Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,420
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maxamed Xuseen Cali oo ka mid ah dadka deegaanka ee ku dhaqan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa Radio Shabelle u sheegay inay dhibaato ku qabaan kooxo burcad ah oo xilliyada habeekii ah dhac baahsan ka geystay xaafado ka tirsan gudaha degmadaasi. Goobjoogahaan ayaa tilmaamay in shacabka degmada Kaxda ay haatan wajahayaan xaalad amni oo ah tii ugu darneyd, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday maamulka gobolka Banaadir iyo kan degmada Kaxda inay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Kaxda-.mp3 View the full article
  2. Qodabada saakay ugu waa weyn warka subax ee GoobjoogFM ayaa waxa ay kala yihiin: Xafiiska UNSOM ee Somaliya ayaa xaqiijiyay in qof labaad oo ka mid ah shaqaalaheeda laga helay Coronaviras. Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin coolaad laga huriyo deegaannada iyo degmoyinka Galmudug. Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay falkii kufsiga ahaa ee degmada Afgooye loogu geystay gabdho yaryar, kuna baaqday in gacanta lagu soo dhigo raggii ka dambeeyay falkaasi. Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka ayaa ku baaqay in la jojiyo colaadda ka taagan Gobollada Shabeellaha hoose iyo Jubbada hoose. Somaliland ayaa sheegtay in diiradda saari doonto doorka wacyi-gelinta bulshada inta uu jiro Cudurka CORONA. Haddaba, halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfaahsan, waxaana soo jeedinaysa Maariya Haarliin https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/saakay-iyo-goobjoog-05-04-2020.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan howlgallo baaritaano ah oo saaka ciidamada Booliska HirShabelle ay ka wadaan magaalada Jowhar ee caasimadda gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib qarax xoogan oo shalay ka dhacay magaaladaasi. Ciidamada ayaa baaritaanadaan ku baadi goobaya shaqsiyaadkii ka dambeeyey qaraxaas oo ay waxyeelo ka soo gaartay mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi. Afhayeenka dowlad goboleedka HirShabelle, Daa’uud Xaaji Cirro ayaa faah faahin ka bixiyey howlgalladaasi iyo xaaladda mas’uuliyiinta ku dhaawacantay qarixii shalay. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Nuuradiin-.mp3 View the full article
  4. (SLT-Addis Ababa)-Komishinka Booliska ismaamulka magaalada Addis Ababa ayaa sheegay hub iyo dhar ciidan oo sharci darra ah in lagu qabtay bakhaar uu shaqsi leeyahay oo ku yaalla magaalada Addis Ababa. Booliska waxay sheegeen dharka ciidanka ee la qabtay iney isugu jiraan kuwa ciidamada qalbaka sida iyo kuwa booliska oo deegaanna kala duduwan ka kooban. Waxaa sida oo kale bakhaarkaasi lagu qabtay hub iyo qalab millatari oo ka mamnuuc ah inuu shacab gacantii uu ku jiro. Dharka ciidamada Booliska ee la qabtay waxaa ka mid ah dharka ay xidhaan booliska deegaanka Soomalida ee dalka Itoobiya sida sawirkaba ka muuqato. Komishinka Boolisku magaalada Addis Ababa waxay intaasi ku dareen in sida oo kale bakhaarka laga in laga helay 1 bam gacmeed, hal bistoolad iyo rasaas ka badan 250. Waxay booliska Addis Ababa gacanta ku soo dhageen 5 qof oo lala xidhiidhiyey hubka iyo dharka ciidan ee la helay iney ku lug leeyihiin. “Waxaa shaqsiyaadkaasi booliska gacanta uu ku soo dhagay hadda ku socota baaritaan lagu ogaanayo arrinta loo haysto doorka ay ku leeyihiin” ayuu yidhi Komishinka Booliska Addis Ababa. Taliyaha booliska degmada Addis Ketema ee magaalada Addis Ababa Commander Kebede Asafa wuxuu sheegay bakhaarka hubka iyo dharka ciidanka lagu qabtay imuu u kireysnaa