Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,515
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Maanta magacaabay guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus iyo ku-xigeenkiisa. Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku taariikhaysan 16-May-2020 ayaa Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada culus loogu magacaabay G/sare. Maxamuud Cabdi Maxamed. Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada culus ayaa loo magacaabay G/sare. Cawil Jaamac Nuur, sida ku xusan lagu xusay Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Deni. Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa magacaabay shan Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida kuwaas oo kala ah; G/sare. Maxamed Cabdi Bootaan, G/le. Keenadiid Cabdicasiis Axmed, G/sare. Cali Faarax Caydiid, G/sare. Cabdi Cali Jaamac iyo /sare. Maxamuud Faarax Maxamed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Galmudug state president Ahmed Ali Kariye also known as [Qoorqoor] has appointed new officials to complete his new cabinet. In a statement obtained by Shabelle Media Network, Qoorqoor appointed 11 state ministers and 25 deputies, the latest move for a long journey to shape an inclusive government. Two lawmakers in the Somali federal parliament are among the new cabinet which is expected to be submitted to the parliament for approval in the coming days. The international community has welcomed the formation of the new Galmudug government as a step forward following years of political chaos in the regional state. View the full article
  3. President Uhuru Kenyatta has banned movement of persons and passengers in and out of Kenya through the Tanzania and Somalia borders following the rise of cross-border Covid-19 transmission. The President said only cargo vehicles will be exempted from the directive which takes effect from midnight May 16, 2020. Kenyatta however stated that only truck drivers who test negative for the coronavirus will be allowed entry into Kenya. “All drivers of the cargo vehicles shall be subjected to mandatory COVID-19 disease testing and will only be granted entry into the territory of the Republic of Kenya if they test negative,” said the President. Addressing the Nation from State House, Nairobi, President Kenyatta said over the last week a total of 43 cases recorded in the country had been imported from the neighbouring Somalia and Tanzania. “These 43 cases represent almost a quarter of the 166 confirmed infections during this last week,” said Kenyatta. He noted that out of the 43 imported cases 14 were recorded in Wajir, 16 in Namanga, 2 in Lunga Lunga and one in Loitoktok. The President further noted that 78 truck drivers who were foreign nationals tested positive for Covid-19 and were denied entry into Kenya at different border crossings. “If we had not taken that intervention the imported cases through our borders would today have accounted for more than 50% of this weeks infections,” he said. The Head of State said within the Kenyan borders, Covid-19 infections have now spread to 22 of the 47 counties. “These numbers and the spread of infections clearly indicate that if no action is taken all the gains already achieved in combating this pandemic will undoubtedly be lost,” he said. Citizen TV View the full article
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan uga hadlay shakhsiyaad loo xiray musuq-maasuq kasoo billowday wasaaradda caafimaadka, balse ku baahay wasaarado kale. Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay isagoo kaashanayo xafiiska Hanti dhowraha guud inay soo qabteen 20 qof oo lagu helay musuq-maasuq ka dhacay howlaha caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya, kadibna lugaha la galay wasaarado kale. Dadka loo xiray kiiskaan ayuu xafiiska Xeer ilaalinta sheegay inay ka mid yihiin agaasimayaal waaxeedo iyo kuwa guud, madaxda barnaamijyada iyo maashriicda ay wado wasaaradda Caafimaadka, la-taliyayaal, madaxda shirkado gaar loo leeyahay oo la shaqeeyo wasaaradda caafimaadka, Ganacsato iyo shaqaale kale oo ka shaqeeyo hey’adaha kala duwan ee Dowladda. Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ayaa sheegay inay hayaan caddeymo ku aadan musuq-maasuqaas, waxaana caddeymaha la hayo lagu sheegay inay kamid yihiin rasiidyo, Jeegag iyo heshiis la sheegay in loo diyaarsaday sidii lacago loogu musuq-maasuqi lahaa. Dr. Suleymaan ayaa sidoo kale sheegay inay Xayiraad iyo baaritaan ku sameeyeen akoonada eedeysanayaasha loo heysto kiiskaan iyo Akoono ay leeyihiin shirkado lala xiriirinayo inay qeyb ka yihiin musuq-maasuqaan si xog looga helo lacagta la tuhunsan yahay in la lunsaday. Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in shakhsiyaadkaan lasoo xiray loo maray sharciga iyo waddada saxda ah ee loo maro xuriyad ka qaadista dadka lagu soo eedeeyo dambiyada iyo musuq-maasuqa. Xeer ilaalinta ayaa ugu dambeyntii sheegtay inay soo gaba-gabeysay baaritaan waqti dheer qaatay oo la xiriirto kiiska musuq-maasuqa ee wasaaradda Caafimaadka, wuxuuna Dr. Suleymaan sheegay inay dacwad kusoo oogeen shakhsiyaadka la haysto una gudbiyeen maxkamadda awoodda u leh dacwadaan iyadoo laga sugayo in waqti loo qabto maxkamadeynta. Halkaan hoose ka daawo war-saxaafeedka xeer-ilaaliyaha
  5. Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa Magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Puntland waxaana loo magacaabay G/sare. Maxamuf Cabdi Maxamed, halka G/sare Cawil Jaamac Nuur isna loo magacaabay ku [...] Source
  6. Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Jubbaland xukun dil ah ay ku fulisay askari xalay askari kale ku dilay gudaha magaaladaasi. Askariga maanta la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Maxamed Cabdinaasir, wuxuuna ka mid ahaa ilaalada Madaxtooyada Jubbaland. Askariga xalay lagu dilay Kismaayo ayaa isna sidoo kale ka mid ahaa ciidamada ilaaladda Madaxtooyadda maamulkaasi. Dilka ayaa yimid ka dib markii uu muran xoogan soo gala dhex galay labada askari. Jubbaland ayaa xukun deg-deg ah ku fulisa askarta iyo shaqsiyaadka kale ee gacanta lagu dhigo ee dilalka ka geysta magaalada Kismaayo ee caasimada gobolka J/Hoose. View the full article
  7. TACSI MADAXWEYNE: 16/05/2020 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 16/05/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi halgamaa ah oo kaalin weyn ku lahaa dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Sonmaliland, isagoo ka mid ahaa haldoorkii qaybta weyn ku lahaa halgankii iyo dib ula soo noqoshadii xornimadii 1960-kii inaga luntay ee aynu dib ula soo noqonay 1991-kii. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Qaran News
  8. Waxaan tacsi u dirayaa qoyskii, ehelkii, MW, MUJ SNM, asxaabtii iyo Shacabka reer SL geerida ku timid AHU Marxuum Muj Xasan Guure Jaamac oo xalay xaqii ugu yimid HRG, AHU waxa uu ahaa shakhsi halgan weyn u soo galay sidii umaddan SL u heli laheyd caddaalad iyo dawladnimo… pic.twitter.com/C0QtTiWez4 — Cabdiraxmaan Cirro (@CirroSL) May 16, 2020 Qaran News
  9. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Maanta oo Sabtiya Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen cusub u magacaabay, Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus. Dikreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland, oo ku taariikhaysan 16-May-2020 oo ku beegan Maanta, ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus loogu magacaabay G/sare. Maxamuud Cabdi Maxamed. Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus, ayaa isna loo magacaabay G/sare. Cawil Jaamac Nuur, sida ku xusan Dikreetada uu soo saaray Madaxweyne Deni. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaabay shan Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida kuwaas oo kala ah; G/sare. Maxamed Cabdi Bootaan, G/le. Keenadiid Cabdicasiis Axmed, G/sare. Cali Faarax Caydiid, G/sare. Cabdi Cali Jaamac iyo /sare. Maxamuud Faarax Maxamed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo magacaabay Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida appeared first on Puntland Post.
  10. Tartan aqooneedka Shabelle oo haatan maraya wareegiisa labaad ee is-reeb-reebka ayaa waxaa caawa ku madlay degmooyinka Dayniile iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir. Labada degmo ayaa ka soo kala baxay group-yada A iyo B, wareega koowaad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan. Dayniile iyo Howlwadaag sidoo kale degmada guuleysata ayaa caawa iska xaadirin doonto wareega afar dhammaadka ee tartanka Shabelle. Dhinaca kale Xamaweyne ayaa noqotay xalay degmadii ugu horreysay ee iska xaadirisa wareega Sama-finalka ee tartanka, kadib markii ay ka badisay degmada Wadajir. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
  11. Tobankii ama labaatankii aqalba waxaa u xilsaarnaa nin lagu magacaabay Tabeelle oo si dhaw ula shaqayn jiray sirdoonkii Siyaad Barre. Shaqada Tabeelluhu waxay ahayd inuu soo gudbiyo diiwaan ay ku qoran yihiin idil ahaan xubnaha qoysaska ku nool inta guri oo loo xilsaaray. Haddii uu qof qoyska ka mid ahi safrayo ama meel u baxayo, waxa la ogaysiinayay Tabeellaha. Haddii uu qoyska soo booqdo qof ehel ahi ama soo martiyana waxaa la ogaysiinayay Tabeellaha. Guriyaha waxay soo geli jireen saacadaha u dhexeeya 2:00 – 3:00 habeennimo si ay dadka u cabsi-geliyaan. Habeen walba, guri kasta waxa iman jiray Tabeellaha, waxaana uu tirin jiray xubnaha qoyskaas. Mararka qaar, habeenkii laba jeer ayay guriyaha tirin jireen, haddiiba uu farqi u dhexeeyo labada tirana, qoyskaasi wuxuu la kulmyay dhibaato. Kolka ay guriyaha soo galaan, waxa ay qaadan jireen waxa ay doonaan oo ay ku jiraan rooggaga quruxda badan, sariiraha, iwm. Wixii alaab ah ee ay ka tegaan waa ay jajabin jireen sida muraayadaha, koobabka dhoobada ah iwm. Guriga idil ahaan waa ay bililiqaysan jireen, iyaga oo dadkana ugu hanjabaya xabsi haddii ay hadlaan. (Bogga, 80aad). Aamina Maxamuud Xuseen waxay sheegtay habeen ay ciidanku gurigeeda yimaaddeen, in xiitaa ay qaateen dharkii ninkeeda (Bogga, 80aad). Dabcan, tuugta guriyaha u soo dhaca waxa ay kaga duwanaayeen uun dirayska ciidan ee ay soo xidheen. Xaqiiqatan, bililiqadu waxa ay bilaabmatay iyada oo aan la qixinba. Maadaama oo ay dawladdu qaadan jirtay akoonada ay Isaaqu ku leeyihiin bangiyada amaba ay xayiri jirtay, dadku waxay ka caageen inay bangiyada dhigtaan lacagahooda, waxaana ay ku aasan jireen dayrka gurigooda, halka xashiishka la dhigo iyo meelo kale si ay bangiyada ugaga maarmaan, askarta guriga baadhaysana uga qariyaan (bogga, 80aad). Dadku inay bangiyadii Afweyne lacag dhigtaan, waxa ay ka door-bideen inay dhulka ku aastaan oo aboorku cuno ama xashiishka la raaciyo! Xasan Ismaaciil Oomaar ayaa sheegay in mar uu Sucuudiga ka yimid uu dalka soo gaadhay. Wuxuu sheegay in aanu la socon nidaamka dalka ka jira, ka dibna uu walaalkii soo booqday. Saqdii dhexe ayay Sirdoonkii Afweyne soo galeen gurigiisii, ka dib kolkii ay tiriyeen dadkii guriga ku noolaa, waxay ogaadeen in walaalkii ku dheeraad yahay, waana ay xidheen. Xasan wuxuu sheegay inuu ku soo daayay lacag ahayd 5,000 shiling oo u dhigmaysay $833. Warbixintu waxay sheegtay haddii uu qof ku soo martiyayaa uu ku soo hagaago habeen saqdhexe, ka dibna aad weydo tabeellihii, waxaad ku khasbanayd in habeenkaas uu qofkaasi dibadda u hoydo oo aanu gurigaaga soo gelin – aabbahaa ama hooyadaaba ha noqdee. Tabeelluhu wuxuu qoysaska jaarka ah ku qasbi jiray inay isa soo basaasaan, maadaama oo qoyska wax soo basaasa loo ballanqaaday in si gaar ah loo ilaalin doono. Xigasho: Human Rights Watch, A govenment at war with its own people, (Bogga 77aad illaa 81aad) Qore: Maxamed Sharma’arke Sharmaake91@gmail.com Qaran News
  12. NAIROBI (HOL) - Kenya has closed its international border with Somalia following increased import of COVID19 cases. Source: Hiiraan Online
  13. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ee BF ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka 2020/2021-ka. Dalxa oo u warramay Shabele ayaa sheegay in ka golahaan ay ka dalbanayaan guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Yarey) inay cadeyso nooca doorashada, si loogu diyaar garoobo waqtiga yar ee haray. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in baarlamaanka ay la wadaagto warbixinteeda, si loola socda diyaar garowga doorashada 2020/21 oo weli uu muran ka jiro. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/dalxa.mp3 View the full article
  14. Agaasimaha cusub Maxamed Cabdirashiid Cali Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland kadib markii uu is casilay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada. Wareegto Maanta oo Sabtiya kuna beegan 16-May-20 20 ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland loogu magacaabay Maxamed Cabdirashiid Cali. Wareegtada ayaa lagu sheegay in Agaasimaha cusub loo xushay Aqoontiisa, Kartidiisa iyo waaya-aragnimadiisa Shaqo. Magacaabista ayaa timid bil kadib markii uu iscasilay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf oo shaqada ka tegay April 2020. PUNTALND POST The post Agaasime cusub oo loo magacaabay Madaxtooyada Puntland appeared first on Puntland Post.
  15. Dekedda Boosaaso Dowladda Puntland ayaa si rasmiya u mamnuucday soo dejinta, ka ganacsiga iyo isticmaalka Caagadaha mustacmilka ah ee laga keeno dalka dibaddiisa. Qoraal maanta oo Sabtiya ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu mamnuucay soo dejinta, ka ganacsiga iyo isticmaalka Caagadaha mustacmilka ah ee laga keeno dalka dibaddiisa Qoraalka ayaa lagu xusay, in dowladda Puntland ay la wareegi doonto dhammaan caagadaha waaweyn ee dhex yaalla dekedda Boosaaso, islamarkaana ay magdhow ka siin doonto cidda iska leh. Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa amray in laga bilaabo maanta, ganaax sharciga waafaqsan laga qaadi doono markabkii ama doontii Puntland ka soo dejiya caagadaha mustacmalka ah. PUNTLAND POST The post Puntland oo mamnuucday caagadaha mustaqmalka ah appeared first on Puntland Post.
  16. Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa maanta gacanta ku dhigay gaari nooca raaxada ah oo laga soo dhacay dhanka koonfureed magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. War ka soo baxay taliska Booliska Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inay gacanta ku hayaan gaarigaasi, islamarkaana ay xogtiisa ay la soo wadaageen dadka shacabka ah. Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in ha’adaha amniga Puntland iyo Galmudug ay xoojin doonaan wadashaqeynta, si loo xoojiyo amniga magaaladaasi. “Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland waxey ku guuleysteen in ay soo qabtaan Gaarigii Probox-ka ahaa ee laga soo dhacay Galmudug, Taliska Booliska waxeey xoojin doonaan wada shaqeeynta laamaha amniga ee Galmudug iyo Puntland ee Gobolka Mudug” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay taliska ciidanka Booliska Puntland. View the full article
  17. Wajeer (Caasimadda Online) – Dagaal-yahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday saldhigyo ciidan oo ku yaalo gudaha dalkaas. Saldhigyada la weeraray ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwa ay Ciidamada Booliska Kenya ku lahaayeen deegaanka Qorof Xarar ee gobolka Wajeer. Weeraradaas ayaa la rumeysan yahay inay khasaaro kasoo gaartay ciidamada Kenya iyo kuwii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday inkastoo aan weli la helin tirada rasmiga ah. Warbaahinta ku hadasho afka Al-Shabaab ayaa baahisay in weerarkaas khasaaro weyn lagu gaarsiiyey ciidamadii booliska ahaa ee ku sugnaa labada Saldhig ee la weeraray xalay waqti dambe. Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegtay in war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab lagu sheegay in ciidamadoodu ay qabsadeen laba saldhig islamarkaana ay gubeen xarun ay laheyd shirkadda isgaarsiinta Safaricom. Warbaahinta maxalliga Kenya ayaa xaqiijisay weerarkan waxayna sheegtay in weeraro toos ah iyo qaraxyo lagu beegsaday ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Wajeer. Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday weerarada ay ka geysato gudaha dalka Kenya, waxayna sheegtay inay sii wadi doonto inta ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya. Kenya waxaa Soomaaliya ka joogo ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, waxayna inta badan ku sugan yihiin deegaanada Jubbaland, waxayna sheegtay inaysan ciidamadeeda kala bixi doonin Soomaaliya inta laga ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.
  18. Taliyaha Cusub ee Madaxtooyada oo xilka kala wareegay Taliyihii hore Taliyaha Cusub ee Ciidanka Madaxtooyada Puntland G/sare Cismaan Cumar Maxamed, ayaa maanta Sabtiya xilka kala wareegay Taliyihii hore ee Ciidanka Madaxtooyada G/sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf. Munaasibadda xilwareejinta, oo ka dhacday Rugta Ciidamada Madaxtooyada, waxaa ka qeybgalay Taliye ku-xigeenka Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland Sareeye Guuto Axmed Cali Salaad, Ku-simaha Agaasimaha Guud Ahna Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Cabdiweli Timacade, Agaasimaha Hab-maamuuska Madaxtooyada Cabdisalaam Xasan Ducaale, Agaasimaha Maamulka Madaxtooyada Cabdiqaadir Geedi iyo saraakiil kale oo ka tirsan Madaxtooyada. Balse, waxaa dib loo dhigay xil-wareejinta Taliye ku xigeenka Cusub ee Ciidanka Madaxtooyada G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali, oo xilka kala wareegi lahaa G/sare Cabdiqani Maxamed Xarbi, kadib Khilaaf ba’an oo ka dhex aloosmay Madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan, kaas oo salka ku haya Magacaabista Taliye ku xigeenka cusub ee Madaxtooyada. Mudane Axmed Karaash, ayaa dikreeto uu soo saaray ku sheegay in Magacaabista Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka Madaxtooyada aan midkoodna lagala tashan, isagoo ku amray Taliye ku xigeenkii Hore ee Madaxtooyada in uusan wareejin xilkaasi, balse shaqadiisa sii wato. PUNTLAND POST The post Taliyaha Cusub ee Ciidanka Madaxtooyada Puntland oo xilka la wareegay iyo ku xigeenkiisi oo laga reebay appeared first on Puntland Post.