-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Masuuliyiin ka tirsan Axsaabta Qaranka, Barlamaanka iyo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ayaa ka hadlay aragtidooda ku waajahan Jabhadda lagaga dhawaaqay Somaliland, gaar ahaan Gobolka Sanaag, waxayna sheegeen in wakhtigan aan dalka looga baahanayn jabhado iyo wax la mid ah, si gaar ahna Xukuumadda ayey baaq ugu direen. Siyaasi Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi-dheere), oo Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo ka soo qabtay xilka Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed Daamur oo ka tirsan hoggaanka sare ee Xisbiga Waddani, Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka tirsan Golaha Wakiilada, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Siyaasi Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere), wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “Wasiirka Dakhliga ayaa laga rabaa inuu soo af jaro hawshan jabhadda, wakhitgan xadirka ahna Jabhado dalka loogama baahna, Corono ayaa lala dagalamayaa ee ma Jabhado ayaanu la dagalaanaa, wakhtigii jabhadaha waa laga soo gudbay, Wasiirka Daakhiliga ayaana laga rabaa inuu jabhadaha meesha ka saaro, haddii kale Jabhadani waxay ka dhigan tahay Dawladdii Soomaaliya ee Cabdirisaaq Xaaji Xuseena ka ahaa Raysal-wasaaraha, Yaasiin Nuur Xasana ka ahaa Wasiirka Daakhiliga, Budhcadana loo mari kari waayey Galkacayo iyo Garoowe, ee Wasiirka Daakhiligu ummadda ha ka qabto Jabhada coladdii Ceel-afweyn in wax lagu qaato ayey ahayd, ee noqon mayso daakhiliga ayaan fadhiyaa, ee Wasiir Maxamed Kaahin ayaa looga fadhiyaa inuu Jabhadan wax ka qabto” Siyaasi Daamur oo isna arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Gobolka Sanaag, wuxuu ahaa Gobol muddo dheer ay dhibaatooyin ka taagnayeen, dhibaatooyinkaas oo muddooyinkii dambe laga soo kabanayey, ayaa haddana Jabhad lagaga dhawaaqay, anigu horena waan u sheegay, imikana waan sheegayaa, ee Jabhad imika dhalatay, iyo Jabhad hore u dhalatay midna inooma wacna, Gobolkuna maaha dib u socod inuu noqdo, ee waxaa looga baahan yahay inuu noqdo Gobol la jaanqaada Gobollada kale ee dalka, waxaa loo baahan yahay in adeegyada horumarinka iyo mashaariicda horumarinta ee dalka in laga fuliyo, waxaa loo baahan yahay in Deegaanadii dagaalladu ka dhaceen ee muddada dheer colaaduhu ka jireen in horumar la gaadhsiiyo, oo adeegyada aasaasiga ah ee arrimaha bulshada in la gaadhsiiyo, sida Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo wixii la mid ah, sidaas darteed Xukuumadda waxaa looga baahan yahay inay wax ka qabato Jabhadan dilaacday, ee marnaba looga baahan in iska daawato, ta kale bishii ramadaan ayaa inoo soo galaysa, dalkana iyo dadkana ma qaadi karaan dagaal iyo colaad iyo dihbaatooyin loo horseedo, ee ciddii talaabo khaldan qaadda waa in sharciga la marsiiya, oo sharciga wax lagaga qabta, cid kasta oo wax tirsanaysana waa inay si salmiya oo sharciya wax u doonta, laakiin dagaal iyo colaad midna waxba laguma qaado”. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), oo isna arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Maanta oo xanuun Adduunkii ka jiro in haddana Somaliland Jabhad laga sameeya, waa ayaan-darro ee Boqorrada iyo Madax-dhaqameedada waxaan leeyahay dalkan loogama baahna Jabhado, dalkuna ma qaadi karo Jabhadlo mar kale laga sameeyo, ee dadka ha loo tudho, oo ha lagu dadaalo sidii looga wax looga qaban lahaa xanuunka Coranaha, ee dadkii dhibta ku haya, Boqor Buuramdawna waxaan leeyahay mar kasta wanaaga ka shaqee”. Siyaasi Jaamac Shabeel oo isna arintan ka hadlaya yidhi “Marka la fikirayo waxaa haboon in sida ugu wanaagsan loo fikiro, talaabo kasta oo la qaadanaya ka fiirsi ayey leedahay, ee iyadoo maanta laga baqayo Coronavirus, maaha in la yidhaahdo Jabhad ama Jabhado ayaanu samaynay oo lagu faano, iyadoo la isku hayo noloshii umadda iyo sidii loo maarayn lahaa iyo waliba sidii looga hor tagi lahaa xanuunka Coronavirus, waa caqli xumo in Jabhado lagu dhawaaqo” Source
-
A woman watches as the South African National Defence Forces members patrol the street in Diepsloot informal settlement, north of Johannesburg, South Africa, Thursday, April 16, 2020. South African President Cyril Ramaphosa extended the lockdown by an extra two weeks in a continuing effort to contain the spread of COVID-19 coronavirus. (Themba Hadebe/Associated Press) JOHANNESBURG (AP) — Africa could see 300,000 deaths from the coronavirus this year even under the best-case scenario, according to a new report released Friday that cites modeling from Imperial College London. Under the worst-case scenario with no interventions against the virus, Africa could see 3.3 million deaths and 1.2 billion infections, the report by the U.N. Economic Commission for Africa said. Even with “intense social distancing.” under the best-case scenario the continent could see more than 122 million infections, the report said. Any of the scenarios would overwhelm Africa’s largely fragile and underfunded health systems, experts have warned. Under the best-case scenario, $44 billion would be needed for testing, personal protective equipment and treatment, the report said, citing UNECA estimates. The worst-case scenario would cost $446 billion. The continent as of Friday had more than 18,000 confirmed