-
Content Count
214,482 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
NAIROB (HOL) - Nairobi’s Eastleigh estate will from today be put on lockdown as the Kenyan government moves in to curb the fast spread of COVID-19 in the Somali populated suburb. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Millatariga dalka Itoobiya ayaa ka hadlay eedeynta loogu jeediyay in ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl-galada midowga afrika ee AMISOM ay soo rideen diyaarad galabnimadii Isniintii. Ciidamada Itoobiya oo saldhig ciidan ku leh nawaaxiga madaarka diyaaradaha magaalada Bardaale ayaa lagu eedeyay inay soo rideen diyaarad siday gargaar caafimaad oo kasoo duushay magaalada Muqdisho, xili ay muujinayaan muuqaalo uu duubay Satellite-ku inay diyaarada ku dhacday walax, iyada oo cago dhigan rabta madaarkaasi. Gaashaanle sarre Mohamed Tessema oo ah madaxa xiriirka warbaahinta ee ciidamada Itoobiya ayaa si cad u sheegay inuusan war u hayn oo uusan maqlin xog ku saabsan in diyaarada xamuula ay soo rideen ciidamadoodu. Tessema oo si kooban uga hadlay arrinkaasi, ayaa u muuqda mid gebi ahaanba diidan eedeynta loogu jeediyay inay ciidamadoodu soo rideen diyaarada, maadama ay degan yihiin meel aan wax badan ka fogeyn madaarka ay soo cago dhiganeysay diyaaradaasi. Diyaaradaasi ayaa waxa ku geeriyooday lix qof oo saarna, oo labo kamid ah ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed, halka inta kale lagu sheegay Ajaaniib. Weli waxa socda baaris ku aadan diyaaradaasi ku burburtaay Bardaale, inkasta oo xogaha hordhaca ah ay muujinayaan inay lug weyn ku leeyihiin ciidamada Itoobiya ee ag dagan madaarkaasi, walow aysan jirin warbixin si rasmiya u cadeynaysa eedeyntaasi.
-
Captain Mabruk Islam Sherman spoke to his wife and three children around noon, informing them of his trip to Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ilo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen Caasimada Online, waxaa muddo saacado ah garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho lagu xanibay diyaarad yar oo ay raaci lahaayeen wafdi heer maamul ah oo u socday Galmudug. Sida la xaqiijiyay wafdigaas waxaa hogaaminayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo qaar ka tirsan Wasiiradda cusub ee maamulka Galmudug uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor. Diyaaradda waxey kusii jeeday magaalada Dhuusamareeb, waxeyna qaadi laheyd xubno ay ku jiraan Axmed Macalin Fiqi oo dhawaan loo magacaabay Wasiirka Amniga Galmudug, Cabdinaasir Gelle oo isna helay xilka Wasiirka Qorsheynta iyo Xubno kale. Wararka waxey sheegayaan in Taliyaha Nabad-sugidda ee Garoonka Muqdisho uu diiday iney diyaaradda ay hawada gasho, iyadoo ogolaansho ka heysatay Hay’adda duulista Hawada, balse isaga uu sheegay inaan lagu soo wargelin ogolaanshahaas. Muddo xayiraad ah kadib, diyaaradii ayaa loo ogolaaday iney ka dhoofto garoonka Aden Adde, iyadoo maamulka garoonka ay arrinta soo faragaliyeen maadaama aysan jirin sabab loo hor istaagi karo diyaarad amar ka heysata Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada. Ma jiraan diyaarado rakaab ah oo isaga kala goosha dalka maadaama loo xanibay sababo la xiriira faafista cudurka Coronavirus, balse waxaa jira diyaarad u kireysan hay’adaha dowliga ah iyo mas’uuliyiinta kuwaas oo hawlo gaar ah ugu amba-baxa gobolada dalka.
