Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad gaar ah ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde ka qaaday dad ku dhow 160 qof oo ku xayirmey magaalada kadib markii la joojiyey inta badanduulamaadyadii dunida, sababo la xiriira xanuunka Coronavirus. Dadkan ayaa ah Soomaali heysta dhalashada dalalka Mareykanka, Canada iyo Britain, kuwaasi oo toddobaadyadii tegay ku go’doonsanaa caasimadda Soomaaliya Safaarada Mareykanka oo iyadu markii hore diyaarisey duulimaadkan ayaa dooneysey in ay muwaadiniinteeda ku keento dalkan Mareykanka, hase yeeshee waxaa kusoo biiray dalalka Canada iyo UK. Diyaarada Ethiopian Airlines ayaa galabta 4-ta galabnimo kasoo duushay Muqdisho waxaana ay dadkan geyn doontaa magaalada Addis Ababa oo ay ka dibna ka soo qaadan doonaan duulimaadyo tagaya magaalooyinka Washington DC, London iyo Toronto. Inkasta oo safarka iyo howsha isku xirka ay qabatay safaaradda Mareykanka, haddana dadkan ayaa waxaa lagu war-geliyey inay si iskood ah tiket-ka uga goostaan shirkadda Ethiopia Airlines. Qaar ka mid ah dadkan ayaa Caasimada Online u sheegay in Ethiopian Airlines ay ku dallacday lacag aad uga badan tan caadiga ah ee lagu goosto tickidhada, ayada oo ka faa’iideysaneysa duruufta haysata dadka. Arrintan ayaa sababta in qaar ka mid ah dadki ku xayiran Muqdisho ay goysteen inay kusii nagaadaan, ayaga oo ka biyo diiday inay lacag xad dhaaf ah bixiyaan
  2. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 65 xaaladood oo COVID-19 ah, 5 qofood oo xanuunka ka boqsootay iyo hal bukaan oo u geeriyooday. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Koonfur Galbeed 24, Somaliland 14, Puntiland 13, gobalka Banaadir 13 iyo Jubaland hal bukaan. Bukaannada cusub 41 ayaa rag ah 24-na waa haween. 1,284 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, Geeridu waxay mareysaa 53, waxaana guud ahaan ka bogsooday 135 ruux. Wasiirka Caafimaadka ayaa ku baaqday in wadajir looga qayb qaato dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka Feyruska Karoona, in dadka waaweyn iyo dadka xaruunnada daaha qaba si gaar ah xaaladdooda looga taxaddaro iyo in wacyi gelinta iyo talooyinka caafimaad si saxan loogu dhaqmo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 65 xaaladood oo COVID-19 ah, 5 qofood oo xanuunka ka boqsootay iyo hal bukaan oo u geeriyooday. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Koonfur Galbeed 24, Somaliland 14, Puntiland 13, gobalka Banaadir 13 iyo Jubaland hal bukaan. Bukaannada cusub 41 ayaa rag ah 24-na waa haween. 1,284 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, Geeridu waxay mareysaa 53, waxaana guud ahaan ka bogsooday 135 ruux. Wasiirka Caafimaadka ayaa ku baaqday in wadajir looga qayb qaato dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka Feyruska Karoona, in dadka waaweyn iyo dadka xaruunnada daaha qaba si gaar ah xaaladdooda looga taxaddaro iyo in wacyi gelinta iyo talooyinka caafimaad si saxan loogu dhaqmo. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa galabta soo bandhitay tirada dad hor leh oo laga helay cudurka Coronavirus. Warbixinta wasaaradda ayaa lagu sheegay 24-kii saac ee u dambeeyay gudaha dalka laga diiwaan geliyay 65 qofood oo qaba COVID-19. Tirada ugu badan ee dadkaas ayaa laga diiwaan geliyay deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana laga helay 24- kiis, Somaliland ayaa laga diiwaan geliyay 14 xaaladood, Banaadir ayaa laga helay 13-kiis, Puntland 13-kiis, halka Jubbaland laga helay hal kiis oo COVID-19 ah. Hal qof ayaa lagu sheegay warbixinta wasaaradda inuu u dhintay xanuunkaas, halka shan qofoodna ay kasoo bogsadeen. 41 kamid ah dadkaas waa rag, halka 24-ka kale ay dumar yihiin. Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 1,284, bogsashada guud ayaa gaartay 135, halka dhimashada uu sababay xanuunkan ay gaartay 53 qofood, inta la ogyahay.
