Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,505
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Dhallinyarada Soomaaliyeed u diray farriin ku saabsan sannad-guurada 77-aad ee aas-aaskii Ururka (SYL) ee horseeday xornimada dalka ayaa dul istaagay tilmaamaha furaha u ah guusha ay gaarsiiyeen dalka 13-kii dhallinyaro ee baalka dahab ah ka galay taariikhda. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isku duubnida, dhabar adayga, waddaniyadda iyo ka fogaanta qabyaaladda ee ay ku sifoobeen halyeeyada SYL ay sabab u noqotay xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa taabagalinta dal xor ah iyo dowlad shacabkeeda ay ku faanaan oo karaamo iyo sharaf ku leh ummadaha kale ee dunida. Halyeeyadii SYL waxa ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka dadkeenna Soomaaliyeed, jiil walba oo inaga mid ah waxaa waajib ku ah in uu dhaxalsiiyo jiilka xiga xusuustooda, halgankooda, taariikhdooda iyo diiwaanka maamuuskooda.” Madaxweynaha ayaa muujiyey caqabadihii waaweynaa ee hortaagnaa riyada Dhallinyarada SYL kuwaas oo ay ka mid ahayd qorshihii Gumeystaha ee ku dhisnaa hab qabiileysan in uu u kala qeybiyo Umaddan walaalaha ah, arrinkaas oo u adeegayey danaha cadawga, iyada oo jahli lagu hayo ummadda, aqoontana loo diido, dhaqaalahana lagala dagaalo, koox yar oo fikirka shisheeye u adeegtana laga dhex sameeyey dadka Soomaaliyeed. SYL kuma muteysan maamuuskaas kaliya in ay dadka Soomaaliyeed ka dulqaadeen heeryada gumeystaha, una horseedeen gobanimo buuxda, balse waxa ay ku muteysteen in caqabadaha waaweyn iyo jilaafooyinka ay ka soo gudbiyaan halganka dheeraa ee gobanimo-doonka” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dul istaagay xaaladihii adkaa ee ay dhaxashay Dowladda uu hoggaaminayo oo ay ka mid ahayd hannaankii dhaqaale ee aadka u hooseeyey, daymo tiro badan oo culeys ku hayey horumarka dalkeenna, xaalad adag oo ay ku noolaayeen kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo qaarkood ay ku dhibaateysnaayeen xabsiyo shisheeye iyo xarumo qaxooti ayaa soo bandhigay guulaha taariikhiga ah ee Dowladdu ay ku wajahday caqabadahaas iyo ifafaalaha maanta muuqda. Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay maanta ka qaadanayaan horumarinta dalka, hoggaaminta Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaallada naf hurnimada leh ee ay bixinayaan halyeeyada Bahda Caafimaadka oo dhallinyaro u badan, kuwaas oo naftooda iyo noloshoodaba u huray sidii ay dadkooda uga samata bixin lahaayeen cudurka COVID-19. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tusaaleeyey casharka taariikhiga ah ee ku jira midnimada iyo wada jirka ay lahaayeen Xisbiyada ama ururrada Dhallinyaro ee ka kala dhisnaa Gobolada Koonfurta iyo Gobolada Waqooyi ee dalka, kuwaas oo wadaniyad iyo walaaltinimo ku fashiliyey qorshihii Gumeystaha ee kala qeybinta dalkeenna iyo dadkeenna. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) Dagmada Wadajir ee gobolka Banaadir waxaa ka dhacay fal ka baxsan beni’aadanimada kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda uu kufsi u geystay gabar sida la sheegay afar jir aheyd. Ehelada gabadha yar ayaa warbaahinta u xaqiijiyay falka lagula kacay gabadhooda yar, waxeyna rumeysan yahiin in askari ka tirsan ciidamada dhawaan ay tababareen Turkiga uu geystay falkaas kaas oo guriga dhinac ka daganaa. Adeerka gabadha oo lagu magacaabo Axmed Bootaan ayaa saxaafadda uga warbixiyay wixii halkaas ka dhacay, waxeyna arintaan imaaneysaa xilli dhawaan kiis kufsi caruur ah laga diiwaangaliyay Shabeelada Hoose. “Magaceygu waa Axmed Bootaan Cabdulle, waxaan adeer u ahay Farxiya Cabdishakuur Bootaan, waxaa dhalay walaalkey Allaha u naxariisto Cabdishakuur Bootaan Cabdulle. Gabadha waxay ahayd afar jir agoon ah, waxayna wax u dhaceen shalay barqadii marka ay saacadda ahayd 10:30am in nin askari oo guriga la deganaa uu qolka ugu soo galay gabadha, askarigaas oo magaciisu yahay Maxamed Xuseen Cilmi, oo ka tirsan Ciidamada Gorgor ee Turkiga uu tababaro. Meesha ayuuna ku kufsaday ayadoo bil Ramadan tahay. Koley sababta uu sidaasi u sameeyay isaga ayaa la weydiin doonnaa, waana xiran yahay, wuxuuna ku xiran yahay Saldhiga Booliska ee Degmada Wadajir, in loo wareejiyo Xarunta CID-da ayaana sugeynaa, oo warqadihii loogu wareejin lahaa ayaan u xanibanahay.” “Guriga uu falku ka dhacay waa guri laba qol ka kooban, qol waxaa deganaa Farxiya iyo hooyadeed, qolka kalana waxaa kiro ahaan ugu deganaa askariga dhibaatadaan gaystay. Hooyadii suuqa ayay adeeg u doonatay, intii ay maqneyd ayuuna falkaasi sameeyay. Waa 21 jir iskaabulo ah.” “Dhibaatadaan waxay na soo gaartay, ayadoo aan cadaalad-darro tirsaneynay, ka dib markii gabadhan aabaheed lagu dilay shil ay Ciidamada Uganda ka gaysteen Ceelasha Biyaha, shilkaas oo ay ku dhinteen Cabdishakuur Bootaan Cabdulle, Cabdulqaadir Xuseen Cali oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska iyo iyo Xasan Jeylaani Abuukar oo isna shacab ahaa. Ayagoo ku sugan Ceelasha Biyaha ayay Ciidamada Uganda gaarigoodii jiirsiiyeen, dhacdadaas oo dhacday 26-kii bishii June ee sanadkii 2019 illaa iyo hadda wax cadaalad ah ma helin, oo waxaan ku weynay Farxiya aabaheyd oo aniga walaalkey ahaa.” Kiisaska kufsiga ah ayaa kusoo badanaya Soomaaliya, waxaana sidoo kale bishii April ee lasoo dhaafay la diiwaangaliyay kiis kufsi ah oo ka dhacay Shabeelada Hoose gaar ahaan deegaanka Yaaq-bari weyne halkaas oo saddex haween ah oo midi ay geeriyootay dhib loogu geystay.
