Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Allah u naxariistee waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ku geeriyoooday fanaanka caanka ah Cumar Cabdulle Shoolli. Fanaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho. Fanaanka oo xanuunsanayay labadii bilood ee la soo dhaafay ayay caawa ehelkiisa xaqiijiyeen ku naf baxay Isbitaalka Aadan Cadde oo lagu baxnaaninaayey xaaladiisa Caafimaad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (SMN) – Dawladda Soomaaliya ayaa canshuur dhaaf u sameysay cunnada quutul daruuriga, si looga hor tago koror ku yimaada qiimaha maciishada, oo aysan saameyn ku yeelan tallaabooyinka looga hortagayo faafidda Covid19. Raashika canshuur dhaafka loo sameeyay waxaa kamid ah Bariiska iyo timirta oo loo sameeyay canshuur dhaaf dhan 100%, iyo Burka iyo saliidda oo loo sameeyay canshuur dhaaf gaaraya 50%. Canshuur dhaafka ayaa billaabanaya 15ka Abriil, 2020, si aysan saameyn ugu yeelan maciishadda xilliga bisha barakeysan ee Ramadaan. Sidoo kale wasaaradda maaliyadda ayaa shaacisay in ay dhiirri gelineyso sare u qaadidda wax soo saarka gudaha, gaar ahaan beereysiga si uu qayb uga noqdo dadaallada lagu baadi goobayo isku filnaasho iyo kobac dhaqaale oo waara. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaaale Beyle ayaa sheegay in isu socod la’aanta xayirtay dhaqdhaqaaqii ganacsiga dalka dhibaato xoog leh ay u gaysanayso dhaqaalaha wadanka maadaamada uu hoos u dhacay dhaqaalihii ka soo xeroon jiray furdooyinka iyo canshuuraha berriga. Wasiirka ayaa bogaadiyay dadaallada madaxda sare ee lagu raadinayo dhaqaale looga soo kabsado hoos u dhaca xoogga leh ee ku soo fool leh dhaqaalaha waddanka ee uu sababi karo xanuunka Covid19. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Hobolkii caanka ahaa ee Al Fanaan Cumar Shooli ayaa caawa ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu waramay in maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayey caasimadda dalka isla markaana uu koomo ku jiray. Wiilkiisa, Axmed, oo geerida aabihii u xaqiijiyey idaacadda Shabelle, ayaa sheegay in uu la xanuunsanaa xanuuno ay kamid yihiin Sokor iyo Dhiigkar. Shacabka Soomaaliyeed iyo bahdiisa fanka ayaa tacsi tiiraanyo leh waxay u direen ehelkiisa, iyagoo u rajeeyey bedel wanaagsan. Cumar Shooli ayaa kamid ahaa fanaaniinta Soomaalida kuwooda loogu jecel yahay, wuxuuna qaadey hees kala duwan oo hirgalay, kuwaasoo aad loo jeclaaday. View the full article
  4. Hay’adda caafimaadka adduunka WHO oo si gaar ah isha ugu haysa isbeddelka iyo saamaynta maalin kasta ka dhalanaysa cudurka dunida halakeeyey ee Corona Virus ayaa si adag uga digtay awoodda faafitaanka cudurkaas, waxayna tilmaantay in cudurku uu sii kordhayo marba marka ka danbaysa, taasoo tilmaamaysa in awoodda faafitaanka Crona Virus ee dunida oo dhan ay tahay mid aad u sarraysa. Warbixino kala duwan oo ay soo saartay ayay qayb ka mid ah waxay ku tilmaantay in cudurka Crona uusan gaarin meeshii ugu sarraysay adduunka oo dhan, waxaana xaqiiq ah in 90% kiisaska ugu badan ay ka diiwaan gashan yihiin Mareykanka iyo Yurub, taas oo tilmaan u noqonaysa in adduunyada inteeda kalena ay khatar u yihiin in cudurku ugu faafo si lamid ah Yurub iyo Maraykan. Hay’adda caafimaadka aduunyada WHO waxay rajo wanaagsan ka muujisay in tirada kiisaska cusub ay hoos udhacayaan qaybo ka mid ah dalalka Yurub oo ay kamid yihiin Talyaaniga iyo Spain, hay’adda WHO waxay intaa ku dartay in xaaladda faafitaanka cudurku ay wali halkeedii joogto oo uu xiligan si weyn ugu baahay dalalka Ingiriiska iyo Turkiga. WHOP warbixinteeda waxay ku caddaysay in adduunyada oo dhan uusan wali cudurku gaarin meeshii ugu sarraysay balse uu hadda joogo meel dhexe iyadoo ilaa iyo hadda aan la helin dawadii ku haboonayd ee looga hor tagi lahaa Crona Virus, waxayna ka digtay haddii cudurku uu gaaro meesha ugu sarraysa inay noqon doonto xaalad aan waxba laga qaban karin isla markaana uu dhibaato u gaysan karo in ka badan inta uu hadda saamaynta ku yeeshay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Fanaankii weyn ee Soomaaliyeed Cumar Cabdulle (Cumar Shooli), oo loo yaqiin Madaalaha Hobollada Waaberi. Geerida Cumar Shooli ayaa waxaa Caasimada Online u xaqiijiyey xubno ka tirsan Hobollada Waaberi iyo Golaha Abwaaniinta Qaranka Soomaaliyeed. Cumar Shooli ayaa ka titsanaa kooxda fanaaniinta Qaranka ee Waaberi, waxuuna maalmihii lasoo dhaafay Fanaanku ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Marxuumka ku geeriyooday ayaa ku geeriyooday isbitaalka Yeldameri ee magaalada Muqdisho, oo maalmihii u dambeeyay agu dabiibayey . Ehellada Allaha u naxariistee Cumar Shooli oo maalmo ka hor warbaahinta la hadlay ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay dayacday Fanaanka oo ka tirsanaa kooxda fanaaniinta Qaranka ee Waaberi.