-
Marxuum Axmed Cali Salaad Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee guurti Axmed Calisalaad Aaden Garaad Cawl oo ku geeriyoodey Magaalada Ceelbuh ee Gobolka Sanaag. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee guurti Axmed Calisalaad Aaden Garaad Cawl oo ku geeriyoodey magaalada Ceelbuh ee Gobolka Sanaag.” Marxuum Axmed Calisalaad oo aad looga yaqaanay Gobolka Sanaag, waxa uu ka mid ahaa Guurtida Gobolka Sanaag, isagoo ku suntanaa ka shaqeynta Nabadeynta iyo Horumarinta Bulshada Gobolkaas. Madaxweyne Deni, ayaa geerida Marxuumka uga tacsiyeeyay shacabka Puntland, gaar ahaan bulshada Gobolka Sanaag, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoysaskii uu ka geeriyoodey, wuxuuna Alle uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo. PUNTLAND POST The post Guurti Axmed Cali Salaad oo geeriyooday iyo Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay appeared first on Puntland Post.
-
Barnaamijka Waayihii Shabelle oo ah barnaamij gaar ah ayaa waxaan ku eegi doonaa marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Shabelle oo maanta 18-sano jirsatay. Waxaa si wadajir ah u soo jeedinaya, Cabdullaahi Cismaan Sheekh Axmed (Cadaani) iyo Safiyo Cismaan Cabdulle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/WAAYIHII-SHABELLE-6-5-220-OKOK-.mp3 View the full article
-
Maxamed Abuukar Jacfar guddoomiyaha degmada Deyniile ee gobalka Banaadir oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa ka jawaabay eedeymo la xiriira tacaddi oo maalmihii la soo dhaafay ay ku eedeeyeen dhalinyaro ku nool degmadaasi. Guddoomiyaha ayaa waxyaabaha lagu eedeeyay waxaa ka mid ah in degmadiisa uu yaal xabsi si gaara loogu ciqaabo dadka dhaliila siyaasadda guddoomiyaha degmada Deyniile, balse Maxamed Abuukar Jacfar ayaa eedeyntaas gaashaanka u daruuray isaga oo ku tilmaamay inay tahay waxba kama jiraan. Waxa uu sheegay inaysan marnaba ka go’nayn dhibaataynta shacabka balse ay mar walba isku xilqaamaan sidii ay bulshadooda ugu adeegi lahaayeen isaga oo intaas raaciyay in dhalinyarada dhaliisha u jeedisay ay yihiin dhalinyaro ka shaqeysa degmada islamarkaan iyaga dhexdooda ay isku dhaceen. Guddoomiye Jacfar ayaa intaas raaciyay inaysan marnaba raali ka ahyn in qof shacab ah lagu sameeyo wax xadgudub ah isaga oo yiri “Shacab lagu dhibaateeyay ma jiraan degmadaan anagu waxaan u joogno waa shacabka aan dhibaatadana ka ilaalino wixii hormara oo ay u baahan yihiinna aan u qabano dhalinyarada wararkoodu wey isoo gaarayeen ma ahyn shacab ka yimid bannaanka ee waxa ay ahaayeen dhalinyaradii degmada ka shaqeynaysay waxa ayna ahayd wax iyaga dhexdooda ka dhacay annaguna raali kama nihin in qof shacab ah xadgudub loo geysto”. Dhanka kale guddoomiyaha ayaa carabka ku dhuftay in qofkasta oo qalad gala ay ku qasbanyihiin inay soo xiraan taas badalkeedana aysan dhici doonin in inta qof dambi galo la sii daayo isaga oo ku nuuxnuuxsaday in siyaabooyin kala duwan loo qaado qaladka ka dhex dhaca maamulka degmada iyo kan ay geystaan dadka shacabka ah. “Tan kale qofkii iyadu qalad sameysaa sharciga inay marto ayey ku qsbantahay maahee inta qalad sameyso la iska deynmaayo in la soo xiro waa lagu qasbanyahay qaladku marka maamulka dhexdiisa mid ka jira ayuu noqdaa marna waxaa jiraa wax shacabka dhexdiisa ka dhaca waddada ay leedahay ayey maraan” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Deyniile. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa beeniyay in xabsi la yiraahdo Cusboole lagu xiro dadka shacabka ah waxa uuna arrinkaas kaga jawaabay in xabsigaasi lagu xiro askarta qaladaadka geysata balse shacabka lagu xiro saldhigga degmada Deyniile. Arrintan ayaa ku soo aadaysa xilli Bulshaawi Xasan Axmed iyo Cabdicasiis Haaraay oo ka mid ah dhalinyarada degmada Deyniile ay Goobjoog News u sheegeen in tacaddi ka dhan ah xuquuqul aadanaha uu kula kacay guddoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar. Bulshaawi Xasan Axmed ayaa Goobjoog News u sheegay in 19-kii April lagu dhibaateeyay xabsiga Cusboole ee degmadaasi isaga oo yiri “Xaqiiqatan kiiskaas waa igu dhacay waaa sax 19-kii April ayuu igu dhacay waxaa igu sameeyay maamul jira oo ka dhisan degmada Deyniile sidaas darted dhibaatadaas I gaartay aad ayaan uga xumaaday waxay ahayd wax bani’aaddanimada ka baxsan”. Dhiniciisa Cabdicasiis Haaraay oo ah wariye madax bannaan ayaa sheegay in la xiray ka dib markii bartiisa Faceboogga uu ku qoray israsaaseyn dhexmartay ciidanka dowladda iyo ciidamada Guddoomiyaha Deyniile waxa uuna xusay in gurigiisa xilli habeen ah lagu soo weeraray gaadiid dagaal isaga oo intaas ku daray in jirdil loo geystay. “Dhibaateyn iyo israsaaseyn dhexmartay isaga iyo ciidanka dowladda waxaas ayaan Facebook ku qoray oo la igu xiray gurigeyga todoba saac oo habeenimo ayaa loo soo dhacay saddex Cabdi bile ayaa la igu soo weeraray ilmahayga argagaxaa lagu abuuray aniga jirdil ayaa la ii geystay waa la I xiray ka dib waxaa la igu yiraahday xorriyaddaada waxaa ku doorataa inaad raali galin bixiso” ayuu yiri Cabdicasiis Haaraay. Maalmihii la soo dhaafay ayaa si aad ah loo hadal hayay in guddoomiyaha degmada Deyniile uu xabsi gaara ku dhibaateeyo dadka dhaliila isaga iyo maamulkiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dayniile (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Degmada Dayniile Maxamed Abuukar Cali( Jacfar) ayaa ka hadlay wararkii maalmihii ugu dambeeyey la isla dhex mariyey ee ku saabsanaa in Degmadaas laga sameeyey xabsi gaar ah oo lagu ciqaabo dadka Shacabka ah. Guddoomiyaha ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay inuu degmada Dayniile ka sameystay xabsi gaar ah, wuxuuna sheegay in xabsiga Degmada ku yaalla uu kaliya yahay Saldhigga Booliska ee Degmada. Guddoomiyaha oo wax laga waydiiyey dadkii cabanayey ee sheegay in la geeyey xabsi gaar ah oo ku yaalla Degmada Dayniile, islamarkaana halkaas lagu ciqaabay ayaa sheegay in warkaas uu yahay been abuur ah. “Waa arkayey dhallinyarada meelaha ka hadleysay, ma aheyn dad shacab ah oo banaanka ka yimid, waxay ahaayeen dhallinyaradii ka shaqeyneysay degmada oo loogu sheekeeyey in waxyaabahaas hey’adaha looga helayo lacag iyo in dibadda la isku qaado,” ayuu yiri. “Xabsiga Cusboole ee la leeyahay xilligii Siyaad Barre ayaa la dhisay dad gaar ah ayaa lagu ciqaabaa, waa Saldhigga rasmiga ah ee Degmada Dayniile,” ayuu sii raaciyey. Guddoomiyaha ayaa sheegay in wiilkii saxaafadda la hadlay ee sheegay inuu Wariye yahay, islamarkaana lagu ciqaabay xabsi gaar ah ayaa sheegay inuusan ninkaas aheyn Wariye balse uu kamid yahay shaqaalaha degmada. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay inuusan isaga marnaba raali ka noqon doonin in dad Shacab ah lagu dhibaateeyo degmadiisa. “Degmada Dayniile waxaa ku yaalo laba Saldhig, midka degmada ku yaalla iyo mid kale oo ku yaalo Xiro Jarmal, waxaana lagu xiraa dadka Shacabka ah ee is dhibaateeyo iyo kuwa ka tirsan Degmada ee iyagana dambiyada galo” ayuu sii raaciyey. Guddoomiyaha degmada Dayniile ayaa lagu eedeeyay in Xabsi lagu magacaabo Cusboole oo ku yaala gudaha degamdaasi uu dad badan ku marsiiyay ciqaab adag, islamarkaana ay hadda ku jiraan dad qoraallo soo dhigay akoonada ay ku leeyihiin Facebook. Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay tabinayay warar sheegaya in tacadi xoog leh uu ka jiro degmadaasi. Halkaan hoose ka daawo hadalkiisa
-
Ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee xogyaha guud ee QM u qaabilsan Arrimaha isku xirka bani’aannimada ee Soomaaliya, Adam Cabdelmowla ayaa sheegay in uu aad uga naxay warka ah in diyaarad siddey gargaar bani’aadannimo ay ku dhacdey magaalada Bardaale oo 55 km u jirta magaalada Baydhabo xarrunta gbolka Baay. Burburka diyaaradaas ayaa sababay geerida lix qof oo saarnaa dayaaradda, kuwaasi oo isugu jira afar Soomaali ah iyo laba Kenyan ah. Cabdulmowlaa waxa uu sheegey in uu tacsi u diraayo ehelka iyo qaraabadii ay ka baxeen dadakaasi, oo uu tilmmamay inay naf hurid sameeyeen, iyagoo ku guda jirey howl muhim ah oo ah inay dadka kale caawiyaan. Waxa uu intaas ku daray in QM ay sameyn doonto wax kaste oo ay ku caawineyso dowladda Federaalka ah iyo maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, si loo helo waxa sababay shilkaasi. Wafdi ka socda dawladda federaalka Soomaaliya, maamul goboleedka Koonfur Galbeed iyo safaaradaha Kenya iyo Itoobiya ayaa shalay booqday goobta ay ku dhacday diyaaradda oo ay lahayd shirkadda African Express. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post QM oo ka hadashay diyaaraddii ku dhacday Bardaale appeared first on Puntland Post.
-
Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Cabdi Maxmed Axmed Nuur (Cabdi Kuus) oo hore uga soo mid noqday masuuliyiintii ugu sareysay ee maamulkii la oran jiray ximan iyo xeeb ee deegaannada Galmudug. Marxuumka ayaa maalmihii dambe ku xanuunsanayay caasimadda dalka waxaana geesridiisa xaqiijiyay xubno ka tirsan ehelkiisa waxaana marxuumka aad looga yaqiinay deegaannada Galmudug. Cabdi Kuus Waxa uu soo noqday madaxweyne ku xigeenkii ximan xeeb waxaana geeridiisa durbadiiba ka tacsiyadeeyay siiyaasiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ka soo jeeda deegaannada Galmudug. Qoraal ka soo baxay madaxweyne Qoorqoor ayaa looga tacsiyadeeyay geerida marxuum Cabdi Kuus ““Waxaan Tacsi tiiraanyo leh udirayaa qoyskii, qaraabadii iyo dhamaan umada soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaah ha u naxariisto Madaxwayne ku xigeenkii hore maamulkii Ximan iyo Xeeb, AUN Cabdi Maxamed Axmed Nuur (Cabdi Kuus), oo ku geeriyoodey Magaalada Muqdisho Waxaan Alle uga baryeenaa inuu unaxariisto, Ehelka iyo Umada reer Galmudugna samir iyo iimaan Allaah ha ka siiyo” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Pittsburgh (Caasimadda Online) – Sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska dalka Mareykanka, Khabiir ku dhawaa inuu helo daawada cudurka Coronavirus ayaa lagu toogtay oo lagu dilay dalkaas. Professor-ka la dilay oo lagu magacaabo Bing Liu ayaa ahaa khabiir Jaamacadda Pittsburgh u qaabilsanaa baaritaanka daawooyinka, waxaana la sheegay in meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalo Ross Township oo dhacda Waqooyiga Magaalada Pittsburgh. Jaamacadda Pittsburgh ayaa Professor Liu, oo asal ahaan kasoo jeeday Shiinaha, ku sheegtay inuu ahaa Cilmi-baare heer sare ah oo wax badan ka fahamsanaa seyniska. Bayaan