Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,505
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dilaaga COVID 19 iyo Dabaaldegga Ciidda (WQ: Mustafe Maxamed Khayre) 28kii September 1918, magaalada Philadelphia ee ku taalla Maraykanka waxa ku soo fool lahaa dabaaldeg muhiim ah oo loo yaqaan Socdaalka Xorriyadda, kaas oo qaadhaan loogu ururinayey ciidamadii Maraykanka ee ka qaybgalayey dagaalkii 1aad ee dunida. Wakhtigaas waxa dunida faro ba’an ku hayey hargabka Isbaanishka oo galaaftay nolosha ku dhawaad 50 milyan oo qof. Sida ay taariikhyahannadu weriyeen, maamulkii Philadelphia iyo dadkii magaalada ku noolaa si kasta waa loogu caqli celiyey. Waxa laga baryay in ay dabaaldegga baajiyaan maadaama xanuunku ku fidayo isku imaatinka iyo isku milanka bulshada, waase la kari waayey. Baaq kasta oo loo diray dhagaha ayay ka furaysteen. Dabaaldeggii si qurux badan buu u qabsoomay. Waxa ka qaybqaatay 200,000 oo qof oo kor u lulaya calanka Maraykanka iyo astaanta Philadelphia. Durbaannada, sacabka, heesaha, gaardiska, wax kasta oo maalintaa lagu weynayn karayey waa la sameeyey. Si kasta waa loo damaashaaday. Warbaahintuna waxay markiiba u aqoonsatay maalin ka mid ah maalmihii ugu mudnaa Philadelphia. Maxaa ka dambeeyey? Muddo lix toddobaad gudahood ah waxa magaalada ka dhintay 12,000 oo qof, waxaana xanuunka u soo dhacay 47,000 oo ruux sida ay weriyeen CNN iyo Washington Post. Bukaankii sariiro qaada ayaa loo waayey, maydadkii xabaalo lagu aaso iyo cid aasta ayaa loo waayey, shaqaalihii caafimaadku gacmaha iyo maskaxdaba way ka daaleen. Dadka intii hadhay waxay noqdeen wax nafta la baxsada iyo wax is go’doomiya. Magaaladii waxay noqotay gelgelin cidlo ah. Waxa kaliya oo la maqlayey dhawaqa ambalaaska iyo baroorta kuwa geeriyeysan. Khalkhal iyo jahawareer aan hore loo arag ayaa dhacay. Dadkii wakhtigaa noolaa waxay xaaladda ku sheegeen mid murugo badan oo aan ku fiicnayn in la xasuusto. Dhanka kale, magaalada St. Louis oo iyaduna dabaaldeggaa isku diyaarinaysay markii ay xaqiiqsatay halistii jirtay way baajisay xuskii. Sidaana waxay kaga badbaaday masiibadii jirtay intii ugu badnayd. Waxa xanuunka kaga dhintay 700 oo qof oo kali ah. Casharka dhacdadan laga baranayaa wuu inoo cad yahay. Haddii ururka iyo isku imaatinka bulshada la xakamayn waayo xanuunkana lama xakamayn karayo oo xawaare degdeg ah ayuu xadhkaha ku goosanayaa. Maxaa innala gudboon? Ciid-Al-Fitri waa munaasibad dunida Islaamka aad ugu weyn. Waa maalin ka mid ah kuwa innoogu farxadda badan. Damaashaadkeeda iyo raynraynteedu waa kuwo aan la hurri karin. Hase ahaatee durruufta maanta jirtaa innooma suurogalinayso in aynu u dhaqano sidii aynu u dhaqmi jirnay. Belaayo madax la qabto mooyee mijo la qabto ma leh. Waa in badbaadinta ummadda wax kasta laga horaysiiyaa sida ay diinteenuna ina farayso. Haddii sidii caadiga ahayd loo ciido, waa sida ay u badan tahaye, waxay inoo horseedi kartaa masiibo la mid ah halaaggii ku dhacday Philadelphia 100 sanno ka hor. Ilaahay kama yeelo. Waa tallaabo fiican in Madaxweynaha Somaliland uu baajiyey xuska 18ka May iyo 26ka June. Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu in uu joojiyey taraawiixda iyo tahjudka tobanka dambe ee Ramadaan iyaduna waa tallaabo waxtar leh. Hase ahaatee intaasi kuma filna xakamaynta COVID 19. Waxa loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin dheeri ah oo degdeg ah. Werwerka ugu badan wuxu hadda ka taagan yahay dabaaldegga ciidda foodda innagu soo haysa. Xukuumadda iyo Guddida Ka-hortagga COVID 19 waa in ay dedaal geliyaan sidii ay u yarayn lahaayeen saxmadda iyadoo suuqyada Hargeysa iyo magaalooyinka kaleba la ciirciirayaan dadkii iibsanayay dharka iyo agabka kale ee ay ku muujiyaan farxadda ciidda. Haddii tallaabooyin fulineed la qaadi kari waayo waxa loo baahan yahay in wacyigelinta aad loo xoojiyo. Maalinta cidda waxa lagama maarmaan ah in salaaddii aynu jamaca ku tukan jirnay oo sunne ah la joojiyo, dadkana la faro in ay guryahooda ku tukadaan. Waa in heeganka ugu sarreeya la geliyo ciidamada fulinta isla markaana la xidho maqaaxiyaha, garoonnada, goobaha ay carruurtu ku ciyaarto, goobaha lagu caweeyo iyo meel kasta oo horseedi karta isu-imaatin bulsho. Danteenu waxay ku jirtaa in farxadda ciidda aynu guryaha dhexdooda ugu dabaaldegno. Nasiib wanaag tiknoolajiga casriga ah ayaa inoo suurogalinaya in ehelkeena iyo inta aynu jecel nahay aynu si sahlan ula ciidno, ula xidhiidhno, ulana faraxno. Baraha bulshada ayaynu sawirrada iyo farrimaha hambalyada isku weydaarsan karnaa. Barnaamijyada telefishannada iyo idaacaduhu soo daayaan ayaynu guryaha kala socon karnaa. Dadka inta aynu ugu jecel nahay oo qoyskeena ah ayaynu wakhtiga ugu badan la qaadan karnaa. Annagu qoys ahaan guriga ayaanu ku ciidaynaa insha’allaah. Adigana sidaasaan kugula talin lahaa! Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada oo ka hadlay xaaladda gobolka Gedo ayaa sheegay inuu si xoogan u cambaareynayo dhaq dhaqaaqyada ka jira gobolkaasi ee u dhexeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland. Antonio Guterres ayaa sheegay in ciidanka ay dowladda Soomaaliya bishii Febraayo ay geysay gobolka Gedo ay sababtay isku dhacyo iyo xiisado dagaal oo ho leh. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalladii u dambeeyey ee dhex-maray labada ciidan ay waxyeelo ka soo gaartay dad badan oo shacab ah, kuwa kelana ay ku barakaceen. “Waxaan aad uga walaacsanahay isku-dhacyadda hubeysan ee ciidamadda Jubbaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ka dhacay Gedo, kuwaas oo sababay khasaaraha iyo barakaca dad shacab ah,” ayuu yiri xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay. Waxa kale oo uu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland inay joojiyaan xiisada ka jira koonfurta Soomaaliya, si looga hortago rabshade kale oo dhaca. Guterres ayaa sidoo kale la filayaa in mowqifkiisa ku aadan xaaladda cakiran ee gobolka Gedo uu ku cadeeyo khudbad uu ka jeedin doono shirka Golaha Ammaanka ee QM. Ugu damgbeyn xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyey heshiiyadii dhowaan laga gaaray khilaafaadyadii ka dhashay doorashooyinkii ka kal dhacay magaalooyinka Kismaayo iyo Dhuusamareeb ee maamullada Jubbaland iyo Galmudug.
  3. Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka shirtay qorshe la doonayo in lagu soo celiyo muwaadiniinta ku xayiran caalamka ee uu go’doonka galshay xanuunka Coronavirus oo adduunka saameyn adag ku yeeshay. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa guddoomiyey shirkan oo uu la yeeshay guddiga ka hortagga COVID-19,waxaana looga ahdlay qoodbo dhowr ah. Waxyaabaha Shirka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa dib u soo celinta dadka Soomaaliyeed ee ku xanniban dalka dibadiisa ,iyadoo la marayo habka caalamiga ah ee hubinta rakaabka loogana feejigan yahay Cudurka Coronavirus. Shirkaan ayay Guddiga ka hortagga Cudurka COVID-19 habeen walba ku yeeshaan habka muqaalka ah (vedio Conference) waxaana intabadan layskaga xogwareystaa waxybaaha kusoo kordhay xaaladihii ugu dambeeyay ee cudurkaan karoona iyo sidoo loo xakameyn lahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ayaana ugu dambeyay Guddiga kula dardaarmay dardar gelinta howlaha ay bulshada u hayaan kana Shaqeeyaan sidii dadka Soomaaliyeed ee dibadda ku xiyiran dalka loogu soo celin lahaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Doha: Qatar, represented by the Qatar Fund for Development (QFFD), in cooperation with the Amiri Air Force fleet today, sent a shipment of urgent medical aid to the sisterly Federal Republic of Somalia, within the framework of supporting the efforts of brethren in Somalia to confront and contain the outbreak of the corona (Covid-19) pandemic. Source: Hiiraan Online
  5. Garoowe ( Caasimada Online) – Guddoonka golaha wakiilada ee dowlad goboleedka Puntland ayaa shaaciyey in kallfadhiga 46-aad ee golahaasi uu furmi doono 15-ka bisha soo socota ee June, iyadoo lagu wargeliyey dhammaan xubnaha baarlamaanka. Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntkand, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa sidoo kale xalay xildhibaannada la wadaagay ajandayaasha ugu waa weyn ee kallfadhiga 46-aad, kuwaas oo ay ku jiraan qodobo la mid ah kuwii uu xilka ku waayey guddoomiyihii ka horreeyey ee Cabdixakiin Dhoobo-Daareed oo ay is-qabteen Madaxweyne Siciid Deni. Ajandayaasha la soo bandhigay oo ay Caasimada Online aragtay ayaa waxaa ka mid ah 1:Soo gudbinta wixii heshiisyo ah oo ay gashay Xukuumadda Puntland, 2: la xisaabtanka Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, 3: dhameystirka iyo ansixinta Maxkamadda Dastuuriga ah, 4: Ansixinta mas’uuliyiinta u baahan xasaanad siinta Golaha Wakiilada iyo 5: Dhaqangelinta qodobadii kasoo baxay shirkii wadatashiga Puntland. Dhamaan qodobada la soo bandhigay oo ah kuwa culus, gaar ahaan soo gudbinta wixii heshiisyo ah oo ay gashay xukuumadda Puntland iyo la xisaabtanka xukuumadda ayaa farta si aad ah loogu fiiqay, maadaama ay Deni horay isugu qabteen Doobo-Daareed, kadibna dagaal siyaasadeed meesha looga saaray guddoomiyihii golaha wakiilada Puntland. Dadka ordosa arrimaha Puntland ayaa sheegaya in tani ay qeyb ka tahay shaqada baarlamaanka, islamarkaana ay muhiim tahay in la xoojiyo la xisaabtanka xukuumadda. Puntland oo ah maamulkiii ugu horreeyey ee ka aas-aasmay Soomaaliya ayaa waxaa mudooyinkii dambe soo baxayey khilaafyo u dhexeeya madaxda maamulkaasi oo kii ugu dambeeyey laga soo wariyey Madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash.
  6. The coronavirus will ravage a resilient Somalia—with ripples far beyond its borders. Source: Hiiraan Online
  7. Warar saacadihii u dambeeyay soo baxay, ayaa sheegay in ay fashil ku dhammaatay waan-waantii laga dhex waday Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash. Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo sida la sheegayo saacadihii u dambeeyay dadaal xooggan ku bixiyay xallinta khilaafkaas, ayaa ugu dambeyntii ku guul-darraystay dhex-dhexaadintii labada mas’uul. Ilo’ xog-ogaal ah ayaa Puntland post u xaqiijiyay, in Deni iyo Axmed Karaash mid kasta uu ku adkaysanayo mowqifkiisi hore, islamarkaana aan dhinacna tanaasul iyo isu’ soo dhawaansho muujin, sidaasi darteedna uu ku fashilmay dadaalkii Guddoomiyaha Baarlamanka. Khilaafkan cusub ayaa bilowday 14-kii bishan May-2020 kadib markii Madaxweyne Deni magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada iyo ku xigeenkiisa, kuwaas oo Madaxweyne ku xigeenku sheegay in aan lagala tashan. Mudane Axmed Karaash, ayaa sheeegay in magacaabistaasi aysan sharciga waafaqsanayn, islamarkaana G/sare Cabdiqani Maxamed Xarbi oo Madaxweyne Deni uu xilka ka qaaday uu weli yahay taliye ku xigeenka Ciidanka Madaxtooyada Puntland. Sidoo kale, wuxuu amar ku siiyay Taliye ku xigeenkii Madaxweyne Deni xilka ka qaaday in uusan u hoggaansamin xilka qaadista, balse uu sii wato waajibaadkiisa shaqo. PUNTLAND POST The post Waan-waan laga dhex waday Deni iyo Axmed Karaash oo fashil ku dhammaatay appeared first on Puntland Post.
  8. Hargeisa (PP News) — The Somaliland Committee for the Prevention of Covid-19 issued yesterday a statement to end the moratorium on khat imports from Ethiopia. Somaliland Vice President, Sayli’i, is the Chairan of the Committee for Covid-19 Prevention The committee published guidelines that khat sellers will comply with. From today (Sunday ) Khat sellers will have to abide by the following strict procedures to be able to sell khat in Somaliland: Two-metre space between two persons selling khat. Khat sellers must wear a face mask. They must keep hand sanitasers handy. Khat sellers must have fever detection devices to check the temperatures of the staff before business starts. Buyers should observe two-metre space social distancing rule. Khat chewers must not meet at majlises (khat chewing sessions). Violators will face consequences ranging from a fine to a loss of khat retail licenses. © Puntland Post, 2020 The post SOMALILAND LIFTS MORATORIUM ON KHAT IMPORTS appeared first on Puntland Post.
  9. Qoraal ka soo baxay howlgalka nabad ilaalinta AMISOM ayaa waxaa looga hadlay dagaal jimcihii Al shabaab ay ku qaadeen deegaanka Bilis Qooqaani ee gobalka Juubada hoose halkaas oo ay fariisin ku lahaayeen ciidanka nabad sugidda Jubbaland iyo kuwa AMISOM. AMISOM waxa ay qoraalkeeda ku sheegtay inay iska caabiyeen weerarkii Al shabaab ay ku soo qaadeen iyaga oo intaas ku daray inay halkaasi ku dileen xubno ka tirsan Al shabaab sidoo kalane ay hub ku furteen dagaalkaasi. Ilaa iyo saddex dagaalame oo ka tirsan Al shabaab ayaa lagu dilay dagaalka halka kuwa kalane ay ku dhaawacmeen sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya u jooga nabad ilaalinta islamarkaana loo yaqaan AMISOM. “Qeybta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo ku sugan magaalada Bilis Qooqani ayaa jimcihii joojiyay weerar lagu qaadayay Ciidamada Amniga Jubaland (JSF), kaas oo lagu diley laguna qabtey dhowr argaggixiso ah, Ciidamada AMISOM ayaa gacanta ku dhigay dhowr qori oo AK 47 ah iyo rasaas fara badan oo ay ka heleen xubno ka tirsan Al Shabaab oo la go’doomiyey intii lagu guda jiray weerarka” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay AMISOM. Dhanka kale war saxaafadeedka dagaalkaasi ay ka soo saartay AMISOM ayaa waxa ay ku sheegtay inay ku dhaawacmeen labo askari oo ka tirsan ciidanka amaanka Jubbaland waxaana madaxa howlgalka AMISOM uu Kenya ku booriyay sida ay uga qeybqaateen weerarkii jimcihii lagu qaaday saldhigga Bilis Qooqaani ee gobalka Jubbada hoose. Al shabaab wali kama aysan hadlin in dagaalamayaal iyaga ka tirsan lagu dilay deegaanka Bilis Qooqaani ee gobalka Jubbada hoose, balse waxaa xusid mudan inay weeraro gaadmo u badan ku qaadaan fariisimaha ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Beledweyne, Maxamed Cabdi Qalaafow oo u warramay Shabelle ayaa sheegay in gargaarka loogu talagalay fatahaada webiga Shabelle ay gacanta ugu jirto shaqsiyaad gaar ah oo ganacsato ah, sida uu hadalka u dhigay. Qalaafow ayaa sheegay in $400 oo kun oo horay Somaliland ay ugu deeqday reer Beledweyne ay gacanta ugu jirta mid ka mid ah ganacsatada, welina aan la bixin. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in laga gaabiyey ka hortagga fataahadda markale uu webiga Shabelle ka sameeyey dhinaca magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-1-sakariye-.mp3 w View the full article
  11. Degmooyinka Howlwadaag iyo Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa xalay ku baratamay tartan aqooneedka faca weyn ee shabakadda warbaahinta Shabelle. Labada degmo oo ka soo kala baxay group-yada A & B, wareega koowaad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxa ay soo bandhigeen tartan aad u xiiso badan, hayeeshee waxaa guusha la hoyatay degmada Howlwadaag ee G/Banaadir. Dayniile oo laga adkaaday ayaa la timid 8 dhibcood, halka Howlwadaag ay keensatay 12 buundo, sida uu natiitada ku dhawaaqay, Xasan-Weli Sheekh Abuubakar. Dhanka kale waxaa caawa tartanka ku ballansan Hodan iyo Warta Nabadda, waxaana degmada guuleysata ay u gudbi doontaa wareega sama-finalka ee tartanka Shabelle. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
  12. Guddiga agaasimayaasha Bangiga Adduunka iyo Ururka Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ayaa ansixiyay $ 137.5 milyan oo gacan ka siinaya Soomaaliya sidii ay uga jawaabi lahayd ugana soo kaban lahayd dhibaatooyinka badan, kuwa ka jira xilligaan Somaaliya. War-Saxaafadeed kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in Iyada oo ay soo noqnoqonayaan fatahaadaha iyo abaarta sanado iyo ayaxa kaas oo halis galinaya sugnaanta cunno, iyo sidoo kale masiibada COVID-19,Soomaaliya waxay ku jirtaa xaalad adag iyo xaalad caafimaad oo guud oo degdeg ah, labaatan sano oo colaado hubaysan ah, kuwaas oo dhammaantood saameyn xun ku yeeshay nolosha iyo hab-nololeedka dadka Soomaaliyeed, 70% ka mid ah ayaa liita. Mashruuca Jawaab celinta Dhibaatada Soomaaliya (SCRP) wuxuu siin doonaa taageero deg deg ah meelaha ay dhibaatadu ka dhacday iyadoo lagu taageerayo dib u soo kabashada habnololeedkii iyo kaabayaashii fatahaadaha iyo aagagga ay abaartu saameysey sidoo kale waxay sii xoojin doontaa nidaamyada Dowladda iyo awoodda loogu diyaar garoobo masiibada. Dhibaatooyinka sii kordhaya ee sida joogtada ah u dhaca dalka ayaa wiiqaya fursadaha Soomaaliya ee ah inay ka baxdo saboolnimada. Xitaa iyada oo ay ka soo kabaneyso abaarta, Soomaaliya waxa ay wajahaysaa saddex waxyaabood oo kala ah ayax, fatahaad, iyo Cudurka COVID-19, ”ayuu yiri Agaasimaha Bankiga Adduunka ee Soomaaliya, Felipe Jaramillo. “Waxaa mahad leh dib-u-habeynta Dowladda ay ku sameysay maaliyadda guud, Soomaaliya waxay hadda fursad uheleysaa helitaanka lacag , oo ay kujirto mid looga jawaabayo Qalalaasaha. lacagtaan Bangiga Adduunka uu u ogolaaday Soomaaliya ayaa waxaa ka faa’iideysan doona ilaa 1.7 milyan oo Soomaali ah – gaar ahaan kuwa ugu nugul bulshada, beeraleyda, Dadka barakacay, bulshooyinka reer miyiga iyo bulshooyinka martigeliyey ee saameeyeen ayax iyo fatahaadda. Mashruucu wuxuu bixin doonaa adeegyo aasaasi ah iyo taageero maciishadeed oo ay ka mid yihiin: 1: sameynta qorshe lacag-shaqo-loogu abuurayo qoysaska dhibaatoyinka u nugul. 2: ka ilaalinta dadka ku nool dhulka cidlada ah waxyaabah halista ah oo uu kamid yahay Ayaxa, iyada oo la fulinayo hawlgallo lagu buufinayo hawada. 3: Soo celinta iyo ilaalinta awoodda beeralayda wax soo saarka beeraha; iyo kor u qaadida nadaafadda qoyska iyo hababka daaweynta. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa aad u soo dhaweeyay talaabada Bangiga Aduunka ee uu Soomaaliya ugu ogolaaday lacag dhan $137.5 Milyan oo Dollar oo wax looga qabanayo xaaladaha Dalka ka jira sida xanuunka Covid-19, Fatahaadaha iyo Abaaraha. View the full article
  13. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare geystay oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose, kadib markii ay weerareen Al-Shabaab. Dagaalka ayaa yimid, ka dagaal markii dagaalyahno ka tirsan Al-Shabaab ay weerarka la bartilmaameedsadeen Koontarool ku yaalla halka loo yaqaano Mukayga ee magaaladaasi. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, balse saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana howlgallo baaritaano ah ka wada degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ciidamada dowladda ee ku sugan gudaha magaaladaasi. View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada AMISOM ayaa waxaa looga hadlay, islamarkaana faah faahin looga bixiyey dagaal Jimcihii ka dhacay deegaanka Bilis Qooqani ee gobolka Jubbada Hoose, kadib markii Al-Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen saldhig ciidanka Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi. Qoraalka AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadooda ku sugan Bilis Qooqani ay joojiyeen weerarkaasi, islamaraana ay khasaare culus gaarsiiyeen Al-Shabaab. AMISOM ayaa warsaxaafadeedkeeda ku sheegatay in dagaalkaasi ay dishay saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwa kalena ay nolosha ku qabatay. Sidoo kale waxay shaacisay in qoryo AK47 ah iyo rasaas fara badan ay ka furtay dagaalyahanadii weerarka soo qaaday, sida ay hadalka u dhigtay. “Qeybta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo ku sugan magaalada Bilis Qooqani ayaa jimcihii joojiyay weerar lagu qaadayay Ciidamada Amniga Jubaland (JSF), kaas oo lagu diley laguna qabtey dhowr argaggixiso ah, Ciidamada AMISOM ayaa gacanta ku dhigay dhowr qori oo AK 47 ah iyo rasaas fara badan oo ay ka heleen xubno ka tirsan Al Shabaab oo la go’doomiyey intii lagu guda jiray weerarka ayaa lagu yiri”Warka Midowga Afrika.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska AMISOM. Ugu dambeyn taliska guud ee howlgalka AMISOM ayaa ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalkooda ku amaanay sida ay uga hortageen weerarkaasi oo uu talisku sheegay inay ku dhaawacmeen oo kaliya labo askari oo ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland.
  15. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-170520.mp3 View the full article
  16. The coronavirus pandemic and falling oil prices have yanked the rug out from under Crown Prince Mohammed bin Salman’s development plans and curbed government largess. Source: Hiiraan Online
  17. NAIROBI (Reuters) - Kenya’s President Uhuru Kenyatta on Saturday banned movement across the country’s borders with Tanzania and Somalia to help curb the spread of the coronavirus. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ah guddoomiyaasha labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa billaabay qorshe aysan ku qanacsaneyn Villa Somalia, taas oo ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya. Xaaashi iyo Mursal, oo muuqda kuwa gudanaya waajibka saaran islamarkaana doonaya iney ka dhowrsadaan eedo u imaan kara haddii ay dib u dhacdo doorashada Soomaaliya, ayaa billaabay iney muujiyaan mas’uuliyada baarlamaanka ee doorashada Soomaaliya iyo doorka weyn oo ay leeyihiin. Labada guddoomiye ayaa billaabay in nuuca doorasho ee dalka ka qabsoomi karta ay kala tashtaan Xisbiyada mucaaradka, halka dhawaana ay kulamo la yeelan doonaan madaxda dowlad gobaleedyada dalk,a sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaana kadib la filayaa in baarlamaanka go’aan ku soo saaro hanaanka doorasho ee Soomaaliya. Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegaysa in saraakiil ka tirsan Villa Somalia ay guddoomiyaasha ka dalbadeen in baarlamaanka ka fikiro sidii dib loogu dhigi lahaa doorashada Soomaaliya taasina ay diideen labada Guddoomiye iyagoo cadeeyay in doorashada waqtigeeda ku qabsoomi doonto. Xukuumadda Soomaaliya iyo Madaxweynaha ayaa qaba damac muddo kordhin ah iyagoo sabab kaga dhigaya xaaladda Covid-19 iyo arimo kale inkastoo aysan wali banaanka usoo bixin rabitaankaas balse waxaa diidan mucaaradka iyo guddoonka baarlamaanka Soomaaliya oo ay saaran tahay masuuliyadda ugu weyn ee doorashooyinka Soomaaliya ee dhamaadka sanadkaan 2020.
  19. Libya's Presidential Council member termed UAE as an "aggressor" Source: Hiiraan Online
  20. This month, Kenyan authorities locked down the Somali-majority Nairobi neighborhood of Eastleigh because of a jump in confirmed coronavirus infections. The restriction of movement was imposed to slow the spread of the virus. But businesses in Eastleigh are struggling to get by, as Mohammed Yusuf reports from Nairobi. Source: Hiiraan Online
  21. Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa billaabi doonta 20-ka May inay aqbasho bukaanada ka imanaya Soomaaliya iyo 30 dal oo kale, taasi oo qeyb ka ah dadaallada dib loogu furayo dhaqaalaha dalka, waxaa sidaas sheegtay wasaaradda caafimaadka. Wasaaradda ayaa sheegtay inay dejisay shuruudo amni oo gaar ah iyo xeerar go’doomin si ajaaniibta loo siiyo Visa looguna ogolaado inay dalka soo galaan, kadibna loo dhigo isbitaallo ay ku helaan daweyn. Tallaabooyinkan ayaa saameyn doona bukaanada iyo dadka wehliya, sida ay sheegtay wasaaradda. Shuruudaha laga rabo qofka Soomaaliga ah, ama dadka dalalka kale waa; in bukaan kasta loo ogol yahay inay soo raacaan ugu badnaan laba qof, iyo in bukaanka iyo dadka la socda ay maraan tijaabada cudurka COVID-19, marka ay soo galayaan xuduudda Haddii qofka dalkiisa laga heli karo tijaabada COVID-19 waa inuu soo maraa 48 saac ka hor inta uusan usoo safrin Turkiga, islamarkaana uu dalka Turkiga la yimaadaa warqad caddeyneysa in cudurka laga waayey. Kaliya dadka aan cudurka qabin ayaa loo ogolaan doonaa inay galaan Turkey. Marka bukaanka iyo dadka la socda Turkiga ay soo galaan dalka, waxaa si toos ah loogu qaadi doonaa isbitaalka ay ballanta ka leeyihiin, mana loo ogolaan doono meel kale oo dalka ah. 31-ka dal ee Visa-ha la siinayo dadkooda ayaa kala ah: Somalia, Iraq, Libya, Azerbaijan, Georgia, Turkmenistan, Uzbekistan, Kazakhstan, Greece, Ukraine, Russia, Djibouti, Algeria, Kosovo, Macedonia, Albania, Bosnia and Herzegovina, Romania, Serbia, Bulgaria, Moldova, Kuwait, Qatar, Bahrain, Oman, Germany, the UK, the Netherlands, Pakistan, Kyrgyzstan, iyo Turkish Republic of Northern Cyprus. Turkiga ayaa sanadihii tegay noqday mid ka mid ah dalalka ugu badan ee dalxiisa caafimaad loo tago, waxaana sanaddii 2018 tegay hal milyan oo qof.
  22. Qatar oo gargaar caafimaad oo looga hortagayo covid19 ku wareejisay Soomaaliya Dowladda Qatar, ayaa Sabtidii shalay Muqdisho ka dajisay deeq gargaar caafimaad oo ay ugu talo gashay Soomaaliya, si looga hortago loona xakameeyo faafitaanka corona (Covid-19). Bayaan kasoo baxay Sanduuqa Horumarinta Qadar (QFFD) oo loosoo wakiishay gargaarkaan caafimaad, ayaa wuxuu sheegay in 10 tan oo qalab caafimaad iyo agabyo kale, sida maaskaro iyo qalab loogu talagalay shaqaalaha caafimaadka, ay diyaarad milatari ka dajisay Muqdisho. Agaasimaha guud ee Sanduuqa Horumarinta Qatar (QFFD) Khalifa bin Jassim Al-Kuwari ayaa carabka ku adkeeyay in Qatar ay markasta garab istaagi doonto dadka walaalaha ah ee Soomaaliyeed xilligan adag iyadoo la siinayo kaalmooyin bini’aadanimo iyo in lagu taageero mashaariic horumarineed. Wuxuu xusay in sanduuqa horumarinta Qatar oo lasoo gaabiyo QFFD uu bixiyay gargaar bina-aadamnimo oo deg deg ah intii lagu jiray fatahaadii Soomaaliya ee dabayaaqadii sanadkii hore, oo ay weheliso kaalmo lacageed iyo mid caafimaad oo loogu tala galay dhibanayaashii qaraxii dhowaan ka dhacay Muqdisho, iyadoo kuwii dhaawacmay loo qaaday Doha. Sanduuqa Horumarinta Qadar (QFFD) wuxuu sidoo kale sheegay inuu Soomaaliya ka fulinayo mashaariic horumarineed oo kala duwan, kuwa ugu muhiimsanna waa mashruuca Wadada isku xidhta Muqdisho iyo Jowhar oo ku kacaysa $ 165 milyan. Qaran News
  23. Washington (Caasimada Online) – Guddiga Agaasimayaasha Bankiga Adduunka ayaa ansixiyey lacag dhan 137.5 milyan oo dollar oo lagu caawinayo Soomaaliya, si ay uga jawaabto ugana soo kabato dhowr dhibaato oo dalka ka socda. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Bankiga Adduunka, waxaa dhibaatooyinkaas ka mid ah abaar sanado badan jirtay, Ayax soo habsaday oo halis ku ah cunnadii, iyo cudurka COVID-19 oo ugu darsamay. Lacagta uu ansixiyey Bankiga Adduunka ayaa qeyb ka ah barnaamij loogu magac daray Mashruuca Ka-Jawaabidda Xasaradaha Soomaaliya Somalia Crisis Response Project (SCRP), waxaana uu kaalmo deg deg ah siin doonaa meelaha ay dhibaatada ugu xooggan saameysay. Waxa uu sidoo kale xoojin doonaa nidaamyada dowladeed iyo awoodda ay ugu diyaar garoobi karaan musiibooyinka. “Xasarado soo noq-noqday oo sii kordhahaya islamarkaana burbur leh ayaa is-hortaagaya fursadaha ay Soomaaliya uga bixi karto jilicsanaanta iyo saboolnimada,” waxa sidaas yiri agaasimaha Bankiga Adduunka ee Soomaaliya Felipe Jaramillo. Mashruucan ayaa waxaa si deg deg ah uga faa’iideysan doona 1.7 milyan oo Soomaali ah, gaar ahaa kuwa ugu baylahan bulshada oo qaarkood heli doona lacag kaash ah, sida uu sheegay Jaramillo. 20 milyan oo lacagta ka mid ah ayaa waxaa lagu maal-gelin doonaan dadaallada ay Soomaaliya kaga jawaabeyso cudurka COVID-19. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, ayaa sheegay in mashruuca uu ka taageeri doono hoggaanka dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada inay xaqiijinayaan soo kabasho xooggan oo la joogteyn karo oo looga baxo dhowr xasarad oo kala duwan.
  24. Arrin cusub oo kusoo korodhay khilaafka Saciid Deni iyo Axmed Karaash Waxaa magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ka socda dadaallo xal loogu raadinayo khilaaf xoog leh oo ka dhex aloosan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland. Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayuu khilaafkoodu banaanka u soo baxay kadib markii xaafiiska Madaxweyne Deni 14-kii bishan ay kasoo baxday dikreeto uu ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka madaxtooyada Puntland. Axmed Karaash ayaa ku adkeystay in madaxweynuhu uusan kala tashan magacaabidda taliyeyaashaas, isagoo soo saaray isla maalintaas digreeto uu ku burinayo tii madaxweyne Deni. Siyaasiyiin, xubno ka tirsan goleyasha Puntland iyo isimada dhaqanka ayaa ku soo baxay khilaafka ka dhex qarxay labada masuul, waxayna haatan ku howlanyihiin xalinta khilaafkaas, sida ay sheegeen xubno qeyb ka ah waan-waanta socota. Dhinacyada ku howlan xal u helidda khilaafka Deni iyo Karaash weli u ma suurta gelin sida aan xogta ku heleyno inay isisoo hor fariisiyaan, balse waxa ay sheegeen in midba mar ay kula xariireen teleefoon, si ay ugu qanciyaan waan waanta socota. Xubnaha isugu jira siyaasiyiinta iyo isimada ee ku howlan dhameynta khilaafkaas waxa ay sheegeen in Puntland aysan maanta xamili karin khilaaf miisaanka intaa dhan leh, iyadoo ay xusid mudantahay in Puntland ay safka hore uga jirto gobollada dalka ee faraha ba’an ay ku hayaan cudurka Coronavirus iyo Ayaxa ka dilaacay Soomaaliya. Sidoo kale waxaa jira xaalado ba’niaadanimo oo ka dhashay daadad ku rogmaday magaalada Qardho ee gobolka Bari, waxaana weli gurmad u baahan dadkii ay saameeyeen daadadkii ka dhashay roobkan Guga, iyadoo meelaha qaar laga cabsi qabo inay ku dhuftaan daadad hor leh. Inta badan siyaasiyiinta reer Puntland ayaa qaba in iyadoo la fiirinayo caqabadahaas aysan Puntland xamili karin khilaafka soo kala dhex galay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo ah hoggaankii ugu sareeyay maamulka, waxayna ku dadaalayaan dhameynta khilaafkaas. Qaran News
  25. Deandre Baker oo ka tirsan kooxda New York Giants iyo Quinton Dunbar oo isna u ciyaara kooxda Seattle Seahawks ayaa la sheegay inay dhac hubaysan u geysteen dad marti ah. Booliiska gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa baadi goob ugu jira laba ka mid ah ciyaaryahanada kubada cagta Mareykanka ee loo yaqaan NFL kuwaasi oo lagu eedeeyey inay dad ay dhac ugu geysteen guri uu ka socotay xaflad. Deandre Baker oo ka tirsan kooxda New York Giants iyo Quinton Dunbar oo isna u ciyaara kooxda Seattle Seahawks ayaa la sheegay inay dhac hubaysan u geysteen dad marti ah. Wararka ayaa sheegaya in lacag gaaraysa $ 12, 000 oo caddaan ah iyo saacado qiimahoodu gaarayo £ 25,000 dadkaasi laga qaatay. Labada nin midkood ayaanay Booliisku xirin. Haweenay Booliiska u hadashay ayaa sheegtay in masuuliyiintu ay xiriir la sameeyeen madaxda xiriirka cayaaraha NFL iyo qareenka mid ka mid ah ciyaartoyda. “Dhab ahaantii waxaa jira dadaal ku aadan in ay iyagu isa soo dhiibaan” ayay tiri Tania Rues oo u hadashay Booliiska Miramar , xilii ay u waramaysay wargeyska New York Times. Sida laga soo xigtay Booliiska waxaa la soo saarar amar xarig. Dhacdada ayaa dhacday ka gadaal markii uu muran ka dilaacay xaflad guri ka socotay, halkaasi oo martidu ku ciyaaraysay turub iyo ciyaaraha kumbuyutarada. Baker ayaa lagu eedeeyey in uu buntuq la soo baxay, ka dibna isaga, Dunbar iyo nin kale oo wajiga maasakaro guduuddan ku soo xirtay ay bilaabeen in ay dadkii ka urursadaan lacag iyo waxyaabo qaali ah. Ninka wajiga ku soo qarsaday maskaraha guduudan ayaan wali la aqoonsan. Baker ayaa waxaa lagu eedeeyey in uu dalbaday in la toogto qof marqaati ahaa, laakiin ninka wajiga maaskaraha guduudan ku xirtay ma aanu sameyn sidaa. (1/2) A warrant to arrest has been issued for Deandre Baker, of the @Giants (four counts of Armed Robbery with a Firearm and four counts of Aggravated Assault with a Firearm.) Quinton Dunbar of the @Seahawks also has a warrant to arrest for four counts of Armed Robbery with a pic.twitter.com/vDDWMjYDaO — Miramar Police (@MiramarPD) May 14, 2020 Saddex nin ayaa ku baxsaday gawaari, kala ah Mercedes Benz, Lamborghini iyo BMW. Oobiga Booliiska ayaa qof marqaati ah uu ku xusay ” In sida muuqataa ay taasi aheyd wax qorsheysan”, maadaama saddexda nin ay ku baxsadeen gawaari, maadaama saddexda gaari ee lagu cararay “goor dambe loo diyaariyey si ay uga goobtaan deg deg uga dhaqaaqi karaan”. Baker, oo 22 sano jir, ayaa wajahaya 8 dacwo guud ahaan kuwaasi oo kala ah afar burcadnimo hubaysan. Dunbar oo 27 sano jir ah ayaa isaguna lagu soo oogay afar dacwo oo burcadnimo hubaysan ah. Xiriirka cayaaaraha kubada cagta Mareykanka ee NFL ayaa sheegay in ay ka warhayaan dhacdada laakiin wax hadal ah kama dhiiban. Warsaxaafadeed ay soo saartay kooxda New York Giants ayaa lagu xusay in ay xiriir la sameeyeen Deandre Baker isla markaana aanay wax macluumaad ah ka bixineyn. Kooxda Seattle Seahawks ayaa iyaguna sheegay inay ka warqabaan xaaladda isla markaana ay isku dayayaan inay xog ururiyaan, iyagoo wixii su’aalo ku weeciyey baarayaasha NFL Qareenka Dunbar, ayaa sheegay in shan qof oo marqaatiyaal ah ay ku dhaarteen in macmiilkiisu aanu ku lug laheyn boobka. Qareen Michael Grieco ayaa u sheegay wargeyska Miami Herald in macluumaadka Jimcihii loo gudbiyey dambi baarayaasha, laakiin ay dalbadeen in Dumbar uu isa soo dhiibo. Mr Greico ma sheegin in Dunbar uu qorsheynayo in isku soo dhiibayo masuuliyiinta iyo in kale, sida wargeysku soo wariyey. Qaran News