  6. Wasiirka wasaaradda ganacsiga dowlad goboleedka Jubbaland mudane Cabdinuur Cali Aadan ayaa ugu baaqay ganacsatada deegaanada Jubbland gaar ahaan kuwa magaalada Kismaayo in aysan qaaliyeeyn raashinka quutul daruuriga ah. Wasiirka ayaa sheegay in talaabo laga qaadi doono cidii ka dhaga adeegta awwaamiirta kasoo baxday dowlad gobaleedka Jubbaland, isagoo digniin u diray kuwa aan illaa hadda fulin amaradii hore uga soo baxay maamulka. Magaalada Kismaayo ayaa waxaa laga dareemayaa sara ukac ku yimid raashinka qutul daruuriga ah iyadoo adduunka uu dhibaato xoogan ku haayo cudurka karoona fayris, waxaana madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada ay ganacsatada uga digeen in ay ka faa’iideystaan daruufta lagu jiro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. PRESS RELEASE Coronavirus – Ethiopia: Coronavirus Reported Cases in Ethiopia ADDIS ABABA, Ethiopia, April 13, 2020/ — New Cases – 3 Active Cases – 55 Critical – 0 New Recovered – 4 Total Recovered – 14 New Deaths – 0 Total Deaths – 3 Total Cases – 74 Notice – Two cases have been transferred to their country Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Ethiopia. View multimedia content SOURCE Ministry of Health, Ethiopia Qaran News
  8. Somaliland ayaa dawladda federaalka Soomaaliya ku eedeysay in ay faro galin ku hayso arrimaheeda gudaha, gaar ahaan xaaladaha la xariira tira koobka cudurka COVID-19,kaas oo kiisas la xariira ay shaacisay dowladda Soomaalia. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Koorre oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in wasaradda caafimaadka Soomaaliya ay dadkii laga helay Coronavirus ee deegaanada Somaliland ay ku dartay dadka laga helay COVID-19 ee ku nool koonfurta Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland dhankooda aysan diyaar u aheyn in waqtigaan la siyaasadeeyo xaaladaha la xariira cudurka COVID-19 oo magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa lagu arkay kiisas , lakiin Somaliiland ayaa sheegtay in dowladda federaalka ay siyaasadeyneyso arrimaha la xariira kiisaska cudurka COVID-19. Sidoo kale wasiirka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ayaa soo hadal qaaday qaadka kasoo dega deegaanada Somaliland, ee badankiisa laga keeno wadanka Itoobiya waxaana uu qiray in Qaadka uu khatar uu ku yahay bulsha, balse aysan awoodin in ayjoojiyaan. Hadalka ka soo yeeray Somaliland ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iayadoo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay warbixinteedii ugu dambeysay ku sheegtay in 35 kiis oo cusub oo Coronavirus ah ay ka diiwaan gelisay dalka, waxaana dadkaas qeyb ka ahaa seddax ruux oo ku nool deegaanada Somaliland magaalada Hargeysa iyo Togdheer. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur, ayaa bogaadisay kaalinta dhaqaatiirta, kalkaaliyaasha iyo howlwadeenada kale ee caafimaadka ay ka qaadanayaan la dagaalkanka cudurka COVID-19. Wasiir Fowziya Abiikar ayaa caddeysay in sideed kamid ah dhakhaatiirta Soomaaliyeed laga helay Coronavirus, maadaama dhakhaatiirtu ay safka hore uga jirto la dagaalanka cudurkan, iyadoo ku amaantay in naftooda ay u hurayaan, badbaadinta bulshada inteeda kale. Dhakhaatiirta uu ku dhacay cudurkaas ayey sheegtay in ay ku howlanaayeen gudashada waajibaadkooda, waxayna Alle uga barisay iyaga iyo dhammaan dadka kale ee cudurkani ku dhacay in uu caafiyo. Wasiirka Caafimaadka Fowziya Abiikar ayaa cadeysay in maanta aan la diiwaan gelin xaalad cusub oo COVID-19 ah, balse ay jiraan dad maanta baaritaano lagu sameeyay oo jawaabahooda weli la sugayo. Ugu dambeyntii Wasiir Fowsiya ayaa sheegtay in dowladdu ay dadaalkeeda isugu geyneyso sidii looga hortegi lahaa khatarta cudurka Coronavirus, waxayna bulshada mar kale ka dalbatay in ay u hoggaansamaan talooyinka caafimaadka ee loo soo jeedinayo. Halkan ka Daawo
