Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa laga wareystay arrimo ku saabsan doorka ay Qatar ku leedahay sii deynta gabadhii dhawaan laga sii daayay gacantga Al-Shabaab ee ilaa iyo 2018 lagu heystay gudaha Soomaaliya. Silvia Romano oo 25-jir ah ayaa dib loogu celiyay dalkeeda muddo kadib, waxaana laga afduubtay Chakama oo ah xeeb ku taala gobolada Koonfur Bari dalka Kenya. Sanbaloolshe, oo wareysi siinayay Telefashinka Al-Carabiya, ayaa wax badan laga weydiiyay doorka ay Qatar ku laheyd sii deynta Silvia, balse wuxuu ka dhawaajiyay ineysan jirin cid ogsoon xaqiiqda dhabta ah ee qaabkii Al-Shabaab looga sii daayay Silvia Romano. “Lama oga doorka dhabta ah oo ay Qatar ku laheyd sii deynta shaqaalahii gar-gaarka ee Talyaaniga, balse dadka oo dhami wey ogyahiin taariikhda ay ku leedahay fududeynta, abaabulka iyo wadahadalada lacagaha madax furashada ee la siiyo kooxaha argagixisada ee aduunka si ay usii daayaan dadka ay heystaan,” ayuu yiri Sanbaloolshe. Taliyihii hore wuxuu carabka ku dhuftay in Qatar ay door aan caadi aheyn ka ciyaartay arrintaan, iyadoo xiriir la sameysay xubanaha ugu jira gudaha Al-Shabaab iyo sidoo kale dad uu sheegay iney ku leeyahiin dowladda dhexe gaar ahaan hay’adda NISA. “Waxaan shaki iiga jirin in dowladda Qatar ay door weyn ka ciyaarta sidii ay xiriir ula sameyn lahaayeen xubnaha ugu jira Al-Shabaab oo ay macaamilaan iyo shaqsiyaadka ugu jira dowladda Soomaaliya ee hadda gaar ahaan hay’adda sirdoonka,” ayuu yiri Sanbaloolshe. Sanbaloolshe wuxuu dowladda Qatar ku eedeeyay iney tahay dowladda kaliya ee adduunka ka jirta, islamarkaana taageero u muujisa Al-Shabaab, wuxuuna madaxa hadda ee hay’adda NISA ku sheegay inuu yahay qofka ugu saameynta badan ee ay Qatar ku heysato gudaha Soomaaliya. “Waxaa jirta istaraatiijiyad shaki weyn keentay oo ka dhaxeysa dowladda Qatar iyo xukuumadda hadda ka talisa Soomaaliya, taasina waxey sababtay in dowladda ay soo dhaweysato Qatar iyo lacagaheeda, islamarkaana ay iska fogeyso dalalka kale ee carbeed sida dowladdaha Imaaraadka iyo Sacuudiga,” ayuu sii raaciyay. Sanbaloolshe oo wax laga weydiiyay hadii uu jiro xiriir ka dhaxeeya Al-Shabaab iyo Qatar ayuu kaga jawaabay inuu jiro xiriir ka dhaxeeya labada dhinac, balse wuxuu sheegay inuusan xog fiican ka heynin qaabkii loo marayo sii deynta Silvia Romano. Intaas kadib Sanbaloolshe wuxuu inyar ka hadlay qaabka ay dowladda Qatar lacagaha usoo gaarsiiso kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inuu aaminsan yahay in lacagahaas loo soo marsiiyo dad ku jira dowladda iyo ganacsato xiriir la leh hay’adaha Qatar. Waxaa uu sheegay eedeymaha loo jeediyo Qatar ee xiriirka ay leedahay kooxaha xagjirka iyo kaalmada dhaqaale ay ku maal-geliyaan howlahooda aanu aheyn wax cusub, isla markaana Qatar ay had iyo jeer muddo sanado taageeri jirtay Al-Shabaab, iyagoo isticmaala waddooyin kala duwan. Danjire Sanbaloolshe ayaa wax laga weydiiyay saameynta ay yeelan karto lacagaha uu sheegay inay dowladda Qatar ku bixineyso kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida iyo waxa ay kaga dhigan tahay kooxdaan ka dagaalanta bariga Afrika ayuu ku jawaabay: “Lacagaha madax furashada iyo kuwa kale oo ay Qatar siiso Al-Shabaab waxey qeyb weyn ka qaadaneysaa weerarada ay kooxdaan ka fuliso Soomaaliya, Uganda iyo Kenya, sidoo kale waxaa loo adeegsanayaa weeraro ka dhan ah dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska,” ayuu yiri. Sanbaloolshe ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay ilahaas dhaqaale ka saacidi karaan agaasinka weeraro argagixiso, askareynta dhalinyarada, iney is hubeyso, sidoo kalana agaasimaan qaraxyo iyo dagaalo ay ka fulinayaan gudaha Soomaaliya iyo wadamada Dariska. Ugu dambeyntii Danjiraha ayaa fariin u diray dowladda Qatar oo uu aaminsan yahay iney taageero xoog leh siiso kooxaha argagixisada, wuxuuna sheegay in dunida oo dhan ay isha ku heyso. HALKAAN HOOSE KA DAAWO WAREYSIGA
  2. Kulanka ugu horreeya ee tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle oo soo geli doono 8:00 habeenimo ayaa waxaa markale ku ballansan degmooyinka Kaxda iyo Waabari ee gobolka Banaadir, kadib markii ay xalay ka baaqdeen tartanka. Labada degmo oo ku wada jira group-ka D ayaa guud ahaan u dambeeya, wareega koowaad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan. Kaxda iyo Waabari ayaa degmada guuleysata waxay u gudbi doontaa wareega sideed dhammaanka ee tartanka Shabelle, waxaana mid waliba ay soo badisay hal kulan, halka min kulan kalena ay soo galeen barbar dhac. Dhinaca kale waxaa jira kulan kale oo u dhexeeya degmooyinka Wadajir iyo Xamarweyne , kuwaas oo lagu furi doono wareega labaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan, kaas oo soo geli doono 10:00 habeenimo, Insha allaah. Wadajir iyo Xamarweyne ayaa degmada badisa waxa ay iska xaadirin doontaa wareega Sama-finaalka ee tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle. Sidoo kale waxaa wareegan ku jira Dayniile oo ku dhici doonta dhiggeeda Howlwadaag, Marka oo ay iska hor imaan doonaan degmada soo baxda Kaxda iyo Waabari oo caawa ku ballansan tartan aqooneedka Shabelle iyo Hodan oo ay isku beegmi doonaan Warta Nabadda , Ex Wardhiigleys ee magaalada Muqdisho. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
  3. Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kulan deg-deg ah la qaatay culimada iyo imaamyada masaajidada ku yaalla magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose,isaga oo kala hadlay dhibaatada ama khatarta Coronavirus. Axmed Madoobe ayaa culimada faray in dhamaan la xiro masaajida ku yaalla guud ahaan deegaannada Jubbaland, si looga hortago faafitaanka Cudurka COVID-19. Sidoo kale shacabka ku nool deegaannada dowlad goboleedka Jubbaland ayuu ugu baaqay inay qaataan talooyinka caafimaad ee loo soo jeedinayo, si ay uga badbaadaan khatarta cudurka, isamarkaana ka maamul ahaan ay dadaal fara badan ku bixin doonaan. Deegaano ka mid ah maamulka Jubbaland ayaa waxaa laga diiwaan-geliyay kiisas ka mid ah COVID-19, waxaana illaa iyo hadda laga helay 58 Ruux. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa wali xayiran duulimaadyadii ay diyaaradaha ku imaan lahaayeen Soomaaliya sababo la xiriira xanuunka safmarka ah ee Coronavirus, balse masuul ka tirsan dowladda ayaa ka dhawaajiyay wakhtiga ay suuragalka tahay in dib loo furo. Marka laga tago duulimaadyo laga maarmi waayay oo fasax ka hela Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somalia, waxaana jirtay in shalay ay diyaarad qaadaty in ka badan 150 muwaadin oo heysta dhalasho wadamada USA, Canada iyo dalal yurub ah ka dhooftay magaalada Muqdisho. Saacid Cabdi Celiye oo ah maareeye ku-xigeenka garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee Muqdisho ayaa sheegay iney jecel yahiin in dib loo bilaabo duulimaadyada, balse ay ku xiran tahay hadba xaaladda uu marayo xanuunka COVID-19. Lama oga wakhti rasmi ah oo uu furmayo garoonka, balse Saacid wuxuu sheegay iney suuragal tahay bisha Luulyo (July) in dib loo furo, markaas oo qof walba oo kasoo daga garoonka awood loo yeelan karo in laga baaro xanuunka adduunyada dhibaatada ku haya. Xayiraadda duulimaadyada Soomaaliya ayaan laga gaarin ujeedkii laga lahaa ee ahaa in lagu xakameeyo faafitaanka cudurka, sababtoo ah marka aad joogto Muqdisho waxaad arkaysaa dadka oo sidii caadiga ahayd u macaamila, mana jiraan wax tallaabooyin ah oo ay qaadayaan si loo yareeyo faafista cudurka. Sidaas darteed, dad badan ayaa rumeysan inaysan jirin sabab duulimaadyada loo joojiyo, maadaama gudihii dalka, oo ah halka faafitaanka ugu badan ee cudurka uu ka dhici karo aanay xayiraad socdaal ama dhaq-dhaqaaq ka jirin.
