-
Content Count
214,420 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda waxbarashada ayaa todobaadkii hore mar qura ku soo toosay go’aanka ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku xireyso iskuul 15 May, kuna soo afjartay hawlgalkii waxbarasho ee Masaaridu ka wadeen dalka Soomaaliya. Qaraarka oo ku taariikheysnaa March 7, 2020 ayaa ku socday Sacad Maxamed Juuda oo ah madaxa ergada Masaarida, uuna wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (jaabiri) ku farayo inuu banneeyo iskuulka ugu dambeyn 30-ka April 2020 si loogu wareejiyo machad lagu tababaro gabdhaha macalimiinta ah. Isla warqadda waxaa lagu xusay iney daba socotay qoraal ay wasaaradda sheegtay iney ku codsatay in la soo afjaro hawlsha ergada oo ku taariikheysnaa 10-kii November 2019. Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa qoraal uu ku daabacay baraha bulsha ayaa ku tilmaamay arrinka lagu xiray iskuulka 15 May mid lagu raaligelinayo Itoobiya ayna daba socotay dhiibistii Qalbi-dhagax iyo qaraarkii ay Jaamacadda carabta ee ku aadanaa webiga Nile ee Soomaaliya inta taageertay ay ka laabatay. Idaacadda Goobjoog News ee magaalada Muqdisho oo u kuurgashay iney jawaab u hesho sababta dhabta ee iskuulka loo xiray iyo cidda xirtay ayaa xiriir la sameeysey dhammaan dadka arrinta iskuul khuseyso iyo inta ku lug lahaa hawsha xirista. Ugu horreyntii, Soomaaliya iyo Masar ayaa heshiis iskaashi dhanka waxbarashada ku saxiixday Qaahira 13-kii August 2015 kaasi oo dib loogu soo cusbooneysiinayay iskaashiga dhanka waxbarashada ee labada dowladood ee soo bilowday kontomeeyadii qarnigii tagay. Heshiiskan oo aan helnay waxaa xilligaas qalinka ku duugay wasiirka waxbarashada Soomaaliya Khadar Bashiir Cali iyo dhigeeda Masar Dr. Muxib Maxmuud Kaamil waxa’uuna ka koobnaa 13 qodob, oo ay ka mid ahaayeen in labada dhinac iska kaashadaan in dib loo howlgeliyo iskuuladii Masar ee Soomaaliya oo ardeyda wax lagu baro, lagu tababaro macalimiinta, in Soomaaliya ay Masar ku wareejiso iskuuladdii ay ku laheyd dalka lagana bilaabo 15 May, Sheekh Xasan Barsane iyo Jamaal Cabdinaasir, in Soomaaliya ay amniga sugto halka Masarna macalimiinta, manhajka, tababarka iyo dhammaan barnaamijka ay dusha saarato, waxaa kale oo heshiiska ku jiray in wixii khilaaf ah labada dhinac ka wada hadlaan xataa haddii wax laga badalayo. Heshiiska waxaa uun ka hirgalay iskuulka 15 May oo muddo 3 sano ah ay waxbarasho ka socoto halka Jamaal Cabdinaasir iyo Xasan Barsame aan lagu wareejin dowladda Masar. Masaaridu waxaa ay hirgiliyeen iskuulka 15 May oo hadda ay dhigtaan in ka badan 550 oo ardey oo u badan agoon iyo danyar ee fasalka 1-aad ee dugsi hoose ilaa 7-aad ee dugsi dhexe oo min labo fasal ah, oo ay dheertahay waxbarashada dadka waaweyn, tartan qur’aan, farshaxan, cayaaro kala duwan oo aaney laheyn iskuullada kale ee dalka. Dugsiga 15 May waxaa hada ka hawl gala 28 macalim oo ku shaqeeya 16 fasal, 4 sheybaar, 3 hool, hal tiyaatar, iyo garoon kubadda cagta oo ay ardada ku cayaaraan. Heshiiskan ay dowladda federaalka ah laashey waxaa uu ka dhigan yahay ciqaab iyo in waxbarasho la’aan noqon doonaan ardeyda iskuulada 15 May, iyo tiro intaas la eg oo dhigata iskuullo ay Masaarida ka fureen Burtinle(Maxamed Kamaalu-diin Salaax) iyo Galkacyo( Misr Al-xadiisa). Haddaba, Goobjoog News ayaa ogaatay in iskuulladaas sababta loo xiray oo ardeydaas waxbarashada ku weynayaan ay tahay khilaaf siyaasi ah oo u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo Puntland oo dhinac ah iyo Masar oo dhinac kale ah. Mar uu qunsulkii hore ee Masar u fadhiyey Soomaaliya Taamir Safwat safar ku tagay Puntland, lana kulmay madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa Puntland waxaa ay Masar ka codsatay in ay ka taageerto horumarinta waxbarashada ayna u hirgeliyaan iskuul tijaabo ah. Goobjoog ayaa heshay warqad uu wasiirkii waxbarashada Cabdi Cusmaan Daahir u diray dhiggiisa Masar Dhaariq Showqi, kuna taariikheysan June 6, 2018 isaga oo ammaanay barnaamijka waxbarasho ee Masaaridu ka wadaan gudaha Soomaaliya laakin ka codsaday in aan la qaadin tallaabo aaney ka warqabin wasaaradda waxbarashada. Wasiir Cabdi Daahir oo aan warqadda aan wax ka weydiinay waxaa uu sheegayaa in aanu xilligaas khilaaf jirin balse uu ku wargeliyey Masaaridu in wasaaradda la ogeysiiyo shaqada socota, si wax u fududeyso, laguna saleeyo iskuulada la furayo baahida deegaanka. Waxaa muuqata in Masaaridu ay hawlahooda sii wateen iyaga oo bilo kadib iskuulka Kamaalu-diin ka furay Burtinle. Khilaafka ugu weyn, waxaa uu dhacay kadib kulan Qaahira ku dhexmaray Wasiirka Waxbarashada dalka Masar Dr. Daariq Showqi iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowlad Goboleedka Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan iyo wafdigiisa, kulanka oo dhacay November 5, 2018 waxay Puntland dalbatay in laga taageero waxbarashada taasi oo loo balanqaaday, loona xilsaaray madaxa ergada Masar ee Soomaaliya Sacad Juuda oo kulanka joogay inuu daraasad sameeyo. Maalintii xigtay, Saxaafadda madaxa banaan ee masar ayaa qortay in ay Qaahira ku kulmeen wasiirka waxbarashada Masar iyo dhiggiisa Soomaaliya arrintaas oo ka careysiisay wasaaradda waxbarashada ee dowladda federaalka ah keentayna in Sacad loogu hanjabay inuusan Muqdisho ka soo dagi karin, walow dadaal ay sameysay safaaradda masar ee soomaaliya lagu fasaxay socdaalkiisa. Wasiir haatan ka tirsan wasaaradda waxbarashada ee dowladda federaalka ah oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa sheegay in kulankaas Qaahira iyo heshiiska dhacay aan la waafejin hanaanka dowliga ah ama jidkii sharciga ahaa, oo aaney ka warqabin wasaaradda waxbarashada federaalka ah, wasaaradda arrimaha dibadda iyo safaaradda isla markaana Masaarida iyo ergadooda ay meel uga dhaceen heshiiskii hore, siyaayadada iyo qarannimada Soomaaliya taasina ay keentay in la laalo heshiiska September 2019, warqadda Sacad loo diray March waxaa uu ku sheegay wasiirku inuu ahaa ogeysiiskii ugu dambeeyey oo ah iney Iskuulka banneeyaan. Wasiirka mar uu ka jawaabayey su’aal ah: Ma ardey kun ah ayaa loo ciqaabayaa khilaaf siyaasi ah waxaa uu yiri “Ardey awalba Carabi ayey wax ku baranayeen, macalimiin tayo leh looma keenin wax fiicanna lama bareyn, dowladda waxaa ay gacanta ku heysaa ilaa 