-
Content Count
214,420 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane, Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Dhagax dhigay dhismaha xarunta Taariikhiga ah Ex-Baarlamaan oo ku taalla Degmada Boondheere. Ujeedka Dhagax dhigga ayaa ah mid ay Dowlada hoose ee Xamar ay ugu talagashay in dib u dayactir iyo qurxin lagu sameeyo xaruntani si Bulshada ay ugu soo dalxiis tagaan ugana bogtaan Taariikhda ay goobtani leedahay, maaddaama xarun u ahayd Barlamaankii ugu horreeyay ee Soomaaliya ee 1960. Xaruntan ayaa sidoo kale ka mid noqon doonta goobaha loogu talagalay in lagu dabaal dago Maalmaha xorriyadda. View the full article
-
Faah faahin dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal beeleed khasaare geystay oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa ka qarxay deegaanka Bali-Cad oo hoos yimaada magaalada Cadaado ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegay in dagaalka oo u dhexeeyey laba maleeshiyo beeleed uu yimid, kadib markii ay isku qabteen arrimo la xariira dhul-daaqsimeed. Ugu yaraan illaa labo qof ayaa ku dhintay dagaalka, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Xaaladda ayaa ah weli mid kacsan, waxaana is-hor fadhiya maleeshiyaadka labada dhinac oo dhaq dhaqaaqyo ka wada halkaasi. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Guddida heer qaran ee ka hortaga Xanuunka Covid19 ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Shirkadaha dalka keena Qaadka. Kulankan oo daarranaa sidii laysaga xog waraysan lahaa xaaalda waddanku ku jiro iyo xabsida laga qabo faafitaanka xanuunka Covid 19 iyo i xal looga gaadhiga lahaa qaadka. Masuuliyiinta Shirkdaha qaadka keena Waddanka oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin Amar kasta oo kasoo baxa guddida heer qaran ka hortaga xanuunkaasi xattaa haddii la joojinaayo qaadka.Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Agaasimaha waaxda maaliyadda wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, Maxamuud Maxamed Buulle ayaa xalay lagu xiray xarunta hay’adda dambi baarista ee CID-da, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow wasaaradda caafimaadka. Buulle oo ay gurigiisa kala soo baxeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu musuq-maasuqay lacago ay dowladda ka heshay hay’ado caalami ah, taas oo loogu talagalay xakameynta caabuqa Corona. Sidoo kale xiritaanka agaasimaha wasaaradda caafimaadka ayaa ka dambeeyey, kadib markii uu xafiiskiisa booqasho ku tegay hanti dhowraha guud ee Qaranka, Mudane Maxamed Cali (Afgooye), kaas oo wax ka weydiiyey dhaqaalaha loogu talagalay la dagaalanka cudurka faafa ee COVID-19. Lacagta lagu eedeeyey inuu lunsaday agaasimaha ayaan la shaacin tirada ay la’eg-tahay, waxaana weli ku socda baaritaano dheeraad ah. Ma’ahan mas’uulkii ugu horreeyey ee loo xiro wax is-daba marin, tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya loo doortay, Maxamed Cadbullaahi Maxamed (Farmaajo). Xariga agaasimaha wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku soo aadaya, iyadoo dhowaan dowladda federaalka ay shaacisay inay guul ka gaartay barnaamijka deyn cafinta, kaas oo ay shuruudihiisa ka mid ahaayeen la-dagaalanka musuq-maasuqa iyo dib u habeynta maamulka maaliyadeed ee dalka. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Guddida heer qaran ee ka hortaga Xanuunka Covid19 ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Shirkadaha dalka keena Qaadka. Kulankan oo daarranaa sidii laysaga xog waraysan lahaa xaaalda waddanku ku jiro iyo xabsida laga qabo faafitaanka xanuunka Covid 19 iyo i xal looga gaadhiga lahaa qaadka. Masuuliyiinta Shirkdaha qaadka keena Waddanka oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin Amar kasta oo kasoo baxa guddida heer qaran ka hortaga xanuunkaasi xattaa haddii la joojinaayo qaadka., Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa ka hadashay Xaaladihii ugu dambeeyay Xanuunka dhibaatada ba’an ku haya Bulshooyinka Caalamka, kaasi oo toddobaadkii hore Somaliland lagu arkay labadii Kiis ee u horreeyey. Toddobaadkii hore waxa Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ku dhawaaqday in laba Qof oo midkood u dhashay Shiinaha, midna yahay Muwaadin u dhashay Somaliland ah isla-markaana haysta dhalashada Ingiriiska laga helay Xanuunka Covid_19, laakiin labadii Maalmood ee u dambeeyay waxa soo baxayey Warar sheegaya in Xanuunku soo gaadhay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, jiraana Dad qaba oo aan weli la shaacin. Laakiin, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo la hadlay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay in kiisas cusub aanay ku soo kordhin labadii Qof ee hore Xanuunka loogu sheegay mooyaane, illaa haddana aanu Hargeysa soo gaadhin Covid_19. Agaasime Xergeeye oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Coronavirus dalkeena ku fiday ma jiro, Caasimaddana muu soo gaadhin, Gobollada kale ee dalkana muu gaadhin, wax kiisas ah oo cusubna ma jiro, sida aanu ilaa hadda og nahay, kiisaskii hore loo sheegay mooye, intaasna baadhitaano waanu wadnaa, oo waxaanu ku jirnaa dedaal xooggan iyo wacyigelino joogto ah” Source
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-05042020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay gurigiisa ka kaxeeyey oo xiray agaasimihii Agaasimihii Waaxda Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Maxamuud Maxamed Buulle, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Agaasimaha la xiray ayaa lagu soo eedeeyey kiis musuq-maasuq oo lacag badan lagu lunsaday, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska hanti-dhowrka iyo kan ra’iisul wasaare Kheyre, oo codsaday inaan la magacaabin. Waxaa muhiim ah inaan xusno in agaasimaha la xiray uu yahay dambi-laawe, inta maxkamad laga horkeenayo oo dambiga lagu eedeeyey lagu caddeynayo. Wararka ayaa sheegaya in agaasimaha lagu eedeeyey uu leexsaday lacag dowladda ka heshay hay’ado caalami ah, oo loogu talo-galay in lagu fuliyo mashruucyo caafimaad, ayada oo aan la ogeyn halka lacagtaas ay aaday. Kiiskan oo ah mid weyn, sida aan xogta ku helnay, ayaa waxaa sidoo kale laga yaabaa inuu lugaha la galo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka, waxaana weli socda baaritaan uu wado xafiiska hanti-dhowrka. Wararka qaar ayaa sheegaya in lacagta maqan la tuhunsan yahay in loo adeegsaday suuqyada sarifka lacagaha online ee Forex, waxaana jirta surta-galnimo ah in la doonayey in lacagta laga faa’iideysto, kadibna marka faa’iido laga sameeyo dib loogu soo celiyo akoonada wasaaradda, inkasta oo taas aan la hubin. Xariga Maxamuud Maxamed Buulle ayaa yimid kadib markii shalay Hantidhowrka Guud uu baaritaan deg deg ah ku sameeyay Xafiiska Agaasimaha, taasoo soo dedejisay xarigiisa. Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa mucaaradka, ayaa dhowr jeer oo horey sheegay in qaar ka mid ah xafiisyada dowladda ay lacagihii umadda u adeegsanayaan inay ku maal-gashtaan suuqyada Forex, waxayna hadda u muuqataa in xogtii ay bixiyeen xilligaas laga yaabo inay wax ka saxneyd.