  5. Somalia’s president Mohamed Abdullahi Farmajo has appointed two new judges to Banadir courts as part of a judiciary overhaul. In a statement, the president has replaced the chairman of Banadir regional court Muse Moalim Mohamed and the chief of regional Appeals Court Abshir Omar Abdullahi following recommendation from the chairperson of the Supreme Court Ahmed Baashe Yussuf Ahmed,” a Twitter post by Villa Somalia reads in part. The president appointed Mohamed Abdikadir Hassan as the new Banaadir Region High Court judge and Mohamed Ahmed Osman as the head of the Banaadir Regional Appeals Court. Meanwhile, the president has urged the new judges to fully protect the rule of law and to serve all people equally in a bid to win their hearts and minds. The Presidency noted the changes were part of ongoing judicial reforms in the country.
  6. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-150520-web-.mp3 View the full article
  7. Madaxweynaha Dowlada Jubbaland oo kulamo la qaatay Qaybaha kala diæuwan ee Bulshada ayaa sheegay in Reer Jubbaland ay isu diyaariyaan waqtiiga Adag ee uu keenay [...] Source
  8. Maanta waa 77 sano guuradii kasoo wareegatay aasaaskii ururkii wadaniga ahaa ee SYL. Munaasabaddan iyo maalinta dhalinyarada darteed, Goobjoog News waxaa ay ku maamuseysaa wareysi taariikhi ah oo laga soo qaaday Cali Xasan Maxamed (Berdura) oo ka mid ahaa 13-kii dhallinyaro ee aasaasay urukii SYL. Waxaa wareysigaa magaalada Qoryooleey ee gobolka Sh/Hoose kaga soo qaaday 2002-dii weriye Cabdi Casiis Axmed Gurbiye oo hadda ah tifaftiraha guud ee Goobjoog. Gobolka shabeellaha hoose gaar ahaan magaalada Qoryooleey ayaa hoy u noqotay muddo dheer mid ka mid ah 13-kii dhalinyaro ee 15-kii bishii May 1943 Ururka SYL ku dhisay Magaalada Muqdishu. Cali Xasan Maslax {Berdura} oo xiliga wareysiga la qaadayey da’diisu aheyd 80 jir ayaa 2002-dii wareysi qiimo badan siiyay Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo booqasho ugu tagay Verdura. Gurbiye ayaa ugu horeyntii weydiiyay Cali Xasan Maslax Berdura, Shaqsiyadiisa, Qoyskiisa iyo halka uu Magaca Berdura (Verdura) kasoo jeeda? Berdura: Waxaan ahay nin reer Mudug ah, yaraantaydii is koris ayaan ahaa, waxaan isku soo maray yaraantaydii Galkacyo, Eyl iyo Hobyo oo aan 6-bilood joogay. Waxaan soo maray dhowr guur xaaskaygii ugu horeeysay waxa ay aheyd Fadumo Yasin Cali Sharmarke waxaa Adeer u ahaa C/rashiid Cali sharmarke oo marna waalid ii ahaa marna saxiibo ahayn. Magacyo badan ayaan lahaa Cali Maslax ayaa ka mid ah oo Hooyo iyo Aabo oo dirirsan ayaan dhashay oo markiiba hehiiyay, Cali Cade ayaa ka mid ahaa oo nin Cad ayaan ahay, Cali Waayeel ayaa sidoo kale ka mid ahaa lakiin ugu dambeentii waxaa u xoog batay Cali “Vardura”(khudaare) oo uu ii bixiyay C/qadir Saqaawudiin oo SYL aan wada Aasaasnay waayo marka aan SYl dhisaynay waxaan gadi jiray khudaarta. Gurbiye: Sababtii iyo Qaabkii aad ku timid Xamar? Berdura: Waxaan maqli jiray in ninkii xamar tago lacag iyo shaqo ayuu helaa, xitaa waxaan maqlay Talyaaniga dadka lacag ayuu siiyaa, kadib waxaan go’aansaday inaan tago, markab ayuu i saaray Adeer Cali Yusuf oo ahaa Suldaanka Hobyo, waxaan ka degay Ceel-gaab, waxaan ku degay dad aan qaraabo nahay, waxaan raadiyay shaqo, howlo badan ayaan qabtay ilaa markii dambe aan khudaare noqday Syl-na aan dhisnay, kadib shaqo fiican ayaan helay. Gurbiye: Waa maxay sababta iyo Qaabkii loo Aasaasay Xisbiga SYL? Berdura: Horta waxaa ahayn dad dhalinyaro ah oo u dhxeeya 15-21 jir, sedax kooxood ayaa ahayn Awaysiya, Qaadiriya sida {Dahir Xaji Cuman Dhagawayne, Maxamed Xirsi Nuur Sayidiin, Cusmaan Geedi Raage iyo Maxamed C/llaahi farax xayeysi. Qeyb aqoon yahan ahaa sida{Yaasin Xaaji Cusman, Maxamed Cali Nuur} iyo Aniga iyo Maxamed Hilowle. Marka hore inaga ayaa isbaraarujinay, aaminay micnaha Midnimada, Wadaniyadda, waxaa jiray Gumaysi ba’an Gaadiidka gadaal ayaan ka raaci jirnay Shaneemooyinka gadaal ayaan ka fariisan jirnay, dadkana waa la adoonsanjiray, dadkeena wax wacyi ah ma lahayn marka waxaan go’aansanay in aan dhisno urur siyaasi ah oo aan uga hortagno gumystaha, kadib waxaa dhisnay naadigii SYC oo aan ula jeednay in aan ku qaladno Gaalada. Habeenkii la dhisayey leegada ma wada joogin 13-ka, balse nasiib wanaag aniga waan joogay waxaan ku dhisnay guri ku yaala Via Roma 15-kii bishii May 1943. Qodoba badan ayaan qornay ma wada xasuusto balse waxaa ka mid ahaa in dalka gumeystaha laga xureeyo, Somaliwayn la isu raadiyo, qaabyaaladda iyo dariiqooyinka laga fogaado. in dadka wax la baro. Waxaa kaloo ka mid ahaa calanka oo ahaa bil oo tilmaamaysa Islaamka, xidigta oo ah Soomlinimada iyo shanta far oo midnimo iyo wada jir ah. Mas’uuliyiin baan dooranay, waxaan u gudbinay dowladda ingiriiska nasiib wanaag way soo dhawaysay, kadib waxaan bilownay in aan waxbarashada dhiirigalino, makii dambe oo shacabka nasoo dhaweeyay oo na garab istaagay waxaa u badalnay Xisbigii SYL 1947-dii, waxaa kaloo xafiisyo ku yeelanay gobolada dalka sida Kismaayo, Galkacyo, Baydhabo iyo Baladwayn. Waxaa layaab lahaa in ururo kale la sameemay sida Iririya lakin masii ragin. Gurbiye: Maxaa ka xasuusataa Dadaaladii iyo Dagaaladii aad gasheen? Berdura: Dagaalo badan ayaan