  5. Masuuliyiinta wasaaradda beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa juhdi badan ku bixiyey sidii Soddon sano kadib ay Soomaaliya u heli laheyd diyaaradahaan loogu talo galay in lagu buufiyo Ayaxa si loo soo afjaro dhibaatada uu ku haya beeraleyda Soomaaliyeed, iyadoo ay xusid mudantahay inuu xilliyadii dambe baabi,iyey dalagyo badan. Xaflad kooban oo ka dhacday garoonka diyaaradaha, islamarkaana ciwaan looga dhigay Daahfurka ololaha buufinta hawada ee Ayaxa waxaa ka qeyb-galay wasiiro, xildhibaano ka tirsan golaha shacabka, masuuliyiin ka socday xafiiska Ra,iisul wasaaraha iyo xubno ka socday hay’adda beeraha u qaabilsan qaramada midoobay ee FAO. Wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid Ayaa sheegay in ayaxa uu busiibo ku noqday beeraleyda, isla-markaana diyaaradahan oo xambarsan Kiimiko dabiici ah oo an wax dhibaato ah u geysan doonin aadanaha iyo xoolaha ay ugu talogaleyn inay kusoo afjaraan dhibaatada Ayaxa. “Diyaaradahaan iyo daawada ay wadaan wax dhibaato uam geysanayaan dadka iyo duunyada sida xoolaha waana guul usoo hoyatay qaranka Soomaaliyeed oo ka maqneed muddo kabadan 30 sano”sidaas waxaa yiri wasiirka beeraha Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid. Wasiirka Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay qeyb ka noqdaan dadaalada ay wasaaradda beeraha kula dagaalameyso ayaxa oo dhibaato weyn u geystay beeraleysa Soomaaliyeed. “Waan bogaadineynaa shaqada ay heyso wasaaradda beeraha hase ahaatee qeyb-teyna isticmaalka gadiidka hawada waan kala shaqeyneynaa si dalka looga saaro dhibaatada uu ku haayo ayaxa kaasi oo waxyeelo ugeystay dalagyo farabadan oo xoog iyo maalba ka galay beeraleyda Soomaaliya “ayuu yiri wasiir oomaar. Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi oo ka mid ah guddiga beeraha ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tilmaamay in talaabadaan ay qaaday wasaarada beeraha ay guul weyn u tahay beeraleyda Soomaaliyeed oo dhibaato xoogan kala kulmay Ayaxa oo la sheegay inuu yahay kii ugu xumaa oo ay wajahdo muddo Soddon sano ah kadib. “Waa guul weyn oo usoo hoyatay qaranka Soomaaliyeed maxaa yeelay hadiiba qalabkaan la keenay waxa uu waxbadan ka qaban karaa saameynta iyo dhibaatada uu abuuray ayaxa waayo waxa uu waxyeelo u geystay wax soo saaraka dalka anagoo awal hore aheyn dal aan awood badan laheyn” ayuu ku daray xildhibaan Sakeriye xaaji Cabdi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. The Somali community in Europe has lost many lives to the coronavirus. We are significantly over-represented in infection and death figures. Source: Hiiraan Online
  7. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magacaabay Taliyaha ciidamada ilaaalada Madaxtooyada iyo Taliye ku xigeenkiisa. Madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni ayaa G/Sare Cismaan Cumar Maxamed u magacaabay Taliyaha ciidanka Madaxtooyada, halka ku xigeenna looga dhigay G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali. Qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu magacaabay Taliyaha iyo ku xigeenkiisa markii uu arkay baahida loo qabo iyadoo horay isku casilay taliyihii ciidamada Madaxtooyada. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 42 ee May 14, 2020 ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Madaxtooyada ee Dowladda Puntland.Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay : Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad. Markuu arkay: Dadaalkooda iyo Kartidooda Ciidanimo oo ay muujiyeen. Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in isbedel lagu sameeyo Taliska Ciidanka. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa G/Sare Cusmaan Cumar Maxamed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada. 2. Waxaa G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa Markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. (SLT-New York)-Hay’adda dambi-baadhista Mareykanka ee FBI ayaa si aan ku talagal ahayn waxaa ay u shaacisay magaca diblamaasi u dhashay Sucuudiga, oo la tuhunsanyahay in uu tageero siiyay dagaal-yahanadii Al-Qacida ee fuliyay weeraradii Maraykanka lagu qaaday September 11, 2001-dii, sidaas waxaa wariyay Yahoo News. Aqoonsiga Sarkaalkan, oo ka tirsanaa Safaaradda Sucuudiga ee Mareykanka, ayaa waxaa si khaldan u sheegay Sarkaal ka tirsan FBI-da oo ka jawaabay dacwad ay gudbiyeen qoysaska dhibaneyaashii weeradii 9/11, kuwaas oo Dowladda Sucuudiga ku eedeeyay in ay ku luglahayd weeradda. Michael Isikoff, oo ah suxufi baadhe ah kana tirsan Yahoo News, ayaa markii ugu horreysay qaladka ogaaday, waxaana uu Al-jazeera u sheegay in uu ogaa qaabka sirta loo shaaciyay in ay ahayd “khalad taxadar la’aan ku dhacay.” “Markii aan ogaaday in shaacinta uu warkani ku jiro, waxaan fal-celin ka raadiyay FBI-da. Sababtoo ah waxaan ogaa in Waaxda Cadaalada iyo maamulka Trump ay si aan caadi ahayn u doonayeen inay arrinta u daboolaan,” yuu hadalkiisa ku daray suxufiga Yahoo News. “Xaqiiqdii xeer ilaaliyaha William Barr iyo sii-hayaha agaasimaha hey’adda sirdoonka Richard Grennell ayaa maxkamadda geeyay mooshin ay ku sheegayaan in warbixin kasta ee la xiriirta sarkaalka safaaradda Sucuudiga iyo dhammaan qoraalada hey’adda FBI-da ay yihiin xasaasi; waxay ahaayeen sir qaranku leeyahay, taas oo micnaheedu yahay haddii shaaca laga qado in ay waxyeelo u geysan karto amniga qaranka.” Ku dhawaaqistaan waxaa sameeyay Jill Sanborn oo ah kaaliyaha Agaasimaha qaybta argagixiso la dirirka ee FBI-da. Mussaed Ahmed al-Jarrah ayaa magaciisa si aan ku talagal ahayn loogu shaaciyay qoraalka la siiyay maxkamadda, Yahoo News ayaa sheegtay in khadalka dhacay uu xaqiijiyay sarkaal Maraykan ah. Al-Jarrah waxaa uu ahaa sarkaal darajada dhexe uga jiray wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Sucuudiga, waxaa safaaradda Washington loo magacaabay intii u dhaxaysay 1999-kii iyo 2000. Waxaa lagu eedeeyay in uu kormeere ka ahaa dhaq-dhaqaaqa shaqaale ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Islaamka ee joogay masaajid iyo xarumo diinta islaamka lagu dhigo oo ku yaalla Maraykanka, sida wabixinta lagu sheegay. Yahoo News ayaa baahisay in qoraallo ay doonayeen qareenadda qoysaskii dhibaneyaasha 9/11 uu Sanborn ku sheegay in qayb ahaan lagu shaaciyay warbixin ay soo saartay FBI-da 2012-kii, kadib baritaan ay ku sameysay in xiriir uu ka dhaxayn karo Dowladda Sucuudiga iyo afduubeyaashii Al-Qaacida. Markii hore, baaritaankaas waxaa diiradda lagu saaray laba shaqsi oo kala ah Fahad al-Thumairy oo wadaad ah iyo Omar al-Bayoumi oo ah xubin ka tirsan sirdoonka Sacuudiga. Warbixin ka kooban saddax bog iyo badh oo FBI-du soo saartay October 2012-kii ayey ku sheegtay in sirdoonka FB-du heleen caddeyn muujineeysa in al-Thumairy iyo al-Bayoumi loo xil saaray in ay caawiyaan laba ka mid ahaa Afduubeyaasii Al-Qaacida, waxaana u xil saaray shakhsi magaciisa la qariyay. Waa markii ugu horreeysay oo qofka “sedexaad” loo aqoonsado in uu yahay Diblamasi Sacuudi ah. Laakiin caddeynta ay soo ururisay hay’adda FBI-da ee ku saabsan xiriirka uu Al-Jarrah la sameeyay labada afduube weli wax qarsoon, sida uu shegayo warka Yahoo News. Ma cadda inta ay la egtay awoodda caddeynta ka dhanka ah Al-Jarrah, kaasi oo halka iminka uu joogo aysan weli caddeyn. Laakiin shaacinta sirtaani waxaa ay u muuqaneeysaa in ay su’aal cusub ku dhalineeyso suurta galnimadda in uu jiro xiriir ka dhaxeeyay Sucuudi Carabiya iyo weerarkii 9/11. “Tani waxaa ay muujineysaa in Dowladda Maraykanku ay dabooleyso ku lug lahaanshaha Sacuudiga ee weerarkii,” ayuu yidhi Brett Eagleson oo ah Afhayeenka qoysaska dhacwadda ka gudbiyay Sacuudiga. Yahoo News ayaa werisay in ay la xiriirtay waaxda cadaladda Isniintii, laakiin saraakiil ayaa maxkamadda ogeysiiyay, waxaana qoraalkii FBI-da laga saaray qaybta dadweynaha, si loo qariyo. Toban iyo shan ka mid ah 19-ka dagaalyahan ee qaaday weerarkii 9/11 waxa ay ahaayeen muwaadiniin Sucuudiga u dhashay, waxana weerarkaas ku dhintay 3,000 oo qof. Dowladda Sucuudiga ayaa si isku xig xigtay waxaa ay u diiday in ay ku lug lahayd weerarka ay qaadeen afduubeyashii Al-Qaacida. Waxa ay laba diyaaradood ku garaaceen xaruntii ugu weyneyd ganacsiga aduunka ee magaaladda New York. Diyaaraddii saddaxad waxaa ay ku dhufteen gaashaan dhigga Maraykanka oo ku yaala banaanka Washington, middii afraadna waxay ku dhacday meel banaan oo Gobolka Pennsylvania. Source
  9. Roma (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa ka jawaabay weerarada naceybka ah ee ka dhanka ah Silvia Romano, oo ah gabadhii Al-Shabaab laga soo daayey, ee qaadatay diinta Islaamka lana baxday Caa’isha Romano. Weeraradan iyo ololaha naceybka ayaa waxaa badankood wada kooxaha midigta-fog ee neceb Islaamka iyo dadka madow, iyo warbaahinta taageerta oo ka carreysan in gabadhan ay qaadatay diinta Islaamka Hase yeeshee Conte ayaa ku jees-jeesay kuwa isku dayaya inay siyaasad ahaan uga faa’iideystaan rafaadkii ay soo martan gabadhan yar ee 24 jirka ah. “Cid kasta oo warar aan jirin ka faafineysa, marka hore noqo 23 jir, ha lugugu afduubto Kenya, ha kugu qasbaan kuwa sita qoriga Kalashnikovs inaad maalinkii 9 saac ku socota kaymaha, marka aad soo marto xaaladdan oo kale, kadibna soo laabato bal nasii qiimeyntaada,” ayuu yiri Conte. Giuliana Sgrena, oo ah suxufi Talyaani oo 2005 lagu afduubtay Iraq, ayaa sidoo kale la kulantay naceyb sidan oo kale ah, kadib markii sarkaal sirdoon oo Talyaani ah lagu dilay howl-galkii lagu soo bad-baadinayey. “Sida cad muranada oo dhan waxay billowdaan marka kuwa la afduubtay ay yihiin haween. Cidna kama ashtakooto marka madax-furashada laga bixiyo nin ama meelaha oo kale ay ragga aadaan, balse marka ay tahay haween, waa marka aan ka daba qeylino,” ayey tiri. Wargeyska xarunta Vatican-ka ee L’Osservatore Romano, ayaa sidoo kale cambaareeyey weeraradan aan bani’aadannimada ahayn ee ka dhanka ah Romano, wuxuuna dalbaday in kuwa cambaareynaya ay marka hore ka fakaraan silica ay soo martay. “Xoriyadda Silvia waa inay keentaa farxad, ma ahan wax kale, hase yeeshee go’aan gaarista deg degga ah iyo weerarada xun ee ka imanaya dhinac kasta oo dalka ah ma ahan inay naga weeciyaan wixii ay gabadhan yar soo martay,” ayuu qoray wargeyska Arbacadii.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya aysan weli bixin lacagtii ay ku amrtay maxkamadda sare ee dalka kadib markii ay kaga guulesyteen kiiska xayiraaddii socdaal ee madaxweyne Shariif loogu diiday inuu ku aado Kismaayo. Sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga Himilo Qaran oo ay soo xigatay warbaahinta Goobjoog ayaa sheegay in dowladda federaalka aysan weli kusoo wareejin lacagta la xukumay oo dhan 34,000 oo dollar. Maxkamadda Sare ee dalka ayaa 8-dii April soo saartay natiijada dacwadii xisbiga Himilo Qaran ay ka gudbiyeen hay’adda duulista rayidka Soomaaliya, waxaana natiijada ay ka koobneed laba qodob oo kala ah:- 1 – In ay qalad aheyd go’aanka lagu hor istaagay safarka madaxdii hore ee Soomaaliya loona baahan yahay in ay si deg deg ah raali gelin uga bixiso hay’adda duulista. 2 – Iyo in hay’adda ay bixiso qarashkii ay galeen mas’uuliyiinta safarka u socday, kaas oo ka yimid hoteelo la kireeyay, gaadiid iyo duulimaadka oo qarash ku baxay islamarkaana iyagoo aan safrin ay waajib ku noqotay in laga qaado. Caasimada Online oo xiriir la sameysay dowladda weli kama aysan helin wax jawaab ah oo ku saabsan sababta ay u bixin la’dahay lacagta lagu xukumay.
  11. Wararka ka imaanaya degmada Jalalaqsi, ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in tuulooyin badan oo hoos yimaada uu ku fatahay Webiga Shabeelle. Maamulka deegaanka iyo dadka ayaa bilaabay in ay iska moosaan ama ay xiraan meelaha biyaha ka soo butaacayaan. Wariyaasha ku sugan gobolka , ayaa soo sheegaya in arrinta ugu daran ee hadda ka taagan deegaanka ah tahay in ay dunto buundo muhiim ah oo deegaanka isku xirta. Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi, Maxamed Nuur Caga-joof ayaa Hirshabeele iyo dowladda dhexe ka codsaday in gurmad lala soo gaaro dadka uu saameeyay fatahaadda webiga Shabeelle. Googjoog News Source: goobjoog.com
  12. Tirada wasiiradda Puntland ee laga helay cudurka COVID-19 oo korodhay Tirada wasiiradda Puntland ee laga helay cudurka Coronavirus ayaa gaadhay 4 xubnood oo dhammaantood kamid ah guddigii loo xilsaaray gurmadka dadkii ku waxyeeloobay daadadkii kusoo rogmaday magaalada Qardho. Labo kamid ah wasiiraddaan ayaa si rasmi ah u shaaciyay in cudurka laga helay halka labo kalena aysan weli xogtooda usoo gudbin bulshada. Waxaa sidoo kale jira xildhibaano iyagana laga helay cudurka oo aan magacyadooda la helin. Wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland Cabdisalaan Xaaji Siciid, ayaa noqday wasiirka labaad ee shaaciyay in laga helay covdi19, isagoo wareysi lala yeeshay ku sheegay in ay jiraan illaa afar wasiir oo isagu kamid yahay oo cudurka laga helay. Cabdisalaan Xaaji Siciid, wuxuu tilmaamay inuu kasoo qaaday magaalada Qardho halkaas oo ay badi ku sugnaayeen xubnaha guddiga gurmadka, balse wuxuu sheegay markii uu isku arkay calaamadaha xanuunka inuu si degeg ah kusoo aaday Garowe. Waxaa uu sheegay inuu haatan ku karantiilan yahay gurigiisa, islamarkaaan xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay. Waxaa kale oo uu sheegay in dhammaan dadkii ugu dhawaa laga qaaday baaritaanka cudurka. Puntland, cudurka covid19 ayaa gaaray 111 kiisas, afar dhimasho ah iyo 3 bogsasho. Qaran News
  13. A Somali army officer says at least five militants killed during a military operation against Al-Shabaab in the southern Lower Shabelle region in the past 48 hours. Speaking to the state-run media, General Abdihamid Mohamed, the senior SNA commander confirmed those killed in the offensive include a senior Al-Shabaab commander. Mohamed identified the commander as Abu Bakar, who is been in Al-Shabaab ranks for years and stationed in the restive region, which has been the scene of military operations. Al-Shabaab has carried out deadly attacks in the country, mainly in Mogadishu, the capital as part of its decade-long insurgency aimed to oust the Somali government and expel AU troops. View the full article
  14. Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab ay ku dagaalameen qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay AMISOM ku leeyihiin deegaanka Lambar Lixdan ee Sh/Hoose. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaalka oo socday ku dhowaad saacad la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay. Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada AMISOM ee ka howlgala deegaanka Lambar 60 ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
  15. Waxaa caawa tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan ee Shabelle ku ballansan degmooyinka Waabari iyo Kaxda oo ka wada tirsan gobolkaan Banaadir. Waabari iyo Kaxda ayaa sidoo kale ka tirsan group-ka D, waxaana guud ahaan ay u dambeeyaan wareega koowaad ee tartan aqooneedka faca weyne ee Shabelle. Sidoo kale labada degmo ayaa leh dhibco siman, marka la eego natiijada tartamadii hore ee ay ka soo qeyb-galeen, waxaana mid waliba ay soo badisay hal kulan, halka min kulan kale ay barbaro soo galeen, hayeeshee degmada badisa caawa ayaa iska xaadirin doonto waereega sideed dhammaadka ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho View the full article
  16. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Taliye iyo Taliye ku xigeen u magacaabay ciidanka Madaxtooyada. Madaxweyne Deni ayaa G/Sare Cismaan Cumar Maxamed u magacaabay Taliyaha ciidanka Madaxtooyada, halka ku xigeena looga dhigay G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali. Cismaan Cumar, Taliyaha cusub ee ciidanka Madaxtooyada Puntland Bishan Maajo 5-teedii ayay ahayd markii uu iscasilay Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Puntland Barkhad Cabdullaahi Yuusuf, halka xilka laga qaaday Taliye ku xigeenkii Axmed Cilmi Cismaan. Hoos ka akhriso wareegtada magacaabida Garoowe : 14, May, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 42 ee May 14, 2020 ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Madaxtooyada ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay : Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad. Markuu arkay: Dadaalkooda iyo Kartidooda Ciidanimo oo ay muujiyeen. Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in isbedel lagu sameeyo Taliska Ciidanka. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa G/Sare Cusmaan Cumar Maxamed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada. 2. Waxaa G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa Markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. PUNTLAND POST The post Taliyeyaal cusub oo loo magacaabay ciidamada Madaxtooyada Puntland appeared first on Puntland Post.
  17. Heavy fighting between troops from the African Union Mission in Somalia (AMISOM) and Alshabab militants has been reported in Lower Shabelle region on Thursday morning. Residents said. The fighting flared up when al Shabaab fighters launched an attack on a military base manned by AMISOM in Lambar 60, a small village in the lower Shabelle region triggering a fierce gun battle. “We heard heavy sounds of gunfire and artillery shelling as the two sides engaged a gun battle that lasted for hours,” said a local resident who declined to be named. There are casualties though the exact figure is yet to be confirmed. Added the local resident. Neither the coalition forces’ officials nor al Shabaab commented on the skirmish. Recently, Somali forces backed by African Union Mission in Somalia have stepped up operations on al-Qaida linked group in some central and southern regions in the Horn of Africa nation. The assault comes amid ongoing military operations against Al-Shabaab in the region by Somali government forces and their allied AMISOM troops. Al Shabaab regularly attacks AMISOM bases in Somalia, they aim to drive out AMISOM and topple Somalia’s Western-backed government and impose its strict version of Islam on the Horn of Africa state. Al Shabaab, the deadliest Islamic organization in Africa declared their allegiance to Al-Qaeda in 2010. The group was driven out of Mogadishu capital in 2011, and has since lost many strongholds to Somali army and African Union troops. The Al Qaeda linked group still holds large rural swathes of the country and continue to wage a guerrilla war against the Western-backed government of Somalia.
  18. Burao (PP News Desk) — The Mayor of Burao Mohamed Murad has criticised Somaliland Government for transporting bodies of people who died of Covid-19 to Burao for Burial. “One person who had died in Hargeysa of Covid-19 was buried in Burao. Another body is currently being transported to Burao for burial. We urge Somaliland Government not to authorise the repatriation of body of a person who has died of Covid-19 in Hargeysa to Burao for burial” the Mayor told the media at Burao General Hospital. The Mayor added that transporting the body of Covid-19 victims to Burao increases the spread of the virus. Somaliland Ministry of Health has yet to issue guidelines on funerals for people who died of Covid-19. The number of people who died of the novel Coronavirus in Somaliland has increased. Somaliland has rudimentary health care facilities that will be overwhelmed if the spread of Covid-19 continues. © Puntland Post, 2020 The post MAYOR CRITICISES SOMALILAND GOVERNMENT FOR BURRYING COVID-19 VICTIMS IN BURAO appeared first on Puntland Post.
  19. Maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in cudurka Covid-19 uu fara ba’an ku hayo bulshada ku dhaqan gudaha degmadaasi. Sidoo kale maamulka ayaa tilmaamay in 50% dadka ku dhaqan Kaxda uu hayo xanuunka, kadib baaritaan socday labo todobaad oo laga sameeyey gudaha degmadaasi. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/War-safa-cismaan-dagmada-kaxda-.mp3 View the full article
  20. Wadayaasha gaadiidka Muqdisho ayaa ka cabanaya isbaarooyin hor leh oo la soo dhigay wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose. Qaar ka mid ah darwallada gaadiidka, gaar ahaan kuwa Bajaajleyda ayaa Shabelle u sheegay in lacago joogta looga qaado dhowr goobood oo ku yaalla wadadaasi. Sidoo kale waxa ay tilmameen in mararka qaar loo geystay jir-dil xoogan, waxaana ay baaq u direen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/isbaar.mp3 View the full article
  21. Washington (Caasimada Online) – Hay’adda dambi-baarista Mareykanka ee FBI ayaa si aan ku talagal ahayn waxaa ay u shaacisay magaca diblamaasi u dhashay Sucuudiga, oo la tuhunsanyahay in uu tageero siiyay dagaal-yahanadii Al-Qacida ee fuliyay weeraradii Maraykanka lagu qaaday September 11, 2001-dii, sidaas waxaa wariyay Yahoo News. Aqoonsiga Sarkaalkan, oo ka tirsanaa Safaaradda Sucuudiga ee Mareykanka, ayaa waxaa si khaldan u sheegay Sarkaal ka tirsan FBI-da oo ka jawaabay dacwad ay gudbiyeen qoysaska dhibaneyaashii weeradii 9/11, kuwaas oo Dowladda Sucuudiga ku eedeeyay in ay ku luglahayd weeradda. Michael Isikoff, oo ah suxufi baare ah kana tirsan Yahoo News, ayaa markii ugu horreysay qaladka ogaaday, waxaana uu Al-jazeera u sheegay in uu ogaa qaabka sirta loo shaaciyay in ay ahayd “khalad taxadar la’aan ku dhacay.” “Markii aan ogaaday in shaacinta uu warkani ku jiro, waxaan fal-celin ka raadiyay FBI-da. Sababtoo ah waxaan ogaa in Waaxda Cadaalada iyo maamulka Trump ay si aan caadi ahayn u doonayeen inay arrinta u daboolaan,” yuu hadalkiisa ku daray suxufiga Yahoo News. “Xaqiiqdii xeer ilaaliyaha William Barr iyo sii-hayaha agaasimaha hey’adda sirdoonka Richard Grennell ayaa maxkamadda geeyay mooshin ay ku sheegayaan in warbixin kasta ee la xiriirta sarkaalka safaaradda Sucuudiga iyo dhammaan qoraalada hey’adda FBI-da ay yihiin xasaasi; waxay ahaayeen sir qaranku leeyahay, taas oo micnaheedu yahay haddii shaaca laga qado in ay waxyeelo u geysan karto amniga qaranka.” Ku dhawaaqistaan waxaa sameeyay Jill Sanborn oo ah kaaliyaha Agaasimaha qaybta argagixiso la dirirka ee FBI-da. Mussaed Ahmed al-Jarrah ayaa magaciisa si aan ku talagal ahayn loogu shaaciyay qoraalka la siiyay maxkamadda, Yahoo News ayaa sheegtay in khadalka dhacay uu xaqiijiyay sarkaal Maraykan ah. Al-Jarrah waxaa uu ahaa sarkaal darajada dhexe uga jiray wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Sucuudiga, waxaa safaaradda Washington loo magacaabay intii u dhaxaysay 1999-kii iyo 2000. Waxaa lagu eedeeyay in uu kormeere ka ahaa dhaq-dhaqaaqa shaqaale ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Islaamka ee joogay masaajid iyo xarumo diinta islaamka lagu dhigo oo ku yaalla Maraykanka, sida wabixinta lagu sheegay. Yahoo News ayaa baahisay in qoraallo ay doonayeen qareenadda qoysaskii dhibaneyaasha 9/11 uu Sanborn ku sheegay in qayb ahaan lagu shaaciyay warbixin ay soo saartay FBI-da 2012-kii, kadib baritaan ay ku sameysay in xiriir uu ka dhaxayn karo Dowladda Sucuudiga iyo afduubeyaashii Al-Qaacida. Markii hore, baaritaankaas waxaa diiradda lagu saaray laba shaqsi oo kala ah Fahad al-Thumairy oo wadaad ah iyo Omar al-Bayoumi oo ah xubin ka tirsan sirdoonka Sacuudiga. Warbixin ka kooban saddax bog iyo bar oo FBI-du soo saartay October 2012-kii ayey ku sheegtay in sirdoonka FB-du heleen caddeyn muujineeysa in al-Thumairy iyo al-Bayoumi loo xil saaray in ay caawiyaan laba ka mid ahaa Afduubeyaasii Al-Qaacida, waxaana u xil saaray shakhsi magaciisa la qariyay. Waa markii ugu horreeysay oo qofka “sedexaad” loo aqoonsado in uu yahay Diblamasi Sacuudi ah. Laakiin caddeynta ay soo ururisay hay’adda FBI-da ee ku saabsan xiriirka uu Al-Jarrah la sameeyay labada afduube weli wax qarsoon, sida uu shegayo warka Yahoo News. Ma cadda inta ay la egtay awoodda caddeynta ka dhanka ah Al-Jarrah, kaasi oo halka iminka uu joogo aysan weli caddeyn. Laakiin shaacinta sirtaani waxaa ay u muuqaneeysaa in ay su’aal cusub ku dhalineeyso suurta galnimadda in uu jiro xiriir ka dhaxeeyay Sucuudi Carabiya iyo weerarkii 9/11. “Tani waxaa ay muujineysaa in Dowladda Maraykanku ay dabooleyso ku lug lahaanshaha Sacuudiga ee weerarkii,” ayuu yiri Brett Eagleson oo ah Afhayeenka qoysaska dhacwadda ka gudbiyay Sacuudiga. Yahoo News ayaa werisay in ay la xiriirtay waaxda cadaladda Isniintii, laakiin saraakiil ayaa maxkamadda ogeysiiyay, waxaana qoraalkii FBI-da laga saaray qaybta dadweynaha, si loo qariyo. Toban iyo shan ka mid ah 19-ka dagaalyahan ee qaaday weerarkii 9/11 waxa ay ahaayeen muwaadiniin Sucuudiga u dhashay, waxana weerarkaas ku dhintay 3,000 oo qof. Dowladda Sucuudiga ayaa si isku xig xigtay waxaa ay u diiday in ay ku lug lahayd weerarka ay qaadeen afduubeyashii Al-Qaacida. Waxa ay laba diyaaradood ku garaaceen xaruntii ugu weyneyd ganacsiga aduunka ee magaaladda New York. Diyaaraddii saddaxad waxaa ay ku dhufteen gaashaan dhigga Maraykanka oo ku yaala banaanka Washington, middii afraadna waxay ku dhacday meel banaan oo Gobolka Pennsylvania.