Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka gaadiidka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Xasan Eelaay) ayaa sheegay in amarkii ka soo baxay maamulkaasi ee lagu hakiyay gaadiidka isaga kala gooshayey magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo in uusan sameyn doonin gaadiidka xamuulka ah ee badeecooyinka geeya deegaanada Koonfur Galbeed. Xasan Eelaay ayaa tilmaamay in amarkaasi kaliya uu saameyn doono gaadiidka BL-ka ah ama dadweynaha ee isaga kala goosha magaalooyinkaasi. Koonfur Galbeed ayaa wada dadaallo guud oo ay uga hortageyso cudurka faafa ee Coronavirus, kaas oo kiisas ka mid ah laga helay magaalada Muqdisho. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Wasiir-koonfur-galbeed-.mp3 View the full article
  2. Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Feedraalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa amar ku bixiyay in dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir si degdeg ah lagu gaarsiiyo lacago ay u adeegsadaan ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka Covid-19. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo caawa guddoomiyay kulanka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee ka Hortagga Covid-19 oo ku qabsoomay mareegta Internet-ka, ayaa wasaaradda maaliyadda ku amray fudueynta min hal Miyan oo doollar oo si degdeg ah lagu gaarsiiyo maamullada dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimmadda ay midnimada iyo isu geynta cududda Soomaaliyeed ay leedahay xilligan adag ee uu dalku marayo, isaga oo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulsahda ugu baaqay in dhan looga soo wada jeesto ciribtirka caabuqan. Wasiirrada caafimaadka dhammaan dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulanka ka qayb galay ayaa soo bandhigay warbixinno la xariira xaaladda COVID-19 ee deegaannadooda iyo waxyaabaha ay u baahanyihiin, waxayna soo dhaweeyeen tallaabada uu Ra’iisul Wasaaruhu qaaday, iyaga oo xusay inay wax badan ku soo kordhin doonto dadaallada billowga ah. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-150420.mp3 View the full article
  4. ISTANBUL, April 14 (Reuters) - The Turkish lira weakened 0.4% against the dollar on Tuesday to beyond 6.8, its weakest level since end-August 2018, Source: Hiiraan Online
  5. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa amar ku bixiyay in dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir si degdeg ah lagu gaarsiiyo lacago ay u adeegsadaan ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka Covid-19. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo xalay guddoomiyay kulanka joogtada ah ee Guddiga Heer Federaal ee ka Hortagga Covid-19 oo ku qabsoomay khadka Internet-ka, ayaa wasaaradda Maaaliyadda ku amray fudueynta min hal Miyan oo doollar oo si degdeg ah lagu gaarsiiyo maamullada dalka. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Khayre ayaa laga soo xigtay Ra’iisul wasaaraha in uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay midnimada iyo isu geynta cududda Soomaaliyeed ay leedahay xilligan adag ee uu dalku marayo, isaga oo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulsahda ugu baaqay in dhan looga soo wada jeesto ciribtirka Cudurka Coronavirus. Wasiirrada caafimaadka dhammaan dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulanka ka qayb galay ayaa soo bandhigay warbixinno la xariira xaaladda COVID-19 ee degaannadooda iyo waxyaabaha ay u baahanyihiin, waxayna soo dhaweeyeen tallaabada uu Ra’iisul Wasaaruhu qaaday, iyaga oo xusay inay wax badan ku soo kordhin doonto dadaallada billowga ah. PUNTLAND POST The post Dowlada Soomaaliya oo lacago u fasaxday dowlad goboleedyada dalka si loogu adeegsado ka hortaga COVID-19 appeared first on Puntland Post.
  6. An Egyptian policeman and seven suspected militants were killed on Tuesday in an exchange of gunfire, the ministry of interior said in a statement late on Tuesday Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa amar ku bixiyay in dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir si degdeg ah lagu gaarsiiyo lacago ay u adeegsadaan ka hortagga iyo la-tacaalidda cudurka COVID-19. Go’aankan ayaa lagu gaaray kulankii joogtadaa ah ee ay xalay mareegta internet-ka ku yeesheen Guddiga Qaran ee ka Hortagga COVID-19 oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu guddoominayey. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa wasaaradda maaliyadda ku amray fudueynta lacag min hal Miyan oo dollar oo si degdeg ah lagu gaarsiiyo maamullada dalka oo maamulka gobolka Banaadir uu ku jiro. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Kheyre ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimmadda ay midnimada iyo isu geynta cududda Soomaaliyeed ay leedahay xilligan adag ee uu dalku marayo, isaga oo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulsahda ugu baaqay in dhan looga soo wada jeesto ciribtirka caabuqan. Dhinaca kale, Wasiirrada caafimaadka dhammaan dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulanka ka qayb galay ayaa soo bandhigay warbixinno la xariira xaaladda COVID-19 ee deegaannadooda iyo waxyaabaha ay u baahanyihiin. Dhinacyadii ka qeyb-galay kulankan ayaa waxay soo dhaweeyeen tallaabada uu Ra’iisul Wasaaruhu qaaday, iyaga oo xusay inay wax badan ku soo kordhin doonto dadaallada billowga ah.
  8. The Minneapolis Civil Rights Department is investigating allegations of discrimination and retaliation against one of the metro area’s biggest landlords, according to public records obtained by the Reformer. Source: Hiiraan Online
  9. CORONAVIRUS INFECTIONS have begun to increase sharply among Somali-speakers in Helsinki. Source: Hiiraan Online
  10. Madaalihii hobolada Waabeeri Cumar Shooli oo Muqdisho ku geeriyooday Fanaankii caanka ahaa, madaalihii hobolada qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi, Cumar Cabdulle Shooli ayaa caawo ku geeriyooday magaalada Muqdisho, isagoo muddooyinkii ugu dambeeyay lagu dabiiyay isbitaalka Aadan Cadde. Fannaanka ayaa u geeriyooday cudurka Sonkorta oo muddo la dheer uu la noolaa, markii dambena sariirta soo jiifiyay, sida ay sheegeen qaar kamid ah carruurtiisa oo kula jiray isbitaalka Aadan Cadde, iyagoo ka cabanayay in Aabahood uu waayay garabkii dowladda Fannaanka oo maalmo kahor wareysi bixiyay, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uu ka waayay qiimihii uu qarankiisa ku lahaa, isagoo sheegay inaanu jirin hal masuul oo xaaladiisa caafimaad ka warqabay ama isbitaalka kusoo booqday. Guddoomiyaha golaha abwaaniinta Soomaaliyeed, Abwaan Xirsi Dhuux, ayaa sheegay Cumar Shooli iyo fanaaniinta lamidka ah inay hantidooda ahayd dhaxalkii faneed ee ay uga tageen qaranka Soomaaliyeed. Qaran News
  11. President @realDonaldTrump is halting funding of the World Health Organization while a review is conducted to assess WHO's role in mismanaging the Coronavirus outbreak. pic.twitter.com/jTrEf4WWj0 — The White House (@WhiteHouse) April 14, 2020 Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay nin la rumeysan yahay inuu yahay madaxii ururka Daacish ee Koonfurta Somalia, kadib dagaal dhex-maray ciidamada iyo sarkaalkan ka tirsanaa Daacish. Ninkaan magacaya badan looga yaqiinay gudaha kooxda ayaa lagu qabtay isku hor imaadka oo isaga iyo dabley uu watay ay ciidamada dowladda kula galeen degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir. Ciidamada ayaa markii ay ninkan qabanayeen waxaa la sheegay in ay heleen xogta ah in ninkan iyo kooxda uu wato ay falal Muqdisho ka fuli rabaan falal amni darro, waxaana weli ku socda baaritaan. Ninkan ayaa markii la qabanayey la rumeysnaa inuu yahay madaxa Daacish ee Koonfurta, hase yeeshee maaritaanka hay’adaha amniga oo su’aalo lagu weydiiyey ayuu ku beeniyey inuu xilkaas hayo. “Waxaan rumeysanahay inuu yahay ninka aan dooneynay balse waa uu beeninayaa, waxaase ku socda baaritaan dheer ah, dib ayaana kasoo xaqiijin doonaa,” ayuu yiri sarkaal la hadlay Caasimada Online. Howlgalka lagu qabtay ninkan, oo ahaa mid qorsheysan, ayaa ciidamada ammaanka waxay kale oo ay kusoo qabteen laba qof oo kale, hubkoodii iyo gaari ay wateen, waxaana uu howlgalkan dhacay maalintii Axada ee 12-kii bishan April.
  13. Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dhaqan-gelisay Bandow ay xiliyada habeenkii ah ku rogtay degaannada dowlad goboleedkaas si loo xakameeyo faafida Cudurka Coronavirus oo kiisaskii u horreeyay laga helay magaalada Kismaayo. Guddiga ka hortaga Cudurka COVID-19 ee Jubbaland oo kulan ku yeeshay Kismaayo ayaa go’aamiyay in deegaanada dowlad goboleedka Jubaland lagu soo rogay Bandow habeen kasta ka bilowda lixda makhribnimo kuna eg lixda subaxnimo. Sidoo kale kulanka Guddiga ayaa waxaa ka qeyb galay laamaha amniga Jubbaland waxaana inta uu socday lagaga looga hadlay dhaqan gelinta amrkaas iyo guud ahaan awaamirta uu guddigu shaaciyay ee la xiriira Cudurka Coronavirus. Bandowga ayaa si rasmiya u bilowday habeenkii xalay isagoo ka dhaqan-galay magaalada Kismaayo iyo degaannada kale ee Jubaland sida laga soo xigtay Laamaha Amniga dowlad goboleedka Jubaland. PUNTLAND POST The post Jubaland oo dhaqan-gelisay Bandow habeenkii ah si looga hortago COVID-19 appeared first on Puntland Post.
  14. Xog: Deeqdii Imaaraadka ka dejiyey Muqdisho oo la qawaday,Noqoteyna waxaan Somalia ugu fadhiyin UAE Wrabaahinta ayaa xog ka heshay wixii ay siday diyaaradii ay soo dirtay dowladda Imaaraadka ee shalay kasoo degtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taas oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay keentay deeq caafimaad oo uga timid Imaaraadka Carabta. Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa 23 tan oo lagu sheegay agab caafimaad oo looga hor-tago cudurka Coronavirus. Hase yeeshee, xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo tan caafimaadka ayaa Warbaahinta u sheegay in markii la furay Kartoonada laga waayey wax dawo ama qalab kale oo caafimaad, balse ay siday oo kaliya Saabuunta gacmaha lagu maydho. Arrintan ayaa la sheegay inay ka yaabisay mas’uuliyiinta Somalia. Saraakiisha warka soo dusisey ee ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxa ay sheegeen, xataa in aysan xaqiijin karin in Saabuunta Imaaraadku ugu deeqay Soomaaliya ay tahay mid dili karta fayruska korona, si la mid ah alkolada. Caadiyaan saabuunta gacmaha ayaa loo adeegsadaa kaliya nadaafadda, waxaana badanaa la dhigaa musqulaha, mana cadda in midda Imaaraadka ay ka duwan tahay saabunahaa maadaama aan weli la tijaabin. Arrintaan ayaa waxa ay aad uga yaabisay mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya oo iyagu markii hore sheegay in dowladda Imaaraadka ay kala wareegeen deeq caafimaad oo iskugu jirta dawooyin iyo qalab kale oo lagula tacaalo cudurka Coronavirus. Xidhiidhka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaan caga badan ku taagneyn tan iyo horraantii sanadkii 2018-kii, waxuuna gargaarkaan noqonayaa kii ugu horeeyey ee Imaaraadku kasoo dejiyo Muqdisho, intii uu jiray madmadowga siyaasadeed ee xukuumadaha Muqdisho iyo Dubai. Qaran News