galnay waxaan xasuustaa 11-kii Janaayo 1948-dii waxaa dalka soo booqanayey gudi UNada raacsan oo ahaa dalalkii ku adkaaday dagaalkii labaad sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiska, Ruushka, iyo Talyaniga. Maalintas waxay adeegsadeen dadka dabadhilifka ah, waxaan sameenay markiiba boqolkii qofba waxaan u dhiibnay hal hogaamiye , labo calanka sida iyo afar ilaalo ah…aniga calamada ayaan qeybiyay, waxaa dhacay dagaal wayn shuhado badan ayaa noog dhintay, waxaa ka mid ahaa Xaawo Taako., waxaa anaguna ka dilnay dhowr iyo konton, waxaan ku aruurinay bilaajo Carab. Dagaaladii aan galnay waxaa ka mid ahaa Dhagaxtuur oo aan ku diidanayn in markale dalka Talyaani dib ugu soo laabto. Ingiriisna bandaw ayuu soo rogay, meelo badan oo dalka ka tirsan ayaan kula dagaalnay gaaladii adeer……Dhanka dadaaladii aan galnay waxaa ka mid ahaa angoo UNka u dirnay C/lahi Ciisa Maxamuud oo isaga iyo Aadan Cabdulle Cusman ay ka soo galeen Leegada Baladwayn. Waxaan Caalamka u sheegnay in aan doonayno madaxbanaani, Soomaaliya waxaa loo ogaaladay ismaamul hoosaad {Daakhiliya}, waxaa sidoo kale Arday minxo (deeq waxbarasho) ah loo diray Yurub iyo Carabta. Gurbiye: Shacabku waa idiin maamuusay maxaa keenay Musuqmaasuq? Berdura: Walaahi adeer shacabka waa na ixtirimaa ilaa hadda, bilado sharaf ayaa nala siiyay {aniga waan ka diiday Maxamed Siyaad}, ma aqaano meel uu qaladka ka jiray waxaan 1955-tii waxbarasho cilmiga siyaasadda u aaday Dalka Talyaaniga ilaa 1966-dii aan dalka dib ugu soo laabtay. Gurbiye: OK. Syl iyo Inqilaabkii Milatari 21-kii bishii October 1969kii? Berdura:- Haa, waxaa jirtay in ay noo yeereen Maxamed Siyaad, Kulmiye, Gabayre iyo Caynanshe, waxay noo sheegeen in dalka ka dhacayo Inqilaab aan dhiig ku daadan oo dalka ay isbedel ka samaynayaan… aniga meel cidla ah ayaan ka istaagay waxaa u sheegay in taariiqda xusi doonto khiyaanada ay wadaan…waxaa igu xanaaqay Gabayre oo gacantooda ku sababsaday markii dambe….Siyaad Barre waa i xiray xitaa lacag uu ii balan qaaday aniga ayaa diiday…wax xil inaan qabto walgeey ma jeclayn, daacadnimo ayaan intaan kusoo gaaray adeer. Gurbiye: ka waran Siyaasadda Somalida maanta iyo Dagaalada Sokeeye? Berdura: Siyaasad maahan waxa kani waa burcadnimo…waxaa la baneysta dhiiga dadka, xasuuq ayaa socda, danta gaarka ayaa shaqaysa, qarankii si fudud ayaa loo iibsaday….dadakan miyaanay damiir lahayn. Gurbiye: Soomliya uma bislayn Gobanimo ma saxbaa? Berdura: Su’ashan waxaa hortaa xamar igu waydiiyay rag aqoonyahano ah isla jawaabtii ayaan kusiinayaa (Adeer Aadami inaan dhalayno ayaan mooday, balse Daanyeero ayaan dhalnay) , maandeeq ayeey qalad ka fahmeen, xuriyadda waa loo shahiiday. Gurbiye: ugu dambeentii aragtidaada sidee Dowladnimo lagu helayaa, Maxaase ugu Baaqaysaa Shacaka Soomaliyee? Berdura: in is aaminad timaado, wada jirkii lasoo celiyo, kitaabka lagu dhaqmo, lakala saaro Qabiil iyo Qaran oo lagu dadaalo walaltinimo, isxaqdhoor, is afgarad,wada tashi……….Waxaan Shacabka ugu baaqayaa in Qabiilka laga fogaado,dadkuna noqdad isku xuquuq lana dhiso Dowlad ku istaagta rabitaanka Umuadda…….waxaad oagataa in Dhalinyarada mas’uuliyad saarantahay. Wareysiga waxaa qaaday Cabdi Casis Axmed Gurbiye Sanadkii 2002-dii, waxaana boggan horay loogu daabacay 2015-kii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa weerar dadban ku qaaday madaxdii ka horreysay, xilli uu maanta jeediyey khudbad ku saabsan xuska maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, oo ku beegan aas-aaska ururkii SYL, 77 sano ka hor. Hadalka madaxweynaha oo ay baahisay Villa Somalia ayuu ku sheegay in dowladdiisa ay dhaxashay dhibaatooyin xooggan, isaga oo xusay saddex ka mid ah, kuwaasi oo kala ah, sida uu hadalka u dhigay: 1 – Hannaankii dhaqaale ee dalka oo aad u hooseeyey, markii uu xilka qabanayey. 2 – In looga tegay daymo tiro badan oo culeys ku hayey horumarka dalka. 3 – Iyo xaalad adag oo ay ku noolaayeen kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo qaarkood ay ku dhibaateysnaayeen xabsiyo shisheeye iyo xarumo qaxooti. Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa ay hadda gaartay guulo taariikhi ah oo ay ku wajahday caqabadahaas, islamarkaana maanta uu muuqdo ifafaalo. Inkasta oo Farmaajo sheegay in deymo badan looga tegay, haddana ma jiraan wax caddeymo ah oo muujinaya deymo ay qaateen madaxdii ka horreeyey, waxaana deynta caalamiga ah ee lagu leeyahay Soomaaliya ay ka timid dowladdii kali-taliska aheyd ee Maxamed Siyaad. Marka ay timaado hanaanka dhaqaale ee uu sheegay inuu aad u hooseeyey, haddana labada sano ee dhaqaalaah Soomaaliya uu sameeyey kobacii ugu xoogganaa waxay ahaayeen 2014 iyo 2016, markaasi oo GDP-ga dalka uu kordhay 3.7% sanadkiiba, sida ku cad xogta Bankiga Horumarita Africa ee African Development Bank (AFDB),waxaana labadaas xilli dalka madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh. Kororka ugu wanaagsan ee dowladda Farmaajo ay sameysay waa 2.9%, waana sanadkii 2019. Marka ay noqoto dhallinyada ku xiran xabsiyo shisheeye, waa run in dowladdiisa ay soo daysay in badan oo ka mid ah, si la mid ah dowladihii ka horreeyey, waxaana weli jira qaar xiran, si la mid ah kuwii xirnaa markii ay xilka ka degayeen madaxdii hore.
  10. (SLT-Garoowe)-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Karaash, ayaa qaadacay isla markaasna ka hor-yimid xilka qaadis uu madaxweyne Deni maanta ku sameeyey Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada Puntland. Axmed Karaash ayaa sheegey in aan lagala tashan xilka qaadista Taliye Ku-xigeenka Madaxtooyada. Source
  11. (SLT-Ankara)-Iyadoo Covid-19 uu uga si darayo dhaqaalaha Turkiga ayaa Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee CHP waxaa uu sheegay in xubno Dowladda ka tirsan iyo warbaahin uu hogaaminayo Madaxweyne Erdogan ay ku eedeeyeen qorshe afgambi. Eddeyntii ugu adkeyd waxaa ay madaxda sare kasoo baxday 4-tii May kadib markii uu Erdogan gudoomiyay shir muuqaal ah oo ay yeeshee golaha wasiiradda, isagoo jooga meesha uu ka degna yahay Madaxtooyada. Erdogan waxaa la rajeynayay in uu diiradda saaro dib usoo celinta shaqada dowladda iyo qorshe lagu xadidayo safmareenka, laakiin waxaa uu qayb ka mid ah khudbadiisa kusoo qaatay cadho ka dhan ah xisbiga ugu weyn mucaaradka. Xisbiga CHP ayaa sheegay in Erdogan uu muujiyay “aragti kaligi talis, taas oo aan ku fiyoobeyn sarreeynta sumcadda qaranka, dimoqaradiyadda, cadaaladda iyo doorashooyinka la rajeynayo.” Dhaqanka CHP waxaa haga “damacooda ah in ay maamulka waddanka ku qabsadaan afgambi iyagoo aan u marin hanaan demoqaraadi ah,” ayuu yidhi Erdogan. Isagoo ku daray “taasi waa waxa noo sawirmaya marka aad isku geyso hadallada ay sheegtay hogaanka CHP todbaadkii lasoo dhafay oo keliya” Inkasta oo uusan Madaxweynuhu magacabin hoggaanka CHP ee uu cambaareeyay, haddana dib u eegis lagu sameeyay warkii CHP ee dhowanahaan, ayaa muujiyay in uusan jirin war lala xidhiidhin kara in CHP ay dooneyso in ay talada wadanka xoog ku qabsato. Bishii April 29-kedii war uu siiyay TV-ga Halk ayaa Kaftancioglu oo hogaamisa xisbiga CHP waxaa ay sheegtay “isbeddel Dowladeed iyo nidaamka Dowliga ah ayaa la filayaa iyadoo loo marayo doorashooyin ama xitaa hanaan kale waqiga soo socda.” Sida ku cad eedeynta Dowladda, waxaa baraha bulshadda iyo akoono warbaahined oo ay maamulsho Kaftancioglu lagu faafiyay “qaab kale oo awooda lagula wareegayo” taas oo ay Dowladdu u fasirtay afgambi. Kaftancioglu waxay sideedii bishan sharaxad ka bixisay hadalkeedii. “Waxaan idhi Dowladu waxay geli doontaa doorasho xilli hore oo waqtigeedii laga so horumariyay ama mid caadi ah, markii horeba waan saadaalinayay isbedel nidaamka ah” ayey tidhi. Ahmet Mahmut Unlu oo loo yaqaano Ahmet Hodja ee qarsoon ayaa 11-kii May waxaa uu qabsaday cinwaanada warbaahinta isagoo ka digaya Afgambi. “Waxaa jirta khatar afgambi. Waxaan arkay riyooyin, khatar ayaa jirta ayuu yidhi. Waxaa uu hadalkiisa ku daray khatartaani aysan ka imaaneyn Fatxullahi Gulen iyo kooxdiisa sidii dhacday July 2016. Source
  12. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Dhallinyarada Soomaaliyeed u diray farriin ku saabsan sannad-guurada 77-aad ee aas-aaskii Ururka (SYL) ee horseeday xornimada dalka ayaa dul istaagay tilmaamaha furaha u ah guusha ay gaarsiiyeen dalka 13-kii dhallinyaro ee baalka dahab ah ka galay taariikhda. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isku duubnida, dhabar adayga, waddaniyadda iyo ka fogaanta qabyaaladda ee ay ku sifoobeen halyeeyada SYL ay sabab u noqotay xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa taabagalinta dal xor ah iyo dowlad shacabkeeda ay ku faanaan oo karaamo iyo sharaf ku leh ummadaha kale ee dunida. Halyeeyadii SYL waxa ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka dadkeenna Soomaaliyeed, jiil walba oo inaga mid ah waxaa waajib ku ah in uu dhaxalsiiyo jiilka xiga xusuustooda, halgankooda, taariikhdooda iyo diiwaanka maamuuskooda.” Madaxweynaha ayaa muujiyey caqabadihii waaweynaa ee hortaagnaa riyada Dhallinyarada SYL kuwaas oo ay ka mid ahayd qorshihii Gumeystaha ee ku dhisnaa hab qabiileysan in uu u kala qeybiyo Umaddan walaalaha ah, arrinkaas oo u adeegayey danaha cadawga, iyada oo jahli lagu hayo ummadda, aqoontana loo diido, dhaqaalahana lagala dagaalo, koox yar oo fikirka shisheeye u adeegtana laga dhex sameeyey dadka Soomaaliyeed. SYL kuma muteysan maamuuskaas kaliya in ay dadka Soomaaliyeed ka dulqaadeen heeryada gumeystaha, una horseedeen gobanimo buuxda, balse waxa ay ku muteysteen in caqabadaha waaweyn iyo jilaafooyinka ay ka soo gudbiyaan halganka dheeraa ee gobanimo-doonka” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dul istaagay xaaladihii adkaa ee ay dhaxashay Dowladda uu hoggaaminayo oo ay ka mid ahayd hannaankii dhaqaale ee aadka u hooseeyey, daymo tiro badan oo culeys ku hayey horumarka dalkeenna, xaalad adag oo ay ku noolaayeen kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo qaarkood ay ku dhibaateysnaayeen xabsiyo shisheeye iyo xarumo qaxooti ayaa soo bandhigay guulaha taariikhiga ah ee Dowladdu ay ku wajahday caqabadahaas iyo ifafaalaha maanta muuqda. Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay maanta ka qaadanayaan horumarinta dalka, hoggaaminta Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaallada naf hurnimada leh ee ay bixinayaan halyeeyada Bahda Caafimaadka oo dhallinyaro u badan, kuwaas oo naftooda iyo noloshoodaba u huray sidii ay dadkooda uga samata bixin lahaayeen cudurka COVID-19. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tusaaleeyey casharka taariikhiga ah ee ku jira midnimada iyo wada jirka ay lahaayeen Xisbiyada ama ururrada Dhallinyaro ee ka kala dhisnaa Gobolada Koonfurta iyo Gobolada Waqooyi ee dalka, kuwaas oo wadaniyad iyo walaaltinimo ku fashiliyey qorshihii Gumeystaha ee kala qeybinta dalkeenna iyo dadkeenna. View the full article
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) Dagmada Wadajir ee gobolka Banaadir waxaa ka dhacay fal ka baxsan beni’aadanimada kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda uu kufsi u geystay gabar sida la sheegay afar jir aheyd. Ehelada gabadha yar ayaa warbaahinta u xaqiijiyay falka lagula kacay gabadhooda yar, waxeyna rumeysan yahiin in askari ka tirsan ciidamada dhawaan ay tababareen Turkiga uu geystay falkaas kaas oo guriga dhinac ka daganaa. Adeerka gabadha oo lagu magacaabo Axmed Bootaan ayaa saxaafadda uga warbixiyay wixii halkaas ka dhacay, waxeyna arintaan imaaneysaa xilli dhawaan kiis kufsi caruur ah laga diiwaangaliyay Shabeelada Hoose. “Magaceygu waa Axmed Bootaan Cabdulle, waxaan adeer u ahay Farxiya Cabdishakuur Bootaan, waxaa dhalay walaalkey Allaha u naxariisto Cabdishakuur Bootaan Cabdulle. Gabadha waxay ahayd afar jir agoon ah, waxayna wax u dhaceen shalay barqadii marka ay saacadda ahayd 10:30am in nin askari oo guriga la deganaa uu qolka ugu soo galay gabadha, askarigaas oo magaciisu yahay Maxamed Xuseen Cilmi, oo ka tirsan Ciidamada Gorgor ee Turkiga uu tababaro. Meesha ayuuna ku kufsaday ayadoo bil Ramadan tahay. Koley sababta uu sidaasi u sameeyay isaga ayaa la weydiin doonnaa, waana xiran yahay, wuxuuna ku xiran yahay Saldhiga Booliska ee Degmada Wadajir, in loo wareejiyo Xarunta CID-da ayaana sugeynaa, oo warqadihii loogu wareejin lahaa ayaan u xanibanahay.” “Guriga uu falku ka dhacay waa guri laba qol ka kooban, qol waxaa deganaa Farxiya iyo hooyadeed, qolka kalana waxaa kiro ahaan ugu deganaa askariga dhibaatadaan gaystay. Hooyadii suuqa ayay adeeg u doonatay, intii ay maqneyd ayuuna falkaasi sameeyay. Waa 21 jir iskaabulo ah.” “Dhibaatadaan waxay na soo gaartay, ayadoo aan cadaalad-darro tirsaneynay, ka dib markii gabadhan aabaheed lagu dilay shil ay Ciidamada Uganda ka gaysteen Ceelasha Biyaha, shilkaas oo ay ku dhinteen Cabdishakuur Bootaan Cabdulle, Cabdulqaadir Xuseen Cali oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska iyo iyo Xasan Jeylaani Abuukar oo isna shacab ahaa. Ayagoo ku sugan Ceelasha Biyaha ayay Ciidamada Uganda gaarigoodii jiirsiiyeen, dhacdadaas oo dhacday 26-kii bishii June ee sanadkii 2019 illaa iyo hadda wax cadaalad ah ma helin, oo waxaan ku weynay Farxiya aabaheyd oo aniga walaalkey ahaa.” Kiisaska kufsiga ah ayaa kusoo badanaya Soomaaliya, waxaana sidoo kale bishii April ee lasoo dhaafay la diiwaangaliyay kiis kufsi ah oo ka dhacay Shabeelada Hoose gaar ahaan deegaanka Yaaq-bari weyne halkaas oo saddex haween ah oo midi ay geeriyootay dhib loogu geystay.