-
Warsaxaafadeed ka soo baxay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa waxaa lagu kordhiyay muddadii la hakiyay dhageysiga dacwadaha madaniga ah, fursadaha dacwadaha cusub, racfaan qaadashada iyo fulinta ee madaniga ilaa amar dambe si looga hortago faafidda xanuunka Coronavirus. Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dacwadaha ciqaabta lagu qaadi doono qaab maqal iyo muuqaal ah si loo badbaadiyo badqabka maxaabiista iyo in la yareeyo celeyska xabsiyada. Dhanka kale dacwadaha yar yar ayaa lagu sheegay qoraalka in lagu qaadi doono saldhigyada waxaana la faray taliska asluubta in ay fududeeyaan qaadista dacwadaha lagu qaadayo qaabka online-ka ah. Ugu dambeyn qoraalka waxaa lagu caddeeyay in ku soo laabashada shaqooyinka ay ku xirnaan doonto talooyinka ay soo jeediso wasaaradda caafimaadka ee la xiriira COVID-19. Halkaan ka akhriso qoraalka Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhamme, Cabdiqani Jaamac Axmed (Xabuun) Taliyihii Saldhigga bartamaha degmada Gaalkacyo gobalka Mudug ee Puntland Cabdiqani Jaamac Axmed (Xabuun) ayaa waraaq uu soo saaray ku sheegay in uu is casilay. Taliye Xabuun oo warqada uu isku casilay ay ku taariikhaysneyd 30-kii bshii la soo dhaafay ee Maarso, wuxuu ku sababeeyey is casilaadiisa, markii laga jawaabi waayey baahiyaha aasaasiga ah ee Saldhiga dhexe ee degmada Gaalkacyo. Cabdiqani Jaamac Axmed (Xabuun) oo ah nin dhalinyaro ah ayaa Taliyaha Saldhigga bartamaha ee degmada Gaalkacyo loo magacaabay 2-dii bishii Agoosto ee saandkii la soo dhaafay 2019, wuxuuna xilkaas hayey muddo Siddeed bilood ah. 16-kii bishii Oktoober ee sanadkii hore ayaa Cabdiqani Jaamac Axmed (Xabuun) ka badbaaday qarax loogu xiray gaarigiisa. Is casilaada Taliyaha Saldhigga bartamaha degmada Gaalkacyo ayaa ku soo aadaysa, iyadoo shalay Madaxweyne Deni uu xilkii ka qaaday taliyihii qeybta gobolka Mudug G/sare Jaamac Maxamed Axmed (Sandaqad), kuna dedelay taliyihii qeybta Booliska Nugaal Col. Muumin Cabdi Shirre. Magaalada Gaalakcyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaa muddooyinkii u dambeeyey ka dhacayey falal lid ku ah amniga. Hoos ka eeg warqada uu isku casilay taliyihii Saldhigga bartamaha degmada Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Taliyihii Saldhigga bartamaha Gaalkacyo oo is casilay appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa muddooyinkii dambe waday qorshayaal ay uga dan leedahay inuusan cudurka Coronavirus ku faafin deegaanadeeda, maadama dhowaan labo kiis laga helay magaalooyin ka tirsan, isla markaana ay suurto-gal tahay faafitaanka cudurkaasi dunida ku habsaday. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Guddiga uu Muuse Biixi u magacaabay u diyaar garowga iyo ka hortaga fayruska Coronaha ayaa waday qorshe ay ku rabeen in la xidho Masaajida deegaanadooda, maadama gudaha Somaliland laga helay Kiisas la xiriira cudurkaasi Coronavirus. Caasimada Online ayaa sida ay xogta ku helayso Go’aanka xidhista Masaajidada ee ay qorsheynayeen Guddigu ayaa waxa si weyn uga hor-yimid qaar kamid ah Culimada Somaliland oo ay kulan kula qaateen magaalada Hargeysa, isla markaana ay u soo bandhigeen in gebi ahaanba la xiro Masaajida, si uusan u faafin cudurkan. Culimada Somaliland ayaa iyagu ku doodaya in aan weli la gaarin xiligii la xidhi lahaa Masaajida maadama aan Somaliland lagu soo rogin Bandow mabnuucaya isku socodka dadka iyo suuqyada waaweyn ee dadku ka adeegtaan magaalada, taasi oo ay ku tilmaameen go’aan waqtigiisi kasoo hor-maray. Guddiga Somaliland ee u diyaar garowga iyo ka hortaga cudurka Coronavirus, ayaa iyagu hore u qaaday go’aamo ay ku xadidayaan goobaha dadku iskugu yimaadan, walow uusan si rasmi ah uga dhaqan galin magaalooyinka Somaliland. Culimada Somaliland ayaa iyagu qaba inay xidhista Masaajidada ka muhiimsan tahay oo ay ka horeyso xidhista goobaha ay dadku iskugu yimaadaan sida, Huteelada waaweyn, Maqaaxiyaha iyo weliba goobaha ay ku qayilaan dadka cuna qaadku. Somaliland ayaa iyadu wajaheysa culeys xoogan oo ku aadan ka hortaga cudurkan dunida ku faafay, iyada oo qaar kamid ah deegaanadeedana uu ka jiro Cudurkaasi, taasi oo sarre u sii qaaday cabsida ku aadan inuu si dhaqso ah ugu faafo.
