Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka digay isku day muddo kororsi oo uu sheegay in dowladda federaalka ay waddo, kaasi oo wada-hadalladiisa ay ka socdaan Villa Somalia. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay facebook waxa uu ku yiri “Maalmahan Villa Somalia waxaa ka socda kulammo u dhexeeya afar nin oo muddo xileedkoodii dhammaad ku dhow yahay. Waxay isku sheegeen in ay muddo kororsi sameystaan, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinkuna u xalaaleeyo.” Cabdiraxmaan Cabdishakuur ma uusan magacabaain afarta nin, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inu yihiin madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyeyaasha labada Aqal. Cabdiraxmaan ayaa intaas ku daray “Madaxweynaha oo arrinkaan hormuud u ah ayaa la waydiiyey sidee muddo kororsi ku dhacayaa iyadoo ay gobolladii iyo xisbiyadii mucaaradka diidan yihiin. Wuxuu ku jawaabay hadii aan afateenaan iyo adeer Madeira isku raacno cid kale looma baahna.” Waxa uu qoraalkiisa kusoo geba-gebeeyey “Haddii dalkaan afar nin iyo adeerkood xukunka xoog ku qabsan karaan Ilmo Dahabo Toolmoon ayaa laga warsanayaa. Ee Soomaaliyey haddii afartaas nin Dastuur iyo doorasho diidaan sow la mid maaha ‘Juxihii laantii uu saarnaa jarayey’”. Cabsida laga qabo muddo kororsiga iyo digniinaheeda ayaa soo socday in ka badan sanad, waxaase hadda muuqata in wixii laga digayey ay dhab ku dhow yihiin, lana filayo in dhammaan muddooyinkii loo qabtay guddiyada doorashada ay ka dib dhacaan inay kusoo gudbiyaan qorshahooda doorashada dalka.
  2. Kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen guddiga joogtada ah ee golaha labada aqal ayaa waxa ay ku shaaciyeen xilliga rasmiga ah ee uu furmi doono kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya oo muddo fasax ku maqnaa. Guddigan ayaa dood dheer ka dib isku raacay in 06-06-2020 uu si toos ah u furmo kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka, waxaana meesha ka baxeysa hadalkii guddoomiyaha guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka qaranka ee ahaa inay baarlamaanka hortegi doonto 27-ka bishan. Marka uu furmayo kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka ayaa waxyaabaha ugu horeeyo ee uu qaban doono waxaa ka mid ah inay shacabka u cadeeyaan nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonta iyadoo horey loo magacaabay guddi isku dhaf ah kuwaas oo ka shaqeyn doono diyaarinta iyo dhameystirka xeerarka doorashooyinka. Xukuumadda hadda jirta ayaa sheegtay inay dalka ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah iyada oo ay xusid mudantahay in guud ahaan dalka aysan gacanta ku hayn dowladda federaalka ah, waxaana dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ay sheegeen inaysan macquul aahyn in waqtigan ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Imaaraadka oo si cadho leh uga fal-celiyey Gargaar ay Israel u sii mariyeen Falastiin oo la diiday Siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo dadka isticmaala baraha bulshadda ee Imaaraadka Carabta u dhashay ayaa si adag uga falceliyay diidmadii maamulka Falastiin ee kaalmo daawo ah oo uga timid Imaaraadka, taasi ay usoo marsiiyay Israel. Ra’iisul Wasaaraha Falastiin Mohammad Shtayyeh ayaa sheegay in Imaaraadka Carabtu uusan Falastiin kala shaqayn keenista daawada. Falastiiniyiinta ayaa Imaaraadka Carabta ku eedeeyay in ay hogaamineyso dadaalladda lagu hagaajinayo xiriirka u dhaxeeya Israel iyo Carabta. Muranka ka dhashay kaalmadda daawada ah waxaa uu sii kordhiyay xiisada u dhaxaysa Imaaraadka iyo Falastiin. Xiriirka u dhaxeeya labada waddan ayaa adkaa tan iyo markii Maxamed Dahlan oo laga eryay Falastiin uu u guuray Imaaraadka, sanadkii 2011. Maamulka Falastiiniyiintu waxay Dahlan xilligaas ku eedeeyeen musuq maaliyadeed iyo in uu ka shaqaynayo in xilka laga tuuro Maxamuud Cabbaas. Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Falasiiniyiinta ayaa u sheegay wargeyska The Jerusalem Post in dhacdada la xiriirta kaalmadda daawada ah loo nakhshadeeyay in lagu ceebeeyo Maxamuud Cabbaas iyo maamulka Falastiiniyiinta. Maalmihii lasoo dhaafay, muwaadiniin u dhashay Imaaraadka ayaa Twitter-ka u adegsaday in ay Maxamuud Cabbaas ku eedeeyaan in uu mas’uul ka ahaa diidmada kaalmadda dawada ah ee wadankoodu siiyay Falastiin. Waxay sidoo kale Wasiirka Caafimaadka ee Falastiin Mai al-Kaila si carro leh ugu eedeeyeen in uu Imaaraadka ku eedeynayo guuldaradiisa ah in daawada toos loogu wareejiyo Dowladda Falastiin. Hamad Al-Mazroui, oo ka mid ah dadka siyaasadda u dhaq-dhaaqa ee u dhashay Imaaraadka Carabta, ayaa aad u eedeeyay maamulka Falastiin, waxaana uu soo qaatay sawirka Maxamed Dahlaan oo uu hoos uga qoray “Madaxweynaha Falastiin.” Mohammed Al-Hammadi, oo ah saxafi iyo qoraa u dhashay Imaaraadka, ayaa ku qoslay hadal uu wasiirka Caafimadka Falastiin ku sheegay in kaalmadda daawada ah ee loo soo mariyay Israel ay tahay “madaxbanaanidii Falastiin oo laga tanaasulay.” Al-Hammadi waxaa uu tilmaamay in maamulka Falastiiniyiintu uusan diidi jirin kaalmadda Turkiga ee uu soo marin jiray Israel. Mahmoud Al-Sahlawi, oo ah khabiir dhaqaale kana soo jeeda Imaaraadka, ayaa Twitter-ka ku qoray “Kaalmadda waa la diiday sababtoo ah waxaa loogu talogalay caafimaadka waxayna faa’iidu ugu jirtaa bukaanka. Haddii ay diyaaraddu sidi lahayd dollar, Mr. Cabbas waa uu qaadan lahaa.” Majed al-Raeesi, oo taxliiliya siyaasadda sidoo kalena kasoo jeeda Imaaraadka, ayaa qoraal ku yiri “ kalmadda dawadu muhiim maahan. Hadii kaalamadu ay lacag ahaan lahayd lama celiyeen. Ilaaheey ha ka caawiyo falastiiniyiinta maamulka tuugada ah ee Falastiiniyiinta.” Al-Raeesi waxaa uu sheegay in maamulka Falastiin uu kaalmadda u diiday cadaadis uga yimid Qatar iyo Turkiga. Eyad Nasir, oo ah afayeenka Maxamuud Cabbaas, ayaa si adag u cambaareeyay ololaha Imaaraadku ku cambaareynayo Cabbaas iyo maamulka Falastiiniyiinta. “Ololahaan nacaybka ah waxaa uu muujinayaa in laga tegay anshaxii iyo dhaqankii,” ayuu yiri Nasr. Qaran News
  4. Waxaa goor magaalada Muqdisho uu kulan uga furmay guddiga joogtada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyadoo la filayo in kulankan ay ka soo bixi doonaan qodobo quseeya xildhibaanada golaha shacabka iyo kuwa aqalka sare. Kulankan ayaa waxaa goob jog ah islamarkaana shir guddoominaya guddoonka labada aqal waxaana kulanka uu ka furmay xaruntooda Villa Hargeysa. Ajendaha ugu weyn ee kulankan ayaa ah in go’aan laga soo saaro xilliga uu furmi doono kal fadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya xilli ay xusid mudantahay saameynta safmarka Coronavirus uu ku yeeshay dalka. Waxaa la filayay in 27-ka bishan ay baarlamaanka hortimaado guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliima yarey si ay u shaaciso nuuca doorasho ee uu dalka geli doono. Waxaan wali la caddeyn nuuca doorasho ee dalka ka qabsoomi doonta sanadka 2021. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Somaliland ayaa maanta shaacisay kiisas cusub oo Corona ah, kuwaas oo laga helay deegaanadeeda, iyadoo dad hor leh ay cudurka ugu geeriyoodeen maamulkaasi. War ka soo baxay wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in la baaray illaa 95 qof, balse laga helay 35 ruux oo ka mid ah dadkaasi. Dadka cudurka laga halay ayaa wasaaraddu waxa ay sheegtay inay kala joogaan magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Boorama, Burco, Laascanood iyo Allaybaday. Sidoo kale wasaaradda ayaa xaqiijiysay dhimashada hal qof oo haweeney ah, taas oo ku nooleyd gudaha magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi. Tirada guud ee dadka laga helay cudurka Coronavirus deegaanada Somaliland ayaa waxa ay mareysaa illaa 203 ruux, halka ay ka bogsadeen 19 kale. View the full article
