Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Tel Aviva)-Haweeneyda wasiirnimada Israa’iil ay u magacaawday oo lagu magacaabo Nita Tamano Shata waxay ka mid ahayd Yuhuudda Itoobiya ee Israa’iil dib looga celiyey. Haweeneydan oo noqotay haweeneydi ugu horreysay oo Yuhuudda Itoobiya ka soo jeedda oo golaha wasiirrada Israa’iil ka mid noqoto, Golaha wasiirrada cususb ee Israa’iil ayaa in mudda ah dib u dhacay kaddib marki ay dowladda wadajirka ee ay xisbiyadu dhisayeen lagu heshiin waayey ugu dambeyna la filayo in Axadda barri ah la dhaariyo wasiirrada cusub. Nita oo ka tirsan Xisbiga Ra’isal wasaaraha cususb ee Israa’iil Beni Gantez ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha qoxootiga. Xilligi ay Itoobiya ka arrimineysay dowladda millatariga uu hoggaanka u hayey Mangistu Haylamaaryaam 1984-1985 ayey sirdoonka Israa’iil ee Mosad howlgal ay fuliyeen dadki lagu qaaday ka mid ahayd, xilligaasi oo ay Nati da’deedu ahayd 3 jir. Nita Tamano Shata waxay hore uga soo shaqeyneysay xirfadda wariyenimada Xilligaasi oo 16,000 oo yahuudda Itoobiya ay lug ku tageen dalka Suudaan kaddibna halkaasi diyaarado ay Israa’iil leedahay looga daad gureyey. Inta ay dadkaasi waddada u dhaxeeysa Itoobiya iyo Suudaan ku sii jireen waxaa dhibaatooyin kala duduwan ku nafwaayey 1,500 oo qof. Yuhuudda Itoobiya laga qaaday oo Israa’iil la geeyey ayaa marar badan ka cawda cunsuriyad ay kala kulmaan yuhuudda inteeda kale. Israa’iil oo ay xilligaasi xurguf siyaasadeed oo aad u xun oo sababay iney dagaalla qaraar dhacaan kala dhaxeysay waddamada carabta ayaa Suudaan oo ka mid ah dalalka carabta Israa’iil u adeegsatay marin ay dadkaasi sii mariso. Yuhuudda Itoobiya ee ku nool Israa’iil oo haatan tiradooda lagu qayaaso 140,000 oo intooda badan shaqa la’aan ah ayaa ka mid ah muwaaddininta Israa’iil ee saboolka ah. Source
  2. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay markale dalbatay in dib loo dhigo dacwadda badda ee u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya taas oo taal maxakmadda cadaaladda adduunka ee ICJ. Wararka ayaa intaas waxa ay ku darayaan in Kenya ay ku andacoonayso in cudurka safmarka ah ee Coronavirus uu adduunka saameyn adag ku yeeshay sidoo kalane dhaqaalaheeda uu hoos u dhigay waxaana warqadda ay Kenya u dirtay ICJ ku xusnaa in qareennadeeda ay kala go’doomeen oo aysan suura gal ahayn inay kulmaan, balse hadalkaas iyo marmarsiyahaas waxaa ka soo horjeesatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo sheegtay inaysan marnaba ogoleyn in dib loo dhigo kiiskaas. Rai’sulwasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Qadar ayaa sheegay in iyadoo dowladda garawsantahay saameynta uu caalamka ku yeeshay safmarka Coronavirus haddane dowladda federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an inaan marnaba dib loo dhigin kiiska dacwadda badda ee kala dhaxeeya Kenya isaga oo intaas ku daray in dhageysiga dacwaddaasi loo qaadi doono qaab maqal iyo muuqaal ah. Mahdi Guuleed ayaa tibaaxay in maxkamadda Cadaaaladda adduunka ee ICJ ay sheegtay in dacwadaha inta lagu guda jiro COVID-19 ay u qaadi doonaan hab maqal iyo muuqaal ah “waa run in dunida cudurkaasi uu ka dilaacay oo maqal furan oo maxkamadda gudaheeda ahi aanay dhici karaynin, isu socodkii aanu jirin oo duulimaadyadii lagu tegi lahaa Hague aanay jirin oonay shaqaynayn oo dal walba albaabadu u xidhanyihiin. Hase yeeshee maxkamaddu waxay soo saartay in shaqadeedii ay wadi doonto habka maqalka iyo muuqaalka ahna ay dacwadaha ku dhegaysan doonto. Bishan Juun dalal dhawr ah ayaa dacwadahooda lagu dhegaysanayaa maqal iyo muuqaal, ilaa hada hal kiis ayay ku dhegaysatay, markhaatiyona way ku dhegaysatay maxkamadu maqal iyo muuqaal, markaa anaga waan ka hor nimi waan diidnay mawqifka Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa weeye in aan dacwadaas maalin dib loo dhigin, go’aankaas ayaanan u qornay maxkamada caalamiga ah ee aduunka laguna dhegaysto dacwada habka maqalka iyo muuqaalka ah ama video confrene oo ay maxkamadu hada gacanta ku hayso kana shaqaysay tijaabisayna”. Kenya ayaa markii saddexaad dalbanaysa in dib loo dhigo kiiska dacwadda badda ee horyaalla ICJ waxaana dowladda federaalka ah ay ku dhawaaqday in Kenya ay doonayso in kiiskan lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamadda islamarkaana waxa ay dowladda Soomaaliya intaas ku dartay in Kenya ay waddo culeys diblomaasiyadeed. Bisha foodda inagu soo heysa ee Juun ayey maxkamadda ICJ go’aamisay inay noqoto kama dambeysta garnaqsiga la xiriira muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, walina majirto go’aan kale oo ka soo baxay