Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka laga helayo gobolka Bakool ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka ay howlgal kula wareegeen deegaano cusub oo ka tirsan gobolkaasi. Taliyaha guutada 9-aad, qeybta 60-aad ee gobolka Bakool Mukhtaar Maxamed Cabdullaahi (Geesey) oo ka warbixiyey howlgalkaasi oo ahaa mid qorsheysan ayaa sheegay inay kula wareegeen deegaano dhowr ah oo dhaca bariga magaalada Xudur ee K/ Soomaaliya. Sidoo kale taliyaha ayaa xusay in deegaanada ay la wareegeen ay saldhigyo ku lahaayeen dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay inay sii wadi doonaan dhaq dhaqaaqyadooda, inta Al-Shabaab laga saarayo gobollada Baay iyo Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. View the full article
  2. Guddoomiye ku xigeenka degmada Bardaale ee gobolka Baay, Mudane Maxamed Isxaaq Xasan oo u warramay Shabelle ayaa ka warbixiyey xaaladda ammaan ee degmadaasi. Maxamed Isxaaq ayaa sheegay in amniga degmada uu haatan yahay mid wanaagsan, balse wuxuu tilmaamay in mararka qaar ay weeraro gaadmo ah kala kulmaan Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka Bardaale inay ciidamada amniga kala shaqeeyaan sugida nabad-gelyada, si looga hortago wax kasta oo qatar ku ah amniga magaaladaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-bardaale-1-.mp3 View the full article
  3. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-15052020-ss.mp3 View the full article
  4. ROME (AP) — A right-wing lawmaker apologized Thursday for calling a young Italian woman who converted to Islam while held hostage in Somalia a “neo-terrorist.” Source: Hiiraan Online
  5. Ankara (Caasimada Online) – Iyadoo Covid-19 uu uga si darayo dhaqaalaha Turkiga ayaa Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee CHP waxaa uu sheegay in xubno Dowladda ka tirsan iyo warbaahin uu hogaaminayo Madaxweyne Erdogan ay ku eedeeyeen qorshe afgambi. Eddeyntii ugu adkeyd waxaa ay madaxda sare kasoo baxday 4-tii May kadib markii uu Erdogan gudoomiyay shir muuqaal ah oo ay yeeshee golaha wasiiradda, isagoo jooga meesha uu ka degna yahay Madaxtooyada. Erdogan waxaa la rajeynayay in uu diiradda saaro dib usoo celinta shaqada dowladda iyo qorshe lagu xadidayo safmareenka, laakiin waxaa uu qayb ka mid ah khudbadiisa kusoo qaatay caro ka dhan ah xisbiga ugu weyn mucaaradka. Xisbiga CHP ayaa sheegay in Erdogan uu muujiyay “aragti kaligi talis, taas oo aan ku fiyoobeyn sarreeynta sumcadda qaranka, dimoqaradiyadda, cadaaladda iyo doorashooyinka la rajeynayo.” Dhaqanka CHP waxaa haga “damacooda ah in ay maamulka waddanka ku qabsadaan afgambi iyagoo aan u marin hanaan demoqaraadi ah,” ayuu yiri Erdogan. Isagoo ku daray “taasi waa waxa noo sawirmaya marka aad isku geyso hadallada ay sheegtay hogaanka CHP todbaadkii lasoo dhafay oo keliya.” Inkasta oo uusan Madaxweynuhu magacabin hogdaanka CHP ee uu cambaareeyay, haddana dib u eegis lagu sameeyay warkii CHP ee dhowanahaan, ayaa muujiyay in uusan jirin war lala xiriirin kara in CHP ay dooneyso in ay talada wadanka xoog ku qabsato. Bishii April 29-kedii war uu siiyay TV-ga Halk ayaa Kaftancioglu oo hogaamisa xisbiga CHP waxaa ay sheegtay “isbeddel Dowladeed iyo nidaamka Dowliga ah ayaa la filayaa iyadoo loo marayo doorashooyin ama xitaa hanaan kale waqiga soo socda.” Sida ku cad eedeynta Dowladda, waxaa baraha bulshadda iyo akoono warbaahined oo ay maamulsho Kaftancioglu lagu faafiyay “qaab kale oo awooda lagula wareegayo” taas oo ay Dowladdu u fasirtay afgambi. Kaftancioglu waxay sideedii bishan sharaxad ka bixisay hadalkeedii. “Waxaan