-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Washington)-Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha aqalka Congreska waddanka Mareykanka ayaa markale gaadhay guud siyaasadeed oo aad u weyn, kadib markii ay ku guuleysatay cod bixin loo qabtay hab Online ah. Ilhaan ayaa maanta guuleysatay wareegga 1-aad ee codbixinta is-reereebka uu xisbigeeda ku xulanayo musharraxa degmada 5-aad ee kursiga ay hadda ku fadhido ku matalaya doorashada Congress-ka ee lagu wado inay dhacdo bisha soo socota ee November. Codbixinta ayaa socotay muddo 9 maalmood ah, waxaana Ilhaan Cumar ay tartanka kaga guuleystay siyaasiga lagu magacaabo Antone Melton oo ah nin madow ah, islamarkana si wayn uga soo horjeeday iyada. Sida lagu sheegay natiijada xildhibaanada aqalka Congreska ee Ilhaan Cumar ayaa heshay 65.5% codadkii la dhiibtay, halka Antone Melton uu helay 30.9%. Waa 37 sanno jir Ilhaan, waxaana ay taariikh ka sameysay Mareykanka, iyadoo noqotay qofkii ugu horeeeyey oo Soomaali Mareykan ah oo dalkaas ka qabta xil sare. Sannadkan dhammaadkiisa ayaa lagu wadaa in la qabto doorashada Mareykanka, iyadoona uu sii dhamaanayo waqtiga xil heynta Trump oo ay si weyn isku hayeen muddo xildhinaanad Ilhaan Cumar oo markale u muuqata inay ku soo laaban doonto kursigeeda. Source
-
Tirada dadka laga helay cudurka halista ah ee COVID 19 Somaliland oo aad u korodhay+xogta ay maanta oo isniin ah soo saartay wasaaradda caafimaadku. “Shan iyo soddon qof (35) ayaa laga helay xanuunkamaanta, dhammaantood waa Somalilander, 24 qof waa rag, 11 qofna waa dumar Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa: (10jir ilaa 19jir = 2 qof) (20jir ilaa 29jir = 14 qof) (30jir ilaa 39jir = 7 qof) (40jir ilaa 49jir = 4 qof) (50jir ilaa 59jir = 2 qof) (60jir ilaa 69jir = 3 qof) (70jir ilaa 79jir = 2 qof) (80jir ilaa 89jir = 1 qof) Bukaanadan waxa ay kala degen yihiin 14 qof oo degen Borama, Burco 8 qof, Hargeisa 8 qof, Berbera 2 qof, Laascaanood 2 qof, Allaybaday 1 qof Waxaa xanuunka ka bogsaday 1 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Sagaal iyo toban (19) Waxaa geeriyooday hal qof oo dumar ah oo deganayd Hargeysa, da’deeduna ahayd ahayd 35jir, taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhimatay dalkeena shan iyo toban (15). Wasaaradda Caafimaadka ayaa xogtan baahisay Qaran News
-
Wasiir ka tirsan Maamulka Puntland oo u geeriyooday coronavirus waxa saaka magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wasiirkii Degaanka, Beeraha iyo Isbeddelka Cimilada Puntland Ismaaciil Diiriye Gama’diid. Marxuumka oo markii hore kamid ahaa dadkii laga helay xanuunka COVID-19, ayaa la xaqiijiyay in uu ka bogsaday, balse xanuunkaasi dhaawac kaga reebay Habdhiska Neef-mareenka, gaar ahaanna Sambabada, taasi oo keentay in neefsigu ku adkaado. Wasiirka oo muddooyinkii dambe ku xanuunsanaa Garoowe, ayaa maalmo ka hor loo qaaday magaalada Muqdisho, halkaas oo uu saaka ku geeriyooday, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Puntland. Ismaaciil Diiriye Gama’diid, waxaa wasiirka Degaanka, Beeraha iyo Isbeddelka Cimilada Puntland loo magacaabay 10 February 2019, waxaana uu xilkaasi hayay mudda sannad iyo lix bilood ah. Qaran News
-
Heavy fighting has erupted in Lower Jubba region, southern Somalia, when heavily armed Al-Shabaab fighters attacked Academia Military Post in the outskirts of Dhobley town on Sunday night. Jubaland security forces Deputy Commander, Mohamed Abdullahi Korey said the militants set an ambush for the troops but met heavy resistance and their attack was finally repulsed. According to the deputy commander two Al-Shabab militants were killed and several others injured during the deadly clash. However, the deputy commander did not establish the casualties suffered by Jubaland forces based in the fierce fight. The Al-Qaeda-linked militant group did not comment on the fighting. The group has fought for over a decade to topple the internationally-backed Somali government, and carries out regular attacks against civilian and government targets, despite losing much of the territory they once controlled.. The group was driven out of Mogadishu in 2011 and lost most of its strongholds, but still controls vast swathes of the countryside. Al Shabaab, the deadliest Islamic organization in Africa declared their allegiance to Al-Qaeda in 2010.
-
Your report on Puntland political associations (Puntland Political Associations and the Road Ahead, PPM, April ) touched on issues that politicians should address before people take the democratisation initiative seriously. Puntland lacks the clan diversity enjoyed either by Somaliland or Galmudug. This disadvantage sharpens intra-clan power struggle. Political associations may bring to an end the practice of taking turns at Puntland presidency, a system that rewards leaders of three subclans. 15 years of political stability in Puntland have yet to yield good governance. Political accountability is virtually absent in Puntland. The executive controls the Parliament. Political dysfunction in Puntland — manifested in leasing Bosaso Port to DP World without community wide consultations — deepens every day. Will TPEC members succeed to help Puntland transition to a multiparty system in a mono-clan Federal Member State? Puntland prides itself on introducing the federal system but its government seldom benefits from training and other institutional development opportunities other Federal Member States access through the Federal Government in Mogadishu. Puntland forces are organised along subclan lines. Each new administration recruits new forces and senior civil servants loyal to the new administration. Against this backdrop political associations can make little or no change without becoming candid about the clan-based politics that discourage criticism of an incumbent administration. Added to this is the length of time it takes to put political programmes of parties across to citizens. Local government elections will take place in three districts. Whoever made the decision to conduct pilot local governments only in three districts unwittingly disclosed how poor governance stalled decentralisation in Puntland despite Garowe being vocal about defending the nascent federal system of Somalia. If Transitional Puntland Electoral Commission can pilot local government elections in three districts, it should be able to conduct elections in all districts under the control of Puntland Administration. Who proposed the local government elections in this limited format? Puntland political associations, Puntland State government and TPEC had better put their heads together and come up with a more democratic pilot local government elections plan. Hussein F. Taher, Bosaso The post Puntland Political Associations Face An Uphill Task appeared first on Puntland Post.
-
Wasiir Ismaaciil Gama’diid tariikh dheer oo la soo koobi karin ayuu ku lahaa wadanka New Zealand oo ka mid ah in uu ahaa madaxweynaha Masaajidka Gobolka Waikato, gaar ahaan magaalda Hamilton ee New Zealand mudo dhowr iyo toban sano. Gama’diid wuxuu ka ahaa xubin muhiima hay’adda Islaamiga Federaalka ee New Zealand oo magaceedu yahay FIANZ. Gama’diid sanadkan bilowgiisa wuxu qeyb ka qaatay deeq la gaarsiiyey walaalaheyn reer Beledweyne oo ka socotay New Zealand. Sidaas ay tahey intii geerida ku imaan wuxuu ku jiray abaabulka gurmadka Qardho ee Jaaliyadaha Soomaliyeed ee New Zealand. Halkaan waxaa tacsi ka diraya mas’uuliyiin ku hadlaya dhamaan magaca Jaaliyadaha Soomaliyeed ee Dalka New Zealand. Maxamed Cabdi Jaamac (Afey) Madaxweynaha Maamulka Masaajidka Christchurch New Zealand iyo Cabdiqani Maxamed Cali (Keenadiid) Agaasimaha Somali Aid and Development Agency of New Zealand waxay tacsi tiiraanyo xambaarsan u dirayaan caruurtii iyo ehelkii uu ka geeriyooday Wasiir Ismaaciil Diiriye Gama’diid, sidoo kale waxay u tacsiyeynayaan dhammaan Soomaalida iyo muslimiinta ku nool Dalka New Zealand iyo shacabka Puntland geerida ku timid Wasiir Ismaaciil Gama’diid. The post Wasiir Gama’diid: Tacsi ka socoto Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dalka New Zealand appeared first on Puntland Post.
-
Geeridu waa xaq, san-ku-neefle walbaa maro, mar bayse kadis kugu noqotaa ood ka naxdaa, murugo iyo tiiraanyo ku dhaxalsiisa, waa tay Soomaalidu horey u tiri: geeri aqoon bay kugu dishaa! Subaxaan saaka ah, waxaan ka warhelay in Ismaaciil Diiriye Gama’diid – oo ahaa wasiirkii degaanka iyo beeraha dowladda Puntland- geeriyooday, ka dib markuu haleelay xanuunkii safmarka ahaa ee Karoona, dhimashada “Gama’diid” waxay iiga dhigantahay: udub-dhexaad iyo tiir adagoo ummadda Soomaaliyeed lahayd oo dumay, shakhsi eebbe ku galladay aqoon iyo dabci-wanaag in uu galbaday. Muddaba, Ismaaciil Gama’diid, wuxuu la il-darnaa xanuunka Covid-19, xaaladdiisa caafimaad dhaqaatiirtu way la tacaashay markii hore, markay xaaladdisu sii xumaatayna, dowladda Puntland ayaa diyaarad gaar ah u kiraysay, oo iminka wuxuu ku dhintay isagoo ku sugan caasimadda dalka ee Muqdisho. Aqoontaan “Gama’diid” u leeyahay waa mid kooban, oo muddo dhawr bilood ah ayaanu ka wada tirsanayn golaha xukuumadda ee dowladda Puntland, waxaanse ku bartay inuu ahaa sama-talis saxar-diid ah; indheer-garad aqoon- dhaari ah, ruux kulansaday waayo-aragnimo shaqo iyo mid kaloo ay noloshu bartay. Ismaaciil “Gama’diid” wuxuu dugsigii sare kaga baxay magaalada Gaalkacyo 1975-kii, isagoo dhigtay dugsiga “Cumar Samantar” muddo kooban ayuu macallinnimo ku shaqeeyay, dabadeedna wuxuu ku biiray kulliyaddii “Lafoole” isagoo bartay cilmiga “Biology-ga”. Markuu dhamaystay heerka koowaad ee Jaamacadda ayaa dowladdii Soomaaliya u dirtay dalka Ingiriiska si uu takhasuskiisa u soo dhamaystirto, wuxuu ku biiray Jaamacadda caanka ah ee “Oxford University” wuxuuna dhigtay cilmiga daaqa iyo bii’adda ( Environment) isagoo ku takhasusay dhirta nooca loo yaqaan “Acacia” geedka Soomaalidu u taqaan “ Galoolka” buuna cinwaankiisii qalin-jabinta heerka labaad ee jaamacaddiisu ahaa. Sannaddii 1988-kii ayaa “Gama’diid’ loo magacaabay agaasimaha wakaaladda daaqa qaranka Soomaaliyeed “Somali Range Agency” waana halka uu sumcadda fiican ku yeeshay oo saaxiibbo fara badan ku kasbaday. Qaran-jabkii ka dib, Gama’diid wuxuu u qaxay dalka aan dariska nahay ee Kenya, bilowgii sagaashameeyadii Ismaaciil Gama’diid wuxuu ku jiray rag wax ka dhisay jabhaddii (USB). ismaaciil Kenya kuma hakan ee waxa uu mar labaad isagoo qaxooti ah galay dalka “New Zealand” halkaas oo uu ka dhisay dallad kulmisa muslinka dalkaas, isagaana guddoomiye u noqday, ilaa iminkana waxay muslimka dalkaasu ku dhaqmaan xeerarkii iyo tubtii uu ku hagay “Gama’diid” raad lama ilaawaan ah ayuu “Gama’diid” ku reebay muslinka dalka New Zealand. Muddo sanado ah ka dibna, Ismaaciil “Gamadiid” wuxuu u wareegay oo dagay dalka “Australia” saaka mar aan la hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas way murugaysnaayeen oo ay ilmadu dhabannadooda hooreysay; waayo Ismaaciil wuxuu ahaa hoggaamiye wax badan taray muslimka dalka “Australia” wuxuu lacag u aruuriyay in la gado kaniisad ku tiil magaalada “ Brisbane” lagana dhigo masjid jaaliyadda Muslimiintu leeyihiin, waxaana masjidkaas loo bixiyay “ Moorooka Mosques” waa raad kaloo lagu xasuusan doono Ismaaciil, anigoo eebbe ka tuugaya in uu maanta abaalkeeda helo. Waxaan halkaan tacsi u marinayaa dhammaan ehelladii iyo qaraabadii saaxiibkay Ismaaciil Gama’diid, waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa wiilkiisii aan muddada rafiiqa ku ahayn dalka Suudaan Dr.Maxamed Diiriye oo ah dhaqtar mihnaddiisu tahay qoraalka. Waxaan leeyahay saaxiib Ismaaciil wuxuu ahaa khadar ilaahay ummadda u soo diray isagaana oofsaday ee samir iyo iimaan ilaahay haynaga siiyo. W/Q. Dr. C.fitaax Nuur (Ashkir) The post Gama’diidna maynaga baxay! appeared first on Puntland Post.