30 iskuul, xal waa loo heli-doonnaa” isaga oo intaasi raaciyey “Haddii ninka madaxa ka ah ergada ee mashruuca wada uu raalligelin bixiyo, joojiyana waxa uu ka wado Puntland ay dhici karto in dowladda dib uga noqoto heshiiska ay laashay, dibna loo hawlgelin doonno iskuulka 15 May iyo joogista Macaliimiinta Masar. Xubin ka mid ahaa wafdigii uu hoggaaminayay wasiirka waxbarashada Puntland ee la kulmay wasiirka waxbarashada Masar ayaa xaqiijiyay ineysan dowladda Masar kula kulmin hannaan dowli ah ayna qarashka safarkooda bixiyeen jaaliyadda Puntland ee Masar deggan, ujeedada safarkooda markii hore uu ahaa tayeynta machad Azhari oo ka furan Qardho, intaa waxa uu ku daray ineysan jirin heshiis cusub ee la kala saxiixday ayse weydiisteen wasaaradda waxbarashada Masar iney taageerto waxbarasahda Puntland iyada oo tixraaceysa heshiiska waxbarashada ee Masar iyo Soomaaliya. Dhankiisa, Sacad Juuda oo madax ka ah ergada waxbarasho ee Masar ee Soomaaliya oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Masar ay ixtiraameyso madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya isagana aanu aheyn siyaasi ama diblomaasi, isla markaana uu fuliyey shaqo ay dowladdiisa u xilsaartay, oo ah inuu daraasad sameeyo, qorshuhuna ahaa in ilaa 8 iskuul oo cusub ka furaan Puntland, kuna sii fidaan dalka oo dhan. Juuda ayaa intaasi ku daray inuu dulqaadkii ka dhamaaday, dareemayo amni darro, uuna sugayo uun in la furo duulimaadka caalamiga si uu dalkiisa ugu laabto, shaqadana uga tago isaga oo sheegay in la xumeeyey mashruuc uu ku taageerayey, kana faa’ideysteen caruurta Soomaaliyeed. Sacad Maxamed Juuda waxaa uu dowladda federaalaka ah ka codsaday in isaga haddii uu caqabad ahaa uu dalka ka baxayo laakin aan la joojin mashruucii ardeyda wax lagu barayey ee ay Masar taageeri jirtay, ardeydana aan la dhigin meel cidlo ah. Mid ka tirsan wasiirradii hore ee wasaaradda oo codsaday in magaciisa aan la xusin ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in si loo furo machad lagu tababarayo gabdho macalimiin ah loo kala diro kun ardey, isaga oo sheegay in iskuulka oo furan macalimiinta lagu tababari karo hoolalka ama xilliga aaney waxbarashada jirin, waxaana uuna isweydiiyey halka ay ka baxeen iskuuladii Xasan Barsane iyo Jamaal Cabdinaasir oo laga sugayey dowladda iney wareejiso sida heshiisku ahaa. W/D: Cabdi Caziz Gurbiye iyo Xasan Sinney Goobjoog News
-
Wanlaweyn (SMN) – Xaalada degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa degan kadib dagaalo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay. Dagaalka oo u dhaxeeya maleeyshiyo beeleed ayaa la tilmaamay in uu salka ku hayey aanooyin qabiil oo ku saabsan dilal dhacay. Ismaaciil Khaliifa, agaasimaha Radio Wanlweyn, ayaa sheegay in lix qof ay ku dhinteen dagaalka, in ka badan tobbana ay ku dhaawacmeen. Wareysi gaar ah oo uu siiyey Idaacada Shabelle ayuu ku sheegay in dedaalo lagu qaboojinayo xiisada ay socdaan. Waan-waanta waxaa qeyb ka ah ciidamada xoogga oo kala dhex-galay dhinacyadda dirirtu dhexmartay oo dhankoodu khasaaro soo gaarey. Dagaal beeleedyadda ayaa kusoo laab-laabtey degmada Wanlaweyn, iyaddoo maamulka halkaas ka jira uu ku guuldareystay in uu xal waara keeno. View the full article
-
Hobyo (SMN) – Howl-galkaan oo ay xalay ciidanka Booliiska ka sameeyeen Xaafadaha Degmada Hobyo ayaa mid lagu xaqiijinayay amniga magaalada maadaama ay muddooyinkan sameeyneysay hormaro kala duwan sida dhinacyada ganacsiga iyo waxyaabaha kale ee aas aasiga u ah bulshada. Howl-galka waxaa hogaaminayay guddoomiyaha gobolka mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal oo maalmahaan kormeero kala duwan ku bixinayay dhamaan degmooyinka iyo deegaanada gobolka mudug ee galmudug si loo xaqqijiyo baahiyaha bulshada. sidoo kale waxaa ku wehlinayay guddoomiye ku xigeenka Degmamada Hobyo Maxamuud Cawaale iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska. Taliyaha saldhigga demada Bashiir Cilmi Geedi ayaa masuuuliyiinta warbixin ka siiyay guud ahaan amniga magaalada iyo qorshaha ay u dejiyeen sugida amaanka. “Hobyo amnigeeda waa mid laysku haleyn karo ,Ciidamada amaankana sidii loogu talagalay ayay u shaqeeyaan sidoo kale Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidanka iyo bulshada wada-shaqeyn buuxda ayaa ka dhaxeysa “sidaas waxaa jiri Gudoomiye ku xigeenka Degmada Hobyo Maxamuud Cawaale Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal Guddoomiyaha Gobolka mudug ayaa ku amaanay Ciidanka shaqada culus ay ka hayaan Degmada hase ahaatee loo baahanyahay in la labo jibaaro in shacabka loo gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo. View the full article
-
Jigjiga (SMN) – Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida, Mustafa Muxumed Cagjar, ayaa lagu waramay in uu xil ka qaadis iyo xarig isugu daray laba kamid ah mas’uuliyiinta sar-sare ee ismaamulkaas hoostaga Itoobiya. Mas’uuliyiinta uu ceyriyey Cagjar ayaa waxaa lagu kala sheegay in ay kala yihiin; madaxii amniga ee gobolka Cabdicaadil Xasan Cabdi iyo madaxii sirdoonka oo magaciisa lagu tilmaamay Ilyaas Cali Bulxan. Wararka ayaa intaas ku daraya in Cabdullahi Maxamed oo loo garan-og-yahay Cabdullaahi Dheere loo magacaabay madaxii amniga, halka madaxii mukhaabaraadka loo magacaabay Cabdi Siigaale. Labadooda waxay ku xigeeno u ahaayeen Cabdicaadil iyo Bulxan, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay. Xirsi Dool ayaa la sheegay in loo xushay xilka ku xigeenka madaxa hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Kalinka Shanaad. Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa isbedelka lagu sameeyay hogaanka laamaha kala duwan ee hay’addaha ammaanka gobolkaas. Dalka Itoobiya gobolladiisu ayaa waxay leeyihiin hoggaan amni oo ka mid ah jagooyinka ugu awoodda badan marka laga reebo madaxweynaha maamulka, kaas oo ah mas’uulka ugu sareeya dowlad goboleedka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-03042020.mp3 View the full article
-
