-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
More than 500 people have died over the past eight days in southern Yemen's main city, Aden, many with breathing difficulties, city officials say, raising fears the coronavirus is spreading out of control, feeding off a civil war that has left the country in ruins. Source: Hiiraan Online
-
Amman (Caasimada Online) – Boqorka dalka Jordan Cabdallaha Labaad, ayaa ka digay in qorshaha Israel ay ku goosaneyso Daanta Galbeed uu hoggaamin doono “dagaal weyn”, islamarkaana boqortooyadiisa ay ka fakareyso wax kasta, oo ay ku jirto inay ka baxdo heshiiskii nabadda ee ay la gashay Israel 1994-kii. “Ma doonayo inaan hanjabaad sameeyo, ama abuuro jawi muran, balse waxaan ka fakaraynaa wax kasta,” ayuu Boqor Cabdallah u sheegay wargeyska Dar Spiegel ee Jarmalka, mar waxa laga weydiiyey suurta-galnimada ah inuu ka baxo heshiiskii Wada Araba. Jordan ayaa Israel iyo Daanta Galbeed la wadaagta xuduud 335km ah, waxaana wada-shaqeynteeda aad uga faa’iida militariga iyo sirdoonka Israel. Dowladda isbahaysiga ah ee Israel ee uu hoggaamiyo Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inay ku dhaqaaqo qorshe ay ku sheeganeyso madax-banaanida Dooxada Jordan iyo deegaanada Yahuudda ee ku yaalla dhulka Falastiiniyiinta, ayada oo Mareykanka uu taageerayo. “Waxaan ku raacsanahay dalal badan oo Yurub ah iyo beesha caalamka in sharciga cidda ugu awoodda badan aan lagu dabaqin Bariga Dhexe,” ayuu yiri Boqor Cabdallah, isaga oo intaas ku daray in xalka laba dal uu yahay qorshaha kaliya ee horey loogu socon karo. Boqor Cabdallah ayaa sidoo kale is-weydiiyey aayaha dowladda Falastiin ee fadhigeedu yahay Ramallah. “Maxaa dhici doona haddii dowladda Falastiin ay burburto, waxaa jiri doona qas iyo xagjirnimo dheeri ah oo ka dhacda gobolka. Haddii Israel ay goosato Daanta Galbeed bisha July, waxa ay hoggaamin doontaa dagaal weyn oo ay la gasho Boqortooyada Reer Hashim ee Jordan,” ayuu yiri Cabdalla. Bishii December, Militariga Jordan ayaa fuliyey dhoola-tus militari oo laga sameeyey xuduudada galbeed ee buuraleyda ah ee ay la wadaagto Israel, ayaga oo isku diyaarinaya suurta-galnimada duullaan shisheeye oo ku iman kara. Dhoola-tus kaas oo ay ka qeyb galeen Boqor Cabdallah iyo Ra’iisul Wasaare Omar al-Razzaz iyo xubo sare ayaa soo jeedisay indhaha warbaahinta Israel, xilli ay xiisadda gobolka sare usii kaceyso.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa afar habeen ka hor gurigeeda oo ku yaalla degmada Boondheere kala baxay haweeney lagu mahacaabo Luul Caanooleey, taas oo ay dadka degaanka aad u yaqaanaan, sida ay ogaatay Caasimada Online. Warar ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in Luul ciidamada amaanka ka qabteen meel gurigeeda u dhaw kadibna ay ka xeesteen ilaa haddana aysan jirin qof war ka heysa. Haweeneydaan ayaa caan ka aheyd Xaafadda Maana-boolyo, gaar ahaan dhinaca Boondheere iyo waliba Shibis. Dadka degaanka ayaa sheegay in laba arrin ay caan ku aheyd kuwaas oo kala ah. 1) – Waxay aheyd Haweeney heysata dhowr neef oo Lo’ ah, waxayna dharaar iyo habeen xaafadaha ka qaadi jirtay raashinka la soo reebo si ay usiiso xoolaha u xareysan. 2) – Iyo iney kamid aheyd dadka maandooriyaha Khaadka isticmaala islamarkaana aan la gamban Khaadka dadkana ay aad ugu barteen. Ciidamada ayaa markii ay ka xeesteen Luul, kadib waxay dib ugu soo laabteen gurigeeda iyagoo muddo saacado ah baarayay. Warar kale ayaa sheegaya in haween kale oo lala xiray la sii daayay. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xarigeeda basle waxay noqotay hadal heynta ugu weyn ee dadka degaanka. Boondheere waxaa aad ugu badan dadka saqda dhaxe ay ciidamada guryahooda u dhacaan kadibna ay soo xiraan.