haweeney. Waxay boolisku sheegeen haweeneyda bakhaarka uu u kireysnaa dadka bakhaarka iska lahaa iney uga kiresatay kaba ay ka ganacsato iny ku keydsaneyso. Bakhaarka qalabka kale ee lagu qabtayna waxaa ka mid ah dhar ciidan oo kala duwan, astaamaha booliska iyo ciidanka u gaarka ah, dharka, koofiyadaha iyo suumanka ciidanka, katiinada daka gacmaha looga xidho iyo qalab kale oo ay ciidamadu leeyihiin. Arrintan oo soo qabashadeeda ay iska kaashadeen laanta sirdoonka dalka Itoobiya, Booliska Federaalka iyo Booliska maamulka Addis Ababa waxay sheegeen iney sii wadayaan ka hortagga dambiyada noocani ah baaritaanka marka ay soo gabagabeeyaanna ay hay’adaha sharciga kiiska u gudbin doonaan. Sida uu dhigayo sharciga u yaalla dalka Itoobiya dharka ciidamada qalabka sida iyo kuwa booliska ay leeyihiin iyo qalabka ay isticmaalaanba inuu shaqsi haysan karin, ka ganacsan karin isla markaana iibin karin. Tani iyo marka uu isbeddelka siyaasadeed uu ka dhacay dalka Itoobiya oo majaraha dalkaasi qabtay Dr Abiy Axmed waxaa soo badanayey hubka iyo lacagaha sharci darrada ah ee dalka gudahiisa lagu qabto. Source
  5. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-05042020.mp3 View the full article
  6. Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa shaacisay natiijada ka soo baxday baaritaan ay ku sameysay dad looga shakiyey Corona. Wasiirka wasaaradaasi, Dr. Jaamac Faarax Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in baaritaanka ay u direen magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya, islamarkaana shaqsiyaadka oo gaarayey 5 ruux, laga waayey afar ka mid ah cudurka. Dr. Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in shaqsiga kale uu weli dhiiggiisa ku maqan yahay sheybaarka, islamarkaana ay sugayaan jawaabtiisa. Sidoo kale wuxuu uga digay Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland inay fududeystaan cudurka, isagoo ugu baaqay inay qaataan talooyinka caafimaadka. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku adkeeyey inay ka guddi ahaan xoojin doonaan dadaallada ay wadaan, si looga hortago faafitaanka caabuq Corona Puntland ayaa si weyn uga feejigan halista Coronavirus, waxaana dhowaan ay karantiil gelisay in ka badan 20-ruux oo looga shakiyey cudurkan oo fara ba’an ku haya caalamka.
  7. In July 2019 Somalia’s president his excellency Mohamed Abdillahi “Farmaajo” set up a commission to revive talks with Somaliland. His move came three years after Somaliland’s former president Silanyo appointed Dr Edna Source: Hiiraan Online
  8. Somalia is often considered a quintessential example of a failed state that suffers from devastating humanitarian crises and the lowest levels of development in the world. The country has for decades now been engulfed with multiple crises, including but not limited to separatism, corrupt regional state Source: Hiiraan Online
  9. The coronavirus pandemic could narrow one gaping inequality in Africa, where some heads of state and other elite jet off to Europe or Asia for health care unavailable in their nations. As countries including their own impose dramatic travel restrictions, they might have to take their chances at home. Source: Hiiraan Online