Sawirkan waa mid hore 2016-kii Laascaanood Isimada dhaqanka gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn oo ay weheliyaan xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka heer Federaal iyo heer Puntland ee laga soo doorto gobolladaas iyo sidoo kale siyaasiyiin, saraakiil ciidan, ganacsato iyo qurba-joog, ayaa xalay madaxtooyada Garoowe kulan kula qaatay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Ilo’ wareedyo sugan oo diiday in magacyadooda la xigto, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in isimada iyo xubnaha kale ee weheliya, in ay madaxweyne Deni hor-dhigeen dalab la xiriira in si dhakhso ah loogu hawl-galo soo celinta degaannada maqan ee Sool, Sanaag iyo Cayn. Sidoo kale, waxay madaxweynaha ka codsadeen in uu mudnaan gaar ah siiyo Tababarka iyo Qaramaynta ciidamo beeleedyada ka dhisan gobollada Sool iyo Cayn, islamarkaana ka qeyb-geliyo tababarka u socda ciidamada Puntland, si loo soo celiyo degaannada ku maqan gacanta Somaliland. Madaxweyne Deni, oo isna hadal kooban siiyay isimada iyo xubnaha weheliyay, ayaa u ballan-qaaday in uu fulin doono dalabkooda, balse wuxuu ka codsaday in ay samaystaan guddi gaar ah oo u dhexeeya iyaga iyo xukuumadda Puntland, kaasi oo qaabilsan isku-xirka dadaallada ku wajahan hirgelinta qodobadaas. Xogtu waxay intaas ku daraysaa, in isla kulanka lagu magacaabay guddi ka kooban xildhibaannada laga soo doorto SSC, siyaasiyiin, qurba-joog, ganacsato iyo saraakiil ciidan oo dhammaantood ka soo jeeda Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwaas oo qaabilsan isku-xirka dadaallada ku wajahan soo celinta degaannada maqan. Waxaase xusid mudan, in xubno ka qeyb-galay kulanka oo warbaahinta Puntland Post la hadlay, ay gebi ahaanba beeniyeen in soo celinta degaannada maqan ay kala hadleen madaxweynaha, islamarkaana ay sheegeen in ay madaxweynaha kala hadleen Coronavirus. PUNTLAND POST The post XOG: Isimada SSC oo dalab culus hor-dhigay madaxweyne Deni appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya iyo tifaftirihii hore ee BBC Somali, Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook uga hadlay eedeynta ay NISA u jeedisay weriye Haaruun Macruuf ee ah inuu “leeyahay xiriiro halis ku ah amniga, kana qaadeyso tallaabo sharci”. Hoos ka aqriso qoraalka Yuusuf Garaad oo dhameystiran. Ma ogi waxa ay NISA sheegtay in ay iyadu ka og tahay Haaruun Macruuf. Mana sahashan karo eedeyn ku saabsan khatar ka dhan ah Amniga Qaranka. Haddana ma jecleysan farriinta ay NISA soo jeedisay, Goobta ay ku soo bandhigtay iyo khaanadda ay dhigtay Heybadda Dowladnimada Soomaaliya. Laba eedeymood oo ay NISA u jeedisay weriyaha ayaa ah falal ka baxsan anshaxa saxaafadda iyo xiriirro khatar ku ah Amniga Qaranka. Anshax marin saxaafadeed Sirdoon shaqo kuma laha. Haddiise ay hesho xogta fal dambiyeed ka dhan ah Amniga Qaranka, waa shaqada Hey’adda Sirdoonka. Markaas tallaabada la gudbooni waa in ay wargeliso booliiska, baaritaan uu sameeyo, ka dibna ay Xeer ilaalintu kiis ku soo oogto cidda dembiga lagu tuhmay. Maxkamad la wada aado. Caddeymaha eedeynta iyo Difaaca eedeysanaha dooddiisa uu isu miisaamo Garsoore. Sharcigu uu shaqeeyo. Dal Dimuqraaddi ah, oo sharci iyo kala dambeyn leh, hey’addiisa sirdoonku weriyayaashana uguma hanjabto baraha bulshada. Sirdoonkuna hey’adaha dalkiisa xog xasaasi ah uguma gudbiyo Saxaafadda bulshada. Ma jecleysanayo in aan arrimaha Hey’addeenna Sirta Qaranka uga hadlo Saxaafadda Bulshada, laakiin iyada ayaa dooddaas keentay isla goobtaan. Su’aasha Dowladda Federaalka u taallaa waxay tahay: Haddii Hey’adda Sirdoonka ay ka adeejisay in ay u cagajugleyso weriye jooga Washington oo aad nooga fog, una shaqeeya Idaacad ay leedahay Dowladda Mareykanku, waa maxay damaanadda iyo xorriyadda ay sheegi karto in ay haystaan weriyayaasha dalka Gudihiisa jooga?
-
When it comes to debt, much of Africa is at a tipping point. For years, countries have done little to tackle surging debt burdens. Now, with the world economy slammed by the coronavirus outbreak and the price of the commodities they export plunging, lockdowns are disrupting businesses both at home and in the markets they sell to. No-one knows when the supply chains will return to normal. In the past week that was brought home to South Africa and Zambia. South Africa lost its last investment-grade rating when Moody’s Investors Service cut the country’s debt to junk. That should mean higher borrowing costs and an exodus of several billions of dollars as the country falls out of a key bond index. Zambia has asked banks for proposals on how to reorganize its external debt, which amounts to $11.2 billion. South African 100 rand banknotes. Photographer: Waldo Swiegers/Bloomberg They are not alone. Angola had its credit ratings slashed and the struggling oil producer’s dollar Eurobonds are now trading at a yield of over 30%. That will likely see proposals for a $3 billion Eurobond waiting until calmer times. Nigeria, Ghana, Gabon and Cameroon all have Eurobonds now trading at a spread of more than 1,000 basis points over U.S. Treasuries, the point above which the securities are considered to be distressed debt. With the coronavirus outbreak raging in Europe and the U.S. and in its infancy in Africa, there’s little relief on the horizon. All the indebted nations can do is rue not heeding warnings against over borrowing during better times. Coronavirus Roundup Weeks Away | With almost all the nations in sub-Saharan Africa now shut off from the rest of the world and their neighbors, and many in lockdowns, the United Nations warned the region may be two to three weeks away from the worst of the pandemic storm. The UN’s Economic Commission for Africa said the countries need $100 billion in emergency stimulus to battle the virus and to support fragile healthcare systems. Lockdown Effect | The world’s poorest nations, many of them in Africa, are the least prepared for the lockdowns seen as crucial to contain the disease. In Benin, the government is reluctant to put in place measures that may spur hunger and force citizens to defy restrictions. Lockdowns in other areas are raising the specter of abuses by those enforcing the laws. Mass Screening | South Africa plans to roll out a mass screening program, sending out 10,000 field workers to check on people in their homes as it ramps up its efforts to halt the spread of Covid-19. The country with the most confirmed cases in sub-Saharan Africa — and that’s carried out the most tests — is in the second week of a 21-day lockdown. While new infections have slowed over the past few days, officials warn that may not be a trend yet. Source: Bloomberg The post Next Africa: Virus Exposes Distressed Debt Across Africa appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Guddiga sare ee loo xil-saaray xakamaynta xaaladaha cudurka COVID19 oo shir jaraa’id ku qabtay isbitaal Martiini ayaa sheegay in xarunta karantiilka Muqdisho lagu hayo 5-qof oo laga helay CronaVirus iyo 15 kale oo baaritaan lagu hayo. Dr Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jalaaludiin ayaa sheegay in dadka ay baaritaanka ku wadaan ay dhowaan soo bixi doonto natiijadooda. Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu sheegay in shanta qof ee laga helay caabuqa ay laba kamid ah yihiin ajaaniib. Mr Jalaaludiin oo xubin ka ah guddigaas ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in dadka ay soo sheegaa hadii ay iska shakiyaan. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayuu carabka ku adkeeyay in ay qaadeyso talaabo kasta si looga hortago faafitaan horleh. Ugu dambeyntii, wuxuu meesha ka saarey in ay jirto faafitaan uu caabuqa ka sameeyay gudaha dadka, arrintaas oo uu tibaaxay in ay khatarteeda leedahay kuna dedaalayaan siddii ay uga hortagi lahaayeen, isagoo garab waydiisatay Ummadda Soomaaliyeed. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in Kenya ay jabhado ku abuureyso gudaha waddanka. Daahir Aamiin Jeesow ayaa u sheegay Shabelle in qorshaha ka dambeysa abuurista jabhadaas ay salka ku hayso danaha guud ee Kenya. Xubno uusan carabaabin ayuu tilmaamay in ay taageerayaan qorshahaas oo uu ku tilmaamay mid liddi ku ah qaranka Soomaaliyeed. Mudanaha oo hadalkiisa sii wata ayaa shaqsiyaadkaas ku booriyey in ay dib uga noqdaan isla markaana ay xormeeyaan qaranimada, sidda uu yiri. Hadalka sharci-dejiyaha ayaa kusoo aadaya xili duleedka Kismaayo ay ka aloolsan tahay xiisad colaadeed oo sababtay geerida dad badan oo shacab ah. View the full article
-
Jabuuti (Caasimada Online) ― Dad u dhashay dalka Jabuuti ayaa cabasho baahsan ka muujiyey Bandowga ay hirgelisay dowladda Jabuuti, maadama uu sabab u noqday inay maalmo ku go’doonsanaadan xuduuda Lowya-cado. Dadkaasi uu saameyay Bandowgu ayaa si deg-deg ah u dalbaday in dowladda Jabuuti ay wax uga qabato, maadama xili ay ganacsi ahaan u tageen xuduuda dhanka Somaliland uu soo baxay go’aankaasi bandowgu. Waxayna dadkaasi oo u badan dumar ay dowladda Jabuuti ka codsadeen in dalkooda dib ugu soo laabtaan, si ay uga baxaan go’doonka ay ku jiraan. Sucaad Daahir Jaamac oo kamida dadka xadkaasi ku go’doonsan, ayaa sheegtay inay muddo shan maalin ah ku sugan tahay xadka Lowya-caddo, waxayna tiri “Waxaan imika ku suganahay muddo shan habeen ah iyo shan dharaarood ah xadka Loowya cadde”. “Warna ma heyno, waxaan leenahay madaxda reer Jabuuti nin waliba dadkiisii wuu qaabilay in aad na qaabishiin oo aad noo timaaddiin oo aad na aragtiin oo wax na weyddiisiin, maxaad u diideen oo inoo dhageysaneysaan” ayey hadalkeeda sii raacisay Sucaad Daahir. Dowladda Jabuuti ayaa la daala dhaceysa xakameynta cudurka dunida ku faafay ee Coronavirus, xili ay soo rogtay bandow labo todobaad ah. Waxayna gaarayaan Kiisaska Koronaha ee laga helay dalka Jabuuti ilaa 40-Kiis, kuwaasi oo lagu karantiilay gobolka Carta.
-
Muqdisho (SMN) – Ugu yaraan laba qof ayaa xalay lagu toogtay magaalada Kismaayo, xarunta ku meelgaarka ah ee maamul goboleedka Jubaland. Wiil dhalinyaro ah ayaa la sheegay in uu u dhintay rasaas ay ku fureen dabley, halka haweenay ay ku dhaawacantay falkaas. Cabdirashiid Macalin Gaas, korneyl ka tirsan ciidamada dowladda ee Jubooyinka, ayaa dhacdadaas ku eedeeyay askarta Jubaland. Wareysi uu siiyey Shabelle ayuu ku sheegay in ay nasiib darro tahay xasuuqa shacabka ee kasoo cusboonaadey magaalada, sidda uu hadalka u dhigay. Saraakiil ka tirsan maamulka Axmed Madoobe ayuu tibaaxay in ay ka dambeeyaan, oo sheegay in ay salka ku hayaan aanooyin qabiil. Dhanka kale, xiisad dagaal ayaa lagu waramayaa in ay ka taagan tahay duleedka galbeed ee Kismaayo, halkaasoo shalay ay ku dagaalameen beelo. Dagaaladaas ayaa lasoo wariyey in ay ku dhinteen in ka badan 20 kuna dhaawacmeen tirro kale oo intaas ka badan. Baaqyadda loo jeedinayo dhinacyadda ayaa isa soo taraya, iyaddoo ay dirayaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article
-
Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda waxbarashada ayaa todobaadkii hore mar qura ku soo toosay go’aanka ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku xireyso iskuul 15 May, kuna soo afjartay hawlgalkii waxbarasho ee Masaaridu ka wadeen dalka Soomaaliya. Qaraarka oo ku taariikheysnaa March 7, 2020 ayaa ku socday Sacad Maxamed Juuda oo ah madaxa ergada Masaarida, uuna wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (jaabiri) ku farayo inuu banneeyo iskuulka ugu dambeyn 30-ka April 2020 si loogu wareejiyo machad lagu tababaro gabdhaha macalimiinta ah. Isla warqadda waxaa lagu xusay iney daba socotay qoraal ay wasaaradda sheegtay iney ku codsatay in la soo afjaro hawlsha ergada oo ku taariikheysnaa 10-kii November 2019. Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa qoraal uu ku daabacay baraha bulsha ayaa ku tilmaamay arrinka lagu xiray iskuulka 15 May mid lagu raaligelinayo Itoobiya ayna daba socotay dhiibistii Qalbi-dhagax iyo qaraarkii ay Jaamacadda carabta ee ku aadanaa webiga Nile ee Soomaaliya inta taageertay ay ka laabatay. Goobjoog News oo u kuurgashay iney jawaab u hesho sababta dhabta ee iskuulka loo xiray iyo cidda xirtay ayaa xiriir la sameeysey dhammaan dadka arrinta iskuul khuseyso iyo inta ku lug lahaa hawsha xirista. Ugu horreyntii, Soomaaliya iyo Masar ayaa heshiis iskaashi dhanka waxbarashada ku saxiixday Qaahira 13-kii August 2015 kaasi oo dib loogu soo cusbooneysiinayay iskaashiga dhanka waxbarashada ee labada dowladood ee soo bilowday kontomeeyadii qarnigii tagay. Heshiiskan oo aan helnay waxaa xilligaas qalinka ku duugay wasiirka waxbarashada Soomaaliya Khadar Bashiir Cali iyo dhigeeda Masar Dr. Muxib Maxmuud Kaamil waxa’uuna ka koobnaa 13 qodob, oo ay ka mid ahaayeen in labada dhinac iska kaashadaan in dib loo howlgeliyo iskuuladii Masar ee Soomaaliya oo ardeyda wax lagu baro, lagu tababaro macalimiinta, in Soomaaliya ay Masar ku wareejiso iskuuladdii ay ku laheyd dalka lagana bilaabo 15 May, Sheekh Xasan Barsane iyo Jamaal Cabdinaasir, in Soomaaliya ay amniga sugto halka Masarna macalimiinta, manhajka, tababarka iyo dhammaan barnaamijka ay dusha saarato, waxaa kale oo heshiiska ku jiray in wixii khilaaf ah labada dhinac ka wada hadlaan xataa haddii wax laga badalayo. Heshiiska waxaa uun ka hirgalay iskuulka 15 May oo muddo 3 sano ah ay waxbarasho ka socoto halka Jamaal Cabdinaasir iyo Xasan Barsame aan lagu wareejin dowladda Masar. Masaaridu waxaa ay hirgiliyeen iskuulka 15 May oo hadda ay dhigtaan in ka badan 550 oo ardey oo u badan agoon iyo danyar ee fasalka 1-aad ee dugsi hoose ilaa 7-aad ee dugsi dhexe oo min labo fasal ah, oo ay dheertahay waxbarashada dadka waaweyn, tartan qur’aan, farshaxan, cayaaro kala duwan oo aaney laheyn iskuullada kale ee dalka. Dugsiga 15 May waxaa hada ka hawl gala 28 macalim oo ku shaqeeya 16 fasal, 4 sheybaar, 3 hool, hal tiyaatar, iyo garoon kubadda cagta oo ay ardada ku cayaaraan. Heshiiskan ay dowladda federaalka ah laashey waxaa uu ka dhigan yahay ciqaab iyo in waxbarasho la’aan noqon doonaan ardeyda iskuulada 15 May, iyo tiro intaas la eg oo dhigata iskuullo ay Masaarida ka fureen Burtinle(Maxamed Kamaalu-diin Salaax) iyo Galkacyo( Misr Al-xadiisa). Haddaba, Goobjoog News ayaa ogaatay in iskuulladaas sababta loo xiray oo ardeydaas waxbarashada ku weynayaan ay tahay khilaaf siyaasi ah oo u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo Puntland oo dhinac ah iyo Masar oo dhinac kale ah. Mar uu qunsulkii hore ee Masar u fadhiyey Soomaaliya Taamir Safwat safar ku tagay Puntland, lana kulmay madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa Puntland waxaa ay Masar ka codsatay in ay ka taageerto horumarinta waxbarashada ayna u hirgeliyaan iskuul tijaabo ah. Goobjoog News ayaa heshay warqad uu wasiirkii waxbarashada Cabdi Cusmaan Daahir u diray dhiggiisa Masar Dhaariq Showqi, kuna taariikheysan June 6, 2018 isaga oo ammaanay barnaamijka waxbarasho ee Masaaridu ka wadaan gudaha Soomaaliya laakin ka codsaday in aan la qaadin tallaabo aaney ka warqabin wasaaradda waxbarashada. Wasiir Cabdi Daahir oo aan warqadda aan wax ka weydiinay waxaa uu sheegayaa in aanu xilligaas khilaaf jirin balse uu ku wargeliyey Masaaridu in wasaaradda la ogeysiiyo shaqada socota, si wax u fududeyso, laguna saleeyo iskuulada la furayo baahida deegaanka. Waxaa muuqata in Masaaridu ay hawlahooda sii wateen iyaga oo bilo kadib iskuulka Kamaalu-diin ka furay Burtinle. Khilaafka ugu weyn, waxaa uu dhacay kadib kulan Qaahira ku dhexmaray Wasiirka Waxbarashada dalka Masar Dr. Daariq Showqi iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowlad Goboleedka Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan iyo wafdigiisa, kulanka oo dhacay November 5, 2018 waxay Puntland dalbatay in laga taageero waxbarashada taasi oo loo balanqaaday, loona xilsaaray madaxa ergada Masar ee Soomaaliya Sacad Juuda oo kulanka joogay inuu daraasad sameeyo. Maalintii xigtay, Saxaafadda madaxa banaan ee masar ayaa qortay in ay Qaahira ku kulmeen wasiirka waxbarashada Masar iyo dhiggiisa Soomaaliya arrintaas oo ka careysiisay wasaaradda waxbarashada ee dowladda federaalka ah keentayna in Sacad loogu hanjabay inuusan Muqdisho ka soo dagi karin, walow dadaal ay sameysay safaaradda masar ee soomaaliya lagu fasaxay socdaalkiisa. Wasiir haatan ka tirsan wasaaradda waxbarashada ee dowladda federaalka ah oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa Goobjoog News u sheegay in kulankaas Qaahira iyo heshiiska dhacay aan la waafejin hanaanka dowliga ah ama jidkii sharciga ahaa, oo aaney ka warqabin wasaaradda waxbarashada federaalka ah, wasaaradda arrimaha dibadda iyo safaaradda isla markaana Masaarida iyo ergadooda ay meel uga dhaceen heshiiskii hore, siyaayadada iyo qarannimada Soomaaliya taasina ay keentay in la laalo heshiiska September 2019, warqadda Sacad loo diray March waxaa uu ku sheegay wasiirku inuu ahaa ogeysiiskii ugu dambeeyey oo ah iney Iskuulka banneeyaan. Wasiirka mar uu ka jawaabayey su’aal ah: Ma ardey kun ah ayaa loo ciqaabayaa khilaaf siyaasi ah waxaa uu yiri “Ardey awalba Carabi ayey wax ku baranayeen, macalimiin tayo leh looma keenin wax fiicanna lama bareyn, dowladda waxaa ay gacanta ku heysaa ilaa 30 iskuul, xal waa loo heli-doonnaa” isaga oo intaasi raaciyey “Haddii ninka madaxa ka ah ergada ee mashruuca wada uu raalligelin bixiyo, joojiyana waxa uu ka wado Puntland ay dhici karto in dowladda dib uga noqoto heshiiska ay laashay, dibna loo hawlgelin doonno iskuulka 15 May iyo joogista Macaliimiinta Masar. Goobjoognews oo la hadashay xubin ka mid ahaa wafdigii uu hoggaaminayay wasiirka waxbarashada Puntland ee la kulmay wasiirka waxbarashada Masar ayaa xaqiijiyay ineysan dowladda Masar kula kulmin hannaan dowli ah ayna qarashka safarkooda bixiyeen jaaliyadda Puntland ee Masar deggan, ujeedada safarkooda markii hore uu ahaa tayeynta machad Azhari oo ka furan Qardho, intaa waxa uu ku daray ineysan jirin heshiis cusub ee la kala saxiixday ayse weydiisteen wasaaradda waxbarashada Masar iney taageerto waxbarasahda Puntland iyada oo tixraaceysa heshiiska waxbarashada ee Masar iyo Soomaaliya. Dhankiisa, Sacad Juuda oo madax ka ah ergada waxbarasho ee Masar ee Soomaaliya oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Masar ay ixtiraameyso madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya isagana aanu aheyn siyaasi ama diblomaasi, isla markaana uu fuliyey shaqo ay dowladdiisa u xilsaartay, oo ah inuu daraasad sameeyo, qorshuhuna ahaa in ilaa 8 iskuul oo cusub ka furaan Puntland, kuna sii fidaan dalka oo dhan. Juuda ayaa intaasi ku daray inuu dulqaadkii ka dhamaaday, dareemayo amni darro, uuna sugayo uun in la furo duulimaadka caalamiga si uu dalkiisa ugu laabto, shaqadana uga tago isaga oo sheegay in la xumeeyey mashruuc uu ku taageerayey, kana faa’ideysteen caruurta Soomaaliyeed. Sacad Maxamed Juuda waxaa uu dowladda federaalaka ah ka codsaday in isaga haddii uu caqabad ahaa uu dalka ka baxayo laakin aan la joojin mashruucii ardeyda wax lagu barayey ee ay Masar taageeri jirtay, ardeydana aan la dhigin meel cidlo ah. Mid ka tirsan wasiirradii hore ee wasaaradda oo isna la hadlay Goobjoog News, codsadana in magaciisa aan la xusin ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in si loo furo machad lagu tababarayo gabdho macalimiin ah loo kala diro kun ardey, isaga oo sheegay in iskuulka oo furan macalimiinta lagu tababari karo hoolalka ama xilliga aaney waxbarashada jirin, waxaana uuna isweydiiyey halka ay ka baxeen iskuuladii Xasan Barsane iyo Jamaal Cabdinaasir oo laga sugayey dowladda iney wareejiso sida heshiisku ahaa. W/D: Cabdi Caziz Gurbiye iyo Xasan Sinney. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dubai: Emirates airlines has received approval to carry passengers on certain flights. Effective Monday April 6, initial flights will commence from Dubai to London Heathrow, Frankfurt, Paris, Brussels and Zurich, with 4 flights a week to London Heathrow, and 3 flights a week to the other cities. Source: Hiiraan Online
-
Madrid (Caasimadda Online) – Tirada uu soo ritay feyriska Corona ayaa iminka gaartay guud ahaan caalamka 1 milyan oo kiis sida laga soo xigtay tirakoobkii ugu dambeeyay ee ay soo saarto Jaamacadda Johns Hopkins. In ka badan 53,000 oo qof ayaa cudurka u dhimatay halka 2010,000 oo qofna ay ka caafimaadeen Fayraska Corona, sida ku xusan warbixinta tirakoobka Jaamacadda. Mareykanka ayaa hogaaminaya tirada guud ee dadka uu ku dhacay xanuunkan, dhimashaduna waxay dalkaasi gaadhay ku dhawaad 6000 oo qof. Dalka Spain shalay oo kali ah waxa cudurka ugu geeriyooday 950 qof. Dalka Hindiya rai’sul wasaare Narendara Modi ayaa muuqal uu baahiyay waxaa uu muwadiniinta dalkaasi ku boorriyay in xanuunkan si wada jir ah loola dagaalamo. Hindiya ilaa iyo imika waxaa la xaqiijiyay 2,000 oo kiis halka 53 qofna ay cudurka u dhinteen. Shiinahana waxaa aad hoos ugu dhacday tirada dhimashada iyo kiisaska cusub, waxaana dalkaasi oo ah meeshii ugu horreysay ee uu ka soo if-baxay xanuunka muddo haatan laga joogo 3 bilood looga dhawaaqay maalin fasax ah oo loo baroor diiqayo dadkii ku dhintay xanuunka Corona Virus. Dhimashada cudurka ee guud ahaan caalamkao oo sii kordhaysa Waxaa cudurka imika guud ahaan caalamka ugu dhintay 53,000 oo qof . Hadaba tirada dhimashada dalalka uu cudurka aafeeyay ayaa kala ah sida soo socota. Taliyaaniga 13,915 Spain 10,348 US 5,911 Fransiiska 5,387 Shiinaha 3,322 Iran 3,160 UK 2,926 Netherlands 1,341 Jarmlka 1,107 Belgium 1,011
-
Muqdisho (SMN) – Guddiga-Wadajirka ah KMG ee diyaarinta xeerarka Dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa hakiyey Shaqadii uu maalmahanba hayay. Guddiga-Wadajirka ayaa tilmaamay in sababo la xiriirto cudarka Coronovirus aawadii Guddiga wadajirka ah ee Doorashooyinka Qaranka oo maalmihii lasoo dhaafay kulamo isxogwareysi ah la lahaa Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ay u soo idlaadeen, isla markaana wixii hadda ka dambeeya ay hakiyeen Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow ayaa maanta gelinkii dambe shir uu qabtay ku sheegay in shaqadii Guddiga ee socotay la hakiyey cabsi laga qabo faafidda cudurka Coronavirus oo walwal badan ku haayo caalamka oo dhan. Guddiga-wadajirka ku meel-gaarka ah ee soo diyaarinta Xeerarka dhamaystirka sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa dhawaan kulamo gaar gaar ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha gudaha, Dib-u-heshiinta iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya iyo guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, kaasi oo looga hadlayay diyaarinta xeerarka dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-03042020.mp3 View the full article
-
The coronavirus is spreading most widely in countries that should be among the best equipped to handle it. There's no reason to expect that to remain the case. Source: Hiiraan Online
-
Sida uu weeraryahanka Ivory Coast u hakiyay dagaalkii sokeeye ee ka socday dalkiisa hooyo Garoonka Al-Merrikh Stadium, oo ku yaalla magaalada labaad ee ugu weyn dalka Suudaan ee Omdurman, kama mid aha garoomada la isku ballansado ee ugu waaweyn caalamka. Haddana sidaas oo ay tahay wuxuu sabab u noqday mid ka mid ah dhacdooyinka ugu xasuusta badan ee ciyaaraha qeyrul-caadiga ah ee kubadda cagta. Taariikhdu waxay ahayd 8-dii bishii October ee sanadkii 2005-tii. Xisaabta usoo gudbitaanka Tartankii Koobka Adduunka ee 2006 waxay iska sahlaneyd. Haddii Cameroon ay ka guuleysato Masar waxay markoodii lixaad usoo bixi lahaayeen tartanka caalamiga ah. Wax walba oo intaas ka yar (oo ah barbarro ama guul darro ku dhacda Cameroon) waxay sahli lahayd in Ivory Coast, oo Suudaan la ciyaareysay, hal dhibic kaliyana dambeysay, ay usoo baxdo ciyaaraha Koobka Adduunka – waliba markii ugu horreysay. Naaneysta “jiilka dahabiga ah” ayaa loo bixiyay kooxda xulka qaranka Ivory Coast ee ciyaareysay 2005-tii. Waxaa hoggaaminayay laacibka hadda sida weyn dunida looga yaqaanno ee lagu magacaabo Didier Drogba, waxaana ka barbar ciyaarayay Kolo Toure, Emmanuel Eboue iyo Didier Zokora, kuwaasoo dhammaantood ka ciyaarayay horyaalka Ingiriiska. Yaya Toure, oo markaas ka tirsanaa kooxda Olympiakos ee ka dhisan dalka Giriigga ayaa isagana ka mid ahaa kooxda. Xulkan wuxuu ahaa midka loogu xiisaha badan yahay, looguna jecel yahay guud ahana qaaradda Afrika. Inkastoo labo jeer ay kasoo guuleysatay Cameroon intii ay socdeen kulamada isreebreebka, wali waxay lahaayeen rajo galabtaas ay la ciyaarayeen kooxda Suudaan. Laakiin, iyadoo kooxdan ay qarka u saarnaayeen inay taariikh cusub ka sameeyaan caalamka, haddana dalkooda hooyo wuxuu ku dhex jiray mugdi. Dagaal sokeeye oo ka billowday sanadkii 2002-dii ayaa kala qeybiyay waddanka oo idil. Dowladdii uu hoggaaminayay madaxweyne Laurent Gbagbo waxay ka talineysay dhinaca koonfureed halka koox fallaago ahna ay maamuleysay dhinaca waqooyi. Dagaalka wuxuu qarxay 19-kii bishii September, 2002, kaddib markii ay fallaagada weerareen dhowr magaalo oo ka tirsan dalka. Sebastien Gnahore, oo horay u ahaa ciyaaryahan kubadda cagta ah, kana qaxay Ivory Coast, ayaa dib usoo xasuusanaya waqtiyadaas. “Waxay ahayd xaalad xun. Markii aan wacay walaashey waxaan maqlayay qeylada ka socotay bannaanka guriga ay ku jirtay,” ayuu yiri. “Dhammaantod waxay ku dhuumanayeen sariirta hoosteeda muddo afar maalmood ah, waxayna usoo baxayeen oo kaliya si ay wax u cunaan. “Waxa kaliya oo aan ka fikirayay wuxuu ahaa in qoyskeygu ay badbaadi doonaan. Walwalkaas ayaana igu jiray subax walba.” Dagaalku wuxuu markii hore ahaa fool-ka-fool laakiin durba waxay labada dhinac kala qabsadeen koonfurta iyo waqooyiga. Dagaalka intiisa badan wuxuu istaagay sanadkii 2004-tii, laakiin xiisadda ayaa mar kale dib usoo cusboonaatay sanadkii 2005-tii. Mustaqbalka waddankaas ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika wuxuu sii galayay mugdi. Ciyaartoyda xilligan casriga ah waxay u muuqdaan kuwo aad uga fog nolosha dadka kale ee caadiga ah. Waxaa soo gasha lacag aad u fara badan. Laakiin ciyaartoyda xulka Ivory Coast ee galabtaas ciyaarayay, inkastoo ay nolol malaayiin doolar ah ku heystaan qaaradda Yurub, waxay niyadda ku hayeen in wax weyn laga filayay. Mas’uuliyaddaasna qeybteeda ugu culus waxay saarneyd ninka kooxdan hoggaaminayay, oo wax badan laga filanayay. Didier Drogba wuxuu kooxda Chelsea ee ka tirsan Horyaalka Ingiriiska ku biiray sanadkii 2004. Waxaa lagu soo warramay in lagu iibsaday £24milyan oo gini, taasoo xilligaas ahayd lacagtii ugu badneyd abid ee UK gudaheeda lagu iibsado weraryahan. Muddadii sagaalka sano ahayd ee uu ka ciyaarayay Horyalaka Ingiriiska wuxuu sameeyay waxyaabo taariikhi ah. Taageer ama ha taageerin laakiin howshii uu ka qabtay galbeedka London waxay ahayd mid aan su’aal la galin karin. Wuxuu ku guuleystay afar koob oo Horyaalka Ingiriiska ah, Afar koob oo FA ah saddex koob oo League ah iyo hal koob oo Champions League ah. Arsene Wenger, oo kooxda uu tababaraha u ahaa ee Arsenal ay mar walba caqabad weyn kala kulmi jirtay qaab ciyaareedka Drogba, ayaa mar uu ka yadlayay yiri: “Waa nin guuleyste ah, sidaas ayuuna ahaan doonaa inta uu nool yahay.” Drogba wuxuu ahaa nin mar kasta guusha daris la ah, laakiin runtii xaaladdu sidaas wey ka duwaneyd galabtii uu bishii October, 2005 la ciyaarayay xulka Suudaan. Ciyaarta xulka Cameroon ay la yeelanayeen Masar, oo ka dhaceysay magaalada Yaounde iyo kulankii dhex marayay Ivory Coast iyo Suudaan waxay billowdeen isku hal waqti. Maadaama Ivory Coast ay ogeyd in aysan anfaceynin wax aan guul ahayn, waxay culeys aad u weyn saareen Suudaan, oo group-ka markaas uga jirtay kaalinta labaad ee dhinaca hoose. Daqiiqaddii 73-aad, Aruna Dindane ayaa dhaliyay goolkiisii labaad, ahaana goolkii saddexaad ee kooxdiisa. Way iska caddeyd in Ivory Coast ay halkaas guul ka qaadaneysay. Laakiin guushooda kaddib wali wax kasta waxay ku xirnaayeen ciyaarta kale. Magaalada Yaounde, oo qiyaastii 1,600 oo meyl u jirta halkaas ayey ciyaarta kale ka socotay, xaaladduna waxay ahayd mid aad uga duwan sidan. Cameroon ayaa hoggaanka ku qabatay gool ay dhalisay daqiiqaddii 20-aad, laakiin ciyaartu waxay ahayd mid adag. Gool uu daqiiqaddii 79-aad Masar u dhaliyay ciyaartoygooda Mohammed Shawky, oo ciyaarta ka dhigay barbarro, waxayna taasi dan ugu jirtay Ivory Coast. Marka la isku daro barbarro kasoo baxda kulankaas iyo guusha ay ka gaareen Suudaan waxay u suurtagalineysay inay usoo baxaan Koobka Adduunka. Ciyaartii Ivory Coast iyo Suudaan way dhammaatay. Drogba, oo ay ku hareereysnaayeen ciyaartoyda kale ee kooxdiisa ayaa ka dhur sugayay sida ay ku idlaato ciyaarta kale, oo markaas ahayd sidii ay rabeen, 1-1. Iyagoo raadiyaha dhagta u taagaya ayuu mar qura yeeray war naxdin leh – kaasoo ah in kooxda Cameroon ay gool u laad(rigoore) heleen daqiiqadihii ugu dambeeyay ee waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta. Naxdin kasta waxay leedahay dhinac farxad noqon kara. Gool ku laadkii oo loo dhiibay Pierre Wome, markii uu tuuray waxay kubadda ku dhacday birta dhinaca bidix wayna kasii boodday oo waxay u baxday dibadda. Ciyaartoydii reer Cameroon oo sugayay natiijada gool ku laadkaas way wada niyad jabeen, qarkoodna waxay indhaha ku qarsadeen funaanadahooda. Dhinaca kale ee qaaradda, Ivory Coast way gilgilatay. Waxay ogaadeen inay markii ugu horreysay taariikhdooda ka qeyb gali doonaan tartanka ugu sarreeya ee ciyaaraha caalamiga ah. “Waddanka oo idil – qof walba, guri walba – waxaa hareysay farxad. Maalintaas waxaan dhammanateen illownay in dalka uu kala qeybsanaa wali,” ayuu yiri Hassane Omar, oo ahaa 20 jir arday ah oo xilligaas ku sugnaa magaalada Abidjan. Intaas kuma aysan ekeyn arrinta. Waxaas oo dhan arrin ka duwan ayaa ka dhacday qolka labiska ee garoonka ay ku ciyaarayeen Ivory Coast iyo Suudaan. Duco ka dambeysay ciyaarta oo uu hoggaaminayay Drogba ayaa isu badashay wax kale oo aad uga duwan duco caadi ah. Iyadoo waddanka oo idil ay ka socdeen dabaaldagyo, kaamiro toos ah oo uu telefishin ku yaalla Ivory Coast leeyahay ayaa lasoo galiyay qolkii labiska. Ciyaartoydii xulka ee guuleystay ayaa kaamirada horteeda wada yimid, iyagoo dhammaantood garbaha is wada heysta. Makarafoonka waxaa gacanta ku hayay weeraryahanka kooxda Chelsea. “Waxaan la hadlayaa ragga iyo dumarka reer Ivory Coast,” ayuu ku billaabay khudbadiisa. “Dhammaan dadka kasoo kala jeeda waqooyiga, koonfurta, bartamaha iyo galbeedka, maanta waxaan caddeynay in dadka reer Ivory Coast oo idil ay si wada jir ah u wadaagi karaan hal ujeeddo – oo ah inaan u gudubno tartanka Ciyaaraha Koobka Adduunka.” “Waxaan idiin ballan qaadnay in dabaaldagyadu ay mideyn doonaan dadka – maanta waxaan idin baryeynaa annagoo jilbaha ku dhulka dhignay.” Ciyaartoydii oo saf ku jira ayaa islamarkiiba jilbaha dhulka dhigtay. “Dalka kaliya ee ugu qanisan Afrika ma aha inuu dagaal ku baaba’o. Fadlan hubka iska dhiga oo doorasho qabsada,” ayuu yiri Drogba oo u baaqayay shacabka dalkiisa. Muuqaalkan wuxuu ku jiraa barta Youtube-ka. “Waxaan rabnaa inaan farxad wadaagno, marka fadlan joojiya xabadda aad rideysaan,” ayey si wadajir ah u dhaheen ciyaartoyda. Islamarkiiba waxaa billowday xaflado ka dhacayay dalkooda. Waxaa lagu soo warramay in dad badan ay tageen safaaradda Masar ee Ivory Coast, halkaasoo ay ku miijinayeen mahadcelinta ku saabsan barbarraha ay la galeen xulka Cameroon. Xitaa caasimadda fallaagada ee Bouake, waxay habeenkaas ku biirtay dabaaldagyada. Warbaahinta ayaa si weyn u shaacisay muuqaalka Drogba iyo kooxdiisa, si cid walba uu u gaaro. Iyadoo qoraa kasta oo ka tirsan shirkadda filimada ee Hollywood uu ku qanci lahaa filim ku dhammaada intan, sheekadu wali fari kama qodneyn. Markii uu billowday tartankii Koobka Adduunka ee 2006, Ivory Coast waxaa lagu bixiyay heerka group-yada kaddib markii ay ku guul darreysteen kulamadii ay la yeesheen xulalka Argentina iyo Netherlands, inkastoo ay iyaguna garaaceen xulka Serbia & Montenegro. Xaqiiqdii waxay ahayd natiijo lagu qanci karo, oo uu keeno waddan markii ugu horreysay ka qeyb galay tartankaas caalamiga ah. Sanadkii xigay, Drogba wuxuu ku dhawaaqay arrin qeyrul caadi ah, xilligaasoo uu booqasho ku marayay deegaannada ay fallaagada gacanta ku hayeen ee uu isaguna kasoo jeedo, kaddib markii uu ku guuleystay abaalmarinta Ciyaaryahanka ugu wanaagsan Qaaradda Afrika. Ciyaar ay Ivory Coast ku marti galin lahayd xulka qaranka Madagascar, oo lagu waday inay 3-dii June, 2007-dii ka dhacdo magaalada Abidjan, oo ah dhulka ay dowladda gacanta ku heysay, ayuu sheegay inay ka dhici doonto magaalada Bouake, oo ahayd caafimadda Fallaagada. Arrin noocaas oo kale ah xitaa laguma fikiri karin labo sano xilligaas ka hor. Ilaa hadda lama oga in tallaabadaas uu Drogba fasax u siiyay madaxweynaha iyo in kale. Wuxuu ahaa nin meel kasta oo dalkiisa ka mid ah laga qaddariyo, ha ahaato dhinaca ay dowladdu maamusho ama dhinaca fallaagada labadaba. “Xilligaas waxaa dalka looga aaminsanaa inuu yahay nin qaran,” ayuu yiri Austin Merril, oo ah wariye markaas ku sugnaa Ivory Coast oo ka shaqeynayay majalladda Vanity Fair. Magaaladii uu Drogba dalbaday ayaa lagu qabtay ciyaartii, waxaana garoonka ammaankiisa sugayay ciidamo aad u badan oo milatai ah. “Waxay arrintu u muuqatay wax ka weyn ciyaar kubadda cagta ah,” ayuu yiri Omar, oo dib usoo xasuusanayay dhacdadaas oo uu ka daawanayay Telefishinka, isagoo ku sugnaa magaalada Abidjan. “Qof walba wuxuu shaqadiisa joojiyay 12-kii duhurnimo, waxaana la wada cabayay khamri, iyadoo farxad aad u weyn la dareemayo.” Markii garoonka lagu jiray, xiisaha ciyaarta wuxuu si fiican u billowday markii Salomon Kalou uu goolkii ugu horreeyay ee Ivory Coast shabaqa ku hubsaday daqiiqaddii 18-aad. Goolashu way iska sii socdeen. Waqtiga ciyaarta oo ay ka harsanaayeen shan daqiiqo oo kaliya, oo xulka Ivory Coast uu ku gacan sarreeyo 4-0, ayuu garoonka oo dhan hal mar gariiray markii uu dhacay wax uu qof walba jeclaa inuu dhaco. Kubbad ka timid khadka dhexe oo lasoo daba mariyay difaaca kooxda Madagascar ayaa lugta u gashay Didier Drogba. Si qurux badan ayuu u ceshaday kubadda, taabashadii labaadna wuxuu u gooyay gool hayihii, kaddibna shabaq maran ayuu kubaddii dhex dhigay. Qeyladii yeertay waxay dabooshay cod kasta oo garoonka ka baxayay. Markii ay ciyaarta dhammaatay ayey taageerayaashii gudaha usoo wada galeen garoonka, iyagoo doonaya inay wada dhunkadaan ciyaartoyda, ciidamadii ilaaladuna waxay isku gadaameen ciyaartoyda si ay u ilaaliyaan, gaar ahaanna waxay ilaalinayeen Drogba. Waddanka ayaa halkaas kasii waday dabaaldagyadii aan kala joogsiga lahayn, taasina waxay noqotay taariikh kale. Dhacadaas ayaa u muuqatay mid mar kale dib u mideysay waddanka Ivory Coast. Arrinta kale ee xusidda mudan waxay ahayd in ciyaartoyda xulka qaranka ay kala ahaayeen kuwo isku dhaf ah oo kasoo kala jeeday dhinacyada dalka ee ay ka kala taliyaan dowladda iyo fallaagada. Hase ahaatee, wanaaggi badnaa ee ka dhashay labadii ciyaarood ee 2005-tii iyo 2007-dii waxaa xigay waqti murugo badan, oo soo afjaray xasuustii wacneyd. Shan sano uun kaddib, waxaa billowday qalalaase ka dhashay doorasho lagu murmay, kaasoo sababay inay dhintaan 3,000 oo ruux. Madaxweyne Gbagbo ayaa ugu dambeyn la xiray waxaana la horgeeyay maxkamadda caalamiga ah ee ICC, taasoo kusoo oogtay dacwad dambiyo dagaal ah. Bishii January ee sanadkii 2019-kii, waxaa laga bari yeelay dhammaan dacwadihii loo heystay. Hadda oo hal sano laga joogo xilligaas wali wuxuu ku xiran yahay waddanka Belgium, iyadoo la sugayo natiijada racfaan ay xukunka lagu bariyeelay ka qaadatay dowladda Ivory Coast. Xulka Ivory Coast ee lagu naaneysay ‘jiilka dahabiga ah’ waligood uma suurtagalin inay rumeeyaan riyadooda. Labo jeer ayey gool ku laad ku guul darreysteen ciyaarihii fiinaalka koobka Qaramada Afrika ee dhacay sanadihii 2006-dii iyo 2012-kii. Drogba wuxuu ciyaaraha ka fariistay sanadkii 2018-kii kaddib markii uu guulo badan kasoo hoyiyay horyaallada lix waddan oo uu ka ciyaaray, taasoo uu ku noqday mid ka mid ah dadka ciyaaraha aadka loogu qaddariyo ee Qaaradda Afrika. Qaran News
-
JOHANNESBURG (AP) -- Both the Islamic State group and al-Qaida see the coronavirus as a threat, but some of their fighters also see the upheaval from the pandemic as an opportunity to win over more supporters and strike harder than before. Source: Hiiraan Online
-
Health workers are the beating heart of every health system and the majority - seventy percent worldwide - are women. Meet Noora, Zainab and Feriha, who deliver polio vaccine to communities against formidable odds. Source: Hiiraan Online
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye, uu xabsi guri ku yahay magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay. Guddoomiyahaan oo si qasab ah looga reebay ka mid noqoshada baarlamaanka labaad ayaa kal hore waxaa diyaarad lagu geeyay Baydhaba, waxaana amar lagu siiyay in uusan warbaahinta la hadli karin islamarkaana uusan gudbin karin cabasho. Sidoo kale warbaahinta Baydhaba ayaa hore loogu amray in aysan war ka qaadi karin Cabduqaadir Shariif Sheekhuna waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in uusan ka bixi karin guri ku dhax yaala madaxtooyada Baydhaba. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in guddoomiyaha loo sheegay in la fasixi doono markii uu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha la dooran doono ee baarlamaanka, kaas oo Arbacadii loo doortay Ambassador Cali Saciid Fiqi. Sababta xabsi guri looga dhigay ayaa lagu sheegay in uu dood ka qabo qaabka looga reebay ka mid noqoshada baarlamaanka labaad iyo in loo geestay handadaad lagana cabsi qabo in uu warbaahinta la hadlo. Cabduqaadir Shariif Sheekhuna oo ah guddoomiyihii ugu horeeyay ee baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ahaa shaqsigii ugu saameynta badnaa ee dowladda Soomaaliya ka taageeray in meesha laga saaro Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo in la soo qabto Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur balse waxay u muuqataa in dowladdu ku abaal dhacday.
-
Popular Contributors
