Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muftiga Sacuudi Carabiya oo go’aan kasoo saaray salaada Taraawiixda Bisha Ramadaan & Salaada Ciida Muftiga ugu weyn Saudi Arabia Sheikh Abdulaziz Al al-Sheikh, ayaa sheegay Salaadda Taraawiixda ee bishan Ramadan iyo midda Ciidul Firtiga lagu oogi doono guryaha, haddii faafitaanka cudurka Coronavirus uu sii socdo, waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeysa wargeyska Okaz ee Sacuudiga. “Salaadda Taraawiixda Ramadaanka waxaa lagu tukan karaa guriga, haddii aan lagu gudan karin Masaajidada, sababo la xiriira tallaabooyinka la qaaday ee lagula dagaalamayo faafitaanka Coronavirus,” ayuu yiri Sheikh Abdulaziz Al al-Sheikh oo ka jawaabaya su’aal arrintan laga weydiiyey. Waxa uu sidoo kale sheegay in Salaadda Ciidul Fitriga-na ay la mid tahay, sida uu qoray wargeyska. Bisha barakeysan ee Ramadan ayaa billaabaneysa toddobaadka soo socda. Saudi Arabia ayaa bartimihii March joojisay in shanta salaadood ee maalinlaha ah iyo salaada Jimcaha lagu tukado masaajidada, taasi oo qeyb ka ah dadaallada lagu xadidayo faafitaanka Coronavirus. Waxay sidoo kale joojisay Cumaradii iyo booqashadii Masjidka Nebiga NNKH, ayada oo la hakiyey dal-ku-galka la siin jiray dadka dibedda ka imanaya, si ay usoo booqdaan labada Xaram. Dalka Sacuudiga ayaa waxaa laga diiwaan-geliyey 6,380 kiis oo ah cudurka COVID-19, iyo dhimashada 83 qof oo la xiriira cudurkaas. Qaran News
  2. Warbixin Naxdin leh:Qalabka neefta siinaya dadka sakaraadaya ayaan ka damiyaa+Sababta & Cida Amarka siisa Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha la tacaalaya bukaannada ay xaaladdoodu liidato waxay wajahayaan go’aanno adag – Sida marka ay daminayaan qalabka neefta siiya bukaannada aadka u sakaraadaya In la helo qalabka neefshada caawiya waa farqiga u dhaxeeya nolosha iyo geerida ee dadka sida daran ula xanuunsan cudurka Covid-19. Qalabkan oo afka qalaad lagu yiraahdo “Ventilator” wuxuu dadka siiyaa neefta oxygen-ka ee gasha sanbabbada – sidoo kalena wuxuu kasoo saaraa kaarboonka – taasoo ah mid aysan qalabkaas la’aantiis dadka xanuunsan sameyn karin. Hase ahaatee mashiinnadan neefsashada ma wada badbaadin karaan dadka oo idil. Shaqaalaha caafimaadka ee Adduunka waxay wajahayaan go’aanno adag oo mararka qaar ku khasbaya inay qalabkaas ka damiyaan dadka aysan xaaladdoodu soo fiicnaaneynin. “In qofka sakaraadaya laga damiyo qalabkan waa xaalad murugo badan iyo xanuun leh. Mararka qaar waxaan dareemaa inaan si markii loo eego sabab u ahay geeridooda,” ayey tiri Juanita Nittla. Waxay gabadhan madax u tahay kooxda kalkaaliyeyaasha ah ee ka shaqeeya qeybta bukaannada halista ah la dhigo (ICU) ee isbitaalka Royal Free ee magaalada London. Qalabka neefsashada caawiya wuxuu muhiim u yahay bukaannada sida aadka ah ula xanuunsan cudurka Covid-19 Nittla oo ku dhalatay Koonfurta Hindia, waxay Waaxda Qaran ee Adeegga Caafimaadka England u shaqeyneysay muddo 16 sano ah, waxayna ku takhasustay qeybta bukaannada halista ah la dhigo ee loo yaqaanno ICU-da. “In la damiyo qalabka neefsashada waxay qeyb ka tahay shaqadeyda,” ayey tiri kalkaalisadan 42 jirka ah oo BBC-da u warrantay maalin ay fasax ahayd. Hadalkii ugu dambeeyay Intii lagu jiray isbuucii labaad ee bishan April, islamarkii ay Nittla shaqada tagtay subax aad u mashquul badan, madaxa qeybta ICU-da ayaa u sheegay in laga doonayo inay daweynta ka joojiso mid ka mid ah bukaannada qaba Covid-19. Qofka bukaanka ah ee loo diray waxay noqotay kalkaaliso 50 iyo dhowr jir ah oo ka shaqeyn jirtay caafimaadka bulshada. Nittla waxay arrintan kala hadashay gabar ay dhashay haweeneyda bukaanka ah. Maadaama uu culeys badan keenay cudurkan safmarka ah, kalkaalisoyaasha ICU-da ee Nittla la mid ah way adagtahay inay nasasho helaan waqtiga shaqada “Waxaan u xaqiijiyay in hooyadeed aysan wax xanuun ah dareemeynin ayna u muuqatay qof qanacsan. Waxaan sidoo kale ka codsaday inay hadalkii ugu dambeeyay ku dhahdo hooyadeed, waxyaabaha diiniga ahna ay sameysato.” Sariiraha yaalla qeybta ICU-da way isku xigxigaan. Haweeneydan loo diray inay dawada ka joojiso waxaa ku hareereysan bukaanno kale oo kulligood miyir daboolan. “Waxay ku jiiftay sariirta 8-aad. Dhammaan bukaannada kale aad bay u xanuunsanaayeen. Waxaan xiray daahii, dhammaan qalabkii qeyladhaantana waan damiyay”. Shaqaalaha caafimaadka ayaa sidoo kale shaqada hakiyay xoogaa. “Kalkaalisayaashii way wada aamusan. Sharafta iyo qanacsanaanta bukaannada waa mudnaanteenna koowaad,” ayey tiri Nittla. Si boosas dheeraad ah loogu helo tirada bukaannada ee xad dhaafka ah, isbitaallada qaarkood – sida Royal Free oo ku yaalla London waxay ballaariyeen qeybaha ICU-da Kaddib waxay telefoonkii dhagta u saarta bukaanka waxayna gabadheeda ka codsatay inay hadasho. “Aniga wuxuu ila ahaa telefoon lagu hadlayo kaliya laakiin waxay muhiimad weyn u lahayd qoyska. Waxay doonayeen wicitaan muuqaal ah, laakiin nasiib darro telefoonnada gacanta looma oggola gudaha qeybta ICU-da”. Daminta