  10. Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari ayaa xalay goob fagaare ah ku gubay Xirmooyin Jaad ah oo la doonayay in si sharci-darro ah loo geliyo gudaha magaala Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Xirmooyinkaas Jaadka ah oo ay Jawaanno ku soo qariyeen dadkii watay ayaa gacanta lagu dhigay ka hor intaan la gelin gudaha Boosaaso inkastoo aysan Booliiska u suurta-gelin in ay soo qabtaan dadkii watay. Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Bari G/sare Xussen Cali Maxamuud oo goobtaas hadal kooban ka jeediyay ayaa shegay in si walba oo loo soo qariyo Jaadka ay Ciidamadu soo qaban donaan islamarkaana la gubi doono. Taliyaha ayaa u mahad celiyay Ciidanka Booliska ee Ku Sugan Kantaroolka Boosaso kuwaas oo qabtay Jaadkaas xilli la doonayay in si qarsoodiya lagu soo geliyo gudaha magaalada. Sidoo kale wuxuu digniin culus u jeediyay cid kasta oo doonaysa in ay Jaad sharci-darro ah soo geliso Boosaaso si ay u jebiso Amarkii Dowladdu ku mamnuucday Qaadka ee la xiriiray ka hortagga Cudurka Coronavirus. PUNTLAND POST The post Xirmooyin Jaad sharci-darro ah oo mar kale lagu gubay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  11. United Nations — The United Nations is facing a "dire" liquidity crisis as it deals with added expenses related to the need to "respond to the global health crisis" of coronavirus, according to an email from Movses Abelian, the U.N. undersecretary general for General Assembly and conference management. Source: Hiiraan Online
  12. The International Committee of Red Cross (ICRC) on Saturday urged Somalia to take proactive measures action to curb the spread of COVID-19 and save lives. Source: Hiiraan Online
  13. Nairobi (Caasimadda Online) – Qaar ka mid ah xubnaha is-beddel doonka Jubaland ee kasoo horjeeda Axmed Madoobe ayaa sheegay in heshiis horudhac ah lagu gaaray wada-hadalladii Nairobi uga socday madaxweynaha Jubaland iyo Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid Xidig, oo iyagana la sheegtay madaxweyne. Wada-hadalladaan ayaa waxaa garwadeyn ka ah dowladda Kenya oo ka shaqeysay sidii la isugu keeni lahaa Axmed Madoobe iyo xubnaha ku haysta xilka madaxweynaha. Cabdinuur Jaamac Jookar oo ka mid ah is-beddel doonka, kuna sugan Kismaayo, ayaa sheegay in dhinacyada ay isku raaceen qodobo ay ka mid yihiin in madaxweyne Axmed Madoobe loo daayo xilka madaxweynaha, islamarkaana xubnaha kale lagu qanciyo waxyaabo kale. Jookar ayaa intaas ku daray in Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid Xidig ay qasabtay dowladda Kenya. “Waxaan maqleynaa oo Jubaland ay aad uga xuntahay, Seeraar iyo Xidig waxaa qasabtay Nairobi, oo qodobo ayaa la soo saarteen Axmed Madoobe. Dhammaan xubnihii Is-beddel doonka ee Kismaayo arrintaas ayey ka shireen, aad ayaan uga xunnahay, mana soo dhooweyneyno. Sidii ay meesha uga soo bixi lahaayeen ha uga soo baxaan,” ayuu yiri Jookar. Caasimada Online oo xiriir la sameeysay xafiiska Axmed Madoobe, iyo xubnaha ku dhow Seeraar iyo Xidig, waa ay diideen inay xaqiijiyaan heshiiska la sheegay in la gaaray. Horraantii bishii Febraayo ayey aheyd markii xubnaha mucaaradka ee Jubaland diyaarad Militari oo ay leedahay Kenya looga soo qaaday magaalada Kismaayo, waxaana wada-hadallada qeyb ka ahaa wakiilo ka socda militariga iyo sirdoonka Kenya. Hoos ka dhageyso codka Jookar https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/04/Jookar.mp3
  14. Caasimadda dalka Ingiriiska ee London ayaa waxaa maanta cudurka halista ah ee Coronavirus ugu geeriyooday halgamaa Soomaaliyeed oo kamid ahaa dhallintii lasoo shaqeeyay Ururkii Dhallinyarada SYL. Allaha u naxariistee marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Dr. Cabdulqaadir Cali Boolaay, isagoo maalmihii lasoo dhaafay la xanuunsanayay cudurka coronavirus oo kusii faafaya caalamka oo dhan, isla markaana ay u geeriyoodeen in ka badan 60 kun oo qof. Geerida Dr. Cabdulqaadir Cali Boolaay ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah eheladiisa, waxaana Marxuumka uu kamid ahaa dadka fara-ku tiriska ah ee ka nool raggii lasoo shaqeeyay Ururkii Dhallinyarada SYL. Dalka Ingiriiska ayaa cudurka coronavirus waxaa ugu geeriyooday dad badan oo Soomaali ah oo uu ka mid yahay ra’iiusl wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde oo maalmo kahor isna ku geeriyooday magaalada London. Qaran News