-
Ethiopia is going to allow new entrants to offer mobile money services as part of its $10 billion home-grown economic reform agenda. The National Bank of Ethiopia says the new directive will help it offer licenses to mobile money service providers requiring they put up 50 million Ethiopian Birr ($1.6 million) as a minimum requirement. The amount is to be deposited in a blocked account but no individual, other than government is allowed to hold more than 20% of the shares of any licensed mobile money service provider. In addition, any company other than a government enterprise is also required to have a minimum of 10 shareholders. The hope is these moves, part of a wider set of promised economic reforms under prime minister Abiy Ahmed will help open up the Ethiopian economy. The government is also looking at privatizing Ethio Telecom and Ethiopian Airlines. It is hoped this banking reform will help ramp up financial inclusion in Africa’s second most populous country. “The reality is, 60% to 70% of Ethiopia’s population do not use conventional financial services and the status quo has not been working”, says Henok Assefa, manager partner of Precise Consult based in Addis Ababa. “The new system allows non-banks to avail themselves to be an alternative, including Ethio Telecom that can reach 40 million of its customers to the banking fold”. The new directive also states the maximum individual electronic money account balance is to have a minimum of 5,000 Birr ($166.60), while the total liabilities of mobile money service providers should not exceed 5 million Birr ($166,666). In 2018, the Ethiopian government held advanced talks with Kenya’s Safaricom to expand its M-Pesa service, one of Africa’s leading mobile money services with more than 23 million users in Kenya alone. It also operates in Tanzania and Uganda among others. The new directive is also expected to encourage and diversify the interest of investors in financial services that have been largely restricted to banks, insurance firms, lease financiers and micro-finance institutions. “Allowing non-financial institutions to engage in these areas has merits in terms of financial inclusion, deposit mobilization, facilitating transactions and encouraging investments,” says Abdulmenan Mohammed, a financial analyst based in London. “However, there should be adequate regulatory framework in supervisory capacity in place as the number of service providers will be large and the number of products will be diverse,” he adds. There are 16 private and two state-owned banks in Ethiopia. In the past two decades, the number of branches of commercial banks has shown a 30-fold rise to over 6,000 now. But this is insignificant as the country’s population has risen to over 100 million. According to National Bank of Ethiopia, over 75% of Ethiopia’s population is unbanked, while nearly 40% of all bank branches are in the capital city Addis Ababa. “Mobile money services are hopeful. But its success depends on the reliability of mobile networks, the quality and suitability of the services, public trust on the providers and the adequacy of regulation,” says Abdulmenan. There are over 45 million mobile subscribers in Ethiopia where there is 22.7 million internet users, up from 15.7 million four years ago, while smart phone ownership doubled to more than 12 million, according to the National Bank of Ethiopia. Ethiopia’s leading mobile money service M-Birr, which launched in 2013, is said to serve around 2 million Ethiopians, according to the European Investment Bank which backed the service with a €3 million equity investment in 2018. By opening the market the hope will be Ethiopia will join Africa’s rapid adoption of mobile money services. This is unlikely to slow down across the continent given the evidence of its impact on individuals and businesses who, previously cut off from digital and formal economies, can now pay bills and make transfers at the touch of a few buttons. GSMA, the global mobile industry trade body, already forecasts registered mobile money accounts across Sub Saharan Africa (currently at 469 million) will cross the half billion mark by the end of the year. The adoption of mobile money services is getting extra support in recent weeks because of concerns around the use of cash during the coronavirus pandemic. Source: Quartz Africa Weekly The post Ethiopia is opening up its mobile money market to new players appeared first on Puntland Post.
-
The U.S. Africa Command says it has, in coordination with the Somali government, targeted al-Shabab, an al-Qaida-linked terrorist group in an airstrike Friday. The command issued a statement Saturday saying that the airstrike took place near Bush Madina on Friday. According to initial assessments, the statement said, five terrorists were killed during the airstrike, and no civilians were killed or injured. The U.S. Africa Command works with the Somali government to improve security conditions for the country and its people, and to enhance governance and economic development there. The command and its international partners “recognize that stability in Somalia will not be achieved through purely military means, the statement said, “it requires providing programs and opportunity for the Somali people.” The International Committee of the Red Cross said Saturday that Somalia was at a critical juncture, as the country is threatened by the spread of COVID-19, while at the same time facing violence, conflict, displacement of people and malnutrition.