virus cases, but experts have said Africa is weeks behind Europe in the pandemic and the rate of increase has looked alarmingly similar. The new report is the most detailed public projection yet for coronavirus infections and deaths in Africa, where more than 1.3 billion people are bracing for the pandemic. Poverty, crowded urban conditions and widespread health problems make Africa “particularly susceptible” to the virus, the U.N. report said. “Of all the continents Africa has the highest prevalence of certain underlying conditions, like tuberculosis and HIV/AIDS.” On Thursday, a World Health Organization official said one projection over the next six months shows more than 10 million severe cases of the virus. “But these are still to be fine-tuned,” said Michel Yao, the WHO’s emergency operations manager in Africa, adding that public health measures could have an impact in limiting cases. He did not give the source of the projection. The new report also warns of severe economic painacross Africa amid the pandemic, with growth contracting 2.6% in the worst-case scenario and an estimated 27 million people pushed into extreme poverty. The World Bank has said sub-Saharan Africa could fall into its first recession in a quarter-century. “Collapsed businesses may never recover,” the new report said. “Without a rapid response, governments risk losing control and facing unrest.” Nearly 20 European and African leaders called this week for an immediate moratorium on all African debt payments, public and private, until the pandemic is over, as well as at least $100 billion in immediate financial help so countries can focus on fighting the virus.Full Coverage: Virus Outbreak The U.N. report said the continent has no fiscal space to deal with shocks from the pandemic and recommended a “complete temporary debt standstill for two years for all African countries, low and middle income included.” The report comes days before African officials launch a new initiative to dramatically accelerate testing for the new virus. More than 1 million coronavirus tests are being rolled out starting next week to address a major gap in assessing the true number of cases on the continent. It’s possible that 15 million tests will be required in Africa over the next three months, the head of the African Centers for Disease Control and Prevention, John Nkengasong, told reporters Thursday. Africa has suffered in the global competition for badly needed medical equipment but in recent days created a continental platform so its 54 countries can team up to bulk-buy items at more reasonable prices. One major shipment of equipment, including more than 400 ventilators, arrived this week for sharing among all 54 countries. For most people, the coronavirus causes mild to moderate symptoms such as fever and cough. But for some, especially older adults and those with other health problems, it can cause pneumonia and death. Source: AP The post Africa could see 300,000 coronavirus deaths this year appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, ayaa Bulshada uga digay halista xanuunka Coronavirus, waxaanu ugu baaqay inaan la dhayalsan ee lagu dedaalo sidii looga hor-tagi lahaa. Suldaanka Guud ee Subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Xanuunka Coronavirus maaha xanuun sahlan oo la dhayalsan karo, mana ah xanuun caadiya, ee waa xanuun aafo ah, oo aynu aragno sida uu Adduunkii u kala xidhay, ee dhayalsiga iyo dayaacadda ha la iska ilaaliyo, oo aad ha looga digtoonado Coronavirus, oo wacyigelinta ay Xukuumaddu wada dadku ha qaatan, ka hor tagista ayaana ka wanaagsan daawaynta, ee ha la dignoodo wax kasta oo fududayn kara in xanuunkani ku fidi karo, Xukuumaddu aad u dadaasho, oo wacyigelinta yaanay kala jarin mar qudha, ILLAAHAYNA waxaynu ka baryeynaa inuu inaga badbaadiyo xanuunkan”. Dhanka kale, wuxuu ka hadlay bisha Ramadaan, waxaanu ku taliyey in la badiyo cibaada iyo ALLE ka cabsiga, waxaanu soo jeediyey in dadka danyarta ah wax la taro, oo loo gargaaro, sadaqadana la badiyo. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed saaka ka qarxay qeybo ka mid ah gobolka Sanaag. Dagaalka oo ahaa mid qaraar ayaa xoogiisu wuxuu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Fadhigaab oo hoostaga degmada Ceel-Afweyn ee gobolkaasi. Ugu yaraan illaa 2 qof ayaa ku geeriyootay dagaalkaan, iyadoona ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Maleeshiyaadka diriraya oo maalmihii la soo dhaafay waday dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ayaa isku haya arrimo la xariira dhul-daaqsimeed. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona weli ay is-horfadhiyaan maleeshiyaadka labada dhinac oo abaabul dagaal ka wada halkaasi. Inta badan Ceel-Afweyn iyo deegaanada hoos-yimaada ayaa waxaa ku soo laa-laabta dagaal beeleedyada, iyadoo Somaliland lagu eedeeyey inay ka gaabisay wax ka qabadashada colaadahaasi oo ay ku dhinteen dad badan, kuna barakaceen kuwa kale.
-