  15. Nolosha Maxaabiista ururka Xamas ee u xidhan dowladda Sacuudiga oo loo baqayo Xarakada Xamas ayaa ka codsatay dowladda Sacuudi Carabiya inay sii deyso maxaabiista reer Falastiin ee u xiran, gaar ahaan Mohammad Al-Khodari, oo ah 80 jir si aad ah u xanuunsan, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Anadolu Agency. Sabtidii shalay ayaa ku beegneyd sanad guuradii shanaad ee kasoo wareegtay markii la xabisay Al-Khodari oo qaabilsanaan jiray xiriirka Xamas iyo mas’uuliyiinta Sacuudiga. Anadolu Agency ayaa soo xigatay bayaan uu soo saaray madaxa warbaahinta Xamas Raafat Murra, oo ku baaqay in deg deg loo sii daayo Al-Khodari iyo maxaabiista kale ee reer Falastiin oo noloshooda ay halis ku jirto. “Waxaan si sabab iyo xikmad leh uga codsaneynaa boqortooyada Sacuudiga inay arrintan deg deg usoo geba-gebeyso, ka hor bisha barakeysan Ramadan, dadka Falastiin darteed iyo qadiyaddooda,” ayuu yiri Murra. Xamas ayaa shaaca ka qaadday in walaaca laga qabo maxaabiista Falastiiniyiinta ay korartay kadib markii uu dillaacay cudurka Coronavirus. Murra ayaa sheegay in Xamas ay la xiriirtay dhinacyo saddexaad oo badan, si ay u dhex-dhexaadiyaan ayaga iyo Sacuudiga, balse ma shaacin cidda ay yihiin dhinacyadaas saddexaad. Bishii tagtay, hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa shaaca ka qaaday in boqortooyada Sacuudiga ay billowday dhageysiga dacwadaha maxkamadeed ee maxaabiista Falastiiniyiinta. Bassim Naim ayaa xaqiijiyey in la dhageystay kiiska 62 Falastiiniyiin ah. Xubno badan oo ka mid ah mujaahidiinta Xamas oo si nabad-galyo leh ugu noolaan jiray Sacuudiga, ayaa sanadihii dhowaa la billaabay in la xir-xiro kadib markii ay aad isugu dhowaadeen maamulka Sacuudiga, gaar ahaan Maxamed Bin Salmaan iyo Yahuudda iyo Mareykanka. Qaran News
  16. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa maanta si cad u sheegtay sababta ay u joojin laadahay Qaadka deegaanadeeda uga yimaada dalka Itoobiya oo laga diiwaan-geliyay Kiisas badan oo la xiriira Coronavirus, isla markaana la daala dhacaya cudurkaasi ku faafay dunida. Somaliland ayaa sheegtay in xukuumadoodu aysan ilaa hadda hayn wax kale oo dadka ka shaqeeya qaadka loogu badali lahaa haddii la joojiyo, maadama ay dad badan ka shaqeystaan iibinta qaadkaasi. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin ayaa ku dooday in xukuumada Muuse Biixi aysan laheyn awood dhaqaale oo dadkaasi uga dhigi karto kaabid, haddii deegaanadeeda ay ka joojiso qaadka ka soo gala Itoobiya, inkasta oo uu xusay inay tilmaamooyin caafimaad siiyeen dadkaasi ka shaqeeya qaadkaasi. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in qaadku uu yahay badeecada ugu badan ee maalintii soo gasha Somaliland, isla markaana ay dad badan ka sameeyaan lacago ay ku maareeyaan noloshooda. “Maadama ay shaqo la’aantu nagu badan tahay, ganacsiga kaliya ee ugu socodka badana waa Qaadka, oo dadka qaadka iibiya aad bey u faro badan yihiin, mana helayno wax aynu ugu badalno haddii isaga ka xidhno. Markaa waxaynu dooneyna barnaamij habeysan anagoo dadka qaadkana ka wacyi-galineyn” ayuu yiri Wasiir Maxamed Kaahin. Somaliland ayaa waxa maalintii soo gala deegaanadeeda qaad badan oo uga yimaada dhanka Itoobiya, taasi oo khubarada caafimaadku ku sheegen arrin halis ku ah caafimaadka bulshada, maadama qaadkaasi laga keeno dal uu ku faafay cudurka Coronavirus.