  3. 24 people have been killed and more than 283,000 others have been displaced by floods in Somalia, according to figures released by the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) in Somalia. The figures also indicated that 28 districts and more than 701,000 people in the Horn of Africa nation have been affected by the floods. The worst affected states are Hirshabelle, Jubaland and South West with their numbers accounting for 88 percent of those affected by the floods. The destruction caused by the floods is evidenced by the fact that most parts of an entire small town in Puntland were swept away by floodwaters. According to the OCHA in Somalia, majority of the cases of flooding in the country have been caused by flash flooding. Hundreds of people in the East and Horn of Africa regions have been killed while thousands of others have been displaced by heavy rains and the resulting floods and landslides. The heavy rains have been caused by moisture dumped in the region by winds coming in from the Indian Ocean where temperatures have risen in recent months, according to Chris Shisanya, a professor of climatology in Nairobi, who spoke to Reuters. Kenya has been the worst hit so far with the government recently reporting that at least 237 people had been killed and more than 161,000 others displaced since heavy rains began in April. At the end of 2019, rain-triggered disasters, including flash floods and landslides, killed at least 250 people and affected millions of others across East Africa. Somalia is currently facing a triple threat of problems: the floods, the COVID-19 pandemic which is straining its already fragile health system and the desert locust infestation. Source: CGTN
  4. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Dhallinyarada Soomaaliyeed u diray Farriin ku saabsan Sannad-guurada 77-aad ee Aas’aaskii Golihii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL) ee horseeday xornimada dalka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isku duubnida, dhabar adayga, waddaniyadda iyo ka fogaanta qabyaaladda ee ay ku sifoobeen halyeeyada SYL ay sabab u noqotay xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa taabagalinta dal xor ah iyo dowlad shacabkeeda ay ku faanaan oo karaamo iyo sharaf ku leh ummadaha kale ee dunida. Madaxweynaha ayaa muujiyey caqabadihii waaweynaa ee hortaagnaa riyada Dhallinyarada SYL kuwaas oo ay ka mid ahayd qorshihii Gumeystaha ee ku dhisnaa hab qabiileysan in uu u kala qeybiyo Umaddan walaalaha ah, arrinkaas oo u adeegayey danaha cadawga, iyada oo jahli lagu hayo ummadda, aqoontana loo diido, dhaqaalahana lagala dagaalo, koox yar oo fikirka shisheeye u adeegtana laga dhex sameeyey dadka Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyay doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay maanta ka qaadanayaan horumarinta dalka, hoggaaminta Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaallada ay ku samata bixinayaan Bahda Caafimaadka oo dhallinyaro u badan, kuwaas oo dadaalkooda ku bixinaya sidii ay dadkooda uga samata bixin lahaayeen cudurka COVID-19. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tusaaleeyey casharka taariikhiga ah ee ku jira midnimada iyo wada jirka ay lahaayeen Xisbiyada ama ururrada Dhallinyaro ee ka kala dhisnaa Gobolada Koonfurta iyo Gobolada Waqooyi ee dalka, kuwaas oo wadaniyad iyo walaaltinimo ku fashiliyey qorshihii Gumeystaha ee kala qeybinta Soomaaliya. Hoos ka daawo Khudbadda Madaxweynaha PUNTLAND POST The post Khudbadda Madaxweyne Farmaajo ee ku aaddan Sanad-guuradii Aas’aaska SYL appeared first on Puntland Post.
  5. MOGADISHU (HOL) - President Mohamed Farmaajo has appointed two new judges to serve in Banaadir Region High Court and the Regional Court of Appeal. Source: Hiiraan Online
  6. Waaxda caafimaadka ee dowladda hoose ee Xamar ayaa xalay howlo buufin ah ka sameysay Suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho. Gadiidka dowladda hoose ayaa biyo ay ku jiraan daawo loogu talagalay inay disho jeermiska faafin kara cudurka indhahu aanan qabin ee karoona waxaa ay ku buufiyeen suuqa labaad ee Suuq Bacaad, si looga hortago cudurkan ku sii faafaya dalka ee Covid-19. Guddomiyah gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeer ugu tegay howlaha buufiska ee ka socday Suuq Bacaad waxaana uu bogaadiyay howlaha ay wadaan shaqaalaha caafimaadka ee dowladda hoose “Hadii aan sidaan ku sii wadno waan hubaa inaan ka miro dhalineyo dadaalkeyna ee aan ku xakameyneyno cudurkaan qatarta ah ee Karoona Feyruska waxaana loo baahanyahay in guud ahaan Caasimada la gaarsiiyo howshaan.” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir. Filish waxaa kormeerka ku wehlinayey qaar ka mid ah ku xigeenadiisa iyo agaasimayaal ka tirsan gobolka. View the full article
  7. Khilaaf ka dhexqarxay M/weynaha Puntland & Ku-xigeenkiisa+Halka Sartu ka qudhuntay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash ayaa sharci-darro ku tilmaamay magacaabista madaxweyne Deni magacaabay taliyaha ciidanka madaxtooyada iyo ku xigeenkiisa. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay heshay warbaahintu ayaa lagu sheegay in magacaabista taliyaha madaxtooyada iyo ku xigeenkiisa aan lagala tashan madaxweyne ku xigeenka taasi oo ka hor-imaanaysa Dastuurka iyo xeerarka kale ee u yaal Puntland. Dikreetada ayaa lagu caddeeyay in magacaabistaasi aysan sharciga waafaqsanayn islamarkaana G/sare Cabdiqani Maxamed Xarbi oo madaxweyne Deni uu xilka ka qaaday uu weli yahay taliye ku xigeenka ciidanka madaxtooyada Puntland. Mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa sidoo kale amar ku siiyay taliye ku xigeenkii madaxweyne Deni xilka ka qaaday in uusan u hoggaansamin xilka qaadista balse uu sii wato waajibaadkiisa shaqo. Halkaan ka akhriso dikreetooyinka Deni & Karaash ee iska hor imanaya Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filsih) ayaa sheegay in maamulka gobolka uu wado qorsho lagula dagaalamayo Cudurka Safmareeka ah ee COVID-9,kaas oo kiisas kamid ah laga helay Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in Magaalada muqdisho ay ka bilaabeen howlgallo lagu buufinayo Xaafadaha iyo wadooyinka qaar si looga hortago faafitaanka Cudurka Coronavirus,dadkana looga badbaadiyo. “Qorshaha lagula dagaalamayo waa in si hagar la’aan ah la isaga kaashado, gaadiidka waa weyn ee Dowladda Hoose waxa ay buufinayaan Degmooyinka, meelaha aan Gaadiidka geli Karin waxaa buufinaya dhalinyaro haamaha suntan xambaarsan si loosoo afjaro faafidda fayruska” ayuu yiri Duqa Muqdisho. Waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay laga guuleysto cudurka Coronavirus oo saameyn taban ku yeeshay Guud ahaan Caalamka, Duqa Muqdisho ayaa soo jeediyay in la qaato tallaabooyinka loo arko in uusan ku gudbi Karin xannuunka. Hadalkaan ayaa Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filsih) ayaa waxaa uu sheegay xilli xalay uu kormeeray Xaafada Suuq Bacaad oo Maamulka gobolka uu ka waday howlo buufin ah oo looga hortagayo Cudurka.
  9. Dagaal Buuraleyda ku dhexmaray Xarakada Al-shabaab & Ciidanka Puntland+Khasaaraha Dhimasho & Dhaawac Khasaare isu’gu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerar Shalay galab malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku sugan saldhiga Balli-Khadar ee Degaanka Bosaaso. Ciidanka Daraawiishta Puntland weerarkaasi waxaa la xaqiijiyay in ay kaga dhinteen laba askari halka mid kalena ka dhaawacmay. Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa sheegaya in malayshiyaadka Al-shabaab ay doonayeen in ay weerar gaadmo ah ku qabsadaan saldhiga Balli-Khadar balse iska difaaceen weerarkaas. Kooxaha Al-shabaab iyo Daacish oo saldhiyo ku leh buuraha Galgala iyo Cal-Miskaad ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada Ciidamada Puntland ee Buuraleyda Qaran News
  10. 153 Qof oo ah Soomaali haysata dhalashada 3 Dal oo laga daabulay Muqdisho+Halka loo daadgureeyay & Xoggo kale Diyaarad gaar ah ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde ka qaaday dad 153 qof ah oo ku xayirmey magaalada kadib markii la joojiyey inta badanduulamaadyadii dunida, sababo la xiriira xanuunka Coronavirus. Dadkan ayaa ah Soomaali heysta dhalashada dalalka Mareykanka, Canada iyo Britain, kuwaasi oo toddobaadyadii tegay ku go’doonsanaa caasimadda Soomaaliya Safaarada Mareykanka oo iyadu markii hore diyaarisey duulimaadkan ayaa dooneysey in ay muwaadiniinteeda ku keento dalkan Mareykanka, hase yeeshee waxaa kusoo biiray dalalka Canada iyo UK. Diyaarada Ethiopian Airlines ayaa galabta 4-ta galabnimo kasoo duushay Muqdisho waxaana ay dadkan geyn doontaa magaalada Addis Ababa oo ay ka dibna ka soo qaadan doonaan duulimaadyo tagaya magaalooyinka Washington DC, London iyo Toronto. Inkasta oo safarka iyo howsha isku xirka ay qabatay safaaradda Mareykanka, haddana dadkan ayaa waxaa lagu war-geliyey inay si iskood ah tiket-ka uga goostaan shirkadda Ethiopia Airlines. Qaar ka mid ah dadkan ayaa warbaahinta u sheegay in Ethiopian Airlines ay ku dallacday lacag aad uga badan tan caadiga ah ee lagu goosto tickidhada, ayada oo ka faa’iideysaneysa duruufta haysata dadka. Arrintan ayaa sababta in qaar ka mid ah dadki ku xayiran Muqdisho ay goysteen inay kusii nagaadaan, ayaga oo ka biyo diiday inay lacag xad dhaaf ah bixiyaan Qaran News
  11. Deegaanka Tigreega oo doorashada ka qaatay mowqif ka duwan kan dowladda dhexe Madaxweyne ku xigeenka deegaanka Tigreega Dr Dabresiyon Gabra-mikael Madaxweyne ku xigeenka deegaanka Tigreega Dr Dabresiyon Gabra-mikael ayaa sheegay deegaankiisu inuu doorasha u gaar ah uu qabsanayo lagana taxaddarayo faafitaanka Covid-19. Guddoomiyaha xisbiga talada deeganka Tigreega haya ee TPLF Dr Dabresiyon Gabra-mikael oo warbaahinta kula hadlay magaalada Maqale wuxuu yiri “Dowladda Federaalka hadalka ka soo yeedhay ee ah inaan doorasha la qaban karin xili uu coronavirus taagan yahay hadalkaasi kuma raacsanin, anagu doorashada waan qabsaneynaa iyada oo laga taxaddareyno faafitaanka fayraska Corona.” Wuxuuna intaa ku daray “Deegaankannaga dhanka sharciga anaga oo ka eegeyno inaan xisbiyada siyaasadeed iyo ururrada bulshada ee ay quseyso iyo guddiga doorashadaba lagala tashanayo ayey doorashadu dhaceysaa. Madaxweyne ku xigeenkau waxaa kale uu sheegay Dowlad Deegaanka Tigreega ee dalka Itoobiya doorashada uu qabanayo iney ku kallifeyso meel marinta go’aanka shacabka deegaankaasi iyo dastuurka deegaanka oo loo hoggaansamayo. “Wixi ka dambeeya bisha December maadaamaa ay awoodda dowladeed oo dhan ay meesha ka baxeyso haddii xillligaa ka hor ay doorasha qabsoomi weydo dhibaatooyin badan ayaa dhacaya” ayuu yiri Dr Dabresiyon Gabra-mikael. Tartan ayaanu galaeynaa in nala doorto iyo inaan nala dooranba wey dhici kartaa” ayuu yiri Dr Dabresiyon Gabra-mikael mar uu ka hadlayey waajibnimada iney doorashada deegaankaasi qabsoonto. “Cudurka Coronavirus ee dalka ka jira ma aha inuu sabab u noqdo in xukunka lagu dheereysto” ayuu yiri. “Doorashada waxa ay dib ugu dhigtay dowladda dhexe ma aha sida ay sheegeen cabsi laga qabo faafitaanka cudurka safmarka ee Coronavirus, balse dowladda dhexe marki horaba ma dooneyn doorasho iney xilligeeda ku qabsoonto” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka deegaanka Tigreega ahna guddoomiyaha xisbiga talada deegaankaasi haya ee TPLF, Dr Dabresiyon Gabra-mikael. Dr Abiy Axmed oo warbaahinta xafiiskiisa kula hadlay Dowladda dhexe mowqifkeeda muxuu yahay? Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa sheegay iney dowladdu qaadeyso tallaabbo kasta oo ay kaga hortageyso dhaqdhaqaqyada dastuurka dalka ka horimanaya oo ay deegannada qaar ku doonayaan iney doorasha u gaar ah qabsadaan. Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed oo xaaladda dalka Itoobiya uu ku sugan yahay warbaahinta dalka Itoobiya shacabka farriin uga tabiyey wuxuu sheegay shacabka waxyaabaha ay xuquuqdooda ku meelmarsadaan iney ka mid tahay doorashada guud oo dalka ka qabsoonto taasoo ah xuquuq dimuqraadiyadeed oo ay muwaaddiniintu leeyihiin. “Iyada oo ay xisbiyada mucaaradka qaar ay aaminsanaayeen iney doorasho dhicin ayaan annagu ku adkeysannay doorashada iney xilligeeda ku dhacdo diyaar garow ballaaranna la billaabay.” “Hase yeeshee, cudurka safmarka ee Covid-19 ee dalka Itoobiya soo gaaray ayaa nagu kalliftay inaan doorashada dib u dhigno.” Ra’isal waraare Dr Abiy Axmed oo ka hadlay hadalka ka soo yeeray deegaanka Tigreeda oo ay ku sheegeen iney doorasha gaar ah deegaan ahaan u qabsanayaan oo ay sugeynin doorashada guud ee dib loo dhigay wuxuuna yiri: “Si ka baxsan dastuurka dalka Itoobiya u yaallo dhaqdhaqaaq kasta oo ka hormarinayo ay tahay khalad aad u weyn ayna xadgudub ku tahay shruucda dalka iyo kan caalamka intaba.” Guddiga doorashooyinka siduu uga falceliyey? Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya Birtukaan Mideqsa oo warbaahinta dalkaasi la hadashay ayaa sheegtay hadalka ka soo yeeray deegaanka Tigreega inuu la yaab ku noqday uuna yahay mid sharci darra ah. “Sida uu dhigayo dastuurka dalka Itoobiya qodobkiisa 102-aad arrimaha doorashada waxaa awood u leh guddiga doorashooyinka qaranka” ayey tiri. “Doorashada heerarkeeda kala duwan waxaa qabanaya oo wakhtiga la qabanayana go’aan ka gaari karo oo keli guddiga doorashooyinka qarnaka ee dalka Itoobiya.” “Deegaan wuxuu doorasha si gaar ah uu u qabsan karaan marka uu codsigiisa uu soo gaarsiiyo guddiga doorashooyinka, guddiguna uu oggolaado codsiga deegaanka oo keli ah balse, ay jirin ilaa iyo hadda deegaan codsi doorasha inuu qabsado soo gaarsiisay guddiga doorashooyinka, xilli dalka Itoobiya uu ku jiro xaalad degdeg ah oo uu la tacaalayo cudurka safmarka ee Covid-19 iney deegaan xubin ka ah dowladda Federaalka ay yirahdaan doorashaan qabsaneynaa waa nasiib darro” ayey tiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya Birtukaan Mideqsa. Guddoomiyaha Guddiga doorashada qaranka ee dalka Itoobiya Birtukaan Mideqsa Tani iyo marka uu isbeddel ka dhacay dalka Itoobiya uu dalka Itoobiya majaraha u qabtay Dr Abiy Axmed waxaa sii badanayey khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka ee Dowlad Deegaanka Tigreega, iyada oo uu deegaankaasi uu ku doodaya iney dowladda hadda ka arrimisa dalka Itoobiya ay nidaamki Federaalka ee lagu heshiiyey ay god ku sii rideyso. Qaran News
  12. Maxaad kala socotaa dhibaatooyinka ku gadaaman Sacuudi Carabiya? Maxamed bin-Salmaan ayaa muddo gaaban Sacuudi Carabiya ka sameeyey isbeddello sal ballaadhan Iyada oo ay dalal badan canshuuraadka muwaaddiniintooda ka cafiyeen, ayey Sacuudi Carabiya ku dhawaaqday canshuurta dheeriga ee VAT loo yaqaanno oo ahayd 5% in laga dhigay 15%, waxayna dowladdu sidoo kale shaacisay in laga billaabo bisha soo socota la joojinayo lacagaha nolosha qoysaska lagu kabi jiray. Tallaabbadan uu qaaday Sacuudiga ayaa imaneysa xilli uu qiimaha shidaalka dunida kala badh hoos uga dhacay qiimaha uu kal hore joogay taasoo saameysay miisaaniyadda dowladda 22% oo keentay inay xukuumadda Riyadh hakiso mashaariicdii waaweynaa. Shirkadda saliidda Sacuudiga soo saarta ee ARAMCO oo ay dowladdu leedahay ayaa dakhligeeda saddexdii bilood ee ugu horreeyey sanadkan uu hoos u dhacay 25%, maadaamaa qiimaha shidaalka uu jabay. “Arrintan ayaa muujineysa in loo baahan yahay in la qaado talalabbooyin wax looga qabanayo qiimaha shidaalka ee dhulka galay,” ayuu yiri Michael Stephens, oo ka faallooda xaaladaha waddamada khaliijka. “Xaaladda dhaqaale ee boqortooyada oo aad u cakiran waxay ku qaadaneysaa waqti dheer si uu dhaqaalaha dalkaasi sidiisi hore ugu soo noqdo.” Sicirka adeegyada kale ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa aad sare ugu kacay halka qiimaha shidaalkana u aad hoos ugu dhacay Xanuunka Covid-19 ee dalkaasi faraha ba’an ku haya ayaa sii huriyey xaaladda dhaqaale ee sii liicaysay, maadaama waddankaasi ku tiirsanaa malaayiin shaqaale oo ka soo jeeda waddamada Aasiya, iyada oo qaar badan oo shaqaalahiisa ahna ay hadda ku nool yihiin xaalad aad u liidata. Sidoo kale dhaxal sugaha boqortooyada ayaa saameyn aan yareyn kala kulmaya shakiga laga mujiyey inuu ku lug lahaa dilki loo geystay Wariyihii Sacuudi Carabiya u dhashay ee Jamaal Khaashuqji. Maalgashiga caalamiga ee ku qulquli jiray dalkaasina waxaa hakad geliyey shakiga laga muujiyey inuu Amiirka ku lug leeyahay dilkaasi iyo iney sirdoonka dowladda wariyaha dilka ugu geysteen qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istaanbuul sanaddi 2018-kii. Dhanka kalena, waxaa arrinta uga sii daray dagaalka Sacuudiga uu ku qaaday dalka dariska la ah ee Yemen oo socda muddo shan sano ah, welina wax natiija ah aan laga gaarin iyo xurgufta siyaasadeed ee kala dhaxeysa Qadar oo ay ika wada mid ahaayeen waddamada khaliijka ee uu iskaashiga ka dhexeeyo (GCC). Marka Sacuudiga dhibaato aad u weyn ayaa heysata? ‘Horay uga bixid’ Ugu horreyn waxaa jira aragtiyo dhowr ah. Cudurka safmarka ee coronavirus wuxuu wiiqay guud ahaan dhaqaalaha Sacuudiga iyo Caalamka oo dhan. Sacuudiga wuxuu leeyahay sanduuq maaliyadeed oo dhaqaale badan uu ku baxay, kaaso ah Sanduuqa Maalgashiga Dadweynaha, oo dib loogu soo noqdo, kaas oo lagu qiyaasay inuu ku kacay ama loo qoondeeyey $320 bilyan oo doolar. Si la mid ah shirkadda weyn ee saliidda soo saarta oo ay dowladdu leedahay dhaqaalaheeda sanadkii hore waxaa lagu qiimeeyey $1.7 trilion oo doolar, taasoo la mid ah dhaqaalaha ku kaca shirkadaha Google iyo Amazon oo la isu geeyay. Shirkadda shidaalka ee ARAMCO ayaa weli caalamka ka ah shirkad si weyn loo aqoonsan yahay Saami aad u yar oo dhan 1.5% – oo laga iibiyay shirkaddaas ayaa lacag ahaan gaaray $25 balyan oo doolar, wuxuuna noqday kii ugu horreeyay ee ay iska iibiso ARAMCO intii ay jirtay. Sacuudi Carabiya wuxuu sidoo kale wajahayaa khataro kaga imaanaya dhinaca Iiraan, iyada oo tusaale ahaan loo soo qaadan karo gantaalladi sanadkii hore lagu weeraray shirkadda ARAMCO iyo goobo kale oo ku yaalla Sacuudi Carabiya, ugu dambeyntiina ay sababtay taliyaha ciidamada ilaalada Iraan inuu Mareykanka Khaarijiyo. Bishanna Pentagon-ka Mareykanka ayaa la noqday gantaallada Patriot ee lagu difaaco gantaallada kale, maadaama laga laga baqayo inay ay khataro badan uga yimaadaan ururrada IS iyo Al-qaacida. Haddaba Sacuudi Carabiya ayaa weli wuxuu wajahayaa caqabado halis badan, kuwasoo kala ah: Dhaqaalaha Toddbaadkan hadalka ka soo yeeray boqortooyada ee ku saabsan faa’iidada ka soo baxdo saliidda la iibiyo waxay welwel badan ku abuurtay mustaqbalka muwaaddiniin badan oo dalka Sacuudiga u dhashay. Wasiirka maaliyadda oo go’aanka dowladda shaacinayey laftiisa wuxuu adeegsaday ereyga ah “tallaabo xanuun badan”. Wuxuuna sheegay in dowladda ay go’aankeedaasi ku badbaadineyso $26 bilyan oo doolar, balse saameynta dhaqaale ee uu Covid-19 dalkaasi u geystay iyo qiimaha saliidda ee hoos dhacay ayaan yareyn, waxayna dhibaatadaas si toos ah u taabatay bangiga dhexe ee Sacuudiga oo dhaqaalaha dalka maamula. Caqabadaha dhaqaale ee Sacuudiga soo wajahay waxay saameynayaan mashaariicda waaweyn Seddexdi biilod ee ugu horreysay sanadkan daldaloollada dhinaca miisaaniyadda waxay gaartay $9 balyan oo doolar. Xilligan ayaa ah marki ugu horreysay uu Sacuudi Carabiya dhaqaalahiisa sagxadda soo taabto. shirkii dalalka ku bahoobay GCC ee Abu Dubai lagu qabtay 1998-kii, Amiir cabdalla oo xilligaa dhaxal suge ahaa wuxuu waddamada khaliijka la wadaagay digniin ku aaddan dhaqaalaha waddamada iyo waxa soo food saari kara. “Shidaalka fuustadii wuxuu marayaa $9 doolar,” ayuuna ku yiri waddamada isaga oo sheegay xilligii ay dhexda xiran lahaayeen in la joogo.” Coronavirus iyo qiimaha shidaalka ayaa si weyn u saameyn doona mashaariicda waaweyn ee ka socday boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyada oo weli laga dhursugayo inuu sii socon doono hirgelinta himilooyinka barnaamijka 2030 laguna guuleysan doono iyo inkale. Sacuudi Carabiya wuxuu ka mid yahay dalalka Bariga dhexe ee uu sida weyn u saameeyey Coronavirus Barnaamijyada ugu waaweyn ee uu wado dalka Sacuudi Carabiya waxaa ka mid ah si uu dalkaasi uga gudbo dhaqaalahiisa ku tiirsan saliidda iyo shaqaalaha xirfadda leh ee dibadda uga imaada. Waxay dowladda dhulka saxaraha ee NEOM ka dhiseysaa magaalo xuddun u noqta dhaqaalaha dalkaasi oo ay ku kaceyso $500 oo bilyan oo doolar. Dunida heerka ay ka taagan tahay Sumcadda ay Sacuudi Carabiya ku lahayd caalamka waxaa si weyn u dhaawacay cambaareyn xoogganna uu caalamka kala kulmay dilkii Khashuqji iyo sida ay dilkaasi u qarisay boqortooyada. Danjiraha Sacuudiga u fadhiya magalada London wuxuu dhacdadaasi ku tilmaamay ‘mid sumcadda aad u wasakheysay.” Qaar ka mid ah dadka looga shakisanaa dilka Khashuqji oo aan wax tallaabo laga qaadin ayaa horseeday cambaareyn xoog leh oo Riyaad uga imaaneysa kooxaha xuquuqda aadaha u dooda iyo qaramada midoobay. Wakhti xaadirkan Sacuudi Carabiya waxay waddaa qorsheyaal cusub oo ay dib ugu soo nooleyneyso maalgashiga oo ay ka mid tahay 80% iney Kooxda kubbada cagta ee New castle iibsato. Rabitaankaasi Sacuudiga waxaa si weyn uga hortimid haweeneydi uu guursan lahaa Khashuqji, Hatice Cengiz, iyada oo sheegtay iney tahay mid anshaxa ka hor imaneyso. Diyaaradaha dagaalka duqeymaha ay ka geystaan gudaha Yemen ayaa marar badan Riyaad loogu soo jeediyey dhaleeceyn iyo iney dambiyo dagaal ka geystaan waddankaas. Duqeymaha ay diyaaradaha Riyadh sameeyaan ayey mararka qaar shacab ku waxyeelloobaan, taasoo Mareykanka oo ay saaxibbo dhow yihiin Sacuudiga xataa cambaareyn xooggan uu u soo jeediyey. Dagaalka Yemen oo afar sana socda guulo aad u yar ayaa laga gaaray Saaxibbada gaarka ah ee xulafada la ahaa dhaxlasugaha boqortooyada Sacuudi carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa ah Madaxweyne Trump iyo Madaxweyne Putin. Balse sanadkan marki uu qiimaha saliidda hoos udhacay ayuu madaxdaasi ku eedeeyey iney dhaqaalaha gudaha ee Sacuudi carabiya waxyeelleeyeen. Xiriirka Iiraan kala dhaxeeyana wuxuu marayaa dagaal qaboow iyada oo ay Iiraan xiriir dhow la leedahay Qadar oo ay Sacuudiga iska soo horjeedaan. Awood Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salman oo ay da’diisu tahay 34 sano ayaa u muuqda mid aan laga guuleysan karin. Wuxuu ku gabbanayaa aabbihiisa 84 jirka ah cid kasta oo ka hortimaaddana waddadiisa ayuu ka leexinayaa. Amiir Maxamed Bin Nayef oo ay Maxamed Bin Salmaan ilmadeer yihiin oo awood badan lahaa wuxuu xilka ka qaaday 2017-kii isaga oo ku eedeeyey isku day afgambi oo dhacay sanadkaas. Xubno kale oo boqortooyada muhiim ka ahna xabsiga ayuu u taxaabay. Sawirka Maxamed Bin Salmaan oo ku dhaggan magaalada Jizan Maxamed Bin Salmaan ayaa ah mid dibadda sumacad badan ku leh, gaar ahaanna taageero aad u weyn wuxuu ka haystaa qurbajoogta, siiba dhalinyarada. “Waa midka ay si weyn uga faa’ideen xorriyadda dib u xureyntiisa,” ayuu yiri Sir William Pattey. Isbadallo badan oo isugu jira dhinaca dhaqaalaha iyo habdhaqanka bulshada ayuu hor seeday Maxamed Bin Salmaan intii uu soo shaac baxay kaddib, waxyaabo kale oo badanna wuu ku haminayaa. Haddii ay riyooyinkaas rumoobi waayaan, shan sano oo hadda kaddib ahna xal rasmi ah la heli waayo, markaas awoodda xad-dhaafka ah ee Sacuudigu uu ku leeyahay Caalamka waxay billaabi kartaa inay wiiqanto. Qaran News
  13. Wuxuu noqon lahaa kulankii ugu dambeeyey, wareega koowaad ee tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle, haddii uu xalay dhici lahaa tartankii u dhexeeyey Kaxda iyo Waabari oo ka tirsan gobolkaan Banaadir, balse labada degmo ayaa ka baaqday barnaamijka, sababo la xariira arrimo maamul iyo mid farsamo intaba. Xasan-Weli Sheekh Abuubakar guddoomiyaha guddiga tartan aqooneedka bisha Ramadaan ayaa sheegay in maamulka Shabelle uu wado baaritaan ku aadan waxa keenay in Kaxda iyo Waabari aysan soo xaadirin tartankii xiisaha badnaa ee la wada sugayey. Sidoo kale wuxuu ku wargeliyey labada degmo in caawa uu qaabsoomi doono kulanka u dhexeeya, gaar ahaan 8:00 habeenimo, Degmooyinka Kaxda iyo Waabari oo sidoo kale ka wada tirsan group-ka D ayaa leh dhibco siman, marka la eego natiijada tartamadii hore ee ay ka soo qeyb-galeen, waxaana mid waliba ay soo badisay hal kulan, halka min kulan kale ay barbaro soo galeen, hayeeshee degmada badisa caawa ayaa iska xaadirin doonto wareega sideed dhamaadka ee tartanka. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Sababta-uu-Tartanka-U-Baaqday-140520.mp3 View the full article