  14. 24 people have been killed and more than 283,000 others have been displaced by floods in Somalia, according to figures released by the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) in Somalia. The figures also indicated that 28 districts and more than 701,000 people in the Horn of Africa nation have been affected by the floods. The worst affected states are Hirshabelle, Jubaland and South West with their numbers accounting for 88 percent of those affected by the floods. The destruction caused by the floods is evidenced by the fact that most parts of an entire small town in Puntland were swept away by floodwaters. According to the OCHA in Somalia, majority of the cases of flooding in the country have been caused by flash flooding. Hundreds of people in the East and Horn of Africa regions have been killed while thousands of others have been displaced by heavy rains and the resulting floods and landslides. The heavy rains have been caused by moisture dumped in the region by winds coming in from the Indian Ocean where temperatures have risen in recent months, according to Chris Shisanya, a professor of climatology in Nairobi, who spoke to Reuters. Kenya has been the worst hit so far with the government recently reporting that at least 237 people had been killed and more than 161,000 others displaced since heavy rains began in April. At the end of 2019, rain-triggered disasters, including flash floods and landslides, killed at least 250 people and affected millions of others across East Africa. Somalia is currently facing a triple threat of problems: the floods, the COVID-19 pandemic which is straining its already fragile health system and the desert locust infestation. Source: CGTN
  15. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Dhallinyarada Soomaaliyeed u diray Farriin ku saabsan Sannad-guurada 77-aad ee Aas’aaskii Golihii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL) ee horseeday xornimada dalka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isku duubnida, dhabar adayga, waddaniyadda iyo ka fogaanta qabyaaladda ee ay ku sifoobeen halyeeyada SYL ay sabab u noqotay xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa taabagalinta dal xor ah iyo dowlad shacabkeeda ay ku faanaan oo karaamo iyo sharaf ku leh ummadaha kale ee dunida. Madaxweynaha ayaa muujiyey caqabadihii waaweynaa ee hortaagnaa riyada Dhallinyarada SYL kuwaas oo ay ka mid ahayd qorshihii Gumeystaha ee ku dhisnaa hab qabiileysan in uu u kala qeybiyo Umaddan walaalaha ah, arrinkaas oo u adeegayey danaha cadawga, iyada oo jahli lagu hayo ummadda, aqoontana loo diido, dhaqaalahana lagala dagaalo, koox yar oo fikirka shisheeye u adeegtana laga dhex sameeyey dadka Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyay doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay maanta ka qaadanayaan horumarinta dalka, hoggaaminta Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaallada ay ku samata bixinayaan Bahda Caafimaadka oo dhallinyaro u badan, kuwaas oo dadaalkooda ku bixinaya sidii ay dadkooda uga samata bixin lahaayeen cudurka COVID-19. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tusaaleeyey casharka taariikhiga ah ee ku jira midnimada iyo wada jirka ay lahaayeen Xisbiyada ama ururrada Dhallinyaro ee ka kala dhisnaa Gobolada Koonfurta iyo Gobolada Waqooyi ee dalka, kuwaas oo wadaniyad iyo walaaltinimo ku fashiliyey qorshihii Gumeystaha ee kala qeybinta Soomaaliya. Hoos ka daawo Khudbadda Madaxweynaha PUNTLAND POST The post Khudbadda Madaxweyne Farmaajo ee ku aaddan Sanad-guuradii Aas’aaska SYL appeared first on Puntland Post.
  16. MOGADISHU (HOL) - President Mohamed Farmaajo has appointed two new judges to serve in Banaadir Region High Court and the Regional Court of Appeal. Source: Hiiraan Online
  17. Waaxda caafimaadka ee dowladda hoose ee Xamar ayaa xalay howlo buufin ah ka sameysay Suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho. Gadiidka dowladda hoose ayaa biyo ay ku jiraan daawo loogu talagalay inay disho jeermiska faafin kara cudurka indhahu aanan qabin ee karoona waxaa ay ku buufiyeen suuqa labaad ee Suuq Bacaad, si looga hortago cudurkan ku sii faafaya dalka ee Covid-19. Guddomiyah gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeer ugu tegay howlaha buufiska ee ka socday Suuq Bacaad waxaana uu bogaadiyay howlaha ay wadaan shaqaalaha caafimaadka ee dowladda hoose “Hadii aan sidaan ku sii wadno waan hubaa inaan ka miro dhalineyo dadaalkeyna ee aan ku xakameyneyno cudurkaan qatarta ah ee Karoona Feyruska waxaana loo baahanyahay in guud ahaan Caasimada la gaarsiiyo howshaan.” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir. Filish waxaa kormeerka ku wehlinayey qaar ka mid ah ku xigeenadiisa iyo agaasimayaal ka tirsan gobolka. View the full article
  18. Khilaaf ka dhexqarxay M/weynaha Puntland & Ku-xigeenkiisa+Halka Sartu ka qudhuntay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash ayaa sharci-darro ku tilmaamay magacaabista madaxweyne Deni magacaabay taliyaha ciidanka madaxtooyada iyo ku xigeenkiisa. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay heshay warbaahintu ayaa lagu sheegay in magacaabista taliyaha madaxtooyada iyo ku xigeenkiisa aan lagala tashan madaxweyne ku xigeenka taasi oo ka hor-imaanaysa Dastuurka iyo xeerarka kale ee u yaal Puntland. Dikreetada ayaa lagu caddeeyay in magacaabistaasi aysan sharciga waafaqsanayn islamarkaana G/sare Cabdiqani Maxamed Xarbi oo madaxweyne Deni uu xilka ka qaaday uu weli yahay taliye ku xigeenka ciidanka madaxtooyada Puntland. Mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa sidoo kale amar ku siiyay taliye ku xigeenkii madaxweyne Deni xilka ka qaaday in uusan u hoggaansamin xilka qaadista balse uu sii wato waajibaadkiisa shaqo. Halkaan ka akhriso dikreetooyinka Deni & Karaash ee iska hor imanaya Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filsih) ayaa sheegay in maamulka gobolka uu wado qorsho lagula dagaalamayo Cudurka Safmareeka ah ee COVID-9,kaas oo kiisas kamid ah laga helay Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in Magaalada muqdisho ay ka bilaabeen howlgallo lagu buufinayo Xaafadaha iyo wadooyinka qaar si looga hortago faafitaanka Cudurka Coronavirus,dadkana looga badbaadiyo. “Qorshaha lagula dagaalamayo waa in si hagar la’aan ah la isaga kaashado, gaadiidka waa weyn ee Dowladda Hoose waxa ay buufinayaan Degmooyinka, meelaha aan Gaadiidka geli Karin waxaa buufinaya dhalinyaro haamaha suntan xambaarsan si loosoo afjaro faafidda fayruska” ayuu yiri Duqa Muqdisho. Waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay laga guuleysto cudurka Coronavirus oo saameyn taban ku yeeshay Guud ahaan Caalamka, Duqa Muqdisho ayaa soo jeediyay in la qaato tallaabooyinka loo arko in uusan ku gudbi Karin xannuunka. Hadalkaan ayaa Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filsih) ayaa waxaa uu sheegay xilli xalay uu kormeeray Xaafada Suuq Bacaad oo Maamulka gobolka uu ka waday howlo buufin ah oo looga hortagayo Cudurka.
  20. Dagaal Buuraleyda ku dhexmaray Xarakada Al-shabaab & Ciidanka Puntland+Khasaaraha Dhimasho & Dhaawac Khasaare isu’gu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerar Shalay galab malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku sugan saldhiga Balli-Khadar ee Degaanka Bosaaso. Ciidanka Daraawiishta Puntland weerarkaasi waxaa la xaqiijiyay in ay kaga dhinteen laba askari halka mid kalena ka dhaawacmay. Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa sheegaya in malayshiyaadka Al-shabaab ay doonayeen in ay weerar gaadmo ah ku qabsadaan saldhiga Balli-Khadar balse iska difaaceen weerarkaas. Kooxaha Al-shabaab iyo Daacish oo saldhiyo ku leh buuraha Galgala iyo Cal-Miskaad ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada Ciidamada Puntland ee Buuraleyda Qaran News
  21. 153 Qof oo ah Soomaali haysata dhalashada 3 Dal oo laga daabulay Muqdisho+Halka loo daadgureeyay & Xoggo kale Diyaarad gaar ah ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde ka qaaday dad 153 qof ah oo ku xayirmey magaalada kadib markii la joojiyey inta badanduulamaadyadii dunida, sababo la xiriira xanuunka Coronavirus. Dadkan ayaa ah Soomaali heysta dhalashada dalalka Mareykanka, Canada iyo Britain, kuwaasi oo toddobaadyadii tegay ku go’doonsanaa caasimadda Soomaaliya Safaarada Mareykanka oo iyadu markii hore diyaarisey duulimaadkan ayaa dooneysey in ay muwaadiniinteeda ku keento dalkan Mareykanka, hase yeeshee waxaa kusoo biiray dalalka Canada iyo UK. Diyaarada Ethiopian Airlines ayaa galabta 4-ta galabnimo kasoo duushay Muqdisho waxaana ay dadkan geyn doontaa magaalada Addis Ababa oo ay ka dibna ka soo qaadan doonaan duulimaadyo tagaya magaalooyinka Washington DC, London iyo Toronto. Inkasta oo safarka iyo howsha isku xirka ay qabatay safaaradda Mareykanka, haddana dadkan ayaa waxaa lagu war-geliyey inay si iskood ah tiket-ka uga goostaan shirkadda Ethiopia Airlines. Qaar ka mid ah dadkan ayaa warbaahinta u sheegay in Ethiopian Airlines ay ku dallacday lacag aad uga badan tan caadiga ah ee lagu goosto tickidhada, ayada oo ka faa’iideysaneysa duruufta haysata dadka. Arrintan ayaa sababta in qaar ka mid ah dadki ku xayiran Muqdisho ay goysteen inay kusii nagaadaan, ayaga oo ka biyo diiday inay lacag xad dhaaf ah bixiyaan Qaran News
  22. Deegaanka Tigreega oo doorashada ka qaatay mowqif ka duwan kan dowladda dhexe Madaxweyne ku xigeenka deegaanka Tigreega Dr Dabresiyon Gabra-mikael Madaxweyne ku xigeenka deegaanka Tigreega Dr Dabresiyon Gabra-mikael ayaa sheegay deegaankiisu inuu doorasha u gaar ah uu qabsanayo lagana taxaddarayo faafitaanka Covid-19. Guddoomiyaha xisbiga talada deeganka Tigreega haya ee TPLF Dr Dabresiyon Gabra-mikael oo warbaahinta kula hadlay magaalada Maqale wuxuu yiri “Dowladda Federaalka hadalka ka soo yeedhay ee ah inaan doorasha la qaban karin xili uu coronavirus taagan yahay hadalkaasi kuma raacsanin, anagu doorashada waan qabsaneynaa iyada oo laga taxaddareyno faafitaanka fayraska Corona.” Wuxuuna intaa ku daray “Deegaankannaga dhanka sharciga anaga oo ka eegeyno inaan xisbiyada siyaasadeed iyo ururrada bulshada ee ay quseyso iyo guddiga doorashadaba lagala tashanayo ayey doorashadu dhaceysaa. Madaxweyne ku xigeenkau waxaa kale uu sheegay Dowlad Deegaanka Tigreega ee dalka Itoobiya doorashada uu qabanayo iney ku kallifeyso meel marinta go’aanka shacabka deegaankaasi iyo dastuurka deegaanka oo loo hoggaansamayo. “Wixi ka dambeeya bisha December maadaamaa ay awoodda dowladeed oo dhan ay meesha ka baxeyso haddii xillligaa ka hor ay doorasha qabsoomi weydo dhibaatooyin badan ayaa dhacaya” ayuu yiri Dr Dabresiyon Gabra-mikael. Tartan ayaanu galaeynaa in nala doorto iyo inaan nala dooranba wey dhici kartaa” ayuu yiri Dr Dabresiyon Gabra-mikael mar uu ka hadlayey waajibnimada iney doorashada deegaankaasi qabsoonto. “Cudurka Coronavirus ee dalka ka jira ma aha inuu sabab u noqdo in xukunka lagu dheereysto” ayuu yiri. “Doorashada waxa ay dib ugu dhigtay dowladda dhexe ma aha sida ay sheegeen cabsi laga qabo faafitaanka cudurka safmarka ee Coronavirus, balse dowladda dhexe marki horaba ma dooneyn doorasho iney xilligeeda ku qabsoonto” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka deegaanka Tigreega ahna guddoomiyaha xisbiga talada deegaankaasi haya ee TPLF, Dr Dabresiyon Gabra-mikael. Dr Abiy Axmed oo warbaahinta xafiiskiisa kula hadlay Dowladda dhexe mowqifkeeda muxuu yahay? Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa sheegay iney dowladdu qaadeyso tallaabbo kasta oo ay kaga hortageyso dhaqdhaqaqyada dastuurka dalka ka horimanaya oo ay deegannada qaar ku doonayaan iney doorasha u gaar ah qabsadaan. Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed oo xaaladda dalka Itoobiya uu ku sugan yahay warbaahinta dalka Itoobiya shacabka farriin uga tabiyey wuxuu sheegay shacabka waxyaabaha ay xuquuqdooda ku meelmarsadaan iney ka mid tahay doorashada guud oo dalka ka qabsoonto taasoo ah xuquuq dimuqraadiyadeed oo ay muwaaddiniintu leeyihiin. “Iyada oo ay xisbiyada mucaaradka qaar ay aaminsanaayeen iney doorasho dhicin ayaan annagu ku adkeysannay doorashada iney xilligeeda ku dhacdo diyaar garow ballaaranna la billaabay.” “Hase yeeshee, cudurka safmarka ee Covid-19 ee dalka Itoobiya soo gaaray ayaa nagu kalliftay inaan doorashada dib u dhigno.” Ra’isal waraare Dr Abiy Axmed oo ka hadlay hadalka ka soo yeeray deegaanka Tigreeda oo ay ku sheegeen iney doorasha gaar ah deegaan ahaan u qabsanayaan oo ay sugeynin doorashada guud ee dib loo dhigay wuxuuna yiri: “Si ka baxsan dastuurka dalka Itoobiya u yaallo dhaqdhaqaaq kasta oo ka hormarinayo ay tahay khalad aad u weyn ayna xadgudub ku tahay shruucda dalka iyo kan caalamka intaba.” Guddiga doorashooyinka siduu uga falceliyey? Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya Birtukaan Mideqsa oo warbaahinta dalkaasi la hadashay ayaa sheegtay hadalka ka soo yeeray deegaanka Tigreega inuu la yaab ku noqday uuna yahay mid sharci darra ah. “Sida uu dhigayo dastuurka dalka Itoobiya qodobkiisa 102-aad arrimaha doorashada waxaa awood u leh guddiga doorashooyinka qaranka” ayey tiri. “Doorashada heerarkeeda kala duwan waxaa qabanaya oo wakhtiga la qabanayana go’aan ka gaari karo oo keli guddiga doorashooyinka qarnaka ee dalka Itoobiya.” “Deegaan wuxuu doorasha si gaar ah uu u qabsan karaan marka uu codsigiisa uu soo gaarsiiyo guddiga doorashooyinka, guddiguna uu oggolaado codsiga deegaanka oo keli ah balse, ay jirin ilaa iyo hadda deegaan codsi doorasha inuu qabsado soo gaarsiisay guddiga doorashooyinka, xilli dalka Itoobiya uu ku jiro xaalad degdeg ah oo uu la tacaalayo cudurka safmarka ee Covid-19 iney deegaan xubin ka ah dowladda Federaalka ay yirahdaan doorashaan qabsaneynaa waa nasiib darro” ayey tiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya Birtukaan Mideqsa. Guddoomiyaha Guddiga doorashada qaranka ee dalka Itoobiya Birtukaan Mideqsa Tani iyo marka uu isbeddel ka dhacay dalka Itoobiya uu dalka Itoobiya majaraha u qabtay Dr Abiy Axmed waxaa sii badanayey khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka ee Dowlad Deegaanka Tigreega, iyada oo uu deegaankaasi uu ku doodaya iney dowladda hadda ka arrimisa dalka Itoobiya ay nidaamki Federaalka ee lagu heshiiyey ay god ku sii rideyso. Qaran News
  23. Maxaad kala socotaa dhibaatooyinka ku gadaaman Sacuudi Carabiya? Maxamed bin-Salmaan ayaa muddo gaaban Sacuudi Carabiya ka sameeyey isbeddello sal ballaadhan Iyada oo ay dalal badan canshuuraadka muwaaddiniintooda ka cafiyeen, ayey Sacuudi Carabiya ku dhawaaqday canshuurta dheeriga ee VAT loo yaqaanno oo ahayd 5% in laga dhigay 15%, waxayna dowladdu sidoo kale shaacisay in laga billaabo bisha soo socota la joojinayo lacagaha nolosha qoysaska lagu kabi jiray. Tallaabbadan uu qaaday Sacuudiga ayaa imaneysa xilli uu qiimaha shidaalka dunida kala badh hoos uga dhacay qiimaha uu kal hore joogay taasoo saameysay miisaaniyadda dowladda 22% oo keentay inay xukuumadda Riyadh hakiso mashaariicdii waaweynaa. Shirkadda saliidda Sacuudiga soo saarta ee ARAMCO oo ay dowladdu leedahay ayaa dakhligeeda saddexdii bilood ee ugu horreeyey sanadkan uu hoos u dhacay 25%, maadaamaa qiimaha shidaalka uu jabay. “Arrintan ayaa muujineysa in loo baahan yahay in la qaado talalabbooyin wax looga qabanayo qiimaha shidaalka ee dhulka galay,” ayuu yiri Michael Stephens, oo ka faallooda xaaladaha waddamada khaliijka. “Xaaladda dhaqaale ee boqortooyada oo aad u cakiran waxay ku qaadaneysaa waqti dheer si uu dhaqaalaha dalkaasi sidiisi hore ugu soo noqdo.” Sicirka adeegyada kale ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa aad sare ugu kacay halka qiimaha shidaalkana u aad hoos ugu dhacay Xanuunka Covid-19 ee dalkaasi faraha ba’an ku haya ayaa sii huriyey xaaladda dhaqaale ee sii liicaysay, maadaama waddankaasi ku tiirsanaa malaayiin shaqaale oo ka soo jeeda waddamada Aasiya, iyada oo qaar badan oo shaqaalahiisa ahna ay hadda ku nool yihiin xaalad aad u liidata. Sidoo kale dhaxal sugaha boqortooyada ayaa saameyn aan yareyn kala kulmaya shakiga laga mujiyey inuu ku lug lahaa dilki loo geystay Wariyihii Sacuudi Carabiya u dhashay ee Jamaal Khaashuqji. Maalgashiga caalamiga ee ku qulquli jiray dalkaasina waxaa hakad geliyey shakiga laga muujiyey inuu Amiirka ku lug leeyahay dilkaasi iyo iney sirdoonka dowladda wariyaha dilka ugu geysteen qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istaanbuul sanaddi 2018-kii. Dhanka kalena, waxaa arrinta uga sii daray dagaalka Sacuudiga uu ku qaaday dalka dariska la ah ee Yemen oo socda muddo shan sano ah, welina wax natiija ah aan laga gaarin iyo xurgufta siyaasadeed ee kala dhaxeysa Qadar oo ay ika wada mid ahaayeen waddamada khaliijka ee uu iskaashiga ka dhexeeyo (GCC). Marka Sacuudiga dhibaato aad u weyn ayaa heysata? ‘Horay uga bixid’ Ugu horreyn waxaa jira aragtiyo dhowr ah. Cudurka safmarka ee coronavirus wuxuu wiiqay guud ahaan dhaqaalaha Sacuudiga iyo Caalamka oo dhan. Sacuudiga wuxuu leeyahay sanduuq maaliyadeed oo dhaqaale badan uu ku baxay, kaaso ah Sanduuqa Maalgashiga Dadweynaha, oo dib loogu soo noqdo, kaas oo lagu qiyaasay inuu ku kacay ama loo qoondeeyey $320 bilyan oo doolar. Si la mid ah shirkadda weyn ee saliidda soo saarta oo ay dowladdu leedahay dhaqaalaheeda sanadkii hore waxaa lagu qiimeeyey $1.7 trilion oo doolar, taasoo la mid ah dhaqaalaha ku kaca shirkadaha Google iyo Amazon oo la isu geeyay. Shirkadda shidaalka ee ARAMCO ayaa weli caalamka ka ah shirkad si weyn loo aqoonsan yahay Saami aad u yar oo dhan 1.5% – oo laga iibiyay shirkaddaas ayaa lacag ahaan gaaray $25 balyan oo doolar, wuxuuna noqday kii ugu horreeyay ee ay iska iibiso ARAMCO intii ay jirtay. Sacuudi Carabiya wuxuu sidoo kale wajahayaa khataro kaga imaanaya dhinaca Iiraan, iyada oo tusaale ahaan loo soo qaadan karo gantaalladi sanadkii hore lagu weeraray shirkadda ARAMCO iyo goobo kale oo ku yaalla Sacuudi Carabiya, ugu dambeyntiina ay sababtay taliyaha ciidamada ilaalada Iraan inuu Mareykanka Khaarijiyo. Bishanna Pentagon-ka Mareykanka ayaa la noqday gantaallada Patriot ee lagu difaaco gantaallada kale, maadaama laga laga baqayo inay ay khataro badan uga yimaadaan ururrada IS iyo Al-qaacida. Haddaba Sacuudi Carabiya ayaa weli wuxuu wajahayaa caqabado halis badan, kuwasoo kala ah: Dhaqaalaha Toddbaadkan hadalka ka soo yeeray boqortooyada ee ku saabsan faa’iidada ka soo baxdo saliidda la iibiyo waxay welwel badan ku abuurtay mustaqbalka muwaaddiniin badan oo dalka Sacuudiga u dhashay. Wasiirka maaliyadda oo go’aanka dowladda shaacinayey laftiisa wuxuu adeegsaday