Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wajeer (Caasimadda Online) – Dagaal-yahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday saldhigyo ciidan oo ku yaalo gudaha dalkaas. Saldhigyada la weeraray ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwa ay Ciidamada Booliska Kenya ku lahaayeen deegaanka Qorof Xarar ee gobolka Wajeer. Weeraradaas ayaa la rumeysan yahay inay khasaaro kasoo gaartay ciidamada Kenya iyo kuwii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday inkastoo aan weli la helin tirada rasmiga ah. Warbaahinta ku hadasho afka Al-Shabaab ayaa baahisay in weerarkaas khasaaro weyn lagu gaarsiiyey ciidamadii booliska ahaa ee ku sugnaa labada Saldhig ee la weeraray xalay waqti dambe. Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegtay in war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab lagu sheegay in ciidamadoodu ay qabsadeen laba saldhig islamarkaana ay gubeen xarun ay laheyd shirkadda isgaarsiinta Safaricom. Warbaahinta maxalliga Kenya ayaa xaqiijisay weerarkan waxayna sheegtay in weeraro toos ah iyo qaraxyo lagu beegsaday ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Wajeer. Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday weerarada ay ka geysato gudaha dalka Kenya, waxayna sheegtay inay sii wadi doonto inta ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya. Kenya waxaa Soomaaliya ka joogo ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, waxayna inta badan ku sugan yihiin deegaanada Jubbaland, waxayna sheegtay inaysan ciidamadeeda kala bixi doonin Soomaaliya inta laga ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.
  2. Taliyaha Cusub ee Madaxtooyada oo xilka kala wareegay Taliyihii hore Taliyaha Cusub ee Ciidanka Madaxtooyada Puntland G/sare Cismaan Cumar Maxamed, ayaa maanta Sabtiya xilka kala wareegay Taliyihii hore ee Ciidanka Madaxtooyada G/sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf. Munaasibadda xilwareejinta, oo ka dhacday Rugta Ciidamada Madaxtooyada, waxaa ka qeybgalay Taliye ku-xigeenka Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland Sareeye Guuto Axmed Cali Salaad, Ku-simaha Agaasimaha Guud Ahna Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Cabdiweli Timacade, Agaasimaha Hab-maamuuska Madaxtooyada Cabdisalaam Xasan Ducaale, Agaasimaha Maamulka Madaxtooyada Cabdiqaadir Geedi iyo saraakiil kale oo ka tirsan Madaxtooyada. Balse, waxaa dib loo dhigay xil-wareejinta Taliye ku xigeenka Cusub ee Ciidanka Madaxtooyada G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali, oo xilka kala wareegi lahaa G/sare Cabdiqani Maxamed Xarbi, kadib Khilaaf ba’an oo ka dhex aloosmay Madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan, kaas oo salka ku haya Magacaabista Taliye ku xigeenka cusub ee Madaxtooyada. Mudane Axmed Karaash, ayaa dikreeto uu soo saaray ku sheegay in Magacaabista Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka Madaxtooyada aan midkoodna lagala tashan, isagoo ku amray Taliye ku xigeenkii Hore ee Madaxtooyada in uusan wareejin xilkaasi, balse shaqadiisa sii wato. PUNTLAND POST The post Taliyaha Cusub ee Ciidanka Madaxtooyada Puntland oo xilka la wareegay iyo ku xigeenkiisi oo laga reebay appeared first on Puntland Post.
