Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,505
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. BBC oo heshay dokumentiyo muujinaya sida Soomaaliya, Kenya ugu kala aragti duwanyihiin dhegaysiga dacwadda badda Khariidad muujinaysa soohdinta badda ee lagu muransanyahay Balankii ay u qabatay Maxkamadda Caddaaladda Aduunku in ay ku dhegaysato garnaqsiga ugu dambeeya ee ay Kenya iyo Soomaaliya ka dhiibanayaan dacwadda dhextaal ee ku saabsan soohdinta badda ee labada dal ayaa ahaa bishan foodda inagu soo haysa ee Juun. Hase ahaateen sida ay muujinayaan dukumentiyo ay BBC-du aragtay oo labada dal u direen maxkamada, waxa soo if baxaya in ay Kenya dalbanayso in dacwadda dib loo dhigo muddo aan cayinayn sababo dhaqaale oo jira iyo culayska fayraska korona awgood. Laakiin Soomaaliya waxay doonaysaa in dhegaysiga garnaqsigu xiligii loo cayimay qabsoomo, waxaanay sida ku cad qoraallada ay maxkamadda u gudbisay ka cabaynaysaa cadaadis ay Kenya ku hayso oo arintaa la xidhiidha. Kenaya waxay sheegayaa in fayraska Karona uu saameyn ku yeeshay shaqada qareennada ku matalayay dacwadda oo ay sheegtay inay kala xayirmeen. Waxay Kenya sidoo kale sheegtay in xanuunka safmarka ah uu saameyn ku yeeshay dhaqaalaha dalkeeda iyada oo tilmaamtay in miisaaniyada dowladda dib loogu eegayo si ahmiyad loo siiyo arrimaha deg degga ah ee muhiimka ah sida la dagaalanka xanuunka fayraska Karona oo aanay lacag ay ku bixiso khidmadda qareenada haatan heli karin. Ra’isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa ka hor timid dib u dhigidda dhageysiga dacwada badda iyadoo ku eedeysay Kenya inay dooneyso in muranka lagu xalliyo meel ka baxsan maxkamadda. Warqadda ay dowladda Soomaaliya qortay waxay ku sheegtay in ay tahay markii saddexaad oo ay Kenya codsato in dib loo dhigo iyadoo ka cabatay cadaadiis diblumaasiyadeed oo weyn oo ka imaanaya dhinaca Kenya. Ra’isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, oo BBC-du weydiisay in arintaasi tahay mid laga garaabi karo ayaa ku jawaabay: “waa run in dunida cudurkaasi uu ka dilaacay oo maqal furan oo maxkamadda gudaheeda ahi aanay dhici karaynin, isu socodkii aanu jirin oo duulimaadyadii lagu tegi lahaa Hague aanay jirin oonay shaqaynayn oo dal walba albaabadu u xidhanyihiin. Hase yeeshee maxkamaddu waxay soo saartay in shaqadeedii ay wadi doonto habka maqalka iyo muuqaalka ahna ay dacwadaha ku dhegaysan doonto. Bishan Juun dalal dhawr ah ayaa dacwadahooda lagu dhegaysanayaa maqal iyo muuqaal, ilaa hada hal kiis ayay ku dhegaysatay, markhaatiyona way ku dhegaysatay maxkamadu maqal iyo muuqaal, markaa anaga waan ka hor nimi waan diidnay mawqifka Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa weeye in aan dacwadaas maalin dib loo dhigin, go’aankaas ayaanan u qornay maxkamada caalamiga ah ee aduunka laguna dhegaysto dacwada habka maqalka iyo muuqaalka ah ama video confrene oo ay maxkamadu hada gacanta ku hayso kana shaqaysay tijaabisayna” Ra’isal wasaare ku xigeenka oo ay BBC-du weydiisay in uu faahfaahiyo cadaadiska dawladiisu sheegtay in ay Kenya saarayso ayaa ka gaabsaday in wuu wax cad farta ku fiiqo hase yeeshe ku gaabsadya jawaabtan oo uu yidhi “horta mar walba waa jirtay in meel ka baxsan maxkamada ama ha noqoto African Union ama IGAD ha noqoto in rabitaanka Kenya uu ahaa in meel ka baxsan lagu qaado ama lagu dhegaysto sifo diblomaasiya, anagu se waxaanu aaminsanahay in ay tahay arintaas in la soo af-jaro maxkamadda gacanta ku haysaana ay ka garnaqo”, Dhanka Kenya ilaa haatan wax war ah oo rasmi ahi kama soo bixin oo ku saabsan waraaqahan ay ku kala aragtida duwan yihiin Soomaaliye ee ay u direen labada dalba Maxkamadda Cadaaladda Aduunka, hase yeeshee waxa la filayaa in ay maxkamaddu go’aanka ay ka gaadho codsigaa Kenya shaacin doono todobaadka dambe. Qaran News