-
As Somalia prepares for the historic “one-person-one vote” elections in 2021, Puntland and Jubaland states still maintain frosty relationship with the Federal Government of Somalia disapproving the new electoral bill signed in to law in January 2020. Both regional states cited ambiguity in the electoral code, and said that it doesn’t address many outstanding issues that should have been addressed in consultation with the federals states before signing the bill in to law. Are both states considering the clan-based formula in favor of a one person, one vote system? No one knows. They accuse the FGS of breaching the national constitution without clearly mentioning the articles that have been violated. Puntland administration boycotted the Somalia Partnership Forum that was held in Mogadishu in October 2019 following the snub of the FGS to invite Madobe of Jubaland who is not recognized by the FGS. Some people believe the differences between the Puntland leader and the president of the FGS might have started when the two competed for the top seat during the elections back in 2017. Puntland Support for Jubaland Puntland State was the first regional state to congratulate Ahmed Madobe, after his re-election in the controversial elections on 22nd August 2019 before Kenya joining them in the flow of congratulations. According to the Federal Government, the elections were unlawful and didn’t comply with the electoral processes it has set prior to the elections. Puntland also endorsed the elections in May 2013 in which Madobe was elected as the President of Jubaland. In my opinion, there are two reasons for this unprecedented wave of support the current administration of Puntland is providing Jubaland with; Harti and Absame clans are both inhabitants of Jubaland and had history of rift pushing aside each other in the nineties during the civil war, but now seem to be coming closer to each other, a move that should be appreciated as it will enhance the peaceful co-existence and cooperation between the two clans. Puntland president also stated the same in the reception of Madobe in Bossaso in January 2020, saying we are the same people. Many of Kismayo inhabitants from Harti clan had moved to Puntland in the civil war era, but recently started to return back to Jubaland since it is drawing closer to stability. However, some consider this “tribalism” and coalition backed by foreign countries against other tribes which may spark clan clashes in the region. Both states formed political alliance against the current FGS leaders in an effort to defeat them in the upcoming elections. The two leaders met in Nairobi in January 2020 along with other political veterans including Omar Abdirashid, the former Prime Minister of Somalia and Abdiweli Gas, the former president of Puntland and the general elections in Somalia dominated the agenda. The president of Puntland also advocated for Ahmed Madobe’s recognition and met with some ambassadors to Somalia, including the USA ambassador to Somalia, but to no avail. Puntland believes Madobe’s removal from power could weaken the alliance, hence the looming loss in the elections. As a follow up to the meeting in Nairobi, Madobe visited the city of Bossaso, Puntland and had talks with Puntland leader discussing issues of concern and agreeing to cooperate at the fronts of security and trade. No plan B for Puntland Puntland administration doesn’t have cooperation with the other three federal member states; Hirshabelle, South-West and Galmudug, all of which enjoy the support of the FGS. At the end of the Puntland’s consultative meeting in March 2020, controversial statements were made labeling these three states as FGS-dependent states. The consultative meeting itself was unproductive and the outcome was contentious as no common understanding was reached. Puntland elders having seen the uncertainty the region is creeping into, advised the president to visit Mogadishu and sort out the differences with the FGS leaders. Ironically, Puntland president has once again called for national consultative meeting countrywide, despite the failure of the previous national consultative meeting held in Garowe in May 2019. There is no guarantee the coalition of Puntland and Jubaland together with the opposition parties in Mogadishu would be able to defeat the ruling party. So, what is the plan B for Puntalnd? Ahmed Madobe in Jubaland Ahmed Madobe became the president of Jubaland eight (8) years ago with no experience in building government institutions as he was grateful to the support of Kenya and Ethiopia that installed him in Kismayo. During these eight years, his administration remained only in Kismayo and couldn’t secure the whole territories of Jubaland. Elite people were either arrested or killed including elders and clan clash incidents were on the increase. Madobe is grappling with an imbalanced and untrained army and is overly reliant on the funds received from foreign countries which are used for political expenses rather than paying the salaries of the army on a regular basis. His administration is so weak that it is even unable to intervene and stop the bloodshed among the warring clans in the outskirts of Kismayo. It is now clear for every person that Madobe is not fit for the job in Jubaland and his future is in the dark. It is also believed Madobe’s blind support to the government of Kenya could cost dear for Somalia in the maritime dispute. His dictatorship character and hindrance of the federal system throughout these years would be remembered for pushing him decisively towards the exit door. The way forward As Puntland’s continuous support of Jubaland may fuel more political unrests, the