  10. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Beyle Dawladda Soomaaliya Federaalka ayaa canshuur dhaaf u sameysay cunnada quutul daruuriga, si looga hor tago koror ku yimaada qiimaha maciishada, oo aysan saameyn ku yeelan tallaabooyinka looga hortagayo faafidda Covid-19. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa caawa shaaciyey in Raashinka canshuur dhaafka loo sameeyay uu kamid yahay Bariiska iyo Timirta oo loo sameeyay canshuur dhaaf dhan 100%, (canshuur la’aan) halka Burka iyo Saliidda loo sameeyay canshuur dhaaf gaaraya 50%. Canshuur dhaafka ayaa billaabanaya sida uu sheegay Wasiir Beyle 15-ka Abriil, 2020, oo ku beegan berri oo Arbaco ah, wuxuuna socon doonaa muddo saddex billood ah, kadibna hadba xaalku sida uu noqdo waxaa lagu sameyn doonaa dib u eegid. Sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda ayaa shaacisay in ay dhiirri gelineyso sare u qaadidda wax soo saarka gudaha, gaar ahaan beereysiga si uu qayb uga noqdo dadaallada lagu baadi goobayo isku filnaasho iyo kobac dhaqaale oo waara. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in isu socod la’aanta xayirtay dhaqdhaqaaqii ganacsiga dalka dhibaato xoog leh ay u gaysanayso dhaqaalaha wadanka maadaamada uu hoos u dhacay dhaqaalihii ka soo xeroon jiray furdooyinka iyo canshuuraha berriga. Wasiir Beyle ayaa bogaadiyay dadaallada madaxda sare ee lagu raadinayo dhaqaale looga soo kabsado hoos u dhaca xoogga leh ee ku soo fool leh dhaqaalaha waddanka ee uu sababi karo xanuunka Covid-19. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday canshuur dhaaf appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in canshuur dhaaf loo sameeyay qaar ka mid ah cunnada quutul daruuriga ee dalka soo gasha, taas oo lagu sheegay qoraalka in looga hor tegayo koror ku yimaada qiimaha maciishada. Talaabadan ayey sheegay dowladdu in loo golleeyahay in saameyn aysan ku yeelan maciishada dalka tallaabooyinka looga hor tegayo faafidda cudurka Coronvirus. Raashika canshuur dhaafka loo sameeyay waxaa kamid ah Bariiska iyo Timirta oo ay sheegtay xukuumaddu in loo sameeyay canshuur dhaaf dhan 100%, halka Burka iyo Saliidda loo sameeyay canshuur dhaaf dhan 50%. Canshuur dhaafka waxaa lagu sheegay qoraalka in uu dhaqan gelayo 15-ka bishan Abriil, oo ku beegan Arbacada berrito. Sidoo kale wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dhiirra galineyso sare u qaadidda wax soo saarka gudaha dalka, si dalku u gaaro isku filnaasho iyo kobac dhaqaale oo waara. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in isu socod la’aanta xayirtay dhaqdhaqaaqii ganacsiga dalka dhibaato xoog leh ay u gaysaneyso dhaqaalaha wadanka maadaama uu hoos u dhacay dhaqaalihii ka soo xaroon jiray furdooyinka iyo canshuuraha berriga. Ugu dambeyntii Wasiir Beyle ayaa bogaadiyay dadaallo uu sheegay in madaxda sare ee dalka ay ku raadineyso dhaqaale looga soo kabsado hoos u dhaca xooga leh ee ku soo fool leh Soomaaliya, kaas oo uu sheegay in uu sababi karo xanuunka caalamka wada saameeyay ee COVID-19. Halkan ka Daawo wasiirka maaliyadda oo sharaxaya
  12. DJabuuti (Caasimada Online) – Dawladda Jabuuti ayaa maanta shacisay 65 kiis oo cusub oo cudurka Coronavirus ah, kuwaas oo laga diiwaan geliyay gudaha dalka. Warbixin ay soo saartay wasaaradda caafimaadka dowladda Jabuuti ayaa lagu sheegay in baaritaan la mariyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay 407 ruux, isla markaana cudurkaas laga helay 65 qof oo ka mid ah dadkii la baaray. Tirada guud ee dadka uu ku dhacay xanuunkan ayaa mareysa dalka Jabuuti 363 xaaladood, sidoo kale dowladdu waxa ay sheegtay in 53 ruux ay ka bogsatay cudurkaas, labana ay u dhimatay. Dowladda ayaa xanuunkaas ka baartay 5,356 oo ruux, waxaana laga helay 363, kuwaas oo labo u geeriyootay. Warbixintii shalay kasoo baxday wasaaradda caafimaadka dalka Jabuuti waxaa lagu sheegay in shalay kaliya dalkaas laga diiwaan geliyay 83 xaaladood oo noqday kiisaskii ugu badnaa ooh al maalin laga diiwaan geliyo Jabuuti tan iyo markii uu dalkaas ka dilaacay Coronavirus. Bandowga ku eg 28-ka bishan ayaa lagu soo rogay dalka, waxaana dhamaaday waqtiga bandow dhowr cisho ah oo horay loogu soo rogay dalkaas, balse lagu kor dhiyey mudo laba toddobaad ah, kadib markii ay sii badatay khatarta cudurka uu ku hayo dalka.