  3. Cismaan Cumar Maxamed Taliyaha ciidanka Madaxtooyada iyo ku xigeennkiisa G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali ayaa maanta si rasmi ah ula Wareegay Shaqadooda. Masuuliyiintaan oo ah Saraakiil [...] Source
  4. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-16052020.mp3 View the full article
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa mar kale isku dayeysa in dib loo dhigo dhageysiga kiiska badda Soomaaliya ee hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ), sida ku cad dokumentiyo cusub oo ay dirtay. Arrintan ayaa khilaaf hor leh ka dhex-abuurtay labada dal, ayada oo Soomaaliya ay si xooggan uga hor-timid damaca cusub ee Kenya ay uga baxsaneyso inay cadaaladda wajahdo. Mahdi oo u waramay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa sharaxaad ka bixiyey sababta ay uga soo horjeesteen dalabka ka yimid Kenya, isagoona difaacay mowqifkooda. “Waa run in dunida cudurkaasi uu ka dilaacay oo maqal furan oo maxkamadda gudaheeda ahi aanay dhici karaynin, isu socodkii aanu jirin oo duulimaadyadii lagu tegi lahaa Hague aanay jirin oonay shaqaynayn oo dal walba albaabadu u xiranyihiin. Hase yeeshee maxkamaddu waxay soo saartay in shaqadeedii ay wadi doonto habka maqalka iyo muuqaalka ahna ay dacwadaha ku dhegaysan doonto,” ayuu ku daray. Sidda laga soo xigtay Guuleed, waxaa jira kiisas dhowr ah oo ICJ ay ku dhageysatay habka fogaan aragga ah ee dunida wada isticmaasho hadda. “Horta mar walba waa jirtay in meel ka baxsan maxkamada ama ha noqoto African Union ama IGAD ha noqoto in rabitaanka Kenya uu ahaa in meel ka baxsan lagu qaado ama lagu dhegaysto sifo diblomaasiya, anagu se waxaanu aaminsanahay in ay tahay arintaas in la soo af-jaro maxkamadda gacanta ku haysaana ay ka garnaqo,” ayuu hadalkiisu ku daray. Ra’ilwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin dhameystiran ka bixiyo cadaadista ay Dowladda Soomaaliya sheegtay inay saareyso dhigeeda Kenya. Gal-dacwadeedka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo bilowday bishii August ee sanadkii 2014-kii, waxaana dhinacyadda ay isku hayaan goob hodan ku ah kheyraad oo ku taala xadka labadda wadan. Maxkamadda ayaa la filayaa in maalmaha soo socda shaaciso go’aankeeda ku aaddan in kiiska uu ku dhacayo waqtigiisa iyo in kale, kaasi oo ah 8-da ilaa 12-ka Bisha June. Maxkamadda ICJ ayaa 5-tii September ee 2019-kii ogolaatay codsi ka yimid Kenya oo ahaa in dib loo dhigo kiiska, waxaana xilligaas ay ballan-qaaday inaan mar kale kiiska dib loo dhigi doonin.
  6. Ilaa 200 oo ruux oo isugu jira haween iyo rag ayaa kafa’ideestay deeq gargaar lacageed oo maanta Hormuud Foundation iyo Salaam Bank ay gaarsiiyeen dad danyar ah iyo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba oo laga soo dhex xulay kaamam ku yaala magaalada Muqdisho Munaasabad lagu qeybinayay deeqda oo ka dhacday xarunta Dhalinyarada gobolka Banaadir oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka iyo haweenka gobolka Banaadir ayna goobjoog ka ahayeen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugu horeyn waxaa daahfuray Rowda Xaashi Yuusuf oo ah xubin katirsan Wasaarada Hameenka. Gudoomiyaha dhalinyarada gobolka Banaadir Abdi Kaafi Maxamuud Makaran iyo gudoomiyaha ururka haweenka gobolka banaadir Jawaahir Baarqab iyo Xildhibaanad Caasha Koos oo iyaguna goobta kahadlay ayaa ku amaanay Hormuud Foundation iyo Salaam Bak dowrka ay uga jiraan bulshada iyaga oo uga mahadceliyay sida mar waliba ay caawinaada ula garabtaaganyihiin dadka danta yar. Madaxa Hormuud foundation Cabdullahi Nuur Cusmaan oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijkan uu qeyb ka yahay barnaamij taxane ah oo ay soo wadeen Hormuud foundation iyo Salaam bank taasi oo ay ku caawinayeen dadka danta yar maadama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan isagoo ugu baaqay shacabiga Soomaaliyeed in ay iscaawiyaan. Dadkii ka faa’ideystay deeqda ayaa dhinocooda ka mahadceliyay gargaarka maanta ay soo gaarsiiyeen Hormuud foundation iyo Salaam bank iyagoo sheegay in wax badan nolooshooda ay katari doonto xiligii ay u baahnaayeena ay kusoo aaday maadaama lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan. HOOS KA DAAWO SAWIRADA: View the full article
  7. Rwandan genocide suspect Felicien Kabuga, who is accused of funding militias that massacred about 800,000 people, was arrested on Saturday near Paris after 25 years on the run, the French justice ministry said. Source: Hiiraan Online
  8. Wanlaweyn (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Magaalada Wanwaleyn ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya inay halkaas ka jirto cabsi ku aadan inuu mar kale dagaal Beeleed ku dhexmaro laba Beelood oo dhawaan halkaas ku dagaalamay. Cabsida ayaa timid kadib markii labada dhinac ay bilaabeen hub aruursi, waxayna labada ciidan kala joogaan labada dhinac ee Magaalada Wanlaweyn. Dadweynaha ku dhaqan gudaha Magaalada ayaa bilaabay inay isaga barakaceen si ay dhibaato uga soo gaarin dhinacyada dagaalka isku diyaarinayo. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee dagaalka uga daran ay tahay in kooxaha dagaalamayo ay dadka shacabka ah guryaha ugu galayaan isla markaasna ay u dilayaan aano qabiil. Labadaan Beel ayaa bil ka hor ku dagaalamay halkaas, waxaana dagaalkooda ku dhintay 10 qof oo u badnaa Dad Shacab ah iyadoo ay xusid mudan tahay in dadka qaar la gubay. Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo dhawaan halkaas tagtay ayaa sheegtay inay dib u heshiisiin dhex dhigtay labada dhinac ee dagaalamay, waxayna ugu hanjabtay ciddii mar kale dagaal bilowdo inay la tiigsan doonto sharciga balse waxaa muuqato in amarkii maxkamadda uusan fulin.
  9. The Somali government announced its rejection of any delay of the Somali-Kenya maritime dispute case at the International Criminal Court (ICJ) following request by the Kenyan government to postpone the hearing on the case before the International Court of Justice (ICJ)). The hearing was scheduled to take place in early June, but Kenya has asked the court to postpone it for an undisclosed date. Kenya has used the global spread of Coronavirus as an excuse, saying it has had a strong impact on the lawyers representing them in the case, saying it was impossible for them to prepare. The Kenyan government also pointed to the financial difficulties the world is going through, due to COVID-19 as a hindrance. In a statement, the federal government of Somalia dismissed the claims saying the court process can be conducted online. Mogadishu further accused its neighboring of trying to solve the dispute outside the court for avoiding presence in the court through delays three times before. “Our stand is not to delay the case one day and that is what we have told the court,” Deputy Prime Minister, Mahdi Mohamed Guled said, adding, “The process should continue via video or audio conference.” The ICJ on September 5th, 2019, granted a Kenyan request to postpone the case, and at that time, the court pledged it would not postpone the proceedings again. The court is expected to announce its decision in the coming days whether or not the case will be heard on its scheduled date of June 8 to 12, 2020. Both countries claim ownership of an area, almost 150,000 square kilometers (57,915 square miles) off the Indian Ocean coastline, said to be rich with oil, gas and tuna fish. In 2014, Somalia’s government went to court to challenge a 2009 agreement that set its maritime border along latitudinal lines extending 450 nautical miles into the Indian Ocean.
  10. Waxaa maalmihii u dambeeyey soo shaac baxayay inuu jiro khilaaf ku aadan wada shaqaynta ka dhaxaysa Madaxda ugu sareeyay Dowlada Federaalka iyo Wakiilada Beesha Caalamka [...] Source
  11. Hargeisa (HOL) - A plane carrying emergency COVID-19 supplies sent from Qatar has landed at Egal International Airport on Saturday morning. Source: Hiiraan Online
  12. (SLT-Hargeysa)-Garoonka diyaaradaha Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa Maanta oo sabti waxaa ka soo degtay diyaarad sida qalab Caafimaad oo looga talagalay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo saameeyn ku yeeshay adduunka oo dhan. Diyaaradaan ayaa waxaa ay ka timid wadanka Qatar, waxaana la sheegay inay wado qalab Caafimaad oo ay Qatar ugu deeqay Somaliland, kuwaas oo iskugu jira kuwo lagaga hortagayo Cudurka Coronavirus iyo kuwo lagula tacaalayo. Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa deeqda Caafimaad kula wareegya Garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal, iyagoona u mahadceliyay Qatar, sidoo kalena sheegay in Gargaarka uu kusoo aaday xilli loo baahan yahay. Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa ku guuleystay inuu soo saaro daawo loogu talagalay cudurka Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya caalamka. Fox News ayaa shaacisay in Saynisyahanno ka tirsan shirkadda ku takhasustay cilmiga bayoolajiga ee California ay soo heleen daawo looga hortagayo cudurka Covid-19. ‘Waxaan dooneynaa inaan carabka ku adkeyno in ay jirto daawo.” ayaa yiri maamulaha Sorrento, Dr Henry Ji, oo la hadlay Fox News. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay soo saari karaan, hadii ay helaan ogolaansho illaa 200,000 bil-weliba. Shirkadda Sorrento ayaa sidoo kale oggolaansho deg-deg ah ka dalbatay maamulka cuntada iyo daawooyinka ee Mareykanka (FDA), balse weli ma helin wax jawaab ah. Mareykanka ayaa ka mid ah wadamada uu sida daran u sameeyey Coronavirus oo ka soo bilowday Shiinaha, islamarkaana ku faafay dalal badan oo Soomaaliya ay ku jirto
  14. The Somali regional state of Jubbaland has issued an order that mosques would no longer be open for the customary five daily prayers or Friday congregations, an exceptional move to limit the spread of the coronavirus which has spread in the regional capital Kismayo and other areas of the state. The unprecedented announcement came after the region registered more cases in the past days for the global pandemic which has so far claimed over 300,000 lives worldwide since its outbreak. The regional president Ahmed Madobe also held talks with religious leaders in the region, told them they must close mosques to avoid even more infections. As the perilous COVID-19 pandemic continues to wreak havoc, claim lives, halt global movement and cause economic instability across the world, the virus has also been spreading across Africa. As a precautionary step, many countries have taken the firmest measures to lessen the deadly disease from causing further damage and lower human causalities including implementing total lockdowns, imposing social distancing in public places and giving general guidelines on what to do if you get infected. Somalia announced the first case of COVID-19 mid March in a citizen who returned from China. Since then, the number of people that tested positive has risen to 1284, mostly locals who have not traveled or returned from abroad. Of course, it’s still an early stage, but recent cases indicate that the virus has begun spreading among locals. The Somali federal government with its limited capabilities has taken all necessary precautions to tackle the pandemic and prevent it from spreading. All flights had been canceled locally and internationally, schools and universities were closed, public gatherings were banned and the government urged people to stay home. After emerging in Wuhan, China last December, the virus, officially known as COVID-19, has spread over 200 countries and territories. The global death toll from the virus has surpassed 300,000 with more than 4,500,00 cases confirmed worldwide, according to the World Health Organization. However, a vast majority of those who get infected recover from the illness
