Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,505
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii tegay aad usoo xoogeysanayey warar sheegaya in wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale la doonayo inuu noqdo madaxweynaha cusub ee maamulka HirShabelle. Wararkan oo markii hore kasoo billowday baraha bulshada, ayaa xubno ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaare Kheyre waxay noo sheegeen inuu jiro rabitaan sidaas ah, balse ma aysan bixin faah-faahin intaas dheer. Muddo xileedka madaxweynaha HirShabeelle ayaa ku eg bisha September, waxaana la filayaa in lasoo dhiso maamul cusub. Ducaale ayaa waxay aad isugu dhow yihiin ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, wuxuuna ka mid yahay wasiiro faro ku tiris ah oo sidii xilkan loogu dhiibay markii lasoo magacaabay golihii wasiirada ee ugu horreeyey aan la beddelin, inkasta oo shaqadiisa aad loo dhaliilay. Kheyre ayaa intii uu xafiiska joogay waxa uu ku dadaalay dhismaha dowlad gobaleedyada iyo fulinta aragtida madaxweynaha, balse waxaa hadda jirta in Kheyre aysan isku fiicneyn labadii dowlad gobaleed ee uu juhdiga geliyay ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug, oo ku dhow madaxtooyada. Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa rumeysan in Kheyre ay fursad u noqon karto sidii uu u maareyn lahaa HirShabeellada uu ku han weyn-yahay haddii Ducaale oo ay isku dhowyihiin uu madaxweyne ka dhigo, maadaama Waare ay kala dhaxeyso wada-shaqeyn kaliya ee aanay xulufo ahayn. Si kastaba, ma cadda sida qorshahan uu ku hir-geli karo, waxaana suurta-gal ah inay dhaliso xiisad maadaama beesha hadda kursiga madaxweynaha ku fadhisa laga yaabo in haddii ay waayaan ay dhinac kale kasoo jeestaan, waxaana dadka qaar ay rumeysan yihiin in xilligan aysan dowladda diyaar u ahayn khilaaf horleh.
  2. Xukumada Somaliland oo shaacisey in la Fasaxay Qaadkii+Sababta soo dedejisay & Amaawiir Cusub oo la duldhigay Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii ay Al-Shabaab laba jeer ay qaraxyo ku xireen kaamirooyinka wax duuba ee lagu xiray wadooyinka magaalada Muqdisho qaarkood, ayaa dowladda Soomaaliya waxay u sameysay ciidan gaar ah oo ilaaliyo kaamirooyinkaas oo amaanka qeyb weyn ka qaatay. Ciidankaan oo ah dhallinyaro aan laheyn wax lagu aqoonsado ayaa ilaaliyo Kaamirooyinka waxaana aad u adag in la ag fariisto, la ag istaago, gaari la ag dhigto ama nawaaxigeeda ay noqoto meel lagu sheekeesto. Dhowr qof oo ku nool Muqdisho ayaa la kulmay iyagoo ag jooga Kaamirooyinka dhallinyaro daqiiqado kadib u yimid oo amraya iney ka fogaadaan goobta. Dhalinyaradaas waxay wataan dhar caadi ah, waxaana la sheegay in halkii kaamiraba ay habeen iyo maalin ilaaliyaan 2 ilaa 3 askari. Arrintaan ayaa sababtay in bilooyinkii la soo dhaafay xal loo helay qaraxyadii lagu xiri jiray Kaamirooyinka oo dhowr jeer waxyeeleeyey qalabkaas oo muhiim u ah ammaanka Muqdisho, sida ay sheeeen mas’uuliyiinta amniga. Qubarada amniga ayaa soo dhaweeyay Kaamirooyinka iyo ciidanka loo sameeyay, kuwaas oo wax weyn ka beddalay ammaanka Muqdisho, waxayse mas’uuliyiinta amniga ugu baaqeen in la furo ama la durjiyo goobaha ay ka kala xiran tahay magaalada oo dhib badan ay ku qabaan shacabka Muqdisho. Muddo ku dhaw hal sano ayey kala xiran tahay magaalada Muqdisho, waxayna arrintaas sababtay in hoos u dhaco dhaqaalihii dalka sida ay qabaan ganacsatada magaalada Muqdisho hase yeeshee waxaa la sheegay in amniga ku fiicnaaday waddooyinka xiran ee Muqdisho.
