-
Content Count
214,482 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in goor dhow dagaal xoogan uu ka qarxay deegaanka Qalaanqalle oo dhinaca galbeed ka xiga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedk Galmudug. Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyaa labo maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan halkaas, kuwaas oo isku haya arrimo la xariira dhul-daaqsimeed. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu sii xoogeysanayo Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka oo weli ka socda deegaankaasi. Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoona wararka ay sheegayaan in dagaalka ku sii fidiyo tuulooyin ku dhow deegaanka Qalaanqalle ee gobolka Gaduud. Maleeshiyaadka diriraya ayaa maalmihii la soo dhaafay isku hor fadhiyey halkaasi, iyadoo ay fashilmeen dadaallo la doonayey in lagu dhex-dhexaadiyo labada dhinac. Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ku soo laa laabta dagaal beeleedyo u dhexeeya maleeshiyaad deegaanka oo ku wada sugan gobolkaasi.
-
(SLT-Hargeysa)-Waxa dhawaan dalka Tansaaniya ku geeriyooday Augustine Mahiga oo mar ahaa ergaygii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Soomaalida. Augustine Mahiga ayaa safaro badan ku iman jiray magaalada Hargeysa, waxaanu wargeyska Geeska Afrika, halkan akhristayaashiisa ugu soo gudbinayaa khilaaf diblomaasiyadeed oo bishii November ee sannadkii 2012 ka dhex qarxay madaxweynihii xilligaas ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Augustine Mahiga oo markaas ahaa ergayga Qaramada Midoobay. Madaxweyne Siilaanyo ayaa wakhtigaas wuxuu si adag uga jawaabay dhambaal uu u soo diray Augustine Mahiga, kaas oo uu Mahiga ku soo qoray luuqad quudhsi iyo gef ku ahayd qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland. Wargeyska Geeska Afrika ayaa waxa wakhtigaas u suurtogashay inuu arko laba waraaqood oo ay isweydaarsadeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Danjire Mahiga. Danjire Mahiga. Augustine Mahiga ayaa Madaxweyne Siilaanyo wuxuu 7 November 2012 u soo diray dhambaal uu kaga codsanayay inuu la kulmo wefti ka socday Qaramada Midoobay oo dib u qiimayn ku samaynayay qaabka ay tahay inay Qaramada midoobay uga hawlgasho gobalka. Sida uu Geeska Afrika wakhtigaas arkay Qoraalkaas uu Mahiga ku dalbanayay inuu Madaxweyne Siilaanyo qaabilo weftigaas, wuxuu ku socodsiiyey “Madaxweynaha maamul goboleedka Somaliland ee Somaliya.” Ereygaas oo u muuqda inuu yahay weedha damaqaday madaxweyne Siilaanyo, jawaabtiisana uu halqabsiga uga dhigay, isagoo u tilmaamay inuu yahay erey gef iyo edeb darro ku ah shacabka Somaliland ee sida Dimuqraadiga ah ugu soo doortay madaxweynaha oo aanay Mahiga hortii isticmaalin dawladda Somaliland iyo dunida ay xidhiidhka la leedahay midkoodna. Jawaabtii Madaxweyne Siilaanyo Madaxweyne Siilaanyo wuxuu qoraalkaas Mahiga ka jawaabay 20 November 2012, waxaanu si adag uga jawaabay weedhaas uu ergayga Qaramada midoobay qoraalkiisa ku bilaabay. Sida ku cad dhambaalka Madaxweynaha ee uu Geeska Afrika arkay wakhtigaas, wuxuu Madaxweynuhu ugu hanjabay inuu dib u qiimayn doono in xafiiskiisa Hargeysa oo wakhtigaas loo yaqaanay UNPOS uu u taaganyahay danaha Somaliland iyo in kale. “Anigoo ku hadlaya magaca Somaliland, waxaan jecelahay inaan saxo ereyga gefka ah ee ku jira warqadaada ee igu tilmaamaya Madaxweynaha maamul goboleedka Somaliland ee Somaliya, waa erey ay dawladaydu u aragto inaanu ahayn kii haboonaa. Ereygaasi waa gef iyo weliba edeb darro, iyadoo magacani aanay isticmaalin dawladayada iyo dawlad kale oo nala macaamisha toona.” Ayuu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku yidhi qoraalkiisa jawaabta ah, waxaanu isagoo ka hadlaya xafiiskii Mahiga ee Hargeysa uu yidhi, “Waxaan