maxkamadda Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Coronavirus-ka cusub wuxuu dili karaa 150,000 oo qof oo ku nool qaaradda Afrika sanad gudaheed haddii aan tallaabo degdeg ah laga qaadin, sida lagu sheegay daraasad ay soo saartay WHO oo sheegaysa in ku dhowaad rubuc bilyan oo qof ay cudurka qaadi doonaan gudaha qaaradaan. Qorayaasha cilmi-baarista, ayaa Jimcihii ku soo daabacay joornaalka BMJ Global Health, waxa ayna saadaalinayaan heerka infekshanku ka hooseeya qaybaha kale ee adduunka sida Yurub iyo Mareykanka, oo ay ka yaraato xaalado halis ah iyo dhimasho badan. Inkasta oo ay sheegeen in dalal badan oo Afrikaan ah ay ku degdegayeen in ay qaadaan tillaabooyin xakameyn, hadan cilmi baarayaashu waxa ay ka digayaan in nidaamyada caafimaad ee Afrika ay si dhakhso ah u buuxsami karaan. “Qaabkeenu wuxuu tilmamaa baaxadda dhibaatada ee nidaamyada caafimaadka haddii tallaabooyinka xakameynta ay ku guul darreystaan,” ayay qoraayaashu ku sheegeen warbixinta. Daraasadda ayaa timid iyada oo ay jiraan digniino adag oo ku saabsan in Covid-19 uu halis gelinayo xaalad caafimaad oo deg deg ah, waddamada soo koraya ku waas oo nidaamyada caafimaad ee jilicsanyihiin ayna durba la halgamayaan cuduro kale oo raga sida dhiig karka, Sokorta iyo cuduro kale. Khubaro ka socota xafiiska WHO ee Africa ayaa qaabaynaysa heerarka ay u badan tahay soo-gaarista fayraska iyo caabuqa ka jira 47-da dal ee uu aadka u saameeyay gobolka,oo ay ugu daranyihiin wadamada Carbeed ee Jabuuti, Masar, Libya, Morocco, Soomaaliya, Sudan iyo Tunisia. Qiyaastii 231 Milyan oo dad ah, ama 22% (oo leh inta u dhexeysa 16 illaa 26%) oo ka mid ah halka bilyan ee dadka gobolka ku nool ayaa la filayay in ay cudurka qaadaan 12 bilood gudahood – badidoodu waxa ay muujinayaan astaamo ama astaamo aan badnayn sida ku cad warbixinta. Laakiin dad lagu qiyaasey 4.6m oo qof ayaa u baahan doona in isbitaal la dhigo, halka 140,000 ay qabaan infakshanka Covid-19 ayna noqo doonaan bukaan socod halka 89,000 ay aad u xanuunsan doonaan sida lagu sheegay daraasadaan. Taasi waxa ay horseedi doontaa ilaa 150,000 dhimasho ah (inta u dhaxaysa 83,000 iyo 190,000) daraasadda ayaa soo jeedisay. Qaabaynta ayaa ku qiyaaseysa waxa ku dhici doona waddan kasta muddo sannad ah laga bilaabo bilowga baahinta baahsan ee bulshada. Baarayaasha waxa ay ka digayaan in isbitaalka ee loogu talagalay Covid-19 loo weecineyso kheyraadka horey u xaddidanaa si wax looga qabto arrimaha waaweyn ee caafimaadka ee gobolka, sida HIV, qaaxada, duumada iyo nafaqo-xumada, oo sii xumeyneysa saameynta coronavirus ee Gobolka. Gobolku ayaa lahaan doona tiro yar oo dhimasha ah, laakiin wuxuu ku dhacaa si aad u yar dadka da ‘yar ah, oo ka mid ah dadka horey loogu arkaayay in ay caafimaad qabaan – sababa la xiriira cudurrada aan la-kala-qaadin”ayaa lagu yiri warbixinta, iyadoo intaas ku dartay in isbeddelladaas ay durba soo baxeen. Baarayaasha waxa ay sheegeen in ay filaayeen in fayrasku u badan yahay in uu ku faafi doono gobolka muddo ka dheer wadamada kale, laga yaabee dhowr sano. Faafitaanka ayaa lagu qiyaasey in ay ugu badan tahay waddamada yaryar, iyadoo Mauritius la ogaaday in ay leedahay khatarta ugu sarreysa ee soo-gaarista xanuunka. Wadamada waaweyn ee gobolka, Koofur Afrika, Cameroon iyo Algeria ayaa iyaguna ku jiray 10ka ugu sareeya ee halista Xanuunka Coronavirus. Qoraayaashu waxa ay ku xisaabtameen khatartan iyagoo eegaya faafitaan xanuunka iyo sida dalalkaasi ugu fududaan karto dhaqdhaqaaqa, fayadhowrka iyo dhaqanka nadaafadda si ay awood ugu yeeshaan xakamaynta Cudurka safmareenka ah. Waxa ay sidoo kale ku daraan cimilada – lama oga haddii heerkulka diirran uu hoos u dhigo faafitaanka Covid-19, in kasta oo cilmi baarisyada qaarkood ay soo jeediyeen in ay saameyn ku leedahay coronavirus kale. Waxa ay sidoo kale eegeen arrimaha khatarta caafimaad – cabirka dadka ka weyn da’da 65, faafitaanka HIV (oo wakiilka ugu ah cudurada faafa) iyo sonkorowga (oo wakiil u ah cudurada dabadheeraha ee aan faafin). Warbixintu waxa ay qiyaastay in qaar ka mid ah 88% dadku aysan ogaan doonin in ay qabaan fayraska, oo leh astaamo fudud ama midkoodna haba yaraatee, halka 4% ay la kulmi doonaan jirro daran ama nafta halis gelisa. Waxa ay ku baaqeen dalalku in ay si dhakhso leh kor ugu qaadaan awooda daryeelka caafimaadka, gaar ahaan Isbitaalada aasaasiga ah caafimaadka bulshada. Bishaan May, Qaramada Midoobay waxay sheegtay in tirada dhimashada cudurrada la xiriira Aids-ka ee ka hooseeya Saxaraha Afrika ay sii labanlaabmi karto haddii bixinta daryeel caafimaad la siiyo dadka qaba cudurka HIV-da oo la carqaladeeyo inta lagu jiro dhibaatada cudurka coronavirus.
  4. Soomaaliland ayaa shaacisay in maanta deegannadeeda laga helay kiisas dhowr ah oo la xiriira caabuqa sida ad dunida u saameeyay ee COVID-19. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 48-dii saac ee la soo dhaafay 19 qof oo cusub uu cudurka soo ritay, iyada oo sidoo kale shaacisay in guud ahaan ay xanuunka ka bogsadeen 8 ruux, waxaana cudurkaan u geeriyootay 8 qof. Sidoo wasaaradda ayaa sheegtay in 48-dii saac ee la soo dhaafay in xanuunka ay u geeriyoodeen 2 qof. Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 87 kiis. Guud ahaan dalka waxaa xanuunkaan laga helay 1,219 qof sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Kani waa sawir hore Wararka ka imaanaya Tuulada Qarxis, oo ka tirsan degmada Eyl ee gobolka Nugaal, ayaa ku warramaya in Ayax diigaanyo ah(fara badan) ku habsaday dhul-daaqsimeed ballaaran, oo ku yaalla duleedka Bari ee Tuuladaasi. Ayaxa ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii shalay ku habsaday dhul-daaqsimeedkaas, oo hoos yimaada tuulada Qarxis, baaxaddiisana lagu qiyaasay 25KM isku wareeg ah, halkaas oo uu saacado kooban gudahood si ba’an u diirtay. Dadka ku nool tuulada Qarxis iyo reer miyiga deggan nawaaxigeeda, oo saaka isku dayay in ay kiciyaan ayaxaas, ayaa soo sheegaya in aysan weli ku guulaysan, islamarkaana ay gurmad uga baahan yihiin dhanka dowladda. Waxaa xusid mudan, in shalay ay Garoowe soo gaareen laba diyaaradood oo ah nooc loo yaqaan Helicopter-ka, kuwaas oo loogu tala-galay in ay muddo 10 cisho ah Puntland ka sameeyaan buufinta Ayaxa. Diyaaradahaas oo laga leeyahay dalka Canada, waxay ka socdaan mashruuc ay fulintiisa iska kaashanayaan hay’adaha FOA iyo USAID, islamarkaan ay fududaynayso dowladda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Ayax diigaanyo ah oo ku habsaday degaanka Qarxis ee gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
  6. Israel is set to get its first Ethiopia-born minister, with the nomination of a female MP brought there in a secret operation in the 1980s. Source: Hiiraan Online
  7. Tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle oo haatan maraya meel xiiso badan ayaa waxaa xalay ku baratamay illaa afar degmo oo ka wada tirsan gobolka Banaadir. Kulanka ugu horreeyey oo la qabtay 8:00 habeenimo ayaa waxaa isaga hor yimid Kaxda iyo Waabari, waxaana ay guushu raacday tartamayaasha degmada Waabari oo u gudbay wareega sideed dhammaadka, tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Guddoomiyaha guddiga tartanka, Xasan-Weli Sheekh Abuubakar oo ku dhawaaqay natiitada ayaa sheegay in Kaxda ay la timid 10, halka Waabari ay keensatay 12. Sidoo kale waxaa xalay baratamay oo uu kulan kale oo xiiso badnaa dhexmaray degmooyinka Wadajir iyo Xamarweyne, kaas oo isna soo galay 10:00 habeenimo. Labada degmo oo dadaal muujiyey ayaa waxaa guusha la hoyatay Xamarweyne oo la timid 12 dhibcood, halka Wadajir ay iyana la timid 10 buundo. Degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ayaa sidaasi ugu gudubtay wareega afar dhammaadka ama Sama-Finalka ee tartanka Shabelle. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
  8. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay waxa uu soo dhameystiray liiska golahiisa wasiirada iyadoo la filay in madaxweynuhu uu liiskaan ku dhawaaqo. Liiska masuuliyiin la magacaabay ayaa waxa ay isugu jiraan wasiir ku xigeenno iyo wasiir dowlayaal waxaana xusid mudan in masuuliyaan ay u badan yihiin dhalinyaro. Xubnahan iyo kuwii iyaga ka horeeyay ee la magacaabay ayaa la filayaa in si wada jir ah loo hor geeyo golaha baarlamaanka Galmudug si ay u meel mariyaan. Madaxweynaha Galmudug Qooqoor oo xafiiska jooga muddo ka badan 100 maalin ayaa la sheegay inay u suurta galeen waxyaabo badan oo maamulkiisa kor u qaadaya taas oo ay ugu horeyso dib u heshiisiinta uu ka sameeyay Galmudug. Halkan ka akhriso Liiska Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Saacadihii la soo dhaafay deegaannada maamulka Puntland waxaa laga xaqiijiyay kiisas cusub oo Coronavirus ah ka dib war ka soo baxay wasaaradda caafimaadka maamulkaasi. Wasaaradda ayaa shaacisay in 