  17. Xog-xasaasiya:Hub iyo dhar ciidan oo sharci darra ah oo lagu qabtay Addis Ababa Komishinka Booliska ismaamulka magaalada Addis Ababa ayaa sheegay hub iyo dhar ciidan oo sharci darra ah in lagu qabtay bakhaar uu shaqsi leeyahay oo ku yaalla magaalada Addis Ababa. Booliska waxay sheegeen dharka ciidanka ee la qabtay iney isugu jiraan kuwa ciidamada qalbaka sida iyo kuwa booliska oo deegaanna kala duduwan ka kooban. Waxaa sida oo kale bakhaarkaasi lagu qabtay hub iyo qalab militari oo ka mamnuuc ah inuu shacab gacantii uu ku jiro. Dharka ciidamada Booliska ee la qabtay waxaa ka mid ah dharka ay xidhaan booliska deegaanka Soomalida ee dalka Itoobiya sida sawirkaba ka muuqato. Komishinka Boolisku magaalada Addis Ababa waxay intaasi ku dareen in sida oo kale bakhaarka laga in laga helay 1 bam gacmeed, hal bistoolad iyo rasaas ka badan 250. Waxay booliska Addis Ababa gacanta ku soo dhageen 5 qof oo lala xidhiidhiyey hubka iyo dharka ciidan ee la helay iney ku lug leeyihiin. “Waxaa shaqsiyaadkaasi booliska gacanta uu ku soo dhagay hadda ku socota baaritaan lagu ogaanayo arrinta loo haysto doorka ay ku leeyihiin” ayuu yiri Komishinka Booliska Addis Ababa. Taliyaha booliska degmada Addis Ketema ee magaalada Addis Ababa Commander Kebede Asafa wuxuu sheegay bakhaarka hubka iyo dharka ciidanka lagu qabtay imuu u kireysnaa haweeney. Waxay boolisku sheegeen haweeneyda bakhaarka uu u kireysnaa dadka bakhaarka iska lahaa iney uga kiresatay kaba ay ka ganacsato iny ku keydsaneyso. Bakhaarka qalabka kale ee lagu qabtayna waxaa ka mid ah dhar ciidan oo kala duwan, astaamaha booliska iyo ciidanka u gaarka ah, dharka, koofiyadaha iyo suumanka ciidanka, katiinada daka gacmaha looga xidho iyo qalab kale oo ay ciidamadu leeyihiin. Arrintan oo soo qabashadeeda ay iska kaashadeen laanta sirdoonka dalka Itoobiya, Booliska Federaalka iyo Booliska maamulka Addis Ababa waxay sheegeen iney sii wadayaan ka hortagga dambiyada noocani ah baaritaanka marka ay soo gabagabeeyaanna ay hay’adaha sharciga kiiska u gudbin doonaan. Sida uu dhigayo sharciga u yaalla dalka Itoobiya dharka ciidamada qalabka sida iyo kuwa booliska ay leeyihiin iyo qalabka ay isticmaalaanba inuu shaqsi haysan karin, ka ganacsan karin isla markaana iibin karin. Tani iyo marka uu isbeddelka siyaasadeed uu ka dhacay dalka Itoobiya oo majaraha dalkaasi qabtay Dr Abiy Axmed waxaa soo badanayey hubka iyo lacagaha sharci darrada ah ee dalka gudahiisa lagu qabto. Sawirro muujinaya qaar ka mid ah qalabka ciidan ee la qabtay: Qaran News
  18. Gaza (Caasimada Online) – Xarakada Xamas ayaa ka codsatay dowladda Sacuudi Carabiya inay sii deyso maxaabiista reer Falastiin ee u xiran, gaar ahaan Mohammad Al-Khodari, oo ah 80 jir si aad ah u xanuunsan, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Anadolu Agency. Sabtidii shalay ayaa ku beegneyd sanad guuradii shanaad ee kasoo wareegtay markii la xabisay Al-Khodari oo qaabilsanaan jiray xiriirka Xamas iyo mas’uuliyiinta Sacuudiga. Anadolu Agency ayaa soo xigatay bayaan uu soo saaray madaxa warbaahinta Xamas Raafat Murra, oo ku baaqay in deg deg loo sii daayo Al-Khodari iyo maxaabiista kale ee reer Falastiin oo noloshooda ay halis ku jirto. “Waxaan si sabab iyo xikmad leh uga codsaneynaa boqortooyada Sacuudiga inay arrintan deg deg usoo geba-gebeyso, ka hor bisha barakeysan Ramadan, dadka Falastiin darteed iyo qadiyaddooda,” ayuu yiri Murra. Xamas