Kaddib markii la fuliyay codsiga qoyska, Nittla waxay muusig khaas ah ka daarta kumbuyuutar. Kaddibna waxay u dhaqaaqday inay bukaanka ka damiso qalabkii neefsashada. “Dhinaceeda ayaan fariistay anigoo gacmaha ka haya ilaa inta ay nafta ka baxeysay,” ayey tiri. Bukaanno badan oo ku jira ICU-da waxay geeriyoodaan iyagoo kaligood ah, maadaama aan eheladooda loo oggoleyn inay halkaas ugu tagaan Go’aanka ku saabsan in qalabka neefsashada iyo daweynta laga joojiyo bukaannada waxaa qaata koox dhakhaatiir ah oo waxyaabo badan tixgalisa. Inta aan tallaabadaas la qaadin waxaa la eegaa da’da bukaanka, xanuunnadii uu horay usii qabay, sida uu dawada uga falcelinayo iyo suurtagalnimada inuu qofku soo caafimaado. Haweeneyda ay Nittla ka damisay qalabka neefsashada waxay ku geeriyootay muddo shan daqiiqo ah. Dhimasho kalinimo ah Kaddib waxay ka wada bixisay faleebooyinkii dawooyinka lagu siinayay. Gabadha ay dhashay bukaanka geeriyootay iyadoo aan ka warqabin waxa isbaddalay ayey wali kusii hadleysay telefoonka wayna u duceyneysay. Nittla oo aad u calool xumooneysa ayaa gacankii telefoonka qabatay, waxayna u sheegtay in howshu ay dhammaatay. Kalkaaliso ahaan, waxay sheegtay inaysan howsheeda daryeelka ah istaageynin marka uu bukaanku geeriyoodo. “Anigoo ay kalkaaliso kale i caawineyso ayaan meydkeeda sariirta ku dhaqay waxaana ku xiray kafan, kaddibna waxaan ku xiray bacda meydadka,” ayey ku tiri BBC-da. Ka hor inta uusan imaamin cudurka coronavirus, dadka ehelada u ah bukaanka waxay si fool ka fool ah dhakhaatiirta ugala hadli jireen arrinta ku saabsan ka joojinta dawada. Qaraabada dhow ayaa sidoo kale loo oggolaan jiray inay ICU-da ku sugnaadaan marka bukaannada laga daminayo qalabka nolosha ku caawinaya. Laakiin hadda qorshahaas kama socdo meelo badan oo ka mid ah caalamka. Nittla waxay sheegtay in kalkaaliyayaasha marka ay shaqada soo galayaan ay kulmaan ayna isu rajeeyaan caafimaad Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmax ayaa ka hadlay waxa ay kala socdaan in ciidamadii ay soo tababareen loo adeegsaday dagaalo siyaasadeed oo ka dhacay gobollada Gedo iyo Galgaduud. Safiirka oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in ay ka war hayeen in gobolladaas la geynayo ciidamada, isla markaana aysan aaminsameyn in ciidamadaasi ay ku lug yeesheen dagaal sokeeye oo ay dhacdadaas u arkaan amar guud. “Marka hore waxaan rabaa in aan sheego annaga waxaan dhiseynaa Soomaaliya iyo ciidankeeda qalabka sida, halkaana kuma dhiseyno ciidan aan anagu leenahay, is kaashiga militeri ee naga dhexeeya anaga iyo Soomaaliyana waa mid aad muhiim u ah, markii aan tababarno askarta waxaan xafladda qalin jebinta ku casuumnaa dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri. “Intaas kadibna dowladda Soomaaliya ma siino tilmaamo ku aadan halka ay u adeegsan doonaan ciidankan, sababta oo ah ma lihin maamulka dhaq-dhaqaaqyada howlgelinta oo kaliya waxaan u tababarnaa ciidamada, dowladda Soomaaliya ayaana iska leh go’aamada la xariira adeegsiga ciidamada, fal-celinta iyo dhaleeceyna ciidamadii la geeyay gobollada aan kasoo hadalnay, waxaan ku aragnay wargeysyada iyo baraha Internet-ka, marka arintan waxaan u aragnaa in siyaasadda xukuumadda ay tahay mowduuc ay leedahay Soomaaliya.” “Ma faro gelin karno, mana faro geli doono arrimaha gudaha Soomaaliya oo waxaan ka taaganahay dibadda, laakiin hadii ay jiraan dhaliilo ama siyaasado is diidan waa in ay ka doodaan Soomaalida dhexdeeda oo ay is xaliyaan,” ayuu yiri Mehmet Yılmaz. Safiirka ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay howsha saldhigga militeri ee Turkisom ee ku yaalla Muqdisho, waxuuna sheegay in lagu tababaro ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, si gaar ahna sare loogu qaado tayada ciidanka militeriga Soomaaliya. “Illaa hadda ciidamada xaruntaas ka qalin-jebiyey ayaa kala ah, hal xilli waxbarasho oo ay ka qalin jabiyeen saraakiil iyo hal xilli waxbarasho oo kale oo ay ka baxeen saraakiil xigeeno, waqtigaana waxaa xarunta si xoog leh uga socda tababar lagu soo saarayo guurooyin ka mid ah militeriga Soomaaliya, ”ayuu yiri safiirka. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “Tababarka guutooyinka ciidanka xoogga Soomaaliya ee aan soo saarno waa sidan, marka hore waxaan xeradan Turkisom ku siinaa tababar aas-aasi ah, kadibna anaga oo u kala qaadeyna koox-koox ka kooban 350 askari ayaan u dirnaa dalka Turkiga, si ay halkaas igu soo qaataan tababar militeri oo hor marsan, kaas oo ah dhanka dagaalka, “Dalka Turkiga markii ay tagaan askartan waxaa lasiiyaa tababar dhanka Kumaandooska ah, marka ay soo dhameystaan waxbarashadooda waxaan askartan ku wareejinaa wasaaradda difaaca Soomaaliya, askartan aan tababareyno waxay ka koobanyihiin illaa 10 guuto ama 5,000 oo askari, hada qiyaastii 2,000 oo guuto ayaan siinay tababar dhanka Kumaandooska ah, markii aan dhameystirno barnaamijka tababarka guutooyinka, waxaan sii socon doona tababarka saraakiisha ciidamada,” ayuu yiri.
  4. Helsinki (Caasimada Online) – Soomaalida dalka Finland ayaa walaac ka muujiyey warbixino sheegaya in heerka faafitaanka cudurka Coronavirus uu aad ugu sarreeyo marka loo eego bulshooyinka kale ee dalkaas. Magaalada Helsinki ayaa Talaadadii sheegtay in tirada Soomaalida cudurka laga helay ay gaartay 200 oo qof, taasi oo ka dhigan in 1.8% dhammaan Soomaalida ku nool magaalada uu ku dhacay cuduruka. Marka lala bar-bardhigo, heerka faafitaanka cudurka ee dadka kale ee magaalada ayaa ah kaliya 0.2%. Hase yeeshee Maxamed Cali Jaamac, oo ah guddoomiyaha ururka Finnish Somali League ayaa ayaa sheegay in Soomaalida ay ka walaacsan yihiin in si gooni ah loo calaamadeynayo marka ay noqoto faafitaanka cudurka, sida uu weriyey wargeyska Helsinki Times. “Bulshada Soomaalida waa midda saddexaad ee loogu takoor badan yahay Yurub,” ayuu ku yiri wareysi lala yeeshay. “Waxaa jira walaac ah in warka kasoo baxay maamulka magaalada Helsinki uu sii adkeyn karo nolosheena.” Maxamed ayaa sheegay in Soomaalida ay door-bidin lahaayeen in mar kale baaritaan lagu sameeyo sababta badisay kiisaska cudurka ee Soomaalida, ka hor inta aan warbixinta la shaacin. Magaalada Helsinki ayaa waxaa laga diiwaan geliyey 2,133 oo kiis oo cudurka COVID-19 ah, taasi oo ah in ka badan kala bar tirada guud ee gobolka Uusimaa, oo ay ka tirsan tahay, sida uu sheegay Machadka Caafimaadka ee Finland. Ka sokow Helsinki, magaalooyin kale oo ka mid ah kuwa Yurub oo Soomaalida ay ku badan tahay sida London iyo Stockholm ayaa laga weriyey in kiisaska cudurka ee Soomaalida ay aad u badan yihiin, waxaana mid ka mid ah sababaha lagu sheegay, Soomaalida oo ah bulsha aad isugu xiran oo isu-imaatinkoodu badan yahay.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay warbixin been abuur iyo gef ah oo maanta ay laba wargeys oo kasoo baxa dalka Kenya ka qoreen hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya. Labadan wargeys, ayaa ayaga oo adeegsanayo warqad la been abuuray oo ay ku sheegeen caddeyn, waxay maanta daabaceen warbixino ay ku sheegeen in NISA ay xiriir la leedahay Al-Shabaab, islamarkaana sarkaal ka tirsan uu 1.5 milyan oo dollar siiyey sarkaal Shabaab ah. Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu yiri “Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay aad uga walaacsan tahay faafinta warar been iyo marin-habaabin ah oo ku saabsan Haya’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) oo ay daabaceen The Star (Kenya iyo Standard Media (Kenya). Qoraalka dowladda Soomaaliya ayaa intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay “si xoogan u naqdineyso weerarada aadka u xun iyo olalaha gefka ah ee lagu beegsanayo dowladda iyo hay’adaheeda.” “NISA waxaa ka go’an dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxayna dambi u aragtaa warka ceebeynta ah ee wareegaya baraha bulshada, ayada oo la isku dayayo in la sumcad dilo hay’adda.” Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo wareejinta iyo daabacaadda wararka la been abuuray ee la xiriira NISA. “Waxaan sidoo kale ku boorineynaa shacabka iyo hay’adaha warbaahinta inay muujiyaan go’aan qaadasho wanaagsan ka hor inta aysan sii faafin ama dib u daabicin wararka marin-habaabinta ah ee aan la xaqiijin.” Caasimada Online ayaa baaris ku sameysay asalka been-abuurka labadan wargeyska, iyo halka ay ka keeneen wararka ay ka faafiyeen NISA. Halkan ka aqri warbixin aan ka diyaarinay. Hoos ka aqriso qoraalka dowladda Soomaaliya.
  6. Nairobi (Caasimada Online) – An alleged strong links exist between Somalia’s National Intelligence and Security Services (NISA) leadership and Harakat Al-Shabaab Al-Mujahideen (Al-Shabaab) leaders as reported in a “confidential” report released today by two Kenyan newspapers. These two newspapers, The Standard and The Star have released a copy of an alleged cheque in the amount of $1.5 million that Al-Shabaab has received from the deputy director of NISA, Mr. Abdullahi Kulane. This interesting report prompted our reporters to look into it and it didn’t take long before obvious maligning intention has been disclosed as evidenced by contradictory allegations in the report. The Standard and The Star have both alleged that this confidential information was shared by Kenyan government officials, however, much of this information came from a Facebook page under the name Mudaaharaadka 7 Of February (February 7 Demonstration), which has been used to criticize the Somali government leaders. Even the alleged cheque has been shared on this page on April 11th and it was presented as part of sensational WhatsApp chat between NISA deputy Director and an alleged Al-Shabaab agent known as Sheik Abdirahman Filo. A former UN Armed Groups expert, Mr. Jay Bahadur pointed out in recent observations that the date on the alleged cheque is March 25th while the alleged WhatsApp number was last used on March 19. This is clearly contradictory. Mr. Bahadur further points out that this WhatsApp number is in fact used by a female and not by Al-Shabaab agent and is still in use. What is even more bizarre is that the February 7 Demonstration Facebook Page claims that the content of this WhatsApp number was captured after military operations. In addition, Caasimada Online has discovered the time the alleged cheque was issued was at 10:13 P.M. and it is highly unlikely that TAAJ, the company that supposedly issued the cheque was open at this late hour. Furthermore, Caasimada Online discovered that the amount on the cheque was $15 million and not $1.5 as reported by the two Kenyan newspapers. Mr. Bahadur underscores that this amount of money would likely have drawn attention from law enforcement authorities and the narrative a deputy director of an intelligence agency would have wired money to a known terrorist organization through money transfer company makes no sense at all. Its obvious that Kenya intelligence agency is behind this fake news with one goal in mind which is to resuscitate the dead of UN resolution 1267. Their goal was to kill one stone into two birds. First to link Somali Intelligence Agency (NISA) with Al-Shabab and secondly, to accuse TAAJ the biggest Somali money transfer company the transfer of $1.5 million dollars to Al-Shabab operatives in Buale. Fortunately, their work was copied from non professional Somali facebook site and its obvious their shoddy work of typographic number errors which they stated $1.5million but written as $1,5000,000. It is beyond any doubt that this report is intended to malign the Somali government and its intelligence agency.
  7. Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in maanta koror uu ku yimid kiisas xanuunka Coronavirus, wasaaradda ayaana sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay dalka laga helay kiisas gaarayo 36 kiis taas oo ka dhigeyso in gudaha laga diiwaan gliyey ilaa 116 kiis, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasirka wasaaradda caafimaadka Dr Fowsiyo Abiikar Nuur. Qoraalka ka soo baxay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ayaa lagu yiri “24kii saac ee u dambaysay waxaa la baaray 47 qof. Waxaa laga helay cudurka COVID-19 36 qof, taasoo ka dhigaysa tirada guud ee la xaqiiyey 116 qof. Bukaanada cudurka maanta laga helay, 27 kamid ah waa LAB, 9 ka kalena waa DHADIG. 30 kamid ah waxay da’doodu u dhaxaysaa 20 ilaa 39 sano (83%). 5 kamid ahna waxay da’doodu u dhaxysaa 40 ilaa 59 sano (14%). 1 qofna wuxuu ka weynyahay 60 sano. Waxaa cudurka COVID-19 u geeriyooday 1 qof oo da’diisu tahay 60 sano kuna geeriyooday Muqdisho. Tirada guud ee dhimashada ayaa ah 6. Si aad naftaada, midda qoyskaaga iyo tan bulshada-ba u badbaadiso, ku dadaala fara-dhaqasho joogto ah idinkoo isticmaalayo biyo iyo saabuun muddo ugu yaraan 20 il-biriqsi ah. Aan ku dadaalno kala fogaashaha iskana yarayno isu-socodka aan muhiimka ahayn”S. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Tirada dadka qaba cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa dhaaftay 100, kadib markii dad hore leh cudurka maanta laga helay, sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka. Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in 36 qof oo hor leh laga helay cudurka maanta, taasi oo ah tiradii ugu badneyd ee la diiwaan-geliyo muddo 24 saac gudaheed ah. 36-ka qof ayaa ka mid ahaa 47 qof oo cudurka laga baaray, waxaana arrin cabsi muujinaysa ah, in 47 qof oo la baaray kaliya laga waayey 11 ka mid ah, oo 36 laga helay. Dadkan ayaa 27 ka mid ah waxay yihiin rag, halkan 9 ay yihiin haween, sida warbixinta lagu sheegay. Tiradan ayaa ka dhigaysa tirada guud ee la xaqiijiyey ee cudurka Coronavirus 116 qof. Bukaanada cudurka maanta laga helay ayaa 30 kamid ah waxay da’doodu u dhaxaysaa 20 ilaa 39 sano (83%), halka 5 ka mid ahna ay da’doodu u dhaxysaa 40 ilaa 59 sano (14%). Kaliya hal qof ayaa wuxuu ka weyn yahay 60 sano. Sida ay ku talisay wasaaradda caafimaadka, si aad naftaada, midda qoyskaaga iyo tan bulshada-ba u badbaadiso, ku dadaala fara-dhaqasho joogto ah idinkoo isticmaalayo biyo iyo saabuun muddo ugu yaraan 20 il-biriqsi ah. Fiiro gaar ah: Waxaan warbixintan ka reebnay hal kiis oo dhimasho oo cusub oo aan kasoo xiganay bogga wasaaradda caafimaadka, balse ay dib uga saareen. Tirada dhimashada ilaa hadda waa 5 qof oo horey loo ogaa.
  9. Hargeysa ( PP News Desk) — The owner of Haldoor Hospital in Hargeysa and a former Interior Minister Dr Mohamed Abdi Gabose today criticised President Muse Bihi Abdi of Somaliland for not taking the risk of Covid-19 seriously. Dr Gabose: Khat is a transmission source of Covid-19 In an interview Gabose granted Horn Cable TV, the experienced medical doctor singled the policy not to ban Khat for criticism . “Some Khat chewers said they would wash the Khat but will they wash it with antibacterial soap? They will not” Gabose said. “Khat is main source of transmission given the number of people who will touch it right from the farm to the marketplace.” Dr Gabose said more than three decades he was a Deputy Health Minister tasked with prevention of epidemiological diseases throughout Somalia. “The Somaliland committee appointed to raise awareness about Covid-19 has no instructions to tell people the Khat as a possible transmission source of Covid. Mr President both of us are among the vulnerable people” Gabose said in an apparent attempt to impress on President Bihi the risk of ignoring Khat as possible catalyst for spreading Covid-19. Somaliland imports Khat from Ethiopia and Kenya. © Puntland Post, 2020 The post DR GABOSE CRITICISES PRESIDENT BIHI FOR PUTTING PEOPLE’S LIVES AT RISK appeared first on Puntland Post.
  10. PRESS RELEASE Coronavirus – Kenya: EU gives front line support to water and sanitation provision in COVID-19 hotspots This response will target 119 000 people in COVID-19 hotspots and potential hotspots in 25 counties NAIROBI, Kenya, April 17, 2020/ — The EU together with Sweden, Finland and Denmark are mobilising a total of Ksh 211 million (EUR 1.8 million) of support to enhance access to water in public places, market centres, health institutions, police stations, military barracks and prisons. This response will target 119 000 people in COVID-19 hotspots and potential hotspots in 25 counties. EU Ambassador to Kenya, Simon Mordue said: “The EU and its Member States are working hard towards reorienting development funding to areas where it is critically needed in response to this pandemic. This is one quick win, as we seek to mobilise more resources to this end. This response targets nearly 120,000 people from areas that don’t have access to lifesaving water and handwashing facilities.” Concretely, the action will focus on the construction of communal handwashing facilities in strategic areas, the supply of soap for distribution with handwashing tanks, and sanitation and hygiene promotion through engagement with the Public Health Officers and Community Health Workers and Volunteers. A priority area for engagement will be low-income areas that so far have not benefited from these facilities. These were selected together with the Water Services Providers and the County Public Health Offices based on a mapping of urban low-income areas and their level of water and sanitation access. The programme will last for six months up to September 2020 and is expected to: 1. Improve access to water and sanitation services as a critical success driver in combating COVID-19 pandemic 2. Reduce COVID 19 disease incidence and the associated socio-economic impact in the targeted four counties. Denmark is providing Ksh 150 million, Finland and Sweden Ksh 33 million, and the EU Ksh 28 million. These funds will be channelled through the Government of Kenya, which is contributing Ksh 200 million. The implementers will include Water Works Development Agencies, County Governments and their Water Services Providers, Public Health Officers, Community Health Workers, Volunteers/Social Animators, Non-Governmental Organizations, and Community Based Organizations. The EU institutions’ contribution to this action is part of the EUR 300 million of support that the EU has mobilised in support the Government of Kenya’s efforts to fight COVID-19. On 7 April the EU institutions announced a EUR 15 billion package to help developing countries tackle the pandemic. Distributed by APO Group on behalf of EU Delegation to Kenya. SOURCE EU Delegation to Kenya Qaran News
  11. Jabuuti (Caasimada Online) – Tirada dadka uu ku dhacayo cudurka Coronavirus ee dalka Jabuuti ayaa sare usii kacday, ayada dowladda ay maanta shaacisay in xanuunkan laga helay 141 qof oo kale, 24-kii saac ee lasoo dhaafay. 141-ka qof ee cudurka laga helay ayaa ka mid ahaa 1,560 qof oo cudurka laga baaray 24-kii saac ee lasoo dhaafay. Waa tiradii labaad ee ugu badneyd ee maalin qura laga helo cudurka COVID-19 ee dalka Jabuuti. Tiradii ugu badneyd maalin qura ayaa la diiwaan geliyey shalay, taasi oo ahayd 156 qof. Wasaaradda caafimaadka Jabuuti ayaa sidoo kale shaacisay in tirada guud ee dadka cudurka laga helay ay iminka gaareyso 732 qof, ayada oo cudurka laga baaray 6,550 oo qof. Dadka u dhintay cudurka ayaa weli ah laba qof kaliya Dadka laga helayo cudurka ee dalka Jabuuti, ayaa si xowli ah sare ugu sii kacaya, waxaana sababta ugu weyn ay dowladda ku sheegtay dadka oo aan qaadaneyn talooyinka la siiyey ee ah inay guryahooda ku nagaadaan kalana fogaadaan. Inkasta oo bandow dala saaran yahay, haddana waxaa la araa dad xaafadaha isugu tegaya, kuwa cayaaraya kubbad, qaar dheelaya laadhuu, turub iyo waxyaabo kale, taasi oo sahashay in cudurka xowli u faafo.
  12. Wariyaasha ayaa dalbaday in xoriyaddiisa uu dib u helo tafaftiraha Goobjoog Cabdi Caziiz Axmad Gurbiye oo maalintii sedexaad ku xiran amar xeer ilaalinta Dowladda Soomaaliya. Isku imaadkaan ayay wariyaashii ka qeyb galay ku muujiyeen boor lagu soo xardhay sawirka tafaftiraha Goobjoog Media Group. Wariyeyaasha qaarkood oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Cabdicasiis uu ku xiran yahay xabsiga dhexe isaga oo xukun la,aan ah waxaana ay codsadeen in uu helo cadaaladda loona baahan yahay in la soo bandhigo cadeeymo sax ah oo lagu heysto. Dhanka kale waxay dalbadeen in dowladda u hoggaansanto dastuurka dalka oo ay ixtiraamto xorriyad hadalka. wariye Cabdifitaax Qeys oo ka howlgal Soomaali Cable ayaa yiri” Dowladda waxaan ka codsanaynaa in xoriyadiisa dib loogu soo celiyo oo aan lagu xadgudbin sharciga Banii’aadnimada iyo midka Saxaafadda waxaana rajaynaynaa dowladda in baaqeena ay aqbali doonto” Halkaan ka Ka Daawo Hadaladii Laga yiri goobta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Nairobi (SMN) – Wararka ka imaanaya xadka Soomaliya uu la wadaago Kenya ayaa ku waramaya in saacadihii la soo dhaafay Ciidanka Kenya ee sida gaarka ah u tababar in ay howlgalo ay ka sameeyeen halkaasi. Howlgalkan oo ay wadeen ciidanka Kenya ee loo yaqaan Anti-Terror ayaa la sheegay in ujeedkiisu ahaa sugida nabadgalyadda deegaano dhaca xadka ay wadaagan dalalka Soomaliy iyo Kenya, sababo la xariira cabsi Kenya ay ka qabto weeraro Al-Shabab ay ka fuliyaan qeybo ka mid ah gudaha dalkaasi. Intii uu socday howlgalka oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa la sheegay inuu saameyn ku reebay ganacsiga iyo isu’socodka shacabka reer miyiga ah ee inta badan isaga kala goosha degaanada dhaca xadka labada wadan. Tirro ka dhowr jeer ayay ciidanka Kenya ee loo yaqaan Argagixisa la dirirka ama Anti-Terror waxa ay howlgal nuucaan oo kale ah ka sameeyeen Lipooya Kenya iyo Sidoo kale deegaano dhowr ah oo muhiim u ah isu’socodka gaadiidka iyo shacabka ee xadka dhaca labada dal. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-habeen-17042020.mp3 View the full article