ereyga ah “tallaabo xanuun badan”. Wuxuuna sheegay in dowladda ay go’aankeedaasi ku badbaadineyso $26 bilyan oo doolar, balse saameynta dhaqaale ee uu Covid-19 dalkaasi u geystay iyo qiimaha saliidda ee hoos dhacay ayaan yareyn, waxayna dhibaatadaas si toos ah u taabatay bangiga dhexe ee Sacuudiga oo dhaqaalaha dalka maamula. Caqabadaha dhaqaale ee Sacuudiga soo wajahay waxay saameynayaan mashaariicda waaweyn Seddexdi biilod ee ugu horreysay sanadkan daldaloollada dhinaca miisaaniyadda waxay gaartay $9 balyan oo doolar. Xilligan ayaa ah marki ugu horreysay uu Sacuudi Carabiya dhaqaalahiisa sagxadda soo taabto. shirkii dalalka ku bahoobay GCC ee Abu Dubai lagu qabtay 1998-kii, Amiir cabdalla oo xilligaa dhaxal suge ahaa wuxuu waddamada khaliijka la wadaagay digniin ku aaddan dhaqaalaha waddamada iyo waxa soo food saari kara. “Shidaalka fuustadii wuxuu marayaa $9 doolar,” ayuuna ku yiri waddamada isaga oo sheegay xilligii ay dhexda xiran lahaayeen in la joogo.” Coronavirus iyo qiimaha shidaalka ayaa si weyn u saameyn doona mashaariicda waaweyn ee ka socday boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyada oo weli laga dhursugayo inuu sii socon doono hirgelinta himilooyinka barnaamijka 2030 laguna guuleysan doono iyo inkale. Sacuudi Carabiya wuxuu ka mid yahay dalalka Bariga dhexe ee uu sida weyn u saameeyey Coronavirus Barnaamijyada ugu waaweyn ee uu wado dalka Sacuudi Carabiya waxaa ka mid ah si uu dalkaasi uga gudbo dhaqaalahiisa ku tiirsan saliidda iyo shaqaalaha xirfadda leh ee dibadda uga imaada. Waxay dowladda dhulka saxaraha ee NEOM ka dhiseysaa magaalo xuddun u noqta dhaqaalaha dalkaasi oo ay ku kaceyso $500 oo bilyan oo doolar. Dunida heerka ay ka taagan tahay Sumcadda ay Sacuudi Carabiya ku lahayd caalamka waxaa si weyn u dhaawacay cambaareyn xoogganna uu caalamka kala kulmay dilkii Khashuqji iyo sida ay dilkaasi u qarisay boqortooyada. Danjiraha Sacuudiga u fadhiya magalada London wuxuu dhacdadaasi ku tilmaamay ‘mid sumcadda aad u wasakheysay.” Qaar ka mid ah dadka looga shakisanaa dilka Khashuqji oo aan wax tallaabo laga qaadin ayaa horseeday cambaareyn xoog leh oo Riyaad uga imaaneysa kooxaha xuquuqda aadaha u dooda iyo qaramada midoobay. Wakhti xaadirkan Sacuudi Carabiya waxay waddaa qorsheyaal cusub oo ay dib ugu soo nooleyneyso maalgashiga oo ay ka mid tahay 80% iney Kooxda kubbada cagta ee New castle iibsato. Rabitaankaasi Sacuudiga waxaa si weyn uga hortimid haweeneydi uu guursan lahaa Khashuqji, Hatice Cengiz, iyada oo sheegtay iney tahay mid anshaxa ka hor imaneyso. Diyaaradaha dagaalka duqeymaha ay ka geystaan gudaha Yemen ayaa marar badan Riyaad loogu soo jeediyey dhaleeceyn iyo iney dambiyo dagaal ka geystaan waddankaas. Duqeymaha ay diyaaradaha Riyadh sameeyaan ayey mararka qaar shacab ku waxyeelloobaan, taasoo Mareykanka oo ay saaxibbo dhow yihiin Sacuudiga xataa cambaareyn xooggan uu u soo jeediyey. Dagaalka Yemen oo afar sana socda guulo aad u yar ayaa laga gaaray Saaxibbada gaarka ah ee xulafada la ahaa dhaxlasugaha boqortooyada Sacuudi carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa ah Madaxweyne Trump iyo Madaxweyne Putin. Balse sanadkan marki uu qiimaha saliidda hoos udhacay ayuu madaxdaasi ku eedeeyey iney dhaqaalaha gudaha ee Sacuudi carabiya waxyeelleeyeen. Xiriirka Iiraan kala dhaxeeyana wuxuu marayaa dagaal qaboow iyada oo ay Iiraan xiriir dhow la leedahay Qadar oo ay Sacuudiga iska soo horjeedaan. Awood Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salman oo ay da’diisu tahay 34 sano ayaa u muuqda mid aan laga guuleysan karin. Wuxuu ku gabbanayaa aabbihiisa 84 jirka ah cid kasta oo ka hortimaaddana waddadiisa ayuu ka leexinayaa. Amiir Maxamed Bin Nayef oo ay Maxamed Bin Salmaan ilmadeer yihiin oo awood badan lahaa wuxuu xilka ka qaaday 2017-kii isaga oo ku eedeeyey isku day afgambi oo dhacay sanadkaas. Xubno kale oo boqortooyada muhiim ka ahna xabsiga ayuu u taxaabay. Sawirka Maxamed Bin Salmaan oo ku dhaggan magaalada Jizan Maxamed Bin Salmaan ayaa ah mid dibadda sumacad badan ku leh, gaar ahaanna taageero aad u weyn wuxuu ka haystaa qurbajoogta, siiba dhalinyarada. “Waa midka ay si weyn uga faa’ideen xorriyadda dib u xureyntiisa,” ayuu yiri Sir William Pattey. Isbadallo badan oo isugu jira dhinaca dhaqaalaha iyo habdhaqanka bulshada ayuu hor seeday Maxamed Bin Salmaan intii uu soo shaac baxay kaddib, waxyaabo kale oo badanna wuu ku haminayaa. Haddii ay riyooyinkaas rumoobi waayaan, shan sano oo hadda kaddib ahna xal rasmi ah la heli waayo, markaas awoodda xad-dhaafka ah ee Sacuudigu uu ku leeyahay Caalamka waxay billaabi kartaa inay wiiqanto. Qaran News
  24. Wuxuu noqon lahaa kulankii ugu dambeeyey, wareega koowaad ee tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle, haddii uu xalay dhici lahaa tartankii u dhexeeyey Kaxda iyo Waabari oo ka tirsan gobolkaan Banaadir, balse labada degmo ayaa ka baaqday barnaamijka, sababo la xariira arrimo maamul iyo mid farsamo intaba. Xasan-Weli Sheekh Abuubakar guddoomiyaha guddiga tartan aqooneedka bisha Ramadaan ayaa sheegay in maamulka Shabelle uu wado baaritaan ku aadan waxa keenay in Kaxda iyo Waabari aysan soo xaadirin tartankii xiisaha badnaa ee la wada sugayey. Sidoo kale wuxuu ku wargeliyey labada degmo in caawa uu qaabsoomi doono kulanka u dhexeeya, gaar ahaan 8:00 habeenimo, Degmooyinka Kaxda iyo Waabari oo sidoo kale ka wada tirsan group-ka D ayaa leh dhibco siman, marka la eego natiijada tartamadii hore ee ay ka soo qeyb-galeen, waxaana mid waliba ay soo badisay hal kulan, halka min kulan kale ay barbaro soo galeen, hayeeshee degmada badisa caawa ayaa iska xaadirin doonto wareega sideed dhamaadka ee tartanka. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Sababta-uu-Tartanka-U-Baaqday-140520.mp3 View the full article