hadda dib u eegis ku samaynayaa inuu joogitaanka xafiiskaaga UNIPOS ee Hargeysa uu dan u yahay dalka.” Madaxweynuhu wuxuu diblomaasigan xasuusiyay halganka dheer ee loo soo maray madaxbanaanida Somaliland isagoo ka soo bilaabay wakhtigii gumaysigii Ingiriiska, Midowgii lagu hungoobay ee Somaliya iyo halgankii xorriaydda dib loogu soo celiyay, waxaanu sheegay in madaxbanaanida Somaliland si cad loogu xaqiijiyay aftidii distoorka Somaliland ee sannadkii 2001-kii. Waxaanu xasuusiyay in weedha uu dhambaalkiisa u adeegsaday si cad uga horimanayo shirkii Ingiriiska lagu qabtay bishii Feebarwari ee 2012 oo laga soo saaray baaq lagu dalbanayay wada hadal dhex mara Somaliland iyo Somaliya. Qoraalka Madaxweyne Siilaanyo oo u muuqdya mid si farshaxan leh loo qoray, waxa kale oo uu ergaygan geeriyooday ee reer Tansaaniya u tilmaamay in qoraalkiisu si cad uga hor-imanayo dedaalada lagu xoojinayo nabadgelyada iyo amniga gobalka Geeska Afrika. Source
-
(SLT-Boorama)-Masaajidka Huda oo kamid ah Masaajidada magaalada Boorama ee gobolka Awdal, ayaa xalay si rasmiya looga joojiyey ku tukashada salaada Taraawiixda. Culimada masjidkaasi gacanta ku haysa maamulkiisa ayaa sheegay inay markii ay ka tashadeen xaalada taagan, ay go’aansadeen in Masaajidka laga xidho salaada Taraawixdo oo aan lagu tukan. Waxayna ku baaqeen in guryaha lagu tukado salaada Taraawiixda, xiliga uu jiro cudurka faafa ee Covid-19, maadama uu cudurkaasi si fudud ugu dhex faafayo bulshada badan. Sheekh Maxamed Siciid ‘Saaweer’ oo kamida ah maamulka masaajidka Huda, isla markaana ah Imaamka masjidkaasi, ayaa si cad u sheegay in shanta salaadood ee kale sidoodii loogu tukan doono masaajidka, balse laga joojiyo uun salaada Taraawiixda. Go’aankaasi ayaa ku soo beegmaya xili uu cudurka Coronavirus uu ku faafay deegaano ka tirsan Somaliland, iyada oo qofkii u horreeyay ee cudurkaasina ugu geeriyooday magaalada Boorama. Masjidka Huda ee magaalada Boorama ayaa noqonaya masaajidkii u horreeyay ee gudaha Somaliland laga joojiyo ku tukashada salaada Taraawiixda, xili uu hore u fashilmay qorshe ay xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ku dooneysay inay ku joojiso in salaadaha lagu tukado masaajidada. Source
-
Madaxa hey’adda difaacda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee bariga Afrika Xasan Shire oo wareysi gaara siiyay Goobjoog News ayaa waxaa uu ka hadlay madax bannaanida saxaafadda iyo xoriyatul qawlka hadalka waxa uuna ku nuuxnuuxsaday in haddii dowladi xirto ama jirdil u geysato saxfi sabab la xiriirta war uu baahiyay inay tahay dowladdaasi mid xun islamarkaana ay ku tumanayso xoriyadda hadalka iyo madax bannaanida “Dowlad Wariyaha u xirto ama u jirdisho maxaad warkaas u sheegtay waa dowlad xun wasiir inta meel soo istaago isku dayo inuu marmarsiyo u sameeyo caburrinta saxaafadda waxaa la yiraahdaa dilaa saxafi, waaana la cambaareyaa” ayuu yri Madaxa difaacayaasha. Xasan Shire ayaa dhinaca kale waxa uu walaac ka muujiyay in Soomaaliya ay kaalmaha ugu hoseeya uga jirto xoriyadda hadalka “Soomaaliya 163 ayey uga jirtaa sanadkaan meesha ugu hooseysa xataa gobalka oo Burundi iyo Koonfurta Suudaan wey ka hooseysaa marka la fiiriyo celceliska dhibaatada ku dhacda dadka saxaafadda u olo oleeya iyo kuwa ka shaqeeya” waxa uuna arrinkaasi ku tilmaamay mid nasiib darro ah. Isaga oo sii hadlay ayuu sheegay in hadii la waayo saxaafad madax bannaan aysan jiri doonin xoriyad iyo madax bannaani kale “haddii la waayo saxaafad madax bannaan xoriyad kale iyo madax bannaani kale oo jiri karta ma jirto dimuquraadiyad lama gaari karayo dowlad hufnaan lama gaari karo haddii aysan jirin xoriyad dhab ah oo saxaafaddu leedahay oo ka fog cabsi intaas baa gundhig u ah marka 1-aad”. Sidoo kale Xasan Shire ayaa soo hadal