsiga QM ee ah hakinta weerarada iyo in kale, iyo inay u ogolaanayaan shaqaalaha caafimaadka inay gaaraan goobaha ay maamulaan.” Inkasta oo Al-Shabaab ay sheegtay inaysan jawaabeyn, haddana khuburada amniga ayaa ku macneeyey tani inay la macno tahay inay sii wadayaan weerarada, ayada oo kadib codsigaasba dhowr weerar ka kala fuliyey Muqdisho iyo Puntland. Kooxda Al-Shabaab ayaa horey ugu eedeysay ciidamada shisheeyaha ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya iyo dowladaha taageera “inay kaalin ka qaadanayaan” faafitaanka cudurkan. “Waxaa bulshada Muslimka ah loogu baaqayaa inay ka digtoonaadaan cudurada faafa ee kusoo badanaya dunida sida Coronavirus iyo HIV-ga, taasoo ay faafinteedu kaalin lixaadleh ka qaadanayaan ciidamada saliibiga ah ee dalka kusoo duulay, iyo dolwadaha gaalada ah ee taageerada siiya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in kiisaska dadka laga helay cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ay kordheen oo ay gaareen 7 qof, halka markii hore ay ka ahaayeen 5. Qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyey in laba kiis oo cusub oo ah dad qaba xanuunka Coronavirus laga xaqiijiyey magaalada Muqdisho, taasi oo tirada magaalada ka dhigeysa 5 qof. Waxaa sidoo kale hore loo xaqiijiyey laba kiis oo deegaanada Somaliland ah, taasi oo tirada guud ee Soomaaliya ka dhigeysa 7 kiis.
  23. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa u digay shakhsiyaadka baraha bulshada ku buun-buuniya wararka ku saabsan colaad beeleedka ka aloosan duleedka Magaalada Kismaayo ee Jubaland. Wasiir Oomaar ayaa sheegay in ay isku mid yihiin maleeshiyaadka dagaalka ku jira iyo kuwa baraha Bulshada soo dhiga dadka waxyeelada gaartay iyo waxyaabaha kale ee qaybta ka noqon kara kicinta dadka. “Dowladda Soomaaliya waxa ay u digeysaa dadka Baraha Bulshada Soo dhiga waxyaabaha sii hurinaya dagaalka, waa isku mid dadka dagaalamaya iyo kuwa baraha Bulshada soo dhigaya, waxa aan leenahay iska dhaafa, haddii kale waxaa la idinka qaadayaa tallaabo” ayuu yiri Wasiir Oomaar. Xukuumadda Soomaaliya waxa ay markale dalbatay in miiska wadahadalka lagu dhameeyo dhammaan waxyaabaha ay kala tirsanayaan beelaha Maleeshiyaadkooda ku dagaalamayaan duleedka Kismaayo. Wada-xaajood dhexmara labada dhinac ayuu shegay in looga baaqsan karo daadashada dhiig kale wuxuuna ku baaqay in loo istaago daminta Xiisadda labada dhinac ka dhex aloosan. PUNTLAND POST The post Wasiir Oomaar oo ka digay in baraha bulshada laga huriyo colaadd duleedka Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  24. Duuliye u dhashay Dalka Kenya oo naftiisa u sadqeeyay badbaadinta muwaadiniin Kenyan ah oo ku xayirnaa Magaalada Newyork-USA Duuliye sare oo ka tirsanaa shirkadda Diyaaradaha Kenya Airways ayaa naftiisa u lumiyay si uu usoo daad gureeyo muwaadiniin Kenyaan ah oo ku xayirnaa magaalada New York City, ee uu aadka ugu faafay coronavirus. Kabtan Daudi Kimuyu Kibati, oo bukooday 29-kii Maarso, aya geeriyooday 1-dii Abriil, toddobaad kadib markii uu gutay waajibaadkiisii qaran ee u dambeeyay ee uu dadkiisa kagasoo daad guranayay Maraykanka. Geeridiisa waxaa shaaciyey Xoghayaha Golaha Caafimaadka Mutahi Kagwe intii lagu guda jiray shirkiisa jaraa’id ee Khamiistii shalay, isagoo kamid noqday labo bukaan oo u geeriyooday fayraska covid 19. Kabtan Kibati wuxuu mas’uul ka ahaa duulimaadkii ugu dambeeyay ee ka imaanayay New York kuna sii jeeday Nairobi, isagoo ka daadgureeyay halkaas Kenyaan ku xayiran Mareykanka, ka hor inta aysan xayiraadda dowladda ka qaadin duullimaadyada caalamiga ah Arbacadii hore. Sida laga soo xigtay ilo wareedyo ka tirsan Shirkadda Diyaaradaha Kenya ee codsaday in aan magaceeda la shaacin, Kabtan Kibati, oo duuliye ka ahaa diyaaradda ‘Dreamliner 787’, ayaa loo xilsaaray inuu dadka reer Kenya ka daadgureeyo magaalada uu fayraska aad ugu faafay ee New york, iyadoo lagu sugnaa waqti aad u adag. Markii uu gaaray Maddaarka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta bishii Maarso 24, wuxuu go’aansaday inuu isku-karantiilo hudheelka Ole Sereni, isaga iyo caawiyihiisii. Maalmo kadib ayaa laga helay cudurka, isaga oo ka halleelay cunnaha, ugu dambayna uu u geeriyooday. Kabtan Kibati, waxay da’diisu ahayd 61 jir, waxaa uu kamid ahaa saraakiishii howlgabka ka noqday Ciidanka Cirka Kenya. Waxaa uu noqday geesi qaran oo noloshiisa u lumiyay si uu u badbaadiyo dadkiisa ku go’doonsanaa dibedda. Qaran News
  25. Luuq (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah oo cusub ay soo gaareen degmada Luuq ee gobolka Gedo, ayaga oo kusoo wajahan deegaano kale oo ka mid ah Jubaland. Ciidamadan oo dhowaan kasoo gudbay xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa saraakiil la hadlay Caasimada Online waxay sheegeen inay ku wajahan yihiin gobolka Jubbada Dhexe. Goobjoogeyaal ayaa Caasimada Online u sheegay ciidamada Itoobiyaanka ay xiran yihiin dharka iyo Koofida Cagaaran ee ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Amisom, ayna ku socdaan gaadiid ay ku buufsan tahay sumaddda Amisom. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee wehliya kuwa Itoobiya ayaa sheegay in u jeedka ciidankaas uu yahay gacan ku dhigista Gobolka Jubada Dhexe, oo ay gacanta ku hayso kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, saraakiil ka tirsan maamulka Jubaland ayaa ku tilmaamay ciidankan kuwa dalka si sharci-daroo ah ku jooga, oo ku gabanaya magaca Amisom, ayaga oo taageeraya qorshaha dowladda federaalka ah ay ku qabsaneyso deegaanada Jubaland. Saraakiisha Jubaland ayaa sidoo kale ku dooday in ciidamada Amisom ee xilligaan ku sugan deeganada Jubaland ee ka socda Kenya iyo ciidamada daraawiishta Jubaland ay ku filan yihiin aminga deegaanada Jubaland islamarkaana aysan jirin sabab ay dowladada Itoobiya ay ciidamo ugu soo dirto Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen. Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ayaa waxaa muddo u dhaxeeya xiisad hogaamisay dagaal ka dhacay degmada Beled-Xaawo, waxaana kala taageeraya ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya.