-
Content Count
214,505 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Tel Aviv (Caasimadda Online) Warbaahinta wadanka Israa’iil ayaa warineysa in gurigiisa laga helay isagoo meyd ah Safiirak Shiinaha u fadhiya magaalada Tel Aviv, mana jirto sabab la ogyahay oo ka dambeysa dhimashadiisa. Horaantii sanadkaan ayey aheyd markii safiirkaan la magacaabay, wuxuuna kasoo shaqaayey wadanka Ukraine ka hor inta aan la keenin wadanka Israel. Mr. Du Wei oo da’diisa lagu sheegay 58-jir ayaa meydkiisa laga helay sariirtiisa iyadoo booliiska ay durba bilaabeen baaritaanno arrintaan la xiriira, waxaana jirta in ilo wareedyo caafimaad ay mid ka mid ah talafashinada Isreal u sheegeen inuu masuulkaan geeriyooday isagoo hurda. Shaki badan ayey dhalin kartaa dhimashadiisa maadaama la ogyahay inuu si cad u dhaleeceeyay wasiirka Arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo oo wadanka Shiinaha ku weeraray qaabka ay ula tacaaleen fayris-ka dunida dhibaateeyay ee Corona Safaaradda uu masuulka ka ahaa Mr. Du Wei ayaa dhaleeceysay hadalka kasoo yeeray Mike, waxaana lagu daabacay wargeyska Jerusalem Post.
-
A suicide bomb attack has killed a governor in Puntland state on Sunday, the second top official assassinated in the northeastern Federal State since March. Ahmed Muse Nur and several security guards were reported to have been killed in a huge blast targeted his vehicle while travelling in northern Galkayo city. Some reports suggest that the attack occurred outside the governor’s office. Last March, Al-Shabaab claimed responsibility for a suicide attack that killed Nugal governor and former regional police boss in Garowe city. View the full article
-
Wararka aan ka helayno magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in gor dhow qarax ka dhacay magaaladaasi lagu dilay guddoomiyihii gobalka Mudug ee dhinaca Puntland Axmed Muuse Nuur. Qaraxa uu ku nafwaayay guddoomiyaha ayaa waxa uu ka dhacay xarunta gobalka waxaana la sheegay in qaraxa loo adeegsaday Bajaaj la soo saaray waxyaabaha qarxa in lagu dhuftay gaari uu la socda Allaha u naxariistee guddoomiyihii gobalka Mudug. Ciidamo ka tirsan laamaha amaanka Puntlan ayaa soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay iyaga oo halkaasi ka bilaabay baaritaano kala duwan. Waxaana la filayaa in saacadaha soo aaddan saraakiisha amaanka ay faahfaahin ka bixiyaan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
KOL HADAAN CID LAGA DAYNAHAYN MAWDKA DAMAQIISA RAGGA HAATAN SOO DIGANAYOW DAN IYO XEESHIINA Dhinaca ka hortagga COVID-19 Somaliland hal talaabo oo si run ah dhinaca saxa ah loo qaaday ma jirto. Mise waa sidii Cigaal Shiidaad iyo anigaa jab la maagan baa xaalku? Mise waaba ka bes. Anigu waxay ila tahay in aanay xukuumaddu waxba hagran ee intii ay madaxdu garan karaysay ayaan intaaba ka badnayn. Gabay sabenal jaahiligii uu tiriyay nin Acraabi ahaa ayuu Rasuulku bayd ku jiray yidhi “Waxay acraabti tidhi kuwa ugu runta badan ayuu ka mid yahay” Baydku wuxu odhanayay “waxa farabadan sababaha eh dhimashadu waa mid keliya” تعددت الا سبابُ والموت واحدُ من اصدق ما قالت الإعراب Hadaba COVID-19 hadii aanu hore u jirin wuxu ku soo biiray uun sababaha mawdka. Qof ama naf kasta intii aan la abuurin ifkana iman saacaddiisa iyo sababta mawdkiisuba looxal maxfuudka ayay ku sii dhignayd. Markaa wax uu sheegayo iyo wax uu soo kordhin karo midna ma jirto horta qof aan sabab looga soo dhigin oo aanay saacadiisi dhamaanin oo u dhimanaya ama uu dili karaana ma jirto eh bal ogaada.Iilka xabaasha ee maanta Xasan Guure la dhigay hortiina in badan baa la dhigay in badan oo kaleba waa la dhigi. Geerida Xasan Guure waxan maqlay in Madaxwayne Muuse Biixi xataa cid kale daaye aanu qoyskii uu ka baxay iyo inantii ee keligeed uu dhalay aanu geerida ku Timi aabaheed ka tacsiyadaynin. Waayo? Anigu hadda u geli maayo. Xasan qalbi saliim ah iyo camalkiisii wanaagsanaa ee cid kasta oo taqaanay ay uga marag kacday ayuu Allihiisii la hor tagaye saw Muuse Biixi isagu maalin maalmaha ka mid ah iilka Xasan Guure la dhigay isagana lama dhigi doono oo isaguna camalkiisa Ilaahay la hor tegi maayo? Ina Cabdalle Xasan markii Daraawiishi jabtay ee Cali Dhuux gabayga digashada u sii tiriyay wuxu kaga jawaabay Maansada Dardaaran. Ka aan u socdaa wuxu ahaa: KOL HADAAN CID LAGA DAYNAHAYN MAWDKA DAMAQIISA RAGGA HAATAN SOO DIGANAYOW DAN IYO XEESHIINA Ilaahay janadii farduusa ha ka waraabiyo geesigii quudhsi diidka ahaa ee weligii qoortiisu aanay u duloobin cid kale oo aan Ilaahay ahayn Source
-
Maxamed Cabdiqaadir Sheekhdoon oo ah aas aasaha iyo layliyaha naadiga kubbadda cagta Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden ayaa Goobjoog u sheegay in uu soo dhawaynayo hadii loogu yeero shaqada hogaaminta Xulka Soomaaliya. “Aniga waan bartay xirfadan,balse waxaa dalka joogo macallimiin iga qibrad badan oo mudo ku soo jiray ka shaqeynta mashruuca Xulka aniga oo ka faa’ideenayso waqtigooda ayaa waxaan diyaar in aan ka qaato waayi aragnimo,si aan wax ugu biiriyo” ayuu Macallin Maxamed ugu waramay Goobjoog Sports. Intii uu hogaaminayay Som United tan iyo sanadii 2011 waxa ay kooxda gaartay guulo waaweyn oo dhinaca ka qeyb galka tartamada Sweden wuxuuna intaa hadalkiisa sii raaciyay in ay doonayaan in ay maqaam sare ka gaaraan ciyaaraha Wadanka Sweden. “Waxaan diyaar u ahay in aan aqoonta iyo waqtigayga ku biiriyo da’daalka lagu horomarinayo guulaha Xulka Qaranka waxaan jeclahay in wixii aan bartay aan ugu faa’ideeyo da’yarta soo koraysa ee hamiga ka leh u dheelista Qaranka Soomaaliya” ayuu Goobjoog Sports u sheegay tababare Maxamed Cabdiqaadir Shekdoon. Maxamed ayaa ah nin dhallinyaro ah sanadihii lasoo dhaafay maamulayay koox Soomaaliyeed oo ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee Sweden wuxuuna iminka haystaa shahaadooyin badan oo cadaynaya heerka uu ka gaaray xirafada tababarnino. “Waxaan gaarnay guulo waaweyn sanadihii lasoo dhaafay waxaan kor u qaadnay magaca Soomaaliya,sababto waxaana nahay naadiga kaliya ee ka ciyaarta Sweden,yoolkeena waa in aan tiigsanaa kaalama hore ee kubadda cagta dalkeena labaad” ayuu Goobjoog u sheegay tababare Maxamed. Si kastaba saaxiibada iyo bahda kubbadda cagta Tababare Maxamed Sheekdoon ayaa soo dhaweeyay go’aankiisa qabashada iyo maamulida Xulka Qaranka Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Waraysi Uu Macallin Maxamed Siiyay Goobjoog News W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland oo qarax lagu dilay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo goor dhow ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee xarunta gobolka, islamarkaana uu ku geeriyooday guddoomiyihii Mudug ee Puntland, Axmed Muuse Nuur. Sidoo kale waxaa ku dhintay qaraxa saddex askari oo ilaalo u aheyd guddoomiyaha, iyadoona ay ku dhaawacmeen dad kale oo shacab ah. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxaasi. View the full article -
Guddoomiyihii gobolka Mudug Puntland, Axmed Muuse Nuur ayaa lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Qaraxa oo ahaa ismiidaamin ayaa lala eegtay isagoo ka soo baxaya xarunta gobolka Mudug, sidoo kale waxaa ku dhintay askar ka tirsan ilaaladiisa. Faahfaahfin dib kala soco The post Guddoomihiyii gobolka Mudug Puntland oo qarax lagu dilay appeared first on Puntland Post.
-
A roadside explosion injured two people in Somali capital of Mogadishu’s Hodan district early Sunday in the latest attacks by suspected Al-Shabaab fighters. Eyewitnesses said the explosion targeted a vehicle carrying Somali government forces around Erdogan Ex-Digfeer road in the capital Mogadishu causing injuries to two civilians. According to the eyewitnesses, the explosion was followed by heavy gunfire that could be heard in other parts of the capital. “The two civilians who were injured in the explosion were rushed to the hospital. One person was seriously injured,” added the eyewitnesses. No group claimed responsibility for the last attack. However, Al-Shabaab militants are often behind such attacks in the capital and across the Horn of Africa nation. The group was ejected from Mogadishu in 2011 and has since been driven from most of its other strongholds. However, it still carries out frequent attacks across Somalia, as well as in neighboring Kenya, whose soldiers form part of African Union-mandated peacekeeping forces that help defend the Somali government.
-
Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in qarax xoogan uu ka dhacay waqooyiga Magaaladaasi Qaraxa ayaa wararka la helayo waxaa ay sheegayaan in uu ka dhacay aaga Xarunta Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland, isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxaas. Qaraxaas oo ahaa mid si weyn looga maqlay xaafadaha Magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay in lala beegsaday Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur-Yarre. Sida loo xaqiijiyey Caasimadda Online, qaraxaas waxaa ku geeriyooday Guddoomiye Axmed Muuse Nuur-Yare oo ku sugnaa Xarunta Gobolka oo u dhow Madaxtooyada. Sida BBC-da uu u sheegay taliyaha Qaybta Booliska Muumin Cabdi, Qaraxa ayaa waxaa fuliyey qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo isku qarxiyey xarunta gobolka horteeda. Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Puntland ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana socda gurmad kala duwan oo loo fidinayo dadka ku waxyeelobay qaraxaasi. Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online.
-
(SLT-Badhan)-Roob dabaylo watay oo fiidnimadii caawa ka da’ay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa saameyn ku yeeshay masaajiddo, goobo ganacsi iyo xaafadaha qaar. Ilaa hada lama oga khasaaraha dhabta ah ee roobkani, dabaylaha watay ka dhashay, waxaan idin kula wadaagi doona wararkayaga danbe. Sawirka mid ka mida guryaha iu Jiingada ka qaaday/xuquuqda sawirka warbaahinta magaalada Badhan Sawirka mid ka mida masaajidada uu ka qaaday jiingada/xuquuqda sawirka warbaahinta magaalada Badhan Source
-
The World Bank approved 137.5 million to prevent, detect and respond to the threat posed by COVID-19 and to scale up life-saving assistance to the people affected by floods in the country. The Bank said Saturday it approved the funding to help the Horn of Africa nation to respond to and recover from multiple, ongoing, and overlapping crises. The Project will support the government’s plan by supporting rapid procurement of critical medication and equipment needed for treatment of coronavirus infections. In addition, the project will provide immediate support to the areas hardest hit by these crises by supporting the recovery of livelihoods and infrastructure in flood and drought affected areas and will also strengthen Government’s systems and capacity for disaster preparedness. World Bank country director Felipe Jaramillo said Somalia has undergone many challenges which hindered the country to tackle poverty and other devastating crises but noted the country’s resumption of relations with international financial institutions enables it to access the much-needed funding to respond to emerging threats such as COVID-19. “Increasingly frequent and devastating crises are impeding Somalia’s chances of breaking out of a cycle of fragility and poverty. Even as it recovers from drought, Somalia faces a triple shock of locust, flooding, and now COVID-19,” said Jaramillo. The Bank said $20.5 million of the total amount will be used to fight against the COVID which has also wreaked havoc in the country. Finance Minister Abdirahman Beileh lauded the development move by the World Bank noting it will go a long way in establishing sustainable solutions. “FGS sees this project as a key opportunity for effectively addressing a humanitarian-developmental transition and laying the foundation for the implementation of a longer-term investment in the recovery and development of the country,” said Beileh. Somalia has so far recorded the highest number of COVID19 cases in the East Africa region and in the Horn of Africa with over 1300 confirmed cases.
-
(SLT-Ceerigaabo)-Badhasaabka gobolka Sanaag ayaa ugu baaqay cuqaasha laba beelood oo gobolkaasi dega in ay 20-ka bishan iska soo xaadiriyaan magaaladda Ceel-Afweyn. Waxaanu sheegay in caaqilkii ka maqnaada ama iman waaya Ceel-Afweyn in aanay u aqoonsan doonin caaqil ay kula xisaabtamaan arrimaha beeshiisa. Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), oo shalay warbaahinta kula hadlay degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag, ayaa ku adkeeyay madax dhaqameedka labadaas beelood in aanay ka maqnaanin shirkaasi. “Waxaan halkan baaq uga jeedinayaa dhamaan cuqaasha, madax dhaqameedka iyo waxgaradka beelaha Axmed Faarax, iyo Jibriil Xasan. Waxaa laga doonayaa in ay isugu yimaadaan degmadan Ceel-Afweyn gudaheedda”ayuu yidhi tiimbarro. Geesta kale badhasaabka gobolka Sanaag waxa uu ku adkeeyay madax dhaqameedka in ceel-Afweyn uu ka dhici doono shir muhiim ah. Waxaanu yidhi, “Caaqilkii la waayaa, ha ogaado in aanu beeshiisa u ahaan doonin caaqil danbe. Una ahaanaynin masuul aanu anagu hadhow wax waydiino. Hadhow ayaanay cidina naga eed sheegan. Waxaan idin farayaa in aad isugu timaadaan degmadda Ceel-Afweyn oo shir muhiim ahi ka jiro”. Si kastaba ha ahaatee, cuqaasha labadan beelood ee uu baaqa u diray badhasaabka Sanaag oo wada dega deegaanka Ceel-Afweyn ayaa dhawaan waxaa dhex maray dagaal khasaare sababay. Sidoo kale lama oga ujeedadda dhabta ah ee shirkaasi xiligan keentay, maadaama oo aanu badhasaabku cadaynin waxa uu ku saabsan yahay iyo qodobadda lagaga wada hadli doono. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Galmudug ee dalka Soomaaliya Axmed Ducaale Geele Xaaf, ayaa socdaal ku jooga caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala. Mr. Xaaf ayaa Somaliland ka soo galay dhinaca dhulka, isagoo ka soo kicitimay Galmudug ka dib markii uu xilkii ku wareejiyay madaxweyne cusub oo loo doortay deegaankaas. Ma jiro wax war ah oo ay xukuumadda Somaliland ka soo saartay socdaalka uu siyaasigan Soomaailya ud hashay ku joogo Hargeysa iyo ujeedada safarkiisaba. Sidoo kale Mr. Xaaf ayaan isna ka hadal socdaalkiisan. Laakiin Axmed Ducaale Geele Xaaf, oo ka hor madaxtinimada Galmudug ahaa ganacsade caan ka ah gobalka Geeska Afrika, ayaa xidhiidh ganacsi la lahaa Somaliland, waxaanay dadka qaar sheegayaan inaanu socdaalkiisu wax xidhidh la lahayn arrimo siyaasadeed. Source
-
(SLT-Tel Aviva)-Safiirkii Shiinaha u fadhiyay Israa’iil oo isagoo meyd ah laga helay gurigiisa ku yaalla magaalada Tel Aviv, sida ay soo werisay warbaahinta Israa’iil. Mr Du, oo 58 jir ah ayaa waxaa meydkiisa laga helay sariirtiisa ilaa haatana lama oga sababta ka dambeysa dhimashadiisa. Waxa dalkaasi loo magacaabay bishii February ee sannadkan, waxa uu hore Shiinaha ugu fadhin jiray Ukraine. Safiirka waxa uu ahaa xaasle, waxa uu dhalay wiil keliya balse qoyskiisa. Afhayeen u hadlay booliska Israa’iil ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay: ”Booliska haatan waxay ku sugan yihiin goobta si ay baadhitaan u sameeyaan.” Telefishanka kanaal 12 ee Israa’iil oo soo xiganaya ilo wareedyo caafimaad oo aan la magacaabin ayaa sheegaya in Mr Du uu u geeriyooday isagoo hurda. Farriin lagu daabacay bogga safaaradda magacaabistiisii kaddib, ayuu Mr Du ku ammaanay xidhiidhka u dhaxeeya dalkiisa Shiinaha iyo Israa’iil. Jimcihii safaaraddiisa ayaa weerar afka ah ku qaadday Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo oo dhaleeceyay qaabkii uu Shiinaha ula tacaalay fayraska corona xilli uu ku sugnaa Israa’iil. Jawaab lagu daabacay jariiradda Jerusalem Post ayay safaaraddu ku dhaleeceysay hadalka ka soo yeedhay Mike Pompeo iyagoo sheegay in Shiinuhu aanu weligii qarinin xaaladda fayraska corona. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan laba qof oo rayid ahaa ayaa ku dhaawacantay qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog-fog laga hago ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday gaari Cabdi-Bile ah oo marayey inta u dhexeya isgoyska Tarabuunka iyo isbitaalka Digfeer, degmada Hodan ee gobolkaan Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in wax khasaare ah uusan soo gaarin ciidamadii saarnaa gaariga qaraxa lala eegtay, basle ay ku waxyeeloobeen kaliya labada qof ee shacabka ah. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi. Sidoo kale ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan qaraxa loo adeegsaday ee ka dhacay caasimada. Amniga Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid dagan, marka loo eego qaraxyadii horey uga dhici jiray, inkastoo mararka qaar ay ka dhacaan falal liddi ku ah nabad-gelyada oo u badan dilal qorsheysan, kuwaas oo qaarkood ay sheegatay Al-Shabaab.
-
China’s Ambassador to Israel, Du Wei, has died in his apartment in a Tel Aviv suburb, Israeli police and media say. Source: Hiiraan Online
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyey dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmaadaasi. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar gaadmo ahaa ku qaadeen fariisin ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin halka loo yaqaano Mukayga oo ka tirsan magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaal socday muddo ku dhow hal saac uu ka qarxay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay dagaalkan, balse lama oga inta uu la’egyahay. Dhanka kale saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa shegay inay ka hortageen weerarka uga yimid dagaalyahanada Al-Shabaab. Goobihii lagu diriray ayaa saaka degan, iyadoona ay dib u gurteen raggii weerarka qaaday, waxaana socda howlgallo cusub halkaasi ka bilaabay ciidamada dowladda. Inta badan waxaa Afgooye weerar joogta ah ku soo qaada dagaalyanada Al-Shabaab oo ku sugan duleedka magaaladaasi, waxaana khasare uu ka soo gaaray dadka rayidka ah.
-
Soomaaliland ayaa shaacisay in maanta deegannadeeda laga helay kiisas dhowr ah oo la xiriira caabuqa sida ad dunida u saameeyay ee COVID-19. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay 16 qof oo cusub uu cudurka soo ritay, iyada oo sidoo kale shaacisay in guud ahaan ay xanuunka ka bogsadeen 8 ruux, waxaana cudurkaan u geeriyootay 8 qof. Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 103 kiis. Guud ahaan dalka waxaa xanuunkaan laga helay 1,357 qof sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
In dhulka Isaaqa lagu deegaameeyo Ogaadeenka, ayaa ahayd ujeeddada qudha ee uu Afweyne ka lahaa dagaalkii 1977-kii. Si looga dhabeeyo ujeeddadaas, Afweyne wuxuu u kala qaybiyay afar marxaladood: in la qaado dagaal raad-gadasho, in Isaaqa la nacsiiyo dhulkiisa, in la soo allifo taariikh gacan-ku-rimis ah, iyo in ugu dambayn si toos ah loo tirtiro wixii soo hadha ee Isaaq ah. Tallaabo kasta iyada oo caddaymaheega wadata ayaan halkan ku soo bandhigayaa. Heshiiska Caalamiga ah ee Montevideo Convention ee la kala sexeexday 1933-kii, waxa lagu xusay afarta qodob ee aanu dalna la’aantood dal noqon karin. Qodobka koowaad waa in uu dalku lahaado dhul cayiman (xuduud). Soomaaliya, sannadkii 1960-kii ayay heshiiskaas sexeexday, waa isla kolkii ay xubinta ka noqotay ururka Qaramada Midoobay. Sannadkii 1964-kii shirkii uu ururka Midowga Afrika ku qabsaday dalka Masar, waxa la isla qaatay in xuduudihii gumeysiga aan waxba laga beddalin oo sidoodii loo daayo, caalamkuna uu sidaas ku aqoonsado. Dabcan, cid kasta oo heshiisyadaas caalamiga ah ku xad-gudubtaa waxay ku xadgubaysay xeerarka Caalamiga ah, falcelin caalami ahna waa ay kala kulmaysay xadgudubkaas. Afweyne waa uu ka war qabay isla kolka uu weerar ku qaado xuduudaha Itoobiya inuu burinayo heshiisyada caalamiga ah, caalamku ka hor iman doono, waxaana uu sii ogaa inuu dhicisoobi doono dagaal kasta oo xadgudub ku ah xuduudahaas caalamiga ah. Weydiinta ayaa ah, sababta loo galay dagaal la og yahay in lagu guuldarraysan doono? Marnaba suuragal ma ay ahayn in Ogaadeenka si toos ah loo soo raro, ka dibna si toos ah loo dajiyo dhulka Isaaqa. Si taas macquul ay u noqoto, Afweyne wuxuu qaaday dagaalkii 1977-kii si loo helo qoxoonti Ogaadeen ah, oo dabcan ahayd qiilka qudha ee dhulka Isaaqa lagu dajin karayay dadkaas. Sida ku qoran warbixinta ay 1990-kii diyaarisay Hay’adda Caalamiga ah ee Human Rights Watch, tirada qoxoontiga ee soo qaxay waxay ahayd 400,000 oo qof (inkasta oo uu Afweyne sheegay inay 800,000 ahaayeen oo dabcan uu dhaqaale ku doonayay), waxaana la dajiyay 11 xero oo dhammaantood ku yaallay dhulka Isaaqa, kolka laga reebo xero qudha oo looga dhisay tuulada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Waa la fahmi karayay sababta dhulka Isaaqa dhammaantood loo dajiyay oo waxa uu ahaa dhulkii la bartilmaameedsanayay. Isla kolkii la gaadhay ujeeddadii dagaalka ee ahayd helitaanka qoxoontiga, Afweyne wuxuu si badheedh ah dhabar-jabin ugu sameeyay ciidamadii dalka ee la dagaallamayay Itoobiya. Tusaale ahaan, sida ay idaacadda BBC-du ku sheegtay laanteeda afka Soomaaliga, barnaamijkii “Qarnigii tegay iyo taariikhda Soomaalida”, Bishii Maarij 2, 1978-kii dagaalka oo socoda ayaa tuulada Garbacase,oo Jigjiga ku dhaw lagu toogtay 84-kii askari ee ugu firfircoonaa dagaalkaas. Sida ku qoran warbixinta Human Rights Watch, isla maalmahaas waxa Hargeysa lagu toogtay 50 sarkaal oo idilkood ahaa saraakiishii qaybta ka ahayd dagaalkii Itoobiya. Isla barnaamijkaas BBC-du wuxuu xusay in xukuumaddii Afweyne ay si khaldan uga soo jawaabi jirtay dalabaadka ciidanka. Tusaale ahaan, haddii ay codsadaan gantaalaha lidka taangiyada, waxa loo keeni jiray bariis. Haddii ay codsadaan rasaas, waxaa loo keeni jiray timir. Si fursad loo siiyo cidda ka soo horjeedda illaa iyo ugu dambayntii la gaadhsiiyay in laga gooyo saadkii oo dhan sida hubkii, raashinkii, dawooyinkii iwm. Jabinta aan gabbashada lahayn ee uu Afweyne ku sameeyay ciidankii dalku ma ay ahayn in aragtidiisii dagaalku isbeddashay, waxay se ahayd inuu gaadhay ujeeddadii uu dagaalka ka lahaa oo ahayd in la helo qoxoonti Ogaadeen ah. Walaalaha Ogaadeenka oo loo arkayay dad dhulkoogii ay amxaaro ka soo bara-kicisay, Isaaqu waxay u soo dhaweeyeen si la mid ah sidii ay Ansaartii Madiini u soo dhawaysay qoxoontigii Muhaajiriinta ee Maka ka yimid. Guuldarradu se waxay ahayd in wanaaggaas ay ka sayidcalaysay abtirsigii xidhiidhinayay Afweyne iyo qoxoontigaas. Sida ku qoran bogga 83aad ee warbixintii sannadlaha ahayd ee Hay’adda Amnesty International ay soo saartay gu’gii 1988-kii, waxay ku sheegtay in heshiis dhex maray Siyaad Barre iyo Mingistu Xayle Maryam. Heshiiskaas waxa la isku weydaarsaday maxaabiis labada dhinac ah oo lagu kala qabtay dagaalkii 1977-kii. Waxyaalaha kale ee heshiiskaas lagu kala sexeexday waxa ka mid ahayd in Siyaad Barre loo soo gacan-geliyo xubnaha jabhadda SNM, halka uu Siyaad Barrena ka tanaasulay sheegashadii dhulka Soomaali-Galbeed. Haddiiba ujeeddada uu Siyaad Barre u galay dagaalkaas ay ahayd inuu xoreeyo dhul Soomaaliyeed, marna miyuu ka tanaasuli lahaa sheegashadiisa? Dabcan dagaalkaas looma qaadin si loo xoreeyo dhul Soomaaliyeed, waxa se loo qaaday si loo bara-kiciyo dad Soomaaliyeed ka dibna loogu deegaameeyo dhul kale oo Soomaaliyeed. La soco wajiga labaad ee deegaamaynta…. Tixraac: Amnesty Internatinal, 1989 annual report, page 83 – 86 Human Rights Watch, a government at war with its own people, page 27 – 42 BBC Soomaali, Qarnigii tegay iyo taariikhda Soomaalida Qore: Maxamed Sharma’arke Sharmaake91@gmail.com Qaran News
-
https://youtu.be/g58MULlG4Bc– Qaran News
-
Wararka naga soo gaaraya degmada Hodan ee gobalka Banaadir ayaa ku waramaya in goor dhow qeybo ka mid ah degmadaasi uu ka dhacay qarax geystay khasaare kala duwan. Qaraxa oo ka dhacay inta u dhaxeysa Tarabuunka iyo Digfeer gaar ahaan agagaarka qabuuraha masjidka Cabdirashiis Sharma’ke ayaa waxaa lala beegsaday gaari ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka dowladda oo halkaas ku socdaalayay. Wararka aan sidoo kale qaraxa ka helayno ayaa sheegaya in qaraxu uu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso mana jirto faahfaahin intaas dhaafsiisan oo laga helay. Wariyeyaasha Goobjoog News oo tagay qaar ka mid ah isbitaalada Muqdisho ayaa waxa ay soo sheegayaan inay jiraan dhaawacyo la gaarsiisay isbitaallada kuwaas oo ku waxyeeloobay qaraxan. Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors
