Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadal dhawaan kasoo yeeray madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, kaas oo ahaa in qalabkii caafimaadka ee loogu deeqay Soomaaliya si looga hortago Coronavirus suuqyada lagu iibiyo. Wasiir ku xigeenka caafimaadka Soomaaliya Maxamed Saciid Cabdullaahi oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay qalabkaas ay u isticmaalaan sidii loogu tala galay ka wasaarad ahaan. Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in xaaladaha caafimaad ee haatan dalka ka jira aysan aheyn kuwo ku haboon in la siyaasadeeyo, isla markaana agabkii ay dowladuhu ku caawiyeen loo qeybiyay gobollada dalka. “Dowladda federaalka arrinta COVID-19 sharciga uga yaalla waa wax aan la siyaasadeyn oo aysan aheyn arrin la siyaasadeyn karo, waana dhib aduunyada ku wada hadsaday, waan sii dadaaleynaa waana la tacaaleynaa qof kasta oo uu soo rito,” ayuu yiri Maxamed Saciid. Isaga oo hadalkiisa sii watay ayuu yiri, “Illaa hadda qalabka caafimaad ee nasoo gaaray waa mid aad u yar, waxaana gaarsiinay gobollada meelihii ugu darnaa, arrimaha siyaasadana siima dhex geli karo iyo waxaana la sheegayo, laakiin anaga waajibkenu waa inaan dalka wada gaarsiino adeeg caafimaad inta tabarteen ah.” “Ka wasaarad ahaan weli ma aanaan arkin qalab caafimaad oo lagu iibinayo suuqyada, mana garan karno meel laga keenay warkaas” ayuu yiri. Ugu dambeyntii wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in cudurka Coronavirus uu si daran ugu faafay dalka, isla markaana ka wasaarad ahaan aysan u tag heyn, balse ay dadaalayaan. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Wasiir-ku-xigeenka-caafimaadka-Soomaaliya-Maxamed-Saciid.mp3
  2. Waxaa maanta gelinkii dambe gaartay magaalada Cadaado diyaarad siday shixnad gargaar caafimaad ah oo ay la socdeen dhaqaatiir iyo howlwadeenno caafimaad kuwaas oo la filaayo in ay sameeyaan baaritaanno la xiriira xanuunka Coronavirus oo saameeyey magaalada Cadaado oo dad ku dhow 10 ruux ay u geeriyoodeen COVID-19 Agabka caafimaadka oo lagu wareejiyey gudoomiyaha degmada Cadado Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole ayaa isugu jirta qalabka marada ah ee wajiga lagu xirto, (Face mask), gacmo gashi, sariiro, qalabka neefta siiya bukaanada qaba xanuunka COVID-19, guddoomiyaha ayaana ka mahad celiyey qalabkaan la soo gaarsiiyey xili baahi loo qabay. Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole ayaa intaas ku daray dhakhaatiirta ay dowladda Federaalka u soo dirtay Cadaado ay ku sameyn doonaan baaritaanno bukaannada lagaga shakisan yahay in ay qabaan cudurka, iasaga oo carabka ku adkeeyey in la sugayo jawaabaha ka soo baxa baaritaannada la sameyn doono sida uu sheegay Tootoole. Agabkaan caafimaad ee la gaarsiiyey magaalada Cadaado ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo maanta galinkii dambe safar aan horay loo shaacin uu magaalada ku tagay wafdi uu hogaaminaayey madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor waxaana la filayaa inuu tago xarunta loo diyaariyey in lagu karaantiilka dadka uu soo ridanayo xanuunka COVID-19 taas oo u baahan in la qalabeeyo sida uu sheegay maamulka magaalada Cadadado. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Xildhibaanow Xusuusnow Baarlamaankow Ciid wanaagsan. Waxaan maqlayaa in aad ku howlan tihiin qaabka ay doorasho u dhici doonto iyo goorta, qofkii Allah gaarsiiyo. Marka hore waan idinku bogaadinayaa in aad gudaneysaan waajibaadkiinna Dastuuriga ah. Marka xiga talooyinka aad rogrogeysaan, oo qaarkiin marka ay bannaanka joogaan aanay la gabmbaneyn, waxaan maqlayaa in ay ka mid tahay in aad kuraasta iska sii fadhidaan marka uu dhammaado xilligii la idiin doortay. Kuwa sidaas ku doodayaa kama xishoonayaan ee qiil ayayba ka dhiganayaan in ay ku fashilmeen in ay howlaha ayaga kaga beegan doorashada ay qabtaan si ay u dhacdo xilligii la isku ogaa oo ah bisha November 2020. Hadalka ayay qurxinayaan. Waxay leeyihiin doorasho lagama gaaro sidii in aanay ka mid ahayn howshii loo diray afar sano ka hor ee ay tahay Breaking News soo dhacay bartamaha 2020. Waxaa kale oo aad mooddaa in ay moog yihiin in kuwii ay doorasho kaga adkaadeen ama khiyaamo iyo wax isdaba marin gacan lagu siiyay ay kursiga kaga boobeen ay afar sano sugayeen tartankii uu Dastuurku damaanad qaaday 2020. In uu sameeyay ama uu ku biiray Xisbi ka dib markii shuruud laga dhigay. In isaga oo cartamaya uu maalin maalin u tirsanayay goorta ay ku eg tahay muddada sharciga ah ee heshiiska lagu yahay ee Baarlamaanku. Sidaas ay tahay waa laguu cad gooyay. Cidi kaama hor joogto in aad keligaa go’aan ka gaarto qaabka aad doonto in ay doorashadu noqoto iyo waliba goobta kursiga la dhigayo aad ku tartami lahaydeen. Waxa keliya ee Xildhibaanow aan ku xusuusinayo waa in haddii tirada dadka Soomaaliya ay tahay 15 milyan ay Xubnaha labada Gole ee Baarlamaanku ay ka noqonayaan Boqolkiiba 0.002. Haddii Xildhibaannada Baarlamaanka iyo ergooyinka soo dooratay la isku darana aad tihiin boqolkiiba 0.09 shacabka Soomaaliya. Waa tiro ka yar boqolkiiba hal aad madax ugu tihiin inta kale oo ah boqolkiiba 99 iyo dheeraad. Doorasho xilligeedi kuma dhici karto oo waan aragnaa in laga gaabiyey. Mana aha Corona oo ma aragno howl doorasho oo socotay oo Corona uu hakiyay. Kordhin farsamo oo lama huraan ah waa ku qabatay oo waa la qaadan. Marka aad go’aan gaareyso, meelmarin iyo fulintiisa adiga lagaa rabo laaca keliya lama eego. Xisaabta ku darso xaqiiqada ku hor iyo hareera taalla oo u qeybsameysa maxaa Soomaali ka suurta gal ah haddii la baajiyo doorashada? Iyo maxaa ka suurta gal ah ajnabiga kala danaha ah ee qaar noo hayo amniga, qaar na siiyo deeqaha, qaar naga taakuleeyo siyaasadda iyo diblomaasiyadda qaarna uu shidaalka iyo kalluunkeenna ku rabo lacag la’aan ama sida ugu jaban ee suurta gal ah. Yuusuf Garaad – Waa wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya, danjirihii hore ee Soomaaliya ee QM iyo madaxii hore ee laanta Af-Soomaaliga ee BBC. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  4. (SLT-Laascaanood)-Kiisaskii u horeeyay ee caabuqa Coronavirus ayaa laga helay gobolka Sool, iyadoo la shaaciyay in laba qof oo xanuunkaasi haleelayay lagu arkay magaaladda Laascaanood. Tiradda dadka laga helay caabuqa Coronavirus ayaa ah laba qof, iyadoo labadda qof la daawaynayo oo ay xaaladoodda si dhaw ula socdaan dhakhaatiirta iyo kooxaha loo diyaariyay la tacaalida dadka uu haleelo caabuqaasi. Sidaasina waxaa shaaciyay isu-duwaha wasaaradda caafimaadka Somaliland ee gobolka Sool, ahna guddoomiyaha guddiga gobolkaasi ee la dagaalanka faafintaanka Covid-19, Dr. Maxamuud Xaaji Khaliil. Kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaaladda Laascaanood guddiga la tacaalida faafitaanka Coronavirus ee gobolka Sool. Dr. Maxamuud Xaaji Khaliil, ayaa sheegay in aanay weli bulshadda gobolka Sool u hogaansamin fariimaha iyo awaamiirta guddiyadda la dagaalanka Coronavirus, isla markaana ay weli sidii hore isugu soo ururayaan makhaayadaha, masaajidadda iyo goobaha bar-kulanka ah. Waxaanu dadweynaha ugu baaqay in ay qaataan tallooyinka guddiyadda iyo bahda caafimaadka, isla markaana cidii dareenta in ay isku aragto calaamadaha xanuunkaasi in ay la soo xidhiidhaan xarumaha caafimaadka. Waxaanu yidhi, “Waxaa jirta, in aanay weli bulshadu baraarruga iyo wacyigelinta xanuunka Coronavirus qaadan. In Makhaayadaha la fadhiyo, masaajidadda lagu tukanayo, goobaha lagu shaaho weli la isugu imanayo. Weli ay bulshadu samaynayaan tacaamulkii hore. Waxaana muuqata in aanay weli bulshadda baraarrugeedu sax ahayn”. Waxaanu intaas raaciyay, “Waxaan halkan u marinayaa bulshadda gobolka Sool, in kiisaskii ugu horeeyay Laga xaqiijiyay. Waxaanan doonaynaa in bulshadu ay taxaderaan, oo ay dhegaha u weeleeyaan fariimaha ka soo baxaya guddiga iyo wasaaradda caafimaadka, iyo dhakhaatiirta” ayuu yidhi Dr. Khaliif. Geesta kale Dr. Maxamed Xaaji Khaliif, ayaa faahfaahin ka bixiyay labadda qof ee xanuunka laga helay iyo meelaha xaaladoodda lagula tacaalayo. Waxaanu yidhi, “Labadaa kiis waa la daawaynayaa. Meel gaar ah, oo bulshadda kale ka gaar ahna waa lagu daawaynayaa. Xaaladoodda caafimaad-na, dhakhaatiirta iyo kooxaha caafimaadku aad ayay ula soconayaan. Waanay wanaagsan yihiin xaaladoodda caafimaad”. Dhinaca kale Dr. Xaaji Khaliif, waxa uu sheegay in weli dadku ay cabsanayaan, isla markaana ay qarsanayaan haddii ay dareemaan calaamadaha xanuunka Covid-19. Waxaanu ugu baaqay dadweynaha in qofkii iska shakiya meesha uu doono ha joogee in ay kooxaha caafimaadku ugu imanayaan. “Weli waxaad moodaa in dadka ay cabsiyi ku jirto, oo ay dadku xanuunkii qarsanayaan, oo ay guryaha ku haystaan. Arrintaana waxaan leeyahay waa in laga waantoobo. Ha qarsanina xanuunkan, haddii aad iska shakidaan, aad hay’adaha u xil saran la soo xidhiidho, gurigaaga ayaa laguugu imanayaa. Ama miyi joog ama magaallo joog, goobta aad joogto ayay kooxaha caafimaadku kuugu imanayaan. Haddii ay tahay habeen iyo haddii ay tahay maalin-ba” ayuu yidhi isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee Sool. DAAWO: isu-duwaha oo arrimahaa Faahfaahinaya: Source
  5. Somalia’s ministry of health has announced 13 new Covid-19 cases on Wednesday, the lowest number since the outbreak of the deadly virus in the country early this year. The health officials said 8 of the new cases were recorded in Mogadishu and 5 in Somaliland, a breakaway region located north of the country. The ministry has also announced 12 recoveries. The latest tally brings the total number of Covid-19 cases to 1,731 with 253 and 67 deaths. View the full article
  6. La taliyaha sare ee COVID19, kala taliyo wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegay in 24kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 13 xaaladood oo COVID19 ah, taas oo tirada guud dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 1,731 Bukaannada cusub oo laga diiwaan geliyay Somaliland 8 iyo gobalka Banaadir 5 ayaa 10 kamid ah waxa ay yihiin rag, 3-na waa haween. Feyruska Karoona waxaa bogsooday 12 qof oo cusub taas oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 265 qof. Lama diiwaan gelin bukaan cusub oo u geeriyooday COVID19, waxaana geerida guud mareysaa 67. Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) ayaa ku baaqay in lagu dadaalo ka hor tagga iyo faafitaanka cudurka si loo yareeyo saameynta COVID19 uu bulshada ku yeelanayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa uu xafiiskiisa ku dhejiyay sawirka madaxeynihii hore Aadan Cabdulle Cismaan, si uu u muujiyo in uu ku dayanayo [...] The post Musharax M/weyne Daahir Mohamud Gelle : – ” Mudane M/weyne in aad Xafiiskaaga ku dhegsato Maswirka Madaxweyne Aden Cade iyo inaad macaanasto oo aad isku dhejidis Kursiga iyo Awooda Dalku is keeni meyso “ appeared first on . Source
  8. Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qooqoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaana loo soo galbiyey madaxtooyada magaalada Cadaado. Madaxweyne Qoorqoor waxaa safarka uu gaaray Cadaado ku wehlinaya Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, wasiirro, xildhibaanno iyo xubno kale waxaana garoonka diyaaradaha ee duleedka bari magaalada Cadado kusoo dhaweeyay Maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Madaxweyne Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor ayaa waxaa lagu wadaa Inta uu ku sugan yahay magaalada Cadaado inuu kulamo kala duwan uu la qaato Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidanka iyo Bulshada, isagoo kala hadli doona arrimo kala duwan oo ay ugu horeyso saameynta xanuunka Coronavirus oo dhowr qof u geeriyootay Sidoo kale waxaa uu kormeer ku tegi doonaa sida la sheegay xarumo ku yaalla Magaalada Cadaado oo loogu talo galay in lagu karaantiilo dadka uu soo ridanayo xanuunka COVID-19 oo maamulka degmada ay horay u sheegeen inaysan qalabaysneen waxaana wasaaradda caafimaadka Galmudug iyo federaalka ka dalbadeen in loo qalabeeyo. Safarka Madaxweynaha Galmudug uu maanta ku gaaray magaalada Cadado ayaa ah safakii ugu horeeyey tan iyo markii loo doortay Galmudug Ammaanka Guud ee Magaalada Cadaado ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka Galmudug iyo kuwa ka tirsan dowladda Federaalka oo ku sugan gudaha cadaado. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Habeen-270520-we.mp3 View the full article
  10. Qore : Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Gedo iyo Berdaale waxaka dhacay waa dharbaaxo shacabkaSoomaaliyeed oo dhan ku dhacdayee gaar kuma aha goblkaas! Colonel Abiy Axmed-ka Itoobiya [...] The post Mraykanka iyo Itoobiya siyaasaddooda Soomaaliya ma is xambaar baa?!… Doqontii usha agteeda lagu dhuftay! appeared first on . Source
  11. Wasiir Xigeenka Wasaarada Maaliyada Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Qawdhan ayaa maanta wuxuu Xilkii kala wareegay Masuulkii badalay. Wasiirka Maaliyada iyo Agaasimaha Wasaarada ayaa ka qayb [...] The post Wasiir Qowdhan oo Xilkii la wareegay appeared first on . Source
  12. Buuloburde (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka ayaa Al-Shabaab kala wareegay deegaano kala hoos taga magaalooyinka Buuloburde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kadib dagaallo culus oo dhex maray saacadihii la soo dhaafay. Khasaare kala duwan ayaa la sheegay in uu ka dhashay dagaalkaas, waxayna dad ku sugan magaalada Jalalaqsi noo sheegeen in deegaanada lagu dagaalamay ay ka mid yihiin Afcad, Ceelbacad, iyo Abooreey oo kala hoos taga magaalooyinka Buuloburde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa guulo ka sheegtay dagaalka waxayna sheegeen in weerarro culus oo ay ku qaadeen Al-Shabaab ay ku gaarsiiyeen khasaare kala duwan. Dhame Cabdulqaadir Cali Nuur oo ah Taliyaha ururka 41-aad ee guutada shanaad ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in Al-Shabaab ay dagaalkaas uga dileen illaa 13 dagaalame. Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay kala wareegeen deegaano dhowr ah, isla markaana ay ka furteen hub iyo saanad ciidan. Al-Shabaab ayaan weli dhankooda wax war ah kasoo saarin dagaalka ka dhacay Hiiraan ee guulaha ay ka sheegteen militeriga Soomaaliya. Taliska qeybta 27aad ee militeriga Soomaaliya oo fadhigiisu yahay gobolka Hiiraan ayaa dhawaan ku dhawaaqay in la bilaabi doono howlagallo ka dhan ah ururka Al-shabaab.
  13. La taliyaha sare ee COVID19, Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegay in 24kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 13 xaaladood oo COVID19 ah, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 1,731. Bukaannada cusub oo laga diiwaan geliyay Somaliland 8 iyo gobalka Banaadir 5 ayaa 10 kamid ah waxa ay yihiin rag, 3-na waa haween. Feyruska Karoona waxaa bogsooday 12 qof oo cusub taas oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 265 qof. Lama diiwaan gelin bukaan cusub oo u geeriyooday COVID19, waxaana geerida guud mareysaa 67. Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) ayaa ku baaqay in lagu dadaalo kahor tagga iyo faafitaanka cudurka si loo yareeyo saameynta COVID19 uu bulshada ku yeelanayo. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa bedeshay maamulkii isbitaalka Martiini oo loo asteeyay in lagula tacaalo dadka uu soo rito xanuunka Coronavirus. Wasaaradda ayaa Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed ‘Jalaaludiin’ u magacawday Agaasimaha cusub ee isbitaalka Martiini oo ah isbitaal kaliya ee haatan aad loogu han weyn yahay adeegiisa, maadaama cudurka COVID-19 uu fara ba’an ku hayo dalka. Martiini ayaa ah goobta caafimaad ee illaa hadda si rasmi ah loogu asteeyay in lagu dabiibo dadka uu soo rito COVID-19, waxaana haatan ku jira dad badan oo qaba cudurkaas. Sidoo kale waxaa maalin kasta taga isbitaalkaas dadka qaba iyo kuwa isaga shakiya cudurkaas, si looga baaro, iyadoo qofkii xaaladiisu darantahayna la jiifiyo. Dadka ugu badan ee la jiifiyo Martiini waxaa kuwa awoodi waaya inay neefsadaan, waxaana lagu baxnaaniyaa qalabka neefta siiya ee Oksajiinka. Agaasimaha cusub ee haatan loo magacaabay isbitaalka Dr, Jalaaludiin waxa uu horay u ahaa la-taliyaha nidaamka caafimaadka ee wasaaradda caafimaadka, sidoo kale waa xubin ka tirsan guddiga ka hor tagga xanuunka Coronvirus.
  15. Guddiga Ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa ku wargeliyay ururada siyaasadda Puntland in ay ugu dambayn 22-june 2020 ku soo gudbiyaan dhammaystirka Shuruudaha Wejiga labaad ee Diiwaan-gelinta. Qoraal ka soo baxay TPEC ayaa lagu sheegay in Guddigu uu dib u eegis ku sameeyay go’aankoodii hore ee la xiriiray hakinta shirarka Ururada Siyaasadda si looga taxaddaro faafidda Xanuunka COVID-19 sidaasi darteedna ay Ururada siyaasaddu haatan soo gudbistaan Shuruudaha Wejiga labaad ee Diiwaan-gelinta. Sidoo kale Urur siyaasadeed kasta waxaa lagu wargeliyay in uu qabsado Shirweynihiisa ka hor 22-June2020 si waafaqsan Habraaca iyo Shuruudaha u degsan Guddiga Ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland. Guddiga ayaa sidoo kale Ururada Siyaasadda ku boorriyay in ay taxaddar dheeriya muujiyaan wakhtiyada ay Shirarka qabsanayaan maadaama uu weli dalka ka jiro Xanuunka COVID-19 islamarkaana ay raacaan talooyinka Bahda Caafimaadka si loo ilaaliyo bedqabka Shacabka. Halkaan ka akhriso Qoraalka PUNTLAND POST The post Ururada Siyaasada Puntland oo lagu wargeliyay in ay soo dhammaystiraan Wejiga labaad ee Diiwaan-gelinta appeared first on Puntland Post.