FGS is required to do much more in this regard. The FGS should remove Madobe from power in the near future before June 2020 when the ICJ is expected to reach a decision over the maritime dispute with Kenya. On the other hand, the FGS should work on enhancing the bilateral relationship with Puntland soonest, considering it the oldest regional state, and its cooperation is vital for the unity of Somalia. The FGS is also ought to sit with the opposition parties and engage talks with them to reach consensus for the smooth happening of the upcoming elections. Should Puntland and Jubaland prove to be difficult to deal with, areas outside both states should be designated for the voters of both regions to cast their votes in the upcoming elections. By: Nasrudin Mohamed Ahmed Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda UNFPA oo ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay fal kufsi arxan darro ahaa oo todobaadkii la soo dhaafay degmada Afgooye loogu geystay laba gabdhood oo da’yar ah. UNFPA ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay falkaasi arxan darrada ah ee lagula kacay gabdhahaasi oo haatan lagu dabiibayo isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho. “UNFPA Somalia waxay si xoogan u cambaareyneysaa afduubka iyo kufsiga labada hablood ee da’da yar, oo da’doodu tahay saddex iyo afar jir markii ay ku ciyaarayeen 30-kii Maarso 2020 magaalada Afgooye, gobolka Shabeelaha Hoose, Soomaaliya”. ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay hay’adda UNFPA oo ay heshay Caasimada Online. Sidoo kale UNFPA ayaa intaasi ku dartay in labada gabdhood ay ku jiraan xaalad halis ah, balse ay hadda la tacaalayaan dhaqaatiirta isbitaalka la dhigay ee Madiina. Ugu dambeyn ha’adda ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay gacanta ku soo dhigto dambiilayaasha, si cadaalada loo horkeeno. “Sharciga wuxuu muhiim u yahay ka hortagga iyo la tacaalida dambiyada galmoodka.” ayaa markale lagu yiri qoraalka. Falkaan ayaa dhacay 30-kii bishii hore ee la soo dhaafay ee Maarso, iyadoona lagula kacay Aamino Muuse Axmed oo saddex sano ah jir ah iyo Sumayo Cabaas Cumar oo afar sano jir ah, waxaana dhacdadaan ay si weyn u taabatay quluubta dhamaan dadka Soomaaliyeed.
-
Howlgal ay Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen inta u dhaxaysa degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayay ku dileen Afar xubnood oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, sida lagu sheegay warbaahinta dowladda. Taliyaha Ururka 41-aad, Guutada 5-aad , qaybta 27-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed , dhamme, Cabduqaadir Cali Nuur ayaa warbaahinta qaranka Soomaaliyeed u sheegay in howl-galkooda oo Lug ahaa ay kasoo billaabeen Buulo-burte. Wuxuuna intaa ku daray in xilligii ay howl-galka ku jireen ay Al-Shabaab kasoo badbaadiyeen Saddex Gaari oo xamuul ahaa, iyagoo doonayay in ay dhac iyo dil u geystaan Shacabka rakaabka ah, sida uu hadalka u dhigay taliyaha ururka 41-aad ee guutada 5-aad qeybta 27-aad. Ma jirto wax wara oo wali ka soo baxay dhaqdhaqaaqa Al shabaab kaasi oo ay uga hadlayaan warka ka soo baxaya ciidanka xoogga ee ku aaddan in dagaalamayaal kooxdooda ka tirsan lagu dilay qeybo ka mid ah gobalka Hiiraan. Inta badan ciidanka dowladda iyo Al shabaab ayaa dagaallo kala duwan waxa ay ku galaan qeybo ka mid ah gobalada dalka iyaga oo dagaaladaasina ka kala sheegta guulo kala duwan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta qarax nooca gawaarida lagu dhajiyo uu ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee carunta ee gobolkaasi. Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsan waaxda canshuuraha wasaaaradda maaliyadda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, kaas oo magaciisa lagu koobay Cabdi-Gube. Wararka ayaa sheegaya in mas’uulkaasi oo la dhigay isbitaalka waqooyiga Gaalkacyo uu dhaawac culus ka soo gaaray qaraxaasi. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgallo kooban ka sameeyey halkaasi. Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas oo aysan weli faah faahin laamaha amniga. Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa falal liddi ku ah nabad-gelyada waxa ay ka dhacayeen gudaha magaalada Gaalkayo, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska ee maamulka magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa howlgal ballaaran oo ay sameeyeen waxay ku soo qabteen hub iyo dhar ciidan oo bakhaar lagu keydiyey. Hubka ay ciidamadu qabteen oo aad u badan ayaa waxaa ka mid ah Bambo-Gacmeed, Bistoolad iyo in ka badan 250 xabo oo rasaas ah. Sidoo kale dharka ay ciidamadu ay gacanta ku dhigeen ayaa isugu jira midka ay xirtaan ciidamada Booliska iyo kuwa Militariga, kuwaas oo ay ku buufsan yihiin (Somali Police), islamarkaana ah kuwa ay adeegsadaan ciidanka dowlad deegaanka Soomaalida dalkaasi. Taliska ayaa sheegay in bakhaarka lagu qariyey hubkaasi ay kireysatay Haweeney, taas oo milkiilaha u sheegtay in ay ku keydsaneyso Kabo ay iibiso. Laamaha amniga ismaamulka magaalada Addis Ababa ayaa sidoo kale shaacisay inay gacanta ku hayaan shan ruux oo ay ku jirto haweeneyda kireysatay bakhaarka. “Waxaa shaqsiyaadkaasi booliska gacanta uu ku soo dhagay hadda ku socota baaritaan lagu ogaanayo arrinta loo haysto doorka ay ku leeyihiin.” ayuu yiri taliyaha taliyaha ciidamada booliska degmada Addis Ketema ee magaalada Addis Ababa, Kebede Asafa. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay xogo muhiim ah ka heleen shacabka, islamarkaana ay u sahashay inay gacanta ku dhigaan hubka iyo dharka ciidan. Si kastaba ha’ahaateen ma’ahan markii ugu horreysay oo ay Itoobiya gacanta ku dhigto hub sharci darro ah, iyadoo ciqaab adag mariso shaqsiyadka lagu helo arrintaasi.
-
Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxa ay shaacisay natiijada ka soo baxday baaritaan ay ku sameysay dad ay dhowaan magaalada Garoowe ku karaantiishay kuwaas oo looga shakiyay in ay qabaan xanuunka Coronavirus. Warbixin uu soo saaray guddigga Puntland u qaabilsan ka hortagga caabuqa COVID-19 ayaa waxa ay ku xaqiijiyeen in dhamaan dadkii laga baaray xanuunkaasi ay yihiin kuwa aan qabin cudurka islamarkaana waxa ay guddigu ka dhawaajiyeen in sidoo kale aysan jirin wax kiisas cusub ah oo laga helay deegaanada maamulka Puntland. Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in la sii wadi doono awaamiirta la xiriirta in aan la isku imaan iyo in deegaanada Puntland aan la soo galin qaad, waxaana shacabka loo jeediyay in ay raacaan talooyinka ka imaanaya guddigga ka hortagga COVID-19, wasaaradda caafimaadka iyo baaqyada caalamiga ah. Ugu dambeyn guddigu waxa uu shacabka reer Puntland meelkasta oo ay joogaan ka dalbaday in ay ka qeyb qaataan sanduuqa taakulada iyo ka hortagga Coronavirus. Halkan ka akhriso qoraalka ay soo saareen guddiga Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha ururka 41-aad guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka Xoogga Dhamme C/qaadir Cali Nuur oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa faah faahin ka bixiyey howlgal ka dhacay gobolka Hiiraan. Taliyaha ayaa sheegay in howlgalka oo uu u jeedkiisu ahaa mid waddo furis ah ay ka sameeyeen inta u dhexeysa degmooyinka Buul-Burte iyo Jalalaqsi ee gobolkaasi. Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in inta ay wadeen howlgalkaasi ay ku dileen illa afar xubnood oo ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Sidoo kale Dhamme Cabduqaadir Cali Nuur ayaa intaasi ku daray inay soo badbaadiyeen illaa sadsex gaari oo ay lahaayeen dad shacab ah. Dhanka kale ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab opo ku aadan howlgalkaasi ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala deegaanada HirShabelle ayaa kordhiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
-
Qofkii labaad oo la shaqeynayey Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay inuu qabo Cudurka Covid 19, sida uu sheegay Xafiiska (UNSOM) ee Muqdisho. Qofkan oo ajanabi ah ayaa ka shaqeyn jiray shirkad ka hawlgasha gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Xafiiska (UNSOM) waxaa qofkan la qabtay bartamihii bishii hore ee Maarso xilligaas oo uu dalka soo galay, waxaana la geeyay goob karantiil oo gudaha garoonka ku taalla. Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in labo ruux oo mid ajanabi yahay laga heley xannuunka Covid-19 taasoo tirada guud ee dadka laga heley cudurka gudaha Soomaaliya ka dhigtay 7-kiis. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Sawirkan waa mid hore oo qarax ka dhacay Gaalkacyo Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka halkaasi qarax lagula eegtay mas’uul ka tirsan wasaaradda Maaliyadda Puntland. Mas’uulkaas oo ka tirsanaa Waaxda Canshuuraha wasaaaradda Maaliyadda ayaa ku dhaawacmay qaraxa oo gaarigiisa loogu xiray xilli uu ku sugnaa bartamaha magaalada Gaalkacyo sida ay sheegeen goob-joogayaal. Mas’uulka qaraxa ku dhaawacmay waxaa magaciisa lagu soo gaabiyay Cabdi-Gube waxaana dhaawaciisa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka waqooyiga Gaalkacyo. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa ay lug ku go’day mas’uulkaas inkastoo dhaqaatiirta gacanta ku haysa aysan weli faahfaahin ka bixin xaaladdiisa caafimaad. PUNTLAND POST The post Gaalkacyo: Mas’uul ka tirsan Puntland oo qarax lagu dhaawacay appeared first on Puntland Post.
