Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,482
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dawooyin iyo qalab caafimaad oo uu kamid yahay agabka Sheybaarka ee lagu baaro COVID-19 waxay gaarsiisay magaalada Baraawe, kadib markii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu faray guddiga qaran ee kahor tagga COVID-19 inay ka jawaabaan baahiyaha jira ayna hubiyaan xaaladdda dad ku sugan Baraawe oo lagu arkay astaamaha lagu garto Feyruska Karoona. Howl-wadeenna ka socday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo wasaaradda caafimaadka oo ay la socdeen dhaqaatiir ayaa maamulka degmada Baraawe iyo guddiga kahor tagga COVID-19 ku wareejiyay qalabka caafimaad. Howl-wadeenna ayaa sidoo kale kormeeray isbitaalka magaalada iyo xarunta loo qorsheeyay in lagula tacaalo bukaannada COVID-19. Dhaqaatiirta oo baaritaan ku sameeyay 14 ruux oo lahaa astaamaha lagu garto COVID-19, ayaa tababaray dhaqaatiir kale oo COVID-19 ka baari doona dadka ku sugan magaalada, kadibna Sample-ka xaqiijin ugu soo dira Muqdisho. Maamulka degmada Baraawe ayaa Dowladda federaalka Soomaaliya uga mahad celiyay dawada iyo qalbka lasoo gaarsiiyay waxayna codsadeen in lasii wado taageerada si ay ugu guuleystaan dagaalka ay ugu jiraan xakameynta COVID-19 ee dhibaatada badan ku haya Soomaaliya iyo dunida inteeda kale. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  2. Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay wabiga Shabelle uu fatahaad ka sameeyey agagaarka magaalada Jowhar ee caaamimada maamul goboleedka HirShabelle. Wabiga ayaa ku fatahay tuulooyin dhowr oo hoostaga magaaladaasi, iyadoona ay isaga barakaceen qoysaskii daganaa halkaasi. Tuulooyinka uu wabiga ku fatahay ayaa waxaa ka mid ah Muriyaale, Lamawaab, Buulo Bishaar, Gaafaay, Timire, Magadley, Raqayle, Dayma Same, Raqayloow Buurdheere, Xaanshooley, Geedo Barkaan, Buur Fuule iyo Jowhar Soomaali. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in laga cabsi qabo in wabiga Shabelle uu ku sii fataho deegaano kale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe. Sawirro laga soo qaaday deegaanada uu saameeyey wabiga Shabelle ayaa muujinaya in fatahaado ay tahay mid xoogan, islamarkaana ay biyuhu ku socdaan, si xawli ah. Dhowaan HirShabelle ayaa ugu baaqday dowladda federaalka iyo hay’adaha caalamiga ah inay ka gacan siiyaan ka hortagga fahaada wabiga Shabelle ka sameeyey Jowhar.
  3. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dawooyin iyo qalab caafimaad oo uu kamid yahay agabka Sheybaarka ee lagu baaro COVID-19 gaarsiisay magaalada Baraawe, kadib markii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu amray guddiga qaran ee kahor tagga COVID-19 in ay ka jawaabaan baahiyaha jira ayna hubiyaan xaaladdda dad ku sugan Baraawe oo lagu arkay astaamaha lagu garto Coronavirus. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiinta Wasaaradda caafimaadka oo ay la socdeen dhaqaatiir ay maamulka degmada Baraawe iyo guddiga kahor tagga COVID-19 ku wareejiyeen qalabka caafimaad. Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale kormeeray isbitaalka magaalada iyo xarunta loo qorsheeyay in lagula tacaalo bukaannada COVID-19. Dhaqaatiirta oo baaritaan ku sameeyay 14 ruux oo lahaa astaamaha lagu garto COVID-19, ayaa tababaray dhaqaatiir kale oo COVID-19 ka baari doona dadka ku sugan magaalada, kadibna Sample-ka xaqiijin ugu soo dira Muqdisho. Maamulka degmada Baraawe ayaa Dowladda federaalka Soomaaliya uga mahad celiyay dawada iyo qalbka lasoo gaarsiiyay waxayna codsadeen in lasii wado taageerada si ay ugu guuleystaan dagaalka ay ugu jiraan xakameynta COVID-19 ee dhibaatada badan ku haya Soomaaliya iyo dunida inteeda kale. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo Shaybaarka COVID-19 gaarsiisay magaalada Baraawe appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada qabsaday warar ku saabsan tacadiyo ka dhan xuquuqda bini-aadamka oo lagu eedeeyey inay geysanayaan maleeshiyaad daacad u ah guddoomiyaha degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Villa Somalia ay baareyso dhibaatootinka halkaas laga soo wariyey. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in guddi ka kooban agaasimyaal iyo mas’uuliyiin amni uu madaxweynaha faray in ay soo baaraan tacadiga la sheegay in loo geestay muwaadiniin ku nool degmadaasi. Guddigaan oo aan warbaahinta lala wadaagin ayaa sidoo kale kaashan doono mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Banaadir. Guddoomiyaha degmada Dayniile ayaa lagu eedeeyay in Xabsi lagu magacaabo Cusboole oo ku yaala gudaha degamdaasi uu dad badan ku marsiiyay ciqaab adag, islamarkaana ay hadda ku jiraan dad qoraallo soo dhigay akoonada ay ku leeyihiin Facebook. Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay tabinayay warar sheegaya in tacadi xoog leh uu ka jiro degmadaasi. Guddoomiyaha degmada ee lagu eedeeyay dhibaatooyinkaas marna kama hadlin eedeha loo jeediyay, inkastoo dad ku dhow ama taageera ay baraha bulshada ka difaaceen.
  5. COVID-19 cooperation to take center stage during bilateral discussions Source: Hiiraan Online
  6. A Toronto woman is calling on the Canadian government to bring her ailing father home from Somalia, a country already ravaged by civil war, floods and famine that is now also struggling to cope with an outbreak of COVID-19. Source: Hiiraan Online
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay wada-hadal khadka Internet-ka ah la yeeshay madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan. Madaxweyne Farmaajo, ayaa Madaxweynaha Turkiga uga mahadceliyay garab-istaagga dowladda Turkiga iyo agab ka caafimaad ee ay sida deg-dega ah dalka Soomaaliya ugu soo direen, taasi ah oo ah mid loogu talagalay in looga hortago Cudurka Coronavirus. “Waxaan wada hadalnay Madaxweynaha Turkiya walaalkay Mudane Rajab Dayib Erdogaan, aniga oo uga mahadceliyay hiilka walaaltinnimo iyo agabka caafimaad ee ay sida degdega ah noogu soo direen. Gargaarkan wuxuu kaalin mug leh ka gaysanayaanka hortagga iyo la dagaallanka cudurka COVID19” ayuu yiri Farmaajo. Dowladda Turkiga ayaa dorraad Magaalada Muqdisho keentay qalab Caafimaad iyo agabyo kale, kuwaasi oo looga hortagayo faafida Cudurka COVID-19 oo kiisad badan laga helay Magaalada Muqdisho iyo Magaalooyin kale oo ka tirsan dalka. PUNTLAND POST The post Farmaajo iyo Erdogan oo wada-hadal ku yeeshay Khadka Internet-ka appeared first on Puntland Post.
  8. Washigton (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u sheegay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu inuu wada aqbalo ama ka wada tago “qorshaha nabadda” Bariga Dhexe ee Trump uu ku dhowaaqay bishii Janaayo. Isaga oo soo xiganaya ilo-wareedyo sare, ayaa taleefishinka Israel ee Channel 13 waxa uu sheegay in Mareykana ay ku war-geliyeen Netanyahu inaysan suurta-gal ahay in qodobadii uu doono uu ka qaato “heshiiska qarniga”, si ay Israel ay ugu darsato qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ee la haysto. Sida uu sheegay taleefishinka Israel, waxaa jira farqi weyn oo u dhaxeeya Washington iyo Tel Aviv, oo ku aadan ku darashada Israel ee Dooxada Jordan, qeybta waqooyi ee Badda Dhimatay, iyo deegaano kale. Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in maamulka Mareykanka ay weydiisteen Netanyahu inuu heshiiskla ku dhowaaqo ayada oo uu asal u yahay laba dal oo ay kala yeeshaan Israel iyo Falastiin, haddii kale Washington aysan ogolaan doonin qorshaha ku-darsashada. “Shuruudda Mareykanka ayaa ah in Israel wada fuliso qorshaha, balse suurta-gal maaha inay ka qaadato qeybta ay doonto, si ay ugu darsato Daanta Galbeed,” ayuu yiri qof xog-ogaal ah la hadlay Channel 13. Safiirka Mareykanka ee Israel David Friedman ayaa sidoo kale ku wargeliyey Netanyahu in Trump uu doonayo in Israel ay fuliso qorshihiisa, oo wax kale aanu raali ka ahayn. Trump ayaa 28-kii Janaayo ku dhowaaqay wax uu ugu magac dara “heshiiska qarniga”, kaasi oo xaqiijinaya laba dal oo ay kala yeeshaan Israel iyo Falastiin, hase yeeshee magaalada Qudus, ayada oo aan la kala qeybin, ka dhigaya caasimadda Israel. Qorshahan ayaa sidoo kale dhigaya in Israel ay ku darsato deegaanada Yahuudda ee ay ka sameysay Daanta Galbeed iyo Dooxada Jordan, wuxuu diidayaa in qaxootiga Falastiiniyiinta ee caalamka ay kusoo laabtaan dhulkooda, iyo arrimo kale oo muran badan. Falastiiniyiinta, oo Trump xiriirka u jaray 2017, markii uu Qudus u aqoonsaday caasimadda Yahuudda, ayaa si weyn u diiday qorshaha.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Boqolaal ka mid ah ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo aan sooneen ayaa lagu arkayaa waddooyinka magaalada Muqdisho iyagoo cunteynaya, sida ay u kuur gashay Caasimada Online Weriye ka tirsan Caasimada Online ayaa la kulmay tobaneeyo kamid ah ciidanka dowladda federaalka oo cabaya sigaar, qaarkoodna ku cuntaynaya laamiga dhaxdiisa. Sidoo kale weriyaheena Muqdisho ayaa soo arkay dad kale oo aan ciidan aheyn oo magaalada gudaheeda ku cunaya cunto fudud, sida Rooti iyo Kaluun, sigaar iyo cabitaanka sijalka ah. Ramadaanka ayaa u muuqda mid dadka magaalada dhex socda ama jidadka ku cunteenaya ay ka badan yihiin kuwii hore, mana cadda sababta Dadka aan soo aragnay ma aheyn kuwa ay ku jirto cabsi iyo dareen ay ka qabaan bulshada iyo dowladda waxayna dadka kuu sheegayaan in ciidankii arrintaan wax ka qaban lahaa aysan iyagii sooneen. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan ciidanka tirada badan ee aan sooneen oo dowladda u shaqeeya iyo shacabka kale ee aan iyaguna sooneen. Dhamaan dadka aan la kulanay ee aan sooneen waa rag waxayna kuwa ciidanka ah ay ku sugan yihiin baraha kontaroolada ee Muqdisho, halka qaarkoodna aan aragnay iyagoo gaadiid saaran oo sigaar cabaya ama wax cunaya.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa xalay khadka telefonka kula xiriirey Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. War ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne fFarmaajo uu wacay Erdogan, isla markaana uga mahad celiyey taageerada walaalnimo ee dalka Turkigu u soo direy Soomaaliya. “Aniga oo ku hadlaya magaca shacabka iyo dowladda Soomaaliya, waxaan kaaga mahadcelinayaa mudane Madaxweyne iyo shacabka qiimaha leh ee Turkiga gargaarka deg-deg ah ee aad na soo gaarsiisey, taas oo naga caawineysa in aan ka hortagno cudurka COVID-19,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dowladda Turkiga ayaa maalintii Sabatida Muqdisho ka dejisey diyaarad nooca Milteriga ah oo sidey agabka looga hortago cudurka COVID-19. Kadib gargaarkaas, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku yiri “Mashiinada neefta bixiya (ventilator) ee lagu sameeyey gudaha Turkey waxaa ku neefsan doona walaalaheen Soomaaliya, oo ay ka jirto mashiino yari aad u darran. Dareenkeena waxa uu mar walba la jiraa kuwa la caburiyo ee iyo dalalka baahida qaba.” Kaalmadan agabka caafimaad ah ayaa isugu jirtay maaskaro , galoofyada ilaalinta leh, dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo, dharka isku-joogga ilaalinta leh ee loogu talogalay xirfadlayaasha caafimaadka, qalabka lagu baaro COVID-19, qalabka neef-siinta (ventilators) iyo agab kale.
  11. Cashuurtu Waa Tiirarka ay Dawladu ku Shaqayso Cashuurtu waxay kow ka tahay Hab-maamulka kala socodsiinta Howlaha dawlada taaso ay ku dabareyso hawlaheeda u Qorsheysan iyo ilaalinta hantida umada taaso ay dawladu ku bixiso adeeg hufan oo ay bulshadana wax- ugu qabanayso adeegyada kala duwan sida kabayasha dhaqaalaha ,cafimaadka waxbrashada, tasoo ay Masuul katahay Wasaarada Maaliyada iyadoo sameysa miisaniniyada sanadeed isku dheeli tiran( Budget and expenditure) , hadaba si-guud madama dawlada-dhexe Masuul ugu tahay Dakhliga iyo kharashkaba hadana waaxo kalena wey ururin karan iyadoo oo hab-midaysan wasaarada maaliyadu u record Garaneyso marka waxaa waajib ku ah muwaadin kasta in uu noqdo cashuur-bixiye u hogaansan hanaanka dawlada oo aan cashuurta khiyaameyn Hadaba Cashuurtu waxay ukala baxda laba waaxood oo kala ah (indirect taxes and Direct taxes) Cashuurta dadban iyo Cashuurta Tooska ah , waxaa iyaguna qaadi kara cashuurta dawladaha hoose(local Government ) oo arimaha bulshada horumarinta iyo Qurxinta magaaloyinka Iyana si sharci ah uqaadi kara marka intaa la qaado cashuurtu waa in aad loo ilaaliya in aan la,lunsan oo aan shaqsiyaad aaney lunsan somalialnd wasaarada maaliyada waxaa cashuuraha u qaabilsan waaxda Kastamka iyo Cashuuraha beriga labadaa waaxoodba waa ilaha dakhliga ee wasaarada Maaliyada waa in la xoojiyaa si cashuurta dawladu u hesho cashuurtii waajibtey ,cashuurtu waxay ku waajibtahay shaqsi kasta iyo hayad kasta oo sharci (an individual or legal entity ) hadaynu eegno cashuuraha Beriga oo kale cashuurta ay qadaan waxay ka koobantahay sidan cashuurta Macash-macaashak Road tax Cashuurta wada marista Rent house tax cashuurta guryaha ijaarka ah Stamp duty tax Inheritance tax cashuurta dhaxalka Corporation tax cashuurta shirkadaha Construction befit tax including all income tax cashuurta macashka faa,idada Building taxes cashuurta dhismayasha Payroll taxes cashuurta shaqaalaha Sales taxes Cashuurta iibka Income taxes cashuurta Macashmacaashka Sidoo kale waaxa kastamaduna waxay cashuuran alaaboyinka soo degaya iyo alaabta dalka ka baxaysaba Ama laga dhoofinayo (imports and exports) waana isha ugu muhiimsan ee loo bahanyahay in la hubiyo tacrifadaha waxyabaha soo degaya ee kontiinarada ku jira in la baadho si loo garto si hufan Shaqaalaha Goobta kusugani hubiyaan inaaney dhicin alaab tacrifadeedu qalitahay oo tacrifad jaban lagu cashuuray wana meelaha mar-mar ay dhici kart il-duuf cashuureed ee tii logutalgalay ahay ka dhacdo Waxaa kale oo dawladu qaadi karta cashuuro kale oo magac loo bixin karo hadii loo bahdo Progressive taxes Cashuurta horumarsan Regressive taxes Cashuuraha soo noq-noqda Proportional and flat taxes Cashuur udhigma iyo mid siman Capital gains taxes. Cashuurta rasamaalka ah Excise Taxes cashuur dhaaf Sales Tax cashuurta iibka Property Taxes cashuurta hantida Cashuurta kale ee Dawladuu qaadi karto ee muhiimka ah Waa ta Shirkadaha Isgaadhsiinta Telecommunications taxes and surcharges cashuurta Isgaashsiinta iyadoo laga Cashuurayo incoming calls iyo out going calls waxaana laga cashuuraya internet as local or wireless telephone, cable ,electric Waana cashuurta dawlada Hadyo Jeer ka baaqata, Ganacsatada wadanka waxaan usoo jeedin laha iney dowladooda si hufan ay cashuurta ugu soo xereyaan madama aynu nahay wadan soo kobcaya, By. Abdirizak A.Shire Degree Development . Study Master Degree HRM Qaran News
  12. WADAHADALADA SOMALILAND IYO SOMALIA Wadahadaladan hadba warbaahinta doc u walwaalaysaa waxay toos uga hor imanayaan aftidii aayo ka tashiga iyo lifaaqii distoorka Qaranka Somalilalnd ee Bishi May 31st 2001. Ayadoo la tixgelinayo codsigii beesha caalamka, sidaas ayeynu kaga qayb galnay shirkii SHIRKII LONDON EE SOOMAALIDA EE FEBRUARY 23dii, 2012. Tiraba shan jeer oo dambe ayaa madal wadahadal labada dhinac isku horfadhiisteen. Mar haddii go’aamadi shanta kualn ay noqdeen hal bacaad lagu lisay oon Soomaali marnaba daacad ka ahayn in magacii la odhan jirey ‘Jamhuuriyadda Soomaaliyeed’ in wanaag loogu kala baxo, waxa lagama maarmaan noqonaysa in qorshahaa laga hayaamo, loona Digorogto: Qorshaha B, hadduu shaqayn waayoo, waxa loo digorogan ; Qorshaha C, hadduu hirgeliwaayo, waxa loo hayaami; Qorshaha D, hadduu hashkadeeyo, waxa la sahamin; Qorshaha E, Sida ku cad war murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Soomaalida beesha caalamku ugu qabatay magaalada London Bishii February 23, 2012, Qodobka 6 ee go’aamada shirka aya qeexaya” in beesha caalamku aqoonsato in la isbarbartaago wadahadalo dhexmara SOMALILAND IYO xukuumadda federaalka ku meel gaadhka ah ama hadba ciddii bedesha si ay u caddeeyaan mustaqbalka cilaaqaadkooda”. Warku wuu cadyahay- Waa laba geesood.Ujeedadu waxa weeye laba dal ayaa wada hadlaya. Madasha waxa goobjoog ka aha 55 ergo oo beesha caalamka wakiilo ka ahaa. Xukuumadda federaalka ku meel-gaadhka ah iyo hadba ciddii bedesha ayaa qaabkay doonto wadahadalada u maamulaysa go’aamadii shirka meelna kagamay jirin. Yaryarka hadda horjoogayaasha ka waxa lagu magacaabo ‘Jamhuuradda Federaalka Soomaaliya’ aragtidoodu waxay taagantahay dib-u-heshiisiin, dhab-u-heshiisiin, tabasho iyo turxaan bixin,iyo midnimo soomaaliyeed! Kuwa bedelidoonaana waa habkaa iyo wax ka sii liita. Halkaa markuu xaal taaganyahay ma mudantahay in wakhti Lagu lumi? Wadahadal daayo in sheekada lasoo hadal qaado ayaaba Somaliland laf-jab ku ah. WAA AYO CIDDA WADAHADLAYSAA? Bal aynu iswediino cidda wadahadlaysa, qaabka loo wadahadlayo, goobta lagu wadahadlayo, iyo waxa laga wadahadlayo? Haddaynu dib u qiimayno sooyaalka wadahadalada Somaliland iyo Somalia waxa cad in aanay marnaba sheekadu ku koobnayn laba dal oo wadahadlaya bal se ay meesha ku jiraan gacmo shisheeye oo dano gaar ah ka lihi in ay daaha dabadiisa ka riixayaan. Waxa kale oo caddaatay in aan Soomaali koonfureed ama dir Walayweyn aanay weli u qudhqudhsamin in magac u yaal beri la odhan jiray Somalia in uu haligmay oo laga hayaamay isagoon markiisa horeba dhalashadiisu waafiqi weyday xeerarka caalamiga ee dunida lagaga dhaqmo. IMISA JEER AYAA LA WADAHADLAY? Tiroba lix jeer ayaa Somaliland iyo Somalia kulmeen sida hoos ku xusan: London Conference on Somalia, Lancaster House February 23rd 2012; Chevening House Declaration, June 21st 2012; Dubai Statement, June 28th 2012; Ankara communique, April 13th 2013; Final Communique of the Somaliland and Somalia Dialogue Held in Istanbul, 7th -9th July, 2013; Istanbul II Communique, 19th February, 2014; Djibouti Agreement, 21st December, 2014. Mar hadday caddaaatay in aan Soomaali Konfureed sinaba daacad uga ahayn, meesha ma taal sabab sheekadan loo sii wadaa. Aragtida, caqliyadda, iyo Walaweyn garshadeed waxba inooguma dhin. Horjooga xamar ee lagu ilaaliyo Villa Wardhiigle isaga caabuq dillaa ah ayaa ku habsaday- Maba qarsado oo wa kan goob walba la soo taagan: “Haddee qaantii reer adoogay Ayaan raadkeedii ku job.” Intii qormadan akridaay yarkan qaanta ka maqan iyo ciday ku maqantahay ha ku igaga masuugina. Axmed Cali Ibrahiim Sabeyse May 3rd, 2020. Qaran News
  13. Wasaarada Caafimaadka Puntland oo kaashanayaan Hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO ayaa howlgal xoogan Waxay ka bilowdey Goobaha Biyuhu wali fadhiyaan Magaalada Qardho. Daadkii kusoo rogmaday Magaalada [...] Source
  14. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa beri oo isniin ah ka hadli doona Xaalada Dalka, Madaxweynuhu wuxuu ka warbixinayaa. Xaalada Magaalada Qardho, Amaanka iyo Caafimaadka, [...] Source
  15. “Halkii aad mid Qurmis ah (Isaaq ah) ilme uga dhali lahayd, waxa ka fiican inaad aniga ii dhasho garac dawladda taageersan”, ayay odhan jireen kolka ay soo galaan guriyaha si ay u baadhaan, balse xaqiiqadu ay ahayd inay doonayaan inay kufsadaan dumarka quruxda badan. (Human Rights Watch, A government at war with its own people, bogga 124) Ragga Isaaqa ah mar walba waxa lagu odhan jiray: “Orda oo soo kaxaysta dhillooyinkiinii”, iyada oo loola jeedo hooyooyinkood iyo hablaha ay walaalaha yihiin. Dhacdooyinkaas qadhaadhi waxay ahaayeen kuwii aan noo reebin dhibic yarna ha noqoto e wax sharaf ah, dadkana u rogay kuwo sida ay u dhan yihiin dawladda ka soo hor jeeda, ayuu yidhi Maxamed Abiib Muuse oo HRW ku waraysatay Jabuuti, 6 Ogos, 1989-kii. Siraad (ma aha magaceega runta ah) oo ay HRW Jabuuti ku waraysatay Ogos 3, 1989-kii waxay tidhi: “Ragga ayay dibadda uga saari jireen guriyaha iyaga oo ciidanka qaar ka ilaalin jiray inay gudaha soo galaan, halka ay dumarkana gudaha ku kufsan jireen, kaliya si ay u bahdilaan ragga, xiitaa ma ay dhaafi jiray dumarka waaweyn. Mararka qaar, gabadha waxa wada kufsan jiray koox ciidan ah. Dad badan oo bakhaaro lahaa, tukaanno lahaa, ganacsadayaal ahaa ama shaah iibin jiray ayaa iska xidhay oo si toos ah ugu biiray SNM, maadaama oo inta ay halkaas iska fadhiistaan aanay daawan karayn waxa ku dhacaya xaasaskooga, hablaha ay dhaleen, hablaha ay walaalaha yihiin, qaraabadooda, asaxaabtooda iyo jaarkoogaba”. Amaal Jaamac ayaa sheegtay gadoodka uu keenay awood la’aantii shacbigu: “Wax kastaaba ha ku dhacaan qofka dhibbanaha ah e, uma ay sheegi karayn qoyskeega iyo dadkeega maadama oo aanay waxba u qaban karayn. Waxa qudha ee lagula talin jiray waxay ahayd in aanay dibadda u bixin inantu, oo ay ahaato maxbuus guriga ku dhex xidhan”. Reer Miyiga ayaan iyaguna ka nabadgelin kufsigaas bahalnimada ahaa. Wuxuu ku bilaabmay in hablaha meelahaa bannaanada xoolaha ku eegaya ay kufsadaan. Dabcan kolka miyiga la joogo, inanta kaligeed ayaa loo diraa adhiga, lo’da iwm, cidladaas ayay aad uga faa’iidaysteen inay hablahaas ku kufsadaan (ibid, bogga 93aad) Ciidankii dawladda Afweyne, waxay ag fadhiisan jireen goobaha ay dadka reer miyiga ahi ku kaydsadaan biyaha sida barkadaha. Laba sababood ayaa keenaysay inay ag degaan: inay kufsadaan wixii dumar ah ee loo soo diro inay halkaas ka soo dhaamiyaan iyo inay dadka ka xayiraan cabitaanka biyahaas si ay harraad ugu dilaan. Halkaas kuma ay ekaan, iyada oo ragga reer miyiga ah loogu soo gabbanayo inay SNM taageersan yihiin qabiilkooga awgeed, toogasho joogto ah ayaa lagu bartilmaameedsan jiray, halka ay dumarkana guriyahooga dhexdooda kaga kufsan jireen iyaga oo hooyo inanteeda isku meel, isku mar ku kufsanaya. Hay’adda GAO, bogga 2aad ee warbixinteeda waxay ku sheegtay in kufsigu gaadhay heer uu maalinle noqdo, gabadh walibana ay si joogto ah bartilmaameed u noqoto. Kufsiga reer miyiga waxa cirka ku sii shareeray qoxoontigii Ogaadeenka ee la hubeeyay. Qoxoontigas hubayntiisa waxa barbar-socotay in hub-ka-dhigis lagu sameeyay reer miyigii Isaaqa, taasi oo ka dhigtay qaar fara-madhan aan waxba iska waabin karayn. (Mawduucan qoxoontiga Ogaadeenka waxaan kaga hadli doonaa qaybaha dambe). Waxay gaadhay in gabadha Isaaqa ah isku si loogu kufsado bannaanka iyo gurigeega dhexdiisaba, oo aanay meelna ku nabadgelin. Bahdilaadda iyo dullaysiga heerkaas gaadhsiisnayd, kuwa ku sheegaya inay dawlad wanaagsan ahayd ama Soomaalilnimo ahayd, waa laba midkood uun: mid ku raaxaysanay in hooyadii iyo walaashii lagu ag kufsado ama mid doonaya inuu sameeyo wax la mid ah wixii ay kuwaasi samayn jireen. Nin kasta oo ka dagaallamay foolxumaayinkani, wuxuu sameeyay wax kasta oo uu samayn lahaa nin ay tani ku dhacday, xiitaa gaalada ayaa sidaas samayn lahayd, qof islaam ah oo dumarkiisii xurmaysnaa sidaas loo galay iskaba dhaaf e. Tixraac: Human Rights Watch, a government at war with its own people. Bogga (124 – 125). GAO, Nothern conflicts and resulting conditions Qore: Maxamed Sharma’arke Sharmaake91@gmail.com Qaran News
  16. Garowe (Caasimada Online)-Wasaaradda Caafimaadka maamulka Puntland, ayaa caawa shaacisay todoba kiis oo cusub oo Coronavirus, kuwaas oo laga diiwaan geliyey deegaanada Puntalnd. Wasiir ku xigeenka caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji, ayaa sheegay in maanta xanuunka Coronavirus laga baaray 11-qof, isla markaana laga helay todoba qof, shan kamid ah dadka laga helay waa rag, halka labada kale ay dumar yihiin. Seddax ka mid ah dadka laga helay cudurkaas ee laga diiwaan geliyey Puntland waxay ku noolyihiin deegaanka Waaciye ee gobolka Bari, halka afarta kale ay ku noolyihiin magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, sida uu sheegay wasiirku. Tirada guud ee kiisaska laga diiwaan geliyey gudaha deegaanada Puntland ayaa gaartay 30 xaaladood, hal qof ayaa Puntland ugu geeriyooday xanuunkaas, mana jirto qof ka bogsaday, sida ku cad warbinada wasaaradda caafimaadka. Sida ku cad xisaabta kiisaska cudurkaas ee gudaha Soomaaliya, kiisaska ay caawa shaacisay Puntland, kuma jirin kiisaskii ay galabta shaacisay wasaaradda caafimaadka heer federaal, oo waxay Puntland u xisaabisay tiradii tan ka horeysay ee 12-ka kiis aheyd. Tirada guud ee kiisaska Coronavirus ee laga diiwaan geliyey gudaha Soomaaliya intooda ay shaacisay wasaaradda caafimaadka heer federaal ayaa gaaray 722-kiis, 44-qofood ayaa ka bogsatay, halka 32-qofood ay u geeriyootay.
  17. Jowhar (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in la joojiyay mooshinka xil ka qaadista guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Sheekh Cusmaan Barre, oo maalmihii la soo dhaafay ay taagneyd dood ku saabsan. Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu u tagay Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle islamarkaana uu ka codsaday in la baajiyo mooshinka, waxaana la sheegay inuu ku raacay arrintaas. Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in Villa Somalia ay door weyn ku laheyd in la joojiyo mooshinka ka dhanka ah Sheekh Cusmaan Barre maadaama la joogo xiligii kala guurka ah ee HirShabelle. Kulamo oo aan wali dhamaanin ayaa la isku afgartay in la joojiyo mooshinka halka Sheekh Cusmaan Barre laga dalbaday inuu raali gelin ka bixiyo warqad ku saabsan musuq maasuq ka jira HiSshabelle uu la wadaagay deeq bixiyaasha caalamka, arrintaas oo ay ka xumaadeen dowladda Soomaaliya iyo madaxda kale ee HirShabelle. Maamulka HirShabelle ayaa waxaa u harsan 4 bil oo kaliya mana ka muuqato dedaalo ku aadan in doorasho ay ka dhacdo maamulkaasi oo afartii sano ee la soo dhaafay ku dhameestay is qab qabsi iyo waxqad la’aan.
  18. Somalia’s Health Ministry on Sunday confirmed 51 additional cases of COVID-19, bringing the total number of infections to 722. Fawziya Abikar, the Health Minister of Somalia said 37 cases were found in Banadir, an administration area that covers the capital Mogadishu, and 12 were detected in regional Puntland state and two others in Galmudug in central region. Abikar said one patient succumbed to the disease, bringing the total number of facilities to 32. She said 32 of the latest cases were male while 19 others were female and the number of those who recovered in the past 24 hours were ten, bringing the total number of recovery cases to 44. The latest cases came amid concern about the sharp surge in the number of confirmed cases in Somalia due to limited capacity to contain the spread of the virus because of the fragile healthcare system. Somalia has instituted measures to contain the possible spread of COVID-19, including closing schools, banning large gatherings and suspending international and domestic passenger flights. View the full article
  19. Wasaaradda Caafimaadka Puntland, ayaa caawa shaacisay 7 bukaan oo maanta laga helay xanuunka COVID-19. Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir yuusuf Xaaji, ayaa sheegay in maanta xanuunka COVID-19 laga baaray 11 ruux, islamarkaana laga helay 7 kamid ah, oo 5 rag yihiin, halka 2 kalana yihiin dumar. Bukaanada 7 ah ee laga helay maanta xunuunka COVID-19 ayaa Wasaaradda Caafimaadka Puntland xustay in 3 ka mid ah ay ku sugan yihiin degmada Waaciye ee gobolka Karkaar, halka 4 kalna ay ku nool yihiin caasimadda Puntland ee Garowe. Tirada dadka laga helay cudurka COVID-19 ee gudaha Puntland ayaa gaartay 30 ruux, kuwaas oo ku jiro bukaan u geeriyooday. PUNTLAND POST The post Puntland oo laga diiwan galiyey kiisas cusub oo COVID-19 appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo bahda warbaahinta Soomaaliyeed u diray farriin ku aadan maalinta saxaafadda xorta ah, ayaa sameeyey laba ballan-qaad oo muhiim ah. Madaxweynaha ayaa ballan-qaaday in dib u eegis lagu samaynayo Xeerka Ciqaabta ee soo baxay sannadkii 1964-tii, si loo xaqiijiyo inaan loo adeegsan weriye kasta. Waxa uu sidoo kale u ballan-qaaday suxufiyiinta Soomaaliyeed, in dowladdu aysan u dulqaadan doonin meel-ka-dhac kasta oo ka dhan ah warbaahinta, ay sii wado doonto dadaalka lagu ilaalinayo warbaahinta. Hoos ka aqriso farriinta madaxweynaha oo dhameystiran. Xubnaha sharafta leh ee Bahda Warbaahinta Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Warbaahinta awgeed, waxaan bahda saxaafadda la qaybsanayaa xuska maalintan. Munaasabaddan weyn waxaan uga faa’idaysanayaa inaan xuso shaqada tayadeedu sarreyso ee aad haysaan taasi oo door muhiim ah ka ciyaarta dib u qaabaynta sawirka laga haysto dalkeenna. Waanu ku faannaa weriyayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudihiisa iyo kuwa dibadda ka hawlgala, dadaalkooda joogtada ah awgiis ayayna innoogu suurtagashay inaan qaabayno mustaqbalka qarankeenna. Weriyayaashu safka hore ayay kaga jireen wax ka qabashada dhammaan masiibooyinka dalkeenna ka dhacay oo ay ka mid tahay tan hadda taagan ee Cudurka Karoona (COVID-19). Warbaahintu waxay lagama-maarmaan u tahay dowlad wanaagga, waddaniyadda, dib u dhiska qaran iyo midnimada. Waxaadna ogaataan in dib u eegis lagu samaynayo Xeerka Ciqaabta ee soo baxay sannadkii 1964-tii, si loo xaqiijiyo inaan loo adeegsan weriye kasta. Dowladdu uma dulqaadan doonto meel-ka-dhac kasta oo ka dhan ah warbaahinta, waxayna sii wadi doontaa dadaalka lagu ilaalinayo warbaahinta, iyada oo laga fogaanayo dhammaan noocyada kala duwan ee tacaddi ee ka dhan ah warbaahinta kuwaasi oo ku salaysan aragtidooda siyaasadeed. Aynu sii wadno u adeegista dalkeenna, maxaa yeelay xirfaddan sharafta leh waxay muhiim u tahay barwaaqo-sooranka dalkeenna.
  21. The President of Somalia, Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmaajo”, has today officially declared that Somalia’s outdated and draconian Penal Code of 1964 will be reformed to protect journalists and freedom of expression. In his official message for World Press Freedom Day, President Farmaajo said “Journalism is a noble profession & Penal Code of 1964 will be reformed to ensure it is not used against journalists. My administration fully supports the de-criminalisation of journalism & free expression through legal reform.” Somali Penal Code is one of the biggest threats to media freedom in Somalia as it contains provisions of Insult, false news, sedition and certain types of defamation laws, which expressly criminalise various types of expression, preventing the media to report fairly on matters of public concern and the citizens on debating such matters. This archaic law is routinely used to arrest and jail journalists, leading to self-censorship and a stifling of public debate on critical issues. In its World Press Freedom statement, the National Union of Somali Journalists (NUSOJ) called for the de-criminalisation of journalism and freedom of expression as journalists are regularly punished under the provisions of Somali Penal Code, and in this morning NUSOJ appealed to President Farmaajo to use his constitutional powers to safeguard journalists’ rights and freedom of expression from this repressive law. “While we commend the President for taking this important and remarkable step, we urge the government and the members of the Federal Parliament to speedily reform the penal code in line with the international standards of freedom of expression and pass a progressive criminal law that respects and protects civil liberties of the citizens,” said Omar Faruk Osman, Secretary General of NUSOJ. “There is no doubt that journalists have an obligation to report fairly, ethically and accurately on the events of the day but using criminal defamation, insult, false news and sedition laws is not compatible in a nation that seeks to embrace democratic principles and respect for fundamental human rights,” declared Osman. The African Union’s human rights body, African Commission on Human and Peoples’ Rights (ACHPR), passed Resolution 169 which called on State Parties to the African Charter on Human and Peoples’ Rights, including Somalia, to repeal criminal defamation laws or insult laws which impede freedom of expression. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Habeen-03052020-ok-1.mp3 View the full article
  23. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa si cajiib ah uga jawaabay warar dhowaan laga faafiyey xaaladiisa Caafimaad, kuwaasi oo si weyn ugu dhex baahay baraha bulshada, maadama in muddo ah warbaahinta lagu arkin madaxweynaha. Madaxweyne Biixi ayaa isaga oo ka jawaab celinaya wararkaasi laga faafiyey xaaladiisa caafimaad, ayaa waxa uu maanta mar kaliya kasoo muuqday warbaahinta, isagoo booqasho kedis ah ku tagay xarunta wasaarada horumarinta caafimaadka Somaliland. Muuse Biixi ayaa Warbaahinta kasoo muuqday isagoo xidhan khamiis, isla markaan ay ag socdaan wasiiro ka tirsan xukuumadiisa oo ku wehlinayey kormeerka kediska ah ee uu saaka ku tagay wasaarada caafimaadka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu xariga ka jaray Mishiin Hay’adda WHO ay dhawaan ugu deeqday Somaliland, kaasi oo xukuumadooda ka caawin doona baadhista dheecaanadii ay u diri jireen dibada ee dadka looga shikiyo cudurka Coronavirus. Kormeerka uu saaka ku tagay madaxweynuhu wasaaradaasi, ayaa dadka qaarkood waxa ay rumeysan yihiin in Madaxweynuhu uga jawaabayo wararkii dhowaan laga faafiyay xaaladiisa caafimaad, midaasi oo noqotay qaab cusub oo xukuumada Biixi uga fal-celinayso wararka beenta ah ee madaxda laga faafiyo, iyada oo hore si cad u beenin jirtay.
  24. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Saciid Xamse ayaa ka warbixiyay gurmad deg deg ah oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya gaarsiineyso deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, halkaasi oo daadad ku fatahay ay sababeen xaalad beni’aadanimo oo adag. Wasiir Xamse ayaa tilmaamay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray guddiga gurmadka Qaran ee Fatahaadaha inay deg deg uga howlgalaan sidii gurmad loo gaarsiin lahaa muwaadiniinta ku dhibaateysan Bacaadweyne oo hooy iyo hantiba ku beelay daadadkii ku fatahay. Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku nafwaayay fatahaaddan ka dhacday Bacaadweyne, isaga oo muujiyay sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo guud ahaan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay uga muragsanyihiin dhibaatadan. Wasiir Xamse Saciid ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka deg dega ah ee loo fidinayo deegaannada ay fatahaaduhu ku dhufteen, iyada oo la xoojinayo wacyigelinta ku aaddan halista fatahaadaha iyo daadadka ee la filayo, maadaama lagu guda jiro xilli roobaadka Guga. View the full article
  25. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Habeen-03052020-ok.mp3 View the full article