  13. Madaxweyne ku xigeenka DGGM, Cali Daahir Ciid ayaa maanta kulan la qaatay Golaha guurtida Dagmada Cabudwaaq, waxaa kulanka ku wehliyay Ugaaska Ugaas Maxamed Ugaas keyse, waxaa sido kale, qayb ka ahaa Xildhibanada Galmudug ee ka soo jeeda Waqooyiga Galgaduud Kulanka waxaa looga hadlay sidii xabad joojin rasmi ah uga dhaaqan gali la,heyd deeganka furinta Fooro oo dagaal beeledyo ku soo lab laabteen, waxaa kale kulanka qodabadii looga hadlay ka mid ahaa hormarinta Dagmada Cabudwaaq iyo soo dhisida Golaha deeganka Dagmada cabudwaaq. Intii uu kulankaasi socday ayaa Ugaaska Ugaas Maxamed Ugaas keyse iyo golaha guurtida ay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ka codsadeen in dagmada Cabudwaaq si dag dag ah loogu dhiso gole deegan oo ay Dagmadu yeelato. Sidoo kale, Golaha guurtida Dagmada cabudwaaq ayaa madaxweyne ku xigeenka Ka codsaday in la kordhiyo tirada iyo tayada, Ciidamada booliska Dagmada Cabudwaaq. Ugu danbeyn Golaha guurtida Dagmada Cabudwaaq ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walalaha ah ee ku dagaalamay deeganka Furinta Foore ee gobolka Galgaduud oo dhowr jeer ay ku dagaalameen beelo ka soo kala jeeda Cabudwaaq iyo Cadado. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Xilli ay taagan tahay doodda ka dhalatay sadbursiga lagu sameeyay Beelaha Mogadishu Clan ee degga Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa hadana isa soo taraya xilalka ay Beesha Madaxweyne Farmaajo ka qabanayso Maamulka Koonfur Galbeed, taasoo loo sababeeyay, iyadoo ay yihiin reer abtiyaasha Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen). Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayuu maamulka ku soo kordhiyay in ay xilal ka qabtaan dad deegaan ahaan ka soo kala jeeda Gobolada Gedo & Galgaduud. Beeshan ayaa markii ugu horeysay xubin baarlamaan ka heshay Baarlamaanka Koonfur Galbeed, iyadoona uu ku metelo Xildhibaan Abshir Diiriye Nuur. Madaxweynaha ayaa Cabdirashiid Doolow u magacaabay inuu noqdo La taliyaha Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Isaaq Cali Subag. Saciid Maxamed Xuseen ayuu Madaxweynuhu u magacaabay La taliyihiisa dhinaca Ciidanka Xoogga Dalka. Cabdirisaaq Kaahiye Xuseen waxaa loo magacaabay La taliyaha Wasaaradda Dhalinyarada & Cayaaraha Koonfur Galbeed. Xubnahan ayaa dhammaantood ku heyb ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waana markii ugu horeysay oo ay si muuqato uga soo dhex muuqdaan Madaxtooyada Koonfur Galbeed, tan iyo markii maamulkaasi la aasaasay lix sano horteed. Dhanka kale Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa daba-yaaqadii bishii hore ee March ashtako ahaan ugu tagay wafdi Wasiiro iyo Xildhibaano oo ka soo jeeda Beelaha Mogadishu Clan, iyagoo ka ergaynayay beelahaasi oo lagu duudsiiyay saamigoodii Baarlamaanka, markii la soo koobay. Madaxweynaha ayaana ugu carab laalaadiyay in uu wax ka qaban doono, tiiyoo ay hadaba muuqato inaanu wadadeedii ku taagneyn. Waxa dadka badankii ay hadda fillayaan ayaa ah inaanan waxba laga bedelin qaabka lagu soo dhisay Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed, hase ahaatee ay macquul tahay in Madaxweynuhu uu isu shaandhayn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada, markaasoo ay markii ugu horeysay xilal ka qaban doonaan reer abtiyaashii.
  15. The County Government of Mandera has revealed that 32 people who travelled from Nairobi last week have managed to disappear from a quarantine facility in Elwak town under unclear circumstances. Source: Hiiraan Online
  16. (SLT-Riyadh)-Wasaaradda arrimaha diinta ee Sacuudiga, Dawah iyo Hanuuninta ayaa shaaca ka qaaday in salaadda Taraweeh inta lagu jiro bisha Ramadaan kaliya lagu tukandoono guryaha. Sacuudigu wuxuu sheegay xayiraadaha saaran masaajidda in aan laga qaadi doonin illaa dhamaadka coronavirus. Wargeyska Al Riyadh wuxuu soo xigtay Dr. Abdul Latif Al Sheikh, Wasiirka Arimaha Islaamka ee Sacuudiga, isagoo leh: “Joojinta gudashada shanta salaadood ee masaajidda ayaa ka muhiimsan xayiraadda salaadaha Taraawiixda. Waxaan ka baryaynaa Ilaaha Qaadirka ah inuu aqbalo salaadda Taraweeh haddii lagu tukado masaajidda, ama guryaha, taas oo aan u maleyneyno inay u wanaagsan tahay caafimaadka dadka. Waxaan ka baryaynaa Ilaaha Qaadirka ah inuu aqbalo ducooyinka oo aan ka badbaadino bini-aadamka masiibada ku habsatay adduunka oo dhan, ”ayuu yidhi Al Sheikh. Iyadoo la raacayo tilmaamaha iyo taxaddarrada ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka iyo mas’uuliyiinta ay khusayso, shan illaa lix qof oo ka tirsan qoyska qofka dhintay ayaa ah inay ka qeyb galaan salaadaha janaasada iyo aaska kuwa dhinta, ayuu yidhi Al Sheekh. Al Sheikh wuxuu caddeeyay in salaadda janaasada ayna ka weyneyn salaadaha waajibka ah, sidaa darteed ay suurta gal tahay in si gooni gooni ah loo tukado, maadaama ay ka muhiimsan tahay in ayna jirin dad tiro badan oo isku meel isugu imaanaya, halkaasoo ay suurta gal tahay in lagu faafiyo cudurka. Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Kulan maanta dhex maray guddida ka hortaga Covid-19 ee gobolka Maroodijeex iyo iskaashatada basaska caasimada Hargeysa, ayaa layskula meel dhigay in aan la kordhin qiimaha lagu raaco basaska iyada oo la dhimayo tirada rakaabka raaca. “Sida lagu taliyey oo ah shan iyo tobanka qof ee gaadiidka loo qorsheeyay in aanu qaadano, inaga oo dadkeeni u daneynayna maanta waxaa aanu go’aansaney anaga iyo guddidi fulintu in aanan bisha waxba lagu kordhinin maada wakhtigu adag yahay, waxaanu go’aansanay in gaadiidka aan waxba lagu kordhin ee rakaabka sidaasi lagu qaado”Ayuu yidhi mid ka mida guddida iskaashatada basasku. Dhankiisa duqa caasimada Hargeysa mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco ayaa sheegay in aan wax kharasha lagu kordhin karin rakaabka raaca basaska, cidii u hogaansimi weydana laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan “In go’aankii guddidu soo saartay aanu fulino oo noqoneysa basaska waa weyn iyo kuwa yar yar oo noqoneysa in aan lacagna lagu darin sidiina lagu shaqeeyo, iskaashatadu waxaa ay ka masuul tahay, inay iyaguna soo sheegaan dawlada hoose bileyska gobolka dhammaan hay’add kasta oo nabad geliyana waxaa ay ka shaqeyn doonta in la ganaaxo cidii go’aanka ag marta” Source
  18. Haddii uu mar joogay Wuhan-ta Shiinaha oo aad u haysatay Xannuun dadyowga aan muslimka aheyn oo kaliya ku dhaca. Haddii uu Talyaaniga yimid oo innagoo daaweynaya ay dadkii tartab-tarab u soo dhaceen. Haddii aynu u soo joognay Maraykankii awooda is-bidayey xal iyo maarre u waayey xannuunka ku laxaadsaday. Maanta gurigaagii ayuu dalkaagii ayuu soo gaadhay Fayraska Corona (COVID-19) innagoo ka hooseysa dalalkaas adeegyada caafimaadka iyo dhaqaalahaba. Xannuunkani shan Bilood ayuu ku asiibay 1,926,235 qof oo daafaha caalamka ku kala nool, waxa u dhintay illaa imika 119.724 ruux. Waxase EEBE ka kiciyey 452,367 oo qof. Fayraska Corona wuxuu koobsaday dhammaan hababka ay ku fidaan xanuunnadii hore ee caalamka soo maray. Cudurkan dilaaga ah Ayaan loo helin dawo iyo tallaal lagula tacaalo midna, waxase