11 ruux laga helay xanuunka COVID-19 ka dib baaritaan lagu sameeyay dad looga shakiyay xanuunkaasi. Dadka cudurka laga helay ee maamulka Puntland ayaa kala ah 7 rag ah iyo 4 dumar ah kuwaas oo kala jooga goballada Nugaal iyo Karkaar. Puntland waxaa cudurka Coronavirus uu ku dhhacay guud ahaan 136 ruux halka 5 qof ay xanuunka u geeriyoodeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Kismaayo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay askari ka tirsanaa ciidamada ilaalada madaxtooyada maamulka Jubbaland loogu geystay gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Wararka ayaa sheegaya in toogashada uu fuliyey askari kale oo ka mid ah ciidamada ilaalada madaxtooyada maamulkaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Dilka ayaa yimid, kadib markii la sheegay in labada askari uu soo kala dhex-galay muran xoogan, kaas oo sababay in askariga geeriyooday rasaas lagu furo, taas oo keentay in meesha uu ku dhinto. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka Jubbaland ay isla markiiba gacanta ku dhigeen askarigii ka dambeeyey falkaasi toogashada ah. Ma jiro weli wax faah faahin ah oo ka soo baxay hay’adaha amniga Jubbaland oo la xariira dhacdadaasi. Inta badan dilalka ay isku geystaan askarta dhexdooda ayaa yimaada, kadib is-faham waa soo kala dhexgala ciidamada, taas oo marar badan ka dhacday gudaha dalka.
  11. Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Puntland oo soo saartay warbixinteeda maalinlaha ah ayaa ku shaacisay kiisas cusub oo cudurka Coronavirus ah. Warbixinta wasaaradda ayaa lagu sheegay in saacadihii la soo dhaafay maamulkaasi laga diiwaan-geliyey 11 xaaladood oo 7 ka mid ah ay rag yihiin, halka 4 kalena ay dumar yihiin. Sidoo kale wasaarada caafimaadka Puntland ayaa shaacisay in dadka cusub ee xanuunka laga helay ay ku kala nool yihiin gobollada Nugaal iyo Bari ee maamulkaasi. Tirada guud kiisaska Coronavirus ee Puntland ayaa haatan maraya 130 qof, halka dhimashaduna ay sii cagacageyneyso illaa shan ruux. View the full article
  12. BBC oo heshay dokumentiyo muujinaya sida Soomaaliya, Kenya ugu kala aragti duwanyihiin dhegaysiga dacwadda badda Khariidad muujinaysa soohdinta badda ee lagu muransanyahay Balankii ay u qabatay Maxkamadda Caddaaladda Aduunku in ay ku dhegaysato garnaqsiga ugu dambeeya ee ay Kenya iyo Soomaaliya ka dhiibanayaan dacwadda dhextaal ee ku saabsan soohdinta badda ee labada dal ayaa ahaa bishan foodda inagu soo haysa ee Juun. Hase ahaateen sida ay muujinayaan dukumentiyo ay BBC-du aragtay oo labada dal u direen maxkamada, waxa soo if baxaya in ay Kenya dalbanayso in dacwadda dib loo dhigo muddo aan cayinayn sababo dhaqaale oo jira iyo culayska fayraska korona awgood. Laakiin Soomaaliya waxay doonaysaa in dhegaysiga garnaqsigu xiligii loo cayimay qabsoomo, waxaanay sida ku cad qoraallada ay maxkamadda u gudbisay ka cabaynaysaa cadaadis ay Kenya ku hayso oo arintaa la xidhiidha. Kenaya waxay sheegayaa in fayraska Karona uu saameyn ku yeeshay shaqada qareennada ku matalayay dacwadda oo ay sheegtay inay kala xayirmeen. Waxay Kenya sidoo kale sheegtay in xanuunka safmarka ah uu saameyn ku yeeshay dhaqaalaha dalkeeda iyada oo tilmaamtay in miisaaniyada dowladda dib loogu eegayo si ahmiyad loo siiyo arrimaha deg degga ah ee muhiimka ah sida la dagaalanka xanuunka fayraska Karona oo aanay lacag ay ku bixiso khidmadda qareenada haatan heli karin. Ra’isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa ka hor timid dib u dhigidda dhageysiga dacwada badda iyadoo ku eedeysay Kenya inay dooneyso in muranka lagu xalliyo meel ka baxsan maxkamadda. Warqadda ay dowladda Soomaaliya qortay waxay ku sheegtay in ay tahay markii saddexaad oo ay Kenya codsato in dib loo dhigo iyadoo ka cabatay cadaadiis diblumaasiyadeed oo weyn oo ka imaanaya dhinaca Kenya. Ra’isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, oo BBC-du weydiisay in arintaasi tahay mid laga garaabi karo ayaa ku jawaabay: “waa run in dunida cudurkaasi uu ka dilaacay oo maqal furan oo maxkamadda gudaheeda ahi aanay dhici karaynin, isu socodkii aanu jirin oo duulimaadyadii lagu tegi lahaa Hague aanay jirin oonay shaqaynayn oo dal walba albaabadu u xidhanyihiin. Hase yeeshee maxkamaddu waxay soo saartay in shaqadeedii ay wadi doonto habka maqalka iyo muuqaalka ahna ay dacwadaha ku dhegaysan doonto. Bishan Juun dalal dhawr ah ayaa dacwadahooda lagu dhegaysanayaa maqal iyo muuqaal, ilaa hada hal kiis ayay ku dhegaysatay, markhaatiyona way ku dhegaysatay maxkamadu maqal iyo muuqaal, markaa anaga waan ka hor nimi waan diidnay mawqifka Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa weeye in aan dacwadaas maalin dib loo dhigin, go’aankaas ayaanan u qornay maxkamada caalamiga ah ee aduunka laguna dhegaysto dacwada habka maqalka iyo muuqaalka ah ama video confrene oo ay maxkamadu hada gacanta ku hayso kana shaqaysay tijaabisayna” Ra’isal wasaare ku xigeenka oo ay BBC-du weydiisay in uu faahfaahiyo cadaadiska dawladiisu sheegtay in ay Kenya saarayso ayaa ka gaabsaday in wuu wax cad farta ku fiiqo hase yeeshe ku gaabsadya jawaabtan oo uu yidhi “horta mar walba waa jirtay in meel ka baxsan maxkamada ama ha noqoto African Union ama IGAD ha noqoto in rabitaanka Kenya uu ahaa in meel ka baxsan lagu qaado ama lagu dhegaysto sifo diblomaasiya, anagu se waxaanu aaminsanahay in ay tahay arintaas in la soo af-jaro maxkamadda gacanta ku haysaana ay ka garnaqo”, Dhanka Kenya ilaa haatan wax war ah oo rasmi ahi kama soo bixin oo ku saabsan waraaqahan ay ku kala aragtida duwan yihiin Soomaaliye ee ay u direen labada dalba Maxkamadda Cadaaladda Aduunka, hase yeeshee waxa la filayaa in ay maxkamaddu go’aanka ay ka gaadho codsigaa Kenya shaacin doono todobaadka dambe. Qaran News
  13. Dowladda Soomaaliya ayaa ka hor timid dib u dhigidda dhageysiga dacwada badda iyadoo ku eedeysay Kenya inay dooneyso in muranka lagu xalliyo meel ka baxsan maxkamadda. Warqad ay dowladda Soomaaliya qortay waxay ku sheegtay in ay tahay markii saddexaad oo ay Kenya codsato in dib loo dhigo iyadoo ka cabatay cadaadiis diblumaasiyadeed oo weyn oo ka imaanaya dhinaca Kenya. Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, oo BBC weydiisay in arintaasi ay tahay mid laga garaabi karo ayaa yiri “waa run in dunida cudurkaasi uu ka dilaacay oo maqal furan oo maxkamadda gudaheeda ahi aanay dhici karaynin, isu socodkii aanu jirin oo duulimaadyadii lagu tegi lahaa Hague aanay jirin oonay shaqaynayn oo dal walba albaabadu u xidhanyihiin.” Sidoo kale wuxuu faah faahiyey Ra’iisul wasaare ku xigeenka cadaadis ay Soomaaliya sheegtay in ay saareyso Kenya, isagoona ka gaabsaday in wuu wax cad farta ku fiiqo. “Horta mar walba waa jirtay in meel ka baxsan maxkamada ama ha noqoto African Union ama IGAD ha noqoto in rabitaanka Kenya uu ahaa in meel ka baxsan lagu qaado ama lagu dhegaysto sifo diblomaasiya, anagu se waxaanu aaminsanahay in ay tahay arintaas in la soo af-jaro maxkamadda gacanta ku haysaana ay ka garnaqo.” ayuu markale yiri. Ugu dambeyn maxkamadda ICJ ayaa shaacisay in shaqadeeda ay ku wadi doonto habka maqalka iyo muuqaalka, islamarkaana ay dacwadaha ku dhegaysan doonto. View the full article
  14. Astaanta guddiga doorashooyinka qaranka Itoobiya Guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya ayaa sheegay xisbiya siyaasadeed oo aan buuxinin shuruudihi looga baahnaa inuu ruqsadda xisbinimo kala noqnay. Xisbiyadaasi oo badankood shruucdii hore ee u yiillay guddiga doorashooyinka Itoobiya lagu diiwaangeliyey ayuu guddigu dib u habeyn ku sameeyey qaabka xisbiyada loo diiwaangeliyey ka hor inta aan la gaarin doorashada dalkaasi ka dhaceysay. Wuxuuna guddigu sheegay 13 ka mid ah xisbiyada shuruudaha xisbinimo buuxin waayey in rusqada xisbinimo lagala noqday. Sida oo kalana 14 xisbi oo guddiga doorashooyinka uu ugu yeedhay iney soo dhammeystiraan dokumantiyada looga baahnaa oo aan ka soo jawaabin u yeeritaanka guddiga sida oo kale ruqsadda lagala noqday. Guddiga doorashooyinka Itoobiya wuxuu intaa ku daray 106-da xisbi siyaasadeed ee dalka Itoobiya ka jira 76 ka mid ah oo shuruudihi looga baahnaa soo buuxiyey, in aqoonsiga xisbinimo loo cusbooneysiiyey. 2 xisbi oo siyaasadeed oo iyaguna dhibaato gudaha xisbigaasi ka jirta awgeed aan shuruudda soo dhammeystirinna waxaa loo qabtay muddo ay ku soo dhammeystiraan wixi macluumaad ah uu guddigu ugu baahan yahay. Xisbiyada siyaasadeed ee rusqada xisbinimo lagala noqday waxaa ka mid ah laba xisbi oo deegaanka Soomalida ka soo jeedda xisbiyadaasi oo kala ah: 1)Xisbiga Midnimada Soomaalida (SUP) iyo 2)Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiyadda Shacabka Diil wabi (DPDM) Dalka Itoobiya oo ay ka diiwaangashan yihiin xisbiya siyaasadeed oo ka badan 100, inkasta oo ay qaar ka mid ah xisbiyadaasi ay khadka ka baxeen oo ay tirada xisbiyadu xoogaha isdhintay haddana weli xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa ah kuwa aad u badan. Dalka Itoobiya oo lagu waday doorashada guud oo shanti sanaba mar la qabto iney ka qabsoonto bisha August ee sanadkan 2020 ayaa dib loo dhigay cabsi coronavirus laga qabo awgii, inkasta oo aan wakhtiga rasmi ah oo ay doorashada ku dhaceyso weli la shaacinin. Qaran News
  15. Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in uu siin doono dalalka geeska Afrika dhaqaale dhan €105.5 milyan oo dheeri ah si wax looga qabto cudurka halista ah ee Coronavirus oo dalalka Geeska Afrika si weyn ugu sii fidiya. Midowga Yurub waxaa uu sheegay xaalada bini’aadminimo ee gobolka oo dad badani ay weli la daala dhacayaan dagaalada hubaysan, barakaca, abaaraha soo noqnoqda iyo daadadka loo baahan yahay in si weyn loo taageero. “Midowga Yurub waxaa ka go’an inuu gacan ka geysto wax ka qabashada baahiyaha bini’aadannimo ee ka jira dalalka Geeska Afrika,Gargaarka Midowga Yurub wuxuu taageeri doonaa bulshada dhibaateysan, wuxuuna xoojin doonaa tillaabooyin looga hortagayo faafitaanka coronavirus” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Midowga Yurub. Deeqda Midowga Yurub ayaa looga heli doono sidaan Jabuuti (€ 500,000), Itoobiya (€ 42 milyan), Kenya (€ 15 milyan) iyo Soomaaliya (€ 48 milyan). Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 24 qof ay ku dhinteen daadadkii maalmahan ka dhacayay Soomaaliya, in ka badan 283 qofna ay barakaceen, daadadkaas oo saameyay 700 oo kun oo qof oo ku nool 24 degmo. Sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Isku-duwidda Gargaarka ee ee Qaramada Midoobay ee OCHA, daadadkan ayaa yimid xilli waddanku uu la daalaa dhacayo ka hortagista xanuunnka COVID-19 oo ilaa iyo hadda ay u dhinteen inta la xaqiijiyay 53 qof, 1,284 qofna uu ku dhacay. View the full article
  16. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-160520.mp3 View the full article
  17. Baanka Dhexe ee S/land oo Meesha ka Saaray Gebi-dhaclayntii Qiimaha Shillinka+Bulshada oo Ku Diirsatay Marka ay xaaladaha qaar soo kordhaan ama ay dhaqaalaha dunida wax iska bedelaan inta badan waxaa ka dhici jiray Somaliland in qiimaha sarrifka Dollarku in uu kor u koco isla markaana qiimaha shillinka Somaliland uu hoos u dhoco. Markii uu caalamka ka dilaacay xannuunka sida weyn u faafaya ee Corona Virus,ayay dad badan oo danyar ah oo reer Somaliland ahi wer wer weyn ay ku dhalisay faafitaanka xannuunkaas iyo kala xidh xidhnaanta iyo xaladaha deg degga ah ee uu dalalka caalamka geliyay in ay saamayn ku yeelato qiimaha shillinka Somaliland isla markaana wax ay muddo ka nasteen oo ah kor u kac qiimaha dollarku in ay dib ugu soo noqoto,taas oo bulshada Somaliland ay ka nasatay isla markaana dhegahoodu ay ka raysteen kelmaddii ahayd qiimihii dollarka ayaa sre u kacay tan iyo markii uu hoggaanka Baanka dhexe ee Qaranka uu la wareegay Guddoomiye Cali Ibraahin Jaamac(Baqdaadi) Werwerkaa ay bulshdu ka qabtay in kor u kicii sarrifku dib ugu soo noqdo uguna soo dhuunto xnnunka Covid 19,ayaa meesha ka baxday iyadoo ay meesha ka baxday lacag badan oo Dollar ahayd oo dalka dibedda ka soo geli jirtay ina badnayd biilashii billaha ahaa ee dadka reer Somaliland ee caalamka daafihiisa kala duwan ku maqani ay qoysaskooda usoo diri jireen,ayuu haddana baanka dhexe ee Somaliland meesha ka saaray in bulshada reer Somaliland ay mar dambe ka wer weraan in qiimaha shillinka Somaliland in uu hoos u dhoco ama ay dadka reer Somaliland addoon u noqdaan Dollar oo ay shillinkooda wax ku iibsan kari waayaan. qaar ka mid ah dadweynaha caasimadda Hargeysa oo Warbaahintu wax ka waydiisay hannaanka Baanka dhexe ee Somaliland uu u xakameeyay qiimihi sarrifka Dollarka,ayaa aad u soo dhaweeyay shaqada Baanka dhexe uu dalka u hayo iyo tallaabooyinka uu qaaday Guddoomiye Baqdaadi muddadii uu xilka hayay. Oday Axmed oo ka mid ah waayeelka Caasimadda Hargeysa ku dhaqan isla markaana si dhaw ula socda in xilligan ay meesha ka bexeen biilal badan oo Dollar ah oo dalka dibedda ka soo geli jiray,ayaa yidhi. “intii guddoomiyahan imika Baanka dhexe xilka uu hayay isaga iyo madaxda kale ee ay wada shaqeeyaan waxaanu ka raysanay kelmad dhegahayaga aad ugu soo noq noqon jirtay ee ahayd Dollorkii ayaa sare u kacay” Muwadin kale oo shaqada Baanka dhexe uu qaranka u hayo iyo sida uu u arko habka ay u xakameeyeen qiimaha Dollarka,ayaa yidhi. “markii hore lacagta dalkaba waa la inna nacsiiyay oo wixii kor loo qaadaba Dollar ayaa la innoogu sheegayay waliba maalin kasta iyo saacad kasta qiimihiisu wuu is bedelayay laakiin imika dalka Somaliland wuxuu noqday dal lacagtiisu ay shaqayso tallaabadaasina waxay suura gashay intii xukuumadda Madaxweyne Muuse jirtay gaar ahaan markii Baanka dhexe ee qaranka loo magacaabay Guddoomiyaha imika jooga,subax kasta imika anigoo aan suuqa iman ayaan ogahay qiimaha dollarka cidina iguma qaldi karto oo baanka dhexe ee Qaranka ayaa mobilka iigu soo dira qiimaha uu subaxdaa sarrifku marayo mana maamulaan imika sarrifka lacagaha qalad sarrifleyaashu ee baanka qaranka ayaa gacanta ku haya.” Tan iyo markii uu guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahin Jaamac Baqdaadi uu talada la wareegay tallaabooyinka uu qaaday ee sidoodii u shaqeeyay waxaa kow ka ah in qiimaha sarrifka dollarku uu noqdo halkii ay ku jaangooyeen oon is bedel ku iman,waxaa kale oo uu ku guulaystay in Baanka dhexe uu noqdo mid farriintiisa qiimaha isku bedelka lacaguhu ina y qof kasta oo dalka joogaa mid uu ka war qabi karo oo Baanka dhexe uu soo gaadhsiiyo. Waxaa kale o uu ku guulaystay in xarunta Baanka dhexe oon sidoo loo dhisay aan dib waxba looga qaban in uu hannaan dayactir dhammaystiran in uu ku sameeyo. Imika intan lagu gudo jiray xaaladda ka hor tagga xnnuunka Covid 19 waxyaabaha Baanka dhexe lagu ammaanay waxaa kow ka ah sida ay uga fekereen masuuliyiinta Baanka ee u gadhwadeenka u yahay Guddoomiye Baqdaadi kala fogaanta dadka iyo dhawrista badqabka qofka loo adeegayo iyo shaqaalahaba,waxa kale oo aad loogu bogaadiyay in muddadaa dalka dhaqaalihiisa ay wax iska bedeleen in aanu saamayn ku yeelan qiimaha sarrifka Dollarka iyo in aanay shaqaalaha dawladda iyo ciidamadu Baanka ka waayin mushaharooyinkoodii aoo ay hawlaha baanku si habsami ah u socdaan. Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in dalal ay ku jirto Soomaaliya uu ugu deeqayo lacag badan, si ay ula dagaalamaan Covid19. War ka soo baxay ururka ayaa lagu sheegay in wadamada dhaca Geeska Afrika oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay uu siinayo dhaqaalle dhan € 105.5 milyan oo dheeri ah. Sidoo kale Midowga Yurub ayaa sheegay in lacagtaasi wax looga qaban doono xaaladaha bani’aadanimo ee gobolka, gaar ahaan la-tacaalida cudurka Coronavirus. “Midowga Yurub waxaa ka go’an inuu gacan ka geysto wax ka qabashada baahiyaha bini’aadannimo ee ka jira dalalka Geeska Afrika,Gargaarka Midowga Yurub wuxuu taageeri doonaa bulshada dhibaateysan, wuxuuna xoojin doonaa tillaabooyin looga hortagayo faafitaanka coronavirus” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Midowga Yurub. Warsaxaafadeedkaan ayaa sidoo kale waxaa lagu shaaciyey sida wadamadaasi loogu qeybinaayo lacagta, waxaana Jabuuti ay heleysaa adduun lacageed dhan (€500,000 oo Yuuro), Ethiopia (€42 million oo Yuuro), Kenya (€15 million oo Yuuro) iyo Soomaaliya oo ah dalka labaad ee dhaqaalaha ugu badan gaarayo waxaana qayb ahaan kusoo aaday (€48 million oo Yuuro). Soomaaliya oo haatan fara ba’an ku haya Covid-19 ayaa waxaa u sii dheer fatahaadaha ka jira qeybo ka mid ah dalka, kuwaas oo saameeyey nolosha dad badan oo Soomaaliyeed.
  19. Xasan Guure Jaamac, oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu caansan Somaliland ayaa xalay Hargeysa ku geeriyooday sida uu xaqiijiyay Yuusuf Kayse, oo ka tirsan xisbiga UCID. Guure, ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Somaliland sidoo kale waxa uu ka tirsanaa Ururkii SNM. Ilaa hadda Xanuunkuu u geeriyooday lama xaqiijin. Dhan kale guddoomiye Cirro ayaa tacsi u diray ehelka, Qaraabada asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Xassan Guure Jaamac. TACSI إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعونَ Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, Qaraabada asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Xassan Guure Jaamac Oo hadda ku geeriyooday hoyga u ka degan yahay magaaladda hargeysa. Guddoomiyuhu wuxu marxumka ku sifeeyey in uu ahaa shaqsi halgan weyn u soo galay sidi umadda somaliland u heli laheyd caddaalad iyo dawladnimo dunidu aqoonsan tahay isaga oo kamid noqday saraakiishi SNM sidoo kale ahaa mujaahid magac weyn ku leh halganki dib u xorreynta Somaliland. Mujaahid Marxuum Xassan Guure wuxu ahaa odayaashi laf dhabarta iyo tiirasha u ahaa qaranka isagoo door weyn ku laha shirarki nabadeynta iyo dib u heshiisinta bulshada Somaliland, xilal badanna ka soo qabtay qaranka. Mujaahidku wuxu ahaa qof aan ka baydhin runta xaqana ku adima Guddoomiyuhu wuxuu Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su’aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo carruurtii uu ka tagayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo. wuxuna Guddoomiyuhu si gaar ah ugu tacsiyadeynaya Odayaasha Madasha Wada tashiga qaranka oo u Marxuumku muddooyinki u dambeeyey ahaa Guddoomiyahooda. إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون Af-hayeenka Xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac Batuun Source
  20. Xildhibaanno, siyaasiyiin miisaanleh iyo isimo ku sugan magaalada Garoowe, ayaa la xaqiijiyay in ay ku hawllan yihiin, xallinta khilaaf cusub oo ka dhex taagan madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan. Khilaafkan labada mas’uul, ayaa ka bilowday magacaabistii taliyaha madaxtooyada iyo ku xigeenkiisa, kadib markii madaxweyne ku xigeenku sheegay in aan lagala tashan magacaabistooda, islamarkaana uu soo saaray dikreeto uu ku burinayo tii madaxweyne Deni. Dhinacyada ku hawllan xallinta muranka Deni iyo Axmed Karaash, ayaa la sheegayaa in ay mid kasta gaarkiisa taleefon ugala hadleen, si loo xalliyo khilaafka, balse ma jiro ilaa iyo haatan wax hada-hadal ah oo dhexmaray labada mas’uul. Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Puntland, ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay, in uu socdo dadaal xooggan oo ku wajahan, sidii loo dhammayn lahaa khilaafka taagan, oo ay ku tilmaameen mid aysan Puntland xamili Karin wakhtigaan. PUNTLAND POST The post Maxaa ka soo kordhay Khilaafkii Deni iyo Axmed Karaash? appeared first on Puntland Post.
  21. Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland, ayaa shaaciyay in ay gacanta ku soo dhigeen gaari nooca loo yaqaan Probox, oo todobaad ka hor laga soo dhacay Galmudug gaar ahaanna Koonfurta Magaalada Gaalkacyo. Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Mudug, ayaa lagu sheegay in Ciidanka Booliisku ay ku guulaysteen soo qabashada Gaarigaas oo midabkiisu caddaan yahay, taargadiisuna tahay CN 721. Qoraalka Taliska, laguma faahfaahin wakhtiga gacanta lagu soo dhigay Gaarigaas, halka laga soo qabtay iyo haddii ay jirto in la qabtay ciddii soo dhacday, balse keliya waxa lagu soo kooban in Gaariga ay gacanta ku dhigeen Booliiska. Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Mudug, ayaa u mahad-celiyay Shacabka ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo, oo sida ay sheegeen wada-shaqayn buuxda u muujiyay Ciidanka Booliiska, si loo xaqiijiyo Amniga. Sidoo kale, waxay ballan-qaadeen in ay xoojin doonaan Wada-shaqaynta Laamaha Amniga Puntland iyo Galmudug, oo ka hawlgala labada dhinac ee Gobolka Mudug, si la isaga kaashado Sugidda Amniga Gobolkaas. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo qabtay Gaari laga soo dhacay dhinaca Galmudug appeared first on Puntland Post.
  22. Abdullahi Mohamed Ali (Sanbalolshe), former director of the Somali National Intelligence and Security Agency (NISA), according to Somali Affairs, has accused Qatar of maintaining active links with the Somali extremist group, Al-Shahbaab. Source: Hiiraan Online
  23. UNITED NATIONS — China is going after the United States over more than $1 billion that the Trump administration owes the United Nations in unpaid dues for its regular operating budget and arrears for the separate budget for the U.N.’s far-flung peacekeeping operations. Source: Hiiraan Online
  24. STUTTGART, Germany — U.S. Africa Command hasn’t launched an airstrike in Somalia in five weeks, the longest halt in more than a year, as torrential rains complicate the battlefield environment. Source: Hiiraan Online