-
Somaliland: Tirada kiisaska cudurka Coronavirus oo korortay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay kiisas cusub oo Covid-19 ah, kuwaas oo laga diiwaan-geliyey maamulkaasi. Wasiirka caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdullaahi (Bade) oo maanta shir jaraa’id kuy qabtay Hargeysa ayaa sheegay in dadka cusub ee laga helay xanuunka ay gaarayaan illaa 19 ruux, kuwaas oo lagu sameeyey baaritaano caafimaad. Sidoo kale wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in dadkaasi 11 ka mid ay rag yihiin rag, halka 8 kalena ay dumar yihiin, wuxuuna tilmaamay in dhamaan go’doon la geliyey. Wasiir Bade ayaa intaasi ku daraya in 19-ka qof ee cudurka laga helay 13 ka mid ah ay ku nool yihiin gobolka Maroodi-Jeex, halka 6 kalena laga diiwaan-geliyey gobolka Awdal. Ugu dambeyn wuxuu shaaciyey in 48-kii saac ee la soo dhaafay cudurka safmarka ah ee Coronavirus ay u geeriyoodeen 2 ruux oo uu da’doodu ku kala sheegay (76 sano iyo 52 sano jir), halka 8 qof oo kalena ay ka bogsadeen xanuunka. Tirada guud kiisaska Covid-19 ee deegaanada Somaliland ayaa haatan mareysa illaa 87 qof, halka dhimashaduna ay sii cagacageyneyso 8 ruux, sida lagu sheegay warbixintii u dambeysay ee maanta ka soo baxday wasaaradda caafimaadka ee maamulkaasi. -
Dhuusamareeb (SMN) Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa Caawa magacaabay wasiir ku xigeeno iyo wasiiru dawlayaal ka mid noqonaya Golaha xukuumafa Galmudug. Xubnaha golaha wasiirada caawa la magacaabay ayaa ka kooban 25 wasiir ku xigeen iyo 11 wasiiru dawle iyadoo Madaxweyne Qoor qoor uu bishii Abriil dhamaadkeeii uu magacaabay 25 Wasiir. Xubnaha Wasiir ku xigeenada la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah 3 haween ah halka wasiiru dawlayaasha aanay ka mid noqon haweenku. Halka hoose ka aqriso Magacayda Xunha la magacaabay. View the full article
-
Mogadishu (PPM) — The downing of Kenya aid plane in Somalia by Ethiopian Defence Forces has drawn criticisms from leading Somali politicians. The Former President of the Transitional Federal Government of Somalia Sharif Sheikh Ahmed, who leads the Forum for National Parties, has raised questions on the legality of Ethiopian troops in Somalia. “AMISOM has confirmed that a civilian plane carrying medical aid to Berdale, Southwest State of Somalia, was downed by Ethiopian forces who … [are] not [a] part of AMISOM. So, the question arises here is: How these forces entered our country without a legal mandate from the Parliament?” tweeted Sharif Sheikh Ahmed. Ethiopia withdrew its forces from Somalia in 2009 after an agreement between TFG and the Alliance for the Reliberation of Somalia then led by Sharif Sheikh Ahmed. The Federal Government of Somalia (FGS) under President Hassan Sheikh Mohamud signed a bilateral agreement with the Ethiopian Government to deploy its troops in Somalia. The agreement gives Ethiopia a peacekeeping mandate within AMISOM. “President Sharif Sheikh Ahmed knows of the agreement but criticises the incumbent FGS for decisions taken by his political ally, Former President Hassan Sheikh Mohamud” says Dahir Ali, a reporter in Mogadishu. “The permanent Federal Government has powers to sign bilateral agreements.” The Unted States, Somali Government’s main backer, views Ethiopia as an ally against the war againt religious extremism in Somalia. “Back in the mid-2000s, Ethiopia launched its operations against the Islamic Courts Union, and the United States was closely aligned with Ethiopia as an important economic and security partner. Many assessed that this unleashed an even more powerful and more violent group, the al-Shabaab elements, the threat of which we’re still trying to address in Somalia today” US Ambassador to Somalia Donald Yamamoto said in an interview CTC Sentinel had had with the Ambassador in February. © Puntland Post Monthly, 2020 The post A FORMER SOMALI PRESIDENT QUESTIONS LEGITIMACY OF ETHIOPIAN TROOPS IN SOMALIA appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa caawa magacaabay xubno cusub oo ku biiray golihiisa wasiirrada, kuwaas oo iskugu jira wasiiru dowleyaal iyo wasiir ku xigeenno. Xubnahaan ayaa kala ah 11 wasiiru dowle iyo 25 wasiir ku xigeenno, waxaana lagu sheegay wareegtada lagu magacaabay in Madaxweynuhu uu magacaabidooda kala tashaday madaxweyne ku xigeenkiisa. Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa 23-kii bishii Abriil illaa 25 wasaaradood u magacaabay wasiirro cusub, kuwaas oo aysan ku jirin wasiiru dowleyaal iyo wasiir ku xigeeno, isaga oo markaas balan qaaday in uu soo magacaabi doono xubnaha ka dhiman golihiisa wasiirrada. Halkan ka aqriso liiska xubnaha cusub ee ku biiraya xukuumadda Galmudug
-
Madaxweyne Qoorqoor oo xubno cusub oo wasiiro ah magacaabay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa magacaabay wasiiru dowlayaal iyo wasiiro ku xigeeno cusub oo kamid noqonaya golihiisa wasiiradda. Wareegto caawa ka soo baxday Madaxweynaha Galmudug Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa lagu magacaabay 11 wasiiru dowle iyo 25 wasiir ku xigeen. Wasiiru dowlayaasha iyo wasiir ku xigeennada uu magacaabay Madaxweyne Qoorqoor oo dhan 36 xubnood, waxaa haween ah 3 xubnood. Hoos ka akhriso magacyada Wasiiru dowlayaasha iyo wasiir ku xigeenada Galmudug. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoorqoor oo xubno cusub oo wasiiro ah magacaabay appeared first on Puntland Post. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ayaa marti gelineysay isku dhacyo joogto noqday oo u dhaxeeya ciidamada Booliska iyo Milateriga Soomaaliya. Isku dhacyadaas ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac badan walina ma jirto dad loo ciqaabay ama loo soo qabtay oo eedeysanayaal ah. Caasimada Online ayaa baartay sababta soo celisay isku dhacdyada labada ciidan, waxaana ogaanay inay ugu wacan tahay laba atrin oo soo taagneed sanadihii ugu dambeeyay walina aan xal loo helin. Ciidamada Booliska oo doonaya in Muqdisho aan lagu arkin awood aan tooda ahayn ayaa ugu weyn sababta isku dhaca labada ciidan, halka sababta labaadna ay tahay xirnaanshiyaha iyo Bandowga magaalada oo Milatarigu ay diidan yihiin iney u hoggaansamaan. Ciidamada Milateriga ayaa raba iney ka gudbaan Kontaroolada booliska iyagoo aan marin wax muran ah, halka boolisku ay rabaan in ciidamada Milateriga ay joojiyaan dhaq dhaqaaqyada magaalada gudaheeda ah, taas oo muddo badan sababtay isku dhaca labada ciidan. Goobaha u xiran Milateriga waxaa dhib ku mara booliska halka goobaha ay booliska joogaan ay dhib iyo dagaal ku maraan Milateriga Soomaaliya. Todobaad gudihiis ugu yaraan 5 jeer ayey ciidamadu ku dagaalameen Muqdisho, waxaana ugu dambeeyay dagaalka habeen hore ee sarkaalka lagu dilay. Inkasta oo labada sabab ee aan sheegnay ay inta badan horseedaan dagaallada labada dhinaca, haddana mararka qaar waxaa jira sababo kale, sida ayaga oo kala taageeraya dad ay isku beel yihiin oo dhulal ama guryo isku haysta.
-
Stutgart (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa, AFRICOM wax duqeymo ah kama fulin Soomaaliya muddo shan toddobaad ah, taasi oo ah waqtigii ugu dheeraa ee sidaas ay dhacdo in ka badan hal sano. Si kastaba, mudadaas duqeymo way ka dhaceen Soomaaliya, hase yeeshee waxaa jira dalal kale oo Mareykan aan ahayn oo dalka duqeymo ka fuliya, balse sida Mareykanka aan ka hadlin. Afhayeen u hadlay AFRICOM, oo uu soo xigtay wargeyska Stars and Stripes ee ka faallooda arrimaha ciidamada Mareykanka, ayaa haddaba sharxay sababta duqeymaha aysan u dhicin in ka badan bil. “Ayada oo lagu guda jiro xilli roobaadkii, waxaa jiri kara is-beddelo ay samaynayaan Al-Shabaab oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqooda guud,” ayuu yiri afhayeen Col. Chris Karns. “Mar walba waa jiraa dadaalka, balse mar walba lama helo fursad lagu fuliyo duqeymo, balse maranba ma jirto joojin lagu sameeyey duqeymaha,” ayuu yiri. Soomaaliya ayaa waxaa hadda ka socda daadad xooggan oo barakiciyey 300,000 oo qof, sida ay sheegtay QM, waxaana tani suurta-gal ah inay yareysay socodkii iyo dhaqaaqyadii dagaal-yahanada Al-Shabaab ee AFRICOM ay beegsan jirtay. Weerarkii ugu dambeeyey ee Mareykanka ay shaaciyaan inay ka fuliyeen Soomaaliya ayaa dhacay 10-kii April – Markaasi oo ay ahayd billowgii xilli roobaadka – taasi oo hakisay weeraro is-daba joog ah oo lala beegsanayey Al-Shabaab. Inkasta oo shan toddobaad aysan AFRICOM fulin wax duqeymo ah, haddana waxay sanadkan fulisay guud ahaan 40 weerar, taasi oo ku socota inay aad uga badato tii sanadii hore oo ahayd 63. “Awooddii aan ku daawaneynay weli waa jirtaa, haddii fursad ay timaado, duqeyntuna tahay waxa ugu haboon ee la sameyn karo, duqeymaha dib ayey u billaaban doonaan,” ayuu yiri Karns.
-
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 15-ka May oo ku astaysan maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhallinyarada ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaadanayaan dib-u-dhiska dalka, la dagaallanka iyo kahor tagga Feyruska Karoona iyo gurmadka Fatahaadaha. “Waxaan dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa munaasabadda 77 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaska ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. “Waxaan uga mahad celinayaa dhallinyarada Soomaaliyeed dowrka wax ku oolka ah oo ay ka qaataan dib-u-dhiska dalka. Waxaan si gaar ah uga mahad celinayaa milkiilayaasha dalka dowrkooda ku aaddan la dagaallanka Covid19 iyo la tacaalidda fatahaadaha.”, ayuu raaciyay Ra’iisul wasaaruhu. Sannadkii 1943-dii ayaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo 13 ah waxa ay aasaaseen ururkii gobannimo doonka ee SYL oo horseed u noqday xornimada uu dalkeennu maanta ku naaloonayo, waxaana maanta loo dabbaal degayaa 77 sano guuradii ka soo wareegatay aasaaskii ururkaas. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-habeen-15052020.mp3 View the full article
-
Years of conflict leave Somalia ill-equipped to fight virus
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Years of conflict, instability and poverty have left Somalia ill-equipped to handle a health crisis like the coronavirus pandemic. In fact, no one really knows how many cases of COVID-19 it has. Source: Hiiraan Online -
Traders can now breathe a sigh of relief after the government published protocols and guidelines on management of the miraa industry as part of the Covid-19 response. Source: Hiiraan Online
-
Scientists at Germany’s Max Planck Institute of Colloids and Interfaces in Potsdam are among a group of researchers from Germany and Denmark collaborating with the US company ArtemiLife to explore whether the Artemisia plant can be used against the novel coronavirus. Source: Hiiraan Online
-
Waa bartamihii bishii May 1990 iyo Kulliyaddii Qaanuunka ee Jaamacadda Ummadda, jawiga subaxaasi waa uu ka duwan yahay kii maalmihii iyo bilihii la soo dhaafay, dareen ayaa jira, ardaydu labo-labo iyo saddex-saddex ayay si hoose ugu faqayaan, dhawr arday oo aanu fasalka wada dhiganaynay ayaa eheladoodii xabsiga loo dhaadhiciyay, waa Ruqiya, Nadiifo iyo Cismaan. Xilligii rawaxaadda ayaa la gaaray, waxaan u soo dhaqaaqay dhankii xaafadda markii aan sii dhaafayay dhismihii Kulliyaddii Xanaanada Xoolaha ayaa waxaa ii dhawaaqay saaxiibkey Sahal oo halkaa wax ka baranayay wuxuuna si hoose iigu yiri: Adeer waa la xiray! Sahal adeerkiis waxa uu kamid ahaa madaxdii Jaamacadda Ummadda. Qarsoodi ma ahayn waxa kulmiyay xariga afartaa oday ( Ruqiya saygeeda, Nadiifa Aabaheed, Cismaan walaalkii iyo Sahal Adeerkii) iyo rag kale oo magac iyo maamuus ku lahaa dalka oo dhamaantood dharaartaa xabsiga loo dhaadhicyay, waxaase jirtay in maalimhii xabsigooda ka horeeyay la hadal hayay in xukuumaddii uu ra’iisalwasaaraha ka ahaa Maxamed Xawaadle Madar oo dhawr bilood uun jirtay markaa, wasiirradeeduna u badnaayeen dhalinyaro aqoonayhanno ah, inay wadahadal la geli doonto odayaal isu xilqaamay inay talo wax ku ool ah oo dadka iyo dalkaba lagu badbaadinayo u jeediyaan Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Eedda loo haystay odayaasha oo tiradoodu 100 kor u dhaaftay, isuguna jiray siyaasiyiin, danjirayaal, saraakiil, aqoonyahano, culimo, ganacsato, cuqaal iyo garyaqaanno ay kamid ahaayeen Madaxweyne Aadan Cadde, Guddoomiye Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen, Xaaji Muuse Boqor, Ismaaciil Jimcaale Cosoble, Cali Shido Cabdi, Jeneraal Maxamed Abshir Muuse, Maxamed Siciid Ciiyoow “Gentleman”, Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi, Xaaji Maxamed Cabdulle Furre, Xasan Dhimbil Warsame, Professor Ibraahim Maxamuud Abyan, Cali Mahdi Maxamed, Xaaji Baynax Barre, Xuseen Xaaji Bood, Maxamed Faarax Siyaad, Cabdicasiis Nuur Xirsi, Cali Maxamed Oosbito, Axmed Daahir Sheel, Maxamed Cali Xaashi, Sheekha Muuddeey, Xaaji Maxamed Cawaale Liibaan, Cismaan Axmed Rooble, Maxamuud Xaaji Cabdullahi Qore… waxa ay aheyd in ay qoraal ka kooban 6 bog oo ay uga hadlayaan xaaladda adag ee uu dalku marayay maalinkaa iyo sida ay tahay in lagu badbaadin karo ay u direen Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre (Eeg lifaaqa labaad). Qoraalku waxa uu si kooban u soo bandhigay xaaladda amniga, tan siyaasadda iyo midda dhaqaalaha ee dalku ku sugnaa, waxa uuna soo jeediyay talooyin sahlan oo suurogal ka dhigaya in wax laga qabto mashaakilkii dalku waajahayay, kuwaa oo maalinba maalinta ka dambaysa sii cuslaanayay. Waxa uu qoraalku dul-istaagay 5 qodob oo saldhig u ahaa culaysyadii jiray kuwaa oo u dhignaa sidatan: Dagaal Sokeeye Nabadgelyo La’aan Xadgudubka Xuquuqda Muwaadinka Maamul Xumo Dowladeed Burbur Dhaqaale Qoraalku waxa uu tibaaxay in hannaanka keliya ee xal waara lagu gaari karo uu yahay in la helo “Isbaddal Taam ah oo Xukuumadeed” iyo in dib loogu laabto nidaamkii dimuqraadiga ahaa ee dalka ka hirgalay markii uu xorriyadiisii qaatay 1960. Waxa kale oo uu qoraalku xusay si loo fududeeyo hirgelinta isbeddel micno sameeya in loo baahan yahay baab’inta “sharciyada xuquul insaanka iyo xorriyaadka kaleba cabburinaya iyo hay’adaha ujeedadaas darteed loo dhisay, sida: – Sharciga 10 Jan. 1070, Lr. 01 Awoodda Xarigga -Sharciga 10 Jan. 1970. Lr. 03 Dhismaha Maxkamadda Badbaadada -Sharciga 15 Feb. 1970. Lr. 14 Dhismaha Hey´adda NSS -Sharciga 10 Sept. 1970. Lr. 54 Ilaalinta nabadsugidda Qaranka -Sharciga 10 Okt. 1970. Lr. 64 Baabi’inta Habeas Corpus Sharciga 10 Nov. 1970. Lr. 67 Difaaca Bulshada Sharciga 05 Abr. 1972. Lr. 38 Awoodda GSK ee Arrimaha Garsoorka Sidoo kalana in Xeerka Ciqaabta iyo Xeerka Habka Ciqaabta dib loogu celiyo sidii ay ahaayeen intii aanu millatarigu la wareegin hoggaanka dalka “si shacbiga loogu soo celiyo xorriyaadkiisii oo dhameys tiran oo ay markaas suuragal ugu noqoto inuu kulmi karo, tashan karo, dhisan karo ururro siyaasadeed iyo kuwo bulshadeed”. Waxayna soo jeediyeen in la dhiso guddi ka kooban 13 xubnood oo qabanqaabiya shirweyne ay ugu yeereen “ Shirweynaha Suluxa iyo Bad-baadada Ummadda”, waxayna soo jeediyeen in guddigu ka koobnaado xubnaha soo soda (Eeg Lifaaqa kowaad): Xaaji Aaden Cabdulle Cusmaan – Madaxweyne Hore Sheekh Mukhtaar Maxamad Xusseen – Madaxweyne iyo guddoomiye Baarlamaan hore Xaaji Muuse Boqor – Wasiir hore Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble – Wasiir hore Dr. Maxamad Raajis Ahmad – Mudane Baarlamaan hore Maxamad Abshir Muuse – Taliye ciidanka biliiska hore Dr. Maxamuud Sheekh Axmad – Guddoomiye Maxkamad Sare hore Suldaan Duulane Rafle Guuleed – Odey dhaqameed Soomaaliyeed Cali Shido Cabdi – Guddoomiye ku-xigeyn SYL iyo Safiir hore Garaad Cabdulqani Garaad Jaamac – Odey Soomaaliyeed Xaaji Jirde Xusseen Ducaale – Ganacsade Sheekh Ibraahim Suuley – Caalim Diinta Islaamka Sheekh Shariif Sharafow – Caalim Diinta Islaamka Qoraalkan iyo talooyinka uu xambaarsan yahayba waxa ay ahaayeen fursad qaali ah oo uu Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ku furdaamin karay mawjadihii siyaasaddeed ee sida talantaaliga ah marba dhinac ugaga imanayay tan iyo markii uu ka badbaaday afgambigii fashilmay ee Gugii 1978, iyadoo 12-kii sannadood ee xigay uu si joogto ah ula kulmayay turunturooyin siyaasaddeed oo aanu si xikmadaysan u maaraynin, kuwaa oo ugu dambayntii dhaliyay dhibaatooyinka ay odayaasha talada siiyay ku tibaaxeen qoraalkooda. Halkii uu Madaxweynuhu ka eegi lahaa nuxurka qoraalka, fiirinna lahaa mustaqbalka dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo uu muddo ku filan hoggaanka u hayay, ma uusan yeelin ee waxa uu dib u jalleecay shalay iyo Oktoobar 1969, maalinkii uu xilka kala wareegay Xisbigii SYL oo qolyaha hormuudka u ah qoraalka talooyinka xambaarsan ay yihiin madaxdii hoggaanka u haysay Xisbiga iyo Xukuumaddii uu talada kala wareegay. Sida muuqata Madaxweynuhu waxa uu is weydiiyay sidee ayay qolyihii aad shalay dalka ka badbaadisay ugu fekeri karaan maanta inay adiga dalka kaa badbaadiyaan?! Su’aashaasu waxa ay aheyd mid maangal ah, waxa aanse maangal ahayn falceliskii uu qaaday oo isugu jiray inuu taladii diiday iyo in odayaashii talada u soo jeediyay uu xabsiga u taxaabay. Waxay aheyd haddii uusan qolyahan ku kalsoonayn in uu talada qaato oo baadigoobo dad kale oo ku habboon furdaaminta dhibaatooyinkii dalka ka aloosnaa, haseyeeshee ma dhicin taasu, oo Madaxweyne Siyaad iyo saaxiibadiisii ay talowadaagga ahaayeen waxa ay go’aansadeen inaan loo joojin, odayaashanna xabsiga loo taxaabo, si aanay mar dambe ugu fikirin in ay tallaabo noocan oo kale ah qaadaan, saxiixayaasha qaarkood eheladooda ayaa loo sheegay inay ceshadaan oo ku qasbaan inay beeniyaan in ay qoraalka wax ka ogaayeen!. Odayaasha badankoodu ma ahayn kuwa xabsigu ku cusub yahay, ee iyaga iyo xabsigu waxa ay ahaayeen wehel iyo wedaay, sanado badan oo noloshooda kamid ahna halkaa ayay ku soo qaateen. Waxayna ahaayeen dad ( da’ ahaan) horay u batay, cabsi gooyay, arkayayna qarankii ay xorriyadiisa muruq, maskax iyo maalba geliyeen oo gebi ka sii dhacaya. Welwelka ugu weyn ee haystay waxa uu ahaa madax-adaygga Madaxweyne Siyaad iyo qar iska- tuurnimada jabhadihii hubaysnaa. Waxaa u caddayd haddii aan la helin gogol lagu wadahadlo iyo is-beddel siyaasaddeed oo ku yimaada qaab nabadeed oo dimuqraadi ah in dalka iyo dowladnimaduba burburi doonaan. Madaxweyne Maxamed Siyaad fursaddii qaaliga ahayd waa lumiyay, awood uu odayaashii xabsiga ugu sii hayana waa waayay, taasoo hoos u dhigtay haybaddii hoggaankiisii iyo tii hay’adihii dowladdii uu hogaaminyay, arrinkaasuna waxa uu dhiirigaliyay jabahadihii hubaysnaa oo markii horaba aaminsanaa in Madaxweyne Siyaad waddada keliya ee lagula xaajoon karo ay tahay gumaca rasaasta oo la isku liso!, iyada oo aan dan loo gelin natiijada ka dhalan karta wadaxaajoodka noocaas ah. Waxaa xusid mudan in dabayaaqadii sanadkii 1990, xilli ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen, uu Madaxweyne Siyaad oggolaaday wadahadal uu la yeesho mucaaradkii uu in badan ka meermeeray, waxayse ahayd mar ay jabahadihii hubaysnaa ay dalka intiisii badnayd ku baaheen ayna kulaalayaan caasimadda oo ay maalmo kadib soo galeen, iyaga oo ay 26 maalmood keliya ku qaadatay in ay Madaxweynihii caasimadda dibadda uga saaraan, qarankiina uu halkaa ku burburo. Qoraalka ay odayaashu soo saareen oo ay ugu magac dareen “Bayaankii Koowaad ee Muqdisho” waa mid taariikhi ah, ka sokow inuu maalintaa ay soo saareen ee 15-ka May 1990 uu xambaarsanaa talooyin wax ku ool ah oo lagu furdaamin karay xaaladdii dalka ka jirtay, maanta oo uu qoraalkaasi 30 sano jirsaday, waxa uu weli leeyahay qiimihii uu maalinkaa lahaa, waa haddii la helo cid dhegaheedu iyo indhaheedu laabta u furan yihiin. Lifaaqa 1aad “Bayaanka Koowaad ee Muqdisho” Lifaaqa 2aad “Liiska Odayaasha Bayaanka soo Saaray” Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali – Waxa uu ahaa la-taliyaha arrimaha siyaasadda ee madaxeynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay maanta daahfurtay Adeega Macluumaadka Coronavirus ee WhatsApp. Adeegan cusub oo lacag la’aanta ah ayaa waxaad kaheli kartaa xogta Coronavirus ee ugu dambeysey, oo sugan, saxnaanshaheedana la hubiyey, iyadoo ujeedku yahay inaan gudano waajibaadkeena ah in bulshadu marwalba la socdaan xaalada caabuqa COVID-19 ee dalka. Adeega Macluumaadka Coronavirus ee WhatsApp waa ‘Robot kuu jawabaya’ oo u sahlaya bulshada Soomaaliyeed inay jawaabo u helaan su’aalaha soo noqonoda ee ku saabsan Coronavirus, jawabaahaas oo idiin ka imanaya Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya. Iyadoo uu sahlayo wada sheekaysi laba dhinac ah, Adeega Macluumaadka Coronavirus waxaa lagu dhisay WhatsApp Business API, waxaana loo adeegsaday barta xiriirka adduunka ee ay leedahay Infobip si loo sahlo in dadku wadaagaan xogta la xiriirta Coronavirus. Adeegani wuxuu Wasaaradda Caafimaadka Federaal Soomaaliya u sahlayaa in si deg deg ah oo waqtiyeysan ay bulshada oo dhan ula wadaagto xogaha muhiim ka ah. Dhamaan dadka ka isticmaala WhatsApp waxay heli karaan macluumaad lacag la’aan ah. Waxaad mobile-kaaga ku kaydsataa (sayf-garee) lambarka: +252 61 3 600700. Hadaba, si aad u isticmaashid, markaad lambarka sayf-garaysid kadib, waxaad doorataa WhatsApp-ka lambarkaan, kadibna waxaad ku qortaa tusaale ahaan ‘Asc’, tani waxay ku siisanaynaa liis aad kala dooran kartid. Sidoo kale waxaa ka geli kartaa adigoo gujinaya: https://bit.ly/MoHSomalia Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Fawziya Abikar Nur oo ka hadashay iskaashiga Wasaaradda, WhatsApp & Infobip ayaa tiri “Sida aan ognahay, WhatsApp waa mid ka mid ah kuwa ugu caansan baraha bulshada ee Soomaaliya laga isticmaalo. Sidaas darteed, waxaan u mahadcelinaynaa WhatsApp & Infobip doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen dadaallada wacyigelinta bulshada ee aan ku xakamaynayno caabuqa Coronavirus.” Matt Idema, Madaxa Hawlaha WhatsApp, wuxuu ka yiri arinkaan “Waqtiyadan adag oo kale, dadku waxay aad u adeegsadaan WhatsApp-ka si ay ula xiriiraan una caawiyaan qaraabadooda, asxaabtooda iyo bulshadoodaba. Waxaan ku faraxsannahay inaan ku caawino Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya hab isgaarsiineed kaas oo u sahlaya inay su’aaaha bulshadooda ka imanaya ay ka bixiyaan jawaabo lagu kalsoon yahay iyo talooyin caafimaad oo deg-deg ah si loo xaqiijyo badqabka bulshada.” View the full article
-
Hague (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa mar kale isku dayeysa in dib loo dhigo dhageysiga kiiska badda Soomaaliya ee hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ), sida ku cad dokumentiyo cusub oo ay dirtay. Arrintan ayaa khilaaf hor leh ka dhex-abuurtay labada dal, ayada oo Soomaaliya ay si xooggan uga hor-timid damaca cusub ee Kenya ay uga baxsaneyso inay cadaaladda wajahdo. Dhageysiga dacwadda ayaa qorshuhu ahaa inuu dhaco horraanta bisha xigta ee June, hase yeeshee Kenya ayaa maxkamadda ka codsatay in dib loo dhigo muddo aan la cayimin. Kenya ayaa qiil ka dhigatay cudurka Coronavirus ee caalamka kusii faafaya, ayada oo sheegtay inuu saameyn xooggan ku yeeshay qareenadii ku matali-lahaa maxkamadda, oo sida ay sheegtay ku kala xayirmay dhowr dal oo caalamka ah, islamarkaana isku iman waayey. Saameyn kale oo Kenya ay ku sheegtay dokumentiga dooddeeda ee dib u dhigista, ayaa ahaa mid dhaqaale, ayada oo ku doodey inay qarash u hayn kiiska, maadaama dhaqaalihii dalka uu hoos u dhacay, sida ay sheegtay, lana dhimay miisaaniyadda dowladda. Kenya waxay sheegtay inay ahmiyad dhaqaale gaar ah siineyso arrimaha muhiimka ah. Si kastaba, Soomaaliya ayaa dooddan diiday, sida ku cad dokumenti ay iyana dirtay, waxayna Kenya ku eedeysay in marnaba aysan dooneyn in kiiskan maxkamad lagu xaliyo, oo ay daneyneyso meel ka baxsan maxkamadda. Soomaaliya ayaa xustay inaysan ahayn markii koowaad ee Kenya codsato dib u dhigisa balse ay tahay markii saddexaad, taasi oo muujineysa daacad darrida Kenya. Soomaaliya waxay sidoo kale ashtako ka muujisay cadaadis diblomaasiyadeed oo Kenya ay ku hayso. Soomaaliya waxay maxkamadda ka dalbatay in kiiska lagu qaado hab muuqaal oo Online ah, sida iminkaba ay maxkamadda sameyso, maxkamado badan oo caalamka ahna ay sameynayaan. Maxkamadda ayaa la filayaa in maalmaha soo socda shaaciso go’aankeeda ku aaddan in kiiska uu ku dhacayo waqtigiisa iyo in kale, kaasi oo ah 8-da ilaa 12-ka Bisha June. Maxkamadda ICJ ayaa 5-tii September ee 2019-kii ogolaatay codsi ka yimid Kenya oo ahaa in dib loo dhigo kiiska, waxaana xilligaas ay ballan-qaaday inaan mar kale kiiska dib loo dhigi doonin.
-
Amid the prevalent chaos due to the coronavirus pandemic in the country, a horrifying incident has come to light from Mogadishu, the Somali capital where a government soldier allegedly raped a four-year-old girl. The incident shocked and enraged local residents, it also sent shock waves across the country, triggering a firestorm on social media. According to the victim’s uncle Ahmed Botan Abdulle, the incident occurred in Mogadishu’s Wadajir neighborhood at around 10:30 a.m local time on Thursday May, 14 when the soldier identified as Mohamed who lived next to the victim’s family sneaked into their house and brutally assaulted the young girl while her mother was a way for a family shopping at a nearby market. The young girl was seriously injured in the sexual assault and was rushed to a local hospital for treatment. He said. The suspect has been detained at Wadajir police station for further investigation. The devastating incident comes a month after two young girls aged four and five were abducted and brutally gang raped in a field near Afgoye town located 30 kilometers west of the capital. Incidents of rape have been widely reported in different parts of Somalia in recent years. In February, authorities in the Somali region of Puntland executed two men who abducted, gang raped and then brutally killed a 12-year-old girl in the town of Galkayo in 2019. Somalia is a conservative society where rape is stigmatized and victims are traditionally forced to marry their assailants. Most rape cases go unreported and unpunished, according to Somali women rights activists. Many rape survivors and their families are afraid to come forward to publicly confront perpetrators, because they fear being shunned by their community. In many cases, the rape victims are deemed unmarriable. Anti-rape campaigners in Somalia say the brutal nature of several videos of gang rape and murder, which have been shared on social media in the past two years, are turning the tide against the conservative stigmatization and the nature of hiding perpetrators.
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan dooneyn inuu la hadlo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, wuxuuna soo jeediyey in laga yaabo in gebi ahaan uu xiriirka u jaro dalka labaad ee ugu dhaqaalaha xooggan caalamka. Wareysi uu siiyey taleefishinka Fox Business, ayuu Trump ku sheegay inuu aad uga niyad-jabsan yahay guul-darrada China ay ku xakameyn weysay faafitaanka cudurka Coronavirus, oo sida uu sheegay iminka halis ku ah heshiiskii ganacsi ee bishii Janaayo uu la gaaray Beijing. “Ma ahayn in marnaba ay ogolaadaan in tani ay dhacdo,” ayuu yiri Trump. “Waxaan la galay heshiis ganacsi oo weyn, hase yeeshee iminka sidii hore ma dareemayo, warqaddii lagu qoray heshiiska weli waa qoyneyd, balse waxaa yimid safmareenkan, mana muuqato hadda sidii hore.” Carrada Trump ee ka dhanka ah Shiinaha ayuu sidoo kale kusoo daray madaxweyne Xi oo marar badan uu sheegay inuu xiriir wanaagsan la leeyahay. “Ma doonayo inaan iminka la hadlo,” ayuu yiri Trump oo wareysiga uu siiyey Fox Business ee la duubay Arbacadii lasii daayey Khamiistii. Trump ayaa wax laga weydiiyey soo jeedin ka timid Senator Jamhuuri ah, oo ah in dal-ku-galka Mareykanka loo diido ardayda Shiinaha ee codsanaya waxbarashada xiriirka la leh amniga qaranka. “Waxaa jira waxyaabo badan oo aan sameyn karno, waxaana ka mid ah in gebi ahaan aan xiriirka u jarno,” ayuu yiri. “Haddii aan sidaas sameyno, maxaa dhici doona, waxaad keydsan kartaa 500 oo bilyan oo dollar,” ayuu yiri Trump oo tixraacaya qiimaha badeecadaha sanad kasta uu Mareykanka kasoo dhoofiyo Shiinaha. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha Zhao Lijian ayaa maanta weriyayaasha ugu sheegay magaalada Beijing in joogteynta xiriirka ay dan ugu jirto labada dalba, oo dadkooda ay ka faa’iidayaan nabadda iyo xasiloonida caalamka. REUTERS + VOA
-
Qaar ka mid ah qoysaska barakacayaasha ee ku dhaqan duleedka Muqdisho ayaa haatan ka cabanaya nolol xumo, kadib markii ay saameeyeen roobabkii ka da’ay caasimadda. Qoysaskaan oo badi ka soo hayaamay deegaanka Janaale, kuna sugan Garasbeeley ayaa baaq u diray dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale waxay ka dalbadeen hay’adaha samafalka iyo maamulka gobolka Banaadir inay la soo gaaraan gurmad deg-deg ah. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-barakac-.mp3 View the full article