  2. Dowladda Soomaaliya ayaa ka hor timid dib u dhigidda dhageysiga dacwada badda iyadoo ku eedeysay Kenya inay dooneyso in muranka lagu xalliyo meel ka baxsan maxkamadda. Warqad ay dowladda Soomaaliya qortay waxay ku sheegtay in ay tahay markii saddexaad oo ay Kenya codsato in dib loo dhigo iyadoo ka cabatay cadaadiis diblumaasiyadeed oo weyn oo ka imaanaya dhinaca Kenya. Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, oo BBC weydiisay in arintaasi ay tahay mid laga garaabi karo ayaa yiri “waa run in dunida cudurkaasi uu ka dilaacay oo maqal furan oo maxkamadda gudaheeda ahi aanay dhici karaynin, isu socodkii aanu jirin oo duulimaadyadii lagu tegi lahaa Hague aanay jirin oonay shaqaynayn oo dal walba albaabadu u xidhanyihiin.” Sidoo kale wuxuu faah faahiyey Ra’iisul wasaare ku xigeenka cadaadis ay Soomaaliya sheegtay in ay saareyso Kenya, isagoona ka gaabsaday in wuu wax cad farta ku fiiqo. “Horta mar walba waa jirtay in meel ka baxsan maxkamada ama ha noqoto African Union ama IGAD ha noqoto in rabitaanka Kenya uu ahaa in meel ka baxsan lagu qaado ama lagu dhegaysto sifo diblomaasiya, anagu se waxaanu aaminsanahay in ay tahay arintaas in la soo af-jaro maxkamadda gacanta ku haysaana ay ka garnaqo.” ayuu markale yiri. Ugu dambeyn maxkamadda ICJ ayaa shaacisay in shaqadeeda ay ku wadi doonto habka maqalka iyo muuqaalka, islamarkaana ay dacwadaha ku dhegaysan doonto. View the full article
  3. Astaanta guddiga doorashooyinka qaranka Itoobiya Guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya ayaa sheegay xisbiya siyaasadeed oo aan buuxinin shuruudihi looga baahnaa inuu ruqsadda xisbinimo kala noqnay. Xisbiyadaasi oo badankood shruucdii hore ee u yiillay guddiga doorashooyinka Itoobiya lagu diiwaangeliyey ayuu guddigu dib u habeyn ku sameeyey qaabka xisbiyada loo diiwaangeliyey ka hor inta aan la gaarin doorashada dalkaasi ka dhaceysay. Wuxuuna guddigu sheegay 13 ka mid ah xisbiyada shuruudaha xisbinimo buuxin waayey in rusqada xisbinimo lagala noqday. Sida oo kalana 14 xisbi oo guddiga doorashooyinka uu ugu yeedhay iney soo dhammeystiraan dokumantiyada looga baahnaa oo aan ka soo jawaabin u yeeritaanka guddiga sida oo kale ruqsadda lagala noqday. Guddiga doorashooyinka Itoobiya wuxuu intaa ku daray 106-da xisbi siyaasadeed ee dalka Itoobiya ka jira 76 ka mid ah oo shuruudihi looga baahnaa soo buuxiyey, in aqoonsiga xisbinimo loo cusbooneysiiyey. 2 xisbi oo siyaasadeed oo iyaguna dhibaato gudaha xisbigaasi ka jirta awgeed aan shuruudda soo dhammeystirinna waxaa loo qabtay muddo ay ku soo dhammeystiraan wixi macluumaad ah uu guddigu ugu baahan yahay. Xisbiyada siyaasadeed ee rusqada xisbinimo lagala noqday waxaa ka mid ah laba xisbi oo deegaanka Soomalida ka soo jeedda xisbiyadaasi oo kala ah: 1)Xisbiga Midnimada Soomaalida (SUP) iyo 2)Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiyadda Shacabka Diil wabi (DPDM) Dalka Itoobiya oo ay ka diiwaangashan yihiin xisbiya siyaasadeed oo ka badan 100, inkasta oo ay qaar ka mid ah xisbiyadaasi ay khadka ka baxeen oo ay tirada xisbiyadu xoogaha isdhintay haddana weli xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa ah kuwa aad u badan. Dalka Itoobiya oo lagu waday doorashada guud oo shanti sanaba mar la qabto iney ka qabsoonto bisha August ee sanadkan 2020 ayaa dib loo dhigay cabsi coronavirus laga qabo awgii, inkasta oo aan wakhtiga rasmi ah oo ay doorashada ku dhaceyso weli la shaacinin. Qaran News
  4. Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in uu siin doono dalalka geeska Afrika dhaqaale dhan €105.5 milyan oo dheeri ah si wax looga qabto cudurka halista ah ee Coronavirus oo dalalka Geeska Afrika si weyn ugu sii fidiya. Midowga Yurub waxaa uu sheegay xaalada bini’aadminimo ee gobolka oo dad badani ay weli la daala dhacayaan dagaalada hubaysan, barakaca, abaaraha soo noqnoqda iyo daadadka loo baahan yahay in si weyn loo taageero. “Midowga Yurub waxaa ka go’an inuu gacan ka geysto wax ka qabashada baahiyaha bini’aadannimo ee ka jira dalalka Geeska Afrika,Gargaarka Midowga Yurub wuxuu taageeri doonaa bulshada dhibaateysan, wuxuuna xoojin doonaa tillaabooyin looga hortagayo faafitaanka coronavirus” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Midowga Yurub. Deeqda Midowga Yurub ayaa looga heli doono sidaan Jabuuti (€ 500,000), Itoobiya (€ 42 milyan), Kenya (€ 15 milyan) iyo Soomaaliya (€ 48 milyan). Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 24 qof ay ku dhinteen daadadkii maalmahan ka dhacayay Soomaaliya, in ka badan 283 qofna ay barakaceen, daadadkaas oo saameyay 700 oo kun oo qof oo ku nool 24 degmo. Sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Isku-duwidda Gargaarka ee ee Qaramada Midoobay ee OCHA, daadadkan ayaa yimid xilli waddanku uu la daalaa dhacayo ka hortagista xanuunnka COVID-19 oo ilaa iyo hadda ay u dhinteen inta la xaqiijiyay 53 qof, 1,284 qofna uu ku dhacay. View the full article
  5. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-160520.mp3 View the full article
  6. Baanka Dhexe ee S/land oo Meesha ka Saaray Gebi-dhaclayntii Qiimaha Shillinka+Bulshada oo Ku Diirsatay Marka ay xaaladaha qaar soo kordhaan ama ay dhaqaalaha dunida wax iska bedelaan inta badan waxaa ka dhici jiray Somaliland in qiimaha sarrifka Dollarku in uu kor u koco isla markaana qiimaha shillinka Somaliland uu hoos u dhoco. Markii uu caalamka ka dilaacay xannuunka sida weyn u faafaya ee Corona Virus,ayay dad badan oo danyar ah oo reer Somaliland ahi wer wer weyn ay ku dhalisay faafitaanka xannuunkaas iyo kala xidh xidhnaanta iyo xaladaha deg degga ah ee uu dalalka caalamka geliyay in ay saamayn ku yeelato qiimaha shillinka Somaliland isla markaana wax ay muddo ka nasteen oo ah kor u kac qiimaha dollarku in ay dib ugu soo noqoto,taas oo bulshada Somaliland ay ka nasatay isla markaana dhegahoodu ay ka raysteen kelmaddii ahayd qiimihii dollarka ayaa sre u kacay tan iyo markii uu hoggaanka Baanka dhexe ee Qaranka uu la wareegay Guddoomiye Cali Ibraahin Jaamac(Baqdaadi) Werwerkaa ay bulshdu ka qabtay in kor u kicii sarrifku dib ugu soo noqdo uguna soo dhuunto xnnunka Covid 19,ayaa meesha ka baxday iyadoo ay meesha ka baxday lacag badan oo Dollar ahayd oo dalka dibedda ka soo geli jirtay ina badnayd biilashii billaha ahaa ee dadka reer Somaliland ee caalamka daafihiisa kala duwan ku maqani ay qoysaskooda usoo diri jireen,ayuu haddana baanka dhexe ee Somaliland meesha ka saaray in bulshada reer Somaliland ay mar dambe ka wer weraan in qiimaha shillinka Somaliland in uu hoos u dhoco ama ay dadka reer Somaliland addoon u noqdaan Dollar oo ay shillinkooda wax ku iibsan kari waayaan. qaar ka mid ah dadweynaha caasimadda Hargeysa oo Warbaahintu wax ka waydiisay hannaanka Baanka dhexe ee Somaliland uu u xakameeyay qiimihi sarrifka Dollarka,ayaa aad u soo dhaweeyay shaqada Baanka dhexe uu dalka u hayo iyo tallaabooyinka uu qaaday Guddoomiye Baqdaadi muddadii uu xilka hayay. Oday Axmed oo ka mid ah waayeelka Caasimadda Hargeysa ku dhaqan isla markaana si dhaw ula socda in xilligan ay meesha ka bexeen biilal badan