  4. Qeybtii labaad Sida caadadu tahay, shirarka dib-u-heshiisin kasta waxaa lama huraan ah in, darafyada heshiiska la dhex dhigayo ka sokow, goobjoog ka ahaadaan culumaaudiinka, hase yeeshee ayaandarro shirkaas dib-u-heshiineed culumadii ka qaybgashay mid kasta wuxuu ku biiray beesha uu ka tirsan yahay intii uu ku adkaysan lahaa inuu uga qaybgalo ka culumo ahaan kana madax bannaan darafyada la heshiisiinayo. Waxaan shaki ku jirin in goobtaas doorka culumaa u- diinka ay fursad qaali ah ku seegay, taasoo ilaa maanta ku sifoobay kuwo aan ka tarjumayn doorka ku habboon inay ka qaataan bulshada dhexdeeda.Waxaa iga xusuus ah in dawladihii iyo hay’adihii hormuudka u ahaa shirkii dib-u-heshiisiinta, iyagoo ka baxsan in Somaalidu si gaar ah xushmeeyaan diintooda iyo culumadooda, waxay u arkeen halis weyn oo ka horimaan kara hadafkooda, waxayn ku adkaysteen in shirka lagu heshiisiinayo beelaha Somaaliyeed ee aan meesha laysku haysan khilaaf diineed, loona baahnayn culumaa-u-diin. Intii ay ku adkaysan lahaayeen inay shirkaas uga qayb galaan iyagoo matalaya Culumaa-u-diinka ayey ka door bideen in mid kasta uu ku dabafaylo qabiilkiisa. Su’aasha imaanaysa ayaa mar kasta ah: Culumaa-u-diinku waxay siyaabo iyo dano badan ugu milman yihiin siyaasadda Somaaliya, sababata ay waqtigaas u oggolaadeen in la ihaaneeyo oo la heeb sooco? Dunida oo dhan, Culumaa-u-diinku ma laha qabiil midab iyo toona. Shan iyo tobankii u dambeeyey, waxaan fursad u helay inaan ka qaybgalo dhowr aqoon is weydaarsi lagu qabtay Yurub sona diyaariyeen dawlado iyo hay’ado daneeya arrimaha Somaaliya. Inkastoo anigu fursado qaali iigu muuqdeen, haddana waxaan weligay iloobayn saddex su’aaladood oo siyaasiyiin iyo khubaro shirarkaas ka qaybgalay oo runtii igu noqday “laf dhuun gashay”, kuwaasoo ahaa: b – Shirarka Dibu-heshiisiinta faraha badan oo loo qabanayo Somaaliya waxaa ka so qaybgala qaybaha kala duwan ee Somaalida oo dhan. Yaa la heshiisiinayaa, maxaysa ku dagaashan yihiin? Ma qabaa’ilka Somaalida oo dhan ayaa dagaashan? t – Somaaliya waxay qaadatay nidaamka “Federalism”. Waxaan ogsoon nahay in Somaalidu ku caan tahay shacab wadaaga jinsi, luqad, diin iyo dhaqan keliya, waa maxay falsafadda ka dambaysa go’aankaas? J – Somaaliya waxaa lagu tilmaamaa in dadkeedu 100% muslimiin Sunni yihiin. Waa maxay sababta Culumaa-u.diinku door wax-ku-ool ah uga qaadan la’ yihiin dadaallada la xiriira dib-u-heshiisiinta Somaalida? Haddaba, waxaan hubaa in su’aalooyinka kor ku xusan ay aad u adag yihiin in laga bixiyo jawaab waafi ah la garowsan kara ama lagu qanci karo. RAMADAAN KARIIM La soco qaybaha soo socda, Insha Allah. Ahmed Karate – Waxaad kala xiriir kartaa e-mail: amm.karate@gmail.com, Twitter: @AhmedKarate5 AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  5. Garowe (PP News Desk) — Puntland Parliament will resume sessions during Covid-19 emergency to settle the dispute between Puntland President and Vice President over a slew of appointments including a commander of Presidential Guards. A note posted on the Parliament’s Facebook page about the 46th session to resume in June “The 46th session will resume on 15th of June 2029” reads a note published on the Puntland Parliament’s Facebook page. “If the President and Vice President of Puntland do not put their heads together to end the misunderstanding over the appointments challenged by the Vice President on grounds of lack of consultations, Puntland Parliament will debate it” an analyst in Bosaso told Puntland Post. Mohamed Ahmed, a member of Puntland Parliament, has expressed a personal view on how Puntland Parliament will settle any disputes over appointments by the Presidency. A vote of confidence for Ahmed Karaash may be in the pipeline If the last power struggle between the former Puntland Parliamentary Speaker and Puntland President is any guide, a vote of Confidence for the Vice President may be in the cards. © Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND PARLIAMENT WILL RESUME SESSIONS TO RESOLVE CONSTITUTIONAL CRISIS appeared first on Puntland Post.
  6. Malayshiyaad hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa la soo sheegaya in ay weerar ka fuliyeen gobolka Wajeer ee waqooyi bari waddanka Kenya. Dableeyda ayaa weerar xooggan ku qaaday laba saldhig oo ciidamada Kenya ku leeyihiin degaanka Gorof Xarar ee gobolka Wajeer halkaas oo ay ka gaysteen khasaare kala duwan. Qoraal ka soo baxay Al-shabaab ayay ku sheegeen in malayshiyaadkoodu ay qabsadeen laba saldhig oo ay leeyihiin ciidamada Kenya islamarkaana ay gubeen xarun ay leedahay shirkadda isgaarsiinta Kenya ee SAFARICOM. Sidoo kale warbaahinta maxalliga ah ee Kenya ayaa soo werisay in weerarkaasi dhacay balse faahfaahin dheeriya kama bixin khasaaraha ka dhashay. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo weerar ka fulisay gudaha dalka Kenya appeared first on Puntland Post.
  7. Ra’iisul Wasaara Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay Guddoomiyay Shirka guddiga qaran ee ka hortagga covid19, kaas oo habeen walba la qabto. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dadaalada loogu jiro ka hortagga Cudurka COVID-19 iyo warbixino kala duwan looga dhageystay Guddiga Qaran ee Cudurka. Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay dib u soo celinta dadka Soomaaliyeed ee ku xanniban dibedda ,iyadoo la marayo habka caalamiga ah ee hubinta rakaabka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Guddiga qaran ee ka hortega Cudurka COVID-19 faray inay sii wadadaan dadaalkood ku aadan sidii looga guuleysan lahaa Cudurka oo kiisas farabadan laga helay dalka. 1,357 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka Soomaaliya laga diiwaan geliyay, 148 ayaa guud ahaan ka bogsootay, Geeridu waxay mareysaa 55. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo soo celinaysa Soomaalida ku xanniban dalalka dibadda appeared first on Puntland Post.
  8. Mogadishu (PP News Desk) The Attorney General of Federal Government of Somalia Suleyman Mohammed Mohamud today briefed the media about an investigation into allegations of corruption at the Federal Ministry of Health. “The investigation has so far uncovered evidence of misappropriation and false invoices” said the Attorney General. “The corruption has spread to other Federal Ministries, involves departmental directors and private companies. Twenty people have been arrested as a result of ongoing investigations in conjunction with the Office of the Auditor General.” Suleyman Mohammed Mohamud: Days of impunity are over The Attorney General assured the public that the investigation is being carried out in line with legal procedures and that any loss of liberty by people under investigation complies with due process. “We have frozen and investigated bank accounts into which money from undue dealings at the heart of the investigation was deposited” said the Attorney General. © Puntland Post, 2020 The post SOMALI ATTORNEY-GENERAL’S OFFICE INVESTIGATES CORRUPTION AT THE HEALTH MINISTRY appeared first on Puntland Post.
  9. Mudisho (Caasimada Online) – Kadib markii ay heshiis gaareen hoggaankii is-bedel doonka Jubbaland iyo madaxweyne Axmed Madoobe waxaa laba garab u kala jabay golihii ku bahoobay isbedel doonka Jubbaland oo si wadajir ay u hoggaamin jireen Cabdirashiid Xidig, Cabdinaasir Seeraar iyo xubno kale. Caydaruus Axmed waxa uu ka mid yahay garabka isbedel doonka Jubbaland ee kasoo hor jeestay heshiiskii ka dhacay magaalaad Nairobi ee u dhaxeeyay Axmed Madoobe iyo ragii hoggaanimayey golaha isbedel doonka. Caydaruus oo jooga gobolka Gedo ayaa waxa uu sheegay in meel gaba-gabo ah uu u marayo qorshe ay maamul cusub ugu dhisayaan gobolka Gedo, oo haatan ay maamusho dowladda federaalka. “Qaar kamid ah isbedel doonka Jubaland, waxaad maqasheen Axmed Madoobe ayey heshiis la qaateen, wax cad oo hadda ay ku heshiiyeena nalooma soo bandhihin, maamulka gobolka Gedo waxa ay ku dhawaaqeen in la dhisayo jubaland loo dhanyahay, oo gogol nabadeed ay fidinayaan, taas ayaana wax ku leenahay” ayuu yiri sarkaalkan ka tirsan isbedel doonka Jubbaland. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “Isbedel doonkeena waxan qabnaa in aan ka qeyb galno gogoshaas nabadeed, ee la dhigay gobolka Gedo, hadii Axmed Madoobe uusan ka tanaasulin mowqifkiisana Jubbaland meesha ugu weyn awelba waxay aheyd gobolka Gedo iyo Bu’aale oo hada wax ka yar 20 KM loo jiro shacabkuna way tashanayaan, hadii Axmed noqday qab-qable xoog ku heysta dadka.” Agoosto 2019-kii markii dib loo doortay markiisii seddaxaad madaxweyne Axmed Madoobe waxaa aas aasmay gole isbedel doon oo ay kala hoggaaminayeen Cabdirashiid Xidig oo ka mid ah golaha shacabka iyo siyaasi Cabdinaasir Seeraar, kuwaas oo midba dhankiisa madaxweyne u sheeganayey, balse sheeda kore ayey iska ilaashanayeen, iyagoo ka mideysnaa diidmada qorshaha siyaasadeed ee Axmed Madoobe. Hase yeeshee 16-kii bishii Abriil ee sanadkan magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa heshiis dhaqan galay ku kala saxiixday madaxweyne Axmed Madoobe iyo hoggaanka xubnihii kasoo hor jeeday ee isbedel doonka, oo kala ahaa Cabdirashiid Maxamed Xidig, Cabdinaasir Seeraar Maax iyo Sheekh Daahir, kadib bilo wadahadal uu uga socday Nairobi, waxaana la aaminsanyahay in heshiiskaas ay gar wadeen ka aheyd dowladda Kenya. Intaas kadib waxaa heshiiskaas ku gacan seyray qaar kamid ah siyaasiyiintii xubnaha ka aheyd golahii ku bahoobay isbedel doonka Jubbaland, kuwaas oo hadda u muuqday in abaabulkooda ka dhan ah diidmada maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe ay u weeciyeen gobolka Gedo oo ka baxay gacanta Jubbaland, isla markaana ay si buuxda uga arimiso dowladda federaalka. Halkan ka dhageyso codka Caydaruus Axmed xubin ka tirsan isbedel doonka Jubaland https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/cod-hodan-golha-is-bdel-doonka-jubland.mp3
  10. Caddaanka Afrika Joogaa waa wada Dhakhtar ! Asalaamu Calaykum Dabayaaqadii Sannadkii 1992 kii mar aan ka shaqayn jiray Idaacada Radio Hargeysa iyo Wargeys la odhan jiray Baraarug ayaa waxaa maqaal uu Xaashi-bayaad ah ku soo qoray noo keenay nin aanan imika magaciisa xasuusan oo aqoon aad u sarraysa u lahaa arrimaha Caafimaadka iyo waxayaabaha cudurrada keena iyo kuwa aan keenin, maqaalkaas oo uu iga codsaday inaanu Joornaalka ugu qorno isla markaasna aan idaacada u gudbiyo ayaa cinwaanka maqaalku waxa uu ahaa “caddaanka Afrika joogaa waa wada dhakhtar”. Xiligaas Dalka waxaa ka jirtay xaallad aad u qallafsan, waxaana badi dadka magaalada Hargeysa ku nooli ay ka cabi jireen ceelal yarar oo laga dhex qoday Dooxa weyn ee Hargeysa oo Dameeraha lagu soo dhaamin jiray, dadka qaarkoodna waxa ay biyaha kusoo xambaaran jireen jirikaano ay kala yimaadeen Xeryihii Qaxootiyada ee Dulcad iyo Darroor ay ka midka ahaayeen ee loo qaxay xiligii dagaalada 1988, booyaduhuna way yarayeen, biyo qasabadeedna may jirin. Hadaba xiligaas waxaa jiray Foostooyin waaweyn oo ay ku jireen Suntii Ayaxa oo yaallay Xerada Ayaxa ee Magaalada Hargeysa oo ku taallay dhinaca Galbeed ee Xaafada Isha Boorama, foostooyinkii ayaa inta suntii laga daadiyay la gurtay, suntiina dooxa ayay soo raacday oo daadka ayaa soo qaaday oo Dooxa ku daray. Hay’ado tiro yaraa oo waagaas Dalka ku sugnaa ayaa bilaabay inay dadweynaha reer Hargeysa ku wacyi geliyaan inaanay Biyaha Dooxa cabin, maadaama Suntii Ayaxa ee la daadiyay ay Ceelasha geli karto oo ay Caafimaadka dadka wax yeelli karto. Nasiib darro meel kale oo ay Ummadu ka cabtaaba may jiran ee dooxa ayuunbaa loo aroori jiray, waxaana arrintaasi ay walaac ku abuurtay dadweynihii oo aan haysan meel kale oo ay Biyo u doontaan, sida hore aynu usoo sheegnayna duruufta uu Dalku ku jirayna waxay ahayd mid qadhaadh, waxaana xiligaasi uu ahaa xilli laga soo guurayay Xeryihii Qaxootiyada, qof kastaana gurigiisii oo dumay ayuu Teendho iyo waab yar ka ag dhistay. Hadaba Ninkan Khabiirka ahaa oo ahaa Muwaadin Aqoonyahan ah laakiin ay ka muuqatay duruufta iyo dacdarrada dalka ka jirtay, ayaa maqaalkiisa si waafi ah oo ay aqooni ku dheehan tahay ugu faahfaahiyay inaanay suntaasi ahayn mid cidna wax yeellaysa oo ay mawjadii u horreysay ee daadku ay dhufatay, sidaas darteedna ay dadku shakiga iska saaraan oo ay biyaha dooxa ka cabbaan. Waxa kale oo ninkaasi uu sheegay in Qof kasta oo Cad aanay dadku dhakhtar moodin oo aanay taladiisa raacin. Dadweynihii sidoodii hore ayay Dooxa uga cabbayeen iyaga oo aanay Suntiina waxba yeellin. Waxa arrintan isoo xasuusiyay Sheekada ninkii dhawaan durayay Mishiinada lagu baadho COVID-19. Waxaan qoraalkan ku soo gebogabaynayaa inaan idhaahdo; Qof Kasta oo CILAAJ ama COOSHAD yar meel ka furtaaba DHAKHTAR MAAHA ! Aad uga taxadira, Wasaaradiina Caafimaadkana ku Kalsoonaada oo la Shaqeeya. Waad Mahadsan tihiin Amb Kaysar Maxamed Qaran News
  11. Turkey will accept patients from 31 countries as of May 20 as it loosens coronavirus restrictions, according to the country’s Health Ministry. Source: Hiiraan Online
  12. NAIROBI (HOL) - The World Bank has approved $137 million to bolster Somalia’s fight against COVID19, response to drought and floods. Source: Hiiraan Online
  13. Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Bar-__-Qubanha-Wararka-16052020.mp3 View the full article
  14. Qoraalkaan waxaan ku eegeynaa habka go’aan qaadashada marka ay jiraan marxalado adag , waxaana tusaale u soo qaadaneynyaa labo dhacdo ama go’aano uu madaxweyne John F. kennedy qaatay, go’aanada uu qaatay ayaa midna uu ku fashilmay midna uu ku guuleystay, labadaan dhacdo ama xaladood ayaa kala ah: Source: Hiiraan Online
  15. Qoraalkaan waxaan ku eegeynaa habka go’aan qaadashada marka ay jiraan marxalado adag , waxaana tusaale u soo qaadaneynyaa labo dhacdo ama go’aano uu madaxweyne John F. kennedy qaatay, go’aanada uu qaatay ayaa midna uu ku fashilmay midna uu ku guuleystay, labadaan dhacdo ama xaladood ayaa kala ah: Source: Hiiraan Online
  16. Koox Saynisyahanno oo ka tirsan shirkadda Cilmiga bayoolajiga Mareykanka ee fadhigeeda yahay California ayaa ku dhawaaqay in ay heleen daawo loga hortigi karo Cudurka Corona Virus. Madaxda sare ee Shirkadan ay sheegay in dawada loo yaqaan ‘STI-1499 antibody’ ay ogadeen in ay joojinkarto in uu ku faafo jirka bani aadamka xanuunka Corona Virus tijaabooyin la sameeyay kadib. War-saxaafadeed kasoo baxay Shirkadda Cilmiga bayoolajiga Sorrento waxaa lagu sheegay in ay soo saari karaan illaa 200,000 bilwaliba, balse ay u baahan tahay ogolaanshaha Dowladda Mareykanka. Shirkadda Sorrento ayaa sheegtay in ay rumeysan tahay in wax weyn ay ka tari karto daawadaan SARS-CoV-2, oo ah Virus horseedi karo inuu si fudud u faafo xanuunka COVID-19. Shirkadda ayaa ka warbixisay baaritaankeedii iyada oo ku dhawaaqday in ay heshay Daawo 100% ka hortagi karto SARS-CoV-2. War saxafadeedkan oo jimcihii shalay ka soo baxay Shirkadda Sorrento ayaa lagu sheegay in Shirkadda ay rumeysan tahay in Daawadan loogu magac daray STI-1499 ay tahay midda uga haboon ee lagula dagaalami karo xanuunkan halista ah ee Corona Virus. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Garowe (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ka socda dadaallo xal loogu raadinayo khilaaf xoog leh oo ka dhex aloosan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland. Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayuu khilaafkoodu banaanka u soo baxay kadib markii xaafiiska Madaxweyne Deni 14-kii bishan ay kasoo baxday dikreeto uu ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka madaxtooyada Puntland. Axmed Karaash ayaa ku adkeystay in madaxweynuhu uusan kala tashan magacaabidda taliyeyaashaas, isagoo soo saaray isla maalintaas digreeto uu ku burinayo tii madaxweyne Deni. Siyaasiyiin, xubno ka tirsan goleyasha Puntland iyo isimada dhaqanka ayaa ku soo baxay khilaafka ka dhex qarxay labada masuul, waxayna haatan ku howlanyihiin xalinta khilaafkaas, sida ay sheegeen xubno qeyb ka ah waan-waanta socota. Dhinacyada ku howlan xal u helidda khilaafka Deni iyo Karaash weli u ma suurta gelin sida aan xogta ku heleyno inay isisoo hor fariisiyaan, balse waxa ay sheegeen in midba mar ay kula xariireen teleefoon, si ay ugu qanciyaan waan waanta socota. Xubnaha isugu jira siyaasiyiinta iyo isimada ee ku howlan dhameynta khilaafkaas waxa ay sheegeen in Puntland aysan maanta xamili karin khilaaf miisaanka intaa dhan leh, iyadoo ay xusid mudantahay in Puntland ay safka hore uga jirto gobollada dalka ee faraha ba’an ay ku hayaan cudurka Coronavirus iyo Ayaxa ka dilaacay Soomaaliya. Sidoo kale waxaa jira xaalado ba’niaadanimo oo ka dhashay daadad ku rogmaday magaalada Qardho ee gobolka Bari, waxaana weli gurmad u baahan dadkii ay saameeyeen daadadkii ka dhashay roobkan Guga, iyadoo meelaha qaar laga cabsi qabo inay ku dhuftaan daadad hor leh. Inta badan siyaasiyiinta reer Puntland ayaa qaba in iyadoo la fiirinayo caqabadahaas aysan Puntland xamili karin khilaafka soo kala dhex galay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo ah hoggaankii ugu sareeyay maamulka, waxayna ku dadaalayaan dhameynta khilaafkaas.
  18. Guddiga ka hortagga iyo wacyigelinta Coronavirus ee Somaliland ayaa maanta dib u fasaxay in deegaannada Somalailand uu imaan karo Qaadka ka imaan jiray dhanka dalka Itoobiya oo dhowaan guddiga uu hakiyey sababo la xirara xakameynta faafitaanka xanuunka COVID-19 iradoo waqtigii guddiga uu horay ugu asteeyey ay ka harsan tahay muddo afar Cisho ah. Warqad qoraal ah oo ka soo baxday guddiga uuna ku sixiixnaa guddoomiyaha guddiga ahna madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil ( Seylici) ayaa lagu xusay in guddigu uu go’aa nsaday in laga bilaabo maalinimada barito ah oo taariikhdu tahay 17-5-2020-ka uu fasax yahay Qaadka lana keeni karo deegaannada Somaliland. Dhanka kale kale guddiga ayaa soo saaray qodobo dhowr ah kuwaas oo ah habraaca lagu iibinayo Qaadka iayadoo dadka iibinayo loogu baaqay in ay fuliyaan, guddigu wuxuu sidoo kale sheegay inaan la ogolaan doonin in lagu kulmo Qaadka oo lawada cuno iyadoo lagu xusay qoraalka in dadka iibinayo aysan ka badan labo ruux iyaga oo isku jirsanayo masaafo dhan labo Mitir si looga fogaado faafitaanka caabuqa Coronavirus. Halkaan ka Akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. (SLT-Hargeysa)_Qaadka ayaa la fasaxay, iyadoo berri uu iman doono guud ahaan deegaannada Somaliland. Faahfaahfinta ka hor akhriso warqaddan ka soo baxday xafiiska Madaxweyne ku xigeenka. Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa qaba in dowladda Kenya oo Soomaaliya ay kala dhaxeyso dacwad dhanka badda ah ay gacansiin ka heleyso siyaasiyiin kale oo Soomaaliyeed. Siyaasiyiinta lagu eedeynayo gacan siinta Kenya ayaa la sheegay inay ku kala nooyihiin dalka iyo dibadiisa, kuwaas oo la tilmaamay inay Kenya ka gacan siinayaan damaceeda ah in meel ka baxsan maxkamadda cadaaladda Aduunka ee ICJ lagu xaliyo kiiska badda. Maxamed Jaamac oo mar wasiiru dowle kasoo noqday wasaaradda dekadaha iyo gadiidka badda Soomaaliya, sido kalena soo noqday xildhibaan ka tirsanaa barlamaanka Soomaaliya ayaa siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah dad horey xilal uga doo qabtay dalka ku eedeeyay in damaca Kenya ee badda ay gadaal ka riixayaan. Maxamed Jaamac ayaa madaxda dowladda federaalka u soo jeediyay inay maxkamad la tiigsato siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku lugta leh arrinta kiiska badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo isku deyaya, sida uu sheegay, inay u hiiliyaan Kenya. “Dowladda waxaan ugu baaqayaa inay marka hore kasoo jeesato difaaca badda, kadibna ay baacsato kuwa daba dhilifka u ah Kenya, waxaan u sheegayaa in hebel hebel la dhihi karo ninkii maalin kaliya u hiiliyay Kenya ama maamul goboleed ha joogo ama mucaarad ha ahaadee,” ayuu yiri siyaasi Maxamed Jaamac oo la hadlay Idaacadda Simba ee Muqdisho. Balankii ay u qabatay Maxkamadda Caddaaladda Aduunku in ay ku dhegaysato garnaqsiga ugu dambeeya ee ay Kenya iyo Soomaaliya ka dhiibanayaan dacwadda dhextaal ee ku saabsan soohdinta badda ee labada dal ayaa ahaa bishan foodda inagu soo haysa ee Juun. Hase ahaateen sida ay muujinayaan dukumentiyo la helay oo labada dal u direen maxkamada, waxa soo if baxaya in ay Kenya dalbanayso in dacwadda dib loo dhigo muddo aan cayinayn sababo dhaqaale oo jira iyo culayska fayraska Corona awgood. Soomaaliya ayaa dhankeeda doonaysa in dhegaysiga garnaqsigu xiligii loo cayimay qabsoomo, waxayna sida ku cad qoraallada ay maxkamadda u gudbisay ka cabaynaysaa cadaadis ay Kenya ku hayso oo arinta badda iyo dacwada la xiriira. Kenya waxay ku andacooneysaa in fayraska Corona uu saameyn ku yeeshay shaqada qareennada ku matalayay dacwadda oo ay sheegtay inay kala xayirmeen oo dhowr wadan ay ku kala suganyihiin. Hoos ka dhageyso codka Siyaasi Maxamed Jaamac https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Cod.mp3
  21. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay fasaxday qaadkii lasoo iib geyn jiray deegaanadeeda, iyadoo mudadii xayiraada ee la saaray ay ka harsantahay afar cisho. Warqad kasoo baxday xaafiiska Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, isla markaana lagu socodsiiyey ganacsatada qaadka ayaa lagu cadeeyay in laga bilaabo Axada berito la fasaxay qaadka. Iyadoo lagu xusay qoraalka todoba qodob oo ah habraac caafimaad oo ganacsatada looga baahanyahay inay ilaaliyaan. “Iyada oo ay ka harsan tahay waqtigii mudo ku siman afar cisho, waxa uu guddiga COVID-19 go’aamiyey in la fasaxo wixii ka dambeeya berrito oo Axad ah, uu qaadku u imaan karo sidiisii caadiga aheyd, waxayna guddigu soo saareen qodobo habraac ilaalinta cafimaadka bulshada ah, kuwaas oo ay khasab tahay in la ilaaliyo ganacsatada qaadka iyo dadka is ticmaalaba” ayaa lagu yiri qoraalka. Qodobada ugu muhiimsan habraaca caafimaad ee kasoo baxay guddiga COVID-19 ee Somaliland waxaa ka mid ah in qaadka ay soo iibin karaan oo kaliya laba qof. In dadka ay wax kasoo iibsanayaan ay u jirsadaan laba mitir, inay xirtaan qalabka afka iyo gacmaha ee looga taxadaro faafitaanka cudurka Coronavirus. In dadka iibsada qaadka aysan iskugu imaan marfashyada qaadka, sida xilliyadii hore iyo sidoo kale maqaayadaha lagu qayilo. Hoos ka aqriso warqadda