  15. Alle ha u naxariistee, waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyooday fannaankii weynaa Cumar Cabdulle Shoolli, oo ka tirsanaa Hoobaladii Qaranka ee Waaberi. Marxuumka, oo muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho, waxaa geeridiisa xaqiijiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo xubno qoyskiisa ah. Fannaanka, oo laba sano ka hor ka soo laabtay dalka dibaddiisa, ayaa ku xanuunsaday gudaha magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kula noolaa carruurtiisa, isagoo todobaadyadii u dambeeyay isbitaalka yaalllay. Wasiirka warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa qoraal uu soo saaray tacsi ugu diray qoyskii iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuum Cumar Shoolli. PUNTLAND POST The post Fanaankii weynaa ee Cumar Shoolli oo Muqdisho ku geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  16. Taliyaha ciidanka dhulka ee Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya sareeye guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa kormeeray wadada xiriirisa Jannaale iyo Buufow bacaad ee gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo ay ka socto shaqo dib loogu furayo wadadaas. Wadadaan ayay Al-shabaab jareen ka hor intii aan laga saarin degaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha hoose balse hadda ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya waxay ka wadaan hawlgallo furitaan ah si ay dadweynuhu u adeegsadaan Taliyaha ciidanka dhulka Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa bulshada degaanka ku war geliyay in dhowaan wadadaasi dib loo furi doono isagoo sheegay in AL-shabaab ay ku fashilantay in ay go’doomiyaan shacabka. PUNTLAND POST The post Gen Dirir oo kormeeray wadada xiriirisa Buufow Bacaad iyo Jannaale oo dib loo furayo appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka warbaahinta Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayaa qoraal ay soo saareen uga hadlay xariga weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye loogu gaystay saldhigga degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Goobjooge Media ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in Gurbiye uu xiranyahay dacwad uu ku soo oogay Xafiiska Xeer Ilaalinta oo wakiil ka ah Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Gurbiye lagu haysto qodobka 220 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed. Qodobkaas ayaa ka hadlay aflagaado iyo magac-dil lagu sameeymo mas’uul xil dowladeed haya. Gurbiye ayaa shalay wuxuu bartiisa facebook kusoo qoray in madaxweyne Farmaajo “uu qaatey” ventilator (mashiinka neefta siiya sanbabada marka shaqada joojiyaan) loogu deeqay Isbitaal Martiini! Caasimada Online dhowr mar ayey la xiriirtay Villa Somalia, si aan wax uga weydiino arrintan balse kama aysan hadlin. Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Goobjoog Maamulka Warbaahinta Goobjoog wuxuu la wadaagayaa dadweynaha Soomaaliyeed xariga sharcidarrada ah ee lagula kacay Tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog Weriye Cabdicasiis Axmad Gurbiye una dhacay sida soo socota: Hoggaanka Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa la soo xiriiray Maamulka Warbaahinta Goobjoog xilli habeennimo si loo soo gaarsiiyo dacwad ka dhan ah weriyaha xorriyadda laga qaaday Mudane Cabdicasiis Gurbiye isla markaasna ku amray in xilligaas habbeennimo aynu tagno Saldhigga Booliska ee Degmada Hodan. Iyadoo hannaanka sharci ee u yaalla Dalka uusan ogolaaneyn in wixii ka dambeeya 06:00 fiidnimo – sida ku cad Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed – aanan qof la gaarsiin karin AMAR la xiriira xorriyad ka qaadis; haddana Maamulka Warbaahinta Goobjoog, iyaga oo kalsooni ku qaba in hawlaheeda warbaahin ay u fuliso si aan ka soo horjeedin shuruucda Dalka, ayey u hoggaansantay farriintii la soo gaarsiiyey, waxaana durbadiiba Maamulka Warbaahinta Goobjoog iyo Tafaftire Cabdicasiis Gurbiye u dhaqaaqeen xilligaas iney ka soo garnaqsadaan cidda dacwadda u heysata. Waqti yar kaddib, Taliskii Booliska ayaa mar kale ina soo gaarsiiyey farriin kale oo nuxurkeedu ahaa inaan subaxa hore ee taariikhdu tahay 14ka Abriil aan tagno Saldhigga Booliska Hodan. Subaxdii 14ka bisha Abriil, Maamulka Goobjoog iyo Tifaftire Cabdicasiis Gurbiye waxa ay tageen Saldhigga Booliska ee Degmada Hodan. Mudo saacado ahna waxa ay ku xayirnaayeen xafiiska Saldhiga Booliska Hodan, iyaga oo aan la kulmin ciddii dacwada ka soo gudbisay. Markaas mudo yar kadib, waxaa Tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog Mudane Cabdicasiis Gurbiye lagu wargeliyey in uu u xiranyahay dacwad uu ku soo oogay Xafiiska Xeer Ilaalinta oo wakiil ka ah Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Isla markiiba waxaa si sharci daro ah xorriyadiisii looga qaaday weriye Cabdicasiis Gurbiye. HADABA, Warbaahinta Goobjoog waxa ay si adag u cambaareyneysaa dhagarta loo dhigay weriye Cabdicasiis Gurbiye si looga qaado xorriyadiisa iyadoo aanan loo soo marin hannaankii sharci ee u degsanaa xorriyad ka qaadista iyo dacwad oogista ka soo horjeeda qofka insaanka ah, gaar ahaan muwaadinka Soomaaliyeed. 6. Warbaahinta Goobjoog waxa ay sidoo kale u cambaareyneysaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud oo soo maleegay dhagarta xorriyadda looga qaaday weriye Cabdicasiis Gurbiye, xafiiskaas oo awoodiisii u adeegsaday si ku takrifal ah oo hareermarsan Sharciga Dalka, isaga oo ugu adeegaya dano gaar ah. Warbaahinta Goobjoog waxa ay caddeyneysaa in xorriyad ka qaadista Weriye Cabdicasiis Gurbiye ay tahay sharci daro hareermarsan dhammaan Shuruucda iyo Qawaaniinta dalka uu leeyahay. Warbaahinta Goobjoog wax ay caddeyneysaa in xorriyad ka qaadista Weriye Cabdicasiis Gurbiye ay qayb ka tahay olole qorsheysan oo lagu caburinayo warbaahinta dalka iyo guud ahaan xorriyada hadalka iyo afkaarta. Sidaa daraaddeed, waxa ay Goobjoog ugu baaqeysaa Taliska Booliska Soomaaliyeed in Weriye Cabdicasiis uu dib u helo xorriyadiisa, si degdeg ahna looga sii daayo xabsiga. = Gunaanad =
  18. Jasiirad sabaynaysa oo sababtay in Dal dhan ay ka go’do korontadii Afhayeen u hadlay Shirkadda Korontada ee Uganda ayaa sheegay in jasiiradda sabaynaysa ay la eg tahay laba barxadood oo kuwa lagu dheelo kubadda cagta ah Jasiirad dhul weyn ku fadhisa oo sabaynaysa oo ku taal Harada Victoria ayaa waxa ay sababtay in koronto la’aan ay ka dhacdo dalka Uganda oo dhan kaddib markii diinimadii korontada dhalinaysay ay cabburiyeen dhir aaladda isku xaraysay. “Waxa ay aheyd ugu yaraan laba hektar oo ballac ahaan ku dhaw laba barxadood oo kuwa lagu dheelo kubadda cagta ah,” Simon Kasyate ayaa sidaasi BBCda u sheegay. Koronto la’aanta ayaa waxa ay sababtay in muddo saacad ah dib loo dhigo khudbad uu Madaxweyne Yoweri Museveni kaga hadlayay dhibaatada xanuunka Covid-19. Harada Victoria, oo ay wadaagaan saddex dal oo ku yaal Bariga Afrika ayaa waxaa fara badan ka haya dhir harada ka dhex baxda. Dhir badan ayaa waxa ay isku xaraysay diinimada warshadda korontada dhalisa ee Nalubaale, taas oo sababtay in qeyba badan oo Uganda ah ay koronto la’aan ku dhacdo, waxaa sidaasi bayaan ay soo saartay ku sheegtay shirkadda Eskom ee dalkaas. Shirkadda ayaa sheegtay in “heerka biyaha ee sare u haatan u kacaya” ee harada ay suuragal tahay inay sabab u tahay dhaqaaqa jasiiraddan biyaha la sabaynaysa. Heerka biyaha ee harada ayaa haatan taagan 13.12m, oo ayba qarka u saaran tahay inay gaarto heerkii ugu sarraysay ee 13.46m kaas oo la arkay sanadkii 1964, waxaa sidaasi sheegay Mr Kasyate oo ka tirsan Shirkadda matoorada korontada dhaliya ee Uganda.Caadiyan biyaha waxa ay gaari jireen inta u dhaxaysa 7 ilaa 9m, ayuu yiri. Roob mahiigaan ah, harada oo ay dhir ka buuxsantay iyo tirada dadka oo sare u kacday ayaa sidoo kale lagaa yaabaa inay sabab u tahay dhaqaaqa jasiiradda. Waxa uu intaasi ku daray in korontada markii dambe dib loo soo celiyay hasayeeshee howlwadeennadu ay weli bannaynayaan qeyba ka mid ah jasiiradda sabaynaysa. “Mar walba gacmaheenna ayeynu ku maarayn jirnay dhirta, laakiin tan oo kale hore umaynaan arag,” ayuu yiri Mr Kasyate. Qaran News
  19. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii ku dhowaaqay inay hakinayaan maal-gelinta Ururuka Caafimaadka Adduunka ee WHO, oo uu ku eedeeyey qarinta heerka haliska cudurka COVID-19 ee dalka Shiinaha, ka hor inta uusan ku faafin caalamka. Trump ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Cad ku sheegay inuu amrayo maamulkiisa in la joojiyo lacagta Mareykanka siiyo WHO “inta laga sameynayo dib u eegis ku saabsan kaalintii WHO ay ku lahayd si xun u maamuliadda iyo daboolidda faafitaanka Coronavirus.” Sida uu Trump sheegay, WHO ayaa ka tagtay daah-furnaanta, taasi oo kordhisay faafitaanka cudurka ee Mareykanka. Mareykanka waa dalka lacagta ugu badan ugu deeqa WHO, waxaana sanadkii tegay uu bixiyey 400 oo milyan oo dollar, halka China ay ka bixisay 44 milyan. Trump ayaa sheegay inay eegi doonaan waxa lacagtaas aadi jirtay WHO lagu sameynayo iminka. “Ayada oo COVID-19 uu si caalami ah u faafayo, waxaan aad uga walaacsan nahay in deeqsinimada Mareykanka loo adeegsanayo sida ugu wanaagsan,” ayuu yiri Trump. Trump ayaa toddobaadkii tegay weerar ku qaaday agaasimaha WHO Tedros Adhanom, isaga oo sheegay in WHO “ay u muuqato inay u eexaneyso China,” islamarkaana dowladdiisa “ay eegi doonto inay ka joojiso maal-gelinta,” Trump ayaa sidoo kale shaki ka muujiyey sax ahaanshaha xogta China ee ku saabsan heerka dhimashada cudurka ee dalkaas, isagoo ku eedeeyey WHO inay ka caawiso Shiinaha inay qariyaan. Agaasimaha WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo iska difaacay eedeynta Trump, ayaa ku baaqay midnimo iyo hakinta “siyaasadeynta” xasaraddan caafimaad ee caalamiga ah, isaga oo si gaar ah ugu booriyey Shiinaha iyo Mareykanka inay muujiyaan “hoggaan daacadnimo ah”. Tedros, oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Itoobiya, waxa uu sidoo kale diiday eedeymaha Trump ee ah in WHO ay tahay hay’ad ay “China saldhig u tahay”, wuxuuna sheegay “inay ku dhow yihiin dal kasta.”
  20. The U.S. will suspend funding to the World Health Organization while it reviews the agency’s response to the Covid-19 pandemic, President Donald Trump announced Tuesday, saying the international health agency made mistakes that “caused so much death” as the coronavirus spread across the globe. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa xog ka heshay wixii ay siday diyaaradii ay soo dirtay dowladda Imaaraadka ee maanta kasoo degtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taas oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay keentay deeq caafimaad oo uga timid Imaaraadka Carabta. Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa saddex tan oo lagu sheegay agab caafimaad oo looga hor-tago cudurka Coronavirus. Hase yeeshee, xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo tan caafimaadka ayaa Caasimada Online u sheegay in markii la furay baakadaha laga waayey wax dawo ama qalab kale oo caafimaad, balse ay siday oo kaliya Saabuunta gacmaha lagu meyrto. Arrintan ayaa la sheegay inay ka yaabisay mas’uuliyiinta dowladda federaalka ah. Saraakiisha noo warantay ee ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxa ay sheegeen, xataa in aysan xaqiijin karin in Saabuunta Imaaraadku ugu deeqay Soomaaliya ay tahay mid dili karta fayruska korona, si la mid ah alkolada. Caadiyaan saabuunta gacmaha ayaa loo adeegsadaa kaliyaa nadaafadda, waxaana badanaa la dhigaa musqulaha, mana cadda in midda Imaaraadka ay ka duwan tahay maadaama aan weli la tijaabin. Arrintaan ayaa waxa ay aad uga yaabisay mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya oo iyagu markii hore sheegay in dowladda Imaaraadka ay kala wareegeen deeq caafimaad oo iskugu jirta dawooyin iyo qalab kale oo lagula tacaalo cudurka Coronavirus. Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa galabta dowladda Imaatadka Carabta ugu mahad celisay deeqdaas, waxaana lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda in dowladda Soomaaliya ay kaalmadaas caafimaad u aragto hadiyad muujinaysa heerka wanaagsan ee xiriirka u dhexeeya labada dal. “Soomaaliya waxa ay uga mahad celinaysaa Imaaraatka kaalmadooda caafimaad, waxa ayna u aragtaa haddiyad muujinaysa heerka wanaagsan ee xiriirka u dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaan caga badan ku taagneyn tan iyo horraantii sanadkii 2018-kii, waxuuna gargaarkaan noqonayaa kii ugu horeeyey ee Imaaraadku kasoo dejiyo Muqdisho, intii uu jiray madmadowga siyaasadeed ee xukuumadaha Muqdisho iyo Dubai.
  22. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar___Qubanaha-Shabelle-140420.mp3 View the full article
  23. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa bogaadisay kaalinta dhaqaatiirta, kalkaaliyaasha iyo howl-wadeennada caafimaadka ay ka qaadanayaan badbaadinta shacabka iyo dagaalka loogu jiro Xakameynta faafitaanka COVID-19. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in sideed kamid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed laga helay COVID-19 maadaama dhaqaatiirtu yihiin dadka safka hore uga jira la dagaallanka cudurkan, naftoodana huraya, si ay u badbaadiyaan bulshada inteeda kale. Dhaqaatiirta cudurku haleelay iyaga oo gudanaya waajibaadkooda iyo dhammaan dadka kale ee COVID-19 uu soo ritay ayay wasiir Fowsiya Allah uga bariday inuu caafimaad deg deg ah siiyo. Wasiirka Caafimaadka ayaa ku celisay in dowladdu ay dadaalkeeda isugu geneysyo sidii dalka iyo dadka looga badbaadin lahaa qatarta COVID-19, waxayna bulshada ugu baaqday inay u hoggaansamaan talooyinka caafimaad ayna qeyb ka noqdaan qorsha wadajirka ah ee naf-badbaadinta. Dhanka kale, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay caddeysay in ilaa maanta aysan soo kordhin xaalad cusub oo COVID-19 ah hase yeeshee ay jiraan baaritaanno maanta la sameeyay oo jawaabahooda la sugayo inay dhawaan soo baxaan. View the full article