Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The post Jubbaland oo Warsaxaafadeed kasoo saartay Hadalkii uu Safiirka Midowga Africa u jooga Muqdisho uu ka jeediyey Golaha Amaanka appeared first on . Source
  2. Another Kenyan plane was shot at today allegedly by Ethiopian troops in Qansahdere, Bay Region in Somalia, sources have told Kahawa Tungu. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimda Online) – Laba qodob oo oo waaweyn oo ka mid ah sharciga doorashooyinka qaranka, ayaa maanta lagu jebiyey kulankii Guddiyada Joogtada ee Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ay ku yeesheen Muqdisho, oo uu guddoominayey afhayeenka baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan. Guddiyada joogtada ah ayaa go’aamiyey in Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran (GMDQ) Xaliima Ismaaciil (Xaliima Yarey) ay baarlamanka hor-timaado 27-ka June, kana horjeediso warbixinta ku saabsan doorashada dalka, xilliga ay dhaceyso iyo nooca ay noqoneyso. Warbixinta guddiga doorashooyinka ayaa markii hore qorshuhu ahaa in lasoo gudbiyo 27-ka bishan May, taas oo macanaheedu yahay in hadda dib looga dhacayo muddo bil. Go’aankan ayaa si cad u jebinaya qodobada 13-aad iyo 53-aad ee xeerka doorashooyinka. Maxaa ku qoran qodobada 13-aad ee sharciga doorashooyinka? Qodobka 13-aad ayaa ka hadlaya Cayimaadda Taariikhda Doorashooyinka la qabanayo, waxaana farqadiisa 3-aad ku qoran sidan: “GMDQ waa in ay muddeeyaan taariikhda doorashada, ugu yaraan boqol iyo sideetan (180) maalmood ka hor wakhtiga ay codbixintu qabsoomayso.” Muddada ay cod-bixinto qabsoomeyso ayaa waxaa qeexaya farqada 1-aad ee isla qodobka 13-aad ee sharciga doorashooyinka, taasi oo u dhigan: “Doorashooyinka dalka waxaa la qabanayaa afartii sanaba mar si waafaqsan qodobka 60aad ee Dastuurka, bil ka hor dhammaadka mudda xileedka Baarlamaanka.” Baarlamanka hadda jira wuxuu muddo xileedkiisa ku eg yahay 26-ka December 2020, maadaama la dhaariyey 27-kii December 2016. Sidaas darteed, bil ka hor muddo xileedkooda, waa 27-ka November 2020. Sidoo kale 180 maalmood ama lix bil ka hor xilliga ay codbixintu qabsoomeyso (November 27), waa 27-ka May 2020, oo ah waqtigii hore ee la ballamiyey guddiga doorashooyinka. Maadaama guddiyada joogtada ah ay bil ugu dareen waqtigii la sugayey warbixinta guddiga madaxa-banaana ee doorashooyinka qaran, waxaa si cad loo jebiyey farqada 3-aad ee qodobka 13-aad ee sharciga doorashooyinka, taas oo mas’uul ay ka yihiin guddiyada joogtada ah, si gaar ahna guddoonka labada aqal. Sababta ayaa ah, haddii aan lixda bil ka tirino 27-ka June, waxay ku dhaceysaa 27-ka December, oo ah bil kadib 27-ka November ama xilliga uu xeerka doorashooyinka dhigayo in doorashada la qabto. Maxaa ku qoran Qodobka 53-aad ee sharciga doorashooyinka? Qodobka 5-3aad ee sharciga doorashooyinka ayaa ka hadlaya Dib-u-dhaca Doorashooyinka, wuxuuna sharxayaa waxa ay tahay in la sameeyo haddii la fulin waayo qaar ka mid ah farqooyinka qodobka 13-aad ee aan kor uga soo hadalnay. Farqada 3-aad ee qodobka 53-aad ayaa waxaa ku qoran sidan: “Haddii GMDQ ay awoodi waayaan soo gudbinta qorshaha qabsoomidda doorashooyinka muddada ku xusan Qodobka 13 (3) ee Sharcigan, ama ay ku dhawaaqan in aysan qaban karin doorashada, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa fadhi wadajir ah go’aan ku soo saaraya.” Maadaama ay guddiga doorashooyinka bil kadib marayaan 180-ka maalmood ee loo qabtay, guddiyada joogtada ah ee maanta muddada halka bil ah ugu daray, ma lahayn awooddaas, waxayna mar kale ku xadgudbeen sharciga doorashooyinka, gaar ahaan farqada 3-aad ee qodobka 53-aad. Sida qodobkaas ku xusan, haddii guddiga doorashooyinka uu waqtigiisa ka dib marayo, waxa go’aan ka gaaristaas iska lahaa fadhiga wadajirka ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Sidaas darteed, guddiyada joogtada ma lahayn sharciyad ay bil dheeri ah ku siiyaan guddiga doorashooyinka. Wixii maanta ka dhacay xarunta Villa Hargeysa, waxay ahaayeen tumasho lagu sameeyey sharciga doorashooyinka, taasi oo sare usii qaadeysa tuhunka laga qabo dib u dhigista doorashada dalka, iyo in guddoonka labada aqal, Maxamed Mursal iyo Cabdi Xaashi ay arrintaas kala shaqeynayaan Villa Somalia. Sharcigu mar walba ha sarreeyo.
  4. Guddiga joogtada iyo guddoonka labada aqal ee baarlamaanka jamhuuriyadda Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa isku raacay in kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka uu furmi doono 6-da bisha soo socota June 2020-ka. Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Yareey) ayaa 27-ka bisha June hor imaan doonta baarlamaanka Soomaaliya sida lagu go’aamiyay shirka, waxeyna warbixin ku saabsan doorashooyinka dalka ka dhageysan doonaan. Xildhibaanada BF ayaa muddooyinkii la soo dhaafay fasax ku maqnaa, iyada oo ay hakad ku yimideen howlihii shaqo labada aqal ee ku aadanaa arrimaha doorashada ee 2020/2021-ka. View the full article
  5. Somali health ministry on Monday confirmed 95 more cases of COVID-19, raising the national tally to 1689. Fawziya Abikar, the health minister, said five patients succumbed to the deadly virus, bringing the total number of fatalities to 66. The minister also said 31 more people have recovered, bringing the total number of recoveries to 235, in a statement issued in Mogadishu. Mogadishu, the country’s capital has 17 confirmed cases as of Monday, 72 cases in Somaliland, 4 in Southwest and 2 in Galmudug state. The minister also said 65 of the latest cases are male while 30 others are female persons amid concern from the UN that the cases are largely due to community transmission. So far Somalia remains to have the highest death toll across East African region & Horn of Africa nation with 66 deaths as of Monday. 235 cases have also been recorded as recovered. With many cases are going untested and undetected, local and international humanitarian agencies have warned that Somalia faces another desperate situation amid spiral of covid-19 cases. Somalia has faced decades of violence and cycles of drought and floods, leaving its health care system ill equipped to respond to this outbreak. The International Rescue Committee (IRC) has been preparing for the spread of coronavirus by training health care staff to screen patients for symptoms and safely isolate potential cases.
  6. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa sheegay in maanta xal laga gaaray xiisad maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Xiisadaas oo u dhaxeysay maleeshiyaad hubeysan iyo ciidanka Danab oo fariisin ku leh koonfurta Gaalkacyo ayaa ka dhalatay nin la sheegay in uu ahaa ganacsade oo ay xireen ciidanaka Danab, iyadoo arintaas ay ka dhiidhiyeen maleeshiyaad ku heyb ah. Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug Axmed Maxamed Cumar Falagle oo la hadlay laanta Af-Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in arintaas ay xaliyeen maanta, isla marklaana uu maamulku la wareegay hubkii maleeshiyadii weerartay ciidanka Danab oo u abaabulnaa qaab beeleed. Wasiir Falagle waxa uu sheegay in xalinta arintaas ay ku wehliyeen wasiirrada amniga iyo arrimaha gudaha Galmudug iyo mas’uuliyiin kale oo ay hogaaminayeen Senator Cabdi Qeybdiid iyo Jeneraal Gorod. “Wadahadal dheer kadib waxaa lagu heshiiyey in hubka maleeshiyaadka ay la wareegto Galmudug, waxaana hada la wareegay mas’uuliyiin uu hor ka cayo wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi, si nabad ah ayaana xal looga gaaray arintaas” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Falagle. Wasiirka ayaa sheegay in beelaha degan gobolka Mudug ay aad u hubeysanyihiin, balse kuwan uu maamulku iskula wareegay maleeshiyaadkii iyo hubkoodaba. “Maleeshiyaadkan waxay saldhig u noqonayaan qorshaha cusub ee wasaaradda amniga Galmudug, kaas oo ah in la yagleelo ciidamo cusub oo daraawiishta Galmudug ah, kuwaas oo aad u tayeeysan, marka maleeshiyadkan ciidamadaas ayaa lagu biiein doonaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Ugu dambeyntii Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Axmed Falagle ayaa sheegay in khasaarihii nafeed ee ka dhashay dagaalkii dhexmaray maleeshiyaadkaas hubeysan iyo ciidanaka Danab lagu xalin doono hanaan dhaqan oo ay ka wada fadhiisa doonaan odayaasha deegaanka. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Wasiirka-warfaafinta-Galmudug.mp3
  7. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa soo saartay warbixinta maalinlaha ah ee COVID19,waxaana at ku sheegtay in la helay kiisas Cusub oo ah Feyruska Karoona . Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in la diiwaan geliyay 95 xaalado cusub oo COVID19 ah, oo kala jooga 72 Somaliland 17 Gobolka Banaadir 4, Koonfur Galbeed 4 halka Galmudug laga helay 2 Ruux,kuwaas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 1,689. Bukaannada cusub oo 65 kamid ah waa rag, 30-na waa haween. 24-kii saac ee ugu dambeeyay waxaa Cudurka COVID19 u geeriyooday 5 Ruux,waxaana ka bogsaday 31 Qof. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, waxay ku baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. MOGADISHU (HOL) - AMISOM head Francisco Madeira has come under sharp criticism from Jubbaland government following his remarks to the UN Security Council last week which described the political pact between president Madobe and his political opponents an ‘Ogaden clan’ arrangement. Source: Hiiraan Online
  9. Madaxweyne Ku xigeenka 1aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid aadan iyo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay si kulul u cambaareeyeen hadalkii dhowaan lagu eedeeyey Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb, Francisco Madeira, Wakiilka ayaa dhowaan xisbiyada mucaaradka ah ee ka jira dalka ay ku eedeeyey inuu lasaftay madaxda dowladda hadda jirta iyaga oo baaq u diray midowga Afrika oo ugu baaqay in laga badalo Francisco Madeira, Maxamuud sayid Aadan ayaa dhankiisa warbaahinta ka hor sheegay in uu gef u geystay mid kamid ah Beelaha Soomaaliyeed. Madaxweyne Ku xigeenka 1aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid aadan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya uu ku milmay Arrimaha Gudaha Soomaaliya,isaga oo sigaar ah u magacaabay Beel Soomaaliyeed,isla markaana aaney aheyn mid sax ah waaxan dowladda federaalka iyo Xildhibaannada Golaha Shacbaka ayuu ugu baaqay inay dib u eegis ku sameeyaan hadalkii Francisco Madeira. Dhanka kale Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka federaalka Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in falka uu ku kacay Amb, Francisco Madeira uu yahay mid ka baxsan anshaxa Midowga Afrika, xdilhibaan xidig ayaa sheegay in dhawaan ay furi doonaan gal dacwadeed ka dhan ah Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Francisco Madiera ayna la tiigsan doonaan maxkamad sida uu yiri. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo welwelka laga qabo isku day muddo kororsi oo ay sameeyaan mas’uuliyiinta xilka haya. Hoos ka aqriso qoraalka Guuleed. Mar walba oo la gaaro xilli kala guur ah ama gunnaanadka muddo xilleedka dowladda markaasi jirta waxaa bilaawda cabsi iyo guux ku saabsan mudo korarsi. Fikirkaan inta badan waxaa curiya dad walwal ka qaba mustaqbalkooda siyaasadeed ama kuwa dano dhaqaale oo gaar ah ku qaba Dowladda markaas jirta. Waxaa la isku dayaa in soo noqosho la’aan iyo cabsi la xiriirta natiijada doorashada loo muujiyo madaxda xilka heysa, sidoo kale beesha Caalamka ayaa loo diraa fariimo qaldan oo marin habbaabin ah si waqtiga loo dheereysto. Dhamaan isku dayada noocaan ah ee hoostagga dannaha gaarka ah kama suurtoobin dalka sanaddihii lasoo dhaafay, hadanna ilama’ahan iney taabo-gal noqon doonnaan. Qof walba oo rajo kasii leh Soomaaliya, garanayana waxa lasoo maray iyo sida dowladnimaddu halkaan ku timid kuma fakaraayo inuu muddo korarsi sameysto. Haddii madaxda Federaalku go’aansadaan iney sumcadooda sariftaan, Qarankana ka leexiyaan dhabihii qori isu dhiibka iyo wixii lagu heshiiyay, looma siinaan doono masuuliyadda wixii naga hallaaba. Dhamaanteen waajib ayaa naga saarran in la helo xasilooni siyaasadeed, doorasho xilligeeda ku dhacda iyo in xukunka la isugu wareejiyo si nabad ah. Maadaama xukuumadu ku guuldareystay shaqadii loo diray oo aheyd diyaarinta doorasho qof iyo cod ah oo xilligeedii ku qabsoonta, ma habboona in xilligaan lagu fakaro waxyaabo baalmarsan dastuurka iyo sharuucda dalka. Xogo-gaal ayaan u nahay waxa dalka ka socda. Dhaqanka wanaagsan wuxuu sheegaya in qofku qirto gaabiskiisa iyo wixii aan socon karin, kadibna laga wada hadlo sida ugu fudud ee lagu gaari karo yoolka saxda ah (doorasho guud), laakiin cidna uma suurto galli doonto iney meel mugdi ah ku rido masiirka iyo rajadda Dowladdnimada Soomaaliya (mudo korarsi). Waxaa ila habboon in madaxda dalku ay masuuliyaddooda qaataan, oo ay garwaaqsadaan inuu Dalku u baahanyahay u turid iyo toosin. Waxaa si gaar ah madaxda Baarlamaanka, Xildhibaanada sharafta leh ee labada aqal iyo Gudiga madaxa bannaan ee doorashooyinka shacabka Soomaaliyeed oga fadhiyaa inay xil iska saaraan xaqiijinta qabsoomidda doorashooyin ku dhaca xilligooda dastuuriga ah. Mahad-badan Abdikariin Hussein Guled
  11. Madaxweynaha dowladda goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiirro iyo Wasiirro ku-xigeeno uu dhowaan Madaxweynuhu magacaabay oo galabta si rasmi ah xilkaasi loogu dhaariyey. Munaasabadda Dhaarinta ayaa ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe, halkaasi Wasiirada cusub uu dhaariyey Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed , iyadoo uu Madaxweynuhuna goobjoog ka ahaa dhaarta dastuuriga ah . Madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay munaasabadda dhaarinta Wasiirada iyo Wasiiro ku-xigeennada cusub, wuxuu marka hore Dowladda iyo Shacabka Puntland uga tacsiyeeyay geerida Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo ku geeriyooday maanta Muqdisho. Madaxweynaha ayaa Wasiirada cusub ee maanta la dhaariyey kula dardaarmay in ay waajibaadka loo igmaday iyo masuuliyadda la saaray ay si wanaagsan u gutaan, isago alle uga baryey inuu xilka u fududeeyo masuuliyiintan cusub ee dowladda kusoo biiray. Xubnaha Golaha Wasiirada iyo Wasiir Ku-xigeenada cusub ee la dhaariyey: 1 Eng. Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacade) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo dalxiiska. 2 Eng. Maxamuud Xaaji Saalax Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda. 3 Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda 4 Ismaaciil Saleebaan Geelle Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDRta 5 Axmed Siciid Ismaaciil (Qolombe) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda BIyaha, Tamarta iyo Macdanta. 6 Saynab Ismaaciil Maxamed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimiladda 7 Cabdiqani Axmed Ismaaciil ( Deero Dile) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Xiriirka Caalamiga ah iyo Horumarinta Dhaqaalaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. PRESS RELEASE Coronavirus – Kenya: Total confirmed COVID-19 cases in Kenya is 1286 NAIROBI, Kenya, May 25, 2020/ — Total confirmed: 1286 Total recovered: 402 Deaths: 52 Today, we have discharged another (9) patients who have recovered from the disease, bringing the total number of those who have recovered to 402. Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Kenya. View multimedia content SOURCE Ministry of Health, Kenya Qaran News
  13. Mar walba oo la gaaro xilli kala guur ah ama gunnaanadka muddo xilleedka dowladda markaasi jirta waxaa bilaawda cabsi iyo guux ku saabsan mudo korarsi. Fikirkaan inta badan waxaa curiya dad walwal ka qaba mustaqbalkooda siyaasadeed ama kuwa dano dhaqaale oo gaar ah ku qaba Dowladda markaas jirta. Waxaa la isku dayaa in soo noqosho la’aan iyo cabsi la xiriirta natiijada doorashada loo muujiyo madaxda xilka heysa, sidoo kale beesha Caalamka ayaa loo diraa fariimo qaldan oo marin habbaabin ah si waqtiga loo dheereysto. Dhamaan isku dayada noocaan ah ee hoostagga dannaha gaarka ah kama suurtoobin dalka sanaddihii lasoo dhaafay, hadanna ilama’ahan iney taabo-gal noqon doonnaan. Qof walba oo rajo kasii leh Soomaaliya, garanayana waxa lasoo maray iyo sida dowladnimaddu halkaan ku timid kuma fakaraayo inuu muddo korarsi sameysto. Haddii madaxda Federaalku go’aansadaan iney sumcadooda sariftaan, Qarankana ka leexiyaan dhabihii qori isu dhiibka iyo wixii lagu heshiiyay, looma siinaan doono masuuliyadda wixii naga hallaaba. Dhamaanteen waajib ayaa naga saarran in la helo xasilooni siyaasadeed, doorasho xilligeeda ku dhacda iyo in xukunka la isugu wareejiyo si nabad ah. Maadaama xukuumadu ku guuldareystay shaqadii loo diray oo aheyd diyaarinta doorasho qof iyo cod ah oo xilligeedii ku qabsoonta, ma habboona in xilligaan lagu fakaro waxyaabo baalmarsan dastuurka iyo sharuucda dalka. Xogo-gaal ayaan u nahay waxa dalka ka socda. Dhaqanka wanaagsan wuxuu sheegaya in qofku qirto gaabiskiisa iyo wixii aan socon karin, kadibna laga wada hadlo sida ugu fudud ee lagu gaari karo yoolka saxda ah (doorasho guud), laakiin cidna uma suurto galli doonto iney meel mugdi ah ku rido masiirka iyo rajadda Dowladdnimada Soomaaliya (mudo korarsi). Waxaa ila habboon in madaxda dalku ay masuuliyaddooda qaataan, oo ay garwaaqsadaan inuu Dalku u baahanyahay u turid iyo toosin. Waxaa si gaar ah madaxda Baarlamaanka, Xildhibaanada sharafta leh ee labada aqal iyo Gudiga madaxa bannaan ee doorashooyinka shacabka Soomaaliyeed oga fadhiyaa inay xil iska saaraan xaqiijinta qabsoomidda doorashooyin ku dhaca xilligooda dastuuriga ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka noqday munaasabad lagu dhaariyey Wasiiro iyo Wasiiro ku-xigeeno dhawaan la magacaabay oo galabta si rasmi ah xilkaasi loogu dhaariyey. Munaasabadda dhaarinta ayaa ka dhacday xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garowe, waxaana Wasiirada cusub dhaariyey Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed. Madaxweyne Deni oo ka hadlay munaasabadda dhaarinta ayaa Wasiirada cusub kula dardaarmay in ay waajibaadka loo igmaday iyo mas’uuliyadda la saaray ay si wanaagsan u gutaan, isagoo alle uga baryey inuu xilka u fududeeyo mas’uuliyiintan cusub ee dowladda ku soo biiray. Xubnaha Golaha Wasiirada cusub ee la dhaariyey ayaa kala ahaa. 1- Eng. Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacade) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo dalxiiska. 2- Eng. Maxamuud Xaaji Saalax Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda. 3- Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda 4- Ismaaciil Saleebaan Geelle Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta 5- Axmed Siciid Ismaaciil (Qolombe) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda BIyaha, Tamarta iyo Macdanta. 6- Saynab Ismaaciil Maxamed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimiladda 7- Cabdiqani Axmed Ismaaciil ( Deero Dile) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Xiriirka Caalamiga ah iyo Horumarinta Dhaqaalaha. Wasiiradan ayaa la magacaabay 22-kii bishan Maarjo, madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaana sharci darro ku tilmaamay magacaabistooda oo sheegay in aan lagala tashan. PUNTLAND POST The post Puntland: Wasiiradii dhawaan la magacaabay oo la dhaariyey appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa goob joog ahaa Madaxtooyada oo Galabta lagu dhaariyey Xubnihii kusoo biiray Golaha Wasiirada Puntland ee Madaxweynuhu uu Magacaabay [...] The post Daawo Sawirada Wasiiradii Cusbaa oo la dhaariyey appeared first on . Source
  16. Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlayey kulan maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa cambaareeyey hadalkii dhowaan ka soo yeeray wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Francisco Madeira oo QM ka sheegay inuu Axmed Madoobe la heshiiyey kaliya xubnihii mucaaradka ku ahaa ee beeshiisa. Sayid Aadan ayaa nasiib darro ku tilmaamay hadalkaasi, wuxuuna shaaciyey in Madeira uu ku milmay arrimaha gudaha ee Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sidoo kale xusay in ergeyga Midowga Afrika uu u gefay beel Soomaaliyeed, islamarkaana uu ugu baaqayo inuu is-casilo Dhankiiisa Cabdirashiid Maxamed Xidig oo madasha ka hadlay, islamarkaana ka mid ahaa xubnihii wax ka saxiixay heshiiskii Jubbaland ee Nairobi ayaa dhaliilay Madeira. Xidig ayaa sidoo kale intaasi ku daray inay furi doonaan gal-dacwadeed ka dhan ah wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay marxalado siyaasadeed oo aad u culus, iyadoona uu weli halkiisii yahay khilaafka kala dhexeeya dowladda Soomaaliya. View the full article
  17. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Habeen-250520.mp3 View the full article
  18. Tripoli (Caasimada Online) – Diyaraadaha dagaalka Ruushka ayaa xulufadooda Libya waxay ka saareen magaalo ku taalla koonfurta Tripoli kadib markii ciidamada ay taageerayeen ee Jeneral Khalifa Haftar ay kasoo gurteen furumaha dagaalka ee caasimadda, waxaa sidaas sheegay duq magaalo. Bixitaanka la weriyey ee diyaaradaha Ruusha ayaa dhabarjab kale ku ah Ciidamada Qaranka Libya (LNA) ee uu hoggaamiyo Khalifa Haftar iyo xuluafadiisa shisheeyaha. Ciidamada Haftar, oo ay taageerayaan Ruushka, Masar iyo Imaaraadka Carabta, ayaa 13 bilood isku dayayey inay qabsadaan caasimadda Libya, hase yeeshee waxaa toddobaadyadii dhowaa ku dhacay guul-darrooyin is-xig-xigay oo ay kala kulmeen ciidamada Turkigu ay taageeraan ee dowladda Libya. Saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey, ciidamada Haftar waxay ka baxeen goobo ku yaalla koonfurta Tripoli, taasi oo ay ku qeexeen axsaan bani’aadannimo. Ciidamada dowladda caalamku uu aqoonsan yahay ayaa qabsaday qaar ka mid ah goobahaas. Libya ma lahayn maamul dowlad dhexe muddo sagaal sano ah, waxaana tan iyo 2014 ay u kala qeybsaneyd laba dowladood oo iska soo horjeeda oo ku kala sugan bariga iyo galbeedka dalka. Dagaalka ayaa isku beddelay mid mid qarsoon oo u dhaxeeya xulufo dibadeed oo kala taageeraya labada dowladood. Diyaaradaha dagaalka Ruushka ee xulufada la ahaa Haftar iyo qalab culus ayaa ka baxay caasimadda waxayna degeen garoonka diyaaradaha Bani Walid, oo ah magaalo 150km u jirta bariga koonfureed ee Tripoli, sida uu sheegay Salem Alaywan oo ah duqa magaalada Bani Walid. Waxa uu Reuters u sheegay in diyaaradaha dagaalka Ruushka ay kasoo baxeen galbeedka Libya, kuna sugan yihiin magaalada Jufra oo ay ku xooggan yihiin ciidamada Haftar. “Bixitaanka Ruushka ee aagga Tripoli waa dhacdo macno weyn leh, sababtoo ah waxay ciidamada Haftar ka xayuubineysaa xooggii shisheeye ee ugu qalabka wanaagsanaa ee furintaas,” waxaa sidaas yiri Jalel Harchaoui, oo ka tirsan machadka Clingendael Institute. Dowladda Libya ayaa adeegsaneysa dagaal-yahanno Syrian ah oo xulufo la ah Turkiga, halka Haftar uu adeegsanayo kuwa u dhashay Sudan. Dowladda ayaa taageero ka heleysa Turkiga, halka Haftar ay taageerayaan Imaaraadka, Ruushka iyo Masar. REUTERS + VOA
  19. MOGADISHU (PP News Desk) — The electoral guidelines for the upcoming Somalia elections specifies how Senators and MPs from the ex-British Somaliland will be elected. The Joint Electoral Committee has submitted guidelines to the Federal Parliament and the Upper House. Mogadishu is the venue where MPs and Senators from Northern regions will be elected due to the political situation in the North. Northern Regions is the name the Federal Government uses in place of Somaliland. Unlike the 2016 electoral process, the 2020 electoral law of Somalia brings constituencies in the ex-British Somaliland under one umbrella The electoral guidelines will deprive Puntland of federal representation privileges it enjoys under the 2016 agreement signed by the former Puntland State President Dr Abdiweli Mohammed Ali and former Prime Minister of the Federal Government Omar Abdirashid Ali Sharmarke. Before 2016 agreement Puntland State had selected MPs from Sool and Togdheer, with five of the eight MPs going to Khatumo Movement under a 2012 power-sharing agreement. Puntland State might protest stipulations in the electoral guidelines but as an addendum to the electoral law it is binding on the Federal Government of Somalia and Federal Member States. Half of the MPs and Senators from the ex-British Somaliland represent constituencies currently designated as in Disputed Territories. © Puntland Post, 2020 The post PARLIAMENTARIANS AND SENATORS FROM THE EX-BRITISH SOMALILAND TO BE ELECTED IN MOGADISHU appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo ay tahay astaantii ugu horreysay ee muujineysa in doorashada dalka aysan ku dhici doonin waqtigeeda, ayaa guddiga joogtada ah ee labada aqal waxay bil ku dareen xilligii la filayey in guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka ay warbixintooda usoo gudbiyaan baarlamanka. Guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Yarey ayaa la filayey inay 27-ka May ay Baarlamaanka ka horjeediso warbixinta ku saabsan doorashada dalka, xilliga ay dhaceyso iyo nooca ay noqoneyso. Hase yeeshee Guddiga joogtada ah ayaa hadda u qabtay inay baarlamanka hor-timaado 27-ka bisha June, oo ah bil kadib waqtigii hore. Guddiga joogtada ah ee golaha labada aqal, oo maanta Muqdisho ku shiray, ayaa sidoo kale isku raacay in 6-da bisha June uu si toos ah u furmo kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka. Marka uu furmayo kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka ayaa waxyaabaha ugu horeeyo ee uu qaban doono waxaa ka mid ah inay shacabka u cadeeyaan nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonta iyadoo horey loo magacaabay guddi isku dhaf ah kuwaas oo ka shaqeyn doono diyaarinta iyo dhameystirka xeerarka doorashooyinka. Go’aanka muddada bisha ah loogu daray waqtiga guddiga doorashada ayaa macnaheedu yahay in haddiiba xilligaas warbixintooda ay kusoo gudbiyaan ay 4 bilood oo kaliya ka hareyso muddo xileedka baarlamanka hadda jira, taasi oo wax aan caqliga galeyn ka dhigeysa in afar bil lagu qabto doorasho lagu soo xulo xildhibaanada cusub. Xukuumadda hadda jirta ayaa sheegtay inay dalka ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah, taas oo shaqada guddiga kasii dhigeysa mid aan sahlaneyn. Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa go’aanka maanta ku macneeyey inuu caddeyn u yahay in doorashada Soomaaliya aysan waqtigeeda ku dhici karin, iyo in cabsidii laga qabay muddo kororsiga xukuumadda iyo baarlamanka hadda jira ay u muuqato mid dhab ah.
  21. Madaxweyne Xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Dayid Aaden oo uu weheliya Xildhibaan Cabdirshiid Xidig ayaa shir Jaraa’id oo ay wada qabteen waxay eedeeyeen Wakiilka Midowga Afrika [...] The post Daawo Jubbaland oo dalbatay in si deg deg ah Dalka looga eryo Francisco Madeira Wakiilka AU u jooga Soomaaliya appeared first on . Source
  22. Tuulada Qansaxdheere ee Gobolka Bay ayaa lagu rasaaseeyey Diyaarad sahay gargaar sida xili ay degayso. Wararka laga helayo Gobolka Bay waxay sheegayaan in Doyaarada ay [...] The post Diyaarad Gargaar sida oo lagu rasaaseeyey Gobolka Bay appeared first on . Source
  23. Qansaxdheere (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya Gobolka Bay ayaa sheegaya in diyaarad sidday sahay gargaar maanta lagu rasaaseeyey degaanka Qansaxdheere xilli ay degaysay, sida ay VOA Somali ku heshay warar kala duwan. Diyaaradda ayay ku dhacday rasaas fudud, waxaana la sheegay in diyaaraddu ay markii dambe kasoo kacday Qansaxdheere isla markaana ay kusoo laabatay Muqdisho. Ilaa hadda ma cadda sida ay wax u dhaceen. Mid ka midah saraakisha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa idaacadda VOA u sheegay in loo malaynayo in Al-Shabaab ay rasaasta ku fureen diyaaradda. Dhacdadan ayaa imaneysa ayada oo 4-tii bishan diyaarad lagu soo riday magaalada Bardaale ee isla gobolka Bay. Diyaaraddaas ayaa qoraal kasoo baxay Amisom lagu sheegay inay soo rideen ciidamada Itoobiya. Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in diyaaraddaas ay uga shakiyeen inay isku qarxin rabto, waxaana weli socda baaritaan rasmi ah oo ku aaddan xaqiiqda wixii dhacay.
  24. Xildhibaanka Congress-ka Mareykanka Ilhaan Cumar ayaa axaddii heshay taageerada Democratic–Farmer–Labor Party (DFL) si uga qeyb gasho Doorashada Horudhaca ah ee August 11 ee kursiga xisbiga dimoqoraadiga ee Congress-ka ku leeyhiin Minneapolis. Halkan Warbixin Ku Saabsan Guusha Xildhibaan Ilhaan Cumar https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-ilhaan.mp4 Source: goobjoog.com
  25. Waziir Ismaciil Gamadiid tariikh dheer oo la soo koobi karin uu ku leeyahey wadanka New Zealand oo ka mid ah in uu ahaa madaxweynaha Masaajidka [...] The post Tacsi ka Socoto Jaaliyadaha Somaliyeed ee Dalka New Zealand appeared first on . Source