Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,505
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Maanta oo Sabtiya Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen cusub u magacaabay, Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus. Dikreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland, oo ku taariikhaysan 16-May-2020 oo ku beegan Maanta, ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus loogu magacaabay G/sare. Maxamuud Cabdi Maxamed. Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus, ayaa isna loo magacaabay G/sare. Cawil Jaamac Nuur, sida ku xusan Dikreetada uu soo saaray Madaxweyne Deni. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaabay shan Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida kuwaas oo kala ah; G/sare. Maxamed Cabdi Bootaan, G/le. Keenadiid Cabdicasiis Axmed, G/sare. Cali Faarax Caydiid, G/sare. Cabdi Cali Jaamac iyo /sare. Maxamuud Faarax Maxamed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo magacaabay Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida appeared first on Puntland Post.
  2. Tartan aqooneedka Shabelle oo haatan maraya wareegiisa labaad ee is-reeb-reebka ayaa waxaa caawa ku madlay degmooyinka Dayniile iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir. Labada degmo ayaa ka soo kala baxay group-yada A iyo B, wareega koowaad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan. Dayniile iyo Howlwadaag sidoo kale degmada guuleysata ayaa caawa iska xaadirin doonto wareega afar dhammaadka ee tartanka Shabelle. Dhinaca kale Xamaweyne ayaa noqotay xalay degmadii ugu horreysay ee iska xaadirisa wareega Sama-finalka ee tartanka, kadib markii ay ka badisay degmada Wadajir. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
  3. Tobankii ama labaatankii aqalba waxaa u xilsaarnaa nin lagu magacaabay Tabeelle oo si dhaw ula shaqayn jiray sirdoonkii Siyaad Barre. Shaqada Tabeelluhu waxay ahayd inuu soo gudbiyo diiwaan ay ku qoran yihiin idil ahaan xubnaha qoysaska ku nool inta guri oo loo xilsaaray. Haddii uu qof qoyska ka mid ahi safrayo ama meel u baxayo, waxa la ogaysiinayay Tabeellaha. Haddii uu qoyska soo booqdo qof ehel ahi ama soo martiyana waxaa la ogaysiinayay Tabeellaha. Guriyaha waxay soo geli jireen saacadaha u dhexeeya 2:00 – 3:00 habeennimo si ay dadka u cabsi-geliyaan. Habeen walba, guri kasta waxa iman jiray Tabeellaha, waxaana uu tirin jiray xubnaha qoyskaas. Mararka qaar, habeenkii laba jeer ayay guriyaha tirin jireen, haddiiba uu farqi u dhexeeyo labada tirana, qoyskaasi wuxuu la kulmyay dhibaato. Kolka ay guriyaha soo galaan, waxa ay qaadan jireen waxa ay doonaan oo ay ku jiraan rooggaga quruxda badan, sariiraha, iwm. Wixii alaab ah ee ay ka tegaan waa ay jajabin jireen sida muraayadaha, koobabka dhoobada ah iwm. Guriga idil ahaan waa ay bililiqaysan jireen, iyaga oo dadkana ugu hanjabaya xabsi haddii ay hadlaan. (Bogga, 80aad). Aamina Maxamuud Xuseen waxay sheegtay habeen ay ciidanku gurigeeda yimaaddeen, in xiitaa ay qaateen dharkii ninkeeda (Bogga, 80aad). Dabcan, tuugta guriyaha u soo dhaca waxa ay kaga duwanaayeen uun dirayska ciidan ee ay soo xidheen. Xaqiiqatan, bililiqadu waxa ay bilaabmatay iyada oo aan la qixinba. Maadaama oo ay dawladdu qaadan jirtay akoonada ay Isaaqu ku leeyihiin bangiyada amaba ay xayiri jirtay, dadku waxay ka caageen inay bangiyada dhigtaan lacagahooda, waxaana ay ku aasan jireen dayrka gurigooda, halka xashiishka la dhigo iyo meelo kale si ay bangiyada ugaga maarmaan, askarta guriga baadhaysana uga qariyaan (bogga, 80aad). Dadku inay bangiyadii Afweyne lacag dhigtaan, waxa ay ka door-bideen inay dhulka ku aastaan oo aboorku cuno ama xashiishka la raaciyo! Xasan Ismaaciil Oomaar ayaa sheegay in mar uu Sucuudiga ka yimid uu dalka soo gaadhay. Wuxuu sheegay in aanu la socon nidaamka dalka ka jira, ka dibna uu walaalkii soo booqday. Saqdii dhexe ayay Sirdoonkii Afweyne soo galeen gurigiisii, ka dib kolkii ay tiriyeen dadkii guriga ku noolaa, waxay ogaadeen in walaalkii ku dheeraad yahay, waana ay xidheen. Xasan wuxuu sheegay inuu ku soo daayay lacag ahayd 5,000 shiling oo u dhigmaysay $833. Warbixintu waxay sheegtay haddii uu qof ku soo martiyayaa uu ku soo hagaago habeen saqdhexe, ka dibna aad weydo tabeellihii, waxaad ku khasbanayd in habeenkaas uu qofkaasi dibadda u hoydo oo aanu gurigaaga soo gelin – aabbahaa ama hooyadaaba ha noqdee. Tabeelluhu wuxuu qoysaska jaarka ah ku qasbi jiray inay isa soo basaasaan, maadaama oo qoyska wax soo basaasa loo ballanqaaday in si gaar ah loo ilaalin doono. Xigasho: Human Rights Watch, A govenment at war with its own people, (Bogga 77aad illaa 81aad) Qore: Maxamed Sharma’arke Sharmaake91@gmail.com Qaran News
  4. NAIROBI (HOL) - Kenya has closed its international border with Somalia following increased import of COVID19 cases. Source: Hiiraan Online
  5. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ee BF ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka 2020/2021-ka. Dalxa oo u warramay Shabele ayaa sheegay in ka golahaan ay ka dalbanayaan guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Yarey) inay cadeyso nooca doorashada, si loogu diyaar garoobo waqtiga yar ee haray. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in baarlamaanka ay la wadaagto warbixinteeda, si loola socda diyaar garowga doorashada 2020/21 oo weli uu muran ka jiro. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/dalxa.mp3 View the full article
  6. Agaasimaha cusub Maxamed Cabdirashiid Cali Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland kadib markii uu is casilay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada. Wareegto Maanta oo Sabtiya kuna beegan 16-May-20 20 ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland loogu magacaabay Maxamed Cabdirashiid Cali. Wareegtada ayaa lagu sheegay in Agaasimaha cusub loo xushay Aqoontiisa, Kartidiisa iyo waaya-aragnimadiisa Shaqo. Magacaabista ayaa timid bil kadib markii uu iscasilay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf oo shaqada ka tegay April 2020. PUNTALND POST The post Agaasime cusub oo loo magacaabay Madaxtooyada Puntland appeared first on Puntland Post.
  7. Dekedda Boosaaso Dowladda Puntland ayaa si rasmiya u mamnuucday soo dejinta, ka ganacsiga iyo isticmaalka Caagadaha mustacmilka ah ee laga keeno dalka dibaddiisa. Qoraal maanta oo Sabtiya ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu mamnuucay soo dejinta, ka ganacsiga iyo isticmaalka Caagadaha mustacmilka ah ee laga keeno dalka dibaddiisa Qoraalka ayaa lagu xusay, in dowladda Puntland ay la wareegi doonto dhammaan caagadaha waaweyn ee dhex yaalla dekedda Boosaaso, islamarkaana ay magdhow ka siin doonto cidda iska leh. Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa amray in laga bilaabo maanta, ganaax sharciga waafaqsan laga qaadi doono markabkii ama doontii Puntland ka soo dejiya caagadaha mustacmalka ah. PUNTLAND POST The post Puntland oo mamnuucday caagadaha mustaqmalka ah appeared first on Puntland Post.
  8. Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa maanta gacanta ku dhigay gaari nooca raaxada ah oo laga soo dhacay dhanka koonfureed magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. War ka soo baxay taliska Booliska Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inay gacanta ku hayaan gaarigaasi, islamarkaana ay xogtiisa ay la soo wadaageen dadka shacabka ah. Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in ha’adaha amniga Puntland iyo Galmudug ay xoojin doonaan wadashaqeynta, si loo xoojiyo amniga magaaladaasi. “Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland waxey ku guuleysteen in ay soo qabtaan Gaarigii Probox-ka ahaa ee laga soo dhacay Galmudug, Taliska Booliska waxeey xoojin doonaan wada shaqeeynta laamaha amniga ee Galmudug iyo Puntland ee Gobolka Mudug” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay taliska ciidanka Booliska Puntland. View the full article
  9. Wajeer (Caasimadda Online) – Dagaal-yahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday saldhigyo ciidan oo ku yaalo gudaha dalkaas. Saldhigyada la weeraray ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwa ay Ciidamada Booliska Kenya ku lahaayeen deegaanka Qorof Xarar ee gobolka Wajeer. Weeraradaas ayaa la rumeysan yahay inay khasaaro kasoo gaartay ciidamada Kenya iyo kuwii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday inkastoo aan weli la helin tirada rasmiga ah. Warbaahinta ku hadasho afka Al-Shabaab ayaa baahisay in weerarkaas khasaaro weyn lagu gaarsiiyey ciidamadii booliska ahaa ee ku sugnaa labada Saldhig ee la weeraray xalay waqti dambe. Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegtay in war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab lagu sheegay in ciidamadoodu ay qabsadeen laba saldhig islamarkaana ay gubeen xarun ay laheyd shirkadda isgaarsiinta Safaricom. Warbaahinta maxalliga Kenya ayaa xaqiijisay weerarkan waxayna sheegtay in weeraro toos ah iyo qaraxyo lagu beegsaday ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Wajeer. Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday weerarada ay ka geysato gudaha dalka Kenya, waxayna sheegtay inay sii wadi doonto inta ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya. Kenya waxaa Soomaaliya ka joogo ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, waxayna inta badan ku sugan yihiin deegaanada Jubbaland, waxayna sheegtay inaysan ciidamadeeda kala bixi doonin Soomaaliya inta laga ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.
  10. Taliyaha Cusub ee Madaxtooyada oo xilka kala wareegay Taliyihii hore Taliyaha Cusub ee Ciidanka Madaxtooyada Puntland G/sare Cismaan Cumar Maxamed, ayaa maanta Sabtiya xilka kala wareegay Taliyihii hore ee Ciidanka Madaxtooyada G/sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf. Munaasibadda xilwareejinta, oo ka dhacday Rugta Ciidamada Madaxtooyada, waxaa ka qeybgalay Taliye ku-xigeenka Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland Sareeye Guuto Axmed Cali Salaad, Ku-simaha Agaasimaha Guud Ahna Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Cabdiweli Timacade, Agaasimaha Hab-maamuuska Madaxtooyada Cabdisalaam Xasan Ducaale, Agaasimaha Maamulka Madaxtooyada Cabdiqaadir Geedi iyo saraakiil kale oo ka tirsan Madaxtooyada. Balse, waxaa dib loo dhigay xil-wareejinta Taliye ku xigeenka Cusub ee Ciidanka Madaxtooyada G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali, oo xilka kala wareegi lahaa G/sare Cabdiqani Maxamed Xarbi, kadib Khilaaf ba’an oo ka dhex aloosmay Madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan, kaas oo salka ku haya Magacaabista Taliye ku xigeenka cusub ee Madaxtooyada. Mudane Axmed Karaash, ayaa dikreeto uu soo saaray ku sheegay in Magacaabista Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka Madaxtooyada aan midkoodna lagala tashan, isagoo ku amray Taliye ku xigeenkii Hore ee Madaxtooyada in uusan wareejin xilkaasi, balse shaqadiisa sii wato. PUNTLAND POST The post Taliyaha Cusub ee Ciidanka Madaxtooyada Puntland oo xilka la wareegay iyo ku xigeenkiisi oo laga reebay appeared first on Puntland Post.
  11. Cismaan Cumar Maxamed Taliyaha ciidanka Madaxtooyada iyo ku xigeennkiisa G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali ayaa maanta si rasmi ah ula Wareegay Shaqadooda. Masuuliyiintaan oo ah Saraakiil [...] Source
  12. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-16052020.mp3 View the full article
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa mar kale isku dayeysa in dib loo dhigo dhageysiga kiiska badda Soomaaliya ee hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ), sida ku cad dokumentiyo cusub oo ay dirtay. Arrintan ayaa khilaaf hor leh ka dhex-abuurtay labada dal, ayada oo Soomaaliya ay si xooggan uga hor-timid damaca cusub ee Kenya ay uga baxsaneyso inay cadaaladda wajahdo. Mahdi oo u waramay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa sharaxaad ka bixiyey sababta ay uga soo horjeesteen dalabka ka yimid Kenya, isagoona difaacay mowqifkooda. “Waa run in dunida cudurkaasi uu ka dilaacay oo maqal furan oo maxkamadda gudaheeda ahi aanay dhici karaynin, isu socodkii aanu jirin oo duulimaadyadii lagu tegi lahaa Hague aanay jirin oonay shaqaynayn oo dal walba albaabadu u xiranyihiin. Hase yeeshee maxkamaddu waxay soo saartay in shaqadeedii ay wadi doonto habka maqalka iyo muuqaalka ahna ay dacwadaha ku dhegaysan doonto,” ayuu ku daray. Sidda laga soo xigtay Guuleed, waxaa jira kiisas dhowr ah oo ICJ ay ku dhageysatay habka fogaan aragga ah ee dunida wada isticmaasho hadda. “Horta mar walba waa jirtay in meel ka baxsan maxkamada ama ha noqoto African Union ama IGAD ha noqoto in rabitaanka Kenya uu ahaa in meel ka baxsan lagu qaado ama lagu dhegaysto sifo diblomaasiya, anagu se waxaanu aaminsanahay in ay tahay arintaas in la soo af-jaro maxkamadda gacanta ku haysaana ay ka garnaqo,” ayuu hadalkiisu ku daray. Ra’ilwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin dhameystiran ka bixiyo cadaadista ay Dowladda Soomaaliya sheegtay inay saareyso dhigeeda Kenya. Gal-dacwadeedka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo bilowday bishii August ee sanadkii 2014-kii, waxaana dhinacyadda ay isku hayaan goob hodan ku ah kheyraad oo ku taala xadka labadda wadan. Maxkamadda ayaa la filayaa in maalmaha soo socda shaaciso go’aankeeda ku aaddan in kiiska uu ku dhacayo waqtigiisa iyo in kale, kaasi oo ah 8-da ilaa 12-ka Bisha June. Maxkamadda ICJ ayaa 5-tii September ee 2019-kii ogolaatay codsi ka yimid Kenya oo ahaa in dib loo dhigo kiiska, waxaana xilligaas ay ballan-qaaday inaan mar kale kiiska dib loo dhigi doonin.
  14. Ilaa 200 oo ruux oo isugu jira haween iyo rag ayaa kafa’ideestay deeq gargaar lacageed oo maanta Hormuud Foundation iyo Salaam Bank ay gaarsiiyeen dad danyar ah iyo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba oo laga soo dhex xulay kaamam ku yaala magaalada Muqdisho Munaasabad lagu qeybinayay deeqda oo ka dhacday xarunta Dhalinyarada gobolka Banaadir oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka iyo haweenka gobolka Banaadir ayna goobjoog ka ahayeen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugu horeyn waxaa daahfuray Rowda Xaashi Yuusuf oo ah xubin katirsan Wasaarada Hameenka. Gudoomiyaha dhalinyarada gobolka Banaadir Abdi Kaafi Maxamuud Makaran iyo gudoomiyaha ururka haweenka gobolka banaadir Jawaahir Baarqab iyo Xildhibaanad Caasha Koos oo iyaguna goobta kahadlay ayaa ku amaanay Hormuud Foundation iyo Salaam Bak dowrka ay uga jiraan bulshada iyaga oo uga mahadceliyay sida mar waliba ay caawinaada ula garabtaaganyihiin dadka danta yar. Madaxa Hormuud foundation Cabdullahi Nuur Cusmaan oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijkan uu qeyb ka yahay barnaamij taxane ah oo ay soo wadeen Hormuud foundation iyo Salaam bank taasi oo ay ku caawinayeen dadka danta yar maadama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan isagoo ugu baaqay shacabiga Soomaaliyeed in ay iscaawiyaan. Dadkii ka faa’ideystay deeqda ayaa dhinocooda ka mahadceliyay gargaarka maanta ay soo gaarsiiyeen Hormuud foundation iyo Salaam bank iyagoo sheegay in wax badan nolooshooda ay katari doonto xiligii ay u baahnaayeena ay kusoo aaday maadaama lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan. HOOS KA DAAWO SAWIRADA: View the full article
  15. Rwandan genocide suspect Felicien Kabuga, who is accused of funding militias that massacred about 800,000 people, was arrested on Saturday near Paris after 25 years on the run, the French justice ministry said. Source: Hiiraan Online
  16. Wanlaweyn (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Magaalada Wanwaleyn ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya inay halkaas ka jirto cabsi ku aadan inuu mar kale dagaal Beeleed ku dhexmaro laba Beelood oo dhawaan halkaas ku dagaalamay. Cabsida ayaa timid kadib markii labada dhinac ay bilaabeen hub aruursi, waxayna labada ciidan kala joogaan labada dhinac ee Magaalada Wanlaweyn. Dadweynaha ku dhaqan gudaha Magaalada ayaa bilaabay inay isaga barakaceen si ay dhibaato uga soo gaarin dhinacyada dagaalka isku diyaarinayo. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee dagaalka uga daran ay tahay in kooxaha dagaalamayo ay dadka shacabka ah guryaha ugu galayaan isla markaasna ay u dilayaan aano qabiil. Labadaan Beel ayaa bil ka hor ku dagaalamay halkaas, waxaana dagaalkooda ku dhintay 10 qof oo u badnaa Dad Shacab ah iyadoo ay xusid mudan tahay in dadka qaar la gubay. Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo dhawaan halkaas tagtay ayaa sheegtay inay dib u heshiisiin dhex dhigtay labada dhinac ee dagaalamay, waxayna ugu hanjabtay ciddii mar kale dagaal bilowdo inay la tiigsan doonto sharciga balse waxaa muuqato in amarkii maxkamadda uusan fulin.
  17. The Somali government announced its rejection of any delay of the Somali-Kenya maritime dispute case at the International Criminal Court (ICJ) following request by the Kenyan government to postpone the hearing on the case before the International Court of Justice (ICJ)). The hearing was scheduled to take place in early June, but Kenya has asked the court to postpone it for an undisclosed date. Kenya has used the global spread of Coronavirus as an excuse, saying it has had a strong impact on the lawyers representing them in the case, saying it was impossible for them to prepare. The Kenyan government also pointed to the financial difficulties the world is going through, due to COVID-19 as a hindrance. In a statement, the federal government of Somalia dismissed the claims saying the court process can be conducted online. Mogadishu further accused its neighboring of trying to solve the dispute outside the court for avoiding presence in the court through delays three times before. “Our stand is not to delay the case one day and that is what we have told the court,” Deputy Prime Minister, Mahdi Mohamed Guled said, adding, “The process should continue via video or audio conference.” The ICJ on September 5th, 2019, granted a Kenyan request to postpone the case, and at that time, the court pledged it would not postpone the proceedings again. The court is expected to announce its decision in the coming days whether or not the case will be heard on its scheduled date of June 8 to 12, 2020. Both countries claim ownership of an area, almost 150,000 square kilometers (57,915 square miles) off the Indian Ocean coastline, said to be rich with oil, gas and tuna fish. In 2014, Somalia’s government went to court to challenge a 2009 agreement that set its maritime border along latitudinal lines extending 450 nautical miles into the Indian Ocean.
  18. Waxaa maalmihii u dambeeyey soo shaac baxayay inuu jiro khilaaf ku aadan wada shaqaynta ka dhaxaysa Madaxda ugu sareeyay Dowlada Federaalka iyo Wakiilada Beesha Caalamka [...] Source
  19. Hargeisa (HOL) - A plane carrying emergency COVID-19 supplies sent from Qatar has landed at Egal International Airport on Saturday morning. Source: Hiiraan Online