ay soo saartay Jaamacadda lagu yiri “wuxuu ku dhawaa helidda daawada cudurka Coronavirus, waxaana ku dadaalaynaa inaan dhamaystirno dadaalkii uu bilaabay.” Baarayaasha ayaa rumeysan in nin labaad oo aan la garaneyn, oo meydkiisa laga helay gaarigiisa uu gurigiisa ku toogtay Liu ka hor inta uusan ku laaban gaarigiisa oo isna markii dambe is dilay. Labada nin ayaa la sheegay inay is-garanayeen hase yeeshee booliska ayaa sheegay inaysan jirin wax astaamo ah oo muujinaya in Liu loo beegsaday sababo la xiriira inuu Shiinees ah.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa Afhayeenka cusub ee ciidanka booliska u magacaabay Dhame Sadiiq Aadan Cali oo ku magac dheer Duudishe. Qoraal ka soo baxay Taliska booliska ayaa lagu sheegay in Sarkaalkan uu ciidanka kusoo biiray sanadkii 2007-dii. Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in Dhame Sadiiq Aadan uu soo dhameystay tababar Layli sarkaal ah, kaas oo dhan mudo seddax sano ah, islamarkaana uu ku soo qaatay dalka dibadiisa. “Afhayenka cusub ayaa ku hadla luuqadaha English, Taliyaani iyo Carabi marka laga reebo afka Hooyo,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska booliska Soomaaliya. Qoraal Taliska booliska ayaa intaas ku daray, “Sarkaalkan ayaa ka soo shaqeeyay guud ahaan fadhiyada ciidanka, soona qabtay xiriiro dowlado ciidanka taageera, isaga oo soo qabtay shaqooyin kala duwan, hadana xubin firfircoon u’ah ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.”
-
Qoraal ka soo baxay ku xigeenka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay Adam Abdelmoula ayaa lagu sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan baaritaanka ku aaddan sababta dhabta ah ee ka dambeysay inay burburto diyaarad diyaarad ay lahayd shirkadda African Express oo ku dhacday degmada Bardaale ee gobalka Bayaa. “Inagoo ah qoyska Qaramada Midooway, waxaan suubin doonaa door walba oo aan ka qaadan karno tacsida heer Federaal iyo heer maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee masiibadan. Waxaan marwalba la socon doonaa waxii soo korda” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay qaramada midoobay. Dhanka kale madax howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa tibaaxay inay si dhow dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya uga la shaqeyn doonaan baaritaanka ku aaddan diyaaradda ku burburtay bardaale. Diyaarad sidday shixnad islamarkaana ay lahayd shirkadda African Expres ayaa saddexdii bishan ku dhacday degmada Bardaale ee gobalka Baay ilaa haddana lama shaacin sababta dhabta ah ee keentay in diyaaraddaasi dhacdo. Halkaan ka akhriso bayaanka ka soo baxay qaramada midoobay bayaanka uu soo saaray kuxigaynka qaaska ah xoghayaha guud ee qaramada midooway iyo isu-duwaridaha arimaha bini’aadamnimo ee somaaliya, mr. Adam Abdelmoula, eek u saabsanayd shilkii diyaaradii waday xamuul loogu arima bini’aadamnimo. Xalay waxaa la ii sheegay in diyaarad nooca ganacsiga balse wadday xamuul loogu talagalay samafal bini’aadamnimo oo ay isticmaalaysay haay’ad caalami ah ay shil gashay waxaana ku dhintay lix qof oo diyaarad saarnaa mar ay ku sii degaysay Bardaale oo qiyaas ahaan 55 Kiloomitar u jirta magaalada Baidoa ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Somaaliya. Aad ayaan uga xumahay ogana dhibtooday dhacdadan naasiib darada ah. Inta badan, dumarka iyo rag naftooda halista galiya iyagoo mudnaanta siinayo wanaajinta dadka iyo taageerida howlgalada bini’aadamnimo