oo Dollar ah oo dalka dibedda ka soo geli jiray,ayaa yidhi. “intii guddoomiyahan imika Baanka dhexe xilka uu hayay isaga iyo madaxda kale ee ay wada shaqeeyaan waxaanu ka raysanay kelmad dhegahayaga aad ugu soo noq noqon jirtay ee ahayd Dollorkii ayaa sare u kacay” Muwadin kale oo shaqada Baanka dhexe uu qaranka u hayo iyo sida uu u arko habka ay u xakameeyeen qiimaha Dollarka,ayaa yidhi. “markii hore lacagta dalkaba waa la inna nacsiiyay oo wixii kor loo qaadaba Dollar ayaa la innoogu sheegayay waliba maalin kasta iyo saacad kasta qiimihiisu wuu is bedelayay laakiin imika dalka Somaliland wuxuu noqday dal lacagtiisu ay shaqayso tallaabadaasina waxay suura gashay intii xukuumadda Madaxweyne Muuse jirtay gaar ahaan markii Baanka dhexe ee qaranka loo magacaabay Guddoomiyaha imika jooga,subax kasta imika anigoo aan suuqa iman ayaan ogahay qiimaha dollarka cidina iguma qaldi karto oo baanka dhexe ee Qaranka ayaa mobilka iigu soo dira qiimaha uu subaxdaa sarrifku marayo mana maamulaan imika sarrifka lacagaha qalad sarrifleyaashu ee baanka qaranka ayaa gacanta ku haya.” Tan iyo markii uu guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahin Jaamac Baqdaadi uu talada la wareegay tallaabooyinka uu qaaday ee sidoodii u shaqeeyay waxaa kow ka ah in qiimaha sarrifka dollarku uu noqdo halkii ay ku jaangooyeen oon is bedel ku iman,waxaa kale oo uu ku guulaystay in Baanka dhexe uu noqdo mid farriintiisa qiimaha isku bedelka lacaguhu ina y qof kasta oo dalka joogaa mid uu ka war qabi karo oo Baanka dhexe uu soo gaadhsiiyo. Waxaa kale o uu ku guulaystay in xarunta Baanka dhexe oon sidoo loo dhisay aan dib waxba looga qaban in uu hannaan dayactir dhammaystiran in uu ku sameeyo. Imika intan lagu gudo jiray xaaladda ka hor tagga xnnuunka Covid 19 waxyaabaha Baanka dhexe lagu ammaanay waxaa kow ka ah sida ay uga fekereen masuuliyiinta Baanka ee u gadhwadeenka u yahay Guddoomiye Baqdaadi kala fogaanta dadka iyo dhawrista badqabka qofka loo adeegayo iyo shaqaalahaba,waxa kale oo aad loogu bogaadiyay in muddadaa dalka dhaqaalihiisa ay wax iska bedeleen in aanu saamayn ku yeelan qiimaha sarrifka Dollarka iyo in aanay shaqaalaha dawladda iyo ciidamadu Baanka ka waayin mushaharooyinkoodii aoo ay hawlaha baanku si habsami ah u socdaan. Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in dalal ay ku jirto Soomaaliya uu ugu deeqayo lacag badan, si ay ula dagaalamaan Covid19. War ka soo baxay ururka ayaa lagu sheegay in wadamada dhaca Geeska Afrika oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay uu siinayo dhaqaalle dhan € 105.5 milyan oo dheeri ah. Sidoo kale Midowga Yurub ayaa sheegay in lacagtaasi wax looga qaban doono xaaladaha bani’aadanimo ee gobolka, gaar ahaan la-tacaalida cudurka Coronavirus. “Midowga Yurub waxaa ka go’an inuu gacan ka geysto wax ka qabashada baahiyaha bini’aadannimo ee ka jira dalalka Geeska Afrika,Gargaarka Midowga Yurub wuxuu taageeri doonaa bulshada dhibaateysan, wuxuuna xoojin doonaa tillaabooyin looga hortagayo faafitaanka coronavirus” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Midowga Yurub. Warsaxaafadeedkaan ayaa sidoo kale waxaa lagu shaaciyey sida wadamadaasi loogu qeybinaayo lacagta, waxaana Jabuuti ay heleysaa adduun lacageed dhan (€500,000 oo Yuuro), Ethiopia (€42 million oo Yuuro), Kenya (€15 million oo Yuuro) iyo Soomaaliya oo ah dalka labaad ee dhaqaalaha ugu badan gaarayo waxaana qayb ahaan kusoo aaday (€48 million oo Yuuro). Soomaaliya oo haatan fara ba’an ku haya Covid-19 ayaa waxaa u sii dheer fatahaadaha ka jira qeybo ka mid ah dalka, kuwaas oo saameeyey nolosha dad badan oo Soomaaliyeed.