Wasaaradda Deegaanka, Biyaha, iyo Beeraha ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa si ku meel gaar ah u qaadday cuna qabatayntii xagga dhoofinta xoolaha nool ee saarnaa dalka Soomaaliya. Tallaabadaasi ayaa lagu micneeyay in ay tahay mid lagu taageerayo suuqyada dalkaasi oo u baahday keenista xoolo nool oo laga soo iibsado dibadaha.iyada doorka iyo waajibaadka Wasaaradda uu yahay sugidda cunnada, oo ay ku jiraan hilibka cas ee la soo dhoofiyo iyo Xoolaha nool Wasaaradda ayaa sheegtay in la filayo ugu yaraan 600,000 oo ido ah iyo 100 kun oo geel ah la keeni doono suuqyada maxalliga ah ee dalkaasi,30 maalmood gudahood, kadib marka uu dhammaado muddada go’doominka caadiga ah. Wasaaradda ayaa xaqiijisay in dadaalkaasi uu yimid ka dib markii la dejiyay xaalado karantiil ah,isla markaana meesha laga saaray halista cudurada faafa ee xoolaha View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga Soomaaliyeed Cabdixamiid Maxamed Dirir oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey howlgal qorsheysan oo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen gobolka Sh/Hoose. Taliyaha ayaa carabka ku dhuftay in ciidamada ammaanka ay howlgalkaasi ku soo qabteen sarkaal sare oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab iyo xubno la socday. Ma shaacin taliyaha ciidanka dhulka magaca sarkaalkaasi, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in ahaa madaxii Zakawaadka Al-Shabaab ee gobolka Shabeelah Hoose. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in lala qabtay illaa 7 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen duleedka deegaanka Janaale ee gobolkaasi. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka koxoda Al-Shabaab oo la xariira howlgalkaasi. Shabeelaha Hoose oo ay weli ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa inta badan ka socda howlgallo ay ka wadaan ciidamada huwanta ee jooga gobolkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/04/cOD-1-DAGAAL-.mp3
-
Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo xayiraadii saareyd ka qaaday Xoolaha Somalida ee loo iibgeeyo Wasaaradda deegaanka Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay qaadeen xayiraadii saarneyd Xoolaha looga soo dhoofiyo Soomaaliya. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda, islamarkaana la soo dhigay barta fariimaha gaa-gaaban ee Twitter-ka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Sacuudiga ay dib u fasaxday xoolaha looga keeni jiray gudaha Soomaaliya, kuwaas oo muddo hakad-jiray. ”Sacuudiga waxaa uu xayiraadii ka qaaday xoolaha looga keeni jirey Soomaaliya.” ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee ka soo baxay wasaaradda deegaanka ee Sacuudiga. Dhinaca kale dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ka hadasho arrintaan, islamarkaana ay war ka soo saartay go’aankaasi. Tallaabada ay qaatay dowladda Sacuudiga ayaa waxaa soo dhoweeyey ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa xoolaha u iib-geeya dalkaasi. Soomaaliya oo caan ku ah wax soo-saarka iyo xoolaha ayaa wadamo badan u dhoofisa xoolaha nool, sida Imaaraadka, Sacuudiga iyo dalal kale. Qaran News
-
Shirkadda isgaadhsiinta casriga ah ee SOMTEL ayaa waxa ay maanta daahfurtey adeeg cusub oo la magac baxay Risaala , kaas oo ay ugu talo gashay in lagaga baxo xaaladan adag ee uu sababey xanuunka COVID 19 isla markaana dhanka kale lagaga faa’ideysto bisha barakeysan ee Ramadaan ee fooda inagu soo haysa Adeegan cusub ayaa isugu jira laba nooc , qeybta koowaad ayaa ah in aad Mobile-kaga Somtel aad ka baran kartid diinteena Suubaan ee Islaamka , Axaadiista , Tafsiirka Qur’aanka iyo Muxaadirooyin adiga oo gurigaaga jooga , waxaana aad garaaceysaa Number-ka gaaban ee 288 Qeybta labaad ayaa ah Xidhmo cusub oo internet ah taas oo ah in aad ku shubato $1 kaadhkaaga SOMTEL isla markaana aad heshid 5 GB oo Internet ah iyo 500 Minute oo ku hadal ah waana xidhmo todobaadle ah. Ugu Horeyn waxaa madasha lagu soo bandhigay adeegan ka hadlay Madaxa suuq geynta ee shirkada SOMTEL Khadar Abdiraxmaan Abdilaahi isla markaana sheegay in shirkadu ay sameysay qiimo dhimis 250 % ah , taas oo noqoneysa qiimo dhimistii ugu weyned ee abid ay shirkadu sameyso “ Waxaanu maanta dooneynaa in aan halkan macaamiisha Somtel ugu soo bandhigno qiimo dhimistii ugu weyneed ee shirkadu ay sameyso taas oo ah boqolkiiba laba boqol iyo konton 250 % , waxaana ay qiimo dhimistani ay tahay dhinaca ku hadalka kaadhka Somtel iyo dhinaca Internet-ka . Tusaale ahaan hadii aad 1 $ ku dhubatid kaadhkaaga Somtel waxaad helaysaa 5 Gb oo Internet xawaare sare leh iyo 500 Minute oo ku hadal dalka gudihiisa ah “ ayuu yidhi . Khadar Abdiraxmaan Cabdilaahi Waxaana uu hadalkiisa ku soo diray “ Waxaanu sidoo kale aanu halkan maanta ku soo bandhigaynaa adeeg aanu u bixinay RISAAL kaas oo aad ka baran kartid shareecada islaamka , Tafsiirka quraanka iyo muxaadirooyin adiga oo garacaaya Numberka 288 , sababaha ugu weyn ee aanu arintaas u sameynayna waa in aanu la dareen noqono bulshada macaamiisha noo ah xiligan lagu jiro wakhtiga adag ee uu sababay xanuunka Covid 19 “ ayuu hadalkiisii ku soo gabo gabeeyey madaxa suuq geynta ee shirkada SOMTEL Khadar Cabdiraxmaan Cabdilaahi Sidoo kale waxaa isna madashaasi ka hadlay aqoon yahan Axmed Goolcade oo ka socdey Jaamacada Hargeysa oo madasha ka sheegay in adeegan RISAALA ee shirkadu maanta shaacisay uu yimid xiligii loogu baahida badnaa loona baahnaa Jaamac Muuse Jaamac gudoomiyaha xarunta dhaqanka ee Hargeysa ayaa isaguna shirkda SOMTEL uga mahad celiyey adeegan cusub ee ay maanta soo bandhigtay , kaas oo ay bulshadeeda uga faa,ideynayso xili dalalka aduun-yadu ay ku jiraan marxalad adag “ Aniga oo ku hadlaya afka ururada Bulshada Rayidka ah waxaan halkan uga mahad celinayaa shirkada SOMTEL oo maanta macaamiisheeda u soo bandhigtay adeegyo faa’ido iyo waxtar u leh bulshada isla markaana ka jawaabtay baahidii iyo rabitaankii bulshada wakhtigan adag ee lagu jiro“ ayuu yidhi Dr. Jama Musse Jama Gudoomiye ku xigeenka Shirkada SOMTEL Cabdinasir Daa , uud oo kelmado kooban madashaasi ka yidhi ayaa sharaxay ujeedka ay shirkadu ka leedahay soo bandhigida adeeg-yadan cusub waxaana uu yidhi “ Ujeedka ay shirkadu ka leedahay adeegan cusub ee RISAALA ayaa ah in qof miiga jooga ee beertiisa iyo xoolihiisa dhex jooga uu baran karo diintiisa hadii ay Qur’aanka tafsiirkiisa noqoto iyo hadii ay muxaadirooyin noqoto-ba . Sidoo kale qeybta labaad ee adeegan oo ah qiimo dhimista dhinaca Internet-ka iyo dhinaca ku hadalka ah , Mar kasta ma fiicna in shirkadu eegato danteeda ama faa’ido iyada soo gasha balse waa inay u ogolaataa bulshadeedana inay ka faa’idaan shirkada , markaas anaga oo taas ka duuleyna waxaanu sameynay qiimo dhimista intaas leeg oo ay adag tahay in hal mar ay shirkadi sameyso qiimo dhimis intaas leeg , waxaana aanu sidaas u sameynay sidii aanu ula dareen noqono bulshada noo macmiisha ah ee saameynta uu ku yeedhay xanuunka Covid 19 “ ayuu yidhi Gudoomiye ku xigeenka shirkada SOMTEL Md Cabdinaasir Daa,uud Ugu danbeyn waxaa shirkada SOMTEL uga mahad celiyey isla markaana faah faahiyey mihiimada uu adeegani bulshada u leeyahay agaasimaha Awqaafta ee wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland Cabdale iibrahim “ Adeegani Risaala waa mid guud ahaan bulshada gaar ahaan macaamiisha shirkada SOMTEL faa’ido aan halkan laga sheegi Karin u leh , shirkadana uu ajar weyn oo ay dhawaan intifaaciisa arki doonan uu ugu jiro ilaahay ha idinka abaal mariyo ayaan idin leenahay . Shaqadani waa shaqadii wasaarada Diinta iyo awqaafta , shirkadu hore wasaarada barnaamij-yo badan ayay ula gacan qabatay kan maanta-na kuwaas buu ka mid noqon doonaa ” “ Qiimo dhimista intaas leeg ee ay hal mar shirkadu ku dhawaaqdey-na waxay na tuseysaa lexo jeclada iyo damqashada ay shirkadu macaamiisha u hayso , waxaana aan leeyahay aniga oo ka mid ah macaamiisha SOMTEL waad ku mahadsan tahiin inaad nala dareen noqotan xiligan adag ee dalka iyo dadkuba ku jiraan , waxaana aanu idin leeyahay halkaas ka sii wada dadaalka aad kor u qaadeysaan diinta iyo u adeegida maaciishiina ba u wadaaan “ ayuu ku soo gabo gabeeyey hadalkiisii Cabdale Ibrahim agaasimaha awqaafta ee wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland . Source
-
Hadii aan qaadka la joojin kareyn waa in 2 ama 3 jeer asbuuciiba uu dalka yimaadaa, bulshadana loo sheegaa in qaadka laga qaadi karo Covid19. qalinkii A/rahman fidhinle UK Jaadku waa Aafo qaran waana mukhaadaraad debedyaal u ah dacdarada dabeecada, nadaafadana looguma dadaalo oo lama maydho marka la jaraayo ama la raraayo ee la iib geynaayo. Jaadku intaanu gaadhin goobtiisa ugu danbeysa ee lagu qaybinaayo wuxuu soo maraa gacmo fara badan oo qaar ka mid ahi ay qabi karaan ama sidi karaan Xanuunka dilaaga ah ee Covid19, sidaa daraadeed Jaadku sifudud ayuu u fidin karaa una gudbin karaa xanuunka caabuqa ah ee Covid19, Waa hadii uu soo taa taabtay ama uu soo raray qof xanuunkan qabaa. Qaadku waa ganacsi bulsho kaas oo keena in lawada barjeeyo oo lays urursado lana wadaago shaaha, sharaabka iyo sheekadaba. Qaadku waa ganacsi debedyaal ah oo gacmo saar, saar badan kaa soo aan nadiifsaneyn,kuna xafidneyn bac ku xidhan ama bogos u gaar ah oo lagu xafido .Dhaqan ahaan shacabkeenu waa bulsho is dugsata, isna urursata Qaadkuna waa ganacsi maalmeed bulshada isku keena oo sababi karaa in uu si baaxad leh ufidiyo xanuunka dilaaga ah ee Covid19. Xanuunka Caabuqa ah ee uu keeno Fayruska yar ee ili ma aragtada ah ee dhumucdiisu tahay 120nm ayaa bilihii udanbeeyey aduunka oo dhan kala xidhay oo bandoo ku soo rogay kaas oo galaaftay naf iyo maal badan siina galaafan doona in dhaqaalaha aduunku uu aad iyo aad hoos ugu dhaco bilaha soo socda. Xanuunka Covid19 wuxuu aduunka ku dhacay dad qaadhaaya ilaa iyo 2 milyan oo qof, waxaana uu xanuunkani dilay mudo kooban dad ka badan 150 kun oo qof. Xanuunka Covid19 Dawo ma laha, Talaalna ma laha ee wuxuu leeyhay oo keliya ka hor tag iyo in aad adigu is bad baadiso oo aad gacmaha meydhato mar kasta nadaafadaada guudna aad ilaashato, buuqa dadka badan sida ,Suuqyada xaamiga ah, makhaayadaha iyo meelaha kale ee lagu kulmona aad ka dheeraato ilaa inta uu xunuunku dhamaanayo ( Social Distancing ) Xanuunka Caabuqa ah ee Covid19 Waa cudur aduunka oo dhan ku cusub oo gun-dheer oo aduunka oo dhan saameeyey waxaana uu hada marayaa marxaladii labaad kaas oo ka soo bilaabmay dalka shiinaha magaaladiisa Wuhan ka dibna si xun uga dilaacay qaarada Yurub iyo Ameerika oo iyagu ahaa wadamadii sameystay hayadaha caafimaadka aduunka ugu fiican hadana ilaa iyo maanta may xakameyn faafida cudurkan oo waxaa uu cudurkani ka galaaftaa oo ka dilaa boqolaal qof maalin kasta. Cudurka Caabuqa ah ee Covid19 Waa cudur ku dhaca marinada nugul ee neef mareenka iyo Sambabada taas oo keeni karta oofwareen iyo neefsashada oo qofka dib ugu noqota ka dibna qofku markiiba uu dhinto hadii uu waayo gar gaarka deg-dega ah iyo mashiinkii oxgygenta sii naayey oo deg deg ah.. Alleh kama dhigee Saynisyahanada wadamada Yurub waxay sheegeen in Xanuunkan Covid19 uu ku danbeyn doono qaarada Afrika oo aan iyadu laheyn hayado Caafimaad iyo cisbitaalo ay ku rakiban yihiin qalabka gar-gaarka deg dega ee xanuunkan lagu xakameeyo maadaama aanu daawo laheyn xanuunkani. Aqoonyahanada ku takhasusay fayraska ee loo yaqaan fayrasyahanada ayaa iyaguna isku raacay in aan fayraskani soo dhaafi karin marada caadiga ah hadii aad afka iyo sanka iskaga xidho maro yar ama cumaamad sidaa daraadeed waa in dadku afka iyo sanka iska xidhaan markay tegayaan meelaha buuqa ah ama ay booqanayaan Cibitaalada iyo goobaha ay joogaan dadka xanuunkan u jiifa. Sida ay dhakhaatiirtu sheegeen astaamaha Xanuunka Caabuqa ah ee Civid19 Waxay ku soo muuqdaan mudo 3 ilaa iyo 14 maalmood ah waxaana ay astaamaha koowaad ee cudurkani u eeg yihiin kuwa Hargabka caadiga ah sida Cabudhaad, Cune xanuun, madax xanuun, qandho joogto ah iyo qufac qalalan. Calaamadaha Labaad ee cudurkani waxay noqonayaan Neefsashada oo qofka ku adkaata iyo fayraska oo ugudba Sanbabada kadibna qofku neefsan kari waayo oo qofka naftu qabato marka uu Xaaladan qofku maryaayo wuxuu u baahan yahay oo keliya kaalmo deg deg ah oo Oxygen wadata (intensive care unit ) ICU. Nasiib daro dhakhaatiirta dalkeena Somaalilaan ma laha waadhadh ay ku qalabaysan yihiin galabka gar gaarka deg dega ee Oxygentiisa wata. Xanuunkan noocisa sahlan ama loo yaqaan ( Mild) waxaa calamadaha Hargabka caadiga ah u raaca Shuban , urta iyo dhadhanka oo qofka ka tagta marka uu Calaamadahan leeyahay qofka uu xanuunku saameeyey waa ka ugu badan aduunka oo waa mid sahlan oo lagu bogsan karo mudo kooban oo 2-ba asbuuc ah. Talo Soo Jeedin Si loo Xakameeyo Xanuunkan Dilaaga ah Covid19: 1- Waa in Xukuumadu Qaadka si gaar ah uga wacyi gelisaa bulshada Somalilaan 2- Waa in Xukuumadu Qaadka Joojisaa mudo 6 Asbuuc ah hadii ay joojin kari weydo waa in Qaadku dalka yimaadaa 2 ama 3 jeer Asbuuciiba ilaa mudo laba bilood ah. 3- Waa in Xukuumadu soo iibsataa sheybaadh casri ah kaas oo ay kaga maarmayso tijaabooyinka dadka laga qaado ee debeda loo diraayo marka qof soo dhacoba. 4- Waa in Xukuumadu soo iibsataa ama Aduun weeynaha ka dalbataa qalabka gar gaarka deg dega ah oo Oxygentiisa wata ( intensive care units) 5- Waa in Xukuumadu ay dalbataa ama imaaraatiga ka baridaa Raashin badan oo wada gaadha dhamaan dadka dan yarta ah iyo Ciidmada qaranka Bisha Rabadaan. Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive Advisor ED BD PA United Kingdom London Qaran News
-
(SLT-Riyadh)-Wasaaradda deegaanka Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay qaadeen xayiraadii saarneyd Xoolaha looga soo dhoofiyo Soomaalida. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda, islamarkaana la soo dhigay barta fariimaha gaa-gaaban ee Twitter-ka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Sacuudiga ay dib u fasaxday xoolaha looga keeni jiray deegaanada Soomaalida, kuwaas oo muddo hakad-jiray. ”Sacuudiga waxaa uu xayiraadii ka qaaday xoolaha looga keeni jirey Soomaalida” ayaa lagu yidhi qoraalka kooban ee ka soo baxay wasaaradda deegaanka ee Sacuudiga. Source
-
Maxamuud Xaashi Wuxuu Xilka Qaranka Ka Maqnaa 2-Sanadood Sidee Baynu Uga Aqbalnaa Waxaan Leeyahey Han Kale iyo Jabhad baan Sameynayaa Maxamuud Xaashi Wuxuu Xilka Qaranka Ka Maqnaa Laba Sanadood Sidee Baynu Uga Aqbalnaa Waxaan Leeyahey Han Kale iyo Jabhadbaan Sameynayaa Marka Xaqiiqada ama Nabarka Hoos loogu Dhaadhaco dadka Reer Somaliland badhkii ayaa u fahma in ay arintaasi Qof Nacayb ama Qof Jeclaysi,Waxaan kamid ahaa Shakhsiyan Dadkii Siyaasad ahaan ku taageerayay, in Maxamuud Xaashi Cabdi Hankiisa Xaq u leeyahey, oo ay u banaan Tahey in uu ku tartamo Siyaasada Xisbiga Kulmiye iyo Hogaamintiisa Inkastoo, ay Jiraan Tuhuno badan oo la Xidhiidha mudadii uu Xilka Qaranka hayey, Maxamuud Xaashi Cabdi (Wasiirkii hore ee Madaxtooyada), iyo Waliba (Wasiirkii hore ee Duulista Hawadda), oo labada Jeerba ku beegan in uu kamid ahaa ama ahaa xubnaha miisaanka leh ee mar walba ka Qeyb gala taladii Xukuumadii uu Gadhwadeenka ka ahaa Madaxweyne Siilaanyo, Waxaa isaga Maxamuud ahaan Marka Goonidiisa loo hadalqaado marar baddan xantii Shacbiga Reer Somaliland u badinayeen oo aheyd, in uu hurintiisa Wax ka ogaa Dagaaladii Ceel-Afweyn ee Colaadii u dhaxysay abtiyaashii iyo Tolkii taasina Waxa ay dadka fiirada Dheeri sabab uga dhigi jireen inta baddan in Xukuumadaas iyo Ragii taladu ka go,aysay, ujeedada ay ka lahaayeen, aheyd si Muddo kordhin Xukuumadu u hesho, oo Doorashadii Madaxtooyada ee Soo Qadineyd dib loo dhigo, Maadaama Xalka Xiisadii Ceel-Afweyn aaney Xukuumadaa hore, ka gali, jirin Xal loo helo Nabad ka dhalata oo Xaqiiqda ku Saleysan, maadaama, had iyo Jeer ay Mushkiladu mar walba Bilaw ka aheyd Geesta Maxamuud Xaashi Wasiirkii Awooda badnaa Dhinaca Tolkii Sidaana ay ku daba dheeraatey Xiisadii Ceel-Afweyn ee Colaadaha Sokeeye, oo soo gaadhey ilaa iyo Xukuumadan Dambe ee Xisbiga Kulmiye ka dhalatey. Haddaba marka aan hoos ugu dhaadhaco Nuxurka Qoraalkan, Waxaa dadka Reer Somaliland Maanta Jimcihii ilaa Xaley Caweyskii si aad ah loo hadalhayey Koox kaga Dhawaaqey Deegaanka Gobolka Sanaag in ay Yihiin Jabhad lamid ah tii ka dhalatey Dulmigii iyo Cadaalad Daradii Wakhtigii ay Maxamuud Xaashi,Saaxiibkay(Wasiirkii hore ee Madaxtooyadu) midida Daabkeeda u hayey Waxa Qof kasta oo Caqligiisa iyo Fikirkiisa Min Qiyaasay, Jabhadaasi iyo Cududa Ardaaga ay ku dhawaaqeen Magac ahaan ee Beesha(Muuse-Abokor) Habar-jeclo barri waxaa loo aqoonsadey, Koox bar bilaw u ah Dhaqdhaqaaqyada hirdanka Xisbiga Kulmiye lagaga Ridanayo Madaxweynaha Xiligan Talada Somaliland haya, Muuse Biixi Cabdi, iyadoo Kooxdan Musdambeedkooda, iyo dhismahoodaba aanu marna ka Maqneyn Maxamuud Xaashi Cabdi oo Godkaa Ceel-Afweyn rabshadaheeda, iyo Golcadaa Sanaag ee Beesha Muuse Abokor guud ahaanba Damaciisa iyo Siyaasadiisu fadhiisatey. Haddaba Waxaan Leeyahey, Maxamuudaw Xilka Waxaad ka maqneyd, Muddo yar Damacaaguna Waa mid lagula Qabbo, oo Waxaan Leeyahey kaa Ragba Wuu Wada Qabaa, Waxaanse kaa Soconayn, oo aan Cidina kaa dhageysaneyn, inaanay laba isku kaa qabanayn, Ninkii Wuxuu yidhi laba Walba isa saarayoo, Laba Tagoogood isma Saarin, Suurtagal ma aha inaad mar Walba Qaboojiso Badheedhahaaga Siyaasiga ah, oo dhulka Jiifiso Damacaaga aan Joogsiga laheyn, ee aad Waayeelka ka ilaalisey,iyo in aad Arimahan Foosha Xun ee Shacabka Somaliland mar Walba Gobolka Sanaag iyo Ceel-Afweyn ka maqlayaan aad Daaha Dambe ujoogto, Siyaasada Waxaad ka maqan Tahey Wakhti kooban Waxaa Fursada kaa leh adiga iyo Beesha aad kasoo Jeedaba Marka Jeegaanta laga tago,umada kale ee Reer Somaliland ee aasaaska Kulmiye tacab iyo tabarba ku lahaa xataa hadey Beesha Dhexe yihiin, Markaa jid lagaaga Horeeyay,oo Cadaalad daradii lagaa tirsanayey ku timid, ana kaasaan Marayaa Foolxumadeeda ayay Leedahay,e Waxaan kugula Talin lahaa Adiga Madaxweynaha Xisbiga kaa Haystaa Qoddob kaliya Isku ogaada, Ina aydaan Abaal isku laheyn, Sidaad adigu Aaminsan Tahey ee Xisaabtaadu tahey, isku ogaada, Mid kalena isku ogaada oo, in aad Dagaal badheedhe ah Wax ku kala Dhacsaneysaan, iyo in aad isku tanaasuleysaan isku ogaada, Buurmadawna Qoddob isku ogaada, oo in aad Maruun si xaqiiq ah isku aaminaysaan,oo meel u wada Socotaan,oo aydaan kala Leexanayn isku Ogaada, Shacabka Somalilandna Mid isku ogaada in aad Tahey Ninkii shaley Xilka ka hayay Qaranka oo hadana Mid kale ka Doonaya isku ogaada ,oo ha isku ogaanina Rabshadahan Ceel-Afweyn iyo Jabhadahan laga maqlayo, Gobolka Sanaag. Wabilaahi Tawfiiq Najiib Ismaaciil Maxamed Somaliland Gabiley Tell:0634466339 Qaran News
-
Raydh (Caasimada Online) – Wasaaradda deegaanka Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay qaadeen xayiraadii saarneyd Xoolaha looga soo dhoofiyo Soomaaliya. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda, islamarkaana la soo dhigay barta fariimaha gaa-gaaban ee Twitter-ka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Sacuudiga ay dib u fasaxday xoolaha looga keeni jiray gudaha Soomaaliya, kuwaas oo muddo hakad-jiray. ”Sacuudiga waxaa uu xayiraadii ka qaaday xoolaha looga keeni jirey Soomaaliya.” ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee ka soo baxay wasaaradda deegaanka ee Sacuudiga. Dhinaca kale dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ka hadasho arrintaan, islamarkaana ay war ka soo saartay go’aankaasi. Tallaabada ay qaatay dowladda Sacuudiga ayaa waxaa soo dhoweeyey ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa xoolaha u iib-geeya dalkaasi. Soomaaliya oo caan ku ah wax soo-saarka iyo xoolaha ayaa wadamo badan u dhoofisa xoolaha nool, sida Imaaraadka, Sacuudiga iyo dalal kale.
-
Maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni ee Puntland ayaa waxa uu kordhinayaa goobaha caafimaad ee loogu talagalay in lagula tacaalo cudurka Coronavirus ee dunida oo idil saameeyay. Guddiga ka hortagga xanuunkaan ayaa waxa ay sheegeen inay ka go’an tahay sidii ay u kordhin lahaayeen goobaha dadka isaga shakiya COVID-19 ay tagi lahaayeen, waxaana guddigu uu hoosta ka xariiqay in arrinkaasi ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhaqaaqi doonaan. Waxaa ay guddigaan wadaan dadaallo ay ku doonayaan inay ku xakameeyaan cudurkaan sidoo kalane ay uga hortagaan COVID-19, iyada oo aysan jirin wali kiisas la xiriiira xanuunkaan oo deegaanada maamulka puntland laga diiwaan galiyay. Horey dowlad goboleedka Puntland ayaa u soo saartay awaamiir ku aaddan in dadku aysan isku imaan Karin islamarkaana waxaana deegaannada maamulkaasi lagu soo rogay bandow habeenkii ah si looga baaqsado faafitaanka COVID-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa ku warramaya in ciidamada Militariga dowladda Soomaaliya oo ay weheliyaan Daraawiishta Koonfur Galbeed ay la wareegeen degaanno ka tirsan gobolkaas. Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in ciidamadu ay hawlgal dagaal kula wareegeen degaannada Bandhuub iyo Biilane oo ka tirsan degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Bandhuub iyo Biilane waxaa horay gacanta ugu hayay malayshiyaadka Al-shabaab kuwaas oo isaga baxay halkaas kadib markii ay hawlgal military ku soo qaadeen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed. Hawlgalkaas ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii malayshiyaadka Al-shabaab looga durkin lahaa degmada Diinsoor oo ay go’doomiyeen kadib markii Al-shabaab jid-gooyo u dhigteen gaadiidka Raashinka iyo alaabta geeya degmadaas. PUNTLAND POST The post Militariga Soomaaliya oo AL-shabaab kala wareegay degaannada Bandhuub iyo Biilane ee gobolka Baay appeared first on Puntland Post.
-
War kooban oo kasoo baxay dalka Sucuudiga ayaa lagu sheegay in si rasmi ah xayiraaddii looga qaaday xoolihii Soomaalida ee loo iibgeyn jiray. Warkan oo lasoo dhigay barta Twitterka Wasaaradda Deegaanka ee dalka Sucuudiga ayaa waxa uu u qornaa sidan: “Waxaa xayiraadda laga qaaday xoolihii Soomaaliya laga soo iibsan jiray.” Si kastaba, warkan ayaa si weyn u farxad gelinaya ganacsatada ka shaqeysata xoolaha oo xilligan oo kale uu ahaa waqtiga ugu muhiimsan ee ganacsiga xoolaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddiga ka hortaga COVID-19 ee Jubbaland ayaa xaqiijiyay in kiiskii laga shakisnaa ee magaalada Dhoobley laga waayay xanuunka Corona Virus, ka dib markii magaaladaasi lagu arkay qof qaba calaamadaha COVID-19. Magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose ayaa maalmo ka hor waxaa laga helay ruux lagu arkay calaamadaha xanuunka, kadibna baaritaan ayaa lagu sameeyay, Waxaana loo diray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, waxaana guddigu u xaqiijiyay in shaqsigaas laga waayay xanuunka COVID-19. Jubbaland ayaa horay u xaqiijisay kiisas laba ah oo la xiriira caabuqa Coronavirus, waxaana labadaasi qof ee laga helay xanuunka ay ku sugnaayeen magaalada Kismaayo walloow markii dambe la sheegay in shaqsiyaadkaasi ay baxsadeen. Guud ahaan Soomaaliya kiisaska laga diiwaan galiyay cudurka COVID-19 ayaa waxa ay gaaraysaa 136 kiis sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Jowhar ayaa sheegaya in degamadaasi ay ka taagan tahay cabsi laga qabo inuu fatahaad ka sameeyo wabiga Shabelle. Dadka deegaanka, gaar ahaan kuwa degan xaafadda Horseed ayaa wal-wal ka muujinaya in wabiga Shahabelle uu sameeyo fatahaad hor leh, kadib markii saacadihii la soo dhaafay Roobka Guga uu ka da’ay gobolka Sh/ Dhexe. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa bilaabay inay jawaano caro ah dhigaan halkaasi, si looga hortago fatahaada laga cabsi qabo inuu sameeyo wabiga. Mas’uuliyiin uu ka mid ah yahay wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee dowlad goboleedka HirShabeelle Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaarim Daqare ayaa ka mid ah dadka wax ka dhigay Jawaanada ciida oo dadka deegaanka ay uga hortagayaan fatahaada, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabo deg-deg ah. “Laga soo bilaabo Deefoow Gobolka Hiiraan illaa Degmada Balcad oo Shabeelaha Dhexe ah waxaa ku dhex jira goobo laga cabsi qabo in uu karkaarada ka jabsado Wabiga Shabeelle waana 59-meel, mana jiraan Hay’ado u diyaarsan in ay wax ka qabtaan oo si deg deg ah uga jawaaba cabsida dadka deegaanka” ayuu yiri wasiir Maxamed Bashiir. Inta badan wabiga Shabelle ayaa xilli Roobaadyada fatahaad xoog leh ka sameeya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.
-
Mudanayaal, aniga oo og inaad u taagantihiin sidii shacabkeenna aad uga badbaadin lahaydeen masiibada ka soo fool leh xanuunka COVID19, hubana in aad qaaddeen tillaabooyin ay ka muuqato masuuliyad iyo u diirnixid shacab, haddana waxaan jeclaystay inaan dadaalkiina ku kabo talooyiin ay iila muuqatay inay wax ku ool yihiin. Mudanayaal, waxa aad ogtihiin in dawladaha caalamka koobaad ee uu xanuunkaani ku habsaday, aanu illaa imminka xanuunku si isku mida u saamayn. Waxaa jira kuwo si mug leh u maareeyey xanuunka, kuwo meel dhexe jooga iyo kuwo ku fashilmay wax ka qabashadiisa. Dawladahaani waxa ay ka simanyihiin in dhammaantood ay yihiin kuwo qaniya, ay leeyihiin daryeel caafimaad oo heer sare ah, haystaanna technologiyad u sahalaysa xakamaynta xanuunka. Mudanayaal, waxa kaliya ee ay dawladahaani ku kala duwanyihiin, natiijada u soobaxayna kala gaddisay ayaa ah, sida ay u kala hor baraarugeen, u kala hor diyaargaroobeen, go’aamadana u kala hor qaateen. Sidaas daraadeed ayaa dalalka fakhriga ahna natiijadoodu ku xirnaan doonan sida ay tillaabooyinkaan u kala hor qaadaan. Mudanayaal, waxaan idinku bogaadinayaa tillaabooyinka hordhaca ah ee aad horay u qaadeen. Mudanayaal, inkasta oo aynu sabool nahay awooddeenu na koobantahay, haddana tillaabo walba oo aynu horay u qaadnaayi waxa ay xakamaynaysaa fidista xanuunka. Sidaas daraadeed, waxaa lagama maarmaan ah, in aynu qaadno tillaabooyin dheeraada oo wax inoo badbaadin kara, kharash badanna aan inoogu kacayn. Tillaabooyinkaas waxaa ka mida kuwaan hoos ku xusan. Kow, mudanayaal, cid walba oo xanuunkaan dagaal kula jirtaa waxa ay leedahay qorshe u daggan oo ay xanuunka kula tacaasho. Sidaas daraadeed waa muhiim in aynu innagu na qorshe leenahay. Waxaa jira dhawr qaab oo xanuunka lagula tacaalayo oo ay dawladaha caalamku dawlad waliba ay mid qaadatay. Qorshaha ugu wayn ee inta badan dawladaha caalumku ay qaateen na waa kii China ee Lockdawn-ka dadka oo la xanibo. Qorshaani waa adagtahay in uu innaga inoo hirgalo, maxaa yeelay qaabkaas dadkeenu uma carbiyaysna dalkeenuna uma qaabaysna. Dhanka kale, waxa aynu nahay bulsho isugu dhex nool dadkii waawaynaa iyo kuwii yaryaraa, oo dadkii waawaynaa xanuunka u nugulyihiin. Mudanayaal, maadaama dadkeenu u badan yihiin dhalinyaro, ayna dhici karto in ay xanuunka iska difaacaan, waxaan ku talinayaa in qorshaheenna koobaadi uu noqdo in aynu xoogga saarno qaybaha nugul ee bulshada sida: dadka da’da ah iyo bukaanka xanuunada culus qaba. Mudanayaal, waxaa ila habboon in dadkaan lagu booriyo in ay magaalooyinka waawayn uga baxaan tuulooyinka yaryar iyo baadiyaha, taas oo laga yaabo in ay yarayso khatartii ay kala kulmi lahaayeen magaalooyinka. Labo, mudanayaal, markii dawladaha Chine, Taiwan, Honkong, Japan, iyo South Korea oo ah dawladaha safka hore ee xanuunka xakameeyey ay dadkooda ku khasbayeen in ay afka xirtaan, WHO iyo hay’adda ka hortagga xanuunada faafaa ee Maraykanka CDC, labaduba waxa ay ku talinayeen in dadka xanuunsan oo kaliya ay afka xirtaan. Imminka markii la ogaaday in 25% -%50 dadka xanuunka qabaayi aanay wax calaamadaa aanay lahayn (daraasad ku aadan xanuunka oo lagu sameeyey dalka Iceland ayaa sheegaysa in 50% dadkii xanuunka laga helay aanay wax calaamada lahayn) xanuunkana fidinayaan, waxaa lagu taliyey in cid waliba ay afka xirato. Mudanayaal, innaga oo ka duulayna muhiimadda uu “Afxirku” leeyahay, ogna koobnaanta awoodeenna iyo in aynaan heli karin Face Maski ay warshadi soo samaysay, haddii aynu helna na bulshadeenu aysan gadan karin, waxa aan ku talinayaa in dawaarlayaasha lagu booriyo loona jiheeyo in ay tolaan “afxirka”. Waxaa kale oo aan ku talinayaa in ragga lagu amro in ay afka cimaamdo ku xirtaan , dumarka na lagu booriya in ay niqaabka xirtaan. Mudanayaa, waxaa haboon in magaalo walba laga abaabulo samafalayaal tabarucaad u aruuriya tolista “afxirka”, dadka muxsiniinta ah ee wax haystana lagu booriya in ay u gurmadaan maalgalinta tolista afxirka, si loogu qaybiyo inta nugul iyo danyarta. Saddex, mudanayaal, markii ugu horraysey ee uu xanuunkaani ku faafay dalka South Korea meeshii ugu horraysay ee uu ka faafay waxa ay ahayd kaniisadda Shincheonji Church Of Jesus. Meeshii ugu horraysay ee uu dalka Iiraan xanuunku ka soo galayna waxa ay ahyd magaalo diimeedka Shiicada ee Qum. Halkii ugu horraysay ee uu Faransiiska ka faafayna waxa ay ahayd kaniisadda Open Door Church ee Mulhous. Sidaas daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in masaajidda oo ah meelaha ugu badan oo dadka ugu badani isugu yimaadaan, qorshe cad loo sameeyo. Afar, mudanayaal, maadaama uu xanuunkaani yahay mid ka mida xanuunada faafafa, waxaa lagama maarmaana in la raadiyo cid walba oo aqoon ama takhasus u leh xanuunada faafa, si ay u bixiyaan talooyin ku aadan qorahayaasha ku habboon in la qaado. Sidoo kale waxaa habboon in la sameeyo guddi dhakaatiira oo uu garwadeen u yahay dhakhtar ku takhakhusay xanuunada faafa si ay u hoggaamiyaan dadaalada lagula dagaalamayo xanuunka. Mudanayaal, waxaan idiin rajaynayaa guul, waxa aanaan aaminsanahay in tillaabooyinka aad qaadeen iyo kuwa aad qaadi doontaanba ay yihiin kuwo wiiqi doona fiditaanka xanuunka Mohamed Ahmed Elmi. The post Talo ku socota guddiga la dagaalanka xanuunka COVID-19 ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Cabsi xoogan oo laga qabo inuu fatahaad sameeyo wabiga Shabelle ayaa lagu soo warramayaa inay ka taagan tahay deegaano ka tirsan gobolka Sh/Dhexe. Dadka deegaanka ayaa wal-wal ka muujinaya in markale wabiga uu sameeyo fatahaad hor leh, kadib markii saacadihii la soo dhaafay Roobka Guga uu ka da’ay gobolkaasi. Meelaha sida weyn cabsida looga dareemayo waxaa ka mid ah degmada Jowhar, gaar ahaan xaafadda Horseed oo la dhigay jawaano caro ah, si looga hortago fatahaada. Sidoo kale waxaa halkaasi booqday mas’uuliyiin iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka HirShabelle oo ku baaqay in la sameeyo dadaallo looga gaashaamanayo fatahadaasi. Inta badan wabiga Shabelle ayaa xilli Roobaadyada fatahaad xoog leh ka sameeya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle. View the full article
-
War-saxaafadeed ka soo baxay taliska nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa looga tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Xildhibaan Aadan Cali Xasan (Jamhuuriya) oo ka tirsanaa mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Qoraalka ka soo baxay taliska AMISOM ayaa si gaar ah loogu tacsiyadeeyey dowladda federtaalka Soomaaliya, golaha shacabka ee baarlamaanka JF, Ummadda Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay Allaha u naxariistee Maruuxm Aadan Cali Xasan (Jamhuuriya). Sidoo kale AMISOM ayaa war-saxaafadeedka ay soo saartay ku xustay in Xildhibaanka oo ahaa xoghayaha guddiga maaliyadda ee baarlamaanka uu door wanaagsan ka soo qaatay arrimaha horumarinta ee dhalinyarada. Si kastaba ha’ahaatee Xildhibaanka geeriyooday ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey ku xanuusanayey magaalada Muqdisho, waxuuna uu la’ il darnaa xanuunka macaanka, View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Hay’adda Lacagta Adduunka ee magaceeda lo soo gaabiyo (IMF) ayaa sheegtay inay siin doonto $ 11 bilyan 32-ka dal ee ka hooseeya Saxaraha Afrika, kuwaas oo codsaday caawimaad si aay ula dagaallamaan cudurka halista ah ee Corona Virus, kaasi oo sameen ballaadhan ku yeeshay dhaqaalaha wadamada soo koraya. Dowladda Galbeedka Afrika ayaa kudalbatay taageero bulsho iyo mid dhaqaale oo gadheeysa 1.7 tirilyan oo u dhiganta ($ 2.8 bilyan), si ay hortag ugu sameyaan xanuunkan halista ah. Dhibatooyinka uu sababay COVID 19 waxaa ka mid ah hoos u dhigida canshuuraha shirkadaha iyo ganacsiga yar yar iyo dhimista kharashka sanadlaha ah ee wadamada taagta daran. Wadanka Ivory Coast ayaa kamida dalalka qaaradda Africa dhaca ee uu saameyey Xanuunka Covid-19, waxaana uu diiwaangaliyey 688 qof oo qaba Cudurkan, halka 193 kamida ay kasoo bogsadeen, waxaana u geeriyooda Fayruskan 6 qof. Source
-
Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay la wareegeen deegaano hoostaga degmada Diinsoor ee gobolkaasi. Ciidamada oo qaaday howlgallo qorsheysan ayaa gaaray deegaanada Bandhuub iyo Biilane oo ay horay ugu sugnaayeen dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab. Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in u jeedka uu yahay, sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobolka Baay. Xaaladda ayaa saaka ah weli mid kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo duleedka degmada Diisnoor ee gobolkaasi. View the full article
-
Qodabada saakay ugu waa weyn warka subax ee GoobjoogFM ayaa waxa ay kala yihiin: Ciidamada Dowladda oo deegaanno cusub kala wareegay Xarakada Alshabab. Tala-bixiyaha caafimaad ee COVID 19, Dr Maxmed M Cali Fuje, ayaa bulshada Soomaaliyeed kula taliyay inay qaataan talooyina caafimaad ee qaybta ka qaadanaya xakameynta faafitaanka CORONA. Tiftaraha Goobojoog oo Talaaladii lagu xiray Muqdisho oo dib u helay xorrriyaddisa. Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Somaliya ayaa shaacisay in labo ruux ay u dhinteen Coronaviras 19 kalana uu soo ritey. Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, ayaa Sheegay in dowladdu ay bedeshay qaabkii loo aasi jiray dadka u geeriyooda COVID-19. Madaxweynaha Galmudug oo magacaabis cusub sameeyay. Haddaba, halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfaahsan, waxaana soo jeedinaysa Maariya Haarliin https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/saakay-iyo-goobjoog-19-04-2020.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com