ayaa doorkooda xaga ka shaqeynta arimaha samafalka ee Somaaliya la aqoonsanin. Qoysaka iyo ehelada shilkan saameyay ayaan u tacsiyeeneynaa xiligan aadka u adeg. Waxay ciyaarayn doorkoodii ugu dambeeyay iyagoo qabtay shaqo aad qiimo u leh. Illaahay ha u raxmado dhammaantod. Inagoo ah qoyska Qaramada Midooway, waxaan suubin doonaa door walba oo aan ka qaadan karno tacsida heer Federaal iyo heer maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee masiibadan. Waxaan marwalba la socon doonaa waxii soo korda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Tigray-ga oo ka horyimid go’aanka Abiy iyo Itoobiya oo xiisad cusub wajaheysa Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa qorsheynaya inuu doorashooyin qabto, sida uu sheegay xisbiga maamula, taasi oo horseedi doonta isku dhac dhex mara ayaga iyo dowladda federaalka dalkaas. Itoobiya ayaa bishii March hakisay doorahsooyinka baarlamanka iyo kuwa gobollada ee la qorsheeyey inay dhacaan bisha August, sababo la xiriira cudurka Coronavirus. Weli lama go’aamin waqti cusub, islamarkaana baarlamanka ayaa Talaadadii ku guul-darreystay inay isku raacaan waqti kadib kulan ay yeesheen. Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray-ga ee TPLF, oo ah xisbiga ugu weyn gobolka Tigray, ayaa sanadkii tegay ka baxday isbhayaiga EPRDF, kadib markii saddexda xisbi kale ee ku jira ay ku midoobeen xisbi cusub oo lagu magacaabo Xisbiga Barwaaqada ama Prosperity Part (PP). Xisbiga TPLF ayaa sheegay in doorashooyinka gobolka Tigray ay ku dhici doonaan waqtigooda, inkasta oo federaalka uu hakiyey. Valueimpression Placeholder “Waxaan u diyaar garoobeynaa inaan qabano doorasho, si xuquuqda dadkeena uga ilaalino qaska,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay TPLF. Guddiga Doorashooyinka Qaran ee Itoobiya ayaa sheegay inaysan TPLF ka helin wax codsi ah oo ku aadan inay qabtaan doorasho, islamarkaana cid aan ayaga ahayn aysan lahayn sharciyad ay ku qabtaan doorasho noocee doonto ha noqotee. Bayaanka TPLF ayaa xisbiga Abiy Ahmed ee PP ku eedeeyey inaysan dooneyn inay doorasho qabtaan, islamarkaana ay u adeegsanayaan cudurka Coronavirus “cudurdaar ay ku aas-aasaan kali-talis hal nin ah. PP ayaa beeniyey eedeymahaas. “TPLF ma haystaan wax dastruur ku saleysan ama awood sharci ah, oo ay doorasho ku qabtaan. Waxay isku dayayaan inay xasilooni darro ka abuuraan dalka,” waxaa sidaas yiri afhayeenka PP Awelu Abdi. Isbahaysiga EPRDF oo awoodda qabsaday 1991-kii ayaa waxaa xooggiisa maamulayey Tigrayga laga tirada badan yahay, waxaana sanado badan ay awood ku daboolayeen xiisadaha qowmiyadaha ku dhisan ee dalkaas, ayaga oo xirayey cid kasta oo mucaarad ah. Hase yeeshee si-beddeladii uu sameeyey ra’iisul wasaare Abiy Ahmed sanadii 2018 ee dadka siiyey xoriyad ay ku hadlaan, ayaa suurta-geliyey inay banaanka usoo baxaan carrooyinkii sanado badan loo qabay dowladda. Itoobiya waxay hadda qarka u saaran tahay dagaal qowmiyadeed dalku ku hoobto. Dastuurka Itoobiya ayaa xukuumadda siinaya muddo xileed shano sano ah. Muddo xileedka Abiy Ahmed wuxuu dhacayaa bisha September. Qaran News
-
Khabiir ku dhawaaday helidda daawada coronavirus oo lagu dilay Maraykanka Khabiir dadaal ugu jiray helidda daawada cudurka safmarka ee coronavirus ayaa lagu toogtay dalka Maraykanka, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda Maraykanka. Bing Liu, khabiir dhanka baaritaannada daawooyinka u qaabilsanaa Jaamacadda Pittsburgh ayaa maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaala Ross Township, Waqooyiga Pittsburgh. Jaamacadda ayaa Dr Liu ku tilmaamtay “cilmi baare heer sare ah” oo wax badan sayniska ku soo biiriyay . “wuxuu ku dhawaa helidda daawada cudurka coronavirus, waxaana ku dadaalaynaa inaan dhamaystirno dadaalkii uu bilaabay.” Ayaa lagu qoray bayaan ay jaamacadda soo saartay. Booliska ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan dhacdadaan.. Qaran News
-
AMISOM oo war ka soo saartay diyaaraddii ku burburtay Bardaale War saxaafadeed ay soo saartay AMISOM, ayey ku sheegtay inay soo dhawaynayso go’aanka ay dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ku baarayaan diyaaraddii ku burburtay Bardaale, ee gobolka Baay, Soomaaliya. “Waxaan jeclaan lahayn inaan taageerahennii soo jireenka ahaa aan u muujinno dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, waxaana diyaar u nahay inaan ka caawinnno wax walba oo baaritaanka ujeedkiisa ah ee ku aadan dhacdadaan.” Ayuu yiri Madaxa Howlgalka ciidamada AMISOM, Francisco Madeira. Diyaarad sidday agab loogu talagalay ka hortagga coronavirus ayaa ku dhacday magaalada Bardaale ee gobolka Baay, Soomaaliya. Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta ay diyaaradda u burburtay, waxaa soo baxay warar sheegaya in lasoo riday. Lix qof oo diyaaradda saarneyd ayaa geeriyootay, sida uu sheegay Wasiirka Gaadiidka ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Salaad. Dadka dhintay waxay isugu jireen muwaadiniin Soomaali ah iyo kuwo reer Kenya ah. Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in uu madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo qoysaska dhibbanayaasha “u xaqiijiyay in ay billaabeen baaritaanka oo si rasmi ah ay u hoggaamineyso Wasaaradda Duulista Hawada”. “Madaxweynaha wuxuu sidoo kale soo dhoweynayaa dhammaan hay’adaha iyo dowladaha doonaya in ay ku soo biiraan baaritaanka”, ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay villa Somalia. “Waxay (dowladda) bixineysaa wada shaqeyn iyo taageero aan xadidneyn oo buuxda”. Madaxweyne Farmaajo ayaa ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay sare u qaadeyso badqabka diyaaradaha gargaarka iyo adeegyada aasaasiga ah ee xilligan lagu guda jiro saameynta ka dhalatay cudurka Covid-19. AFRICA Qaran News
-
U.S. Africa Command, known as AFRICOM, has been conducting air and ground operations, mainly targeting the al Qaeda affiliate al Shabaab, in Somalia since 2007. In those 13 years it has admitted to four civilian deaths. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Itoobiya ayaan weli soo magacaabin wakiilkii u joogay caasimadda Hargeysa, ka dib markii ay bishii August ee kal hore bedeshay danjire Shamsudiin Axmed Rooble oo xafiiska Itoobiya ee Hargeysa safiir ka ahaa. Lama garanayo sababta ay dawladda Itoobiya muddo toban bilood ku dhow u soo magacaabi weyday danjrihii u joogay Hargeysa. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Yaasiin Faratoon, oo bishii November ee kal hore u waramay wargeyska The reporter ee ka soo baxa Itoobiya ayaa wuxuu ka hadlay maqnaanshaha qunsulka Itoobiya ee Hargeysa fadhiyay, waxaanu wakhtigaas sheegay in deg deg loo soo magacaabi doono danjiraha cusub, “Waxaan doonayaa inaan cadeeyo in xidhiidhkayaga diblomaasiyadeed uu yahay mid adag waxaana lanoo sheegay in diblomaasigan dhaqso loo soo magacaabi doono. Waxaanu arrintan ka wada xidhiidhnay diblomaasiyiin iyo janalo kaleba.” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Faratoon. Hadalkaas Wasiir Faratoon ayaa waxa ka soo wareegay muddo toddoba bilood ah, ilaa wakhtigana lama hayo qunsul cusub oo ay dawladda Itoobiya u soo magacowday caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Inkastoo wakhtigan aynu joogno xafiiska Itoobiya ee Hargeysa uu shaqada u hakiyay xanuunka Covid_19 ee dunida gilgilay, haddana joogitaanka qunsulka Itoobiya ee Hargeysa ayaa muhiim u ahaa xidhiidhka diblomaasiyadeed, ganacsi iyo nabadgelyo ee labada wadan. Wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin Faratoon oo uu wargeyska Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo xogta uu ka hayo sababta uu ilaa hadda u maqanyahay qunsulka Itoobiya ayaanay noo suurtogelin. Danjire Shamsudiin oo bishii January ee sannadkii 2019 la wareegay shaqada xafiiska Itoobiya ay ku leedahay Hargeysa, ayaa wuxuu bedelay Brigader General Berehe Tesfaye oo muddo 10 sannadood ku siman ahaa wakiilka Addis Ababa ee Hargeysa. Source
-
(SLT-Tuka-raq)-Odayaal, madax dhaqameed iyo waxgarad ka soo jeedda degmadda Tukaraq ee gobolka Sool ayaa cabasho ka muujiyay deegaamayn cusub oo lagu waddo degmadda Tukaraq iyo degaamadda u dhaw-dhaw. Madax dhaqameedkan iyo odayaashan oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Tukaraq ayaa waxay ku baaqeen in la joojiyo deegaamayntaasi cusub oo ay sharci darro ku tilmaameen. Waxa kaloo ay sheegeen in la kala rarro ciidamo beeleedyo lagu soo ururinayay deegaamadda Tukaraq muddooyinkii u danbeeyay. Daawo Warka Waxgaradka Tukaraq, Source
-
Ethiopian forces on Tuesday barred Kenya from accessing the crash site of a light aircraft that killed all six on board. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Naciimo Yuusuf Ibraahim oo ka mid golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay dad shacab ahaa ku dileen deegaanka Kabahirig ee gobolka Sh/Hoose. Senatorada oo wareysi siisay Mustaqbal ayaa sheegtay in dadka la dilay oo ay ku eedeysay inay toogteen ciidanka Danab ay gaarayaan saddex qof, labo kalena ay dhaawaceen, islamarkaana mid kood isagoo dhaawac ah ay horay u wateen. Sidoo kale Senator Naciimo Yuusuf Ibraahim ayaa carabka ku dhuftay in dadkaasi la dilay ay ka mid ahaayeen dhalinyaro deegaanka ah oo is-abaabulay, si ay ula dagaalamaan kooxda Al-Shabaab. “Waa dhacdo aad u foolxun in Ciidamada Dowladda oo isugu jira Danab iyo Bangarafti ay dilaan dad shacab ah, iyada oo ay is dhexmarayaan dhinacyadii dagaalamay, Dowladdu ma mid shacabka u shaqeysaa mise waa mid ku howlan dhibaateynta rayidka, ha inoo sheegto haddii ay yihiin Ciidamo qabiil ama kuwa qaran.”ayay tiri Senator Naciima. Naciimo Yuusuf Ibraahim oo hadalkeeda sii wadata ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbatay inay wax ka qabato dhibaatooyinka ka jira halkaasi, islamarkaana ay taageeraan dhalinyaradaasi oo ay tilmaamtay inay la mid yihiin kuwa Macawiisleyda. “Dadkaan waxa ay lamid yihiin Macawuusleyda la dagaalantay Al-Shabaab, waxa la raadinayo waa in xorriyadda dalka dib loo helo, waa in aan la marin sida dadka deegaanka ah ee is xilqaamay Hir-Shabeelle loogu fashilmay oo kale” ayay markale tiri Senator Naciimo. Eedeyntaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dhowaan heshiis nabadeed laga gaaray colaad muddo ka taagneyd degmada Wanlaweyn, kadib markii uu degmadaasi gaaray guddoomiyaha darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Xasan Cali Nuur Shuute.
-
Popular Contributors