-
Daxal-suge Maxamed binu Salmaan Sarkaal sare oo ka tirsan laamaha ammaanka ee Sacudiga islamarkana sanooyiin badan ahaa nin u dhaxeeya sirdonka Britain ee MI6 ee dalalka kale ee reer galbeedka ayaa imika dacwad lagu soo oogayaa isaga iyo qoyskiisa, sida ay sheegeen sirdoonka reer galbeedka. Dr Saad al-Jabri, oo gacan ka geystay fashilinta weeraro ay Al-Qaacida u maleegayeen reer galbeedka ayaa muddo saddex sano ah musaafuris ahaan dibadda ugu noolaa. Waxaa uu ka cararay howlgaladii uu dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan ku bartilmaameedsanayay dad maalqabeeno ah oo ay ku jiraan xubno ka tirsan qoyska boqortooyada. Wararka ayaa sheegaya in imika la xiray caruurtiisa oo “afduub”, loo haysto sida uu sheegay wiilka ugu wayn qoyska Dr Saad, oo lagu magacaabo Khalid. “Cumar iyo Sarah waxa la afduubtay subaxnnimadii 16 March, waxaana guriga kala baxay 50 askari oo watay 20 gaari,” ayuu yiri, Khalid al-Jabri. Khalid al-Jabr (Bidix) iyo walaalkii Cumar Waxaa baaritaan lagu sameeyay guriga qoyskan oo ku yaalla Riyad islamarkana waxay sidoo kale ay la baxeen kamaroyiinka ammaanka ee CCTV loo yaqaano. Ma jirto dacwado ama sabab la sheegay in loo xiray xubnaha qoyskan. Khalid oo isaga iyo aabihii ay musaafuris ahaan ugu nool yihiin Canada ayaa waxaa uu yiri “xitaa ma ogin in ay nool yihiin ama ay dhinteen.” Waxaa uu rumaysan yahay in goob gaar ah lagu hayo lagulana gorgortamayo isku day ah in lagu qasbo in aabihii uu Sacuudiga dib ugu soo laabto halkaasi oo uu wajihi karo xarig . Xukumadda Sacuudiga kama aysan soo jawaabin codsi ay u gudbisay BBC oo ah in ay jawaab ka bixiyaan eedeeynta ay soo jeediyeen qoyska Dr Saad al-Jabri. Waa kumaa Saad al-Jabri? Sanooyiin badan waxaa uu aad ugu dhawaa dhaxal-suge Mohammed bin Nayef, oo isagu si aad ah loogu ammaanay in uu ka adkaaday ururka Al-Qaacida sanaddii 2000. Waxaa uu udub dhaxaad u ahaa xiriirka Sacuudiga ay la lahaayeen sirdoonka dalalka Mareykanka, UK, Canada, Australia iyo New Zealand. Sanadii 2010 ayaa xiriirkan muhimka ah waxaa uu”gacan ka geystay badbaadinta noolasha dad badan”, sida u sheegay sargaal horey uga tirsanaa sirdoonka reer galbeedka. Qaran News
-
Ilhaan Cumar oo gaadhay guul siyaasadeed oo muhiim ah Ilhaan Cumar Ilhan Cumar ayaa saacado ka hor ku guulaysatay wareegga koobaad ee codbixinta isreereebka uu xisbigeeda ku xulanayo musharraxa degmada 5-aad ee kursiga ay hadda ku fadhido ku matalaya doorashada Congress-ka ee lagu wado inay dhacdo bisha November. Codbixinta xisbiga Dimuqraadiga oo loo sameeynayay qaab email ah ayaa waxay socotay 9 maalmood ee ugu dambeysay. Cudurka Corona ayaa horistaagay in ergada xisbiga ay isu yimaadaan si ay u codeeyaan taasi oo sababtay in qaabka Emil-ka lagu codeeyo. Ilhaan ayaa tartanka kaga guuleystaya Antone Melton oo ahaa nin madow ah islamarkana si wayn u dhaliilayay waxqabadkeeda intii ay xilka haysay. Xildhibaanada aqalka Congreska Ilhaan Cumar ayaa heshay 65.5% codadkii la dhiibtay, halka Antone Melton oo kaalinta labaad soo galay uu helay 30.9%. Waxaa sidoo kale tartankan is-reerebka xisbiga Dimuqraadiga ku jirtay Leylo Shukri Adan oo ah gabadh Soomaaliyeed. Taariikh kooban ilhaan Cumar Ilhaan Cumar oo 37 sano jir ah ayaa taariikh sameysay ka dib markii ay noqotay qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo xildhibaan ka noqdo dalka Maraykanka. Halkan ka akhriso shan arrimood oo ku saabsan Ilhaan. Waxay Soomaaliya ka qaxday xilligii dagaalka sokeeye iyadoo 8 sano jir ah Muddo afar sano ayay ku nooleyd xerada qaxootiga ee Dhadhaab Waxay Maraykanka tagtay iyadoo 12 sano jir ah Eryada Ingirriska ee ay garaneysay markii ay Maraykanka gaartay waxay ahaayeen “hello” iyo ”aamus” oo kali ah Waxay noqotay qofkii Soomaaliga ahaa ee ugu horreeyay ee lagu doorto Maraykanka. Qaran News