qaaday kaalinta ay ku jirto saxaafadda marka loo eego xoriyaadka kale ee hadalka waxa uuna carabka ku adkeeyay in saxaafadda ay horkacayso dhamaan xoriyayaadka kale ee hadalka. “Saxaafaddu waa tiirka ugu weyn xuquuqaha kale iyo xoriyayaadka kale ee aasaaska ah hadii ay ahaan lahyd tii faafidda fikirka, tii nabadaynta, tii is barbardhiga, tii dowlad wanaaga, tii dib u dhiska wadanka saxaafaddu waa meesha udubka u ah in xoriyaadkaas la gaaro” ayuu yiri Xasan Shire. Dhanka kale madaxa hay’adda difaacayaasha ayaa tilmaamay in dalkasta oo caburiya saxaafadda uu hayo dhabihii burburka isaga oo sheegay in qofka doonayo inuu ku qabto afka uu damacsanyahy inuu fushto dano gaar ah oo uusan doonayn in la soo bandhigo. “Haddii aad aragto wadan saxaafaddu burbursan tahay waa waddan burbur ku socda waa waddan aan xoriyaadkii kale la dhowrayn maxaa yeelay qofka afka ku qabto macnaheeda waxay tahay wuxuu doonayaa wax ka dhan ah xuquuqaadkaaga kale inuu fushto iyada oo aan lala hadlin, wuxuu doonayaa inuu dadka iska dilo ama iska xiro ayadoon la daba galin” ayuu sii raaciyay. “Dowlad diidda ama ka soo horjeesatada in la faafiyo ama la soo bandhigo fikiro kuwa iyada ka duwan ah macnaheedu waxa ay tahay waa dowlad ay u qarsantahay ku takrifal shaqsiyaadka dowladda ee kaca inay caburiyaan ay jahwareeriyaan dadka u dooda saxaafadda waa dad la calaamadeysan doono oo waqti waqtiyada ka mid ah runta la hor keeni doono” Dowladda ayuu ugu baaqay inay aqoonsadaan in saxaafaddu tahay xor isaga oo yiri “Dowladda waxaan farayaa oon u soo jeedinaynaa in saxaafadda xorta ah ay aqoonsadaan inay xortahay u daayaan doorkeeda ah inay tiirka afaraad ee dowladnimada”. Dowladda Farmaajo ayaa lagu dhaliilaa inay caburiso saxaafadda madaxa bannaan ee ka shaqeysa Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Waraysi Dhinac Skypka Uu Mudan Xasan Shire Siiyay Goobjoog Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Biixi ayaa Axadii weerar siyaasadeed ku qaaday Dr. Cabdi Gaboose, oo uu ku eedeeyay sawir baraha bulshada qabsaday oo ku saabsanaa afur wadareed uu cisbitaalka Haldoor ee Dr. Gabose u sameeyay shaqaalihiisa. Madaxweyne Biixi ayuu hadalkiisu u muuqday mid ku tallo gal ah oo aan gole ka fuul ahayn, waxaanu doonayay inuu Dr. Gaboose farriin hawada u mariyo. Hadalka Madaxweyne Biixi ayay dadka siyaasadda falanqeeyaa u arkeen inay ka dhex muuqatay culays siyaasadeed oo uu Dr. Gabose ku hayo Madaxweyne Biixi balse aan bulshada badankeeda u muuqanin. Inkastoo Dr. Gaboose aanu wakhtigan ka tirsanayn, madaxna u ahayn xisbi siyaasadeed oo mucaarad ah, haddana waxa suurtogal ah in Madaxweyne Biixi Dr. Gaboose u arko siyaasi mucaarad ah oo ka soo horjeeda hoggaamintiisa, waana sababta uu u doortay inuu bulshada farta ugu fiiqo sawirada laga soo qaaday cisbitaalka Dr. Gabose. Waa suurtogal in Madaxweyne Biixi oo xariif ku ah siyaasadda gudaha iyo muquuninta mucaaradkiisu uu doonayo inuu Dr. Gabose madaxa jebiyo oo uu siyaasad ahaan wiiqo, kana faa’iidaysto fursada sawirkaas uga soo baxday. Dr. Gaboose ayaa ahaa maskaxdii ka dambaysay joojinta jaadka ee qaaday ololaha Madaxweyne Biixi loogu baaqayay inuu joojiyo jaadka, kaas oo ay xukuumadu joojisay balse aan u joogsan sidii la filayay magaalooyinka dalkana ku soo gala isagoo kootarabaan ah. Inkastoo ay bulshadu u sacab tuntay joojinta qaadka, haddana la dagaalanka jaadka Kootarataanka ah ayaa sababay dhimasho iyo khasare hantiyeed, waxaana laga yaabaa inuu mashquliyo hay’addihii ammaanka ee dalka. Marka ay sidaas tahay waxa laga yaabaa inuu Madaxweyne Biixi iska qoomameeyay joojinta qaadka iyo taladaas Dr. Gaboose ee uu qaatay. Waa suurtogal inuu markii dambe u arkay inay ahayd tallo siyaasi oo uu ku deg degay qaadashadeeda. Dad badan ayaa qaba in qodobkani