ayaa shaaca ka qaadday in walaaca laga qabo maxaabiista Falastiiniyiinta ay korartay kadib markii uu dillaacay cudurka Coronavirus. Murra ayaa sheegay in Xamas ay la xiriirtay dhinacyo saddexaad oo badan, si ay u dhex-dhexaadiyaan ayaga iyo Sacuudiga, balse ma shaacin cidda ay yihiin dhinacyadaas saddexaad. Bishii tagtay, hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa shaaca ka qaaday in boqortooyada Sacuudiga ay billowday dhageysiga dacwadaha maxkamadeed ee maxaabiista Falastiiniyiinta. Bassim Naim ayaa xaqiijiyey in la dhageystay kiiska 62 Falastiiniyiin ah. Xubno badan oo ka mid ah mujaahidiinta Xamas oo si nabad-galyo leh ugu noolaan jiray Sacuudiga, ayaa sanadihii dhowaa la billaabay in la xir-xiro kadib markii ay aad isugu dhowaadeen maamulka Sacuudiga, gaar ahaan Maxamed Bin Salmaan iyo Yahuudda iyo Mareykanka.
  19. Ciidanka Militariga dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgal wado furis ah ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan. Howlgalka waxaa hogaaminayay Taliyaha Ururka 41aad Guutada 5aad Qaybta 27aad ee Ciidanka Militariga Dhamme Cabduqaadir Cali Nuur, waxaana uu sheegay in howgalka laga fuliyay inta u dhexeeysa Magaalooyinka Buulo-Burde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Taliye Cabduqaadir Cali Nuur oo la hadlay Idaacada Codka Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa sidii wadadaas looga saari lahaa xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee hallaas ku leh fariisimaha. Isaga oo sii hadlaayay waxaa uu tilmaamay in howlgalka inta uu socday lagu dilay Afar kamid ah Al-shabaab isla markaana ay badbaadiyeen saddex gaari oo ay lahaayeen dad shacab ah waa sida uu hadalka u dhigay. PUNTLAND POST The post Militariga Soomaaliya oo laayay xubno ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  20. The International Committee of the Red Cross (ICRC) on Saturday said it is deeply concerned about the impact that COVID-19 could have on Somalian communities weakened by violence and conflict. Somalia is at a critical juncture where immediate action can still curb the spread of COVID-19 and save lives, ICRC said in a statement. Somalia has seven confirmed COVID-19 cases so far, with no deaths, and one recovery, according to figures compiled by the U.S.-based Johns Hopkins University. “Somalia is at a crossroads, where we can rapidly scale up to get information and resources out to communities and health care facilities against COVID-19, or move too slowly and never catch up,” said Juerg Eglin, ICRC’s head of delegation for Somalia. “Speed is critical, and we are working with our colleagues at the Somali Red Crescent to fight COVID-19 from fully taking hold,” Eglin added. While COVID-19 poses an invisible threat to Somalia, the conflict has not stopped, and still drives displacement and suffering. Recent clashes in Janaale, Lower Shabelle region, have affected over 20,000 people, with an estimated 8,000 people displaced from their homes to Marka, Afgooye, Shalanbood and Mogadishu, according to the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs. Somalia, located in the Horn of Africa and bordering Ethiopia to the west and Gulf of Aden to the north, has witnessed multiple terror attacks over the past two decades. Somali-based al Qaeda affiliated group al-Shabaab has claimed responsibility for most of the deadly suicide attacks.