-
U.S. Rep. Ilhan Omar wins DFL endorsement in reelection bid
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
First-term U.S. Rep. Ilhan Omar won the DFL endorsement Sunday to run in the Aug. 11 primary election for a Minneapolis-based congressional seat that has been in Democrats’ hands since 1963. The party endorsement sets up a primary race with Antone Melton-Meaux, an attorney-mediator and political newcomer whose campaign has been based on a series of critiques of Omar’s stormy first 16-months in Congress. The DFL balloting was conducted online over a nine-day period after the pandemic made in-person congressional conventions impossible. Omar, 37, was first elected to Congress in 2018 after a rapid rise through the state Legislature. She was the first Somali-American elected to both a state Legislature and to Congress. She has cut a high-profile path in Washington, championing a litany of progressive causes and publicly sparring on Twitter with President Donald Trump, which has made her a frequent target of the right. Omar also faced criticism last year from Jewish leaders and some fellow Democrats for several past tweets and remarks about the political influence of Israel. She faced another significant uproar for voting “present” on last year’s House resolution condemning the Armenian genocide. She said the measure should have more broadly condemned human rights abuses worldwide, including in the U.S. Her campaign operation also has been the subject of scrutiny after it was revealed that she had a romantic relationship with a D.C.-based political consultant, to whom she is now married. Both Omar and Melton-Meaux are running as progressive Democrats and champions of immigrant rights. But Melton-Meaux, 47, has vowed to focus more on the needs of the Fifth Congressional District, which includes St. Louis Park, Richfield, Crystal, Robbinsdale, Golden Valley, New Hope, Fridley a part of Edina. Congressional incumbents rarely lose party backing for endorsement, and Melton-Meaux earlier committed to running in the DFL primary in August in the event he fails to get the endorsement. He has racked up a handful of high-profile endorsements from Minneapolis-area DFLers, and has had some success in fundraising. The Republican-endorsed candidate is Lacy Johnson, a north Minneapolis businessman who has encouraged black voters to abandon the Democratic Party. But the strongly DFL district has not elected a Republican to Congress in decades. DFLers in northeastern Minnesota’s Eighth Congressional District also voted to endorse health care advocate Quinn Nystrom to challenge Republican incumbent U.S. Rep. Pete Stauber in November. View the full article -
Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-Daareed) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee haatan u dhexeeya madaxda sare ee maamulkaasi. Dhoobo-Daareed oo bixiyey wareysi dheer ayaa eedeyn u jeediyey Madaxweyne Siciid Deni, wuxuuna sheegay inuu ka soo horjeedo in talada Puntland ay wax ku yeeshaan xubnaha ugu dhow ee la shaqeeya sida ku xigeenkiisa iyo guddoonka baarlamaanka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in khilaafka hada jira uu ka dhashay markii madaxweynuhu diiday inuu la tashado ku xigeenkiisa, sida uu hadalka u dhigay. “Madaxweynuhu wuxuu dulmiyay xuquuqdii yarayd ee uu dastuurku siiyay Madaxweyne ku xigeenka oo ah inuu la tashado. tashigu sidiisaba waa dastuuri khasab ah inuu Madaxweynuhu la tashado ku xigeenkiisa,” ayuu yiri Cabdixakiin Dhoobo-Daareed.” Ugu dambeyhn wuxuu ku baaqay in lagu dhaqmo, lana ilaaliyo dastuurka iyo shuruucda u taalla Puntland, si looga kaashaanto dib u dhac ku yimaada horurmarka maamulkaasi. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan uu fikta sare gaaray khilaafka u dhexeeyey Madaxweyne dowlad goboleedka Puntland, Siciid C/laahi Maxamed (Deni) iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo isku hayo awooda maamulkaasi
-
At least five people were killed and 15 others injured on Sunday in a roadside blast in Baidoa town in southwest Somalia. A police officer, who declined to be named, said that a land mine exploded near an internally displaced persons (IDP) camp on the outskirts of Baidoa during Eid al-Fitr celebrations. “The blast occurred near an IDP camp where many people were holding traditional Eid celebrations. We can confirm five people died and 15 others were wounded,” the officer said, adding that the casualties could rise as there were many people at the scene. A spokesman of the Somali government, confirmed the incident, saying the explosion occurred where people were holding Eid al-Fitr celebrations. There was no immediate claim of responsibility for the blast. View the full article
-
Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa waxa uu ka hadlay weerar Al shabaab ay ku qaadeen xero lagu tababaro ciidanka Jubbaland oo ku taal degmada Dhoobleey ee gobalka Jubbada hoose weerarkaas oo sababay khasaare kala duwan. Saraakiisha ciidanka ayaa laga soo xigtay in weerarkaas oo dhacay xalay ay iska caabiyeen dagaalamayaashii ka tirsanaa Al shabaab ee weerarka soo qaaday waxaana saraakiishu ay sheegeen inay halkaasi ku dileen labo dagaalame. “Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee Dhoobley ayaa iska caabiyay xalay weerar ay kooxda argagixisadda Al-Shabaab ku soo qaadeen Dugsiga Tababarka ee Dhoobleey. Ciidanka Jubbaland oo qabay foojignaan dheeraad ah ayaa jilibka u aastay argagixisadda iyagoo markii dambe dhabarka ka jabiyay” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay warbaahinta Jubbaland. Ma jirto war ka soo baxay Al shabaab oo ay uga hadleen weerarkan ay ku qaadeen dugsiga tababarka Dhoobleey, waxaana maanta degmadaasi laga dareemaya dhaqdhaqaaqyo ciidan. Al shabaab ayaa weerarro kala duwan ku ekeeya fariisimaha ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Koonfurta iyo bartmaha Soomaaliya waxaana mararka qaar weerraradaas ka dhasha dagaallo toos ah oo dhexmara labadaasi dhinac. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/05/Sequence-04.mp4 Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha naxariistee Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo saaka Muqdisho ugu geeriyooday dhaawac uu sambabada kaga reebay xanuunka COVID-19. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland, ayaa tacsi loogu diray dhammaan shacab weynaha Puntland gaar ahaanna Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuum Wasiir Ismaaciil Diiriye Gama’diid. Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsaday Goleyaasha Dowladda gaar ahaan golaha xukuumadda, shacabka Puntland,eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay Marxuumka. Sidoo kale waxa a uu Alle uga baryay Marxuumka in uu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay Geerida Wasiir Gama’diid appeared first on Puntland Post.
-
Sadex fariimood oo nagasoo kala gaaray Masuuliyiinta Jaaliyadaha Puntland ee UK, Denmark iyo Finland ayaa ka tacsiyeeyey Geeridii maanta ku timid Wasiirkii Beeraha iyo Cimilada [...] The post Jaaliyada Puntland ee Denmark, UK iyo Finland oo ka tacsiyeynaya Geerida Wasiir Gama’diid appeared first on . Source
-
Alle ha u naxariistee, waa saaka magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wasiirkii Degaanka, Beeraha iyo Isbeddelka Cimilada Puntland Dr. Ismaaciil Diiriye Gama’diid. Marxuumka oo markii hore kamid ahaa dadkii laga helay xanuunka COVID-19, ayaa la xaqiijiyay in uu ka bogsaday, balse xanuunkaasi dhaawac kaga reebay Habdhiska Neef-mareenka, gaar ahaanna Sambabada, taasi oo keentay in neefsigu ku adkaado. Wasiirka oo muddooyinkii dambe ku xanuunsanaa Garoowe, ayaa maalmo ka hor loo qaaday magaalada Muqdisho, halkaas oo uu saaka ku geeriyooday, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Puntland. AUN Dr. Ismaaciil Diiriye Gama’diid, waxaa wasiirka Degaanka, Beeraha iyo Isbeddelka Cimilada Puntland loo magacaabay 10 February 2019, waxaana uu xilkaasi hayay mudda sannad iyo lix bilood ah. PUNTLAND POST The post Wasiir Gama’diid oo geeriyooday xilli uu ka bogsaday xanuunka COVID-19 appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (PP News Desk ) — President of Puntland State Said Abdullahi Deni has accused the Federal Government of Somalia of fomenting hostilities in the Self-proclaimed Republic of Somaliland. “The Federal Government is dealing directly with clans and inciting people to rebel against the [Somaliland] Government” President said in an interview with BBC Somali Television. In response to a question about the call from the Somaliland President for a new approach to Somalia-Somaliland talks, President Deni asserted that Puntland had a right to be consulted on the talks “due to the territorial dispute between Puntland and Somaliland”. The BBC interview with Puntland State President comes on the heels of of views Deni had expressed about the security situation in Mogadishu. President Deni made remarks that may be interpreted that the Federal Government was behind mortars used to target Halane Compound where Embassies and major international organisations are based. © Puntland Post, 2020 The post President Deni: The Federal Government is fanning hostilities in Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Xigeenka Puntland Axmed Cusmaan Karaash ayaa ka tacsiyeeyey Geeridii ku timid Wasiirkii Deegaanka Puntland Marxuum Ismaaciil Diiriye (Gama’diid). Fariinta Tacsida Madaxweyne Xigeenka aya u [...] The post Madaxweyne Xigeenka Puntland Axmed Karaash oo ka tacsiyeeyey Geeridii Wasiir Ismaaciil Diiriye (Gama’diid) appeared first on . Source
-