  15. (SLT-Nairobi)-Dowlada Kenya ayaa lagu soo warramayaa inay la gaadhay maxkamadda caalamiga ah ee cadaalada (ICJ) inay codsato kordhinta dhageysiga dacwada muranka xadka badda oo sannado socdey. Dawladda Kenya waxay la gaadhay ICJ inay raadsato waqti dheeri ah iyada oo ay ugu wacan tahay masiibada ‘Covid-19’ inaanay suurto galin Karin in dacwada la qaado. Waraaq ay u direen ICJ, qareennada difaaca Kenya ayaa lagu soo waramayaa inay qirteen inay shaqadooda saameeysay masiibada covid 19. Sida ay sheegayaan wararka, dowladda Soomaaliya ayaa si xoogan uga soo horjeesatay qorshayaasha Kenya ee ah inay dib u dhigto dacwadda badda waxayna ku eedeeysay Kenya inay raadineyso xal ka baxsan maxkamadda. Saxaafaddu waxay sheegtey in bayaanka ay dowladda Soomaaliya u dirtay ICJ ay ku codsatay in dhageysiga loo qaato qaab muuqaal ah iyadoo la adeegsanayo tikniyoolajiyad casri ah si loo diido cudurdaarka Kenya. Soomaaliya ayaa ku dooday in dacwadihii waaweynaa ee caalamiga ahaa ee la keenay ICJ ay horay u maqleen oo go’aan looga gaadhey qaab maqal iyo muuqaal ah, waxayna ugu baaqday ICJ in ayna waligood dib u dhigin dhageysiga kiiskaan. ICJ bishii Nofeembar 2019, waxay oggolaatay inay hore ugu sii dhaqaaqdo dhageysiga muranka badda ee u dhexeeya labada dal ka dib markii ay labada waddan soo gudbiyeen dacwadahooda. Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ), waaxda garsoorka ee ugu sarreysa Qaramada Midoobay, waxay go’aansatay in dib loo dhigo dhageysiga kiiskaan illaa laga gaaro 8-da Juun 2020. Source
  16. (SLT-California)-Koox Saynisyahanno oo ka tirsan shirkadda Cilmiga bayoolajiga Mareykanka ee fadhigeeda yahay California ayaa ku dhawaaqay in ay heleen daawo lagaga hortigi karo Cudurka Corona Virus. Madaxda sare ee Shirkadan ay sheegay in dawada loo yaqaan ‘STI-1499 antibody’ ay ogadeen in ay joojinkarto in uu ku faafo jirka bani’aadamka xanuunka Corona Virus tijaabooyin la sameeyay kadib. War-saxaafadeed kasoo baxay Shirkadda Cilmiga bayoolajiga Sorrento waxaa lagu sheegay in ay soo saari karaan illaa 200,000 bil walba, balse ay u baahan tahay ogolaanshaha Dowladda Mareykanka. Shirkadda Sorrento ayaa sheegtay in ay rumeysan tahay in wax weyn ay ka tari karto daawadaan SARS-CoV-2, oo ah Virus horseedi karo inuu si fudud u faafo xanuunka COVID-19. Shirkadda ayaa ka warbixisay baadhitaankeedii iyada oo ku dhawaaqday in ay heshay Daawo 100% ka hortagi karto SARS-CoV-2. War saxafadeedkan oo jimcihii shalay ka soo baxay Shirkadda Sorrento ayaa lagu sheegay in Shirkadda ay rumeysan tahay in Daawadan loogu magac daray STI-1499 ay tahay midda uga haboon ee lagula dagaalami karo xanuunkan halista ah ee Corona Virus. Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Somaliland ayaa la sheegay inay beesha caalamka u bandhigtay mawqifkeeda qaabka ay Itoobiya iyo Maraykanku u wadaan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Ma jiro war rasmi ahi, laakiin warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Dawladu ay toddobaadkii u dambeeyay xidhiidho kala duwan la sameeysay dalalka beesha caalamka ee xidhiidhka wada shaqayneed la leh Somaliland, kuwaas oo la sheegay inay u bandhigtay inaanay Somaliland u sacabo tumayn qaabka wakhtigan ay Maraykanka iyo Itoobiya doonayaan inay noqdaan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanay dawladu sheegtay inay Somaliland diyaar u tahay dib u bilaabista wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho ee istaagay, laakiin aanay la dhacsanayn in laga leexiyo jidkii hore oo loo duwo wadiiqo kale. Siyaasiyiinta Somaliland qaar ka mid ah ayaa dhawr goor