iri Dowladu waxay geli doontaa doorasho xilli hore oo waqtigeedii laga so horumariyay ama mid caadi ah, markii horeba waan saadaalinayay isbedel nidaamka ah” ayey tiri. Ahmet Mahmut Unlu oo loo yaqaano Ahmet Hodja ee qarsoon ayaa 11-kii May waxaa uu qabsaday cinwaanada warbaahinta isagoo ka digaya Afgambi. “Waxaa jirta khatar afgambi. Waxaan arkay riyooyin, khatar ayaa jirta ayuu yiri. Waxaa uu hadalkiisa ku daray khatartaani aysan ka imaaneyn Fatxullahi Gulen iyo kooxdiisa sidii dhacday July 2016. Hase yeeshee kuwa ku dhow CHP ayaa sheegay in eedeynta la xiriirta afgambiga laga leeyahay ujeed ah in la abuuro cabsi afgambi, si loo kiciyo taageerayaasha dowladda ee xisbiga AKP. “AKP waxay isku dayeysaa inay sii joogteyso taageeradeeda inkasta oo dalka ay ka jirto qalalaase dhaqaale xumo, si loo weeciyo dareenkooda o loogu abuuro cabsi kale,” ayuu yiri xisbiga CHP. Waxay sidoo kale ka digeen in abuurka cabsi afgambi ay dowladda dhabbaha ugu xaaran karto xukun kali talis oo dheeri ah. Ugu dambeyn, sida ay qabaan CHP. marka ay sii ballaarato cabsida la xiriira afgambiga, waxaa kuwo aan sharci ahayn laga dhigi doonaa CHP, kadibna waxaa lagu baaqi doonaa doorashooyin waqtigooda kasoo hormara, oo guulaha ay ku kordhisan karaan AKP.
  6. Postponed elections may leave it without a legal government Source: Hiiraan Online
  7. Turkey’s government has appealed to foreign allies in an urgent search for funding, three senior Turkish officials said, as it prepares defences against what analysts fear could be a second currency crisis in as many years. Source: Hiiraan Online
  8. 24 people have been killed and more than 283,000 others have been displaced by floods in Somalia, according to figures released by the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) in Somalia. Source: Hiiraan Online
  9. Somali officials say they have deployed helicopters to spray new swarms of desert locusts that are eating crops and threatening the country’s fragile food supply. Source: Hiiraan Online
  10. Milan (Caasimada Online) – Silvia Romano oo ah gabadha Talyaaniga ee naceybka iyo weerarada la kulantay kadib markii ay shaaca ka qaaday inay Islaamtay, lana baxday, ayaa markii ugu horreysay la hadashay saaxiibadeeda. “Waxaan idin weydiisanayaa inaadan carroon si aad aniga ii difaacdaan, wixii ugu xumaa ee isoo mari karay waa isoo mareen,” ayey tiri Silvia oo qoraal soo dhigtay facebook, kaasi oo ay arki kareen kaliya saaxiibadeed. “Dhammaan saaxiibadii ku dhowaa qalbigeyga mudda fog, aad ayaad u mahadsan tihiin, aad ayaad u mahadsan tihiin. Waxaan sidoo kale u mahad-celinayaa kuwa aan saaxiibadey ahayn ee aan I aqoon balse waqti u huray inay iga fakaraan.” “Dhammaan kuwa waalidkey iyo walaashey sida gaarka ah ee lama filaan taageerada u siiyey, inaan ogaado jaceylka aad ii haysaan waa wax fraxad un keeni kara, aad ayaad ugu mahadsan tihiin.” “Ma sugi karin inaan kasoo dego diyaaradda, sababtoo ah waxa iigu muhiimsan waxay ahayd inaan la kulmo dadka ugu muhiimsan nolosheyda, waxaan weli dareemayaa diiranaantooda, waxaana u sheegayaa inta aan jeclahay, inkasta oo aan xiranahay dharkan.” “Waxaan dareemayaa inay eegayeen dhoola caddeyskeyga, una riyaaqayeen la joogisteyda, sababtoo ah ugu dambeyntii waan noolahay, halkan ayaana jooga, waan faraxsanahay, sababtoo ah waxaan arkay in kuwii aan jeclaa ay weli joogaan. Allah ayaa ku mahadsan.” “Codsigeyga ugu dambeeya wuxuu mar kale yahay inaadan carrood, si aad ii difaacdaan, wixii ugu xumaa ee isoo mari karay waa isoo mareen. Aan ku raaxeysano daqiiqaddan. Waan idin jeclahay.”
  11. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shalay kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka ee taageera Soomaaliya, ayaga oo ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka Soomaaliya. Kulanka oo ku dhacay qaab online oo muuqaal ah, ayaa masuuliyiintii Beesha Caalamka ka socotay ee ka qeyb-galay waxaa ka mid ahaa danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan, Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirada wadamada UK, Norway, Sweden, Germany iyo Wakiilada iyo Madaxda Ururada daneeya arrimaha Soomaaliya. Waxaa kulanka looga hadlay xaaladda Covid-19 ee Puntland, Amniga, Doorashadda Soomaaliya, Xiriirka Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah iyo madax banaanida Warbaahinta. Waxaa sidoo kale kulanka diiradda lagu saaray doorashadda Soomaaliya, islamarkaana in la adkeeyo in xilligeeda ay ku dhacdo, taasi oo beesha caalamka ay sheegtay inay muhiim tahay. Puntland ayaa horey u qaadacday sharciga doorashooyinka ee la ansixiyey, waxayna sheegtay inaysan ka qeyb-gali doonin doorashada haddii aan laga talo-gelin.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Gobolka Banaadir u magacaabay Garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka. Waa kuma guddoomiyaha cusub ee maxkamadda gobolka Banaadir? Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda gobolka Banaadir garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan waxa uu shahaadada heerka koowaad ee jaamacadda ka qaatay Jaamacadda Islaamiga ah ee Pakistan sanadkii 2008-dii, halka Shahaadada heerka labaad uu ka qaatay isla jaamadcaddaas, isagoo ku takhasusay culuumta shareecada iyo qaanuunka. Sidoo kale, garyaqaan Cabdikhadar waxa uu Shahaado kale oo heerka labaad ah ka diyaariyey diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah, isaga oo ka bartay Jaamacadda Kampala. Garyaqaanka ayaa dhowr iyo tobankii sano ee u danbaysay waxa uu la-taliye dhanka sharciga ah u ahaa qaar ka mid ah hay’adaha dowladda, hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa caalamiga ah. Dadka yaqaan Banaadir garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan ayaa sheegay inuu yahay nin howl-kar ah oo daacad ah, ayna filayaan inuu xilka u guto si daacadnimo ku dheehan tahay.
  13. Qudus (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa ogolaansho siiyey Israel, si ay u goosato oo ay ugu darsato qeybo ka mid ah dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka Anadolu Agency. “Dowladda Israel ayaa go’aan ka gaari doonta arrinta, oo ah goorta iyo sida ay ugu darsaneyso,” ayuu Pompeo ku yiri wareysi uu siiyey Kan Radio oo ku yaalla Israel. “Waxaan rajeynayaa in Falastiiniyiinta ay fahmaan in nabadda ay wax wanaagsan u tahay,” ayuu Pompeo ku yiri wareysiga oo uu soo xigtay wargeyska Jerusalem Post. Pompeo ayaa ka hadlayey waxa loogu yeeray heshiiska qarniga ee dowladda Mareykanka ay soo jeedisay, kaasi oo uu diiday madaxweynaha Falastiiniyiinta Mahmoud Abbas. Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ayaa Arbacadii Israel ku tegay booqasho hal maalin ah, isaga oo la kulmay Netanyahu iyo Gantz. Heshiiska Nabadda Bariga Dhexe oo 28-kii Janaayo uu shaaciyey madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa magaalada Qudus u aqoosanaya “caasimadda aan la kala qeybin ee Israel”, wuxuuna sidoo kale qeybo badan oo ka mid ah Daanta Galbeed u aqoonsanayaa inay ka mid yihiin Israel. Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in qorshaha Mareykanka uu Israel u ogolaanayo inay ku darsato 30 illaa 40 boqolkiiba dhulka Daanta Galbeed, oo ay ku jirto Bariga Qudus.
  14. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash ayaa sharci-darro ku tilmaamay magacaabista madaxweyne Deni magacaabay taliyaha ciidanka madaxtooyada iyo ku xigeenkiisa. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay heshay warbaahinta Puntland Post ayaa lagu sheegay in magacaabista taliyaha madaxtooyada iyo ku xigeenkiisa aan lagala tashan madaxweyne ku xigeenka taasi oo ka hor-imaanaysa Dastuurka iyo xeerarka kale ee u yaal dowladda Puntland. Dikreetada ayaa lagu caddeeyay in magacaabistaasi aysan sharciga waafaqsanayn islamarkaana G/sare Cabdiqani Maxamed Xarbi oo madaxweyne Deni uu xilka ka qaaday uu weli yahay taliye ku xigeenka ciidanka madaxtooyada Puntland. Mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa sidoo kale amar ku siiyay taliye ku xigeenkii madaxweyne Deni xilka ka qaaday in uusan u hoggaansamin xilka qaadista balse uu sii wato waajibaadkiisa shaqo. Halkaan ka akhriso dikreetada PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo sharci-darro ku tilmaamay Taliyaal uu magacaabay madaxweyne Deni appeared first on Puntland Post.
  15. Khasaare isu’gu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerar Galabta malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku sugan saldhiga Balli-Khar ee gobolka Bari. Ciidanka Daraawiishta Puntland oo iska caabiyay weerarkaasi waxaa la xaqiijiyay in ay ka dhinteen laba askari halka mid kalena ka dhaawacmay. Sidoo kale Ciidamada ayaa malayshiyaadka Al-shabaab ka dilay saddex xubnood islamarkaana waxay kooxdaas dib ugu carareen dhinaca buuraha oo ay weerarka ka soo qaadeen. Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa sheegaya in malayshiyaadka Al-shabaab ay doonayeen in ay weerar gaadmo ah ku qabsadaan saldhiga Balli-Khadar balse lagu jebiyay weerarkaas. Kooxaha Al-shabaab iyo Daacish oo ku dhuumaalaysta buuraha Galgala iyo Cal-Miskaad ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ku soo qaada saldhigyada Ciidamada difaaca Puntland kadib markii kooxahaas horay loogu jebiyay dagaalladii tooska ahaa. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo weerar la beegsaday Ciidamada Puntland ee ku sugan buuraha Galgala appeared first on Puntland Post.
  16. Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mas’uuliyiin cusub u magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir. Madaxweyne Farmaajo ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir u magacaabay Garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka, isagoo xilkaas ka qaaday Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed oo soo hayey tan iyo Luuliyo 2018-kii. Sidoo kale, Garyaqaan Maxamed Axmed Cismaan ayaa Madaxweyna Soomaaliya u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, waxaana xilkaas laga qaaday Garyaqaan Abshir Cumar Cabullaahi. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku adkeeyey Guddoomiyeyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarraynta sharciga, si simanna ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed. PUMTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyey appeared first on Puntland Post.
  17. Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Bar___Qubanaha-14052020-web.mp3 View the full article
  18. Muqdisho (Caaismada Online) – Guddoomiye ku xigeenka gobolkaas ahna ku-simaha guddoomiyaha Cismaan Nuur Xaaji Macalimu ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sidii loo soo qaban lahaa madaxda maamulka Jubbaland. Guddoomiye Macalimu oo gacan saar la leh dowladda federaalka ayaa sheegay inay gobolka Gedo ka suuliyeen qof taageersan maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Madoobe, isla markaana ay qabashada Jubbaland uga harsan tahay oo kaliya inay soo xiraan seddax nin oo uu Axmed Madoobe ku jiro. Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Cismaan Nuur oo la hadlay Idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in guddoomiyeyaashii ay dowladda dhexe u magacawday degmooyinka gobolka Gedo ay si caadi ah u howlgaleen, isla markaana aysan jirin cid ka hor timid markii laga reebo hal nin, kaas oo uu sheegay in aan la xirin, balse laga qaaday degmadii uu isku dhejinayey oo la geeyay magaalo kale. “Qof maanta Axmed Madoobe taageersan oo gobolka Gedo iska daaye Jubbaland ku noolaan kartaa marto, qabashada Jubbaland-na waxaa nooga harsan oo kaliya in lasoo qabto seddax nin oo kala ah, Axmed Madoobe, Xidig iyo Cabdirashiid Janan,” ayuu yiri Cismaan Nur Xaaji Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo. 16-kii bishii Abriil ayey aheyd markii ay Madaxweyne Axmed Madoobe iyo xubnahii isbedel doonka Jubbaland oo uu ku jiray Cabdirashiid Xidig ay heshiis ku kala saxiixdeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Halkan ka dhageyso codka Cismaan Nuur Xaaji https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/maclimow.mp3
  19. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-habeen-14052020-web.mp3 View the full article
  20. The wave of coronavirus pandemic has continued to spread across East African states with Somalia now taking the lead in confirmed cases of COVID-19 in the region. The latest update from the health ministry in Somalia indicates the country has so far recorded 1284 infections, overtaking Tanzania and Kenya which have 509 and 758 cases respectively. According to the updated released on Thursday, May 13, 65 new cases were recorded leading to the upsurge from 1219 to 1284. Fawziya Abikar, Health Minister of Somalia said a patient succumbed to the deadly virus in the latest cases, bringing the total number of fatalities to 53. She said five people recovered from the deadly virus, raising the total number of recoveries to 135. According to the minister, 41 of the latest cases are males while 24 are female patients. She said 13 of the cases were detected in Banadir, an administration area that covers the capital Mogadishu, 24 cases in Southwest region, 14 cases in Somaliland, 13 other cases in Puntland and a case in regional state of Jubaland. The majority of the cases, including the first fatality, have no travel history, signifying local transmission of COVID-19. She added. Despite the high number of infections in the country, the Horn of Africa nation has instituted measures to contain the possible spread of COVID-19 including closing schools, banning large gatherings and suspending international and domestic passenger flights. Kenya which has the second highest infection rate in the region at 758 has so far recorded 284 recoveries and 42 deaths. Tanzania with 509 infections has recorded 183 recoveries and 21 fatalities while Uganda with a total of 139 infections has 55 survivors and zero fatalities.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska booliska Soomaaliya oo ka hadlay dagaalkii xalay ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in askar loo xiray isku dhacii degmada Hodan ku dhex maray ciidamo ka kala tirsanaa booliska militeriga Soomaaliya. Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isku dhacaas uu ka dhashay ciidamo si qaldan u weeraray ciidamo ku sugan bar koontorool oo lagu ogaa, balse si gaar ah uma uusan carabaabin ciidamada wax weeraray kuwa ay yihiin. “Dhacdadaas waxay aheyd ciidan lagu ogaa bar koontorool iyo ciidan kale oo ka soo baxay xeradii lagu ogaa, ayaa si qaldan oo si faham darro ah iskugu dhacay meeshaasna waxaa ka dhalatay tacshiirad sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh,” ayuu yiri Afhayeen Booliska Soomaaliya. Afhayeenka ayaa sheegay in isaga oo ku hadlaya magaca ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya uu raali galin buuxda kasii nayo shaqaaqadii xalay qoysaskii lagu dul dagaalamay. “Waxaan rabaa in aan umada Soomaaliyeed gaarsiiyo, ugana tacsiyeeyo dadkii wax ku noqday tacshiiradii xalay, in aan raali gelin dul dhigo dadkii ka agdhawaa soonka uu xalay dagaalkaas ka dhacay, in aysan aheyn wax munaasab ah, kuna habooneyn dhegaha umadda Soomaaliyeed ay gaaraan xilligan. “Waxaana umadda u balan qaadeynaa, in askartii ku lug laheyd tacshiiradaas la hor keeni doono cadaaladda, sida ay qabto shuruucda dalka, waxaan digniin u direynaa ciidamada ka wada tirsan dowladda in aan la aqbali doonin isku dhac dambe oo ciidan, cidii dambe oo ku lug yeelatana sharciga ayaan waafaji doonaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Sidoo kale waxa uu sheegay inay balan qaadayaan in isku dhacyada ciidamada dowladda ku dhex mara magaalada Muqdisho ay wax weyn ka qaban doonaan, isla markaana ay ku dadaalayaan in mar dambe aysan soo laaban tii xalay oo kale. Dagalkii xalay dhex maray labada ciidan waxaa ku dhintay askar iyo sarkaal lagu magacaabi jiray Daahir Sheekh Axmed, oo ka tirsanaa Saraakiisha ciidanka xoogga dalka, Qaybta 21aad, waxaana la sheegay in uu kamid ahaa saraakiil goobtaas u tagtay inay kala dhex galaan labadii ciidan ee tirirtu u dhaxeysay. Halkan ka Daawo
  22. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir kaddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka. Waxa uuna xilkaas ka qaaday Garyaqaan Muuse Maclin Maxamed oo soo hayey tan iyo Luuliyo 2018-kii. Sidoo kale, Garyaqaan Maxamed Axmed Cismaan ayaa Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir. Xilkan oo horey uu u hayey Garyaqaan Abshir Cumar Cabullaahi. Madaxweyne Maxamed Cabdullaaho Farmaajo ayaa ku adkeeyey Guddoomiyeyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarraynta sharciga, si simanna ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed. Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay gudoomiyeyaashii hore ee xilka laga qaaday wakhtiga ay u hureen u adeegidda shacabkooda iyo dalkooda. View the full article
  23. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir kaddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka. Waxa uuna xilkaas ka qaaday Garyaqaan Muuse Maclin Maxamed oo soo hayey tan iyo Luuliyo 2018-kii. Sidoo kale, Garyaqaan Maxamed Axmed Cismaan ayaa Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir. Xilkan oo horey uu u hayey Garyaqaan Abshir Cumar Cabullaahi. Madaxweyne Maxamed Cabdullaaho Farmaajo ayaa ku adkeeyey Guddoomiyeyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarraynta sharciga, si simanna ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed. Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay gudoomiyeyaashii hore ee xilka laga qaaday wakhtiga ay u hureen u adeegidda shacabkooda iyo dalkooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Galabta waxaa Dagaal waji waji ah uu ka dhacay Buuralayda Galgala, kadib markii ay halkaas howlgal ka bilaabeen Ciidamada Puntland. Wararka aan halkaas ka helayno [...] Source
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir kaddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed. Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka. Xilkan ayaa waxaa laga qaaday Garyaqaan Muuse Maclin Maxamed oo soo hayey tan iyo Luuliyo 2018-kii. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa garyaqaan Maxamed Axmed Cismaan u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir. Xilkan ayaa waxaa laga qaaday Garyaqaan Abshir Cumar Cabullaahi. Magacaabista madaxweynaha ayaa timid ayada oo dhowaan uu jiray khilaaf u dhaxeeyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha maxkamadda gobolka Muuse Maclin Maxamed, kaasi oo keenay in Baashe xilka uu ka qaado Muuse, inkasta oo Muuse uu ku gacan seeray. Si kastaba, waxaa hadda muuqata in loolankii labada guddoomiye uu ku adkaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed.