Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ninkii safray ilaa 400 kiiloomiitar ee dhibaatada u horseeday Ra’iisul wasaare Boris Johnson Ra’iisul wasaaraha Britain, Boris Johnson, ayaa hadda bartamaha u galay qalalaase siyaasadeed kaddib markii uu soo ifbaxday war sheegaya in la taliyihiisa uu ku safray gudaha dalkaas. Wuxuu jaray masaafo gaareysa ilaa 400 Kiiloomiitar iyadoo ay la socdeen xaaskiisa iyo canug uu dhalay xilli UK looga dhawaaqay xayiraadda looga hortaggayo fiditaanka feyraska Korona. Dominic Cummings waa la taliyaha ra’iisul wasaaraha UK, wuxuu Isniintii sheegay “in dhaqan macquul ah uu sameeyay” markii uu booqasho ku tegay deegaanka Durham oo ku yaalla waqooyi bari England si uu usoo eego hanti ay leeyihiin waalidiintiisa. Xilliggaas waxaa la socday xaaskiisa oo xannuunsan. Cummings wuxuu sheegay in xaaskiisa iyo isagaba “ay wajahayeen xaalad adag” oo ku saabsan daryeelka canugooda. Ra’iisul wasaare Boris Johnson wuxuu taageero u muujiyay taliyihiisa siyaasadda oo uu sheegay in sharciga uu u hoggaansamay markii uu safrayay isla maarkaana uu raacay talooyinka caafimaad ee looga hortaggayo cudurka. “Waxaan ogahay in malaayin qof ay la xannuunsan yihiin cudurka halka kumananaan qof ay u dhinteen,” ayuu yiri Cummings. Xilli cadaadis uu saaran yahay Cummings si uu sharraxaad uu ugu bixiyo sababta uu ugu safaray gudaha dalka iyadoo Britain lagu soo rogay bandow looga hortaggayo faafidda Korona, balse wax raalligelin ah kama uusan bixin dhacdadaas, wuxuu sidoo kale sheegay in uusan ka qotrsheyneynin in uu iscasilo. Jahwareer Inkasta oo tirada dadka u dhintay cudurka ay sare u kacday gudaha Yurub, dowladda UK waxay heleysay taageero xooggan oo ku aadan xaaladdan. Xilli dhibaatada cudurka ay saameyn ba’an ku reebtay UK, dadka waxay ku tiirsan yihiin dowladda marka ay timaaddo helidda wararka ka farxinayo. Sida ku xusan aragti dadweynaha waxay muujineysa in taageerada loo hayo Ra’iisul wasaare Boris Johnson iyo dowladdiisa ay sare u kacday. Ra’iisul wasaare Boris Johnson wuxuu wajahaya culeyskii siyaasadeed ee ugu weynaa tan iyo markii uu xilka qabtay Balse waxaa sidoo kale jira qalalaase siyaasadeed ka hor inta aanan la soo afjarin dhibataadan haatan soo wajahday la taliyihiisa Dominic Cummings. Britain waxay weli wadaa dadaallo looga hortagayo cudurka Covid-19 marka la barbardhigo dalalka kale ee Yurub, waxay shaqaalaha caafimaadka siineysay qalabka ay kaga gaashaantaan cudurka iyo sidoo kale waxay wadaa howlaha baaritaanada cudurka oo si guud ah. Waa kuma Dominic Cummings Dominic Cummings waa ninka ugu muhisan siyaasadda Britain. Inkasta oo aan lasoo dooran, Cummings waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay maskaxdii ka dambeysay ololihii Britain ay kaga baxday Midowga Yurub iyo guushii uu doorashada ka gaaray Ra’iisul wasaare Johnson. Haatan, waa la taliyaha ra’iisul wasaaraha Britain. Inta badan khudbadaha waaweyn waxaa soo diyaarsada ra’iisul wasaaraha balse fikradaha waxay ka yimaadaan Mr Cummings. Waa ninkan haya howl saameyn weyn ku leh dalkaas, waana sababta haatan loogu dhagan yahay, xilli la taliyeyaasha kale ee dowladda aanan howshooda war laga heyn. Maxaa lagu heystaa? Cummings wuxuu kamid ahaa saraakiishii dowladda ee udub dhaxaadka u ahaa dhaqangelinta xaayiradda lagu xakameynayo fiditaanka feyraska. Xayiraadda waxay dhaqan gashay 23-dii bishii Maarso, wuxuu qeexayay in qof kasta oo laga helo xannuunka ama qof ka mid ah qoyska laga helo waa inay guryaha joogaan. Dominic Cummings kama uusan hadlin arrintani. Dominic waxaa la sheegay in uu safray ilaa 400 kiiloomiitar , wuxuu baabuurka ku waday xaaskiisa oo cudurka la xannuunsaneyd iyo canugiisa oo 4 jir ah, wuxuuna tagay guri ay leyhiin waalidiintiisa. Dominic Cummings Wuxuu ku anddacooday in taageero uu ka helay ra’iisul wasaare Johnson, waxay arrintani muujineysaa sida uu uga walaacsanaa xaaladda caafimaad ee canugiisa. Balse aragtida guud, sida ay qabaan siyaasiyiinta qaar, waxay sheegayaan in ficilada uu sameeyay Cummings aysan kasoo horjeedin sharciga balse uu jebiyay xayiraadda xilli dad badan lagu qasbay in guryahooda ay joogaan. Qaran News
  2. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha BF Soomaaliya ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo hadalkii ka soo yeeray wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Amb. Francisco Madeira ee ahaa in Jubbaland ay ku heshiisay hal beel. Jeesow ayaa sidoo kale si adag uga horyimid hadalkii shalay ee ay madaxda Jubbaland ku dalbadeen in guud ahaan dalka looga eryo, Amb. Madeira Sidoo kale xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in madaxda ugu sarreysa Jubbaland ay dhibaato ka wadaan maamulkaasi, isagoona ku baaqay in la soo xiro. Halkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay Jubbaland si weyn u cambaareysay khudbaddii uu golaha ammaanka ee QM ka jeediyey ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya. View the full article
  3. (SLT-Hargeysa)-Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyay dalka Imaaraadka Carabta Axmed Yaasiin Hirad, ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan dawladda Imaaraadku u hanjabeen, ka dib markii uu dawladda Imaaraadka ku eedeeyay in aanay fulin ballanqaadyada mashaariic ay sheegtay in ay ka fulin doonto Somaliland. Hase ahaatee xukuumadda Somaliland ayaa arrintaasi raalligelin ka bixisay, iyadoo sheegtay in aanu wakiilka hore ku matalin eedahaasi uu u jeediyay dawladda UAE. Dhaliilaha uu wakiilkan hore u jeediyay dawladda UAE ayaa waxaa ka mid ahaa mashruucii xunbo-weyne ee fashilmay, kaasi oo ay hore u ballan-qaaday dawladda Imaaraadku. Source
  4. Tripoli (Caasimada Online) – In ka badan 1000 calooshood u shaqaysteyaal ah oo u dhashay Ruushka iyo Suuriya ayaa dib uga baxay furinta hore ee dagaalka ka socda caasimadda Libya, sida ay werisay warbaahinta Bloomberg. Calooshood u shaqayteyaasha shisheeye ee ka bar-bar dagaalamayay dagaal-ooge Khaliifa Xaftar waxay dib ugu gurteen bartamaha Libya kadib markii faro-gelinta militari ee Turkiga ay Dowladda Caalamku aqoonsanyahay ka caawisay in ay horumarro sameeyaan todobaadyadii dhowaa, waxayna la wareegeen saldhigga muhiimka ah ee ciidamada cirka ee al-Watiya. Tirada guud ee xoogga ka barbar dagaalamaya Khaliifa Xaftar lama oga lakiin warbixinno hore waxay muujiyeen in kumanaan ay ka barbar dagaalamayaan labada dhinac ee colaadda Libya. “Diyaarad militari oo nooceedu yahay Antonov 32 ayaa soo cago dhigatay garoonka diyaaradaha Bani Walid, si ay u u billaabaan daad gureynta calooshood u shaqeystayaasha kooxda Wagner Group, oo ka cararay koonfurta Tripoli, una qaaday goob aan la aqoon,” waxaa sidaas twitter-ka ku qoray ciidamada taageersan dowladda. Bishii tagtay, werbixin loo diray Golaha Ammaanka, ayaa khuburada QM waxay ku taageereen warbixino warbaahinta Mareykanka ay ku sheegeen in kooxda Wagner, oo ah urur leh ciidamo sida mlitariga u tababaran, kuna dhow madaxweyne Vladimir Putin ay dagaal-yahano taageeera Khalifa Haftar u direen Libya. Ku dhawaad 1,500 calooshood u shaqaysteyaal Ruushka iyo Suuriya u dhashay ayaa gaaray deegaanka Bani Walid oo 180km u jira magaaladda caasimadda ah waxayna kasoo duuleen garoonka diyaaradaha ee Juffra oo ay heystaan xoogagga Khaliifa Xaftar. Calooshood u shaqaysteyaashu weli waa ay ku qul-qulayaan Bani Walid. Duqa magaaladda Salem Alaywan ayaa sheegay in ay doonayaan in ay dhex-dhexaad ka noqdaan dagaalka ismarkaana ay diidanyihiin joogitaanka ciidanka shisheeye. Lama oga sababta ay ciidankaasi uga baxeen furinta dagaalka kadib markii uu Xaftar uu cusbooneysiiyay baaqiisa ah in lala dagaalamo ciidanka Turkiga ee caawinaya Dowladda Caalamku aqoonsanyahay. Sidoo kale sabtigii, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Telefonka kula hadlay madaxweyne Erdogan waxaana uu ka dalbaday in colaadda deg-deg loo damiyo. Wada-hadalka labada hoggaamiye waxaa uu yimid kadib markii ciidanka Xaftar laga saaray garoonkii keliya ciidanka cirka iyo magaalooyin muhiim ah. Falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in dagaalka ay ciidanka Libya soo cubooneysiiyeen uu labada dhinacba u suurta gelin karo in ay dib u bilaabaan wada xaajoodkii xabad joojinta. Dadaaladda caalamiga ah ee la doonayay in lagu joojiyo colaadda Libya ayaa guul dareystay sanadkan horraantisii.
  5. In the early hours of Monday, May 25, 2020, Jubaland Security Forces beat back Al-Shabaab militants who attacked their base and training center in Dhobley. Al-Shabaab lost several men and a range of weapons were left behind as they hastily retreated in defeat. About 20 Al-Shabaab terrorists attacked the base using rocket-propelled grenades and assault rifles but found formidable resistance in the Jubaland forces who stood their ground and defended their position. The terrorists were driven back when a team from the African Union Mission in Somalia (AMISOM) quickly arrived to reinforce the Jubaland Forces. “We dispatched our Quick Reaction Forces to support Jubaland forces who had come under attack from the terrorists. They were no match, quickly they pulled back and fled, but not before our forces had inflicted serious damage on them. Al-Shabaab suffered significant losses with several of their fighters dead and injured. Only one Jubaland soldier sustained light injuries. He was treated at the AMISOM Level II Hospital in Dhobley and has since been discharged,” said Brigadier Paul Njema, AMISOM Sector 2 Commander. AMISOM sector 2 is based in the southern border town of Dhobley in Jubaland State of Somalia and is manned by Kenya Defence Forces. Under the Somalia Transition Plan (STP), AMISOM and the Somali Security Forces conduct several joint operations as part of the efforts to disrupt and degrade terrorist and armed groups. Just this year, AMISOM and Somali Security Forces have registered significant security gains, which have degraded and disrupted Al-Shabaab’s operational capabilities across Somalia. On 16th March, under “Operation Badbaado” Al-Shabaab was dislodged from the bridge town of Janaale in Lower Shabelle. The recovery of Janaale was a serious blow to Al-Shabaab, as the town was a strategic stronghold for the group’s operations in Lower Shabelle and Mogadishu. Janale was also a hub for manufacturing VBIEDs and IEDs. Beyond Janale, targeted operations by AMISOM and Somali Security Forces in Bula Xaaji on 20th March destroyed the terrorist group’s positions and considerably reduced their capabilities. On 15th April, AMISOM forces together with Jubaland security forces repelled a late-night attack on Bilis Qooqani town, killing and arresting several Al-Shabaab terrorists in the process. View the full article
  6. Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Abuukar ayaa maanta gaaray magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Wafdigaan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa, Senator Xuseen Cali Xaaji oo ka tirsan golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya iyo xubno kale. Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Sh/Hoose, Ibraahim Najax iyo guddoomiyaha degmada Marka C/laahi Waafow ayaa xubnahaasi ku soo dhoweeyey halkaasi Soo dhoweyn kadib mas’uuliyiintaan ayaa waxa ay ka dhagax dhigeen xarunta maamulka gobolka ee magaaladaasi, taas oo dhowaan dib u dhis lagu sameyn doono. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
  7. Somali army chief General Odowa Yusuf Rage has paid a visit to a key military base in central town amid preparation for a final push against Al-Shabaab militants in the country. Rage accompanied by top army generals met with soldiers stationed in the base camp in Abduwak town, the second leg of a tour to armed forces operating in Galgadud region. SNA forces have been battling Al-Shabaab for nearly a decade with the help of AU troops serving under the umbrella of AMISOM, taking strategic towns from the militant group. Despite losing ground, Al-Shabaab still holds key areas in the country and capable of staging car bombs and direct gun attacks in the country, mainly in Mogadishu. View the full article
  8. Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la dhaafay ku dhowaad 5 qof oo looga shakiyey cudurka faafa ee Coronavirus ay ku dhinteen gudaha magaalada Cadaado oo ka tirsan gobolkaasi. Madaxa caafimaadka isbitaalka magaaladaasi, Cabdi Xasan Cali oo u warramay Shabelle ayaa sheegay in dadka ay diiwaan-geliyeen ee dhintay ay gaarayaan illaa 4 ruux. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay haatan xireen qeybta gurmadka deg-dega ah ee isbitaalka oo lagu qaabilay dadkaasi looga shakiyey inay u geeriyoodeen Covid-19. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/cc-1.mp3 View the full article
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya Nocolas Berlanga ayaa durba ka falceliyey dib u dhaca ku yimid waqtiga guddiga doorashooyinka qaranb ay hortagi lahaayeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu walaac xoog leh kaga muujiyey waqtiga cusub ee loo asteeyey guddiga doorashooyinka Qaranka. Nocolas Berlanga ayaa su’aal geliyey suurta-galnimada in waqtiga cusub ee loo qabtay guddiga doorashooyinka inay ku hor-yimaadeen baarlamaanka lagu shaaciyo doorasho waqtigeeda dhacdo. “Midowga Yurub wuxuu walaac ka muujinayaa suurta-galnimada cawaaqibka waqtiga cusub ee loo qabtay in guddiga doorashooyinka uu ku horyimaado baarlamanka inay ka dhallan karto doorasho waqtigeeda ku dhacdo,” ayuu yiri. The EU in Somalia expresses concern at any possible repercussion the new date of NIEC’s appearance before Parliament may have on timely elections pic.twitter.com/qgk773ZBU5 — Nicolas Berlanga (@NBerlangaEU) May 26, 2020 Hadalka kasoo yeeray Midowga Yurub ayaa kusoo aadayo xilli Guddiyada joogtada ah ay go’aamiyey in Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran (GMDQ) Xaliima Ismaaciil (Xaliima Yarey) ay baarlamanka hor-timaado 27-ka June, kana horjeediso warbixinta ku saabsan doorashada dalka, xilliga ay dhaceyso iyo nooca ay noqoneyso. Warbixinta guddiga doorashooyinka ayaa markii hore qorshuhu ahaa in lasoo gudbiyo 27-ka bishan May, taas oo macanaheedu yahay in hadda dib looga dhacayo muddo bil. Go’aankan ayaa si cad u jebinaya qodobada 13-aad iyo 53-aad ee xeerka doorashooyinka. Halkan ka aqriso warbixintaas.
  10. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-26052020.mp3 View the full article
  11. In the early hours of Monday, May 25, 2020, Jubaland Security Forces beat back Al-Shabaab militants who attacked their base and training center in Dhobley. Al-Shabaab lost several men and a range of weapons were left behind as they hastily retreated in defeat. Source: Hiiraan Online
  12. Nicolas Berlanga, Safiirka Wadamada Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya ayaa muujiyey inuu wali qabo in ay jiraan Dad ku fakaraya in sku dayasn in ay [...] The post Midowga Yurub oo mar kale Walaac ka muujiyey in la isku dayo in Doorashada Soomaaliya dib loo dhigo appeared first on . Source
  13. (SLT-Khartoum)-Dawladda Suudaan ayaa la wareegtay Hanti dhan 4 Bilyan oo Dollarka Maraykanka ah oo uu lahaa Madaxweynihii xukunka Suudaan laga tuuray, Cumar Xasan Al-bashiir. Sidaana waxa shaaciyey Guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa ee Suudaan, sida uu Wargeyska The National oo ka soo baxa Dalka Imaaraadka Carabta. Muddo dheer oo uu xukunka Suudaan hayey Cumar Xasan Al-bashiir, waxa xukunka laga tuuray Sannadkii hore, 2019, waxaana illaa xilligaa dalku sameeyay isbeddelo ay ka mid tahay in la hirgeliyo Nidaamka dimuqraadiga ah, waxaana xukunka gacanta ku haya Ciidammada iyo Raysal-wasaare Rayid ah, Abdullah Hamdok, kuwaasi oo heshiis wada gaadhay. Waaxda la dagaalanka Musuqmaasuqa Suudaan ayaa sheegtay inay la wareegtay Hanti ku jirtay Shirkado Saamilay ah, kuwaasi oo Hantida uu Madaxweynaha xilka laga tuuray geliyey dhan tahay inta u dhaxaysa $3.5 billion illlaa $4 billion, sida uu sheegayo Salah Manaa oo ah Afhayeen u hadlay Waaxda la dagaalanka Musuqmaasuqa ee Suudaan. Lacagahan ayaa lagu ogaaday baadhitaano uu sameeyay Guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqu, waxayna Hantidaasi isugu jirtaa Lacag lagu Maalgeliyey shirkado badan, dhismayaal iyo Hanti kale oo ma guurto ah, taasi oo marka la isku wada geeyo noqonaysa 4 Billion oo dollar. Source
  14. Burundi’s election commission declared ruling party candidate Evariste Ndayishimiye the winner of the country’s presidential election. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyey Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan hadalkii ka dhanka ahaa Jubbaland ee ka soo yeeray wakiilka Midowga Afrika, Amb. Francisco Madeira. War qoraal ah oo uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay safiirkii hore ee Turkiga u joogay Soomaaliya Amb. Kani Torun ayaa wuxuu uga hadlay arrintaasi, isaga oo ugu baaqay ururka Midowga Afrika in uusan faro-gelin siyaasadda gudaha ee dalka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in Midowga Afrika looga baahan yahay inuu dhex-dhexaad ka noqdo dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya. “Midowga Afrika waa in uusan faragelin siyaasada gudaha ee Soomaaliya, Midowga Afrika waa inay dhex dhexaad ka noqdaan kooxaha siyaasadda haddii kale waxay wiiqi doontaa xasilloonida jilicsan.” ayuuu qoraalkiisa ku yirid Danjire Kani Torun. Tan iyo markii uu Madeira khudbad ka hor jeediyey golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu la kulmayey dhaleeceyn xoogan, kadib markii uu shaaciyey in uu Madaxweyne Axmed Madoobe heshiis la gaaray kaliya mucaaradka Ogaadeen. Hadalkaan ayaa sidoo kale ku soo aadaya, iyadoo shalay dowlad goboleedka Jubbaland ay si weyn u cambaareysay ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Amb. Francisco Madeira, islamarkaana sheegtay inay dhowaan ku furi doonto gal-dacwadeed.
  16. Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro) ayaa ka hadlay Xaaladda Somaliland ee xilligan, sida hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Tayada Golaha Wasiirrada, Dhaqaalaha, dhulka iyo arrimo kale oo Dalka ka jira. Sheekha oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Dalku ku jiro Xaalad dhaqaale xumo, taasi oo sababtay in baahidu ku baahdo dadka gudihiisa, taasna ay sababto in Dadku ka rejo dhigaan Dalkooda Somaliland. Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan doonayaa inaan kalmado kooban u sheego naftayga, kuwa Maanta Ummadda hoggaaminaya iyo inta Caqliga iyo Cilmiga iyo Aragtida leh, Waayo? Ilaahay baa wuxuu Qur’aankiisa ku leeyahay Waani, waanadu waxay anfacdaa Dadka Muuminiinta ahe.” Sheekh Aadan-Siiro wuxuu sheegay inuu khaldamay Fahamka Madaxnimadu “Waxa inaga khaldamay Fahamkii Madaxnimada, Qofku inuu Madax noqdo, Qaabka uu ku noqonayo iyo qaabka uu u fahmayo ayaa innaga khaldan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in aan loo baahnayn in Dedaalkii la soo galay Somaliland in laga dhigo wax aan macno lahayn “Walaalayaal, waad ogtihiin Dalkan wixii ka soo dhacay, weliba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxaan leeyahay waad u soo taagnayd wixii meeshan ka dhacay, leelkii ay Dadku soo mareen, 800 Sanadood wixii aynu soo tacabnay ayaa la daa’diyey, markaa la innaga yeeli maayo, suurto-galna maaha in halgankii ay Ummaddani soo gashay ee aad Adigu (Madaxweyne) ka mid ahayd Dadkii halganka soo galay inay u muuqato Dad Ciyaarayey oo aan danayneyn.”Sheekhu wuxuu tilmaamay in Dastuurku uu wax kasta oo Dalka ka dhaca uu Masuuliyaddeeda hoos geeyay Madaxweynaha “Dastuurkeena yar ee aynu samaysanay, waxa inoo sameeyay Allaah ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Dastuurkeena waxa ugu awood badan Arrin kasta Madaxweynaha ayuu ku dhamaanayaa, markaa wax alaale iyo waxa Maanta khaldan, waxa Allaale iyo waxa Maanta leexsan meel uu Madaxweynuhu kaga baxayaa ma jirto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Madaxnimadu waa in Dadka loo Caddaalad-falo, Dadka in la ururiyo, Qof walba in xaqiisa la siiyo.” Sheekh Aadan wuxuu sheegay in Islaamku diiday keli-talisnimada “Islaamku wuxuu la dagaalamay Kali-talisnimada..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Madaxweynaha waxaanu leenahay Waar Dadka ururi, Dadka Aqoonta leh ururi, Waar Qiimahooda ilaali, Waar dalkani wuxuu dal ku noqonayaa in Dadka Aqoontooda laga faa’idaysto.” Sheekhu waxa kale oo uu sheeyay in Toosinta Madaxdu ay guul horseeddo “Toosinta Madaxda la toosinayo, oo lagu hoggaaminayo Dariiqa Saxda ah, waa waxyaabihii ay Muslimiintu ku guulaysteen. Waxyaabihii ay Muslimiintu ku guulaysteen, Maantana aynu ku guulaysan karno haddii la raaco, waxa ka mid ahaa waa Wada Tashi. Madaxweyne, Ilaahay baa meesha ku saaray, in badan baad soo tacabtay, inaad Maanta tidhaahdo Cid lama tashanayo, oo aad aqoonyahankii fogayso, kuwii kartida lahaa aad fogayso, oo kuwii Dalkan wax ka dhigi lahaa aad dibedda u tuurto, oo aad urursato Dad aan kula hadlayn oo aan waxba kuu sheegayn, taasi waa Dadka iyo dalkuba ku baaba’ay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Waxaanu kugula talinaynaa oo aanu kuu sheegaynaa Munaasibadda Ciidda darteed waar Gole Wasiirro oo wax kuu sheegi kara oo ku tilmaami kara oo Kartidooda iyo Daacadnimadooda leh (xulo), imisa Aqoonyahan ayay leenahay oo gudo iyo dibedba (Jooga) oo haddii dalka ka dhisayo aan lacag kaa doonayn. Madaxweynaha waxaanu leenahay Dadka la tasho, waar Golaha Wasiirrada ee Maanta jooga wax ka beddel, sidan waxba inooguma shaqaynayaan ayaanu Madaxweynaha leenahay, waxyaabaha Maanta loo baahan yahay waxa ka mid ah in Dadka la ururriyo, Rasuulku (CSW) wuxuu yidhi ‘Hoggaamiyaha mu’minka ahi waaka Dadka ururiya’ ee lagu soo ururo, khayrna malaha mid aan Dadka ururin, waa labada Sifo ee Amiirku leeyahay.” Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey, waxa kale oo uu Shirkiisa Jaraa’id ku sheegay “Madaxweyne, waxaanu ku leenahay Dadkii way soo ooteen, waa lagu bakhtiyayaa Dalka, dhaqaalaha furfur, Dawladdii kaa horraysay dhaqaaluhu wuu wareegayey, Dadku Rejo ayay ku noolaayeen, waxbaa la kala iibsanayey, waxay ahaayeen Dad wada tashanaya, waxay ahaayeen Dad waxa yar ee dalku leeyahay laba meelood Dalka ku celiya, meesha ay qaataana dalka dib wax ugu celiya ayay ahaayeen, laakiin Maanta wixiiba Madaxweyne Adiga ayay ku urureen. Hantida Ummadda leh, waxaana laga qaadaa Islaantaa indhaha la’ iyo kuwii Sandaqadaha ku jira ee Maalin walba laga duminayo iyagoon Talo loo keenin.” Sheekhu wuxuu soo jeediyey in wax laga qabto khalkhal uu sheegay inuu ka jiro dhaqaalaha Somaliland “Madaxweyne, Nidaamkii dhaqaalaha ee dalku khalkhal buu ku jiraa, haddii baahidu badatana nabadgalyada ayay waxyeelaysaa, haddii baahidu badato guryaha ayaa la isugu soo daadan doonaa, waayo? Qofna noolaan maayo, qofna Bakhtiyi maayo.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxyaabaha Amni-xumada keena ayay ka mid tahay dhaqaaluhu marka uu xumaado, rejadiina ay Shacabka ka lunto, Madaxweyne markii intii aan joogtay ay Rejadii yaraatay waxay keentay in loo hanqal taago Xamar oo la isku cunayo oo Maalin walba Qarax ka dhacayo.” Ugu dambayn, Sheekhu wuxuu Madaxweynaha u soo jeediyey inuu wax ka qabto arrimaha dhulka, isagoo xusay in dhulkii danta guud la boobay “Madaxweyne waxaanu kugula talinaynaa inaad arrintaa dhulkana wax ka qabato oo aad Adigu isku bilowdo..”ayuu yidhi. Geeska Qaran News
  17. Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha guutada 22-aad ee qaybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim ayaa ka warbixiyey weeraro ka dhan ah Al-Shabaab oo ay ka fuliyeen gobolka Hiiraan. Taliyaha ayaa sheegay in weerarada oo ahaa kuwa qorsheysan ay ku qaadeen saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen inta u dhexeysa degmooyinka Buula-Burde iyo Jalalaqsi. Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim oo u warramayey warbaahinta ayaa tilmaamay in howlgalladaasi ay ku dileen illaa 7 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hub iyo gaadiid ay ka soo furteen saldhigyada ay weerareen, sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi ay guulaha ka sheegteen saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay kordhiyeen howlgallada ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.
  18. Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa dagaal saaka dhexmaray ciidamo kala taabacsan guddoomiyaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir iyo guddoomiyaha degaanka Garasbaalley kaasi oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh. Dagaalka oo ka dhacay bar-kantarool oo ku yaalla duleedka degmada Dayniile ayaa la sheegay in uu salka ku hayay dhul ay labada degaan isku hayaan oo lagu magacaabo Jabad-geelle. Ugu yaraan saddex askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen dagaalkaas halka afar kalena ay ku dhaawacmeen sida laga soo xigtay goob-joogayaal. Dagaalka ayaa la soo weriyay in uu markii dambe si iskiis ah u istaagay kadib saacado uu halkaasi ka socday balse xiisaddii labada dhinac ayaa weli aloosan PUNTLAND POST The post Dagaal dhex maray Ciidamo kala taabacsan Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
  19. Laba Qof oo cusub ayaa Xanuunka Coronavirus ugu Geeriyooday Somaliland, taasoo tirada Dadka Xanuunkaa ugu Geeriyooday Gudaha Somaliland ka dhigaysa 17 Qof. Sidoo kale, waxa xanuunka laga helay 14 Qof oo cusub, taasina waxay tirada Dadka gudaha Somaliland ku sugan ee Xanuunka qaba ka dhigaysaa 217 Qof. Sidaa waxa Goor dhawayd Shaaciyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo War-bixinta Maalinlaha ah ee Xanuunka Coronavirus la wadaagay Warbaahinta. Labada Qof ee Xanuunka u dhintay ayaa ku kala sugan Magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama, sida Agaasimuhu sheegay. Qaran News
  20. Dr Maxamuud Maxamed Culusoow oo soo saaray qaoraal dheer ayaa waxa uu uga hadlay musuqa ka dhalan kara doorashada dalka ku soo wajahan ee sanadka 20201 la filay inay qabsoomto waxaana sidoo kale qoraalkan uu Dr Culusoow uga hadli doonaa arrimo ay midyihiin saamileyda siyaasadda, labada gole ee baarlamaanka iyo garsoorka. Haddaba halkan ka akhriso qoraalka uu soo saaray Dr Culusoow Mas’uuliyadda diyaarinta doorashada waxay martaa 3 jaranjaro: kow, waa in dhammaan saamileyda siyaasadda (Madaxweynaha, Golaha Wasirrada, wakiillada Barlamaanka Federaalka, madaxda dowlad Goboleedyada, ururrada bulshada ra’yidka, dhaqanka, culumada, hantileyda, wakiillada Xisbiyada, iyo Khubarada aqoonta gaarka u leh nidaamka doorashada) ka wada hadlaan habka doorashada mataaladda shacabka soomaaliyeed. Qodobbada 1, 3, 8, 10, 11, 16, 18, 20, 22, 34, 46, 47, 55, 58, 60, 63, 71, 89, 91, 111(G) ee Dastuurka KMG waxay wada tilmaamaya shuruudaha asaaska u ah nidaamka doorashada soomaaliyeed. Habka diyaarinta Sharciga doorashada waxay la mid yahay habka diyaarinta dastuurka oo wuxuu ku bilowda heshiis siyaasadeed oo xaqiijinaya wadajirta, xasilloonida, sinnaanta, iyo sinnaanta ka qaybgalka siyaasadda iyo talada dalka. Waa tiir dowladeed ee asaasi ah. Labo, Barlamaanka Federaalka wuxuu ansixiya sharci ka tarjumaya heshiiska saamileyda wada gaareen iyo sharciyo kale oo Kaabaya sharciga doorashada sida sharciga Guddiga Madaxabannaan ee Doorashada Qaranka/Federaalka (GMDQ), sharciga Xisbiyada, iyo sharciga miisaaniyadda doorashada. Saddex, fulinta, u hoggaansanaanta, iyo ilaalinta garsoorka ee dhammaan sharciyada la xiriira doorashada ayaa bilaabmeysa kaddib marka Barlamaanka Federaalka ansixiyo sharciyadaas Madaxweynahana saxiixo. Jaranjaro kasta waxay u baahan tahay waqti, dadaal badan, iyo daacadnimo. Kaalinta iyo shaqada GMDQ waxay bilaameysa marka la soo saaro sharciyada doorashada oo kaamil ah. Sharciga doorashada iyo kan GMDQ ayaa xadidaya mas’uuliyadda iyo awoodda Guddiga. Maxkamadda waxay ku jirta jaranjarada 3aad, waayo khilaafaadka iyo dacwadaha Xisbiyada dhexdooda ah iyo kuwa doorashada waxaa lagu xallinaya sharciga. 2016 ayaa lagu heshiiyay in doorashada 2020 noqon doonto hal qof iyo hal cod (HQHC). Mas’uuliyadda dowladda la doortay 2017 waxay aheyd inay hoggaamiso hirgelinta nidaamka doorasho HQHC ee 3da jaranjaro maraya. Nasiib darro, ahmiyadda 1 ee dowladda federaalka wuxuu noqday hirgelinta nidaamka keliga taliska oo ka soo horjeeda nidaamka doorashada dimoqradiga ah. Mabda’a asaasiga ee nidaamka doorashada HQHC wuxuu yahay in muwaadin kasta ee Soomaaliyeed ee buuxiya shuruudaha codbixiyaha uu xaq u leeyahay, ayna tahay in fursad buuxda loo siiyo inuu si xor ah u bixiyo codkiisa, uuna doorto xubin barlamaan oo matasha. Waa dhab in Soomaaliya ka jirto duruufo adag haseyeeshe durufahaas marmarsiiyo uma noqon kara ka baaqasho gudasha xil qaran oo la mid ah difaaca dalka, iyo sugidda jiritaanka dalka. 3 sano oo wada tashi iyo wax qabad la’aan ah waa dambi qaran. Sidaa darted, waxaan cidna ka qarsooneyn in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo iyo xukuumadda uu hoggaamiyo aysan ku talagelin hirgelinta doorashada HQHC oo xalaal ah si loo adkeeyo dhismaha dowlad dimoqradi oo ka hana qaada Soomaaliya. Mar haddii arrintaas caddaatay, waxaa khalad ah in Madaxweyne Farmaajo, RW Kheyre, Barlamaanka Federaalka laga sugo xalka doorasho sharci ah ama heshiis siyaasadeed. Waxaa kaloo khalad ah in GMDQ laga sugo inuu ka hadlo ama soo bandhigo hab doorasho aan sharci barlamaan tifaftireyn horey ula kac loola daahay. Muddo kordhin waa sharci darro, waa inqilaab. Waxaa khalad ah in Barlamaanka Federaalka soomaaliyeed, gaar ahaan taagerayaasha Madasha Xisbiyada Qaranka u codeeyaan sharci aan aheyn sharci dhammaan qodobbadiisa la fulin karo. Ma bannaana in qoddobo sharciga ka mid ah lagu dhaqmo kuwa kalena lagu xadgudbo ama la iska indhatiro, ayadoo marmarsiyo laga dhiganayo duruufo aysan dastuurka, sharciga iyo maamulka dowladnimo oggoleyn. Waxaa taas ka daran in Barlamaanka Federaalka uusan ilaa maanta ansixin kaabayaasha sharci ee sharciga doorashada sida sharciga Xisbiyada oo fulintiisa u baahan tahay sannad iyo dheeri iyo sharciga miisaaniyadda doorashada oo gaareysa malaayin doolar. Waxaa khalad aheyd in aqoonyahanno badan oo aan ka mid ahaa isku mashquulinnay talojeedinno doorasho uusan tilmaameyn sharciga doorashada ee Madaxweyne Farmajo saxiixay Febraayo 2020 waayo talo waxaa loo jeediya hoggaan niyadsan, qaba rabitaan doorasho xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda, diyaarna u ah wada tashi iyo howl fulin degdeg ah. Talojeedin wax ma tareyso madax daacad-darro ka muuqato. Waxaa khalad ah in beesha caalamka cuskato ama xusto sharciga doorashada majaxaabinaya, burburinaya nabadda iyo dib u dhiska qaranka soomaaliyeed ee 12 sano lagu soo tacab iyo tiir beelay. Sharci waqti lumis iyo fidno abuuraya ma istaahilo taagerada beesha caalamka. Waxaa khalad ah in mucaaradka aysan caddeyn 3 arrimood: In sharciga doorashada uusan dhaqangal noqon karin 2020/2021, ayna xaaran tahay ka hadalkiisa iyo cuskashadiisa. II. In mas’uuliyadda ka gaabiska diyaarinta nidaamka doorashada HQHC ay ku kooban tahay Madaxweyne Farmaajo, Xukuumadda, iyo hoggaanka Barlamaanka Federaalka. III. In sida ku cad qodobka 60 iyo 91 ee dastuurka kmg muddada xilka Barlamaanka Federaalka ku eg tahay 26 disember 2020, muddada xilka Madaxweyne Farmaajo ku eg tahay 7 Febraayo 2021. Sidaa darted, waxaa lagama maarmaan ah inay dhacdo doorasho xalaal ah oo beesha caalamka xaqiijineyso ka hor dhammaadka muddada xilka Barlamaanka iyo Madaxweynaha ama in talada dalka lagu wareejiyo Madaxweyne iyo Xukuumad kmg ah muddo gaaban oo doorasho lagu qabanayo. Waxaa tixgelin mudan in dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland caddeeyeen mowqifkooda ay ka taagan yihiin sharciga doorashada laga hadlayo, isla markaana xireen xafiisyada GMDQ si ay u mowqifkooda u difaacan. Waxaa habbon in Aqoonyahannada soomaaliyeed aysan ku mashquulin talo doorasho kabkab ah (patch work) ama dhayid nidaam doorasho qaldan oo aan si buuxda uga tarjumeyn danta iyo mustaqbalka fog ee soomaaliya, hoggaankana u hayaan madax aysan ka muuqaan daacadnimo, dal iyo dad u turid, iyo dadaal wax qabad. Beesha caalamka oo bixisa 97% taagerada bani’aadam, socodsiinta shaqda dowladda federaalka iyo kuwa Goboleedyada, difaaca iyo ilaalinta nabadgelyada dowladda Soomaaliya, taagerada diblomaasi ayaa ku guuldareystay in Madaxweyne Farmaajo ku qanciyaan inuu ilaaliyo dastuurka kmg iyo sharciga, inuu dhawro xuquuqda iyo xorriyada muwaadiniinta soomaaliyeed, inuu ka noqdo eryidda wakiilka Xoghayaha guud, inuu Ciidammada Dowladda ka soo celiyo Jubbaland (Gobolka Gedo) kaddib markii ay dhaceen dagaallo sokeeye oo dad badan ku barakaceen, inuusan hubka iyo hantida dadweynaha u isticmaalin la dagaalka siyaasiinta ay aragtida ku kala duwan yihiin ama mucaaradka, inuu ilaaliyo xorriyada saxaafadda madaxabannaan, inuu joojiyo khilaafka kala dhexeeya madaxda dowlad Goboleedyada, isla markaana talada hoggaaminta dalka la wadaago, inuu degdeg u caddeeyo doorashada la rabo inay dhacdo Nofember 2020, inuu dhammeystiro dhammaan arrimihii muhiimka u ahaa taabbagalka dowladnimada Soomaaliya sida dhammeystirka dastuurka kmg iyo qaab dhismeedka dowladda federaalka, dhismaha ciidammada dowladda hab waafaqsan nidaamka lagu unkay shirkii London May 2017, hakinta qorshaha xaraashka ceelal shidaal, dhismaha hay’adda maamulka Garsoorka, Maxkamadda dastuurka, iyo guddiga xuquuqul insaanka, iyo Guddiga Madaxabannaan ee Nabadgelyada. Shacabka Soomaaliyeed waxay 3 sano iyo dheeri ka quustay in Madaxweyne Farmaajo la hadlo kana qanciyo arrimo badan oo saameyn ku leh aayaha Soomaaliya sida dacwada badda, xiriirka walaaltinimo ee Ethiopia, mideynta dalalka Ethiopia Soomaaliya iyo Eritrea, iyo heshiiska dowladda Soomaaliya ku heshiineyso 4 dekadood dalka, dhacdooyin muwaadiniin soomaaliyeed lagu dilay sabab la’aan, muwaadin soomaaliyeed ee si sharcidarro ah Ethiopia loogu gacangeliyay , jidadka xiran ee Muqdisho, dhaqaalaha dowladda ka heshay dibedda iyo sida loo isticmaalay, ujeedada iyo xogta xooggagga wadiyiinta inay shaqaale dowlad yihiin iyo in kale iyo cidda mushaarka siisa, waxay tahay “Nabad iyo Nolol?” iyo xeerka hoggaaminaya marka ay taagerayaan dowladda oo ka hadlayaan baraha bulshada, mowqifka uu ka qabo Ismaamulka Gobolka Benadir, iyo arrimo badan ee kale Haddii beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ku guuldareysteen in Madaxweyne Farmaajo ku qanciyaan ama ka helaan wax ka qabashada iyo ka hadalka arrimaha kor ku xusan, waxaan shaki ku jirin in arrinta doorashada ku dambeyneyso cakirnaan, marin habaabin, iyo ku takrifal. Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan ah in lagu talagalo go’aan keligi talis oo aan heshiis lagu aheyn, sharcidarro ah, oo dalka u horseedaya qalalaase siyaasadeed iyo nabadgelyo xumo kana dhalan karto burburka dowladda dhexe ee fadhigeedu yahay caasimada Muqdisho. Waxaa lama huraan ah in Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Xisbiyada mucaaradka ( kuwa dowladda la jira kuma jiraan) iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeed u toog hayaan, kana tabaabusheystaan in 75% ay musiibadaas suuragal tahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Hargeysa (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay wiil dhalinyaro ahaa loogu geystay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland. Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay fuliyeen kooxo burcad ah oo doonayey inay Mobile-ka gacanta ka dhacaan wiilkaasi dhalinyarad ahaa. Marxuumka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay, Cabdicasiis Farxaan Jaamac, iyadoo dadka deegaanku ay sheegeen in uu ka dhaga adeegay inuu Taleefanka dhiibo, kadibna ay Mindi ku dhufteen ragga burcada ah oo Mobile-ka horay uga sii qaatay Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxdii ka dambeysay dilka wiilkaasi dhalinyarada ah ay goobta isaga baxsatay falka kadib. Saraakiil ka tirsan Booliska Somaliland oo ka hadlay dhacdadaasi ayaa sheegay inay haatan wadaan baaritaan dheeraad ah oo ku aadan raggii ka dambeeyey dilkaasi. Dhacdadan ma’ahan mid ugub ku ah Hargeysa, waxaana mararka qaar dhibaatooyin amni darro oo dhac u badan xilliyada habeenkii ah magaaladaasi ka geysta rag burcad ah.
  22. Ciidamo ka wada tirsan Dowlada Federaalka ayaa ku dagaalamay Duleedka Magaalada Muqdusho, Waxayna iska dileen Sadex Askari. Dagaalka oo ka dhacay Degmada Dayniile ayaa wuxuu [...] The post Ciidamada DF oo Sadex iska dilay kadib Dhul ay isku qabsadeen appeared first on . Source
  23. Qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho oo aragti dhiibtay Khilaafka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cusmaan Karaash https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/05/VOXPXP-PUNTLAND.mp4 Source: goobjoog.com