  16. (SLT-Hargeysa)-Somaliland ayaa werwer ka muujisay Hub ay sheegtay in dawladda Masar ugu deeqday Soomaaliya. Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa bartiisa Twitterka ku qoray in arrintani waxyeelayso Xasilloonida gobolka. ” Dawladda Somaliland waxay aad uga walaacsantahay u hogaansan la’aanta dawladda Soomaaliya ee xanibaadda hubka. waxa aan cabaaraynaynaa dawladda masar ku xadgudubka cunuqabataynta hubka Somalia. tani waxay keenaysaa khatar xagga amniga iyo deganaansha aha gobolka”. Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland oo aan khadka Telephone-ka kula xidhiidhay isagoo Ceel-Afweyn ku sugan ayaa ii sheegay in ay werwer weyn ka qabaan Hubka Soomaaliya lagu caawinayo sida uu hadalka u dhiggay. Source
  17. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa fagaaro ku yaalla Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay halkaas xukun dil toogasho ah ay kula fuliyeen Nin la sheegay inuu horey Dil u geystay. Al-shabaab ayaa dadweyne farabadan isugu keentay goobta uu ka dhacayay xukunka dilka toogashada ahaa, isla markaana waxaa xukunka lagu fuliyay Nin lagu magacaabi jiray Max’med Jiinoow Jimcaale. Qoraal lagu daabacay baraha Al-shabaab ayaa waxaa ku sheegeen in Maxamed Jiinow uu bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay uu gudaha Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ku dilay Nin lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Daahir Cali. Sidoo kale Shabaab ayaa tilmaamay in Ehellada ninkii uu horay u dilay Maxamed Jiinow ay qisaasta dalbadeen, isla markaana sidaas goob fagaare ah loogu qisaasay Ninkaas. Al-shaabaa ayaa dhowr jeer sidaan oo kale deegaanada ay dalka kaga sugan yihiin waxaa ay xkuno kala duwan oo dil toogasho ahaa ee ku fuliyeen dad ay ku eedeeyeen inay la shaqeyn jireen dowladda Federaalka iyo kuwa kale oo dilal geystay. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo xukun dil ah fulisay appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dowladda federaalka Soomaaliya ay qoratay 23 garsoore oo cusub kadib markii shaqada laga cayriyey 21 garsoore, xilliyo kala duwan. Garsooreyaasha la cayriyey ayaa isugu jira 6 dhowaan la eryey, laba la eryey markii uu xilka qabtay guddoomiyaha maxkamdda sare, iyo 13 la eryey xilligii madaxweyne Xasan Sheekh, balse kuraastooda banaaneyd. Garsoorayaasha shaqada laga eryay waxaa ka mid ah Gudoomiyihii Maxkamadda Racfaanka ee dhowaan xilka laga qaaday, guddoomiyihii Maxkamada gobalka Banaadir ee asna xilka laga qaaday iyo 19 Garsoore oo kale oo hoose. Sidoo kale kuwa kale ee cusub ee shaqada loo qaatay ayaa waxaa kamid ah guddoomiyaasha cusub ee la magacaabay iyo 19 qof oo kale. Sababta keentay in Garsoorayaasha dhowaan shaqada laga eryo ilaa hada lama oga balse waxaa soo baxaya iney aheyd dalab ka yimid guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka islamarkaana ay sidoo kale qeyb ka tahay khilaafkii maalmahaan taagnaa. Mas’uuliyiin badan ayaa madaxda Garsoorka iyo kuwa dowladda Soomaaliya ku dhaliilay shaqo ka ceyrinta Garsoorayaasha taas oo dhibaato ku ah qoysas badan oo ku tiirsanaa mustaqbalka kuwa la eryay, xataa ay saameen ku yeelan karta ammaanka iyo cadaaladda dalka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan shaaciyey inuu xilalkii ka qaaday guddoomiyaasha Maxkamadaha Racfaanka iyo gobalka Banaadir kadib asbuucyo khilaaf ah u dhaxeeyay masuuliyiinta Garsoorka Soomaaliya, hase yeeshee garsooreyaasha hoose ayaan si rasmi ah loo shaacin.