  6. Kooxda Kata’ib Xizbullah oo iclaamisay howl-gallo laga fuliyo gudaha Sacuudiga Mas’uul sare oo ka tirsan maleeshiyaadka Kata’ib Xizbullah ee dalka Ciraaq ayaa ku baaqay in howlgallo jihaadi ah laga fuliyo Sacuudi Carabiya, isagoo sheegaya in weerarro Sacuudiga dhexdiisa ah keliya ay meesha ka saari karaan qoyska boqortooyadda ee reer Al-Sacuud iyo haraagooda, sida ay baahisay wakaaladda wararka Iran ee Fars. Kata’ib Xizbulalah waa maleeshiyo awooda badan oo sida militariga oo kale u tababaran, taasi oo ay taageerto Iran. Abu Cali Al-askari, oo ah afayeenka kooxda Kata’ib Xisbullah, ayaa hadalkaan ku baahiyay aaladda Telegram ka, isagoo weerarkii gantaalaha iyo drone ka ahaa ee lagu qaaday warshadaha Shidaalka Sacuudiga tusaale uga dhigay weerarada la doonayo in Sacuudiga lagu qaado. Sacuudiga aya weerarkaasi waxaa uu ku eedeeyay Iran, laakiin Iran waxay sheegtay in weerarka ay qaadeen Xuutiyiinta Yemen. Afayeenka kooxda Kata’ib Xizbullah ayaa Dowladda Ciraaq iyo kooxaha kale waxaa uu ugu baaqay in ay beegsadaan Maxamed bin Salmaan, waxaana uu qoyska boqortooyadda la bar-bar dhigay kooxda Daacish. Hadalkaani waxaa uu soo baxay kadib markii la dusiyay cod ay ku wada hadleen Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan Yusuf bin Alawi iyo hogaamiyihii hore ee Libya Mucamar Al-Qadafi kaasi oo bin Alawi uu Qadaafi ugu sheegayay in 40,000 oo qof oo u dhashay Sacuudiga ay ka howl galaan Ciraaq. Codkaan waxaa la sheegay in la duubay 10 sano ka hor. Sida uu baahiyay TV-ga Al-Carabiya, codka waxaa la duubay iyadoo ay Qadaafi iyo bin Alawi ay ka tashanayeen qorshe Sacuudiga loogu kala qaybinayo wadamo yar yar, islamarkaana ay ku qiyaaseen in doorkii qoyska boqortooyada uu dhamaaday. Codka waxaa la sheegay in ay baahiyeen mucaaradka Cumaan ee Dhofar oo ay suurtagal tahay in ay ka heleen Qatar oo isku dayeysa in ay wiiqdo xiriirka u dhexeeya Sacuudiga iyo Cumaan, sidaas waxaa Al-Carabiya u sheegay ilo-wareed aan la magacaabin oo jooga Khaliijka. Sabtigii, Dowladda Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday in safiirkeedii Ciraaq uu dib u shaqo bilaabayo sida ugu dhaqsiyaha badan, kadib kulan dhex maray Ra’iisul wasaare ku xigeenka Ciraaq, wasiirla maaliyadda, sii-hayaha wasiirka shidaalka iyo saraakiil ka socday Dowladda Sacuudiga. Qaran News
  7. Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jubbaland ayaa maanta shaacisay wakhtiga la galayo imtixaanaadka shahaadiga ah ee iskuulada maamulkaasi. Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay wakhtiga imtixanaadka dugsiyada sare iyo hoose, kaas oo ku beegnaa 6-da bisha June. Wasaaradda ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku shaacisay in imtixanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo kuwa hoose ee deegaanada Jubbaland la galayo 11/7/2020. View the full article