-
Ciidanka booliska gobalka Bari ayaa xalay meel fagaare ah waxa ay ku gubeen qaad la sheegay in si dhuumaalaysi loo soo galin rabay xarunta ganacsiga maamulka Puntland ee Boosaaso. Qaadkaan ayaa waxaa lagu soo qariyay jawaano waxaana ciidanka booliska gobalkaasi uu suura gashay in ay gacanta ku dhigaan qaadkaasi wallow ilaa haatan aan la sheegin in la soo qabtay dadkii qaadkaasi watay. Taliyaha qeybta gobalka Bari gaashaanle sare Xussen Cali Maxamuud oo ka hadlay goobta ayaa hoosta ka xariiqay in cidkasta oo isku dayda in ay si dhuumaalaysi ah qaad ku soo galiyaan deegaanada maamulka Puntland ay gacanta ku soo dhigi doonaan, waxa uuna taliyuhu mahadcelin u jeediyay ciidanka booliska gobalkaasi. 31-kii Maarso ayey sidan oo kale ciidanka booliska waxa ay magaalada Boosaaso ugu gubeen qaad magaaladaasi la soo galin rabay xilli dowlad goboleedka Puntland ay horey deegaanadeeda uga mamnuucday in la soo galiyo qaad inta uu socda xanuunka safmarka ah ee Coronavirus. Waxaa sidan oo kale magaalooyinka qaar ee dalka loogu gubay qaad inta badan ka imaanayay dalka Itoobiya, xilli dowladda ay sheegtay in la doonayo in la sameeyo dadaalo looga hortagayo COVID-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ee la soo daahday ka soo saartay fal kufsi arxan darro ahaa oo todobaadkii la soo dhaafay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qoraalka wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegya inay cambaareyneyso falkaasi oo lagula kacay laba gabdhood oo aad da’yar. Wasaaradda haweenka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u muuqata inay gabtay shaqadii loo igmaday, mana jirto illaa iyo hadda wax ay u qabtay dhibanayaasha, marka laga tago cambaareynta ay soo saartay oo lagu soo beegay todobaad kadib. Halkaan hoose ka akhriso: View the full article
-
(SLT-Riyadh)-Xarakada Xamas ayaa ka codsatay dowladda Sacuudiga inay sii deyso maxaabiista reer Falastiin ee u xidhan, gaar ahaan Mohammad Al-Khodari, oo ah 80 jir si aad ah u xanuunsanaya, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Anadolu Agency. Sabtidii shalay ayaa ku beegneyd sannad guuradii shanaad ee kasoo wareegtay markii la xabisay Al-Khodari oo qaabilsanaan jiray xidhiidhka Xamas iyo mas’uuliyiinta Sacuudiga. Anadolu Agency ayaa soo xigatay bayaan uu soo saaray madaxa warbaahinta Xamas Raafat Murra, oo ku baaqay in deg deg loo sii daayo Al-Khodari iyo maxaabiista kale ee reer Falastiin oo noloshooda ay halis ku jirto. “Waxaan si sabab iyo xikmad leh uga codsaneynaa boqortooyada Sacuudiga inay arrintan deg deg usoo geba-gebeyso, ka hor bisha barakeysan Ramadan, dadka Falastiin darteed iyo qadiyaddooda,” ayuu yidhi Murra Xamas ayaa shaaca ka qaadday in walaaca laga qabo maxaabiista Falastiiniyiinta ay koradhay kadib markii uu dillaacay cudurka Coronavirus. Murra ayaa sheegay in Xamas ay la xidhiidhay dhinacyo saddexaad oo badan, si ay u dhex-dhexaadiyaan ayaga iyo Sacuudiga, balse ma shaacin cidda ay yihiin dhinacyadaas saddexaad. Source
-
Popular Contributors