ka mid yahay sababta Madaxweyne Biixi ka keentay inuu eed u jeediyo Gaboose. Idaacadda Radio Hargeysa ee ay dawladu maamusho ayaa shalay ilaa xalay baahisay faallooyin ka dhan ah Dr. Gaboose, kuwaas ahaa weerar lagu beegsanayay Dr. Gaboose iyo cisbitaalkiisa, bulshadana la doonayay in loo tuso inaanay wada socon ficilka iyo qawlka Dr. Gaboose. Faalladda Idaacadda ayaa waxay daba socotaa hadalka Madaxweyne Biixi. Hase yeeshee weerarka uu Madaxweyne Biixi ku duqeeyay Dr. Gaboose ayay dad badani u arkaan inay Dr. Gaboose u tahay faa’iido siyaasadeed, waxaana suurtogal ah in weerarkii Madaxweyne Biixi ee uu doonayay inuu ku wiiqo siyaasiyan dhakhtarka, uu kor u qaado miisaanka siyaasadeed ee Dr. Gabose, iyadoo laga yaabo in Dr. Gaboose ay dad badani u arkaan nin buuxin kara kaalinta mucaaradnimo oo ay bulshadu beryahan dambe tabaysay inay banaantahay. Source
-
Maalin maalmaha ka mid aheyd, ayaa waxaa isu yimid habar-dugaag oo dhan oo uu Libaax boqor u yahay, waxayna ugaadhsadeen oo disheen neef Geel ah. Libaaxii baa Waraabihii ku amray inuu neefka hilbihiisi qaybiyo. Waraabihi baa yidhi ciidanku waa badan yahay, neefka badhkiis ha qaateen, adigoo Libaax ahna, badhka kaloo dhan wada qaado. Libaaxii oo isagu isla rabay, inuu neefka dhan wada qaato, oo markii uu iskiis uga dhargo inta kale ee hambada iyo lafaha hadha ay habar-dugaagoo dhan wadaagaan. Libaaxii aad buu uga xanaaqay fikirkaa waraabaha oo intuu bahal dhirbaaxo ah waraabihi ku dhuftay, ilna halkaas kaga soo tuuray. Ka dibna dawaco ayuu ku amray inay bal iyaduna, neefki hilibkiisii qaybiso. Dawaco, oo wixii waraabaha ku dhacay cashar weyn ka qaadatay ayaa tidhi ( boqoroow ku wada siiyaye – neefka wada qaado). Libaaxii oo qaybinta dawacada ku qancay ayaa dawacadii ku yidhi (yaa sidaan wax-qaybinta wanaagsan kuu baray?), ka dibna waxay tidhi (isha dhurwaa ka laalaaddaa i bartay). Maalinkii danbe ayaa iyadoo Libaaxii goobti ka maqan yahay oo uu Waraabe meesha u sarreeyo, Dawaco na la joogto ayey neef geel ah disheen. Waraabihii oo xasuusan jawaabtii Dawacada ay Libaaxa hore u siisey iyo qeybintii khilaafka neefkii hore, isagoo waraabihii xanaaqsan ayuu Dawaco ku xukumay in cunida neefkan laga qadiyo, ayna qasab ku daawato neefka hilbihiisa oo la cunayo, oo laga mamnuuco iney ka hadasho baahideeda. Waraabihi oo jawaabtIi ay dawacadu libaaxiI siisay iyo waliba khilaafki ay xagga qaybinta ku khilaaftay ka sii xanaaqsanaa welina xasuusan, ayaa dawacadi maxkamad uu kaligiis xaakim iyo looyarba ka ahaa saaray, wuxuuna ku xukumay in cunidda neefka laga qadiyo Dawacada, ayadoo gaajeysana ay sida neefka hilbahiisa loo cunayo khasab ku daawato, kana mamnuucay inay hadasho ama baahideeda sheegato. Weliba Dawaco, waxa loogu sii daray, [cad baruur ah ayaa afka loo marmariyey oo dufan leh]. Qalinkii Prof. Mohamed Ahmed Farah Mataan [jaafaa] Ankara, Turkiga jaafaa66@gmail.com Qaran News
-
Duqa Muqdisho ahna Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa Xalay kormeeray qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir kormeerkaan oo ahaa mid uu ugu kuur galayay sida uu u hir galay Bandowgo lagu soo rogay Magaalada Muqdisho Gudoomiyaha ayaa dhowr Degmo ee uu kormeweray ayuu ku qiimeeyay Xaaladaha Amniga ,Nadaafada iyo Bandowga kaasi oo looga hortagayo Cudurka Karoona Feyrus iyo sidoo kale in la qiimeeyo hahaanka ay u shaqeeyaan Maamulada Degmooyinka. “Waxaan soo marnay dhowr degmo iyo dhowr wado ee degmooyinka gobolka banaadir si aan ugu kuur galno dhaqan galka bandowga looga hortagayo cudurka dalka kusii faafaya ee Covid-19 iyo sidoo kale amniga guud ahaan Magaalada”sidaas ayuu yiri Guddoomiye Cumar (Filish) Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Caafimada mudane Cumar Maxamuud Maxamed Cumar (Filish) ayaa shacabka ayaa ugu baaqay in la qaato awaamiirta dowladda ee uu ugu horeeyo bandowga si loo xakameeyo Cudurka qatarta ah ee Karoona Feyruska. “Hadii aan qafiifinay Bandowga kama dhigna in la joojiyay bulshada waxaan u sheegeyna in wali xaaladu ay taagantahay loona baahanyahay in laga fijignaado goobaha laysku yimaado iyo isdhaxgalka badan sidaa daraadeed marka kale waxaan ka codsaneynaa inay nala qaataan dadaalada iyo wacyigalinta saameynta Cudurkaan Covid-19. View the full article