  15. Garowe ( PP News Desk ) — In response to preventive measures to combat Covid-18, Ahmed Said Tarabi, an engineer and his team have manufactured a pedal-operated hand wash sink. Tarabi demonstrating how to use the pedal-operated hand wash sink in Garowe With over forty years of experience in metal-based manufacturing and maintenance, Tarabi presented a demonstration of how to use the hand wash sink in Garowe . Several restaurants in Puntland have shown interest in buying the sink. The right leg is used to open the tap, and the left leg to use the antibacterial soap. “As local technicians we have decided to do our bit in promoting good health practices as instructed by health professionals” Tarabi told VOA Somali Service. “The hand wash sink has a capacity of hundred litres of water”. Tarabi owns several workshops in Garowe. “We have sourced all materials locally to manufacture the hand wash sink” Tarabi said. He expects his product to become widely used throughout Somalia. © Puntland Post, 2020 The post An engineer in Puntland manufactures a pedal-operated hand wash sink appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku naqdiyey hadal uu guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ka sheegay isbitaalka She’kh Zayed ee Imaaraadka Carabta ay ku leeyihiin magaalada Muqdiho, kaasi oo muddo xiran, wuxuuna oo bandhigay qodobo uu ku diiday hadalkaas. Hoos ka aqriso qoraalka Mahad Salaad Qayladhaantan Gudoomiye Mahad Cawad kuma matalo Goleyaasha Qaranka ee malaha Qadar ayaa ka dhex hadashay️ Xalay waxaan dhageystay shir jaraa’id oo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad ku hor qabtay Isbitaalka ‘’Sheikh Zayed’’ ee ku yaalla magaalada Mogadishu oo ay maamuli jirtay dowlada Imaaraadka, kana howlgali jireen dhakhaatiir u dhashay dalkaas oo muddo 2 sano ah u xirnaa khilaaf ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta. Gudoomiye Mahad hadaladiisa waxaa ka mid ahaa Isbitaalkan qalab caafimaad ayaa dhex yaala, waa naloo diiday, ma xirnaan karo, mana la haysan karo, sidaas daraadeed waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha in ay furaan Isbitaalkaan. Xoogaa dhaar iyo buulo-xuufto ahna waa ku daray hadalkiisa. Marka waxaan su’aali lahaa Gudoomiye Mahad: 1. Mudane Gudoomiye, adiga Wasiir caafimaad miyaad tahay, maxaa shaqadaan ku dhex geliyay, mise waxaad rabtaa inaad dadka Soomaaliyeed iyo caalamkaba u rumayso warkii ahaa Barlamaanku wuxuu noqday qayb ka mid ah hay’adda fulinta (xukuumada)? 2. Mudane Gudoomiye, Isbitaalkaan qalabka dhex yaala waxaa iska leh dowladda Imaaraadka, muddo labo sano ah ayuuna xiranyahay, dowlad Soomaaliyeed oo dabo socota oo hanaloo furo lehna ma aanan arag, marka maxaa isku soo beegay qayladhaantaada maanta iyo diyaaradii Imaaraadka ee qalabka caafimaad maalmo kahor keentay magaalooyinka Mogadishu, Hargeysa iyo Garoowe mise Qadar ayaa qoonsatay oo noo qayli ku tiri markaan? 3. Mudane Gudoomiye, mar hadaad afka ka sheegtay, annaguna garanay ujeedada ka dambeysa oo amaro la bixiyo iyo addimo Qadar oo fuliya ayaa xigi doona ee adiga intaas miyey kaaga egtahay mise alalaas kale ayaa wali kuu harsan? 4. Mudane Gudoomiye, Golahii guddoonkiisa aad ka midka ahayd qorshuhu wuxuu ahaa in la furo toban maalmood ka hor, xitaa kuma aadnan guulaysan inaad xildhibaanada golaha u soo dirtaan wargelin ah sababta kalfadhigii u furmi waayay iyo goorta la isku soo laabanayo, marka soo kuuma muuqato in aad ku fashilantay shaqadii laguu igmaday mid aadan shaqo ku lahayna aad dabo ordayso? 5. Mudane Gudoomiye, shirkaagan jaraa’id ee ay ka muuqato taxadar la’aanta iyo iska dhago tirka qaadashada talooyinka ka hortagga cudurka, gaar ahaan xirashada maskiga iyo kala fogaanshaha dadka, soo kama habboonayn in aad uga warbixiso halka ay marayso howsha ummadda Soomaaliyeed ka sugayso guddigii Barlamaanka ee loo xilsaaray howlaha dhammaystirka sharciga doorashada halka ay marayso si aanay xilligeedii uga dib dhicin, ama aad ku raadiso mashiinkii (ventilator) laga qaatay Isbitaalka Martiini ee wali ku maqan Madaxtooyada Madaxweyne Farmaajo? Waxaan rajaynayaa saaxiibkey Gudoomiye Mahad in uusan dhib u arag hogatusaaleyntayda balse uu ka dhigto talo walaal oo toosinaysa️ Mahadsanid. Hon. Mahad Salad
  17. Makkah (Caasimada Online) – Muftiga ugu weyn Saudi Arabia Sheikh Abdulaziz Al al-Sheikh, ayaa sheegay Salaadda Taraawiixda ee bishan Ramadan iyo midda Ciidul Firtiga lagu oogi doono guryaha, haddii faafitaanka cudurka Coronavirus uu sii socdo, waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeysa wargeyska Okaz ee Sacuudiga. “Salaadda Taraawiixda Ramadaanka waxaa lagu tukan karaa guriga, haddii aan lagu gudan karin Masaajidada, sababo la xiriira tallaabooyinka la qaaday ee lagula dagaalamayo faafitaanka Coronavirus,” ayuu yiri Sheikh Abdulaziz Al al-Sheikh oo ka jawaabaya su’aal arrintan laga weydiiyey. Waxa uu sidoo kale sheegay in Salaadda Ciidul Fitriga-na ay la mid tahay, sida uu qoray wargeyska. Bisha barakeysan ee Ramadan ayaa billaabaneysa toddobaadka soo socda. Saudi Arabia ayaa bartimihii March joojisay in shanta salaadood ee maalinlaha ah iyo salaada Jimcaha lagu tukado masaajidada, taasi oo qeyb ka ah dadaallada lagu xadidayo faafitaanka Coronavirus. Waxay sidoo kale joojisay Cumaradii iyo booqashadii Masjidka Nebiga NNKH, ayada oo la hakiyey dal-ku-galka la siin jiray dadka dibedda ka imanaya, si ay usoo booqdaan labada Xaram. Dalka Sacuudiga ayaa waxaa laga diiwaan-geliyey 6,380 kiis oo ah cudurka COVID-19, iyo dhimashada 83 qof oo la xiriira cudurkaas. REUTERS + VOA
  18. The Turkish Cooperation and Coordination Agency (TİKA) provided Somaliland cleaning and hygiene equipment to be used in 12 state hospitals and six temporary hospitals on Thursday, as Turkey continues to support countries across the world in the fight against the coronavirus. Struggling to bring the pandemic under control, the Somaliland government was in immediate need of hygiene equipment to be used in hospitals. In order to support the country, Turkey provided 2,400 liters of antiseptics, 4,800 liters of bleach and 1,280 liters of disinfectants to Somaliland’s Health Ministry. Speaking at the delivery ceremony of the equipment, the country’s Health Minister Dr. Omar Ali Abdillahi thanked Turkey for showing support in such a difficult time, adding that this equipment will help them overcome the virus. Turkey’s consul general in the capital province of Hargeisa, Ali Noyan Coşkun, expressed that Turkey is there for the people of Somaliland and will continue its support as much as possible. “I wish for the (Somaliland) health ministry to defeat coronavirus and be successful against it,” Coşkun expressed. The virus has spread to 185 countries and regions since emerging in China last December, with the U.S. and Europe being the world’s hardest-hit areas. Over 2 million cases have now been reported worldwide, with the death toll exceeding 137,000 and more than half a million recoveries, according to figures compiled by the U.S.’ Johns Hopkins University. Turkey, as a country that has made a name for itself in the last decade due to its humanitarian efforts, has already gained prominence by sending medical aid packages to many countries across the world. “So far, we have delivered medical equipment to 34 countries,” President Recep Tayyip Erdoğan said Monday during a news conference following a Cabinet meeting in Istanbul. “We will continue our support (to other countries) in the upcoming days as well,” he said. Erdoğan’s speech was an evaluation of the past month, during which Turkey has received aid requests from more than 90 countries. Managing to deliver medical equipment to 34 of them so far, the country has provided consultancy to many others, aiming to share its resources and experiences with the world in a period of crisis. Turkey’s aid packages mostly include medical masks, protective overalls and gloves, as well as disinfectants. All equipment was produced at military-owned factories and at sewing workshops that produce military uniforms and other clothing for the army. TİKA, which has been Turkey’s flagship international development aid agency since its inception, is known for extending a helping hand to countries on every continent with a diverse array of projects, from vocational training to supporting agriculture, health services and infrastructure. It represents a significant arm of Turkey’s multilayered humanitarian foreign policy and showcases the country’s solidarity with countries it previously maintained low-profile ties with. Since the pandemic began, Turkey has provided medical support to Azerbaijan, Bosnia-Herzegovina, Bulgaria, China, Colombia, Georgia, Germany, Hungary, Indonesia, Iran, Israel, Italy, Kosovo, Lebanon, Libya, Montenegro, North Macedonia, Pakistan, Palestine, the Philippines, Poland, Qatar, Serbia, Somalia, Spain, Tunisia, the Turkish Republic of Northern Cyprus (TRNC), the U.K, the U.S., Yemen, and the Rohingya Muslims. Europe, as the epicenter of the pandemic, has become the continent that receives the most aid. Last week, two Turkish cargo planes landed in London to provide supplies to the U.K., followed by a set of deliveries to Italy and Spain, two of the worst-hit countries in both the continent and the world. Turkey received much gratitude from both European people and their leaders, as it filled a supply void in their struggle against the pandemic. Turkey has a long tradition of sending humanitarian aid to countries facing difficulties, even for those it has tense diplomatic relations with. For instance, in 1938, only a decade after the country’s foundation following a bloody war, Turkey sent medicine to China amid the outbreak of cholera in far-east Asia. Similarly, in 1941, Turkey sent medicine to the Greek army upon the request of Greece, a country that fought against Turkey during the liberation war. Similar aid has been provided to many other countries over the years, including Ethiopia, Bangladesh and Afghanistan. Daily Sabah Qaran News
  19. Wasiirka Caddaalada Puntland Cawil Sheikh Xaamud Culimaa’udiinka maamula masaajidda ku yaalla degaannada Puntland, ayaan maanta oo jimce ah u hoggaansamin, dhaqan-gelinta amar ka soo baxay dowladda Puntland, oo lagu joojiyay salaadaha Jameecada iyo jimceyaasha, si looga hortago faafidda xanuunka COVID-19. Go’aanka xukuumadda Puntland oo soo baxay 15-kii bishaan April 2020, ayaa lagu joojiyay dhammaan salaadaha jameecada iyo jimceyaasha masaajidda degaannada Puntland, si looga gaashaanto faafidda cudurka Coronavirus. Maanta oo ku beegan Jimcihii u horreeyay, ee la doonayay in la dhaqan-geliyo amarkaasi dowladda, waxa ka biya-diiday culimaa’udiinka masaajidda, kuwaasi oo si isku mid ah salaadda jimce uga oogay masaajidda kala duwan ee ku yaalla Puntland. Qaar kamid ah culimada masaajidda, oo jimcihii maanta ka hadlay sida ay u arkaan go’aanka dowladda, ayaa sheegay in aysan u hoggaansami doonin amarkaas, ilaa kiisaska u horreeya COVID-19 laga helo gudaha Puntland. PUNTLAND POST The post Amar ka soo baxay Puntland si looga hortago COVID-19 oo dhaqan-geli waayay appeared first on Puntland Post.