  8. Xasan Guure Jaamac, oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu caansan Somaliland ayaa xalay Hargeysa ku geeriyooday sida uu xaqiijiyay Yuusuf Kayse, oo ka tirsan xisbiga UCID. Guure, ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Somaliland sidoo kale waxa uu ka tirsanaa Ururkii SNM. Ilaa hadda Xanuunkuu u geeriyooday lama xaqiijin. Dhan kale guddoomiye Cirro ayaa tacsi u diray ehelka, Qaraabada asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Xassan Guure Jaamac. TACSI إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعونَ Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, Qaraabada asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Xassan Guure Jaamac Oo hadda ku geeriyooday hoyga u ka degan yahay magaaladda hargeysa. Guddoomiyuhu wuxu marxumka ku sifeeyey in uu ahaa shaqsi halgan weyn u soo galay sidi umadda somaliland u heli laheyd caddaalad iyo dawladnimo dunidu aqoonsan tahay isaga oo kamid noqday saraakiishi SNM sidoo kale ahaa mujaahid magac weyn ku leh halganki dib u xorreynta Somaliland. Mujaahid Marxuum Xassan Guure wuxu ahaa odayaashi laf dhabarta iyo tiirasha u ahaa qaranka isagoo door weyn ku laha shirarki nabadeynta iyo dib u heshiisinta bulshada Somaliland, xilal badanna ka soo qabtay qaranka. Mujaahidku wuxu ahaa qof aan ka baydhin runta xaqana ku adima Guddoomiyuhu wuxuu Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su’aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo carruurtii uu ka tagayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo. wuxuna Guddoomiyuhu si gaar ah ugu tacsiyadeynaya Odayaasha Madasha Wada tashiga qaranka oo u Marxuumku muddooyinki u dambeeyey ahaa Guddoomiyahooda. إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون Af-hayeenka Xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac Batuun Source
  9. Xildhibaanno, siyaasiyiin miisaanleh iyo isimo ku sugan magaalada Garoowe, ayaa la xaqiijiyay in ay ku hawllan yihiin, xallinta khilaaf cusub oo ka dhex taagan madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan. Khilaafkan labada mas’uul, ayaa ka bilowday magacaabistii taliyaha madaxtooyada iyo ku xigeenkiisa, kadib markii madaxweyne ku xigeenku sheegay in aan lagala tashan magacaabistooda, islamarkaana uu soo saaray dikreeto uu ku burinayo tii madaxweyne Deni. Dhinacyada ku hawllan xallinta muranka Deni iyo Axmed Karaash, ayaa la sheegayaa in ay mid kasta gaarkiisa taleefon ugala hadleen, si loo xalliyo khilaafka, balse ma jiro ilaa iyo haatan wax hada-hadal ah oo dhexmaray labada mas’uul. Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Puntland, ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay, in uu socdo dadaal xooggan oo ku wajahan, sidii loo dhammayn lahaa khilaafka taagan, oo ay ku tilmaameen mid aysan Puntland xamili Karin wakhtigaan. PUNTLAND POST The post Maxaa ka soo kordhay Khilaafkii Deni iyo Axmed Karaash? appeared first on Puntland Post.
  10. Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland, ayaa shaaciyay in ay gacanta ku soo dhigeen gaari nooca loo yaqaan Probox, oo todobaad ka hor laga soo dhacay Galmudug gaar ahaanna Koonfurta Magaalada Gaalkacyo. Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Mudug, ayaa lagu sheegay in Ciidanka Booliisku ay ku guulaysteen soo qabashada Gaarigaas oo midabkiisu caddaan yahay, taargadiisuna tahay CN 721. Qoraalka Taliska, laguma faahfaahin wakhtiga gacanta lagu soo dhigay Gaarigaas, halka laga soo qabtay iyo haddii ay jirto in la qabtay ciddii soo dhacday, balse keliya waxa lagu soo kooban in Gaariga ay gacanta ku dhigeen Booliiska. Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Mudug, ayaa u mahad-celiyay Shacabka ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo, oo sida ay sheegeen wada-shaqayn buuxda u muujiyay Ciidanka Booliiska, si loo xaqiijiyo Amniga. Sidoo kale, waxay ballan-qaadeen in ay xoojin doonaan Wada-shaqaynta Laamaha Amniga Puntland iyo Galmudug, oo ka hawlgala labada dhinac ee Gobolka Mudug, si la isaga kaashado Sugidda Amniga Gobolkaas. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo qabtay Gaari laga soo dhacay dhinaca Galmudug appeared first on Puntland Post.
  11. Abdullahi Mohamed Ali (Sanbalolshe), former director of the Somali National Intelligence and Security Agency (NISA), according to Somali Affairs, has accused Qatar of maintaining active links with the Somali extremist group, Al-Shahbaab. Source: Hiiraan Online
  12. UNITED NATIONS — China is going after the United States over more than $1 billion that the Trump administration owes the United Nations in unpaid dues for its regular operating budget and arrears for the separate budget for the U.N.’s far-flung peacekeeping operations. Source: Hiiraan Online
  13. STUTTGART, Germany — U.S. Africa Command hasn’t launched an airstrike in Somalia in five weeks, the longest halt in more than a year, as torrential rains complicate the battlefield environment. Source: Hiiraan Online
  14. The Kenyan government is reported to have reached out to the International Court of Justice (ICJ) to request an extension to the date of the hearing of the maritime border dispute that has been ongoing for years. Source: Hiiraan Online
  15. More than 500 people have died over the past eight days in southern Yemen's main city, Aden, many with breathing difficulties, city officials say, raising fears the coronavirus is spreading out of control, feeding off a civil war that has left the country in ruins. Source: Hiiraan Online
  16. Amman (Caasimada Online) – Boqorka dalka Jordan Cabdallaha Labaad, ayaa ka digay in qorshaha Israel ay ku goosaneyso Daanta Galbeed uu hoggaamin doono “dagaal weyn”, islamarkaana boqortooyadiisa ay ka fakareyso wax kasta, oo ay ku jirto inay ka baxdo heshiiskii nabadda ee ay la gashay Israel 1994-kii. “Ma doonayo inaan hanjabaad sameeyo, ama abuuro jawi muran, balse waxaan ka fakaraynaa wax kasta,” ayuu Boqor Cabdallah u sheegay wargeyska Dar Spiegel ee Jarmalka, mar waxa laga weydiiyey suurta-galnimada ah inuu ka baxo heshiiskii Wada Araba. Jordan ayaa Israel iyo Daanta Galbeed la wadaagta xuduud 335km ah, waxaana wada-shaqeynteeda aad uga faa’iida militariga iyo sirdoonka Israel. Dowladda isbahaysiga ah ee Israel ee uu hoggaamiyo Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inay ku dhaqaaqo qorshe ay ku sheeganeyso madax-banaanida Dooxada Jordan iyo deegaanada Yahuudda ee ku yaalla dhulka Falastiiniyiinta, ayada oo Mareykanka uu taageerayo. “Waxaan ku raacsanahay dalal badan oo Yurub ah iyo beesha caalamka in sharciga cidda ugu awoodda badan aan lagu dabaqin Bariga Dhexe,” ayuu yiri Boqor Cabdallah, isaga oo intaas ku daray in xalka laba dal uu yahay qorshaha kaliya ee horey loogu socon karo. Boqor Cabdallah ayaa sidoo kale is-weydiiyey aayaha dowladda Falastiin ee fadhigeedu yahay Ramallah. “Maxaa dhici doona haddii dowladda Falastiin ay burburto, waxaa jiri doona qas iyo xagjirnimo dheeri ah oo ka dhacda gobolka. Haddii Israel ay goosato Daanta Galbeed bisha July, waxa ay hoggaamin doontaa dagaal weyn oo ay la gasho Boqortooyada Reer Hashim ee Jordan,” ayuu yiri Cabdalla. Bishii December, Militariga Jordan ayaa fuliyey dhoola-tus militari oo laga sameeyey xuduudada galbeed ee buuraleyda ah ee ay la wadaagto Israel, ayaga oo isku diyaarinaya suurta-galnimada duullaan shisheeye oo ku iman kara. Dhoola-tus kaas oo ay ka qeyb galeen Boqor Cabdallah iyo Ra’iisul Wasaare Omar al-Razzaz iyo xubo sare ayaa soo jeedisay indhaha warbaahinta Israel, xilli ay xiisadda gobolka sare usii kaceyso.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa afar habeen ka hor gurigeeda oo ku yaalla degmada Boondheere kala baxay haweeney lagu mahacaabo Luul Caanooleey, taas oo ay dadka degaanka aad u yaqaanaan, sida ay ogaatay Caasimada Online. Warar ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in Luul ciidamada amaanka ka qabteen meel gurigeeda u dhaw kadibna ay ka xeesteen ilaa haddana aysan jirin qof war ka heysa. Haweeneydaan ayaa caan ka aheyd Xaafadda Maana-boolyo, gaar ahaan dhinaca Boondheere iyo waliba Shibis. Dadka degaanka ayaa sheegay in laba arrin ay caan ku aheyd kuwaas oo kala ah. 1) – Waxay aheyd Haweeney heysata dhowr neef oo Lo’ ah, waxayna dharaar iyo habeen xaafadaha ka qaadi jirtay raashinka la soo reebo si ay usiiso xoolaha u xareysan. 2) – Iyo iney kamid aheyd dadka maandooriyaha Khaadka isticmaala islamarkaana aan la gamban Khaadka dadkana ay aad ugu barteen. Ciidamada ayaa markii ay ka xeesteen Luul, kadib waxay dib ugu soo laabteen gurigeeda iyagoo muddo saacado ah baarayay. Warar kale ayaa sheegaya in haween kale oo lala xiray la sii daayay. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xarigeeda basle waxay noqotay hadal heynta ugu weyn ee dadka degaanka. Boondheere waxaa aad ugu badan dadka saqda dhaxe ay ciidamada guryahooda u dhacaan kadibna ay soo xiraan.
  18. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay kiisas cusub oo Covid-19 ah, kuwaas oo laga diiwaan-geliyey maamulkaasi. Wasiirka caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdullaahi (Bade) oo maanta shir jaraa’id kuy qabtay Hargeysa ayaa sheegay in dadka cusub ee laga helay xanuunka ay gaarayaan illaa 19 ruux, kuwaas oo lagu sameeyey baaritaano caafimaad. Sidoo kale wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in dadkaasi 11 ka mid ay rag yihiin rag, halka 8 kalena ay dumar yihiin, wuxuuna tilmaamay in dhamaan go’doon la geliyey. Wasiir Bade ayaa intaasi ku daraya in 19-ka qof ee cudurka laga helay 13 ka mid ah ay ku nool yihiin gobolka Maroodi-Jeex, halka 6 kalena laga diiwaan-geliyey gobolka Awdal. Ugu dambeyn wuxuu shaaciyey in 48-kii saac ee la soo dhaafay cudurka safmarka ah ee Coronavirus ay u geeriyoodeen 2 ruux oo uu da’doodu ku kala sheegay (76 sano iyo 52 sano jir), halka 8 qof oo kalena ay ka bogsadeen xanuunka. Tirada guud kiisaska Covid-19 ee deegaanada Somaliland ayaa haatan mareysa illaa 87 qof, halka dhimashaduna ay sii cagacageyneyso 8 ruux, sida lagu sheegay warbixintii u dambeysay ee maanta ka soo baxday wasaaradda caafimaadka ee maamulkaasi.
  19. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa caawa wuxuu magacaabay 11 Wasiir u Dowle iyo lbaataneeye -wasiir ku Xigeen. Wareegtada lagu magacaabay Wasiiradaan cusub ayaa [...] Source
  20. Puntland iyo Galmudug waxay laba todobaad ka hor wada gaareen heshiis ku aadan amaanka xuduuda labada dhinac, heshiiskaasoo ay u muhiim sanayd in labada dhinac [...] Source
  21. Dhuusamareeb (SMN) Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa Caawa magacaabay wasiir ku xigeeno iyo wasiiru dawlayaal ka mid noqonaya Golaha xukuumafa Galmudug. Xubnaha golaha wasiirada caawa la magacaabay ayaa ka kooban 25 wasiir ku xigeen iyo 11 wasiiru dawle iyadoo Madaxweyne Qoor qoor uu bishii Abriil dhamaadkeeii uu magacaabay 25 Wasiir. Xubnaha Wasiir ku xigeenada la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah 3 haween ah halka wasiiru dawlayaasha aanay ka mid noqon haweenku. Halka hoose ka aqriso Magacayda Xunha la magacaabay. View the full article
  22. Mogadishu (PPM) — The downing of Kenya aid plane in Somalia by Ethiopian Defence Forces has drawn criticisms from leading Somali politicians. The Former President of the Transitional Federal Government of Somalia Sharif Sheikh Ahmed, who leads the Forum for National Parties, has raised questions on the legality of Ethiopian troops in Somalia. “AMISOM has confirmed that a civilian plane carrying medical aid to Berdale, Southwest State of Somalia, was downed by Ethiopian forces who … [are] not [a] part of AMISOM. So, the question arises here is: How these forces entered our country without a legal mandate from the Parliament?” tweeted Sharif Sheikh Ahmed. Ethiopia withdrew its forces from Somalia in 2009 after an agreement between TFG and the Alliance for the Reliberation of Somalia then led by Sharif Sheikh Ahmed. The Federal Government of Somalia (FGS) under President Hassan Sheikh Mohamud signed a bilateral agreement with the Ethiopian Government to deploy its troops in Somalia. The agreement gives Ethiopia a peacekeeping mandate within AMISOM. “President Sharif Sheikh Ahmed knows of the agreement but criticises the incumbent FGS for decisions taken by his political ally, Former President Hassan Sheikh Mohamud” says Dahir Ali, a reporter in Mogadishu. “The permanent Federal Government has powers to sign bilateral agreements.” The Unted States, Somali Government’s main backer, views Ethiopia as an ally against the war againt religious extremism in Somalia. “Back in the mid-2000s, Ethiopia launched its operations against the Islamic Courts Union, and the United States was closely aligned with Ethiopia as an important economic and security partner. Many assessed that this unleashed an even more powerful and more violent group, the al-Shabaab elements, the threat of which we’re still trying to address in Somalia today” US Ambassador to Somalia Donald Yamamoto said in an interview CTC Sentinel had had with the Ambassador in February. © Puntland Post Monthly, 2020 The post A FORMER SOMALI PRESIDENT QUESTIONS LEGITIMACY OF ETHIOPIAN TROOPS IN SOMALIA appeared first on Puntland Post.