-
Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare Mudane ayaa habka adeegga casriga ah ee Internet-ka kulan kula qaatay masuuliyiinta Dalladaha Waxbarashada Dalka iyo danjire James Swan. Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Waxa uu warbixin ka siiyay dadaallada ay wasaaradda waxbarasha ugu jirto ka hortagga saameynta cudurka Covid_19 ee xagga waxbarashada waxa ayna ka wada hadleen Imtixaanka Qaranka ee Dugsiga Sare oo ay si lamid ah uga tala gelin doonaan dhammaan bahda waxbarashada qeybaheeda kala duwan. “Waxaan maanta habka adeegga casriga ah ee Internet (Zoom) kulan kula qaatay masuuliyiinta Dalladaha Waxbarashada Dalka. Waxaan warbixin ka siiyay dadaallada wasaaradda ugu jirto ka hortagga saameynta cudurka Covid_19 ee xagga waxbarashada, waxaan ka wada tashanay Imtixaanka Qaranka ee Dugsiga Sare oo aan si lamid ah uga tala gelin doonno dhammaan bahda waxbarashada qeybaheeda kala duwan”sidaas ayuu yiri Wasiir Goodax Barre Sidoo kale wasiir Goodax ayaa qadka interned-ka kula hadlay wakiilka qaramada midoobay ee Soomaaliya danjire James Swan waxayna kawada hadleen qorshada wasaaraddiisu ugu tala gashay ka jawaabista saameynta adage e Coronavirus. “Waxaan maanta kulan la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobey u Qaabilsan Soomaaliya, Amb. James Swan. Waxaan kala hadlay qorshaha wasaaradda ugu tala-gashay in ay kaga jawaabto saameynta cudurka Covid_19 ee xagga waxbarashada, waxaan sidoo kale kawada hadalnay shaqooyinka naga dhexeeya Hay’adda Qaramada Midoobey u Qaabilsan Arrimaha Waxbarashada, Dhaqanka iyo Seyniska” ayuu sii raaciyay Goodax Barre. Wasaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dalka ayaa hore u fartay in la xero dhamaan goobaha waxbarshada dalka si looga digtoonaado Qatarta caabuqa Covid-19 ee kusii faafaya waxaana waxan sidoo kale ay dib u dhigtay Imtixaanaadkii dugsiyasa sare ee dalka. Soomaaliya ayaa waxaa saameyn adag ku yeeshay cudurka safmarka ah ee COVID-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Salaax Cige, oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ku baaqay in wax kasta oo jira in iskaashi iyo wada tashi laga gaadho, lagana digtoonado in la is dhaliilo. Xildhibaan Maxamed Salaax Cige,oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay ‘Maanta Adduunkii go’doon buu ku jiraa, oo isku socodkii iyo xidhiidhkii Waddamada Caalamku meesha way ka baxeen, waxaana sabab u noqday cudurka Coronavirus, oo illaa hadda xal loo waayey, sidaas darteed Waddamadii ugu dhaqaalaha badnaa ayuu saamaynta ugu xooggan ku yeeshay, sidaas awgeed maanta lama joogo wakhtigii aynu is dhaliili lahayn, ee wax walba wada tashi ha lagu dhammeeyo, oo ha lagu dadaalo sidii aynu uga hor tagi lahayn inuu cudurkani dadkeena iyo dalkeena ku faafo, daweeyntana waxaa ka wanaagsan ka hor taga”. Dhinaca kale Xildhibaan Maxamed Salaax Cige, ayaa Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan ku booriyey kuna dhiirigeliyey inay aad isku ilaaliyaan, waxaanu ku taliyey in bariyada ALLE aan marnaba la joojin, ee la badiyo ALLE ka cabsiga iyo cibaabadada. Source
-