  8. TACSI MADAXWEYNE: 25/05/2020 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, gaar ahaan ciidanka Asluubta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee General Marxuum Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 25/05/2020, caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey mujaahid hawlkar ah oo qaranka tacab badan geliyey, aqoon dheeraadana u lahaa hab-maamulka ciidamada, kana mid ahaa saraakiishii qaybta weyn ka qaatay aas-aaska ciidanka qaranka Somaliland oo uu markii danbena ka soo qabtay xilal kala duwan, intaanu uga wareegin ciidanka booliska oo uu ka gaadhay taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland oo uu muddo dheer ahaa, balse sannadkii 2019kii ayaa mar kale loo bedelay taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland oo uu ilaa hadda ahaa. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ka dhiidhiyey kana dagaalamay xasuuqii Keligii taliyihii macagaga ahaa ee Siyaad Barre sideetamaadkii ku hayey shacbiga Somaliland oo uu ka talaabay isagoo ah gashaanle sare kuna biiray ciidankii SNM ee dhaliyey dib ula soo noqoshadii xornimada madax-bannaanida Somaliland. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Qaran News
  9. Hoyga Gudoomiye Maxamed Mursal waxaa ka socda shir u dhexeeya Gudoomiyaha Baarlamaanka, Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Gudoomiyaasha Gudiyada joogtada ah ee labada Aqal. Kulankaan oo [...] The post Gudoomiyayaasha Gudiyada Baarlamaanka iyo labada Goomiye Aqalka sare iyo Kanhoose oo shir uga socdo Villa Hargeysa appeared first on . Source
  10. Ciyaartooyda kooxda Melbourne ayaa ciyaar xiiso badan ku qaatay degmada taariiga ee Qardho ee maamulka Puntland,iyagoo sidoo kale howl lagu caawinayo dadka danyarta ka sameeyay isla magalaada waxaana booqashooda ka mahad celiyay maamulka iyo bahda ciyaaraha deegaanka Guddoomiyaha degmada Qardho Cabdisalaan ayaa u mahad celiyay maamulka iyo dhallinyarada kooxda melbourne oo marar badan halkaa u tagay is dhaxgal bulsho iyo ciyaaro saaxiibtinino Maamulka kooxda jaaliyada Soomaaliyeed ee melbourne ayaa iyagana la mahad celiyay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay maagalada waxayna intaa ku dareyn in hadafkooda u yahay in ay caawiyaan dhallinyarada iyo bahda ciyaaraha Qardho. Madaxda ciyaaraha maamulka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qurbajoogta kale ay ku daysadaan kooxda reer Australia ee Melbourne Si kastaba dhallinyarada iyo ciyaaryooyda deegaanada maamulka Puntland ayaa u mahad celiyay dhallinyarada qurbajoogta iyo kuwa ku sugaan deegaanada Puntland oo iminka ah kuwa isku dhaw sanad walba loo baahanyahay in la sii hormariyo arimaha horomarinta maamulka Puntland ayna ka sugayaan in ay casuumaan qurbajoogta kale. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulanki Dhexmaray Kooxda Qardho FC iyo Melbourne Source: goobjoog.com
  11. Dowlad goboleedka Jubbland ayaa shaaca ka qaadday xilliga rasmiga ah ee la qaadi doono imtixaanka fasalka 8-aad iyo kan dugsiga sare ee deegaannada maamulkaasi. Warqad ka soo baxday wasaaradda waxbarashada Jubbaland ayaa lagu sheegay in imtixaanka fasalka 8-aad ay ardeyda u fariisan doonaan 11-07-2020 halka ardeyda fasalka 12-aad ee dugsiga sare ay iyaguna imtixaankooda shahaadiga ah geli doonaan 04-07-2020. Wasaaradda ayaa horey u go’aamisay in imtixaanka fasallada 8-aad la qaadi doono 06-06-2020 balse wadatashi iyo qiimeyn dheer ayey wax ka badal ku sameeyeen waqtigas, iyaga oo sheegay in saameyn xanuunka COVID-19 ay wali tahay mid jirta. Soomaaliya ayaa waxaa si adag u saameeyay safmarka Coronavirus kaas oo saameyn ku yeeshay waxbarashada ardeyda Soomaaliyeed oo daruufo adag wax lagu baro. Halkan ka akhriso warqadda wasaaradda ay soo saartay Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen duqeymo diyaaradeed oo ay sheegeen in lala beegsaday xarumo ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Kuunya-Barow ee gobolka Sh/ Hoose, islamarkaana lagu dilay xubno uu ka mid yahay sarkaal magaciisa lagu soo koobay Abuu Mucaad. Sidoo kale saraakiishaan ayaa tilmaamay in duqeyn kale oo ka dhacday deegaanka Buula-Fulaay oo ka tirsan gobolka Baay lala beegsaday saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, xilli ay ku socdaalayeen duleedka deegaankaasi. Saraakiisha ayaa sidoo kale intaasi ku daray in isla xalay duqeyn saddexaad ay ka dhacday xarun ay Al-Shabaab ku leeyihiin degmada Jamaame iyo deegaanka Haway ee gobolka Jubbada Hoose, islamarkaana lala eegtay xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab. Inta badan taliska howlgalka Mareykanka ee Africom oo kaashanaya ciidamada dowladda ayaa waxa ay weeraro culus ka fuliyaan deegaano ka tirsan koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, kuwaas oo uu khasaare ka soo gaaro Al-Shabaab. View the full article
  13. Puntland Minister of Environment, Agriculture and Climate Change Ismail Diriye Gama-did, has died after contracting the novel coronavirus. Gama-did died on Monday at a hospital in Mogadishu days after he tested positive for COVID-19 in the town of Garowe, the administrative capital of Puntland. Puntland President Said Abdullahi Deni confirmed his death. Deni said the minister has been battling the virus in recent days in the capital Mogadishu. Puntland president also condoled the death of the minister and sent his heartfelt condolences to the family of the late minister, adding the minister will be remembered for his fine work. Gama-did and other Puntland officials including its minister of trade Abdullahi Abdi Hirsi contracted the virus in early May, but was later transferred to Mogadishu after his health condition worsened. Gama’did becomes the second regional state official to succumb to the disease. Last month, the justice minister of Somalia’s autonomous Hirshabelle state, Khalif Mumin Tohow, died of the disease at Martini hospital in Mogadishu. Puntland state has so far recorded 163 cases of the coronavirus, while the country’s total cases have now reached 1,594 and 61 deaths, according to Somalia’s Ministry of Health figures.
  14. Saameeynta COVID-19 ee Afrika oo ay dalalka qaaradda si dhaqso leh kaga jawaabeen dhibaatada Cudurkaan ayaa waxaa haatan lagu soo waramayaa in uu jiro hoos u dhac ku yimid tirada dadka uu covid-19 soo ritay halka in ka badan 2,500 oo qof ay cudurkani u dhinteen. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guteres ayaa ku baaqay in la xoojiyo qorshayaasha iyo howlaha hay’adaha caafimaadka, Sahayda Gargaarka, Kahortagga mashaakilaadka lacag la’aanta, Taageero Waxbarashada, Shaqo Abuurista, Wax kaqabashada ganacsiga sii sabeeynaya iyo in la dejiyo hoos u dhaca xaaladaha dhakhliga ka soo xaroon jiray waxyaabaha dibadaha loo dhoofiyo oo hoos u sii dhacay.” Mr. Guterres ayaa sheegay in Qaaradda Afrika ay u baahan tahay in ay ka hadasho burburka ku yimid dhaqaalaha iyo cawaaqibyada ay wajahayso bulshada kaasi oo ka yimid kadib markii uu shaac baxay coronavirus. Hadaba, si waxyaabahaasi loo suurrogeliyo waxaa loo baahan yahay in ka badan $200 bilyan oo doolar, in lagaga gudbo amaahda lacageed ee lagu leeyahay wadamada Afrikaanka ah taasi oo ah arin weli taagan. Dhaqaalaha Qaaradda Afrika ayaa sanadihii dhowaa ahaa mid si xoog leh u sii kordhaysay iyadoo uu jiray heshiis laga gaaray ganacsiga xorta ah ee qaaradda, waxaa sidoo kale Meesha ka baxay dalabaadka badeecadaha Afrika ee loo iibgeyn jiray dalalka dunida, Sidoo kale Dalxiiskii iyo xawaaladihii ganacsiga ayaa gebi ahaanba istaagay. Qaaradda Afrika ayaa wajahaysa xaalado halis ah oo laga cabsi qabo in cudurka halista ah ee Covid-19 uu gebi ahaanba baabi’iyo dhaqaalaha iyo horumarka tiro dad lagu qiyaasay malaayiin ruux ee ku kala nool dalalka saboolka ah ee Afrika islamarkaana malaayiin qof ay wajahaan saboolnimo xad dhaaf ah. Cudurka Caronavirus ayaa gaaray 89,000 xaaladood iyo 2,848 dhimasho, sida laga soo xigtay xarumaha xakameynta iyo la socodka cudurka ee loo soo gaabiyo (CDC). Haddii aanan la qaadan tallaabooyin ku filan kahortagga iyo xakameynta coronavirus waxaa suurtagal ah in 190,000 oo qof ay u dhintaan cudurka sanadka ugu horeeya ee uu cudurkan uu ku dhaco 26% iyadoo in lagu qiyaasay 1 bilyan oo Afrikaan ihi uu ku dhacayo cudurkan COVID-19, sida ay sheegtay hay’adda C/fimaadka Adduunka ee WHO. Dadyowga Qaaradda Afrika ayaa bilowgiiba dareemay xanuunka iyo jahawareerka uu cudurkan sababta uu unoqday sida shaqo la’aanta, cunno yarida iyo iyadoo caruur badan aysan helin talaalka iyo cunnadii ay ka heli jireen iskuulada maadaama gebi ahaanba la xiray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Mas’uuliyiinta dalalka urur goboleedka IGAD oo ka walaacsan dhibaatooyinka uu Ayaxa ku hayo dalagyada beeraha ee wadamadaasi ayaa ku baaqay in la sii laba-laabo dadaallada lagula dagalamayo dhibaatooyinka uu Ayaxu xilligan geysanayo. Arrintan ayaa imaaneysa xilli kumanaan beeraley ah ay isku diyaarinayaan inay beertaan dalagyada beerahooda, kuwaas oo ka tirsan ururka IGAD. Ayaxa ayaa dhibaato weyn ku haya dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, halkaas oo mowjado Ayax ah ay ku habsadeen, ayagoo u geystay waxyeello xooggan. View the full article
  16. Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Xidig, oo ka mid ah siyaasiyiinta is-beddel doonka Jubaland ee la heshiiyey Axmed Madoobe, ayaa sheegay inay furi doonaan gal dacwadeed ka dhan ah wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira. Cabdirashiid Xiddig ayaa sheegay in Madeira uu khudbaddii uu ka jeediyey shirkii Golaha Ammaanka ee Arrimaha Soomaaliya uu ugu gafay beel Soomaaliyeed. Madeira, oo sidoo kale ah madaxa howl-galka Amisom, ayaa heshiiskii uu Axmed Madoobe la gaaray qaar ka mid ah xubnihii kasoo horjeeday ku qeexay “heshiis hoosaad qabiil.” “Jublanad, waxaan la soconnaa in isbeddelo ay ka jireen dhowaan, ayada oo hogaamiyaha Jubaland iyo xubnaha mucaaradka beesha Ogaadeen ay gaareen heshiis la isku aqoonsaday waxna lagu wada wadaagay,” ayuu Madeira ku yiri hadalkii uu ka jeediyey kulankii Golaha Ammaanka ee Arrimaha Soomaaliya. Cabdirashiid Xidig ayaa dhanka kale ugu baaqay dowladda Federaalka inay dalka ka saarto Wakiilka Midowga Afrika, isaga oo ku eedeeyey inuu Arrimaha gudaha ee Soomaaliya uu faragalin ku hayo. Axmed Madoobe ayaa 23-kii April waxa uu Nairobi ku heshiiyey Cabdinaasir Seeraar Maax, Cabdirashiid Xidig iyo Daahir Axmed Sheekh oo dhammaantood ay isku beel yihiin, kuwaas oo u aqoonsaday madaxweynaha Jubaland, kana haray sheegashadoodii xilkaas. Xisbiyada mucaaradka Soomaaliya ayaa horey ugu eedeeyey Madeira inuu ku milmay siyaasadda gudaha Soomaaliya, isaga raali ka noqday in dowladda federaalka ay adeegsato ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn Amisom. “Xadgudubyada la iska indho-tiray ay ciidamada Itoobiya ku hayaan madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya waxaa qeyb ahaan mas’uul ka ah guul-darrada wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira, kaasi oo laga rabay inuu xaqiijiyo in sumcadda Amisom aysan waxyeeleyn damac juqraafi siyaasadeed ee xubin ka mid ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xisbiyada mucaaradka, 21-kii May.
  17. Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday wasiirkii deegaanka, beeraha iyo is-bedelka cimilada Puntland, Marxuum Ismaaciil Diiriye (Gama’diid) oo maalmahaan la xanuunsanaa cudurka faafa ee Coronavirus. Geerida ku timid wasiir Gama’diid ayaa waxaa xaqiijiyey qaar ka mid ah Ehelladiisa iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland. Marxuumka ayaa ku dhintay xarun caafimaad oo lagula tacaalayey xaaladdiisa caafimaad, kadib markii dhowaan laga soo qaaday magaalada Garoowe. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Maxamed Deni oo ku hadlayey magaca xukuumadda iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida wasiirkii deegaanka, beeraha iyo is-bedelka cimilada Puntland, Marxuum Ismaaciil Diiriye (Gama’diid), wuxuuna Alle uga baryey marxuumka inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Gama’diid uu ka mid ahaa aqoonyahanada Puntland, islamarkaana uu shaqo wanaagsan u hayey dalka iyo dadka. Dhiniciisa Madaxweynaha ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa tacsi u diray Ehellada marxuumka iyo shacabka maamulkaasi. “Waxaan uga tacsiyaynayaa guud ahaan shacabka Puntland gaar ahaan qoyskii iyo iyo eheladii uu ka geeriday Marxuum Ismaaciil Diiriye Gama’diid wasiirkii deegaanka iyo isbedelka cimilada.” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Axmed Karaash. Puntland ayaa ka mid ah deegaanada uu sida daran u saameeyey cudurka safmarka ah ee Coronavirus, kaas oo haatan fara ba’an ku haya guud ahaan Soomaaliya. View the full article
  18. Waxaa maanta xabsiga dhexe ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan laga sii daayey qaar ka mid ah maxaabiistii ku xirnaa xabsigaasi, kadib markii uu cafis u fiyey Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare. Maxaabiista la sii daayey ayaa tiro ahaan waxa ay gaarayaan illaa 10 maxbuus, kuwaas oo ku eedeysnaa dambiyo fudud. Halkaan hoose ka akhriso magacyadooda + Sawirro. 1: Yaxye Cabduqaadir Faarax 2: Caasho Cadaawe Iiroon 3: Maxamed Axmadeey Iimaan 4: Yaasiin Yoonis Suufow 5: Yuusuf Maxamed Yuusuf 6: Cabdi Shakuur Maxamed Xuseen 7: Xasan Maxamed Axmed 8: Cumar Xuseen Cabdullaahi 9: Maxamed Shiil Maxamed 10: Cismaan Maxamed Maxamuud. View the full article
  19. Ciidamada milatariga Soomaaliya ee ku sugan degmada Awdheegle ee gobolka Sh/Hoose ayaa waxaa lagu soo warramayaa in maanta rasaas xoogan ay ku fureen gaari rakaab ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah, kaas oo marayey degmadaasi. Gaariga la rasaaseeyey ayaa ka baxay dhinaca degmada Afgooye, wuxuuna ku sii jeeday deegaano kale oo ka tirsan isla gobolka Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in rasaasta ay fureen ciidamada dowladda uu ku dhintay hal qof oo ahaa darawalkii gaariga oo magaciisa lagu sheegay Xasan Maxamed Cali. Sidoo kale Xidig Maxamed Cali ayaa Shabelle u sheegay in marxuumka oo ahaa walaalkiis ay si bareer ah u toogteen ciidamada milatariga, sida uu hadalka u dhigay. Xidig ayaa sidoo kale ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay cadaaladda hor keento askartii ka dambeysay falkaasi. Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka degmada Awdheegle oo ku aadan dhacdadaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/vv.mp3 View the full article
  20. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-250520.mp3 View the full article
  21. GAROWE (HOL) - Relations between Puntland President Abdullahi Deni and his Deputy Ahmed Elmi Karaash Sunday went further south after Karaash went public accusing his boss of insubordination and failure to consult on management of the state. Source: Hiiraan Online
  22. LONDON (LONDON) - Former Somali basketball player Hassan Farah has died in London after a long illness, the family has said but denied claims he died of COVID-19. Source: Hiiraan Online
  23. Baghdad (Caasimada Online) – Mas’uul sare oo ka tirsan maleeshiyaadka Kata’ib Xizbullah ee dalka Ciraaq ayaa ku baaqay in howlgallo jihaadi ah laga fuliyo Sacuudi Carabiya, isagoo sheegaya in weerarro Sacuudiga dhexdiisa ah keliya ay meesha ka saari karaan qoyska boqortooyadda ee reer Al-Sacuud iyo haraagooda, sida ay baahisay wakaaladda wararka Iran ee Fars. Kata’ib Xizbulalah waa maleeshiyo awooda badan oo sida militariga oo kale u tababaran, taasi oo ay taageerto Iran. Abu Cali Al-askari, oo ah afayeenka kooxda Kata’ib Xisbullah, ayaa hadalkaan ku baahiyay aaladda Telegram ka, isagoo weerarkii gantaalaha iyo drone ka ahaa ee lagu qaaday warshadaha Shidaalka Sacuudiga tusaale uga dhigay weerarada la doonayo in Sacuudiga lagu qaado. Sacuudiga aya weerarkaasi waxaa uu ku eedeeyay Iran, laakiin Iran waxay sheegtay in weerarka ay qaadeen Xuutiyiinta Yemen. Afayeenka kooxda Kata’ib Xizbullah ayaa Dowladda Ciraaq iyo kooxaha kale waxaa uu ugu baaqay in ay beegsadaan Maxamed bin Salmaan, waxaana uu qoyska boqortooyadda la bar-bar dhigay kooxda Daacish. Hadalkaani waxaa uu soo baxay kadib markii la dusiyay cod ay ku wada hadleen Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan Yusuf bin Alawi iyo hogaamiyihii hore ee Libya Mucamar Al-Qadafi kaasi oo bin Alawi uu Qadaafi ugu sheegayay in 40,000 oo qof oo u dhashay Sacuudiga ay ka howl galaan Ciraaq. Codkaan waxaa la sheegay in la duubay 10 sano ka hor. Sida uu baahiyay TV-ga Al-Carabiya, codka waxaa la duubay iyadoo ay Qadaafi iyo bin Alawi ay ka tashanayeen qorshe Sacuudiga loogu kala qaybinayo wadamo yar yar, islamarkaana ay ku qiyaaseen in doorkii qoyska boqortooyada uu dhamaaday. Codka waxaa la sheegay in ay baahiyeen mucaaradka Cumaan ee Dhofar oo ay suurtagal tahay in ay ka heleen Qatar oo isku dayeysa in ay wiiqdo xiriirka u dhexeeya Sacuudiga iyo Cumaan, sidaas waxaa Al-Carabiya u sheegay ilo-wareed aan la magacaabin oo jooga Khaliijka. Sabtigii, Dowladda Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday in safiirkeedii Ciraaq uu dib u shaqo bilaabayo sida ugu dhaqsiyaha badan, kadib kulan dhex maray Ra’iisul wasaare ku xigeenka Ciraaq, wasiirla maaliyadda, sii-hayaha wasiirka shidaalka iyo saraakiil ka socday Dowladda Sacuudiga.
  24. More than 1,000 Russian and Syrian mercenaries in Libya have pulled back from the front lines after a Turkish military intervention helped block an assault on the capital. Source: Hiiraan Online