  23. Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa caawa magacaabay xubno cusub oo ku biiray golihiisa wasiirrada, kuwaas oo iskugu jira wasiiru dowleyaal iyo wasiir ku xigeenno. Xubnahaan ayaa kala ah 11 wasiiru dowle iyo 25 wasiir ku xigeenno, waxaana lagu sheegay wareegtada lagu magacaabay in Madaxweynuhu uu magacaabidooda kala tashaday madaxweyne ku xigeenkiisa. Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa 23-kii bishii Abriil illaa 25 wasaaradood u magacaabay wasiirro cusub, kuwaas oo aysan ku jirin wasiiru dowleyaal iyo wasiir ku xigeeno, isaga oo markaas balan qaaday in uu soo magacaabi doono xubnaha ka dhiman golihiisa wasiirrada. Halkan ka aqriso liiska xubnaha cusub ee ku biiraya xukuumadda Galmudug
  24. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa magacaabay wasiiru dowlayaal iyo wasiiro ku xigeeno cusub oo kamid noqonaya golihiisa wasiiradda. Wareegto caawa ka soo baxday Madaxweynaha Galmudug Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa lagu magacaabay 11 wasiiru dowle iyo 25 wasiir ku xigeen. Wasiiru dowlayaasha iyo wasiir ku xigeennada uu magacaabay Madaxweyne Qoorqoor oo dhan 36 xubnood, waxaa haween ah 3 xubnood. Hoos ka akhriso magacyada Wasiiru dowlayaasha iyo wasiir ku xigeenada Galmudug. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoorqoor oo xubno cusub oo wasiiro ah magacaabay appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ayaa marti gelineysay isku dhacyo joogto noqday oo u dhaxeeya ciidamada Booliska iyo Milateriga Soomaaliya. Isku dhacyadaas ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac badan walina ma jirto dad loo ciqaabay ama loo soo qabtay oo eedeysanayaal ah. Caasimada Online ayaa baartay sababta soo celisay isku dhacdyada labada ciidan, waxaana ogaanay inay ugu wacan tahay laba atrin oo soo taagneed sanadihii ugu dambeeyay walina aan xal loo helin. Ciidamada Booliska oo doonaya in Muqdisho aan lagu arkin awood aan tooda ahayn ayaa ugu weyn sababta isku dhaca labada ciidan, halka sababta labaadna ay tahay xirnaanshiyaha iyo Bandowga magaalada oo Milatarigu ay diidan yihiin iney u hoggaansamaan. Ciidamada Milateriga ayaa raba iney ka gudbaan Kontaroolada booliska iyagoo aan marin wax muran ah, halka boolisku ay rabaan in ciidamada Milateriga ay joojiyaan dhaq dhaqaaqyada magaalada gudaheeda ah, taas oo muddo badan sababtay isku dhaca labada ciidan. Goobaha u xiran Milateriga waxaa dhib ku mara booliska halka goobaha ay booliska joogaan ay dhib iyo dagaal ku maraan Milateriga Soomaaliya. Todobaad gudihiis ugu yaraan 5 jeer ayey ciidamadu ku dagaalameen Muqdisho, waxaana ugu dambeeyay dagaalka habeen hore ee sarkaalka lagu dilay. Inkasta oo labada sabab ee aan sheegnay ay inta badan horseedaan dagaallada labada dhinaca, haddana mararka qaar waxaa jira sababo kale, sida ayaga oo kala taageeraya dad ay isku beel yihiin oo dhulal ama guryo isku haysta.