dawadiisa kaliyi noqotay ka hortag iyo inaad ALLE la kaashato tilmaamaha iyo farriimaha mucayinka ah ee Hay’adda WHO ay dejisay in la adeegsado, taasi oo ay ugu horreyso ilaalinta nafaafadda guud, faro-xalka iyo in la isku jirsado masaafo laba mitir ah, in la mamnuuco salaanta gacan qaadka ah iyo goobaha dadka badani iskugu yimaado oo noqday marinka xannuunkani ku faafo. Qaaradda Afrika wuu soo galay Coronavirus, iyadoo cabsi weyn laga qabo inuu xiddeysto oo uu uga faa’iidaysto wacyiga bulshada ee hooseeya iyo dhaqaalahooda oo liita.waxa la caddeeyey 15,300 oo kiis in laga helay Afrika. Waxaa u dhintay xannuunkaas 835 qof. Dalalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti iyo Itoobiya ayuu iyagana hagardaamaynayaa xannuunkani. Waxa lagama maarmaan ah in Dhacdooyinkaasi aynu feejignaan iyo taxadar inoo kordhiyaan oo aynu qof iyo qoysba wax ka beddelno dhaqankeenii nololeed ee ku dhisnaa ‘Gacal isma Cidhiidhyo’ ee beri samaadkii xannuunkan ka hor. Waxa innala gudboon in qof kastaaba maanka ku hayo in cidda uu sadhaynayaa ay tahay ubadkiisa, walaaladii, xaaskiisa iyo inta uu jecel yahay oo dhan isla markaana uu bulshada sidaas ku sii gaadho fayraskan dilaaga ahi. Nasiib wanaag, waxa Somaliland heshay laabka lagu shaybaadho xannuunkan oo laga baaqsan doono in dheecaannadii dadka laga qaado ee loo diri jiray dalka dibadiisa, waxaanu laabkani maalintii baadhi karaa afartan qof. Jamhuuriyadda Somaliland waxa laga helay fayraska Corona shan qof. Sidaas darteed, waxa Guddida heer qaran ee u diyaar-garowga iyo ka hortagga Xannuunka COVID-19 ay soo saareen awaamiir kala duwan oo qayb ka ah qorshaha la doonayo in lagu xakameeyo fiditaanka xannuunkan, taasi oo u baahan in loo hoggaansamo tallaabooyinka ka fursan waagga ah. Waxaanay guddidu sheegtay in ciddii dhaqangelin wayda go’aamadaas ay mutaysan doonaan ganaax iyo xadhig. Ugu dambeyn, muwaadin waxa la gaadhay xiligii aad dhab u waajihi laheyd inaad naftaada iyo qoyskaaga ka badbaadiso xannuunkan adigoo ALLE tallo saaranaya, Xukuumaddana waxa la gudboon inay meelmariso go’aamadan ay soo saartay si ilaaliyo badqabka bulshada. W/Q Cumar Maxamed Faarax cumarmfaarax@hotmail.com Source
  19. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa isku-shaandheyn iyo dib u habeyn ku sameeyey Agaasime Waaxeedyada wasaaradaasi, si loo dardar geliyo howlaha shaqo ee wasaaradaasi. Isku shaan-dheynta View the full article
  20. Jowhar (SMN) – Wasiirka wasaaradda amniga Hirshabeelle, Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa sheegay in Caawa Salaada Cisho wixi ka dambeeya degaannada Hirshabeelle uu ka dhaqan gali doono Bandow socon doona illaa Salaadda Subax, kaas oo looga golleeyahay ka hortaga Cudurka Covid19. Laamaha amniga Hirshabeelle ayuu ugu baaqay inay dhaqan galiyaan amarrada lagu soo rogay degaannada Hirshabeelle Wasiirka ayaa mas’uuliyiinta 2 da Gobal ugu baaqay inay ka qey qaataan la dagaallanka qaadka oo si qarsoodi ah loosoo galiyo qeybo ka mid ah Hirshabeelle. View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Habeen-140420.mp3 View the full article
  22. Maamulka warbaahinta Goobjoog ayaa waxasaxaafadeed waxa uu ka soo saaray xariggii maanta magaalada Muqdisho loogu geystay wariye Cabdicasiis Gurbiye oo lagu xiray saldhigga degmada Hodan ee gobalka Banaadir iyaga oo xarigga wariyaha cambaareeyay. Ciidamo booliiska gobolka Banaadir ayaa subaxnimadii saaka xabsiga dhigay Tafatiraha Goobjoog News Cabdi casiis Axmed Gurbiye. Ma jirto war ka soo baxay ilaa iyo hada Dowladda Federaalka ee la xiriirta xariga Wariyaha , lama oga sababaha xarigiisa. Halkaan ka akhriso War-saxaafadeed Ku Saabsan Xariggii Sharcidarrada Ah Ee Weriye Cabdicasiis Axmad Gurbiye Maamulka Warbaahinta Goobjoog wuxuu la wadaagayaa dadweynaha Soomaaliyeed xariga sharcidarrada ah ee lagula kacay Tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog Weriye Cabdicasiis Axmad Gurbiye una dhacay sida soo socota: Hoggaanka Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa la soo xiriiray Maamulka Warbaahinta Goobjoog xilli habeennimo si loo soo gaarsiiyo dacwad ka dhan ah weriyaha xorriyadda laga qaaday Mudane Cabdicasiis Gurbiye isla markaasna ku amray in xilligaas habbeennimo aynu tagno Saldhigga Booliska ee Degmada Hodan. 2 Iyadoo hannaanka sharci ee u yaalla Dalka uusan ogolaaneyn in wixii ka dambeeya 06:00 fiidnimo – sida ku cad Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed – aanan qof la gaarsiin karin AMAR la xiriira xorriyad ka qaadis; haddana Maamulka Warbaahinta Goobjoog, iyaga oo kalsooni ku qaba in hawlaheeda warbaahin ay u fuliso si aan ka soo horjeedin shuruucda Dalka, ayey u hoggaansantay farriintii la soo gaarsiiyey, waxaana durbadiiba Maamulka Warbaahinta Goobjoog iyo Tafaftire Cabdicasiis Gurbiye u dhaqaaqeen xilligaas iney ka soo garnaqsadaan cidda dacwadda u heysata. Waqti yar kaddib, Taliskii Booliska ayaa mar kale ina soo gaarsiiyey farriin kale oo nuxurkeedu ahaa inaan subaxa hore ee taariikhdu tahay 14ka Abriil aan tagno Saldhigga Booliska Hodan. Subaxdii 14ka bisha Abriil, Maamulka Goobjoog iyo Tifaftire Cabdicasiis Gurbiye waxa ay tageen Saldhigga Booliska ee Degmada Hodan. Mudo saacado ahna waxa ay ku xayirnaayeen xafiiska Saldhiga Booliska Hodan, iyaga oo aan la kulmin ciddii dacwada ka soo gudbisay. Markaas mudo yar kadib, waxaa Tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog Mudane Cabdicasiis Gurbiye lagu wargeliyey in uu u xiranyahay dacwad uu ku soo oogay Xafiiska Xeer Ilaalinta oo wakiil ka ah Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Isla markiiba waxaa si sharci daro ah xorriyadiisii looga qaaday weriye Cabdicasiis Gurbiye. HADABA, Warbaahinta Goobjoog waxa ay si adag u cambaareyneysaa dhagarta loo dhigay weriye Cabdicasiis Gurbiye si looga qaado xorriyadiisa iyadoo aanan loo soo marin hannaankii sharci ee u degsanaa xorriyad ka qaadista iyo dacwad oogista ka soo horjeeda qofka insaanka ah, gaar ahaan muwaadinka Soomaaliyeed. 6. Warbaahinta Goobjoog waxa ay sidoo kale u cambaareyneysaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud oo soo maleegay dhagarta xorriyadda looga qaaday weriye Cabdicasiis Gurbiye, xafiiskaas oo awoodiisii u adeegsaday si ku takrifal ah oo hareermarsan Sharciga Dalka, isaga oo ugu adeegaya dano gaar ah. Warbaahinta Goobjoog waxa ay caddeyneysaa in xorriyad ka qaadista Weriye Cabdicasiis Gurbiye ay tahay sharci daro hareermarsan dhammaan Shuruucda iyo Qawaaniinta dalka uu leeyahay. Warbaahinta Goobjoog wax ay caddeyneysaa in xorriyad ka qaadista Weriye Cabdicasiis Gurbiye ay qayb ka tahay olole qorsheysan oo lagu caburinayo warbaahinta dalka iyo guud ahaan xorriyada hadalka iyo afkaarta. Sidaa daraaddeed, waxa ay Goobjoog ugu baaqeysaa Taliska Booliska Soomaaliyeed in Weriye Cabdicasiis uu dib u helo xorriyadiisa, si degdeg ahna looga sii daayo xabsiga. = Gunaanad = Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Hargeysa (Caasimada Online) ― Saacadihii u dambeeyay waxa baraha bulshadu aad u wareegayay warar sheegaya in Dad qaba cudurka Coronavirus oo ku nool magaalada Hargeysa ay ka baxsadeen Wasaaradii gacanta ku haysay. Arrintaasi oo ah mid halisteeda leh oo saameyn weyn ku yeelan karta Bulshada reer Somaliland, gaar ahaan reer Hargeysa ayaa wax ka weydiinay inay jirto Wasaarada Caafimaadka Somaliland. Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa noo xaqiijiyey inaysan jirin Dad baxsad ka ah gacantooda, kadib markii laga helay cudurka halista ah ee Coronavirus. Dr Xergeeye ayaa sheegay inay jiraan Dad xaaladooda caafimaad ay soo reysatay oo ay usoo jeediyeen inay isku daryeelaan Guryahooda, isla markaana ay xaaladooda caafimaad la socoto wasaaradoodu. “Dadkani waa Dad uu hore ugu dhacay oo uu ka sii baxayo, Wax Calaamad ahna malaha. Waanu la soconaa oo waanu la xidhiidhnaa, waxaanuna u sheegnay inay Guryahooda isku daryeelaan, markaa ma baxsan karaan” ayuu yiri Agaasime Xergeeye. Wuxuuna intaas sii raaciyey Agaasimuhu “Dad baxsan karaya maaha, waxna kama jiraan Inay baxsadeen”. Xukuumada Somaliland ayaa laga deyrinaya qaabka ay uga hortageyso cudurkan halista ah inuu ku faafo deegaanadeeda, maadama ay weli wax go’aan ka soo saarin qaad badan oo si maalin leh ah usoo gala deegaanadeeda, iyada oo ay furan-tahayna xuduuda ay la wadaagto Itoobiya.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa ka hadlay qalab la sheegay inuu madaxweyne Farmaajo qaatay iyo xariga weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ka tirsan warbahainta Goobjoog. Weriye Gurbiye ayaa la xiray maanta, mana cadda ilaa iyo hada sababta xarigiisa ka dambeysa, hase yeeshee shalay wuxuu bartiisa facebook kusoo qoray in madaxweyne Farmaajo “uu qaatey” ventilator (mashiinka neefta siiya sanbabada marka shaqada joojiyaan) loogu deeqay Isbitaal Martiini! Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo arrintan ka hadlay ayaa yiri: “Madaxtooyada kuma ogayn In ay tahay meel bukaanada la seexiyo, haddii aan umadda xog-jirta oo kale laga qarinayn!. Fal-ciqaabeed kama ratibmayo haddii la sheego qalabka neef siinta oo madaxweyne Farmaajo nafjecleysi uga qaatay isbitaal Martiini oo dadku ay u la’anayaan qalabkaas la’aantiis.” Fiqi oo u muuqda inuu si gaar ah usii xaqiijinayo eedeymaha ka dhanka ah madaxweynaha ayaa yiri “Cid kasta oo Martiini joogta ayaa kuu sheegaysa In qalabkaas xafiiska madaxweynuhu uu halkaas ka qaatay loona heystay in la soo celin doono laakin ay cadaatay inaan la soo celinayn ka dib markii nin Mas’uul ahi uu ugu dhintay halkaas ventilator la’aan!” “Waxaa nasiibdarro weyn ah In aan madaxweynuhu ka damqayn muwaadiniinta u dhimanaysa baahi ay u qabaan qalabka agtiisa yaalla laakin uu ka damqayo war xaqiiq ah oo uu wariye qoray! Fadlan xoriyadiisa dib ugu soo celi wariyaha waad ka gardaran tihiine! Ventilatorkana isna hala soo fasaxo baahi uma qabtiine?!!” Dhinaca kale, xildhibaan Mahad Salaad ayaa yiri “Wariye Cabdicasiis Xorriyadiisa si degdeg ah ha loogu soo celiyo, Madaxweyne Farmaajona mashiinka ha soo celiyo!” Mahad Salaad ayaa intaas ku daray in amarka lagu xiray wariyaha “ay bixisay Madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii shalay wariye Cabdicasiis qoray in Madaxweyne Farmaajo qaatay mashiin loogu deeqay dadka qaba cudurka Covid-19 ee ku karantiilan Isbitaal Martiini.” Mahad Salaad ayaa intaas ku daray “Shalay ayaa waxaa tagay Isbitaal Martiini mas’uuliyiin ka socda Madaxtooyada Soomaaliya, waxayna gaba-gabeeyeen shaqaalaha Isbitaal Martiini, waxaana la waydiiyay su’aalo la xiriira cida sheegtay mashiinkaan in Isbitaalka laga qaaday Madaxtooyadana la geeyay.” “Haddaba, waxaan ugu baaqaynaa hay’adaha amniga iyo Madaxweynaha Soomaaliya in Cabdicasiis xorriyadiisa si degdeg ah loogu soo celiyo. Aanan lagu xadgudbin xorriyada hadalka iyo xuquuqda wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ku shaqeeya daruufo aad u adag. Sidoo kale waxaan kula talinaynaa Madaxweynaha hadii uusan rabin in wax laga sheego in uu si degdeg ah ku soo celiyo mashiinka laga qaaday Isbitaal Martiini ee Madaxtooyada la geeyay. Sababtoo ah baahida cabsi ee Madaxtooyada kajirta mid ka daran oo waliba dhab ah ayaa kajirta Isbitaalada Mogadishu. Waana sababta dad mas’uuliyiin ah ugu geeriyoodeen Isbitaal Martiini baahi loo qabo mashiinkaan daraadeed,” ayuu yiri Mahad Salaad.