(SLT-Geneva)-Shir loo adeegsadey fiidiyowga oo ay hoggaamineyso Midowga Yurub ayaa lagu ururiyey 7.4 bilyan oo Euro kaas oo lagu horumarinaayo talaalka Korona Fayras. Shirka waxaa ka qaybgalay hoggaanka dalalka EU,da Japan, Norway iyo Kanada, waxaana ay ku ballan qaadeen in ay dhaqaale badan ku bixinayaan horumarinta talaal si wada jir ah loo soo saaro, kaas oo xitaa loo qaybin karo dalalka soo koroya. Dalalka awooda leh sida Maraykanka, Hindiya iyo Ruushka ayaa diidey in ay ka qaybgalaan shirka Fiidiyowga loo isticmaaley, waxaana ay go’aan ku gaareen in ay mashruucan banaanka ka joogaan. Dalka Shiinaha waxaa u metalaayey Safiirka u fadhiya Midowga Yurub. Madaxa hay’adda Caafimaadka Adduunka Dr. Tedros Adhanom ayaa soo dhaweeyey natiijada shirka ka soo baxdey. Marka talaalkan soo baxo ee la hormariyo, waxaa loo qaybin oo fursad iyaguna u helaaya dalalka saboolka, si siman. Lacagta ayaa loo adeegsan doonaa in lagu isku dubbarido mashaariic kala duwan oo tallaal ah iyo in la hubiyo in shirkadaha dawooyinka ay u qaybiyaan tallaalka dalalka saboolka ah. Coronavirus oo dilaacay dhamaadkii sanadkii 2019 ayaa gallaaftey nolosha dad kabadan 250 kun oo qof, waxaana uu ku dhacay 3.5 milyan oo qof, Coronavirus ayaa isbeddel aan noociisa horey loo arag ku ridey caalamka. Source
-
(SLT-China)-Warbaahinta Qaranka Shiinaha ayaa si kulul uga jaawaab celisay hadalkii ka soo yeeray xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo kaasi oo tibaaxayay in coronavirus uu ka soo unkamay mid ka mid ah sheybaarada Shiinaha. Wuxuuna shiinaha hadalkaasi ku tilmaamay mid waalli ah oo aan laga fiirsan. Mike Pompeo ayaa Axaddii dorrad aheyd sheegay in ay hayaan cadeeymo waaweyn oo muujinaya in coronavirus uu ka soo unkamay sheeybaar ku yaalla magaalada Wuhan oo ah halkii uu markii hore ka soo bilowday xanuunkan saf-marka ahi dabayaaqadii sannadkii tagay. Warbaahinta CCTV ee Shiinaha ayaa si adag uga falcelisay hadalka Pompeo iyagoo sheegay in hadalkiisauu yahay mid la iska yiri oo aan loo meel dayin uuna Pompeo sidoo kale been faafinaya. Waa Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP. Warbixinta CCTV ayaa sidoo kale lagu sheegay in siyaasiyiinta Mareykanka ay ku dagdagyaan edeyenta iyagoo utaag la’ xaddidaadda coronavirus oo dadaalkoodii uu noqdayba hal bacaad lagu lisay. Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in Mareykanka uusan ilaa haatan soo bandhigin cadeyn muujineysa hadalkooda ku aaddan in fayraska Corona uu ka soo unkamay sheeybaar ku yaalla dalkaasi Shiinaha. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u bilowday baaritaan ku aadan diyaaraddii shalay galab ku burburtay degmada Bardaale ee gobolka Baay, taas oo ay ku dhinteen illaa lix qof oo saarnaa diyaaraddaasi. Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa guddi khuburo ah saaka u dirtay goobta ay ku burburtay diyaadda oo ay laheyd shirkadda African Express. Guddigan ayaa soo baari doono, sababta rasmiga ah ee ka dambeysay burburka diyaaddaasi oo la sheegay inay si ula kac ah u soo rideen ciidamada Itoobiya. Wasaaradda gaadiidka ayaa sidoo kale shaacisay inay si deg-deg ah u shaacin doonto natiijada baaritaankaasi, islamarkaana ay la wadaagi doonto Ummadda Soomaaliyeed. Diyaaradda oo uu nooceedu ahaa E120 ayaa siday shixnad gargaar daawo ah, waxaana ku nafwaayay dhammaan dadkii saarnaa oo lix qof ahaa. Warar lagu kalsoon yahay oo Caasimada Online ay heshay ayaa sidoo kale sheegaya in duulimaadka diyaaraddaasi ay haysatay ogolaansho wasaaradda duulista dowladda federaalka ah ee Soomaaliya , iyadoo horay loo wargeliyay maamulka garoonka Bardaale, lagana war qabay xilliga duulimaadkaasi uu ku soo wajahnaa garoonka. Dadka ku dhintay shilkan ayaa kala ahaa, Captan Xasan Musse Bulxan, Captan Mubruuk, Captan Cumar, Eng. Kenyaan ah, mas’uulkii xamuulka saarnaa diyaaradda Cali Madax-Gaduud iyo wakiilkii Shirkadda Saciid C/laahi Maxamed, sida uu sheegay Xildhibaan Ibbi.
-
Wariya Siciid Yuusuf Cali oo ka tirsanaa televisoinka maxa banaan ee Kalsan ayaa xalay lagu dilay magaalada Muqdiso, sida uu xaqiijiyay xoghayah ururka isutagga saxifiyiinta soomaaliya ee NUSOJ maxamed Ibrahim Macalimuu. Dilka wariyaha ayaa ka dhacay xaafadda Seey-Biyaano ee degmada Hodan, waxaana geystay qof ku hubeysnaa toorrey. Dhaawaca wariyaha ayaa waxaa loola cararay mid ka mid ah cisbtaalada magaalada Muqdisho kaasoo uu markii dambe ku u geeriyooday. Xoghayaha ururka isutagga saxifiyiinta Soomaliya ee NUSOJ ayaa sheegay in ayna garaneyn sababta ka dambeysa dilkiisa, waxaana uu sheegay in ay ka war sugayaan hay’adaha ammaanka in ay baadhitaan ku sameeyaan dilka wariyaha oo ay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiiglaha geystay dilka Ma jirto cid sheegatay dilka wariye Siciid Yuusuf Cali Source
-
Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu dilay Wariye Saciid Yuusu Cali oo ka tirsanaa talefeshinka Kalsan waxaana dilka wariyaha canbaareeyay ururada u dooda saxaafadda. Dilka wariyaha oo ka dhacay xaafadda Seybiyaano ee degmada Hoda ayaa waxaa geystay shaqsi Tooreey ku hubeysnaa kaas oo dhowr jeer toreeyay wariyaha keentay geeridiisa. Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay shaqsigii dilka geystay islamarkaana lagu wareejin doono hay’adaha garsoorka waxaana maamulka talefeshinka uu marxuumka ka shaqeynayay ay sheegeen in wariyaha markiisii ugu dambeeyay uu tabiyay war la xiriira macallin lagu dilay degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha hoose. Ururada u dooda saxaafadda ayaa cambaareeyay dilka wariye Saciid Yuusuf Cali xalay loogu geystay magaalada Muqdisho. “Anaga, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Xiriirka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (FESOJ), Ururka Saxaafadda Soomaaliyeed (SOMA) iyo Ururka Madaxa-bannaan ee Warbaahinta Madaxa-bannaan ee Soomaaliya (SIMHA), waxaan dhalleecaynaynaa dilkii saxafigii aannu wada shaqeyn jirnay Saciid Yuusuf Cali waxaanan tacsi u direynaa qoyskiisa, asxaabtiisa iyo dhammaan suxufiyiinta Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal kooan oo ka soo baxay ururadaasi. Wariyayaasha ku sugan magaalada Muqdisho ayaa inta badan wajaha dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira dil, xarig, jirdil iyo handadaad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (HOL) - Kalsan TV journalist Said Yusuf Ali was stabbed to death Monday evening in Mogadishu as two other journalists were assaulted according to media rights groups. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni) oo weli ku sugan magaalada Qardho ayaa ka hadlay xaalada amaan ee maamulkaasi, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. Siciid Deni ayaa sheegay in howlgaladii ugu dambeeyey ee ay fuliyeen ciidamada ammaanka Puntland la gaaray guullo, islamarkaana lagu burburiyo shabakado ay la haayeen Al-Shabaab iyo Daacish oo weli ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari. Sidoo kale wuxuu timaamay inay nolosha ku qabteen xubno ka tirsan kooxahaasi, oo haatan gacanta ugu jira ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee maamulkaasi. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay inay xoojiyeen amniga magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad-gelyada ee ka dhaca halkaasi. Deni ayaa xusay in maamulkiisu uu ka go’an yahay horumarinta amniga wuxuuna sheegay in isbedal ballaaran lagu sameeyey qorsha amniga ee deegaanada Puntland. Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday shaqaaqadii dhowaan ka dhacday deegaanka Taaruge ee gobolka Mudug, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Puntland ay ku leeyihiin gudaha deegaankaasi, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan dadka dhibaada ku ah nabad-gelyada. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/COD.mp3
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka oo socday in muudo ah ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Xaraakada Al-Shabaab ay weeraro ku ekeeyeen saldhigyo ciidamada milatariga Soomalaiya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi. Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo ka warbixiyey dagaalkaasi ayaa sheegay inay ka hortageen weeraro uga yimid Al-Shabaab, islamarkaana ay khasaare gaarsiiyeen. Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada huwanta ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya View the full article
-
Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay war ka soo saarta diyaarad sidday xamuul oo shalay gelinkii dambe ku dhacday degmada Bardaale ee gobalka Baay. Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in diyaaraddaasi ay lahayd shirkadda Afrcan Express islamarkaana y dowladda Soomaaliya baaritaan ku sameyn doono sababta rasmiga ah ee ka dambeysay inay diyaaraddaasi soo dhacdo. Sidoo ale dowladda federaalka ah ay ka tacsiyadeysay dadkii shilkaasi ku geeriyooday. Wasiirka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi oo la hadlay VOA ayaa sheegay in diyaaradda ay la socdeen 6 ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen Soomaali gabi’aanba ay geeriyoodeen hadda ay wadaan baaritaanno ku aadan sababaihii ka dambaysay in ay soo dhacdo diyaaradda wixii faahfaahina ay dib ka soo sheegayaan lana wadaagi doonaan warbaahinta natiijada baaritaanka. Halkaan ka akhriso qoraalka wasaaradda Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Sh/Hoose. Dagaalka oo socday in ka badan hal saac ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerareen saldhigyo ciidamada milatariga Soomalaiya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka intii uu socday la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo madaafiic ay qeyb ka ah ahaayeen. ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqlayeen dhawaqa jug culus, iyaga oo sheegay in madaafiicda adeegsanayeen ciidamada AMISOM ee weerarka lagu qaaday. Dhinaca kale saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay inay ka hortageen weeraradaasi, islamarkaana ay khasaare gaarsiiyeen raggii soo qaaday. Ma cadda inta uu la’eg yahay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Shabaab. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Al-Shabaab ayaa weeraradeeda kordhisay tan iyo markii la gudaha galay bishaan barakeysan ee Ramadaan, waxaana weeraradii ugu dambeeyey ay ka fulisay deegaanada Ceelsaliini iyo Baariire oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
-
Allaha u naxariistee waxaa xalay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wariye Siciid Yuusuf Cali oo ka tirsanaa howlwadeenada Kalsan TV. Wariyaha ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray Mindi lagu dhuftay, xilli uu kala celinayey haweeney iyo sayigeeda oo dagaalamayey. Marxuumka ayaa Tooreyda waxa ay uga dhacday Wadanaha, waxaana la dhigay isbitaalka Madiina oo uu markii dambe ku dhintay. Dhinaca kale ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa xabsiga dhigay ninkii Mindida ku dilay wariyaha, waxaana lagu xiray xarunta hay’adda dambi baarista ee CID-da Falkan ayaa ka dhacay xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodan, waxaana Shabelle uga warbixiyey dhacdadaasi Wariye Maxamed Yuulka oo ay saaxiibo dhow ahaayeen Siciid, sidoo kalena ay ka wada shaqeynayeen xarunta Kalsan TV ee magaalada Muqdisho. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/cod-turki.mp3 View the full article
-
Degmada Heliwaa ayaa guul taariikhi ah u soo hoysay gobolka Banaadir, kadib markii ay xalay ka badisay dhiggeeda degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay ku baratameen barnaamijka faca weyn ee tartan aqooneedka Idaacadda Shabelle. Labada degmo oo ku wada jiray group-ka C ee wareega koowaad, tartanka bisha barakeysan Ramadaan ayaa soo bandhigay tartan aad u xiiso badan. Heliwaa oo la hoyatay guusha ayaa la timid, 14 dhibcood, halka Balcad ay iyana keensatay 10 buundo, sida uu natiijada ku dhawaaqay, Xasan Weli Sheekh Abuubakar. Heliwaa oo dadaal badan muujineysa ayaa sidoo kale horay barbaro ula soo gashay dhiggeeda degmada Xamar-Weyne ee gobolkaan Banaadir. Sanadkaan waxaa tartan aqooneedka sanad-laha ah ee Idaacadda Shabelle abaal marin qaali ah ku bixineysa dallada Soomaali Forex Association, halka su’aalahana ay soo diyaarisay Jaamacadda Princeton International University ee magaalada Muqdisho. View the full article
-
Wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saartay diyaaraddii shalay ku dhacday magaalada Bardaale. Warka ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu xusay in dowladda federaalka ay ku howlan-tahay baaritaan daah-furan, natiijada ay la soo deg-dagi doonto. Sidoo kale waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladdu ehellada iyo asaxaabta ay ka baxeen dadkii ku dhintay shilkaasi diyaaradeed. Dhinaca kale laba mas’uul oo la hadlay VOA ayaa u sheegay in diyaaradda ay ku dhaceen wax dhulka laga riday oo mid ka mid ah uu ku tilmaamay gantaal. Ciidamada Itoobiya ayaa ku sugnaa degmada Bardaale, illaa haatana wax war ah kama soo bixin oo ku aadan dhacdadaasi. Diyaaradda ayaa ka kacday magaalada Muqdisho, iyadoo sii martay magaalada Baydhabo kadibna uga gudubtay magaalada Bardaale ee gobolka Baay. Halkaan hoose ka aqriso:- View the full article
-
Popular Contributors