sheegay in ay Itoobiya iyo Maraykanku doonayaan inay Somaliland iyo Soomaaliya gaadhaan isfaham deg deg ah. Diblomaasiyiinta ay dawladu Xidhiidhada kala duwan la sameeysay ayaa la sheegay in qaarkood soo dhaweeyeen doodda Somaliland, waxaana toddobaadkan uu kulan adeega casrig ah ee ‘Zoom’ ku dhex maray dalalka beesha caalamka, kuwaas oo isla soo qaaday wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya iyo doodda Somaliland. Diblomaasiyiin ka socotay dhawr dal oo reer Yurub ah sida Ingiriiska, Norway iyo dawladda Turkiga oo iyadu hore gadh-wadeen uga ahayd wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho ayaa la sheegay inay kulanka ka sheegeen mawqifka Somaliland. Lama garan karo in Itoobiya iyo Maraykanku hakin doonaan xawaaraha ay doonayaan inay ku dhaqaaqaan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, ka dib mawqifkan Somaliland, laakiin safiirka Maraykanka ee Soomaaliya danjire Donald Yamamoto oo dhawaan u waramay wargeyska Geeska Afrika, ayaa soo dhaweeyay kulankii Addis Ababa ku dhex maray Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo. Dawladaha Maraykanka iyo Itoobiya oo aan hore uga dhex muuqan jirin wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay si weyn uga dhex muuqday muraayada wada hadaladan, waxaanu Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ku guulaystay inuu Addis Ababa isugu geeyo Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo hore hawada isugu marin jiray hadalo kulul oo hakiyay wada hadaladii u dhaxeeyay dawladihii Somaliland iyo Soomaaliya ee hore. Source
  18. (SLT-Laascaanood)-Masuuliyiinta Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Sool, ayaa sheegay in aanay haba-yaraatee jirin wax kiis ah oo la xidhiidha cudurka Corona Virus oo laga helay gobolka, wasaaradduna heegan ugu jirto la socodka xaaladaha cudurkaasi. Isuduwaha Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Gobolka Sool Dr. Maxamuud Xaaji Khaliif oo daba socda qoraallo been abuur ah oo ay dad aan ehel u ahayn arrimaha caafimaadku ku baahiyeen baraha bulshada, ayaa sheegay in uu jiray qof Cisbitaal gaar loo leeyahay u soo gudbiyey, kaddib markii laga shakiyey, kaasoo la dhigay xarunta loo diyaariyey daaweynta Covid19, isla markaana xannuunkiisu la xidhiidho cuduro kale. Dr. Khaliif ayaa sidaasi ku sheegay war qoraal ah oo uu ku baahiyey bar uu xafiiskiisu ku leeyahay baraha bulshada. Waxaanu yidhi “ma jiro wax Kiis ah oo laga helay gobolka sool xalay(habeen hore) baaro 1:30 am ayaa maamulka cisbitaalka gargaar ay u soo gudbiyeen teamka RRT ee gobolka sool inay hayaan bukaan ay ka shakiyeen. Bukaankaas waxaa lagu dabiibayaa xarunta Daaweynta (treatment center) laascaanood. Dhakhaatiirta la tacaalaysa bukaankan waxay xaqiijiyeen in bukaanka sonkortiisu dhacsantahay baadhitaana u socdo xaaladiisuna aad u wangsantahay.” Isuduwaha Wasaaradda horumarinta Caafimaadku, waxa uu dadka baraha bulshada wax ku qora uga digay in ay shacabka manjaro-habaabiyaan, isagoo dadweynaha ku booriyey in aanay ku jaha-wareerin wararka been abuurka ah ee ay fidiyaan dadka aan xilkaska ahayni, wixii xog iyo xaqiiqo ah ee dhanka caafimaadka ku saabsana uga marti-noqdaan Wasaaradda Caafimaadka ee heer Gobol iyo heer qaran. “Waxa mar labaad iyo mar sadexaadba aan uga nasteexaynayaa bulshada reer sool inay joojiyaan qoraalada aan xaqiiqda ku qotomin oo cid aan ahayn wasarada horumarinta caafimadka aanay shaacin karin ama xogtiisa daabici karin kumana jirto sharciga iyo xuquuqda bukaanka ee fadlan hala dhawro. Bulshada gobolka sool waxaan kaloo u sheegayaa wax waliba oo aad ku aragtaan baraha bulshada yaan loo qaadan run wixii jira dhanka caafimaadka waxaad saacad walba kala soconaysaan wasarada caafimadka ee heer gobol iyo heer qaran” ayuu yidhi Isuduwaha Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Gobolka Sool Dr. Maxamud Xaaji khalif. Source
  19. Guddoomiyaha hore Naadiga Kubbadda Cagta Elman, Cabdirisaaq Faarax Cumar (Goroje) ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka guddoomiyenimada, kaddib muddo 2 sano ah oo uu xilkaas hayay. Mudane Goroje oo is casilaaddiisa kaga dhawaaqay magaalada London ayaa sheegay in uu ka tagay oo kaliya xilka guddoomiyenimada arrimo isaga u gaar ah, laakin Elman uu markasta qeyb ka yahay horomarkeeda wuxuunta intaa ku daray in uu iminka qeyb ka yahay maamulka sare ee Elman Sports. “Inta badan nolosheyda waxaan ku soo dhex jiray kubbadda cagta walina waan ku dhex jiraa, waana jeclahay kubbadda cagta. Waana jeclahay naadiga Elman, Waxaan ka tagay oo kaliya xilkii aan ka hayay, laakin waxaan caddeynayaa in aan diyaar u ahaan doono in aan kooxdeyda ku caawiyo wax kasta oo ay iiga baahto mustaqbalka, waxaana kasii mid ahaan doonaa kubbadda cagta Soomaaliya” “Xilka guddoomiyenimo ee nadiga Elman FC ayaan ka tagay oo keliya sababo la xiriira aniga oo aan u heli karin waqti igu filan oo aan kusii hoggaamiyo, taas ayaana ah sababta is casilaaddeyda. Wali jacayl aad u weyn ayaan u hayaa bahweynta Elman, waxaana mar kasta ku faraxsanahay in aan caawiyo Elman iyo xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya intii karraankeyga ah”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay . Intii uu talada hayay waxaa naadiga Elman loo aqoonsaday kooxdii ugu fiicneyd dhanka maamul wanaagga sanadkii 2019, iyadoo guddoomiye Goroje abaal marinta lagu guddonsiiyay xafladii abaal marinnada kubbada cagta Soomaaliya ee dhacday horraantii janaayo ee sanadkan. Mudane Goroje ayaa ah macallin dhanka gool-heynta ah wuxuuna shahaado heerka 1aad ah ka heystaa FA-ga Ingiriiska. Dalka Soomaaliya ayuu 3 sano ka hor ka hir-geliyayakadeemiyada tababarka gool-hayennimada, si dalkiisa uu wax ugu qabto, waxaana ka faa’iideystay caruur badan oo Soomaaliyeed. Guddoomiyaha is casilay ee naadiga Elman ayaa ah aabaha dhalay Yoonis Faarx oo ka tirsan cayaartoyda xulka qaranka Soomaaliya ee sameeyay taariikhda aan horay u dhicin kaddib markii ay sanadkii hore Soomaaliya ku hoggaamiyeen in ay badiso cayaar ka tirsan is reeb reebka FIFA World Cup oo Soomaaliya intii ay jirtay aanay waligeed badin. Halkan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Guddoomiyihii Is Casilay Ee Cabdirisaaq Garooje Source: goobjoog.com
  20. Xubnaha ugu sareeya Dowlada Federaalka iyo la taliyaashoodu waxay Qorshaynayaan in Doorashada Soomaaliya ay dib u dhacdo, inkastoo gudoomiyaha Baarlæamaanku uu hoosta ka xariiqay in [...] Source
  21. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Taliska ciidamada gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen gaari nooca raaxada ah oo laga soo dhacay dhinaca Galmudug, gaar ahaan koonfurta magaalada Gaalkacyo. Qoraal ka soo baxay Booliska Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in la soo qabtay gaariga uu noociisu yahay Probox, taarkadiisuna ay tahay CN 721, balse ma shaacin Booliska in gacanta lagu dhigay raggii ka dambeeyey falkaasi dhaca ah. Sidoo kale warkaan ayaa waxaa lagu sheegay in laamaha amniga ee Puntland iyo Galmudug ay xoojin doonaan wada shaqeyntooda, si loo sugo nabad-gelyada. “Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland waxey ku guuleysteen in ay soo qabtaan Gaarigii Probox-ka ahaa ee laga soo dhacay Galmudug, Taliska Booliska waxeey xoojin doonaan wada shaqeeynta laamaha amniga ee Galmudug iyo Puntland ee Gobolka Mudug” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay Booliska Puntland. Ugu dabeyn taliska ayaa uga mahaceliyey shacabka ku dhaqan Gaalkacyo wada shaqeynta buuxda ee ay la leeyihiin ciidamada ammaanka ee magaaladaasi. Qorshaha ayaa sidoo kale ah in Booliiska Galmudug lagu wareejiyo gaariga, si ay ugu gacangeliyaan milkiilaha laga soo dhacay. Si kastaba ha’ahaatee falalka dhaca ah oo ay inta badan geystaan maleeshiyaad hubeysan oo ku sugun gobolka Mudug ayaa ka dhaca deegaanada gobolkaasi.