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa Safiirka Qatar ee Soomaaliya ka guddoontay dawo iyo agab caafimaad oo dowladda Qatar ay ugu deeqday dowladda federaalka Soomaaliya. Wasiirka caafimaadka ayaa dowladda Qatar uga mahad celiyay taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la garab taaganyihiin, iyo gurmadka degdegga ah ee xilliyada xaaladaha adag ay soo cusboonaadaan. Munaasabaddii deeqdaasi lagula soo wareegayay waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda, Wasiirka caafimaadka iyo saraakiil ka socotay Safaaradda Qatar ay ku leedahay Muqdisho. Deeqdan ka timid dowladda Qatar ayaa qeyb ka qaadaneysa dadaallada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jirto sidii looga hortagi lahaa faafitaanka cudurka Caronavirus. Dowladda oo dadaal xooggan ugu jirta kahor tagga iyo xakemynta cudurka halista badan ee COVID-19 ayaa qalabkaan u adeegsaneysa dagaalka loogu jiro xakameynta Faafitaanka Feyruska Karoona. Hoos ka daawo muqaalka
  23. Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa soo dhoweeyay mashruuca xarigga internetka 2Africa, oo la filayo inuu noqdo mid ka mid ah kuwa ugu dheer xargaha internetka ee badda hoosteeda mara, kaas oo isku xiraya Yurub, Bariga Dhexe iyo 16 dal oo ka tirsan qaaradda Afrika. Mashruucan ayaa waxaa iska kaashanaya shirkadaha China Mobile International, Facebook, MTN GlobalConnect, Orange, STC, Telecom Egypt, Vodafone iyo WIOCC. Shirkadda Dalkom Somalia ayaa ka mid ah saamileyda WIOCC, isla markaana wakiil uga ah dalka. Wasiirka ayaa u mahadecliyay Dalkom Somalia tallaabada kale ee ay kaga mid noqotay mashruucan ballaaran, iyadoo hore u ahayd shirkaddii ugu horreysay ee dalka keenta xarigga badda hoostiisa mara. Wasiirku wuxuu ku tilmaamay mashruucan mid abuuraya fursado cusub oo dhaqaale, isla markaana wax ka tari doona in dalkeenu uu si fudud ugu xirmo dalal badan oo ganacsi nagala dhexeeyo. “Waxaan aaminsannahay in mar kasta oo uu kordho xawaaraha internetka in ay la kordhi doonaan dhaqaalaha iyo adeegyada ku dhisan internetka. Adduunka maanta waxaa lagu kala horumari doonaa hadba sida uu dal kasta u adeegsado teknolojiyada, waxaa kobaca teknolojiyada aasaas u ahna waa internet xawaare sare leh,” ayuu yiri wasiirku. “Dawlad ahaan waxaa nooga aadan waa inaan dhiirrigelino, isla markaana fududeyno maalgashiga noocan oo kale ah, inagoo u abuureyna jawi lagu ilaalinayo maalgashigooda iyadoo loo marayo siyaasado iyo shuruuc ilaalineysa danaha dadka, dalka iyo maalgashatadaba.” Warbixin dhowaan ay soo saartay Shabakadda Cable, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ku jirto kaalinta 7aad ee adduunka, iyo kaalinta 1aad ee Qaaradda Africa dhinaca celcelis ahaan qiimaha ugu jaban ee 1GB ee internetka taleefoonka gacanta. Hase yeeshee, waxay fursad ballaaran ka bannaan tahay sidii loo horumarin lahaa internetka lagu bixiyo xargaha ee lagu isticmaalo guryaha iyo xafiisyada. Wasiirka oo arrintaas ka hadlayay ayaa ugu baaqay shirkadaha Soomaaliyeed inay markan u soo jeestaan sidii ay u maalgashan lahaayeen dhismaha xargaha internetka ee isku xira magaalooyinka (terrestrial fiber network), iyadoo lala kaashanayo Dawladda si looga caawiyo arrimaha rukhsadaha iyo sidii maalgelin caalami ah loogu heli lahaa mashaariicdaas. Tallaabooyinka noocaas ah ayuu wasiirku sheegay inay faa’iidada internetka wada gaarsiin doonto dalka oo dhan, soona kordhin doonto hal-abuurro cusub oo ay ka mid tahay in dadweynuhu adeegyada dawladda ay helaan iyagoo aan iman xafiisyada (e-government). Goobjoog News Source: goobjoog.com