  20. Dagaal ka dhex qarxay Ciidamada is-maamul goboleedka Puntland+Sarkaal lagu dilay & Xoggo kale Marxuum Axmed Careef Wararka ka imaanaya Magaalada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal, ayaa sheegaya in maanta oo Jimce ah Magaaladaasi uu dagaal noocyada kala duwan ee hubka laysku adeegsaday ka dhex qarxay ciidamo ka wada tirsan Ciidamada Maamul-goboleedka Puntland. Saraakiil ka gaabsaday in magacyadooda la xigto ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in is-rasaasayntu dhexmartay askar ka tirsan Ciidanka Puntland oo gaadhi Tikniko ah kala baxsaday Buuraleyda Galgala iyo ciidan kale oo Jidgooyo ku sameeyay xilli ay marayeen nawaaxiga Magaalada Dangoroyo. Is-rasaasaynta labada dhinac dhex martay, ayaa sida la xaqiijiyay waxa ku geeriyooday sarkaal magaciisa lagu sheegay Axmed Careef oo ka tirsanaa Istaafka Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere,Yeelkeede weli lama soo werin khasaare dhabta aha ee ka dhashay isku-dhacaa labada Ciidan.Geesta kalena waxaa xogguhu tibaxayaan in gacanta lagu dhigay qaar ka mid ah askartii gaadhiga tiknikada la soo baxsaday. Qaran News
  21. he National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has today published new guidance (advices) setting out how journalists and media houses in Somalia can meet their media duties as they navigate the effects of the coronavirus pandemic. Source: Hiiraan Online
  22. Marxuum Axmed Careef Wararka ka imaanaya degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal, ayaa sheegaya in maanta oo Jimce ah nawaaxiga degmadaasi is-rasaasayn kooban ku dhexmartay ciidamo ka wada tirsan Daraawiishta Puntland. Saraakiil diiday in magacyadooda la xigto, ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in is-rasaasayntu dhexmartay askar ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland oo gaari dagaal kala soo baxsaday buuraleyda Galgala iyo ciidan kale oo kamid ah Daraawiishta, kuwaasi oo is-hor taag ku sameeyay, xilli ay marayeen nawaaxiga degmada Dangoroyo. Is-rasaasaynta labada dhinac dhex martay, ayaa sida la xaqiijiyay waxa ku geeriyooday sarkaal magaciisa lagu sheegay Axmed Careef oo ka tirsanaa Istaafka Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Gen Yaasiin Cumar Dheere. Balse, lama soo werin khasaare kale oo ka dhashay isku-dhacaas, waxaana dhammaan gacanta lagu dhigay askartii gaariga la soo baxsaday oo xabsiga loo dhaadhiciyay. PUNTLAND POST The post Sarkaal ku dhintay is-rasaasayn dhexmartay Daraawiishta Puntland iyo askar loo qabtay appeared first on Puntland Post.
  23. Nairobi (Caasimada Online) – Laba ka mid ah wargeysyada dalka Kenya ayaa maanta qoray inay heleen wax loogu yeeray warbixin sir ah, oo muujineysa “xiriir” ka dhaxeeya madaxda sare ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA iyo hoggaanka kooxda Al-Shabaab. Waregysyadan – The Standard iyo The Star – ayaa caddeyntood ugu weyn ah “Jeeg” lacageed oo gaaraya 1.5 milyan oo dollar, oo ay sheegeen in taliye ku-xigeenka NISA Cabdullaahi Kulane uu u diray Al-Shabaab. Waxa soo bandhigeen warqad ay ku sheegeen inay tahay Jeegga. Hase yeeshee, ma qaadan waqti fog inaan muddo kooban ku ogaanno xaqiiqda warbixinada labada wargeys iyo inay yihiin been cad oo la dhoodhoobay, oo lagu sumcad dilayo NISA, islamarkaana sare loogu qaadayo xiisadda ka dhex oogan Soomaaliya iyo Kenya. The Standard iyo The Star waxay sheegeen inay xogtan ka heleen saraakiisha dowladda Kenya, balse warbixintooda oo dhan waxaa saldhig u ahayd bogga facebook ee lagu magacaabo Mudaaharaadka 7 of February, oo ah bog lagu mucaarado dowladda Soomaaliya, laguna aflagaadeeyo madaxda sare ee dalka. Warqadda la leeyahay waa Jeeg lacageed, oo kasoo baxay xawaaladda TAAJ, lagana helay saraakiisha dowladda Kenya, ayaa xaqiiqdii ah warqad boggan facebook lasoo dhigay 11-kii April, taasi oo qeyb ka ahayd fariin qoraal WhatsApp oo la sheegay inuu dhex-maray Cabdullaahi Kulane iyo sarkaal Shabaab ah oo magaciisa lagu sheegay Sheekh Cabdiraxmaan Filo. Waxaa yaab leh in warqad laga soo qaaday bog facebook oo ujeedkiisa cad yahay, ay wargeyso waa weyn ku sheegaan in laga helay dowladda Kenya. Boggan facebook ayaa sidoo kale 8-dii April daabacay nuqullada fariin qoraal WhatsApp, oo la leeyahay waxa uu dhex maray Cabdullaahi Kulane iyo Sheekh Cabdiraxmaan Filo. Jay Bahadur, oo ah madaxii hore ee kooxda kormeerka QM ee Soomaaliya iyo Eritre ee UN Monitoring Group, ayaa sheegay in waxyaabaha is-diidaya ee ka muuqda “Jeegga” ay ka mid tahay inuu ku taariikheysan yahay 25-ka March, balse WhatsApp-ka Sheekh Cabdiraxmaan Filo ee copy-ga Jeegga sawirkiisa lagu diray, ku qoran tahay in markii ugu dmabeysay ee la isticmaalay ay ahayd 19-ka March. Jay Bahadur waxa uu sidoo kale sheegay in number-ka WhatsApp ee la sheegay inuu leeyahay Cabdiraxmaan Filo uu weli yahay mid shaqeynaya oo markii la waco ay qabaneyso gabar Soomaaliyeed. Halka Bogga Mudaaharaadka 7 of February uu sheegay in taleefonka lagu soo qabtay howl-gal ka dhan ah Al-Shabaab. Caasimada Online ayaa sidoo kale aragtay in warqadda lahgu sheegay Jeegga ay ku qoran tahay la daabacay 10:13 PM oo habeenimo, taasi oo dhalineysa su’aasha ah in xafiisyada TAAJ ay shaqeeyaan xiligaas? Sidoo kale, waxaa Caasimada Online warqadda uga muuqda, inkasta oo wargeysyada Kenya ku sheegeen in Jeegga uu yahay 1.5 milyan oo dollar, haddana markaad u fiirsato tirada numberada xisaabeed, xaqiiqdii waa 15 milyan oo dollar, sababtoo wuxuu u qoran yahay sidan, 1,5000,000, taasi oo muujineysa in wax qof abuuray ay tahay. Xitaa miisaaniyadda NISA ee sanadkii oo dhan ayaanba dhameyn 15 milyan iyo wax u dhow. Bahaduur ayaa sidoo kale sheegay in caqliga uu diidayo in lacag intaas le’eg oo ah hal milyan iyo bar dollar la mariyo xawaalad, iyo kaaga sii daran’e in sarkaal sare sirdoon, oo weliba xlkiisa sidaas u sarreeyo uu magaciisa rasmiga ah ku qoro Jeeg uu u dirarayo Al-Shabaab. Waxa kaliya ee halkan ka muuqda ayaa ah isku day lagu sumcad dilayo NISA, qorshihii la doonaba ha laga lahaadee iyo dadaal lagu sii hurinayo xiisadda ka dhex -oogan Soomaaliya iyo Kenya.