  22. Today, the Federal Ministry of Health Somalia has launched the Coronavirus Information Service on WhatsApp. The new service, which is free-to-use, provides a central source of accurate, trustworthy and up-to-date information about Coronavirus (COVID-19), with the goal of keeping Somali people safe and constantly informed about the virus. The Coronavirus Information Service is an automated ‘chatbot’ service which will allow Somali people to get answers to the most common questions about Coronavirus from the Federal Ministry of Health- Somalia 24 hours a day. Enabling two-way conversations on WhatsApp, the Coronavirus Information Service has been built on the WhatsApp Business API, using Infobip’s global communication platform to enable the sharing of timely and vital information about the virus. The service will enable the Federal Ministry Of Health Somalia to send urgent and real-time messages to all Somali people who opt into the service, with subscribers also being able to engage directly to share or get more information. All WhatsApp users can access the free information service by simply adding the number: +252 613600700 to their phone contacts. To get started, users can text any key word for example, “Hi” to the number through WhatsApp chat which prompts a list of options. The service can also be initiated by clicking the link. Speaking on the collaboration with WhatsApp and Infobip, Minister of Health, H.E. Dr. Fawziya Abikar Nur said: “WhatsApp is one of the most common social media platforms in Somalia, therefore, we thank WhatsApp and Infobip for their contribution to our efforts of risk communication and community engagement to fight Coronavirus in Somalia”. Matt Idema, WhatsApp’s Chief Operating Officer, commented: “At difficult times like these, people use WhatsApp more than ever to connect with and support their friends, family and communities. We are pleased to be able to provide the Federal Ministry of Health Somalia with the communications tools to help them respond to citizens’ questions about the virus with reliable, timely health advice, in order to keep people safe.” PRESS RELEASE
  23. Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka General CabdiCasiis Cabdilaahi Cabdi Qooje ayaa sheegay in lagu guulestay heshiis hordhac ah oo la dhax dhigay beelo ku dagaalamay deegaanka Laas-Gacameey oo 15-Km u jira Magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug. Taliyaha ayaa sheegay inay si buuxda ugu guuleysteen in la xaliyo colaadii ka taagneyd degaanka Laas-Gacameey, islamarkaana go’aan lagu gaaray in ciddii heshiiska baal marta tilaabo laga qaadi doono. Kulanka heshiisiinta oo socday muddo Lix cisho ah, isla markaana ay ka qeybgaleen odayaasha dhaqanka iyo madaxda taliska qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka ,waxaa lagu go’aamiyay in laga gudbo muranadii jiray ku waasi oo ragaadinaya nabadda iyo horumarka degaanka iyo howlgalada ciidamadu ay ku doonaayeen inay ku wajahaan deegaanada Al-Shabaab ay ka joogaan gobolka Mudug. Gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa inta badan waxa ku soo laablaabta dagaal beeleedyada dhexmara beellaha walaalaha ah ee halkaasi wada dega. Goobjoog News Source: goobjoog.com