  19. Lamaane Soomaali ah oo ka baxsaday Isbitaal lagu karantiilayey Dowladda Uganda ayaa sheegtay in 25 Bishaan ay laba qof oo Soomaali ah ay ka baxsadeen xarun Karantiil oo ku taalo Degmada Masinidi ee dalka Uganda. Labadaan qof ayaa ka baxsaday Isbitaalka Masindi, waxayna Saraakiisha Caafimaadka dalkaas sheegeen inay ku raad joogaan, isla markaasna u karantiilnaa sabab la xiriirta cudurka Coronavirus. Labada qof ee Soomaalida ah ee ka baxsatay xarunta karantiilka ayaa ahaa lamaane oo magacyadooda lagu kala sheegay Ibraahim Maxamed iyo Xaaskiisa Shamula Maxamed, sida lagu daabacay Wargeyska The Observer ee ka soo baxa Uganda. Labadaan qof ee baxsaday ayaa la sheegay inay dhawaan dalka Uganda kasoo galeen xuduuda ay la wadaagaan dalka South Sudan, iyadoo looga shakiyey cudurka COVID-19. Labadaan qof ayaa waxaa soo far muuqay Nin kaxeeya Mootada Dhugdhugleyda ee Uganda looga yaqaano Boda-boda, xilli ay ku sugnaayeen Xarunta Ganacsiga ee Kijura Trading Centre oo ku taalo Masinidi. Dr. Rogers Musinguzi , Madaxa Kooxda Maareynta ee Kiisaska COVID 19 ee Degmadda Masinidi ayaa sheegay in dadka deegaanka ay ka shakiyeen labadaan qof, sidaasna lagu soo war geliyey Booliska si loo geeyo xarunta lagu karantiilo dadka laga shakiyo. Ilaa hadda si rasmi a h looma ogo halka ay cirib iyo jaan dhigeen labadaan lammaane oo ka baxsaday isbitaalkii lagu karantiilayey oo ku yaalo Degmadda Masindi. Qaran News
  20. GaROWE (HOL) - Puntland President Abdullahi Deni and his deputy Ahmed Karaash have pledged to resolve their differences which have in recent weeks spilled into the public, a mediation team has said. Source: Hiiraan Online
  21. Kadib guul-darradii Libya, Sacuudiga iyo Imaaraadka oo xasilooni darro ka billaabay dal kale oo Carbeed Warbaahinta Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Masar ayaa billaabay olole ka dhan ah Rached Ghannouchi oo ah hogaamiyaha dhaq-dhaqaaqa Ennahda ee dalka Tunisia, si ay u dhaawacaan sumcaddiisa. Dhaq-dhaqaaqa Ennahda ama Dhaq-dhaqaaqa Iska caabinta waa dhaqaaqi Islaami dimqoraadi ah, oo ku aragti ah Ikhwaanul Muslimiinka Masar, kaasi oo 38 kadib markii la aas-aasay ku guuleystay doorashooyinkii Tunisia ee ka dambeeyey kacdoonkii dalkaas, soona dhisay dowladda hadda jirta. Sky News Arabia, Tv-ga Sucuudigu maalgeliyo ee Al-Carabiya iyo Wargeyska Yoom7 ee kasoo baxa Masar ayaa daabacay warar isdabajoog ah oo isku xig xiga oo dhan ah hoggaamiyaha Ennahda. Wararku waxaa ay sheegayaan in Ghannouchi uu dhaqaale aad u badan helay tan iyo markii uu Tunisia kusoo laabtay, markii uu kacdoonkii guuleystay sanadkii 2011-kii, lacagtaas oo dhan $8 billion oo dollar. Dadka indho-indheynaya waxaa ay rumeysan yihiin in ololuhan la doonayo in uu kala fogaansho ka dhex abuuro baarlamaanka iyo Madaxtooyadda iyo in uu isku dhac ka dhex abuuro baalamaanka si uu hey’adda Dowliga ah ee Tunisia kadibna kala jejebiyo, si ay xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka u helaan albaab ay kasoo galaan Tunisia. Daboolista guul-darrooyinka Libya Ololahaan waxaa uu ku soo aaday markii maleeshiyaadka daacadda au ah Khaliifa Xaftar uu khasaare kasoo gaaray magaalooyinka galbeed ee dalka, iyo iyadoo ciidanka Libya ay la wareegeen maamulka saldhigga Alwatiya ee ciidanka cirka. Khubaradu waxay u arkaan in deg-degga warbaahinta ee ay wadaan Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar ee ka dhanka ah Ghannouchi uu yahay isku day lagu daboolayo guul daradda kasoo gaartay Libya. “Libya waa fure-sireedka Imaaraadka ku hagaya ololaha ka dhanka ah Sheikh Rachid Ghannouchi,” sida uu sheegaay Cammar Fayed oo ah cilmi-baare ku xeel-dheer arrimaha Bariga Dhexe. “Inkastoo ay fududahay in la diido in Ghannouchi uu dhaqaale badan helay iyo sidii uu ku dhawaaqeenba cidda ay quseeyso, waaya aragnimadu waxay noo sheegeysaa in aysan waxaba ahayn sida ay eedeymuhu xiiso u leeyihiin, qul-qulka warbaahinta ayaa ka dhigaya wax laga yax-yaxo gaar ahaan haddii ay ku lamaan yihiin dhaq-dhaqaaqa Imaaraadka taageerto ee Tunisia,” ayuu Fayet u sheegay Anadolu. “Isbaheysiga kacdoon iska caabinta kuma uusan talo gelin in uu ogolaado tijaabo dalka gudihiisa ah si ay ugu gudbaan Imam Ghannouchi” ayuu hadalkiisa ku daray. Fayet waxaa uu adkeeyay in kacdoonka iska caabinta Libya ay saameyn toos ah ku leeyahay beegsiga xasiloonida Siyaasadda Tunisia iyo Ghannouchi oo u hambalyeeyay qabsashadda Dowladda Libya ee garoonka diyaaradaha ee Al-Wattiya oo u dhow xuduudda Tunisia, taasi oo ay ka caroodeen Qaahira iyo Abu Dhabi. Tunisa, dimoqraadiyadda kaliya ee weli taagan “Siyaasadda sumcad dilka ah waa caan waana siyaasad wareegeysa, laakiin khatar ayey noqota markii wadamadu ku dabaqaan hey’adahooda dowliga ah iyo warbaahintooda, sidaas darteed marin habaabinta, iyo beentu waa ay baahayaan” ayuu yiri Suxufi Masar u dhashay oo Osama Gaweesh lagu magacaabo. Garwesh waxaa yiri “su’aashu waa maxay tahay sababta iska caabintu isugu dayeyso in la sharaf dilo Ghannouchi? Si kooban, jawaabtu waa Libya.” Waxaa uu hadalkiisa ku daray “waxay u muuqataa in xulufadu aysan qaadan karin sida looga adkaaday gacantoodii Libya ee Khaliifa Xaftar oo ay ka adkaatay Dowladda caalamku aqoonsan yahay.” Tunisia waxaa loo tixgeliyaa in ay tahay nidaam demoqaraadi ah oo furan kaasi oo aysan awood gaar ah heysan. Arrintu waa in aysan la mid ahayn nooca maamul ee Imaaraadka kadib markii dhaq-dhaqaaqa Ennahda uu doorashadii ugu horreysay ku guuleystay. Isu soo baxyadda kacdoonka ee Tunisia ee ay hogaamiyaan Ennahda waxaa ay sidoo kale weerar kala kulmaan kuwo kale oo ay taageerto Imaaraadka Carabta iyagoo warbaahinta u maraya taasi oo keentay in Ra’iisul Wasarihii hore Hammad al-Jabali uu dhaho “Imaaraadka waxay ku xad gudbeysaa madaxbanaanida qaranka iyadoo adeegsaneysa lacag iyo warbixin”. Qaran News