  21. London (PP) —Saynisyahannada Biritishka ayaa sameeyay hab goor hore lagu ogaan karo in caabuqa Covid-19 uu ku dhacay qof aysan ka muuqanin calaamadaha cudurka. Warbixin lagu soo daabacay wargeyska _The Daily Telegraph_ ayaa tibaaxday in habkan baaristu ku salaysan tahay dhiigga, candhuufta ama kaadida. Natiijadu waxay soo baxaysaa ilbiriqsiyo gudahood, sida wargeysku qoray. Laba hab baa hadda la adeegsadaa. Mid waa in qofka laga qaado candhuuf oo muujin karta in cudurku hayo qofka, kan kale waa baaris ku saabsan awoodda jirku kaga hortago cudurrada (antibodies), habkan oo muujin kara haddii qofku ka bogsooday caabuqa Covid-19. Habka baarista cusubi wuxuu sahlayaa ogaanshaha in qofku u baahan yahay inuu isgo’doomiyo, inuu dadka dhex gali karo ama inuu shaqada dib ugu noqon karo. Hababka baarista waxaa la isticmaalaa marka qof lagu arko calaamadaha caabuqa, markaas oo laga yaabo inuu dad qaadsiiyay cudurka. Waxaa kale oo jirta in natiijada soo baxda ay ku tilmaanto qof cudurka qaba inuu ladan yahay. Habka baarista cusubi wuu ka duwan yahay hababka hadda la isticmaalo. © Puntland Post, 2020 The post Saynisyahannada Biritishka oo soo saaray hab cusub oo lagu ogaado Covid-19 appeared first on Puntland Post.
  22. (SLT-Muqdisho)Dawladda Soomaaliya Iyo Madaxda Fly Dubai iyo Air Arabia ayaa Ka Wadahadlay Sidii Shirkadahoodu Dulimaadyo Toosa Uga Bilaabi Lahayeen Magalooyinka Muqdisho Iyo Garoowe. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorshaynaysa in magaaladda Muqdisho ay Duulimaadyo toos ah ay ka bilowdo shirkadda Diyaaradaha Ee FLY Dubia , halka shirkada Air Arabia na ay ka Bilaabayso Garoowe marka ay dhammaato xayiraadda ay saartay Somalia Duullimaadyada caalamiga ah ee cudurka Corona Virus awgii. FLY Dubia iyo Air Arabia oo hore u istcimaali jiray garoonka Hargeysa Ka hor inta aan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, Kala Noqon Ruqsada diyaaradahaasi Eedaymaha loo cuskaday ayaa ahaa inay FLY dubai iyo Air Arabia u hogaansameen Amarkii xukuumada DFS oo dhigayey inay dawladu Joojisay Duulimaadyadii caalamiga ahaa mudada Aduunku la leedleedayo cudurka Covid19. Dhanka kale Eriska Diyaaradaha Fly Dubai Iyo Air Arabia ayaa salka ku haya Kooto uu Rabo Madaxweyne Muuse Biixi inuu ugu Xidho Duulimaadyada Caalamigaa Wakiilka Ethiopian Airlines Abdiqafaar Maxamuud Ciise oo uu abti u yahay, Damiinka Diyaaradana uu ku qoranyahay Isla Madaxweynaha oo damiintay wiilka 2012. Warqada lagaga joojiyay duulimaadyada labadan shirkadood oo aanu ogayn Maareeyaha civil aviation Somaliland iyo ku xigeen kiisu, waxaa Qoray Agasime waaxeed ay isku qoys yihiin Madaxwayne Muse Biihi oo uu amar ku siiyay, markii aanu la xidhiidhnay Mareeyaha iyo ku xigeen kiisu waxay