Iyada oo lagu guda jiro maalmihii ciidda ayaa xukuumadda Soomaaliland waxa ay shaacisay in maanta deegannadeeda laga helay kiisas dhowr ah oo la xiriira caabuqa sida ad dunida u saameeyay ee COVID-19. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay 35 qof oo cusub uu cudurka soo ritay, iyada oo sidoo kale shaacisay in guud ahaan ay xanuunka ka bogsadeen 19 Wasaaradda ayaa sheegat in saacadihii la soo dhaafay xanuunkan uu 1 ruux u geeriyooday taas oo ka dhigeysa in guud ahaan ay cudurka Soomaaliland ugu geeriyoodeen 15 qof. Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 203 kiis. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Illaahay naxariistii Jano haka Waraabiyee Waxaa Isbitaal Muqdisho ku yaal ku geeriyooday wasiirkii Deegaanka Puntland Marxuum Ismaaciil Diiriye Gama’diid. Marxuumka ayaa u geeriyooday Xanuunka Covid19, [...] The post Wasiirkii Deegaanka Puntland oo geeriyooday appeared first on . Source
-
MOGADISHU (HOL) - Puntland Minister of Agriculture Ismail Diriye Gama’did has this morning died in Mogadishu after contracting the deadly COVID-19. Source: Hiiraan Online
-
Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho caabuqa Coronavirus ugu geeriyooday wasiirkii Deegaanka iyo Beeraha Puntland Ismaaciil Diiriye Gama’diid waxaana geeriddiisa ka tacsiyadeeyay masuuliyiinta ugu sareysa ee maamulkaasi. Wasiirka ayaa dhowaan la keenay magaalada Muqdisho isaga oo xaalad caafimaad darted uga yimid magaalada Garowe waxaana la sheegay in baaritaan lagu sameeyay laga helay fayraska Coronavirus oo uu maanta u geeriyooday ugu dambeyn. Madaxweynha dowlad goboleedka Puntland ayaa ka tacsiyadeeyay geerida wasiirka waxa uuna dhamaan ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxay u rajeeyay samir isaga oo marxuumka Alla uga baryay inuu jannaddiisa ka waraabiyo. Halkan ka akhriso tacsida uu diray madaxweyne Deni Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca Dowladda iyo kan Shacabka Puntland, waxa uu ka tacsiyaynayaa Geerida Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo goordhoweyd caabuqa covid-19 ugu geeriyooday Muqdisho. Alle ha u naxariistee Wasiir Gama’diid wuxuu ka mid ahaa aqoonyahanada Puntland, hadana ka mid ahaa xubnaha Golaha Wasiirada oo runtii shaqo wanaagsan u hayey dalka iyo dadka. Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa Goleyaasha Dowladda gaar ahaan golaha xukuumadda, shacabka Puntland,eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay marxuum Wasiir Ismaaciil Diiriye Gama’diid, waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)- Tirada dadka laga helayo cudurka halista ah ee COVID 19 ayaa sii kordhaysa maalinba maalinta ka dambaysa. Waxaaanu halkan idinku soo gudbinaynaa xogta ay maanta oo isniin ah soo saartay wasaaradda caafimaadku. “Shan iyo soddon qof (35) ayaa laga helay xanuunkamaanta, dhammaantood waa Somalilander, 24 qof waa rag, 11 qofna waa dumar Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa: (10jir ilaa 19jir = 2 qof) (20jir ilaa 29jir = 14 qof) (30jir ilaa 39jir = 7 qof) (40jir ilaa 49jir = 4 qof) (50jir ilaa 59jir = 2 qof) (60jir ilaa 69jir = 3 qof) (70jir ilaa 79jir = 2 qof) (80jir ilaa 89jir = 1 qof) Bukaanadan waxa ay kala degen yihiin 14 qof oo degen Borama, Burco 8 qof, Hargeisa 8 qof, Berbera 2 qof, Laascaanood 2 qof, Allaybaday 1 qof Waxaa xanuunka ka bogsaday 1 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Sagaal iyo toban (19) Waxaa geeriyooday hal qof oo dumar ah oo deganayd Hargeysa, da’deeduna ahayd ahayd 35jir, taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhimatay dalkeena shan iyo toban (15). Wasaaradda Caafimaadka ayaa xogtan baahisay. Source