  14. Wararka laga helayo gobolka Bakool ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka ay howlgal kula wareegeen deegaano cusub oo ka tirsan gobolkaasi. Taliyaha guutada 9-aad, qeybta 60-aad ee gobolka Bakool Mukhtaar Maxamed Cabdullaahi (Geesey) oo ka warbixiyey howlgalkaasi oo ahaa mid qorsheysan ayaa sheegay inay kula wareegeen deegaano dhowr ah oo dhaca bariga magaalada Xudur ee K/ Soomaaliya. Sidoo kale taliyaha ayaa xusay in deegaanada ay la wareegeen ay saldhigyo ku lahaayeen dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay inay sii wadi doonaan dhaq dhaqaaqyadooda, inta Al-Shabaab laga saarayo gobollada Baay iyo Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. View the full article
  15. Guddoomiye ku xigeenka degmada Bardaale ee gobolka Baay, Mudane Maxamed Isxaaq Xasan oo u warramay Shabelle ayaa ka warbixiyey xaaladda ammaan ee degmadaasi. Maxamed Isxaaq ayaa sheegay in amniga degmada uu haatan yahay mid wanaagsan, balse wuxuu tilmaamay in mararka qaar ay weeraro gaadmo ah kala kulmaan Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka Bardaale inay ciidamada amniga kala shaqeeyaan sugida nabad-gelyada, si looga hortago wax kasta oo qatar ku ah amniga magaaladaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-bardaale-1-.mp3 View the full article
  16. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-15052020-ss.mp3 View the full article
  17. ROME (AP) — A right-wing lawmaker apologized Thursday for calling a young Italian woman who converted to Islam while held hostage in Somalia a “neo-terrorist.” Source: Hiiraan Online
  18. Ankara (Caasimada Online) – Iyadoo Covid-19 uu uga si darayo dhaqaalaha Turkiga ayaa Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee CHP waxaa uu sheegay in xubno Dowladda ka tirsan iyo warbaahin uu hogaaminayo Madaxweyne Erdogan ay ku eedeeyeen qorshe afgambi. Eddeyntii ugu adkeyd waxaa ay madaxda sare kasoo baxday 4-tii May kadib markii uu Erdogan gudoomiyay shir muuqaal ah oo ay yeeshee golaha wasiiradda, isagoo jooga meesha uu ka degna yahay Madaxtooyada. Erdogan waxaa la rajeynayay in uu diiradda saaro dib usoo celinta shaqada dowladda iyo qorshe lagu xadidayo safmareenka, laakiin waxaa uu qayb ka mid ah khudbadiisa kusoo qaatay caro ka dhan ah xisbiga ugu weyn mucaaradka. Xisbiga CHP ayaa sheegay in Erdogan uu muujiyay “aragti kaligi talis, taas oo aan ku fiyoobeyn sarreeynta sumcadda qaranka, dimoqaradiyadda, cadaaladda iyo doorashooyinka la rajeynayo.” Dhaqanka CHP waxaa haga “damacooda ah in ay maamulka waddanka ku qabsadaan afgambi iyagoo aan u marin hanaan demoqaraadi ah,” ayuu yiri Erdogan. Isagoo ku daray “taasi waa waxa noo sawirmaya marka aad isku geyso hadallada ay sheegtay hogaanka CHP todbaadkii lasoo dhafay oo keliya.” Inkasta oo uusan Madaxweynuhu magacabin hogdaanka CHP ee uu cambaareeyay, haddana dib u eegis lagu sameeyay warkii CHP ee dhowanahaan, ayaa muujiyay in uusan jirin war lala xiriirin kara in CHP ay dooneyso in ay talada wadanka xoog ku qabsato. Bishii April 29-kedii war uu siiyay TV-ga Halk ayaa Kaftancioglu oo hogaamisa xisbiga CHP waxaa ay sheegtay “isbeddel Dowladeed iyo nidaamka Dowliga ah ayaa la filayaa iyadoo loo marayo doorashooyin ama xitaa hanaan kale waqiga soo socda.” Sida ku cad eedeynta Dowladda, waxaa baraha bulshadda iyo akoono warbaahined oo ay maamulsho Kaftancioglu lagu faafiyay “qaab kale oo awooda lagula wareegayo” taas oo ay Dowladdu u fasirtay afgambi. Kaftancioglu waxay sideedii bishan sharaxad ka bixisay hadalkeedii. “Waxaan iri Dowladu waxay geli doontaa doorasho xilli hore oo waqtigeedii laga so horumariyay ama mid caadi ah, markii horeba waan saadaalinayay isbedel nidaamka ah” ayey tiri. Ahmet Mahmut Unlu oo loo yaqaano Ahmet Hodja ee qarsoon ayaa 11-kii May waxaa uu qabsaday cinwaanada warbaahinta isagoo ka digaya Afgambi. “Waxaa jirta khatar afgambi. Waxaan arkay riyooyin, khatar ayaa jirta ayuu yiri. Waxaa uu hadalkiisa ku daray khatartaani aysan ka imaaneyn Fatxullahi Gulen iyo kooxdiisa sidii dhacday July 2016. Hase yeeshee kuwa ku dhow CHP ayaa sheegay in eedeynta la xiriirta afgambiga laga leeyahay ujeed ah in la abuuro cabsi afgambi, si loo kiciyo taageerayaasha dowladda ee xisbiga AKP. “AKP waxay isku dayeysaa inay sii joogteyso taageeradeeda inkasta oo dalka ay ka jirto qalalaase dhaqaale xumo, si loo weeciyo dareenkooda o loogu abuuro cabsi kale,” ayuu yiri xisbiga CHP. Waxay sidoo kale ka digeen in abuurka cabsi afgambi ay dowladda dhabbaha ugu xaaran karto xukun kali talis oo dheeri ah. Ugu dambeyn, sida ay qabaan CHP. marka ay sii ballaarato cabsida la xiriira afgambiga, waxaa kuwo aan sharci ahayn laga dhigi doonaa CHP, kadibna waxaa lagu baaqi doonaa doorashooyin waqtigooda kasoo hormara, oo guulaha ay ku kordhisan karaan AKP.
  19. Postponed elections may leave it without a legal government Source: Hiiraan Online
  20. Turkey’s government has appealed to foreign allies in an urgent search for funding, three senior Turkish officials said, as it prepares defences against what analysts fear could be a second currency crisis in as many years. Source: Hiiraan Online
  21. 24 people have been killed and more than 283,000 others have been displaced by floods in Somalia, according to figures released by the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) in Somalia. Source: Hiiraan Online
  22. Somali officials say they have deployed helicopters to spray new swarms of desert locusts that are eating crops and threatening the country’s fragile food supply. Source: Hiiraan Online
  23. Milan (Caasimada Online) – Silvia Romano oo ah gabadha Talyaaniga ee naceybka iyo weerarada la kulantay kadib markii ay shaaca ka qaaday inay Islaamtay, lana baxday, ayaa markii ugu horreysay la hadashay saaxiibadeeda. “Waxaan idin weydiisanayaa inaadan carroon si aad aniga ii difaacdaan, wixii ugu xumaa ee isoo mari karay waa isoo mareen,” ayey tiri Silvia oo qoraal soo dhigtay facebook, kaasi oo ay arki kareen kaliya saaxiibadeed. “Dhammaan saaxiibadii ku dhowaa qalbigeyga mudda fog, aad ayaad u mahadsan tihiin, aad ayaad u mahadsan tihiin. Waxaan sidoo kale u mahad-celinayaa kuwa aan saaxiibadey ahayn ee aan I aqoon balse waqti u huray inay iga fakaraan.” “Dhammaan kuwa waalidkey iyo walaashey sida gaarka ah ee lama filaan taageerada u siiyey, inaan ogaado jaceylka aad ii haysaan waa wax fraxad un keeni kara, aad ayaad ugu mahadsan tihiin.” “Ma sugi karin inaan kasoo dego diyaaradda, sababtoo ah waxa iigu muhiimsan waxay ahayd inaan la kulmo dadka ugu muhiimsan nolosheyda, waxaan weli dareemayaa diiranaantooda, waxaana u sheegayaa inta aan jeclahay, inkasta oo aan xiranahay dharkan.” “Waxaan dareemayaa inay eegayeen dhoola caddeyskeyga, una riyaaqayeen la joogisteyda, sababtoo ah ugu dambeyntii waan noolahay, halkan ayaana jooga, waan faraxsanahay, sababtoo ah waxaan arkay in kuwii aan jeclaa ay weli joogaan. Allah ayaa ku mahadsan.” “Codsigeyga ugu dambeeya wuxuu mar kale yahay inaadan carrood, si aad ii difaacdaan, wixii ugu xumaa ee isoo mari karay waa isoo mareen. Aan ku raaxeysano daqiiqaddan. Waan idin jeclahay.”
  24. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shalay kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka ee taageera Soomaaliya, ayaga oo ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka Soomaaliya. Kulanka oo ku dhacay qaab online oo muuqaal ah, ayaa masuuliyiintii Beesha Caalamka ka socotay ee ka qeyb-galay waxaa ka mid ahaa danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan, Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirada wadamada UK, Norway, Sweden, Germany iyo Wakiilada iyo Madaxda Ururada daneeya arrimaha Soomaaliya. Waxaa kulanka looga hadlay xaaladda Covid-19 ee Puntland, Amniga, Doorashadda Soomaaliya, Xiriirka Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah iyo madax banaanida Warbaahinta. Waxaa sidoo kale kulanka diiradda lagu saaray doorashadda Soomaaliya, islamarkaana in la adkeeyo in xilligeeda ay ku dhacdo, taasi oo beesha caalamka ay sheegtay inay muhiim tahay. Puntland ayaa horey u qaadacday sharciga doorashooyinka ee la ansixiyey, waxayna sheegtay inaysan ka qeyb-gali doonin doorashada haddii aan laga talo-gelin.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Gobolka Banaadir u magacaabay Garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka. Waa kuma guddoomiyaha cusub ee maxkamadda gobolka Banaadir? Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda gobolka Banaadir garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan waxa uu shahaadada heerka koowaad ee jaamacadda ka qaatay Jaamacadda Islaamiga ah ee Pakistan sanadkii 2008-dii, halka Shahaadada heerka labaad uu ka qaatay isla jaamadcaddaas, isagoo ku takhasusay culuumta shareecada iyo qaanuunka. Sidoo kale, garyaqaan Cabdikhadar waxa uu Shahaado kale oo heerka labaad ah ka diyaariyey diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah, isaga oo ka bartay Jaamacadda Kampala. Garyaqaanka ayaa dhowr iyo tobankii sano ee u danbaysay waxa uu la-taliye dhanka sharciga ah u ahaa qaar ka mid ah hay’adaha dowladda, hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa caalamiga ah. Dadka yaqaan Banaadir garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan ayaa sheegay inuu yahay nin howl-kar ah oo daacad ah, ayna filayaan inuu xilka u guto si daacadnimo ku dheehan tahay.