noo sheegeen inaanay wax war ah ka haynin. Dawladda Soomaaaliya ayaa udirtay qaar kamida mas’uuliyiinta wasaaradda Duulista iyo Hawada wadanka Emirates ka si ay madaxda shirkaddahaas iyo Dawlada Emaaraat ka ugala xaajoodaan sidii FLY Dubia iyo Air Arabia Duulimaadyo uga bilaabi lahayeen Garoonada Aadan Cadde ee Caasimada Muqdisho iyo Caasimada Puntland ee Garoowe. Xili Aduunku Loolan Ugu jiro Soo jiidashada Duulimaadyada Caalamiga ah ayay Xukuumada haysa Talada Maamul ee Somaliland Waxa Uleh Ahmiyada Koowaad Xifaaltanka ay kula Jirto Somalia iyo Ganacsiga gaarka ah ee Galin ku Taajir, Taasoo Minja Xaabisay Ruqsadii Diyaaradaha Caalamiga ah. Xanta siyaasada Caalamka oo ahaa inaanu Xidhiidhka dawladaha imaaraadka iyo Somalia ahayn mid wanaagsanaa mudooyinkii danbe waxayse Arintani irid cusub u furaysaa is dhexgaI Horleh iyo Isfahan Dhaqaale oo dhexmara Labada dal, waxaana meesha ka baxaya Wada Shaqayntii Somaliland iyo Imaaraatka. Haddii dawladda Federaalku ku guulaysato qorshaha ay ku doonayso in ay Muqdisho keento FLY Dubia Air Aribia na Garoowe wuxuu suuragal ka dhigayaa in Imaraadka Carabta iyo Dawladda Soomaaliya xidhiidhkoodu soo hagaago islamarkaana uu meesha ka baxo xidhiidhka Danaha Dhaqaale ku saabsan ee had da kala Dheexey imaaraadka xukuumada Somaliland Source
  23. MANILA — Somalia has dealt with drought, localized displacement, heavy floods, and locust infestations in the past 9 months. But the arrival of COVID-19 could push the country into another crisis, aid workers fear. Source: Hiiraan Online
  24. Ciidamada Booliska Maamulka Hir-Shabeelle ee ku sugan Magaalada jowhar ayaa xalay ilaa saakey waxaa ay gudaha degmadaasi ka wadaan howlgallo baartaano ah,kadib markii xalay halkaasi uu ka dhacay qarax geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa ku dhintey hal ruux,waxaana ku dhaawacmey Shan qof oo uu kamid yahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo lagu Magacaabo Sakariye Muumin Hilowle. Ciidamada ayaa waxaa la sheegay inay howlgalkooda ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyey qaraxaas,isla markaana miinada ku Aasay goob xilliyada qaar ay isugu imaan jireen dad isugu jira Shacab iyo Madax intaba. Ciidamada ayaa waxaa Goobjoogayaal sheegeen in ay howlgalka ka sameeyeen agagaarka Xaafadaha ku dhow dhow halka qaraxa uu ka dhacay oo ah inta u dhaxeysa garoonka kubadda cagta jowhar ee Shoongale iyo Boosteejada laga raaco gawaarida soo aada magaalada muqdisho,isla markaana lagu qabqabtey dad farabadan. Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana dadka howlgalka lagu qabqabtey la geeyey Saldhiga Booliska Magaalada Jowhar. PUNTLAND POST The post Hawlgallo ka socda magaalada Jowhar appeared first on Puntland Post.